Cutubka 2aad

Si wanaagsan ayay howluhu ugu billowdeen Marin-Habawsheyaasha, inta badan waxyaabihii ay damacsanaayeen inay ka shaqeeyaan meel wanaagsan ayay u marayeen, soo dhoweyn ayay dadweynaha ka heleen, maxaa yeelay waxay dadku si aad ah u jeclaayeen in diinta lagu dhaqo, nidaamka iyo kala dambeynta waqtiga fog ka maqnaana uu dib u soo laabto, middaas ayaa u fududeysay raggaan inay si sahal ah u helaan kalsooni xaddigeedu badan yahay.

Abuu Seef dhidid badan ayaa ka socday, waxaana uu horkacayay carruur badan oo ay da’aaddoodu aad u yar-yarayd, socodka ayuu boobayay, qofkii garta ee dhabbaha kaga hor yimaada ee salaan ula hawooda deg-deg intuu ugu warceliyo ayuu isagoo aan oggolaan inuu u joogsado sii boobayay socodkiisa.

Sheekhu siduu u soo xiimayay, wuxuu ku soo leexday madraso ay carruur badani joogeen, markiiba carruurtii uu hoggaaminayay ayuu ku xareeyay qol yar, kaddibna wuu soo dhaqaaqay si uu ula hadlo macallin Duufiye oo geed weyn hoos fadhiya kaasoo madrasada ku dhex yaallay.

Macallin Duufiye si qurux badan ayuu u soo dhoweeyay Abuu Seef, wuxuuna ugu baaqay inuu ku fariisto kursi uu u dhigay meel ka tirsan geedka harkiisa, dhididka, diifta iyo daalka ka muuqda ayaa malaha tusinayay inuu sheekhu u baahan yahay nasiino.

Arday koox-koox ah ayaa si teel-teel ah u fadhida gudaha iyo barxadda madrasada. Meesha waxaa ku yaallay labo qol oo jiingad ka sameysan, barxad aan sidaa u weyneynna way ku taallay. Laakiin waxaa laga dareemayay cabbirka meesha iyo carruurta joogta inay is ciriirinayeen.

Abuu Seef markuu daqiiqado aan badneyn nastay ayuu gudagalay inuu xaajadiisa uga warramo Macallin Duufiye, wuxuuna u sheegay inay jiraan hawlo culus oo hor yaalla, kuwaasoo loo baahan yahay inuu macallinku sida ay tahay uga soo baxo.

Macallin Duufiye ayaa muujiyay dareen gaar ah inuu siinayo hawshan culus ee dhegihiisa lagu dhibciyay, isagoo codsaday in loo sheego waxa ay yihiin si uu u ogaado.

Carruur gaareysa 300 oo arday, oo ay da’doodu u dhaxeyso 10-jir ilaa 15-jir, lagana soo kala uruuriyay xaafadaha deegaanka ayaa loo sheegay macallin Duufiye inay tahay hawsha culus ee looga baahan yahay inuu deg-deg uga shaqeeyo. Abuu Seef wuxuu kaloo u raaciyay waxa laga doonayo macallinka inay tahay inuu si wayn u tashkiiliyo, maskaxdooda uu rogo, qalbiyadooda uu jilciyo, si ay u sahlanaato in loogu adeegsado meelo badan, “qaar waxaan u adeegsan doonnaa ciidan dagaallama, qaarna waxaan rabnaa inaan si gaar ah ugu carbinno isqarxinta, taasoo la doonayo in niyaddooda laga tir-tiro baqdin iyo cabsi,” ayuu yiri Abuu Seef.

Macallin Duufiye ayaa intaas markii loo sheegay dhoolla-caddeeyay, madaxa ayuu ruxay, wuxuu cod kaftan leh ku yiri, “Abuu Seef ilaa hadda wax cusub iima aadan sheegin, waxaad ii sheegeyso waa hawsheyda, muddo yar ayaan maskaxdooda ku doorinayaa ilmahaas, waxaana kaa ballanqaadayaa inaan adduunyo waxay tahayba nacsiiyo.”

Abuu Seef hadalka macallinka wuxuu ku abuuray farxad, sababtoo ah waa siduu rabay sida macallinku la gartay, inay carruurtu hiyi-kacaan, in jannada hortooda la keeno, inay u kala ordaan hawlaha loo diri doono, oo ay dhiirranaan, indho-adayg la soo baxaan iyo inay si aan ka leex-leexasho lahayn u aqbalaan wax kastoo loo diro, wuxuu rabaa carruurtaasi xitaa berri haddii loo diro inay soo dilaan waalidiintood inaysan ka laaban, marka ay dagaal tahayna inay noqdaan kuwo aan ka waaban oo ciidan kasta oo laga horgeeyo u babac dhiga.

“Taa igu daa aniga,” ayuu ku cel-celiyay Macallin Duufiye, oo isna ujeedkiisu yahay inuu ka farxiyo Abuu Seef. “Beryahaan gacantiinna waa iga raagtaye waa idin sidee?, dhinaca dhaqaalaha imaba soo eegtaan, mashquul baad noqoteen, hawlihii baa idinku fara batay,” ayuu yiri macallin Duufiye, isagoo ka cabanaya inaan dhowaanahan wax dhaqaale ah la soo gaarsiin sidii lagu ballansanaaba.

Kaftanka dhexdiisa baa lagu kala shaqeysanayaa, waxaa la isku dareensiinayaa in la wada shaqeynayo oo qof kasta daacad iyo dar Alle uu ku shaqeynayo iyadoo uu midba midka tusayo hagar la’aantiisa, hase yeeshee ninna dantiisa gaarka ah ma mooga, waa kaas Macallin Duufiye oo si toos ah u yiri, “maad lacag I siisaan!” oo haddaan lacag la siininna ma isagaaba sii wadaya shaqada?

Abuu Seef oo gartay inuu macallinku gacan adayg dhankooda ah ka cabanayo, ayaa talo ku goostay inuu qanciyo, isagoo qosol aan la maqleyn, ilko caddayntiisase laga dheehan karo ku kalsooni geliyay macallinka inuu dhinacaas ka wel-wel la’aado, wuxuuna isugu soo daba taxay hadallo cudurdaar u badan oo nuxurkoodu yahay waan ku ognahay, “annagu kuma illoobin, waan kuu soo soconnay, qorshaheenna ayaad qayb ka tahay, ha ka cabsan inay gacanteenna ku soo gaari weyso,” intaas markuu leeyahay wuxuu macallinka gacantiisa ku hubsaday bashqad ay lacag doollar ah ku jirto, wuxuuna u sii raaciyay haddii uu jeclaan lahaa reerka inuu wax uga sii geeyo inuu diyaar u yahay.

Macallin Duufiye arrintaas way ka farxisay, aad buu uga mahadnaqay sida deg-degta leh ee cabashadiisa looga jawaabay oo waxaa gashay rajo hor leh oo ku saabsan inuu shaqadan wax badan ka faa’ideysan doono, wuxuu is-tusay inay raggaani yihiin kuwo uu la shaqeyn karo, oo weliba waqti dheer ay isla sii jaan-qaadi karaan.

“Jasaakallaahu Sheekh, anigaa idiin soo sheegaya wixii aan u baahdo,” ayuu yiri Macallin Duufiye oo ku warcelinaya, “reerka wax aad jeclaan lahayd inaan kugu geyno miyaa jira?” su’aashii ahayd ee uu weydiiyay Abuu Seef.

Maalmahaan oo dhan waxaa ku jiray shaki uu ka qabay la shaqeynta Abuu Seef iyo saaxiibadiis, sababta loo dhaqaaleyn la’yahay, looga warqabi la’yahay, looga aamusan yahay, aan loo daneyneyn baahidiisa gaarka ah, ayuu ka walaacsanaa. Markuu hubsaday inuu haysto lacag hadda la guddoonsiiyay ayuu iska illoobay shakigii iyo cabsidii uu ka qabay sii socoshada hawsha raggaan kala dhaxeysa.

“Carruurta 300 gaaraya ee aad ii sheegtay waa kuwee?” ayuu weydiiyay Macallin Duufiye isagoo damacsan inuu ka guddoomo oo uu tababar u billaabo. Abuu Seef ayaa u tilmaamay inay qolka ku xareysan yihiin. Isagana wuxuu u ballanqaaday inuu isla maanta arrintooda geli doono.

“Wado hawshaada” iyo “waa inoo mar kale” ayaa lagu kala tagay Abuu Seef iyo Macallin Duufiye.

Sheekhii markuu dhaqaaqay ayuu Macallin Duufiye galay qolkii ardayda loogu tilmaamay, sida u caadada ah wuxuu u jeediyaa khudbad marka arday cusub loo keeno, wuuna is-baraa. Ardaydii oo buuqeysa ayuu u soo galay, wuu aamusiiyay, kaddibna wuxuu hadal uga billaabay:

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan idin soo hor istaago anigoo Macallin Duufiye ah, idinkana aad baad u nasiib badan tihiin dhallinyarooy, inaan waxa aan aqaanno oo diinta Islaamka ah idiin faa’ideeyo, maanta waxaa lagu jiraa marxalad xun, adduunkana waxaa loo joogaa in la shaqeysto aakhirada, sabankaan dadkii waxay u bateen kuwa uu daciif yahay iimaankoodu oo adduunyo uun ku fikiraaya, laakiin waxaan rajeynayaa inaad noqotaan kuwa ku fikira inay aakhiradooda shaqaystaan, wax la shaqeysto iyadoo ay ugu fiican tahay aakhirada, haddana waxaa ugu sii wanaagsan shaqada jihaadka.

Marka dhallinyarada maanta fidneysan ee ku mashquulsan ciyaaro, heeso iyo maalaa-yacniga oo kale inaad noqotaan lama doonayo, waayo kuwaas Ilaahay wuu u caroonayaa, waxaa la idinka doonayaa inaad noqotaan jeyshka (ciidanka) Ilaahay oo aad kuwa cadowga ku ah Islaamka kala hor tagtaan dagaal iyo awood.”

Sida caadiga ah dadku waxay ka sheekeystaan xaaladaha nololeed iyo kuwa siyaasadeed ee deegaankooda, waxay u lafa-guraan si aad ah iyagoo aragtiyadooda ku dabbaqaya, mararka qaar waxay ku dheeraadaan muranka oo meel qaraar buu la gaaraa, mar-marna si qabow oo isfaham ku dhisan ayay uga doodaan wixii jira.

Daahir iyo Hilowle oo ka mid ah ragga degaanka ayaa iyagoo jooga fadhi-ku-dirirka waxaa u yimid saaxiibkood Caabbi oo ay maalmahaas warkiisa waayeen. Markii ay isa salaameen kaddib ayaa Daahir wuxuu weydiiyay Caabbi sababta maalmahan loo waayay.

Caabbi wuxuu u sheegay saaxiibbadiis inuu kor ahaan joogay magaalada balse aanu imaan fadhi-ku-dirirka, “magaalada war iga siiya, idinkaa meelaha xuuraansadee, maxaa iga dambeeyey?” Ayuu weydiiyay labadoodii.

Daahir ayaa warkii ku hormaray oo u sheegay saaxiibkiis Caabbi in magaaladu sida uu la socdaba ay isla guuxeyso, oo maalmahaan laga yaabban yahay isbeddalka siyaasadda ku yimid. Daahir wuxuu ku jeestay Hilowle oo koob shaah ah oo uu cabayay afka la sii aadaya, wuxuu si kaftan ah u weydiiyay in ay maqleen in uu shaqo helay.

“Waa runtaa” ayuu yiri Hilowle, laakiin labo maalmood markii uu la shaqeeyay wuxuu sheegay in wasiirkii uu la shaqeynayey jagada laga qaaday oo uu sidaa shaqadiina ku waayay, wuxuu warbixin ku siiyay wasaaraddaasi in hadda loo dhiibay wasiir kale, oo isagana shaqaale cusub wada qortay, sidaas daraadeedna uu isagu maalmahan shaqo la’yahay.

Caabbi ayaa ku qoslay sheekada Hilowle, “war ninka miyuu waalan yahay? War wasiir baa la beddelaye ee maxaa adiga kugu xiray wasiirkaasi? Shaqaale yar oo hoose oo maskiin ah baaba tahaye,” ayuu kula kaftamay Caabbi saaxiibkiis Hilowle.

Daahir oo sheekada saaxiibbadiis markii hore dhageyste uun ka ahaa ayaa markuu kaftanka halkaas marayo ku soo biiray sheekada, wuxuuna Caabbi kula kaftamay inaanu nin wax fahmaaya ahayn, oo Hilowle markiisii horeba uu nin uu hore ula shaqeyn jiray shaqada geeyay.

Saddexdoodu waa dad saaxiibbo ah oo muddo badan is yaqaannay, iyagoo kululeysanaya ninkii Hilowle ahaa ayaa Daahir wuxuu waydiiyay Caabbi bal inuu weligii arkay Hilowle oo buug iyo qalin sita una socda waxbarasho, isagoo markaas u qarinaya Hilowle inuusan lahayn aqoon uu wasaarad uga shaqeeyo.

Hilowle ayaa hadalkii qaatay oo saaxiibbadiis u sheegay inay hurdaan, isagoo weydiiyay “War weligiin ma maqasheen wax la yiraahdo 4.5?” isagoo ula jeeda Soomaalida hadda nidaamka ay awoodda ku qeybsadaan.

Caabbi oo markii horeba kaftanka weerarka ah ku billaabay Hilowle ayaa yiri, “four point five waa xisaab Af-Ingiriisi ah oo macnaheedu yahay afar iyo bar,” laakiin wuxuu sii raaciyay inaanu garan ujeedka uu saaxiibkiis xisaabtaasi u soo qaatay, wuxuuna ka codsaday inuu bal u jilciyo, maadaama uu wax ka soo faa’ideystay wasaaradd ii uu beryaha yar u shaqeeyey.

Hilowle ayaa qoslay isagoo isu xariifinaya saaxiibbadiis oo uu ku tilmaamay inay waddanka iska joogaan, hase ahaatee waxa ay la socdaan ay iska yar tahay, halkaan ayuu u galay sharraxaad dheer oo uu ka bixiyay xisaabtii uu Af-Ingiriisiga ahaanta ugu dhawaaqay, “Nimanyahoow Soomaali wey kala baxday, oo waxaa loo kala baxay afar qabiil oo la yiri wey waaweyn yihiin iyo kuwo yar-yar oo isbahaysiga loo bixiyey. Muddo labaatan sano ah baanu ku soo soconnay dhaqan xumo iyo anigaa reer hebel ah iyo wixi la mida, haddase anigu waanba ka helay nidaamkan oo dhibtii wax qeybsi ee jirtay looga baxayo, xeerkaas la’aantiisna anigu weligey maan dhaafeen halkaad igu ogeydeen ee aan joogi jiray, “horta ma xasuusataan tuuladii xumeyd ee aan degganeyn?” ayuu weydiiyey.

Daahir ayaa ka dhexgalay oo yiri, “War tuuladaasi ha inoo dambeysee, hadda magaalo madaxdii baanu joognaaye. Maxay tahay Somaali habkan qeyb ee cusub ee aad la dhacsan tahay, maxayse yihiin kuwa isbahaystay ee aad sheegtay, yeyse isu bahaysteen?”

Hilowle ayaa halkii ka sii watay sheekadii, isagoo Daahir ugu jawaabay inaanay siduu u fahmay ahayn qaabka awood qeybsiga ee Soomaalida, balse wax kasta beel beel loo qeybsaday, wuxuuna ka dhaadhiciyay in beelihii dagaallada sokeeye ka qeybgalay loo bixiyey kuwa waaweyn maaddaama ay reer miyi badan oo qoryaha qaatay lahaayeen, kuwii aan ka qeybgelinna yihiin isbahaysiga oo malaha loola jeedo in ay nabadda isu bahaysteen,” ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale sharraxaadda ugu daray in beelaha hubka qaatay ee oggolaaday inay daadiyaan dhiigga sokeeyaha ee subax kasta u kallihi jiray dagaallada, rabshadaha iyo cadaawadda la siiyey min xubin buuxda, halka kuwa kalena, waa isbahaysigee la isugu jiray nus xubin.

Sheekada saddexdooda ay wadaagayeen siday hadba mowduuc ugu gudbeysay, oo hadba jaranjaro loo saarayay, oo hadba loo kala durdurinayay ayaa ninkii Caabbi ahaa wuxuu saaxiibadiis u sheegay inuu la yaabban yahay xawliga uu ku socdo maamulka Marin-Habaabiyeyaasha, sida shacabku ugu heellan yahay iyo sida aanay uga faa’ideysaneyn ayuu fajiciso ku tilmaamay, iskaba daa inay dadka soo jiitaane maalin kasta wax lagu necbeysto ayay sameeyaan oo ay dadku dhibsadaan.

“Waxaa ugu darneyd markii ay habeen hore toogteen dhallinyaro kubbad daawanaysay, oo kubbad ma wax naf loo gooyaa,?” ayuu yiri Hilowle, oo wejigiisa laga dareemayo inuu dhaliilsan yahay tallaaboyinka ay qaadayaan Marin-habaabiyeyaasha.

Ninkii Daahir ahaa ayaa isla soo mutaxay ammaan aanay cidi u dirsan, wuxuu ku andacooday in Hilowle, Caabbi iyo dadka la midka ah ay taladu seeggan tahay oo aanay kala garaneyn waxa u fiican iyo waxa u xun, markuu eeddaas dhanka saaxiibbadiis u tuuray, ayuu Marin-habaabiyeyaasha u tiriyay ammaan ay ka mid tahay inay sameeyeen hawlo lagu farxo, sida iyagoo hirgeliyey kala dambeyn ugu yaraan goobaha ay ka taliyaan. Waxaa intaas u dheer in Daahir uu u arko qaladaad yar-yar waxyaabaha eedeynayo marin-habawsheyaashu, “Waxyaabo yar-yar mar-mar wey iska dhacaan marka hawl sidaas u weyn la guda-gelayo,” ayuu ku dooday Daahir.

“Qaladaad yar-yar aaaa!!!” ayuu la soo booday Hilowle oo is-hayn kari waayey, wuxuuna u aqoonsaday in ay gashan yihiin shaarka sharwadeyaasha oo ayna dhiigyacab yihiin, isagoo wax aan la qaadan karin ku sheegay in la arko waayeel ay carruurtu jidadka ku uleyneyso (karbaasheyso), “Xaggeen weligeen ku aragnay xushmad-darro intaas la’eg?” ayuu isweydiiyay, isagoo aan hadalka joojin ayuuna sii raaciyey, “oo hadda waxayba amreen in ay ka joojiyaan warbaahinta heesaha iyo wararka ay u arkaan inay ceebtooda kashifayaan, waa dad layaab leh!”

“Miyeydaan maqal inay burburiyeen qabuuro qaddiimi ahaa oo dadkii lagu aasay ay waa hore carra-carroobeen, dadkaas wax aan u dhigo weligay ma arag!” ayuu yiri Caabbi oo ka caraysan kooxdan dadka nool iyo kuwa dhintay isku sida ula dagaallamaya.

Daahir oo doodda socota aan garab u heysan ayaa difaac u galay qabuuraha burburintooda inay tahay daw, oo ay jiraan dad si qaldan u adeegsada qabuuraha, heesahana in la joojiyo aanay xumeyn oo waddadii saxda ahayd hadda uun lagu joogo.

Laakiin, Hilowle oo qosol meel fog laga maqli karo ku dhuftay ayaa sheegay in Marin- Habaabiyeyaashu dhageystaan heesaha Carabta oo ay diiddan yihiin oo keliya kuwa kale ee Soomaaliga ah amaba afafka kale ah. Caabbina wuxuu ku raacay inay kuwaaso dhaqan bi’is yihiin oo ayna fashilmi doonaan.

Dooddoodii markii ay meeshaas kulul mareyso ayay kala istaageen oo nin kasta uu midka kale macasalaameeyay maaddaama sheekadii la isku waafaqi waayey.

Abuu Seef iyo Abuu Colaad iyagoon iska war-hayn ayay salaaddii Casir isku arkeen masjidka, “Sheekh waad igu kedisaye ma misaajidkaad igula jirtay?” “Kuma arkeynine ma haddaad timid?” “Jameecada miyaad la tukatay mise haddaad tukan rabtaa?” ayaa la isku tuur-tuuray markii la isa salaamayba.

Laguma daahin kaftanka iyo sheekooyinka kale ee gaarka ah, ee markiiba waxaa gudaha loo galay badihii la isku ogaa. “Arrimaheennii maxaa ka soo kordhay?” ayuu billowgiiba Abuu Seef su’aalay saaxiibkiis Abuu Colaad, oo uu inta badan uga bartay amarro iyo hawlo cusub oo la dar-dar geliyo inuu hindiso.

Abuu Colaad ayaa laakin isaguna dhinaciisa qirsan inuu Abuu Seef uga xog-ogaalsan yahay dhaqdhaqaaqa deegaanka iyo arrimaha gudaha sida ay shaqooyinku uga socdaan, guul iyo guul-darro waxa la macaasho iyo waxa la khasaaro, hase yeeshee maanta warka dhankiisa cusub ee uu saaxiibkiis qeyb ka wadaajin karo waa in dalal badan oo dibadda ah laga soo dhoweeyay dadaalkooda, hambalyo iyo bogaadin in looga soo dirayo meelo badan, weliba wuxuu farxad ku guddoonsiiyay in dalal laga casuumay uu u socdaali doono dhowaan.

Arrintaasi Abuu Seef wuu ka mahad-celiyay, aad bayna u farxad-gelisay, iyagoo billow ah inay horumarkaas sameyn karaan wax uu u fadhiyayba ma ahayn, wuxuu weliba saaxiibkiis ugu bishaareeyay sidaas iyo si ka weyn in dadkooda gudaha ay u soo dhoweeyeen, rajada uu qabo waxay tahay marka ay hawsha ballaariyaan inuu filayo waxyaabahaan wax ka sii waa-weyn.

Warka xaggiisa ka cusub Abuu Seef wuxuu yahay inay codsiyo uga imaanayaan deegaanno aanu maamulkoodu gaarin oo ay dadku leeyihiin “na soo gaara”.

Waxay sheekadooda dhexdeeda isku weydiiyeen ninkii Macallin Duufiye ahaa bal in sidii ay rabeen iyo si ka wanaagsan uu shaqadiisa u wato iyo in kale, waxayna isku wargeliyeen in sidii laga filaayey uu ka hawl-karsan yahay. Macallin Duufiye wuxuu mashquul ku yahay inuu duruus joogto ah siiyo ardayda ay xareeyeen. Baahida dhankooda jirta xilligan inay tahay sidii loo heli lahaa ciidamo dheeraad ah, ayuu Abuu Seef dareensiiyay Sheekhiisa.

Hase yeeshee, Abuu Colaad oo taas aanayba qorshihiisa ku jirin inay tahay baahi iman karta ayaa su’aal ku celiyay Abuu Seef oo yiri “aaway xeryihii aan u furnay in lagu qoro dhallinyarada hubeysan?

“Xeryahaas hawshoodu way socotaa, laakiin ma cago badna” ayuu ku warceliyay Abuu Seef, isagoo sheegay inay yar tahay fursadda ah in la helo dhallinyaro nadiif ah oo hubeysan, waxaase jira dhallinyaro mooryaan soo ahayd oo dhac iyo boob ku hayn jirtay bulshada, kuwaasna wuxuu is-tusiyay inaanay iyaga anfacaynin.

Dhaliisha uu soo gudbiyay Abuu Seef waxaa ku diidday Abuu Colaad oo isagu aamisan inaan albaabbada laga xiran mooryaantii hore, “waa dhallinyaradeennii waxay u baahan yihiin oo keliya in la hanuuniyo, annagaana hanuuninayna, oo waxbarayna, waxaan u xireynaa qamiisyo iyo cimaamado, markaas yaa dhahaya waa mooryaan?” Ayuu ku dooday Abuu Colaad.

Abuu Colaad wuxuu saaxiibkiis ku qanciyay in mooryaantaas ay iyaga muhiim u yihiin marka loo baahado hawlgallo, waayo iyagu waa dad horay u soo dagaallamay oo horay wax u soo dilay oo ay dhankaasi ka u carbisan yihiin.

“Waayahay Sheekh” ayuu afka ka yiri Abuu Seef, laakiin niyaddiisa kuma qanacsaneyn inuu aqbalo soo jeedintaas dambe, wuxuuse ku warceliyay inuu saraakiisha u qaabilsan qorista ciidamada cusub u gudbin doono fikraddan dambe inay qaataan oo ay liiska ku soo daraan mooryaanta, cimaamadana ay u xiraan, loona sheego kuwooda gaaray in ay garka daystaan.

“Waalidiinta carruurta aan xareynay wax caqabad ah miyaad weli kala kulanteen?” Abuu Colaad ayaa su’aashaas waydiiyay saaxiibkiisa xagga shaqada.

Wax cabanaya oo yimid ma sheegin Abuu Seef, “dadku waa noo heellan yihiin, oo waxay xitaa nagu aaminayaan wax kastoo noloshooda ah, iskaba daa maamul iyo waxbarashee,” ayuu yiri isagoo gawska dambe ka qoslaya.

“Waa arrin wanaagsan,” intuu yiri Abuu Colaad ayuu weydiiyay bal inay weli la shireen ganacsatada iyo in kale. Abuu Seef-na wuxuu u sheegay inaanay la kulmin weli, balse ay qorsheynayaan inay Jimcaha soo socda shir isugu yeeraan.

Abuu Colaad isagoo ku adkeynaya muhiimadda ay u leeyihiin ganacsatada ayuu u sheegay Abuu Seef inaanay raggaasi uga maarmayn hawlahooda, “wax weyn baan ka rajeyneynaa ee shirkooda xoogga ha la saaro,” ayuu yiri isagoo dhabarka si tartiib ah gacanta uga saaraya, “ha lagu dadaalo inay nagu soo xirmaan,” ayuu dardaarankiisii ku soo dhammeeyay. Abuu Seef-na, “waan dadaaleynaa inshaa Allaah,” ayuu yiri.

Intay sheekada isku dhiib-dhiibayaan waxay fadhiyaan meel gees ah oo masaajidka gudihiisa ah, waxaana hadba salaan kula soo leexanaya dad ay is-garanayaan, oo qaarkood aan ogeyn raggan waxa ay ka shirayaan, waxayna isugu jiraan dadkaasi qaar si hoose aan xog-ogaal ugu ahayn hawlaha ay wadaan iyo qaar kale oo wararkooda ay soo gaar-gaarayaan iyo qaar aanan waxbaba ka qarsooneyn oo si buuxda ula socda qorsheyaashooda iyo waxa ay ka damacsan yihiin.

Abuu Colaad isagoo dhinacyada masaajidka indhaha la raac-raacaya oo u muuqda inuu fikrado maskaxdiisa ka baarayo, ayay qeybta xusuusta ee maskaxdiisa soo qabsatay billowgii sheekada qeyb yar oo ka mid ah inay ku saabsaneyn in looga gacan- haatinayo deegaanno aanay horay u gaarin, dabadeedna sidii ruux uu dareen galay, ama ku naxay qof aanu filaneyn oo korkiisa soo istaagay ayuu mar keliya la soo hinqaday, “midda kale dad badan baa u diyaar ah inay nagu soo biiraan marka cid kasta ha la soo dhoweeyo intay hawshu billowga tahay, hadhow markaan gaarno ujeedkeenna anagaa kala xulan doonnee oo ka qaadan doonna wixii na anfacaya, wixii aan na anfacayninna iska daadin doonnee.”

Sheekada inteeda badan waxaa hadba weji cusub u sameynaya Abuu Colaad oo ah nin aftahan ah oo jecel aragtidiisa uun inay hirgasho. Abuu Colaad wuxuu isu haystaa inuu yahay taliyaha ugu sarreeya ee qandaraaskan. Abuu Seef baa dabadeedna ugu war- celiyey, “waayahay Sheekh, sidaas baannu yeeli doonnaa.” Haddana, wuxuu Abuu Seef dib u soo celiyay su’aalihii mar sii horreysay uu fikraddeeda soo hadal-qaaday, balse aan laga hoos qaadin, wuxuuna yiri, “maxaan ka yeelnaa deegaannada ay codsiyada naga soo gaarayaan si aan u gaarsiinno maamulkeenna?”

Abuu Colaad garkiisa ayuu jiid-jiiday, afarta farood ee gacanta bidix ayuu shanle uga dhigay, marba dhinac ayuu u leex-leexiyay, fadhiga ayuu quruxsaday, xoogaa yar ayuu aamusay, madaxa isagoo rux-ruxaya ayuu yiri, “deegaannadaasi waa inaan u tagnaa sida ugu dhaqsiyaha badan, waayo dadkeenna dhibaatooyin ragaadiyay bay la daalaa dhacayaan, waa inaan u gurmannaa oo aan dhibta haysa ka dul qaadnaa.”

Hadalka markuu halkaa marinayo ayaa Abuu Colaad waxaa ku soo dhacday inuu galabtaas dano kale lahaa, saacadda ayuu eegay mise 15 daqiiqadood ayuu dib uga dhacay ballan uu la lahaa ina adeerkii oo dhowaan toddobaadkaas un dibadda ka yimid, degdeg intuu fadhigii uga istaagay ayuu eegay dhinaca Abuu Seef isagoo leh “meel baan ku sii degdegayaaye…Asalaaamu Calaykum”, wuuna dhaqaaqay.

Abuu Seef isagoo weli aan ka istaagin fadhigiisii ayuu isweydiiyay, “maanta side bey ka noqotay Abuu Colaad, ma mooryaantii dadka dhibtay baan ciidan ka dhigan karnaa, kuwaas sumcaddeenna ayay qarribayaan….Laakiin haddii la hanuunin karo way fiicnaan lahayd, inkastoo kuwaas ay u muuqdaan wax aan hanuunsameyn.

Oday Warsame waxaa wel-wel ku haya xaaladda wiilkiisa, Guuleed, oo beryahan dambe ku dhex milmay Marin-habaabiyeyaasha. Had iyo jeer wuxuu ka fekeraa sidii uu ka yeeli lahaa xaaladda wiilkiisa. Dhibta ugu xooggani waxay ka heysataa dhinaca xaaskiisa, Caasha, oo iyadu si lab-la-kac ah ugu garab siineysa Guuleed isbaddelka uu raacay.

Waa Barqo, waxaa gurigooda ku idil Caasho, Warsame iyo wiilkooda Guuleed. Hawl- maalmeedkooda caadiga ah ee guriga ayay ku mashquulsan yihiin. Caasho waxay diiraysaa (fiiqeysaa) yaanyo ay ugu talogashay inay qadada maalintaas ku sameyso, qudaartii kalena waxay taallaa meel agteeda ah. Warsame wuxuu meel agteeda ah ku dhageysanayaa rikoor uu gashaday cajalad ay walaashiis uga soo duubtay Jidda, dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Warsame wuxuu u yeeray xaaskiisa, Caasho, wuxuuna weydiiyay sababta aanay ula hadlayn wiilkooda, Guuleed, oo diiday iskuulkii oo waqtigiisa oo dhanna ku lumiyay daba orodka Marin-habaabiyeyaasha.

Caasha oo difaacaysa tallaaboyinka Guuleed uu qaadayo ayaa Warsame u sheegtay inuu wiilkooda u baranayo diinta oo sidaan ay uga wanaagsan tahay iskuulka caadiga ah, “oo awal muxuu ka faa’iidi lahaa iskuul, saan baa u dhaanta adduun iyo aakhirabee,” ayay tiri Caasho.

Hadalkoodii oo halkaa u maraya ayaa albaabkii la soo garaacay. Warsame wuxuu faray Guuleed inuu albaabka furo. Wiilkii yaraa wuxuu u dhaqaaqay dhinaca iridda. Habaryartiis Ardo ayay noqotay qoftii uu albaabka ka furay.

Ardo ayaa hooddiyeysay markii ay soo gashayba dadkii guriga joogay. Caasho ayaa iyadoo cod dheer ku qeylineysa kula soo boodday “Alla! Waa walaashay, soo dhowow Ardo.”

“Waan dhowahay walaal,” ayay ugu war-celisay Ardo walaasheed Caasho.

Markaas kaddib waxaa la guda-galay in la iska wareysto xaaladda carruurta iyo tan qoysaska, waxaana la is dhaaf-dhaafsaday in labada dhinacba ay caafimaad qabaan.

Warsame wuxuu Ardo weydiiyay arrimaha magaalada waxay war ka heyso.

Ardo: Annaga iyo carruurtaba waanu kuu fiicannahay, ee adiga bal iska warran? Reerku siday ahaayeen.

Caasho: Wey fiicnaayeen, Ilaahay nimcadiis.Warsame bal adigana ii warran? “Warsamow baladka waxaa la hadal-hayaa wadaaddadu inay ciidamo qoranayaan oo ay maamulkooda ballaarinayaan” ayay tiri Ardo.

Hadalkaas fajiciso ayuu ku abuuray Warsame wuxuuna Ardo weydiiyay halka ciidanka ay u qoranayaan. Ardo waxay u sheegtay inay dadku isla dhex marayaan ciidankaas inay ammaanka deegaanka sugayaan.

Ardo waxay gacanta soo qabatay Guuleed oo ay agteeda fariisisay, iyadoo madaxa ka salaaxeysa oo leh, “habaryar sidee tahay?” Guuleed isagoo cod hooseeya ku hadlaayay wuxuu habaryartiis u sheegay inuu fiican yahay. Ardo iyadoo isku dayeysa inay la sii sheekeysato Guuleed ayaa waxaa ka soo dhex galay Warsame oo dib u furay dacwadii uu horey ugu gudbiyay Ardo ee ka dhanka ahayd Caasho iyo wiilkeeda Guuleed.

“Ardoy wiilkaan Guuleed ah iskuulkii baa lagu kari la’yahay, wuxuu ka doortay meel meeshaan ah oo aanan xaalkeeda fahmin.” Intaas markuu yiri Warsame ayaa waxaa ka soo dhex-gashay Caasho oo tiri, “meel meeshaan ah buu ku leeyahay, war waa malcaamad diinta uu ku baranayo oo ay wadaaddadu maamulkeeda hayaane sidee bay wax kaa noqdeen? Ma meel ka fiicanoo wiilkeenna uu wax ka baran lahaa baa jirta?”

Warsame ayaa isagoo ay caro ka muuqato yiri, “bal waxay ku hadleyso maqal, wiilkan dugsi waxaan geynay isagoo 7-jir ah, qur’aankana meel wanaagsan buu ka marayay, iskuulkiina sidoo kale, marka hadda ma wuxuu uga tagayaa meeshaas?.. Ardoy waad maqleysaaye la hadal walaashaa.”

Ardo oo aragtay inay dooddu kululaatay ayaa iyadoo isku dayeysa inay xaaladda qaboojiso waxay ku jeesatay walaasheed Caasho, waxayna u sheegtay inay fiican tahay wiilku inuu isku wato dugsiga iyo iskuulka oo aan waxbarashadiisa laga kala jarin. Guuleed oo markay dooddu qaraaraatay qolka dib u galay ayay u yeertay, waxayna kula dardaarantay inay u wanaagsan tahay dugsiga iyo iskuulka inuu wada dhigto.

Taladaas dhanka habaryartiis uga timid ma noqon mid u cuntanta Guuleed, wuxuuna madax ruxis ugu sheegay inuu diiddan yahay taas, madrasadiisa inuu aakhiro ku liibaanayo ayuu ku dooday, isagoo iskuulka ku dhaliilay in adduunyo keliya wax ku kooban laga barto oo aan anfac lahayn, wuxuuna habaryartiis kaga yaabsaday in iskuullada lagu barto waxyaabo xaaraan ah, “marka aniga madrasadeyda ayaan rabaa,” ayuu ku soo gebagabeeyay dooddiisii mucjisada ahayd.

“Waa runtiis wiilkeyga!” ayay sii raacisay Caasho, oo la safan Guuleed.

Doodda meesha ka socota hadba waxay ka sii yaabineysaa Ardo, oo qofka hadlayaba sii eegeysa, iyadoo dhabanka heysatana ka soo jeesaneysa hadba qofkii hadalka dhammaysta, hadalkii Guuleed ayaase ugu darnaaday wax dhegaheeda soo gaara, iyadoo bismileysaneysa ayay weydiisay, “habaryar waa maxay waxa xaaraanta ah ee ay dadku bartaan?”

Guuleed wuu isla quman yahay, wuxuuba isu haystaa inuu ka saxsan yahay dadka kale. Isagoo u sharraxaya habaryartiis oo weliba ku indho-adag wuxuu yiri, “iskuullada waxaa lagu dhigaa saynis iyo luqado shisheeye oo ay xaaraan tahay in la barto.”

Warsame hadalkaas dambe wuu ka sii carooday, isagoo qeylinaya wuxuu yiri “bal maqal wuxuu ku hadlaayo,” wuxuu ku jeestay Guuleed, “war yaa kuu sheegay inay xaaraan yihiin?” Ayuu waydiiyay, jawaab kama aanu sugin, iyagaba, kuwa iskuullada u diidaya, inay iskuullo soo dhigteen ayuu u sheegay, wuxuuna u raaciyey in aan haba yaraatee wax xaaraan ah weligeed lagu dhigin iskuullada. “Ardo la hadal walaashaa iyo wiilka aad habaryarta u tahay,” ayuu ku soo gunaanaday hadalkiisii.

Caasho ayaa soo gashay iyadoo difaaceysa go’aanka Guuleed, waxayna sheegtay inuu wiilkeedu hayo waddada saxda ah, “ha la ii daayo wiilkayga, diinta yuu ii baranayaa,” ayay tiri, iyadoo sheegtay inay ku taameysay weligeedba wiilkeedu inuu Sheekh u noqdo, “yaan la iga rabshin wiilka, wuu gar leeyahaye,” ayay tiri.

Ardo waxay aragtay xaaladdu inay siii cuslaaneyso, waxayna ku tashatay inay qaboojiso, oo ay Warsame la hadasho, maadaama uu yahay nin deggan oo iyada aad u ixtiraama, inta badanna aan ka hor imaan talooyinkeeda.

Dumaashigeed waxay u sheegtay in carruurta hadda jirta ay madax adag yihiin, waxbarashana ay isku mid tahay iskuul iyo madraso tii loo tagaba, iyadaba carruurteedii inay iska daayeen iskuullada caadiga ah ayay u sheegtay, “bal aan dhowrno waxay dib ka noqoto ee iska daa ha iska dhigto madrasadiisee,” ayay kula talisay.

Warsame isagoo aan ku qanacsaneyn soo jeedinta dumaashidiis, hase yeeshee markuu qiimeeyay xaaladda oo ay u muuqatay inaanu Guuleed ka waantoobeyn daba orodka Marin-habaabiyeyaash ayuu markii dambe raacay taladii dumaashidiis Ardo.

Hadal-heynta isbeddelka ka dhacay deegaanka wuxuu noqday mid gaara guri kasta iyo goob kastoo ay dadweynuhu isugu yimaadaan. Sahal iyo Dige waxay go’aansadeen inay u tagaan Abuu Seef. Gaarigooda ayay soo qaateen, waxayna isku soo shubeen waddada iyagoo ku wajahan xarunta Marin- habaabiyeyaasha, si ay halkaas ugula kulmaan Abuu Seef.

Waa galab ay cadceeddu u diyaargaroobeyso inay godkeedii u hoyato. Sahal iyo Dige waxay soo gaareen xaruntii ay u socdeen. Meel gees ah oo uu ku yaal geed weyn, waxaa rag kale oo garar-waaweyn iyo qamiisyo gaa-gaaban xiran la taagan Abuu Seef oo ah ninkii ay maanta u soo baxeen si ay ula hadlaan.

Abuu Seef oo meel gebo-gebo ah marsiinaya hadal uu u waday raggii la joogay oo markaas u diyaargaroobayay inay kala tagaan ayaa lahaa, “hawsha si wanaagsan bay ku socotaaye, halkeeda hallaga sii ambaqaado,” ayay salaan kula soo leexdeen Sahal iyo Dige.

“Maanta rag baa soo dheeraaday, Sahal iyo Dige bal warrama maxaad sheegteen?” ayuu Abuu Seef hadalkii ku daah furay markii ay isa salaameen kaddib.

Dige oo ku hormaray ayaa u sheegay Abuu Seef inay deegaanka ka maqleen inay raggiisu hawlo ka wadaan, sidaas daraadeed ay u yimaadeen inay arrimahaas ka wareystaan.

“Abuu Seef noo sheeg hawsha aad waddaan nooceeda iyo ujeeddada aad ka damacsan tihiin?” Ayuu yiri Dige.

“Waa run Abuu Seef, waxaa la leeyahay ciidamo ayaad qoranaysaan, maamul iyo wax waa la sheegayay, marka bal noo sharrax olollahaasi iyo waxaad ka damacsan tihiin?” Ayuu sii raaciyay Sahal oo markiisii hadalka dhexda u galay.

Abuu Seef wuxuu u xaqiijiyay Sahal iyo Dige hawsha ay maqleen inay jirto, ayna tahay mid sii socon doonta, oo weliba ay u sameynayaan maadaama ay u arkaan wax anfacaya ummaddooda oo ka soo daalay dhibaatooyin iyo colaado, taasoo ay u dheer tahay boob, dil, barakicin iyo jid-gooyooyin xaaraan ah oo lagu dhaco hantidooda.

Abuu Seef wuxuu ku dheeraaday inuu ka sheekeeyo dhibaatooyinkii hore ee shacabka haystay iyo taariikhdii dagaallada sokeeye, “haddana dhibaatooyinkaas inaan wax ka qabanno ayaan u istaagnay, inshaa Allaahu hawshuna way guuleysanaysaa,” ayuu yiri Abuu Seef.

Dige ayaa u sheegay Abuu Seef haddiiba ay wax qabanayaan inuu sharcigu ahaa in ay iyaga la socodsiiyaan, maadaama ay yihiin madaxda shacabka, oo ay deegaanka mas’uul ka yihiin, “ma waxaad doontaan baad iska sameynaysaan, miyeydaan nagu adeecayn xilkeenna oo aadan nooga dambaynayn?” Ayuu si caro leh u yiri Dige.

Shaqada ay qabanayaan inaysan ahayn mid wax u dhimeysa nidaamkooda dhaqanka, oo cidna aan khasaaro ku ahayn ayuu ku dooday Abuu Seef, oo xusay baahi dadka ay ka dareemeen inay u geysay qabashada hawshaan, cid wax ka qabaneysa dhibaatooyinka taagan in la waayay oo sidaas darted ay u soo istaageen ayuuba sharraxaaddiisa ku soo darsaday.

Sahal ayaa weydiiyay Abuu Seef inay shiriyaan dumarka iyo carruurta oo keliya oo aany u yeeran siyaasiyiinta, oday dhaqameedyada, waxgaradka, aqoonyahannada iyo madaxda dowladda waxa keenay. Tan kale, inay carruurta ku xareeyaan xeryo ciidan oo ay tababaraan isla markaana hubeeyaan sababta ku kaliftay ayuu su’aalay, wuxuu kaloo u sheegay inay magaalada ka maqleen tabaabusho ciidan inay wadaan Abuu Seef raggiisa, “Marka yey tahay cidda aad ciidanka u diyaarsaneysaan?” ayuu su’aalihiisii ku soo xiray.

Cidda koowaad ee ay rabaan inay caawiyaan oo ay dartood shaqadaan u qabanayaan inay yihiin dumarka iyo carruurta ayuu sheegay Abuu Seef, maadaama uu tilmaamay inay yihiin dadka inta ugu nugul dhibaatooyinka, iyaga inay difaacayaan oo ay ka hor tagayaan wixii waxyeello u geysanaya ayuu ku daray, taas darteedna ay ahayd sababtii ay keligood ula kulmeen, oday dhaqameed kaalintiisa inaanay hawshan oo kale ahayn ayuu ku dooday, dowladdana aanay ka hor taagneyn inay waajibkeeda gudato, balse waxa ay wadaan uu yahay dadaal dheeraad ah oo ay bulshadooda badbaadadeeda u gelayaan.

Midda ku saabsan carruurta ay xareeyeen, wuxuu beeniyay inay tababarro ciidan siiyaan, balse ay geeyeen madrasooyin u gaar ah si ay wax ugu bartaan “waxaa la barayaa diinta, waayo taas baa manaafacaad u leh adduun iyo aakhiro,” ayuu yiri, isagoo ciidan ururinta iyo ciidan qorashada lagu eedeeyeeyayna xaqiijiyay inay tahay wax jira, “waxaan uga dan leennahay inaan ummaddan uga difaacno cadowgeeda,” ayuu yiri.

Dige ayaa markaas weydiiyay Abuu Seef cadowga ay ciidamada u diyaarsanayaan cidda uu yahay?

Abuu Seef wuxuu arrintaas uga gaabsaday in cadowga ay u tabaabusheysanayaan uu yahay mid la isla wada garanayo, oo ay ummaddaan leedahay, kana soo horjeeda inay ismaamusho oo ay u madaxbannaanaato shareecadeeda “Adinka ma dhib bay idinku haysaa hawshaan quruxda badan?” Ayuu labadoodii weydiiyay.

Sahal ayaa ku hormaray oo yiri, “waxaa nala qaldan inaad naga dul booddaan”, wax kasta oo deegaanka ku saabsan in iyaga ay kala tashadaan inay ahayd ayuu u sheegay, arrin aan la qaadan karin wuxuu ku tilmaamay inay iska dur-duriyaan, isagoo careysan ayuu yiri, “hawshaan joojiya, annaga nooga dambeeya wixii maamul iyo ciidamo ah, doorkiinna waa wacdin iyo diin faafin intaas ku ekaada”.

Abuu Seef wuu u cuntami waayay hadalka uu soo jeediyay Sahal, iskaba daa inuu ka qaatee wuu ka xanaaqay, wuxuuna si cad ugu sheegay inaanay joojineyn hawshan oo sida ay u billaabeen ay tahay, wuxuu ku faanay in shaqadooda ay tahay mid lagu diirsaday, oo jid-gooyooyin ay qaadeen, burcaddii ay dadka ka qabteen, diintana ay carruurta barayaan, cid ay darteed u joojinayaanna aysan jirin. Sahal iyo Dige-na wuxuu faray inay iyagana shaqadooda wataan oo ay faraha kala baxaan hawlahan.

Sheekadu way kululaatay, Sahal iyo Dige wixii ay ka filanayeen Abuu Seef wax ka duwan bay kala kulmeen. Dige oo isagana waxa meesha ka dhacaya marna ka careysan marna la yaabban ayaa soo galay oo weydiiyay Abuu Seef, “Dadkaan aad gacmaha iyo lugaha ka jareysaan yaa awood idin siiyay in aad sidaas yeeshaan adinka?” Wuxuuna intaa raaciyay cid aan iyaga ahayn oo wax maxkamadeyn karta inaanay jirin, wuxuuna kula taliyay Abuu Seef iyo xertiisa inay joojiyaan waxa ay wadaan, “ku ekaada goobihii la idinku bartay hadday dhab idinka tahay inaad dadka wax bareysaan,” ayuu yiri.

Inay joojiyaan iska daaye inay ballaarin doonaan hawsha ay billaabeen ayuu wacad ku maray Abuu Seef. Isagoo jecel inuu sheekada iska soo xiro si dooddan ku dheeraatay uu halkeeda ugu joojiyo ayuu Abuu Seef ku fikiray inuu u cudurdaarto Sahal iyo Dige, wuxuuna u sheegay inuu la ballansan yahay qolooyin kale oo sidaas daraadeed ay uga raalli ahaadaan, markiibana wuu ka sare joogsaday, wuuna dhaqaaqay.

Sahal iyo Dige maalintaas waxay ka soo tageen xaruntii Abuu Seef iyagoo ciil bestood ah oo qorsheystay inay madaxdooda ula laabtaan wixii ay kala soo kulmeen Abuu Seef.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *