Qeybta 3aad

Waa qormadeenii qaybtii 3aad oo aan isugu soo laabannay. Inshaa Allaahu tacaalaa waxaan bilaabayaa xogwarrankaygii iyo billawgii arrintaan ama waxaan goobjooge ka ahaa intaan ka xasuusto idanka Alle ka dib.

Sanadku markuu ahaa 1991 waa tay dhacday fawdo aan qofna ka badbaadin, haduu yahay baarri, faajir, maalqabeen, ama cayr intaba.

Markay dhacday fawdadaasu waxaan joogay Xamar. Waxaan la cararay naftayda illayn naftu orod bay kugu aamintaaye. Dadku way hubaysnaayeen inta badan, qof walibana wuxuu doonuu kan kale ku samaynayay oo  dhac ama dil ah.

Waxaan tagay Keenya magaalada Mombaasa. Bilo kadibna waxaan ahaa dadkii aasaasay xeradii caanka ahayd ee Utaanga. Waxaan Keenya kala kulmay soo dhawayn fiican hadday tahay Mombaasa ama Utaanga intaba. Dadku markay raaxaysanayeen aniga waxaa ii muuqatay dadkii Soomaaliyeed ee is cunayay oo qof walba leeyahay anaa gar leh. Wax ugarnaqayaana aysan jirin.

Anigoo sidaas ku jira oo uusan qalbigaygu dagganayn ayaa waxaan maqlay dad culumo ah oo is xilqaamay markay dhawran waayeen waxa dhacaya. Dabadeedna waxay isku aruursadeen meesha lagu magacaabo Dhooblay ee xad beenaadka Keenya ku dhaw. Raggaasu waxay heleen dhalinyaro ka badbaaday fitnada dhacaysay. Waxay kaloo heleen hubkii oo dadkii markay isku dhameeyeen oo kala aargoosteen qof walbaa markuu xadbeenaadka soo gaaro ayuu qorigiisii qiima yar siistaa, Keenyana horay ugalaa. Fursaddaasey heleen ikhwaankii is xilqaamay.

Meeshii waxay noqotay maalmo gudahood meel loo soo hijroodo. Dadkii baa waxay ogaadeen in dad wadaaddo ah ay meesha xoog ku yeesheen dadkana khayrka ugu yeeraan baadilkana ka reebaan kii dulmi wadana xoog ku muquuniyaan dadka xaqiisana uga qaadaan oo dadka u kala garqaadaan oo kala dajiyaan wixii is cayrsanayay ee is dilayayna kala qaboojiyaan intii awooddooda ah. Markii ay sumcaddoodii cirkaas isku shareertay oo meelo badan looga soo hijrooday ayaa waxaa hakadey dadkii cararayey ee nabadgalya doonka ahaa.

Waxyaabaha aan wali xasuustayda ka go’in waxaa kamid ah oo Dhooblay waagaas ka dhacay: In maalin Jimce ah aan ku tukannay masaajid wayn oo magaalada ku dhex yiillay. Markii wadaadkii salaaddii dhammeeyay ayuu istaagay oo wuxuu yiri, “Waxaan tukannay salaad waajib innagu ah haddaan ka tagnana naloo ciqaabayo. Ma idin la quman tahay in meel masaajidka u jirta wax aan ka badnayn 300 oo mitir uu ka furan yahay guri gabdhaha jirkooda gataa ay daggan yihiin oo aannaan waxba ka qaban sidaasna aan ku badbaadayno?”

Hal mar ayaa dadkii waxay dheheen Allay lehe maya. Wuxuu yiri, “Haddaba inakeena aan wax ka qabannee (munkarka  suulinnee).” Ma jirin hal qof oo yiri gabdhuhu waayo? Waa reerkee? Maxaa laga rabaa yaa og in ay xumaan sameeyaan? Dacwada ma la gaarsiiyay? Naga daaya fitnaa ka dhalanaysee? Shiikh hebel ma la waydiiyay? Iyo wixi la mid ah.

Hal mar baa lagu yaacay cirroole iyo dhalinyaraba. Wallaahi dhulkaa lala simay oo waa la burburiyay gurigay ku jireen. Iyagiina maxaabiis ahaan ayaa loo geeyay xeradii ciidan ee wadaaddada si loo dhaqan celiyo illayn ma jirin dawlad aan ahayn wadaaddadaas iyo maamulkoodaas yar.

Waxaan ka mid ahaa ciidankii gabdhahaas nabad galyadooda wax ka ilaalin jiray ama waardiyaha ka hayn jiray. Meeshiina waxaa lagu hayay intii Alle doono oo muddo ah. Waxaana la siidaayay ayagoo cashara badan qaatay garwaaqsadayna xumaantay ku dhex jireen Ilaahayna u towbad keenay sidii ka muuqatay daahirkooda.

Xumaanta la suulin jiray ma ahayn mid la soo koobi karo. Waxaanse dhacdadaan usoo qaatay waa mid ay ka qayb qaateen dhammaan reer Dhooblay maalinkaas Jimcada ah oo la wada tukaday loona kala harin arrintaas. Munkarka intiisa badan waxaa u taagnaa dad khaas ah oo ducaad ah iyo ciidan la shaqaynayay. Markii ciidankii batay oo la helay culumo badan oo awal geedaha hoostooda ku nabnayd oo quus taagnayd, markii la helay muhaajiriin fara badan oo diyaar u ah in ay naf iyo maalba huraan, markii la helay shacab la maamulo ayaa waxaa soo muuqatay dawladnimo illayn macnaha dawladnimo waxaa sal u ah saddex arrimoode: Manhaj, Dad iyo Dal.

Waxaa billaabatay in la qabto shirar aan kala go’ lahayn oo looga wada tashanayo sidii laga yeeli lahaa ama loo maamuli lahaa dawladnimadaan soo muuqatay iyo fursaddaan la haysto oo qaaliga ah. Waxyaabaha xiwaarku ugu badnaa waxaa ka mid ahaa:

  1. Yaannahay? (Manhajka)
  2. Xaggee dagnaa? (Istaraatiijiyadda)
  3. Ma is raacsannahay? (Shaki la kala qabay)

Aakhirkii waxaa la isku waafaqay in loo hayaamo gobollada Waqooyi Bari sababtoo ah ayagaa noqday meesha kaliya ee bad, buur, berri iyo biyoba leh.

Markaan leeyahay waa la isku raacay arrintii ahayd in Bari loo guuro macnaheedu ma aha in la waayay khilaaf ama ra’yi kaas ka soo horjeeda. Waxaadse ogaataa mar walba waxaa la qaadanayey ra’yiga meesha loo bato khayrna loo maleeyo in uu ku jiro idan Alle.

Waxaa meeshii ku haray oo dadkii is raacay khilaafay laba wadaad iyo ciidankoodii oo iyaguna dhexdoodana is khilaafsan dadkana khilaafsan. Waxaana ku faahfaahin doonnaa inshaa Allaahu tacaalaa qoraalladayada dambe haddaanse hordhac idin siiyo waa labada wadaad oo la kala dhaho Sheekh Xasan Ashkir iyo Sheekh Cabdiraxmaan Jibriil. Aakhirkiina ciidamadoodii waxay ku danbeeyeen Caanoole iyo Xisbul Islaam garabka Axmed Madoobe. Waxaa ku rumowday maahmaahdii aheyd “kullu inaa’in bimaa fiihi yandaxu,” weel walbaa wuxuu dhididaa wixii ku jira (Manhaj qallooc iyo qabyaalad).

Qofkii qormadaydii koowaad soo akhriyay la yaabi maayo in aan dad magacii sheego ama qabiilooyin. Marka fadlan haddaad ku dhex aragto waxaad qoonsatid qormadaan adigoo aan xadgudbin ku laabo qormadaydii koowaad. Waa haddaad xaqdoon tahay (xiiqsanase yeelkiis Xabashida la safan wali).

aragtidaada nala wadaag...