Qeybta 19aad

Wakhtigu waa saq dhexe, qof walbaa dhufays buu ku jiraa, waxaa la sugayaa xabbadda sharqanteeda. Waxaynu kala hoyannay ayadoo unugtii loo diray cadowga in ay dhuunta ka galaan ay tashi ku jiraan oo ay is horfadhiyaan cadowgii. Muddo gaaban kadib amiirkii unugtu wuxuu qaatay go’aan ah in ay dagaallamaan oo ayagu rasaasta billaabaan.

Nin kasta oo ka mid ah unugga waxaa la siiyay waajib gooni ah, waxayna qoryohoodii ku fiiqeen dhankii cadawgu jiray ayagoo dhulka jiifa. Waxay sugayeen amarka sarkaalkii madaxda u ahaa in uu yiraahdo fura xabbadda ama billaaba dagaalka. Waxa hortaada taagan arki maysid mugdiga daraaddiis, waxaase la hubaa in la is horfadhiyo cadowgii. Sarkaalkii unugta watay wuxuu amar siiyay ninkii watay qorigii boobaha culus ahaa in uu xabbadda billaabo. Wuu billaabay xabbaddii, wuxuu riday qiyaastii inta u dhaxaysa 15 illaa 20 rasaas dhan, markuu waayay wax u soo jawaaba ayuu is taajiyay rasaastii.

Waxay sugayeen jawaab degdeg ah laakiin looma juuqin. Amiirkii wuxuu yiri ku celi  rasaasta mar kale, waa lagu celiyay oo markaan dambe jiha kale ayaa loo riday xabbaddii. Isma dhaqaajin cadowgii, waxay hubeen in ay cadowgii hortooda fadhiyaan. Cabbaar hadday shafka dhulka ku hayeen oo loo soo jawaabi waayay ayay waxay qaateen kulan degdeg ah. Waxay go’aansadeen in ay meesha ka insixaabaan oo ciidankoodii u tagaan ugana warbixiyaan waxay soo arkeen.

Way dhaqaaqeen. Waxay u yimaadeen ciidankoodii, waxay u gudbiyeen khabar ah in cadawgii horteenna fadhiyo asagoo dabbaabaadkiisii wata. Waxaa la galay tashi aan waqti qaadan, waxaa la yiri walaalihii ku noqda meeshii oo cadowgu yuu soo siqin ee hortaagnaada inta salaadda subax laga gaarayo ama la tukanayo. Way laabteen waxayna horfariisteen cadowgii oo isnabaya oo sugaya iftiinka waaga ama salaadda subax in la gaaro.

Waxaa la gaaray fajarkii hore ama iftiinkii hore ee salaadda, way soo dhaqaaqeen walaalihii markii la gaaray xilligii salaadda. Nimankaan cadowga ah waxaad mooddaa in ay rabaan in ay ka faa’iidaystaan xilliga aan salaadda tukanayno oo ay nagu gaadaan annagoo salaadda ku jirna. Ilaahay waa naga indhasaabay oo waxaan tukannay ayadoon dagaalku billaaban. Sababtana waxaan umalayn in ay ahayd: Nimanku waxay sheeganayeen in ay yihiin Muslimiin waliba waxay u nisba sheeganayaan Shaaficiyo, fiqiga Shaaficiyada oo ahaa in salaadda subax la caddeeyo ayaa wuxuu noo noqday nasri oo waxay is lahaayeen weli salaaddii ma aysan galin annagoo tukannay ayay weerarka soo qaadeen.

Wali waxaa jira mugdi oo aad wax looma arko. Salaaddaas subax  nin walba oo ciidankayga kamid ah ama intii badnayd oo xigtay dhanka cadowga wuxuu ku tukaday dhufayskiisa asagoo fadhiya oo u jeeda dhanka cadawga.

Waxaa billaabatay xabbaddii oo aad mooddo in nin kaliya uu ridayo sida loogu ballamay in mar qur ah la billaabo, waxay socotay illaa 10kii subaxnimo. Nin ciidankayaga ka mid ahi kama bixin dhufayskiisii. Reer tolkay ama cadowgii marba raac baa jaba markaasaa wixii ka haray cararaan, waxaa yimaada raac cusub ama qolo cusub.

Dagaalkii bay meeshiisii kasii wadaan, way jabaan wixii harayna way cararaan, gurmad hor leh ayaa yimaada oo aad mooddo in ay waalanyihiin, waxay ku soo galayaan ayagoo qaylinaya oo aad mooddo in ay jeclaan lahaayeen in aan cararno intaan qayladooda u adkaysan wayno annaguse waxaan u arkaynay in ay sarkhaansan yihiin oo aysan waxba kala ogayn kamana aanan cararin ee waan iska dhicinnay oo waxaan u diidnay in ay noo soo dhawaadaan.

Dagaalka fool-ka-foolka ah waxaa noo dheeraa madaafiic meel fog kasoo dhacaysa oo aan loo aabba yeelayn. Waxaa kululaaday dagaalkii, waxaa daciifay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee cadowga, waxaa billowday jabkii cadawga. Meeshu waa bannaan, waxaa wax laga arkaa illaa iyo 15 kiilomitir ama intii ishaadu wax ka arki karto. Waxaa noo muuqday wufuuddii lasoo martiqaaday isu diyaarisay in ay cagaha wax ka dayaan. Waxaa noo muuqday baqada aan xishoodka lahayn oo ninba ninka kale leeyahay asaga halala haro. dhaawicii baa laga cararay oo hortayada bilqan, waxaa ka dhacday naftaadu orod bay kugu aammintaa. Waxaa gabaabisi noqday xabbaddii xawliga u socotay. Waxaa la gaaray 11kii subaxnimo, waxaa feydantay daruurtii colaadda huwanayd. Waxaa soo bidhaamay nasri degdeg ah. Waxaa la galay marxaladdii labaad ee dagaalka, waxaa laga warsugayay qiyaadada ciidanka ugu sarraysa waxa ay oran doonaan mar haddii cadowgii jabay.

Sida caadada ah hadday dagaallamaan laba ciidan oo mid laga guulaysto kadibna uu cararo lagama haro ciidankaas jabay ee cadowga ah illaa aad daciifisid quwaddiisa, haddaan markaa wax ku xannibayaa jirin. Qur’aanku waa qaamuus. Waxaa loogu tala galay bani-Aadamku in uu noloshiisa ku xalliyo, hadday tahay Cibaado ama Mucaamalaad intaba. Qur’aanku wuxuu leeyahay qaybo dhan oo ka warrama qaabka loo dagaallamayo iyo cidda lala dagaallamayo. Waa laga faa’iidaystay Qur’aanka oo dagaalku wuxuu leeyahay xeerar aan laga gudbi karin ama laga tagi karin, haddaad ka tagtana aad ku jabayso oo aadan wax faa’iido ah ka gaarayn.

Tusaale: Suuratul Anfaal aayadda 67aad: “Kuma habboona Nabi inay u ahaato kuwo la qafaashay intuu ku jilcinayo dhulka dhexdiisa (GAALADA).” Macnaha aayadda ayaa saas ah.

Waxay aayaddani ku tusinaysaa haddaad ciidan foodda isdartaan in aysan habboonayn in maxaabiis la haysto illaa la laayo oo madaxa laga guro cadowga. Waxaa aayaddaas laga fahmayaa in aan aammin laga ahayn cadowgu in uu mar labaad soo laabto haddii aan gacan bir ah lagu qaban ama aan aad loo cayrin oo la gaarsiin meel fog oo aammin laga yahay in uu mar labaad soo laabto. Xasuuso wixii Garoowe nagu dhacay iyo hadda balaan xumada na haysata oo aanan wali baraarugin.

Haddaad shubho keento oo aad tiraahdo dadku Muslimiin ayey ahaayeen, waxaan ku leennahay: Muslimiinta qaar ayey bannaan tahay in lala diriro oo la cayrsado, dhaawacoodana la laayo illaa ay kala fiigaan ama hubka laga dhigo oo aammin laga noqdo sharkooda, waa hadday la yimaadaan wax waajibinaya in saas loola dhaqmo.

Ayaga laftoodu waa kala nooc oo qaarba si baa loola dagaallamayaa. Hadday yihiin koox mumtanico ah ama hubaysan oo xoog leh waxay qaadanayaan axkaam gooni ah, hadday yihiin koox aan hubaysnayn xoogna lahayn waxay qaadanayaan axkaam gooni ah.

Faahfaahinta warkaas waxaad ugu noqon kartaa Majmuucul Fataawaa ee Sheykhul Islaam Ibnu Taymiyah mujalladka 28aad, 35aad iyo meelo kaleba.

Si kastaba ha ahaatee markii cadowgii jabay oo dabada jeediyay waxaan sugaynay amar ah kaca oo is raaciya waxa ka haray balaayadaan nalagu salladay oo lasoo uruurshay oo aan ka tukan waynay. Ha ka harina illaa ay Boosaaso dhaafaan hubka iyo waxyaabaha faa’iidada noo lehna ka soo qaniimaysta. Soo qabta kuwooda madaxda ah si looga helo warar dheeraad ah ama macluumaad waxtar noo ah iyo wixi la mida.

Taasi Ma Dhacday?

Maya, ma dhicin, bal waxaa dhacday caksigeeda oo waxaa nala siiyay amar ah nin idinka idin kamid ah isma dhaqaajin karo. Ku jira dhufayskiinna, maxaad ka rabtaan nimanku hadday carareen, waa walaalihiin waa dad Muslimiin ah iyo wax la mida.

Amarkaas waxaa bixiyay Shiikh Xasan Daahir Aways. Waxaa nagu dhacday dahsho ama jaahwareer aan garan waynay waxa loola jeedo haka bixina dhufayskiinna, ha cayrsanina cadowga jabay, waa walaalihiin! Waan qaadannay amarkaas oo waxaan isaga jirnay dhufayskayagii illaa duhurkii la gaaray annagoo aan ku qanacsanayn amarkaan aysan ka muuqan laba arrimood midna:

  1. Khibrad ciidan kama muuqato  (Ciidamada caalamka xeerka u yaal)
  2. Axkaam Islaamna kama muuqato. (Xeerka Islaamku u dajiyay dagaallada ahlul-baqyiga ama kooxaha dhaba jiiska ah, mumtanico ama showko xoog leh)

Shiikh Xasan markuu ogaaday in ay fogaadeen cadowgii oo aannaan gaari karin ayuu yiri kasoo baxa dhufayska oo soo raadiya wixii dhaawac ah. Waa lasoo baxay oo lagu qamaamay meel kasta oo la is lahaa wax baa ku jira. Waxaa la helay dhaawac, waxaa kaloo la helay rag aan waxba qabin oo intay naxeen meel iska dhabacan ama ku dhuumanaya.

Waxaa la soo uruuriyay maxaabiistii, waxaana dhacay wax aan illaawi waayay. Maxbuus kasta waxaa loo dhiibay ninkii dad u xigay asagaana dilay, waxaan ogaa ayadoo lagu murmayo anaa kaa xiga iyo anaa kaa xiga. Wax alla wixii maxaabiis ahaa oo la qabtay ama dhaawac ahaa dhagtaa dhiigga loo daray ayadoo nin walbaa ina adeerkiis dilay, xigto ahaan udishay. Maanta kahor waxaan qabnay laba dhibaato oo aan aad ugu dhibtoonnay:

  1. Meeshu aad bay u kulushahay markaasaan haddana waxaan galnay dhufays dhulka hoostiisa ah oo ay nagu qasbeen shayaadiintaan maantay jabtay.
  2. Waxaa kaloo nalagu imtixaamay bahallo yaryar oo na cunaya ama na qaniinaya markaan dharka iska bixinno kulayl dartii. Markaasaan hurdo iyo raaxaba ka tagnay. Intaas waxaa noo dheeraa cabsida joogtada ah oo cadwogu nagu hayay Ilaahayna maantuu naga dulqaaday cadowgii iyo cabsidiiba.

Fiiro Gaar ah: Waxaan meelo badan ku arkay ayadoo la igu baraarujinayo Majeerteen ma wada xumee maxaad isugu qaadday? Markaan qolo xumaanteed sheegayo waxaan dhahaa reer hebel baa xumaantaas sameeyay intii Ilaahay u naxariistay mooyee oo waxaan ka soo reebaa inta wanaagsan, hadalkana waxaan ula jeedaa inta xun. Haddaan illaaway istathnahaas (kasoo reebiddaas) ama  hadalka ah intii Ilaahay u naxariistay mooyee, waa gaf aniga xaggayga ah waxaanna ka bixinayaa raalligalin iyo waliba toobad keen Alle xaggii ah.

Maalinkaas waxaa raggoodii ama wiilashoodii laynayay waliba siday u kala xigeen Majeerteen baa u badnaa oo waa la kala baxay (tilka bitilka). Maalinkii Garoowe rag baa wiilashoodii gawracay ayagoo Cabdullaahi Yuusuf ku raalligalinaya. Maantana rag baa gowracay wiilashoodii ayagoo Ilaahay ku raalligalinaya waana rag wada dhashay. Ninba markiisa ha gabbado!

Warsangaliga waan taagnaa ayagoo qaybsanaya dadkoodii maarada loo waayay oo Cabdullaahi Yuusuf ku yiri kaalaya aan soo bililiqaysanno lacagta Sacuudiga laga soo daabulo. Maxaa yeelay maalinki Garoowe ayay bililiqaysteen gaari dhan oo lacagi saarnayd ama ku rarnayd. Marka Laasqoray waxaa taallay khasnaddii waynayd siday la ahayd ayaga. Aa kula tahay Boowe?

Fiiro Gaar ah: Maxaabbiistaas laguma dilin amar kasoo baxay saraakiishii ciidanka hoggaaminaysay lamana ogayn goor la laayay iyo goor lasoo qabtay toona. Waa dambe ayaa la ogaaday, la ismase wayddiin maxaa loo dilay iyo maxaa loo siiddayn waayay toona.

Aan milicsanno saamaynta dagaalkaasi nagu yeeshay dhimasho iyo dhaawacba. Maalinkaas waxaa naga shahiiday inshaa Allaahu 12 qiyaastii. Waxaa dhaawacmay rag aan yarayn. Shuhadada waxaa kamid ahaa Khaliif nin lagu magacaabi jiray. Khaliif wuxuu ahaa nin aad u dadaal badan oo maddaale ah dagaalkana ku fiicnaa, wuxuu ahaa dagaalgaliye sare (taqabbalahu-llaahu).

Waxaa maalinkaas dhaawacmay Shiikh Axmed Cabdisamad, Shiikhu wuxuu kamid ahaa gacanyarayaasha Shiikh Cabdinaasir xagga dagaalka. Waxaa dhaawacmay Cali Mujaahid. Cali wuxuu ahaa nin mintid ah oo dagaalyahan hoggaamiye ah. Waxaa dhaawacmay Khayre oo ahaa nin khayr badan kana dhex muuqday dagaalka. Khayre ma illaawin siduu u dhaawacmay. Waxay ahayd asagoo ciidanka ku wareegaya oo rasaas siinaya hadba ninkay  ka go’do rasaastu ayaa xabbaddu ku dhacday anna waan ujeeday.

Ikhwaanii waan daalannahay ciidankuna wuu daalan yahay, daalkana waxaa u dheer hurdo la’aan oo in muddo ah si fiican hurdo uma ay seexan. Nin walba waxaa ku soo dagtay hurdo uu iska celin waayay. Ragga qaarkiis waxay soo wariyeen in ay dagaalka dhexdiisa ku lulmoodeen.

Aan u kaadinno ciidanka ha daaltirteen hana seexdeen. Adinkuna gabaygaan Ina Cabdulle Xasan akhriya oo fiiriya waa dadkii uu waagaas ka cabanayay Wadaadku kuwa hadda nalagu salladay. Qadiyadduna waa hal mid ah oo waa car tuko, car naagtaada xijaab u xir, car Islaam isku xukun iyo wixi la mida.

Daayimow Allahayoow adaan dunida moogayne
Daandaansi ina-Aadanaa loogu dawgalye
Deyn nimaan ka qabin buu nafluhu dabagalaayaaye
Haddii nalagu soo diray khalqiga Dir iyo Daroodba
Warsangali haddii uu dunjigii diricyo soo qaatay
Dashiishiyo Majeerteen haddii deexda laga keenay
Guutada lasoo dumay haddii nalagu soo duushay
Wax lasoo dadaanshaba haddii nala dul gowriirshay
Dildilaaca waaberi haddii nalagu siidaayey
Annagoon digniin qabin haddii nala dareensiiyay
Digta weerar qoobkii fardaha dininigtii yeedhay
Dooyada uluuftaka’ah hadday Daalo kor udhaaftay
Degdeg inaan usoo roorno waa dowlad alabkeede
Ma dul keennay kuman duub cadoo wada Daraawiish ah?
Dikri hadduu kusoo galay xarbiga aniyo duulkaygu
Dayaaydii horeetaba baqay dabada taageene
Diigaanyo ciidan ah miyaan daafta kala raacay.
Dullihii shareerraa markuu dibawga jiidhaayey
Daanyeerku meeshuusan marin dani ma jeexsiisay
Denbi ma leh cadaawaha ninkii delika xooraaye
Darajuu Ilaahiis ka heli labada daaroode
Dubku iima naxo nimay kufriga deris wadaagaane
Ferenjiga direyska leh kuwii diiradda u qaaday
Iyaguba dariiqada Alliyo diinta caasiyo’e
Waxay noo duleedsheenba waa doora-weynaha e
Dulmigaan banaanayn kuwii doofil ugu hiishay
Haddaan daayo waa aniga oo daawadii furaye
Danabkii rasaaseed miyaan diillin kaga yeelay
Dareemada kabadan meydka yaal didibta buureede
Dhiiggoodu sida doogsinroob waysagii duxaye
Dugaaggii hilbaha quudan jiray loo dayaafadiye
Nimanyahow af laba daan leh baan muranka deyneyne
Ma duqaynay Reer Bari wuxuu doonayuu helaye?

Waa qadiyaddii. Waa qabiilkii. Waa meeshii!

Waa halaaggii ku dhacay gaala-raacyadii waagaas, 1921 iyo 1992. Taariikhdu ma duugowdo haddaan la dayicin.

4 thoughts on “Qeybta 19aad

  1. Sadex nin ayaa muslimka aafeeyey, dumiyey shareecada. Waa ninka islamka aan ku dhaqmin (cilmaani) ama si khalad ah ugu dhaqma (dariiqo) iyo Caalimka ku hoos nool gaalada ama mid gaalku xukumo. saddexdaa waxaa lagu yaqaan gaalka ayaa u adeegsada inay Jihaadka la dagaalamaan iyo Mujaahidiinta.
    Mujaahidiintu waa inay seddexdaas nin gacan bir ah oo aan arxan lahayn ku qabtaan. waa in sedexdaas nin aduunka lagu cadaabaa si ay gaalada u nacaan. waana in jiilka danbe looga digaa. cilmaani, Dariiqo iyo Caalim gaal wato ama mid gaal wato ku hoos nool.

  2. Nimanyahow af laba daan leh, baan hadalka dayneyne,
    Ma duqayney reer Bari, wuxuu doonay uu helaye?!

  3. Warku Abuu Ibraahiim texee tabin abwaan keenu
    Waa taariikh dhabuu soo mariyo tuu u goob joogay
    Tuutaha ragii lagu tabacay tuumi salab kiiye
    Talis kii kulay tahay dhakhsay wada talaabeene
    Shahaada in tii tiig satiyo tiro yar mooyaane
    Tareesada ragii shidi ogaaway tahriibeene
    Niman baa jihad kii ka tagay tiiha awgiise
    Tabco iyo khiyaanay wadeen tuugti waynayde
    Niman baase taag naa waqood oo an tiih galine
    Wax dhan bay ku taameen dagaal taabo galin tiise
    Cayrow tusaaluu ahaa guluf tayeyn tiise
    Tolkiisaa shirqooliyo malaha suufi taladiise
    Tubtuu jeexay wiilal baa hayoo taagan waligoode
    Ictisaam tareen kuu kadhacay tafe shabaab kiiye
    Kuwa taliski amisom iftada kula hareer taagan
    Axmed baw tarbush dheer ragii shalay tilmaanaaye
    Tareesadu markii ay gubtee taraha dhiigaayey
    Niman kii tawaawilahayee jiifka tagay maalmo
    Ku tilmaan khawaariij intuu tuuray qorigiiye
    Tiimbaraha kufrigu haysto noqoy tii rabina seegyey
    Taxanaha walaal kaa qorana taabay meel halisa
    Oo tabi xogaan abid tirmayn waa tusmiyo baaqe

  4. asc ikhwani runti wa qiso dhacdey walalkena alah qer siyo anagana alah naga yelo kuwa diinka alah difaaca oo ushahaada qaata gaalo iyo daba dhilifkoda waa in aan dhagta dhiiga udarnaa abaal kale malahan cadowga ilaahey waa cadowgeena ee yaan loo kala harin gaalada calad eebe haku dhacdee

aragtidaada nala wadaag...