Qeybta 15aad

Ikhwaanii maalinkii saddexaad baa la galay, wakhtiguna waa barqadii subaxnimo. Waxaa isugu keen dambaysay ayadoo xilkii lagu wareejiyay culumadii magaalada ka timid oo uu hoggaaminayay Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax. Waxaa billowday shirar iyo faq hoose oo aan dadka intiisa badani ka qaybgalayn, faqaas iyo shirkaasi wuxuu dhexmarayaa ragga talada loo dhiibay ee cusub iyo raggii talada laga qaaday wixii ka haray ama fayow.

Waxaa muddo qaadatay in go’aan la gaaro, maxaa yeelay waxaa laga doodayey ayaa ahayd rag la rabay in surka laga jaro oo go’aankii lagu dili lahaa dhacay ayaa la rabaa in la badbaadiyo. Xeer ilaaliyaha raba in uu sii daayo raggaan maxkamaddu ku xukuntay dilka ma haysto wax xujo ah oo uu u cuskado siidayntooda oo aan ka ahayn: “Talada aniga ha la ii daayo, anaa aqaan nimankaan oo niman dil loo quuro ma ahan, cadowna ma ahan oo saad u malayseen raggu ma aha, waa tol, waa waxgaradkii magaalada, haddii intaan la laayo qabiilku waa dabar go’ayaa, sidaan dacwada danu uguma jiro,” iyo wixi la mida

Gunaanadkii Maxkamadda iyo Siday u Dhacday

Waa in la sii daayaa dhammaan maxaabiista lagu soo qabtay gardarrada aan geedka loogu soo gabo lahayn. Waa in la siiyaa wax alla wixii hanti ah oo laga qaaday. Waa in la hubiyaa in arrintaasi dhaqan gashay (waa siidayntooda) oo guryahoodii lagu hubsado hantidoodiina (Qaniimadii) la siiyo.

Waxay kaloo maxkamaddu xukun ku ridday Ikhwaankii soo duulay ama shisheeyihii ku habsaday Gobollada Majeerteenya ama xoogga ku qabsaday, waxayna maxkamaddii u dhacday sidaan. Waa in aad ka baxdaan dhulka Majeerteenyo dhammaantiis. Waa in aad dhaqaaqdaan xilliga maxkamaddu dhammaato ama ay go’aanka gaarto, hadaad sii joogtaan maxkamaddu mas’uul kama noqon doonto nabadgalyadiina, maxkamaddiina waa xirantay.

Wakhtigu waa casar dabadii waxaa la gudagalay in la fuliyo maxkamadda go’aannadeedii, maxaabiistii baa god ay ku jireen laga soo saaray, waxaa lagu soo dhex daayay ciidankayagii oo isugu jira mid mayd ah oo shalay Shihiiday idan Alle, mid dhaawac ah oo taahaya, mid khalkhal iyo balbaliso uu ku riday Xuseen Cabdulle Codwayn ka dib markuu si jeesjees ah u yiri Majeerteen idinka hari maayo illaa uu Wabi Shabeelle idin geeyo, haddana waxayba yaqiinsadeen in lagu soo fasixi doono Majeerteenkii naxariis darrada lagu sifeeyay, hadalkii Codwayn baa saas ahaaye.

Fiiro Gaar ah: Halkaan waxaa ku jiray cod laga qabtay Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ku ceebaynaya Culumada Ictisaam qaar kamid ah oo ay ka buuxdo qabyaalad iyo casabiyad. Waxaan kaloo ognahay in ay rag isqabteen uu kamid yahay Shiikh Bashiir Salaad oo wakhtigaan Ictisaam u ah guddoomiye. Waxaana ninba ninka kale ku yiri: “Waxaad tahay qabiilayste,” “Ma ahiye adigaa ah,” iyo wixi la mida.

Cafwan aan maxkamadda dhagaysanno.

Arrintu si kastaba ha ahaatee waxaa nala amray in aan soo wareejinno hantidaan haynay oo maxaabiistu lahayd, amarkaasna waan qaadannay. Aniga waxaa gacantayda ku jiray gaari Laankuruusar ah oo intaan hayay aan wax badan Islaamka ugu qabtay, waan wareejiyay, nin waliba wuxuu hayey ayuu soo wareejiyay, annagoo gorodda laalaadinayna oo ay naga muuqato moraalxumo wayn ayaan dhammaan amarradaas fooshaxun fulinnay.

Nimankaan godka lagasoo saaray waxaa ka buuxa rag khubaro ciidan ah oo waa raggii shirka ku jiray oo dajinayay naqshaddii nalagu qabsan lahaa, ishay na mariyeen, waana fiirfiiriyeen, waxay arkeen sidaan u kaladaadsannahay iyo burburka naga muuqda, waxaa nalagu amray in aan gudbinno oo aan gayno magaaladoodii ayagoo fayow, waan yeelnay, gabalkii baa dhacay walise waa iftiin.

Ciidanka aan maxaabiistiisa siidaynay waanoo muuqdaa oo meel walba dhufays baa la isku horfadhiyaa, meeshuna waa bannaan dhag ah ama aan geed lahayn. Amar kalaa la baxshay isla wakhtigiiba, waxaa la yiri dhaqaaqa oo fuliya xukunkii idinku dhacay oo ahaa in aad carro Majeerteen ka baxdaan, waan qaadannay amarkaas foolxumada leh oo dhiiggu ka da’ayo.

Ciidamadii baan amar ku siinnay in ay dhufayska ka soo baxaan cadawgii oo u jeeda, waa yeeleen amarkaas aan salka ku lahayn takhdiid ciidan ay cadaw is horfadhiyaan. Waxaan fuulnay baabuurtii, kolonyana waan galnay. Waa maqribkii maalin Axad ah ma aqaan in aan tukaday iyo in kale, waxaanse hubaa in aanaan adimin oo aqimin oo aanan jameeco ku wada tukan balaayada nagu habsatay awgeed.

Ciidankii dhaqaaq buu diyaar u yahay, waxaan ahaa raggii ugu dambeeyay ciidanka, waxaa ila soo istaagay Shiikh Cabdulqaadir Nuur, wuxuu igu yiri waxaan aadayaa ciidammadaas waana ciidammadii cadowga ciidanka uu sheegayo shiikhu! Wuxuu yiri waxaan isku dayayaa in aan maaweeliyo ee haddaad i waydaan muddo yar iska taga.

Muxuu uga jeeday Shiikhu waxaan maaweelinayaa nimankaas ee haddaad i waydaan iska taga? Iima uusan sheegin wuxuu uga jeeday anigase sidaas ayuu igu yiri, waxaanse u fahmay in uu ka baqayay anagoo aan meesha ka dhaqaaqin in dagaal dhaco oo wuxuu rabay in meel Garoowe ka baxsan dagaalku ka dhaco! Maxaa yeelay labada ciidan waa is horfadhiyeen, saaxiibtinimana nagama dhaxayn, waxayna hubaan in aan jabnay wadaadkuna waa midka na jabiyay wuxuuse rabay asagoo aan ciidanka Al-itixaad dhexjoogin in la jabiyo wuuna ku guulaystay arrinkaas oo waxaa nala sugayay intaan magaalada ka fogaanaynay.

Ma aannaan sugin wadaadkaas cadowgii ku dhex laabtay ee waan dhaqaaqnay. Waxaa noo saaran baabuurta dhaawac farabadan oo uu kamid yahay halyaygii ahaa Shiikh Cabdulqaadir Cabdullaahi (taqabalahu-llaahu). Waxaan dhufayskii ka soo saarnay ciidankii Rabaable fadhiyey oo muhiim noo ahaa oo hor taagnaa ciidammadii ka soo gurmatay Gaalkacyo. Habeenkii oo dhan ayaanu soconnay ama baabuurtii saarnayn waxaanse soconnay wax ka yar 5 kiilomitir.

Waxa dhibka ugu wayn noo keenay waxay ahayd gaari aannaan ka maarmin ayaa naga xumaaday, waxaa lagu dadaalayay in la hagaajiyo mase dhicin. Markii laga quustay ayaa mid kale lagu jiiday. Islamarkiiba waxaa baryay waagii, wixii aan aragnay oo noogu horreeyay wuxuu ahaa bahalka dhurwaa ah ama waraabe, waxaa xigayna waxay ahayd ciidankii cadowga oo meel walba naga fadhiya ayaan aragnay dagaal baana billawday.

Waxaan ku guulaysannay in aan iska caabbinno cadowgii na gaaday ama na khayaameeyay. Waxaan ka dagnay gaadiidkii, darawalladii baabuurtana waxaan ku niri iska socda illaa carro Dhulbahante. Meesha aannu joognay waa meel aan ka fogayn magaalada Garoowe, waxayna ka xigtaa dhanka qorax-udhaca. Waa dhul wada togag ah oo togaggana ay biyo ku jiraan, waddada aanu marayno waa waddo jidcadde ah waxaanna isku daynay in aan laamiga weyn ee ka baxa magaalada Garoowe ee aada magaalada Laascaanood aannu ku dhacno.

Wax yar kadib waxaa noo muuqday laamigii, aad ayuu ciidankii u farxay, waxaana isla markiiba loo socod-boobsiiyey dhankii laamiga, balse waa meel Alle wax ka wadee farxaddii masii socon. Laamigii aan u soconnay ayaa waxaa nooga muuqday gawaari gaashaaman. Tiknikadaasi waa tii cadowga waxayna ka war heleen in aannu waddadaan u soo soconno.

Jidka ayey noosii fariisteen, ciidamadeennii waxaa la siiyey amarkii ugu dambeeyey ee dagaalka waxaana loo sheegay in dagaal billaabanayo, wax yar ka dib labadii ciidan ayaa isku soo dhowaaday waxaana markiiba billaabatay xabbaddii, waxaan galnay dagaal kharaar ama faraha looga gubtay oo aan gaarnay heer aan isdhexgalnay cadowgii. Ilaahay guul buu naga siiyay oo waan jiirnay, baabuurtiina waa na hor socdaan, annaguna baabuurta ayaan daba soconnaa wixii naga daba yimaadana xabbad baan sanka ka galinnaa oo waa iska reebnaa.

Anagoo guul ku fadhinna cadawgiina iska caabbinay oo aan markaas joogno xuduud beenaadkii Majeerteenka iyo Dhulbahantaha, ayaa waxaan aragnay baabuurtii socotay oo inta soo laabatay iskadaba wareegaysa, waan soo gaadhnay. Waxaa meesha ku yaalla tog wayn oo la yiraahdo Bixin wuxuuna hoos u qodan yahay dhowr mitir, dhererkana wuxuu taxan yahay buurta ilaa laamigii oo cadow noo fadhiyo.

Meeshu waa Buuro-Wadal agteeda, togguna waa Bixin, suuragalna ma ahan in aan gaadiidka kala gudubno toggaan, cadowgiina waa naga daba yimid markay arkeen jahwareerka nagu dhacay, annagana waxaa nagu dhacay haziimo aan haziimo ka dambayn oo noqotay tii ay ku burburtay dawladdii Al-Itixaad Al-Islaami, waa burburkii koowaad. Sababtana waxaa lahaa Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax iyo saaxiibbadiisii Codwayn iyo Cali Xaaji Warsame. Ictisaam gar baa taal!

Baabuur faras cadde ah (Bii.Jii.) ayaa meel isku tuuray oo baxsaday, waxaa waday nin la oran jiray Cabdirisaaq Oktoobar. Baabuurtayadii intii kale iyo wixii saarnaa oo dad iyo maalba lahaa waxaa qabsaday cadowgii. Waxay qabsadeen tiknikadii iyo baabuurtii xamuulka ahayd intaba.

Waxaa saarnaa baabuurta mid kamid ah Amiirkayagii oo dhaawac fudud ah iyo mucallimiin fara badan oo ayaguna dhaawac ah ama xanuunsanaa, Allaahul Mustacaan. Waxaa maalinkaas gacantu daashay saynoo laynayeen ama noo gowracayeen SSDF oo aan ukala harin Madaxdoodii, Culumadoodii iyo Shacabkoodii intaba nin Ilaahay u naxariistay mooyee!

Waxaa ka mid ahaa ragga loo xilsaaray in ay gowracaan Ikhwaankaan soo xadgudbay nin lagu magacaabi jiray Dhegjar. Muslimiinta la laayay ma ahayn oo kaliya kuwii Bixin iyo Buurowadal lagu helay, waxaa ka mid ahaa ragga maalinkaas birta laga aslay ducaaddii Garoowe joogtay oo ay dhaleen reer Garoowe laftoodu. Ragga aan la ilaawi karin oo maalinkaas la gowracay waxaa kamid ahaa: Macallinkii magaalada ahaana Imaamkii Masjidka Al-Hudaa. Waa Masaajidkii ugu horreeyey ee dacwadan Salafiga ah oo laga dhiso Garoowe, Mucallimka ama Imaamka magaciisu waa Cabdulcaziiz Jaamac Aadam (taqabalahu-llaah). Reer Garoowe shahiidkaasi markuu tujinayo salaadaha jahriga ah oo codkiisu bannaanka usoo baxo, dadku waa istaagi jireen si ay ugu raaxaystaan Qaari’ul Qur’aankaan Ilaahay hibada u siiyay codmacaanida, waxaanna akhbaar ku helnay cadowgii gowracayey (Dhagjar) markuu gowracay in uu yiri, “Wallee mar dambe codkaaga kuma raaxaystaan reer Garoowe!”

Bixinu waa tuma? Muxuuse ka yiri Sayid Maxamed Cabdulle Xasan?

Nin dooriyo wixii shiikh ladilay culumadii diinka
Wixii duubcaddii ay wadhnayd Bixin duleedkeeda
Dooxada Garoowe ah wuxuu haadku dulufleeyay
Dirirtii Nugaaleed wixii nalagu dooxaayey
Wixii diricyadaydii kufrigu daabaca u qaaday
Duqow iyo dhallaan iyo waxaan dumar naloo reebin!

Allaahu akbar! Maxaa shalay maanta uga eg. Bal eeg siday isu waafaqday taariikhdu! Meeshu waa meeshii Mabdu’una waa mabda’ii dadkuna waa dadkii taariikhdu haba kala duwanaatee. Ma hilmaami doonno dhibka ay nagu hayaan dadka caadaystay la dagaalanka diinta Ilaahay iyo Ducaad-laynta.

Waxaa ka mid ahaa meelaha Ikhwaankii lagu gumaaday: Boosaaso, Burar-ciideed, Garoowe iyo meelo fara badan oo aannaan soo koobi karin. Aan isha marinno magaalooyinka Ikhwaanka lagu laayay siday u kala caqli roonayeen ama Islaamka ugu kala cadaawad badnaayeen.

Garoowe: Waa tii ugu axmaqsanayd culumo iyo caamaba dadkii ka talinayay in yar oo Ilaahay u naxariistay mooyee. Boosaaso: waa tii labaad xagga dhoohnaanta (caqlixumo) ama la dagaalanka diinta Islaamka. Burar-ciideed: Waxay samaysay wax uu ka xishooday Cabdullaahi Yuusuf oo aan gobolka soo marin (Waqooyi Bari) dhaqan ahaan iyo diin ahaan nin ka liita bulshada deggan.

Qardho: Waxay noqotay magaalada kaliya oo ka badbaadday ceebta aan hareyn adduun iyo aakhiro toona. Qardho waa meesha makri kasta lagu maleego oo waxaa fadhiya Boqortooyada reerka ama maskaxda gobolka laga maamulo. Isma muujiyaan oo waxay ku adeegtaan iimaan laawayaasha reerka iyo juhalada.

Garoowe dambiyo gaarsiiyay in ay carruurtoodii laayaan ayay gashay ayagoon ka fiirsan culumo iyo caamaba, waxaadna mooddaa in ay noqdeen kuwii uu ku faanayay Codwayn ee uu lahaa: “Majeerteen nin idinka reebi maayo hadday jaanis idiin helaan ee carara oo wabi Shabeelle xagga u gooya!”

Boosaaso waxay la dabeecad noqotay dhurwaa baahan. Dhurwaagu wuxuu cunaa xoolaha yaryar sida ariga, waxaa dabeecaddiisa ka mid ah ama fulaynimadiisa: Neefkoo soo fiirinaya ma cuni karo si kasta oo baahi uhayso, markii xooluhu kasii jeestaan ayuu gaadaa oo dabada ku dhagaa asagoo taxadaraya!

Reer Boosaaso intii wadaaddadu horfadhiyeen far ma dhaqaajin oo madaxay hoos u foorarinayeen, markay dheheen wadaaddadu magaaladaan ka baxaynaa ee na nabad galiya oo ay dhaqaaqeen ayay mar qur ah kusoo yaaceen oo sidii bahalka yeyga ah oo kale waxay gadaal uga cuneen Ikhwaankii yiri waan idinka tagaynaa ee na nabadgaliya. Fulaygu geesiga wajigiisa ma istaago.

Burar-ciideed ciidan baa noo joogay xoog leh, waa iska insixaabeen oo waxay aadeen xaggaa iyo carro Dhulbahante. Waxaa ciidan abaabushay oo daba galay nin lagu magacaabo Cali Baadiye, wuxuu uga dabatagay meel dhexe oo hawd ah, fooddaa la isdaray, waxaa markiiba jabay ciidankii Cali Baadiye asagiina caguhuu wax ka dayay, qalab aan yaraynna waa laga furtay.

Ma taqaan ninka ciidanka Ikhwaanka wata oo Cali isku taagay? Waa Caaqil Cabdiwahaab Maxamuud Guray. Caaqilkii iyo ciidankiisii waxay ka cid galeen ayagoo fayaw carro Dhulbahante. Cali Baadiye iyo goob walba oo dagaalku ka socdo waxaa daqiiqad daqiiqad ula soo hadlaya Ina Yeey oo leh: “Dadkaan nagu soo duulay ee shisheeyaha ah hal qof yuu ka baxsan ee ka dhiga waxaad dishaan iyo waxaad nolol kusoo qabataan!”

Cali Baadiye waxaa la fool xumaatay in uu gacmo maran geeyo Garoowe oo ballantu tahay in la isugu yimaado markii Ikhwaanka laga sifeeyo waddanka. Cali wuxuu ku soo laabtay Burar-ciideed oo ahayd meeshii Ikhwaanku ka haajireen, waxayse ka tageen haweenkii iyo carruurtii oo ayagu aan waxba galabsan, loollankana aan ku jirin.

Cali amar buu wuxuu ku bixiyay in dhammaan gabdhaha xijaabka qaba lasoo qabqabto. Waa lasoo qabqabtay, wuu qafaashay oo maxaabiis ayuu ka dhigay wuxuuna lasoo aaday Garoowe. Markii Garoowe la yimid oo maxaabiistii la isu keenay nin walbaa wuxuu lahaa oo ku faanayey anigu intaasna waan dilay in taasna maxaabiis baan u hayaa. Cali wuxuu ribood ku baxshay in uu soo qabqabtay dumar aan yarayn oo Ikhwaan ah kuwa kalana laayay!

Cabdullaahi Yuusuf inta warxumadiisii u adkaysan waayay ayuu cay kala daalay. Wuxuu yiri: “War siiddaa dumarka hoog ha kugu dhecee rag baan is haynaaye.” Cabdullaahi Yuusuf maalinkaas wuxuu ciyaaray door muhiim u ah taariikhdiisa madow. Reer Qardho maalinkaas dowr waxay ciyaareen Boqornimadii ay sheegan jireen ay muujiyeen ama gobannimo dheeraad ah ama caqli shaqaynaya iyo ceeb ka carar. (Raad xun)

Qardho waxaa ka furnaa Mucaskar, ciidan baa joogay, markii dagaalkii dhacay oo lasoo sheegay in Ikhwaankii la jabiyay ayaa ayagiina weerar lagu soo qaaday. Waxaa dhacay xoogow dagaal ah. Waa la qabqabtay oo waxaa laga dhigay maxaabiis.  Reer Qardho waa tashadeen waxayna go’aansadeen in ay badbaadiyaan raggaan. Waxay galeen takhdiidkii ay ku siidayn lahaayeen.

Ciidankii bay u yeereen, way la tashadeen, waxaa la yiri maxaad jeceshihiin oo aan idiin yeelnaa? Waxay dheheen waxaan rabnaa in aan walaalahayo ka daba hijroono ama aadno meeshay joogaan, waxaa la yiri isdiyaariya rag dhul aqoon ahna waa lagu daray oo waxaa la yiri illaa aad  carro Dhulbahante gaysaan ha ka soo noqonina raggaas wayna yeeleen oo waxay gaarsiiyeen walaalahood raggii oo nabad qaba. Reer Qardho waa iska aamuseen intii la iscayrsanayay.

Ina Yeey wuxuu ogaa ciidan xoog leh in uu fadhiyo Qardho, wuxuu amar ku siiyay reer Qardho in ay soo qabtaan wiilashaan ay dhaleen. Waxay reer Qardho ku jawaabeen boowow waan haynaa ee ha walwalin. Markay hubsadeen in ay galeen carro Dhulbahante ayay qaylo dhaan u soo direen oo waxay dheheen boowow raggii waa baxsadeen. Saas ayeyna raggoodii ku badbaadsadeen.

Sidaad aragtaan baa dhacday, oo ciidankii Al-Itixaad Al-Islaami ay ku qabsadeen Gobollada Waqooyi Bari oo inta Daarood oo dhami isu tagay oo foodda galin waayay, dhan ciidan iyo dhan siyaasadeed intaba, in muddo ahna ka talinayay Gobolka. Waxaa jabiyay saddex nin oo fara bannaan oo aan hub wadan.

Dowladdii Al-Itixaad oo xoogga waynayd waxay saddexdaas nin oo fara bannaan ku jabiyeen waxay ahayd: aaminaad la aaminay iyo ixtiraam dheer oo la siiyey. Waxay kaloo nagu jabiyeen culumo u ekaan. Suufiyadaa dhihi jirtay: Culumo yay dad u ekaan kugu dilin ayagoo Sufahada bajinaya si ay xoolohooda baadil ugu cunaan. Ictisaam baa Suufiyo ka daray oo dhiiggayagii ku banaystay: Culumadu dadka la mid ma ahan ama uma eka, ma khaldamaan ee raaca warkooda.

Magacyadii eedaysanayaasha maalinkii Garoowe.

  1. Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax Gacamay
  2. Xuseen Cabdalla Codwayn
  3. Cali Xaaji Warsame

Waxaan markhaati ka ahay in ay sidaan sheegayo wax udhaceen oo Muslimiintii waagaas la baabi’iyey mas’uuliyaddeeda qaadayaan saddexdaan nin oo aan kor kusoo xusay. Waxaana waayeel u ahaa ama Guddoomiyahooda ahaa Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax.  Shiikhu ma qarsan jirin in uu baabi’iyey mucaskaraadkii Al-Itixaad bal wuu ku faanayaa oo meel walba ayuu la taagan yahay anaa saas yeelay.

Waxaa la heli karaa wadaadka oo cod dheer ku leh, “Anaa ka dambeeyey in la kala diro dawladdii Al-Itixaad Al-Islaami.” Wadaadku markuu kala dirayay Ciidammadii Al-Itixaad kuma kala dirin in uu fasax siiyay ee wuxuu ku kala diray dagaal lagu baabi’iyay oo wuxuu ka dhigay mid la dilo, mid la dhaawaco iyo mid hubkii laga dhigay oo hoggaamiye kooxeed la hoos geeyay ama shacab looga dhigay.

Dib u milicsada maxkamaddii uu qaaday wadaadku, waxayna u dhacday sidaan sheegay, qofkii wax ka baddalan sheega anaa diyaar u ah in aan kala doodo illaa aan isa soo horfariisanno.

Waa run arrintaasu waxaanna u daynayaa xukunkeeda akhristayaashii aan iri soo raadiya garyaqaanno arritaan gorfeeya. Waxaan idin xasuusinayaa Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax markuu dacwada ka wadi jiray gobollada Koonfureed uma dulqaadan jirin Diinta Ilaahay oo dhulka taal, waana tan keentay in la xiro markay u adkaysan wayday dowladdii Maxamed Siyaad, dadkana wuxuu u tusay Cabdulqaadir in ay dowladdaasi tahay dowlad kaafirad ah oo aan lagu hoos noolaan karin, in lala dagaallamaana ay bannaan tahay. Maxaa isbadalay?

Shiikhu 20 sano ayuu ku hoos nool yahay kuwo Maxamed Siyaad shiikh u noqonayo marka dhaqankooda la arko  iyo maamulkooda ama siday Islaamka u gumaadayaan, walina lama hayo asagoo dadka uga digaya diin la’aantooda iyo dhibka ay Muslimiinta ku hayaan oo ay dadka diintoodii ka fidneeyeen. Bal gaaladii Maxamed Siyaad dhulka ka hortaagnaa oo dagaalku ka dhexeeyay ayay saaxiib ka dhigteen diintii iyo Culumadeediiba ka iibsadeen. Shiikhuna waa ku qancay maamul wanaaggooda iyo siday gaalada usoo dhawaysteen Muslimiintiina isaga fogeeyeen (Mujaahidiintii gaalada hortaagnayd).

Fiiro Gaar ah: Shubho ka imaan karta maxaabiistii lasii daayay

Waxaan rabaa intaysan soo luggo’in qolooyinka shubuhaadka la dabadhigay in aan ka hortago. Maxay tahay shubhadoodu? Waxaa laga yaabaa in qaarkood dhahaan, “Nebi Muxamedba (sallallaahu calayhi wasallam) wuxuu sii daayay gaaladii Badar oo kuwaan ka dhib badnaa maxaa ku jaban in la sii daayo niman Soomaliyeed?” Waxaan uga jawaabayaa Isku baab ma ahan.

Marka koowaad Nebigu (sallallaahu calayhi wasallam) wuxuu ahaa Qaa’idkii ciidanka maxaabiista qabsaday, wuxuu la tashaday raggiisii ugu qiimaha badnaa qaar baana ku raacay, markuu sii daayay ama madaxfurasho ka qaatay cadawgii intuu aaday  guryahoodii (Garoowe) ma gacalaysan gurina lama galin shiikhna uma noqon ee waxaa ka dhexeeyay cadaawaddii keentay in wiilku aabbihiis dilo. Nebiga (sallallaahu calayhi wasallam) waa la canaantay oo khatar bay galeen Ilaahay baase u dambi dhaafay. Xaggee isaga eg yihiin labadaas arrimood, Jihaad fitan ku sheegow? Isuma eka isku xukunna ma ahan!

Ikhwaanay horaan u cudurdaartay. Mar labaadna waan cudurdaaranayaa, wixii aan qormadaan ku sheego dan gaar ah kama lihi oo aan ka ahayn in aan caddeeyo wixii nasoo maray oo waliba naloo sii ciil qabo (Allaahul Mustacaan). Hawl baa noo taal caawa oo raggii waxay noqdeen wax la dilo, wax la dhaawacay, wax cararay oo la la’ yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen, ciidanku jiha walba ayay u baxsadeen, laakiin intiisii badayd waxay aadday dhanka reer Dhulbahante oo maalinkaas muujiyay Darwiishnimadoodii iyo wixii ku duugnaa oo jihaad jacayl ahaa.

Waxaa maantoo kale ugu muhiimsan in la helo caano iyo biyo la isku daray magacoodana waxaa la yiraahdaa barax, waxaa lagu dabiibaa dadka firxaday oo dhanqalmay sidayda oo kale. Qof walbow soo qaad dhoon horaad barax ah ama haan wayn oo biyo iyo caano ah. Inoo dhaqaajiya dhankaas iyo carro Dhulbahante, ayagaa maantoo kale loo baxsadaa oo wax ka yaqaan rag dagaallamay iyo xeerar dhigashadiisa. Huwantaanu waa howtulhamag!

aragtidaada nala wadaag...