Qeybta 34aad

Bismillaahi wabacdu. Waa qormadeennii 34aad. Waxaan kala tagnay ayadoo imaaradii Islaamiga ahayd ay horumar dhan kasta ah gaadhay, dhanka dhaqaalaha, siyaasadda iyo ciidanka intaba. Sidii caadada u ahayd ururkii Al-Itixaad waxay la wareegeen sheegashadii maamulkii imaarada gobolka Gedo. Waxay meel walba ama caalamka ku baahiyeen inay ayagu guushaas keeneen.

Odayaashii Itixaadku waxay magacii imaarada kusoo uruursadeen dhaqaale fara badan. Waxaa laga daawaday adduunka daafihiisa waxqabadkii imaaradii Islaamiga ahayd. Waxay kusoo darsadeen xoogow dhaqaale ah oo waqtigiisii aan la keenin ama kasoo dibdhacay, laakiin wax lagu qabtay oo mashaariicdii socotay ama qabyada ahayd lagu daray.

Waxaa sheekada imaaradu gaartay suuqyada reer Yurub iyo Ameerika in looga sheekaysto. Waxaa ku naalooday ama horumar ku gaaray shacabkii dagganaa saddexda waddan ee kala ah Soomaaliya, Keenya iyo Itoobiya. Waxay goysay ama jartay maxabbadii loo qabay gaalada macatab-u-dirirka ah. Waxay xiriirisay oo soo dhawaysay Muslimiintii kala fogaatay ee tawxiid-ku-dirirka ahaa.

Waxay ammaangalisay ciddii soo martida, gaal ha ahaado ama Muslime. Xaqqii uu ku lahaa ayay siiyeen, dantuu lahaa bay u fuliyeen, meeshuu rabay ayay gaarsiiyeen asagoo ammaan ah oo aan waxba loo dhimin. Waxaa loogasoo hijrooday Soomaaliya inteedii kale ama meelo kamid ah Soomaaliya. Waxaa Muslim iyo gaalaba qireen inay u qalanto in la siiyo magac dawladnimo ama maamul jira oo caddaalad ah. Waxaasoo wanaag ah waxay dhib ku hayeen dad fara badan oo uu kow ka yahay ugaaskii Mareexaan, Ugaas Cumar Ugaas Xirsi.

Waxaa meel kasta isaga yimid jawaasiis. Waxay ka mid noqdeen jawaasiistii hawlwadeennadii imaarada sida ciidammada ama maamulka dhexdiisa. Jaasuuska lama yaqaan oo wuxuu isu ekaysiiyaa qof mu’min ah markaasaa madax laga dhigaa, waana munaafiq ama uur-ka-gaal. Jawaasiistii waxay ka baaraandageen qaabka ay wax u socdaan iyo awoodda imaaradu intay le’egtahay ama cidday ku tiirsanyihiin dhaqaale iyo siyaasadba.

Shirkii Es.En.Ef iyo Walaalohood Itoobiya

Waxaa shir lagu qabtay magaalada Buuloxaawo. Shirku wuxuu billawday bishii Maajo 1996dii. Wuxuu socday illaa Julaay 1996. Waxaa meesha ka muuqanaysa ahmiyadda shirku leeyahay iyo sida waqtigiisa loo dheereeyay. Waa qiyaastii saddex bilood shir socday. Waxaa shirka lagu lafagurayaa arrin la rabo inaysan fashilmin. Waxaa la rabaa in lagu dabargooyo cadow la is dhexdaggan yahay oo aan aamin laga ahayn inay weerar kusoo qaadaan inta shirku socdo, Al-Itixaadse waa moogayaal.

Waxaa aad looga taxaddarayaa in shirku fashilmo ayadoo aan la gaarin gunaanadka shirka. Xasuusta Es.En.Ef markay dooranaysay in la siiyo labada degmo Doolow iyo Buuloxaawo. Waxaa ka mid ahaa takhdiidkooda, kaan maantay kor taagannahay oo ah in lagu maleegayo ama la qodayo godkii lagu tuuri lahaa imaaradaan Islaamiga ah ee gobolka ka talisa. Sababtay u doorteen magaalooyinkaasna tan ay maanta hayaan ayaa ugu weyn (khayaamadaan).

Waxaa magaalada guddoomiye ay uga dhigteen khaa’inkii ugu waynaa oo soo maray Buuloxaawo, wuxuu ahaa nin ka ganacsada koontara-baanka iyo waxyaabaha xaaraamta ah sida tubaakada iyo wixi la mida. Wuxuu ahaa jaasuus gaalada u jooga meesha. Wuxuu ahaa nin mar la qabtay laakiin dad khaa’imiin ah ayaa siidaayay. Waa la heli inshaa Allaahu. Wuxuu ahaa ninka sirta Islaamka bixin jiray ikhwaankana dhammeeyay. Waa ninka gaalo u gacangaliyay gabdhihii cafiifaadka ahaa. Dadkuu gaalada ku dhammeeyay ama gabdhaha la kufsanayo wuxuu u yahay aabbe, adeer, abti, ina adeer iyo wixi la mida. Damiir xumaa ma dameer baa? Diin yaraa Alla ha dulleeyee. Waa dammane Tigree ku duulayso. Ninkaas magaciisa waxaa la yiraahdaa Xaaji Yusuf.

Shirguddoomiyaha Sharwadayaashu waa Kuma?

Waxaa shirguddoomiye ka ah shirkaan ninkii diiday inuu saxiixo ku-dhaqanka shareecada Islaamka intaasna sugayay ciidankii uu kula dagaallami lahaa kuwaan sheegaya shareecaan wax ku xukumaynaa. Wuxuu intaas aruurinayay ciidankii ka takhallusi lahaa Islaamkaan is aruursaday oo raba inuu tuugga gacanta gooyo, zaaniga muxsinka ah dhagax ku dilo, zaaniyadda aan guursan 100 jeedal lagu dhifto, qofkii qof dila la dilo. kii ka horyimaada ku-dhaqanka shareecadana lagu jihaado. Waa bannaan tahay.

Waa ninka ay la waynaatay inuu sii haysto jagadiisa ugaasnimo intuu u hoggaansami lahaa ku-dhaqanka shareecada Islaamka, cidba kama qaaddeen jagadiisa ama ugaasnimadiisa. Shaydaan baa duufsaday. Ninku waa ninka beesha Mareexaan ugaaska ay  ka dhigteen. Magaciisana waxaa la yiraahdaa Ugaas Cumar Ugaas Xirsi.

Ugaaska waxaan hadalkiisa u badiyey intaydaan asaga dartiis u xanaaqin aan idiin sheego. Waxaan rajaynayaa inaad Ilaahay dartiis u xanaaqi doontaan markaad aragtaan dagaalkuu Ilaahay iyo mu’miniintii la galay! Ninka waxaa ku maqan oo gacantiisa ama saxiixiisa lagu gumaaday Muslimiin gaaraysa malaayiin oo laga dhigay mid dhintay, mid dhaawacmay iyo mid la xiray.

Waxaa ku maqan imaarad dhan oo Islaami ah oo uu ku baddashay shilimo yar. Waxaan gaari doonnaa wadaadka oo qalinka ku duugay in gaalo qabsato imaaradaan lagu nastay. Waxaan soo marnay asagoo diiday ku-dhaqanka shareecada Islaamka. Waxaan gaari doonnaa asagoo saxiixay ku-dhaqanka dastuurka gaalnimada, Kiristaanka iyo dimuqraadiyadda. Waa isku mid kulligood.

Falanqayn: Yaa Noqon Kara Ugaas?

Dhaqanka bulshadu ku doorato ninka ugaaska u noqonaya waxaa ka mid ah diin, deeqsi, geesi, codkar ama garyaqaan, xilmi ama dulqaad, caddaalad ama eexla’aan iyo qanaaco uusan dadka xoolohooda hunguriyayn ama uusan cidna wax waydiisan.

In loo baahan yahay in ugaaska beeshu deeqsi noqdo aan fiirinno qisadaan. Nebi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam) ayaa waxaa u yimid qabiillo soo Islaamtay. Wuu soo dhaweeyay oo waraystay. Wuxuu su’aalay yaa ugaas idiin ah, waxay yiraahdeen hebel. Wuxuu yiri ka warrama xaalkiisa? Waxay yiraahdeen waa nin fiican laakiin xoogaa waa gacan adagyahay. Nebigu wuxuu yiri oo ma balaayo gacan adayg ka wayn ayaa jirta? Yacnii nin ugaas ah oo bakhayl ah looma baahna. Wuuna baddalay oo nin kaluu ka dhigay ugaas.

Qisa kale oo ku saabsan codkarnimada iyo cadliga. Qabiilo ka mid ah qabiilada Soomaaliyeed ayaa ugaas nin u dooratay. Isla waqtigii oo wali gogoshii la fadhiyo ayaa laba qof gar isu qabsatay. Waa loo keenay oo waxaa la yiri dadkaan kala saar oo u garnaq. Wuu dhagaystay gartii, markay dooddii dhammeeyeen oo go’aan laga sugayay in midkood garta helo ayuu yiri, “Adiguna gar baad leedahay, adiguna gar baad leedahay.” Waxaa laga qaaday ugaasnimadii isla galabkiiba marka la ogaaday inuusan cidna wax tarayn gar iyo caddaaladna waxba ka garanayn. Waxaa loo baxshay Ugaas Galab oo galabkaas oo kaliya ayuu ugaas ahaa.

Dhanka dulqaadka iyo geesinnimada aan aragno qisa kale oo Soomaalida ka dhex dhacday: Qabiilo kamid ah Soomaalida ayaa nin ugaas usoo sharraxatay. Rag qabiilkii kamid ah ayaa diiday in ninkaan ugaas laga dhigo waxayna u arkayeen inuusan u qalmin ugaasnimada, waxaase taladii marooqsaday raggii ninka watay. Waxaa la gudagalay in ugaaskii la caleemosaaro, Nimankii diiddanaa in ninkaan loo dhiibo xil uusan kasoo bixi karin waxay sameeyeen arrin ay kusoo bandhigaan waxtarkiisii xilkana uu ku waayo dood la’aan. Markii shirkii loo fariistay ayay wiil yar lasoo hadleen oo waxay ku dheheen markii shirku furmo intaad dhangad “ul yar” soo qaadatid ninka ugaaska laga dhigayo labo ku jiid ama ku dhifo.

Wiilkii ul ayuu hoosta soo gashaday shirkiina waa iska ag fariistay. Markii arrintii isku dubadhacday ayuu ninkii loo rabay ugaasnimada inta soo ag istaagay laba ulood ku jiiday. Ugaaskii markuu xanuunsaday ayuu ku booday wiilkii yaraa ama saqiirkii la yiri adeerkaa ushaan ku dhifo. Wiilkii markuu arkay balaayadaan kusoo boodday ayuu afka qaylo furtay oo cararay.

Ugaaskii kama harin ee wuu cayrsaday. Geedkii shirku ka socday ayuu kula wareegaystay. Ayagoo sidii jiir iyo bisad iska daba ordaya ayaa qoladii mucaaradka ahayd oo dhagartaan soo maleegatay waxay dheheen inta farta ku fiiqeen asagoo neeftuuraya Habar Jeclaay Muuse waa kaas. Muuse sidii buu ku waayay ugaasnimadii. Dulqaad yaraa maxaa dabadhigay saqiirka yarka ah oo usha loo soo dhiibay ee aan waxba ka ogayn khiddadaan? Fulayga ayaa caruurta baacsada, geesigu isuma quuro.

Aan ku noqonno Buuloxaawo. Shirka waxaa laga dhex dooranayaa ninkii aakhiradiisa ku gadan lahaa adduunyadiisa, ninkii hoggaamin lahaa ciidammada huwanta ah ee walaalaha ah: Maraykan, Keenya, Itoobiya, Es.En.Ef iyo hay’adaha Kiristaanka ah. Ninkii Mareexaan waa gumoobay oo Islaam baa ku habsaday ee ka kicin lahaa ayaa lagu sharfayaa shirkaan oo talooyin lagu siinayaa, ninkii gaalada u gacangalin lahaa gobolka iyo shacabka daggan oo Muslimka ah. Ninku waa Jeneraal Cumar Xaaji Masalle.

Waa Kuma Jeneraal Cumar Xaaji Masalle?

Ninkaanu wuxuu soo maray jagooyin dhawr ah oo uu ka qabtay dawladdii Maxamed Siyaad Barre. Wuxuu noqday Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, wuxuu noqday Wasiirka Caafimaadka, intaan ka xasuusto. Ina Siyaad Barre ayaa markuu dabeecad-xumadiisii u adkaysan waayay xabsi ku tuuray garaadihiina ka xayuubiyay oo shacab ka dhigay.

Dadku ma yaqaannaan oo waxaa la moodi jiray halyey is nacay oo ummad hoggaamin kara. Markuu jenaraalnimada soo labbisto ayaa doqoni ku kadsoontaa. Waxaa arrintaas ku luggo’ay Es.En.Ef iyo gaalo damacday inay Karasaay ka dhigato. Ayagiina markay dabeecad-xumadiisii u adkaysan waayeen waxtarna noqon waayay ayay jaraha kala bexeen oo iska eryeen. Waxaan gaari doonnaa asagoo gaalnimo faraha kula jira oo Islaamka gumaadaya, askar Tigree ahna ay ku shaqaysanayso oo aad mooddo inuu sixranyahay. Ma sixranee Ilaahay buu la dagaalay markaasuu dulloobay.

Hal qiso aan idiin hormariyo oo kamid ah jariimadii uu galay intay Tigree ku shaqaysanaysay Islaamkana uu gumaadayey. Markii gobolka huwantii uu Maraykanku hoggaaminayay ay qabsatay wadaaddadiina ay ka insixaabeen Luuq iyo Buuloxaawo ayaan gurmad ahaan waxaan ugasoo baxnay Muqdisho.

Waxaan soo gaarnay wadaaddadii. Waxaan la qaybsannay dhibkay ku jireen iyo murugadii ka dhalatay imaaradii la burburiyay. Waxaan is waraysannay nin walaalihii kamid ah oo hadda ka hor ahaan jiray Es.En.Ef muddana lasoo joogay oo wadaaddada dagaal kula jiri jiray, Muddo hadduu dagaalkii ku jiray ayaa Ilaahay qalbigiisii wuxuu ku riday hanuun, markaas ayuu kasoo dhaqaajiyay asaga iyo asxaabtisii.

Sabab ayay lahayd hanuunka walaalka. Walaalku wuxuu yiri, “Aniga iyo gaal Tigree ah ayaa meel waardiye ka wadahaynay, Gaalkii Tigreega ahaa wuxuu aaday meelaha lagu xaajoodo asagoo gacanta ku wata waraaqo. Wuu igusoo noqday. Waxaan ka shakiyay wuxuu musqusha ku isticmaalay. Waaxaan u dabamaray meeshii uu fariistay, ilayn dhulku waa bannaan oo malahan musqulo dhisanee, waxaan meeshii ka helay Kitaabka Qur’aanka ah oo gaalkii saxarada isaga tiray. Waxaan fiiriyay Qur’aanka ku qornaa waraaqaha. Waxay ahayd Suuratu Nisaa. Waan soo cararay anoo wata Kitaabkii oo wasakhaysan. Waxaa Tigreega dhexjiifa Cumar Xaaji Masalle. Waxaan u keenay Kitaabkii oo wasakhaysan oo waxaan ku iri Cumarow fiiri gaaladii waxay samaysay.

Wuu arkay inay Suuratu Nisaa tahay waxa saxarada la isaga tiray, aad buu iigu qayliyay oo wuxuu yiri, “War ciidanka ha iga didin, waxaan doonayaa ka weyn waraaqahaan aad ka hadlaysid.” Waxaan ku iri, “Ma Suuratu Nisaa ujeeddo ka wayn ayaad leedahay?” Walaalkii wuxuu igu yiri, “Intaan ku noqday ciidanka dhexdiisii ayaan ku iri, ‘War naga keena meesha musiibaa taallee,’ oo waxaan  u sheegay waxa dhacay.” Waxaa ajiibay koox qaraabadiisii ah, waxay kasoo dhaqaajiyeen si dhuumasho ah dhulkii Kitaabka lagu wasakheeyay. Jazaahumu-llaahu khayran ajmaciin. Waxay soo gaareen imaaradii Islaamka.

Ninku dabeecad sidee ah ayuu leeyay xaggeese ku dambeeyay? Aad baan u aqaan Ina Masalle oo waan soo wada shaqaynay. Waa nin aad u dabeecad xun, waa bakhayl, waa nin islaweynaan badan oo nagaaro fuul ah, waa suufi qabuuro-caabud ah. Wuxuu ku dambeeyay sida la ii sheegay asagoo faramadow oo aan dad iyo duunyaba waxba ka haysan, marka laga reebo wiil uu dhalay oo uu la noolyahay.

Cumar Xaaji Masalle intuusan Islaamka baabbi’in ama gaalada raacin wuxuu ahaa nin Es.En.Ef ugu sarreeyay oo loo aaminay inuu Islaamka ka dulqaado Mareexaan oo gaalada gacanta u galiyo. Wuxuu ahaa nin dad iyo duunyaba buuxay. Wuxuu lahaa afar reer ama xaas. Wuxuu lahaa xoolo aan xisaabnayn. Wuxuu ahaa nin caafimaad qaba.

Maanta  caafimaad ma hayo oo labada kalyoodba waa fadhiyaan. Hal xaas ah oo u khidmaysana ma haysto oo afartii gabdhoodba waa ka carareen, kuma xirna middoodna. Hantina warkeedaba daa oo waa cayr faramadow. Wuxuu ku noolyahay ama seexdaa qol kamid ah guri gabar uu soddog u yahay lagu qabo. Ninku wali kama toobadkeenin jariimadii uu galay iyo shareeco Islaam nacaybkii. Ragow kibirka iyo diin-la-dagaalka waa lagu kufaa kaas hala ogaado.

Fiiro Gaar ah: Cumar Xaaji waxaan uga sheekaynayaa in lagu cibraqaato. Waxaan oran lahaa waxa Cumar Xaaji ku dhacay kama foga rag badan oo wali ku dhexjira wuxuu eeday Cumar oo ah inuu Ilaahay iyo awliyadiisii la dagaallamay. Ninkaan xabbadda mujaahidiintu dilin xaqqaa ka daba imaan xisaabna waa dambaysaa. Hala tawbadkeeno inta talo gudboon tahay. Reer Xamarku waxay ku maahmaahaan dhul iyo xaaqin xaaqinaa dhammaada. Ninkii damca inuu Islaamka dhammeeyo ama nuurkiisa damiyo asagaa dhammaan ama nuurku ka dami.

Aan usoo laabanno shirkii ka socday Buulaxaawo iyo Es.En.Ef. Shirku waa shir weyn oo loo dhan yahay, waxaa jooga nabaddoonnadii ciddu lahayd oo dhan. Waxaa looga hadlayaa masiirkii qabiillada iyo sidii looga xoroobi lahaa Al-Itixaad iyo shareecadaan ay dadka ku dirqinayaan ama ku khasbayaan. Waxaa afhayeen shirka ka ah Maxamed Carab Falaxfalax oo kamid ahaa wariyayaashii Soomaaliya.

Waxaa dhaqaalaha bixinayey nin lagu magacaabo Side Good Ellin oo dhalashadiisu tahay Jarmalka oo ahaa xilligaas uqaybsanaha Midowga Yurub arrimaha Soomaaliya. Dhaqaalaha xilligaas lagu bixiyay wuxuu dhammaa qiyaastii wax laba milyan oo doollar gaaraya. Waxaa lacagta loosoo marinayay hay’adda lagu magacaabo Torokeeyar (Trocare) oo ahayd hay’ad Kiristaan ah oo laga lahaa waddanka Ayrlaan. Waxaa fadhigeedu ahaa  Keenya, magaalada Mandheera.

Waxaa xog-hayn ka ahaa shirka Axmed Cabdi Wilif. Waxaa la galay falanqayn dheer. Waxaa la falanqeeyey arrimahaan:

  1. Waxaa gobolka Gedo ka dhalatay dawlad Islaami ah oo qarka u saaran inay la wareegto Soomaaliya oo dhan.
  2. Hadday Soomaaliya qabsato dawladdaan Islaamka ah waxay u gudbidoontaa waddammada dariska ah iyo Geeska Afrika oo dhan.
  3. Waxaa khatar gali doona ama ku jira haddaba caalamka oo dhan, yacnii waxay u gudbi doonaan Ameerika iyo Yurub.

“Sidaas darteed waxaan si naxariis leh uga codsanaynaa dawladda Itoobiya ee aan walaalaha nahay dariskana nahay iyo Beesha Caalamka inay naga dulqaadaan khatartaan nagu habsatay adinkana idinku soo fool leh. Haddii aydaan khatartaan wax uga qaban sida ugu dhakhsaha badan waxaa la gaari doonaa goor aan wax laga qaban karin.”

Waxaa shirka maamulayey oo madaxwayne ka ah Ugaas Cumar. Qabiilkiisu go’aankuu qaato ugaaska ayey ku gawracanyihiin. Waxa uu neceb yahay ayey necebyihiin. Wuxuu cadow u arko ayey cadow u arkaan. Waa tolkiis. Intii Ilaahay u naxariistay mooyee. Waxaa warqadda ku saxiixan raggaan hoos ku qoran:

  1. Guddoomiyaha shirka: Ugaas Cumar Ugaas Xirsi
  2. Guddoomiyaha Es.En.Ef: Jeneraal Cumar Xaaji Masalle
  3. Guddoomiyaha degmada Buuloxaawo: Xaaji Yuusuf
  4. Guddoomiyaha degmada Dooloow: Xasan Deer
  5. Guddoomiyaha degmada Garbahaarrey (Daaru Nadwa): Indhabuur Jaamac Deer
  6. Guddoomiyaha degmada Beersheere: Xasan Ugaas
  7. Nabadoon Axmed Cibaad
  8. Nabadoon Carte Gurume
  9. Nabadoon Xaadle
  10. Nabadoon Horwayshe

Waxaad maanta laga billaabo ogaataan inay mas’uul ka ahaayeen raggaasi dhibaatadii dhacday 1996 illaa 2010 iyo gumaadkii loo gaystay ama lagu hayo hadda koonfurta Soomaaliya, nimankaas aan magacyadooda kor kusoo taxay. Waxay bannaysteen ama xalaalaysteen malaayiin Muslimiin muwaxxidiin ah dhiiggoodii.

Waxay gacantooda ku laayeen ama ku burburiyeen dawlad Islaam ah oo dadka u khidmaynaysay 5 illaa 6 sano. Waxay barakiciyeen malaayiin. Waxaa naafoobay malaayiin dad ah. Waxaan madaxda Muslimiinta ah ka codsanayaa in nimankaas maxkamad lasoo taago oo aan loo cafin jariimadii ay galeen.

Waxaan u sheegaynaa Muslimiinta dhiigga qabow iyo kuwa dhiigga kululba in raggaas la marsiiyo shareecadu waxay ku xukunto oo loo miisaamo dambigay galeen inta uu le’egyahay. Nin waliba xaqqiisaa xaashi loogu qorayaa, wuxuu xoogsadaa baa faraqa loogu xirayaa!

Nabaddoonnadii Kasoo Horjeestay Dhagartii Iimaanlaawayashu ay Galeen

Addoommada Ilaahay hadday meel isugu yimaadaan lagama waayo mid garta oo ogaada meesha uu xaqu jiro. Waxaa kaloo aan la waayeyn geesi soo baxa maalinka arrintu xuntahay. Waxaad aragtaan ummadda dadkii wanaagga ku hoggaamin lahaa oo wanaaggii la dagaallamaya xumaan iyo gaalnimana ugu yeeraya, Islaamkii iyo shareecadii ku-dhaqankeediina la dagaallamaya. Bulshadu ma xuma ee waxaa xun kuwa ay mas’uuliyadda u dhiibteen.

Waa annagii soo marnay marka bulshadu qof dooranayso inay waajib tahay diini ah in qofkaasu leeyahay sifooyin wanaagsan. Bulshadii iimaanlaawe doorataa ma waxay ka sugi inuu dajiyo daar qabow?

Waxaa kooxdan ku shiraysa Buulaxaawo ku dhexjiray rag nabadoonno ah oo markii ayaga loo dooranayay nabaddoonnimada lasoo xulay oo lagu raacay sifooyin wanaagsan iyo indheergarad inuu yahay. Markii gaalo la isu dhiibay oo lagu celceliyay waxaan nahay dad walaalo ah, isku caqiido ah, isku cadow ah ayaa waxaa adkaysan waayay laba nabaddoon oo meesha fadhiday oo tolkood matalayay.

Markii shirkii gabogabo marayo oo lasoo gaaray in wax la kala saxiixdo ayaa laba nabaddoon oo meesha fadhiday waxay ugaaskii ku yiraahdeen, “Arrimahaan ugaas ha saxiixin waraaqdaan lagu xalaalaysanayo inay Xabashi soo gasho ama qabsato gobolka Gedo. Haddaad diiddo oo aad waraaqda saxiixdo sidaasna gaalo ku qabsato gobolka, ogow maantay ayaa kuugu dambaysa ugaasnimo dambe oo lagu yiraahdo iyo sharaf aad dadka dhexdiisa ku yeelato!” Run badanaa! Sidii bay noqotay.

Nin meeli u caddahay meeli ka madow. Wuxuu yiri waan saxiixayaa waana ku gacansayray. Wuxuu qaatay qalinkii dhiiggu ka da’ayey oo lamid ah qalinkii uu qaatay ninkii Ilaahay Qur’aanka uga qisooday ee ahaa Bilcaam Baacuur ee Suuratu Acraaf ka hadashay.

Ninkaasi wuxuu ahaa nin wadaad ah sida ugaaska oo kale, wuxuu ahaa nin karaamo leh sida ugaaska oo kale. Ninkii Bilcaam Baacuur ahaa tolkiis ayaa waxaa ku habsaday Nebi Muuse (calayhi-salaam) oo yiri Islaam baan idinku xukumayaa sidii Muxamed Xaaji Yuusuf  yiri oo kale. Ninkii waxay tolkiis ku yiraahdeen habaar Muuse iyo ciidankuu wato si aysan noo qabsan oo noogu xukumin shareecada Islaamka, sidii Ugaas Cumar tolkiis ku dheheen oo kale saxiix waraaqdaan aan iska dulqaadno Islaamkaan nagu habsadaye.

Bilcaam wuu habaaray Nabi Muuse (calayhi-salaam) iyo ciidankiisii, habaarkiise lagama aqbalin laakiin khayaamo kaluu sameeyay oo uu ciidankii ku jabiyay sidii Ugaas Cumarba u saxiixay waraaqdii Muslimiintiina loo jabiyay. Bilcaam waa dulloobay oo karaamadii baa ka tagtay sida Ina Ugaas Xirsina u dulloobay oo karaamadiina uga tagtay. Ugaaska ma aaanan maqlin meel uu uga tawbad keenay jariimadaas uu Islaamka u gaystay.

Labada nin oo ugaaska la talisay oo uu taladoodii ku gacansayray waxay kala ahaayeen Nabaddoon Cabdiraxmaan Gurxan ee qabiilka Wagardhac iyo Nabaddoon Xasan Iftiin ee qabiilka Uurmidug.

Labada nin u duceeya in Ilaahay xaqqa ku sugo hadday noolyihiin oo fitnada dhacaysa uu ka nabadgaliyo. Hadday dhinteen ayagoo wali xaqqii ku taagan Ilaahay waxaan uga baryaynaa inuu Jannatul Firdowsa ku irsaaqo, aamiin, aamiin. Nin waliba wuxuu foofsadaa usoo hoyda. Nebigu (sallallaahu calayhi wasallam) wuxuu yiri, “Banii-Aadamku waa gafbadane, waxaa ugu khayr-roon kii kasoo noqda gafkiisa.”

Ikhwaanii waxaa dhammaaday takhdiidkii looga takhallusi lahaa imaaradaan muddada soo shaqaynaysay. waxaa dhammaaday oo la diyaariyay ciidammadii ka qaybqaadan lahaa gumaadkaan la damacsan yahay. Waxaan arki doonnaa ayadoo dhiiggu qulqulayo, lagu xadgudbayo cafiifaadkii ama muxajjabaadkii dhawrsoonaa. Waxaan gaari doonnaa gaalada oo la kulantay iska caabbin xooggan oo aysan ku talagalin.

Maalmuhu waa wareegayaan. Yaan la murugoon. Waa sunno Rabbaani ah in Muslimiinta la imtixaamo oo la kala meehaaho ama la kala saaro kooda xun iyo kooda khabiithka ah ama munaafaqa ah. Waxaa la kala saari geesiga iyo fulayga. Waxaa Ilaahay dooran shuhado ama qaar baa shahaado heli aan meel kale laga helayn. Waxaan gaari doonnaa wiilal yar yar oo gaaladii sidii balkii u jafaya markii dambana ku shahiiday goobtii.

Ina Abyad ma wuxuu leeyahay kaasi waa khasaaray oo waa hoogay. Xaashaa! Waxaan leennahay hanii’an lahum fii Jannatil Firdowsal aclaa inshaa Allaahu tacaalaa. Ogaadeenku waxay ku maahmaahaan geel nimaan la hayn baa ku yiraahda Futa Cirro.

Ina Abyad waligii jihaad ma galin haddana uma muuqdo mid u socda, muxuu ka yaqaan jihaad? Ka warran haddaad nin magiciisa ku qabsato ama hantidiisa. Soo uma ekid nin waalan. Haa. Saasaad ka dhigantahay wadaadow.

Ina Abyadow isdhiibi mayno, gaalana annagaa is naqaannee adigu cayrtaada iska qaado, waxaan kugula talin lahaa inta aad shaqada ka dhiganaysid culimo waaweyn oo diintooda loo xiray inaad iska aammustid, raggii mujaahidiinta dhabarka ka jabiyey oo Islaamka meeshaan dhigay inta aad difaacaysid aakhiradaada ilaasho.

Uma aadan xanaaqin Ilaahay daraaddiise waxaad u xanaaqday in runta laga sheegay waxa ay tahay jamaacada aad ka tirsantahay oo qarka usaaran inay fashilanto kadib markii jaasuus weyn laga dhex qabtay, wallee qaa’imadu inaysan intaas ku ekaanayn.

Jihaad nimaan aqoon baa ku yiraahda, “Guul lagama gaarin Jazaa’ir, guul lagama gaarin Afqaanistaan, guul lagama gaarin Falasdiin, guul lagama gaarin Soomaaliya. Xikmad kuma jirto haddaan dawlad Karazaay ah laguu dhisayn. Xikmad kuma jirto haddaan sheekh hebel ku jirin jihaadka. Xikmad kuma jirto haddaan caalamku ku aqoonsanayn. Xikmad ma aha in dadka gacmaha la gooyo waqtigaan qorrax kulaylka ah oo ay dhiigbaxayaan.”

Oo maxaa xikmad ah? Ma in gaalo la isu dhiibo, Shariif Karazaayna kuu taliyo, oo  Bahuuko kula dhaco Bii.Em, Bashiir Salaadna ku baaqo Bahuukaa saxan, bah Ictisaamna ku raacdo, ma taasaa xikmad ah? Laysal khabaru kal mucaayana. Xaqqa waxaa udhaw ninkaan la hadlayow inaad dhex tagto mujaahidiinta oo aad soo aragto waxay hayaan. Markaas ama cay ama amaan.

Haddaad diiddo ama gaalo kuu diiddo inaad soo aragto meesha waxa ka jira iska aamus oo iska daa dadkaan la dulmiyay. Waxaa khatar ah inaad tiraahdo waxaan maqlay, waxaan u malaynayaa, waxaa isoo gaaray iyo wixi la mida. Axkaam baad ku dhisaysaa male iyo tuhun wixii caddaana waad ka leexanaysaa! Wixii hebel miyirdaboolay baa kugu habsay. Waa la doogiye yaan la dacaroon.

Akhristayaal heeggan ku jira. Isdhiibi mayno inta nin naga nool yahay. Immaa shahaado wa immaa nasri. Ciribta dambe Islaamkaa iska leh, colaad iyo hoogna wuxuu u dambeeyaa gaalada iyo kuwa raacay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *