Cutubka 3aad

Saameynta ugu daran wuxuu isbeddelka qoorta u suray raggii hubeysnaa ee subax kasta u soo kallihi jiray dhabbayaasha magaalooyinka, iyagoo uu garabkoodu qori ka laad-laado, si ay u dhacaan hantida dadweynuhu ay jeebabkooda ku wataan ama ay lacago uga qaataan gawaarida ka dhex shaqeysa deegaannada kala duwan.

Muuse iyo Faarax waxay ka mid ahaayeen mooryaantaas meel kasta habaar ka soo urursatay, ee aan weligood ku fikirin inay xooggooda si xalaal ah ugu shaqeystaan. Muuse waa 30-jir, dagaallada sokeeye waxay billowdeen isagoo 10 jira, halka Faarax uu yahay 35-jir.

Duhurkii markii ay ahayd ayuu mid kasta ku soo wareeray magaalada, meel ay maalintaas u qayilaad doontaan iyagoo raadinaya ayay mar dambe oo ay soo daaleen ku kulmeen biibito shaaha lagu iibiyo oo xaafaddooda ku taalla.

Xilligaas oo kale iyagoo qayilsan ayay meel fadhin jireen, laakiin markaan way ka daba timidoo nin wax meel ku og ma jiro, xitaa koob shaah ah ma dalban karaan, handadaadna cid wax ku siineysa ma jirto.

Muuse isagoo kursi ku fadhiya oo keligiis fikiraya ayuu arkay Faarax, oo gacma- laadlaadinaya, wax looga bartayna ma ahayn, weliba busaarad ayaa ka muuqato. Wuu dareemay saaxiibkiis inay wax ka qaldan yihiin, markuu dhankiisa soo gaaray ayuu salaamay, wuxuuna weydiiyay waxa ku dhacay, waxayba la noqotay inuu safar ka soo galay.

Faarax wuxuu ka cawday magaalada inay ka soo xir-xirantay, isbaaradii uu ka qayili jirayna la qaaday, isagana wejigiisa dad badan baa garanaya, wuxuuba ka cabsanayaa inay daalac u raacdaan dad uu horay waxooda u laastay, qorigii uu wax ku dhici jiray, mar-marna ku dili jirayna wuuba qarsaday, oo amaa lagugu arkaa oo uu hadhow mashaqo kugu noqdaa buu ka cabsanayaa, maalmahaan inay xaaladdu ku xun tahay oo wax uu qabto iyo meel uu u shaqo tago midna aanu heysan ayuu u sheegay saaxiibkiis Muuse.

Muuse wuu ka warqabaa xaaladda saaxiibkiis, oo wuxuu ogaa in la qaaday isbaarooyinkii lana mamnuucay hubka in magaalada lagu dhex wato, weliba wuxuu kaloo ogyahay in qofkii lagu soo qabto isbaaro ama qof dila uu khatar gelayo, hase yeeshee wuxuu rabaa inuu ogaado xogta dhabta ah ee saaxiibkiis Faarax iyo kuwii la midka ahaa, “aaway xarfaantii kale ee aad isla qaraaban jirteen?” Ayuu weydiiyey.

Faarax wuxuu u sheegay saaxiibkiis in raggii rag ahaa ay kala tageen oo maanta labo meel isku sheegta aanay jirin, qaar waxay ku biireen marin-habaabiyeyaasha oo iyagoo cimaamado xiran ayay isku dhex dareen, qaar dalkoo dhan bay isaga tageen oo waxay galeen tahriib, qaar kalena suuqoodey iska galeenoo dadkoodey isku dhex dareen, wayna iska xamaali doonteen, qaarna waa sidiisoo waa shaxaad ku nool.

Muuse wuxuu saaxiibkii weydiiyay hadda wuxuu ku tashan yahay, maadaama shaxaad keliya aanu celin karin oo magaaladan weyn aan shaqo la’aan la noolaan karin.

Isagoo indha tag-taagaya oo leh “ninyahow wax la qabto lama hayo” ayuu jeebabkiisa marba mid gacanta geliyay, oo jaakad wasaq badan oo uu xirnaa hadba dhinac u gediyay, oo surwaalka wax ka baarbaaray, markaasuu ku soo jeestay Muuse oo uu ku yiri, “saaxiib xaraarad baa i haysee xabbad sigaar ah ii dhiib” intuu taraq la soo baxay.

Muuse oo ka yaabban siduu Faarax u dayacan yahay, ayaa baakad isku buusantay intuu jeebkiisa kore ka soo bixiyay, oo gudaheeda fiiriyay, tiiyoo uu hal xabbo oo sigaar ah ku jiro ku yiri “hoo xabbadkan baa jeebkeyga ku dambeeyee!”

Faarax oo uu saaxiibkiis damac ka galay ayaa ku fikiray inuu qayilaad weydiisto, maadaama maalintaas aanu haysan meel kaloo uu wax ka doonto. “Maanta ogow adiga ayaan kugu qoranahay fadhigeyga,” ayuu yiri isagoo qosol beenaad dibnaha la kala furaya.

Muuse oo la yaabban meesha uu Faarax damacu keenay ayaa u deyriyay una sheegay inaanu waxba dhaamine uu meel kale day-daydo. “Muusow adigana deyro ayaa kaa soo horreysa mar kasta, war ninyahow intaad xariif iska dhigto maanta meelna kaagama socdee i dabbar” ayuu si uu indho adeyg ka muuqdo u yiri Faarax.

Inuu isagaba raadinayo cid qayilsiisa ayuu u sheegay Muuse saaxiibkiis, isagoo samirsiinaya. Hase yeeshee, wuxuu u sheegay inuu u haayo xal ay labadoodaba uga bixi karaan shiidka iyo lacag la’aanta, taasoo uu Faaraxna u soo dheg raariciyay bal in wax sahlan oo uu meherad ka dhigan karo ay noqdaan.

“Haye! Bal ii sheeg muxuu yahay qorshahaas?” Ayuu yiri isagoo hareeraha eeg- eegaya, bal inay ishiisu qabato qof uu maalintaas wax uun ka heli karo.

Muuse ayaa billaabay inuu saaxiibkiis u sharraxo magaalada iyo fursadaha xilligaan jira, wuxuuna ku billaabay olollaha ciidan qorashada ee Marin-habaabiyeyaashu ay wadaan, taasoo dhaqaale aan caadi ahayn lagu helo, oo uu ka dheeraad yahay quutu-yoomka, siduu u soo waday ayuu ku soo xiray “marka ka warran haddii aan is-qorno si aan ciidamadooda uga mid noqonno….”

Ka mid noqoshada raggaasi Faarax wuu ka naxay, waaba ragguu maalmahaan oo dhan ka dhuumaaleysanayay, sababtoo ah waxay dileen qaar ka mid ah saaxiibbadiis oo lagu eedeeyay mooraayaannimo iyo dilaannimo, wuxuu maqlay dadka oo leh “qofkii wax soo dilay waa la dilayaa,” marka filinkaas cabsida leh ayaaba u shidan oo raggaasi in lagu soo hadal-qaado ma farxad-gelineyso, wuxuuna saaxiibkiis u sheegay inuusan qeyb ka noqon karin olollahaas wixii la doonaba ha laga helee.

Muuse oo dareemay cabsida saaxiibkiis ekaysay ayaa u sheegay inaanu ahayn nin wax og, oo raggaasi aanay qof kasta dilin, Faaraxna aanu ku sii jirinoo uu ka dhashay beel weyn oo hubeysan oo laga cabsado, isagoo saaxiibkiis ku qancinayay ayuu u taxay magacyo ay isla garanayaan oo ah raggii ay mooryaanta isla ahaayeen, kuwaasoo hadda ka mid ah ciidamada Marin-habaabiyeyaasha, “saaxiib raggaas aan ka bariiseyno cabsida intaad meel iska soo dhigto,” ayuu yiri.

Faarax wuxuu aamisan yahay raggaasi wax u kala soocan inaanay jirin, oo har-cad ay toogteen rag laga cabsoon jiray, Muuse ayuuba farayaa inaanu ku sirmin waxa uu sheegaayo.

Faarax aad buu u naf jecel yahay, inkastoo isaga si fudud uu ku dilay dad aan waxba galabsan oo masaakiin ah, haddana isaga in si kastoo ay noqoto uu dhinto ayuu ka soo horjeedaa. Muuse wuxuu yiri, “Faaraxow geesi baan ku moodi jiraye illeen fuley baad ahayd, war raggaan waa la fahmi karaaye fikir ee na keen aan dhinaceenna ka raacnee”.
Muuse si uu saaxiibkiis cabsida uga bi’iyo, wuxuu u sheegay isaga xitaa inuu damacsan tahay inuu is-qoro si uu ciidamadooda uga mid noqdo, “na keen aan ragga dhinac ka raacnee,” ayuu yiri isagoo garabka ka dharbaaxaya.

Markuu intaas maqlay cabsidii baaba ka duushay, wuxuuna beddelay fikirkiisii hore, isla ilbiqirsiyadaas ayuu saaxiibkiis u sheegay inuu diyaar u yahay ka mid noqoshadooda.

“Adigaba haddaad socoto kaama harayo, waan is-diiwaangelineynaa ee xaggeen wax ka billownaa?” Ayuu waydiiyay.

“Keliya waxaad u baahan tahay inaad qori leedahay, oo qamiis gaaban aad wadato oo garna aad deysato, oo aad u hoggaansanto awaamiirtooda, cidda ay kuu diraanna aad disho, weliba lacag dheeraad ah bay ku siinayaan marka aad disho qofka ay ku dhahaan waa murtad,” ayuu yiri Muuse isagoo intaa raaciyay, “adiga maxaa kaa galay, ma hadda ayaa kuugu horreysa qof aad disho, murtad ayaad sheegeysaaye mu’min ha noqdo, ma awal bay wax kaa khuseeyeen?”

Muuse iyo Faarax qosol ayaa la isku jiibiyay. “Meeqaan dad soo dileynay! Waaba hawsheennee!” ayuu yiri Faarax.

Muuse wuxuu Faarax u sheegay markay Marin-habaabiyeyaasha ka mid noqdaan inay helayaan fursad ay si hoose hawshoodii caadiga ahayd ugu sii wadan karaan, oo isbaarada iyo dhaca si aan la fahmi karin ay ugu sii shaqeysan karaan, sidaasna ay ku helayaan mushaarka la siiyo iyo dhac-dhacooda oo ka bannaanka ah.

“War Muusow maskaxda iyo fikirka ayaan kugu jecelahay,” ayuu yiri Faarax isagoo ku faraxsan qorshaha sida uu isugu dubba riday Muuse, “sidaas ha inoo ahaato,” ayuu sheekadii u socotay ku soo xiray, isagoo dareemay jaadkii ay sugayeen inuu yimid, oo magaaladii oo dhan ay isla buuqeyso.

Sidaas ayay ku kala tageen Muuse iyo Faarax, nin kastana wuxuu afka aaddiyay meeshuu is-lahaa shaxaad aad maalintaas ku qayisho aad ka heshid, waxayna ku ballameen inay subaxa xiga isu yimaadaan, si ay aroorta hore isaga soo qoraan xeryaha Marin-habaabiyeyaasha.

Faadumo labo wiil oo ay dhashay ayaa ka mid noqday carruurta ay Marin-
habaabiyeyaasha ku xareeyeen madrasooyinka. Muddo bilooyin ahba si toos ah ayay dhankaas ugu xirnayd, weyna ku qanacsaneyd, hase yeeshee waxay murugo aqalka kula soo hoyatay markii ay labadeedii wiil habeenno ka soo dhaxeen guriga, iyadoo aan la socon halka ay jiraan.

Faadumo duqeedu wuxuu ku maqan yahay xajka, iyada keliya ayaa guriga joogta, subaxaas markii ay quraacdii diyaarsatay, oo ay ilaa barqadii guriga dhex joogtay, ayay suuqa adeeg u doonatay. Intii ay sii socotay iyo intii ay soo socotayba canuggii ka hor yimaadaba waxay moodeysay carruurteedii, markaasay farxad iyo naxdin isugu xigeysay marka ay aqoonsato inaanay carruurteedii ahayn.

Murugo ayay ka bixi wayday, inta badan ma seexato, oo wuxuu waqtigu dhammaadaa iyadoo wal-wal ku jirta, fikir iyo dhabanna-hays ayay maalintii oo dhanna meelaha la fadhidaa, laakiin barqadaas waxay nafteeda kula showrtay inaanu fikir waxba u tarayn, oo looga baahan yahay tallaabo inay qaaddo noocii ay doontaba ha ahaatee, maskaxdeeda ayay talooyin ka baarbaartay. Markii dambe talo waxay ku goosatay inay ka war-doonto madrasadii ay carruurteeda ku ogeyd si ay bal u soo hesho xog ay qalbigeeda ku xasiliso.

Faadumo waxay isu diyaarisay markiiba inay u dhaqaaqdo dhinacii madrasada, cagta ayayna dhabbaha soo saartay, iyadoo u soo socota madrasadii. Dhowr luuq markii ay ka soo laabatay, oo ay dhowr guri soo weydaaratay, oo ay hadba waddo isku sii deysayba, waxay markii dambe soo gaartay madrasadii oo gurigeeda meel cabbaar loo socdo u jirta, halkaasoo ay ku aragtay carruur tiro badan, oo aanay markii hore meeshaba ku ogeyn.

Indhaha ayay la raac-raacday, ma aha carruur ay wejiyo garaneyso, ciyaalkii xaafaddaba way uga dhex jeedi waysay, waxay la yaabtay tiradooda, “tolow halkee laga keenay carruurtan tiradan badan?” Ayay is-weydiisay, iyadoo yaab faraha la taag- taageysa, indha markay horay u sii dhigtay ayay aragtay nin xooggan, oo cad oo garweyn leh, shaarubahana ay u xiiran yihiin, oo wata qamiis bakistaani ah, kaasoo markuu ku soo eego aad ka cabsaneyso indhihiisa godka ka soo dhex muuqda ee gad- gaduudan, waxay is-tusisay inuu macallinkii madrasada yahay, dhankiisii ayayna u dhaqaaqday, si ay ula soo hadasho.

Markii ay gaartay meeshii uu fadhiyay ayay salaantay, isagana si soo dhoweyn leh ayuu uga qaaday, markaas bay isu sheegtay in magaceeda Faadumo la yiraahdo, oo ay tahay Aweys iyo Mustaf hooyadood, ayna ka mid tahay waalidiinta carruurta ee xaafadda ay joogaan dhinaca ka deggan.

Si fiican isagoo u fiirinaya wejigeeda, isla markaana isku dayaya inuu dhuuxo hadalkeeda, ayaa markii ay intaa tiri, wuxuu isagoo madaxa ruxaya yiri, “haa anigana waxaan ahay macallinka madrasadan, magaceygu waa Macallin Duufiye, carruurta aad sheegtay waxay ka mid yihiin ardaydeyda.” Markii uu intaas yiri ayay Faadumo si fiican u neefsatay, iyadoo is-tusisay inay heshay fursad ay carruurteeda xogtooda ku heli karto.

Macallinkii isagoo marba dhinac u jeesanaya oo canaananaya ardaydiisa ayuu Faadumo u sii waday hadalkii, “Aweys iyo Mustaf waxay ka mid noqdeen arday dorraad loo diray gobol, oo toddobaadyo ayay maqnaan doonaan, wax dhibaato ahna ma jiraan way fiican yihiin,” ee sidaas ula soco.

Hadalkaas dambe wuxuu yaab u keenay Faadumo, iyadoo naxsan oo indhaha galka ka saareysa, ayay la soo boodday, “gobol aa!…maxaad tiri, ma labadeydii wiil baad gobol u dirtay?” Waxay la yaabban tahay gacan-dhaafka lagu sameeyay, iyadoo macallinkii canaananeysa ayayna sii raacisay, “sidee bey ku dhacday inaad ila soo socodsiin waydo xaaladdooda? Gobolse maxaa ka jira?”

Faadumo waagii ayaa ku baryay, waxay carruurteeda u soo dirsatay waxbarasho diini ah oo meesha loogu sheegay, hase yeeshee wax baa ka qabsaday, macallinkii ayay ku sigatay inay kuleetiga qabato, sidii ay yeeli jireen islaamaha jaadka iibiya marka ay muqayiliinta deyn ku yeeshaan. “Habeennadan wel-welka i galay ayaadan war ka heyn, carruurteydii baan kaa rabaa, waxba ha gobol-goboleyne,” ayay cod hoose ugu calaacashay.

Macallin Duufiye isagoo isku dayaya inuu dejiyo xaaladdeeda ayuu u sheegay Faadumo inay carruurteeda kheyr ugu maqan yihiin, ayna qaadeen waddo uu Ilaahay ka raalli yahay, “waxay baranayaan diinta, naftooda iyo adinkaba taas baa idin anfaceysa,” ayuu yiri.

Faadumo waxba kama beddelin xaaladdeeda hadalladii uu dal-dalay macallinka, iyadoo ay indhaheeda ilmo ku soo joogsadeen ayay tiri, “diinta ayey baranayaan buu ku leeyahay, sow halkanba kuma baran karaan diinta, maxaad kala doontay gobol, waa carruur yar-yar oo aan weli qaan-gaarine?” Carruurta aabbahood oo hadda xajka jira marka uu yimaado wixii ay u sheegi lahayd ayay waydiisay, dad waxay doonaan iska sameynaya inay yihiin ayayna ku eedeysay iyagoo aan la tashan waalidiinta carruurta ay hayaan dhashay.

Macallin Duufiye wuxuu sheegay waxay ka shaqeynayaan inay yihiin wixii uu Ilaahay faray, carruurta in diinta lagu barbaariyo inay waajib tahay ayuu tilmaamay, oo taas uun ay ka shaqeynayaan.

Faadumo iyada qalad uma aragto carruurteeda inay diinta u bartaan, hase yeeshee waxay ka soo horjeeddaa in iyada iyo labadeeda wiil la kala dheereeyo, taas inaanay sharci ahayn ayayna kula doodday macallinka, “bal ninkan wayn wuuba isla gar leeyahaye eega.waxaan kaa rabaa inaad ii sheegto sababta adigoon ila socodsiin aad carruurteyda u safrisay?” Ayay waydiisay iyadoo laga dareemayo inay ciishoon tahay.

Xaaladda carruurteeda in mar kastaba uu la soo socodsiin lahaa ayuu u sheegay, wuxuu kula taliyay inaanay dhib u arkin kheyrka ay ka shaqeynayaan, oo adduun iyo aakhiraba wax anfacaya ay yihiin oo laga rabo waalidiintu inay ku taageeraan, weliba wuxuu daalac ugu raacday mustaqbalka carruurta ee ay diyaarinayaan in ay iyaga ka hor taagan yihiin.

Sida ugu dhaqsiyaha badan in carruurteedii dib loogu soo celiyo ayay u baahan tahay Faadumo, weliba intay caradii ka tan badisay ayay tiri, “mar uun gacanteyda ku soo sin anigaanba dib ugu soo celin doonin madrasadaane,” waxayna ku celcelisay in iyada ay mas’uuliyad saaran tahay carruurteeda iyo waxbarashooda.

Macallinku markuu arkay inay meesheedii joogto oo aanay waanadiisa iyo wacdigiisa waxba ku qaadaneyn ayuu si cad ugu diiday in carruurteeda uu u soo celinayo, kheyr inuu u socdo oo aanu oggoleyn in laga soo kaxeeyo ayuu u sheegay, balse ay heli doonaan fasaxyo ay iyada ku soo booqdaan, hase yeeshee aanu maamulku oggoleyn in carruurta laga kaxeeyo madrasooyinka ama ay waalidiintu waxbarashada ka joojiyaan.

“Wixiinna sharci ma aha, sidaanna nama qabato, maamulka hadday sidaan billaabaanna waan ka soo horjeesanaynaa, maxay tahay carruurta meeshii la doono lala aadayo? Waaba aad ka soo darteene!” ayay tiri Faadumo oo ay xanuunjiyeen hadalladii ugu dambeeyay ee macallinka.

Macallin Duufiye markuu arkay xanaaqa Faadumo inuu ka sii darayo ayuu ku tashaday inuu dejiyo, wuxuuna u sheegay Aweys iyo Mustaf inay la socdaan carruur badan oo saaxiibbadood ah oo ay isku xaafad yihiin, toddobaadka soo socdana inuu gurigeeda ugu keeni doono ayuu u ballanqaaday, wuxuuna warbixinta ugu daray inay iyaga xitaa ku faraxsan yihiin waxbarashooda, hadda kaddibna uu la socodsiin doono tallaabo kasta oo carruurteeda ku saabsan. Iyadoo qanacsan ayay dabadeedna Faadumo ka soo tagtay madrasadii carruurteeda laga masaafuriyey sidii loo sheegay.

Markuu arkay inay dhaqaaqday ayuu iskula hadlay, “Orod oo iga tag. qeylo badanaa islaantu, carruurteyda … carruurteyda bay ku leedahay, maba oga inaan iyaga ka dheereyneyno carruurta, hadda iyadaan isaga dirayay ee waxay mooddaa inaan u soo celinayo, carruurtu way soo laaban doonaan laakiin waa goorma?” intuu yiri ayuu qoslay “waa mar aanay waalidkood xitaa u aabba yeeli doonin, waxaan rabnaa inay maskaxdeenna ku shaqeeyaan oo ay noqdaan sooma-jeestayaal caabboon oo amarkeenna adeeca oo ad-adag, ma iyadaaba wax og, carruur bay ku leedahay.”

Dadka ku nool deegaanka way kala duwan yihiin, waxay isugu jiraan, qaar xaafadaha soo degay kaddib burburkii iyo kuwo weligood degenaa oo reer magaalka asalka ah, inkastoo xaafadaha qaar lagu kala badan yahay.

Qasaaye waa 42-jir, wuxuu ku dhashay magaalada, keligiis ma ahane xitaa awoowayaashiis ayaa ahaa dadkii magaalada cammiray xilli sii fog. Waa xaasle, islaantiisu waxay ka shaqeysaa suuqa, waxay iibisaa qaadka, isagana inta badan guriga ayuu joogaa halkaasoo uu ku haayo gabar yar oo uu dhalay.

Galab isagoo gurigiisa jooga ayaa waxaa albaabka u soo garaacay saaxiibkiis Carsaanyo oo aad u daallan, sidii inuu galabtaas wax ka soo ciyaaray ciyaar kubbadda cagta ah oo garoon weyn lagu dheelay.

Carsaanyo waa 39-jir, ilaa yaraantoodii ayay saaxiibo ahaayeen Qasaaye, isaguna wuxuu ku dhashay oo ku soo waxbartay magaalada. Inta badan, isaga iyo saaxiibkiis wey isa soo raadsadaan maadaama ay aad isu fahmi-ogyihiin oo ay dadka kale isaga aqoon badan yihiin.

“War haye Carsaanyo, galabta waad soo dheeraataye, sidey wax u jiraan?” Ayuu Qasaaye waydiiyay saaxiibkiis, isagoo kursi u dhigay, galaas biyo ah oo qabowna hoosta u geliyay.
Carsaanyo isagoo aan weli si hagaagsan u nasan oo neef tuuraya, ayuu saaxiibkiis ugu jawaabay, “ma adaaba war haya, maanta balaayaa dhacday!” “Balaayada dhacday maxay tahay?” Ayuu Qasaaye isaguna ku celiyay saaxiibkiis.

Markaas ayuu Carsaanyo billaabay inuu ka sheekeeyo balaayada dhacday ee uu sheegay. Gurigiisii inuu qax ka yahay oo uu dagaal xaafadda ku qabsaday ayuu warkii ku billaabay, oo dagaal qaraar uu weli socdo, gurigiisana ay xabbado wiifto ah ugu soo galeen, illeen waa nin maantoo dhan xabbad ka ganbad iyo madfac ka carar ahaa. Naxdin iyo daal ayaa ka muuqda Carsaanyo.

Qasaaye iyo Carsaanyo labo xaafadood oo cabbaar isu jira ayay kala deggan yihiin. Warka saaxiibkiis uu u sheegayo si uu u sii hubsado ayuu sii waydiiyay ciidda dagaallameysa iyo dagaalku waxa uu yahay.

Carsaanyo wuxuu ku jawaabay, “waad huruddaa Qasaayow, miyaadan idaacadaha ka dhageysan in maanta lagu baaba’ay xaafaddeyda?” Qasaaye maba aha nin idaacadaha inta badan dhageysta, wuxuuna saaxiibkiis u sheegay inaanu dagaalkaas waxba kala socon, isagoo ka codsaday inuu cidda dagaallameysa u sheego.

Warkii ayuu guda-galay Carsaanyo, wuxuuna saaxiibkiis u sheegay in dowladda iyo Marin-habaabiyeyaashu ay madaxa iskula jiraan, weliba maanta tan dhacday in la yaabay oo la kuusay Marin-habaabiyeyaasha, oo weliba si xun maanta loogu bur- bursaday dagaalka.

Qasaaye arrintaas wax dhici kara inaanay ahayn ayuu sheegay, raggaasina aanay ahayn kuwo si sahlan lagu kuusi karo. Guriga waxaa u yaalla internet uu wararka kala socdo, wuxuu ka codsaday Carsaanyo inuu in yar sugo si uu wararkii ugu dambeeyay uga fiiriyo shabakadaha wararka qora ee internet-ka.

Carsaanyo wuxuu yiri, “Maxaad internet ka fiirinee, anigaaba hadda ka imid aagga dagaalka oo gurigeygaaba ku yaallee!”. Intuu hadalkaas leeyahay Qasaaye isaguna wuxuu ku mashquulsan yahay inuu fiir-fiiriiyo wararkii saacaddaas lagu qoray baraha internet-ka. “Fiiri..Fiiri, war waxaad sheegeyso waxba kama jiraan website-kan eeg, warkii ugu dambeeyay wuxuu sheegayaa inay wadaaddadu soo rogaal celiyeen oo dowladda dib looga qabsaday meelihii ay markii hore dagaalka ku qabsatay,” ayuuna yiri Qasaaye, isagoo si boobsiis u akhrinaya wararka.

Arrintaas Carsaanyo way ka yaabisay oo wuxuu qaadan waayay isbbeddelka wayn ee dhacay intii uu baqo cararka ku soo jiray, wuxuuse markii dambe isku qanciyay, “awalba waan la yaabbanaa nimankaas xoogga waa-weyn ayaa la kuusay oo la sii eryaday.”

Qasaaye ayaa kula kaftamay saaxiibkiis inaanay markii horeba isku mid ahayn labada dhinac wuxuuna yiri “ma awal bey isku mid ahaayeen, niman hilib ari, maraq, xabbad- sowdo iyo xulbo la isugu daro iyo rag qaad iyo sigaar un bafta ku haya,” qosol ayayna isku dareen labadoodiiba.

Carsaanyo oo isugna kaftankii dhinaca kale u rogay ayaa saaxiibkiis waydiiyay, “maalin kasta waa iyaga dagaallamee, miyaanay dagaalka ku dhammaan?”

Qasaaye oo la wada hadalka ayaa isaguna ku jawaabay in Marin-habaabiyeyaasha aanay ahayn dad sahalkaas ku dhammaanaya oo weliba marin-habaabiye kasta uu qabo afar xaas, sidii shinnidiina ay carruurta ugu dhashaan.

Carsaanyo ayaa isagoo qoslaya hadalkii ka dafay oo ku dhex tuurtay kaftan yaab leh, isagoo yiri “malaha carruurtooduna iyagoo qori sita bay dhashaan!” Labadoodiiba mar kale ayay qosol cabbaar jiitamay ku dhufteen, “u malee dee!” ayuu sii raacaiyay Qasaaye.
Cabbaar buu kaftankoodii socday oo marba ay mowduuc hor leh isla lafa gureen, iyagoo isla jiibinaya oo aad isula fahamsan hadba mowduuca ay ka hadlayaan.

Qasaaye iyo Carsaanyo inta badan kama qeybgalaan doodaha fadhi-ku-dirirrada, waxayna tartiibkooda ku kala war qaataan, kuna doodaan guryahooda, dadka kale ee magaalada oo u badan dhowaan-galna waxba kuma darsadaan, waxay isugu maahmaahaan, “bannaankiis marow maradiisa bowd ma qabsato.”

Sidii ay hadba uga sheekeysanayeen dhibaatooyinka dagaallada iyo qofba wixii ugu yaab badnaa ee uu la kulmay intiii lagu jiray dagaallada sokeeye ayay markii dambe ku keeneen xaaladda taagan iyo dagaallada maalintaas socda.

Qasaaye wuxuu deggan yahay guri shub ah oo korna shub ka saran yahay, halka Carsaanyo gurigiisu uu yahay jiingad oo haddii ay roobka ka celiso uu nasiib joogo.
Markii ay dooddii dib ugu soo celisay dagaalka ka socda xaafadda Carsaanyo, ayuu Qasaaye yiri “annaga uun baa ku baaba’eyna mooyee, dagaalladaan kuwo dhammaanaya ma aha.”

Carsaanyo oo muujinaya inaanu rajo ka qabin maalintaas iyo wax u dhow inay dagaalladu dhammaanayaan ayaa yiri, “dhammaad aaaa!”, maalin kasta koox cusub ayaa korkooda lagu dhisaa, hoggaamiye cusub ayaa soo baxa, dhallinyaro cusub ayaa hubka qaadda, dagaallo hadba weji cusub leh ayaa qarxa, marka way ogyihiin sheekadu inay tahay Faanoole fari kama qodna.

Carsaanyo oo hadalkii sii wata ayaa u sheegay saaxiibkiis inuu la yaabban yahay shacabka, wuxuuna ku eedeeyay inaysan dhinacna raaceyn, oo maalin kasta lagu dul dagaallamo, iyagana ay ugu badan yihiin inta ku dhimata dagaallada ama ku dhaawacanta ama ku guryo beesha.

“War fidnadoo dhan waa shacabka, hadday mar hore dowladda raaci lahaayeen oo ay la shaqeyn lahaayeen oo ay garabkeeda istaagi lahaayeen, maalinba qolo cusub ma soo baxdeen ee waa hore ayay sheekadu idlaan lahayd, oo shacabkuna uu heli lahaa nabad uu ku badbaado,” ayuu yiri Qasaaye oo cabbaar ku dheeraaday shacabku inay hurdaan.

Carsaanyo ayaa ka dhex galay oo si kaftan ah saaxiibkiis u waydiiyay, isaga maadaama uu shacabka ka mid yahay sababta uu dhinac u raaci waayay?. “Anigu waanba raaci lahaaye, adaa i lumiyaye, maad dhinac raacdid?” Ayuu saaxiibkiis ugu war-celiyay Qasaaye isagoo qoslaya.

“Hadda ka warran haddii aan annaga bilowno taageerada dowladda?” Ayuu Carsaanyo waydiiyay saaxiibkiis. Qasaaye isagoo soo gebagebeynaya sheekada ayuu yiri, “weynu ka tashan doonnaaye, hadda na keen aan magaalada soo indha-indheynee!”

Sidii ay rabeen ayay wax kasta ugu kala socdaan, kulamo joogto ah ayay qaataan, waxay isla meel dhigaan qorsheyaashooda cusub. Mar kastoo ay kulmaan awaamiir iyo fikrado hor leh ayay hoosta ka wada xarriiqaan. Abuu Colaad iyo Abuu Seef, maalmo isma moogaadaan.

Inta badan waxay isku arkaan xaruntooda, halkaasoo Abuu Seef aan laga waayin, mar kastoo loo baahdana laga soo helo. Laakiin, Abuu Colaad isagu meelo socodkiisa iyo danihiisa kale ayaa badan, xarunta wuxuu yimaadaa marar dhif ah, gaar ahaan markuu rabo inuu la soo hadlo Abuu Seef.

Xilli hore oo subax ah ayuu soo aaday xaruntooda, isagoo maalintaas warar cusub u wada saaxiibkiis, jecelna inuu la wadaago. Markuu soo gaaray xarunta wuxuu si toos ah u abaaray meesha xafiiska u ah Abuu Seef ee inta badan uu fadhiisto, sidii uu filaayay wuxuuba ugu tegay Abuu Seef oo daqiiqadahaas uun yimid oo xafiiskiisa fadhiya.

Qol aan si wanaagsan u dayactirneyn oo aad u duugoobay ayuu xaar-xaartay oo uu miis iyo saddex kursi dhigtay, waxaana u dhex yaalla waraaqo yar oo badankood ay wax ku qoran yihiin, si kale uma habeysna qolka, laakiin xarunta qolalka yar ee ku yaalla ayuu Abuu Seef kaas u doortay inuu xafiiskiisa noqdo.

Abuu Seef marka uu u yimaado saaxiibkiis Abuu Colaad wuxuu fishaa akhbaar cusub, hawlgal la isu diro, awaamiir la soo rogo iyo waxyaabo la mid ah. Markii uu arkay isagoo xafiiskiisa ugu soo galaya ayuu u dhoolla-caddeeyay, wuxuuna u jaf-jafay kursi boor miiran ah oo meesha sii yaallay, si uu ugu soo dhoweeyo.

Salaan iyo bariidin aan waqti badan ka qaadan kaddib, Abuu Colaad wuxuu ka dareemay saaxiibkiis Abuu Seef farxad ka saa’id ah soo dhoweyntiisa oo aanu horay ugu arki jirin. “Maanta wejigaaga wuu ifayaa, si baadna u faraxsan tahay Sheekh Abuu Seef, maxaa kugu soo siyaaday?” Ayuu waydiiyay.

Isagoo Alle ku xamdinaya oo qosol aad mooddo inuu iska soo qasbayo qoslaya, ayuu yiri “Ilaah baa ii nimceeyay, waxaa reer Abuu Seef ku soo siyaaday wiil xalay ii dhashay,” farxaddaas ayuu saaxiibkiis u bandhigay, si uu ula qeybsado.

“Maashaa Allaah! Maashaa Allaah, mabruuk, Ilaahay hakuu barakeeyo. Ma waxaa dhashay islaantaada wayn?” ayuu yiri isagoo qosol dhaa-dheer qoslaya oo saaxiibkiis gacan-qaadaya, una hambalyeynaya.

Abuu Seef wuxuu saaxiibkiis u sheegay inay u dhashay bahda ugu yar afartiisa xaas, ee aanay u dhalin bahda weyn. Intaas waxay uga hareen is-wareysigoodii gaarka ahaa, waxayna u gudbeen inay hawlahooda ka wada hadlaan. “Hawluhu sidee bay u socdaan?” Ayuu Abuu Colaad ku billaabay hadalkii.

Abuu Seef wuxuu u sheegay Abuu Colaad sida ay la tahay oo ah inay hawluhu si wanaagsan u socdaan, oo horumarka ay sameeyeen uu noqday mid meel kasta laga hadal-hayo, dadkuna ay halganka ay sameeyeen ku faanayaan, maadaama ay dartood u galeen, wanaag badanna ay u qabteen.

Abuu Colaad ayaa isaguna isagoo is-xariifinaya wuxuu raaciyay in intaasi aanay waxba ahayn, oo ay ka badan yihiin waxyaabaha kale ee ay damacsan yihiin.

“Waa sax, hawshu fari kama qodna” intuu yiri Abuu Seef ayuu sharraxaad ka bixiyay waxyaabaha horyaalla ee ay rabaan in ay dhowaanahan wax ka qabtaan, sida kala saarista dadka isku heysta hantida ma guurtada ah ayuu tilmaamay, wuxuuna intaasi ku daray in ay u dhiman yihiin hawlo kaloo badan, oo ay ka mid yihiin dib u dayactirka waddooyinka, iyo xarumaha danta guud, iyo inay sameeyaan dib u dhis guud, balse ay xoogga saarayaan dhinaca garsoorka, waayo waxaa badan dadka xuquuqaha isku haysta iyo kuwa wax kala tabanaya.

Hadalladaasi wuu u riyaaqay Abuu Colaad, wuxuuna uga gudbay inuu saaxiibkiis weydiiyo su’aal ahayd, “waxaan maqlay qoladii kale inay arrimaheenna u arkeen kuwo iyaga culeys ku ah, ee maxaad kala socotaa?

Abuu Seef wuxuu saaxiibkiis u xaqiiyay inay arrintaasi jirto oo ay u yimaadeen rag ka socda qolada kale, kuwaasoo ku qabsaday dhaq-dhaqaaqa ay wadaan, oo yiri “waa inaad annaga nooga dambeysaan shaqada maamulka iyo mas’uuliyadda oo ugu yaraan aad nala socodsiisaan tallaabooyinkiinna ka hor inta aydaan qaadin.” Abuu Seef wuxuu uga sheekeeyay saaxiibkiis wixii dhex maray isaga, Sahal iyo Dige, ugu dambeyntiina uu u sheegay in waxa ay qabanayaan ay ka tahay dar Alla oo ay ka shaqeynayaan danaha dadkooda.

Abuu Colaad warbixinta ku saabsan Sahal iyo Dige ee uu u soo gudbiyay Abuu Seef, aad buu uga carooday, wuxuuna qolada kale ku eedeeyay inaysan waxqabad meesha ku heyn, oo fadhi-ku-dirir iyo wax aan loo joogin ay waqtigii ku dhammeeyeen, “midda kale maamulkooduba xalaal ma aha, shacabkuna raalli kama aha, cid dooratayna ma jirto ee yaanay na wareerin annaga,” ayuu yiri isagoo qeylinaya.

Abuu Colaad wuxuu ku adkeeyey Abuu Seef inuu cid kasta oo u timaada oo kala doodda shaqadooda uu u sheego inaysan hawshoodu hakaneyn, “annagu waan soconeynaa ilaa aan hadafkeenna ugu dambeeya gaarno, waa maxay dadkan siday u fikirayaan?…I dhageyso Abuu Seef raggaas waa inaan khaarijinnaa, waayo way riddoobeen, waa inaan taas ku dhaqaaqnaa sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayuu yiri isagoo go’aan ka gaaraya Sahal iyo Dige.

Abuu Seef wuu ku raacay saaxiibkiis go’aanka ah in shaqo laga qabto Sahal iyo Dige, wuxuuna u sheegay in la garanayo meelaha ay tagaan ee inta badan laga heli karo, “rag aad ugu dheereeya dilalka gaadmada ah iyo qaraxyada ayaan ka adeejineynaa, kuwaas wareerkoodu ha ku daayo,” ayuu yiri. Wuxuu uga sii gudbay inuu saaxiibkiis waydiiyo wax kale oo cusub dhankiisa haddii ay jiraan.

Abuu Colaad arrin cusub ayaa ku soo korortay, waana sababtaas tan uu saakay waqtiga hore ugu yimid saaxiibkiis. Safar buu u baxayaa oo waxaa laga casuumay dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Yemen, Bakistaan, Sudan, Afgaanistaan, Ciraaq iyo meelo kale, sababta uu wararkaas ugu sheegayo Abuu Seef-na waxay tahay, mar waa saaxiibkiis, marka kalena waa ninka ugu firfircoon hawlaha ay wadaan.

Wuxuu weliba u sheegay inuu galabta baxayo, uuna dalalkaas laga casuumay ka filayo talooyin inay ka siiyaan hawshooda oo ay aad ula dhaceen, ayna diyaar ula yihiin inay ku caawiyaan tababarro, agab iyo waxyaabaha kale oo ay uga baahan yihiin. Muddo labo toddobaad ah inuu safarkiisa qaadan doono ayuuna u sheegay.

Abuu Colaad wuxuu si adag ula dardaarmay Abuu Seef, inta uu maqan yahay inuu si hagaagsan wax u sii kala socodsiiyo, oo uu ka shaqeeyo inaan isaga la tebin oo kaalintiiisa uu daboolo, wuxuuna farta ka saaray dhaqaale badan oo uu u sheegay inuu ku sii kala socodsiiyo hawlaha, si inta uu maqan yahay aanay waxba ugu xayirmin dhaqaale ahaan.

Abuu Seef wuxuu guddoomay lacagtii, wuxuuna sheegay inuu rajeynayo inta uu saaxiibkiis maqan yahay inay wax kasta sidoodii u sii socdaan, “safar salaama” iyo “marka aan isu imaanno ee dambe ayaan waxyaabaha harsan ka sii wada hadli doonnaa” ayaa lagu kala tagay subaxaas.

Dowladda nidaamka ay ku dhimsan tahay waa habka awood qeybsiga ee qabiilka ku dhisan, kaasoo shirarkii ugu dambeeyay lagu heshiiyay. Qofka mudanaha ah ee soo gelaya baarlamaanka waxaa soo dooranaya qabiilkiisa, marka uu dhinto qof ama xilka laga qaado, isla qabiilka ayaa ku soo beddelaya qof kale.

Warsame nin ay isku hayb yihiin oo Ismaaciil la oran jiray ayaa dhintay, sidaas daraadeed waxay beeshiisu isla garatay inuu isaga beddelo mudanahaas dhintay. Warsame isagoo aan waxba kala socon ayaa si kedis ah loogu sheegay, waxaana loo geeyay guddoonka baarlamaanka oo iyagana isla maalintaas xilkii u dhaariyay.

Isagoo aad u faraxsan ayuu duhurkii markii ay ahayd dib ugu soo laabtay gurigiisa, wuxuuna guriga ugu yimid islaantiisa Caasho oo markaas ku mashquulsanayd qado diyaarin iyo hawl-maalmeedka caadiga ah ee guriga.

Caasho waxay odaygeeda ka dareentay daal badan. Markii ay guriga ku soo dhoweysay oo ay u dhigtay gambar uu ku fariisto ayna isku dayeyso inay qubeysna u raaciso, ayay waydiisay maanta meesha uu sidaan ugu soo daalay.

Wuxuu yiri, “Caashoy anigaa war kuu haya oo kuu sheekeynayee, galaas biyo ah oo qabow marka hore i sii.” Caasho waxay u sheegtay Warsame inay qadadiiba diyaar tahay, iyadoo ka codsaneysa inay u soo gurto, waxayna marka ay intaas u sheegeyso u dhiibeysaa galaas biyo ah oo qabow oo ay deg-deg uga soo gaarsiisay, iyadoo sugi la’ inuu u sheego warka cusub ee uu maanta u hayo.

“Qadada ha ii dambeysee, biyahan aan cabbo,” ayuu yiri Warsame. Isagoo neef tuuraya ayuu galaaskii biyaha ahaa wada cabbay ilbiriqsiyo gudahood. Markii uu dhammeystay biyihii ayuu u soo jeestay dhinaca Caasho, wuxuuna ku yiri, “maanta war farxad leh ayaan kuu hayaa, waxaa la ii magacaabay booskii baarlamaanka ee uu Ismaaciil ka geeriyooday oo hadda wixii ka dambeeya dowladda ayaan ka mid noqday.”

Caasho markii ay intaas dhegeheeda soo gaareen ayay farxad la kala bad-badatay, waxayna iyadoo kor u qeylineysa ku dhufatay alalaas, iyadoo sii raacisay “abshir..abshir, war farxad leh ayaad sheegeysaa Warsamow.”

Caasho warkaan wuxuu ku noqday farxad kedis ah. Saakay markii uu odaygeedu guriga ka baxaayay ma aanay filaneyn inuu farxaddaan la soo laaban doono, iyada iska daaye xitaa Warsame ayay kedis ku ahayd oo sheekada oo dhan loo sheegay barqadii maanta, oo inta gaari looga qaaday meel uu fadhiisan jiray la hor-geeyay baarlamaanka, loona dhaariyay xil aanu xalayba ku seexan, saakayna ku soo toosin.

Caasho iyadoo aan joojin farxaddii iyo alalaaskii ayuu Warsame uga sheekeeyay qaabka loogu magacaabay xubinnimada baarlamaanka iyo maanta oo dhan inuu ku dhex jiray baarlamaanka oo hawlaha socda uu dhinaciisa ka qabanayay, sidoo kalena kulamo uu la qaadanayay siyaasiyiin kala duwan.

Sidii uu ugu waday sheekada ayuu ugu dambeyntii isagoo isku dayaya inuu fadhiga ka istaago ku yiri, “Caashoy, hadda waxaa i sugaya xubnihii kale ee baarlamaanka oo aan maanta meel ka wada qadeyn doonno, marka waan sii baxayaa ee macasalaama.”

Degmada ay ku nooshahay Caasho waxaa ku badan Marin-habaabiyeyaasha, dadka dowladda ku jirana ma soo galaan oo waxaa suuragasha in la dilo, cabsidaas ayaa ku dhalatay Caasho, markaas ayay odagyeeda kula talisay inuu is-ilaaliyo, maadaama baladku aanu fiicneyn oo xildhibaannada la ugaarsado.

“Waa sidaas Caashoy” intuu yiri ayuu Warsame fadhigii ka istaagay oo u sheegay inaanu hadda kaddib xaafadda u soo hoyan doonin, oo wuxuu garowsaday in Marin- habaabiyeyaasha ay meelahaan ku badan yihiin, sidaas daraadeedna uu uga cabsanayo inay dilaan.

“Dhib ma lahan Warsamow, anaa hadda kaddib meesha aad joogto kuugu imaan doona,” ayay tiri Caasho. “Haye” intuu yiri ayay is macasalaameeyeen wuuna dhaqaaqay.

Caasho iyadoo aan weli ka kicin bartii uu uga tegay Warsame, ayay soo xusuusatay Guuleed, wiilkeeda oo waqtigii ay uga baratay inuu soo qado doonto dib uga dhacay, iyadoo isweydiineysa waxa helay ee uu ku soo habsaamay, ayuu albaabka soo garaacay. Intay markiiba boodday ayay ka furtay.

“Guuleed maanta waad soo daahday, soo gal hooyo, qadadiina way kaa qabowdaye” intay tiri iyadoo madaxa u salaaxeysa ayay gudaha u soo hoggaamisay. “Hooyo gaajo ayaaba i heysee, qadada i sii,” ayuu yiri Guuleed, oo hooyadiis u sheegay inuu maanta hawlo yar-yar ku soo daahay.

Guuleed wuxuu ka mid yahay dhallinyarada ugu fir-fircoon ee ay ku tashadaan Marin- habaabiyeyaasha, waxaa loo diraa hawlaha khaarijinta, basaasnimada, bambo tuurista iyo waxyaabaha la midka ah ee ay ka adag yihiin dhallinyarada la ayniga ah, waxaana intaas ka sii dheeraad ah wacdi dhagaha loogu shubo mar kastoo uu tago madrasooyinka ama xarunta Marin-habaabiyeyaasha.

Caasho intay wiilkeedii qadada u soo diyaarisay ayay iyadoo wadda u keentay oo ay tiri “Hoo hooyo qadadaada waa tane kaalay cun.” Guuleed intuu deg-deg faraha u soo dhaqday ayuu qadadii ku billaabay cunis.

Gambar ayay soo ag-dhigatay wiilkeeda, waxayna u billowday sheeko. “Bishaaraan maanta kuu haayaaye Guuleedow aabbahaa wuu barmoosay, wuxuu noqday xubin baarlamaan, maanta kaddib waxaad tahay wiil uu aabihiis mudane baarlamaan yahay.”

Guuleed kuma farxin bishaarada hooyadiis, oo maalin kasta marka la wacdinaayo waxaa loo sheegaa qofkii dowladda ama baarlamaanka ka mid noqda inuu diinta ka baxay. Intuu markiiba xanaaqay oo raashinkii uu gacanta ku haayay dib weelkii ugu celiyay ayuu yiri, “xubin baarlamaan aaa! oo muxuu ka doonay dowladdaas riddada ah?” wuxuuna ku cataabay inuu aabbihiis khasaaray, isaga iyo hooyadiisna uu khasaare u horseeday!.

Caasho waxay ka yaabtay farxadda ay fileysay inuu wiilkeeda la wadaagi doono oo uu ka carooday, weliba wuxuu u raaciyay, “waa inuu si deg-deg ah uga noqdaa go’aankaas, uuna ka towbad keenaa, intaan la wada ogaan, haddii kale xukunkiisa wuxuu noqonayaa dil.”

Guuleed markuu hadalkaas dambe leeyahay wuu ka istaagay qadadii. Caasho oo uu dhabannaheyn ka soo haray ayaa isku dayeysa inay qaboojiso wiilkeeda, “is-deji hooyo, xubin baarlamaan waa la noqdaa, weligeed baana la noqon jiray, wax xunna ma aha, waxayna ahayd in haddii uu aabbahaa xubin baarlamaan noqday aad ku faraxdid, ee side bey kaa noqotay hooyo Guuleed?”

Inuu hadalkeeda ku dego iska dhaafe wuu ka sii carooday, qado inaanu dooneyn ayuuna u sheegay, oo warkii ugu xumaa ee abid uu maqlo ay u sheegtay, aabbihiis oo xubin baarlamaan noqday wuxuuba u arkaa dhibaato qoyska ku soo siyaadday, oo nimankii uu jihaadka kala dhaxeeyay uu aabbihiis ka mid noqday, isagoo xanaaqsan ayuuna baxay hooyadiis oo ka daba qeylineysa oo leh, “Kaalayoo isdeji hooyo. Guuleed!”

Caasho markii uu hadalkeeda maqli waayay ee uu ka dhaqaajiyay iyadoo u yeereysa ayay keligeed iskula hadashay, “waxaan la yaabbanahay wiilkaan siduu muddo yar gudaheed isugu beddelay, xubin baarlamaan iyo dowlad markii uu maqlo jihaad baaba ku soo dega iyo waxaan loo joogin. Wiilkeyga Guuleed ah baarri buu ahaa, weligiis naguma soo hadal-celin aniga iyo aabbihiis, laakiin hadda waxaa iiga muuqata in la dhalan rogay.”

aragtidaada nala wadaag...