Qeybta 49aad

Ikhwaanii waxaan kala tagnay ayadoo la sugayo in xabbaddu billaabato. Xabaddii waa billaabatay oo fooddaa la isku dhiftay. Waxaa jabay oo laga adkaaday gaaladiii isasoo bahaysatay iyo iimaanlaawayaashii ay ku shaqaysanayeen (murtaddiintii).

Walaalayaal waxaan soo marnay dhismihii imaaradaan Islaamiga ahayd inay Madaxwayne iyo Wasiirka Gaashaandhigga ka ahaayeen Shariif iyo Indhacadde. Labaduba waxay ahaayeen jawaasiis gaalada u shaqaynaya. Wax war ah lagama hayn oo waxaa loo qabay wadaaddo mujaahidiin ah. Waxaa lagu aaminay daahirkooda inay u ekaayeen Muslimiin mujaahdiin ah. Qalbigooda wixii ku jiray annaga nalooma dirin inaan ogaanno (nifaaq iyo jaasuusnimo). Allaa ogaa kana abaalmarindoona.

Mujaahidiintu dawladday samaysteen ama maamulkii imaarada waxaa Madaxwayne ka ahaa jaasuus. Waxaa Wasiir Gaashaandhig ka ahaa jaasuus. Maxaad u malaynaysaa inta ciidammada mujaahidiinta ku dhex jirtay jawaasiis? Aad ayay u badnaayeen. Mujaahidiinta waxaa isugu darmatay saddex dhibaato:

  1. Dagaal saf balaaran ah oo gaalo oo dhan ay isu kaalmaysatay.
  2. Bulshada Soomaaliyeed oo mujaahidiintu ka dhex dagaallamayeen oo aan caqiido adag lahayn oo markii gaalku guulaystana gaalka u mashxaradaya markii mujaahidiintu guulaystaanna mujaahidiinta u mashxaradaya.
  3. Mujaahidiinta oo hoggaankoodu ahaa jawaasiis ciidankana ay ka buuxeen kuwo farabadan oo gaalada hoosta kala xiriira oo soo gudbinaya hadba meesha mujaahidiintu ka jilicsan yihiin. Waxaa kaloo jiray kuwo qaabilsanaa inay mujaahidiinta khalkhal ku ridaan oo ciidanka ku dhex jiray (murjifiin).

Waxaa intaas weheliyay ciidamo aad u hubaysan oo wata magac Muslim ama magac wadaaddo oo loo diyaariyay marka loo baahdo inay safka soo galaan (qabuuriyiin Suufiyo). Waxaa intaas barbar socday culumo shalay mujaahidiin ahaa oo maantay ku biiray safkii cadawga oo shacabkii awalba aan lahayn caqiido adag shaki ka galiyay jahaadka loogasoo horjeedo gaalada. Waxay dheheen, “Jihaad ma ahan ee waa fitno.” Waxay dheheen, “Qofkii dagaalkaas gala oo ku dhinta waa ehlu Naar!” Waa culumadii Ictisaam.

Qolooyinka aan arkayno inay mujaahidiinta hagardaamaynayaan maxaa ku kallifay arrintaas ama mawqifkaas xun oo gaalnimadu ka muuqato?

  1. Culumada Ictisaam waxaa geeyay mawqifkaas xasad, fiqi yari xagga jihaadka ah iyo masayr ay ka masayreen dhalinyarada guulaha waawayn gaaray muddo yar (Shabaab).
  2. Suufiyo intaan dagaalku billaaban ayay ahaayeen mushrikiin qabuuro-caabud ah. Waxay isku dhawyihiin xagga caqiidada gaalada aan waxba aaminsanayn ama mushrikiinta ah (wathaniyiin).
  3. Shacabku ma lahan aqoon ay ku kala saaraan xaqqa iyo baadilka. Waxaa aqoon u ah wadaaddaha duubka wayn ee Soomaaliyeed. Hadduu yiraahdo wadaadku ama Ictisaam ay tiraahdo, “Waxa meesha ka socdaa jihaad ma ahan ee ha u dhawaanina,” sidii bay yeeleen. “Waa xaaraan ee ha u dhawaan waxaas!” Shacabku sidaasuu diin u haystaa. Hadduu yiraahdo, “Waa xalaal ee soo dhawow,” sidaasuu diin uhaystaa. Mar haddii ay yihiin culumadii aqoonta diineed loo tiirinayay.

Ikhwaanii yaanan ka warwareegin jabkii loo gaystay mujaahidiintii tirada yarayd laakiin tayada badnayd jazaahumu-llaahu khayral jazaa’. Walaaleheen waxay guteen waajibaadkoodii. Waxay la yimaadeen karti iyo sugnaan ay kala hortageen cadawgii isasoo bahaystay. Waxay fureen waddo ku cusub bulshada Soomaaliyeed oo afka ka sheegta inay Muslimiin yihiin. Bulshada Soomaaliyeed iyo culumadeeda waligood masoo marin laba arrimood oo mujaahidiintu ka dhaqan-galiyeen Soomaaliya:

  1. In loo jihaado kitaabka Alle inuu kor noqdo dhiiggaaga iyo maalkaagana aad u bixiso.
  2. In shareecada Ilaahay loo xukuntago oo ayada laga dhigto qaanuunka lagu kala baxo.

Walaalihii mujaahidiinta ahaa oo gaaladii inta gumaaday sii baacsanaya ayaa sufuuftoodii waxaa ka dhex dillaacay khalal iyo balbalo. Waxaa la waayay ciidammo dhan oo furinta ku jiray ama ciidankii gaalada dhuunta kaga jiray. Waxay banneeyeen aagag dhan. Waxaa ku dhex orday ciidankii Muslimiinta ahaa oo guul ku fadhiya gaalana jabtay jawaasiistii.

Waxay kor ugu qayliyeen war meel hebla la qabsay oo meel hebla la qabsay annagana waxaan ku jirnaa khatar haddaanaan meesha ka cararin (murjifiin). Waxaa run u maleeyay warka munaafiqiinta ama murjifiinta ducafadii awalba aan caqiido adag ku dagaallamayn. Waxaa kusoo dhiirraday shacabkii sheedda ka eeganayay dagaalka oo sugayay cidda laga awood roonaado. Shacabku waagaas (2006dii) wuxuu la jiray ciddii adkaata. Sabab? Hadda (2011) mujaahidiintay la jiraan. Sabab? Waxaa soo laabtay gaaladii carartay markay ogaatay in mujaahidiinta sufuuftoodii jilicday. Jawaasiistii ayaa gudbisay khabarkaas markaasaa gaaladii soo rogaalcelisay.

Waxaa gaaladii safka lasoo galay mushrikiintii qabuuriyiinta ahaa (Suufiyo). Waxyaabaha cajiibka ah oo Suufiyadu samaysay waxaa kamid ah: Gaaladii ayay dheheen, “Isu imaada oo meel isugu taga adinka iyo gaadiidkiinna. Waxaan idinku akhrinaynaa Qur’aan oo waan idiin xirsi xiraynaa si aad uga adkaataan nimankaan mujaahidiinta sheeganaya ama raba inay shareeco Islaam nagu xukumaan. Waxay rabaan inay dadka gacmaha iyo lugaha gooyaan dhagaxna ku dilaan. Yeeli mayno arrinkaas oo dhimashaan ka xignaa iyo inaan gaalada kaalmaysanno ayagana (Shabaab) aan dabargoyno.”

Mujaahidiintii waa la isu kaashaday. Waxaa hal mar iswareejiyay hoggaankii dagaalka. Waxaa isbaddalay dabayshii nasriga oo u socotay dhanka waqooyi. Waxaa soo labtay gaaladii quusatay oo saaxada ka baxday (ee carartay). Waxaa meel bannaan kusoo dhacay mujaahidiintii xaqiiqada ahaa ee u dagaallamayay Alle darti. Waxaa neefsaday munaafiqiintii walaalahood laga awood roonaaday. Waxaa isasoo muujiyay dad badan oo dhogor Islaam lahaa oo dhanka kale u wareegay gaaladana raacay. Waxaa dadka mujaahidiinta kamid ah mid adduunyo raadinaya. Waxaa kamid ah mid aakhiro raadinaya. Allaa wax og adinkuse wax ma ogidiin!

Wadaaddadii markay arkeen sida wax u socdaan iyo khiyaamada loo dagay oo sufuuftooda dhexdeedii ay ka billaabatay ama ayaga qaar kamid ah ay gaalada la shaqaynayaan ayay go’aan qaateen inay insixaabaan. Waxay ku ballameen meelo gaar ah inay isugu tagaan si ay dib isugu abaabulaan oo dagaal rogaalcelis ah u qaadaan. Waxaa mujaahidiintii ka dhex baxay munaafiqiin farabadan iyo murjifiin oo ku biiray gaaladii iyo murtaddiintii hor socotay gaalada.

Waxaa wali mujaahidiinta hoggaaminaya jawaasiistii ugu waawaynayd sida Indhacade iyo Shariif. Lama oga inay jawaasiis yihiin oo ayagaa talada laga qaataa ama hoggaankiiba ah. Mujaahidiintu waatay u hijroodeen Jubbooyinka si ay halkaas isugu abaabulaan gabbaadna uga dhigtaan hawdka Kismaanyo ka shisheeya. Waxaa wali horboodaya mujaahidiinta oo amiir u ah murtad jaasuus Shariif Karazaay. Waxaad xasuusataan inuu maalin iid ah ku tujiyay fagaaraha Kismaanyo mujaahidiinta asagoo amiir jaasuus ah.

Gaaladii kama harin mujaahidiinta ee way soo dabagashay. Markii Jilib la marayo ayaa waxaa lagu tashaday inaan lasii socon intaas ka badan ee bartaas jilibka lagu aasto oo gaalada mar labaad abaalkooda laga waraabiyo. Tuugo kula taalla tabtaada ma waydo. Maahmaahdaas waxay ka turjumaysaa wixii mujaahidiinta ay ku faleen jawaasiistii hoggaaminaysay. Ninka mujaahidiinta amiirka u ah oo ay amarkiisa qaadanayaan wuxuu jecelyahay in mujaahidiinu baabba’do oo laga adkaado. Wuxuu adeegsanayaa xeel kasta oo mujaahidiinta lagu jabin karo gaaladuna ku guulaysan karto. Allaa wax og annaguse wax ma ogin. Dagaallo kulul ayaa gaalada lagula galay Jilib iyo agagaarkeeda mase sii socon oo waxaa ka caga jiidayay munaafiqiintii hoggaaminaysay mujaahidiinta.

Maadaama gaalada ay hagayaan jawaasiista mujaahidiinta hoggaanka u hayay, gaaladii kama harin mujaahidiintii ee waxay uga dabatagtay hawdkii Kismaanyo ka shisheeyay. Waxay mujaahidiintii ku kala firireen dhulka baaddiyaha ah ee u dhexeeya Keenya iyo Kismaanyo. Waxaa dultaagan diyaarado ay hagayaan Shariif Afguduud iyo shaydaankii ka waynaa asaga ee Axmed Madoobe. Waxaa badda soo istaagay maraakiibta diyaaradaha xambaarta gantaallahana laga gano. Waxaa ka horyimid mujaahidiintii ciidankeedii Keenya.

Dhankii loo socday waxaa ka horyimid ciidankii Keenya. Dhankii laga yimid waa Xabashi taangi saaran. Kor waa diyaarado aan kula gafayn gantaalka. Dhanka badda waa gantaalo lagasoo liishaamayo maraakiib xeebta fadhiya. Dhexdayada ama mujaahidiinta dhexdooda waa jaasuus akhbaartooda bixinaya. Shacabku waataan soo marnay inay raacaan hadba ninka guushu raacdo oo hadda waxay la socdaan gaalada iyo murtaddiinta.

Waxa aan ka sheekaynayo ma ahan filim iyo shacwadiyo ama riwaayad. Qofkii garanaya tafsiirka Qur’aanka ha akhriyo Suuratul Axzaab. Waxa maalinkaas nagu dhacay ma ahan wax ku cusub Muslimiinta. Axzaab waxaa dhextaagnaa Nebi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam). Waxaa gaaray dhibaato ka wayn tan nagu dhacday asaga iyo saxaabadiisii. Axzaab waxay ahayd meeshii Ilaahay ku kashifay munaafiqiintii isku dhex qarinayay mujaahidiintii saxaabada ahaa. Annagana Ilaahay maalinkaasuu na kala saaray annaga iyo munaafiqiintii jawaasiista u ahaa gaalada dulliga ah. Ikhwaanii waxaan ku jirnaa xaalad adag. Halasoo duceeyo hubkana yaan la dhigin.

aragtidaada nala wadaag...