Qeybta 14aad

Walaalayal waagii ayaa noo baryay iyadoon dagaal dambe dhicin, xalay waxaa socday wadahadallo ku saabsan maxaabiista iyo wixii laga yeeli lahaa, wadaaddadii magaalada ka yimid waxaan ogayn ayagoo damcay in ay si sahlan ku sii daayaan raggaan ay garteen oo waxay damceen in ay u shafeeco qaadaan, waxaase lagala horyimid xujooyin ay mari waayeen. Waxay billaabeen in ay wadaaddada kala shukaamiyaan oo ay ka dhaadhiciyaan in lasii daayo maxaabiistaan dambiilayaasha ah ayadoon aan maxkamad la saarin.

Waxaa kuu muuqanaya ciidankii oo koox koox u taagan ama u fadhiya oo madaxa iskula jira, waxay abuureen buuq iyo balbalo ciidanka dhexdiisii ah. Wadaaddadaan magaalada nooga yimid waxay ahaayeen saddex. markay Mucaskarkii soo dhex galeen oo ay arkeen jawigii Mucaskarkaan ay ku yaqaanneen oo isbaddalay ayagiina waa isbaddaleen, maxaa yeelay waxaa daadsan maydkii Shuhadadii oo aan wali la xabaalin, waxaa daadsan dhaawacyo fara badan, waxaa noo xirxiran oo aad u dullaysan rag shalay ay ogaayeen ayagoo caziiziin ah.

Waxaas oo dhan markay arkeen ayaa nin walba oo saddexdii nin kamid ahaa maskaxdiisii waxay ushaqaysay qaab gooni ah ama nin walba wax buu is tusay.

Kaalintii Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax

Shiikh Cabdulqaadir Nuur cimaamaddii ayuu tuurtay, wuxuu isku mashquuliyay siduu wadaaddada uga dhaadhicin lahaa in lasii daayo dadkaan birmagaydada ah waa siday asaga la ahayde. Wuxuu garka iska laalaadiyay Shiikh Cabdulqaadir Cabdullaahi oo ahaa madaxii ugu sarreeyey Mucaskarka. Shiikh Cabdulqaadir Cabdullaahi mawqif sidee ah ayuu qaatay maalinkaas?

Wuxuu qaatay mawqif kala gooyay asaga iyo Ikhwaankii magaalada ka soo gurmaday oo rabay in lasii daayo mujrimiintaan Ilaahay Islaamka ka qabtay dhibkay ku hayeen muddo dheer. Ina Cabdullaahi dhag jalaq uma siin wadaaddadaan xammiyaddu qaadday. Wuxuu billaabay in uu la tashado golahiisii sare ee ciidankiisa. Xiwaar dheer kadib waxaa go’aankii noqday in maxaabiistaan la kala saaro oo nin walba dambigiisa lagu qaado, kii dil muta dil lagu xukumo, kii xabsi muta xabsi lagu xukumo, kii siiddayn mutana la sii daayo.

Kaalintii Xuseen Cabdalle Codwayn

Xuseen Cabdalle Codwayn wuxuu billaabay in uu ciidanka dhex galo oo uu u sheego in meeshaan balaayo ka soo socoto, wuxuu billaabay in uu argaggax-galin ku rido ciidankii ama cabsi-galin, waxaa hadalladiisii ka mid ahaa oo aan anigu dhagahayga ku maqlayay: “Ma Majeerteen baa dhiiggooda la tusaa? War wallaahi inaad carartaan oo Wabi Shabeelle goysaan mooyee in aysan idinka harayn Majeerteen ee intaad fayawdihiin carara,” iyo wixi la mida.

Codwayn wuxuu kaloo soo dhagaysanayaa ama soo xuuraamayaa waxa laga damacsan yahay raggaan maxaabiista ah, waxaa suuqa la soo galinayay in la rabo in la dilo Cabdullaahi Yuusuf iyo saaxiibbadiis. Ina Abshir Hamaan iyo saaxiibbadiisna lasii daayo. Ciidankii baa kala baxay. “Car yaa dili kara ina adeerkay?” Haddana waxaa suuqa la soo galiyay waxaa la dili rabaa Ina Abshir Hamaan iyo saaxiibbadiis, cirkay isku shareertay arrintii oo waxay noqotay “Car yaa dili kara ina adeerkay?”

Ciidanka wadaaddada ah ee Ligle joogay intaan colaaddu billaaban wuxuu ahaa ciidan is yaqaanna oo tababbar qabay, waxaa gurmad ahaan noogu yimid dhalinyaro farabadan oo ah raggii magaalooyinka joogay oo dacwada ka waday oo aan tababbar ciidan qabin, dhanka kalana aan wali kala garan Al-Walaa’ Wal-Baraa’. Waxaa kaloo ciidanka ku dhex jiray rag xumaan qarsanayay oo arrintaan ka faa’iidaystay. Codwayn wuxuu ciidankii ku dhex abuuray qabyaalad, khalkhal iyo cabsi-galin tahdiid ku jiro.

Kaalintii Cali Xaaji Warsame

Ninkii la dhihi jiray Cali Xaaji Warsame waxaa u muuqatay in uu dadka dajiyo oo uu marna magaalada tago asagoo akhbaar gudbinaya marna ciidanka ku soo noqdo si uu u hubiyo in wali raggii noolyihiin ama wax is baddaleen, marmarna wuxuu kaalmaynayay Shiikh Cabdulqaadir Nuur oo intuu madaxda ciidanka u tago ayuu wuxuu ku lahaa war magaciin jiryee nimanka siidaaya, lagamase yeelin asaga iyo Shiikh Cabdulqaadir toonna arrintaas.

Fiiro Gaar ah: Waxaa jiray nin afraad oo aan ku xusay qormadeennii tan ka horraysay oo kamid ahaa ducaaddii magaalada ka imaan jirtay. Waa ninka lagu magacaabo Maxamuud Hoorri. Waa saan u sheegay oo Hoorri wuxuu kamid ahaa raggii noogu imaan jiray Mucaskarka wuxuuna dagganaa Garoowe. Hoorri waxaa kasoo baxay warar iskhilaafsan oo sheegaya in uu maalinkii dagaalku dhacay joogay Qardho. Anigu waxaan rumaysnahay in uu markii dagaalkii dhacay uu u cararay Qardho. Waxaan saas u leeyahay waxaa iigu dambaysay asagoo jooga.

Si kastaba ha ahaatee Hoorri wuxuu ahaa ciyaal maamo oo nin waligi dhibkaan la kulmay ma ahayn xaq buuna uleeyahay in uu naftiisa la cararo hadduusan wax qaban karin. Xattaa waxaan aqaannay asagoo carruur lagu magacaabi jiray Abaa Hurayrayaal dhex fadhiya markii Laasqoray la joogay oo aad og tihiin anaga iyo murtadiintii waxa na dhex maray. Waa ciyaalkii uu hayn jiray Siciid Gaalley.

Marka waxtar ciidan saasuu ka ahaa wadaadnimadiina wuxuu ku dambeeyay in uu yiraahdo Ditoor idhaha inta cuqdatu shaydhaan xirtay (niiktayn) oo garkii nag ka dhigay. Waxaan ugu dheeraaday ninkaas iyo shu’uuntiisa: Islaamkii baa ka baxsan la’ ama Mujaahidiintii oo cay buu meel walba la taagan yahay asagiibaana diintii ka aradan oo wuxuu bartay ka tagay oo ka doorbiday in Ditoor la yiraahdo. Haddaadan Islaamka waxtarayn dhibkaaga ka daa fadlan.

Aan kusoo noqonno goobtii naxdinta lahayd.

Waa maalinkii labaad duhurnimadiisii, waxaa na soo foodsaartay laba culays oo nooga yimid dhanka siyaasadda iyo dhanka caskariga. Waxaa culays la soo saaray difaacayagii noogu muhiimsanaa ee fadhiyay Rabbaable, waxaa lagu soo qaaday weerarro isdaba joog ah, waase iska difaaceen Allaa ku mahadsan. Rabbaable waxay noo jirtaa saan horayba idiin ku sheegay 30 illaa 40 kiilomitir oo dhanka waddada Xamar aadi jirtay ama koonfur bay naga xigtaa, marka taliska ciidanka ama saldhigga ciidanka laga xukumo ee Ligle jooga wax dhib ah kuma hayso haddaan la soo jabsan difaacoodaas Rabaable.

Waxaa kaloo weerar nooga yimid dhanka Woqooyi oo ku aaddan saldhiggii 54aad oo aan kasoo qabannay maxaabiistaan aan haysanno. Waxay leedahay buuro yaryar iyo togag, kuwii baa naloo soo galay markaasaa xabbad nalagu billaabay. Dhanka siyaasadda, waxaan ogayn saddex nin oo ciidanka ku dhex laban oo nin walba oo ayaga ka mid ah uu wato takhdiid u gooni ah, waxayna ku guulaysteen in ay ciidankii khalkhal ku ridaan iyo balbalo oo ciidankii iska fariisto.

Xasuusta saddexdooda nin walbaa shaqadiis! Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax wuxuu qaabilsanaa in uu odayaasha ama ragga taladu ka go’do uu ku ilxaaxiyo ama ku khasbo in ay sii daayaan raggaan birmagaydada ah oo aan mutaysan in la dilo. Codweyn wuxuu qaabilsanaa in uu ciidanka kala furfuro oo cabsigaliyo uguna naseexeeyo in ay hadda kala cararaan intay nabadqabaan oo ay Wabi Shabeele shishay ka maraan ama ay koonfur aadaan, ujeeddadaa saas ah.

Cali Xaaji Warsame wuxuu qaabilsanaa xagga wararka hadba meesha wax marayaan, waxaan ogayn asagoo marmar kaalmaynaya Shiikh Cabdulqaadir oo la garab taagan: “Haa waa run hadalka Shiikha ha lasii daayo raggaan annagaa naqaan adinku ma taqaanniin.” Waxaa u soo baxaysa meesha wax marayaan oo raja xumo ka muuqatay in lasii daayo raggaan, markaasuu intuu cararo oo magaalada tago warbixin dhiibaa, warbixintaas oo ah raja xumo uu ka muujinayo sii daynta maxaabiista iyo rajo ah in ay wali nool yihiin.

Saldhigga booliska magaalada Garoowe waxaa yaallay taar uu kula dhuuntay mid beenaale ah laakiin maalinkaas beentiisii ka faa’iidastay ama ay ka faa’iidaysteen cadawgii, waana xeeladaha ay isticmaalaaan ciidamadu. Tusaale Garoowe waxaan qabsannay laba maalin kahor, waxaan ku samaynay hub-ka-dhigis intaan awoodnay, waxaa cararay wax alla wixii ciidan joogay magalaada, waxaan sugnay ammaankii magaalada siday nala ahayd.

Waxaa meeshaas ku dhuuntay beenaalahaas taarka haystay, wuxuu la hadlay meel kasta oo uu awooday, wuxuu lahaa magaalada annagaa haysanna, cadawgiina waa jabay, nasoo gaara, waxaa nagasii dhammaanaya saadkii iyo rasaastii. Waxaa u yimid gurmad aan caadi ahayn oo meel walba ka yimid oo culays nasoo saaray. Waa beenaale sababtoo ah kaligiisaa qol ku jira, magaaladana annagaa haysanna. Waa takhdiid caskari ah.

Ciidan hadduu dagaal galo oo uu guulaysto oo laga waayo wax akhbaar ah oo laga dilo ninkii taarwalaha ahaa waxaa la yaqiinsadaa in uu ciidankaasi jabay intii hartayna waxaa ku dhaca haziimo iyo muraaljab. Haddii ciidan duullaan qaado oo uu jabo sida reer Garoowe, taarwaluhuna uu baxsado oo uu soo tabiyo in ciidanki fiican yahay guulana gaaray sida beenaalahaas oo kale, waxaa u yimaada gurmad fara badan waxaana suurtagal ah in ay guushoodii soo ceshadaan mar labaad sidii reer Garoowe. Ha laga faa’iidaysto wixii lasoo maray.

Shiikh Cabdulqaadir Cabdullaahi waa ninkii goobta dagaalka ugu sarreeyay wuxuu bixiyay amarkii lagu layn lahaa intii la isku afgartay in la laayo, waxase dib u dhacay fulinta amarkaas, sababtu waxay tahay: Dadku waa culumo, waa la is ixtiraamayaa illaa xad, laakiin waxaa lagu kala duwan yahay ra’yiga iyo tala soo jeedinta, Meesha Ina Cabdullaahi amarka ku bixinayo waxaa taagan Ina Nuur Faarax oo ka mid ah culumada ugu sarraysa xagga dacwada. Al-Itixaad Al-Islaami waxaa manhajkooda kamid ah in hadday macallinka iyo ardaygu is qabsadaan loo noqdo Al-Kitaabu wa-Sunnah, waana manhajkii Salafu-Saalix.

Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax waxaa maalinkaas hoosmariyay wuxuu waayay naskii uu ku badbaadin lahaa tolkiis oo asagoo u jeeda luqunta laga gurayo hadal aan nas wadanna wax u qaban waayay kuna badbaadin waayay raggaas iyo raggii uu jeclaa oo ku jiray gacanta Mujaahidiinta. Shiikh Cabdulqaadir Cabdullaahi (taqabalahu-llaah) waxaa maalinkaas kor yeelay naskuu ku taagnaa asaga iyo saaxiibbadiis kumana khasaarin oo wuu gutay xilkiisii intuu awoodda u lahaa.

Waqtigu waa duhur dabadii. Waxaan israacnay Shiikh Cabdulqaadir Cabdullaahi, waxaan aadnay furintii ku aaddanayd xagga waqooyi ama dhankii laamigu naga xigay si aan u soo firfiirinno ciidanka difaaca ku jiray. Nagama foga meeshu, laamigii baan gaadhnay, waxaan dhigannay gaarigii, waxaan u lugaynay dhankii ciidanku naga jiray oo laamigii baan xagga waqooyi u goynay, buur hortayada ku aadanayd ayaa rasaas nalooga soo furay, way nagu ag dhacday oo na sigatay, waxaan u baqay Shiikha, waxaan ku iri noqo anaa ciidanka soo kormeerayee, wuu iga soo laabtay, asagoon laamigii soo gaarin ayaa xabadi ku dhacday, wuxuuna noqday dhaawac fudud oo xabbaddu waxay kaga dhacday bawdada lafna ma jabin.

Waxaa soo qaaday nin magaciisa la oran jiray Aadam Akhii oo watay gaari xaajiyad ah aniguse war ma hayo, aniga laftaydii oo aan gaarin ciidankii ayaa rasaas oodda la iiga qaaday oo meeshii fooddaan galin waayay waana kaligay, waan soo laabtay, haddaan saldhiggii imidba waxaa la kortuunsan yahay Shiikhii oo dhiig butaacayo oo la joojin la’ yahay dhiiggii, mudda kadibna waxaa lagu guulaystay in dhiig joojin lagu sameeyo.

Intaas markay dhacday ayaa xilkii uu hayay Shiikh Cabdulqaadir Cabdullaahi waxaa lagu wareejiyay Shiikh Maxamuud Ciise Abuu Muxsin. Gabalkii baa dhacay, culayskii baa siibatay, cadawgii baa xog helay illayn waa nalagu dhex jiraa oo wax alla wixii nagu soo kordha sakinbay ku baxdaa! Waxaa la ogaaday in Shiikhii la mari waayay dhulka yaallo, ciidankuna moraal xun yahay oo tayadiisii burburtay, raggiina wali nool yihiin.

Ina Nuur Faarax wuxuu gogosha ag dhigtay Abuu Muxsin oo ahaa nin raxiim ah oo markuu kula hadlayo aan wajigaaga fiirinayn intuu xishood ka qabo (taqabalahu-llahu). Wuxuu ku ilzaamiyay in uu raggaan sii daayo waa is adkeeyay Abuu Muxsin oo wuxuu waafaqsanaa in raggaan wixii dambi leh la laayo wixii aan dambi lahaynna lasii daayo. Ina Nuur Faarax waa hari waayay, wuxuuna ku mashquuliyay wadaaddadii in ay muhiim tahay in raggaan la sii daayo.

Abuu Muxsin markuu geed uu galo waayay ayuu wuxuu ku soo laabtay Ibnu Cabdullaahi oo daalan aadna u dhiig baxay, wuxuu damcay in uu kala tashado waxa Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax sheegayo oo ah in raggaan la sii daayo, Ina Cabdullaahi wuxuu yiri: “Dood ma gali karo oo waan daalanahay haddaad amar qaadanayso Abuu Muxsin ragga laa intii mutaysatay inta kalana siiddaa.”

Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax kuma ekayn Garoowe kaliya ee wuxuu la xiriiraa taliskii guud ee Boosaaso joogay wuxuuna isku dayaa mar walba in ay amar soo bixiyaan oo asaga talada lagu wareejiyo, waase u suuroobi wayday intuu fayoobaa Ibnu Cabdullaahi. Shiikh Cabdulqaadir Nuur wuxuu ka faa’idaystay dhaawicii Shiikh Cabdulqaadir Cabdullaahi, wuxuuna gogosha ag dhigtay ama la xiriiray taliskii guud asagoo uga warramaya waxa dhacay oo ah in uu dhaawac soo gaaray Shiikhii meesha madaxda ka ahaa arrintuna ku habboon tahay in asaga lagu wareejiyo talada.

Taliska Boosaaso waxaa madax ka ah Shiikh Xasan Daahir Aways. Ina Aways waa nin dabacsan oo naxariis badan, wuxuuna xamili waayay waxa uu daldalayo Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax. Ugu dambayn wuxuu amar ku soo bixiyay in talada lagu wareejiyo Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax, wuxuuna Shiikh Cabdulqaadir ku guulaystay in uu amiir u noqdo maxabiistii dagaalka lagu qabtay iyo ciidankii qabtay. Sidaas daraaddeed barrina waxaa dhici doonta maxkamad kala saari doonta ciidamadaan islaayay, koox walbana waxay mutaysato ayaa lagu abaal marin doonaa, maxkamaddana waxaa guddoomiye ka ah Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax. Maxaad filanaysaan in ay barri dhacdo?

Ikhwaanii tanaaba noogu daran, waxaa barri dhacaya inshaa Allaahu maxkamad. Maxkamadda waxaa guddoomiye looga dhigay nin asagu qalqaalsaday in loo dhiibo jagadaas, Nabiguna (sallallaahu calayhi wasallam) wuxuu yiri ninkii jago na waydiista uma dhiibno, hadal macnihiisu sidaas ahaa ama si udhaw, marka Ikhwaanii soo xaadira yaan barri la idiinka sheekayn waxa dhacaya, garyaqaan aan eex aqoonna horay u soo kaxaysta haddii la helo!

2 thoughts on “Qeybta 14aad

  1. wlh waa murugo iyo ciil sheekadaan balse waxaan ka faaideeysanay culimada qaar in uu qabiil madaxa ka maray…

  2. Adeer arintu qabiill waa ka fogtahay ee ajande aad u fog ayaa socday. Wadaadada dagaal looma ogalayn , quwad military marnaba looma ogala shalay iyo maantaba. Sheekadu qabiil waa ka qoto dheertay. waa diin la dagaalan xidhiidh la leh gaalo iyo caqiido fasaad ah.

aragtidaada nala wadaag...