Cutubka 1aad

Goor subax ah iyadoo ay tahay oo aan welina barqadii la gaarin ayuu Abuu Colaad ka soo toosay, waxayna ahayd markii ugu horreysay ee uu xilligaas hurdo ku gaaro. Wuxuu ahaa nin dheer oo aad u miisaan culus, hase yeeshee ma uusan hurdo jeclayn oo salaadda subax kolkuu tukado hurdada dib uguma laaban jirin, daal badan ayaa ka muuqday, waxaana ugu wacnaa safarro dhaa-dheer oo uu soo maray iyo habeenkaas oo uu goor dambe seexday.

Afartiisa xaas middii ugu yarayd ee uu gurigeeda ka soo toosay baa qolka ugu soo gashay oo intay miis sariirta dhinaceeda yaallay quraacdiisa u saartay bay u sheegtay inay suuqa u adeeg doonaneyso. Islaantu goor hore ayay quraacda isu dul-saartay odaygeeda, hase yeeshee waxay ka cabsatay inay toosiso, waayo waxay ogayd inuu aad u daallanaa. Abuu Colaad oo markaas shanlo yar ku habeysanaayey garkiisa dheer ayaa intuu istaagay u sii dhaqaaqay dhinacii quraacda. Si wanaagsan ayuu ugu mahadceliyay xaaskiisii, isagoo u sheegay inuu daal iyo gaajo bestiis la ahaa, haddana uusan haysan waqti uu ku nasto oo ay sugayaan howlo badan oo uu doonayo inuu maalintaas soo dhammeysto.

Markii uu quraacdii isku hubsaday ee uu dhowr mar daac-daacday ayuu is yiri “wallee iminka bay naftii igu soo noqotay oo aan dhaqaajin karaa si aan hawlahayga u soo qabsado”. Abuu Colaad baakooraddiisii yarayd intuu gacanta ku soo qabsaday ayuu waddada ku soo dhacay, deg-degta iyo jihada uu u socday waa laga garan karay in uu ahaa nin yaqaan halka uu u socdo.

Bacaad cidlo ah oo ay dhowr geed Hindi ah ku yaallaan ayuu ku soo lugeynaayey, shanqarta saantiisa waxa keliya ee wehliyey waxay ahaayeen codad shimbiro oo kala duwan. Isagoo socodkiisa sii wata ayuu keligiis isla hadlaayey “waa in aan ujeeddadeydii fuliyaa, oo aan saaxiibkeygii Sheekh Abuu Seef ahaa la kulmaa si aan u ogaado halka uu marinaayo hawlihii aan isku ogayn”.

Muddo yar dabadeed ayuu ku soo dhowaaday guri aan sidaas u sii weynayn oo baraako ah. Guriga hortiisa waxaa ka baxaayay geed wayn oo uu harkiisu wanaagsanaa. Oday buuran oo gaaban ayaa ku fadhiyay gambar geedka hoostiisa yaallay, wuxuuna xirnaa macawiis iyo garan cad oo keliya, waayo cadceeddu aad bay u kululayd, qof sidaas oo kale u buuranna guryaha kuma jiri karin xilliyadaas kulaylku badan yahay.

Abuu Colaad markuu si fiican ugu soo dhowaaday ayuu ninkii gambarka ku fadhiyey oo siijeeda ula muuqday qaabka qof uu garanaayo, markaasuu is yiri “waaba isaga ayaan filayaa”. Markuu dhowr tallaabo u soo jirsaday ayuu cod dheer ku yiri “Asalaamu Caleykum”. Abuu Seef intuusan soo jeesan ayuuba codkii gartay, durba intuu isa soo taagay ayuu, “Wacaleykuma Salaam” ugu jawaabay. Salaan gacmaha iyo shaf isa-saar ah markii lays dhaafsaday ayaa Abuu Seef gambar kale oo aan ka fogayn intuu u soo qabtay saaxiibkiis, ku soo dhaweeyay inuu fariisto.

Labadii sheekh waxay billaabeen inay is xaal-warsaystaan. Abuu Colaad wuxuu saaxiibkiis u sheegay inuu xalay uun safar ka soo galay, uuna weli ku dambeeyo daalkii. Abuu Seefna wuxuu saaxiibkiis u sheegay in hawlihii ay isku ogaayeen ay sidoodii u sii wadeen, hase yeeshee ay isaga ka war sugayeen. “Waa Ilaahay mahaddiis, mar haddaad samo ku timid” ayuu yiri Abuu Seef.

Abuu Colaad intuu dhoolla caddeeyey ayuu yiri, “Maasha Allaah Sheekh, waxaanba hadda kuugu imid in aan mashruucaas ballaarinno oo aan weyneyno oo…”

Abuu Seef ma uusan sugin inta uu Abuu Colaad hadalkiisa ka dhammeysanaayo, wuxuuna durbadiiba la soo booday cabasho uu ku sheegayo inay waxyaabo badan uga xayirnaayeen dhaqaalo-darri, wuxuuna u raaciyay in haddii ay taasi ka xoroobi lahaayeen ay hawlahooda si fiican u socon lahaayeen, wuxuuna dhagaha saaxiibkiis ku hubsaday ballaarinta hawshooda inay ka horreyso dhaqaale badan oo ay helaan.

Abuu Colaad wuxuu isaguna saaxiibkiis niyadda ugu dhisay in uu arrimahaas ka wel- wel la’aado, oo ilaa xad dhaqaale ay abaabulkooda ku dar-dargeliyaan heystaan, uuna isagu uga wakiil yahay, taasoo ay u dheer tahay ballanqaadyo badan oo ay u sameeyeen dad uu ku sheegay in ay diinta walaalo ku yihiin oo dalka dibaddiisa ku nool, isagoo laga dareemayo inuu faanayo ayuu yiri “Anigu bilaash uma tegin dalalkaas, dhaqaale ayaan meel inoo soo saarayay.”

“Waa khayr.Sheekh waad asiibtay.haddiiba aad dhaqaale inoo hayso,” ayuu la soo booday Abuu Seef oo farxad laga dareemayo wejigiisa, wuxuuna sheegay inuu dhaqaaluhu yahay waxa keliya ee ay dadka ku soo jiidan karaan, danahoodana ku fushan karaan.

Abuu Colaad madaxa ayuu kor iyo hoos u ruxay isagoo ulajeeda “waa runtaa, oo waan u riyaaqay hadalkaaga”. Markaasuu weydiiyey Abuu Seef sida ugu sahlan ee ay ummaddaan ku soo jiidan karaan.

Kasbashada dadka iyo soo-jiidashadooda waa hawshiisa, Abuu Seef ma isagaaba wax kale soo bartay!? Isagoo is-xariifinaya ayuu yiri, “dadka waa in aan marka hore diinta ku jilcinnaa oo aan xaqiiqada uga hadalnaa, jidka toosanna aan ku ridnaa, kaddibna aan ku dhex xoogeysannaa si aan maamulka gebi ahaanba ula wareegno.”

Abuu Colaad si fiican ayuu ula dhacay hadalkaas wuxuuna u sii raaciyey in geedka marka la abuurayo jiridda hoose laga waraabiyo si uu laamo fiican u dhalo, bulshadana si taageeradooda loo helo in carruurta iyo dumarka laga soo billaabo, waayo iyagaa saldhig u ah bulshada.

Abuu Seef wuu ku raacay fekerkaasi, waxayna isku af-garteen in ay qorshahaas ku socdaan oo ay haweenka iyo carruurta yihiin kuwa bulshada ugu nugul oo si fudud loo hanan karo, la’aantoodna aysan waxba u suurtagaleyn.

Abuu Colaad intuu istaagay ayuu damcay in uu macsalaameeyo saaxiibkiis, laakiin Abuu Seef baa intuu markiiba gartay gacanta qabtay, oo ku yiri “inyar i sug”. Abuu Colaad wuu fahmay in Sheekhu damacsan yahay in uu sii sagootiyo. Abuu Seef wax badan kuma maqnaanin markii uu guriga dib u galay ee durba isagoo shaar xiran ayuu u soo noqday, wayna is-raaceen, qaddar daqiiqado ah markii ay soo socdeen ayay meel aan ka fogeyn guriga Abuu Seef wada is taageen. Abuu Colaad ayaa yiri, “Intaan oo sagootis ah way igu filan tahay, ee qorshahaas ayaynu isku ognahahay, adiga ayaana kuu xilsaaray arrimahaas oo garanaaya halka aad wax ka billaabi lahayd.”

Abuu Seef oo u muuqda in xilkaas loo dhiibay uu ku faraxsan yahay ayaa Sheekha u sheegay inuu ka seexdo arrimahaas, meel aan ahayn dugsiyada carruurta iyo haweenka guryaha jooga inuusan wax ka billaabi doonin ayuuna ku wargeliyay.

Si fiican ayey isula jiibiyeen oo ay isugu af-garteen, qof kastana wuxuu ku faraxsanaa is- araggoodaas guusha ku dhammaaday. Markii ay si fiican isu macsalaameeyeen oo ay kulan dambe ku ballameen, ayuu nin kasta dhankii gurigiisa u lugeeyay.

Abuu Colaad intuu waddadii dheerayd sii hayay ayuu keligiis isla hadlayay, oo wuxuu is-lahaa, “horta ninkii Abuu Seef ahaa si wanaagsan baan mashruucaan u geliyay, waana arkay sida uu daacadda ugu yahay in uu nala shaqeeyo. Maxaase naga galay cid kasta waan u baahannahay, weliba isagu wuxuu ku fiican yahay bulshada oo dhan ayaa wada taqaan oo ixtiraam u haysa, la’aantiisuna waxba inoo qabsoomi mayaan”.

Dad u badan haween iyo carruur oo kuwa deegaanka ah ayaa isugu yimid barxadda weyn ee degmada, waa qayb ka mid ah mashruucyadii ay ku ballameen Abuu Colaad iyo Abuu Seef, loomaba sii kaadsan oo durba ninkii Abuu Seef ahaa howshiisii ayuu guda-galay.

Dadkii goobta isugu yimid waxaa ka mid ahaa Faadumo oo ah islaan lagu dhalay kuna soo barbaartay deegaanka. Waxay hooyo u ahayd labo carruur ah oo ay aabbahood wada joogeen. Waa islaan xooggan, oo cad, oo inteeda ku buuxda, waxaa ay goobta la isugu yimid wada joogeen Caasho oo saaxiibteed ah. Caasho waa maarriin, dhinaca caatada la xijiyo oo fanax leh, waxayna aqal ku wada hoydaan wiil ay dhashay iyo odaygeeda.

Labadii islaamood markii ay is arkeen ayay salaan iskula soo boodeen, waxay ahaayeen labo saaxiibbo ah aadna way isu jeclaayeen, way is xaal warsadeen, nabad iyo baraare ayaa la isku jiibiyay, markii salaanta la bogay ayaa Caasho waxay u sheegtay Faaduma inay kala raageen, waxayna waydiisay waxa xannibay ee ay salaanta ula soo haleeli waysay maalmahaas.

Faadumo waxay saaxiibteed ugu cudurdaaratay inay ku mashquushay iskuulka, dugsiga carruurta iyo howsha guriga, oo waqti ay asaxaabta iyo ehelada ku soo booqatana cid siisa ay weysay. Caasho ayaa sidoo kale barbarkey u wadday kubadda ula laadday oo u sheegtay inay la mid ahayd oo uu gabbalku u dhacaayay iyadoo aan helin fursad ay dad ku soo booqato.

Sheekadoodii oo halkaa billowga ah mareysa ayay Caasho hadal hoosta uga dhiibtay saaxiibteed, iyadoo waydiineysa sababta ay kooxdan cusub isugu yeereen dadweynaha.

Faadumo oo aan warba ku dhaamin arrinta maalintaas la isugu yimid ayaa u sheegtay inuu war jiraaba Cakaare iman doono, oo la ogaan doono wixii ay isugu yeereen dadka.

Caasho oo inay yaabban tahay laga dareemayo fara-taag-taaggeeda ayaa saaxiibteed ku tiri, “intaasoo sano wadaaddo nooma yeerine kollay maanta wax cusub ayaa jira sida aan u maleynayo”. Waxay ku duceysay, “Balse kheyr Alle haka dhigo.”

Faadumo ayaa amakaag indhaha la kala taagtay, kaddib markii ay aragtay rag cimaamado iyo qamiisyo gaagaaban xiran oo gar dhaa-dheer leh, misana hubeysan. Si ay saaxiibteed u tusto mucjisada u muuqatay ayay gacanta ku dhar-dharbaaxday, iyadoo rabta inay tusto wacdarahaas! “Caashoy … Caashoy … Caashoy, waa maxay laakiin wadaaddada qoryaha wata? BAL EEG waa kuwaane!”

Caasho oo sii fiirineysa raggii hubka iyo labiska culimada wada kulansaday ee yaacaayay, ayaa halmar dadkii goobta joogay waxay isu buurteen geeskii ay xigeen wadaaddada, iyagoo buuq iyo sawaxan isku daraya, oo ka war sugaya bal waxa xigi doona.

Faadumo ayaa saaxiibteed ugu gacan-haadisay inay dadka dhinac ka raacaan, wuxuu malaheedu ahaa in ugu yaraan dadka ay u socdaan ciddi la hadli doonta, oo qorshaha maanta dhacsiin doonta, maba aanay ka sii daahine waxay markiiba gees ka galeen safafkii isku dhex yaacsanaa ee ay dadku galeen, waxaase dadka ulo la dhex socday raggii hubeysnaa oo farayay inay ragga iyo haweenku kala soocmaan.

Nin cod dheer ayaa markiiba hadal la sare joogsaday, isagu ma aha ninkii khudbadda jeedin lahaa, laakiin dadka ayuu u sheegayay inay aamusaan si loogu khudbeeyo, jewigii buuqa ahaa ayaa mar qura deggenaan isu beddelay, waxaana dadka hor yimid nin ay intooda badan garanayeen, waa Abuu Seef.

Khudbad ayuu isla soo taagay Abuu Seef:

Asalaamu Calaykum walaalayaal, Ilaah ayaa mahad leh oo halkan isugu keen keenay maanta oo nagu kulansiiyay, waxaan isugu kiin yeernay inaannu ka hadalno dhibaatooyin jira oo aan u dulqaadan waynay haddii aan nahay culimada, dhibaatooyinkaas oo si gaar ah ugu dhacaaya haweenka iyo carruurta iyo inta bulshada ugu tabarta yar, taasi waxay noqotay mid aan ka dhiidhinno, waayo waan u dulqaadan waynay, boobka, dhaca iyo jid-gooyooyinka, ma dooneyno in marxaladdaan adag lagu sii jiro, waan ka hortageynaa, nafteenna waan u hureynaa dadkeenna, hase yeeshee waxay taasi ku xiran tahay hadba sida aan garab idinkaga heli laheyn iyo guud ahaan shacabkaba. Ma garaneysaan shacabka aannu garabka ka dooneynoo? Waa idinka!

Markuu halkaa marsiinayo ayay dadweynihii sacab u wada garaaceen, iyagoo u muujinaya inay ka maqsuudeen hadalkiisa, laakiin waxaa taas ka hor yimid ninkii codka dheeraa oo ku canaantay dadweynaha waxa ay sameynayeen inay ahayd camal sheydaan, “Joojiya sacabku waa camal sheydaan ee joojiya” ayuu ku amray dadweynihii oo uu u daba dhigay inuu takbiirta u qabto, “ALLAAHU AKBAR!” Dadweynihii qaar yar oo ka mid ah ayaa ka daba meersaday oo Allaahu Akbartii la qabtay lamase sii wadin oo Abuu Seef baa khudbuu u oomanaa laga kala jaray, oo wuu sii watay khudbaddiisii:

“Maanta kaddib waxaan qaadaynaa tallaabooyin aan idinka wax idinkugu qabaneyno, oo aan dhibaatada aad ku jirtaan idinkaga saareyno, sababtoo ah waxaad tihiin haweenkeennii iyo carruurteennii, waxaadna ogaataan maanta laga billaabo carruurta waxaan u fureynaa waxbarasho dhinaceenna ah, madrasooyin u gaar ah baana ku xareyn doonnaa, taasoo aan kula dagaallameyno in carruurta la baadiyeeyo, teeda kale nabadda annagaa ku filan cid aan u baahannahay inay bannaanka nooga timaaddana ma jirto…tan kale ee muhiimka ah waxaan idin sheegayaa suxufiyiinta waxyaabaha ay qorayaan iyo wararka ay tebinayaan waa inay nala socodsiiyaan, ciddii dirta war aan annaga ogeynna iyadaa ka mas’uul ah…hadalka inaan ku sii dheeraado ma doonayo, wax qabad ayaa nalooga bahan yahay, intaas ayaan hadalkeygana ku soo koobayaa. Wasalaamu Calaykum Waraxmatullaahi.”

Dadweynihii ayaa markuu dhammeeyay khudbaddiisii waxay Abuu Seef ku sagootiyeen, saxawan, sacab iyo takbiir isku jira, haba ku kala duwanaadeen dhawaaqa iyo shanqartee, waxay ka sinnaayeen inay la dhacsanaayeen hadalladdiisii.

Labo maalmood iyadoo ay ka soo wareegatay markii ay wadaaddadu u khudbeeyeen dadweynaha ayaa Faadumo iyo Caasho waxay isku arkeen suuqa, iyadoo ay tahay xilli barqo ah, markii ay xaalkooda iska wareysteen, ayaa Faadumo waxay Caasho kula jeesatay su’aal ay kedis uga dhigtay “naa Caasho, Maxaad ka fahamtay khudbaddii wadaaddada?”

Su’aashaasi kuma adkaan Caasho inay ka jawaabto, waxayna durbaba saaxiibteed u sheegtay inay wax fiican uga baxeen, oo ay aad ugu bogtay. ”Waa loo baahnaa, wayna naga soo daaheen” ayey yiri, oo waxayba saaxiibteed dareensiisay in loo baahnaa mar hore inay wadaaddadu madasha ka soo xaadiraan, waxayse nafteeda iyo saaxiibteedba gunaanadkii ku samirsiisay haddayba hadda isa soo mutaxeen oo uu Ilaahay u soo adeejiyay inay mahad Alle tahay.

Faadumo ayaa iyadana qeybtii hadalka kaga aaddanayd ku tustay saaxiibteed in qudheedu aanay ka aragti duwanayn, oo waxayba soo taxday ammaan iyo bogaadin ay u xambaarineyso wadaaddada, iyadoo tirinaysa waxyaabaha ay ku taageertay “Isbaarooyinkii way qaadeen, boobkii, dhacii iyo jeebabkii la iska baaranaayay ma jiraan,” ayay tiri Faadumo iyadoo dhoolla-caddeyneysa.

Sheeko habeen hore la soo gaarsiiyay ayay saaxiibteed u tebisay, oo weliba markii ay uga sheekeyneysay waa laga dareemayay inay ku faraxsanayd, sheekadu mid cid kale khuseysay ma ahayn, isla wadaaddada iyo sheekadooda ugubka ah ayay salka ku haysay. “Habeen hore waxaa la ii sheegayay inta ay kuwo tuugo ah qab-qabteen ayayba gacmaha ka gooyeen, Kaw! Lug iyo gacan is-dhaaf ah, marqaati xitaa lalama sugin!” ayay tiri Faadumo.

Caasho oo si hagaagsan u dhageysaneysay sheekada la yaabka leh ee saaxiibteed, ayay dhiillo gashay markii halkaas loo marinayay, oo waxay saaxiibteed sheekada ka tustay meel kale, waxayna u sheegtay maadaama ay baahi iyo shaqo la’aan jirtay inay ka baqeyso in la arko dhallinyarada waddanka oo wada lugo iyo gacmo go’an iskuna salaamaya xusullada.

Dareenkaas cabsida huwan Faadumo kama daa-degin “maya… maya.maya, ma dhaceyso taas,” ayay la soo boodday, daliilkeediina wuxuu noqday, hadday tuugadu arkaan in qofkii fal xatooyo ah ku dhaqaaqaba lugaha iyo gacmaha laga jaraayo, in la wada cabsan doono, oo tuug oo dhan la waayi doono, “Soomaali baanba kuu aqaannaaye, cid dambe oo wax xaddaahi la arki maayo!” ayay tiri.

Caasho mowduucii socday ayay dhan kale u rogtay oo intay saaxiibteed ku soo dhowaatay ayay hadal hoose dhegta ugu sheegtay, “waxaan la yaabanahay Faadumooy, maxay horta carruurta ka rabaan? Waa iyaga maalin kasta la hadla oo weliba qaarkood xerooyin ku xareystaye!”.

Faadumo meeshaan ayey difaac adag ka gashay, oo su’aashii saaxiibteed waxay ku caabbisay erayo laga dareemayo taageere inay u tahay wadaaddada, waxay ku doodday in carruurta diinta loo barayo, iyada ayayba daalac u raacatay oo ay su’aal ku celisay, “Naa maxaad dareentay adigu oo aad sidan u leedahay?”

Indho yaabban oo markaad si aad ah u sii eegto ku dhahaya “su’aal uun baan is- weydiinnaye maxaa daalac la isugu raacanayaa,” ayay Caasho ku fiirisay saaxiibteed Faadumo, iyadoo la shig-shigeysa hadalkii ayay ku tiri “maya ee.ee. waxaan sidaas u iri, waxaan arkay oo aan dareemay carruurtii oo fir-fircoon oo Jihaad hadal-haysa iyo ad-adeyg kale oo aan hore loogu arkin. Innagii waalidiinta aheyn bay doonayaan in ay wax noo sheegaan oo ay na yiraahdaan waxaas waa qalad diinta bay ka soo horjeedaan ama sidaan ha la yeelo sidaan baa sax ah. Ma waxaas bay caruurteennu taqiin?”

Faadumo iyo Caasho inta badan sheekadu way isugu baxi jirtay, midba tan kale waxay la raadsan jirtay wixii cusub ee deegaanka ku soo biira ama marka ay arkaan dhacdo ka yaabisa, guryaha ayay badanaa ku kulmaan, maalintaase suuqa ayay ka fursan wayday inay warka muhiimaddiisa ku kala guraan.

Markii mowjadda la saaray ka hadalka mowduuca waxbarista carruurta ee dhanka wadaaddada ayay isku soo aragti dhowaadeen, Faadumo waxay u sheegtay Caasho inay iyadaba kala siman tahay oo ay ku aragtay carruurta isbeddelkaas. “Adigu waxaasaadba sheegeysaaye, aniga carruurteydu waxayba i yiraahdeen, ‘xisaabta iyo sayniska iyo kimistariga iskoollada lagu barto waa xaaraan” ayay tiri Faadumo.

Caasho wuu ka qosliyay hadalka dambe ee saaxiibteed, waayo, kuma cusbeyn arrinkaas oo waxay horay uga maqashay wiilkeeda. Meeshaas ayay isaga soo dhacday sheekadoodii, waxayna dunta afkeeda isla heleen markii laga dooday isbeddelka carruurta iyo waxbarashadooda.

Caasho iyadoo madaxa ruxeysa waxay saaxiibteed Faadumo ku qancisay in aanay wax dhibaato ah ka imaaneyn haddiiba carruurta si daacad ah diinta loo barayo oo aan la marin-habaabineyn ama wax dhibaato ah oo kale aan hoosta looga wadin.

Faadumo way ka hartay dooddii ku saabsanayd carruurta iyo madrasooyinkooda, waxayna si guudmar ah uga hadashay isbeddelka weyn ee ku dhacay bulshada iyo deegaankaba iyo weliba dhibaatooyinkii horay u soo maray.

“Raggu cimaamado ayay qaateen, oo kii kaa hor yimaadaba waa kaas culimada u eg” ayay Faadumo ku sheekeyneysaa, iyadoo is moodsiisay in isbeddelka dhacay uu ula muuqdo kii dhibaatada looga bixi lahaa, waxay dib u xusuusisay saaxiibteed Caasho wixii la soo maray ee halaag ahaa iyo rafaadkii laga dhaxlay dagaalladii sokeeye.

Faadumo oo aan weli sheekadii dhammeyn ayaa waxay tirin kula dhaqaaqday intii ku dhimmatay dagaallada sokeeye, intii ku dhaawacantay iyo intii ka qaxday ee nolol iyo geeri lagu la’yahay.

Caasho ayaa mowduuc hor leh oo aan xisaabtaba lagu sii darsan daaha u rogtay, waxayna saaxiibteed iyadoo wejiga kaduudeysa waydiisay waxa helay ee loo arki la’yahay oday beeleedyadii iyo halka ay ka baxeen.

Faadumo intay qosol dheer ku dhufatay oo ay gacanta dhabanka saaratay ayay tiri “Oday beeleed aaa!” iyadoo isku dayaysay kubbadda dhankeeda loo soo baasay inay laaddo, waayo, waxay rumeysnayd in oday beeleedyadii laga reystay, “Ilaahay nooma soo celiyo” ayayna ku duceysay.

Waxaa Faadumo fikraddaas la qabay dadka deegaanka intooda badan oo karaahsaday maamulkii oday beeleedyada, aaminsanaana inay uga dhammaatay masraxa siyaasadda, waxayna ku bishaareysanayeen inaan la heli doonin cid mar dambe warkooda dhageysata, waayo dhibaatooyinkii ay u horseedeen ummadda Soomaaliyeed ayaa weli dhegahooda ka qeylineysay.

Caasho qudheeda way ku raacsaneyd in oday beeleed wax u yaalla aanay jirin, mar haddii dhinaca diinta la iska soo galay. Iyadoo ay ka muuqato inay taageerayso maamul kasta oo odayaashaas ka hor wareejiya ayay markiiba ku dhaqaaqday inay u duceyso wadaaddada, halka ay Faadumana ugu kaalmeynaysay aamiinta, sidaas ayayna isku macsalaameeyeen maalintaas.

Kacdoon kasta ama isbaddel kasta oo bulsho dhexdeeda ku soo siyaada, waxaa isla bulshadaas laga dhex heli karaa dad mucaarada oo ka soo horjeeda dhaqan-rogistaasi ku soo siyaadday bulshadooda. Iyadoo ay taasi jirto ayaa haddana dadku ku kala duwan yahay sida ay uga hadli lahaayeen aragtida ay ka qabaan dabayshan cusub oo aanay horay u arag, ee ku soo biirtay bulshada deegaanka ay ku nool yihiin.

Dhinaca kale waxaa iyana jira dad kale oo aan jeclayn duufaantan cusub, haddana aan ka soo horjeesan karin. Way iska caddahay inay baqdin u geysay, laakiin haddana garashadoodu ma xuma, hase ahaatee waxaa ka daran oo ay nasiib-darro ku habsatay kuwo aan ogayn halka loo socdo, oo iyagu durbadiiba raaca ama taageera dhaqdhaqaaqaasi cusub.

Isla dadkan aragtidoodu liidato ayaa u sii kala baxa kuwo ay daacad ka tahay oo aan markoodii horeba u bisleyn inay gartaan siyaasadda ka dambeysa kacdoonnadan cusub, waana kuwan kuwa ay aad ugu sahlan tahay inay marin-habowsheyaashu marin-seejiiyaan. Qaar kalena waa kuwo dan gaar ah leh ama ku tiirsan kooxaha kacdoonka qarriban wada.

Sahal iyo Dige waa labo nin oo saaxiibbo ah, inta badanna isku fikrad ah marxalad kasta oo ku soo kororta deegaankooda, waa dad aad ugu rajo wanaagsan in maalin uun ay bulshadoodu hesho dowlad maamul-wanaag iyo kala dambeyn soo celisa, si ay uga baxaan dhibaatooyinka dagaallada sokeeye ee 20-ka sano jirsaday.

Labadooduba ma aysan ahayn dad heer sare ka gaaray waxbarashada, hase ahaatee waxay ahaayeen rag fir-fircoon oo aftahanno ah, aaminsanna muhiimadda ay leeyihiin adeegyada bulshadu, taas ayaana ugu wacan inay matalaan beelaha ay ka soo kala jeedaan. Xilalkaas ay hayeen dartood ayaa waxay suurtageliyeen inay deegaan ahaan ku noolaadaan hoteello ku yaalla goobaha uu maamulkoodu ka taliyo oo aanu weli soo gaarin kacdoonka marin-habawbsheyaasha.

Goor ay tahay galab ayaa Sahal markuu salaadda Casir ku soo tukaday masjid aan ka fogayn hoteelka uu Dige deggan yahay, ayuu ku fikiray inuu saaxiibkiis galabtaas waqtiga la soo qaato. Dige oo markaas qolkiisa hoteelka ku tukaday ayaa albaabka lagu soo garaacay. Hannaanka loo soo garaacay ayuu markiiba ka dareemay inuu saaxiibkiis Sahal yahay, markuu furayna malihiisa ayaaba run noqday oo Sahal buu noqday qofkii albaabka soo garaacay, salaantii caadiga ahayd ayaa la isku boobay, midba midka kale ayuu si kaftan iyo qosol ku jiro ugu yeeray midka kale “mudane”, isagoo ula jeeda xilka uu hayo.

Maqaayad hoteelku leeyahay ayey u wada daadageen. Sahal wuxuu dalbaday Koka- Kolla, halka uu Dige ka codsaday koob shaah ah oo caddeys ah. Kaddib markii ay xaaladahooda caafimaad iyo tan reerahooda iska waraysteen ayaa Sahal wuxuu Dige weydiiyay sida uu u arko isbaddelladan cusub ee la sheegayo, wuxuuna intaas u raaciyey inuusan jeclaysan waxyaabaha dhegihiisa ku soo dhacaya.

Dige ayaa sheekada taagan ee uu jeclaan lahaa inay galabta isla falanqeeyaan ku billaabay isu soo bixii marin-habaabiyeyaasha ay isugu yeereen carruurta iyo haweenka, balse intaanu ku sii dheeraan ayaa Sahal oo sugi la’ sheekada uu u billaabay saaxiibksii Dige, wuxuu weydiiyay, “maxaa haween iyo carruur keliya loogu yeeray, oo raggeennii waaweynaa loo casuumi waayay?”

Dige wuxuu u sheegay inaanu arrintaasi sixi karin, hase yeeshee uu maqlay inay arrintu kacdoon tahay, wuxuuse taabsiiyay saaxiibkiis inuu marin-habawsheyaashu galay damac siyaasadeed.

Sahal madaxa ayuu ruxay, isagoo diidmo uga gol-leh, “maya…maya…maya taasi ma dhici karto, culimo iyo damac-siyaasadeed isma qaadan karaan,” ayuu yiri isagoo si toos ah ugu sheegay inuu taasi diiddan yahay, “waaba wax aan sheeko iyo shaahid midna lagu arag,” ayuu yiri.

Dige dhib uma arko hadduu damac siyaasadeed galo raggaasi, laakiin wuxuu dhaliilsan yahay qaabka ay ku soo galeen loollanka loogu jiro talada dalka; carruurta iyo haweenka waxa loogu wareeganayo ayuu dhib u arkaa. Sahal-se kama daadegayso in dadkaasi ay awoodda wax ka rabaan.

Sahal wuxuu aamisan yahay in raggaasi ay ixtiraam ku dhex leeyihiin bulshada, laakiin Dige wuu ka soo horjeedaa taas, oo wuxuu qabaa inay nimankan xukun-doon yihiin, waxeyse markii dambe isweydiiyeen, “tolow maxay dadka u sheegeen?”

Dige oo ku wax badan inuu soo xooraansaday iska dhigaya ayaa saaxiibkiis u sheegay inay dumarka iyo carruurta shir u qabteen, ayna isku dubbariteen, islaantiisa iyo kuwo kale oo xaafadda degganna uu ka gartay inay u riyaaqeen oo ay la dhaceen ama ka maqsuudeen waxa ay Marin-habaabiyeyaashu u sheegeen.

“Arrintaan waxay ku habboon tahay in hadda laga hortago, haddii kale, “waa xaalad cusub iyo weji kale oo dagaal,” ayuu yiri Dige.

Sahal wuxuu qabaa in aan lagu deg-degin oo la hubsado raggaan inay xukunka siyaasadeed wax ka rabaan iyo in kale, isagoo daliishanaya in aanay haween iyo carruur siyaasad waxba ka aqoonin, raggaanna aanay la shireen haddii ay ujeeddaas oo kale leeyihiin, “waxaa laga yaabaa inay dano kale leeyihiin, laakiin nimankaan damac siyaasadeed dad leh iilama muuqdaan, waxay isu xilqaameen inay dadkooda diinta baraan,” ayuu yiri Sahal.

“Is-xilqaankaas hadda yimid oo aan horay loo arag muxuu ahaa,? Ayuu weydiiyey saaxiibkisa, “oo haddii aanu damac siyaasadeed jirin, maxaay ragga wax garadka ah ama aqoonyahannada ugu yeeri waayeen? Ayuu sii daba dhigay, isagoo leh, “Arrintaan waxay u baahan tahay in aan ka wada tashanno, ragga maamulka ahna aan is-aragno kana wadahadalno amuurahan soo siyaaday,” ayuu yiri Dige.

In arrintaasi aanay dhibaato lahayn oo ay u furan tahay inay iyaga iska arkaan, kaddibna ay raggaas u tagaan ayuu fikir ahaan talada ku darsaday Sahal, markaasna ay wax kasta ogaan doonaan.

Raggaasi saan-saankooda inay dareemayaan, oo aanay u filayn in ay yihiin dad fidno- wadayaal ah, ayuu Sahal u sheegay saaxiibkiisa, “wadaadkii aan wada garaneynay oo la oran jiray Abuu Seef oo bulshadeenna in muddo ah ku soo dhex jiray baa la socday oo horseedaayey culimada,” ayuu yiri Sahal. Dige ayaa ka dhex galay oo yiri, “laakiin arrintan aan ka wada tashanno, odayaashana aan iska aragno, maxaa yeelay dhib aan hadda noo muuqan ayaa ka imaan kara,” ayuu ugu gunaanaday saaxiibkiisa oo muujinaya in uu tuhun weyn ku jiro.

Abuu Seef inuu yaqaanno oo uu nin wanaagsan yahay ayuu sheegay Dige, hase yeeshee loo baahan yahay hubsiimo, “waxaa laga yaabaa inay wax iska beddeleen ninkii sidii aan ku naqaannay, illeen waa bini’aadane,” ayuu yiri.

Maalintaas sidaas ayey ku ballameen Sahal iyo Dige, weyna is macasalaameeyeen si qof kasta danihiisa shakhsiga ah uu u sii raacdo.

Waa subaxnimo Talaado ah, saacaddu waa sagaalkii subaxnimo, waxaa dhowaan qayoostay roob tiix-tiix ah oo bacaadkii degmada u diiday inuu lugaha qofka ku dul soconaya soo raaco ama uu la ciyaaro dabeylaha, caleemaha geedaha waxaa weli ka tifqaya biyihii uu roobku uga tegay oo sidii dhededii uga hooraya.

Abuu Colaad oo si wanaagsan ugu soo barqeystay gurigiisii ay min-weynta (haweenaydii koowaad ee uu guursaday) deggenayd ayaa isku soo dhigay waddada tagta xaruntooda oo galbeedka degmada ku taalla, in cabbaar socod ah ayey isu jiraan guriga uu saakay ka soo quraacday ee uu xalay ku hoyday iyo saldhigga ay ciidamada iyo Marin-habaabiyeyaasha ay jaalka yihiin isugu yimaadaan ee shaxda siyaasadeed ee maalmahaan la ciyaaro lagu qorsheeyo.

Sidii uu marba salaan nooc ah uga hor geynayay qofkii ay dhabbaha isku weydaartaanba, ayuu 15 daqiiqo kaddib soo gaaray xeradii. Wejiyo wada farxad leh ayaa lagu soo dhoweeyay, way isaga farxayaan mooyaane wax gaar ah oo ay ku jecel yihiin ma jiraan, oo maxayba ku jeclaadaan? cid og ujeedkiisa rasmiga ah ama sheekada ay isugu baxdo ma jirto, keliya waxay ugu farxayaan waxay og yihiin kor ahaan inuu halgankoodii hore kaalin fiican kaga jiro, taasina waxay ku ogaadeen dusha sare ayay kala socdaan inay godka laga ciyaarayo jarta isla dejiyaan isaga iyo Abuu Seef, oo badankood macallinkooda ah.

Xeradu waa meel horay u ahaan jirtay dugsi waxbarasho oo ay dowladdii hore maamuli jirtay, qolalka ay hadda howlahooda u adeegsadaan waa fasalladii dugsiga oo ay dayactir ugu dambeysay labaatan sano ka hor, markaasoo ay dowladdii hore dalka maamuleysay. Barxaddii ay subaxa hore safka ka geli jireen ardayda inta aan loo fasixin fasallada iyo meel yar oo ay kubbadda ku ciyaari jireen carruurta, ayaa hadda u ah barta ay ku gaardiyaan dableyda Marin-habaabiyeyaashu ku tababarto askartooda aan da’ba gaarin.

Dadka xerada jooga waxay u badan yihiin dhallinyaro aad mooddo in la isku soo xulay marka aad u fiirsato da’aaddooda, waxay ka siman yihiin gar fiiqan oo isku qaab ugu jaran iyo madax xiiran ama aan iraahdo madaxyo timo yar oo la simay leh, surwaallo lugaha loo gaabiyay ayey wada gashan yihiin, indhahooduna marka ay ku eegayaan wey ku daba marayaan, oo qofka ay ku cusub yihiin wuuna ka naxayaa oo eegmo naxariis daran ayay indhaha kugu wada gubayaan.

Rag odayaal ah oo aan badneyn iyagana dhinac bay ka joogaan xerada, waxaa qolalka qaar lagu xareeyaa rasaasta iyo hubka. Iridda hore marka laga soo galo waxaad arkaysaa gawaari isku nooc u badan oo si aan habaysneyn meelo teel-teel ah u yaalla.

Abuu Colaad sidii uu u soo durdurinayay ayuu abbaaray geed uu inta badan kula kulmo saaxiibkiis Abuu Seef, laakiin subaxaan wuxuu yimid Abuu Seef oo maqan, xilligan oo kale loogama baran inuu ka maqnaado xerada, malihiisa wuxuu u qaatay inuusan fogayn, wuxuuna goostay inuu ku sugo geedka hoostiisa, halkii buuna fariistay.

Shan daqiiqo ma aanu fadhin markii uu u soo muuqday Abuu Seef oo socodka boobaya oo xaggiisa u soo socda, markiiba way isa salaameen, Abuu Colaad ayaa saaxiibkiis Abuu Seef ku soo dhoweeyay fadhiga, si ay u sheekaystaan.

Abuu Seef wuxuu ka mahad-celiyay soo dhoweynta Abuu Colaad, kaddibna waxay guda-galeen inay ka wada hadlaan hawshooda curdanka ah, hase ahaatee ujeeddada fog laga leeyahay, oo iyaga xitaa ay gambarka gaaban isugu fadhiyaan.

Abuu Colaad ayaa si kaftan ah ugu sheegay saaxiibkiis inuu ka dareemayo rayn-rayn, wuxuuna uga gudbay inuu weydiiyo danahoodii waxa ka qabsoomay iyo sida uu xaal yahay iyo hawlihii ugu dambeeyay ee uu u diray wixii uu kala soo kulmay.

Abuu Seef ayaa u sharraxay saaxiibkiis tallaabooyinkii uu maalmahaan is-daba dhigaayay, wuxuuna ku soo xooriyay inay wax kasta guul ugu dhammaadeen, taasoo farxad gelisay ninkii Abuu Colaad ahaa oo ugu namacleeyay, “waan kugu ogaa hawl- karnimadaas,” ayuu yiri, “nin xaniinyo badan baad tahay, oo waan kaa filaayay, “Maashaa Allaah,” ayuu si goos-goos ah isugu daba dhigay.

Sheekada oo laga dhexgalay ayuu u sii ruuqaansaday inuu dhammeystiro Abuu Seef, oo ay filan-waa ku noqotay sida uu sheegay in ilaa xadkan oo soo dhaweyn ah ay dadka kala kulmeen, sida loo taabacay, dadku uga dambeeyaan, loogu riyaaqay oo dhammaanba madaxiisa ka weynaatay, “waan soo daahnay oo in aan mar hore dadkaan u imaanno ayay ahayd,” ayuu yiri isagoo dhoolla-caddeynaya.

Abuu Colaad ujeeddadiisu intaas wey ka gun-dheer tahay, caabboonaanta uu ka dareemayo ninka Seef ah iyo dadweynaha loo tebinayo wararkooda ayuu rabaa inuu ka faa’ideysto. “Hadda waa inaan tallaabo kale sii qaadnaa oo ciidan badan deg-deg u qorannaa, si aan ammaanka guud ahaan u sugno,” ayuu si amar ah u yiri. Abuu Seef- na, “waa khasab” intuu yiri ayuu ku raacay, isagoo danta ummadda ku barxaya sheekadiisa iyo danihiisa gaarka ah.

In ummadda loo shaqeeyo waa la isugu wacdinayaa, waxa ka dhab ah baanse la ogeyn, waxaase sheekada Colaad ku jirta, “waan u shaqeyneynaa ummadda, annagana wax fiican baan ka shaqeysaneynaa adduunyo iyo aakhiraba, oo ninna dan la’aan uma hawlgalo,” ayuu yiri, isagoo mooday sir uurkiisa dhex jiiftay inuu afku ka soo xaday si aan ula kac ahayn, ayuu sheekadii ku barxay wacdi, “waad la socotaa bay ila tahay in ajir badan iyo xasanaadba aan ka heli doonno hanuuninta bulshadeenna”, ayuu yiri.

Abuu Seef erayadaas dambe madaxa ayuu u ruxay, wuxuuse uga gudbay inuu soo bandhigo baahi taagan, waa sidaasoo, xil baa deegta loo suray, waa inuu hindisaa qorsheyaal hor leh oo wax ka tari kara hawshooda. Abuu Colaad wuxuu gaarsiiyay farriintii uu xalaydan ku soo fikiray ee uu u heellanaa inuu waqtigu ku simo mar uun inuu dhegaha Abuu Colaad gaarsiiyo.

“Hadda waa inaan raadinnaa hanuuniyeyaal (Marin-habaabiyeyaal) carruurta waxbari kara, illeen dhallinyarada in ciidan laga dhigo waxaa ka horreysa in loo sheego faa’iidada uu jihaadku leeyahay iyo wanaaggiisa, iyo waxa ay difaacayaan iyo weliba sababta aan uga dhigeyno ciidan noo adeega oo danaheenna noo ilaaliya,” ayuu yiri, isagoo og in carruurta hadda xaraysan aanay waxbarasho la’ayn.

Abuu Colaad si deggan ayuu ugu sheegay saaxiibkiis Abuu Seef inuu u hayo macallin aan waxba loo sheegeyn, oo howlahan oo kale xariif ku ah, oo waaya-arag ah oo hawsha inuu yaqaanno aanu muran ka taagnayn, waxaase uu Abuu Colaad qorshaha ku darsaday in aanu macallinkaasi la shaqeyneyn, iyadoon dhaqaale meel loo saarin, oo mararka qaar mushaarkiisa abaalmarinno ka bannaanka ah la siiyo oo haddii kale aanay waxba soconaynin.

Wuxuu ku dheeraaday inuu ka faalleeyo macallinkaas, waxaase ka dhex galay Abuu Seef oo sugi kari waayay magaca ninkaas, oo “magaciis macallinkaas?” ayuu isla markiibka la soo booday. Kuma uusan daahin Abuu Colaad inuu ku dhawaaqo magaca Macallin Duufiye oo markii Abuu Seef dhegahiisa lagu dhibciyay ula muuqday mid aan ku cusbayn.

“Waan maqlay, wallee iguma cusba ninkaasi, wey I soo gaartay in carruurta uu wacdiyo oo dabadeedna aanay carruurtu dib uga soo laabaneyn hadba hawshii loo diro,” ayuu yiri Abuu Seef oo garkiisa weyn shanta farood kula jira, weli ra’yi soo gudbintiisii ayuu ku dhex jiraa, wuxuu sheegay inaanu macallinkaas keligiis ku filneyn, illeen wuxuu ogyahay tirada carruurta ah ee xerooyinka iyo madrasooyinka kala duwan ugu xareysan.

Abuu Colaad wuxuu ku adkeystay inuu halkaan macallin hadda ku filan yahay, maadaama uu cusub yahay barnaamijkoodu. Abuu Seef oo fikraddiisii dambe lagu soo caarriyay ayaa ka daba geeyay in looga baahan yahay taxaddar badan, sababtoo ah kama qarsoona in marka la barto ay cadow yeelan doonaan, muranna kama taagna, “waa inaan sameysanno hab maamul oo ka taliya deegaan kasta ilaa aan ka gaarno heer qaran iyo weliba heer caalami,” ayuu haddana yiri Abuu Seef.

Taas dambe Abuu Seef wuu ku raacay, wuxuuna u daba dhigay inuu xusuusiyo ganacsatada muhiimaddooda, “waa in shir lala qaataa ganacsatada,” ayuu kula dar- daarmay, wuxuuna ka sare kacay fadhigii, isagoo macasalaameeyay, “waa inoo aragti dambe, iyo nabadey,” ayaa lagu kala istaagay.

Waa duhur ay cadceeddu kulushahay, Ardo waxay ku mashquulsan tahay
hawsheedii caadiga ahayd ee guriga, waxaana wehliya Warsame oo ah dumaashigeed, iyadu waxay alaab ku dhaqaneysaa kushiinka, Warsama-na wuxuu ku jiraa qol ka mid ah qolalka guriga oo martida loogu talagalay, kaasoo ay yaallaan kuraas dhowr ah, waxay sugayaan Abaadir oo ay asaxaab yihiin oo ay goorahaas ballansanaayeen.

Iyagoo isweydiinaya waxa Abaadir habsaamiyay ee aanu waqti hore ugu imaan, ayaa la soo garaacay albaabkii, Ardo waxay markiiba muujisay Abaadir mooyaane inaanu qof kale noqon karin qofka iridda soo garaacay, maadaama ay isaga uun sugayeen.

Markii albaabkii la furay wuxuu noqday Abaadir, si wanaagsan ayay u soo dhoweysay Ardo, isagoo uga cudurdaartay cabbaarka uu ka soo raagay, Ardo oo u sheegeysa inaanay taasi dhibaato lahayn ayaa waxay u tilmaantay qolkii uu ku jiray saaxiibkiis Warsame, gudaha markuu u galay ee ay isa salaaameen, ayay billaabeen sheekooyin goos-goos ah oo nolosha deegaankooda ku saabsan.

Degmada ay ku dhaqan yihiin ma ahan mid ay wararkeeda qarsoomaan, wax kasta oo ku soo siyaada waa la isgaarsiiyaa, carruur iyo cirroole, rag iyo dumar waxaa la isku tebiyaa hadba wixii la arko oo cusub, idaacado iyo wargeysyo ayaa u soo baxa, kuwaasoo door fiican ka qaata inay dadku xog-ogaal u noqdaan noloshooda.

Sidii ay sheekada isugu talantaallinayeen ayaa Abaadir wuxuu Warsame u sheegay inuu deegaanka ka jiro guux, oo ay dadku si aad ah u hadal-hayaan Marin- habaabiyeyaasha, guri, maqaaxi iyo gaadiidka dadweynaha iyaga uun in looga doodo maalmahan dambe.
Warsame ayaa intaas markii ay dhegihiisa gaartay wuxuu saaxiibkiis Abaadir u tebiyay isagu dad waaweyn buuba ka hadlayaaye inay carruurtiisa iyo kuwo da’ ahaan aan waxba dhaamin ay isbuucyadaan ku sheekeystaan hadalladaas waaweyn.

Ardo oo maqleysay sheekada Warsame iyo Abaadir ayaa qolkii ugu soo gashay, waxayna weydiisay, “maxaa loo hadal-hayaa dadkaas?” Iyadoo aan jawaabta kaba sugin ayayna u raacisay inay joogtay maalintii ay dadka isugu yeereen goobtii ay ku kulmiyeen, inay dadku u wada riyaaqeen oo aanay wax xun madashaasi ka sheegin ayay cod dheer ku gaarsiisay, iyadoo diiddan in la dhaliilo.

Abaadir ayaa hadalkii qaatay, isagoo tilmaamay inaanu la socon goorta iyo goobta dadka ay kula hadleen marin-habaabiyeyaasha iyo wixii ay u sheegeen midna, laakiin islaantiisa iyo qaar ka mid ah carruurtiisa ayaa meeshaas tegay, waxayna aad u ammaanayeen marin-habaabiyeyaasha oo u soo gashaday shaarka culimada. Abaadir kulankaas iyo ka sheekayntiisa waxaa uga daran saddex wiil oo uu dhalay oo da’doodu kala tahay 10-jir, 12-jir iyo 14-jir ayaa waxay diideen iskuulladii waxbarashada caadiga ah, markuu kala hadlayna waxay kula doodeen inay wax ka baranayaan madrasooyin ay fureen marin-habaabiyeyaasha.

Abaadir maanta wuxuu rabaa inuu saaxiibbadiis arrimahaas u bandhigo oo uu kala tashado sida uu ka yeeli karo, sidoo kalena uu bal wareysto inay dhibaatadaas la qabaan iyo in kale.

Warsame oo lagala hadlay meel uu damacsanaa in loo rogo mowduuca sheekada ayaa saaxiibkiis Abaadir u sheegay inuusan keli ku ahayn mashaakilkaas, oo isaga qudhiisa ay carruurtiisa isku hayaan dagaal arrintaas ka dhashay, hooyadoodna ay la safan tahay, oo ay ku taageersan tahay inay u wareegaan madrasooyinka. Warsame wuxuu dacwo ka yahay islaantiisa Caasho oo maalintaas wuxuu u yimid guriga Ardo inay walaasheed iyo carruurta ay habaryarta u tahay ka dhaadhiciso iskuulkooda inay sii wataan.

Ardo waxay goorahanba ku mashquulsan tahay soo dhoweynta Warsame iyo Abaadir, waxayna dabka ka soo dejisay shaah ay iyaga u saartay 30 daqiiqo ka hor, iyadoo shaahii soo hor dhigtay, kana codsaneysa inay cabaan ayay kaftankii iyo sheekadii socotay ku soo dhex tuuratay in dadka laga hadlayaa ay toosan yihiin, waxayna soo taxday waxyaabo badan oo wanaag ah oo ay qabteen, waxayna ku doodday hadday fidno-wadayaal yihiin in la wada arki lahaa.

Sida caadiga ah madrasooyinka waxaa lagu bartaa diinta, Abaadir wuxuu sheegay inaanu dhib u arkeyn haddii carruurta diinta loo barayo, hase ahaatee wuxuu ka biyo diidsan yahay in iskuullada laga joojiyo, wuxuuna isweydiiyay, “miyaysan diinta iyo iskuullada isku dhigan Karin carruurta?” Isagoo aan cidna u oggolaan jawaabta su’aashaas ayuu sii raaciyay in isaga iyo waalidiinta la midka ahba ay iskuullada wax ka soo barteen, sidoo kalena ay dugsiyo diimeed soo dhigteen.

Abaadir wuxuu walaac ka muujiyay oo uu sheegay inuu ka carooday markuu arkay carruurta in xeryo lagu xareynayo, waxbarashada caadiga ahna la diiddan yahay oo la leeyahay hub qaata iyadoo laga dhaadhicinayo inay diinta difaacaan! “Waa yaabe, yaa diinta soo weeraray!?” Ayuu yiri isagoo yaab wejiga la kaduudaya farahana taagtaagaya.

“Abaadir waan kugu raacsanahay, cid diinta soo weerartay ma jirto,” ayuu yiri Warsame
oo ku tilmaamay hadalkaas in dadka lagu beer-laxawsanayo oo farsamo kale oo siyaasadeed loogu hoos qarinayo, “dadkeennu 100% waa muslim. Ma haddaan billaabeynaa in aan diinteenna muqaddaska ahi weerarno. Anigu waxaas wax dhici kara uma arko, ee aan ka tabaabusheysano sida aan ka yeeli laheyn arrinkan,” ayuu cod dheer ku yiri Warsame.

Ardo waxay u aragtaa inay Warsame iyo Abaadir deg-degayaan, waxay aamisan tahay in loo kaadiyo oo la arko raggaan sida ay wax u maamulaan. Wax qarsoomi kara inaanay noqon doonin ayay u sheegtay haddii ay hawl gurracan jirto, haddii ay wax ka jiraan arrimaha ay ka hadleen, waqti in la siiyo oo aan la deg-degin ayay ku talisay Ardo, iyadoo sheegtay haddii ay carruurta si qaldan u adeegsadaan ay waalidiintuna sida la habboonaato ku dhaqaaqi doonaan.

Warsame lama aanu dhicin talada Ardo, wuxuuna qabaa shaki xooggan, oo mar haddii ay dantooda gaaran kaddib, oo ay arrimahooda u hagaagaan, oo ay carruurta leexsadaan, haweenkana kalsoonidooda helaan, cid markaas wax ka qaban karta ama u babac dhigi karta aanay jirin ayuu dareensiiyay Ardo iyo Abaadir, “inta ay goori goor tahay aan carruurteenna dib uga soo ceshanno,” ayuu ku taliyay Warsame.

Wuxuu ka cabsanayaa maadaama ay urursanayaan hub badan inaan berri hadalkooda iyo xukunkooda midna la is hortaagi karin, oo ay ciddii ka hor timaada qoorta u dheereyn doonaan.

Arrintaas mid u baahan in laga fiirsado inay tahay ayuu u arkay Abaadir, hase ahaatee, waqti badan oo ay sii sheekeystaan in aanu u harin ayuu u sheegay, oo la joogo xilligii salaadda duhur, “mar kale aan isu imaanno, indho aragti dheerna aan kula soconno carruurteenna iyo wax Alla wixii ku soo siyaada,” intuu yiri ayuu fadhiga ka istaagay Abaadir.

Ardo oo aragtay inuu socod isku diyaariyay Abaadir ayaa isku dayday inay celiso, iyadoo u sheegtay inay qadadii diyaarisay, “ha bixin waanu wada qadeyneynaaye,” ayay tiri.

Wuu ka cudurdaartay Abaadir qadada loogu baaqay, wuxuuna u sheegay Ardo inuu la bllansan yahay asaxaab kale. Warsame ayaa isna fadhigii ka istaagay oo Ardo u sheegay inuu Abaadir horay u sii raacayo.

Ardo markii ay aragtay inay is raacayaan ayay macasalaameysay, iyadoo u sheegtay inay reeraha soo booqan doonto, sidii ayaana maalintaas lagu kala tegayi.

aragtidaada nala wadaag...