Qeybta 36aad

Bismillaahi wabacdu. Waa qormadeennii 36aad. Ikhwaanii waxaan kala tagnay ayadoo dagaal culus uu socdo. Dagaalku wuxuu ka socdaa dhulka oo waxaa imaaradii Islaamiga ahayd soo weeraray ciidamo tirsigooda aan la qiyaasi karin. Dagaalku wuxuu ka socdaa cirka oo gaaladu waxay adeegsanayaan diyaaradaha dagaalka. Waa caadadooda markii dhulka looga adkaado waxay soo kiciyaan balaayo korkaaga ka qaylinaysa oo aadan wax aad ku fiiqdo u helayn kaana dul tagayn.

Dagaalku wuxuu ka billawday ama ay gaaladu ku billawday Jabalu-Shuhadaa oo ahaa buur ay saarnaayeen rag meel dheer kasoo raadiyay inay la kulmaan waxay maalinkaas la kulmeen. Waa muhaajiriin sagaal nin ah. Muhaajiriintaasi nasabkoodu wuxuu galaa Nabigeennii Muxammad Ibni Cabdullaahi (sallallaahu calayhi wasallam). Waa ikhyaar aan gaalo u ciilqabin oo horay ugasoo faraxashay maydka kufaar fara badan. Waxay gaadayeen jaanis ay Allaah kula kulmaan naftoodana ay uga iibsadaan. Meeshii waxay noqotay duleedka degmada Luuq. Waxaa loo bixiyay Jabalu-Shuhadaa. Sagaalkoodiiba waa ku shahiideen, taqabbalahumullaahu ajmaciin, aamiin, aamiin.

Murtadkii ciidanka madaxda ka ahaa (Cabdirazaaq Garwayne) ayaa sheegay in meesha rag waxtar ah ay ku jiraan. Gaalada oo lagu yaqaan fulaynimo iyo nabar aan laga kicin ayaa waxay ku garaaceen buurtii madaafiicdii loogu talagalay in lagu garaaco dhismayaasha ad-adag. Waxay isla gubeen buurtii iyo nawaaxigeedii. Waxaa ku habsaday gantaallo u dadajiyey dhalinyaradaas inay la kulmaan xuurul-cayntii sugi la’ayd kulankooda Inshaa Allaahu tacaalaa.

Meesha labaad ee dagaalku ka dhacay waxay ahayd toggii Xaani-Wayne oo ay ku jireen 80 nin oo u diyaarsanaa inay aadaan gudaha Itoobiya. Waxaa xogta bixinayey oo meel kasta oo ciidan waxtar ah ay joogaan sheegayaa waa Cabdirazaaq Garwayne oo ciidamada Al-Itixaad ee Luuq joogay amiir u ahaa.

Waxaynu soo marnay asagoo xalay inta baabuur qaatay la kulmay gaaladii oo haddana magaalada kusoo laabtay isla waqtigiiba. Haddana meel uu jaan iyo cirib dhigay waa la waayay. Ma gaaladii ayuu raacay? Ma ogin, waxaa kaloo la sheegay markuu hubsaday halaagga uu u gaystay iyo inay baabba’day imaaradii Islaamku inuu aaday Kismaanyo.

Gaaladii toggii Xaani-Wayne waxay kala kulantay jab iyo halaag. Waxaa dhammaaday racii hore, waxaa hadba yimaada kuwo cusub bisinkay u qabtaan walaaluhu jazaahumullaahu khayral jazaa. Waa gaalo isasoo bahaysatay oo wax dhammaanaya ma ahan. Hadba meel bay soo jabsadaan. Raggaanu waa rag awalna aan badnayn wax gurmad ah oo soo gaarayna majirto. Sababtu waxay tahay markii dagaalkii dhulka looga guulaystay gaaladii ayay diyaarado soo kiciyeen.

Wax alla wixii gurmad ku imaan lahaa ayay dusha ka garaaceen. Wax dhaqaaqaa ayaa la waayay oo gaadiid ah. Diyaaradihii markay duullaanka soo qaadeen ayaa ciidankii cirka ee Al-Itixaad waxay u rakibteen madaafiicda lidka diyaaradaha. Markii saddex saalbo lagu riday ayaa qoryihii shaqayn waayeen oo wada kadibeen.

Hubkaanu wuxuu meesha yiillay muddo badan oo aan cidina dayactirin Al-Itixaadna isma oran waad u baahan doontaan oo waxaa idin soo weerari doona diyaarado diinta Islaamka lagula dagaallamayo. Ama waxaaba laga yaabaa in ulakac looga aamusay, maxaa yeelay ciidammada dhan ragga hoggaankooda hayay waxay la shaqaynayeen gaalada oo jaasuus u ahaayeen sida Cabdirazaaq oo kale iyo kuwo badan oo aan la garanayn.

Fiiro Gaar ah: Ninka ay Shabaabku sheegeen inay u dileen inuu ahaa jaasuus u shaqaynayey Sii.Ay.Ee (CIA) ee la yiraahdo Axmed Kayse Ictisaamkana shuuradeeda sare kamid ahaa iyo Cabdirazaaq Garwayne oo waagaas ayaga laftooda xubin sare ka ahaa, ciidammadii mujaahidiinta ahaa ee gaalada jihaadka kula jiray ayey uga dhigeen madax, markii dambana waxa uu sabab u noqday halaaggii imaaradii Islaamiga ahayd. Ma u malaynaysaan inay yaryihiin?

Jawaasiista ku dhex jirta tayaarkaan magaca wanaagsan wata ee ay ka buuxaan dad wanaagsan oo aan war ka hayn abeesooyinkaan ay barkan yihiin. Waxaan hubaa Axmed Kayse inuu yahay arday goor dhaw shaqada soo galay. Waxaa wadaaddo u eg ama culumo waawayn ah macallimiintii Axmed Kayse. Raggu waa iska warqabaan. Jaasuuska iyo kan la jaasuusayo. Waxaa ku dhex dhumay kuwo qaba cudurro dhawr ah: qaflatu saalixiin, qabiil iyo qunyarsocod.

Sheeko Gaaban

Nin oday ah oo wadaad ah ayaa soo martiyay reer Xamar dagganaa. Dadkii waa seexdeen oo waxay noqotay saqdhexe ama habeenbarkii. Wadaadkii martida ahaa barxaddii guriga lagasoo gali jiray ayuu wardi la fariistay. Guriga waxaa daggan dad famil ah oo is dhalay qaarna isla dhasheen. Dadka guriga daggan waxaa kamid ah mid ardaal ah oo markii dadku seexdaan gabdho u yeerta oo guriga ku shukaansada. Ardaalku wuxuu shaqadiisa qabsadaa markii dadku seexdaan. Ninkii dhalinyarada ahaa wuxuu arkay ninkaan aan u qaabaysnayn hurdada oo iska fadhiya. Go’aan buu gaaray oo wuxuu is yiri waa oday aan waxba garanayn ee iska qabso hawshaadii. Duqii oo wardigiisii haysta ayuu soo hormarsiiyay qoftii dumarka ahayd oo xiriirka qarsooni ka dhexeeyay ayada iyo ardaalka.

Waagii baa baryay. Goor barqadii ah ayaa qoyskii iyo wadaadkii martida ahaa waxay soo wada fariisteen barxaddii guriga. Ardaalkii xalay xadgudubka sameeyay ayaa odaygii isyiri armuu ku qarxiyaa oo wixii uu xalay arkay sheegaa odaygu. Ninkii dhalinyarada ahaa odaygii buu la kaftamay ama sheeko la yeeshay bal inuu wax fahmay iyo in kale. Dadkii ehelka ahaana hareerahay ka fadhiyaan oo waa la maqlayaa waxay ku wadahadlayaan.

Wuxuu yiri adeer ii warran xalay miyaan is aragnay? Odaygii wuxuu yiri adeer awliyadu habeenkii ayay is aragtaa, hadallo kalana waa is dhaafsadeen. Wiilkii iyo odaygii waxay ku dulsheekaysteen ayadoo aysan fahmin dadkii hortooda fadhiyay.

Waxay ku wada hadleen luuqad odaygu keenay oo wiilkii ku ogaaday in odaygu ka warqabo wuxuu xalay sameeyay oo ahaa wax aan habboonayn dadkuna aysan fahmin sarbeebtay ku wadahadleen.

Waxaan sheekadaan u keenay laba arrimood:

  1. Inaad ogaataan Shabaab iyo Ictisaam way iska warqabaan oo waa awliyadii habeenkii is arki jirtay, shacabkuna waa familkii lagu dulsheekaystay oo waxba ma oga.
  2. Inaan xoogaa u nasanno dagaalka oo ku rogaalcelinno furintii dhiiggu qulqulayay.
  3. Waxaa kaloo korkeenna taagan diyaarado dhaqdhaqaaqa eeganaya oo qofkay arkaan tooganaya, kuwaasina intay naga tagayaan ayaan idin maaweelinayay.

Ikhwaanii gaaladu jawaasiista waxay u dirsataa wadammada Muslimiinta, gaar ahaan waxay ku dhexdarsataa mujaahidiinta iyo kuwa diinta sida dhabta ah ugu dhaqmaya.  Al-Itixaad waa raggii gaalo iyo Suufiyo meel saaray, waa tayaarkii miraha la guranayo sabab u ahaa. Waa culumadii ama ducaaddii Manhajka Salafu Saalix ee Soomaaliya. Waxaan leennahay jazaahumullaahu khayran.

Waxay Ictisaam musiibadu ku dhacday kadib markii ay gaaladu ku dhexdarsatay jawaasiis. Waxay burbureen markay manhajkii baddaleen. Waxay saaxada ka bexeen markay gaalo isu dhiibeen oo ka quusteen inay helaan dawlad Islaami ah oo shareecada Islaamka wax ku xukunta. Waxay go’aansadeen inay gaalada ku hoosnoolaadaan oo qawaaniinta gaalada dadka ugu garqaadaan. Waxay fogeeyeen jihaad iyo ninkii ka hadla. Waxay qar-iska-tuur ku magacaabeen ninkii yiraahda khilaafo Islaami ah aan raadinno.

Shabaab waan gaari doonaa inshaa Allaahu goortay soo bidhaameen iyo waxa kallifay in ay maya yiraahdaan ama diidnay culumow waxaad waddaan! Waxaan leennahay Ilaahay xaqqa haku sugo Shabaabka. Ha ogaadeen inaysan meel ka jirin kuwii burburiyay ama fitneeyay macallimiintoodii hore (Itixaad) iyo waxay kusoo dhimanayeen muddo dhan (mirihii jihaadka).

Akhristayaal diyaaradihii tage ee soo baxa. Aan idiin warramo wixii dhacay intaan gabbashada ku jirnay.

Diyaaradihii markii la waayey wax lagu rido oo ay dadkii baabbi’iyeen ayaa rag xirfad khaas ah lahaa waxay qaateen qalabkoodii ay ku dagaalgali jireen markay rag is qabtaan. Waxaa la ii sheegay maalinkaas asaga ah in diyaaradihii rag kula dagaallameen qaanso iyo gamuun. Markii diyaaraddu saalbo madaafiic ah ku riddo magaalada ayaa ayadana waxaa lagu ridaa saalbo liibab ah ama gamuun. Waxaa ka dhacday Ilaahow intaan ayaan awoodaa. Ikhwaanii dagaalka dhulka iyo cirka nalooga soo qaaday waxaa dheer madaafiic meel dheer lagasoo ridayo oo aan cidiba fallaar la gaarin. Tuke iyo gaaladuu hoggaaminayay ayaga oo adeegsanaya waxaas oo hub casri ah tallaabo waa qaadi waayeen. Waxaa lagu baabbi’iyay toggii Xaani-Wayne oo qoladii cusub oo timaaddaba dhagtaa dhiigga loo daraa.

Magaalada hareereheeda waxaa ka socda dagaal oo mar walba waxay isku dayaan inay soo jabsadaan ama soo jiiraan mujaahidiinta waase u suuroobi wayday. Allaah ayaa ku mahadsan thumma mujaahidiintii naftooda hurayey.

Dagaalku wuxuu billawday salaaddii Subax, waxay saacaddu maraysaa sagaal saac oo galabnimo ama casarkii. Gaaladii waxay adeegsadeen wax kasta oo ay awoodeen inay adeegsadaan waxna waa qaadi waayeen. Diyaaradaha na garaacayaa waa kuwii Maraykanka ee Xamar ka dagaallamayay.

Ciidammadii huwanta ahaa oo Xamar ku habsaday kadib markii reer Muqdisho jilbaha dhulka u dhigeen jab weynna lasoo gaarsiiyey ayey dagaalkii usoo wareejiyeen gobolka Gedo.

Ikhwaanii Luuq haddaad taqaannaan waa meel aad u kulul, waxaa kulaylkii Rabbaaniga ahaa sii shiday ama sii kululeeyay madaafiicdii iyo hubkii la is waydaarsanayay. Waxaa soo dhacday akhbaar sheegaysa in gaalo cusub oo Doolow ka timid ay nagu soo fool leedahay oo soo dhaaftay Geedwayne. Waa meel aan ka fogayn Luuq.

Waxaa si degdeg ah loo diray kooxdii qaraxyada, waxayna gudagaleen hawshoodii ahayd inay dhulka hoostiisa galiyaan alaabahoodii gaarka ahaa, baabbi’iyaanna gaadiidka cadawga gaaladaan isasoo bahaysatay, waxaase Allaah qaddaray hawshoodii intii ay ku jireen inay kuffaartii kusoo kadisay, halkaas ayeyna ku shahiideen intoodii badnayd.

Ragga goobtaas ku shahiiday waxaa kamid ahaa Xasan Shiikh Cabdulle. Gaaladii si sahlan ayay usoo gashay magaaladii Luuq oo ay soo gali waayeen toban saac oo xiriir ah ayagoo wata hub nooc kasta ah oo uu leeyahay. Waa nala dhabarjabiyay annagoon ka digtoonaan. Qaddarallaahu wa maa shaa’a facal.

Magaaladii markay qabsadeen ayay la hadleen Tuke iyo gaaladuu watay oo saakay meeshii lagu hor istaagay wali taagan wixii ka haray. Ciidankii ama naftood-hurayaashii Xaani-Wayne gaalada ku hortaagnaa, waxaa lagasoo galay dhankii magaalada. Horayna waxaa ka fadhiya Tuke. Waxaa la galiyay qaaba qawsayn. Waxaa ka haray 13 nin.

Ma xasuusataan intay ahaayeen raggaas? Waxaa gaalo mari wayday maalin dhan waxay ahaayeen 80 nin. Laakiin Ictisaam ma aysan ahayn ee waxaa ku jiray nuxur Shabaab ama waxay ahaayeen Shabaab, xagga da’da iyo caqiidaada intaba. Sababta loo mari waayay waxay ahayd, waxay u dagaallamayeen in diinta Alle kor noqoto. Tukana wuxuu u dagaallamayay in Zanaawi kor noqdo.  Fi’atun tuqaatilu fii sabiilillaahi wa fi’atun tuqaatilu fii sabiili daaquud. Laa yastawuuna cindallaahi walaa cinda indheergarad!

Badanaa mid la leeyahay waa indheergarad markaad la sheekaysatana aan astaahilin in lagu magacaabo inyargarad! Badanaa wadaad aad is leedahay maxaa caqiido iyo xikmad ku jirta markuu hadlana aad leedahay yaa naga aamusiya. Badanaa nin ku wanaagsan inuu khadiib iska ahaado oo uusan dhexgalin hawlaha ay raggu isku hayaan.

Waxaa aad u yar inta ka runsheegta diinta ay ugu yeerayaan bulshada inteeda kale. Nalaguma addoonsan inaan ogaanno waxa qalbiga ku jira. Qof walba waxaan kula dhaqmaynaa wixii carrabkiisa aan ka maqalno ama uu ka sameeyo jawaarixda sida lugaha, gacmaha iyo carrabka.

Karaamooyinkii ka Dhacday Xaani-Wayne ama Wabiga Dhexdiisa

Markay saacaddu gaartay toban saac oo galabnimo oo mujaahidiintii ay kasoo hartay 13 nin ayay u xeeladaysteen dhanka wabiga oo waxay ka dhexbaxeen gaaladii oo meel walba kasoo gashay. Mid gaaladii kamid ah ayaa ka hari waayey ayagiina waxay kusii socdaan oo ka horreeya wabigii. Gaalku wuxuu wataa qoriga boobaha ah ee Biikaam-ka loo yaqaanno. Wabigii ayey qaarka dambe la galeen oo waxay is dheheen ninkaan iyo ragga soo dabasocdaa hadday idin soo gaaraan halkaan kula dagaallama ilaa aad ka shahiiddaan ama iska celisaan. Immaa nasri wa immaa shahaado.

Gaalkii wuxuu soo kor istaagay mujaahidiintii oo qaarka dambe wabiga kula jira laakiin bannaanka uu usoo baxsan yahay qaarkoodii hore. Korkooduu istaagay, wax buu fiirfiiriyey, wuu caytamay. Markuu waxba waayay ayuu yaqiinsaday inay biyaha ku dhex jiraan siday asaga la tahay. Biyihii buu rasaas ku bilbilay oo baas kala daalay.

Ayagu hoostiisay fadhiyaan oo lugihiisa ayey arkaan asaguna ma arko. Waxaa ku dhacay wixii Quraysh ku dhacay habeenkii ay damceen inay dilaan Nebi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam). Fiiri Suuratu Yaasin. Saddan wamin khalfihim saddan fa aqshaynaahum. Alle waa nun sheege, qofkii u runsheegana wuu u hiilin.

Bililiqadii iyo Baabbi’intii ay Gaaladu u Gaysatay Luuq

Xabbaddii waa qabowday, gabbalkii waa gaabtay, gaalo waxay isugu timid gudaha magaalada Luuq si ay u ogaato ama u xaqiijiso in magaalada ay qabsadeen. Waxay gubeen meelihii loo calaamadeeyay illayn jaasuus baa horkacaya nimankee. Waxaa kamid ahaa meelahay gubeen maktabaddii magaalada oo ay ka buuxday kutub, waxay gubeen maxkamaddii gobolka ee dadka u kala garqaadi jirtay.

Waxay cagta mariyeen wax alla waxay is dheheen Islaamkuu waxtar u yahay. Markay magaaladii burburiyeen oo dabqabadsiiyeen ayey baarasho ugu dhaqaaqeen. Waxay qaateen hantidii dadwaynaha wixii anfacay ama waxtar lahaa. Waxay bililiqaysteen dhaqaalihii imaarada oo dhan.

Waxay usoo jeesteen inay dadkii kala soocaan ama farta loogu fiiqo qofkii la arkay asagoo maalin tukanaya. Jawaasiis baa wadday gaalada. Waxaa kamid ahaa jawaasiistaas gaalada hoggaaminaysay nin lagu magacaabo Jamaal oo Garre ahaa. Gorgor baa kamid ahaa oo Mareexaan reer Xasan ahaa. Waxaa kamid ahaa nin magaalada dagganaan jiray oo wadaaddada kamid ahaan jiray oo aan magaciisa la sheegin.

Gaaladii waxay gacmaha iyo lugaha ka xireen wixii sunno ka muuqatay ama jaasuusku ku yiri kanna ku dara. Jawaasiistu waa culumadii magaalada qaar kamid ah oo aan laga warqabin maalinkaas ka hor. Ma waxaa la aamini karaa mar dambe raggaas? Waxayna dhihi jireen maslaxada dacwada ayey sidaani dani ugu jirtaa! Markaasaan dhahnaa haye akhii ama shiikhunaa! Waxaan gaari doonnaa ayadoo lagu oran doono odayaashii Al-Itixaad maya tani maslaxo uma aragno. Been waa lagu cabbaa laakiin laguma rakaato.

Maxaabiistii ay Nolosha ku Qabteen Gaaladu

Waxay isla heleen ama aruursadeen soddomeeyo nin oo ah dadkii sunnadu ka muuqatay. Magaaladii bay ka bexeen. Raggii maxaabiista ahaa markay magaalada ka fogeeyeen ayay laayeen. Waxaa ka fakaday nin lagu magacaabo Ibraahiim Shire. Waxaa kaloo aan dhiman nin dhaawacmay oo maydkii dhex galay kadibna yimid asagoo nool.

Shuhadadii iyo Faaqidaaddii Wixii ka Dhacay Luuq

Ikhwaanii waxaa dagaalku socday qiyaastiii laba iyo toban saac. Meesha waxaa dagganaa shucuub fara badan oo qaarna askar ahaa qaarna maamulkii magaalada iyo shacabkii la maamulayay ahaa. Magaalada waxaa daggan dad aan dagaalka galin danna ka lahayn. Shucuubta meesha deggan waxaa kamid ahaa dad aan taageersanayn maamulka wadaaddada ama imaarada Islaamiga ahayd.

Waxaas  oo dad ah gaalo cagtay marisay oo dan kama ay galin kan Muslimka neceb iyo kan jecel Islaamka. Kii dagaallamay iyo kii dhuuntay oo aan galin dagaalka kulligood isku si ayay u laysay. Waxay toogteen qof kasta oo aan ayaga la socon oo ay arkaan. Marka dhimashadu waxay gaartay cadad aan yarayn. Waxaa go’ay oo shahaado loo rajaynayaa inshaa Allaahu raggii muwaajahada sameeyey ama ka hortagay gaalada oo u dhimanayay in kalimada Alle kor noqoto. Marka la isku daray shuhadadii waxay noqotay 114. Allaahu Akbar walillaahil xamd. Ilaahow u aqbal shahaadadooda, aamiin, aamiin.

Shuhadadaas waxaa ku jiray muhaajiriin tiradoodu gaaraysay 13. Inta kale waxay ahaayeen Soomaali. Waxaan shuhadada ka magacaabi labo ama saddex nin illayn ragga intaas dhan magacooda lama tixi karee. Waxaa kamid ahaa Cali Mujaahid oo kamid ahaa raggii wacdaraha kasoo dhigay Laasqoray (Dabra). Cali Mujaahid kaligii ma ahayn ee wuxuu watay ehelkiisii oo dhan. Wuxuu kamid ahaa raggii kasoo haajiray Dhoobley ee Bari tagay.

Waxaa dagaal kasta kula jiray oo la socon jiray laba wiil oo uu dhalay, wuxuu watay gaari Bagaase ah oo asagu lahaa oo uu Islaamka ugu khidmayn jiray. Waxay dhalinyaradu ii sheegeen inay labadii wiil iyo odaygu ku wada shahiideen Luuq. Wuxuu ahaa nin Mareexaan reer Dalal ah. Waxaan u lahaa aqoon fiican asaga iyo carruurtiisaba, waxaan ku aqaanay wanaag fara badan. Ilaahay waxaan uga rajaynayaa inuu Jannatul Firdowsa ku abaalmariyo asaga iyo ehelkiisa oo dhan, aamiin, aamiin.

Waxaa kamid ahaa shuhadada qaari’ul-Qur’aan Maxamuud Shiikh Faarax, Yuusuf Caydiid, Macalin Muxamed iyo taliyihii saldhigga magaalada Cabdirashiid Cumar Cilmi, taqabbalahumu-llaahu ajmaciin, aamiin, aamiin. Akhtristayaalow waxaa dhacay ama imaaradii ku dhacay burburkii ugu waynaa, waxaa timid geeri tii ugu badnayd, waxaa dhacay boob iyo dhac kii ugu badnaa oo gaaladu u gaysato Muslimiintii.

Maxaa ka Bakhtiyey Gaalada?

Ikhwaanii gaaladu markay magaalada qabsatay waxaa markiiba soo dagtay lix diyaaradood oo waawayn. Waxaa lagu raray bakhtigii iyo dhaawicii gaaray ciidankooda. Qof caddayn karaa ma jiro tirsiga ka bakhtiyay gaalada maalinkaas. Laakiin marka wax la qiyaasayo ama ragga khibradda millatari leh waxay qiyaasaan: Ninka difaaca ku jira markay ka dhimato boqol, kan weerarka ah waxaa lagu qiyaasaa labalaab ama laba boqol. Gaalada dhimashadoodu kama yarayn dhawr boqol marka la eego qaabkii loola diriray iyo inta Muslimiinta ka shahiidday. Wallaahu Aclam.

Fatwadii Salafiya Jadiidiyah

Aan dib noo celiyo wax yar. Salafiya Jadiidiyah waxay soo baxday Laasqoray kadib. Wadaaddada ugu waawayn Jadiidiya ee Al-Itixaad ka goostay waxaa kamid ahaa Shiikh Cukaasha. Shiikhu haddaad xasuusataan waa ninkii Nayroobi kasoo cararay markii Caydiid qabsaday Buuloxaawo. Wuxuu heshiis dhex dhigay Al-Itixaad iyo Caydiid.

Asaguna wuxuu kamid ahaa odayaasha Al-Itixaad oo asagaa arrintaas loo xilsaaray. Wuxuu kamid ahaa raggii u arkayay ciidammada Al-Itixaad inay mujaahidiin yihiin. Wuxuu ka mid ahaa raggii aad ugu qanacsanaa in la rido Maxamed Siyaad Barre, maxaa yeelay wuxuu ahaa nin aan kitaabka Alle wax ku xukumayn. Wuxuu qabay in lagu jihaadi karo oo ay bannaan tahay in meesha laga tuuro. Markii wadaaddadii iyo Caydiid isku dheceen oo Caydiid laga adkaaday, markii gobolkii laga dhisay dawlad Islaam ah, markii dadkii qaxayay oo Soomaaliyeed ay nasteen, markii la gaaray horumar muuqda, markii gaalo soo duushay oo burburisay imaaradii, markay arkeen in laga maarmay hay’adihii khayriga ahaa ee la dhihi jiray noo kaalmeeya mujaahidiin baan haynaaye, Shiikhu waagaas ayuu waxaas oo wanaag ah kasoo horjeestay oo boqol dhanka kale wareegay asaga iyo saaxiibbadiis oo ay fatwo soo saareen. Wuxuu yiri, “Caydiid lalama diriri karo. Ciddii dagaalkaas ka qaybqaadataana waa daalimiin. Jihaadna ma aha ee waa fitno.”

Wixii ka raacay waa la ogaa. Waxaa ku kacay dhammaan odayaashii Al-Itixaad. Waxaa raddiyay oo waliba caayay Shiikh Cumar Faaruuq. Waxay isu baxeen oo muddo la iska dabajiitamayay Shiikh Umal. Waxaa laga dhigay tuke cambaar leh. Maxaa yeelay maalinkaas wuxuu wax ka sheegay maslaxaddii Al-Itixaad. Wuxuu dhaleeceeyay dawladdoodii iyo masaalixdoodii. Waxay dadka u tusiyeen nin qabiil ka buuxo inuu yahay Shiikh Cukaashe. Waxay difaaceen oo jihaad ku sheegi jireen jihaadkii ducaaddu Soomaaliya gudaheeda ka wadday iyo kii Itoobiya laga waday labadaba.

Ilaahay baan idinku dhaarshee, magaaladu waa magaaladii Buuloxaawo oo Cukaashe yiri jihaad ma ahan ee waa fitno. Wadaaddada hadda joogaa waa kuwii Cukaasha ku yiri, “Fitnaad ku dhex jirtaan ee jihaad ma waddaan.” Waxaa difaacayay jihaadka iyo raggii waday waagaas oo Cukaasha ku lahaa, “Adaa fattaan ah ee waa jihaad xaq ah, waxaadna tahay qabiilayste,” odayaashii Al-Itixaad oo hadda ayagii leeyihiin, “Jihaad ma ahan ee waa fitno.” Caydiid, Cabdullaahi Yuusuf, Cumar Xaaji iyo wixi la mida, waxaad lahaydeen waa lagu jihaadi karaa oo waa murtaddiin, waana tii kulligood dagaalka lala galay. Maxaa is baddalay?

“Shariif Karazaay, Faroole Afwaliinjo, Siilaanyo, Ina Ilay Itoobiya, waa mu’miniin Ictisaam ah, amiirul mu’miniin ah, oo waa dawlad caddaalad ah. Wixii kuwaas la dagaallamaana waa Khawaarij, jihaadna ma ahan oo waa fitno!” Shiikh Cukaashow nimankaasi waa kaa gardarran yihiin haddaysan wali kuu imaan oo ku oran, “Raalli naga ahow. Adiga iyo annaguba waan fitnaysannahaye.” Salafiya Jadiidiya ayaa hadda afka iyo gacanta isa saartay markay arkeen meesha Ictisaam marayo iyo siday hal mar ay gaaladii u dhexgaleen Muslimiintiina uga carareen. Wallee Axmed Kayse kaligii ma ahan ee rag baa shaqada kusoo dhaweeyey oo macallimiin u ahaa!

Tirakoobkii Shuhadadii Buuloxaawo

Gaaladii markay waxay dili kartay dishay waxay qafaalan kartayna qafaalatay ayay magaaladii ka baxday oo waxay ku noqotay meel daran iyo meeshay ka timid. Waxaa maalinkaas shahiiday dad aad u fara badan. Waxaan ka xumahay in aanan soo gudbin karin magacyadoodii iyo tirakoob dhab ah maadaama waqtigu fogaa. Waxaan ka tilmaami doonaa ashkhaas aan magacyadoodii helnay.

Waxaa kamid ahaa shuhadada inshaa Allaahu: Cabdiraxmaan Ogle. Shiikh Axmed Ismaaciil, Gaasow, Cabdullaahi Muxamed Tarey, Shiikh Cabdilqaadir Gardheere, Macallin Maxamed, Ina Axmed Sheexo iyo Ina Faarax Taano.  Ma ahan wax waraaq lagu qori karo ragga gaaladu laysay. Waxaa xusid mudan inay gabdhuhu jihaadka galeen. Waxay qabteen hawl ay qaban waayeen rag badan oo magaalada joogay.

Waxay sameeyeen intay marada dhexda ku tuubteen ayay dhaawicii gureen oo waliba hadday gaaladu  aragto ayaga iyo dhaawacaba waa la laynayaa. Waxaas oo cabsi jirtay dan kamay galin ee waxay aruuriyeen walaallo wax u miciina la’aa oo uu gaaray dhaawac halis ah. Raggii dhaawaca ahaa waxaa kamid ah Aadam Catoosh oo calooshu kasoo dhacday. Intay qaateen ayay meel ku qariyeen. Waxaa ragga kamid ahaa nin lagu magacaabo Gaasow oo inta ishu kasoo dhacday ay asagana guri ku qariyeen.

Waxaan qormadaan uga baxayaa qiso ku dhacday nin magaalada marti u ahaa. Ninku wuxuu watay gaari yar. Dagaalkii markuu dhacay ayuu magaaladii gees uga baxay si aan gaaladu ugu malayn inuu wadaaddada kamid yahay. Dagaalkii markii uu qaboobay ayey gaaladii waxay aragtay ninkaan duurka fadhiyay. Way qabteen. Markay waraysteenna wuxuu u sheegay in uusan ahayn wadaad. Wuxuu warsaday sigaar iyo khamri si uu ugu qanciyo wuxuu yahay. Way siiyeen. Markuu khamradii iyo sigaarkii ka dhargay ayay baas ku kala jeexeen. Sababtay u dileen waxaa lagu sheegay inay u haysteen ninkii ciidanka hoggaaminayay inuu yahay. Maxaa yeelay ninka ciidanka hoggaaminayaa mar walba ciidanka kuma dhexjiro. Saasay u qaateen.

Waxaa noo yimid gurmad meelo fara badan ka yimid sida Kismaanyo, Xamar iyo Hargaysa. Waxaa laga yimid gobollada dalka intii badnayd. Kismaanyo waxaa ka yimid ciidan uu hoggaaminayo Shiikh Awkax oo aan yarayn. Xamar waxaa ka yimid ciidan watay siddeed gaari oo ciidan aad u tababbaran ah. Waxaa maalinba maalinka ka dambaysa iska soo dabadhacayay gurmadka dibad iyo daakhilba ka imaanayay.

Waxaa gurmad ka yimid dibadda sida Denmaak, Swiidhen, Maraykan iyo meelo kale oo adduunwaynaha kamid ah. Denmaak waxaa ka yimid oo aan xasuustaa Shiikh Maxamuud Shiikh Xasan, Cabdullaahi Shiikh Maxamuud, Axmed Ibraahiim, Faarax Yuusuf, Shariif Siyaad iyo rag kale oo intaas ka badnaa. Swiidhen waxaa nooga yimid rag aan ka xasuusto Shiikh Fu’aad Maxamed Khalaf, Maxamuud Yuusuf (Maxamuud Dheere), Cabdixakiim Maxamuud Guuleed iyo rag kale oo fara badan. Jazaahumullaahu khayran ajmaciin.

Maraykanka waxaa ka yimid rag uu kamid ahaa halyeygii caanka ka noqday dunida daafaheeda oo la oran jiray Raage. Raage wuxuu ahaa nin haddaad la sheekaysato aad wax badan oo khayaamada iyo akhlaaqxumada gaalada wax ka ogaanayso. Wuxuu ahaa nin gabyaa ah, wuxuu guubaabin jiray mujaahidiinta, wuxuu cambaarayn jiray gaalada iyo kuwa la socda. Wuxuu amaani jiray Ilaahay iyo Rasuulkiisa (sallallaahu calayhi wasallam). Raage Alla ha barakeeyo hadduu nool yahay hadduu dhintayna shahaado Alla haku irsaaqo, aamiin.

Fiiro Gaar ah: Raggaas waagaas jihaadka kasoo doontay Yurub iyo Ameerika waxaa la ii sheegay in yar oo Ilaahay u naxariistay mooyee intoodii badnayn inay ku sugan yihiin xaalado laga ducaysto. Ragga qaarkiis waxaa la ii sheegay inaan lagusoo qaadi karin jihaad. Waxay arkaan ama maqlaan waxay ugu neceb yihiin xuruuftaas saddexda ah (JHD). Tusaale: Cabdixakiim Axmed Guuleed waa ashahaado-la-dirir oo wuxuu wasiir u yahay Faroole Afballi inkastoo hadda la cayriyey markii lagu meelgaaray. Maxamuud Yuusuf (Maxamuud Dheere) masoo dhawaan oo wuxuu ku fitnoobay dawladdii Cabdi Qaasim. Wuxuu xog-haye u noqday Ina Galaydh sidii la ii sheegay. Cabdullaahi Shiikh Maxamuud waa qoladii reer Casmara ee Yurub wareegaysay oo lahayd “Shabaab xoolihiinna ha siinina, waxa Soomaaliya ka socdaana jihaad ma ahan ee waa fitno.” Waa sida isoo gaadhay. Intuu ka beeninayo xaalkiisu waa saas. Hadduu beeniyo oo aan markhaati loo helinna macno masoo kordhin beenintiisu.

Shiikh Maxamuud Shiikh Xasan wax uu maqlo waxa uu ugu neceb yahay qofkii jihaad ka sheekaynaya. Wuxuu aad ula dhacsanyahay qoladii gaalada isu dhiibtay, mujaahidiintiina u galiyay dharkii Tigreega oo yiri “Iska daaya magaca mujaahid. Maantay laga billaabo magaciinu waa Niyuu Boolis (New Police). Iska difaaca Khawaarijta Soomaaliya ku habsatay iyo waxa lagu magacaabo ururrada diineed iyo Oo.En.El.Ef (ONLF) iyo wixi la mida. Daacad u noqda dawladda Itoobiya oo xaqqa ku taagan diintiinniina xor bay idiinka dhigtay. Jihaad: maya, Imaarad Islaami ah: maya, Xukun shariica Islaami: maya. Kullu shiftaanow. Dimuqraadiyadda Itoobiyada fidaraalka ah: fiican, okey. Ganacsiga yar yar: fiican, okey. Nabadsugiddana la shaqeeya (jaasuus noqda). Waxaa laga dhigi dadka lasoo dhaweeyo ama muqarrabiin. Is dabciya oo qaboojiya dhiiggiinna kacsan. Waa la idin luggooyay oo waxaad ku jirteen hadda ka hor jihaad ma ahayn. Jihaadku waa macna badan yahay. Cilmi yari ayaa idin haysa. Jihaad jihaad jihaad ayaad ku haysaan. Yaa idin yiri gaaladoo la laayo ayaa janno lagu galaa? War carruurtiina oo aad u xamaalataan waa jihaad. Dariska oo aad xaq dhawrtaan waa jihaad. Ururrada bulshada oo aad diinta gaarsiisaan waa jihaad. Tacaddudu-zawjaat waa jihaad. Culumada oo aad ka dambaysaan waa jihaad. War yaan diintiinna la idinka fitnayn dawladdiinnana la idinku dirin (Itoobiya).”

Saas waxaa noqday siyaasaddii Ictisaam. Ictisaam gar baa taal loo wada gudboon yahay, garwaaqsada waxaan dhacay!

Gaaladii oo ku Laabatay Doolow

Gaaladii markay ku laabatay Doolow waxaa horay u raacay murtaddiintii kusoo hoggaamiysay magaalada. Nin kasta oo gaalo u shaqeeya waxaa caadadiis ah inuusan meel istaagi karin ama dagaal gali karin asagoo aan gaalo wadan. Waa sida eyga oo kale. Eygu kama dheeraado qofka ku ugaarsanaya. Es.En.Ef waxay raaceen walaalahood Tigree oo ku ugaarsanayay sidii eygii oo kale Muslimiintana ku laynayay.

Waxaa la siiyey hub casri ah. Waxaa la yiri maanta wixii ka dambeeya la idin aamini maayo haddaad Al-Itixaad soo dhammayn waydaan. Waxay tababbaranayeen muddo badan. Waxay soo qaateen casharro badan oo Islaamka lid ku ah. Waxay soo barteen dhaqanxumo badan oo gaaladu taqaan. Waxay ka fogaadeen wax alla wixii Islaamku wanaag lahaa. Waxay ku dheceen riddo ama Islaam-ka-bax.

Mala Gaaloobi Karaa Culuma Allaay?

Qofka Islaamka ah wuxuu Islaamnimada uga bixi karaa si fudud. Ilaahay baan ka magangalnay arrintaas. Waxaa loogu cudurdaari karaa saddex arrimood.

  1. Inuu ku koray ama daggan yahay meel baaddiye ah oo uusan waligii arag dhaqan Muslim.
  2. Inuu ku dhashay oo ku koray gaalo bartankeed.
  3. Mas’aladuu ku dhacay inay tahay mas’alo qarsoomi karta oo uusan qof kastaa fahmi karin. Saas waxaa qaba Salafu Saalix iyo jumhuurul culamaa.

Murji’o niman la yiraahdo waxay qabaan in aan la gaaloobi karin haddaad shahaadataynka ku dhawaaqdo. Dambi kasta oo aad gashana waxaa loo bandhigayaa culumada oo waxaa la leeyahay maxaad uga jeedday arrintaan aad samaysay? Hadduu yiraahdo khayr baan ula jeeday haddee qofku asagaa dantiisa kaa yaqaan ee ha qasbin waana Muslim mana gaaloobin. Qofkii ku dhaha gaal baad tahayna asagaa gaal noqonaya.

Waxay kaloo qabaan Murji’o haddii uu qofku ku dhaco gaalnimo cad oo dadka oo dhan ay wada arkayaan, waxay dheheen “Waxaan kala qaadaynaa gaalnimada uu ku dhacay qofku iyo gaalnimada. Qofka waxaan leennahay dibadda u bax, markuu tago bannaanka qofkii waxaan lasoo haraynaa gaalnimadii. Waxaan xukumaynaa gaalnimadii oo kaligeed ah. Qofkii sidii buu ku badbaadayaa. Ma ahan dadka juhalada ah ama takfiirka ah siday qabaan oo ah qofka iyo gaalnimada uu ku dhacay isku wada dar, qofkiina sidaas ku gaalaysiiya, mas’aladaas waxaa qaba Khawaarijta iyo Takfiirka.” Ma mooddaa xukunkaan inay qaadeen dad khamri cabsan? Ma Ilaahay baa la sirayaa mise aqoon baa sidaa noqotay?

Ictisaam warkaas Murji’adu qadto ayaa la wanaagsanaaday. Waxaa la foolxumaatay inay gaalaysiiyaan qof ay ogaayeen asagoo Muslim ah saacado kahor. Waxaa la foolxumaaday inay gaalaysiiyaan ama u diidaan inuu gaalnimo ku dhacay nin reer hebel ka dhashay ama caalim wayn ahaa. Waxay u cudurdaareen dad aan Ilaahay u cudurdaarin (murtaddiin). Waxay caayeen dad Ilaahay amaanay (mujaahidiinta).

Cilmidarri ma hayso culumadayadii laakiin waxaa dhagatirtay oo indhatirtay qabyaalad ama casabiyad. Waxay iska indhatirayaan in Nebi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam) uu xadiith saxiix ah ku leeyahay, “Qofku wuxuu waabariisanayaa asagoo Muslim ah, wuxuu galabaysanayaa asagoo gaal ah. Qofku wuxuu galabaysanayaa asagoo Muslim ah, wuxuu waabariisanayaa asagoo gaal ah.” Ciyaadan billaah.

Waxay is moogaysiinayaan sida fasiixa ah oo Ilaahay uga hadlay kuwa diinta ka baxaya ayagoo adduunyo-raadis ah, kuwa diinta ku gadanaya shilimo yar, kuwa diinta iyo ehelkeeda ku jeesjeesaya, kuwa diinta la dagaalaya ayagoo gaalo soo kaalmaysanaya. Waxay difaacayaan oo leeyihiin ma gaaloobin mid gaalnimadiisa aan qarsanayn. Waxay suura-xumaynayaan jihaadkii Nebi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam) uu ku sheegay kuruska baarkiisa. Waxay ku jeesjeesayaan ama dhaadhaajinayaan magaca shahiid ama shuhadaa. Allaahu Akbar. Waxay tasqiirinayaan ama yaraysanayaan jihaadka iyo mujaahidiinta.

Weerar baa nagusoo maqan ay mar labaad ama saddexaad soo maleegayaan murtaddiintii iyo gaaladii iskula bahowday la-dagaalanka Islaamka. Is diyaariya hubkana ha dhigina dhagtuna ha idiin taagnaato. Allaahumma munzilal kitaab, wa mujriya saxaab, wa haazimal axzaab, ihzimhum, aamiin, aamiin.

aragtidaada nala wadaag...