Xuquuqul Insaan

Waa maanso uu abwaanku kaga faaloonayo waxaa loo yaqaan xuquuqul insaanka, waxaa uuna aad iyo aad ugu fogaanayaa in xaquuqda insaanka uusan ahayn sida ay u arkaan Reer Galbeedka iyo wixii ka soo horjeeda diinta islaamka, gaar ahaana waxaa uu hoos ka xariiqayaa oo uu si dheer ugu dhawaaqayaa abwaanka, in reer galbeedka haatinaya xaquuqul insaanka ay iyaga qudhoodu ku xad gudbaan xaquuqdaa ay sheegayaan, sababta ku bixisey gabaygaanna waa inuu abwaanka muujiyo in arragtidiisa ay ka duwan tahay aragtiyada reer galbeedka iyo qolooyinka raacsan jidkooda.

Xaruumahay ku magacaabayaan xuquuqul insaanka
Iyo kuwa la xayd xaydanoo la xusul duubaaya
Xaqii khaaliqii uunteybay xaqiijin waayeene
Xurmana uma hayaan diinta waa la xarbinaayaane
Wixii gaalku xiiseynayey xaq u yaqaaniine
Xarka dabinta shaydaanka oo xuquuqul insaanka
Waa xertii Baadariga Kirishtankoo xugunka Daaquudka
Xuduudii nabigu oogi jiray xaq uma haystaane Daaquudka
Xalna uma arkaan diinta waa la xarbiyayaane
Wixii gaalku xiiseynayey xaq u yaqaaniine
Xayada iyo iimaankibey ku xadgudbaayaane
Xisi iyo sharciba diinta waa ku xurmo beeleene
Xashriga iyo naartiyo jannadii maba xasuustaane
Xanuunkii qabriga garan mayaan xaarwalwaaladuye.
Cilmaaniga xaq diidkaaye jecel xugunka Daaquudka
Xadiiskiyo Quraankana kahsada kuna xajiimooda.
Asagiyo xertiisaba afkaan ku xajineynaaye
Waa xuunshadii xalwada diidayoo xaarka faganeysay;
Ma Salmaan Rushdaan ka xiganaa xuquuqul insaanka
Mise diin ilaahay xifdiyey lana xanaaneeyey;
Inta haatan la xusuusan yahay xarafka taariikhda
Xadgudubkii Fircoon baa u wayn xugunka Daaquudka
Xarfaddiisi waxaa soo ergadey xaruma shaydaanka
Tabeelahana waxay ku xardhayaan xuquuqul insaanka.
Waxay noo xayeysiinayaan xugunki daaquudka
Xalna uma arkaan diinta waa la xarbinaayaane
Maxaa xuubka caarada nabadey xaqana noo diidey
Ma xooleynu nahay maa dulmigan laga xajiimoodo
Xaq iyo baadil keebaa xurma leh waa xujiyo yaabe.
Ma gumeyste xoogeystaybaa xuquuqul insaanle’?
Xaruntoodi Niiyoor miyaa xuquuqulinsaan le’?
Xuunshooyinka hor tuban miyaa xuquuqul insaan le’?
Xerta baadariga weyn miyaa xuquuqul insaanle’?
Ma Yahuudka na xasuuqayaa xuquuqul insaan le’?
Xaaraamiga u wayn miyaa xuquuqul insaan le’?
Ma Ameerikaan xoogsadaa xuquuqul insaan le’?
Yuruboo ka daba xugan miyaa xuquuqul insaan le’?
Isbahaysi xoogsadey miyaa xuquuqul insaan le’?
Xaaraami Shuuciya miyaa xuquuqul insaan le’?
Anaa xoog lehe iraac miyaa xuquuqul insaanku?
Waxba waxay ka xun yiin miyaa xuquuqul insaanku?
Caruuraha fara xumee miyaa xuquuqul insaanku?
Naftu waxay xamili karin miyaa xuquuqul insaanku?
Xaaraan ku noolow miyaa xuquuqul insaanku?
Ilaahay ha ka xishoon miyaa xuquuqul insaanku?
Ma Rasuulkii ka xanaajibaa xuquuqul insaanku?
Xijran Maxjuuran gaaladu waxay xaq u yaqaaniine
Xasbuna laahu dhaha lama cuskado xibin kaneecaade;
Xabaala tuuga iyo waxays la mida xugunka daaquudka;
Labaduba wax xaaraan ah bey xaq u yaqaaniine
Xeerbay rabaan Munasalkay la xarbinaayaane
Xunbadey cuskanayaan intay xaqa ka bayraane
Xabiibkayagi Nebi Muxamad bay la xintamaayaane
Haddii diinta xeer lagu bedelo kama xumaadaanc
Xubbi iyo kalgacal uma qabaan xugunka diineede
Wixii gaalku xiiseynayey xaqu yaqaaniine
Isbahaysi xaaraanka iyo xulafo shaydaanku
Xoogiisa nimaaney uga baqin kama xishoodaane
Xayana ma le Cilmaanigu haddaan xanaf la taabsiine
Dad xaaraan xalaaleynayoo xaqa ku biirooda
Markay noo xayeysiinayaan xugunka Daaquudka
Xayul Qayuum kitaabkuu dajana naloo xumeynaayo
Ma xoolaynu nahay sow dulmiga kama xajiimoono
Xuquuqul insaan waxa yaqaan xugun iiaahaye
Annagoo diin xaniifahoo dahiran xabiibkii noo keenay
Xufaadiina noo joogto oo xabadku noo buuxo
Maxaa xeerka gaaladu dejidey nagu xanbaaraaya
Ma xooleynunahay sow dulmiga kama xajiimoono
Xeer qaado xaqa diid miyaa xuququl insaanku?
Ma diintaada xaqiroo nacbaa xuquuqul insaanku?
Waxay gaalo xeeriday miyaa xuquuqul insaanku?
Gabdhaha nolosha ku xabaal miyaa xuquuqul insaanku?
Dumarka yaan la kala xigin miyaa xuquuqul insaanku?
Xijaabkana ha laga dhigo miyaa xuquuqul insaanku?
Xeer qaado xaqdiid miyaa xuququl insaanku?
Raga xaas ha laga dhigo miyaa xuquuqul insaanku?
Ximnaha tuur xameeti cun miyaa xuquuqul insaanku?
Xalwada diide xaar fago miyaa xuquuqul insaanku?
Xerta Baadariga noqo miyaa xuquuqul insaanku?
Ma xoogaa nacfiya ugu xilaa xuquuqul insaanku?
Xaqa baadil ku xariiri miyaa xuquuqul insaanku?
Kuwii xasuuqay Boosniya miyaa xuquuqul insaan le’?
Kuwii xabaaley Jeejniya miyaa xuquuqul insaan le’?
Kuwii xaaqay Falastiin miyaa xuquuqul insaan le’?
Kuwii xabashi noo dhiibey miyaa xuquuqul insaan le’?
Xulufadii Afgaan laysay miyaa xuquuqul insaan le’?
Ma Hinduugii Kaashmiir xirtaa xuquuqul insaan le’?
Ma kuwii Ciraaq ku xadgudbaa xuquuqul insaan le’
Xilful muntasir ku xirnow miyaa xuquuqul insaanku?
Xoogayga igu raac miyaa xuququl insaanku?
Xaq hadday rabaan aan dulmiga lagu xurmayneynin
Maxay diinta uga xigan la’yiin xuquuqul insaanka!

SHIRIB:
Xunbo cuskoo xirigu mood, xameeti cune xubno diid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *