Qeybta 6aad

Bismillaahi Wabacdu. Waa qormadeenii 6aad iyo qisaskii Al-Itixaad.

Inta  aanan u galin qormadaydaan waxaan dhammaan salaamayaa walaalaha ku taxan  qisadaan. Waxaana uga mahad celinayaa talooyinka ay ii soo gudbinayaan iyo khaladaadka ay iga saxayaan. Aad ayaad ugu mahadsan tihiin. Waana qaadan doonaa taladii wax ku ool ah inshaa Allaahu tacaalaa.

Anna waxaan idinka codsanayaa gaar ahaan ragga taariikhdaan wax ka og in ay i saxaan oo wixii macluumaad ah oo mugdi iga galo in ay ii toosiyaan. Waxaan kaloo walaalaha ku boorrinayaa in ay u madax bannaan tahay ciddii qisadaan buug ka samaynaysa. Maxaa yeelay waa taariikh soo martay ummadda Soomaaliyeed oo mudan in loo xifdiyo. Baarakallaahu fiikum wajazaakumullaahu khayran fiddunyaa wal aakhirah.

Waxaan kala hoyanay ayadoo ciidankii dhammaan mashquul yahay. Qaar waxaa loo diray in uu keeno xogtii cadawga oo dhamaystiran. Qaar waxaa loo diray in ay ciidanka caloosha u buuxiyaan ama dharjiyaan. Qaar waxaa loo diray in ay diyaariyaan kaartadii ciidanku ku weerar tagi lahaa. Qaar kalena waxaa loo diray in ay hubka safeeyaan, iyo wixi la mid ah.

Waxba ha nixina oo ha is dhihina: “Alla Ikhwaankii maxaa haysta? Wadaaddadu maxay dagaal ka yaqaannaan masaakiin?” Nacam naxnu masaakiin ilallaahi. Sidaan horay idinku soo sheegayba dadka meesha marayaa waxaa la dhihi karaa waa umaddii Soomaaliyeed oo dhan xagga tirada iyo xagga tayada marka laga eego.

Waxaaba la dhihi karaa waxay ahaayeen dhuuxii ummadda. Amiirka caamka ah waa nin kornayl milatari ah waa Sheekh Maxamuud Ciise. Ku xigeenkiisa waa kornayl kale oo ahaa Sheekh Faarax Xasan Faarax (taqabalahumullaahu ajmaciin). Labada shiikh tusaale ayaan u soo qaatay laakiin ciidanku wuxuu ahaa rag Ilaahay barakeeyay oo aysan u yarayn aqoon diin iyo adduunyo toona.

Waxaa la gaaray saacatu sifir ama wakhtigii kama dambaysta ahaa. Waxaa timid xogtii cadawga oo dhammaystiran. Waxaa la bixiyay amar ah in weerar la isu diyaariyo. Wakhtigu waa duhur gadaashiis ama qiyaastii saddexdii galabnimo.

Urur walba oo ciidanka ka mid ah waxaa u qalan neef geel ah walina aan hilbihiisii loo qaybin ciidanka. Waxaa nalagu amray in aan dhaqaaqno annaga oo dagaal u diyaarsan. Magaalada Goday waxay ku taal meel bannaan ah. Bannaanku wuxuu la’egyahay qiyaastii 5 illaa 10 kiilomitir. Magaalada waxaa ka sokeeya wabi iyo buundo oo ay ciidan ku hareeraysan yihiin ama waardiye ka hayaan.

Meeshu geed lagu gabbado malaha. Ciidankii waxaa loo qaybiyay saddex qaybood. Midig, bidix, iyo qaybta dhexe, khidadkaasna waxaa laga dhaxlay Nebi Muxamed (sallallaahu calayhi wa sallam). Waana kaartada ugu fiican oo ciidan ku dagaalamo. Waxaa la dhaqaaqay ayadoo la takbiirsanayo hubkuna kusii jeedo gaalada xaggeeda.

Waa lagama maarmaan in aan milicsanno magaalada iyo taageerada aan ku leennahay. Magaalada bartankeeda waxaa ka lulanayay calan ay ku xardhan tahay calaamadda iyo magaca Al-Itixaad Al-Islaami. Waxaa ka furnaa xafiis loogu khidmeeyo ururkaas iyo danahiisa siyaasadeed.

Magaalada meel aan ka fogayn oo la dhaho Halooyo ayaa iyadana waxaa ka furnaa mucaskar ay maamulaan ragga xafiiskaasu u furnaa, Al-Itixaad.

Mucaskarkaas waxaan filayaa in uu madax ka haa shiikh lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Baday (taqabalahullaahu). Rag ay ka mid yihiin Shiikh Cabdullaahi Baday, Shiikh Cabdullaahi Sayid  iyo kuwa kale oo fara badan oo aad u qiiraysan ayaa muddaba nala soo socday oo meel fog nooga hor yimid si ay noo soo dhaweeyaan dal aqoonna way noo ahaayeen.

Walaalahaas magaalada daganaa oo xafiisyada ku lahaa oo dawladda Itoobiya aqoonsanayd waxay isku dayeen in ay si nabad galyo ah ciidamadeenna ku marsiiyaan dhulka. Waase laga diiday waxaan dagaal ka ahayn. Itoobiyana waxay isu diyaarisay dagaal annana waxaan soo qaadnay weerar. Maxaase dhacay aakhirkii? (Walcaaqibatu lilmutaqiin).

Waxaan soo qaadnay weerarkii loogu magac daray Furashadii Buundada Goday. Meeshu waa bannaan saan horayba idiinku sheegay. Ciidankii waa uu soo dhaqaaqay asagoo saddex madax ah. Wakhtigu waa Jiilaal. Boorbaa cirkaas isku shareeray (kor ukacay).

Waxaa qarsoomey wax Alla wixii Goday koofur ka xigay dad iyo duunyo intaba. Xattaa buurihii baa qarsoomay ilayn boorku markuu kaco korbuu aadaaye. Tigree lawyo gaabtii dhufays bay ku jireen buundada hareereheeda ah. Waxayna rabeen wixii usoo muuqda in ay meeshiisa ku toogtaan ilayn meeshu waa bannaan, hub iyo saanadna way haysteen, cabsina kamay qabin Soomaali.

Dadkii magaalada ku dhaqnaa oo Muslimiinta ahaa bannaankay u soo baxeen ayadoo qofba si u fakarayo. Mid is leh Ilaahaw ceebtayada astur culumadaan indha adaygeedaan la yaabannahay. Ma Itoobiyay la dagaali karaan? Ma Itoobiyey iska celin karaan? Mid wuxuu leeyahay bal waxa dhacaan ogaan. Mid wuxuu leeyahay war aan galno dagaalka maxaad u taagan tihiin? Ma waxaad rabtaan in walaalihiin hortiinna lagu cuno? iyo wixi la mid ah. Dadkuna waxay taagan yihiin waddada hareeraheeda. Waxaa ugu horreeyay ciidanka laba gaari oo Laand Kuruuser ah oo ay kala wadeen Cali Xaashi iyo Shariif Yare. Labada gaari waxaa saarnaa qoryaha loo yaqaan tiknikada iyo ciidankii ku dagaallami lahaa. Wiilashaas sidey gawaarida u wadaan waxaad mooddaa in aan qof banii Aadam ah uusan wadin gaadiidkaas.

Ciidankii Tigreegu waxay arkeen boor meel fog ka soo muuqda. Way diyaar garoobeen. Boorkii wuu soo dhawaaday waxna ma arkaan aan boor ka ahayn. Way is nabeen si ay u hubiyaan boorku wuxuu yahay. Waxaase hoosta kasoo galay boorkii oo guux aan caadi ahayn wata. Boorkuna wuxuu taxan yahay ilaa meeshaan ka soo dhaqaaqnay. Waxaa Ilaahay ku riday rucbi iyo argagax. Waxay banneeyeen buundadii waxayna isugu tageen meel aan ka fogayn buundadii. Maxaa yeelay waxay ogaayeen dantayadu in ay tahay in aan rabno in aan buundada ka gudubno oo kaliya ilayn annagaa u sheegnay in aanan dan kale lahayn oo aan ka ahayn buundadaas.

Labadii wiil iyo ciidankii la socday markay buundada soo gaareen ayay baabuurtii ka daateen oo buundada labadeedii dhinac difaac ka xirteen ciidankiina u gacan haatiyeen oo ku dheheen soo gudba. Goday baanu dhex marnay annagoo cizzi iyo sharaf huwan Ilaahay baana ku mahadsan.

Dadkii reer Goday markay na arkeen annagoo nabad qabna waxay la kala dhaceen farxad aan farxadi ka dambayn oo waxayba ku sigteen in ay iska kaayo daba socdaan ayagoo lugaynaya oo mashxaradda iyo sacabka dhacaya aad mooddo in boqorro la soo dhawaynayo.

Fiiro Gaar ah: Rag waagaas noo sacabinayay (Godey) oo carruurta iyo haweenka la safnaa ayaa maantay caytankoodii iyo aflagaaddadoodii mujaahidiintu ka nasan la’ yihiin. Kuwii ciidanka hogaaminayay qaarkoodna gaaladii maalinkaas Ilaahay hoojiyay ayay jawaasiis u yihiin. Shacabkiina wali xasuuqii waa sidiisii iyo ka daran.

Waxaan dhaafnay magaaladii annagoo is leh malaha sidaan kuma badbaadi doontaan. Aaway raggii magaalada ama ciidankii magaalada haystay horay ayuu idiin galay oo waxay rabaan in ay idin gaadaan. Mase dhicin arrintaasu oo Ilaahay waana kala badbaadiyay. Qoraxdii baa aad u gaabatay anaguna magaaladii cabbaar baan ka soconay.

Meel hortayada ah ayaa waxaa ka curtay daruur biyo dhigtay. Waxayna ku habsatay waddadaan haynay oo meelo god-godan leh.Waxaan soo gaarnay daruurtii iyo biyaheedii. Wakhtiguna waa maqrib dabadi. Xasuuso waxaa noo raran hilbihii geelii aan maantay qalannay oo aan wakhti lagu cuno loo helin. Amiirkii amar buu bixiyay. Wuxuuna yiri hala dago oo ciidanku ha nasto hana la casheeyo waardiye adagna hala qabto waa intaasoo Tigree lawyogaab naga dabatimaadaaye. Walaalayaal waxaa ila quman in aan u kaadinno ciidanku intuu cashaynayo annaga lafteena naflay baanu nahaye aan casho raadsanno. Goday sidaan ku soo marnay iyo sida Ilaahay Tigreegii rucbiga ugu ridayna aan Ilaahay ugu mahadnaqno.

aragtidaada nala wadaag...