Cutubka 7aad

Caasho wax badan ayay ka fikirtay sidii ay ka yeeli lahayd arrinta wiilkeeda Guuleed iyo odaygeeda Warsame. Walaac ayay ku abuurtay amuurtaasi oo ma waxay sahal ku kala dooran kartaa labadaas qof ee nolosheeda saameynta ugu weyn ku leh? Jawaabtu waa maya. Maskaxdeedu waxaa ay ku soo cel-celineysaa taladii ugu dambeysay ee uu siiyay ninkii Qasaaye ahaa, ‘sow kii kugula teliyay in aad dugsi u noqoto odaygaada hoteelka ku cidloonaya? ayey is-weydiisay.

Caasho dad badan oo ay ku kalsoon tahay ayay arrinta haysata darted tashi ugu tagtay, waxayna talada intii ay aragtay u badatay in ay Warsame agtiisa ku dhowaato, oo ay wiilkeeda, Guuleed, iyo islaamihiisa isaga dhex baxdo.

Guuleed sidii uu u noqday amiirka wuxuu isaga jiraa tamashle iyo aroosyo kala du- duwan, oo wuxuu bil gudaheed la aqal-galay ilaa shan haween ah, inkastoo hadda ay wada joogaan labo keliya oo saddexdii kale uu iska kala fasaxay.

Guuleed waa nin aanay kaba qasneyn oo dhaqaale iyo wax kasta ka heli kara dhinaca Marin-habaabiyeyaasha, taasoo ay u sahashay markii uu u dhego fududaaday awaamiirtooda, oo uuna u noqday wiil u ja-jaban hawlahooda.

Caasho waxay hoosta ka xarriiqatay inay raacdo halkii ay taladu u badatay, isla
galabnimadiina waxay boorsooyinkeedii ka xir-xiratay gurigii ay deggeneyd, waxayna gaari ka kireysatay meel aan gurigeeda ka fogeyn oo taksiilayaasha xaafadda saldhig u ah, iyadoo ka codsatay mid ka mid tagsiileyaasha in uu geeyo xaafaddii uu ku yaallay hoteelka uu duqeedu, Warsame, deggan yahay.

Warsame waqti hore ayuu shaqada ka soo baxay, isagoo helay fursad uu ku nasto. Qolkiisa ayuu wargeys maalintaas soo baxay isaga akhrisanayaa, waxaana u daaran telefishan uu ka daawanayo akhbaarta caalamka oo luqadda Afka Ingiriiriga ku baxaysa. Warsame dhinaciisa, miiska dushiisa, waxaa u saaran koob qaxwo ah oo uu kolba gacanta la laacayo oo markii uu mar kabboodaba uu dib ugu celinayo miiska.

Shanqar wuxuu maqlay u sheegeysa in albaabkiisa la garaacayo! “Waa ayo, qofka xilligan kuu imaan kara?” Ayuu is-weydiiyay, dabadeedna isagoo dhibsanaya in uu kaco ayuu muraayadihiisii akhriska iska bixiyay, wuxuuna u dhaqaaqay dhinacii albaabka. Hase yeeshee, intii aanu furin albaabka waxa uu isha saaray duleelka albaabka ee loogu talogalay in qofka gudaha jooga uu ka arki karo qofka dibadda u taagan.

Waa Caasho muuqaalka uu arkay, waa qofka iridda u soo garaacay ee galabtaas u soo muraaday qolkiisa, niyadda ayuu ka farxay, waa xaaskiisa oo wuu jeclaa inuu arko, inuuu ka wareysto xaaladda reerka, inuu waqti uu kula sheekeysto la qaato, durbadiiba albaabka ayuu ka furay.

Waa labo naf oo isu hilowdaye, markiiba waxaa la isugu soo booday sidii labo ruuxoo labo qaaradood iyo duni kala fog ku kala cillaalneyd, waa la is boga-bogeeyay, hamuuntii ay abuurtay kala fogaanshaha ayaa la iska yara shaafiyey.

Warsame wuxuu arkay inay Caasho boorso weyn galabta jiideyso, taasoo uu iswaydiiyay, wuxuuna ku tashaday bal inuu ka xog-ogaado iyada xaggeeda waxa ay ula jeeddo arrintaas. Sheekadii dhex martayna waxay u dhacday sidan:

Caasho: Warsamow maxaad sheegtay?

Warsame: Caashoy waan fiicanahay, sidee tahay adiga? Ka warran wiilkeennii Guuleed?

Caasho: Dhammaanteen waanu fiicannahay, oo wax dhibaato ah ma jiraan, Ilaahay wuu noo gar-gaaray.

Warsame: Maxay tahay maanta boorsadan aad sidato, xaggee baad geeddi u tahay?

Caasho: War adiga ayaan kuu imid, guriga waan ku cidlooday, wiilkii Guuleed ahaana labo xaasle buu noqday, wuxuu isaga mashquulsan yahay xaasaskiisa, anigana iima yimaado. Midda kale, Guuleed wuxuu ka soo horjeedaa xildhibaannimadaada, wuxuuna had iyo jeer i yiraahdaa “u sheeg aabbahey inuu towbad keeno,” marka waxaan halkan u imid inaan adiga kula noolaado, oo aan meeshan kula dego, alaabteydana waan wataa!

Warsame: Caasho, side bey wax kaa noqdeen, arrintaasi mid suuragaleysa ma aha, miyaad soo waalatay, halkan ilama degi kartid, waayo lama oggola.

Caasho: Warsamow aniga meel aan u laabto ma lahan. Xaafaddii aad igu soo
cidleysay waa meel aanu dagaalkeedu dhammaan, sidaas darted halkan inaan kula dego waa lama huraan.

Warsame: Maya.maya.taasi ma suuragaleyso, laakiin waxaan kuu kireynayaa guri kale, oo aan ka fogeyn meelaha aan ka talinno, halkaas baad degeysaa, markaas labadeenna kalama fogaaneyno.

Caasho: Aniga waan kaa shakisanahay, waxaan u maleynayaa inay wax kuu qarsoon yihiin. Ma waxaa jirta cid aan isu oggolayn nin iyo xaaskiis in ay meel wada degaan? Warsamow kuma fahmine ma naag kale baad iga qarineysaa?

Warsame: Caashoy hinaasaha iska daa,. Waxaad tahay xaaskayga aan jecelahay, oo weligay inaanan kula guursaneynna waad ogtahay. Hase yeeshee, halkan nidaam ayaa ka jira oo aan xildhibaannada kale kala mid ahay. Ma jiro nin loo oggolaaday in ay xaaskiisa hoteelkiisa la soo degto. Sidaas darteed, waxaad sameysaa gurigaas aan kuu ijaarayo iska deg, kollay wuu nooga dhow yahay meeshii hore, waana isugu iman kareynaaye waqtigii aan u baahanno.

Warsame isagoo isku deyaya inuu xalliyo masayrka la soo dersay xaaskiisa, ayaa waxaa sheekadii ka soo dhex galay xildhibaan saaxiibkiis ah oo Jaamac la yiraahdo, lana deggan hoteelka, kaasoo rabay inuu la soo sheekeysto saaxiibkiis, sheekaduna qaabkan ayay u sii socotay:

Jaamac: Warsame ii warran, maanta marti baa kuu joogta waan ku arkaaye.

Warsame: Walaal waan fiicanahay. Maya, marti ma aha qofkan oo waa xaaskeyga, magaceeda waxaa la yiraahdaa Caasho, xaafaddeennii bay ka soo guurtay oo rabshadaha iyo dagaalka ayaa aaggaas ku batay, waadna ogtahay inay Marin- habaabiyeyaashu meelahaas qas ka wadaan. Sidaas darteed, waxay xaaskaygu u timid in ay aniga ila degto..Caasho ninkan waa saaxiibkey, waana xildhibaan magaciisa waxaa la yiraahdaa Jaamac.

Caasho: Barasho wanaagsan Jaamac.

Jaamac: Barasho wanaagsan Caasho.

Warsame: Waxaan hadda xaaskayga u sheegaayay in aan guri uga kireyn doono meelahan dhow, iyadana waxay jeceshahay inay hoteelka ila degto.

Jaamac: Walaal Caasho, annagoo dhan baa sidaas iska wada ah. Halkan lama oggola in xaasaska la keensado, sababatoo ah hawlaha aan wadno iyo qoysasku isma qaadan karaan. Si haddaba loo kala saaro hawlaha reeraha iyo kuwa dowladda baan guryo kale u dejinnay xaasaskeenna, wayna fiican tahay haddii aad guri ka heshaan meelahan dhow.

Warsame: Waa anigii kuu sheegay Caashoy in xildhibaannada oo dhan ay sidaas yihiin, waqtigii aad doontana halkan waad iigu imaan kartaa.

Caasho: Waa yahaye, ila raadi guri fiican oo meelahan ku dhow.

Jaamac: Warsame iyo Caasho waan sii soconayaaye raalli ahaada ee nabadey.

Warsame: Haye, Jaamac,. waan isla joognaa.Caasho, maxaad tiri, ma Guuleed baa sidaas oo dhan isu beddelay?

Caasho: Wiilkaas wuu fogaaday. Aniga xitaa inaan waaniyo baan isku dayay,
wuxuuna igu yiri, “hooyo in lagu hanuuniyo ayaad u baahan tahay, oo iimaankaaga ayaa daciif ah.”

Warsame: Yaab badanaa!!! Bal ina keen aan maqaayadda hoose ka soo cunteynee. Waxaa noo taalla hawl. Guri in aan raadinnana waan u baannahay, waadna ogtahay aniga dhaqdhaqaaqeygu wuu iska xaddidan yahaye.

Sidaas iyagoo hadalkoodii u wata ayay qeybta hoose ee hoteelka u soo degeen, halkaasoo ay fariisteen maqaayad uu hoteelku leeyahay, waxayna ka dalbadeen cunto, kaddibna gaari intuu Warsame meeshii ka qaatay oo Caashana horay u kaxeeyay ayay billaabeen guri raadis.

Abuu Seef shaqooyinka ayaa ku batay. Maalmahan dambe wuxuu dareemaa culays ku saabsan sidii uu u kala maarayn lahaa shaqooyinka mar uun oodda soo jabsaday. Abuu Seef waxaa dhibaatada iyo culayska oo dhan ugu wacan iyadoo meel kasta la rabo in shaqo laga qabto. Gudaha deegaanka Abuu Seef waa ku keligiis xagga dhaqaajinta hawlaha xasaasiga ah oo dhan, waxaana intaas u dheer isagoo aan haysan cid uu ku kalsoonaan karo oo uu u idman karo hawlaha qaarkood.

Abuu Seef waa ninka kala hufa oo diyaariya dhammaan shirarka lala qaadanayo bulshada qeybaheeda sida odayaasha, aqoonyahannada, maleeshiyaadka, amiirrada, ardayda, haweenka iyo inta kale ee ay dani ka soo gasho Marin-habaabiyeyaasha.

Niyad fiican ayuu leeyahay, sababtoo ah inta badan waxyaabihii ay u tallaabo qaadeen isaga iyo saaxiibbadiisa kale way ku guuleysteen. Xafiiskiisii yaraa isagoo dhex fadhiya oo ka fikiraya hawlaha adduun ee horyaalla, ayuu soo xusuustay Macallin Duufiye iyo wax soo saarka warshaddiisa (marin-habaabinta ubadka da’da yar ee ay reerahooda uga soo kexeeyeen in ay diinta barayaan).

Go’aan aanu ka sii laba-labeyn ayuu ku gaaray inuu isku diyaariyo daqiiqaddaas gudaheeda kaddibna u hawl-deg ah guda-galo. Waa in uu u tagaa Macallin Duufiye oo uu maalmahan ka mashquulay. Wuxuu haleeli waayay fursad fiican oo uu kula soo sheekaysto, oo uu ku soo kormeero shaqada uu hayo.

Iyadoo ay barqo tahay, oo ah waqtiga inta badan dadka u baahda inay shir la qaataan ay u yimaadaan ayuu Abuu Seef cimaamaddiisii garabka soo saartay, oo kabihiisii saandalka ahaa ee gadaal ka xirnaa si fiican lugaha ugu soo dhuuqsaday, wuxuuna xarunta dadkii joogay kula dardaarmay inay shaqooyinka sii wadaan oo uu deg-deg u soo laaban doono.

“Ciddii ii timaada, ha i sugto, sooma daahi doonee,” ayuu ku yiri wiil dhallinyaro ah, oo uu xafiiska uga tagto marka sidaan oo kale ay talo ugu soo dhacdo, oo uu u baahdo in uu hawlo deg-deg ah dibadda xarunta ka soo fushado.

Abuu Seef marka uu keligiis waddada socdo, dabeylaha ayuu la tartamaa. Waa nin socodka booba, oo aan jeclayn inuu la istaago haddii uu qof ka hor yimaado, xitaa haddii ay qofkaasi is-bar-garanayaan ama ay hawlo ka dhaxeeyaan. Isagoo aan joogsan ayuu salaanta iyo hadallada ku tuuraa, marshada ayuuna sii gashadaa.

Xaafadda uu sidaas u dhex mushaaxayo, waa meel ay mar hore dacal kasta ka qabsadeen Marin-habaabiyeyaasha, cid uu ka baqanayona ma jirto. Waxa jooga hareeraha oo dhan waa xertiisa iyo wiilashii ay carbiyeen. Luuq kasta waxaa qoryo ka soo fiiqaya ciyaalkaas, kuwaasoo in ay salaan iyo weji furan ku soo dhoweeyaan mooyaane aan waxyeello dhankooda uga timaada cabsi ka qabin.

Madrasadii ayuu soo gaaray isagoo dhididaya. Abuu Seef beryahan wuu naaxay, khamiisyadii uu horay u xiran jiray bar wuu tuuray markii ay ka yaraadeen, kuwo holof ah ayuu suuqa ka soo xaabsaday, oo wuxuu cayilkiisa sii siyaadaya dhaxalsiiyey in uu maalin kasta khamiis, koofi iyo cimaamad cusub xirto.

Macallin Duufiye ayuu isa soo dul taagay sidii uu u soo socday. Markii ay isa salaameen, kaddib ayuuna ka wareystay shaqada sida ay u socoto. Macallin Duufiye wuxuu guddoomiyihiisa u sheegay in ay sidii la rabay iyo si ka fiican wax kasta u socdaan.
Dhallinyaradu inay duruusta si wanaagsan u qaataan ayuu u sheegay Abuu Seef. Duruustaasi in ay dan ummadda ugu jirto fiicnaan lahaydaa! Waxay u sheegaan dil iyo qarbudaad aanay diintu qoreyn, hase yeeshee tababarro aanay carruurtu waqtigii loogu talagalay gaarin ayaa iyagoo aad u yar-yar lagu beer gooyaa subax iyo galabba.
Abuu Seef wuxuu ku farxay warbixinta macallinka, inay taasi tahay qeyb ka mid ah guulaha ay tiigsanayaan ayuuna shaaca ka qaaday. Wuxuu xusuustay raggii shisheeyaha ahaa ee dhowaan la yimid Abuu Colaad. “Tababarayaasha cusub ee ay walaalaheenna dibadda nooga soo direen war iga sii,” ayuu yiri Abuu Seef, isagoo hadalka u wada Macallin Duufiye.

Macallinka waxaa mar dhoweyd madax looga dhigay wixii tababarro iyo soo-saaris ciidan ku saabsan. Isaga ayaa si toos loogala soo xiriiraa ama shisheeye ha ahaado ama sokeeye macallinkii wax tababara iyo haddii lagu aflaxo waxqabkiisa. Ciddii uu Macallin Duufiye warbixin ka gudbiyo in aanay waxba ku soo kordhin tababarrada ciidamada si toos ah ayaa loo ruqseeyaa.

Ragga ajnabiga ah inay shaqo fiican hayaan ayuu ku ammaanay Macallin Duufiye, oo ay u hagar-baxaan carruurta xilliyada ay tababarrada siinayaan, “khiddado cusub ayayba ku soo kordhiyeen tababarrada, waa rag loo baahnaa oo weliba na anfacay,” ayuu yiri Macallin Duufiye.

Sababta loo keeneyba inay intaas ahayd ayuu ku faanay Abuu Seef, isagoo sii raaciyey in raggani ay aad u fududeynayaan haddii caawimaad looga baahdo shaqooyinka qaar, gaar ahaan tababarrada ku saabsan qeybaha hubka iyo mooniiyoonka. Carruurta ay xareeyeen inay tiradoodu ka badatay intii ay filayeen oo tababarrada in la xoojiyo iyo wax fahamsiintooda ayuu Abuu Seef ku boorriyey Macallin Duufiye.

Inay kor u sii kacdo awoodda iyo tayada ciidamadooda ayay u baahan yihiin, oo ay dalka oo dhan wada qabsadaan. “Ma is leedahay inaan walaalahaas soo kordhinno waan u baahannahaye?” Ayuu Abuu Seef waydiiyay Macallinka, isagoo ugala jeeda bal in ay soo kordhiyaan shisheeyaha ku daaban in ay baahida taagan sheegeyso iyo in kale.

Macallin Duufiye wuxuu sheegay inay fiicnaan lahayd haddiiba la heli karo tiro dheeraad ah in la soo kordhiyo. Macallin Duufiye wuxuu Abuu Seef u sheegay in toddobaadka soo socda uu shaqada ka maqnaan doono oo uu guursanayo islaantiisii afaraad.

Abuu Seef wuxuu ogaa inuu macallinku afar xaas hore u lahaa, dabadeedna isagoo arrintaas ka yaabay ayuu weydiiyay side uu misana mid shanaad u guursan karaa, wuxuuna Macallin Duufiye dabadeed u sheegay in mid ka mid ah xaasaskiisii ay booska banneysay oo ay kala tageen, sidaas daraadeedna uu damacsan yahay inuu buuxiyo kaalintaas bannaanaatay.

Macallin sii badala toddobaadkaas uu maqan yahay ayay is-weydiiyeen labada nin, wuxuuna Macallin Duufiye sheegay inaanu weyneynin oo mid ka mid ah ardaydiisa uu ku sii wareejin doono inta uu soo laabanayo, kaasoo uu si aad ah ugu kalsoon yahay inuu shaqadaas ka bixi karo.

“Ilaahay ha kuu barakeeyo arooskaaga cusub,” intuu yiri Abuu Seef, ayuu macallinka u sheegay inay qorsheynayaan dhowaan weerarro cusub oo dagaal oo ay qaadayaan, wuxuuna ka codsaday inuu si wanaagsan isugu dubba-rido carruurta uu diyaariyay, maaddaama kaalinta ay dagaalladaas ka qaadan karaan ay muhiim tahay.

Kuwaas inay horay u diyaarsanaayeen oo aanay shaqo badan u baahneyn ayuu sheegay Macallin Duufiye, oo uu isla maalintaas u xuli doono qaar carbisan. “Waxaan rabaa inay haddaba markaan baxayo horay ii raacaan si aan safafka dagaalka u baxaya ugu daro,” ayuu yiri Abuu Seef oo macallinka hadalka ka dhex galay.

Inuu taasi u sameyn doono ayuu u ballanqaaday Macallin Duufiye, oo lagu wargeliyay sidoo kale inay jiraan awaamiir cusub oo ay Marin-habaabiyeyaashu ku soo rogi doonaan dadweynaha, kuwaasoo ku wajahan carruur iyo cirroolaba inta saanta qaadda ee deegaannada ay joogaan ku nool.

“Ragga waa inaan ku sharciyeyno oo weliba khasab uga dhigno inay garka deystaan, shaarubkana ay xiiraan, inaanay dadku gashan ilkaha dahabka ah, inay dumarku xijaabnaadaan, laba qof oo kala ajnabi ah inaanay gawaarida wada raaci karin, inaanay waddada wada mari karin iyo in xilliyada salaadda la xiro goobaha ganacsiga, qof kastana uu galo masjidka, ciddii awaamiirtaas fulin waysana waxaan rabnaa inaan tallaabo ka qaadno,” ayuu cod qayaxan ku yiri Abuu Seef oo la hadlaayay Macallin Duufiye.

Macallin Duufiye wuxuu isaguna sheegay inuu awaamiirtaas u sheegi doono ardaydiisa iyo amiirrada hor-boodda maleeshiyadooda. Macallin Duufiye barqadaas wuxuu madrasada ka kaxeystay 30 carruur ah oo bilo iyo toddobaadyo waxbarashooda ku qaatay madrasadiisa, kuwaasoo uu u watay inay ka qeybgalaan dagaallo ay abaabulkooda wadeen beryahaas.

Abaadir sidii habeenkii loogu tacaddiyay ee wiilka yar uu u karbaashayba guri jooge ayuu iska noqday. Wuxuu yaqiinsaday in aanay jirin nabad uu isku halleeyo, oo sharaftiisa iyo dadnimadiisa la dhaawacayo iyadoo aan la eegeyn da’diisa iyo qofka uu yahay. Masaajidka gurigiisa ku dheggan ayuu salaadda ku tukadaa, markuu ka soo baxana gurigiisa ayuu dib u galaa.

Wararka magaalada wuxuu kala socdaa idaacadaha, wiilashiisa ayuu u dirsadaa marka uu magaalada wax uga baahdo, saaxiibadiisna gurigiisa ayay ku soo booqdaan oo uu kula sheekeystaa, wuxuuba ka caagay bannaanka iyo usha aan loo meel dayin ee Marin-habaabiyeyaashu ay dariiqyada ula taagan yihiin bulshada.

Oday ay saaxiibbo yihiin ayaa u sheegay in islaantii Faadumo ahayd iyo odaygeeda ay kala tageen, sababta ay sidaas ku dhacdayna ay tahay iyadoo Marin-habaabiyeyaasha raacday, carruurteediina raacisay.

Abaadir wuxuu muddo dheer jeclaa Faadumo, inta aanu odaygan guursan ayuu ku hammin jiray inuu la aqal-galo, laakiin calafka ayaa ka hiilliyay. Abaadir inkastoo uu ka samray Faadumo, haddana weli waxaa qalbigiisa ku dambeeyay jaceylkii uu u qabay iyadoo gashaanti ah.

Labada nin waxay is-tuseen in ay tani fursad qaali ah u tahay Abaadir, maadaama ay Faadumo hadda madax-bannaan tahay. Dharkiisii ugu bilicda samaa intuu soo xirtay oo catar caraf badanna soo marsaday ayuu galabtaas Abaadir u majo xeytay dhinaca guriga Faadumo reerkeedu ay deggan yihiin, si uu ula soo haasaawo.

Abaadir wuxuu soo tag-taagsadaba ugu dambeyn wuxuu yimid gurigii Faadumo ay joogtay, wuxuuna gar-garaacay Albaabka, kaasoo ay ka furtay gabar yar oo ay eeddo u tahay Faadumo. Abaadir wuxuu gabadhii yarayd weydiiyay bal in ay Faadumo joogto iyo in kale. Hase yeeshee, intii aanay gabadhii yarayd jawaabin ayaa waxaa codka Abaadir maqashady Faadumo oo durbaba dibadda u soo boodday.

Faadumo way taqaannaa Abaadir. Waa nin deggan oo akhayaar ah, dadka asalka ah ee xaafadda loogu yimid inuu ka mid yahay way ka war-qabtaa, inuu marar badan waddada ku salaamayna way xusuusataa, salaan ma ahane weliba inuu jecel yahay ayuu u sheegi jiray intii aan la guursan.

Faadumo barsada guriga ayay Abaadir gambar u dhigtay, waxaana dhex martay sheekadan:

Abaadir: Faadumo ii warran?

Faadumo: Abaadir waan fiicanahay. Maanta waad soo dheeraataye, maxaad cabbeysaa qabow iyo kuleyl?

Abaadir: Waad mahadsan tahay Faadumo. Hadda ayaan guriga ka soo baxay, waxba ma cabbi karo walaaley.

Faadumo: Haye, bal ii warranoo, kollay waxaan qiyaasayaa in aadan beryahan i soo booqanine, maanta booqashada tolow ma wax baa kuu wehliya?

Abaadir: Waxaan u socday arrimo iska caadi ah, inaan ku soo salaamo isla mar ahaantaasna aan waxoogaa kula sheekeysto uun baa socdaalkaygu ahaa.

Faadumo: Waad ku mahadsan tahay salaantaada, waana ku soo dhoweynayaa.

Abaadir: Faadumoy, waxaan maqlay in aad xaajigaagii kala tagteen, ee ma run baa taas?

Faadumo: Haa, arrintaasi way jirtaa. Xaajigu wuxuu noqday nin nooc kale ah, wuxuu igula diriray carruurta maxay diinta u baranayaan. Haddana, waxba igama halleysna, carruurteydana waxbay ii bartaan, anna dugsi halkaan ah oo ay maamulka cusub leeyihiin baan galay, waa kanoo kheyr baa ii siyaadaya.

Abaadir: Maxaa qorshe ah, weli waqti badan baad heysataaye oo waad dhallinyar tahaye, sow kheyrkuna kuma jio in aad reer dhisato?

Faadumo: Reer waan dhisanayaa, waase markaan helo nin u qalma inaan nolosha la qeybsado. Hadda, magaaladiiba waxay iska noqotay meel qasan oo ragga wan- wanaagsan waxaa si weyn uga badan kuwa xun-xun.

Abaadir: Adigoo sidan u qurux badan in uu xaajigaagu sahalkaas kugu furo ma ahayn. Laakin, waxba ma aha haddaba anigaa ku jecel, oo doonaya in aan ku guursado, mar haddaad xaajigaagii kala tagteen, waxaana kaa codsanayaa in aad codsigaasi iga aqbasho.

Faadumo: Guur aa! War aniga haddii aanba guursanayo, waxaa i guursanaya nin wadaad ah, adiga oo kale ma doonayo!

Abaadir: Anigu xaggee baan la’ahay? Wadaadna waan noqon karaa haddii loo baahdo!

Faadumo: Maya…maya. Adigu ima guursan kartid Abaadir. Haddii aad wadaad tahay wey kaa muuqan lahayd. Bal is-fiiri marka hore.. gar ma lihid, khamiis ma xirnid, ee qof sidaadoo kale ah cilmaani ah iska raadso oo qaabkaagaan kugu guursata.

Abaadir: Wadaadnimadu ma aha in gar la deysto, midda kale aniga garka iimaba soo baxo, oo weligeyba sidaan baan ahaa. Intaasna wax la isku naco ma aha. Xaajigaagii intuusan ku guursan baan ku jeclaa oo waad ogtahay taas, haddana weli waan ku jeclahay, fursad waaye tan ee ha ii gefine Faadumoy warka si fiican iiga gur.

Faadumo: Abaadirow waqtiga ha isaga luminin jacaylkaas aad sheegeyso. Nin wayn ayaad tahay nolosha khayaaliga ah intaad isaga baxdo, orod oo raadso naag sidan kugu guursata, anigu kuma doonayo.

Abaadir: Faadumoy waaba la gartay, islaantii uu wadaad furo inay wadaad kale raadiso, laakiin waa ku side? Xaajigaagii horeba wadaad ma ahayen wuuna ku qabaye sidee baan wax leedahay?

Faadumo: Abaadirow warka badan intaad iska yareyso, aniga waan kuu sheegay xilligaan guur diyaar uma ahi. Kii hore wareerkiisa haddaanba ka baxay oo waa in aan nasto. Haddana, waxaa intaas ii dheer in ay waxbarasho ii socoto ee sidaas wax u ogow.

Abaadir: Faadumoy waxaan kaa codsanayaa inaad fursad mar uun i siiso, adigana aad fursad kale qaadato oo aad si wanaagsan uga soo fikirto arrintaan oo aadan yaraysan.

Faadumo: Abaadirow aniga waan kuu sheegay inaadan waqtiga iska qaadin, hadda aniga diyaar kuuma ahi.

Abaadir: Muddada yar ee la nool yahay, waxaa wanaagsan in aan waqtiga ka faa’ideysanno. Adiguna Faadumooy waad u baahan tahay nin ku guursada, waxba adiga oo aan iskey diidsiinin isku day inaad si fiican uga fikirto oo aadna wax yar u kaadiso jawaabtan aad had iyo jeer la soo booddo adigoo aan si wanaagsan uga fiirsan.

Faadumo: Ninyahow, .. adigu waxba ma fahamtid miyaa? Dad waa-weyn baan nahaye yaynaan is-dhibin oo aynaanna waqtiga iska qaadin.

Abaadir: Faadumo, .waxaa laga yaabaa in ay wax iska kaa beddelaan, ee ogow in aan ku sugayo, waana kugu soo laaban doonaa mar kale iyo marar kale.haddana waan kaa sii tegayaa ee macasalaama Faadumo.

Abaadir isagoo ku soo hungoobay shukaansigii uu ka lib-keen is lahaa ee uu ugu tegay islaantii Faadumo ahayd, ayuu dib uga soo luuday gurigeedii, wuxuuna ku tashaday inaanu intaa kaga harine uu xal kale raadiyo, maadaama ay fursaddu mar keliya tahay.

Carsaanyo xuskii aabbihiis sidii looga soo baxayba, caawa ayaa isugu horreysa isaga iyo saaxiibkiis Qasaaye, oo uu galabta guriga ugu yimid. Carsaanyo wuxuu derin soo dhigtay geedka guriga Qasaaye ku yaalla hoostiisa, halkaasoo uu isku kala bixiyay.

Qasaaye waxaa u daaran kombiyuutarka uu ku xirtay internetka, halkaasoo uu ka eeg- eegayo wararkii ugu dambeeyay ee saacaddaas la soo geliyay bogagga ay Soomaalidu leedahay.

Carsaanyo caawa wuxuu rabaa inuu iska seexdo guriga saaxiibkiis oo galabta sidii ay u sheekaysanayeen uu gabbalku ugu dhacay. Carsaanyo wuxuu ka cabsaday in haddii uu baxo uu khatar kula kulmi karo xaafadaha labadooda guri u dhaxeeya.

“Carsaanyo.soo orod…kaalay,…wax baan ku tusayaaye mar i soo gaar,” waxaa qolkii uu ku jiray ka soo qeyliyay Qasaaye oo doonaya in uu wax ka yaabiyay tuso saaxiibkiis.

Carsaanyo intuu dacaskiisii boobsiis u gashaday ayuu u cararay dhinaca qolkii uu uga yeeray Qasaaye.

“Meeshaan wararka ku qoran arag. Internet-ka maanta warar la yaab leh ayaa ku jira,” ayuu yiri Qasaaye oo saaxiibkiis tusaya warar uu la yaabay. Carsaanyo waa looga fiican yahay isticmaalka internet-ka, isla markaana wax fikrad ah oo macno leh kama uu heysto, wuu la yaabaa marka uu arko saaxiibkiis oo shaashadda kombiyuutarka ku mashquulsan oo warar cusub ka soo sheegaya.

Carsaanyo intuu ku soo foorarsaday ayuu yiri, “i tus waxa cusub ee aad sheegeyso maxay yihiin, maxaase laga sheegay internet-ka aad had iyo jeer ku foorarto?” Qasaaye intuu qoslay ayuu saaxiibkiis ku yiri, “way iga qosliyeen.” Carsaanyo oo is- hayn kari waayay ayaa saaxiibkiis ku yiri, “wararkaas maxay yihiin, oo maad ii akhrisid?”

Qasaaye isagoo raba inuu ka maadsado saaxiibkiis ayuu ku yiri, “Marin- habaabiyeyaashu waxay mamnuuceen waxyaabo badan, hadda kaddib shaah caddeys ah adoo cabbaaya haddii lagu arko karbaash waaye,” qosol cabbaar ah ayuuna ku dhuftay.

Carsaanyo warkaas intuu aad ugu qoslay isaguna ayuu saaxiibkiis ka codsaday in uu kaftanka ka joojiyo in uu u sheego wararka cusub ee uu meesha ka arkay.

Arrinka shaaha caddayska ah in uu ku kaftamayey ayuu u sheegay Qasaaye, laakiin ay jiraan waxyaabo kale oo yaab leh oo meesha lagu soo qoray, kuwaasoo ay si toos ah u sheegeen Marin-habaabiyeyaashy inay dadka ka mamnuuceen. “Waxaa la mamnuucay ilkaha dahabka iyo qalinka ah ee ay dadku gashadaan marka ay ilakahooda caadiga ah ka dhacaan ama la fool-xumaadaan,” ayuu yiri Qasaaye.

“Ilka-dahabow waraa ku heysto,” intuu yiri Carsaanyo ayuu saaxiibkiis ka codsaday inuu u sii wado waxyaabaha kale ee la sheegay in la mamnuucay. “Fadhi-ku-dirirna waa la mamnuucay, oo haddii lagugu arko hadda kaddib iska jir,” ayuu yiri Qasaaye oo wararkii kale sii wata.

Carsaanyo magaalada warar uu ka soo maqlay oo arrimahaas ku lug leh ayaa jira, wuxuuna saaxiibkiis u sheegay inuu soo maqlay waxyaabo ay ka mid yihiin, garka in aan la xiiri karin, shaarubka inaan la deysan karin, dumarku inay xijaab gashadaan iyo waxyaalo la mid ah. “Adigu wararkaas xaggee baad ka keentay?” Ayuu waydiiyay, isagoo la yaabban wararka isa soo taray ee uu daldalaayo Qasaaye.

Wuxuu u sharraxay in dunida oo dhan ay hadda hal tuulo isku noqotay oo qofka isagoo gurigiisa fadhiya uu ogaan karo carro-edeg wararka ka dhaca, intaasna kuma uusan joojine wuxuu u sheegay inay wararku badan yihiin.

“Dumarka waxaa la amray in ay iskaalshooyin ‘sagsaan’ kala nooc-nooc ah xirtaan, si loo kala aqoonsado midda la qabo, tan aan weli la guursan, midda laga dhintay iyo tan la furay,” ayuu yiri Qasaaye oo saaxiibkiis u sharraxaya wararka uu meesha ka arkay.
In ay arrin fiican tahay, ayuu sheegay Carsaanyo, oo Marin-habaabiyeyaasha ku ammaanay tallaabadaas. “Midda garoobta ah ii sheeg maxaa lagu aqoonsan karaa?” Ayuu waydiiyay saaxiibkiis isagoo ilkihiisa kala tag-tagsan muujinaya qosol dartiis.

Qasaaye wuxuu saaxiibkiis si kaftan ah u yiri, “Carsaanyow illeen garoob gaad-gaad baad ahayd?!” Qosol ayay isku dareen. “Hadda kaddib, iskaalsho cagaaran haweenaydii ku aragto ha ka harin,” ayuu yiri Qasaaye isagoo ku qoslaya saaxiibkiis. “Waad igu og-tahay,” intuu yiri ayuu qosol kale ugu jawaabay Carsaanyo.

Labadan nin ee saaxiibbada ah kaftankoodu cajaa’ib ayuu leeyahay. Waa dad aanay biya-dhaca sheekadooda fahmi karin dadka intooda badan, marka laga reebo reer magaalkii hore ee sidooda oo kale hadallada dabacsan iyo kaftanka wax isugu sheega.

Qasaaye isagoo saaxiibkiis u sii wada sheekadii ku saabsanayd awaamiirta Marin- Habaabiyeyaasha ayaa uga digay Carsaanyo inuusan isku dayin masaafo, oo ay khatarteeda leedahay, maadaama iyadana ay ka mid tahay waxyaabaha la mamnuucay, oo weliba ay tilmaameen inay xaaraan tahay, oo in la isku soo mehersado si dhuumasho ah ay ku qaldan tahay shareecada Islaamka. “Dhaqankii hore ee gabdho la dhuumashada waa dhammaaday,” ayuuna u raaciyey.

Sheekada qeybteedii hore wuu la dhacsanaa, hase yeeshee intaas dambe wuu dhaliilay Carsaanyo. Kaftankooda waxay ku soo hadal-qaadeen in sidoo kale la mamnuucay dhex-xirashada, surwaallada jiiniska ah, muraayadaha indhaha iyo waxyaabo kale oo la mid ah, oo laakinse ay bannaan tahay in gebi ahaanba wejiga cimaamad lagu duubto, gabdhuhuna ay indho-shareer xirtaan.

aragtidaada nala wadaag...