Qeybta 32aad

Ikhwaanii waxaan kala tagnay iyadoo ciidankii qaar maqan yahay oo ay aadeen dhankaas iyo Luuq, qaarna ay heeggan ku jiraan oo ay sugayaan khabarka ka imaan doona ciidankaan baxay iyo waxay kala kulmaan Yuu.Es.Sii oo Luuq soo dhaaftay.

Waxaa soo dhacay taar. Waxaa nalagu amray in aan dhaqaaqno oo aadno dhankaas iyo Luuq oo dagaal ka socdo. Waxaa dhaqaaqay ciidan la diyaariyey muddana sugayay amarkaan hadda la faray. Waxay wataan hub aan badnayn casrina aan ahayn oo ah hubkii Soomaaliya ay dagaalka kula gashay Itoobiya 77kii. Waliba waa hub fudud ama qoryo yar yar, sida Biikaam (PKM) iyo Aake-47.

Waxay wataan gaadiid aan gaashaannayn oo ah gaariyaasha caadiga ah oo dadwaynuhu isticmaalo. Gawaarida qaarkeed ayaa qoryo la saaray oo korkoodaa laga dagaallamayaa, qofka dagaallamayaa wuxuu taagan yahay meel bannaan ah oo gaariga korkiisa ah oo si aad ah u dayacan ama si dhaqso qofka loo dili karo. Ma wataan madaafiic meel dheer wax ka disha, ma wataan diyaarado, ma wataan rasaas ku filan, ma haystaan gurmad ka dambeeya oo dad ah ama ciidan banii-Aadam ah oo usoo hiiliya.

Waxay wataan intaas oo dhan wax ka casrisan oo lagula dagaallamo cid kasta oo Ilaahay diintiisa kusoo xadgudubta. Waxay sugayaan gurmad ka waxtar badan kan banii-Aadamka. Waxay ku dagaallamayaan taqwada Allaah. Waxay isku hallaynayaan oo ay kalsooni ka haystaan cidda ay u gargaarayaan ama u nusraynayaan oo ah Allaah.

Dhaqaaqii Ciidankii Gurmadka Ahaa

Ciidankii wuu dhaqaaqay. Dhulku waa dhul aan waddooyinkiisu fiicnayn. Waa dhul lagu dagaallamay oo miinaa meel walba ku jirta oo waxaa laga baqayaa in haddaad waddada ka baydho miino kula kacdo. Isuma dhawa Luuq iyo Baladxaawo oo qiyaastii waxay isu jiraan wax ka badan 100 kiilomitir. Si kastaba ha ahaatee waxaa lagu qasban yahay in si dhaqso ah loo gaaro goobta dagaalku ka socdo walaalahana loo gargaaro.

Iskudhicii Labada Ciidan: Sariyyadii Shiikh Yuusuf iyo Yuu.Es.Sii

Inta aynaan goobta dagaalka gaarin aan hordhac u qaadanno waxa ay la kulmeen Sheekh Yuusuf iyo sariyyadiisii. Shiikha iyo ciidankii uu watay oo aan badnayn waxay foodda is dareen Yuu.Es.Sii oo Luuq cagta soo marisay ama soo qabsatay. Waxay wataan ciidan ay ugu talagaleen in uu soo baabbi’iyo nimankii dilay taliyahoodii Mistar Shabeel.

Waa taan soo sheegnay in ciidanka Yuu.Es.Sii ee soo duullaan tagay magaciisa loo bixiyey Aar Shabeel. Waa ciidan aan yarayn, waa hubaysan yihiin, waxay ku amranyihiin in ay Baladxaawo iyo inta ku hareeraysan oo tuulooyin ah cagta soo mariyaan, ama wadaaddo ha dagganaadeen ama Es.En.Ef ha dagganaatee.

Waxaa dhacay dagaal aad u kharaar oo aan waxba la iskula harin. Waxaa la maqlay hugunka aatilariga iyo rasaasta yar yar ee ku hoosjirta. Waxaa cirka isku shareeray sawaxanka rasaasta iyo dhiilada colaadeed. Ciidammadii Yuu.Es.Sii way mari waayeen ciidammadii Al-Itixaad ee yaraa. Waxaa la isku haystaa oo dagaalku ka socdaa waa meel lagu magacaabo Shaatilow. Shaatilow waxay u dhaxaysaa Luuq iyo Geedwayne.

Gurmadkii Baladxaawo oo Soo Gaaray Goobtii Dagaalka

Ayadoo dagaalkii socdo walina meeshii la isku haysto ayaa waxaa soo gaaray goobtii ciidammadii kasoo gurmaday Baladxaawo. Waxay dagaal kulul la galeen ciidammadii Yuu.Es.Sii oo aan ku talagalin in la hor istaago, oo waxay rabeen in ay caawaba ka casheeyaan Baladxaawo iyo Mandheera oo daris la ah.

Dardartii Cusbayd oo ay la Yimaadeen Gurmadkii Baladxaawo

Waxaa dardar cusub la yimid ciidammadii gurmadka ahaa ee Al-Itixaad. Waxaa markiiba lala kacay ciidankii Jeneraal Caydiid. Waxaa la isla galay Luuq gudaheeda. Lagama harin ee waa looga dabagalay, waxaa laga saaray magaaladii Luuq. Waxaa la gaarsiiyay meel lagu magacaabo Kureedka oo Luuq ka xigta dhanka koonfur bari ama dhanka Baydhabo.

Waqtigaas dagaalku qaboobayo waa casarkii ama salaadda Casar waqtigeedii. Markii cadowgii la fogeeyay oo la hordhigay ciidan difaac ah oo ilaaliya hadday soo laabtaan ayaa waxaa la galay in la tirakoobo khasaaraha dhacay iyo shuhadadu intay gaarayso. Waxaa kaloo la gudagalay in la qabto shir degdeg ah oo ay go’aamo kasoo bixi doonaan.

Shuhadadii Dagaalka ku Shahiiday Inshaa Allaah

Shuhadada waxaa kamid ahaa Sheekh Yuusuf Shiikh Maxamuud. Waa halyeygiii aan horay taariikhdiisa uga soo hadalnay. Waa ninkii qayla kasta oo yeerta dhihi jiray anaa kasoo warramaya ee adinku iska nasta. Waa Wasiirkii Gaashaandhigga ee Al-Itixaad. Waxaa loo yimid asagoo sujuudsan oo naftii ka baxday. Raggii arkayay markii xabbaddu ku dhacday waxay dheheen, “Markii xabbaddu ku dhacday ayuu salaad xirtay, markuu sujuuddii gaarayna waa naf baxay.” Ilaahay waxaan uga baryaynaa inuu shahaado ku irsaaqo, aamiin aamiin.

Waxaa kaloo shahiiday halyey Cabdi Buraale Wayax. Buraale wuxuu ahaa ninkii koowaad oo keenay naftiisa iyo maalkiisa maalinkii la aasaasayay ciidanka Al-Itixaad. Waa ninkii keenay gaarigii Toyootada ahaa oo qoriga Bii-10 la saari jiray. Ilaahay waxaan uga baryaynaa inuu shahaado ku irsaaqo, aamiin, aamiin.

Waxaa kamid ahaa ragga shahiiday oo maalinkaas dagaallamay dagaal gobeed Sheekh Cabdirasaaq Cabdisalaam oo ku shahiiday buundada afkeeda. Buundadu waxay ku taallaa meel bannaan ah oo wixii soo ag mara bidhaan arag lagu toogan karo. Waxaan filayaa in meeshaas wacdaro ka dheceen laakiin ma aanaan helin cid noo sifaysa sida ay wax u dheceen Ilaahay ayeyse agtiisa taallaa oo markhaati ka ahaa wixii dhacay.

Ikhwaanii haddaan damacno inaan ka sheekayno ama qorno magacyadooda raggii maalinkaas shahiiday ama dhaawacmay warqadaha ayaa naga buuxsamaya. Waxay ku qoran yihiin suxuufta Alle oo aan buuxsamayn, asagaana abaalmarin doona waxaana u rajaynaynaa in Ilaahay ku irsaaqo shahaado ay ku illaawaan dhibkay adduunyada la kulmeen iyo dhaawicii gaaray intaba.

Aruurintii Qaniimada iyo Tirakoobkii

Waxaa la gudagalay in la aruuriyo oo la tirakoobo qaniimadii laga helay Luuq. Qaniimadu waxay u qaybsanayd laba nooc, mid waxay ahayd hubkii iyo maalkii lagala wareegay Yuu.Es.Sii. Midna wuxuu ahaa hubkii iyo hantidii Luuq dhexdeeda ama hereeraheeda taallay oo mooryaantii Maxamed Siyaad Barre gacanta ugu jirtay, illayn meesha waxaa haystay mooryaan qabiil ku dagaallamaysay hubkii oo dhanna ayagaa haystay oo Yuu.Es.Sii ka qabsatay.

Luuq waxaa ku yaallay xarun wayn oo ay leeyihiin ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliya. Magaceeda waxaa la dhihi jiray Hillaac. Xaruntaas hubkii yaallay iyo kii laga qabsay Yuu.Es.Sii marka la isku daray waxay noqdeen 185 madfac oo isugu jiray madaafiicda goobta iyo kuwa lidka diyaaradaha. Waxaa laga helay meeshaas 7 taangi. Waxaa laga helay hub iyo saanad aan la tirakoobi karin.

Go’aankii Kasoo Baxay Golaha Sare ee Al-Itixaad ee Gedo

Waxaa go’aan lagu gaaray in magaalada Luuq galabta laga billaabo lagu xukumi doono shareecada Islaamka oo aan qofna lagu dulmin karin xumaanna lagu samayn karin. Nin cod dheer ayaa la yiri addin. Dadkii markay iskusoo bexeen ayaa la wacdiyay. Kalimaadkii markay dhammaadeen ayaa lagu dul akhriyay go’aankii ahaa in shareecada Islaamka lagu dhaqi doono magaalada, dadkuna ay usoo xukuntagi doonaan qaadiga magaalada loo samayn doono shareecadana lagu kala saari doono inshaa Allaahu tacaalaa.

Karaamooyinkii Laga Sheegay Dagaalkii Luuq ka Dhacay

Waxaa lagasoo wariyey mooryaantii u dagaallamaysay inuu kor noqdo Jeneraal Caydiid inay yiraahdeen, “Waxaa na laayay wax aynaan garanayn. Wixii nala diriray oo na laayay jin buu ahaa ee annaga insi nama layn.” Waxaa jirta sheeko been ah oo ay Mareexaanku dadka ku yiraahdaan oo ah waxaa nala shaqeeya jinni la yiraahdo Timacadde.

Hadday run tahay in jinni la shaqeeyo Mareexaan xaggee buu aaday jinkaasu maalinkii Maxamed Siyaad Barre iyo mooryaantiisii lagu shubay Keenya ayagoo cagacad oo lagala haray waxay soo bililiqaysteen oo dadwaynaha ka dhexeeyay, wixii yaraa oo ay horay usoo qaateenna addoontu kala hartay? Jinka maalinkaas u hiilin waayay ma caaqiba dambay ka sugayaan?

Maya, been buu u sheegay sidii kii beenaalaha ahaa ee maalinkii Badar Quraysh ku yiri gala dagaalka anaa idin kaalmaynayee, markuu malaa’igtii arkayna ku yiri waxaan arkaa wax aydnaan arkayn oo anigu Ilaahay ayaan ka baqayaa. Dabadeedna inta cararay badda isku shubay. Timacaddana adinkaan fahmine markuu dagaalkii idin galiyay ayuu cararay oo badda isku tuuray adinkuna meeshii baad ku go’deen. Maxaa been fashilantay!

Annagu waxaan rumaysannahay malaa’igtii u hiilisay Nebiga (sallallaahu calayhi wasallam) iyo saxaabada (Allaah haka raalli noqdee) inay wali baaqi yihiin oo qolo kasta oo Ilaahay kitaabkiisa koryeelaysa ay u hiilinayso. Wixii Yuu.Es.Sii laayeyna waxaan rumaysannahay inay ahayd malaa’ig Ilaahay ku xoojiyay mujaahidiintii daciifka ahayd. Cidda jabisayna uu ahaa Allaah oo kaliya.

Waxaad ogaataan haddii Muslimiinta dagaallamaysa laga helo labo sifo in Ilaahay u gargaarayo, malaa’igtuna dagaalka soo galayso bi’idnillaah. Waliba qofkii arrintaas ka shakisan Islaamnimadiisa dib ha ugu noqdo oo ha fiiriyo wuxuu ku sugan yahay:

  1. Waa Ikhlaas oo waa inaad Ilaahay camalka aad hayso u baraxtirtaa, kaligii siisaa.
  2. Waa mutaabaco oo waa inaad ku dayataa Rasuulkii Ilaahay (sallallaahu calayhi wasallam) oo camal kasta oo aad qabanayso aad u bandhigtaa, ma waafaqsan yahay kii Rasuulku qaban jiray?

Tanbiih

Haddii ay sax tahay camal kasta oo la qabanayo ama cibaado ha ahaado ama mucaamalaad ha ahaadee inuu saxiix yahay haddii laga helo laba shardi ee Ikhlaas iyo Mutaabaco, shardiga saddexaad xaggee ka keeneen Ictisaam? Waa shardiga oranaya lama jihaadi karo, dacwana lama wadi karo, dawladna lama dhisi karo ayadoon culumada Ictisaam raalli ka noqon, haddaan ayaga lagu dayan camalkaasu waa khidaajun, khidaajun, khidaajun!

Hala ii naseexeeyo haddaan khaldanahay oo aannan fahmin labada shardi oo laga rabo qofka Muslimka ah inuu la yimaado, haddii labadaas laga waayana uusan hagaagayn camalkiisii: waa Ikhlaas iyo Mutaabaco.

Haddaan saxanahayna haloo naseexeeyo walaalaha Ictisaam la baxay oo shardiga dheeraadka ah wata Ilaahayna ha uga tawbadkeenaan intay mujaahidiinta luggooyeen, xiqdiga ay hadda u hayaanna ha iska daayaan oo safka hasoo galaan kaalintoodii way bannaan tahaye (culumanimo).

Cibaado Ilaahay baa leh, weyneyn iyo koryeelid Ilaahay baa leh, Ikhlaasna isagaa leh, Mutaabacana Nebi Muxamed baa leh. Culumooy waxaad leedihiin ixtiraam iyo xushmad intaad toosan tihiin, cilmiga in la idinka qaato intaad ku dhaqmaysaan adinku. Cilmi ninkiisii tuuray ciidan ma anfaco.

أَتَأۡمُرُونَ ٱلنَّاسَ بِٱلۡبِرِّ وَتَنسَوۡنَ أَنفُسَكُمۡ وَأَنتُمۡ تَتۡلُونَ ٱلۡكِتَـٰبَ
‌ۚ أَفَلَا تَعۡقِلُون

“Ma dadkaad wanaagga faraysaan, naftiinnana waad hilmaansan tihiin? Waliba kitaabkii baad akhrinaysaan, miyaadnaan caqli lahayn?”

Aslix nafsaka udcu li qayrika. Naftaada hagaaji kadibna dadka kale ugu yeer khayrka. Waxaan ka hadlayaa waa axkaamta jihaadka.

Waxaa Ilaahay ceebeeyay qof aan wanaaggii raacayn oo raba inuu dadka kale ugu yeero. Waxaa dhaqanka Carbeed lagu ceebeeyay qof xumaan ku dhex jira oo dadka wanaag faraya. Waxaa Soomaalidu ku maahmaahdaa isma arke Islaam dhaan (xumee). Macnaheedu waa qof xumaan ku dhex jira oo Islaamkii foolxumaynaya haddana dadka wax fiican u sheegaya oo u qaba in asagu fiican yahay (xumaantiisiina aan arkayn).

Marxaladdii Cusbayd iyo Waxa loo Baahnaa

Ikhwaanii waxaa la galay marxalad cusub. Waxaa lagama maarmaan ah in la helo ciidan adag oo loollan la gala dadkaan waashay oo Ilaahay diintiisii kasii jeestay. Waxaa lagama maarmaan ah in la helo siyaasad qabow oo dadka kala dajisa. Waxaa lagama maarmaan ah in la helo dad aqoon u leh diintaan oo dadka kala xukmiya ama kala xukuma. Waxaa loo baahan yahay dhaqaale lagu kabo bulshadaan dagaalladu baabbi’iyeen.

Saan horayba usoo sheegnay waxaa madaxwayne loo doortay nin xakiim ah oo in badan wax soo maamulayay. Waa nin diintana garanaya maamulkana yaqaanna. Waa Sheekh Muxamed Xaaji Yuusuf. Waxaa la shaqaynayay oo labo wasiir u ahaa Shiikh Maxamuud Macalim Nuur iyo Shiikh Yuusuf Sheekh Maxamuud.

Waxaa Ilaahay oofsaday Shiikh Yuusuf oo aan la helayn cid booskiisii buuxisa, ragse waa dhooban yihiin khibrad ciidan leh. Waxaa wali baaqi ah ama nool Shiikh Maxamuud Macalin Nuur. Waxaan kasoo sheekaynay shiikha iyo dabci wanaaggiisa. Waa Wasiirkii Arrimaha Gudaha ama la dhaqanka bulshada.

Waxaa jooga rag fara badan oo soo maamuli jiray dawladdii dhacday. Waxaa buuxa rag jaamacado ugasoo baxay qaabkii nolol loo abuuri lahaa ama wax-soo-saar loo samayn lahaa. Waxaa la helay dhakhaatiir xirfad sare leh. Waxaa la helay macallimiin dadka wax barta, waxaa la helay dad hanti haysta oo ku maalgaliyay mashruucii ku-dhaqanka shareecada Islaamka. Waxaa la helay ciidan tababbaran oo waardiye ka haya Islaamka.

Waxaa yimid gurmad meel walba ka yimid oo ku hubaysan hubka noocyadiisa kala duwan. Raggaas gurmadka ku yimid waxay soo kordhiyeen maal, muruq, maskax iyo cudud milatari. Waxaa iskasoo dabadhacay gurmadyada ka imaanaya dibad iyo daakhilba. Waxaa markiiba la helay taageero dhan walba ah oo lagu soo dhawaynayo imaaradaan Islaamiga ah ee looga dhawaaqay gobolka Gedo.

Waxaa salka dhulka ku dhuftay oo aan qori dambe kusoo fiiqin wadaaddada xaggooda Yuu.Es.Sii iyo intii talo la wadaagtay. Waxaa aamin laga noqday sharkii koonfur lagasoo afuufayay iyo duullaamadii is dabajoogga ahaa ee dacwadu la saldhigan wayday. Waxaa la helay xasillooni iyo is dhexmar dadkii is dhexgalaan oo wax kala gataan.

Musiibo Dagaanka nala Wadaagtay ama nala Dagganayd

Ma dhammaan makrigii la doonayay in lagu dabarjaro iftiinka Islaamka. Waxaa wadaaddada la daris ah abeeso qaarka dambe naftu uga jirto oo madaxa dhaqdhaqaajinaysa, hadday miciyaha kula gaartana aan kaa fuqayn illaa ay ku disho. Waa ururkii Es.En.Ef la baxay.

Annaga iyo Es.En.Ef heshiis nama dhexyaal. Waxaan wada dagannahay gobolka. Annaguna kuma degdegi karno dagaalkooda oo waxaan diiddanayn in furin kale aan isku furno maadaama aan dagaal kale ku jirnay oo annaga iyo Yuu.Es.Sii dagaal naga dhexeeyay. Ayaguna awood ay nagu soo weeraraan malahan, waa Es.En.Ef.

Arrintaasi waxay nagu haysay culays wayn oo ah xagga nabadgalyada iyo xagga dhaqaalaha, maxaa yeelay mujrim kastaa wuxuu adeegsadaa dadka sufahada ah oo beenta loo sheego ama dhaqaale la siiyo. Dadkaas la khalday ayaan mar walba wixii lagu shubay oo been ah run ugu baddalnaa, wixii la siiyay oo dhaqaale ahna waxaan siinnaa dhaqaale ka badan kay siiyeen mujrimiintu.

Ikhwaanii waxaan ku jirnaa arrin marna farxad iyo waxaan nasoo marin ah, marna dhib fara badan ka ratibmayo. Xasuusta murtidii ahayd waxaan lagu dhibtoon dheeftooda lama cuno, iyo nin aan dhididini ma helo dheef. Waxaan aniguna ku darayaa: Kitaab aan loo dhiman laguma dhaqmo. Dadkii baa dhammaaday, dadkii baa barakacay, dadkii baa gaajoojaday!

Ninka cudurdaarka ka dhigaya dadkii baa dhammaaday ha akhriyo suuratu-Tawba. Ilaahay baa dadka ku amraya inay gaalada dhammeeyaan ayaguna dhammaadaan. Cudurdaarka kale ee ah dadkii baa barakacay waxaan leeyahay qofkaasi ha akhriyo siiradii Nebi Muxamed iyo saxaabadiisii meeshay u barakaceen iyo dhibkii qabsaday.

Wadaad Meel Raac laga Waayay oo is Caddeeyay

Shiikh Cabdiraxmaan Abyadow dib u muraajecee suuratul Fadiixa. Waxaad kaloo muraajacaysaa faa’iidada ka dhalata jihaadka iyo inuusan marnaba qofka jihaadka galaa ku khasaarayn. Waxaa muxaadaraadka wadaadka ka muuqanaysay quus uu ka muujijey jihaadka aan dawlad lagu dhalinayn dadkiina ku dhammaadeen. Ma dadkaad Ilaahigii abuurtay uga naxariis badan tahay? Ilaahay baa wuxuu leeyahay naftiinna iga iibsada. Sow dhinta ma aha?

Mise xikmad kalaad haysaa oo lagu jihaadi karo dadkuna aysan dhimanayn dhibna dareemayn oo si sahlan gaalo u jabayso? Ma adoo labaatan jir ah oo Cajami ah oo aan waligaa jihaad galin ayaa ka yaqaanna masiirka jihaadka culimo intaad jirtayba taagnayd saaxada jihaadka oo gaalo oo dhan dhinac iska marisay? Mise ruugcaddaaga aan waligii jihaadka ka bixin oo caalimka ah ee kaa da’ wayn haddana Qurayshiga ah ama nin Carbeed, ma kaasaad tuhmaysaa oo adaa is bariyeelaya? Bahuukaa wuxuu leeyahay lama dagaallami karo bisha Ramadaan. Wuxuu leeyahay fiqiga jihaadka Shabaabku ma fahmin. Wuxuu leeyahay waxaad waddaan jihaad ma aha ee waa fitno! Ma runtiisaa? Bal Abyadoow aan su’aal ku weydiiyee waligaa cagta ma dhigtay meel ay isku hayaan gaalo iyo Muslimiin? Tobanka wilaayo ee Islaamiga ah ee ku yaalla koonfurta Soomaaliya miyaan uga tanaasulnaa halka kiiloomitir ee ay gaaladu ku jirto? Kuuma muuqato miyaa ku-dhaqanka shareecada Islaamka ee ka socda koonfurta Soomaaliya waa adiga leh hala joojiyo jihaadkee? Naftaada dib u muraajacee oo kalimaadkii aad ku hadashay ka tawbadkeen inta ay goori goor tahay.

Yaan laguu qarin danta laga leeyahay dadkii baa barakacay. Waxay ka wadaan inaan dadku ayaga ka fogaan oo aadin meelaha ay joogaan Mujaahidiintu oo nabadgalyada leh sida: Ceelasha Biyaha, Gubadley, Dayniile, Ceel Cirfiid iyo wixi la mida. Dadku xayawaan ma ahan bal xayawaankii baa qaxay oo waxay raaceen dadkii qaxay oo waxay aadeen meel nabadgalyo leh oo naftoodu aamin ku tahay. Midda kale dadku waa hijroodeen, waxay ka hijroodeen dhibka gaaladu ku hayso iyo gaalaraacyadu ama murtaddiintu.

Ninka ku andacoonaya dadkii baa gaajooday waxaan leennahay ha akhriyo suuratu Aala Cimraan ama Baqara. Waxaad fahmaysaan in dadka Muslimiinta ah ama mu’miniinta lagu imtixaamayo colaad, dhimasho, gaajo iyo cabsi. Waxaa la ammaanay kuwa ku sabra intaas oo dhan.

Gaaladu way xanuunsanayaan sidaad u xanuunsanaysaan, dhaawac baa gaaray suu idiin gaaray adinkaba, waxaad dheer tihiin wanaagga Ilaahay aad ka rajaynaysaan oo ayagu aysan rajaynayn (Janno). War sabra oo iska dhiciya gaalada. Micnuhu waa saas.

Mise Ilaahay baad mala xun ka malaysateen oo waxaad is leedihiin arrinta Ilaahay sheegay ma dhici doonto. Subxaanallaahi cammaa yaquuluuna culuwwan kabiiraa!

Akhriya suuratul Axzaab malaha xun oo ay ka qabeen Ilaahay rag fara badan oo saxaabada ku dhexjiray oo munaafiqiin ahaa. Akhriya suuratu Nuur malaha xun oo ay u qabeen in Ilaahay ka eexanayo Muslimiinta. Waxaa fudud in Ictisaam dhahaan ma aadan fahmin Qur’aanka!

Waxaan ka hadlayaa waa fiqiga jihaadka iyo ragga diiddan oo ku meeraysanaya waxaan cudurdaar u noqonayn. Waxaan la hadlayaa ragga qaba in maslaxo loo gaaloobi karo haddii dad fara badan lagu badbaadinayo sida Soomaali Galbeed oo kale. Jihaadku waa meesha lagu kala haro Ilaahayna rag fara badan ku ceebeeyay. Akhri suuratu Tawba.

Waxa la isku haysto waxaa weeye axkaamta jihaadka. Waan jihaadaynaa oo Ilaahay baa nagu addoonsaday. Hadalkiinnu waa, “Gaaladaan aad u qabtaan cadowga saad mooddeen ma aha ee waxay u yimaadeen gargaar bani-Aadamnimo. Waxay u yimaadeen inay Irhaabka la dagaallamaan, waxay u yimaadeen inay ilaaliyaan xubnaha Al-Qaacida ka tirsan inaysan si sahlan Soomaaliya kusoo galin,” iyo wixi la mida.

La iskuma haysto axkaamta aadaabu zafaaf, aadaabu dacaam, axkaamul buyuuc, axkaamu dahaara iyo wixi la mida. Hala muraajeceeyo axkaamta jihaadka.

aragtidaada nala wadaag...