Qeybta 33aad

Bismillaahi wabacdu. Waa qormadeenii 33aad. Ikhwaanii waxaan kala tagnay ayadoo Luuq looga dhawaaqay imaarad Islaami ah oo ku dhaqmaysa shareecada Islaamka.

Billawgii ku-Dhaqanka Shareecada Islaamka iyo Miradhalkeedii

Waxaa la billaabay dhaqdhaqaaq xoog leh. Waxaa markiiba horumar laga gaaray waxyaabihii bulshada daruuriga u ahaa sida nabadgalyada, caafimaadka, waxbarashada. Waxaa kamid ahaa waxyaabaha lagu guulaystay in dadka loo garqaado oo la kala xukmiyo qof walbana la siiyo wuxuu xaq u yeesho (qaadiyaal ama maxkamado).

Waxaa la dhisay 6 masaajid, waxaa la dhisay laba isbitaal, waxaa la dhisay dugsiyo Qur’aan fara badan, waxaa la dhisay machad wayn oo loo bixiyay Icdaadu Ducaad oo macnihiisu yahay meeshii ducaadda wax lagu barayay ama lagu diyaarinayay. Waxaa lagasoo aadi jiray machadkaas gobollada Soomaaliya inta badan iyo Keenya iyo Itoobiya intaba. Waxaas oo mashaariic ah kulligood waxay ahaayeen lacag la’aan. Maashaa Allaahu Ilaahay haka ajarsiiyo dadkii hawlahaas waqtiga ku bixiyay.

Qaadistii Zakawaadka

Waxaa la billaabay in la qaado zakawaadkii oo marka la jamciyo loo qaybinjiray dadkii xaqqa u lahaa ee Ilaahay yiri hala siiyo. Arrintaasu waxay noqotay dhaqaale lagu daboolay baahi wayn oo ay dadku qabeen. Waxaa baraarugay dadkii zakada laga qaadayay oo ogaaday in ay jirtay xaq lagu leeyahay oo aysan bixin jirin. Xoolohoodii baa u barakoobay oo waxay dareemeen xasillooni iyo naxariis xagga Alle ka timid.

Nabadgalyadii iyo Sida Looga Faa’iidaystay

Waxaa lala dagaallamay wax kasta oo dadka dhibaato ku hayay sida mooryaantii dadka dili jirtay, kuwii dadka dhici jiray, kuwii dawladaha aan dariska nahay (Keenya iyo Itoobiya) ka qaraaban jiray oo dadka shacabka ah oo daggan soo boobi jiray kadibna Soomaaliya kulasoo dhuuman jiray. Waxaa lala dagaallamay kuwii qabiilka wax u dili jiray ama aargoosi waxay ku magacaabeen.

Hantidii Lasoo Dhacay oo Dadkii Lahaa loo Celiyay

Waxyaabaha la taaban karo oo ay imaaradu qabatay waxaa ka mid ah arrimahaan soo socda. Ari lasoo dhacay oo dhan 16000 oo neef waxaa loo celiyay dadkii lahaa. Waxaa la celiyay dhawr kun oo geel ah, waxaa la celiyay dhawr kun oo lo’ ah. Waxaa la celiyay 16 baabuur. Waxaa kamid ahaa baabuurta lasoo dhacay oo loo celiyay dadkii lahaa baabuurkii sida khaaska ah loogu soo dhawayn jiray Mooy, madaxweynihii Keenya.

Waxaa la celiyay wax aan halkaan lagu soo koobi karin. Waxaa la gaaray wanaag aan laga sheekayn karin. Waxyaabaha markhaatiga u ah waxqabadkii imaarada waxaa kamid ah, inuu wadaaddada u yimid barasaabkii gobolka En.Ef.Dhii (NFD) ee Keenya gumaysato.

Wuxuu yiri aad ayaan idiin amaanayaa, waxaad noola shaqayseen si wanaagsan oo aysan noola shaqayn dawladdii dhacday ee Maxamed Siyaad Barre. Markhaatiga dad kuu furo waxaa ugu wayn kan cadowgaagu kuu furo. Kii Allaahna waa meel. Asagaa markhaati ku filan.

Baabuurtaas la dhacay qaar baa hay’ado gaalo ah lahaayeen oo meelo fogfog lagasoo qabtay sida Kismaanyo, Baardheere iyo meelo kale. Waxaas oo xoolo la dhacay waxaa badankooda lagasoo dhacay Itoobiya iyo Keenya. Waxaa loosoo celiyay gaalkii ugu waynaa ee Mooy ahaa baabuurkiisii uu ku raaxaysan jiray. Waxaa laga hor istaagay oo laga celiyay mooryaantii maalin walba dhici jirtay hantida Keenya iyo Itoobiya.

Waxaa la waayay qof qof kale ku xadgudba dilna warkiisaba iska daa. Inta la xasuusto waxaa lagu dilay hal nin dhulkii ay imaradaasu ka talinaysay lixda sano. Waxyaabaha la qabtay waxaa kamid ah in la isu furay isu socodkii Bay, Bakool, Gedo iyo Jubbooyinka. Waxaa la tagay illaa Xamar oo qofkii ka baxa Baladxaawo ama Luuq wuxuu tagi jiray Xamar asagoon dhib la kulmin. Waxaa la tagay Hiiraan dhib la’aan.

Waxqabadkii imaarada waxaa kamid ahaa inay samaysay ciidan la geeyay saldhigyadii boolisku lahaan jiray sida saldhiggii Buuloxaawo, saldhiggii Doolow iyo meelo kale. Ciidankaasu waxay qaban jireen hawlihii boolisku dadka u qaban jireen ee xagga nabadgalyada ahaa. Waxay kaloo booliskii Soomaaliya dheeraayeen inay dadka diinta baraan ayagoo askar ah haddana waxay ahaayeen macallimiin dadka wax bara.

Daandaansigii Es.En.Ef

Markii futuuxaadkaasi dhacay oo magaalada Luuq dhexdeeda doollarka lagu kala sarrifanayo oo aadan ka baqayn cid aan Alle ahayn oo ay dadkii noqdeen wax beerahooda fasha iyo wax ganacsada, ayaa waxay arrintaasi dhibtay gaaladii asalka ahayd iyo kuwii ka daba gaaloobay oo ku raacay nacaybka ay Islaamka u qabeen iyo la-dagaalankiisa.

Waxaa nagu billawday daandaansi, mid shisheeye ka imaanaya (Maraykan) iyo mid murtaddiintii Es.En.Ef iyo Itoobiya ka imaanaya. Waxaan ka tilmaami laba dhacdo oo mid ay sameeyeen Maraykanku midna ay sameeyeen Es.En.Ef.

Magaalooyinkii aan xasilinay oo aan naf iyo maalba ku bixinnay sidaan nabadgalyo ugusoo celin lahayn Mareexaan inta afka is gashaday ayuu yiri nimanka waa inaan xukunka la qaybsannaa kollay iskama kicin karnee oo tabartaa meesha na dhigtay. Waxaa nalagu soo fasaxay wax alla wixii sufaho ahaa ama iimaanlaawe oo dadka hor boodayay.

Buuq bay kiciyeen, dadbay abaabuleen, waxay isku dayeen inay dadka ka dhaadhiciyaan nimanku waa Hawiye ee aan iska kicinno. Waxay geed dheer iyo geed gaabanba u fuuleen siday dadka nooga horkeeni lahaayeen. Waxaa jooga madaxwaynihii imaarada oo xakiim ah ama nin yaqaan sida dadka loo maamulo oo loo qanciyo haddii dhib dhaco. Hadday maslaxada diidaanna wuxuu ahaa nin go’aan leh oo waxay astaahilaan ku qamciya illaa ay ka miyirsadaan.

Waxaa kaloo joogay Wasiirkii Arrimaha Gudaha oo marka madaxwaynuhu xanaaqo illayn wuxuu ahaa nin kulul oo geesi ah, ayaa waxaa dajin jiray Shiikh Maxamuud Macalin Nuur oo baarri ahaa, raximahu-llaahu. Shirar badan kadib waxaa la yiri maxaad rabtaan? Waxay dheheen waxaan rabnaa inaan awoodqaybsi yeelanno oo aad xukunka wax naga siisaan haddii kale fig maleh oo waa noo dagaal.

Waxay sheegteen ayaa la siiyay si looga nabadgalo sharkooda. Waxaa kaloo laga hortagayay oo la ogaa in gaalo gadaal kasoo riixaysay oo gaaladu waxay rabtay intaan diidno xukunqaybsiga dabadeedna aan isku dhacno oo ayaguna ay halkaas ka faa’iidaystaan. Markaasna gaaladu dagaalka soo gasho si loo damiyo nuurkaan Islaamka.

Buuloxaawo iyo Doolow oo Lagu Wareejiyay Es.En.Ef

Waxaa la siiyay labadii magaalo ee xuduudbeenaadku ku yaallay. Midna waxay xuduudbeenaad la leedahay Itoobiya oo waa Doolow, midna waxay xuduudbeenaad la leedahay Keenya oo waa Buuloxaawo. Waxyaabaha ay ku doorteen labadaas magaalo waxaad mooddaa inay ugu wayn tahay laba arrimood:

  1. Waa meel dhaqaale kasoo galayo oo labada waddan wax isku waydaarsadaan.
  2. Tan labaad waxay uga dhawaanayaan gaalada oo waxay rabaan inay calaaqaad la samaystaan sirtayadana u gudbiyaan oo halkaas waxay uga dhawaanayaan isgaashaanbuursi. Itixaadse kuma baraarugin arrintaas.

Baladxaawo waxay u dhiibteen nin lagu magacaabo Xaaji Yuusuf. Ninkaas waxaan arki doonaa khayaamooyinkii uu Islaamka ka galay iyo meeshuu ku dambeeyay.

Doolow waxay u dhiibteen nin lagu magacaabo Xasan Deer. Xasan Deer waa ninka Tigree iyo Cumar Xaaji is baray oo markii dambana ay Tigreegii xirtay uu basaaska u ahaa. Labadaas magaalo waxaa maamulkeeda haystay ama guddoomiyaha dagmada ahaa nimankaas aan kor kusoo sheegnay. Laakiin saldhigyada booliska waxaa joogay ciidan wadaaddo ah oo dadka u khidmaynayay.

Daandaansigii Maraykanka

Maraykanku wuxuu xilligaas qorshaynayay siduu waddanka Soomaaliya u qabsan lahaa. Wuxuu kusoo hormaray Muqdisho walina dagaal kama dhicin Muqdisho. Ayadoo maalin lagu jiro hawlihii nololmaalmeedka ahaa, ayaa waxaa la arkay laba gaari oo Jiib ah oo taagan saldhiggii Buuloxaawo oo ciidanku dagganaa. Labada gaari waa tikniko.

Labada gaari ciidan baa wata. Waxaa lagu yiri maxaad ahaydeen? Waxay sheegteen inay Maraykan yihiin. Waxaa la yiri ka baxa magaalada. Waa iska dhaqaaqeen oo waxay aadeen xaggaas iyo (Daaru Nadwa) Garbahaarrey oo ay ka yimaadeen markii horaba. Nin baa dabagalay bal waxay samaynayaan iyo meeshay aadaan inuu hubiyo.

Shahiidkii Kaligii Duulay

Nin lagu magacaabo Nicmo iyo Barwaaqo ayaa gaaladii dabagalay. Xoogaa markuu dabasocday ayay intay istaageen hal gantaal ku dhifteen meeshii buuna ku shahiiday ayagiina waa iska dhaqaaqeen oo socodkoodii bay sii wateen.

Ma jirin ciidan xoog leh oo wadaaddada ka tirsan oo Baladxaawo joogay. Midda labaad ma ahayn wax lagu talagalay oo loo diyaargaroobay. Waxay ahaayeen tuugo soo dhuumatay markii lagu baraarugayna iska cararay.

Halyeygaas ayaa damcay inuu xaalkooda ogaado asagiina waxay ku dhifteen madfac iska dhan oo fulay soo tuuray. Ilaahay waxaan uga rajaynaynaa inuu shahaado ku irsaaqo. Shahiidkaas waxaa la dhihi jiray Nicmo iyo Barwaaqo. Asagaa dhihi jiray eraygaan marka ay kulmaan qof kale oo walaalkiis ah, markaasaa loo bixiyay Nicmo iyo Barwaaqo. Ilaahay Jannatul Firdowsa ha ugu nicmeeyo, aamiin, aamiin.

Martigalintii Garbahaarray (Daaru Nadwa) Cadawga ay Martigalisay

Labadii gaari ee Maraykanka ahayd say usii socdeen waxay galeen Daaru Nadwa ama bohoshii abeesadu jiiftay. Waa Garbahaarrey. Magaalada waxaa marti u ah ciidan Maraykan iyo Faransiis isugu jira oo Muqdisho ka yimid. Waxaa u yeeray ciidankaas walaalahood reer Garbahaarrey. Markay martigaliyeen oo ay nasteen ayay cabasho u gudbiyeen. Waana midda keentay inay sahan ku yimaadaan Buuloxaawo oo soo hubiyaan waxa la sheegayo iyo Islaamka ku habsaday awooddooda intay le’egtahay.

Reer Garbahaarrey waxay ka cabanayaan cadawgooda koowaad oo ah Al-Itixaad. Waxay cabashada u gudbiyeen walaalahood Maraykan iyo Faransiis. Waxay u baahan yihiin gargaar degdeg ah ama ciidamo ka dulqaada wadaaddadaan ku habsaday dhulkoodii, saldanadoodiina doonaya inay la wareegaan ee ugaasnimada laga qaato reerkii lahaa.

Isgaashaanbuursigii Saliibiyiinta iyo Murtaddiinta

Ciidammada Maraykanka, Faransiiska, Itoobiyaanka, Keenyaanka, kuwa Es.En.Ef-ta, kulligood waa isku hal cadaw oo waxay heshiis ku yihiin in la baabbi’iyo imaaradaan Islaamka ah oo meesha laga dhisay. Waxay kala qaataan xogta, waxay kala qaataan hubka iyo saanadda, waxay kala qaataan ama isku darsadaan ciidammada. Waa is taakuleeyaan.

Fiiro Gaar ah: Ilaahay xaqqa kama xishoodo. Waxaan rabaa akhristayaalow inaan soo gudbiyo akhbaar taan ogahay oo khusaysa taariikhdaan aan qorayo iyo dacwadii Soomaaliya ka hanaqaadday sidii loo baabbi’iyay iyo ciddii ka dambaysay baabbi’inteeda ama waxyaabihii cilladda looga dhigayay oo shacabka aan waxba ogayn lagu kicinayay.

Kama xishoon doono inaan sheego khalad aan ogahay, wadaad ha galo, ama waranle ha galo. Qabiillo ha gasho ama fardi ha galo. Nin dadka agtiisa ku wayn ha galo ama mid dulli aad u taqaannaan ha galo. Wallee afkaan furan. Taariikhdaani reero badan bay soo martay. Qolo walbaa markay marayso ha adkaysato oo ha sugto natiijada.

Meesha aan hadda marayno ayaa ugu xasaasisan, maxaa yeelay dawlad Islaam ah oo 6 sano shacabka u khidmaynaysay ayey saacado ku burburiyeen ayagoo gaalo kaalmaysanaya. Mareexaan waxaad beeratay ayaa bislaaday oo la goynayaa. Miiska ayaad saarantihiin ee ha fogaanina. Tii Allana waa idiin dhimantahay. Ninna yuusan sugin mira uusan beeran inuu goosto. Haddaad timir beerataan timir baa idiin soo go’i, haddaad tiintiin beerateenna asagaa idiin soo go’i. Dhagaha fura oo garbaxa.

Jawaabcelin Kuwa Tashwiishka Wada

Waxaa warkaan iga keenay waxaan dareemayaa nuxnux fara badan oo qormooyinkaan dambe la dhex waday ama intaan Gedo soo gaarnay. Waa doqon ninka xumaantii hore ee qabiilooyinka kale lagasoo sheegay ku raaxaysanayay, marka reerkoodii lasoo gaarayna murmaya oo leh arrintaan hala hubiyo iyo wixi la mida. Waxaan warka uga baxayaa haddaan cid u gafo hala i qabto si asluub leh anna waan qabsoomi, haddii la ii caddeeyo waxa dhacay. Wixii dambi aan galo Ilaahay baan cafis waydiisan. Horaan usoo cudurdaartay ikhwaanii.

Aan usoo laabto Garbahaarrey. Magaaladaas waa magaalada laga burburiyay ama loogu tashan jiray Islaamka in lagu dhibo. Gobolka Gedo wuxuu ka kooban yahay lix degmo oo waawayn iyo tuulooyin fara badan. Waxaa kamid ah Luuq, Doolow, Buuloxaawo, Ceelwaaq, Baardheere, Garbahaarrey, Buurdhuubo, Ceelcadde iyo kuwa kale.

Yay Degaan u Tahay Daaru Nadwa?

Inta magaalo ama tuulo la sheegay waxaa gaaray dacwada marka laga reebo Garbahaarrey. Garbahaarrey waxaa daggan qabiilka la yiraahdo reer Faarax Ugaas ama reer Diini. Waxay saldhig u ahayd Maxamed Siyaad Barre, waxay saldhig u ahayd Suufiyo, waxay saldhig u ahayd ugaaska beesha. Kulligood waxay noqdeen isku cadaw oo waxaa cadaw u ahaa imaaradii la taagay ee la yiri shareecada Islaamka hala isku xukumo.

Tuhunkii ama Shubhadii Beenta Ahayd ee Lagu Tuhmay Wadaaddada

Reer Diini wuxuu keenay shubho oranaysa waxaa loo socdaa ugaasnimadiinna inay qaataan reer Axmed iyo Cali Dheere. Cali Dheere waxaa ah Shiikh Maxamed Xaaji Yuusuf. Reer Axmed waxaa ah Shiikh Maxamuud Macalin Nuur. Waa labada nin oo imaarada madaxda ka ah ama labada wadaad oo ugu sarreeyay dacwada gobolka. Waxaa dacwada ansaar u noqday reer Axmed iyo Cali Dheere. Reer Diini waxay sufahadooda ku dagaalgalinayeen difaacda ugaasnimadiinna yaan hoostiinna lagala bixin.

Arrintaasi kuwo badan oo wadaaddo ah ayay shaki galisay juhaladiina warkeed iska daa. Sababta labaad ee Garbahaarrey u noqotay Daaru Nadwa waxay ahayd ayadoo Maxamed Siyaad Barre saldhig u ahayd. Asaga iyo ku-dhaqanka shareecadana xiriir kama dhexeeyo oo waaguu dawladda ahaaba waa kii diiday ama inkiray aayadahii Suuratu Nisaa oo dhaxalka ka hadlayay. Waaguu awoodda lahaa waa kii wadaaddada barqadii leexada saaray ama laayay.

Sababta saddexaad waxay ahayd Suufiyada gobolka ugu waawayn ayay saldhig u ahayd. Suufi iyo diin saxiix ahna heshiis ma ahan. Intay ikhwaan u hoggaansami lahaayeen waxay ka doorbideen ama ka jecel yihiin inay gaalada isu dhiibaan oo dhinacooda ka dagaallamaan ayagana shaqaale u noqdaan ama jaasuus.

Waxaa guddoomiye ka ahaa ninka lagu magacaabo Indhabuur Jaamac Deer. Qoyska daggan magaaladaas in Ilaahay u naxariistay mooyee waxay isku raacsanaayeen la dagaalanka ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo inay difaacaan inaan ugaasnimada laga qaadin Ugaas Cumar Ugaas Xirsi. Cidiba uma jeedin waxa ayaga la wayn. Allaa wayn ninkii aamina awood leh ummad waliba aayaheeda iney garato ayadaa leh. Ajal maratay ma oolin karo.

Buulcawskii Khayaamada iyo Dhagarta

Waa meeshii lagu dilay Shiikhii magaalada xalaasha iyo xaaraanta u kala caddaynayay, dadka Qur’aanka barayay, u muxaadaraynayay, walaalkood ahaa oo aan waxba galabsan. Wax kale looma dilin inuu Ilaahay caabuday mooyee. Waxaan kaloo arki doonnaa ayadoo ay ku dilayaan ducaad kale oo aan waxba galabsan. Waxaan gaari doonnaa ayagoo dhagar badan maleegaya oo naf iyo maalba ku bixinaya la-dagaalanka Islaamka.

Maxaa Keenay in Imaaradu Wadato Magacii Al-Itixaad?

Ikhwaanii yaan la hilmaamin Al-Itixaad inay kala direen dhammaan ciidammadii ka joogay gudaha Soomaaliya oo lagu yiri nin walbaa haku noqdo qabiilkiisii hubkana qabiilkiisa haku wareejiyo ama dhulka haku xabaasho. Imaaradaan meesha laga dhisay waxaa lafdhabar u ah raggii la kala diray oo meel kasta isaga yimid markay maqleen imaarada gobolka Gedo ka istaagtay. Waa rag isku hadaf iyo isku caqiido ah meel kasta haka yimaadeen, dibadda iyo gudaha. Waa inta jihaad-doonka ah, oday ama shabaab.

Ragga imaanaya ama horayba u joogay gobolka waxay ka kooban yihiin qabiilooyinka Soomaalidu ka koobantahay. Waxtarkoodu waa raggii hubka laga dhigay. Waxyaabaha aan rabo inaan la illaawin waxaa ka mid ah: Al-Itixaad ciidammadoodii waa kala direen, waxay amar ku bixiyeen inaan hub la haysan karin, waxay dhaqaalihii ka goosteen mucaskaraadkii oo dhan, fardi iyo jamaacaba, hubkiina waa ka dhigeen.

Imaarada Al-Itixaad ma dhisin raallina kama ahayn in la dhiso. Haddana magaca ayagaa wata oo waxaa loo yaqaannaa Imaaradii Islaamiga ahayd ee Al-Itixaad! Waxaa kale oo loo yaqaannaa Imaaradii Mareexaanka! Kaligoodna ma ahayn qabiiladu ama Mareexaan ee waxaa dhoobnaa Muslimiin adduunka oo dhan isaga timid oo jihaad-doon ah.

Falanqayn iyo Jawaabo

Waxaa keenay in magaca Al-Itixaad la wato dhawr arrimood:

  1. Waxaa jiray haykal dawladnimo oo dacwadu lahayd oo lagu kala dambeeyay oo waxaa la ahaa madax iyo ma’muuriin. Waxaa la ixtiraami jiray oo amarka laga qaadan jiray sheekh kasta oo ka tirsan madaxda Al-Itixaad. Waxaa la yeeli jiray waxay sameeya na dhahaan.
  2. Odayaashii Al-Itixaad oo aad uga taxaddarayay inay gacantooda ka baxaan dhallinyaradu oo waxay ka ilaalin jireen inay gacanta u galaan culumada aan Soomaalida ahayn ee mujaahidiinta ku dhex jiray oo caalamka isaga kala yimid. Waxay ku dadaali jireen meel kasta oo mucaskar laga furo inay markiiba yimaadaan oo dhahaan maamulka noo dhiiba adinkuna jihaadka wada magacayagana qaata. Lama diidi jirin arrinkaas!
  3. Ducaadda oo aan ku baraarugin wixii luggooyo iyo baabba’ loo gaystay.
  4. Ducaadda oo aan lahayn cid kale oo ay culumo ka dhigtaan oo aan ka ahayn odayaasha Al-Itixaad.
  5. Dhaqaalo la’aan haysatay ducaadda oo waxay ku khasbanaayeen inay ku sabraan dhibka. Odayaashu dhaqaalaha waxay kusoo aruursan jireen xirfad ah dhalinyaraa jihaad ku jirta oo baabba’day ee Muslimiiney noo kaalmeeya, markaasaa farqaha loosoo buuxshaa. Aaway lacagtii Islaamku jihaadka ku baxshay? Waydiiya raggii soo qaadi jiray.

In la Wato Magac Qabiil Maxaa Kallifay?

Waxaan soo marnay dawladdii Laasqoray laga taagay oo Islaamka ahayd in lagu burburiyay waxaad tihiin qabiil, haddii aydaan kala taginna waxaan idiin aqoonsanaynaa Daarood dawlad-raadis ah iyo wax la mida. Waxaan soo marnay jihaadkii Itoobiya lagula jiray ciidammadii mujaahidiinta ahaa in la yiri sheegta qabiilka Ogaadeen la yiraahdo. Haddiidna saas yeelin jihaadku wuu fashilmayaa. Aakhirkiina qabiil baa lagu fashiliyay UWSLF.

Waxaan taagannahay imaaradii ugu waynayd oo ugu cimri dheerayd Soomaaliya dhexdeeda oo Islaami ahayd in loo yaqaan Imaaradii Mareexaan. Waxaan gaari doonnaa ayadoo lagu kala dirayo waxaad tihiin Mareexaan is aruursaday haddii aydaan kala taginna waxaan idiin aqoonsan doonnaa Mareexaan dawlad-doon ah. Waxaa mucaskaraadka ama imaaradaha ku magacaaba qabiilka waa Itixaad, waxa ku kala dira qabiil baad tihiinna waa Itixaad!

Waxaan sii mari doonnaa luggooyo fara badan oo wali ay odayaashii Al-Itixaad jihaadka ku hayaan. Waxaan gaari doonnaa ayagoo is caddeeyay ama Ilaahay kashifay khayaamadoodii. Waxaan gaari doonnaa inshaa Allaahu tacaalaa waxa dhaliyay magaca la yiraahdo Shabaabul Mujaahidiin iyo cidday ku tiirsan yihiin, waxay doonayaan, waxay hadda ku dhex jiraan ama jihaadkay wadaan iyo cidday kula jiraan. Yay u khidmeeyaan oo ay dhibkii ka dulqaadeen? Waxaas oo su’aalo ah waan gaari doonnaa inshaa Allaahu.

Aan kusoo laabanno imaaradii iyo khidmaddeedii. Ikhwaanii imaarada waxaa looga soo hijrooday dibad iyo daakhilba. Waxaa isugu yimid Muslimiin ka kala timid adduunka daafihiisa. Waxaa yimid muhaajiriin xirfadlayaal ah. Waxaa yimid ducaaddii Soomaaliyeed oo dibadaha u cararay. Waxaan arki doonnaa rag wadaaddo ah oo ka yimid waddammada Yurub iyo meelo kale. Waxay gaartay imaaradii  gobolka Gedo in iftiinkii ka baxayay uu khalkhal galiyay Waashintoon.

Waxaa adkaysan waayay Nasaaradii dariska la ahaa gobolka Gedo. Waxaa meel ay ku neefsadaan waayay murtaddiintii Mareexaan. Waxay kaadidu ku dhagtay Keenya iyo Itoobiya oo u qabay in Soomaaliya baabba’day. Waxay yaqiinsadeen haddaan lagasoo gaarin inay qabsan doonto imaaradu Geeska Afrika oo dhan.

Muslimiiney iska daaya hurdada iyo hilmaanka. Waashintoon ayaa ka seexan la’ aadaanka ka yeeraya masaajidka ku dhex yaalla Buuloxaawo.Waa run ee rumayso! Maxaad adinku uga seexan la’dihiin jaraska ama gambaleelka ka yeeraya kaniisadda ku dhextaalla Waashintoon? Sababtu waxaa weeye ayagu waa soo jeedaan adinkuna waad huruddaan qof hurdaana wax ma maqlo waxna ma qabsan karo. War toos dadyohow hurdaa!

Akhristayaasha ku mashquulsan inay ayagu is aflagaaddeeyaan ama is caayaan waxaan kula talin lahaa inay keenaan talooyin iyo sidii haziimadaan looga bixi lahaa. Waxaa maanta adduunka ku amar ku taaglaynayaa waa wiilal yaryar oo aan garanayn waxa loo abuuray iyo waxay ku dambayn doonaan. Ma kuwaasaa idinka caqli badan oo idin gumaysanaya oo gabdhihiinnii ku xadgudbaya adinkoo nool? Iska dhinta naf ma lihidin.

Gaalo isma dhaanto waase kala qurux badan tahay. Bahuuke ayaad ku martiqaaddeen dumarkiinnii cafiifaadka ahaa asagoo waliba ku faanaya inay Hay’atul Culamaa’ul Kibaar ee Soomaaliya ay ku garabtaagan yihiiin xadgudubka uu ku hayo dumarka duqowda iyo dalka. Ikhwaanii yaan la hilmaamin dulliga na saaran iyo meeshuu nooga yimid inay tahay diinta oon siday tahay loogu dhaqmin.

Hala tawbad keeno xaqqana haloo soo noqdo. Yaan la hilmaamin waxa looga bixi karo dulliga. Halaga baxo qaflatu saalixiinta. Yaan cidna lagu xadgudbin cidna loo joojin. Yaan la is dhiibin oo Ilaahay male xun laga malaysan. Yaan laga bixin dhufayska inta gaaladu ku jirto.

Shiikh Cabdiraxmaan Abyad oo waligii ku kacsanaa Al-Itixaad iyo siyaasaddoodii foosha xumayd wuxuu iclaansaday inuu yahay Ictisaam. Wuxuu ku hadlay waxay ka xishoodeen ayagii shalay uu dhaliilsanaa hadalxumadooda iyo jihaadxumadoodii. Wuxuu afka ku ballaariyay inaan nasri soo muuqan oo lagu luggo’ay jihaadka lagula jiro Kiristaanka soo xadgudbay.

Waxaa shaki ka galay in la gaari doono libin waarta. Wuxuu hilmaayay tafsiirka Suuratul Kawthar oo ah suuradda Qur’aanka ugu gaaban. Waxaa ku habsaday ina walaalkay aan jeclaa musiibadii ku habsatay Ictisaam. Waxaan ogahay culays badan oo haysta waxaase loo qaatay inuu iska aammuso oo uusan difaacin khalad ninkii galay noolyahay oo wali kusii socda khaladkii. Walaalkay wali rajuu leeyahay ha is dabaqabto.

Ragna waxaa ugu fiican ninkii gafa oo kasoo laabta illayn insaan baa la yahay oo waa la gafi. Buur baa fuulatay markaasay jiir dhashay. Kaaf iyo kala dheeri iyo kaan u dhigtayba ma ahan! Goor aan la hadlin ayuu hadlay. Wax aan lagu hadlin ayuu ku hadlay, rag aan mudnayn in la caayo ayuu caayay. Allaahuma sallim, sallim.

Dadow waad aragtaan meesha xaal marayo. Qofna yuusan is dhihin waxaad tahay mid laga raalli noqday oo dambigaagii waa la dhaafay. Qofna yuusan u malayn in gaalo badbaadinayso. Qofna yuusan is dhihin hebel baa loo jeedaa. Qofna yuusan u malayn in uu leeyahay aqoon ku filan oo uu Jannada ku galayo. Dadka waxaa ugu liita kan naftiisii la waynaatay ama islawaynanka, dadkii kaloo dhanna yasaya asagoon waxba dhaamin.

Akhristayaalow waxaa nagu soo fool leh dagaal xun oo la doonayo in lagu dabargooyo imaaradaan dhibka faraha badan lagasoo maray. Inkastoo loo baaqoo loo sheego barwaaqo, dad baa meelu bugtaa Es.En.Ef. Waa seexan la’dahay Es.En.Ef si kastoo wanaag loogu baaqay oo gobolkii oo dhan barwaaqo laga dhigay. Waxay soo wadaan dhagartii ugu waynayd iyo hagardaamo. Shareecadii diide, nabaddii diide, barwaaqadii diide! Maxay rabaan? Aleysa minkum rajulun rashiid?

Waa inoo qormada dambe inshaa Alaahu tacaalaa.

aragtidaada nala wadaag...