Qeybta 7aad

Bismillaahi Wabacdu.

Waxaan isku ogayn in aan soo nasanno ciidankuna casheeyo. Ciidankii wuu casheeyay wuuna nastay. Wuxuu cabbay biyo macaan oo Ilaahay cirka uga soo dajiyay. Waa la qubaystay. Weelashii marnaa ayaa biyo laga buuxsaday. Mahaddaasna Ilaahay baa leh. Ciidankii wuu dhaqaaqay. Waxaa afka la saaray meeshii ay dagganaayeen mucaskarkii reer Halooyo oo aan sidaas nooga fogayn. Waxaan soo gaadhnay walaalihii iyo degaankoodii. Waxaa naloo tusmeeyay meelihii ku habboonaa degaanka waana la dagnay.

Meesha waxaa ka qodan dhufaysyo Rabbaani ah. Waa meel leh togag waawayn oo qaarkood biyo qul-qulayaan. Biyuhu waa biyo dhanaan oo markaad afka saarto gadaal bay kuu dhaafayaan. Waase lagu qasban yahay in la cabbo oo hadday dhammaadaan xoogaagii xareedda ahaa ayagaa biyo noo ah waliba waxaa nala socda carruur yaryar oo aan xamili karin biyahaas kharaar.

Ciidanka urur walbaa meel buu dagay. Taliskii ama madaxdii ciidammada waxaa la dajiyay meel u dhaxaysa ururrada si looga warqabo nabad galyadooda. Waxaa madaxdaas ka mid ahaa oo ciidanka dhexfadhiya Shiikh Aadam Garway (taqabalahu-llaahu). Shiikhu wuxuu ka mid yahay ragga fara-ku-tiriska ah oo naftoodii iyo maalkoodii u huray in ay ku bixiyaan jihaadka Ilaahay magiciisa lagu koryeelayo mu’miniintana loogu gargaarayo. Taqabalahu-llaahu.

Wuxuu ka soo tagay dabaqyo dhaadheer iyo hoteello ku yaalla Nayroobi. Kaashkiisii wuxuu ku soo shubay khasnaddii mujaahidiinta si loogu nafaqeeyo mujaahidiinta dhibaataysan. Allaahu Akbar walillaahil Xamdu. Shiikh Aadam ma ahayn oo kaliya nin xoolo bixiya wuxuu ahaa askari qabta waxay qabato askartu.

Wuxuu ahaa waacid wacdiya ciidanka. Wuxuu ahaa zaahid cibaado badan. Wuxuu ahaa mufakir bixiya talooyinka markaas taagan. Wuxuu ahaa nin Ilaahay jeclaysiiyay goobaha jihaadka kumana soo koobi karno wuxuu mudan yahay in aan waraaq uga sheekeeyo. Ilaahay baa ka abaalmarin doona wuxuu shaqaystay oo khayr ah.

Waxaanse Ilaahay hortiis idinku markhaati galinayaa in aan jeclaa Shiikh Aadam. Waxaan u jeclaana aysan ahayn aduunyo ee ay ahayd jihaad jacaylkiisii iyo cibaadadiisii. Ilaahayna waxaan uga rajaynayaa in uu shahaadadiisii u aqbalo. Waxaan Shiikh Aadam warkiisa uga baxayaa: Maalin ay dhagahayga ku soo dhaceen asagoo taar kula hadlaya qof aan u maleeyay xaaskiisii oo markaas hadalku ka taag taagmay.

Waxaan maqlayey hadal uu oranayey oo ahaa, “Maxaad iga rabtaa xoolahaygii oo dhan adaa haystee ku raaxayso aniguna waxaan ku raaxaysanayaa boorka Jihaadka.” Meeshaan markaas joognay waa meel duur ah oo aad u qallalan oo aad u boor badan. Akhristow Shiikh Aadam Ilaahay buu ka doortay Islii oo waa tagay. Waxaase nasiib darro ah rag maalinkii Shiikh Aadam safka kula jirey oo mujaahidiin ahaa sida daahirkooda nooga muuqatey muddana camalkaas jihaadiga ah ku soo jirey ay maanta camalkii isaga ahaa ka tanaasuleen oo ay ka doorbideen in ay cimaarado dhaadheer ka dhistaan Islii iyaga oo aan waliba is qarinaynin oo habeen walba talefeeshinka iska xayeysiinaya.

Nasiib darrada taa ka wayn waxay tahay in xayeysiinta ganacsigooda ay ku garab wadaan xayeysiin kale oo ah “Tigree waa walaalahay oo waan ku khaldannay markaan jihaadka la galnay waxaan bari ka nahay Al Shabaab iyo mabda’ooda diiniga ah. Waxaan qaadannay mabda’a Dimuqraadiyadda. Waxaan u soo laabannay Meles iyo wixii ku mabda’ ah. Waxaan la dagaalami doonnaa annagoo isku duuban wax alla iyo wixii heshiiskeennaas cadaw ku ah!”

Wayna ka dhabeeyeen oo hadda waxay wadaan xamlo aan caadi ahayn oo lagu hayo Muslimiintii awalba daciifka ahayd oo kacaakufaysay. Waxaan sheegayo qofka been u qabow ka kac hurdada oo fiir-fiiri hereerahaaga.

Waxaa mudan in la xuso Shiikh Maxamed Qaasim oo ahaa halyay kale oo ummadda ku dhex jiray. Skiikhu wuxuu ahaa nin gacan furan oo deeqsi ah. Waa nin qaari’ ah oo cibaado badan. Wuxuu ahaa nin taajir ah. Maalkiisiina wuxuu ku bixiyay in lagu koryeelo kalimadda Ilaahay. Wuxuu ahaa ninka soo gaarsiiyay Al-Itixaad meel ay dawlad ka noqon karaan oo ayagu isku fillaan karaan. Ilaahay ha xifdiyo isaga iyo kuwa la midka ahba. Aamiin. Aamiin.

Aan u soo laabanno dagaankii biyaha kharaaraa. Ciidankii mudduu meeshii dagganaa. Waa la daal tirtay oo la nastay walaw ciidanka ay soo martay xanuun aad noo jilciyay. Sababtuna waxay ahayd biyihii kharaaraa markii ciidankii cabbay ayay hor iyo gadaal noqdeen oo xitaa waxaa la gaaray heer salaadihii fadhiga lagu tukado. Waxaa la diyaariyay baabuurtii soo martay waddada dheer.

Waxaa la bixiyay amarkii lagu guuri lahaa illayn waxaa na sugaya waddo aad u dheer oo cabsi badane. Cabsidii ma dhammaan. Waxaase dhammaaday wabiyadii laga gudbayay iyo buundooyinkii waawaynaa. Waa la dhaqaaqay. Waxaa na wada rag aad dalkaas u yaqaan. Waxaan sii marnay meel bannaan oo magaceeda la yiraahdo Banki Qoraxay.

Waxaan sii marnay dhul aad u qurux badan oo dhirtiisa carafta ka soo kacaysa aad mooddo in dhalo barafuun ah lagu jabiyay. Ciidda dhulkaas haddaad seexato oo aadan waxba iska xijin wasakhi kaa soo raaci mayso siday nadiif u tahay awgeed. Nin baan waydiiyay magaca meeshaas wuxuu yiri, “Waxaa la dhahaa Wardheer.”  Waxaan xasuustay murtidii ahayd waddo loo maraa wadyaalaaye Wardheer dal wanaagsanaydaa.

Waxaan sii marnay tuulo ayana meeshaas ku taallay. Waxaan iri, “Magaceed tanina?” Wuxuu yiri, “Waxaa la dhahaa Qalloocan.” Waxaan sii marnay tuulooyin kale oo dadka qaarkiis macna wayn ugu fadhiya. Waxaa ka mid ahaa Shaxda iyo Buuhoodle oo bulshada qaarkeed markay xanaaqaan ay ku dhaartaan oo waxay dhahaan waa tii ciidda Shaxda iyo Buuhoodle midh midh loo qaadaa!

Waxaan gaadhnay laamigii dheeraa oo isku xiri jiray gobollada waqooyi bari iyo koonfurta Soomaaliya. Mar haddaan halkaas nimidna waxaa naga hari doona jid xumidii na dhaxalsiisay in aan bil ku soo jirno safarkayagaas. Waxaan kaloo ku soo dhawaannay magaalooyin waawayn sida Laascaanood oo kale. Laamiga laftiisu ma dhibyara oo aad bay ugu badan yihiin day-dayga iyo dhabajiifku.

Laamigii markuu noo muuqday ayaan meel ku leexannay oo dagnay si xuduudda haan cusub loo muraaqabeeyo oo musaalaxo lagu dhexmaro. Waxaa la diray raggii u xilsaarnaa arrimahaas khaaska ah. Ciidankiina waa dagay. Ikhwaanay aan ka war sugno raggaas. Xoogaana aan nasanno socdaalkuna meeshiisuu nooga sii socon doonaa inshaa Allaahu tacaalaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *