Qeybta 43aad

Ikhwaanii waxaan kala tagnay ayadoo lagu jiro shir. Shirku wuxuu ku saabsanaa magaalada Kismaanyo in gacanta loo galiyo mooryaantii magaalada laga qabsaday ehelladoodii ama duqowdoodii. Waxaa qabiilka ergo ka ah oo gogosha dhigay ururkii Al-Ictisaam culumadoodii. Culumada warkoodu wuxuu leeyahay saddex waji:

  1. Maamul wanaag iyo maslaxatu-dacwa.
  2. Qabiil iyo masaalixu-dacwa (tanaasul)
  3. Siyaasad qarsoon oo gaalo loogu adeegayo ama hala ogaado ama yaan la ogaan.

Aan in yar dib u noqonno. Dagaalku wuxuu ka billawday magaalada Xamar. Wuxuu marayaa Kismaanyo. Dhanka waqooyi wuxuu gaaray dagaalku illaa iyo Baladweyne. Dhankaan qorrax u dhaca wuxuu kusii dhawyahay dagaalku Baydhabo. Waddanka intaas baaxad le’eg ducaaddu kama taliyaan hal magaalo marka laga reebo Kismaanyo oo aan hadda dhextaagannahay oo la isku haysto oo la leeyahay dhiiba iyo dhiibi mayno.

Waxay horay usoo dhiibeen dhawr iyo tobankii dagmo ee Xamar. Waxay dhiibeen laga billaabo Balcad illaa Baladweyne. Waxay dhiibeen laga billaabo Afgooye illaa Buurhakaba. Waxay dhiibeen laga billaabo Shalaanbood illaa Jilib. Libaax daalay dirirtiisaa loo tagaa. Waxay marayaan baddii Kismaanyo ama xuduudbeenaadkii Keenya. Maxaa haray oo ay xukumi doonaan? Mise ayaga xukunka waa laga ilaalinayaa?

Inta magaalo aan soo marnay oo laga xorreeyay mooryaantii ama murtaddiintii waxay dib ugu laabatay magaalo walbaa gumaysigii laga saaray shalay. Waxaa qabsaday balaayo ka daran kuwii laga qaaday. Waxaas oo mu’aamaraad ah waxa maleegayaa waa Ictisaam. Doqontaan afka guduudan (Shariif) waxba ma oga. Waxaa macallim u ah rag birta calashaday oo yaqaan dawlad Islaami ah oo dhisan sida loo kala diro.

Ikhwaanii Kismaanyo in lagusoo duulo oo la qabsado la iskuma waafaqsanayn. Waxaa diiddanaa dhammaan odayaashii Ictisaam. Waxaa diiddanaa ducaaddii gobolka u dhalatay intii Ilaahay u naxariistay mooyee. Waxaa diiddanaa rag badan oo mujaahidiin ah oo ay haysay qaflatu-saalixiin ama wadaad war-mooge ah. Waxaa go’aanka lahaa lagu weeraray Kismaanyo ducaaddii jihaad-doonka ahayd oo kaliya.

Go’aankooda ma ahayn mid degdeg ah. Waxaa ka horreeyay shirar aan loo kala kicin. Waxaa ka horreeyay takhdiid iyo maxay kula tahay. Waxay ducaaddu tashi ku gaareen inay ku dhawaaqaan maamul ayaga u gooni ah intaysan Kismaanyo qabsan.

Waxay isku raaceen wixii hadda ka dambeeya meeshay qabsadaan inay maamulkeeda ayagu hayaan dadkana u khidmeeyaan duullaankana sii wadaan intay Alaska ka gaarayaan ama ay ka shahiidayaan.

Duullaanka Kismaanyo waxaa soo dadajiyay akhbaar ay soo gudbiyeen wardoonkii mujaahidiinta. Wardoonku waxay ogaadeen gaaladu inay duullaan kusoo tahay magaalada Kismaanyo oo istaraatiiji ah. Waxay gaalo iyo jawaasiistii u shaqaynaysay go’aan ku gaartay in mujaahidiinta laga ilaaliyo meelaha badda leh inay qabsadaan ama xoog ku yeeshaan sida Kismaanyo, Xamar, Marka iyo meelaha kale ee badda leh.

Dagaalka ay wadeen ducaaddu wuxuu ahaa mid ku wajahan Soomaaliya gudaheeda. Dadka jihaadka waday ama laga amarqaadanayay waxay ahaayeen Soomaali. Culumada marjica u ahayd camalkaas waxay ahaayeen Soomaali. Shirkaas ducaaddu gashay laga billaabo waxaa laga dhigay jihaadku inuu yahay mid caalami ah. Waxaa loo bandhigay culumada caalamka oo dhan ama Islaamka. Waxaa loo bandhigay ciddii imaanaysa ama jihaad-doon ah inay kusoo dhawaato gacmo furan. Gaalaba is bahaysataye maxaa noo diiday inaan is bahaysanno?

Waxay go’aansadeen mar haddii culumadii Soomaaliya ay jihaadkii diideen oo wanaaggii mujaahidiintu gaaraanba ay burburinayaan, dhaqaalihiina ay ka goosteen, jihaadka laftiisiina ay shubho ku fureen oo mujaahidiintii safka ku jirayna ay khalkhal ku abuureen, walaaluhu  waxay taladoodii u bandhigteen caalamul Islaam inay la midoobaan xag ciidan iyo xag dhaqaala intaba.

Wixii diin ah oo ishkaal ka galo inay fatwo waydiiyaan culumada Rabbaaniyiinta ah ee camalkaan ku takhasustay. Hadday dhaqaale u baahdaan inay waydiistaan walaalahooda Muslimiinta ah ee jecel inay camalkaan ku bixiyaan dhaqaalahooda. Hadday ciidan u baahdaan inay u qayshadaan ama gargaar warsadaan caam ahaan Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan.

Waxaan shaki ku jirin wadaadka qaba in Soomaaliya Soomaalida loo daayo (culumada) inuu yahay laba midkood:

  1. Ahbal dhaga waawayn oo hurguma dila ah (kuwa naagaha jecel)
  2. Inuu yahay jaasuus nalagu dhex koriyay oo dhogor Islaam leh

Maxaa yeelay Islaamka waxaa lagu fahmaa ama uu kusoo dagay luuqadda Carabiga. Haddii laga ilaaliyo dacwada Soomaaliya ka socota ducaadda ku hadasha afka Carabiga see loo fahmayaa diintii iyo axkaamteedii? Ictisaamku waxay Shabaabka ku haystaan waxaad culumo ka dhigateen culumo aan Soomaali ahayn. Waxay ula jeedaan culumadaas culumada Carbeed ama caam ahaan Muslimiinta kuwooda Rabbaaniyiinta ah laakiin aan Soomaali ahayn. Islaamku ma Soomaali baa mise waa qofkii Alle u hoggaansamay?

Maya. Habar dhali wayday aleelo ku waalatay. Hashii maqaarka diidaysaa meelo daloolay ka fiirisaa. Arrintaan Ictisaamku markay ka hadlayaan waxay huwiyaan shaar diineed. Dhawr shaar ayay u xiraan markay juhalada la hadlayaan ama shubhadooda, waxaana kamid ah shaararka kuwaan: Shaarka koowaad waxaa lagu xardhaa erayga ah “Waxaa qawm walba loo diraa nin afkooda ku hadlaya (walaalkood).” Shaarka labaad waxaa lagu xardhay kalimadda ah “Reer Maka ayagaa yaqaan buurahooda iyo waxa ku dhexjira. Ahlu Maka adraa bi shacaabihaa.” Waxay ula jeedaan ereyadaas oo dhan marka lasoo uruuriyo nimanka Carbeed Soomaaliya waxa ka dhacaya waxba kama oga. Adigu waxaad tahay Soomaali, waxaad ku jirtaa gurigaaga, waxaa lagaa kari la’yahay kaalay imow goobta jihaadka oo fiiri waxa ka dhacaya. Waa diidday oo marna diyaarad baad saaran tahay marna hoteel baad ku raaxaysanaysaa marna aroos baad ku jirtaa oo hablo yar yar baad hadba mid ka dooranaysaa (tacaddudu-zawjaad). Adiga iyo ninka Carbeed waa u siman tihiin xog la’aanta ka jirta Soomaaliya iyo waxa ka dhacaya goobta jihaadka. Maxaa adigana ku siiyay fursadda aad wax walba kaga jawaabayso wadaadka Carbeedna u diiday inuu ka jawaabo haddii mas’alo diini ah la waydiiyay oo waliba asagu yahay nin diinta ku fahmay luuqadday kusoo dagtay diintu oo Carabi ahayd? Asagiina waa Carab.

Dulmiga intaas ka wayn wuxuu yahay, waxaad tahay nin Cajami ah oo aan luuqadda Carabiga lagu habin ama lagu korin. Waxaad soo baratay xoogow aad xalaasha iyo xaraamta ku kala garato haddaad xaq-doon tahay. Mucalimkii ku baray ereyadaan tirsan ayaad ku leedahay ha dhagaysanina warkiisa. Waxaad leedahay ma uusan fahmin diinta iyo axkaamul jihaad ee anaa garanaya. Waxaad leedahay mucalimka Carabiga i baray anaa ka badiya Carabiga adoo ah nin Cajami ah. Soomaali cunsuri ah!

Cabdiraxmaan Abyad muxuu ku fahmay diinta uu ku difaacayo culumada Ictisaam? Ma leeyahay asagu culumo Carbeed oo uu diinta kasoo bartay si toos ah? Ma laga yaabaa inuu ku dhashay waddammada Carabta oo uu sidaas Carabiga ku bartay? Maya, shiikhu wuxuu ku dhashay Soomaaliya, dhul Carbeedna kuma barbaarin.

Ma tagay carro Carbeed oo Carabi makasoo bartay ama culuum kale? Maya, waxaa mucalim u ahaa arday Soomaali ah oo Carabta wax kasoo baratay. Muxuu ka rabaa culumada Carbeed oo mucalimiintiisa wax soo bartay? Culumadiisuu ka qaatay darsigaas xushmadarrada ah!

Musiibada intaas ka wayn waa midda haysata Ina Abyad. Abyad wuxuu ku dhashay meel Ilaahay iyo Rasuulkiisii (sallallaahu calayhi wasallam) lagu caayo har iyo habeenba. Maalin qur ah intuu Ilaahay dartii u xanaaqay qori ma qaadan oo ma dagaallamin. Wuxuu waa hore (1992) kasoo horjeeday kuwii inta Alle dartii u xanaaqay dagaalkana la galay mooryaantii Ilaahay iyo Rasuulkiisii (sallallaahu calayhi wasallam) dhibayay oo caayi jiray har iyo habeenba.

Shiikh Abyad inta uu ka tagay dhulkuu ku dhashay oo ay dagganaayeen dad Ilaahay iyo Rasuulkiisa dhibay, in Ilaahay u naxariistay mooyee ayuu wuxuu tagay ama la darsay oo hadda daggan yahay kuwo gaalo ah oo waagii baryaba Ilaahay iyo Rasuulkiisii caayaya. Hal maalinna intuu xanaaqay ma uusan dagaallamin mana difaacin Alle iyo Rasuulkiisii. Waddankee shiikhu joogaa? Wuxuu joogaa Denmaak. Oo kuwaasi waaba gaalee maxaa ka dhexeeya oo uu ula dagaallami waayay? Baasaboorkii ayuusan wali qaadan. Oo miyaan loo akhrin wadaadka kutubta al-Walaa wal-Baraa oo culumada iyo qabyaaladda  ama gaalada iyo Muslimiinta kala saarta? Kutubtaas hadda lama akhristo oo waa la qariyay! Maxaa dhacay waaba kutub fiicane oo loo qariyay? Culumadu  (Ictisaam) waxay dheheen dhalinyarada yaan loo akhrin kutubtaas maxaa yeelay waxay ku dhacayaan takfiir. Oo see ugu dhacayaan takfiir? Waxay dheheen kutubtu waa kutub fiican oo caqiido ah qofkuna uusan Islaamka fahmayn illaa uu kutubtaas akhristo.

Haddana in la qariyo waxaa ku jirta maslaxatu-dacwa oo dhalinyaradu hadday si dhab ah u fahmaan caqiidadii Shiikh Muxamed Cabdiwahaab, qabyaalad iyo murtaddiin iska daaye annagay na takfiirinayaan (culumada Ictisaam). Marka intay yaryar yihiin oo ay ka gaarayaan sano lixdan halaga qariyo ayaan ku heshiinnay! Lixdan jir muxuu qaban karaa? Ma naqaan waxay na dheheen maslaxaddaa ku jirta ee dan kale lagama lahayn!  Dhalinyaradu  intay takfiir noqon lahaayeen sidaanaa dani ugu jirtaa.

Takfiirna maxaa la yiraahdaa? Takfiir waxaa la yiraahdaa qofka Islaamka ah oo gaalnimo ku dhaca ama sameeya wuxuu ku gaaloobayo oo la yiraahdo waad gaalowday ama waxaad ku dhacday gaalnimo. See loo gaaloobaa, Soomaaliduse ma gaaloobi kartaa? Haa, qofku qabiilkuu doono ha ahaado asagoo Muslim ah ayuu gaalnimo ku dhici karaa ciyaadan billaahi. Waxaana gaalnimada soo jiida saddex arrimood:

  1. Inaad afka kaga dhawaaqdo gaalnimada.
  2. Inaad qalbiga gashato inaad gaal tahay afkaba hakaga dhawaaqine.
  3. Inaad jawaarixda (gacmaha iyo lugaha) ka samayso wax lagu gaaloobo adoon cudurdaar lahayn intaba waa lagu gaaloobaa!

Carrabka iyo qalbiga gartay, lugaha iyo gacmuhu maxay galabsadeen? Haddaad gaalo Muslimiinta kusoo duushay soo raacdo oo Muslimiintii wax ka layso waad gaaloobaysaa adoo Muslim Soomaali ah. Waa yaab saas ma moodi jirin culumaduna sidaas wax nooguma sheegin. Waxay na dheheen culumadu qofkii gaalnimada qalbiga ka rumeeya ayaa gaaloobaya oo kaliya.

Waxay kaloo na dheheen qofka Muslimka ah gaalnima kasta oo uu ku dhaco gaaloobi maayo mar hadduusan gaalnimada galbiga ka rumayn! Arrintaasu ma sax baa? Maya, waa khalad arrintaasi, waxaana qaba arrinkaas nimanka la yiraahdo Murji’o. Murji’adu waxay qabtaa qofkii yiraahda Laa ilaaha illa-llaahu Muxamadu rasuulullaahi in uu leeyahay iimaanka Malakul Jibriil oo kale waligiisna uusan gaaloobayn.

Salafkii waxay qabeen in qofka Muslimka ah Islaamku ka burayo sida waysaduba uga burto ama ha ogaado ama yuusan ogaanin. Ictisaamku soo Salafu Saalix ma ahan illayn ayagaa noo sheegay arrintaan ah inuusan qofku gaaloobayn hadduusan xalaalsan gaalnimada? Hadda ka hor way ahaan jireen Salafu Saalix laakiin intay qaateen magaca Ictisaam waxay qaateen manhajka Salafiya Jadiidiya oo way baddaleen Salafu Saalix manhajkiisii toosnaa. Waxay u dhawyihiin kii Murji’ada.

Akhristayaalow raalli iga ahaada, su’aalo ayaan ka jabaabayey. Aan kusoo noqonno Kismaanyo.

Ikhwaanii shirkii Kismaanyo waa lasoo gabagabeeyay. Shirku wuxuu ku saabsanaa gogol loo dhigtay Shabaab oo la yiri magaalada soo wareejiya. Wuxuu shirku dabasocday ama codsigu kuwii hore oo markay Shabaabku magaalo qabsadaan la oran jiray soo wareejiya magaalada maamulkeeda.

Shabaab waxay ku jawaabeen maya diidnay inaan magaalada wareejinno! Waa markii koowaad oo ducaaddu ama Shabaabku ay culumada ku yiraahdaan diidnay! Walaalayaal waxaan soo marnay goobo badan oo ducaadda lagu yiri soo wareejiya waxaad haysaan oo maamul ah. Waxaa lagu yiri marar badan dhiga hubkaad haysaan. Waxaa lagu yiri nin walbaa ha aado qabiilkuu ka dhashay. Waxaa lagu yiri arrintaan dacwada maslaxo uguma jirto ee ka fogaada. Waxaa lagu yiri reer hebel jihaadkoodu ma bannaana.

Intaasoo dhacdo iyo kuwo aanan ka sheekayn karin oo farabadan ayay aqbali jireen oo ay dhihi jireen samicnaa wa adacnaa. Mar walbana waxay ahaayeen ducaad wanaagsan oo culumadooda waxay sameeya yiraahdaan sameeya. Culumadu raggaas waxay u taqaannay mujaahidiin, ducaad wadda fiican ku socota, jiil wanaagsan iyo wax la mida. Maalinkaas ay Kismaanyo ku yiraahdeen bixin mayno magaalada oo annagaa maamulayna ayay noqdeen Khawaarij, takfiir, sufaho, ajnabi, qar-iska-tuur, culumo-diid, maangab iyo wixi la mida.

Soo uma eka dhacdadii ku dhacday Cabdullaahi Ibnu Salaam Alla haka raalli noqdee. Markuu soo islaamay ayuu Nebi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam) uyimid. Wuxuu yiri “Rasuulkii Allow waan soo islaamay.” Rasuulku wuu soo dhaweeyay. Cabdullaahi wuxuu yiri “Rasuulkii Allow intaysan Yahuuddu maqal islaamnimadayda u yeer kuwooda wax garanaya oo waydii sidaan dhexdooda ku ahay? Nimanku waa xaasid oo ma taqaanid anigaa kaa aqaan oo waa niman aan khayr cidna u oggolayn.” Waa loo yeeray. Cabdullaahina wuxuu galay ama ku dhuuntay Nebiga gadaashiisa. Wuxuu waydiiyay su’aal ah: “Ka warrama Cabdullaahi Ibnu Salaam?” Waxay dheheen, “Waa ninka noogu khayr badan. Aabbihiisna wuxuu ahaa ninka noogu khayr badan. Reerkooda oo dhanna waa reer khayrqabayaal ah.” Wuxuu yiri Nebigu “Ka warrama hadduu islaamo?” Waxay dheheen “Nacuudu billaahi. Allaan ka magan galnay.”

Intuu soo baxay Cabdullaahi ayuu ashahaatay oo wuxuu yiri, “Maanta laga billaabo waxaan qaatay diinta Islaamka.” Waxay dheheen ayagoo meeshii fadhiya: “Waxaad tahay kan noogu khayr daran. Aabbahaana wuxuu ahaa kii noogu xumaa. Reerkiinna oo dhanna khayr ma lihidin.” Hadal sidaas oo kale ah.

Ictisaam ayagoo meeshii fadhiya ayay afka qaylo ku dhifteen oo kor ugu qayliyeen: “Hayaay! Hayaay! Hayaay! War saaxadii Soomaaliya waxaa qabsaday takfiir iyo Khawaarij. Waxaa nagu habsaday shisheeye, culumadii baa la caayayaa, dadkaa jeegada laga gawracayaa!” Waxay sheegayaan oo xumaan ah saacado kahor majirin! Ictisaam iyo Shabaab waa iska warqabaan waxa ka dhexeeya oo waa awliyadii habaynkii is arki jirtay. Waxaa meesha ku luggo’ay diintoodiina shaki ka galay ducaaddii diciifka ahayd xagga diinta iyo xagga caqliga intaba, qabiilkuna ku jiray.

Tusaale: Waxaad arkaysaa wadaad maalin mujaahidiinta la socda, maalin Ictisaam la socda, maalinna labadaba ka dhex baxaya oo leh waa na wareeriyeen ee xaggee aadnaa? Cidi kuma wareerin ee adaa wareersan! Waxaa kaa khaldan miisaanka aad wadato oo hadba qolo saarayso. Shabaab ha raacin Ictisaamna ha raacin! Waxaad raacdaa xaqa! Markaad xaqa raacdo asagaa ku tusi cidda toosan iyo cidda khaldan.

Culumada Ictisaam iyo mujaahidiinta midna ha raalligalin ee Ilaahaygii ku abuurtay raalligali. U dagaallan oo u xanaaq Allihii ku abuurtay ee ha u dagaallamin wadaad asaga la abuuray oo aan meel ku sugnaanayn ama khaldami kara oo bashar ah. Raac kitaabka iyo sunnada ee ha raacin manhajka muxdithka ah ee gaalada loogu adeegayo. Intaas oo dhan haddaad diiddo, diintu ma khaldanee adaa khaldan. Ha diidin daliilka diinta sidii duqowdii horeeto (Suufiyo) iyo kuwa dambe (Ictisaam).

Magaalada Kismaanyo waa magaalo sidee ah? Magaaladu waa magalada ugu khayraadka badan waddanka Soomaaliya oo dhan. Sababtuna waxay tahay, waxay kulansatay waxyaabaha banii-Aadamku ka faa’iidaysto oo dhan, sida badda, wabiga, dhulbeereedka, xoolaha nool iyo macdanta intaba. Waxaad la socotaan inay Keenya boob ku hayso shidaalka ka buuxa dhulka Kismaanyo iyo badaheeda ceegaaga. Magaalada Kismaanyo qofkii yaqaan kama xiisadhigayo sheekadeeda iyo xusuusteeda intaba. Aan wax yar ka tilmaamo.

Kismaanyo meel u jirta qiyaastii 40 kiilomitir oo ka xigta dhanka waqooyi waxaa mara dhul baraha. Waa tuulada lagu magacaabo Saguuni. Isla dhanka waqooyi waxaa ku yaal ama mara wabiga Jubba oo wuxuu badda kaga daraa meel Kismaanyo u jirta dhawr iyo toban kiilomitir. Meeshay isaga daraan badda iyo wabigu waxaa ku yaal tuulada la yiraahdo Goobwayn. Goobwayn wabigaa dhex mara.

Waxaa ku yaalla meelo dhismayaal qadiimi ah oo Ingiriisku fadhin jiray oo qalcado ku lahaan jiray muddo boqolaal sano ka hor ah. Waxaa la yiraahdaa Sabca Asharaaf meesha dhismuhu kuyaal oo Goobwayn waxay ka xigtaa dhanka bariga ama qorrax kasoo baxa. Waa dhul haddaad ku dhex lugayso aadan ka daalayn aragtidiisa. Aad buu u qurxanyahay oo waa meel loo dalxiis tago.

Waa dhul aad u sarreeya oo markaad korkiisa istaagto waxaa kuu muuqanaya baddii oo aad u xasilloon. Waxaa kuu muuqanaya wabigii oo aan badda ka yarayn waynankiisa. Waxaa kuu muuqanaya beerihii oo aad u cagaaran. Waxaa kuu muuqanaya xoolihii noolaa oo dhul burun-burcood ah daaqaya oo markaad suunta kasoo baxaysa ama caraftooda aad sanka la raacayso oo aad moodayso inaad ku dhex jirto dukaammada cadarrada gada. Alla yaa u sheega Soomaalida ku baabba’day qurbaha?

Waxaa intaas kuu dheer shimbiraha codkooda kala noocnooca ah oo Ilaahay caabudaya. Wallaahi waan tagay meeshaas aan ka sheekaynayo igamana ahan mala awaal iyo been abuur toona. Waxaan ku arkay dhismayaal aad qadiim u ah. Waxaa la ii sheegay inay ahaan jirtay meel xarun wayn ay ku taallo oo dhulkaan oo dhan looga talin jiray (Ingiriis).

Kismaanyo dhankeeda waqooyi oo aan hadda ka ishaaray wabiga iyo Sanguuni oo dhul baruhu maro, waxaa intaas u dheer kulli waa dhul-beereed. Waa dhulkii Soomaali oo dhan ay ku lahayd aseendooyinka iyo beeraha waawayn. Dhulkaasi ama beerahaasi waxay gaaraan illaa iyo Gedo ama Jubbooyinka oo dhan. Kismaanyo dhanka koonfureed waxaa ka xiga badda. Waxay leedahay dakad wayn oo markiiba ay kusoo xiran karto dhawr markab. Waxay leedahay haamo waawayn oo lagu kaydiyo shidaalka ama kayd shidaal. Magaalada ciiddeedu waa ciid aad u nadiif ah ama ciid cad, wasakh maleh.

Waxaa dhex daaqa ama kusoo xerooda magaalada dhexdeeda xoolaha nool sida geela, ariga iyo lo’da. Waxaan garanayaa geelu suu dhirta u daaqayo markuu kululaado inta badda tago kusoo qabaysta ama isku qaboojiya. Dad baan ka maqlay geelaasi kalluunkuu cunaa. Geela waxaa lahaan jiray nin la yiraahdo Cabeede oo Shiikhaal ah. Geelaas wax ka caano badan malahan ayaa la igu yiri anigu ma lisin waa sidii la ii sheegay.

Magaalada dhanka qorrax u dhaca waxaa ka xiga ayraboorka. Waa dhul ciid guduud ah. Waxaa kasii shisheeya ayraboorka dhul aad u ballaaran oo gaara illaa iyo Kulbiyow meesha lagu magacaabo. Waa dhul hawd ah, waxaa looga faa’iidaysan karaa beero. Waxaa kaloo looga faa’iidaysan karaa ama haddaba daggan xoolaha nool. Waa dhul istaraatiiji ah oo haddaad dhex gasho aan si sahlan laguu soo helayn.

Kismaanyo dhankeeda waqooyi galbeed waxaa ka xiga dhul asaguna hawd ah. Waa dhul-beereed. Waxaa kaloo aad u daggan ama ku badan geela, lo’da iyo ariga. Waxaa ku aaddan magaalooyin dhawr ah sida Afmadow, Qooqaani iyo Libooya oo xuduudda Keenya ku taalla. Dhulkaas oo dhan waa dhulka ay aad ugu badan tahay lo’da guduudan oo ay dhaqdaan reer Waamuhu. Kismaanyo waxaa hoosyimaada tuulooyin aad u badan oo dhan walba ka xiga. Waxay leedahay magaaladu xaddaarad ganacsi oo gabowday.

Magaalada waxaan uga sheekaynayaa ahmiyadda ay u leedahay Islaamka. Waxaan kaloo uga sheekaynayaa loollanka ay soo martay magaaladu iyo sida hadda loogu taahayo gaal iyo Muslimba. Rag baan seexan oo habeenkii ku qarwa, waa Barre Hiiraale iyo Moorgan.

Gaaladu danbay ka leedahay, hoggaamiya-kooxeedkuna dan buu ka leeyahay, Islaamkuna dan buu ka leeyahay Ilaahayna dan buu ka leeyahay. Waa loollanka Kismaanyo.

Ilaahay dan buu ka leeyahay oo wuu isku kaaya imtixaanayaa. Kee baa xaq wada oo Kitaabka Alle koryeelaya keebaase baadil wada oo hebel kor yeelaya? Ilaahay wuxuu makansiin magaalada ninkuu doono. Wuxuu gacanta u galin qofkii waddada xaqa ah ku socda oo Kitaabka Alle koryeelaya. Tan Allaana fuli oo xaqiiqadu ku dambayn doontaa.

Islaamku dan buu ka leeyahay Kismaanyo ama Shabaabku. Waxay rabaan inay Ilaahay ku raalligaliyaan qabsashada magaalada, waxay rabaan inay shareecada Alle ku oogaan Kismaanyo dhexdeeda. Waxay rabaan inay ugu khidmeeyaan bulshada Muslimiinta ah ee gaajada iyo colaaddu baabbi’isay. Waxay rabaan inay shirkiga iyo ehelkiisa ka nadiifiyaan magaalada oo ay ku baddalaan Tawxiid iyo ehelkiisii.

Hoggaamiya-kooxeedku dan buu ka leeyahay. Wuxuu rabaa inuu gaalo ku raalligaliyo. Wuxuu rabaa inuu Islaamka kula dagaallamo oo aan diinta Islaamku cizzi yeelan. Wuxuu rabaa in asagu yeesho cizziga iyo sharafta oo asaga loo hoggaansamo. Wuxuu rabaa in faaxishada iyo zinadu ku dhex faafto bulshada Muslimiinta ah oo nadiifka ah. Wuxuu rabaa in la yiraahdo hebel baa magaaladaas xoog ku haysta oo loo mari la’yahay (faan iyo i arkaay).

Gaaladu dan bay ka leedahay Kismaanyo. Waxay rabaan inay bulshada Muslimiinta ah ku dhex faafiyaan gaalnimo iyo ilxaad. Waxay rabaan inay boobaan hantida dhulka Muslimiinta ku dhexjirta oo ay ka caajiseen inay lasoo baxaan. Waxay rabaan in uusan xoog yeelan ama soo muuqan dhaqanka iyo ilbaxnimada Islaamku. Waxay rabaan inay la dagaallamaan ku-dhaqanka shareecada Islaamka oo ayagu ay u arkayaan mid kahor-istaagaysa dhaqankooda xun oo ay faafinayaan oo usocon la’ (gaalnimo)

Akhristayaalow waxaan rabaa in aannaan kala harin. Magaalada sheekadeeda waxaa iigu waawayn saddex arrimood:

  1. Waa magaaladii koowaad oo loo diiday inay maamulkeeda qabtaan Ictisaam.
  2. Waa meeshii koowaad oo odayaashii ama culumadii jihaad-diidka ahaa lagu yiri maya idinka yeeli mayno inaan hubka dhigno ama kala dirno maamul Islaami ah oo aan samaynay.
  3. Waxaa lagu galay dagaallo lagu hoobtay oo marna mujaahidiinta laga qabsanayay marna ay qabsanayeen ayagu. Waxaad xasuusataan maalmaha qaarkood oo ay ku ciidayeen mujaahidiintu. Waxaa amiirul mu’miniin ahaa oo dadka salaadda tujinayay jaasuuskii Shariif Murtad.

Waxaa qiyaadada kamid ahaa jaasuuskii kale oo lagu magacaabi jiray Axmed Madoobe oo markii dambana diyaaradaha kusoo hoggaaminayay. Waxaa Ilaahay kala saaray khabiithkii iyo saalixii. Ikhwaanii mujaahidiintu maalinkaas laga billaabo waxay ku jireen inay dib wax u saxaan. Waxay billaabeen inay hoos isu fiiriyaan, yaa ku dhexjira oo aan daacad ka ahayn camalkaan jihaadiga ah. Waxay galeen loollan ama lagdan dheer oo ay ku sifaynayaan saaxada ay ka buuxsantay abeesooyinka dhogorta Islaamka leh. Waxaa dhammaaday albaabka iga fura waxaan ahay sheekh hebel oo wada lacagtii ama mushaarkii ciidanka, waxyaabihii nalooga faa’iidaystay ayay kamid ahayd.

Waxay talosaarteen Ilaahay. Waxay iska ilaaliyeen lacag shisheeye laga keenay oo khayaamo dabasocoto. Waxay iska ilaaliyeen hay’adihii sirtooda gudbin jiray oo watay magaca khayriga. Waxay iclaamiyeen jihaad ka dhan ah gaalada iyo wixii taageersan oo dhan, Soomaali ha ahaado ama gaalo ha ahaado. Waxay soo dhawaysteen ama walaallo ka dhigteen cid kasta oo ku garabtaagan in lagu jihaado gaalada manhajkooduna yahay manhajkii Salafu Saalix.

Waxaa kala go’ay mujaahidiintii iyo gaaladii. Waxaa kala go’ay murtaddiintii gaalada u shaqaynaysay iyo mujaahidiintii. Waxaa kala go’ay qabiil adeegsigii ama qabyaaladdii iyo mujaahidiintii. Waxaa kala go’ay culumadii shalay mujaahidiinta ammaanaysay oo hoggaanka u hayay iyo mujaahidiintii! Maxaa dhacay?

Muslimiinay waxaan dhagahayaga ku maqalnaa har iyo habeenba in la leeyahay culumadii baa wax laga maqli waayay. Ummadda Soomaaliyeed kama liidato ummadaha adduunwaynaha ku dhaqan oo Muslimiin iyo gaalaba leh. Waxay leeyihiin cillad ka reebtay caalamka, cilladduna waa tan: Khabar bay maqlayaan ama wadaad ha sheego ama mid aan wadaad ahayn. Kii warka maqlay intuu warkaan raadin lahaa xaqiiqadiisa ayuu markiiba wuxuu leeyahay waa qoladee qofka warkaan sheegay? Hadduu noqon waayo qoladiisii qofka warkaan sheegay daaqadduu ka tuurayaa warkii loo sheegay xitaa hadduu yahay Qur’aan ama nusuus cad cad. Taasi waxay na dhaxalsiisay inaan ka tagno caddaaladdii iyo xikmaddii Qur’aanku na farayay. Ilaahay wuxuu Qur’aanka ku leeyahay ama ku ammaanayaa kuwa hadalka dhagaysta kadibna qaata kiisa fiican. Dadka sidaas yeela ayaa ah kuwa Ilaahay hanuuniyay caqligana u saaxiibka ah. Haddaadan saas yeelin oo aadan warkii kuu yimaada kala saarin kiisa xun iyo kiisa fiican oo aadan xaqiijin khabarku wuxuu xambaarsan yahay ogow qolaad u rarantahay baadina waad ku sugantahay.

Akhristayaal waxaan joognaa ka gungaariddii qormadaan iyo dantaan ka lahaa taariikhdaan gaaban oo aan ugu magacdaray Masoo Gaadhay Gaal iyo Wadaad Gaadh u Wada Taagan. Waxaan ku iftiiminayay qormadaan labada arrimood oo ka kooban:

  1. Dulmiga laga galay iyo burburka loo gaystay mujaahidiintii Geeska Afrika gaar ahaan kuwii  Soomaaliya.
  2. Beenta iyo xasadka is-huwan oo laga fidinayo mujaahidiinta oo ay ka fidinayaan culumadoodii ama culumadii Soomaaliyeed ee ayagu u arkay in jihaadku yahay dib-u-dhac iyo khasaare aan bulshada horumar gaarsiinayn dadkiina ku dhammaadeen siday ayaga la tahay ama ay muujiyen.

Waxaan labadaan qodob ku faahfaahin doonaa inshaa Allaahu tacaalaa qormadeenna soo socota. Waxaan rabaa inaad dib u muraajacaysaan ama u xasuusataan intii dhibaato loo gaystay mujaahidiinta. Waxaad il naxariis leh ku eegtaan inta noo joogta ilmo agoon ah oo aabbohood Al-Itixaad ama Ictisaam ay dagaalgaliyeen ama jihaad ugu yeereen. Xasuusta intay imaarad Islaami ah burburiyeen. Xasuusta inay mujaahidiinta iyo culumadu wadasocdeen Kismaanyo ka hor!

Intaan isku soo laabanayno wax badan maskaxdiina kusii aruuriya. Waxaad u diyaargarowdaan inaan kala xukunno raggaan oo aan garab siinno kuwooda saxan kan khaldanna aan u nasiixayno. Malafyadii qawaacidda xukunka sii akhriya. Waxaan la hadlayaa waa dadka maskaxdooda xorta u ah! Qofkii maskaxdiisa la maamulo nasiib kuma lahan gartaan qaadisteeda iyo ka runsheegiddeeda toona.

Fiiro Gaar ah: Waxaan qormada soo socota ku iftiimindoonnaa inshaa Allaahu waxqabadkii Maxaakimul Islaami ee Shariif madaxda ka ahaa iyo dagaalladay la gashay Itoobiya iyo murtaddiintii la socotay kuwoodii ugu waawaynaa.

2 thoughts on “Qeybta 43aad

  1. boggaan buugaagta la qoro miyaa leeska soo geliyaa mise tifatir ayeey ku sameeyaan?

    Buuggan waa buug lagu ammaanayo Khawaarijta Xamar maatida ku xasuuqday, culimo leysnimada caadeestay, ficilka gurracan gaalo uyeerashada ah kadibna cagaha wax ka dayey. Taariikhda kuwa beenta ka sheegayo ee buugaagta qorayo waxay la mid yihiin kan isqarxinta Xamar utaagan. Boggaan hadduu argaggaxisada taageero fikirkoodana soo bandhigo hanaloo caddeeyo.

aragtidaada nala wadaag...