Cutubka 4aad

Dige iyo Sahal weli waxay ku mashquulsan yihiin inay madaxda ka sarreysa u bandhigaan talooyinkooda ku wajahan Marin-habaabiyeyaasha. Waxay xusuustaan wixii ay kala soo kulmeen Abuu Seef markii ay damceen inay ka dhaadhiciyaan hawlaha ay galeen ee siyaasadeed inay faraha kala baxaan, haddana waxay isla jeex- jeexeen oo ay isla garteen in aanay intaas uga harine ay sii dar-dargeliyaan fikradahooda ka dhanka ah raaggaas.

Sahal wuxuu saaxiibkiis Dige ku soo booqday hoteelka uu magaalada ka deggan yahay, si uu ugala sheekaysto siyaasadda iyo maalintaas waxa ku soo kordhay maamulkooda ee warar iyo wax-qabadba ah.

Xaaladdooda ayay iska wareysteen, kaddibna wuxuu Dige u sheegay saaxiibkiis Sahal inuu la yaabban yahay isbeddelka wayn ee deegaanka ka dhacay iyo sida ay madaxda ka sarreysa uga aamusan yihiin arrimaha socda. “Dadkaan hurdada ayay ku dheeraadeen, waxaanse ka baqayaa inay soo baraarugaan mar aan waxba laga gaari Karin,” ayuu yiri Dige.

Sahal ayaa saaxiibkiis si kaftan ah ugu sheegay inuu balaayo sheeg noqday, oo siduu u joogo shaki uun la buuxsamayo. Sahal wuxuu aamisan yahay inuusan hadda jirin dhib loo qeylo-dhaansado. Sahal markuu intaas saaxiibkiis u sheegay ayuu haddana u daba dhigay su’aalo, “maanta maxaad warar maqashay? Dowladda dhankeeda maxaa ka cusub?”

Dige wuxuu u sheegay inuu maqlaayay wasaaradaha in wax laga beddeli doono, saraakiil ciidamada ka tirsanna la dallacsiin doono, “waxaa kaloo la sheegayay” ayuu yiri “in dhaqaale xooggan naloogu yaboohay”, wuxuu wararkuu maqlay ugu dambeysiiyay inay dowladdu diinta islaamka ku dhaqmi doonto.

Sahal intaas markuu maqlay ayaa si uu nuxurka ugala soo baxo warka, waxa uu saaxiibkiis ku celiyay su’aal “annaga maxaa naga saameynaya arrimahaas bay kula tahay Digow?”

Isbeddelka wasaaradaha inaanu iyaga wax saameyn ah ku yeelan doonin ayuu sheegay Dige, wuxuuse xooraansi ku ogaaday in dhaqaalaha loogu yaboohay dowladda ay wax weyn ka soo gaari karaan. Dige wararkaas waxaa uga daran Marin- habaabiyeyaasha.
Dige wuxuu saaxiibkiis u sheegay inuu ka walaacsan yahay isballaarinta ay sameeyeen raggaasi, oo ku sii siqay deegaanno badan, “waxay soo wadaan iyo webiga yaa weyn Sahalow?” ayuu ku maahmaahay Dige.

Sahal wuxuu aamisan yahay saaxiibkiisna uu u sheegay in raggaasi sida loo maleynayo aysan ahayne, ay yihiin dad aan siyaasad dan ka lahayn, rajo fiican waxayba gashay markii uu Dige u sheegay inay dowladdu ku dhaqmi doonto shareecada Islaamka. “Sidaas darted u malayn maayo in ay jirto sabab ay noo mucaaradaan,” ayuu yiri Sahal.

Dige wuxuu ka xun yahay inaanu saaxiibkiis Sahal la fahamsaneyn sida uu waxa u arkayo, isla markaana uu fududeysanayo khatar ku soo fool leh iyaga, wuxuuna ugu cel-celiyay in Marin-habaabiyeyaashu dantoodu aanay ahayn Diin ee ay siyaasad wataan oo ayna istaas u dheer tahay in aanay ahayn dad wax lala fahmi karo oo aanayna haba yaraatee oggolayn wax wada hadal iyo heshiis ah.

“Maanta idaacadaha waxaan ka maqlaayay inay goobaha danta guud dadka ka saarayaan oo ay dayactirayaan, waxay marka dambe nagu qabsan doonaan xilalkeenna, hadda ayeyse ka gaaris leeyihiine maa wax laga yiraahdo” ayuu yiri Dige isagoo si daacadnimo laga dareemayo u hadlaya.

Sahal markuu arkay sida ay dhab uga tahay Dige wararka uu ku cel-celinayo ee uu uga wel-welsan yahay Marin-habaabiyeyaasha ayuu qiray mar hadday xoogeysteen inaan taag loo helayn, waa tan maanta heysatee, oo cid u geli kartaana aysan jirin.

Dige oo ku farxay inuu saaxiibkiis la fahmay wixii uu ka digaayay ayaa yiri, “waa runtaa Sahalow, dadka ku biirayana tiradoodu wey sii kordhaysaa, sababtuna waa iyagoo dhaqaale badan u haysta iyo dadkoo u maleeya inay arrimo diimeed ku socdaan!”
Sahal wuxuu Dige weydiiyay cidda dhaqaalaha siisa Marin-habaabiyeyaasha? Dige si toos uma oga cidda dhaqaalaha siisa raggaasi, wuxuuse ku gaabsaday, “Dalal baa kolley si hoose u taageera iyo weliba rag shisheeye ah oo waddamadoodii ka soo gadooday oo u soo jeestay argagixisannimo iyo inay dalkeenna gabbaad ka dhigtaan.”

“Waaba u maleeyay Digow,” ayuu yiri Sahal, wuxuuna ka codsaday Dige inuu gaarigiisa ku sii qaado oo uu geeyo ilaa iyo hoteelka uu deggan yahay, waxayna isku raaceen inay dhabbaha ku sii sheekaystaan.

Sahal oo watay hadalkii ugu dambeeyay ayaa su’aal isaga yaab ku heysay waydiiyay saaxiibkiis, taasoo ahayd, “Digow waxaan la yaabbanahay horta Marin- habaabiyeyaashu, maxay carruurta yar-yar ugu diideen iskuullada?”

Haddii carruurta ay iskuullada aadaan oo ay cilmiga ka soo aflaxaan, waxaa adkaanaysa in si sahal ah maskaxdooda loo rogo. Qof wax bartay in wixii la doono loo sheego wax fudud ma aha, sidaas daraadeed Marin-habaabiyeyaasha ujeeddadooda ugu weyn ee ay ka leeyihiin carruurta yar-yar ee ay xeryaha ku ururiyeen waa inay ciidameeyaan oo ay tababarro siiyaan dabadeedna ay dadka ku soo dhex daayaan iyagoo ciddii ay doonaan u adeegsanaya inay dilaan.

“Nin wax og ma tihid, carruurta waxay rabaan inay hadhow siday doonaan u adeegsadaan,” ayuu yiri Dige.

Arrintaasi in ay suurtagal noqon karto ayuu Sahal-na u arkay, wuxuuna qiray ujeeddo aan ahayn inay carruurta dhalan-rogaan inaysan lahayn Marin-habaabiyeyaashu, waxayna labadooduba cabbaar ku dheeraadeen inay faaqidaan mustaqbalka carruurtaas ee meesha madow ku sii socota, iyagoo walaac ka muujiyay, isna tusay sida ay u fiicnaan lahayd waalidiinta oo taas la garta oo ubadkoodana ka ceshada Marin-habaabiyeyaasha.

Intii ay waddada ku soo jireen waxay soo mareen xaafado ay iyagu maamulaan, hase yeeshee uu ka muuqdo bur-bur xooggan, waxayna taasi qeyb ka tahay wixii laga dhaxlay dagaallada sokeeye ee muddada badan dalka ka dhacaayey.

Dige wuxuu rajo ka muujiyay maalin ay noqotaba in dalku uu dib u dhismi doono, nidaamkii iyo kala dambeyntiina ay soo laaban doonaan, dowladduna ay gacanta ku dhigi doonto meel kasta oo dalka ka mid ah oo ayna maamulkeeda gaarsiin doonto, rajadaasoo farxad-gelisay Saaxiibkiis Sahal markii uu u sheegay.

Waxay soo arkeen carruur dib-jirro ah oo dhabbayaasha ku dayacan, kuwaasoo uu Sahal tilmaamay inuu la jeclaan lahaa in dib mustaqbalkooda iyo noloshooda loo dhiso, oo ay dowladdu ugu yaraan u raadiso hoy, hu’ iyo daryeel caafimaad. Dige wuxuu carruurtaasi uga cabsanayaa inay u gacan-galaan Marin-habaabiyeyaasha, taasoo uu aaminsan yahay inay wax kasta uga daran tahay.

Gaarigii ay saarnaayeen wuxuu hadba meel la soo maraba, ugu dambeyn waxaa loo soo dhowaaday hoteelkii uu deggenaa Sahal, waxayna labadoodii ku ballameen inay sheekada halkeeda ka sii wadan doonaan kulankooda xiga.

“Maqaayadda horteeda ii jooji,” ayuu yiri Sahal. Isla markii uu baabuurku sii hakinaayeyba waxaa la kacday miino nooca meelaha fog-fog laga hago ah oo loogu sii aasay meesha, illeen waxay noqdeen rag la gaad-gaadaayay oo dabinkii loo dhigay ku soo dhacaye. Midkoodna naf laguma gaarin.

Sahal iyo Dige qaraxii ay ku dhinteen waxaa iyagana ku naf waayay kuna dhaawacmay dadweyne meesha ka dhowaa oo qaarkood meherado ku heystay waddada hareeraheeda, meydkoodiina waxaa ku soo xoomay dad meelo u dhow-dhow uga soo gurmaday, waxaana markii dambe loo qaaday xarunta dowladda.

Warka dhimashada Sahal iyo Dige wuxuu farxad weyn geliyey Marin-Habaabiyeyaasha, oo iyagu markii horeba u soo diray wiilal ay u diyaariyeen oo miinada ugu aasay jidka.

Abaadir salaaddii cishaha markuu misaajidka ku tukaday kaddib ayuu u sheeko doontay guri uu nin saaxiibkiis ah deggan yahay oo isla xaafadda ku yaalla, halkaasoo uu muddo 30 daqiiqo ah ku soo qaatay. Qiyaastii 8:30 fiidnimo ayuu ka soo tegay, wuxuuna isku soo dhigay waddada tagta gurigiisa. Waa gudcur aanay caddo jirin, qofka aanay indhihiisa aragtidooda fiicneyn wuxuu u baahan yahay inuu adeegsado karbuuno ama toosh qofba sida uu u yaqaanno.

Abaadir uma baahna inuu adeegsado toosh iyo wax la mid ah, si caadi ah ayuu wax u arki karaa, inkastoo qofka ka hor yimaada aanu sixi karin muuqaalkiisa, hase yeeshee wuxuu kala saari karaa rag iyo dumar qofka uu yahay wixii ka horyimaada. Bilihii la soo dhaafay way adkeyd inuu qof si nabadgelyo ah u maro xaafadda dhexdeeda, sababtoo ah habeenkii waxaa badnaa tuugada wax dhacda, ee hubka intay ku handadaan dadka baarta jeebabka dadka iyo wixii ay gacmaha ku sitaanba.

Naftiisa ayuu la sheekeysanayaa, wuxuuna iskula hadlayaa, “deegaankaan isbeddel weyn ayaa ka dhacay, dadku nidaam iyo asluub ayay yeesheen, maamulkaan in uu mar hore noo yimaado ayey ahayd intii ay mooryaantu jidadka nagu harowsaneysay oo ay wax walba naga dhacaayeen”. Hadalka uu Abaadir keligii ku sheekaysanayey qof kale oo maqli karay ma jirto, wuxuu ku koobay naftiisa, isaga keligiis uun baa isla hadlaya, wuxuuna qaatay go’aan ah inuu iibsado gaari cusub, sababtoo ah awal waxaa wehlisay cabsi uu ka qabay in laga dhaco. Nabadda hadda uu heysto mar hore ayaa iyadoo kale ugu dambeysay, wuxuuna rumeysnaa inuu xor u yahay wax kasta inuu sameeyo, oo uu muujiyo hantiilenimadiisa.

Abaadir wuxuu soo socdaba, gurigiisa ayuu u soo dhowaaday, iyadoo ay labo luuq uga harsan tahay ayaa waxaa ka hor yimid wiilal yar-yar oo da’aaddoodu qiyaas ahaan u dhaxeysay 14 -16 sano, afka ilaa sanka ayaa cimaamado ugu wada duubnaa, waxayna kuwada hubeysnaayeen qori AK-47 ah, mid ka mid ah waxaa qoriga u wehliyey karbaash maqaar ah ee uu gacanta midig ku haystay. Abaadir markuu la siman yahay wiilashii ayuu wuxuu ka war helay, “duqa,… istaag, gacmahana kor u tag,” oo wiilashii mid ka mid ah uu ku amrayo. Abaadir waxay ku noqotay lama filaan, hawl uu ka nastay beryahan oo dib u billaabatay inay tahay ayuu mooday, isbaarooyinkii la qaaday inay dib u billowdeen wax aan ahayn maankiisa kuma jirin. “Isbaaradaan cusub maxay tahay?” ayuu Abaadir weydiiyey wiilashii isagoo raba inuu dareensiiyo in isbaaro iyo wax la mid ah uusan degmada ku ogeyn.

“Sheekh, meeshaada ha ii soo dhaafin, hana noo gefin anaga waxaan nahay maamulka cusub, waxaana sameyneynaa hawlgallo ammaanka aan ku xoojineyno,” ayuu wiilkii kale ee karbaashka watay ku yiri.

Abaadir xoogaa ayay cabsidii ka yaraatay, wuxuuna si kalsooni ku jirto u yiri “waaba iga yaabiseen, haddaad maamulka cusub ee deegaanka tihiin dhib ma lahan, ee maxaa la iga rabaa oo aad iiga nixiseen?” Ayuu weydiiyey.

Mid kale ayaa intuu qorigiisa u soo weeciyey dhanka Abaadir isugu daba xijiyey: Kumaa tahay adigu? Xaggee baadse ka timid? Xilligaan maxaad u socotay? .Hadal duqa!

“Qo….Qorigaan afkiisa dhinac iiga je.jeedi, anaa wax kasta kuu sheegaayee, ma….ma…magaceygu waa Aba. Abaadir, xaa..xaaa..xaafaddaan ayaan deggenahay, ci..ci.cishaha markii laga baxay ayaan qa.qa.qa..qaraabo salaan aaday, haddana hoyaad ayaan aa.aaa.ahaa,” ayuu yiri isagoo shig-shigaya cabsi darteed.

Intaas markuu Abaadir marsiinayo hadalkiisa ayuu wiilkii yaraa toosh la soo baxay oo uu ku iftiimiyay wejiga Abaadir. Wiilku ujeeddadiisa ma ahan inuu aqoonsado qofka uu yahay Abaadir oo xaafadda dadka deggan maba kala yaqaan. Wiilkan yar gobol fog ayaa laga keenay, waxaana lagu soo daray maleeshiyada xaafaddaan ka hawlgasha.

Abaadir wuxuu isku dayay inuu wiilka kala hadlo arrinta karbuunada uu wejiga uga daaray, hase yeeshee codsigiisii ahaa in laga demiyo tooshka ma aanu hirgelin.

Wiilkii wuxuu billaabay inuu su’aalo weydiiyo Abaadir. “Garka maxaad u xiiratay, shaarbahan weyn muxuu yahay? Ayaad uga dayaneysaa qaabkaan? Sow ma ogid inaad tahay nin Islaam ah?”

Abaadir weligiis gar uma soo bixin, muxuu xiiraa ama uu deystaa!, wuxuu isku dayay inuu kala doodo wiilka arrintaas, oo uu u sheego abuuris Alle inay tahay oo aanu isagu sidaa u sameysan oo uu gar-mallayte yahay. Jawaabta Abaadir wuu ka xanaaqay wiilkii, wuxuuna la kala baxay karbaashkiisii, wuxuuna ku billaabay karbaashkii isagoo garaacaya odayga gar-cunka ah ee Abaadir.

Ninkii Abaadir ahaa wuu cabaaday, sidii hal geel ah oo uu bahal qaniinay, wuxuuna ku cataabay wiilashii si ay garaacista uga joojiyaan, “igaarkey usha iga jooji Ilaahay ka cabso,” ayuu ku calaacalay.

Su’aal yaab leh ayaa u xigtay oo waxaa la weydiiyey inuu caawa salaadda cishaha soo tukaday iyo in kale. Ma aanay ahayn su’aal uu Abaadir u fadhiyay, laakiin wuxuu ku qasban yahay inuu ka jawaabo, haddii kale wuu ogyahay wuxuu mudanayo.

Isagoo hadalka la gargariiraya oo laga dareemayo cabsi, isla markaana gacantiisa ku salaaxaya meelo ka mid ah jirkiisa oo uu ka dareemayo xanuunkii karbaashka, ayuu yiri “Haa igaarkey jameecada ayaan la tukaday”. Wiilka karbaashayey isaga xitaa ma aanu tukan salaaddii cishaha, oo caawa oo dhan siduu hadba luuq qof ugu heystay ayuu xilligaan soo gaaray. Teeda kale, dadka wiilahshan hoggaamiya ama marinhabowsheyaasha ayaa ka soo dhaadhiciyey in haddii ay seddex qofood ay masaajidka u diraan ay u dhiganto iyagoo salaaddaas tukaday. Waa yaab iyo amakaag iyo wax aan hore loo maqlin!

Waxaa Abaadir taas u daba taallay in la weydiiyo, masaajidka uu ku tukaday salaadda cishaha, waxba wax ayaa ka sii yaab badane. Abaadir wuxuu weli isku dayayaa inuu iska qanciyo wiilasha si uu uga badbaado dhibaato kale oo xaggooda uga timaada, wuxuuna u sheegay inuu ku tukaday masaajidka Sheekhunaa.

Abaadir waxaa lagu amray inuu fariisto, kaddibna wiilashii mid ka mid ah intuu maqas la soo baxay ayuu jaris ku billaabay tin yar oo markii horeba madaxa la sinneyd oo Abaadir ku taallay.

Tacaddiga lagula kacay waa mid aanu ka caban karin, cid uu uga dacwoodana ma aysan jirin, haddii lafihiisa ay u nabadgalayaan ayuuba nasiib lahaa, laakiin ciil badan ayaa laabtiisa ka buuxsamay.

“Xilligan daawasho filim ayaad ka timid waan ku dareensanahay oday,” ayuu ku yiri Abaadir wiilki karbaashayey, isagoo intaa ugu daray inuu ka warqabo in uu jaad cunis iyo qayilaad ku soo gaaray saacaddaan.

“Sheekh Cabdulqaadirow.abidkey jaad afkeyga ma saarin, igaarkey say wax kaa noqdeen?” Ayuu ku qeyliyay Abaadir. Wiilkii intuu xanaaqay ayuu karbaash mar kale u celiyay Abaadir, oo qeyladiisa cirka isku shareertay, wuxuuna ku canaantay inuu ku hadlay hadal dambi ah.

“Sheekh Cabdulqaadir-ka aad sheegeyso waa quraafaad,” ayaa lagu yiri Abaadir, iyadoo loogu wacdiyay inuu ka cabsado Rabbigii abuuray oo keliya oo aanu kaalmo waydiisan cid aan isaga ahayn, “oday lunsan baad tahay,” ayuu wiilkii ku yiri isagoo u indho gaduudinaya.

Abaadir madaxa ayuu ruxay, isagoo uga jeeda waan ku adeecay. Waxaana la faray inuu macawista kor u xirto oo uu meesha ka dhaqaaqo, “dhaqso gurigaaga anoo ku arkaaya aad,” ayuu ku yiri wiilkii.

Abaadir farxad ayuu ku dhaliyay amarkaas dambe, “waayahay igaarkey axsanto,” isagoo leh ayuuna dhaqaaqay, wuxuuna sii arkaayey wiilashii oo dhowr nin oo kale isku leexsaday oo u istaajinaaya in ay marsiiyaan ciqaabtiisa oo kale.

Intii uu u sii socday gurigiisa oo aan wax sidaas ah u jirin ayuu keligiis dusha iskala hadlayey oo uu is-lahaa, “Yaah! warkaaneyto may keeneen haddana, ciyaalkii yar- yaraay maa siday doonaan naga yeelaayo.” Abaadir falka caawa uu la kulmay wuxuu u caddeeyay inaanay meesha caddaalad iyo diin midna oollin, nabaddii uu waxyar ka hor ku faraxsanaana aanay waxba ka jirin mar haddii wiilal yar-yar oo uu qorigu ka dheer yahay ay sharaftiisa iyo shakhsiyaddiisa ku tunteen, wuxuuna ku tashaday inuu taageerada kala laabto oo aan mar dambe la arkin isagoo fadhi-ku-dirirrada ku difaacaya Marin-habaabiyeyaasha.

Macallin Duufiye si caadi ah ayuu hawshiisa u wataa, wuxuuna subax
kasta aroorta hore yimaadaa madrasadiisa, halkaasoo uu carruurta caqliga uga xado, wuxuuna yimaadaa iyagoo ka soo wada hormaray toddobada subaxnimo. Daqiiqadaha ugu horreeya wuxuu u aqriyaa kitaabbo uu ugu talagalay inuu jeclaysiiyo dagaalyahannimada, sheekooyinkiisa caadi ah ayaaba u badan inuu uga warramo dagaallada taariikhiga ah ee dhacay iyo shakhsiyaadka ku can-baxay.

Subaxaas waxaa waqti hore madrasada ugu yimid Abuu Seef, waxaana dhex martay sheekadan:

Abuu Seef: Asalaamu Calaykum.

Macallin Duufiye: Wacalaykuma salaam, Sheekh Seef soo dhawow akhii.

Abuu Seef: Macallin Duufiye, ii warran, hawlaha xaggee baad marsiineysaa?

Macallin Duufiye: Meel wanaagsan baan marsiineynaa, wax dhibaato ah ma jiraan, carruurtuna aad bay u fahmayaan duruusta iyo casharrada aan siineyno, dhowaanna waxaan rajeynayaa inay qaarkood ka soo aflixi doonaan madrasooyinka aan ku xareynay.

Abuu Seef: Warkaas waa war fiican, waana sidii aan kaa rabnay, waana hubay awalba inaad waajibkaaga gudaneyso Macallin Duufiyow. Wax caqabado ah oo idinka hor yimid miyaa jira?

Macallin Duufiye: Haa! Waxaa jira waalidiin buuq nagu furay, waxaa noo yimid hooyooyin dhahaya carruurteenna hanaloo soo celiyo, marka kuwaas uun baan qatyaan ka taagannahay ee sideenna kale waxba nagama halleysna.

Abuu Seef: Waa qalad inay waalidiintu ka daba qeyliyaan carruurtooda, weligood baanay arag nidaamkan oo kale. Annagu diinta ayaan bareynaaye ma wax baan u dhimeynaa, cidna haka oggolaan inay carruurtooda dib ula laabtaan.

Macallin Duufiye: Waaba sidaas Sheekh, waan u sheegnay waalidiinta inay
carruurtoodu ay u baranayso wanaagga diinta oo naftooda iyo waalidkoodba anfacaysa.

Abuu Seef: Maya, maya. U sheeg hadda kaddib ciddii kale ee kuu timaada in aan carruurta laga joojineyn waxbarashada dhankeenna ah, waana amar oo carruurta dhankeenna ayay joogayaan.

Macallin Duufiye: Waayahay Sheekh sidaas baan yeelayaa.

Sheekadoodii oo halkaas mareysa ayaa waxaa u timid Faadumo oo raagsatay imaanshaha carruurteedii lana soo dhaafay waqtigii uu la ballamay Macallin Duufiye inuu gurigeeda ugu keeni doono carruurteeda.

Markii ay labadoodii si caadi ah u salaantay ayay guda-gashay inay toos ula hadasho Macalinka oo ay u sheegtay in ay subaxaas isaga u socoto, maadaama ay ku ballansanaayeen inuu carruurteedii dib ugu soo celiyo.

Macallinku wuxuu u sheegay Faadumo inaanay carruurtu weli u dhammaan waxbarashada, sidaas daraadeedna aanay soo laaban karin.

Faadumo hadalkaas way ka carootay, waxayna u sheegtay macallinka inaanay taasi soconeyn oo wax shaqeynaya aanay ahayn, “anigu maanta waxaan halkan u imid inaan wiilasheydii idinka kaxeysto,” ayay si caro leh u tiri.

Meeshii ay ka sugeysay inuu macallinku arrintaas wax ka yiraahdo, waxaaba hadalkii ka soo dhexgalay Abuu Seef, wejigiisa way xasuusataa, waa ninkii u khudbeeyay maalintii ay Marin-habaabiyeyaashu haweenka iyo carruurta la hadlayeen. Faadumo dadkii goobtaas tegay ayay ka mid ahayd.

“Walaalay i dhageyso, annaga waxaa na saaran waajibaad, wuxuuna naga saaran yahay dadkeenna, adigana isla waajibaadkaas ayaa ku saaran, carruurtaada maanta waxay ka nasiib badan yihiin lama arkayo, waddo sax ah ayay ku socdaan” ayuu yiri Abuu Seef.
Ninkan iyo maamulkiisa cusub ee deegaanka car-carta ka wada aad bay ula dhacsan tahay Faadumo, hase yeeshee, waxay ka xun tahay ballantii uu ka qaaday macallinka inuu uga baxay, waxayna Abuu Seef uga warrantay inay maalin dhexdaas ah u timid macallinka oo ayna ka wada hadleen arrinta carruurteeda oo uuna u sheegay inuu guriga dib ugu soo celin doono.

“Marka, ma aqaanno waxa aad hadda sheegeysaan, anigu carruurteydii baan idinka rabaa,” ayay tiri.

Abuu Seef wuxuuba meesha keenay sheeko aan oollin. Wuxuu Faadumo u sheegay inay wiilasheeda iyo kuwa la mid ah kala hadleen arrimahaas, ayna u sheegeen inay jecel yihiin madrasada oo ayna diideen in dib loogu celiyo guryahooda. “Marka jahawareerka intaad naga deysaan, carruurta wax wanaagsan bay idiin baranayaane ka leexda, mana idin doonayaan oo way idin diideene hanna dhibina.” Ayuu ku yiri Faadumo oo ay indhuhu soo baxeen waxa ay qoladan ku hadlayaan dartood.

“Wiilashaadii baa ku diiday,” hadal ay qaadan karto wuu noqon waayay Faadumo, waxayna kula doodday Abuu Seef iyo Macallin Duufiye inaanay arrintaasi sinnaba suuragal u ahayn oo aysanna ahayn wax la qaadan karo, “carruur diidaysa waalidkii dhalay ee koriyay xaggee lagu arkay?” Ayay waydiisay, iyadoo ka codsatay in carruurta loo soo fasaxo, maadaama carruurta iyo waalidiintoodu ay isu baahan yihiin had jeer oo ay yihiin dad aan is-moogaan Karin muddo intaas la’eg.

Abuu Seef wuxuu ku adkeystay inay carruurta kala doorransiiyeen meeshooda (madrasooyinka) inay iska joogaan iyo in dib waalidiintood loogu celiyo oo dabadeedna ay doorteen halkooda (madrasooyinka) inay iska joogaan. Faadumo iyo dadka la midka ahna wuxuu kula taliyay inay ka leexdaan oo ay faraha ka qaadaan carruurta si ay kheyrka ay ku dhex-jiraan uguna raaxaystaan, taasoo u wanaagsan buu yiri adduunkooda iyo aakhiradooda oo anfacaysa naftooda iyo waalidiintoodaba.

“Waa yaab iyo lama arag! Sheekadu tolow ma afduub-baa, maxay tahay waxa ku hoos qarsoon hooyo wiilasheedii loo diidayo.” Arrintan way ku wareertay Faadumo, sidaasoo ay tahayna lagama maro dhinaca Marin-habaabiyeyaasha oo marka ay haweenka kala doodeyso waxay ku faantaa inay yihiin kheyr loo soo diray.

Faadumo waxay u calaacashay labadii nin, iyadoo isku dayeysa inay ku calool- laxawsato in aanay muddo carruurteeda arag oo mar keliya ay u baahnaan lahayd in ay aragto carruurteeda kaddibna ay dib ugu soo celinayso madrasada, sidaas darteedna ay u fasaxaan carruurteeda oo bil ku dhowaad aanay dhaayaha saarin, hilow iyo kal- gacal waalidnimo uu wado. Si kastaba ha ahaatee, meel aanay waxaas oo dhan ka soconeyn ayay saakay taagan tahay oo carruurtaba dadkii dhalay laga xigsanayo.

Faadumo waxa ay dareemeyso qof kasta ma dareemi karo. Keliya waxaa dareemi karta hooyo iyada oo kale ah oo laga qarsaday carruurteeda, oo habeenno u soo jeedday wel-welkooda, oo markay carruur meel mareysa aragtaba ay ilmadu ka soo daadato. Ma jirto Faaduma wax ay ka jeceshahay inay carruurteedu wax bartaan, hase yeeshee qaabka loola dhaqmayo ayaa xanuun leh oo haddana ay taasi uga sii daran tahay in carruurteeda laga haysto oo aanayna taladooda waxba ku lahayn.

“Waxaan ahay beer wax dhalay, oo ka damqanaya maqnaashaha carruurtiisa, adinka iyo carruurtiinna haddii la idin kala dheereyn lahaa waad ila xanuunsan lahaydeen,” ayay ku calaacashay qoladii ka haysatay carruurteeda.

Looma jixin-jixin, wax dan ah lagama gelin hadallada ay ku hadleyso. Raggaan carruurta iyo iyaga in la soo kala dhex galo way ka soo horjeedaan, waana sababtaas tan ay meelo fog-fog u kala geeyaan carruurta si xitaa canugga u hilooba waalidkiis aanu u garan meel uu aado ama u abbaaro.

“Halgan baan ku jirnaa, carruurta maanta marka aan diyaarinno berri iyaga ayaa wax hoggaamin doona, sow ma dooneysid wiilashaada inay culimo kuu noqdaan oo ay diinta faafiyaan, taas weeyaan waxa aan hadda u diyaarineyno, waxbana kama xumaanayaan,” ayuu yiri Abuu Seef oo raba inuu Faadumo iska qanciyo, wuxuuna Macallin Duufiye u sheegay inuu sii baxayo. “Hawshaada halkaasi ka sii wado,” ayuu ku yiri, wuxuuna ka dhaqaaqay Faadumo oo ilmeyneysa oo agtiisa taagan.

Qasaaye iyo Carsaanyo haddii ay labo maalin is moogaadaan, maalinta saddexaad waa kuwii isu yimaada, dad iyagaa isugu jecel, wax kasta oo soo kordha way isaga yimaadaan, kaddibna way isla gorfeeyaan, inkastoo markay kaftamayaan la moodo dad aan isku dhinac wax u wadin, haddana iyaga way is fahmaan, wayna isku aragti dhow yihiin.

Badanaa waxay ku kulmaan guriga Qasaaye oo ku yaalla meel ammaan ah, intaas ka sokowna ah guri dhagax ka sameysan oo looga nabageli karo xabbadaha habowga ah iyo madaafiicda habawga ah ee ay dadka guryahooda jooga mararka qaar ku halaagsamaan.

Qasaaye iyo Carsaanyo waxay galabta casiriyada shaaha ku wada cabbayaan guriga, wax balwad ah midkoodna ma laha marka laga reebo Carsaanyo oo mararka qaarkood tubaakada taqsiinta. Maalintii isugu dambeysay waxay ku ballansanaayeen inay dowladda taageereyaal u noqdaan, maadaama ay u muuqato in aanay Marin- habaabiyeyaashu wanaag soo wadin oo ay taas beddelkeedana soo wadaan dhibaato cusub iyo halaag ay u horseedayaan ummadda.

“War ninyahow waxaan isku ogeyn waa ka-kac oo waxba kama jiraan, hadalkennii iyo wixii aan isku ogayn waa hal bacaad lagu lisay,” ayuu hadalkii ku billaabay Qasaaye, oo u tilmaamay dadku inay arrimaha dhacaya ku jahawareersan yihiin.

“Balaayo sheeg baad tahaye, maxaa is-beddelay?” ayuu yiri Carsaanyo oo ku tilmaamaya Qasaaye inuu wax kasta dhinaca xun uun ka eego, wuxuuse Carsaanyo ka warqabaa inuu Qasaaye wax badan kala socdo ififaaleyaasha iyo meeshay sheekada ku biyo shubaneyso, maaddaama uu wax badan indha-indhaheeyo.

Qasaaye wuxuu saaxiibkiis u sheegay inay maanta ugu darneyd wuxuu wax la yaab leh arkaayay oo uu soo maray guri ay hal qoys ku wada nool yihiin oo ay labo calan ka wada taagan yihiin. Carsaanyo xiise gaar ah ayay u yeelatay sheekada saaxiibkiis, intuu si fiican u soo eegay ayuu dareensiiyay inuu warkiisa cajabiyay.

“Wiil iyo aabbihiis bay labo calan u kala suran yihiin, oo wiilku wuxuu taageersan yahay calan madow oo uu dacal suray guriga, halka aabbuhuna uu rabo calanka buluugga ah ee aan wada naqaan ee ah kan ay Soomaalidu iska leedahay,” ayuu yiri Qasaaye isagoo qoslaaya, wuxuuna saaxiibkiis waydiiyay waxa ay labadooda sameyn karaan, marba haddii qosykii dhexdiisa uu khilaafkaas ka taagan yahay.

Arrinta ku saabsan calanka madow ayaa si gaar ah uga sii yaabisay Carsaanyo, “Balaayo ayaa madow,” ayuu ku cel-celiyay, wuxuuna saaxiibkiis waydiiyay, “Qasaayow Marin-habaabiyeyaashu xaggee bey ka keeneen marada madow? Wax aan weligeen aragnayba ma ahee!”

Su’aashaas mid uu si fudud uga jawaabi karo Qasaaye way noqon waysay, ” waa kane adigaba ka macno bixi calan madow wuxuu yahay!” ayuu Qasaaye saaxiibkiis waydiiyay, isagoo hadalkii sii watana wuxuu raaciyey, “War iyaga laftoodu garan maayaan calalkaan madow wuxuu yahay, ee waddamo shisheeye baa looga soo dhiibay.”

Sidaas ayay labadoodii isku raaceen, sheekadii ayay halkeedii ka sii wateen, waxayna hadallada isu waydaarsadeen qaabkaan:

Carsaanyo: Waxaaba iigu darnayd oo aan maanta maqlaayay inay Marin-Habaabiyeyaashu oday dariskeyga ah waddada ku karbaasheen.

Qasaaye: Haye, oo maxay ka rabaan odayga baa la yiri?

Carsaanyo: Sow tay Marin-habaabiyeyaashu la soo shir-tageen in garka la daysto, surwaal gaaban la xirto, shaarbahana la gaa-gaabiyo.

Qasaaye: War illeen balaayo, oo ninka aanu Ilaahay ugu talagelin inuu garba u soo baxo, sidee baa laga yeelayaa?

Carsaanyo: Kaasi dee yeelkii, luuq kastoo ay Marin-habaabiyeyaashu ku helaan karbaash baa u yaalla.

Markuu intaas yiri Carsaanyo ayay labadoodiiba qosol ku dhufteen, sheekadoodiina ma aanay hakin, ee halkeedii ayay ka sii wateen, iyadoo uu Qasaaye wato hadalka.

Qasaaye: Yaab waaye, war horta waxaan ku waydiiyay, labadan qolo waa kuwan is-haystee, shicibkiina waa tuu qaxaye oo geedo qoyan hoostood bay degeen, maxaa
keenay in haddana laga daba tago oo goobtii ay degaanba lagu dul dagaallamo.
Maxay dadka uga daba guurayaan?

Carsaanyo: Dan kale lama laha, ujeeddada keliya ee la leeyahay waa in la baabi’iyo shacabka, waxaadba mooddaa inay Marin-habaabiyeyaashu dadka ku leynayaan maxay annaga noo soo raaci waayeen.

Qasaaye: Arrintani waa arrin foge, waa macno shicib baabi’ise, haddii ay Marin-
habaabiyeyaashu sheeganayaan inay ku dhaqmayaan diinta Islaamka, sabab ay dadka isaga dilaan ayaananba anigu u jeedin.

Xitaa ciyaarihii in la isaga daba yimid ayay isu sheegeen oo qofkii lagu arko isagoo ciyaar daawanaya la karbaashayo, waxayna dabadeed isu jiibiyeen qosol aan laabta jirin.

Abuu Seef hawlaha gudaha ka socda ee ay wadaan Marin-Habaabiyeyaasha oo dhan isaga ayaa agaasima, wuxuuna subax kasta shir la qaataa koox dad ah oo uu rabo inuu barnaamijkooda ka dhaadhiciyo ama uu ku qasbo inay la shaqeeyaan, codsi, amar, wacdi iyo wuxuu isugu daraa handadaad, dantiisa inuu gaaro ayaa u daran isaga.

Waxyaabo badan wuxuu ku socodsiiyay wejigiisa iyo aaminsanaanta ay dadku aaminsan yihiin oo ah inuu yahay nin wanaagsan oo wax fiican ka shaqeynaya. Waa nin aftahan ah oo qofka uu la hadlo markiiba ku qancin kara inuu raaco waxa uu wado, horayna wuxuuba u lahaa sumcad iyo kalsooni dadka uu ka kasbaday.

Amarradii ugu dambeeyay ee uu faray Abuu Colaad intooda badan wuu hirgeliyay, keliya hal mid ayaa u harsan taasna maanta ayuu u dhigtay. Hoteel weyn oo deegaanka ku yaalla, gaar ahaan meelaha ay Marin-babaabiyeyaasha ka taliyaan ayuu kula ballansan yahay saakay ganacsatada deegaanka ugu waaweyn.

Shirka waa loo dhan yahay keliya waxaa la sugayaa Abuu Seef oo daqiiqado yar ka soo dib dhacay waqtigii ballanta. Ganacsatada waxaa ka dhex jira guux badan, waxay is- weydiinayaan sababta ay saakay isugu yeereen Marin-habaabiyeyaasha.

Gaari qurux badan ayuu ku yimid Abuu Seef, wuxuuna markiiba gudaha u galay qol weyn oo ay ku jireen ganacsatada, markuu salaamay kaddib ayuu billaabay inuu u khudbeeyo, wuxuuna ku billaabay sidan:

“Asalaamu Calaykum, Bismillaah, wal-xamdu-lillaah, wa salaatu wa salaamuhu calaa nebiyanaa Muxammed, Wa bacdu, … Walaal anigaa isugu kiin yeeray maanta, waxaana doonayaa inaan idin kala hadlo arrin muhiim ah. Waad la socotaan dhaqdhaaqa iyo hawlaha aan wadno ee ku saabsan danaha guud iyo wax ka qabashada baahiyaha taagan ee dib u dhigay dadkeenna, kana hor joogsaday dadkeenna inay u noolaadaan si nabadgelyo leh.

Waad la socotaan maamulkeennu muddada yar ee uu jiray wuxuu ku guulaystay inuu qabto hawlo qaadan lahaa muddo dheer, taasna waxaa noo fududeysay sida wanaagsan ee uu dadkeennu noo soo dhoweeyay noolana shaqeeyay.

Waxyaabaha la sheegi karo ee aan ku guuleysannay waxaa ka mid ah inaan soo celinnay nabadgelyadii, maanta qof kasta oo dadkeenna ka mid ah meeshuu doono ayuu si nabadgelyo ah ku tegi karaa, waxaan ka hor tagnay kooxo burcad ah oo dhibaato ku hayay dadkeenna masaakiinta ah, waxaan marsiinnay sharciga, qaarkood waxaan ka jarnay lug iyo gacan is-dhaaf ah, qaar dhiigyacab ahna waan dilnay.

Waxaan dib u dhisnay goobo muhiim ah sida dekedda iyo garoonka diyaaradaha, wasaaradihii uu dalku lahaa qaarkood dib baan u dayac-tirnay, waxaana ka soo saarnay meelo dib u shaqeyn kara.

Magaaladu wey kala xirnayd sida aad la socotaan, hadda waxaa noo suuragashay inaan isku furno, maamul baan u sameynay degmooyinka iyo gobollada, hadda waad aragtaan caddaaladda siday u shaqeyneyso.

Shirka aan isugu kiin yeernay maanta waxaan rabnay inaan idinka dalabno wada shaqayn toos ah inaan yeelanno, sababtoo ah waxaad tihiin ganacsatadeennii, ammaanka aan sugnay dadka ugu horreeya ee ka faa’ideysanaya waa adinka, cabsi la’aan baad lacagtiinna meel kasta la martaan, cid idinku xadgudubta ama idinku xad-gudbi kartana ma jirto.

Awal waad ogeydeen in isbaarooyin la idinkaga qaadan jiray lacag baad ah, mararka qaarna dhac bareer ah iyo mid qarsoodi ah la idiin geysan jiray, hadda ma waxaas baad aragataan? Jawaabtu waa maya!

Maamulku arrintiinna wuu ka shiray waxaana la soo saaray awaamiir idinku wajahan, bishii waxaa la idinka qaadi doonaa lacago lagu taageerayo maamulkeenna, si aan ugu guuleysanno hawsha baaxadda leh ee aan heyno, awalba xoog baa wax la idinkaaga qaadan jiray, hadda waa wixiinii oo la rabo inaad wax ku darsataan. Sidaas darted, hadda kaddib ku soo talagala bil kasta inaad iska bixisaan qidmadaas yar oo aan idib dhibaynin, ma aha lacagatas aad bixinaysaan mid baad xaaraana ah, mana ahan lacagihii hore ee la idinka qaadi jiray wax la mid ah, waa mid aad nagu caawineysaan si aan u sii shaqeyno nabadgelyadiinnana annaga ayaa dammaanad qaadnay, ma rabo inaan hadalka ku dheeraado soo dhowaada, maamulka waa maamulkiinnii, waana wada shaqeyn doonnaa, insha allaah.

Midda kale ganacsatadiinna waan la soconnaa inay idinku jiraan qaar keena waxyaabaha waqtigoodii dhaafay, hadda kaddib ciddii aan ku aragno tallaabo ayaan ka qaadi doonnaa, shirkuna wuu inoo xiran yahay, wa billaahi towfiiq.”

Khudbadii markii ay dhammaatay ganacsade kasta isagoo aan ku qanacsaneyn amarka cusub ee dhaqaalaha looga doonayo ayuu goobtii ka tegay, waxayna taasi keentay guux weyn oo ganacsatada dhexdeeda ka billowday, qaar baa ku taliyay in la iska diido lacagaha ay rabaan Marin-habaabiyeyaasha, qaar kalena iyagoo hantidooda u cabsanaya ayay ku taliyeen in la iska bixiyo lacagtaas.

Iyadoo lagu kala qeybsan yahay ayaa maalintaas goobtii laga kala dareeray. Ganacsatada waxay dan ugu jirtaa inuu ganacsigooda u badbaado, sidaas daraadeed waxay noqon doontaa inay iska dhiibaan wixii la weydiisto, marka laga reebo qaar yar oo aagga dowladdu maamusho u wareegay oo sidaas ku badbaadday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *