Qeybta 35aad

Ikhwaanii waxaan kala tagnay ayada oo heshiis dhacay. Heshiisku wuxuu dhexmaray dhinacyo dhawr ah oo kala ah Itoobiya, Keenya, Es.En.Ef iyo hay’ado jawaasiis ah oo magaca samafalka ku joogay waddanka. Waxaa dhaqaalaha bixinayey hay’adaha samafalka. Waxaa xogta bixinayey hay’adaha samafalka, waxaa kaartada dagaalka dajinayey hay’adaha samafalka. Waxaan ku talinayaa in laga digtoonaado kuwa isku sheegaya hay’adaha samafalka.

Waxaa dhammaaday wajigii koowaad oo ahaa in la helo xog buuxda, in la helo xoog milatari iyo in la helo xulufo is kaashata. Waxaa kaloo la helay dhaqaale. Waxaa xulufadaas kasoo qaybgalay ama korka ka maamulaya Maraykanka. Maraykanku wuxuu ballanqaaday inuu hawshaan kaalin muuqata ka qaadanayo, mid milatari iyo mid dhaqaale intaba.

Meesha waxaa ka jiray dawlad Islaam ah. Runtii sidaas ayaa la dhihi karay, maxaa yeelay waxaa ka qayliyey gaaladii iyo gaalaraacyadii, waxay arkeen dadkii gobolkaas dagganaa oo yeeshay bidhaan dawladnimo sida maamul, ciidamo, nabadgalyo, waxbarasho, caafimaad iyo kaladambaynba.

Waxay arkeen gaaladu iyo gaalaraacyadu gabdhihii oo xijaaban, raggii oo sunnadu ka muuqato, masaajiddii oo buuxsamay iyo dadkii oo nabadgalyo iyo dhaqaale helay. Waxaa is waydiin leh hadday dadku heleen nabadgalyo, dhaqaale, waxbarasho, caafimaad iyo cudud milatari oo ilaalisa tuugta xuduudaha kasoo gudbaysa, maxaa ka maqan dadka?

Dadka Islaamka ah waxba kama maqna. Waxay heleen dawlad Islaam ah oo aan waligeed soo marin Geeska Afrika ama Soomaaliya. Waxay heleen Kitaab Qur’aan ah oo aan waligii la dhihin muxuu ka hadlayaa, waxay heleen maxkamad marjiceedu yahay Al-Kitaab wa-Sunnah ama ku-dhaqanka shareecada Islaamka.

Muslimiinta ku dhaqan gobolkaas waxaa soo martay dawlad Islaami ah oo la dagaalantay xumaantii dadka lagu dhexbeerayay boqollaal sano, sida shirkiga, shareeco ka-fogaanshaha, gaalo-jacaylka, qabyaaladda, tuugada, dilka xaqdarrada ah, is boobka, zinada iyo fawaaxishta, jahliga xagga diinta, bakhaylnimada aan xoolaha laga bixinayn xaqqii Ilaahay ku lahaa ee uu amray in la siiyo dadka masaakiinta ah iyo wixi la mida.

Waxaa caado ah qof kasta oo dadka xaq ugu yeera inay ka hor imaanayaan dadka qaarkiis, sida boqorrada, madaxda, maalqabeenka, munaafiqiinta, kuwaasi waa afraadda. Waxaa kaloo xaqqa ka horyimaada qabiilooyinka waaweyn ama isu maleeya inay dadka wax dheeryihiin. Waxaa xaqqa raaca dadka laga tirada badanyahay oo xuquuqdooda ay cunaan kuwa tirada badan. Waa lagu xadgudbaa, waa la addoonsadaa, waa la yasaa.

Soomaaliya waxay leedahay deegaanno kala fog fog. Waxay leedahay qabiilooyin fara badan sida Hawiye, Daarood iyo Dir. Qola walbaa waxay u qaybsantaa ama ka kooban tahay shucuub fara badan. Qola walbaa waxay gumaysataa qabiilooyinka yaryar oo ayaga ka mid ah. Waxay u bixiyaan magacyo, waxay cunaan xoolohooda, kama guursadaan umana guuriyaan, madax-dhaqameedka looma oggola, haddii maamul la samaystana jago lama siiyo. Warkoodu wuxuu u egyahay hadalkii ay Ahlul Kitaabku ku dhihi jireen Carabta ee ahaa, “Kuwaan juhalada ah haddaan xoolohooda cunno xaq uma laha inay na warsadaan ama waddo ay nagu warsadaan ma haystaan!”

U fiirsada markaan Bari joognay wixii diinta la dagaallamay waxay ahaayeen ayagoon u kala harin wadaad iyo waranlaba qolada sheegata inay yihiin lafta geela badha ama kuruska baarkiisa. Markaan Waqooyi Galbeed eegno iyo Soomaali Galbeed labadaba waxaad arki kuwa islaweynanku ku dhacay ama lafta geela badha sheegta oo Islaamku ka saldhigan la’yahay oo dadkii ka dhiga miday dilaan, miday xiraan iyo mid ay diintiisii ka fidneeyaan.

Waxaan maantay taagannahay gobollada la isku yiraahdo Jubbooyinka iyo Gedo oo dawlad Islaam ah oo lix sano jirsatay afka ciidda loo daray, muwaxxidiintii ayay dhammeeyeen oo walina ciil qabaan. Waxaa dagaalkaas wada oo walina ciil qabaa waa qabiilooyinka sheegta lafta geela badha ama kuruska baarkiisa.

Gedo waxaa daga qabiilooyin fara badan oo Soomaali ka kooban. Dad baa markay maqlaan Gedo u maleeya magaalo Mareexaan kaliya uu dago sidaasna arrintu waa ka baddalan tahay. Waxaa gobalka Gedo daga qabaa’isha Raxanwayn, Dir, Garre, Murale, Ogaadeen, Ajuuraan, Jareerwayne, Mareexaan iyo kuwo badan oo  Ilaahay uun u xisaabsan oo aan la garanayn.

Waxaan rabaa inaad ila socotaan oo sheekada dhuuxdaan. Gedo markii dacwadu ka hirgashay ayaa dad badani soo jeediyeen in shareecada Islaamka lagu dhaqmo, waa tii shirka la qabtay oo loo yeeray bulshadii deegaanka xoogga ku lahayd oo la yiri ka warrama haddaan Kitaabka Alle isku xukunno oo ku kala baxno?

Bulshadii waxay tiri samicnaa wa adacnaa. Waxaa diiday oo yiri samicnaa wa casaynaa raggii isu arkayay inay yihiin lafta geela badha. Waxaa shareecadii soo dhaweeyay oo ansaar u noqday qabiilooyinkii aan ka santaagin xaqqa ama kibirku uusan ku jirin. Waxaa xaqqii barbar istaagay dadkii ama qabiilooyinkii yaryaraa oo miyirka qabay oo uusan ku dhicin cudurka islawaynanka. Islawaynanku wuxuu kaa hor istaagaa qaadashada xaqqa. Wuxuu kugu diraa dadka oo qofkii ku agmaraba waxaa kaaga soo uraya saliid macsaro.

Ikhwaanii waxaan ku dhiirran la’ahay inaan qoro burburka loo gaystay imaaradaas Islaamiga ahayd oo lixda sano dadka u khidmaynaysay. Waxaan isku toosin la’ahay dulmigii loo gaystay, waxaan wax ka arki la’ahay indhihii aan ku arkayey wanaaggii la qabtay, waxaan wax ku qori la’ahay gacantii aan ku qoray horumarkii imaarada. Waxaa iskukay qaban la’ siday ugu fakareen inay gaalo ugu yeeraan waxaan oo horumar ah oo gobolkoodii gaaray iyo waxay doonayaan oo gaalnimo iyo burbur ah! War miyuusan mid wax gartaa idinku jirin? Alla ha dulleeyee maxaa xaqa ka iilay?

Akhristayaalow waxaan ku qasbanahay inaan waxaan awoodo soo gudbiyo. Waxaan samayn doonaa inshaa Allaahu inaan soo gaagaabiyo dhacdooyinka oo aan sheego kuwoodii ugu waawaynaa. Waxaan tilmaami doonaa haddii Rabbi idmo billawgii burburka imaarada ama duullaankii koowaad waqtigii uu billawday illaa laga gaaro xilligii ay wadaaddadu gobolka ka baxeen. Waxaan tilmaami doonaa inshaa Allaahu duullaanka iyo meeshuu ka dhacay. Micna wayn uma yeeli doono kee baa horreeyay iyo kee baa dambeeyey mar haddii nalagusoo duulay oo nala burburiyey. Haddaad aragtaan anoo wax isku dhex qasaya ii cudurdaara wixii khaldanna soo saxa.

Duullaankii Isbahaysatadu Kusoo Qaadeen Imaaradii Islaamiga Ahayd

Taariikhdu waa 8dii bishii 8aad, 1996dii. Saacaddu waa kowdii habeennimo. Meeshu waa Doolow. Dagaalkaasi wuxuu socday sanaddadii 96dii iyo 97dii.

Akhristayaalow ayadoo la joogo saqdhexoo habeennimo ayaa gaaladii saf ballaaran kusoo qaadday dagaal culus. Doolow waxaa mara wabiga Jubba. Buundada ayaa gaaladuna dhinac ka daggantahay wadaaddaduna dhinac ka dagganyihiin. Gaaladii weerar ayey soo qaadeen. Waxay kor u tureen madfac loogu talagalay in habeenkii wax lagu arko ama bulalayr hadba saad u taqaan oo carrada oo dhan iftiin ka dhigaya, buundadiina waa soo fuuleen.

Wiil aan da’ weynayn oo mujaahid ah ayaa buundada agteeda ama masaajid dhiniciisa ah difaac uga jiray. Wuxuu haystaa qoryaha silsiladda leh ama boobaha ah. Tigreegii oo sidii arigii isu dabasocda ayuu bisinka u qabtay. Waxay noqdeen wuxuu laayey iyo wax wabigii isku daadiyey oo ku bakhtiyay asagiina meeshii buu ku shahiiday. Allaahu Akbar. Ilaahow mujaahidkaas shahaado ku irsaaq, aamiin, aamiin. Culummadannada Alla ha tuso qaabka wax u dhacayaan. Waxyaabaha qarsoonna Ilaahay baa og. Haddaan kaasi jihaad ahayn anigu garanmaayo mujaahid iyo kan lagu jihaadayo iyo goortuu xalaal noqon doono jihaadku, shahiidkana loo rajayn doono shahaado.

Gaaladu wax sidaas ku dhammaanaya ma ahayn oo farihii bay ka bateen. Waxaa magaaladii lagusoo garaacay madaafiicda waaweyn sida Bii.EM-ka. Magaalada ciidanka joogay oo wadaaddada ah ma badnayn oo waxay ahaayeen koox isteeshinka joogtay oo sidii booliskii oo kale u shaqaynaysay (Xisbada). Ma ahayn ciidan loogu talagalay inay dagaal galaan. Xoogaagii ciidanka ahaa markii dhan walba looga yimid ayaa qaarna wuxuu aaday Luuq qaarna wuxuu aaday Buuloxaawo.

Xog yari, isgaarsiin la’aan iyo nabadsugid la’aan. Doolow iyo Buuloxaawo ma kala foga. Wadaaddadu ama mujaahidiintu waagaas ma lahayn khibradda ay hadda leeyihiin. Ma lahayn ciidan wardoon ah siday hadda u leeyihiin. Aqoon uma ay lahayn kan diinta sheeganaya oo gaalada la shaqaynaya siday hadda u garteen. Mana aysan fahamsanayn murtad Ilaahay diintiisii iyo Muslimiintii la dagaallamay.

Lama ogayn dagaalka intaas le’eg ee gaaladu intaas abaabulaysay. Lagama shakin kuwo fara badan oo wadaaddo ahaa oo duullaanka wax ka abaabulayay waxna ka ogaa. Waan gaari doonnaa haddii Allaah idmo ninkii ciidanka madaxda u ahaa oo jaasuus ah. Lama ogayn lagamana shakin ninka gaalka la socdaa inuu gaalka ku xukun yahay. Qofka Soomaaliga ah waxaan u haysannay inuusan gaaloobi karin wuxuu rababa ha sameeyee.

Ku-dhaqanka shareecada ha diido, gaalo hasoo kaalmaysto oo dadka Islaamka ah haku laayo, jaasuus ha ahaado. Waxaa nalooga dhigay inuu yahay madoorsoome, ismabaddale, diin-kama-bexe iyo inuu yahay mu’min xanaaqay oo walaalkiis kursi ku haysta qalbigana iimaan uga buuxo. Sidaas waxaa qaba kuwaan la dhaho Ictisaamka.

Waxay yiraahdeen qofka Muslimka ah hadduusan dambiga xalaalaysan gaaloobi maayo! Hadda waxay sii marayaan inay dhahaan qofka Muslimka ah hadduu xalaalaysto dambiga gaaloobi maayo illaa uu ka tashriiciyo ama sharciyeeyo sheygaas! Sidee u sharciyeynayaa? Bal ayaga weydiiya! Sidaas Ina Abyad ayaa yiri qofkii doonayana caddaynteeda waan u hayaa meeshuu ku yiri.

Waa kee dambiga aan lagu gaaloobayn haddaan la xalaalaysan? Waa kee dambiga aan cudurdaar aqbalayn oo markiiba lagu gaaloobayo hadduu qofku sameeyo, haka sameeyo qalbiga, carrabka iyo xubnaha intaba? Maxay ukala qaadi waayeen Ictisaam haddii dambigu qaybsamo, oo qaarna aan la isugu cudurdaarayn qaarna la isugu cudurdaarayo? Ma ayagaan aqoon waxay arrintu tahay? Mise way ogaayeenoo waxay soo galayaan kuwii Ilaahay u goodiyey oo lagu yiri:

إِنَّ ٱلَّذِينَ يَكۡتُمُونَ مَآ أَنزَلۡنَا مِنَ ٱلۡبَيِّنَـٰتِ وَٱلۡهُدَىٰ مِنۢ بَعۡدِ مَا بَيَّنَّـٰهُ لِلنَّاسِ فِى ٱلۡكِتَـٰبِ‌ۙ أُوْلَـٰٓٮِٕكَ يَلۡعَنُہُمُ ٱللَّهُ وَيَلۡعَنُہُمُ ٱللَّـٰعِنُونَ

“Kuwa qarinaya waxaan soo dajinnay oo hanuun iyo caddayn ah kadib markaan dadka ugu caddaynay Kitaabka dhexdiisa. Kuwaas Ilaahay ayaa lacnada, waxaa kaloo naclad dusha uga tuura kuwa wax naclada (malaa’igta iyo mu’miniinta).”

Waxaad kaloo eegtaa aayadda isla Baqara ku taal oo ay isku macna dhawyihiin aayadda aan soo marnay, waa aayadda 174aad ee Baqara. Qur’aanku kama hadlo oo kaliya dadkii tagay. Wuxuu ka hadlaa kuwii tagay, kuwa jooga iyo kuwa imaandoona intaba. Baraagug.

Khabarkii Duullaanka oo Soo Gaaray Buuloxaawo Saqdhexe

Markii gaaladii qabsatay Doolow walaalihii yaraa ee joogayna ay insixaab sameeyeen oo qaarna aadeen xaggaas iyo Luuq qaarna aadeen Buuloxaawo ayaa waxaa gaari yar lasoo cararay nin dhalinyaradii kamid ahaa. Wuxuu kusoo dhex dhacay Buuloxaawo oo warmooge ah oo iska hurudda. Waa la kacay, waxaa la naadiyey in magaalada duullaan kusoo fool leeyahay. Waxaa dadkii lagu baraarujiyay in gaalada lagu jihaado.

Cadawga iyo Meelihii uu Kasoo Galay Buuloxaawo

Cadawgii ayaa soo dhawaaday, magaaladii ayey kusoo dhaqaaqeen kadibna waxay kasoo galeen magaalada laba meelood. Dhinac waa laga filanayey oo waxay ahayd dhankii Doolow. Dhinaca kale la isma lahayn cadaw baa ka imaanaya oo waxay ahayd dhinacii Keenya.

Laakiin Muslimiintaa ogayne gaaladu waa ku wada jireen dagaalka ka dhanka ah imaaradaan. Waa taan soo marnay shirkii lagu go’aamminayey duullaankaan inay wada joogeen Keenya, Itoobiya, Maraykan, Es.En.Ef iyo hay’adihii jaasuuska ahaa ee samafalka isku magacaabi jiray.

Waxaa intaas barbar socday madaafiic aan loo meeldayeyn oo lala dhacayay Buuloxaawo iyo wixii ku noolaa oo noole ahaa. Gaaladii kasoo gashay dhanka Doolow waxay la kulantay iskacaabbin xoog leh. Waxaa lagu dhiftay dharbaaxo ay tallaabo qaadi waayeen. Waxaa hagardaamo iyo khayaamo sameeyay Keenya oo aad ogaydeen wixii abaal loo galay. Uma muuqdaan waxa wanaag loo sameeyay ee waxaa u muuqday Islaamka soo bidhaamay.

Waxaa Mandheera soo dhexmaray ciidan Tigree ah. Waxay magaalada kasoo galeen dhanka qorrax-udhaca. Waxay dhufays ka dhigteen buur yar oo magaalada galbeedka ka xigta. Qaarna waxay dhufays ka qoteen kastamka u dhexeeyay labada magaalo oo aad isugu dhaw. Xoogaagii ciidanka ahaa iyo dadwaynihii magaalada waxaa la galiyay laba aabur.

Waxaa kaloo intaas lagu waday magaalada iyo aaggeedii madaafiic waawayn. Wadaaddadii markii qiil qiil la galiyay oo la joogo qiyaastii 5 saac oo maalinnimo, wax gurmad ahna aysan u imaan, gaaladana ay soo gaareen gurmadyo cusub ayay magaaladii ka insixaabeen ama xeeladaysi ayay uga baxeen.

Shuhadadii Buuloxaawo iyo Geesiyaashii Ilaahay ka Iibsaday Naftoodii

Waxaa jira rag aan la aqoon waxtarkooda marka nabadda la yahay. Waxaa jira dad aan muuqan inta la xasilloon yahay. Rag baa jira kaligiis ciidan badan matali kara. Waxaan soo qaadanaynaa halyey maalinkaas muujiyey dagaal gobeed.

Markii magaaladii wadaaddadu ka insixaabeen gaaladiina soo gashay ayaa fulay oo dhan dhulku qarinwaayey. Waxaa qayliyey haweenkii iyo carruurtii aan waxba galabsan. Rag badan baa qoryohoodii tuuray si aan gaaladu ugu malayn inayn mujaahidiinta kamid ahaayeen.

Nin mujaahidiinta meesha ka dagaallamaysay kamid ahaa ayaa gaaladii dhinac walba kasoo gashay. Waxaa arkay dad Soomaaliyeed ninkaan gaaladii meel walba kasoo gashay. Waxaa lagu yiri, “War meel walbaa lagaa jiraa oo meel aad u baxsan karto ma jirto ee qoriga tuur oo dadka shacabka ah iska dhex gal!” Wuxuu yiri, “War sidee iila hadlaysaan? Ma maantoo kalaa qori la tuuraa. Sow maanta ma ahan maalinkaan sugayay, sow gaaladu ma ahan kuwaan sababtooda Janno ku gali lahaa. Hadday i dilaan waa Janno bi’idnillaahi, haddaan dilana waa guul iyo nasri.”

Wuxuu haystaa qori uu ku dagaallami yaqaan oo gacantiisu taqaan. Wuxuu haystaa yaqiin xagga Rabbi inay bannaantahay in diintaada difaaceeda loo dhinto. Intuu bannaanka soo istaagay oo si fiican qorigii gacmaha uga buuxsaday ayuu Wayaanadii oo sidii lo’dii isu dabasocota bisinka u qabtay. Kuwii ugu horreeyay oo uu ku jiray sarkaalkii ciidanka watay iyo unug dhan ah ayuu dhulka la simay.

Wuxuu ku raaxaystay geerida gaalo fara badan oo indhihiisu arkayeen ayagoo dhulka daadsan. Wuxuu si geesinnimo leh u laayey Kiristaan badan oo macatabka u dirirayey. Muddo aan badnayn hadduu dagaalkii waday ayey dhan walba kasoo galeen meeshaasuuna ku shahiiday inshaa Allaahu tacaalaa.

Shahiidkaani wuxuu la dhashay halyeygii hortiis shahiiday bi’idnillaahi Shiikh Yuusuf Shiikh Maxamuud Axmed Tiire. Waa qoys barakaysan oo ehlu-diin ah, geesinnimana ku darsaday. Waxay dadka ka dhex muuqdaan marka ragga qaar la arki waayo oo la kala dhuunto. Ninka wacdarahaas dhigay waxaa la oran jiraya Maxamed Sheekh Maxamuud Axmed Tiire, taqabbalahu-llaahu, aamiin, aamiin.

Waxaa xusid mudan in la sheego walaal kale oo dagaallamay kaligii muddo 4 saacadood ah. Wuxuu la dagaallamay ciidan fara badan oo gaaladii kamid ah ama guuto ahaa. Walaalku wuxuu dhufays ka galay mucaskarkii magaalada agteeda ku yaallay. Markii ciidammadii Muslimiintu meeshii ka insixaabeen ayuu dhufayskiisii adkaystay oo wuxuu yiri anigu meeshaan ayaan Janno ku sugayaa ama guul. Waa kaligii, meel walbaa laga soo galay. Wuxuu haystaa goriga lagu magacaabo Biikaam. Rasaas fiicanna wuu haystay. Gaaladii waxay isku dayeen inay dilaan ninkaan ama nolol ku qabtaan. Wuxuu ula dagaallamay sidii ciidan guuto dhan ah ay u dagaallami lahaayeen. Wuxuu laayay gaalo fara badan. Qiyaastii dagaalkaasu wuxuu socday 4 saac.

Aakhirkii markii rasaastii ka dhammaatay ayuu meeshii ku shahiiday bi’idnillaahi. Gaaladii markay meeshii ka bexeen ayaa waxaa loogu yimid asagoo dhufayskii dhexdiisa yaalla oo agtiisa ay dhooban tahay ama aad karoor mooddo fuuqii xabbadaha uu gaalada kula dirirayey. Waxay buuxiyeen godkuu ku jiray. Ninkaas waxaa magaciisa la dhihi jiray Miyir. Waxaan ka xumahay in aanan hayn magaca shahiidkaas oo saddexan. Ilaahay ha u aqbalo shahaadadiisa, aamiin, aamiin.

Haddaan dagaalkaasi jihaad ahayn, haddaan mujaahidkaas meeshaas lagu dilay loo rajaynayn shahaado, anigu garan maayo cidda shahaado loo rajayn doono iyo cidda mujaahid lagu magacaabi doono. Gaalada saliibiyyiinta ah ee inta soo duushay cagta marisay dad iyo duunyaba wixii sanadaha dhan la aruurinayay, haddaysan bannaanayn in kuwaas laga difaaco acraadda Muslimiinta goormuu jihaadku waajib noqon? Ictisaam hala weydiiyo.

Luuq iyo Qaabkii Dagaalku Uga Dhacay

Ikhwaanii dagaalku wuxuu ahaa saf ballaaran oo ay gaaladu kusoo qaadday gobolka oo dhan. Waxaan hadda wax ka tilmaannay Doolow iyo Buuloxaawo qaabkii dagaalku uga dhacay. Waxaan galaynaa Luuq oo ahayd madaxtooyadii imaarada Islaamiga ahayd iyo qaabka loosoo weeraray, waxaan wax ka tilmaami doonnaa haddii uu Allaah idmo dhacdooyinkii xanuunka badnaa ee gaalada iyo gaalaraacyadu cagta ku mariyeen wixii adduun ahaa iyo diintii iyo shareecadii gobolka looga dhaqmayey.

Walaalayaalow ii cudurdaara haddaan wax kala hormariyo ama isku qaso maxaa yeelay taariikhdaan aan kasoo billaabay min Dhoobley illaa meesha aan hadda marayo, markii horana Alle ima waafajin inaan meel wax ku qoro oo diiwaangaliyo, kadibna ma helin cid iga caawisa oo haysa wax qoran, marka laga reebo dad yar oo aan magacooda soo gudbin doono inshaa Allaahu dhammaadka qoraalka.

Waxaan wax ka qorayaa waa wixii aan ku kaydiyey qalbigayga muddana aan ku taamijiray inaan mar uun jaanis u helo. Ilaahay mahadi haka gaartee waxaa Alle i waafajiyay inaan billaabo qoraalkaan hadda oo ay kasoo wareegtay labaatan sano iyo wax ku dhaw.

Qoraalladii hore way ka fududaayeen qoraalkaan maxaa yeelay waxay ahayd dhacdooyin mar dhacayey oo la xifdin karay. Waxaan hadda soo gaarnay meel u baahan taxaddar farabadan. Waxay ahayd dawlad shaqaynaysay lix sano. Waxay dagganayd meelo kala fogfog. Waxay qabatay mashaariic kala gaddisan, waxay gashay dagaallo fara badan oo kala fogfogaa. Maalin waa laga guulaysan jiray gaalada iyo gaalaraacyada maalinna ayagaa guulaysan jiray.

Imaaradii gobolka Gedo soo martay oo la burburiyay iyo raadraaceedii qof kaliya qalbigiisa wax ku jira lagama qori karo. Waxay u baahan tahay boqollaal qof oo isu yeerisa wixii dhacay. Waxay u baahan tahay diiwaan horay loo qoray oo dib loo milicsado. Waxay u baahan tahay waqti iyo kharash intaba in lagu bixiyo. Labaatan sanaan sugayey wax iga caawiya ama igu dhiirrigaliya qormadaan in la diiwaangaliyo. Markaan quustay ama waayay wax igu caawiya ayaan fakaray kaligay.

Waxaan qaatay go’aan ah inaan billaabo anoon qof dambe u juuqin ama la hadlin, maxaa yeelay naftu waa amaano nala siiyey goor la oofsan doonana lama oga. Markaan qoraalka billaabayey waxaan soo raaciyey cinwaan aan ku dalbanayo ciddii wax igu dhaanta ama i xasuusinaysa waxaan ka tagay inay igala soo xiriirto iimaylkan. Waxaa i ajiibay oo aad ii kaalmeeyey Alle-ma-cadaabe aan soo gudbin doono magaciisa inshaa Allaahu.

Waxaa in badan i saxay oo wax aan khaldayna saxay wax aan ka tagayna igu baraarujiyey rag u hamuun qabay dhacdadaan cid wax ka qorta. Ilaahay waxaan dhammaantood uga baryayaa inuu hadday noolyihiinna fitnada dhacaysa ka badbaadiyo hadday dhinteenna Jannatul Firdowsa ku abaalmariyo, aamiin, aamiin.

Waxaan ogahay dad badan oo goobjoog ahaa inay taariikhdaan ku xiranyihiin, laakiin aysan jaanis u helin inay wax ka qoraan. Waxaa laga yaabaa markay arkaan anigoo gabi dhaclaynaya inay xanaaq cirka maraan oo cirdigayga iyo sharaftayda ku dhacaan anoon waxba ka ogayn taariikhday hayaan iyo siday uga xunyihiin waxaan walaaqayo oo aanan ehelka u ahayn. Walaalayaal adinkoon i dagaalin haddaad aragtaan wax khaldan ogaada aqoontaydii baa intaas noqotay ee dan kale ma lihi.

Tan kale isoo saxa oo sheega waxaan ka tagay iyo waxaad ku baddali lahaydeen. Ammaa qofka inta khalad sheega haddana aan ku darayn wixii saxda ahaa, kaasi waa mid raba inaan waxba la qorin, cidna wax laga sheegin. Markaan qormadaan billaabayey waan cudurdaartay, waxaa kamid ahaa inaan wadi doono qormadaan ciday rabto haka farxiso ciday rabtana haka nixisee. Waxaan sheegay wixii dambi aan galo inaan Ilaahay uga tawbadkeeni doono, haddaan dad ku xadgudbana waxaa nabaddoon ii ah oo i qaban kara qof kasta oo mu’miniinta kamid ah, anna waan qabsoomi haddii khalad la igu caddeeyo.

Dagaalladaan imaarada lagusoo qaaday waxaan ka tilmaami doonaa kuwoodii ugu waawaynaa iyo meelaha ay ka dheceen. Waxaa laga yaabaa inaan kala hormariyo oo dagaal mar hore dhacay hadda ka sheekeeyo midkii soo horreeyayna aan gadaal mariyo, maxaa yeelay qisadaa hadba meel ku wanaagsan in looga sheekeeyo, dhacdooyinkaani Qur’aan ma ahan ee waa sheeko dhacday oo khaladna xambaari karta saxna noqon karta. Waxyi ma ahan. Allow run ma sheegay adaa i ogee.

Ikhwaanii aan ku noqonno Luuq oo gaalo meel kasta kasoo gashay. Dagaalkaan Doolow ka billawday wuxuu ahaa saf ballaaran oo gobolka oo dhan lagusoo qaaday. Wuxuu ahaa dagaal ay ka qaybqaadanayeen ciidammada dhulka, cirka iyo jawaasiis aad u fara badan oo qaarkood ay kamid yihiin hoggaamiyayaasha ciidanka Al-Itixaad. Waxaa dagaalka ka qaybqaadanaya taangiyo ama gawaarida gaashaaman. Waa ciidan isasoo bahaystay oo isugu jira gaalo meelo fog ka timid sida Maraykan iyo xulufadiisii, waxaa kamid ah kuwa dariska nala ah sida Keenya iyo Itoobiya. Waxaa intaas dheer murtaddiintii Soomaaliyeed oo kula bohowday gaalada inay Muslimiinta dabargooyaan. Waxaa hoggaaminaya murtaddiinta Jeneraal Cumar Xaaji Masalle.

Wuxuu wataa wixii iimaanlaawe Mareexaan ku jiray iyo dhuuni-qaatayaashii bulshada horjoogayaasha u ahaa. Wuxuu wataa Suufiyo oo manhajkoodu yahay manhajka Shiicada, asalkooduna uu kasoo jeedo ama ay isku dhaqan yihiin Suufiyada Yuhuudda. Sow ma aragtaan say gaalada u jecelyihiin?

Gaalada isugu jirta madawga iyo caddaanka waxaa hoggaaminaya gaal lagu magacaabo Jeneraal Tuke oo Itoobiyaan ama Tigree ah. Gaaladu waxay ku ballameen in dagaalku ka billawdo Doolow. Labada magaalo ee kalana la duldago waa Buuloxaawo iyo Luuq. Qorshohoodu wuxuu ahaa markay qabsadaan Doolow iyo aaggiisa inay labada magaalo oo kalana weerar ku ekeeyaan ayagoo wadajir ah.

Sidii bay yeeleen oo waa annagii soo marnay dagaalkoo ka billawday Doolow wadaaddadiina qaarna xaggaas iyo Buuloxaawo u insixaabay qaarna xaggaas iyo Luuq. Markuu dhacay dagaalkii Doolow ayaa magaaladii Luuq waxay maqashay hugunka aatalariga iyo madaafiicda goobta oo gaaladu la dhacayso kooxdii yarayd ee Doolow waardiyaha ka ahayd ama xisbadii yarayd oo isteeshinka Doolow joogtay. Gaalo fulaysanaa raggaas yarka ah oo isteeshinka joogay waxay u qabaan in malaayiin ciidan ah ay joogaan. Waa saas oo Ilaahay baa argaggax ku riday.

Magaalada Luuq waxaa joogay ciidamo badan laakiin aan dagaal u diyaarsanayn. Waqtigaas Muslimiintu ama imaaradu ma lahayn isgaarsiin iyo wardoon xogta soo uruuriya. Siyaasad ay uga warqabaan waxyaabaha dibadda ka dhacaya ma ay gaarin. Waxay ku baraarugeen jugta madaafiicdii lagu garaacayey magaalada bartankeeda. Waxaa intaas usii dheer ninkii ciidammada dagaalgalin lahaa ama amiirka u ahaa asagii ayaa gaalada u shaqaynaya oo xogtoodii bixinaya ama xogtii ciidanka Muslimiinta.

Ninkii ciidammada Luuq xukumayay markuu maqlay ama dadku u sheegeen in dagaal kululi uu ka socdo Doolow ayuu inta baabuur qaatay wuxuu aaday dhankaas iyo meeshii la islahaa cadaw baa ka imaanaya. Magaalada waxaa duldaggan oo aan war laga hayn ciidankii uu watay Jeneraal Tuke.

Waxay ila tahay in jaasuusku ka warqabay duullaanka laakiin uu sugayay in dagaalku billawdo si aan looga shakin. Sarkaalkii Al-Itixaadka ahaa (Cabdirazaaq Garwayne) wuxuu u tagay Tuke oo aan ka fogayn magaalada. Waxay ku wada hadleen ma naqaan laakiin la wadahadal oo waxay ahaayeen rag shaqada isla hayey ama iska warqabay oo jaasuusku asagaaba hoggaaminaya duullaanka dhan.

Sarkaalkii Al-Itixaadku ay ciidammada Luuq u dhiibteen ee Islaamka u dhogor-ekaa wuxuu ahaa jaasuus la shaqaynayey gaalada iyo cadawga. Wuxuu soo agaasimay gaaladii, wuxuu soo bixiyey xogtii ugu dambaysay, wuxuu kusoo laabtay magaaladii asagoo soo gutay waajibaadkii gaaladu ka sugaysay jaasuuska. Luuqna maalintaas ayaa ugu dambeysay oo meel jaan iyo cirib uu dhigay lama yaqaan. Mar waxaa la yiri gaaladii buu horay u raacay, mar waxaa la yiri wuxuu aaday Kismaanyo oo ehelladiisu dagganayd ama rag ay shaqo ka dhaxaysay sida Moorgan oo kale ayuu u tagay.

Jabalu-Shuhadaa

Ciidan baa wuxuu saaranyahay buur aan magaalada ka fogayn oo magaceeda loo bixiyay Jabalu-Shuhadaa. Ragga buurta saaran waa muhaajiriin dhammaantood ama waa rag kasoo jeeda Jaziiratul Carab. Waa rag tobaneeyo ah oo meeshaas Islaamka ka waardiyeeya. Raggu iskama ilaalinayn cadawgaan ku dhex jiray oo haddana madaxda looga dhigay oo ay u qabaan walaalkood. Jaasuuskii markiiba wuxuu geeyay khabarkii raggaan muhaajiriinta ah oo buurta ku jira. Wuxuu sheegay inay yihiin rag waxtar ah oo jihaad u yimid Soomaaliya khatarna ku ah dagaalka oo aan la gali karin Luuq ayaga oo nool.

Toggii Xaani-Wayne

Waxaa kaloo magaalada meel ka baxsan oo ka xigtay dhanka cadawga joogay ciidan siddeetameeyo ah oo la rabay in loo diro xaggaas iyo gudaha Itoobiya. Waxay difaac kaga jireen tog lagu magacaabo Xaani-Wayne. Waxay ahaayeen ciidan tababbaran oo la diyaariyay. Labadaas ciidanba jaasuuskii xogtoodii ayuu bixiyey.

Khayrbeelihii jaasuuska ahaa xaggana ahaa hoggaamiyaha ciidammada Al-Itixaad wuxuu kusoo laabtay magaaladii. Wuxuu ogaa wuxuu dhagar sameeyay iyo khayaamo oo wuu cararay markii dagaalkii billawday. Ninkaas waxaa la dhihi jiray Cabdirazaaq Garwayne, calayhi minallaahi maa yastaxiq. Waa reer Biciidyahan.

Waxba yaanan ka warwareegin dhagarta ikhwaankii loo maleegay. Waxaa ayagoo warmooge ah madaafiic lagu garaacay muhaajiriintii oo tukaday salaaddii Subax, illayn gaalo waa ogtahay oo foodda ma galin karto toban nin oo Carbeed meel ay isugu timide. Waxaa ayagana la gaaday oo dagaal lagu billaabay kooxdii difaaca kaga jirtay toggii Xaani-Wayne

Dagaalkii oo Billawday

Waa nala gaaday laakiin waxaan nahay bulsho dagaal. Jaasuus baa madax noo ahaa oo xogtayadii oo dhan bixiyey. Axmed Keysuhu meel walba waa joogaa, Ictisaamna inta Keyse ee u qarsoon lama oga illaa iyo hadda, laakiin Ilaahay baan talo saarannay. Qofna yuusan dib isu dhigin, dagaalku wuxuu ku waajib yahay qof kasta oo nafu ku jirto. Qaata qalabkiina, qof walbaa wuxuu qaban karo ha qabto. Ballanteennu waa jiidda hore. Yaan qofna loogu imaan gurigiisa asagoo ku dhex jira, illayn lagu deyn maayo oo gaalo ma kala taqaan Muslim dhiig qabow iyo mid dhiig kulul.

Gaaladu ayagaa idinka fulaysan, ayagaa idinka naf jecel. Ilaahayna wax uma agyaallaan. Hasoo illaawina faashadihiina iyo wixii dhiigjoojin ah. Immaa shahaado wa immaa nasri.

Waa inoo qormada dambe inshaa Allaahu. Allaahuma munzilal Kitaab, wa mujriya saxaab, wa haazimal axzaab, ihzimhum, aamiin, aamiin.

aragtidaada nala wadaag...