Qeybta 42aad

Walaalayaal waxaan kala tagnay ayada oo farta wadnaha lagu hayo oo laga cabsi qabo in dagaal ka qarxo magaalada Muqdisho, dagaalkaas oo u dhexeeya Midowgii Maxaakimta Islaamiga iyo hoggaamiye-kooxeedyadii Muqdisho oo u arkay in kuraastoodii ay khatari ku jirto.

Magaalada Muqdisho waji kale ayey gashay, waxaa soo muuqda dagaal ka duwan dagaalladii ay horay u yaqaanneen shacabka Soomaaliyeed, waa dagaal diineed, oo lagu dagaallamayo caqiido iyo diin.

18kii bishii 2aad ee 2006dii goor barqo ah ayaa xarunta uu magaalada Muqdisho ka dagganaa Maxamed Qanyare Afrax ee Dayniile looga dhawaaqay isbahaysi ay ku midoobeen dagaal-oogayaashii Muqdisho, isbahaysigaas waxaa lagu magacaabay Isbahaysiga la-Dagaalanka Argaggixisada. Isbahaysigaan oo markii hore ay ku dhawaaqeen sagaal dagaal-ooge ayaa markii dambe sii ballaartay oo gaaray illaa 11 dagaal-ooge. Sagaalkii dagaal ooge ee Dayniile kaga dhawaaqay isbahaysiga waxay kala ahaayeen:

  1. Maxamed Qanyare Afrax
  2. Muuse Suudi Yalaxow
  3. Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish)
  4. Bootaan Ciise Caalim
  5. Bashiir Raage Shiiraar
  6. Cabdirashiid Shire Il-Qeyte (waxaa matalayey wiilkiisa Cabdifataax)
  7. Cabdi Shukri Cali Xirsi
  8. Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal)
  9. Ciise Cismaan Cali
  10. Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere)
  11. Cabdi Cawaale Qaybdiid

Labadaan hoggaamiye-kooxeed ee dambe ayaa maalmo yar kadib kusoo biiray isbahaysigaan.

Dagaal-oogayaashaan ayaa warbaahinta la hadlay isla maalintii ay ku dhawaaqeen isbahaysigaan, waxaana isla maalintaas billawday dagaal ballaaran oo u dhexeeya Midowgii Maxaakimta Islaamiga iyo isbahaysigaan ay dhisitaankiisa ka dambeeyeen sirdoonka Maraykanka Sii.Ay.Ee iyo midka Tigreega.

Waxaa isla maalintaasba hadlay oo war siiyay saxaafadda guddoomiyihii golaha Maxaakiimta Islaamka Shariif Sheekh Axmed oo sheegay inay dagaal kaga hortagi doonaan “isbahaysiga sharta iyo sheydaanka, inshaa Allaah wey jabi doonaan iyagaana ka shallayn doona, waana Ashahaado-la-dirir.”

Dagaalkii ayaa kululaaday, magaalada Muqdisho oo dhan ayuu dagaalkii saameeyey, maalintii hore waxaa la riixay oo goobohoodii laga durkiyey Maxaakimtii. Dagaalkii wuu fiday oo wuxuu gaaray bannaanka magaalada Muqdisho. Waxaa la qabsaday dakaddii Ceel Macaan, waxaa gacanta lagu dhigay eeraboorkii Cisaleey, waxaa labadaan gooboodba gacanta ku hayey ganacsade Bisheer Raage Shiiraar.

Maalinba maalinta ka dambaysa dagaal-oogayaashii mid mid ayaa xooggoodii loo wiiqayey. Kooxdii Baydhaba fadhiday dagaalladaan way ka hadleen, waxay ku sheegaan ayey garan waayeen, Cali Maxamed Geeddi oo ahaa Ra’iisul Wasaaraha xukuumaddii Cabdillaahi Yuusuf wuu kala hadlay, mar wuxuu dagaalladaan ku sheegay inay yihiin dagaallo u dhexeeya shacabka reer Muqdisho, ururrada bulshada iyo Maxaakimta Islaamiga ah oo dhinac ah iyo hoggaamiye-kooxeed dawladdiisa ka tirsan oo gadoodsan dhibaatana ku hayey shacabka. [Dhageyso]

29kii Maarso mar ay saxaafaddu wax ka weydiisay dagaallada Muqdishio ka socda waxa uu ku sheegay inuu yahay dagaal loogasoo horjeedo argaggixisada caalamiga ah dawladdiisuna ay safka hore uga jirto. [Dhageyso]

Bashiir Raage Shiiraar oo Bii.Bii.Sii-da la hadlay ayaa sheegay in isbahaysigooda ay soo dhiseen Intarbool-ku (Booliska Dawliga). Wuxuu sheegay in loo xilsaaray inay argaggixisada Soomaaliya joogta ay soo qabqabtaan, waxaa uu sheegay in dagaalku uu socon doono inta ay hawshoodaas qabsanayaan, Warbaahinta Soomaaliyeed wuxuu u sheegay in isbahaysigaani uu la dagaallamayo wax uu ku sheegay aragtida Wahaabiyada dalkeenna loosoo waariday.

Ikhwaanii ugu dambayntii waxaa laga adkaaday oo Ilaahay hoojiyay sagaalkii nin oo Islaamka la-dagaallankiisa isusoo bahaysatay. Waxaa godadkoodii loogu galay abeesooyinkii suntan lagasoo qaadan jiray. Waxaa la burburiyay qalcadihii murtaddiintu ku dhuumanayeen. Waxaa la qabsaday eeraboorradii laga dhoofin jiray mujaahidiinta, sida kii Cisaleey iyo kii Dayniile. Waxaa xididdada loo siibay jawaasiistii akhbaarta gudbin jirtay.

Waxaa la qabtay raggii shaqadaan oo dhan hawlwadeenka ka ahaa. Waxaa la helay sir culus oo anfacday ducaadda illaa iyo maanta. Waxaa mid mid loo siibay balaayadii nagu dhex jirtay oo la ogaaday ama laga helay Sii.Ay.Ee-da jihaazkeedii ama kumbyuutarkeedii. Magaaladii Xamar ayaa maalmo yar waxay noqotay meel aamin ah oo laga waayay cid dulmisa cid kale. Waxaa la raacdaystay oo gobollada looga dabatagay fiiggii ka haray murtaddiintii Xamar laga eryay.

Billawgii bishii lixaad (Juun) ee sanadkii 2006dii ayey Maxaakimtu gacanta ku dhigeen oo xoreeyeen guud ahaan magaalada Muqdisho. Waxaa la gaaray xilligii macruufka noqday ee ahaa Maxaakimtii iyo lixdii bilood ee Xamar. Waxaa la ballaariyey haykal dhismeedkii Maxaakimta, waxaa laga dhigay Midowga Maxaakimta Soomaaliyeed halka markii hore ay ka ahayd Midowga Maxaakimta Muqdisho. Waxaana midowgaas kusoo biiray maxaakim kale oo laga aasaasay gobollada dalka Soomaaliyeed.

Ayadoo aan dagaalkii dhammaan oo dhalinyaradu ku mashquulsan yihiin sugidda ammaanka ayaa waxaa caalamka isaga kala yimid odayaashii Ictisaam oo carari jiray markii guuldarro timaaddo, markii khayr iyo guul la gaarana imaan jiray ayagoo boorsooyin waawayn wata. Waxay dheheen, “Maashaa Allaahu waxaad qabateen hawl aan caadi ahayn. Murtaddiintiina waad ku saxnaydeen inaad ku jihaaddaan waxayna ahaayeen gaalo Ilaahay diintiisii dagaal kala hor yimid! Nagusoo wareejiya maamulka annaga odayaasha ah, maxaa yeelay adinku wax ma maamuli kartaan mana taqaannaan si wax loo maamulo. Hawshaanu waa hawl wayn oo u baahan fiqhi iyo axkaam daqiiq ah. Aad ayaadna ugu mahadsantihiin murtaddiintii aad magaalada ka saarteen, dhiiggooduna waa hadur oo waxay ahaayeen murtaddiin.” Waa fatwadii shalay laga waayay ama ay diideen markii loo baahnaa, way lasoo daaheen. Gabar xun ma ihiye, beer baas ayaan leeyahay!

Waxaa la galay xiwaar dheer. Dhalinyarada waxaa ku jira beer baas oo aan maya aqoon. Laakiin waxaa galay shaki fara badan oo sidoodii hore ma ahan. Waxay daaqadda ka saareen afraaddii ay ku yaqaanneen khayaamada iyo inay maalin walba burburin jireen waxay soo dhisaanba. Waxay soo dhawaysteen qolo cusub oo soo huwatay haybad wadaad ama la yimid dhaqan mujaahid.

Raggaas lagu kadsoomay waxaa kamid ahaa Janaqow iyo saaxiibbadiis. Wax la tirin karo ma ahayn ragga ducaadda u ekaa ama wadaad wanaagsan la moodayay, markii dambana lasoo baxay dhaqankiisii dhabta ahaa. Waxay dhalinyaradu aamineen rag culumo waawayn ahaa oo diintaan in badan kusoo dhex jiray. Waxay hawshii ku wareejiyeen dad ay u qabeen inay ehel u yihiin xag diineed iyo xag maamul intaba.

Dhalinyarada ujeeddadeedu waxay ahayd in la helo dawlad Islaami ah oo dadka u khidmaysa. Waxay dhalinyaradu ka dhiidhiyeen culumada la dhoofinayo sidii arigii. Waxay diyaar u ahaayeen inay askar noqdaan oo gaalada la dagaallamaan maamulkana ay qabtaan ciddii ehel u ah. Waxaa dhici karta in ayaga laga dhex helo cid maamulka ku wanaagsan, waxaa dhici karta inay bulshada dhexdeeda ka yimaadaan dad aqoon u leh maamul wanaag, aqoonna u leh shareecada Islaamka iyo axkaamteeda.

Ducaaddu waligood kuma ay fakarin wixii dhacay oo ay sameeyeen raggii la aaminay oo loo dhiibay dawladdii Islaamka ahayd oo dhiigga badanu ku daatay. Dhalinyaradu waxay ku baraarugeen odayaashii Ictisaam qaar kamid ah oo ay dareemeen luggooyada ay ku hayeen jihaadka iyo raggii waday. Dhalinyaradu meeshaba masoo dhigan bulsho dhan oo khayaamo lasoo taagan ama Alle ka-fogaansho in yar oo Ilaahay u naxariistay mooyee. Waxay gaaladu ku adeeganaysaa culumadii, aqoonyahankii, iyo odayaashii intii Ilaahay u naxariistay mooyee. Yaa la aaminaa?

Dhismihii Dawladdii Maxaakimul Islaami ee Xamar

Waxaa la galay shir wayn oo lagu falanqaynayay qaabkii loo hoggaamin lahaa dawladdaan iyo ciddii hoggaamin lahayd. Waxaa yimid kooxo xukun-doon ah oo qola walbaa leedahay annagaa xaq u leh qabashada hoggaanka.

Kooxahaas waxaa kamid ahaa Ictisaam oo u qabay inay dadka ka xigaan dhismaha dawladdaan iyo hoggaaminteeda. Waxaa kamid ahaa odayaasha Hawiye oo ku doodayay annagaa xaq u leh hoggaaminta dawladdaan Xamar ka dhalatay. Waxaa kamid ahaa ururrada bulshada oo waxaas oo dhan u arkayey inay ayagu ka sarreeyaan cid walba oo ay yihiin aqoonyahannadii ummadda hoggaamin lahaa xaqna ay u leeyihiin hoggaaminta dawladdaan.

Muddaa la is mari waayay. Waxaa kala jabay Ictisaam. Waxaa geeska la galiyay odayaashii Ictisaam oo aan ahayn Hawiye siday ayaga la ahayd ama dhismaha dawladda ka muuqatay. Dhalinyaradu markay arkeen sida xukunka loo jecel yahay oo loogu xisaabtamayo ayay dib isu qabteen oo waxay go’aansadeen inay askar ahaadaan oo furinta galaan ciddii hoggaanka qabanaysana ay ku addeecaan.

Ugu dambayn waxaa la dhisay maamul uu madax u yahay Shariif Murtad Karazaay. Wuxuu ahaa balaayo nalagusoo darsaday oo aan laga warqabin. Wuxuu ahaa jaasuus ama kadib ayuu aqbalay inuu jaasuus noqdo. Waxaa la shaqaynayay kuwo asaga shaqada ugasoo horreeyay oo aan war laga hayn (jawaasiis). Waxaa la gudagalay inay shaqayso imaaradaan Islaamiga ahayd oo Xamar dhidibbada loogu aasay.

Ma dhammaan dagaalkii lagula jiray hoggaamiya-kooxeedyadii. Maalin walbaa magaalaa laga qabsadaa mooryaantii. Markii magaalada la qabto ayaa maamulkii la dhisay oo dawladdu lahayd wuxuu u magacaabaa magaaladii la qabtay mooryaan qabiilka meesha daggan ka tirsan. Dhalinyaradii way shakiyeen markay arkeen ninkaan ay yaqaannaan oo mooryaanka ah ama qabiilku ka buuxo oo loo dhiibay magaaladay ka qabsadeen mooryaanta.

Maamulka dawladda markay waydiiyaan khaladka ay arkeen waxaa lagu yiraahdaa maslaxada dacwada ayaa ku jirta sidaan. Way iska aamusaan ayagoo arka dhibaatada jirta. Waxaa layaab ah mooryaan ka xoree oo mooryaan u dhiib. Waxaa dhacay dhacdooyin waawayn oo u baahan in buugaag laga qoro. Anigu waxaan tooshka ku shidayaa ama iftiiminayaa ciddii mas’uulka ka ahayd wixii dhacay iyo khayaamadii loo gaystay ummadda Soomaaliyeed iyo ducaaddii diinta u adeegaysay. Waxaan rajaynayaa inay u istaagaan raggii xog-ogaalka ahaa oo ay diiwaan galiyaan taariikhdaan soo martay ummadda Soomaaliyeed. Ugu dambayn waxaa dhacay dagaallo waawayn oo lagu hoobtay.

Waxaa xasuus mudan in laga sheekeeyo hoggaankii sare ee dawladdii Islaamiga ahayd. Waxaa madaxwayne ka ahaa Shariif Sheekh Axmed. Maxaad ka malaysanaysaan dawladda madaxwayneheedii iyo wasiirkii gaashaandhiggu ay jawaasiista yihiin? Imisa jaasuus ayaa ku dhex jirtay? Ilaahay bay u xisaabsanaayeen waxaanse u malaynayaa inay ahaayeen ciidamo dhan. Allaahumma sallim, sallim. Waxaa Wasiirkii Gaashaandhigga ka ahaa Yuusuf Siyaad Indhacadde.

Dhismahaan Maxaakimta loo sameeyay waxaan hubaa inay ka dambaysay gacan shisheeye ama Sii.Ay.Ee-da ha ahaato ama cid kale. Waxaana loogu tala galay in lagu fashiliyo ama looga hortago tayaarkii jihaad-doonka ahaa. Ujeeddadii gaaladu ka lahaydna waa u fushay oo waa taad ogaydeen wixii lagu falay ikhwaankii, didibtii bannaanayd wixii duubcad lagu laayay!

Dhalinyaradu waxay baraarugeen baraaruggii ugu dambeeyay. Waxay ogaadeen cidda ay hoggaanka u dhiibteen inaysan daacad ka ahayn jihaadka iyo miradhalkiisa. Waxay ku baraarugeen kuwaan cusub (Shariif Karazaay) iyo kuwii hore (odayaashii Ictisaam) inay isku mid ka yihiin. Waxay qaateen go’aankii ugu dambeeyay oo ay ku badbaadin lahaayeen dhalinyarada inta hartay iyo camalkay ku jiraan oo jihaadka ah.

Walaalayaal kama sheekaynayo dagaalkii iyo gumaadkii dhacay. Kama sheekaynayo fashilkii ku yimid dawladdii Islaamiga ahayd iyo ciddii fashilisay. Kama sheekaynayo barakicii loo gaystay bulshadii dagganayd ee ku nasatay imaaradii Islaamiga ahayd. Ma ahan in aanan dan ka lahayn oo aan xaqirayo laakiin ma siin karo xaqqeeda haddaan damco inaan ka sheekeeyo. Rag baa Ilaahay usoo saari doonaa taariikhdaas iyo diiwaan galinteeda inshaa Allaahu tacaalaa.

Waxaan rabaa inaan caddeeyo meeshii ay ku kala hareen odayaashii Ictisaam (Itixaad ahaan jiray) iyo ducaaddii ay muddada soo luggoynayeen ama soo khayaamaynayeen. Burburkaan hadda dhacay oo aan faraha kula jirno mushkiladdiisa odayaasha Ictisaam saamayn wayn bay ku leeyihiin. Waxay dhex joogaan ama lasoo xiriiraan maamulka Maxaakimta. Waxay bixin jireen talooyin iyo tawjiihaad. Afraad ayaga kamid ah waxay hayeen jagooyin muhiim ah oo imaaradu leedahay.

Qoladaan cusub oo Shariif Karazaay madaxda u yahay iyo qoladii hore ee Ictisaam waxaa ka dhexeeya isfaham xagga maamulwanaagga ayaga siday la tahay. Shariif Karazaay ma ahan nin Ictisaam ah. Waxaa kooxdiisa lagu magacaabaa Aala Shiikh. Nimankaasi ma ahan niman soo dagaallamay oo dagaal wax ka yaqaan. Waxaa macallimiin u noqday odayaashii Ictisaam oo ku gaboobay sida loo jallaafeeyo wiil yar oo qori la ordaya oo jihaad ku khafiifay siday ayaga la ahayd.

Waxay isku waafaqeen in laga fogeeyo maamulka imaarada ragga ay ku jirto ruuxda jihaadiga ah. Waxay isla gaareen qaraar ah in magaalo kasta oo mooryaanta laga xoreeyo loo dhiibo qabiilkii mooryaanta dhalay ducaaddana laga fogeeyo maamulkaas dagmadu yeelatay. Waa yaab! Markii horaba mooryaanta waxaa meesha dhigtay odayaasha qabiilka oo maamulka dagmada loo dhiibayo! Maxaa la faa’iiday? Mooryaanka iyo aabbihiis kee baa dhib badan? Aniga waxaa ila dhib yar wiilkaan yarka ah oo ay ku filan tahay marduuf qaad ah. Laakiin odayga waxaa qanciya wixii Buush qanciya.

Waxba yaanan sii fogaan. Waxaan gaadhnay magaalada Kismaanyo. Waxaa laga adkaaday kaaba-mooryaankii Kismaanyo haystay. Sidii caadada u ahayd ururkii Ictisaam ama odayaashii markii magaaladii la qabtay ayay bustahoodii soo dhigteen oo waxay dheheen u dhiiba maamulka magaalada odayaasha qabiilka meesha daga oo mooryaanta dhalay. Libaax la tag bartay ka dhig waa ku ceeb!

Dhalinyaradu qorshay wataan oo intaan magaalada lagu soo duulin ayay ka wada hadleen magaalada iyo siday ka yeelayaan haddii la qabsado. Odayaasha Ictisaamna war kama hayaan oo waa culumadii mujaahidiinta marka nasri la gaaro ama nabadda la yahay. Waxay u barteen dhaga-nuglaanta Shabaabka iyo xoog furnaantooda. Waxay odayaashu dhalinyarada ku ammaanaan inay yihiin ducaad wax ku ool ah, xagga dagaal, xagga dacwada  iyo dhanka manhajka intaba.

Waxaa lagu jiraa shir ku saabsan sidii dhalinyaradu kusoo wareejin lahaayeen magaalada Kismaanyo, waxa lagu wareejinayaana waa mooryaantii la kala eryay aabbayaashood ama tolkood. Waxaa dalabkaasi ka yimid odayaashii Ictisaam oo la arki jiray marka nasri la gaaro, markii birta la iska aslayana carari jiray ama dhalinyarada eedayn jiray oo oran jiray “Adinkaa sabab u ah musiibada dhacday.” Marka wanaag la gaarana dhihi jiray “Maashaa Allaahu waxaad qabateen hawl aan caadi ahayn. Soo dhiiba maamulka.”

Ikhwaanii aan sugno shirkaas waxa kasoo baxa. Waxaa kaloo la idinka rabaa inaad ra’yigiina ku darsataan waxa laga yeelayo Kismaanyo. Ma jirto magaalo ka dambaysa Kismaanyo. Kismaanyo waxay ku taallaa ama saarantahay badda. Haddaan dhiibno ayada magaalo dambe ku xisaabtami mayno. Waxaan sugaynaa ra’yigiina inshaa Allaahu.

Waa inoo qormada dambe.

aragtidaada nala wadaag...