Cutubka 10aad

Carsaanyo markii uu quraacda soo cunay ayuu gurigiisa ka soo baxay, si uu ugu tago saaxiibkiis Qasaaye oo ay labadii maalmood ee ugu dambeeyay is- moogaayeen. Isagoo aan iridda gurigiisa dhaafin ayuu arkay dad badan oo buuxa guri aan ka fogeyn gurigiisa. Dadku waxay ku tuursanaayeen wax dhulka yaallay, qaarkoodna iyagoo ashahaadanaya ayay ka soo ordayeen meesha la buuxo.

Carsaanyo dhinacii dadka ayuu aaday, si uu bal u ogaado waxa la dul dhooban yahay, qofba mar sidii uu isaga riixayay oo uu cariiriga isugu soo maqiiqayay ayuu ugu dambayntii soo dul-joogsaday wixii la dul dhoobnaa. Markii uu sidaas u eegay ayaa uu arkay naxdin weyn ku abuureen, dabadeedna gadaal uga soo booday.

Wuxuu ka soo tallaabsaday dad dhulka jiifa, oo markii ay muuqaalka meesha yaalla arkeen is-heyn kari waayay oo suuxsan. Nafsad ahaantiisa, isagoo hunqaaco isdaba joog ah isku xijinaya ayuu meeshii ka soo tegay, wuxuuna wejiga soo aaddiyay guriga saaxiibkiis Qasaaye.

Dhabbaha intii uu ku soo jiray qeybta xusuusta iyo maskaxdiisa waxay ku soo cel- celineysay naxdintii uu soo arkay, inuu miyir daboolmo wax yar buu u soo jirsaday. Isagoo argagaxsan ayuu soo gaaray gurigii saaxiibkiis, markii uu albaabkii garaacayna waxaa ka furtay gabar yar oo uu saaxiibkiis Qasaaye dhalay.

Gudaha markii uu u galay guriga ayuu gabadhii yarayd oo garaneysay inuu Carsaanyo adeerkeed yahay waydiiyay, “aabbahaa Qasaaye ma joogaa?” Gabadhii waxay farta ugu fiiqday qol gudaha ah oo uu Qasaaye ku jiray. Intii ay isaga iyo gabadha isla hadlaayeen ayuu Qasaaye aqoonsaday codka uu maqlayo inuu yahay saaxiibkiis Carsaanyo.

“Carsaanyo soo dhaaf, codkaaga baanba gartaye,” ayuu qolka ka soo dhex yiri Qasaaye.

“Maxaa guriga kugu haya Qasaayow, anigu guri maba fadhin karo oo anigoo dibedda u soo baxay baanba is-arkaaye,” ayuu Carsaanyo yiri isagoo gudaha u sii gelaya qolkii uu saaxiibkiis uga dhex baaqay.

Qasaaye wuxuu u sheegay inuu ku qasban yahay guri joogista, waayo gabadha yar ee uu dhalay ayuu guriga ku hayaa, maadaama ay islaantiisa suuqa u shaqa tagto si ay noolol-maalmeedka ugu soo dhiciso. Carsaanyo isagoo og sababtaas darteed inuu gurijoog u noqday saaxiibkiis ayuu si xaqiijin ah u yiri, “Ilaah ka sokow, dumarka ayaa beryahan inoo wada maqan.”

Carsaanyo oo galaas biyo ah oo ay gabadhii yareyd u keentay cabbaya ayaa yiri “Qasaayow haddaad ogaan lahayd maanta waxaan soo arkay!!!” Qasaaye oo gartay inuu saaxiibkiis si u argagaxsan yahay maanta, oo uu xitaa hadalka isku dar-darayo ayaa ugu jawaabay, “maanta wayba kaa muuqataa inaad soo aragtay wax aan fiicneyn, ee bal warka i sii.”

Carsaanyo wuxuu saaxiibkiis u sheegay inay muddo 20 sano ah ku soo dhex jireen dagaallo nooc walbo leh, wax kastoo laga cabsadana ay soo mareen, laakiin ay u dhinneyd tan uu maanta soo arkay oo uusan weligiis ku fikirin. Wuxuu u sheegay saaxibkiis in uu soo arkay madaxyo dad oo jirka intiisa kale laga soo jaray, oo sidii qashinkii loogu soo qubay meel barxad ah oo guri deriskiisa ah ku ag-taalla.

Qasaaye ayaa markiiba la soo booday, “waxaas waan maqlay oo been baan u heystaye, ma adigaaba dhaayahaaga ku soo arkay?” Carsaanyo intuu fadhiga ka istaagay ayuu cod dheer ku yiri, “maxaa been ah? Anigaaba indhaheyga ku soo arkaye, oo naxdintii aan ka soo qaaday la suuxi gaaraye, weliba waxaan soo xaqiiiyay inay ahaayeen dad la yaqaanno, oo ahaa shaqaale dib u dhis ku sameynaayay guryo iyo xarumo badan oo deegaanka ku yaalla oo la dayac-tiraayay.”

Qasaaye intuu saaxiibkiis fariisiyay ayuu u sheegay in kooxahaan ay wax kasta ka suuroobaan, oo hadda ka horba ay ogaayeen inay qaraxyo kala duwan la beegsadeen haween badan oo dhowr jid oo deegaanka ah hawl nadaafadeed ka hayay.

“Annagaa yaab aragnay, arrintu gar iyo shaarbo iyo dhar la xirto way ka tagtay, oo haddana kooxahani yaan la shaqeysan bayba soo rogeen,” ayuu yiri Qasaaye. Carsaanyo oo dhidid iska tir-tiraaya ayuu ugu warceliyay saaxiibkiis, “Qasaayow waaba sidaas oo waxaa maalmahaan soo badatay baqdinta shacabka, ragguna guryaha kama soo baxo cabsi ay ka qabaan in jidka ay ku qabsadaan kooxahaas darteed.”

“Adigu dad waaweyn baabad ka hadleysaa!” intuu yiri Qasaaye ayuu saaxiibkiis uga sheekeeyay sheeko la yaab leh oo habeen saddexaad gurigiisa ka dhacday, taasoo ahayd in gabadhiisa yar ay caanaha diidday oo hooyadeedna ay ka quusatay wax kastoo ay ku sameysay, sasabaad iyo indho-gaduudis labadaba in lagu kari waayay, oo markii dambena lagu yiri, “haddaad caanaha cabbi waydo waxaan kugu yeerayaa kooxda dad qalatada ah ee hadda diinta ku andacoota,” ayay islaantu ku cabsiisay gabadhii.

Yariistii intay oysay ayay ku calaacashay inaan kooxdaas loogu yeerine ay diyaar u tahay in ay caanaha si nabadgelyo ah ku cabto.

Carsaanyo intuu qisadaas ka yaabay ayuu madaxa ruxay isagoo ku cel-celinaya “maantana ma heerkaas baynu joognaa”, wuxuu qaadan la’yahay bahalnimada kooxdan heerka ay gaartay, oo xataa carruurtii yar-yareyd in lagu seexiyo, caanahana lagu siiyo ayay marayaan, “war ninyahow kuwaan Ilaahay ha inaga qabto, wax kale oo aan sameyno garan meynee,” ayuu yiri Carsaanyo.

Intaas kaddib, ayay dhowr kaftan isa sii dhaafsadeen, waxayna si calool fiyoobi ah isugu sheegeen inay yihiin dad dulman oo u ciishoon kooxahan. Qasaaye wuxuu saaxiibkiis niyadda ugu dhisay in maalin maalmaha ka mid ah laga adkaan doono kooxahan, oo la arki doono iyagoo jidadka lagu tuuryeynayo, oo laga saarayo meel kasta.

Carsaanyo rajada uu saaxiibkiis geliyay intuu ku farxay ayuu u sheegay in haddii ay taasi dhici lahayd la yaabi lahaa midda uu dhigo. Kaftankii iyo sheekadii saacadda iyo barka u socotay intay soo afjareen ayuu Carsaanyo sheegay inuu sii baxayo.

Qasaaye wuxuu kula dardaarmay Carsaanyo inuu taxaddaro, maadaama uu yahay nin shaqeeya, maadaama hadda ay billaabatay dadka shaqeeya in qoorta laga gooyo oo si arxan darro ah loo dilo. “Maya…maya…taas ma dhaceyso, waan shaqeeyaaba la igama maqlaayo,” intuu yiri Carsaanyo ayuu macasalaameeyay saaxiibkiis, waxayna is xusuusiyeen tacsida jimcaha ee guriga Faadumo, sidaas ayayna ku kala tageen.

Xilli ay tahay 8-dii subaxnimo oo maalin Jimco ah ayaa Abuu Seef iyo saraakiil kale oo xeradooda tababar ugu wada ciidamo ay dhowr bilood leylinayeen, ayaa waxaa soo booqday Abuu Colaad. Inkastoo ay ahayd maalinnimo Jimco ah, haddana xilligaas hore loogama baran Abuu Colaad inuu soo booqdo xerada.

Abuu Seef markii uu arkay Abuu Colaad oo ku soo dhow ayuu ciidamadii ku wargeliyay inay madaxdiisii timid, kaddibna intuu ka soo dhex baxay, ayuu u sheegay inuu deg-deg ugu soo noqon doono, iyagana ay sii quraacdaan, oo marka ay quraacda ka soo laabtaanna ay hawshooda sii wataan. Dardaarankaas kooban kaddib, dhanka Abuu Colaad ayuu u jeestay oo uu salaantii caadiga ahayd ku boobay, isagoo gacantiisa midig saacad ku xirneyd tilmaamayana wuxuu u sheegay inuu saakay soo kallahay.

Dhammaan dadka ku kooxda ah Abuu Seef, waxay saacadaha ku xirtaan gacanta midig, taasoo muujineysa heerka ay ka gaareen khilaafka, waxayse ku doodaan wax kastoo wanaagsan in loogu talogalay gacanta midig.

Abuu Colaad uma muuqan inuu jawaab ka bixiyo sababta uu u soo kallahay. Intuu ciidamadii quraacda loo kala diray indhaha la raacay, ayuu isagoo dhoolla-caddeynaya yiri, “bal eeg! ad-adeyga ka muuqda ciidamadeenna, 20 jirro baad mooddaa, yaa is- oranaya kuwaan baa 14-jirro ah?”

Abuu Seef aad bay u farxad gelisay ammaantaas, waayo shaqo wanaaggiisa ayaa la tilmaamay. Intuu “maashaa Allaah” labo jeer ku cel-celiyay ayuu Abuu Colaad ku yiri “bal horta geedkaas harka wanaagsan lihi ina fariisi, goor kheyr qabta baabad noo timide”.

Markii ay sii fariisanayeen ayuu Abuu Colaad ugu horreyn waydiiyay guulaha ay ka gaareen dagaalladii ay dhowaan la galeen qolooyinka ka soo horjeeda. “Bal war fiican ii sheeg! deegaanno badan maka soo xoreyseen murtidiinta?” ayuu Abuu Colaad su’aashii koowaad u doortay.

Abuu Seef ma uusan ka been sheegi karin su’aashaasi jawaabteeda, waayo, wuxuu aaminsanaa in horumar kasta oo ay sameeyaan ciidamada ay Abuu Colaad iyo madaxda kaleba la socdaan. Wuxuu kaloo ogsoonaa inuu Abuu Colaad saakay waqti hore ugu yimid ujeeddo gaar ah. Rabashadihii iyo dagaalladii maalmihii la soo dhaafay ay sameeyeen meel kasta waa laga ogyahay in lagu soo jebiyay.

Abuu Seef isagoo hoos eegaya buu si qabow u yiri, “wax aan soo xoreynay daayoo, deegaannadeennii baaba la inoogu yimid Sheekhow,” intuu calaacalaha labadiisa gacmood ged-gediyay oo uu marba jiho u tag-taagay, ayuu si uu niyad-jab ka muuqdo u yiri, “u maleyn maayo in arrimaheennu sii socon doonaan!!!” Abuu Colaad ma uusan sugin inta uu hadalkiisa ka dhammeysto, durbadiiba wuxuu la soo booday, su’aalo uu ku imtixaamayo Abuu Seef.

“Maxaad ku hadleysaa? Xaggee baa nagala helay? Sidee bey wax u jiraan?” Ayuu si kulul u yiri Abuu Colaad.

Abuu Seef su’aal kasta iyo warbixin kasta oo laga doonayay si deggenaan ah buu ugu sheegay madaxdiisa. Abuu Colaad waxa keliya ee uu qaadan kari waayay waa markii uu Abuu Seef u sheegay in Macallin Duufiye uu baxsaday, oo uu u wareegay dhinaca murtadiinta.

Abuu Colaad aad buu u carooday, wuxuuna ku canaantay Abuu Seef in ay arrinta noocaas oo kale ah dhacdo, wuxuu ku adkeeyay in taas oo kale aysan mar dambe dhicin. “Nin annaga mar na soo raacay inuu baxsado, oo uu weliba dhinac kale ka soo jeesto, waa daciifnimo dhankeenna ah, wax la qaadan karayana ma aha,” ayuu ku xoojiyay hadalkiisa, wuxuuna si xusuusin ah u raaciyay inuu horay uga digay arrimahaas oo kale, oo uuna amar hore ku bixiyay in la khaarijiyo ruuxii looga shakiyo inuu dhanka kale damac uga jiro ama ku fekeraya inuu baxsado.

Abuu Seef wuu ka yara naxay hadalkaasi dambe isaga oo aan weli eray afkiisa ka soo yeerin, ayaa Abuu Colaad oo dareensan in hanjabaaddiisu ay si fiican u taabatay Abu Seef wuxuu niyadda ugu dhisay in wax kasta ay guul ugu dhammaan doonaan haddii ay si wanaagsan u wada shaqeeyaan. “Waqti yar baa guusha inooga haray, ee aan adkeysanno… Wabillahi Towfiiq”. Ayuu hadalkii ugu soo gunaanaday, intuu dusha ka sii dharbaaxay ayuu waddaduu ku yimid dib ugu sii carraabay.

Abuu Seef indhahiisa kama uusan weecin sii jeedka Abu Colaad ilaa uu gaaro meel uu uga muuqan waayo. Si aad ah ayey maskaxdiisa u buuqsaneyd, xal kasta uu ku fekerana ma uusan awoodin in uu ku dhaqaaqo, waayo waxaa weli dhegahiisa ka dhex guuxayey hanjabaadihii Abuu Colaad. Qaddar yar markii uu bartiisii taagnaa ayaa talo ku soo dhacday. Meesha keliya ee uu ku nasin karo maskaxdiisuna ku degi karto ayaa waxay aheyd habeenka uu u hoydo guriga min-yaradiisa, waayo iyada ayuu ugu jeclaa xaasaskiisa oo uu hoyashada u badsan jiray. Durbadiiba jihada gurigaas ayuu u soo dhaqaaqiyey.

Intii uu jidka soo socday ayuu keligiis is xasuusinayey marxaladda uu ku sugan yahay, iyo sida ay ugu adag tahay inuu uga dabbaasho. Dhowr mar ayuu jidka istaagay intii uu soo socday isagoo isla hadlaya. “Maanta ayey arrini i heysataa! Gacan ku dhiigle bay iga dhigeen. Meel aan ku baxsado la arki maayo oo goob kasta magaceygaa lagu hayaa. Yaaba yaqaan oo arka Abu Colaad iyo ragga ku darajada ah. Waa aniga ninka ay danahooda ku fushadeen. Haddii ay talo xumaato, shicibka ayaaban i nabadgelineyn oo carruur aan ka marin-habaabinay iyo kuwo dhiiggooda noola heysto bay isugu jiraan. Meel aan uga noqdana ma laha, waa wareer! Wallahi waa wareer!” ayuu Abuu Seef ku shallaynaayey markii uu arkay in uu soo gaaray guriga xaaskiisii yarayd.

Caasho ayaa sidii ay ballantu aheyd waxay subaxnimadii Jimcaha u soo kallahday guriga Faadumo, si ay uga caawinto hawlaha tacsiyeed ee maalintaas u yaallay. Waxay labadooduba isaga mid ahaayeen iyagoo ay dhowaan ilmahoodu ku naf-waayeen dagaalladii lagu marin-habaabiyey in ay qeyb ka geystaan. Midba midda kale way u aqoonsaneyd dareenka ay qabto, taas ayaana ugu wacnayd in ay si fiican isugu soo dhowaadaan.

Markii ay guriga Faadumo tagtayba marti iskama dhigine, intay dharkii ay ugu talogashay shaqada xiratay ayey dhinaceeda ka billowday hawlihii looga baahnaa. Hawshu ma aheyn mid sidaas u badan, waayo dagaallada aawadood dad badani kuma sugneyn deegaanka, teeda kale tacsidu waxay ka mid ahayd waxyaalaha aysan maamulka cusubi raalliga ka ahayn.

Laba gambar oo iska soo horjeeda bay ku kala fadhiyeen oo qudaar bay wada jar- jarayeen, si hoosena wey isaga sheekeeysanayeen. Caasho oo ka yara baqday in qudaartu yaraato ayaa ka codsatay Faadumo in ay suuqa u raadiso qudaar dheeraad ah. Faadumo ayaaba markiiba u sheegtay in dad badani aysan u sheegin tacsida, waayo maamulka cusub baaba diiday in tacsi la dhigto. “Duqeyga Abaadir iyo asaxaabtiisa oo keliya ayaa inoo imaanaya qadada. Guriga in ay tacsi ka jirto in loo fahmo ma rabo oo qof kasta wuu baqayaa,” ayey Faadumo ku qancisay Caasho.

Caasho lama aysan yaabbaneyn waxa laga baqayo, oo way iska caddeyd in haddii aan baqdin jirin aysan kooxahani u suurtowdeen xeerarka iyo sharciyada cusub oo ay mar kasta jeebabka kala soo baxaan.

Sidooda ayey shaqo iyo sheeko isula wadeen ilaa ay martidii ugu horreysay soo billaabato.

Abaadir, Carsaanyo iyo Qasaaye oo iyagu maalintaas isku meel ku tukaday salaadda Jimcaha ayaa dadka u soo horreeyey, kaddibna Hilowle, Caabbi iyo Daahir ayaa ku soo xigsaday. Intii Faadumo muhiimka u ahayd wey wada yimaaddeen. Dad kale oo aan la wicin ayaa isaga soo leexday guriga, hasa ahaatee markii ay qadeeyeenba hore u sii ambabaxeen.

Qado yar oo qof kastaahi qancisay ayey wada cuneen. Qol aan sidaasi u weyneyn laakiin iyagu ku filnaa bay ku wada jireen. Qofba qof buu la hadlaayey oo suurtagal ma aysan ahayn in lays wada maqlo. Mar keliya ayey qof kasta aamustay oo eegtay dhinaca albaabka waayo Abaadir oo halkaas fadhiyey ayaa intuu istaagay cod dheer ku yiri, ”fadlan ha la aamuso! hadal yar oo ku saabsan ujeddada aan maanta halkan isugu nimid ayaan is oran laheyn.”

Codka Abaadir ayaa la wada dhegeysanaayey. Wuxuu ugu horreyn u tacsiyeeyay Faadumo, isagoo xusay nasiib darrada ku dhacday labadeedii wiil oo iyagu naftooda ku waayey dagaal aan xaq aheyn, oo in muddo ah lagu marin-habaabinayey. Sidoo kale, Caasho ayuu iyadana uga tacsiyeeyey geerida ku timid wiilkeedii Guuleed.

Dhammaantood mid mid ayey ugu tacsiyeeyeen Faadumo iyo Caasho. Wuxuu qof kasta muujiyey sida uu uga xun yahay xasuuqa lagu hayo carruurta iyo cadaadiska degaannadoodu ay ku hayaan maamulka cusub ee fidno-wadeyaasha ah.

Si guud ahaan ayey u wada sheekeysanayeen, qaar shaah bay cabbayeen qaar kalena qaxwe. Sheekadoodu waxay si toos ah diiradda ugu saarneyd kooxaha maamulka cusub ee mashaakilaadka ku haya bulshadooda. Waxay si weyn uga doodayeen xal u helista iyo sidii ay uga hor tegi lahaayeen fidno-wadeyaasha. Waxay ku wada andacoodeen in aysan heysan hub ay isku difaacaan, waxayse ka midaysnaayeen oo ay isku raacsanaayeen in ay meel uga soo wada jeestaan qoladaas oo waalid kastaana uu carruurtiisa uga digo qatarta ay marin-habaabiyeyaashu u leeyihiin jiritaankooda. Dadka intooda badan ayaa qosol iyo maaweelo ka dhiganaayey marka uu Abaadir afka kala qaado iyadoo ay ugu wacan tahay lahjaddiisa iyo hannaanka uu warku u sheegayo. Mar keliya ayey qosol ka wareegeen mar uu yiri ”Kuwaanaa,….Kuwaanaa…., Ilaah ha naga qabto! Ummadda waa xakaariyeen! Ilaah ha xakaariyee iyaga! Guri kasta sidaan ay tacsi u taallaa oo looga ooynooyaa.”

Dhammaantood waxay qireen in fidna-wadeyaashu aysan marnaba ujeeddooyinkoodu u hirgaleen haddii ay shacabku hore u ogaan lahaayeen in xaalkoodu sidan noqon doono. Waxay ahaayeen dad la wada khiyaameeyey oo loo adeegsaday xeelado diin, siyaasad iyo xoogba isugu jiray.

Qasaaye iyo Carsaanyo ayaa hoosta ka wada xarriiqay in aysan jirin cid war u heysay ujeeddooyinka gaarka ah ee ay kooxdani wadatay.

Hilowle ayaa soo jeediyay in aan la rajo dhigin oo ay weli ka gaaraan si wax loo qabto. Caabbi iyo Daahir waxay iyaguna xuseen in loo baahan yahay isku duubni, si dadka oo dhan ay hal meel uga soo wada jeestaan mashaakilka ay fidno-wadayaashu ku hayaan.

Faadumo ayaa tilmaantay in mar haddiiba ay dhammaantood isku fikrad noqdeen oo ay is wada raaceen, ay jiri karaan in badan oo kale oo iyaguna ku fikrad ah.

Hadal ay dhammaantood ku farxeen ayaa Hilowle ka soo yeeray, “waxba ha ka baqina, waxaan maqlayay in dhowaan dhinac kale ay dagaal xooggan ku qaadi doonaan fidno- wadayaasha, lagana eryi doono dhammaan deegaannadeenna. Bal adinka markaas diyaar ahaada,” ayuu Hilowle warka ugu soo koobay.

Mar keliya ayuu qolkii ay fadhiyeen buuq noqday, qof kastana si ay qiiro ku jirto ayuu u lahaa, “diyaar waan nahay”. Carsaanyo ayaa cod dheer ku yiri, “mar uun muu dhinaca kale dagaal ku qaado fidno-wadeyaasha, iyagaanba dib dambe loo arki doonine”.
Qof kasta oo joogay madasha tacsida hadal ayuu ku ciil baxay, mid dhaha “aniga garkaan ka xiiri lahaa” iyo mid dhaha “aniga dhegta iyo carrabka ayaan ka goyn lahaa” ayay wada noqdeen.

Hilowle intuu saacadda eegay ayuu asaxaabta oo dhan wada dareensiiyay in salaaddii casir ay soo dhowaatay, “adinka diyaar uun ahaada marka fidno-wadeyaasha xoog lagu maquuniyo,” ee haddana aan salaadda casir aadno, ayuu Hilowle ku soo koobay. Waa la wada istaagay, mar kale ayaa Faadumo iyo Caasho loo wada tacsiyeeyay, looguna duceeyay in wiilashoodii uu Ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo. Faadumo iyo Caasho oo “aamiin, aamiin” kuwada haaya ayay dadkii kale is macasalaameeyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *