Qeybta 28aad

Walaalayaal waxaan joognaa dhul aad u qurux badan dadka dagana ay yihiin Soomaali boqolkiiba-100. Waxaan la dagaallamaynaana waa gaalo aad u yar xagga tirada, tayana aan lahayn oo waa fulayaal. Markasta oo dagaal dhaco waa la cayrsadaa. Allaa ku mahadsan.

Gaaladaas magaceeda waxaa la yiraahdaa Tigree. Waa dad gaagaaban oo midabkoodu maariin yahay. Waxay ku hadlaan af ayaga u gaar ah, Amxaarigana way fahmaan. Waxay kaloo ku hadlaan afka Carabiga. Waa dad dhaqan ahaan u badnaa reer baadiye. Waxay dagaalka ku billaabeen jabhadayn ay kula jireen ninkii la dhihi jiray Mingistu, illaa ay markii dambe ka tuureen xukunkii.

Ayagoo aan hubkii dhigin oo aan nasan ayaa lagu yiri Soomaaliya waa burburtay ee qabsada dhulkeeda. Dhulkaas dadka dagana waad wada dhalateen oo waxaa la yiraahdaa qaarkood Daarood Ismaaciil, adinkuna waxaad tihiin Tigree Ismaaciil.

Soomaalidiina waxaa lagu yiri nimankaanu waa walaalihiin oo waxay idiinku yimaadeen in ay idin badbaadiyaan, waddankoodii waxay kasoo xorreeyeen ninkii hororka ahaa ee la dhihi jiray Mingistu. Adinkana waxay idiinku yimaadeen in ay waddankiina idiin ilaaliyaan khayraadka ku jira oo batrool leh, gaas leh, macdan leh. Waxay kaloo idinka ilaalinayaan Soomaalidaan waddankeedii soo gubtay oo rabta in ay boobaan dhaqaalaha waddankiina iyo khayraadka dhulkiinna dhex jiifa. Waxay kaloo idinka ilaalinayaan wadaaddada diinta ku gabbanaya ee Al-Itixaad oo raba in ay waddankiina u gacan galiyaan shisheeye.

Siyaasaddaas fooshaxun oo beenta ah Tigree waxay ku heshay gaashaandhig iyo cudud milatari. Wadaaddadii jihaadka wadayna waxay ku noqotay caqabad iyo imtixaan aan la gudbi karin.

Tigree dagaalka kaligood ayaa ku jira oo ma aaminaan cid kale oo furinta la gasha ayaguna ma badna oo waa dad laga tiro badan yahay. Amxaaro waa iska ilaaliyaan, Oromo waa iska ilaaliyaan, qowmiyad Itoobiya dagta oo ay aaminsan yihiin ma jirto. Waxay rumaysan yihiin dagaalka ay ku jiraan in uu jihaad yahay oo ay Alle ugu dhawaanayaan oo mabda’ ayey nagula dagaallamayaan.

Waxaad qiyaastaan ikhwaanii ninka aan aqoon u lahayn dhulka uu ka dagaallamayo cimilladiisa sida meelaha biyaha leh ama dagaalka ku wanaagsan, dadkii deegaanka dagganaana uu yahay kuwa dagaalka kula jira, ma haystaan meel gurmad u soo maro, ma haystaan meel ay dhaawaca gaystaan, ma haystaan cid waddooyinka tusta.

Ikhwanii xasuusta Tigree haddaysan dad Soomaali ah ku gabbanayn oo aysan ayaga iskasoo hor marinayn maalmo naguma qaadateen in aan dhulka Soomaaliya ka saarno. Rumayso ama diid. Dadka gaaladu iska soka mariso ama gaashaanka ka dhigato waa dadka bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda ka muuqda sida aqoonyahanka, odayaasha iyo culumada. Waxay kaloo ku shaqaysataa ganacsatada dhaqaalahoodu uu dibadda ku xiran yahay.

Walaalayaal dagaalkaan gaalada kula jirnay waxaa nooga darnaa midkaan kula jirnay Soomaalida bahalowday oo ku gadanaysa adoo taagan. Soomaalidu ma sinnayn oo waxaa ka buuxay dad khayr badan oo markay na arkaan nasoo dhawayn jiray xoolana noo qali jiray oo si fiican noo marti qaadi jiray sharkoodana aan ka nabad gali jirnay. Jazaahumu-llaahu khayran.

Dadka Soomaaliyeed waa dad wanaagsan oo u baahan hoggaan ay ku daydaan. Markay waayeen wax khayrka u hoggaamiya ayaa gaalo ka faa’iidaysatay. Yaan la dayicin fursadda maantay la haysto oo dadku waa dad Muslimiin ah ee hoggaan fiican haloo sameeyo oo ay ku daydaan gaaladana haloo sharraxo in ay tahay cadow soo jireen ah illaa iyo Nebi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam) inta qiyaamuhu ka dhacayana aan dagaalku dhammaanayn.

Walaalayaal waxaan meesha isku barannay rag fara badan oo aan diinta ku walaalownay.

Raggaas qaarna waa shahiideen qaarna waa nool yihiin ogaantay. Waxaan aad u xusuustaa ninkii aan waddada dheer ee u dhaxaysa Hargaysa iyo Gunnagado soo wada marnay annagoo lug dheer wada galnay oo gaajo iyo cabsi muddo ku wada jirnay, waxaa la dhihi jiray Shiikh Siciid.

Walaalku wuxuu ka mid ahaa raggii waxtarka u ahaa howlaha jihaadka. Wuxuu ahaa nin oday ah oo anaga iyo dadka noo dhexeeyay. Wuxuu ahaa nin aad ugu jajaban khidmada mujaahidiinta. Waxaan leennahay taqabbalahu-llaahu.

Waxaanan hilmaami doonin Shiikh Cabdullaahi Basaas. Wuxuu ka mid ahaa raggii ansaarta ahaa ee noogu yimid Laascaanood kadibna Laasqoray dowladda Islaamka ah ka taagay. Markii dowladdii Laasqoray la kala dirayna wuxuu soo aaday asagoo la socda saaxiibbadiisii ansaarta ahaa meeshuu shahaadada ku qaatay oo ah Soomaali Galbeed. Taqabbalahu-llaahu.

Ragga aan nolosha ku ogaa oo aan waagaas dalxiiska ku wada jirnay waxaa kamid ahaa: Amiirkayagii caamka ahaa Shiikh Cabdisalaam, horaan uga soo hadlay wanaaggiisa. Shiikh Xaadhuun baa kamid ahaa. Xaadhuun wuxuu ahaa nin wadaad ah oo luuqadda Carabiga iyo tafsiirka intaba dadka bari jiray.

Waxaa kamid ahaa Xasan Barkhadle oo taarwalahayaga ahaa, wuxuu kaloo ahaa nin dhisan xagga aqoonta. Waxaa ka mid ahaa Xasan Wali oo markii dambe saaxada qaa’id ka noqday, waxaa kamid ahaa Axmed Nuur oo reer Jigjiga ahaa. Warqad kuma qori karo asmaada aan aqaannay. Intaasu nagu filan.

Ikhwaanii muddo markaan joogay saaxadii ayaan fasax qaatay. Waxaan aaday Nayroobi. Waxaan diyaarad ka raacay Berbera. Diyaraaddu Xamar ayey taraansit ku tahay. Dhinacayga waxaa fadhiyay laba nin oo Soomaali ah. Waan is waraysannay. Midkii isoo xigay ayaan waydiiyey magaciisa waxaana uu ii sheegay in magaciisa la yiraahdo Shiikh Maxamed Cabdi Umal, walaalka kalena waxa uu magaciisa iigu sheegay in la yiraahdo Saylici oo asna reer Nayroobi ahaa.

Saylici wuxuu kamid ahaa ragga mujaahidiinta maalkooda  ama khasnaddooda hayay.

Labada wadaad waxay ka yimaadeen meeshaan ka imid laakiin aniga iyo ayagu saaxada iskuma aannaan arag ee diyaaradda ayaan mar soo wada raacnay. Shiikh Umal waagaas ayaan diyaaradda isku dhex barannay intii ka dambaysayna saaxiib baanu ahayn.

Shiikhu wuxuu kamid ahaa ragga aan looga maarmin saaxada jihaadka oo mar walba ka warqabay xaaladdu meeshay marayso, hadduu Nayroobi joogana intaas waxaa kusoo dhici jiray akhbaarta mujaahidiinta haddii laga maarmi waayana wuxuu aadi jiray goobta jihaadka lafteeda.

Shiikhu markaas wuxuu iimaam ka ahaa masjidka Abuu Bakar ee Sigiska. Masjidku wuxuu ahaa ciriiri. Salaadaha jumcada waxaa lagu tukan jiray bannaankiisa. Shiikha reer baa wuxuu u dagganaa guryaha ciriiriga ah ee Islii dhexdeeda ku yaalla oo kirada laga bixiyo.

Masjidku inta aan loo dhiibin Shiikh Maxamed Cabdi Umal wuxuu soo maray marxalado kala duwan.  Waxaa kamid ahaa xaaladihii uu soo maray: Masaajidku wuxuu xirnaa asbuuc dhan, dhexdiisaa la isku dagaalay. Waxaa la ii sheegay salaad maqrib in wax tujiya la waayay oo ninkii is dhaha horay istaag oo dadka tuji in feer lagu booboo bannaanka lagu tuuro. Waxaa ka dhacday car tuko.

Arrintaasi markay dhacday ayaa la xiray masjidkii si dadka loo kala badbaadiyo. Waxaa la saaray guddi maslaxa raadis ah iyo sidii masjidka looga faa’iidaysan lahaa. Magaalada waxaa joogay callaamatu Sheekh Al-Mujaahid Al-Muxaddith Az-Zaahid Shariif Cabdinuur (xafidahu-llaahu). Waxaa kaloo joogay callaamatu shiikh Mufassir Muxamed Haadi (raximahu-llaahu).

Guddigii waxay go’aan ku gaareen in masaajidka loo dhiibo Shiikh Mujaahid luuqawi Muxamed Cabdi Umal. Waxaa la ii sheegay in uu taskiyeeyay oo talada loogu dhiibay masaajidka Umal uu lahaa Shiikh Shariif Cabdinuur. Waxaa masaajidka laga qaaday oo iimaam ka ahaa nin lagu magacaabo Axmed Nuur oo ganacsade ahaa. Waxay isku qabiil ahaayeen  Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Waxa is dilayay oo qabiil qabiilka u kala baxay oo car tuko ay ka gaartay, mashaakilkiina markii dambe gaaray in masaajidkii la xiro waxay ahaayeen culumadii iyo ardaydii Al-Itixaad. Akhristow xasuuso Al-Itixaad waxay soo burburiyeen oo qabiil qabiil u kala direen waxaa kamid ahaa dowladdii Laasqoray, waxay soo xireen mucaskaraad fara badan oo hubkoodii ay dheheen dhulka ku duugta.

Isu hadal ekaa ayaga iyo Tigreegii dadkii Soomaali Galbeed ku yiri hubkiinna dhulka ku duugta, waxaad lasoo baxdaan markaad is dilaysaan, rasaastu hadday idinka dhammaatana  noo kaalaya annagaa idin siinaynee!

Waxaa kamid ahaa mucaskaraadka hubkoodii lagu yiri dhulka ku duugta mucaskarkii Dhoobley. Kuwii Bari waa annagii soo marnay ayagoo qabiilooyinkoodii la dhex galay qaarna suuqa gashay. Masaajidka Sigiska waxaa ka dhex istaagay Shiikh Mujaahid saabir Xasan Turki. Wuxuu sii daayay sir fara badan, wuxuu caayay oo ceebeeyay madaxdii Al-Itixaad u talinaysay waagaas.

Wuxuu dhalinyaradii u sheegay in ay khaa’imiin yihiin odayaasha Itixaad, wuxuu noo sheegay waxay sir qarsan jireen oo dhan illayn wuxuu kamid ahaa odayaashii ama shuyuukhdii Al-Itixaad. Waxaan u malaynay in odaygu waashay oo wax lasoo cabsiiyay maxaa yeelay wuxuu ceebeeyay oo xumaan ku tilmaamay culumadii Rabbaaniyiinta ahayd, xalaalmiiradka ahayd, mujaahidiinta ahayd ee Al-Itixaad, say nala ahayd markaas.

Shiikh Xasan Turki (xafidahu-llaahu) ma waalnayn ee annagaa waalnayn, wax lama cabsiin annagaa wax nala cabsiiyay, wax ma aannaan ogayne asagaa wax ogaa. Ilaahay baa wax og, asagaana cid walba ka abaalmarinaya waxay galeen.

Shiikh Xasan Turki maalinkaasaa Al-Itixaad waxay ka rifeen baalaha, waxay ku xukumeen nin waalan, waxay noo sheegeen in laga fogaado oo aan waxba laga dhagaysan. Waxay nagu dheheen waa oday qabiiliiste ah ee ha u juuqina. Waxaa la yiri qumanyo intaadan qumanyo ku dhihin ayay qumanyo ku tiraahdaa!

Aan u soo noqonno masaajidkii iyo wadaadkii. Masaajidkii wuxuu noqday madarasada ay Al-Itixaad kasoo takharujaan ama laga diyaariyo jiil wanaagsan oo mujaahidiin ah, mufassiriin ah, muxaddithiin ah oo la dagaallama wax alla wixii ka horyimaada manhajkaan toosan oo loogu khidmaynayo dacwada Salafu Saalix.

Masaajidkii wuxuu noqday xarunta looga taliyo jihaadkii ka socday Geeska Afrika. Waxyaabaha aan lagu illaawi karin Shiikha iyo masaajidka waxaa ka mid ah qamcintii ama baabbi’intii Salafiya Jadiidiyah. Waxaad xasuusataan dooddii dhex martay Shiikh Umal iyo Shiikh Cukaasha iyo wixii ka raacay Cukaasha.

Shiikh Maxamed Cabdi Umal safarkii koowaad ee uu carro gaalo ku aaday wuxuu ahaa billowgii 1996 qiyaastii. Waxaan filayaa in uu tagay Maraykanka, Ruushkana taraansit ku ahaa. Markuu soo laabtay wuxuu noo qabtay muxaadaro degdeg ah. Cinwaanka muxaadaradu wuxuu ahaa: Ninkii halaagsamayaa ha halaagsamo asagoo ay u caddahay halaaggu, ninkii noolaanayaana ha noolaado asagoo ay u caddahay noloshu.

Wuxuu ka hadlay wuxuu soo arkay oo xumaan iyo gaalnimo ah, wuxuu boholo dhaadheer ku riday ragga waddammada gaalada u dhoofaya ama iska dhiibaya. Wuxuu akhriyay nusuustii Qur’aaniga ahayd iyo kuwii axaadiithta ahaa. Wuxuu dhalinyaradii dhoofraadiska ahayd ku riday rajo-beel.

Wuxuu meel dhaw ka tusay cadaabkii. Wuxuu ka hadlay dhal-dhalaalka adduun. Wuxuu dhalinyarada ku sabriyay in aysan waayeyn wax ay cunaan ee ay ku sabraan diintooda iyo akhlaaqdooda. Wuxuu kusoo gabagabeeyay, “Dhalinyarooy yaan shaydaan idiin qurxin wax foolxun, Rasuulkuna wuxuu yiri (sallallaahu calayhi wasallam), ‘Idinka iyo gaalo yaan dabkiinnu isu muuqan.’ War jooga!”

Akhristayaal Masaajidkii Sigiska oo ahaa halka qol wuxuu gaaray in uu qabsado laba xaafadood dhexdood, wuxuu yeeshay dhaqaale sare, wuxuu yeeshay kastamar fara badan, wuxuu ku xirmay caalamka, mid Muslim ah iyo mid gaalo intaba. Wuxuu dhalay masaajido fara badan, wuxuu baddalay qaab dacwadeedkiisii. Wuxuu noqday dhexdhexaad!

Shiikh Maxamed Cabdi Umal wuxuu noqday siyaasi, taajir siyaaxi ah. Waxaa looga yeeray oo lagala tashadaa arrimaha Baarlamaanka Keenya, wuxuu u baxay wadti asagoo matalaya dowladda Keenya, wuxuu xubin sare ka yahay dowladda Keenya.

Waxaa la tashaday oo fatwooyinka waydiista bangiyada adduunka, waxaa wakiil looga dhigay ama taskiyee la yiri shirkado waawayn oo ganacsato ah oo ay leeyihiin dad ay isku dhowyihiin dhalasho ahaan. Waxaa la dajiyay guri wayn oo waardiye hortaagan yahay kirana aan laga rabin ama waxaa lagu yiri adaa leh guriga. Qorraxdu kama dhacdo oo diyaarad buu intaas saaran yahay, mar Ameerika oo maalin ah, mar Yurub oo habeen ah, mar Afrika oo subax ah.

Hadda wuxuu joogaa Koonfur Afrika oo Ogaadeenkii Tigreegu waddankoodii kala wareegtay oo halkaas u cararay ayuu uga dabatagay oo wuxuu ka dhaadhicinayaa in ay xaaladdii is baddashay, Tigreena ay xorriyad buuxa siinayso diintooda iyo adduunyadooda oo ay wax walba u oggol yihiin. Wuxuu leeyahay iska illaawa wixii jihaad lagu sheegi jiray oo la idinku luggooyay dib u dhacana idinku riday dowladdana idinku diray. Waa Tigree dawladduu sheegayaa!

Talow ma wadaadkaa is baddalay oo tanaasulay mise Tigree baa is baddashay oo tanaasul la timid? Arrintaan xaqiiqadeeda waxaan ka rabnaa falanqaynta dadwaynaha ayagaan u daynaynaa in ay xog naga siiyaan. Baaraka-llaahu fiikum.

Shiikh Maxamed Cabdi Umal wuxuu billaabay in uu weeraro mujaahidiinta ay isugu darmatay cadowga  iyo gaajadu, wuxuu billaabay in uu u fatwoodo in gaalo la isu dhiibi karo, wuxuu illaaway shalay fatwadiisii, wuxuu caayay oo yasay ama quursaday mujaahidiintii godkuu kasoo baxay wali ku jira oo gaaladuu shalay la dagaallamayay wali dagaalka kula jira.

Shiikha waxaan leennahay waxaa jihaadka ku jira macallimiintaadii aad Sucuudiga wax kasoo baratay. Adiguna waxaad jihaadkaas ku sheegtay ragga wada in ay yihiin juhalo aan wax aqoon, takfiir aan axkaamta garanayn, ma-fakarayaal aan mustaqbalka wax ka ogayn oo aan kala aqoon mafsadada iyo masaalixda! Subxaanallaahi!

Adigu xaggee ka keentay aqoonta uusan lahayn macallinkaagu!? Haddaad tiraahdo aqoontu macallinka uma xirna oo qofku waa ka aqoon badan karaa macallinkiisa, kuuma roona oo waxaa ku hortaal maxaad ardaydaadii ku haysataa hadday sii wadaan jihaadkii aad ka cuslaatay. Haddaad tiraahdo macallinka waa in laga dambeeyaa kuuma roona oo waxaan ku leennayahy soo raac macallinkaaga oo imow saaxada jihaadka. Midba mid ka kharaar.

Ictisaam madaxtooyadoodu waa Masjidka Sigiska ku yaal ee Nayroobi. Wuxuu leeyahay masjidku laamo fara badan oo adduunwaynaha ku kala yaalla oo asaga ka farcamay sida Ameerika, Yurub iyo meelo kale oo fara badan. Laba waddan aan tusaale u soo qaadanno, waa Maraykanka iyo Ingiriiska.

Maraykanka waxaa ku yaalla qalcado fara badan oo Ictisaam sameeyay. Tuseele ahaan gobolka la yiraahdo Minasoota waxaa laga dhisay qalcad loogu magacdaray masjid, lacago badanna waa lagu aruursaday dhismaheedii. Qalcaddaas waxaa lagula shiray mujrimka adduunka ugu wayn ee fadhigiisu yahay Keenya, waa Maykal ninka lagu magacaabo ee Maraykanka u qaabilsan dabargoynta Islaamka.

Waddanka Ingiriiska waxaa laga furay qalcado waawayn oo ay ku baxday malaayiin gini ama doolar oo laga aruursaday dadkii masaakiinta ahaa ee Soomaaliyeed oo meesha qoxootinimada ku joogay.

Waxaa lagu dagay laba arrimood: dadkoo khayr jecel iyo ayadoo loogu warramay meeshu waa masaajid ee Ilaahay jannada guri ha idiinka dhisee dhisa masaajidka kadibna aan loo kala harin. Looguma khidmeeyo Soomaali maraakiztaas ee waxay qabtaan dano gaar ah. Rumayso ama diid.

Waxaa qalcadahaas lagu magacaabay maraakizta dhismahooda loosoo wakiishay Shiikh Maxamed Idiris. Maraakiztaas ama qalcadahaas waxaa loogu tala galay laba arrimood:

  1. In gaalada lagu raalligaliyo oo la tusiyo in ay adduunwaynaha la noolaan karaan, in  la isu soo dhaweeyo caalamka shakigu kala galay, in wax la wada qabsado, in cunfiga iyo waxa lagu magacaabay jihaad oo dhan ay ka fogyihiin.
  2. In jihaadka gaalada lagula jiro ay tashwiish ku furaan, in dhaqaalihii jihaadka lagu bixin lahaa halkaan loosoo duwo, in fatwooyin jihaadka iyo ehelkiisa lagu caayayo lagasoo jeediyo, in laga jaasuuso muslimiinta laga dareemo nuxur jihaadi ah qalbigooda, in shaqsiyaad gaar ahi ku raaxaystaan xoolaha bulshada ka dhexeeya iyo wixi la mida.

Waxay dhahaan culimadaani, “Soomaaliyeey iska jira xoolihiinna Naar haku gadanina. Ku bixiya ama ku sadaqaysta masaajidda iyo maraakizta khayriga ah xoolihiinna.” Waxay ku guulaysteen in ay dad badan shaki ka galiyeen jihaadkii. Laakiin jihaadkii wuu socdaa waana socon doonaa inta qiyaame ka dhacayo.

Shiikh Maxamed Idiris wuxuu ahaa nin mujaahid ah. Hadda kahor waa taan soo marnay asagoo dhufayska nagula jira. Wuxuu kaloo ahaa nin u taagan oo dhaqaale u raadiya har iyo habeenba agoomadii aabbayaashood jihaadka ku shahiideen inshaa Allaahu.

Boorsadii yarayd ee agoomaha ay dadka muxsiniinta ahi wax ugusoo ridi jireen intuu tuuray ayuu barnaamijkii oo dhan wuxuu ka dhigay qori iyo qiiqiiisa waa la isla tuuraa. Illayn hadduu mujaahidiintii kasoo horjeestay oo jihaadkii ka dhigay wax fitno ah, agoon xaggee joogtaa? Shiikhu wuxuu u eg yahay xaaladda uu hadda ku sugan yahay tii Qur’aanku ku sifeeyay ninkii la dhihi jiray Dul Qarnayn oo meel walba waa taagan yahay. Wuxuu qaatay boorso tii hore ka wayn.

Wuxuu qaatay laabtob kii hore ka xawaare dheereeya. Diyaaradi ma kacdo waa la socdaa, magaalo ma jirto waa joogaa. Waxaas oo dhaqaale ah yaa bixiya? Maxayse gaaladu uga shakin la’dahay ninkaan wadaadka ah ee aan istaagayn oo sanadka oo dhan diyaaraddu u buukingaraysan tahay? Dadka Muslimiinta ahaa waxay ku jiraan xaalad ay dhoofi waayaan oo kii jirranaa xataa loo diido in uu isbitaal aado, kii ganacsan lahaa loo diido ganacsigii, kii fasax u aadi lahaa meelaha kulul loo diido in uu aado, dhalinyaro iyo odayaalba albaabbadaa loo taagan yahay oo la leeyahay, “Xaggee u socotaa? Xagee ka timid?” Marka dambana waaba la xirxiraa.

Waxaan hubaa wafdiga Maraykanka ah ee uu hoggaaminayay Maykal oo sida qarsoodida ah shirarka ugu qabanaya qalcadda Minasoota ku taal in uusan moogayn ama ka maqnayn madaxtooyada Ictisaamka ee waliba dariska la ah Maykal. Waxaan uga jeedaa Sigiska.

Waxay Ictisaam ku dhex jiraan ayaan dadka tusiyay. Haddaan runta ka hadlo yaan la idhihin waad waalan tahay sidii Shiikh Xasan Turki aad ku tiraahdeen kal hore. Shiikh Xasan run buu sheegay anna run baan sheegayaa.

Dadka ku indhala’ ama u qaba in aysan gafiba karin culumada Ictisaam waxaan leeyahay waan soo marnay waxa idin haysta. Culumaduna waa bashar oo waa gafi karaan qofkii khaladkooda arkaana waa sixi karaa. Haddaad rumaysantihiin culumada Ictisaam khaladkooda waxaa sixi kara caalim mujtahid ah oo aad u da’ wayn muddana dacwada kusoo dhex jiray, daliil baa la idinka rabaa. Haddaad rumaysantihiin in qofkii Muslim ah oo khalad arkaa in uu sixi karo waxaan tilmaannay intaas oo khalad iyo kuwa kale oo aanan ka hadlin markii loo baahdase aan ka hadli doono inshaa Allaahu.

Walaalayaal raalli iga ahaada waxaa ila dheeraaday ama batay warka aan ka ogahay jihaadka Soomaaliya ka socda iyo marxaladduu soo maray iyo meesha lala damacsan yahay in lagu gowraco ayadoon bisinka loo qaban. Midna ogaada, dadkaa is baddalaya ee diintu isma baddalayso. Muslimiinta ayaa tanaasulay ee gaaladu ma tanaasulin!

Ikhwaanii waxaan ku noqon doonaa ishaa Allaahu tacaalaa Soomaaliya.

Ictisaam gar baa taal
Loo wada gudboon yahay
Soo fariista gogoshaan
Ka gar baxa walaalaha.

In shabaab la gooyoo
Gaalada la raacoo
Wala gaara siisaan
Ma gar baad u haysaan?

Gaf hadduu ka dhacay beri
Golihii saree jiray
Maa gadaal u noqotaan
Gaartaan maslaxa sare.

Maa gashaan dhufaysyada
Gaalada la dirirtaan
Gobannimo u dhimataan
Goobtaan Jannada sare.

Culumada gabowdoo
Garanaysa waaqaca
Godad bay ku dhuuntaan
Ma gudbaan xuduudaha.

Ma gam’aan habeenkii
Geesiyadu ma sexdaan
Xabash lama gucleeyaan
Gaalada ma raacaan.

Haddaad gaabiseenoo
Garabkooda diiddeen
Gujada maad ka daysaan
Gabalkiis nimuu dhacay
Gardarrada halkaan yimid
Maxaad ugu gargaarteen
Gaalada u raacdeen.

Meles lowyogaab iyo
Maykal ina masiixiya
Maxaad ula midowdeen
Midigta ugu dhiibteen?
Ma Shabaab nacayb baa
Idin geysay meeshaas?
Manhajkii Rasuulkiyo (sallallaahu calayhi wasallam)
Minhaajkii u tuurteen.

Milicsada wixii dhacay
Maalmihii horee tagay
Roga malafyadiinnii
Musiibooyinkii jiray.
Meeye mufakkiriintii
Maslaxada ka talin jiray
Waxkastoo musiiba ah
Maarayn u heli jiray?

aragtidaada nala wadaag...