Qeybta 5aad

Waxaan kala hoyannay ayadoo uu ciidankii ka dhaqaaqay Dhooblay. Buulo Xaawo ayaa noqon doonta magaalada ugu horraysa ee uu ciidanku ku hakado maxaa yeelay ciidan kaliya ma aha waxa meesha maraya ee waxaa ku jira dad maato ah oo u baahan in la nasiyo markay masaafo socdaanba. Kaliya waxaa muhiim ah oo aan halkan dib ugu noqonayaa in aan xuso raggii mas’uulka ka ahaa dhowr maktab oo muhiim ahaa kuwaasoo kala ahaa:

Maktabka Amniga, Axmed Buuxane ahaana dhakhtar. Haddana waxaa la ii sheegay in uu dhakhtar u yahay Riyaale oo ah ninkii sheegan jiray madaxwaynaha Soomaalida Waqooyi Galbeed (Hargaysa). Talow ma qabiil baa isu geeyay mise caqiido?

Maktabka Gaadiidka: Axmed Ducaale (taqabalahu-llaahu).  Fiiro Gaar ah: Axmed Ducaale wuxuu u dhintay si caadi ah ee kuma shahiidin Jihaadka dhexdiisa wuxuuse ahaa nin ku dhex jiray camal wanaagsan sidii nooga muuqatay.

Maktabka Loojistikada: Cabdulqaadir Kuus.

Walaalayaal maalmo kadib waxaan tagnay Buulo Xaawo oo aad ugu diyaar garawday soo dhawayntayada. Bal naguma ay sugin magaalada ee waxay nooga hor yimaadeen meel dhexe magaaladiina waxay na soo galiyeen ayagoo hareeraha nooga jira oo aad moodo haddii xabaddu soo dhici lahayd in ay ayagu shafka u dhigan lahaayeen inta aysan annaga nagu dhicin maxaa yeelay qabiil kasta oo lasoo dhex marayo waa hubaysan yahay haddaysan kaa biqinna malaggaa baa galay, waa lagu dili.

Buulo Xaawo ayaan nimid oo aan ku nasannay si fiicanna naloogu soo dhaweeyay. Magaalada waxaa ka jiray mucaskar aan kaayaga ka liidan xagga ciidanka laakiin laga shuyuukh badnaa ama culumada waawayn oo la yaqaannay.

Mucaskarkaas waxaa madax ka ahaa rajul u dhigmay dhowr nin ama sheekh oo ka mid ah culumadii annaga nala socotay. Ma taqaan rajulkaas magaciisa? Wuxuu ahaa Shiikh Yuusuf Shiikh Axmed. Shiikh Yuusuf wuxuu ahaa nin xagga diinta wax ka yaqaan qaa’idna ah. Wuxuu ahaa nin aan dhigin qoriga silsiladda leh ama loo yaqaan boobaha culus. Wuxuu ahaa qaadiga magaalada. Wuxuu ahaa ninka marka sahan loo baxayo asagu soo hubiya waxa meeshaas ka jira. Wuxuu ahaa tababbare ciidan. Wuxuu ahaa nin Ilaahay barakeeyay dhan walbaba (taqabalahu-llaahu). Waxaa isna tababarka ciidanka wax ka bixin jiray rag aan ka xasuusto Barre Ubaxle oo loo yaqaanay Barre Daliil. Maxay ugu baxday Barre Daliil? Barre wuxuu ahaa raggii Maxamed Siyaad Barre uu isku difaaci jiray oo lasoo siiyay tababbar heer sare ah lakiin aan wax badan diinta ka aqoon wuxuuse ahaa baarri dabeecad san.

Barre iyo nin saaxiibkiis ah oo tababarayaasha ka mid ahaa ayaa mar walba waxaa ka dhexeeyay xifaaltan ama tartan xagga diinta ah. Ayagu dadka wax bay baraan waxna way ka bartaan oo waxay qaataan casharo diini ah. Barre Carabiga waa ku adkaa laakiin saaxiibkiis wuxuu yaqaannay xoogaa bawsi ah.

Maalin baa waxay isaga iyo saaxiibkiis isku qabteen waxaanu ma bannaana iyo waa bannaan yihiin. Barre wuxuu yiri saaxiib arrintaan aad ku doodayso daliil ma u haysaa? Saaxiibkii wuxuu yiri haa. Waxaa lagu yiri soo daa. Wuxuu yiri sow Ilaahay ma oran kalaamu layl maa yamshii finnahaar. Barre wuxuu u qaatey nas maadaama uusan Qur’aanka aqoonin ama Carabiga. Barre wuxuu yiri Allay lehe waad iga gar heshay. Wixii maalinkaas ka dambeeyayna Barre wuxuu ahaa arday saaxiibkiisna wuxuu ahaa mucallin.

Arintii baa waxaa ogaaday wadaaddadii. Markaasay soo kala dhex galeen oo ninkii beenta sheegayna la waaniyay, Barrana lagu yiri ninku wuxuu kuu sheegay waxba kama jiraan, Qur’aan iyo xadiith toonna ma aha, waa maahmaah Carabi ah. Maalinkaas wixii ka dambeeyayna waxaa loo yaqaanay Barre Daliil.

Dhacdadaan waxaan usoo qaatay qaabka dadka ehlu diinka ah ay u wada doodaan ama arday ha ahaadeen ama shuyuukh intaba. Bal fiiri sida Barre looga gar helay ama sida uu u istaagay marka lagu dul akhriyay wuxuu u maleeyay nas. Sababta keeneysa in uu hoggaansamo baa waxay tahay in la baray marka ay qof isqabtaan ama doodaan in uu waydiiyo daliil.

Markaan nasannay oo daaltiranay ayaan dhaqaaqnay ayadoo ciidanku intii ka badan yahay. Waxaan ka gudubnay buundada Luuq Ganaane. Waxaan afka saarnay jid lagu magacaabo Habaar Waalid oo u dhexeeya Luuq iyo Goday. Waa meel ay daggan tahay qawlaysato wax alla waxay aragto dilaysa oo dhacaysa. Ciddii ka badbaaddaa waxay tukataa Salaatu Shukri.

Waxay u dhaxaysaa saddex waddan: Soomaaliya, Keenya iyo Itoobiya. Waa jid dheer oo aan biyo lahayn geed walbana laga filan karo in cadaw ku jiro. Waxaa na waday rag dal aqoon ah daacadna ah mar walbana bixinayay talooyin wax ku ool ah si looga badbaado dhabba-jiifka iyo jid-xumida, sidoo kalena si dhaqso ah looga gudbo meelaha xun xun.

Akhristow yay arrintu naga noqon qisas kaliya ee waxaad dhuuxdaan oo fiqi kala soo dhex baxdaan wakhtiga la joogay meesha la joogay iyo ciidankaan hubaysan oo u diyaar garoobay in ay dhex maraan dalal cadaw soo jireen ah mid diineed iyo mid siyaasadeed intaba, lagana yaabo in ay socdaal ku jiraan muddo bil ka badan. Tirada ciidanku ma yarayn hubkooduna sidoo kale ma yarayn laakiin waxay ahaayeen rag og in aysan Ilaahay ka maarmin hubna wax u taraynin haddaysan Ilaahay ku xirnayn. Sidaas darteed waxaa meel kasta oo ay marayaanba muraaqabaynayay ama dhiira galinayay oo muxaadarooyin iyo qisas ay kaalmaystaan la dultaagnaa culima ay kamid yihiin Shiikh Cabdulqaadir Cukaasha, Shiikh Maxamed Idriis iyo kuwa kale oo aannaan halkaan ku soo koobi karin.

Ma jirin magacyada hadda batay: sida Salafiya Jadiida, Ictisaam, Al-Shabaab iyo wixi la mid ah. Waxaa jiray hal tayaar oo laga taageero dibad iyo gudaba. Waxaana raalli la isaga ahaa sida daahirka ahayd in ciidankaan meel lagu furto oo dawlad Islaam ah la dhiso. Arrintaasna waa tii intaan la guurin muddo la lafagurayay markii dambana la go’aansaday in dawladdaas marka hore dhidibbada looga aaso xeebaha Waqooyi Bari, kadibna waddanka intiisa kale la isku ballaarsho oo si tartiib tartiib ah loo qabsado illaa Xamar laga soo gaarayo.

Waxaan ka soo gudubnay wabiga Jubba buundada Luuq waxaanna ku soo marnay xoog maxaa yeelay rag bay isbaaro u tiillay dadkana ku baaran jiray mid ay dilaan iyo mid ay dhacaan ka dhigi jiray. Annaguse Ilaahay baa nooga hiilliyay oo argaggax ku riday. Ciidankaas hubaysnaa ee buundada joogay waxaa madax ka ahaa nin lagu magacaabi jirey Caddaw Barre oo booliis ahaan jiray.

Markaan Wabiga Jubba ka gudubnay waxaa noo haray oo aan ku qasbaneyn in aan marno Goday oo ah halka Wabi Shabeele ku yaal. Waxaana daggan ciidan hubaysan oo Itoobiyaan ah. Waxaanse go’aansannay in aan foodda is darno. Qofkii xaq wadana Ilaahay kaalmayn doono.

Waxaan sii kacaakufnaba waxaan dagnay Goday korkeeda si aan isu diyaarinno oo ciidanku hubkiisa u sifaysto illayn waddo dheer oo boor badan baa la soo maray loona hilba qasho oo ciidanka caloosha loo buuxiyo illayn calaf waa kii kaa dagee. Waxaa la diray sahankii ama raggii arrintaan soo qiimayn lahaa iyo meelaha istaraatiijiyadda ah ee ciidanku barri ka weerar tagi doono inshaa Allaahu tacaalaa. Akhristow sooma habboona in aan annaguna diyaar garawno oo xoogaa nasanno illayn barri baan dagaal galaynaaye? Haa Allay lehe, waa inoo qormada danbe inshaa Allaahu tacaalaa.

aragtidaada nala wadaag...