Qeybta 38aad

Bismillaahi wabacdu. Waa qormadeennii 38aad. Waxaan kala tagnay annagoo safar u xirxirannay. Waxaan joognaa magaaladii Xamar ahayd oo meel walba la isaga yimid. Waxaa jooga raggii madaxda ka ahaa imaaradii la burburiyay. Waxaa jooga gurmad fara badan oo dibad iyo daakhilba ka yimid oo doonaya inay ku jihaadaan kuffaarta macatab-ku-dirirka ah ee isusoo bahaysatay dabargoynta Muslimiinta.

Waxaa jooga Xamar oo kusoo jabay shacabkii gobolka Gedo. Waa carruur, waa haween, waa dad waayeel ah oo aan xamili karin dagaallada ka dhacaya ama gumaadka ka jira gobolka ee gaaladu ku hayso. Waxaa soo buuxdhaafiyay magaalada wax alle wixii fulay ahaa, munaafiqiin ahaa, murjifiin ahaa. Waxaa markiiba soo cararay kuwo aan waxba hubsan oo u maleeyay in adduunkiiba la rogay oo aan cidina noolaan doonin.

Waxaa safarro dheer ku yimid madaxdii Al-Itixaad oo fadhigeedu ahaa dibadaha sida Dubay, Jabuuti, Nayroobi iyo gobollada dalka. Waxaa magaalada ka socda olole ah in si degdeg ah rogaalcelin loo sameeyo oo gaalada lagu jihaado. Waxaa arrintaas waday dhalinyarada, haweenka iyo dadka waxgaradka ah. Waxaa dadka soo jabay la tacaadufayay oo aad usoo dhaweeyey rag khayr badan oo ducaad ah oo reer Xamar ah.

Al-Itixaad magaalada Xamar wuxuu ku leeyahay xarumo waawayn. Waxaa la dagganyahay guryo dhismayaal qurxan leh oo bartamaha magaalada ku yaalla. Waardiyayaal iridda taagan oo markaad damacdo inaad meesha waxa ka jira soo hubiso kuleh yaad rabtaa? Cuntaa taal nooc kasta ah. Sharaab ayaa yaal kala cayn ah. Fawaakih baa taalla kala dhadhan ah. Maktabado ayaa ku dhex yaalla kutub lagu xardhay. Mukeyf yaa shidan.

Guryahaas markaad soo dhex gasho waxaad dareemaysaa nasiino, ilqabawsi, waxaad dareemaysaa cabsila’aan iyo dagganaansho. Waxaad dareemaysaa inaad ku dhex nooshahay bulsho qani ah. Markaad suuqa u baxdo waxaad dareemaysaa colaad, qax, dhaawac, gaajo, abaabul dagaal iyo dagganaansho la’aan ama cabsi.

Ururkaan Al-Itixaad wuxuu leeyahay hoggaan. Hoggaanka qaarna waxay ka shaqeeyaan oo fadhigoodu yahay dibadda qaarna waxay joogaan waddanka gudihiisa. Waxaad ogtihiin intaan dhibaato iyo dagaallo soo galnay, intii nala jabiyay ama nala khayaameeyay oo ay na khayaameeyeen madaxda ururka. Waxaad ogtihiin waxa nin door nalaga dilay sida xuffaaddii, hoggaamiyayaashii ciidanka, dagaalyahannadii iyo geesiyaashii.

Waxaas geeri dhacaysa wali lagama dhiigayn wadaad cabaayad wayn oo kamid ah madaxda Al-Itixaad. Dadkaas meel kasta lagu gumaado waa ducaaddii waxtarka u ahayd camal kasta oo Islaamka loo qaban lahaa ayagaana madax u ah oo saaxada wadaad kale masoo gali karo. Guuldarra kasta oo dhacdana waxay ku eedeeyaan ducaadda ayaguna waa iska bari yeelaan. Wanaag kasta oo la gaarana ayagaa sheegta oo waxay dhahaan annagaa sabab u ah in wanaaggaan la gaaro!

Tusaale: Markii dhalinyaradu is abaabulaan oo wanaag soo hoyaan ama dagaal haku keenaan ama nabad haku keenaan waxaa yimaada madaxda ururka Al-Itixaad oo talada la wareegta dhalinyaraduna kuma qabsadaan ee waa kusoo dhaweeyaan ilayn ducaad xukun-doon ma ahan ee waa xaqdoon. Gobollada Bari wixii ka dhacay fiiriya, Soomaali Galbeed wixii ka dhacay fiiriya, gobolka Gedo wixii ka dhacay fiiriya. Inta xaaladdu wanaagsan tahay waxaan nahay dad isla shaqaynaya oo muwaxxidiin ah.

Inta nabadda lagu jiro wadaaddada ayaa hawshaan afhayeen u ah. Ayagaa sheegta, ayagaa ku faana, ayagaa nagu amaana inaan nahay ducaad ku dhaqmaysa waddadii Salafu Saalix. Inta nabadda la yahay dhalinyaradu waa rag aqoon leh, ha ahaato aqoon diineed amaba mid kalaba. Dagaallada aan galayno intaan annagu guusha helayno waxaan nahay mujaahidiin. Culamadu waxay nagu gacansiin jireen qaabka aan dadka dacwada u gaarsiinayno wayna nagu amaani jireen.

Marka dacwadu isku duba dhacdo, nabadgalyo la helo, mooryaan iyo gaalo meel la saaro, safarradu meel walba gaaraan, dadku yiraahdo Ilaahay baa ikhwaanka noo keenay, gaalo cabaado, Maraykan qayliyo oo yiraahdo Soomaaliya waxa ka soo socdaa adduunkay khalkhal galinayaan, maalinkaasaa waxaa nagu billawda weerar dibadda ah oo gaalada ka imaanaya iyo weerar ka imaanaya canaasir nagu dhex jirtay oo midab wadaad leh.

Gaalka waan ku talagalnay oo qalab baan u diyaarsannay, waan sugaynay ama waan ogayn inuu cadaw yahay, laakiin Shiikh Fulaan, Akhii Fulaan oo taladaba noo hayay seen isaga ilaalinnaa? Inta badan waxaa na jabinayay kuwa nagu dhex jiray.

Sheeko Gaaban

Bari baa nin Raxanwayn ah wuxuu shukaansaday gabar. Waa la heshiiyay, waxaa go’aan lagu gaaray in caawa la guureeyo inta dadku hurdaan oo dhaqanka Soomaalidu wuxuu ahaa in gabadha iyo wiilka is jeclaadaa ay inta ka dhuuntaan ehelkooda meel fog u doontaan wadaad isku meheriya. Gabadhii waxay tiri hebelow nin kale noo raadi oo na raaca maxaa yeelay carradu waa cabsi badan tahaye.

Wuxuu yiri, “Gabaryahay aqoon baa iigu kaa dhiman. Anigu waxaan ahay nin geesi ah, waxaan soo diyaarsaday wax alla wixii iga dhimanaa oo aan dagaal ku gali lahaa, marka cidna uma baahni ee na dhaqaaji.” Waa la dhaqaaqay, carradu waa hawd, waa habeen mugdi ah, muddo haddii la socday ayaa ninka hoostiisa waxaa ka booday shinbir magaceeda la yiraahdo barbaar-ka-nixis.

Ninkii cagta ayuu wax ka dayey markii ay shinbirtii ka nixisay, muddo hadduu dhirta sii dhex jeexayay ayuu meel ku gabbaday si uu u hubiyo baladaan ku habsatay. Gabadhii ma hayo, waa faramadow yahay, cabsidii ayaa meel kasta ka timid, xoogaa hadduu neef tirtay ayuu maqlay gabadhii u dhawaaqaysa, wuxuu ogaaday in aan balo wayni dhicin mar hadday gabadhii fayowdahay. Gabadhii ayuu u yimid asagoo meel walba qodaxi kaga jaban tahay.

Waxay tiri, “Maxaad beenta iigu sheegtay oo ii tiri geesi baan ahay? Maxaadse taladaydii u diidday haddaadan isku filnayn?” Gar baa ku caddaatay hadduusan garbixinna gabadhu gurigoodii ayay ku noqonaysaa. Ninku nin xun ma ahayn ee shinbir baa gaadday oo meel uusan malaynayn ugasoo boodday. Wuxuu yiri, “Waa runtaa oo anaa ku iri cadaw oo dhan waan isaga filanahay oo waxaan soo diyaarsaday qalabkaygii aan weerar iyo difaacba ku gali jiray. Musiibadu waxay ka dhacday anigu kuma talagalin mana soo qaadan barbaar-ka-nixis qalabkeedii.” Indhuhuu ka galay gabadhii oo wuxuu yiri, “Ma waxaad igu taqaannay nin shinbir ka carara?” Cawrala way garowsatay wixii dhacay markay aragtay ninkaan siduu u hadlayo. Waxay ogaatay inuu ahaa nin fiican oo geesi ah laakiin cidina aysan shinbir ka guul helayn ama la dagaali karin.

Meesha sheekadaani naga khusayso waxaa weeye: Gaalada waan ku talagalnay, waxaan soo diyaarsannay qalabkii aan uga hortagi lahayn. Waxaan laga badbaadayn oo aan la iska ilaalin karin amiirkaagii ama shiikhaagii oo cadaw kuu ah. Tuugo kula taal tabtaada ma waydo. Wanaag kasta oo ducaaddi keento intaan gaaladu soo gaarin waxaa bohol ku rida kuwo Islaamka lagu dhex darsaday.

Markay na jabiyaan oo dadku barakaco oo meeshii lagu jiray laga insixaabo oo ay timaaddo dhimasho iyo dhaawac waxay noo bixiyaan magacyo sida Khawaarij, sufaho, shisheeye iyo fitno. Dib u milicsada wixii dhacay oo dagaallo ahaa. Kulligood Al-Itixaad baa hoggaanka u hayay. Mar kasta oo nalaga guulaystana waa iska bari yeelaan oo waxay dhahaan annagu ma aannaan joogin. Markii rogaalcelin la sameeyo oo guul la gaaro waa joogaan oo ayagaa guusha keenay!

Akhristayaalow aan kusoo laabanno Xamar. Xamar waxaa jooga amiirkii Al-Itixaad. Wuxuu ka yimid oo fadhigiisu yahay Dubay. Dubay waa Dubay. Ninkaan hadda amiirka ka ah ururka waa ninka qabtay waxay qaban waayeen raggii ka horreeyay. Asaga oo ururka hoggaankiisa u sarreeyay, Shiikhaani dadkoo hurduu soo jeeday. Waxaan warbixin ku hayaa inuu kamid ahaa wadaaddo diiddanaa ama wax ka sheegi jiray jihaadkii Afqaanistaan.

Wuxuu baraarugay wadaadkaani mar hore oo wuxuu ka digi jiray inaan qori la qaadan ama la jihaadin. Wuxuu xilkii kala wareegay raggii hawshaan muddo kusoo jiray dhalinyaradiina hubkii ka dhigi waayay. Aqoon badan uma lihi oo waa nin aan inta badan Dubay soo dhaafin waxaanse kulannay asagoo duullaan ku yimid Xamar iyo inuu kala diro tayaarkaan hubaysan oo lagala quustay inay hubka dhigaan.

Wadaadkii Al-Itixaad madaxda u ahaa shir buu iclaamiyay. Waxaa yimid rag aad u farabadan. Waxay raggu u badanyihiin raggii Gedo kasoo jabay oo raba inay helaan gargaar degdeg ah. Waxay ku farxeen shirkaan amiirku ducaaddii isugu yeeray oo waxay u maleeyeen in guutooyin la diyaarinayo si gaaladii loo dabargooyo. Shirkii wuu furmay, wuxuu ku billawday kalimaad waano ah iyo is xasuusin xagga Alle ah.

Anigu waan fadhiyaa shirka. Waxaa meesha fadhiya ducaaddii gobolka Xamar, waxaa jooga ducaaddii kasoo jabtay Gedo, waxaa jooga ducaad badan oo meelo kala duwan ka timid. Amiirkii wuxuu fadhiyaa ragga dhexdiisa, wuxuu yiri qofkii ra’yi hayaa waa hadli karaa. Qoladii xiiqsanayd ee Gedo lagasoo cayrsaday waxay soo bandhigeen takhdiid gobolkii dib loogu qabsan karo. Waxay ka hadleen qaabka loo wajihi karo musiibadaan timid. Waxay ka cawdeen hiil-la’aanta haysata oo ay Xamar ka tabanayaan.

Waxaa hadalkii qaatay raggii reer Xamarka ahaa. Waxay kasoo hadleen taariikh iyo dhacdooyinkii ururku soo maray. Waxay ka jawaabeen codsigii reer Gedo. Waxaa hadalkii qaatay nin kamid ah ducaadda Xamar oo la yiraahdo Abuu Shayba. Ninkaasu wuxuu soo gabagabeeyay rajadii ay qabeen mujaahidiintii Gedo laga qabsaday. Wuxuu ku hadlay wax aanan wali arag daaci ku hadlaya. Aad ayuu ugu jeesjeesay waxa sheeganaya inay jihaad ku jiraan. Wuu caytamay oo waxaa kamid ahaa warkiisa, “Ha idinka saarto annaga reer hebel ah waan jihaadaynaa. Waa tii hubka dhiga la idinka waayay maxaa idinka raacay?” iyo wax la mida. Hadal dheer oo xanaf leh kadib shirkii wuu xirmay, waxaana la yiri ama amiirkii uu yiri, “Waan maqlay dooddiina, shirkuna wuu xiran yahay. Iska suga waxaa soo bixi doona go’aamo,” waana lakala dareeray. Amiirka Al-Itixaad oo shirgaddoonkaas fadhiyaa wuxuu ahaa Shiikh Muxamuud Ciise.

Maalmo kadib ayaa waxaa suuqa lagu siidaayay go’aammadii shirka kasoo baxay. Go’aammadu suuqa waxay kusoo galeen qaab dacaayad oo kale ah. Ma wada xasuusto go’aannadu siday ahaayeen laakiin nuxurka warku wuxuu ahaa, “Maanta laga billaabo waxaa lakala diray ururkii Al-Itixaad. Lama arki doono qof dambe oo hub sita oo leh waan jihaadayaa.” Hadal sidaas oo kale ah oo aan waliba loo sheegin cidduu khuseeyay ayaa suuqa la galiyay asagoo dacaayad u eg ama ah.

Shiikh Muxamuud Ciise wuu ku guulaystay inuu hubka ka dhigo raggii la kari la’aa. Wuxuu dabargooyay mucaskaraad dambe ama meel lagu tababbarto. Walladii tawallaa amra Al-Itixaad awal iyo aakhirba waa kaas. Ninka u baahan in lala xisaabtamo waa kaas. Wax ka hadlaya maqli maysid. Wax magaciisa sheegaya maqli maysid waana ninkii amuurahaan dhacay oo dhan raabidka u ahaa. Iska daaya Shible, Abyad, Ina Umal maxaad ka rabtaan asagaaba muddo soo kifaaxay ee soo jihaadaye.

Ikhwaanii waxaan idiin ballanqaaday inaan soo gudbiyo waxa keenay in culumada warkeeda la diiday iyo culumada warkeeda la diiday kuwa ay yihiin ama waxa laga diiday waxa ay yihiin. Waxaan kaloo soo sheegay inaan ka warramo Shabaab magaca la yiraahdo goortuu baxay iyo sababta keentay.

Waxaan iska soo raacnay Dhoobley 1991. Waxaan maraynaa 1997. Waxaan joognaa Xamar dhexdeeda ama meeshii tacsidu taallay oo lagu gawracay tayaarkii hubaysnaa. Waxaan idiin sheegay ninka mindida lagu gawracay ducaadda gacanta ku hayay magiciisii. Waxaan qaadannay amarkii ugu dambeeyay oo ahaa kala taga oo hubka dhiga. Waxaan soo qaadan jirnay amar kasta oo nala siiyo. Waxaan ku sabri jirnay dhib kasta oo naloo gaysto. Waxaan ahayn ducaad culumadooda u khidmaysa oo qaddarisa.

Su’aal ku wajahan qof kasta oo maqaalkaan la socday ama fahmay wuxuu xambaarsan yahay. Su’aashu waxay tahay waxaad soo aragteen inta dhibaato loo gaystay ducaaddii ama mujaahidiintii. Waxaa la diiday inay saldhigato himillada ah in la raadiyo dawlad Islaam ah oo la dagaallanta jahliga iyo shirkiga. Waxaa la diiday in la iska difaaco Saliibiyyiinta meel walba ku gumaadaya dadkii Muslimka ahaa. Ma isku tashannaa wixii hadda ka dambeeya oo Ilaahay ma talasaarannaa?

Ikhwaanii wixii hadda ka dambeeya waxaan yeelan doonnaa kulamo qarsoodi ah. Waxaan yeelan doonnaa xeryo lagu tababbarto oo aysan hawlwadeen ka ahayn odayaasha Al-Itixaad. Waxaan diyaarin doonnaa afraad waxtar ah oo dadka dhexdiisa ku faafisa fikirkaan ah in dawlad Islaam ah hirgalinteeda la raadiyo. Waxaa sahan loo galay ama baadigoob ciddii maalgalin lahayd dhaqdhaqaaqa dhalinyarada baadigoobaysa dawlad Islaami ah. Waxaan raadinnay dad naftooda iyo maalkooda u hura fikirkaan.

Waxba yaanan hadalka sii dheerayn ee aan gudagalo siduu ku billawday dhaqdhaqaaqaan khilaafa-raadiska ah. Khilaafadu maxay tahay ay raadinayeen Shabaabku? Waxay raadinayeen ducaaddu ama tayaarka jihaad-raadiska ah dawlad Islaam ah oo ku dhaqanta shareecada islaamka, dawlad u hiilisa kan dulman kii wax dulminayayna qaban karta.

Tusaale Gaaban Hooya

Tayaarkii hubaysnaa oo Al-Itixaad (Ictisaam) kala direen ama khayaameeyeen hadda waxay ka taliyaan dhul baaxaddiisu aad u wayntahay. Waxaa la dhihi karaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayagaa ka taliya. Waxay xoog ku leeyihiin gobollada Bari iyo Waqooyi. Waxay maamulaan shacab malaayiin ah. Waxay ilaaliyaan xuduud dheer oo cadaw ku teedsan yahay. Dagaal bay ku jiraan aan qaboobin oo habayn iyo maalinba socda.

Meeshaan usoo socday waa tan. Dadka iyo dalka ay maamulaan waxay gaarsiiyeen nabad waartay. Waxay fureen xuduuddo cadaw ku sameeyay Muslimiinta dhexdeeda. Waxay heshiisiiyeen dad walaallo ah oo gaalo isku dirtay. Waxay abuureen jawi xalaal ah oo aadan arkayn dhaqanxumo iyo fisqi. Waxay u kala garqaadeen si caddaalad ah dadkii is haystay. Waxay kala bixiyeen oo ka hadalsiiyeen kitaab aan lakala bixin boqollaal sano.

Waxaa la dhihi karaa dawladday raadinayeen waa tan ka talisa gobollada Banaadir, Shabeellada Dhexe, Shabeelada Hoose, Hiiraan, Mudug (in yar mooyee), Bay. Bakool, Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose. Waxay maamulaan intaas oo gobol iyo waxa ummad ku nool. Waxay soo nooleeyeen dhaqan laga tagay oo aan waayahaan laga maqal adduunka.

Waxaad maqlaysaa: Wilaayaadka Islaamiga ah, Waaliga Wilaayada Gobol hebel. Wakaas waxa ducaaddu ama Shabaab baadigoobayeen, odayaasha Ictisaam ama Al-Itixaadna ay diiddanaayeen. Waan gaari doonnaa inshaa Allaahu barwaaqada la helay intaanna hordhac usii haysta.

Odayaasha Ictisaam ama Al-Itixaad waa dad wanaagsan intooda badan. Waxaa ku dhex jira dad yar oo aan laga nabadgalin sharkoodii tallaabana ay ka qaadi wayday intii xambaarsanayd himilladii ahayd in la helo dawlad dhaqan Islaam leh. Ragga yar oo dacwada kula dhex jira sharkaan wasakhaysan waxaa isugu darmatay laba arrimood:

  1. Cudur qalbiga ku dhaca oo aan daawo lahayn: Qalbiga ama maskaxdu waa meesha qofka banii-Aadamka ah dhaqaajisa xubnihiisa kale. Haddii qalbigu qaayibo in aadan waxba qabsan karin xubnaha intooda kale waa ka rumaysanayaan oo qofku waxba ma qabsan karo luguhuna tallaabo ma qaadi karaan.
  2. Cudurka labaad oo afraadda lagu imtixaamay wuxuu yahay cabsi ay ka qabaan gaalada. Cabsida waxaa weheliya inay gaaladaba la shaqeeyaan oo ay isku aragti ka yihiin ku-dhaqanka shareecada Islaamka iyo in xilligaan dadka gacmaha iyo lugaha laga gooyo ama dhagax lagu dilo.

Waxay kaloo gaalada iska waafaqeen inuu xaaraam yahay waxa jihaad la yiraahdo bulshada caalamkuna ay meel ugasoo wada jeestaan waxay ugu yeereen Irhaab, asalraac, imaaro Islaam raadin iyo wixi la mida. Waxay iska waafaqeen inay yiraahdaan diimaha hala walaaleeyo oo dadka hala isusoo dhaweeyo (taqaarubul adyaan).

Ikhwaanii waxaan ka faraxalannay oo god dheer lagu riday ururkii Al-Itixaad qaybtiisii hubaysnayd. Waxaa daafaha adduunka u kala yaacay boqollaal kun oo mujaahidiintii la khudlaanay ama la khiyaameeyay ah. Odayaashii Al-Itixaad markay dhalinyaradii indhaha ka rideen oo hubkii ka dhigeen ayay hoteelladii Dubay, Jabuuti iyo Nayroobi ku laabteen.

Waxaa odayaasha kamid ahaa rag aan ku qanacsanayn waxa Itixaad sameeyay. Waxay kaloo kasoo horjeedeen fikirka ah yaan la jihaadin oo dawlad Islaam ahna la raadin. Waxay diiddanaayeen afraaddaasi in gaalo la isu dhiibo. Kumay qanacsanayn go’aankii lagu kala diray ciidammadii Al-Itixaad ama ducaaddii hubaysnayd.

Waxaa kamid ahaa culumadaas Shiikh Xasan Daahir Aways, Shiikh Xasan Turki iyo Shiikh Muxamed Xaaji Yuusuf. Markay ka dhacday Canfaray firirik ama war kala yaaca, ayay saddexdii oday ama shiikh oo aan magacooda kor kusoo sheegay ninba go’aan gaar ah gaaray. Ilaahay ma waafajin inay inta isu yimaadaan hal go’aan wada qaataan. Nin ambaday halkuu aaday baa ula ekoonaatay oo la saxnaatay.

Shiikh Xasan Daahir Aways

Shiikh Xasan Daahir Aways wuxuu go’aansaday inuu bulshada dhexgalo wuxuu qaban karana qabto. Wuxuu yaqiinsaday nin fara bannaan inuusan diintaan waxba kusoo kordhin karin, daaci dadka xumaanta ka reeba wanaaggana fara inuusan noqon karin nin aan hubaysnayn. Wuxuu soo gashtay shaar wayn oo ay dusha uga xardhantahay qabiil reer hebel ama Habargidir. Shaarku korkuu ka foolxun yahay laakiin hoostuu ka nicmaysan yahay oo waxaa hoosta kaga xardhan kalimatu Laa ilaaha illa-llaahu ama Tawxiid.

Wuxuu isku dubaritay mooryaan hubaysan oo dadka dhibi jirtay. Wuxuu uwada galiyay nin walba shaar le’eg kii wadaadku qabay oo kale ah. Wuxuu u bixiyay magac wanaagsan oo uu soo xushay oo ka turjumaya himilladuu xambaarsanaa ama dawlad Islaam ah. Wuxuu billaabay dhaqancelin wanaagsan oo dadka ka kaxaynaysa xumaanta wanaagna gaynaysa. Wuxuu dajiyey meelo gaar ah, wuxuu u furay tababbarro ciidan. Wuxuu siiyay casharro qalbiga iyo jismiga inta waxtar u leh.

Wuxuu noqday duqa magaalada Muqdisho hawleheeda xalliya. Wuxuu noqday ninka kaliya ee dadku farta ku fiiqaan shaqaduu hayo oo la yiraahdo Allaylehe ciidanka Shiikh Xasan Daahir oo kale waa loo baahnaa. Waa ciidammadii aad maqasheen ee la magacbaxay Maxaakimul Islaamiya. Magacaad ka garan ujeeddada Shiikha Alla ha xifdiyee. Wuxuu soo maray marxalado aad u dhib badan oo aan waraaqo looga sheekayn karin. Aakhirkii waad ogaydeen inay dhaleen dawlad Islaami ah oo lix bilood ka talinaysay koonfurta Soomaaliya. Waan gaari doonnaa inshaa Allaah siday ku burburtay iyo wixii burburiyay intaba.

Shiikh Xasan Xirsi (Xasan Turki)

Shiikh Xasan Turki wuxuu qaatay naqshad aan ka fogayn tii uu qaatay Shiikh Xasan Daahir Aweys. Wuxuu dhexgalay shiikhu tolkiis. Wuxuu helay rag diyaarsan oo u badan ducaaddii ama mujaahidiintii lagusoo khiyaameeyay Itoobiya iyo Soomaaliya intaba oo hubkii laga dhigay. Wuxuu helay dhul istaraatiiji ah. Wuxuu helay bad xeeb dheer leh oo laga kalluumaysto. Waxaa badda dhinaca ku haya dhul hawd ah oo aan ciddii gasha looga dabagali karin. Wuxuu furay mucaskarro waawayn oo lagu tababbarto.

Wuxuu xasiliyay oo nabad kusoo dabaalay bulshadii meesha dagganayd oo dagaallo ka dhexayn jireen. Wuxuu u garqaaday ama kala xukumay dadkii is haystay. Wuxuu samaystay ciidaan xoog leh oo hanan kara wuxuu ku taamayay oo ahayd inuu shareecada Islaamka oogo. Waa laga wada dharagsan yahay imaaradii ama dawladdii Shiikh Xasan Turki uu ka sameeyay dhul baaxad wayn leh. Waxqabadkeedii waxaa og dadkii ku nastay laakiin la waydiin maayo Ictisaam iyo mid qabiil madax maray toona.

Shiikh Muxamed Xaaji Yuusuf

Shiikhu wuxuu ahaa ninka labada shiikhba kaga caansanaa imaarad-raadinta ama jihaad jacaylka. Waxaan soo marnay asagoo dawlad Islaam ah dhisay. Dawladdaasi waxay shaqaynaysay lix sano. Waxay gaartay horumar dhaqaale, mid siyaasadeed, ciidan, waxbarasho iyo maamul wanaag. Waan kasoo sheekaynay qaabkay ku billaabatay iyo meeshay ku dambaysay intaba. Shiikhii markii imaaradii laga burburiyay ayuu burburay asagiina oo waxaa mugdi ka galay inuu mar kale isku dayo dhisme dawlad Islaam ah.

Saan horayba usoo xusnay shiikhu wuxuu ahaa raggii Carabaha wax kusoo bartay muddo fog. Wuxuu ahaan jiray daaci dhulalka Muslimiintu ku yaryihiin loo diro. Waxaa kharashgarayn jiray oo uu shaqaale u ahaa isla raggii wax soo baray oo Carbeed. Markii talo ku baahday oo imaaradii laga burburiyay ayuu u qayshaday reer Carbeed. Waxaa ajiibay dawladda Qadar sidaan maqlay. Halkaasuu niman Carbeed oo aad uladan ku tujiyaa salaadaha.

Waxaan maqlay shiikhu inuu soo raacay nimankii Xamar yimid oo culumada Soomaaliyeed ahaa. Waa culumadii la magac baxday Al-Wifaaq. Waa raggii fatwooday in Bahuuke afar bilood Muslimiinta Bii.Em-ka ku layn karo. Waxay u cuskadeen mas’alada ah daruuradu waxay bannaysaa wax lagaa xaaraantinimeeyay. Waxay ku adkeeyeen mas’alada kale oo ah maslaxada iyo mafsadada. Waxay ku khatimeen nusuustoodii mas’alada ah hadday laba dhib ku sinmaan waxaa la qaataa hadba kan dhibka yar.

Shiikh Muxamed Xaaji Yuusuf waa ninka ugu taariikh fiicnaa ducaaddii Soomaaliya burburkii kadib oo wax dawlad Islaami ah oo muddo shaqaynaysay dhisay asagaa jira. Maantayna waa ninka ugu taariikh liita shakhsi ahaan raggii asaga la manhajka ahaa oo mujaahidiinta ay isla ahaayeen. Fiiri labadii shiikh oo kale Ilaahay waa sugay waxayna maantay ku raaxaysanayaan dawlad Islaam ah.

Asagana carruurta Carbeed ayaa leh, “Yaa abii ta’akharnaa. Cinnaa mawcid. Aynal cabd wal mudawwac illii sallaa binaa ams?” Waxaan hubaa inaadan xor u ahayn inaad meeshaad rabto aadi karto. Waxaan rumaysnahay haddaad run sheegi jirtay waagii hore inaad jaanis leedahay oo mar walba qofka khalad baa ka dhici kara wuu kasoo laaban karaa markuu arko khaladka uu ku jiro.

Shiikh Muxamedow gobolkii waxaa ka dhisan dawladdaadii aad dhidibbada u taagtay dawlad ka xoog badan. Dadku waxay u baahanyihiin culumo wax barta iyo kuwo tujiya intaba.

Anigu aan iska warramo mawqifkaan qaatay markii nala kala diray. Waxaan go’aansaday inaan aado Soomaali Galbeed oo markaas jihaad ka socday. Waan is diyaariyay. Waxaan xuuraan u galay ama wardoonay sidaan ku gaari lahaa gudaha Itoobiya. Waxaan dhexgalay magaalada Xamar. Waxaan raadiyay ducaaddii gobolkaas u khidmaynaysay. Waxaan helay rag uu kamid yahay Shiikh Muxamed Xasan Taraar, Shiikh Muxamed Wali iyo rag kale oo ay shaqada wada hayeen.

Waxay ii sheegeen inay meesha dad wax ku baraan. Waxbarashadu waa mid waxtar u leh mujaahidiinta. Ninkii wax barta waxaa la yiraahdaa maxaad jeceshahay inaad qabato? Wuxuu sheegto ayaa loo diraa. Markay ii sheekeeyeen oo aan aad ula dhacay hawshay hayaan wanaaggeeda ayaan xoogaa lacag ah oo aan dad kasoo uruuriyay ku wareejiyay. Muddo haddaan wardoon ku jiray ayaa waxaa soo dhawaaday bixitaankaygii.

Waxaa ii yeeray walaalihii dadka wax ku barayay magaalada dhexdeeda. Waxay i dheheen barri rag baan tababbar u xiraynaa ee noo imow. Waan imid. Waxaa meesha ku diyaarsan dhalinyaro dhawr bilood wax baranaysay. Waxaa meesha fadhiya culumo uu kamid yahay Shiikh Cabdullaahi Raabi.

Meeshu waa guri filla ah dhexdiis. Dhalinyaradii waxay rabaan inay na tusiyaan qaabkay wax u barteen. Waxay gudagaleen inay soo bandhigaan xirfadahoodii. Waxaa nala tusiyay farsamooyin na yaabgaliyay ama na cajabiyay. Waxaan ogaaday in wali raggu dhaqan yahay. Dawradiina waa la xiray.

Hoteel baan dagannahay. Huteelkii waxaa ilasoo dagay Shiikh Cabdisalaam Cismaan Cabdisalaam oo ah amiirkii mujaahidiinta Itoobiya. Markaas ayuuba kasoo galay furintii aan u socday. Waa nin aan horay isula soo shaqaynay oo waan is naqaan. Haw baan isku soo niri. Iswaraysannay. Waxaan u sheegay inaan usoo socday meeshuu ka yimid. Wuxuu igu yiri, “Ha degdegin ee aniga iga warsug anaa kuu warrami. Saad moodday xaal ma ahan.”

Walaalayaal Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ikhyaari waxaysan foofsan ayaa usoo hoyda. Waxaan la kulmay wax aanan filayn inay dhagahaygu maqlaan. Waan idiin warrami doonaa inshaa Allaahu tacaalaa bal aan u nasanno arrintaan aan ku farxin.

Waa inoo qormada dambe inshaa Allaahu.

aragtidaada nala wadaag...