Abuu Bakr

ABUU BAKAR SIDDIIQ (KHALIIFKII RASUULKA ALLAH SCW)

” Haddii iimaanka Abuu Bakar miisaan la saaro oo misna iimaanka ummadayda miisan la saaro, waxaa cuslaan lahaa iimaanka Abuu Bakar”.

Sidaa waxaa yiri Rasuulka Alle (SCW).

Shaki kuma jira inuu ahaa kii ugu fadliga badnaa uguna iimaan badnaa umadda Nebi Muxammed SCW kadib dhimashadiisii, taana waxaa kusoo arooray axaadiith badan oo muujineysa fadligiisa.

Asagu saxaabigani waa mid kamid 10-kii Jannada loogu bishaareyey, waana Khaliifkii Rasuulka SCW, wuxuu ahaa saxaabi kamid saxaabadii Nebiga SCW misna saaxiibkiisii godka, aabahiis waa saxaabi, hooyadii Ummul Kheyr waa saxaabiyad, carruurtiisa oo dhami waa saxaabo, wuxuu dhalay afadii Rasuulka SCW ee Caa’isha Siddiiqah bint Abuu Bakar Siddiiq.

Nasabkiisa & Dhalashadiisa

Wuxuu Abuu Bakar ka dhashay Qureesh gaar ahaanna lafta banii Taym bin Murrah, inaayadiisuna waa sida tan: Abuu Bakar magaciisu waa C/llaahi bin Abii Quxaafah – aabahiis Abii Quxaafah magaciisu waxuu ahaa Cuthmaan bin Caamir bin Camr bin Kacab bin Sacad bin Taym bin Murrah bin Kacab bin Lu’ay bin Qaalib bin Fihir bin Maalik Al Qurashi At Taymi. Hooyadiis waxaa la oran jiray Salmaa bint Sakhar bin Caamir bin Kacab bin Sacad bin Taym bin Murrah Al Qurashiyah At Taymiyah, waxay ilma adeer la ahayd Abuu Quxaafa- oo ah aabaha dhalay Abuu Bakar, waxaana uu laqabkeedu ahaa Ummul Kheyr oo ay caan ku ahayd.

Wuxuu Abuu Bakar ku dhashay magaalada Makka sanadkii 573 Ciise kadib, oo ku beegan laba sano iyo bar ka dib dhacdadii Maroodiga, wuxuu ka yaraa Rasuulka SCW kudhawaad saddex sano, waxayna Rasuulka SCW iyo isaga ahaayeen saaxiibo yaraantoodii isla soo koray. Waxaa loo yaqiinnay markii hore amaba uu magaciisu ahaa Cabdi Kacab, Rasuulkaase SCW ka baddelay oo u bixiyey C/llaahi, waxaana uu laqabkiisu ahaa Al Catiiq, sidoo kale waxaa loo yaqiinay As Siddiiq. Sababta Catiiq loogu baxshay waxay ahayd waji samidiisii iyo qoor xoreyntiisii badneyd, waxaa kaloo lasheegaa in aysan hooyadii horey u dhalin wiil isaga ka hor, dabeeta ay kacbada tagtay oo ay Alle ka bariday inuu siiyo wiil, kadibna markii uu siiyey Alle wiil bay u bixisay Catiiq, waxaa kaloo iyana la yiraahdaa sida werin kusoo aroortay oo Ca’isha laga soo weriyey ina Abuu Bakar Siddiiq Allaha ka raalli noqde uu maalin u soo galay Rasuulka SCW oo uu salaamay. Markaasuu Rasuulka SCW yiri:-”Adigu waxaad tahay mid naarta laga xoreyay”.

Waxaa kaloo la yiraahdaa: Rasuulka SCW ayaa maalin waxuu yiri:” Qofkii ay farxad gelineysa inuu arko qof nool oo naarta laga xoreyay ha eego kan (Abuu Bakar Siddiiq) Waxaa wariyey Tirmidi. Ca’isha waxay kaloo tiri:” Aabahay baa ii soo galay maalin, markaa baan ku iri: Bishaareyso! inaad kamid tahay kuwa naarta laga xoreyay”, Waxayna usheegtay inay maqashay Rasuulka SCW oo sidaa leh.

Sababta kalee iyana loogu magacaabay Siddiiq ayaa waxay ahayd isagoo runloow ahaa oo tolkiisa markii uu wax u sheega aysan waligood ka beensan jirin, horeyna uguma aysan baran wax been ah. Habbeenkii Rasuulka la dheelmiyey ee Israa Wal Micraaj baa subaxeedii waxay Qureeshtii u tegeen Abuu Bakar oo ay ku yiraahdeen” Abuu Bakaroow! ma waadan maqal waxa uu saaxiibkaa sheegayo, ee ah in xalay Beytul maqdis la geeyay misna sammada loo qaaday oo uu Alle la kulmay? Waxuu ku jawaabay Abii Bakar “Sadaqa” (Run buu sheegay), Illaah baan ku dhaartaye anigu waan rumeyn” , kadibna intuu Rasuulka SCW raacay buu xayntii Quresheed ee uu uga warramo qisadii xalay ayuu Abuu Bakarna lahaa ”Sadaqta” (waa runtaa). Sidoo kale maalintaas ayaa loo baxshay laqabka Sidiiqna waa la yiraahdaa.

Islaamka ka hor waxuu iska xarrimay cabbida khamriga iyo inuu cuno wax sanam loo qalay,sidaa si lamid ahna waxaa cabbida khamriga horey isaga xarrimay Cuthmaan bin Cafaan iyo Cuthmaan bin Madhcuun, waxuu yiri Abuu Bakar:- Waligey cabbi mahayo wax miirkeyga tagsiin oo ay dadku igu qosli”. Maalin maalmaha kamid ah baa waxaa kaxeeyay aabahiis Abuu Quxaafa oo u geeyay sanam kamid sanamyadii Kacbadda yiilley ee ay tolkiis caabbudi jireen, waxuu ku yiri Abuu Quxaafa:” Wiilkeygoow!! waa kuwan illaahyadii ee iyaga weydiiso waxa aad doonta”. Markaa buu Abuu Bakar u dhawaaday sanamkii oo uu ku yiri:- Sanamyahow! waan baahanahay ee quud isii? Saa umuusan jawaabin. Wuxuu haddana markale yiri:- Sanamyahow! waan arradanahaye i arrad tir. Misna umuusan jawaabin. Intuu u dhawaaday buu dhagax ku dhuftay misna umuusan jawaabin, kadibna wuu isaga tegay, markaa buuna ka fogaaday wax sanam ah iyo diintii ay tolkiisa haysteen oo idil, waxuuna noqday nin ganacsada ah oo maalqabeennadii Quresheed kamid ah, dadkuna waxay u haayeen xushmad iyo jacayl, maadaama uu ahaa nin Qureeshta iyo Carabta kaloo idil caan ka dhex ahaa. Waxuu si wacan u yaqiinnay jilibyada Carbeed iyo isirradooda, waxuuna ahaa nasab aqoon ay bulshada reer Makka oo idil jecelyahiin. Wuxuu kaloo lahaa gola fadhi oo dhalinyarta iyo odayaasha Qureesheedba ay ku kulmi jireen, aad bayna u xiiseyn jireen Qureeshtu qolahii Abuu Bakar.

Islaamiddiisii

Maadaama uu ahaa nin caqli badan oo garasho fogna leh, laguna tiriyo raggii ugu garaadka fiicnaa geyiga Makka, bugtii hora ee Islaamkuba horey ayuu ka Islaamay. Taasi waxaa u saamaxday saaxiibtinimadii Nebi Muxammed SCW uu saaxiibka la ahaa tiiyoo meesha laga saareyn jeceylkii uu Alle Sarreeye jeclaa, waayo Alle cidduu jeclaado oo kaliya ayuu fursaddaas dahabiga ah iyo ajarkeeda weyniga badan haleeshiiyaa.

Waxuu yiri Abuu Bakar Siddiiq:- Waxaan fadhiyey daaha Kacbada iyadoo Zayd bin Camr bin Nufeyl-na uu fadhiyey, markaa baa waxaa soo maray Umayah bin Abii Salat, waxuuna ku yiri:- Sideed ku waa bariisatay kheyr doonoow!!? Markaa buu Zayd ku jawaabay:- Kheyr baan ku waabariistay.Waxuu yiri:- Oo miyaad heshay (yacni diin wanaagsan?).

Zayd horey ayaa waxuu uga tegay diinta tolkiis oo waxuu kamid noqday Xunafaadii wixii diintii Nebi Ibraahiim CS ka haray ku dhaqmaysay.

Waxuu yiri:- May. Markaa buu Umayah bin Abii Salat tix gabay ah tiriyey dabeetana yiri:- Nebigan la sugi xaggayaguu ka iman doonaa (reer Thaqiif), mise idinka (reer Makka), ama reer Falastiin. Waxuu yiri Abuu Bakar Sidiiq:- Ma aanan maqal markaa ka hor in Nebi la sugayo ama la soo diri doona, saa waan baxay oo waxaan aaday dhankii Warqah bin Nowfal. Markaan u tegey ayaan uga warramay qisadii. Waxuuna yiri:- Haa. wiilkii walaalkayoow!!. Nebiga kan ee la sugayo waa mid laga soo saari doona Carab bartankeeda xagga nasab ahaanta, qoomkaaguna waa bartama Carabta nasab ahaan. Waxuu yiri:- Saa waxaan ku dhahay:- Adeer!! Oo muxuu oran Nebigu? Waxuu yiri:- Waxuu oran wixii lagu yiri (yacni waxyiga loo waxyooday). Markii Nebiga SCW lasoo dirayna waa aan rumeeyay oo aan raacay.

Markii la soo diray Rasuulka SCW qofkii ugu horeeyay ee uu u sheega oo uu dacwada u bandhiga waxuu ahaa Abuu Bakar Siddiiq. Markaa buu isagana kama uusan laba labayne waa uu ku deg degay oo goor horeba Islaamay. Waxaa la isku khilaafaa qofkii isaga iyo Khadiija (afadii Rasuulka SCW) Illaahay haka raalli noqdee hor Islaamay, sidoo kalena isaga iyo Cali ayaa la isku khilaafaa koodii hor Islaamay, hase ahaatee culimada Mu’arrakhiinta ah waxay ku xukmiyaan inuu Abuu Bakar ahaa qofkii xagga ragga ugu hor Islaamay, Khadiijana ay ahayd qofkii xagga dumarka ugu hor Islaamay halka Calina ay ku xukmiyeen inuu carruurta xaggooda ugu hor Islaamay. Markii Rasuulka SCW lasoo diraayey waxuu Abuu Bakar jiray 37 sano. Markii uu islaamay waxuu durba guda galay inuu dacwada diinta Islaamka fidiyo oo doorkiisa ka qaato, waxaana gacantiisa ku Muslimay durbadiiba shan kamid ah 10-kii Jannada loogu bishaareyay kuwaasoo kala ahaa Cuthmaan bin Cafaan, Zubeyr bin Cawaam, Dhalxa bin Cubeydillaah, C/Raxmaan bin Cowf iyo Sacad bin Abii Waqaas. Raggan iyaga ahi waxay ahaayeen halyeeyadii Islaamka iyo cullimadii ugu sarreysay, waxayna kuwada Muslimeen gacanta Abuu Bakar Siddiiq Allaha ka raalli noqee. Sidaa si lamid ahna waxaa ku Muslimay dacwadiisa khalqi badan oo uu kamid ahaa saxaabiga jaliilka ah ee Khaalid bin Saciid bin Al Caas Al Umawi.

Rasuulka SCW isagoo inooga warramaya Islaamiddii Abuu Bakar Siddiiq waxuu yiri:- Axadna ugumaanan yeerin Islaannimada, illaa wuu dib dhacay oo wax eeg eegay, marka laga reebo Abuu Bakar mooyaan, isagu markaan ugu warramay kama uusan laba labayn mana uusan ka dib dhicin.

Culimada qaarkood baa waxay yiraahdeen:- Haddii uu mid wax dhaho uu yiraahdo saxaabadoo dhan marka laga reebo Abuu Bakar uma sugnaan wax saaxiibtinimo ah (yacni saxaaabi la saaxiibay Nebi Muxammed SCW ma ahan) ma uusan gaaloobin qofkaasi sidaa yiri, hase ahaatee haddii uu yiraahdo Abuu Bakar ma uusan ahayn Nebi Muxammed SCW saaxiibkiis waa uu gaaloobay qofkaasi. Tani waxay ina tusineysaa heerkii saxaabinnimo ee uu Abuu Bakar Siddiiq ka joogay Rasuulka SCW agtiisa intuu dhamaa, iyo miisaan halkuu joogay, waxayna taasi inoo caddeyneysaa in saaxiibnimadii Abuu Bakar Siddiiq ay ka weyntahay saaxiibnimadii saxaabada kale oo dhan marka laysu geeyo. Waa halka uu ku gaalloobaya qofkii yiraahdo:- Abuu Bakar ma ahayn saxaabi. Balse qofkaasi hadduu yiraahdo:- Saxaabada kale ma ahayn saxaabo. Ma ku gaaloobaya, balse waxaa loo qori dembiga beenta iyo inta gefkaasi uu dembi dhanyahay.

Maalintii uu Islaamayay Abuu Bakar Siddiiq wuxuu hanti lahaa 40 000 Dirham, waxuuna ku gar gaaray Islaamka isagoo addoomada ku xoreynayey masaakiintana ku quudinayey.

Qaar Kamid Ah Fadliga Abuu Bakar Siddiiq

Waxuu Abuu Bakar Siddiiq Illaahay haka raalli noqdee lahaa fadli aanan lagu soo koobi karin qoraal, haddii aynu damacno inaan wada qornana kaligii (fadligiisa kaliya) baa malaha buug iyo buuggaag badan buuxin lahaa. Macnahu waxaa weeya waa wax aanan la soo koobi kareyn fadligii Abuu Bakar Siddiiq. Wuxuu ahaa mid aad u fadli badan, oo darajadiisa saxaabi gaari karo uuna kujirin saxaabadii Nebi Muxammed SCW. Sidaa darteed baa waxaan kasoo qaadan doonnaa qaar kamid ah oo muhiim ah hadduu Alle idmo.

Rasuulku SCW waxuu yiri:- Haddii iimaanka Abuu Bakar miisaan la saaro oo misna iimaanka ummadayda miisan la saaro, waxaa cuslaan lahaa iimaanka Abuu Bakar. Tani waxay ku tusin heerka uu iimaanka Abuu Bakar joogay iyo inuu ahaa mid aad u sarreeyo oo aysan jirin cid iimaankiisa gaari karto Rasuulka SCW ka dib ummadan Nebi Muxammed SCW dhexdooda.

Waxuu ka dhex muuqday Qureeshta iyo Carabta kale oo dhan, taana waxaa u sabab ahaa sidaynu soo xusnayba weji samidiisii, wanaagiisii iyo isagoo kala yaqiinay jilibyada Carbeed iyo abtirkooda. Waxuuna Rasuulka SCW u qaabilsanaa dhanka tirikoobka iyo aqoonta dadka oo isaga ayaa la weydiin jiray saxaabi kamid ah saxaabada marka la garan waaya jilibkiisa ama lagu murmo, waxuu ahaa mid taas caan ku ahaa Islaamka ka hor iyo kadibba, mana aysan jirin cid kula tartami kareysay arrinkaasi, oo waxuu ahaa mid dhankaa looga dambeeyo. Waana saxaabiga kaliya ee qof kastoo Qureeshta kamid ah oo qaangaar ah marka uu kasoo hor baxo u abtirin jiray siduu nasabka u yaqiinnay darteed.

Abuu Muusa Al Ashacari baa maalin waxuu go’aasaday inuu maalintiisa inta ka dhiman la jooga Rasuulka SCW, markaa buu goor hore weyseytay oo uu masjidkii aaday, misna wuu ka waayey Rasuulka. Kadib waa loo tilmaamay oo raadkiisii ayuu qaaday, waxuu ugu tegay goob uu ceel ku yaal oo beer ah isagoo markaa dul fadhiyey ceelka oo maradiisuna lugaha uga yara laabantahay sida qof ceelka biyo kasoo darsanaya. Markii uu Abuu Muusa u tegay Rasuulka SCW ayuu salaamay dabadeedna albaabkii buu u fadhiistay isagoo go’aansaday inuu albaabka u ilaaliyo oo uu waardiya u noqda, markaa baa waxaa soo garaacay albaabka Abuu Bakar Siddiiq, markaa buu Abuu Muusa Al Ashacari su’aalay:- Waa kuma? Wuxuu yiri:- Waa Abuu Bakar Siddiiq. Waxuu yiri:- U kaadi. Markaasuu u tegay Rasuulka SCW oo uu ku yiri:- Rasuulkii Alloow!! Abuu Bakar baa albaabka taagan oo ku idin dalban. Waxuu yiri:- U idin inuu soo galo, oo uguna bishaarey Jannada. Markiina uu u idmay oo uu u bishaareyey buu soo galay oo uu Allaah mahadiyey kadibna Rasuulka salaamay oo dhinaca midigta ka fadhiistay. Misna Cumar baa soo garaacay sidii si lamid buu Abuu Muusa Al Ashcari ku yiri. Rasuulkuna SCW sidii si lamid buu yiri:- U idin uguna bishaareey jannada. Markaa buu sidii Abuu Bakar oo kale falay oo uu dhinaca bidixda Rasuulka ka fadhiistay SCW, misna Cuthmaan bin Cafaan baa soo garaacay oo isagiina sidii camal uu Rasuulka SCW yiri:- U idin uguna bishaareey janno iyo fidno asiibi doont. Markiina loogu bishaareyay jannada iyo fidnada asiibi doonta, buu Alle mahadiyey oo uu yiri:- Allaan la kaashan ( fidnadaas ). Waxuuna fadhiistay Rasuulka SCW hortiisa maadama labada dhinac ay buuxday, waxayna culimadu ku fasiraan qabuurtooda oo Rasuulka SCW, Abuu Bakar iyo Cumar ay isku garba yaallaan goobta gurigii Caa’isha iyo qabriga Cuthmaan oo ku yaal maqbarada Baqiic.

Rasuulka SCW baa mar qiimeeyay acmaasha oo tilmaamay in Jannooyinka qof loogu yeeri albaabka sallaadda, qofka sakada badanna albaabka sakada, qofna looga yeeri doono albaabka jihaadka, qofka soonka badanna albaabka soonka, markaa buu Abuu Bakar Rasuulka SCW su’aalay:- Rasuul Alloow!! ma jiraa qof albaabadaasi oo idil loogu yeeri? Wuxuu yiri:- Haah!! waxaana rajeyn inaad kamid noqoto.

Waxuu ahaa Abuu Bakar Siddiiq ganacsada taajir ah oo hanti badan leh, wuxuuna u gar gaari jiray qof kastoo dhibban iyo mid waliboo wax si ka yahiin, waxuuna ku sifeysnaa akhlaaqda iyo hadalka dhimrisan, meelo badanna waxuu ka shabahi jiray Rasuulka SCW, waligii qof lama uusan dagaallamin ka hor Islaamka waqtigaasoo dadku dagaal iyo fitno ka dhaxeyn jirtay oo sida loo kala xoog weynyahay la isku dhici jiray. Waa saxaabiga kaliya ee hantidiisa oo dhan ku bixiyey jidka Allaah hal maalin.

Rasuulka SCW waxuu yiri:- Qofka iigu mannasha badan oo maalkiisa iyo saaxiibtinnimadiisa oo dhan gacanta la ii geliyey waa Abuu Bakar, haddii aanan anigu mid mutacalliq ahayn (waayo waxaan anigu xiriir toos ah la leeyahay Allaah), Abuu Bakar oo kaliya baan ku xirnaan lahaa oo aan saaxiib ka yeelan lahaa, laakiin walaallimada islaaminada iyo kalgacaylkiisa qofka aan u haayo waa Abuu Bakar, albaabadaa (masjidka) oo dhami hala xiro, albaabka Abuu Bakar mooyaan.Waxaa Wariyey Bukhaari.

Maalin baa waxay arrin ka dhex dhacday Abuu Bakar iyo Cumar, iyadoo markaana uu Abuu Bakar is qabtay oo uu Cumar gurigiisii ugu tegay oo ku yiri:- Cumaroow!! iga raalli noqo? Cumarna wuu ka yeeli waayey. Dabeeta waxuu Abuu Bakar aaday Rasuulka SCW xaggiisa. Markiina uu Rasuulka SCW kor ka arkay Abuu Bakar oo marada soo xaytay buu asxaabtiisii ku yiri:- Saaxiibkiin wuu soo dooday. Markiina uu u yimid buu yiri:- Rasuulkii Alloow!! aniga iyo ina Khaddaab bay arrin inaga dhex dhacday, markaa baan gurigii ugu tegay si uu ii saamaxo, hase ahaatee wuu iga diiday. Markaa buu Rasuulku SCW yiri:- Allaah baa kuu dambi dhaafi Abuu Bakarow! saddex jeer buu yiri isagoo codka kor ugu qaadi. Intaa kadib Cumar baa isaguna goor dambe is qabtay oo dabeeta aaday gurigii Abuu Bakar. Markiina uu ka waayey buu is yiri waxuu jiraa masjidkii, waxuuna soo abbaaray dhankii masjidka. Markii uu yimid buu Rasuulka SCW kasoo fadhiistay dhanka midig, markaasuu kasii jeestay, misna dhanka kale ayuu ka maray, misna markale ayuu ka jeestay. Waxuu markaa gartay Cumar inuu khaldamay oo markii uu walaalkii iga raalli noqo yiri uu ka qaadan waayey. Kadib Abuu Bakar wuxuu guda galay inuu ka furto oo yiri:- Rasuulkii Alloow!! anigaa ka gar darnaa. Wuuna ku celceliyey, wuxuuna markaasi yiri Rasuulka SCW isagoo careysan oo Cumar la hadli:- Inaan Abuu Bakar kaa raaco, wuu mudanyahay ( aniguna xaq baan u leeyahay ), Illaah baa iisoo diray xaggiina, markaa baad i wada tiraahdeen:- Been baad sheegtay, Abuu Bakarna uu igu yiri:- Run baad sheegtay Rasuulkii Alloow!!. Waxuuna iigu gargaaray naftiisii iyo maalkiisiiba, ee miyaadan ii deyneyn saaxiibkey? Markale ayuu misna yiri:- Oo miyaadan ii deyneyn saaxiibkey? Maalintaasi kadib wax la murmay Abuu Bakar lama arag.

Wuxuu yiri Rasuulka SCW:- Ummadeyda qofka u dhimmirsan waa Abuu Bakar Siddiiq. Waxaa kaloo uu yiri:- Sidaad u aragtaan xiddigga iftiinka badan ee xiddigaha kale ku jira, waa sidaa oo kale Abuu Bakar iyo Cumar.

Wuxuu kaloo yiri:- Qof kastoo wax nagu lahaa waan u gudnay xaqiisii, Abuu Bakar mooyaan, isagu wuxuu nagu leeyahay wax aynan gudi karin illaa uu Allaah u gudo mooyaan.

Camr bin Al Caas baa mar uu Rasuulka SCW meel u dirayey ayuu Rasuulka SCW su’aalay:- Rasuulkii Alloow! dad yaad u jeceshahay? Waxuu yiri:- Caa’isha. Markaa buu yiri:- Ragga yaad ugu jeceshahay Rasuulkii Alloow!! SCW? Waxuu yiri:- Aabaheed.

Cumar bin Khadaab waxuu yiri:- Rasuulka SCW baa maalin ina amray in saddaqo la baxsado oo wax la keeno, markaa baan maalkii agteyda yaallay kala baray oo aan bar soo qaaday, waxaana is iri maantaad Abuu Bakar ka badin, ( horey ayay ahaayeen kuwa kheyrka ku tartama Abuu Bakar iyo Cumar). Markaa baan Rasuulka SCW ula tegay bar kamid maalkeygii, waxuuna igu yiri:- Oo maxaad reerkii uga soo tegtay? Waxaan ku dhahay::- In lamid ( intaan keenay in lamid ah, macnaha kala bar baan uga soo tegay). Abuu Bakarna waxuu keenay wixii agtiisa yiil oo maal ah, markaa buu Rasuulka SCW ku yiri:- Oo maxaad reerkii ugu soo tegtay? Markaasuu yiri:- Waxaan uga soo tegay Allaah iyo Rasuulkiisa. Maalintaas baan garowsaday inaan waligey Abuu Bakar gaareyn.

Abuu Hureyrana waxaa laga soo weriyey Allaha ka raalli noqdee inuu Rasuulka SCW yiri:- Horey maal iima uusan anfacin sida uu iigu afacay maalka Abii Bakar, kadib Abuu Bakar baa ooyay oo yiri:- Oo aniga iyo maaleygaba ma cidkalay usugnaadeen oo aan adiga ahayn Rasuulkii Alloow!!?

Cali bin Abuu Dhaalib waxuu yiri:- Rasuulka SCW baa wuxuu eegay Abuu Bakar iyo Cumar, markaa buu igu yiri:- Labadaasi (Abuu Bakar iyo Cumar) waxay hoggaan u noqon donaan dadka waaweyn (dadka caanka ah ee meeqaamka iyo sharafta leh) ee jannada, kuwii ugu horeyay iyo kuwii ugu dambeeyayba marka laga reebo Nabiyadii iyo Rusushii Alle ee lasoo diray,ee Caliyoow!! ha u sheegin. Rasuulka SCW waxaa u muuqatay in arrintaas iyo fadligaas inuu u ahaado mid u qarsoon labadaas saxaabi, sidaa darteed buuna Cali ku yiri:- Ha usheegin. Wallaahu aclam.

Waxuu kamid ahaa 10-kii saxaabi ee jannada loogu bishaareyay misna Khaliifkii Rasuulka SCW, Nebiga SCW baa maalin maalmaha kamid ah gacanta qabtay oo ku yiri:- Adigu waxaad tahay saaxiibkeyga ka cabbi doona darkeyga, waxaadna tahay saaxiibkeygii godka Thowr.

C/llaahi bin Cumar Allaha ka raalli noqdee ayaa isaga oo tilmaamaya sifadii Abuu Bakar Siddiiq wuxuu yiri:- Saddex nin oo ka soo jeedda qabiilka Qureeshta waxay noqdeen dadka kuwa ugu suubban dhanka akhlaaqda, iyo dhanka xishoodkubs, haddii ay kuu sheekeeyaan marna dhici mayso inay been kuu sheegaan, haddii aad u sheekeeysana kuma beensadaan, waxayna kala yihiin saddexdaas nin Abuu Bakar Siddiiq, Cuthmaan bin Cafaan iyo Abuu Cubeyda bin Al-Jarraax.

Haweeney baa mar u timid Rasuulka SCW oo wax weydiisaneysay markaa buu ku yiri:- Igu soo laabo. Waxay tiri:- Bal ka warran haddii aan ku heli waayo ( yacni haddii aan imaado adigoo geeriyooday )? Waxuu yiri:- U teg Abuu Bakar Siddiiq.

Maalin baa Rasuulka SCW oo ay la socdaan Abuu Bakar, Cumar iyo Cuthmaan waxay koreen buurta Uxud. Markaa bay la dhaqdhaqaaqday. Suu Nebigu SCW yiri:- Sugnoow Uxudeey!! waxaa dushaada saaran Rasuul, Siddiiq iyo laba Shahiide.

Meelo badan buu Abuu Bakar Siddiiq ka shabbihi jiray Rasuulka SCW xagga akhlaaqda iyo suubnaanta iyo hadalka dhimmirsan. Wuxuu ahaa saxaabi aan la soo koobi karin fadligiisii iyo wanaagiisii, waxuuna ahaa mid naxariis badan oo qoor xoreyn badan, waxaana xusid mudan dadkii Muslimiinta ee kufaarta Qureesheed caddibi jireen ee uu xoreyay kuwaasoo uu Allaah dartii u xoreeyay. Waxaa kamid ahaa dadkii uu xoreeyay Bilaal bin Rabaax, Caamir bin Abii Fuheyr, Abuu Fukeyh Al Aflax Mowlaa banii C/Daar, Zinniirah, Nahdiya- iyo gabadheeda Ummu Cubeys, iyo Jaariyad u joogtay banii Caddiyi gaar ahaan qoyska banii Mu’ammal. Dhammaan dadkan waxuu u xoreyay Abuu Bakar Allaah dartii, oo wax ujuuro iyo weji kama uusan lahayn. Taana waxaa caddeynayso, aabahiis Abii Quxaafa baa maalin u yimid oo ku yiri:- Abuu Bakaroow!! maandhoow!! marba haddaad wax xoreynetsid, maad wax ku anfaco xoreysid oo hadhoow kuu shaqeeeyo? Waxuuse ku jawaabay Abii Bakar:- Waxaan Alle wajigiisa ahayn uma xoreynayo.

Alle Sarreeye baa markaasi ku amaanay Quraankiisa Kariimka isagoo tilmaamaya samaantiisii iyo qoorxoreyntiisii, iyo siduu ula jeeday Allaah dartii, waxuuna yiri Alle Sarreeye:

”Waxaa ka fogaada (geliddeeda, yacni Naarta) qofkii Allaah ka dhowrsada, oo ah kan bixiyo xoolahaiis (saddaqo ahaan iyo qoor xoreyn) si uu u daahir noqdo, Qof wax ugu nicmeyayna oo uu u abaal gudina ma jiro, ee wuxuu uun u bixin Allaah Sarreeye dartii, wuuna raalli noqon doonaa”. Dhammaadka suuratu Leyl.

Dumarkiisii & Carruurtiisii

Abuu Bakar Siddiiq wuxuu guursaday illaa 4 dumar ah, labo kamid ah waxuu guursaday Islaamka ka hor labada kalena waxuu guursaday Islaamka kadib.

Islaamka ka hor waxuu guursaday Quteylah bint Cabdul-Cuzza Al Caamiriyah iyo Umu Rowmaan Al Kinaaniyah. Haddaba waxaanu soo qaadaneynaa dumarkii uu guursaday iyo carruurtii ay udhaleen, waana sida tan:

  1. Wuxuu guursaday Quteylah bint Cabdul-Cuzza bin Cabdu Ascad bin Nadar bin Maalik bin Xasal bin Caamir bin Lu’ay Al Qurashiyah Al Caamiriyah, waxayna u dhashay Asmaa oo uu guursaday Zubeyr bin Al Cawaam, iyo Cabdullaahi oo isaguna guursaday Caatikah bint Zeyd bin Camr bin Nufeyl.
  2. Wuxuu guursaday Umu Rowmaan bint Caamir bin Cuweymir bin Cabdishams bin Cataab bin Udeynah bin Sabiic bin Dahmaan bin Al Xaarith bin Qanam bin Maalik bin Kinaanah Al Kinaaniyah, waxayna u dhashay Cabduraxmaan iyo Caa’isha. Caa’isha waxay ahayd afadii Rasuulka SCW, Kahor intuusan Rasuulka SCW guursan Caa’isha waxaa soo doontay Jubeyr bin Mudcim. Markii uu Rasuulka SCW aabaheed ka doonay ayay Abuu Bakar arrintaa ku cuslaatay, waayo horey ayuu usiiyey Jubeyr bin Mudcim. Kadib buu Abuu Bakar u tegay Mudcim bin Caddiyi oo uu ku yiri: Iga soo dhiso gabadha”. Markaasay haweeneydii Mudcim ku tiri seygeeda:- Yuusan wiilka kaa fidneyn Abuu Bakar ee gabadhiisa faraha uga qaad. Markaa buu u fasaxay, sidaa buuna Rasuulka SCW ku guursaday sanadkii 1aad ee Hijriyada.
  3. Kadib waxuu guursaday Asmaa bint Cumeys bin Macad bin Taym bin Al Xaarith bin Kacab bin Maalik bin Quxaafah bin Caamir bin Maalik bin Nasar bin Wahabullaah bin Shahraan bin Cafras bin Khalaf bin Aftal (Aftal waxuu caan ku ahaa Khuthcum) Al Khuthcumiyah, waxayna udhashay Maxammed bin Abuu Bakar, sanadkii sagaallaad ee Hijriyada ayayna udhashay. Ka hor waxaa soo guursaday Jacfar bin Abuu Dhaalib. Iyada ayuu Abuu Bakar u dar daarmay inay meydho meydkiisa markii uu xanuunsanaa,
  4. Kadib wuxuu guursaday Xabiibah bint Khaarijah bin Zeyd bin Abii Zuheyr oo ka dhalatay banii Xaarith bin Al Khazraj, waxayna udhashay Umu Kalthuum bint Abii Bakar, markuu geeriyooday kadib, waayo iyadoo Ummu Xabiibah ay uur tahay buu ka dhintay.

Dhammaan carruurtiisii waa ay u hana qaadeen, Cabdullahi waxuu kudhaawacmay dagaalkii Xuneyn waxuuna geeriyooday sanadkii 11aad ee Hijriyada, Cabduraxmaan bin Abuu Bakar waxuu geeriyooday sanadkii 53aad ee Hijriyada ama 54aad. Waxuu ku geeriyooday goob la yiraahdo Al Xubshi oo 6 ama 12 mayl u jirta magaalada Makka, Caa’isha iyadu waxay geeriyootay sanadkii 57aad ee Hijriyada. Asmaa bint Abuu Bakar waxay geeriyootay sanadkii 73aad ee Hijriyada kadib dilkii wiilkeeda C/llaahi bin Zubayr muddo laga joogo bil iyadoo cumrigeeda lagu sheegay 100 sano ilig-na kama dhicin , hase ahaate way indho beeshay aakhirkii cumrigeeda. Umu Kalthuum waxaa doonay Cumar bin Khadaab, hase ahaatee way diidday, kadibna waxaa guursaday Dhalxa bin Cubeydillaah. Maxamed bin Abuu Bakar waxaa lagu dilay Masar waxaana dilay Mucaawiyah bin Khadiij, kadibna waa la gubay sanadkii 38aad ee hijriyada. Walaashiis Caa’isha si aad ah ayay uga murugootay, waxayna kafaala qaadday markaasi carruurtiisa.

Khudbaddii Ugu Horreysay Islamka

Culimada waxay sheegaan in saxaabadii racii kowaad ee Islaamay ay jecleysteen in khudbad la jeediyo, taasoo looga warramaya Quraanka soo degay iyo nuurkiisa, haddaba Abuu Bakar baa jecleystay inuu noqda qofkii akhrin lahaa khudbaddaas isagoo ka dhex jeedin Kacabadda dhexdeeda, waxayna ahaayeen Muslimiinta maalintaa 38 qof sida ay werrinnada badan qabaan. Wuxuu Abuu Bakar u tegay Rasuulka SCW oo uu ku yiri:- Rasuulkii Alloow!! waxaan jecleystay inaan khudbad akhriyo oo aan uga warramaya wixii soo degay iyo waxii aad ina bartay. Rasuulka SCW waxuu damcay inuu ka celiyo, maadaama ay Muslimiinta yar yahiin oo haddii Qureeshtu soo haweysata aysan iska dhicin karin hase ahaatee markii dambe Rasuulka SCW wuu ka yeelay oo wuu u idmay inuu khudba akhriyo. Kadib waxuu Abuu Bakar ka dhex istaagay koox jameecadii reer Makka oo saadaaddii Quresheed kamid ah oo uu khudbaddii u jeediyey. Goor uu dhexda marinaya ayaa waxaa kusoo heentay Qureeshtii oo ku kacday, markaa buu qof waliba ku dhuftay wixii uu ku dhufan karay, waxuuna Abuu Bakar ku dhacay dhulka, markaa buu Cutbah bin Rabiica kabtiisii wejiga uga garaacay heer markii dambe uu miyir beelay, kadib waxaa yimid, tolkii Abuu Bakar ee banii Taym, oo qaaday dabeetana geeyay gurigiisii, waxaa dul joogtay hooyadiis Ummul Kheyr oo murugeysan, taasoo guriga ku dabiibeysay in muddo ah. Waxay banii Taym ku hanjabeen in ay Cutbah u dilan doonaan Abuu Bakar haddii uu geeriyooda Abuu Bakar, oo dagaalkaana uu noqon doona mid Qureeshta dhexdeeda aan dhammaan. Sidaa darteed Abuu Bakar Siddiiq waxuu ahaa saxaabiga kaliya ee la xuso in tolkiisa oo gaalo ah ay u qiiroodeen si ay ugu dagaallamaan heer Qureeshtu dhexdeeda la gaaro inay is laayso, dagaalkaasoo noqon doona mid in badan raago.

Muddo buu Abuu Bakar bukaan jiif ahaa oo haddii lala hadlana uu ishaarayey oo kaliya, waxaana la joogtay hooyaddii Ummul Kheyr. Abuu Bakar waxuu miirkii kusoo laabtay isagoo leh:- Rasuulkii Alle SCW maxaa lagu falay? Waayo waxuu ogaa oo miir ugu dambeyay isagoo goobtii khudbadda joogay Rasuulkuna SCW uu la joogay. Haddaba hooyadii baa baxday oo waxay la kulantay Ummu Jamiil bint Khadaab, taasoo kamid ahayd dadkii Islaannimadooda qarsanyey, waxay Ummul Kheyr weydisay bal inay Abuu Bakar saaxiibkiis aragtay ,waxayna ku jawaabtay Ummu Jamiil:- Garan maayee ma dooneysaa inaan kuu raaco wiilkaada? Waxay tiri:- Haa!. Way soo baxeen, markiina ay Abuu Bakar uyimideen bay Ummu Jamiil si aad ah uga murugootay iyadoo xustay inay daalimiin gar daran yahiin Qureeshta sidaa u gashay. Markaas buu Abuu Bakarna yiri:- Maxaa lagu falay Rasuulkii Alle SCW? Waxay tiri:- Waa roonyahay waxuuna joogaa daartii Al Arqam ibnu Abul Arqam. Waxuu yiri Abuu Bakar:- Dhandhamin mahayo quud oo cabbi mahayo biyo jeer la ii geeyo Rasuulkii Alle SCW. Markaa bay u yara kaadiyeen inta cagtu ka dageyso (inta uu dhulka mugdi ka noqon). Markii cagtu degtay bay hooyadii iyo Ummu Jamiil soo garba galeen oo ugu keeneen Rasuulka SCW gootii asxaabta ee daarta Arqam. Markii uu Rasuulka SCW arkay Abuu Bakar dhibta iyo dhaawaca ka muuqda ayuu ilmeeyay oo uu aad uga murugooday, dabeetana wuu macaanaqeeyay (xabadka buu xabadka u saaray) oo uu dabeetana dhunkaday, markaa buu Abuu Bakar yiri:- Rasuulkii Alloow!! (SCW) kol haddii aan ku arkay adigoo bad qabtid wax waliboo i gaaray waxba maaha. Markaa buu Abuu Bakar ka sheegtay Cutbah iyo dhibtii uu soo gaarsiiyey, waayo wuxuu wejiga uga garaacay kab, waxuuna yiri:- Rasuulkii Alloow!! (SCW) waxaa iigu darnaa Cutbah. Markaa buu Rasuulka SCW Cutbah habaaray.

Wuxuu gudo galay Nebiga SCW inuu Abuu Bakar u duceeya, markaa buu Abuu Bakarna yiri:- Rasuulkii Alloow!! waatan hooyadeey oo wiilkeeda u baarrinimo fashay ee si uu Illaah cadaabta uga bad baadiyo Alle u bari oo Islaamkuna ugu yeer. Markaa buu Rasuulka SCW u duceyay oo Islaamkana ugu yeeray iyadiina waa ay Islaamtay. Haddaba Abuu Bakar waxuu ka faa’iday dhibkii ogaanta ee soo gaadhay in ay hooyadii Islaamta oo Rasuulkuna SCW u duceeyo. Miro dhalkii dacwadiisuna waxay noqotay inay hooyadii naar ka badbaaddo.

Cuqbah bin Abii Muceydh ayaa maalin arkay Rasuulka SCW oo kacbada ku tukanaya, markaa buu inta maro soo qaatey luqunta ama qoorta ka geliyey oo ku ceejiyey, Markaa buu Abuu Bakar warkii maqlay oo meeshii yimid oo ka qabtey kuna yiri:- Oo ma waxaad dileysaan nin intuu yiri Rabbigey waa Allaah Markaa baa wixii Qureesh oo meesha joogay Abuu Bakar ku jeesteen oo rifeen. Markaa buuna Rasuulka SCW dariiq helay oo uu ka baxay. Dabeetana wuxuu Nebigu SCW ku jeestay asxaabtiisii oo uu su’aalay:- Illaah baan idin ku dhaarshaye ma waxaa kheyr badan Mu’minkii reer Fircoon mise isaga yacni Abuu Bakar? Markaa cidi kamaysan siin jawaabtii uu filayey, kadibna waxuu yiri:- Oo maydaan ii jawaabeyn? Illaah baan ku dhaartaye saacad kamid ah saacadaha Abuu Bakar (noolashiisa kamidka ah) ayaa ka kheyr badan 1000 saacadood oo kamid ah (noolasha) Mu’minkii reer Fircoon. Oo kaasi waxuu ahaa nin isagu iimaankiisii qarsaday kanina waa mid iimaankiisii muujistay.

Abuu Bakar Siddiiq waxuu ahaa saxaabi Rasuulka SCW rafiiqiisii gaarka ahaa, oo uma suuro gelin hijradii dhulka xabashida loo hijroonayey. Waayo markii ay Muslimiintii nafahooda iyo diintooda la cararayeen buu Abuu Bakar kamid ahaa dadkaa iyaga ahaa ee damcay inay u qaxaan dhulaysan aqoon. Haddaba markuu baxay Abuu Bakar ayaa waxaa dhexda kula kulmay goob la yiraahdo Barkul Qimmaad odaygii Axaabiishta oo la oran jiray Ibnu Duhnah ( Waxaa kaloo la sheegaa in loo yaqaanay Ibnu Duqinah, waxaana la sheegaa in magaca hooyadii uu ahaa magacaasi, ama daabbadiis, magaciisa saxda ahina wuxuu Al Waaqidi ku sheegay Al Xaarith bin Yaziid. Suhaylina wuxuu ku sheegay in la yiraahda Maalik, wallaahu aclam). Oo ku yiri:- War Abuu Bakar xaggeed usocotaa? Waxuu yiri:- Tolkeygii baa isoo saaray oo waxaan jecleystay inaan iska socda oo aan tego meel aan Rabbigey ku caabbudo. Waxuu yiri Ibnu Duhnah:- Adigoo kale maaha mid baxo oo la saaro, ee laabo oo deegaankaaga Rabbigaa ku caabbud, aniga ayaana ku magan gelin doona.

Intaa kadib Abuu Bakar waxuu la laabtay Ibnu Duhnah oo uu Makka la tegay. Kadibna Ibnu Duhnah waxuu u tegay jamac Qureesheed oo ogeysiiyey inuu Abuu Bakar magan geliyey, waxuuna u tilmaamay inaanan magantiisa loo gacan dhaafin. Qureeshtii arrintaa way ka yeeshay, hase ahaate waxay ku xirtay shuruud ah inuu Abuu Bakar Rabbigiisa ku caabbudo gurigiisa oo uusan dhexdooda ku muujisan, waayo way dhibsan markaana waxaa suuro gal ah inay magantiisa u gacan dhaafaan.

Haddaba Abuu Bakar muddo ayuu sidaa ahaa oo gurigiisa Rabbigu ku caabbudi jiray, markii uuna salaadda u kaco codkiisa ayuu kor ugu akhrin jiray Quraanka heer ay dumarka iyo carruurta kusoo heentaan hareerahiisa oo ay ka dhageysan jireen.

Qureeshtii arrintaan waa ay dhibsatay oo waxay u tegeen Ibnu Duhnah oo ay u tilmaameen inuu ka laabto maganta uu Abuu Bakar magan geliyey ama uu ka celiyo oo Quraankiisa hoos u akhristo. Ibnu Duhnah ayaa u tegay Abuu Bakar oo ku war geliyey hadalladii ay Qureeshtu kula hadashay, waxuuna u tilmaamay inuu maganta kala laaban doono haddii uu sidan kusii socda. Abuu Bakar oo iimaankiisu aad u xeel dheeraa, kalsoonni dhanna ku qabay Rabbigiis ayaa ku yiri Ibnu Duhnah:- Iskala laabo magantaadu oo anigu waxaan magan galayaa Allaah oo aan ku raalli ahay. Sidaa ayuuna Abuu Bakar ku sugnaa jeer uu markii dambe Madiina usoo hijrooday isagoo Rasuulka SCW kula rafiiqay safiirkiisaasi hijrada.

Nolashiisii Madiina

Markay dadkii Muslimiinta ahaa intoodii haajiri kartay ka haajireen magaaladii Makka oo loowada kicitamay dhanka Madiina, Abuu Bakar wuxuu safarkiisii hijrada kula rafiiqay Rasuulka SCW oo waxuuba la galay godkii Qaaru Thowr oo ay saddex casho ku jireen isaga iyo Rasuulka SCW. Waana dhacdadii uu Alle Sarreeye ku soo dejiyey aayaddan:

”Haddaydaan u gargaarin (Gaalooy) Nebiga SCW waxaa u gargaaray Allaah, markey bixiyeen kuwii gaaloobay, isagoo labo (qofood) midkood ah, markay ku jireen (Nebiga SCW iyo Abii Bakar) godka, markii uu (Nebigu SCW) ku lahaa (Abii Bakar) :- Ha murugoon, Alle baa nala jiree, Suu Alle kusoo dejiyey xasilloonidiisii, oo uu ku xoojiyey junuud (askar Malaa’ig ah oo) aydan arkeyn. (Towbah aayadda 40aad)

Haddaba Abuu Bakar Siddiiq dhowr meelood ayuu Alle Quraanka kaga xusay oo aayado dhowr ah buu Abuu Bakar sababnasuul u ahaa, kuwaasoo ay ka mid yahiin aayadihii aynu horey usoo marnay ee suuradda Leyl iyo weliba kuwii ka hadlayey dhacdadii qadafka Caa’isha iyo markii uu quudkii uu siin jiray Abuu Bakar ka gooyey Misdhax bin Othaath oo horey uga qayb qaatay xaadisadii ifkiga, aayadahaasina waxay ku jiraan suuradda Nuur.

Abuu Bakar Siddiiq markuu yimid magaaladii Madiina Ansaartii horey Rasuulka SCW u arkin waxay kala garan waayeen koodii Rasuulkii Alle ah Nebiga SCW iyo Abuu Bakar. Taana waxaa iskaga dhex qasay dabeecaddii Abuu Bakar iyo dhaqankiisii oo aad u sarreeyay kuna dhawaa dhaqanka iyo dabeecadda Rasuulka SCW, heer raggii Ansaarta iyo dumarkoodii badankooduba ay u maleeyeen inuu Abuu Bakar yahay Rasuulkii la sugayey. Waxayse ku garteen inuusan Abuu Bakar ahayn Nebiga goor ay cadceedi qabatay Rasuulka SCW wejigiisa ayuu Abuu Bakar maradiisii uga dhigay markaa bayna garteen inuusan Abuu Bakar Rasuulka ahayn.

Intaasi kadib markuu Rasuulka SCW dadka Ansaarta iyo Muhaajiriinta walaaleynayey Abuu Bakar Siddiiq wuxuu la walaaleeyay Khaarijah bin Zeyd bin Abii Zuheyr Al Khazraji. Mar dambana waxuu Abuu Bakar guursaday gabadh uu dhalay Khaarijah bin Zeyd bin Abii Zuheyr oo la oran jiray Ummu Xabiibah bint Khaarijah.

Abuu Bakar Allaha ka raalli noqdee wuxuu Makka uga soo tegay reerkiisii, Rasuulkuna SCW sidoo kale. Cali bin Abii Dhaalib oo isagu looga soo tegay inuu deymahii iyo wixii uu Rasuulka SCW dadka u hayey inuu usoo gudo, waxuu asagu ka daba yimid saddex casho kadib oo Madiina soo gaaray, isagoo howshiisii soo gutay. Markaa bay Rasuulka SCW iyo Abuu Bakar direen labo nin oo la kala oran jiray Zeyd bin Xaaritha iyo Cammaar bin Yaasir. Wuxuu Abuu Bakar raggaasi siiyey 500 Dirham si waxa ay u baahdaan uga iibsadaan, waxuuna amray inay soo kaxeeyaan gabdhahii uu dhalay Rasuulka SCW- Faadimah iyo Ummu Kalthuum iyo xaaskii Rasuulka SCW ee Sowdah bint Samcah iyo waliba reer Abuu Bakar- Ummu Rowmaan iyo gabadheeda Caa’isha iyo Asmaa bint Abii Bakar afadii Zubeyr iyo weliba Ummu Ayman Barakah bint Thaclabah iyo wiilkeeda Usaama bin Zeyd. Abuu Bakar Siddiiq waxuu horey ugu daray labadii nin C/llaahi bin Ureyqid oo gaal dhul aqoon ahaa si uu jidka u tusiyo, wuxuuna Abuu Bakar horey warqad ugu sii qoray wiilkiisii C/llaahi bin Abii Bakar si uu usii diyaariya qoyska iyo safarkooda iyo sahaydooda. Dabeeto waa lasoo kaxeeyey dhammaan oo la keenay magaaladii Madiina, kadib buuna Rasuulka SCW Caa’isho la aqalgalay.

Abuu Bakar Siddiiq wuxuu ka qayb qaatay dagaalkii Bader oo wuxuu ahaa ninkii Rasuulka SCW cariishkiisii ku wehliyey maalintaasi. Sidoo kale maalintaa waxuu doon doonayey wiilkiisa C/Raxmaan oo dhanka gaalada la safnaa. Wuxuu doonayey Abuu Bakar inuu wiilkiisa ka takhalluso oo wuxuu lahaa:- khurankiiyoow! meeyay maalkeygii? Isaguna wuxuu ku jawaabayey:- Waxaa ka dambeyso oo ka soo hartay seef dili doonta oday diintiisii nacay. Haddaba goor dambe ayuu Muslimay C/Raxmaan oo uu wanaagsanaaday. Abuu Bakarna maalintaa uu Muslimay wiilkiisa aad ayuu ugu farxay. Maalintii Uxud waxuu Abuu Bakar Siddiiq ahaa qofkii ugu horeeyay ee Rasuulka SCW kusoo laabtay kadib markay Muslimiintii jabeen.

Sidaa si lamid ahna waxuu ka qayb qaatay dhaqdhaaqyadii Axzaab, heshiiskii Xudeybiyah, duullaankii Kheybar, Cumradii la qalleeyey (Cumaratul Qaddaa), furashadii Makka, iyo dhammaan dhaqdhaaqyadii oo idil. Maalintii Tabuuk wuxuu siday calanka guud ee ciidanka Muslimiinta. Rasuulka SCW ayaa u wakiishay xajkii ugu horeeyay Islaamka sanadkii 9aad ee hijriyada, markaas ayaana loo dhalay wiilkiisii Maxamed bin Abii Bakar oo ay u dhashay afadiisii Asmaa bint Cumeys.

Rasuulka SCW markuu xanuunsaday wuxuu salaadda amray in uu Abii Bakar tujiyo. Caa’sha ayaa Rasuulka SCW ku tiri:- Rasuulkii Alloow! Abuu Bakar waa nin qalbi jilacsan oo oohin badan markuu Quraanku akhrinaya, ee maad amartid Cumar dadka ha tujiyee? Wuxuu Rasuulka SCW yiri:- Hala amro Abuu Bakar dadku ha tujiyee. Caa’isha waxay u tegtay Xafsah oo ay arrintii u sheegtay bal si ay iyana Rasuulka SCW u la hadasho iyaduna oo ay arrintaa ugu sheegto. Wuxuu yiri Rasuulka SCW markay Xafsa arrintaa kala hadashay:- Waxaad tihiin dumarkii Yuusuf shirqoolay (oo kale) ee hala amro Abuu Bakar dadka ha tujiyee.

Haddaba Abuu Bakar waxuu ahaa qofkii ku xigay Rasuulka SCW oo xilkan qaban lahaa iyo weliba kii ugu cilmiga badnaa saxaabada oo dhami Rasuulka SCW ka dib. Ishaarooyinkan iyo kuwa kale oo aan soo marnayba oo ay kamid yahiin albaabadii masjidka ee hala xiro uu Rasuulka SCW yiri, dhammaan ishaarooyinkan iyo kuwa kaloo badanba waxay ku tusin inuu Abuu Bakar yahay ninkii khilaafada qaban lahaa Rasuulka SCW bacdigiisa.

Goor barqo ah cadceedduna ay kulushahay maalin Isniin ah oo bishii Rabiicul Awal ay tahay 12 sanadkii 11aad ee hijriyada baa Rasuulka SCW la oofsaday oo uu dhanka Rabbigiisa aaday. Abuu Bakar Siddiiq markaasi wuxuu ku sugnaa goobta As- Suxni oo uu guri ku lahaa, halkaa buuna faras uga yimid oo inta masjidkii yimid dabeetana u dhaafay aqalkii Caa’isha buu u galay meydkii Rasuulka SCW oo inta wejiga maradii ka feyday ayuu dhunkaday oo ilmaduna ka qubatay dabeetana yiri:- Aabahay iyo hooyadayba kugu furtaye (Rasuulkii Alloow!) Alle labo dhimasho iskugu kaa dari mahayo, oo dhimashadii kuu qorneyn waad dhandhamisay. Misna wuxuu yiri:- Maxaa kaa udgoon badan Rasuulkii Alloow!! noolal iyo geeriba? Kadib Abuu Bakar wuu soo baxay oo dhanka dadkii soo abbaaray oo markaana Cumar wuxuu u gooddiyey qofkastoo yiraahdo:- Rasuulka SCW wuu dhintay. Waxaana la sheegaa in Muqiirah bin Shucbah uu u tegay Cumar oo u sheegay geerida Rasuulka Alle SCW. Markaa buu isaguna ka diiday oo ku yiri:- Been baad sheegtay.

Waxuu yiri:- Rasuulkii Alle SCW ma uusan geeriyoon oo mana geeriyoonayo, wuxuuse aaday xagga Rabbigiis siduuba Nebi Muuse CS u aaday oo afartan casho u maqnaa, kadibna yimid isagoo horey loo yiri:- Wuu dhintay. Dhaar Eebbee! Rasuulkii Alle SCW wuu soo laaban doonaa, markaas buuna gacmaha iyo lugaha ka jari doonaa dad badan oo sheegi inuu geeriyooday.

Werin kale waxay leedahay Munaafiqiin badan.

Abuu Bakar Siddiiq markuu usoo baxay dhankii dadka masjidka joogay oo uu Cumar u khudbeynayey uuna ku lahaa erayadaasi isagoona u gooddinayey inuu kurka ka jari doona ciddii tiraahdo Muxammed SCW wuu dhintay,ayuu Abuu Bakar soo galay oo Cumar u tilmaamay inuu fadhiisto, hase ahaatee Cumar arrintaa diidyay oo bartiisii ayuu kasii watay, waxaana ka qaalib noqday maalintaa murugadii oo xitaa miyirkiisii tirtirtay.

Kadib dadkii waxay u wada dhaqaaqeen dhankii Abuu Bakar, waayo wuxuu ahaa mid ay dadku jecelyahiin. Markaa buuna u khudbeeyay oo markuu Alle mahadiyey oo amaanay Nebiga SCW iyo ehelkiisana ku salliyey buu kadib yiri:- Intaa dabadeed, kiinnii Muxammed SCW caabbudijirayow! Maxammed wuu dhintay. Kiinnii Alle caabbudi jirayoow! Alle waa noolyahay oo ma dhimanayo. Kadibna waxuu akhriyey aayaddan:

”Maxamed (SCW) ma uuna ahaan, wax aanan Rasuul ka ahayn, kaasoo ay hortii tegtay Rusullo, ee ma haddii uu geeriyooda, ama la dilo baad u noqoneysaan dib ciribyadiinii (gaallimadiinii hore). Kiinnii kastoo dib ugu nooqda ciribtiisii hore Alle wax uu yeeli kara ma jirto, oo Illaahayna wuu abaal marin doonaa kuwa ku shukriya”. (Aali-Cimraan aayadda 144).

Aayaddaasi iyada ahi dadkoo dhami mabaysan ogeyn inuu Alle horey usoo dejiyey. Waxayna ogaadeen markii uu Abuu Bakar akhriyey, dabeetana qofkastoo maqlay intuu akhriyey ayuu meeshii ka dhaqaaqay isagoo qirsan inuu Rasuulkii Alle SCW dhintay.

Cumar bin Al Khaddaab wuxuu yiri:- Illaah baan ku dhaartaye markii aan maqlay aayaddaas iyadoo uu Abuu Bakar akhrinaya baan gariiray oo lugahii hayn kari waayey heer markii dambe aan dhulka ku dhacay. Markii uu akhriyey (Abuu Bakar) baana garowsaday inuu Rasuulku SCW geeriyooday.

Intaa kadib Rasuulka SCW waala aasay maalin Arbaco ah sida ku sugan kutubta siirada Nebiga SCW ee caanka ah. Cidi iimaam ma ka noqon janaasadiisii oo toban toban iyo goor goor ayaa loogu tukanayey.

Abuu Bakar wuxuu ahaa ninkii kaliya ee fahmay geerida Rasuulka SCW oo waliba u gartay siduu Alle Sarreeye Quraankiisa ku tilmaamay.

Doorashadii Abuu Bakar

Waxaa jiray ishaarooyin tilmaamayey in Abuu Bakar Siddiiq uu yahay ninkii ku xigi lahaa Rasuulka SCW oo khilaafada qaban lahaa, waxaana kamid ahaa axaadiis badan oo aan soo marnay iyo salaaddii uu Rasuulka SCW amray in dadka uu Abuu Bakar tujiyo iyo tilmaamyooyin kaloo badan. Waxaa taa dheereed ummaddii oo dhammaantood ku raalli ahaa Abuu Bakar aaminsanaana in uusan jirin axad ka fadli badan isaga Rasuulka SCW kadib.

Markii uu geeriyooday Rasuulka SCW, buu Abuu Bakar Siddiiq maqlay in koox Ansaar ahi ay ku kulansanyihiin saqiifadii banii Saacidah oo ay ka shirayaan arrimaha khilaafada. Arrintaasi waxaa Abuu Bakar iyo Cumar soo gaarsiiyey labo saxaabi oo kala ahayd Macni bin Caddiyi iyo Cuweym bin Saacidah. Raggakanina waxay ahaayeen Ansaar. Haddaba Abuu Bakar iyo Cumar waa ay soo dhaqaaqeen. Goor ay dhexda socdaan baa waxay la kulmeen Abuu Cubeydah bin Al Jarraax oo ay horey usii kaxaysteen, waxayna abbaareen dhankii saqiifadii banii Saacidah.

Ansaartu iyagu waxay istuseen inay amiir sameystaan, waxayna booskoodii u garteen ugaaskoodii Sacad bin Cubaadah bin Duleym As- Saacidi oo ay isku raaceen inuu asaga u noqdo amiir.

Markii ay Abuu Bakar, Cumar iyo Abuu Cubeydah yimideen goobtii ayay u sheegeen in arrintaan lagu ogyahay Qureesh maadaama hoggaankii xaramka ay iyadu haysay oo haddii ay Carabna maqalaan in khilaafadii ay qabatay cidaan Qureesh ahayn, ay taasi suuro gelineyso inay riddoobaan oo ay istusaan cidaan Qureesh ahaynba inay daw ku lahayn. Sidaa darteed waxuu Abuu Bakar u tilmaamay in labadan nin ee Qureesheed (Cumar iyo Abuu Cubeydah) midkood ay doortaan. Cumar bin Khaddaab arrintaasi siduu u dhibsaday isagoo ka sheekeyn jiray wuxuu oran jiray:- Dembi li’i baan jeclaa in unuunka la ii dheereeyo (kurka layga jaro) intii aan amiir unoqon lahaa ummad uu kujiro Abuu Bakar. Macnuhu wuxuu ka hadlayaa fadliga Abuu Bakar, iyo inuusan u noqon karin amiir nin asaga ka fadli badan.

Ansaartii waxay is tusinayeen in iyagu ay amiir sameystaan, waxaana kacay mid kaco oo kamid ah iyaga (Waxaa lagu sheegaa inuu ahaa Al Xubaab bin Mundir ) oo yiri:- Annagu Ansaar waxaynu leennahay amiir idinku Muhaajiriinna waxaad leedahiin amiir.

Ansaartu waxay ahaayeen kuwa ka badan Muhaajiriinta dhanka tiro ahaanta, oo Muhaajiriintu waa ay ka yaraayeen tirada Ansaarta. Hase ahaatee waxay Muhaajiriintu ahaayeen hoggaankii saxaabada oo muddo badan Rasuulka SCW agtiisa joogay waqtigii Makka, waxayna ahaayeen raggii ugu cilmiga badnaa saxaabada. Dhanka kale Ansaartu iyagu waxay ahaayeen dadkii reer Madiina ee u gar gaaray Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa. Waxayna ahaayeen raggii lagu tiirsanaa oo awood ahaan naf iyo maalba u qidmay Alle iyo Rasuulkiisa SCW, waxayna ahaayeen cududdii Islaamka.

Rasuulka SCW meelo badan ayuu Ansaarta ku ammaanay oo sida kutubta siirada ku sugan habeenkii Caqabadii labaad markii uu Abul Haytham bin Tihaam yiri:- Rasuulkii Alloow! Innaga iyo nimanka (Yahuudda ahi) waxaa isugu kaayo xiran xarko (heshiis iyo xilfi baa innaga dhaxeeyo oo gaashaan buur baynu nahay) oo waan gooyneynaa (haddaad ina amarto ) ee haddaba malaga yaabaa haddaynu sidaa yeelno dabeetana Alle kuu gargaaro inaad tolkaaga u laabato oo aad inaga soo tegto?

Rasuulka SCW intuu muusooday buu yiri:- Mayee! sidaa maahane dhiiggiinu waa dhiiggeyga oo nolol iyo geeriba idinkaan idinla jiraa, adinkuna anigaad ila jirtaan. Anigu idinka mid baan ahay oo idinkuna iga mid baad tihiin, oo qofkii aad la dagaashaan baanna la dagaali doonaa, ciddii aad soo dhaweysaan baana soo dhaweyn doonaa.

Habeenkaas waxay aheed habeenkii Caqaba ee heshiiskii labaad ee dhex maro raggaas Ansaarta iyo Rasuulka SCW. Waana ka hor intuusan Rasuulka SCW soo hijroon. Sidoo kale maalintii Xuneyn, markii ay saxaabadii jabeen Rasuulku SCW wuxuu amray Al Cabbaas bin C/Muddalib oo aad u cod dheeraa inuu u dhawaaqa Ansaarta si ay u soo laabtaan, oo u difaacaan Rasuulka SCW.

Durba waa ay soo gaddoomeen Ansaartii markii ay maqleen dhawaqa Al Cabbaas oo difaaceen Rasuulka SCW oo si daran uga qeyb qaateen dagaalka, iyo difaacidda Rasuulka jeer uu nasrigii yimid.

Maalintaasi iyada ahi Rasuulka SCW waxuu hanti iyo maal badan siiyey Muhaajiriinta iyo dad badan oo kamid ah kuwii diinta Islaamka ku cusbaa oo quluubtooda loosoo duwayey Islaamka xaggiisa. Qof Ansaarta kamid ahna waxba ma uusan helin. Rasuulku SCW Ansaartii wuu qadiyey oo qaybtii waxba kagama soo haggaajin, arrintaana waxay ahayd mid ay ku jirtay oo ay ku dheehnayd xikmad Allaah iyo Rasuulkiisu SCW oo kaliya ay garanayeen.

Haddaba Ansaartii ayaa markaasi hoos iskula hadashay oo gadoodday, oo gununacday iyaga oo aan garanayn sababihii dhaliyey arrintaasi ah, in Rasuulka SCW sidaa wax u qeybiyo. Markii uu dagaalku kululaaday ee ay saxaabadii jabeen, ayaga ayaa loo yeertay oo markay yimideen oo ay dagaallameenna, guul iyo nasri la helayna, waxba qaniimadii kama aanay helin. Waxayna xaaladdu gaartay heer ay qaarood Ansaarta iskula hadlaan si hoos ah iyagoo is leh:- Dhab ahaan Rasuulku SCW tolkiisii buu u yimid (oo yacni waxay u dhawdahay inuu idinka faaruqo). Ugaaskii Ansaarta ee Sacad bin Cubaada baa Rasuulka SCW u yimid oo ku yiri:- Rasuulkii Alloow! Ansaar waxa ay kuugu caroodeen sida aad wax yeeshay iyo qeybintii xoolihii qaniimada ahaa oo aad u qaybisay tolkaagii, iyadoo aad siisay siismo aad u weyn qabaa’illadii Carbeed iyaguna Ansaartu aadan haba yaraatee waxna siin..

Haddaba goor uu gadoodkii Ansaarta halkaa marayo oo dacwo kusoo biyo shubtay ayuu Rasuulku SCW ku yiri:- Oo Sacadoow! adigu xaggee baad ka taagan tahay arrintaa?

Waxuu yiri:- Rasuulkii Alloow! anigu tolkeyga ayaan wax la qabaa. Markaasuu Rasuulku SCW yiri:- Waxaad ii soo kulmisaa tolkaaga oo dhami. Kadib wuu dhaqaaqay oo waxuu soo kulmiyey tolkiisii. Markiina uu keenay tolkiisii oo uu Rasuulka SCW ula yimid oo dabeetana la fariistay, ayuu ku yiri kadib markuu Alle weyne mahadiyey, ducadii furfurashaduna akhriyey:- Ansaartiyeey! Oo maxuu yahay warkaan iga kiin soo gaaray ee ah inaad ii carooteen? Miyaanan ahayn mid idiin yimid idinkoo habawsan dabeetana Alle idin hanuunin? Oo miyaanan ahayn mid idiin yimid idinkoo cayr ah oo Alle idin hodmin? Oo miyaanan ahayn mid idiin yimid idinkoo cadaw isku ah oo Alle qalbiyadiinii isku soo duwin?

Kadib Waxay yiraahdeen:- Haah! Oo Alle iyo Rasuulkiisa ayaa gallad iyo abaal badanba lehe. Markaasuu yiri:- Oo miyeydaan ii jawaabeyn Ansaareey!!? Markaasey yiraahdeen:- Oo maxaan kuugu jawaabnaa Rasuulkii Alloow!? Alle iyo Rasuulkiisa ayaa gallad iyo abaal badanba lehe.

Markaasuu yiri:- Illaah baan ku dhaartaye haddii aad rabtaan waxad oran lahaydeen oo runna aad ku sheegi lahaydeen, oona la idiin rumeeyn lahaa:- Waad inoo timid adiga oo lagu beeniyey markaas baan ku rumeynay, oo aad inoo timid adigoo lagu dulleystay, saan kuu gargaarnay oo aad inoo timid adiga oo lagu soo saaray, markaasaan ku soo dhoweynay, oo aad inoo timi adigoonan waxbo haysan oo cayr ah, markaas ayaan ku hodminnay. Oo haddaba Ansaareey!! ma waxaad iigu carooteen haraa adduunyo oo aan qolooyin ugu soo duwaya diinta Islaamka ee aad idinku hirgeliseen oo aad xilkeedana qaadateen?

Oo miyeydaan raalli ku ahayn in dadku la tagaan ari iyo awr idinkuna aad guryihiinnii ula noqotaan Rasuulkii Alle? Allihii nafta Maxammed ay gacantiisa ku jirtay baan ku dhaartaye haddii aysan jiri lahayn hijro (yacni qaxootinnimo), waxaan noqon lahaa qof Ansaarta kamid ah. Oo hadday dadku waddo qaadaan, Ansaartuna waddo qaaddo, waxaan qaadi lahaa waddada Ansaar. Allahayoow!! Ansaar u naxariiso oo u naxariiso Ansaar iyo dhashooda iyo dhasha ay dhalaan dhashoodu. Markaas ayey Ansaar wada ilmeeyeen oo ay ilmadu hibisiqleeyeen oo ay yiraahdeen iyagoo wada hiqleyn oohinta:- Waanu ku qanacnay qaybinta iyo siismada Rasuulka Alle SCW oo aan ku raalli noqonnay inaan saami u helno Alle iyo Rasuulkiisa SCW.

Haddaba fadliga Ansaartu wuu badnaa oo waxay ahaayeen dad uu Rasuulka SCW aad u jeclaa iyaguna ay jeclaayeen, waxuuna u wakiishay Allaah iyo iimaankooda maalintaa iyada ah ee uu qeybinayey qaniimadii Jicraanah. Waxaana xusid mudan in Rasuulka SCW markii uu geeriyoonayey uu ka dar daarmay Ansaarta oo uu tilmaamay inay dadku badan doonaan, Ansaartuna ay yaraan doonta, waxuuna Muslimiinta ka dalbaday ama amray in Ansaar iyo ubadkooduba la xaq dhowra, waayo xaqii saarnaa way guteen oo waxaa markaasi haray xaqoodii.

Illaahay kor ahaaye Quraankiisa ayuu meelo badan ku amaanay Ansaarta, waxaana xusid mudan in magacooda (Ansaar) laga helaya Quraanka meelo badan, waana magac uu Alle kor ahaaye u bixyey iyaga, oo uu udooray Illaahay haka raalli noqdee.

Sidaa darteed bay Ansaartu is tuseen inay amiir yeeshaan ama ayba iyagu khilaafada qabtaan Rasuulka SCW bacdigiisa.

Kadib waxaa kacay mid kaco oo kamid ah Ansaarta (oo lagu sheegay inuu ahaa Useyd bin Xudeyr- saaxibul xikmah), waxuuna jeediyey khudbo cajiib ah oo uu Ansaarta kula hadlayey oo waxuuna tilmaamay inay iyagu yahiin Ansaartii Rasuulka Alle SCW, lagana doonayo inay noqdaan Ansaartii khaliifadiisa. Kadib buu Cumar kacay oo su’aalay Ansaartii inay jirta cid ku raalli noqotay Abuu Bakar oo Rasuulka SCW horey u amray salaadda inay ka hor marto.Hase ahaatee cidi arrinkaa kuma aysan dhiirran. Ansaartiina waxay ku qanceen khudbadii ugaaskooda Useyd oo saameysay iyo weliba kalmadihii Cumar. Markaa buu Cumar ku yiri Abuu Bakar:- Fidi gacantaada. Oo la mubaayicooday dadkiina ay la mubaayicoodeen intoodii goobtaas joogtay.

Kadib wuxuu tegay masjidkii oo dadkii beyco guud la galay oo misna eegay dadka isagoo mimbarka saaran, wuxuusa dadka ka dhex arki waayey Zubeyr bin Cawaam. Markaasuu u cid. Markii uu yimid ayuu su’aalay sababta ku kalliftay ka dib dhaco beycada isagoo ay dhashay Rasuulkii Alle SCW eeddadiis. Markaa buu Zubeyrna u cududaartay inuu arrimo ku mashquulsanaa oo kadibna la mubaayicooday. Sidaa si lamid ahna wuxuu mar kale dadka ka dhex eegay Cali oo markii uu ka dhex waayey, u cid diray. Markii uu yimidna wuu u cududaartay, dabeetana waa uu la mubaayacooday.

Shiicadu waxay aaminsanyahiin inuusan Cali la mubaayicoon Abuu Bakar Siddiiq. Waxaase cad oo axaadiis badan oo saxiix ahna ku sugnaaday inuu Cali la mubaayicooday Abuu Bakar labo goor. Mar waa markii hore ee la doortay, marka kalena waa kadib markii ay geeriyootay Faadimah bint Rasuulillaah SCW oo ay horey arrini ka dhex dhacday iyada iyo Abuu Bakar Siddiiq. Arrintaasina ma ahayn mid sidaa usii buuran

Taasuna sababteedu waxay ahayd Faadimah ayaa weydiisatay Abuu Bakar inuu siiyo dhul istaraatiiji ahaa oo uu Rasuulka SCW lahaa. Abuu Bakarna waxuu usheegay in dhulkaasi uusan siinahayn, waayo buu yiri Rasuulka SCW ayaan horey uga maqlay isagoo leh:- Haddaynu nahay kulanka Ambiyada (yacni Nebiyada) nalamo dhaxla oo waxaynu ka tegnaana waa sadaqo. Faadimah way isaga tegtay Calina markaa inkastoo uu la mubaayicooday haddana waxuu ku mashquulsanaa dabiibinta iyo la tacaalidda Faadimah oo markaa xanuunsaneyd. Markiina ay geeriyootay dhimashadii aabaheed (Nebiga SCW) kadib muddo laga joogo 6 bilood, buu Cali mar kale jadiidiyey baycadii oo la mubaayacooday Abuu Bakar oo oo misna usoo jeestay la shaqeynta khaliifadii Rasuulka SCW. Waxaana arki doonnaa inuu Cali kamid ahaa Raggii ugu cad caddaa khilaadii Abuu Bakar.

Dhanka kale Abuu Bakar Waxuu ahaa mid ahlu beydka Rasuulka SCW si aad u weyneyn jirtay aadna u jeclaa, sidooy tahayna wuxuu ahaa mid ku ad adag kitaabka iyo xukunka Alle,oo waxuu ahaa mid ku qayidan kitaabka Alle iyo sunnaha Rasuulka SCW.

Haddaba Abuu Bakar markii la doortay waxuu goobtaa ka jeediyey khudbo gaaban oo misna aad u qiimo badan. Khudbaddiisaasi waxay ahayd sida tan:

Dadoow! anigu waala iiga kiin madax dhigay, mana ahi kiinnii idinkugu kheyrka badnaa. Iigu gargaara haddii aan toosnaada, haddii aan gafana i qabta. Runtu waa amaanoo beentuna waa khiyaano, kiinnii daciifka ahina agteyda awood buu ku leeyahay jeer aan xaqiisa siiyo. Kiinnii ugu awoodda badanna agteyda wuu ka itaal daranyahay jeer aan xaqa kasoo qaado. Majirta umad ka tegto jihaadko illaa Alle wuu dulleeyaa.

Diriddii Ciidanka Usaamah

Haddaba markii la doortay Abuu Bakar waqtigaasi Muslimiinta waxaa soo wahajday arrin adag oo qabaa’ilkii oo idil baa ka baxay diinta Islaamka geeridii Rasuulka SCW ka dib, qaar kalana waxay diideen inay bixiyaan sakadii oo waxay ku andacoodeen in sakaba lagu lahayn mar hadduu Rasuulkii SCW dhintay. Dadku waxay u qaybsameen kuwa nifaaq ka buuxay oo dhimashadii Rasuulkuba SCW ay ku noqotay bishaaro iyo guul ay heleen iyagoo markaana ay neeftii nifaaqa kasoo go’day. Kuwaasi si deg deg ah bay ku ridoobeen. Iyo kuwa iyagu Nebinnimo sheegtay oo iimaanlaawayaal ahaa oo been badnaa sida Museylama Al Kaddaab iyo Aswad Al Canasi iyo kuwa kale. Waxaa sidoo kale jiray kuwa iyagu noqday dameer dhaan raacday oo odayaashoodii daba naashleeyey jeer ay qaarkood jahannama ula safreen, iyo kuwa islaamka ku sugnaaday hase ahaatee diiday sakada inay bixiyaan sidaynuba soo xusnay. Xaaladdaasi cakiran iyo jawigaasi foosha xun baa hor istaagay Abuu Bakar, waxuuse uga gudbay caqligiisii iyo Illaah oo garab istaagay, heer muddadii koobneed ee khilaafadiisa uu jaziiraddii oo idil sifeeyay oo nadiif ka dhigay, kuna soo celiyey gacantii Islaamka.

Waxaa Islaamka ku sugnaaday magaalooyinkii Madiina, Makka iyo Dhaa’if iyo qaryo kutiillay Baxreen oo la oran jiray Jawaatha. Jawaatha waxay noqotay qaryadii ugu horreysay ee salaadda jimcaha lagu oogo kadib markay dadkii xaqa usoo noqdeen oo Islaamka usoo laabteen.

Xaaladdu waxay noqotay mid daran oo qaraar. Sidaa oo ay tahay waxaa jiray ciidan yara culus oo ciidankii Islaamka ahaa oo malaha edbin lahaa kuwii riddoobay, xaaladda qallafsanna ka saari lahaa umaddii Islaamka. Ciidankaasi waxuu ahaa cududdii Islaamka oo waxuu ahaa ciidankii Usaama bin Zeyd uu Rasuulka SCW horey ugu diyaariyey inay ku duullaan dhulka Shaam. Ciidankaasi markaa iyada ahi waxaa ku jiray Abuu Bakar Siddiiq, Cumar bin Khadaab iyo odayaashii asxaabta. Waxay ku hakadeen ciidankii goobta Jurfa markii uu Rasuulka SCW xanuunsaday oo sakaraadka qabtay. Waqtigaasina waxuu salaaddii amray Rasuulka SCW inuu dadka tujiyo Abuu Bakar oo ciidankii kasoo reebay. Usama bin Zeyd markaa waxuu ahaa 17 jir ama 18 jir. Haddaba intuusan Usaama bixin buu Rasuulka SCW geeriyooday, kadibna waxaa la doortay Abuu Bakar. Markii Abuu Bakar la doortay oo qabaa’ilkii Madiina hareeraheeda deganaana ay diinta ka baxeen bay qaar kamid saxaabadii oo ay kamid ahaayeen Abuu Ayuub Al Ansaari, Abuu Dardaa Al Ansaari, Cumar bin Khaddaab iyo kuwa kale baa Abuu Bakar u tilmaamay in ciidanka Usaama la dirin maadama xaaladda magaallada ay cakirantahay oo reer miyigiina ay doonayaan inay soo weeraraan.

Waxay yiraahdeen iyagoo arrintaasi Abuu Bakar kala hadli:- Oo maxaad ciidanka Usaama u direysaa iyadoo Carabi riddoowday guud ahaan iyo gaar ahaan qabiilladii oo idil, iyadoo xidiggii nifaaquna uu bidhaammay, Yahuuddii iyo Nasaaradiina ay kacday oo Muslimiintiina ay yaraadeen, cadawgooduna batay?

Abuu Bakar wuu diiday waxaan ka ahayn inuu diro ciidankii Usama, oo waxuu go’aansaday in la diro oo waxuu tilmaamay inuusan daw ku lahayn inuu celiyo ciidan uu horey Rasuulka SCW u diray iyo in weliba uu hoggaanka ciidanka ka baddelo Usaama oo ahaa nin uu horey Rasuulka SCW u magacaabay. Kaasoo markaa ka hor dadku qaarkiis ay yiraahdeen halaga bedallo hoggaanka ciidanka. Arritaasina waxay la direen Cumar si uu Abuu Bakar u gaarsiiyo, hase ahaatee Cumar waxuu kala kulmay agta khaliifkii Rasuulka SCW caro iyo canaan kulul. Markii uu Cumar Abuu Bakar gaarsiiyey warka ah in odayaasha saxaabadu ay Abuu Bakar ka dalbanayaan in ciidanka laga badallo hoggaaminta Usaama, ntuu Abuu Bakar si aad ah u carooday ayuu Cumarna ku canaantay. Dabeeto Abuu Bakar waxuu amray in uu baxa ciidanka Usaama, asagiina wuxuu abbaaray xeradii ciidanka ee Jurfa bal si uu u sogootiyo oo u lana dardaarma. Intaasi kadibna waxuu u diray dhankii Shaam oo ah halkiii uu Rasuulka SCW horey ugu cayimay, waa goobtuu horey Rasuulka SCW ugu diray ee Daaruum iyo Bulqaa, waxuuna amray inuu gaaro goobtii aabahii Zeyd iyo Jacfar iyo raggii Mu’ta lagu dilay. Waxaa kaloo uu Abuu Bakar Usaama amray in uu la tashado ragga akhyaarta ah ee saxaabada oo ay kamid ahaayeen Abuu Ayuub Al Ansaari, Abuu Dardaa iyo kuwa kale oo badan. Wuxuu intaa dabadeed ka codsaday inuu Cumar ka reebto bal si uu xaaladda ugula tashado, isagiina wuu ka yeelay.

Abuu Hureyrah Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri:- Illaah baan ku dhaartaye uusanna jirin Illaah kale isaga mooyaane, haddii Abuu Bakar la doortay Alle inaan la caabudeyn. Mar kowaad iyo mar labaad iyo mar saddexaad buuna yiri sidaa. Waxaa lagu yiri:- Oo sabab Abaa Hureyroow!? Waxuu yiri:- Rasuulka SCW baa Usaama u diray dhanka Shaam isagoo madax u ah ciidan 700 ah, markiina ay degeen goobta Dii Khashab baa Rasuulka SCW la oofsaday, dabeetana Carabtii hareeraha Madiinana ay wada riddoobeen. Markaa bay asxaabtii Rasuulka SCW isaga (Abuu Bakar) u tegeen oo ku yiraahdeen:- Abaa Bakaroow! celi oo ha dirin ciidankan ku wajahan dhanka Ruum iyadooy Carabtii hareeraha Madiina oo idili riddoobeen. Markaasuu Abuu Bakar yiri:- Allihii Illaah isaga kasokeeya uusan jirin baan ku dhaartaye! haddii ay eeyahu hoos or-ordayaan lugaha hooyooyinka Mu’miniinta yacni dumarkii Rasuulka SCW hoostooda, marna celin mahayo ciidan uu Rasuulka SCW diray oo mana siibaya calan uu Rasuulka SCW xiray.

Bal fiiriya iimaankii Abuu Bakar halkuu gaarsiisanaa, waxay ahayd xilli ay xaaladdu cakirneed, waxuuna wax waliba ka hor mariyey inuu fuliya howshii uu Rasuulka SCW qabyada uga tegay. Maadaama uu horey Rasuulka SCW u diray ciidankaasina waxuu Abuu Bakar aaminsanaa inuusan marnaba hoogayn oo Alle guul iyo wanaag ku dhammeyn doona. Waxuu sogootiyey ciidankii oo la dardaarmay, gaar ahaanna waxuu la dardaarmay Usaama oo guul iyo kheyrna Illaah uga baryey, waxuuna amray inuu la tashto ragga akhyaarta saxaabada ah. Haddaba ciidankii wuu baxay. Qoom kastooy sii maraanna waxay lahaayeen:- Haddii aanay dadkan (Muslimiinta ahi) awood lahayn ma aanay soo diri laheen ciidanka intan dhan. Waxayna is oranayeen bal isku eega iyaga iyo Ruumaanka oo haddii laga adkaado waa sidaanu rabnay, haddaysa adkaadaan u noqda wixii aad horey uga baxdeen (Islaamka).

Dhanka kale waxay taasi fajac iyo yaab ku noqotay boqortooyadii Ruumaanka ciidanka dhulkooda waqtigan kusoo duulay iyadoo weliba saaxiibkood (Muxammed SCW) uu geeriyooday, waxayna arrintaasi ku ridday Ruumaanka niyad jab, rucbi iyo argagax oo way jabeen, markaa bay Muslimiintiina khalqi badan ka dileen, waxna ka soo qaniimeysteen iyagoo bad qabana magaaladoodii Madiina kusoo laabteen muddo 40 ama 60 casho ah kadib.

Waxuu ciidankan Usaama ku tusin heerkii iimaanka Abuu Bakar uu gaarsiisana, sidooy tahayna waxuu Abuu Bakar ahaa mid ay ku weynayeen amarrada Rasuulka SCW oo wax waliba ka hor marin jiray fulintooda. Sidaa darteed buuna marna aaminsaneyn inay arrin uu Rasuulka SCW horey u falay inaysan ku dhammaaneyn waxaanan kheyr ka ahayn. Haddaba ciidankii Usaama waxuu ahaa dharbaaxo ka yaabisan quwaddii Ruumaniska oo yaab iyo amakaag ku noqotay heer uu boqorkoodii yiri:- Oo waa maxay kuwa kan ee saaxiibkood geeriyooday oo baladkayagiina kusoo duulaya? Arrintaasi wax lala yaabo ma aysan ahayn oo Abuu Bakar waxuu ahaa nin muddo la soo dhaqmayey Rasuulka SCW, waxuu ahaa mid uu Rasuulka SCW soo tarbiyeeyay.

Dhanka kale ciidankii Usaama waxuu yaab iyo amakaag ku riday kuwii diinta ka riddoobay oo qaarkood markay arkeen ay dib ugu soo laabteen Islaamka, waxayna ahayd guul iyo lib isoo hoyatay Islaamka.

La Dagaallankii Dadkii Riddoobay & Kuwii Sakada Diiday

Waxaynu soo xusnay in markii Rasuulka SCW la oofsaday Carabi ay riddowday oo xiddiggii nifaaquna uu Madiina ka bidhaamay, heer ay qaar kamid ah dadkii daganaa magaalada hareeraheeda ay damceen inay soo weeraraan magaallada oo ay ka faa’ideystaan fursaddii dahabiga ahayd ee ay ciidankii Usaama magaalada kaga maqnaayeen. Haddaba markaa bayna qaar kuwaa kamid ahi Nebinnimo sheegteen oo markaasi Museylama Al Kaddaab reer banii Xaniifa badankoodii la go’ay, oo ay iyagiina indha la’aantiisii ku raaceen. Sidaa si lamid ahna waxaa Nebinnimo sheegtay Aswad Al Canasi oo Yemen ku sugnaa oo kala eryay masuuliyiintii halkaa Rasuulka SCW u joogtay, dabeetana waxay yimideen masuuliyiintaasi magaalladii Madiina.

Runtii waxay ahayd goor ay xaaladdu adkeyd oo Muslimiinta meel waliba uu cadawgooda ka jiray. Waxaa kaloona Nebinnimo sheegtay Julundaa Al Usdi saaxiibkii reer Cumaan, Dhuleyxa bin Khuweylid Al Asdi iyo Sujaax bint Xaarith At Taqlabiyah. Qaar kale waxay diideen inay bixiyaan zakadii, hase ahaatee acmaasha kale sidooda caadiga ah bay ula yimaadeen. Dhammaan dadkaasu iyaga ahi Abuu Bakar isku si ayuu ula dagaallamay, inkastoo uu isku meel dhigin oo qolaba si goonni ah uu xaqeedii umiisay, mise zakado ha diido ama yaanay diidine, waxuuna go’aansaday inuu ku duulo ka hor intaysan kusoo duulin kuwii deganaa hareeraha Madiina. Guud ahaanna waa kuwa qabaa’ilkii riddoobay iyo magacyadooda.

  1. Waxaa riddoobay banii Asad iyo Qadfaan oo madax ka dhigtay Dhuleyxa bin Khuweylid oo isagu Nebinnimo sheegtay.
  2. Waxaa kaloo riddoobay Kindah iyo intii soo raacda oo uu madax uyahay Ashcat bin Qeys Al Kindi.
  3. Sidoo kale waxaa riddoobay Mudxij iyo inta soo raacdo oo uu madax u yahay Al Aswad bin Kacab Al Canasi oo Yemen ku sugnaa, sheegtayna Nebinnimo.
  4. Waxaa kaloo riddoobay Rabiicah oo uu hoggaamin Macruur bin Nucmaan bin Al Mundir.
  5. Banii Xaniifana iyana wey riddoobeen, waxaana madax u ahaa saaxiibkood Museylama bin Xabiib (Museylama beenaale) oo Nebinnimo sheegtay.
  6. Waxaa riddoobay banii Saliim oo uu hoggaaminayey Al Fujaa’ah oo magaciisa saxda ahna la oran jiray Anas ama Ilyaas bin C/Yaaleel.
  7. Banii Tamiimna qaar kamid ah ayaa riddoobeen iyadoo ay hoggaamineyso haweeney la oran jiray Sujaax oo Nebinnimo sheegatay, taasoo ka dhalatay reer Taqlab.
  8. Waxaa sidoo kale riddoobay reer Cummaan oo uu hoggaaminyey nin la oran jiray laqabkiisu Dut-taaj magaciisuna uu ahaa Laqiid bin Maalik, waqtigii jaahiligana loo yaqiinnay Julandaa. Waxuu ninka kan sheegtay Nebinnimo.
  9. Sidoo kale waxaa riddoobay reer Baxreen, oo madax ka dhigtey Mundir bin Nucmaan

Haddaba waxaa Abuu Bakar is hor taagay Cumar bin Khaddaab oo ku yiri:- Khaliifkii Rasuulkoow! oo sideed ula dagaali qoom salaaddii tukan oo soomi xajkuna tegi? Ma Carab oo idil baanu la dagaallami karnaa? Waxuuna dhanka kale tilmaamay in kuwaasi la barbar dhigin kuwan iyagu riddoobay, oo misna waxuu tilmaamay in xaaladdu ay cakirantahay oo aanay suuro gal ahayn in Carab idil baa lala dagaallami la yiraahdo. Abuu Bakar waxuu yiri isagoo Cumar u jawaabaya:- Oo ma waxaad ahayd mid ad adag oo xoog wax ku maamusha waqtigii jaahiliga, haddana ma waxaad noqotay mid Islaamka ku dabacsan oo taag daran? Waxuu kaloo yiri:- Illaah baan ku dhaartaye waan la dagaallami ciddii kala geyso salaad iyo zako, oo waan la dagaallami ciddii ii diiddo dabar ama waxar ay Muxammed SCW siin jirtay.

Markaa iyada ahi oo Madiina loo wada baqayey, ayuu Abuu Bakar Siddiiq amray qaar kamid ah madaxdii iyo raggii ugu sar sareeyay dowladdii islamka inay hareeraha magaallada difaac culus ka galaan raggaana waxay kala ahaayeen C/Raxmaan bin Cowf, Cali bin Abii Daalib, Zubeyr bin Al Cawaam, Sacad bin Abii Waqaas, Dhalxa bin Cubeydillaah iyo C/llaahi bin Mascuud. Waxaa kaloo uu amray in masjidka heegan lagu noqda. Sidaa darteed qof kastoo hub qaad ahi masjidkuu seexan jiray. Waqtigaasina waxay ahayd markii ciidankii Usaama uu maqnaa.

Kadib Abuu Bakar waxaa u yimid wafti kasocday banii Asad, Dhayi iyo Qadfaan iyo reer miyigii kalee qallafsanaa. Waxay markii hore u tegeen Al Cabbaas bin Cabdimudalib oo isagu u geeyay Abuu Bakar. Markaasay iyana Abuu Bakar ka dalbadeen in aysan zako bixin oo aananba lagu lahayn wax zako ah mar haddii uu Rasuulka SCW geeriyooday. Abuu Bakar wuu kadiiday arrinkaasi. Markaasay laabteen oo tolkoodii aadeen. Abuu Bakar Muslimiintii ayuu u sheegay raggaasi inay usoo bandhigeen in zakada laga dhaafo oo aanan wax zako ah lagu lahayn, wuxuuna sidoo kale u sheegay inuu arrintaasi ka diiday. Waxaa kaloona uu usheegay inay raggu u arkeen reer Madiina kuwa itaal yar oo aanan awood lahayn, waxuuna amray inay hubkooda diyaarsadaan heeganna ay ku noqdaan masjidka, waayo lamo hubo buu yiri dharaar ama habeen kolkay idinku soo duuli lahaayeen.

Haddaba waxaa dhacday siduu Abuu Bakar horey u tilmaamay oo reer miiyigii waxay tolkoodii ula tegeen khabar ah in uusan Madiina joogin wax ciidan ah, ciidankii weynaa ee magaaladuna uu jira Shaam. Markaa bayna kusoo duuleen magaalladii iyagoo fursaddaasi ka faa’ideysanaya. Waxay soo kala degeen goobaha Dul Xisaa iyo Dul qasaa oo magaalada Madiina wax yar u jira qayaastii.

Abuu Bakar waxuu soo kallahiyey goor aroor ah cidamadiisii oo uu dhanka midigtana u dhiibay Nucmaan bin Muqarrin, bidixdana C/llaahi bin Muqarrin halka uu gaadada dambee ciidankuna uu madax uga dhigay walaalkood Suweyd bin Muqarrin, waxayna labadii ciidan yacni reer miyigii iyo kuwii Muslimiinta isku heleen goobaha kala ah Dul xasaa iyo Dul qasaa oo qabaa’illaddii Carbeed si ba’an loogu jebiyey heer markii dambe ay dabada rogteen oo jihadoodii hore ku rooreen. Waxaana goobtii ku hoogay isbahaysatadii banii Dibyaan, Cabas, Murrah iyo gurmad uu usoo diray Dhuleyxa bin Khuweylid oo uu hoggaaminayey wiilkiisa Xibbaal bin Dhuleyxa bin Khuweylid. Intaa kadib Abuu Bakar waxuu kusoo laabtay magaaladii Madiina isagoo guul iyo qaniimana kasoo helay cadawgiisii. Markaana waxaa yimid magaallada Madiina qaar kamid ah raggii zakada loo diray, oo waxaa yimid gelinkii horee habeenkaasi Cadiyi bin Xaatim oo keenay zakada jihadii horey loogu diray, waxaana Abuu Bakar bishaarada zakadaasi soo gaarsiiyey C/llaahi bin Mascuud ama Abuu Qataadah Al Ansaari. Nuska dhexa ee isla habeenkaasi waxaa yimid Safwaan oo keenay zakada jihadii horey loogu diray, waxaana Abuu Bakar ugu bishaareyay imaanshaha Safwaan iyo zakaduba Sacad bin Abii Waqaas. Isla habeenkaasi aakhirkiisii waxaa yimid Zabarqaan bin Bader oo keenay zakadii jihadii loo diray oo ah qaar kamid ah tolkiisa banii Tamiim. Ninkii Abuu Bakar ugu bishaareyey imaanshaha Zabarqaan iyo zakadiisiina waxuu ahaa saxaabiga jaliilka ee C/Raxmaan bin Cowf.

Haddaba waxay ahayd guul iyo nasri uu Illaah usoo dejiyey addoomadiisa Muslimiinta ah goor ay xaaladdoodu cakirneed oo meel xun mareysay, oo hareerahoodii oo idil ay cadaw u noqdeen. Waxayna ahayd guushii ugu horeysay ee uu Abuu Bakar ka helo cadawgiisii, gaar ahaanna dadkii riddoobay. Arrimahaan oo dhamina waxay ku tusin heerkii uu joogay iimaankii Abuu Bakar oo horey ayuu u yiri:- Waxaan kula dagaallami amarka Alle jeer uu Alle inooga oofiyo ballantiisii, oo la dilo midkayagii la dili lahaa oo uuna dhinta isagoo shahiid ah kana mid ah ahlu Jannada, oo uuna haro kaayagii hari lahaa isagoo guul iyo liibaan helay.

Habeenkaa iyada ahi ee uu Abuu Bakar guusha la soo hoyday oo zakooyinkii qaar kamid ahna yimideen, waxay ahayd goor laga jooga geeridii Rasuulka SCW lixdan casho. Kadibna waxaa yimid ciidankii Usaama bin Zayd oo iyaguna Ruumaankii kasoo guuleysay. Abuu Bakar waxuu amray inay ku haraan magaallada oo ay nastaan maadama ay muddo maqnaayeen oo masaafo fogna ka yimideen. Wuxuuna markaasi kaxaystay ciidamadiisii kala soo dagaallamay Dulqasaa iyo Dulxisaa oo uu ku rogaal celiyey Dulqasaa si uu dhoolo tus ugu sameeyo goobtaas iyo nawaaxigeeda oo looga haybeysto, tanina waxay ahayd farsamo uu horey u baray saaxiibkiisii Nebi Muxammed SCW. Waxaa lagu yiri Abuu Bakar:- Oo maad dirto qof kale baddalkaaga? Wuuse ka diiday oo waxuu aaday dhankii Dul qasaa iyo Dul Xasaa iyadoo Nucmaan, Suweyd iyo C/llaahi ilma Muqarrinna ay sidoodii hore labada dhinac iyo gaadada dambe ee ciidanka masuul uga kala yahiin. Wuu socday Abuu Bakar jeer uu dul degay Ahlu Rabdah goobta Al Abraq, waxaana halkaa ku sugnaa koox kamid ah banii Cabas iyo Dubyaan iyo xayn kamid ah banii Kinaanah. Waxaa dhex maray dagaal, kaasoo uu Alle ku jabiyey Xaarith iyo Cowf, waxaana lasoo qabtay Al Xadhiinah oo shaacir caan ahaa qafaal ahaan, markaa bayna Banii Cabs iyo Bakar kala firxadeen, Abuu Bakarna goobtaa waxuu ku sugnaa muddo oo dabeetana magaaladiisii kusoo laabtay kadib markuu Cabas iyo Dubyaan ka faaruqay, isagoo bad qabo soona qaniimeystay ayuuna yimid mar kale.

Abuu Bakar Oo Mar Kale Joogo Dilqassaa & Dhisiddii 11-Ka Ciidan

Markaa iyada ahi waxay ahayd goor uu yimid ciidankii Usaama, Abuu Bakarna uu soo edbiyey dadkii riddoobay ee hareeraha magaallada deganaa. Markaa buuna damcay inuu ciidamadii Muslimiinta isku dhafo oo ciidan culus diyaarsada, kuwaasoo uu isagu laf ahaantiisu hoggaanka uqabto, waxayna ahayd goor ay nasteen oo ay degeen ciidankii Usaama ee masaafada fog ka yimid. Abuu Bakar markaa ayuu seeftiisa galka kala baxay oo isku diyaariyey la dagaalanka dadkii diinta ka riddoobay, oo waxuuna kaxaystay ciidankii Madiina guud ahaan oo wax yarna uga tegay magaalada si ay u difaacaan, waxuuna abbaaray dhankii Dulqasaa oo ah meel Madiina udhaw loogana socda qayaastii dhowr iyo soddon km. Markii uu Abuu Bakar magaallada ka baxayey ayuu Cali ku dhegay hoggaankii daabbadii Abuu Bakar Siddiiq oo ka dalbday inuusan isagu bixin oo uu booskiisa ciidanka masuul uga dhigo nin geesi ah oo halyeeyada Muslimiinta kamid ah, oo haddii kaa la dilana uu markaa mid kale magacaabi karo, laakiinse ayuu yiri Cali:- Haddii lagu dilo Khaliifkii Rasuulkoow!! SCW dowladdu nidaam yeelanmeyso oo kala dambeyntii baa meesha ka baxayso oo Muslimiintuna niyad jab weyn baa ku imanayo. Sidaa si lamid ahna qaar saxaabada kamid ah baa Abuu Bakar kula taliyeen. Kadib buuna Abuu Bakar ku qancay fikraddaa quman ee uu Cali usoo jeediyey iyo weliba qaar kamid saxaabada ay usoo jeediyeen. waxuuna dhisay kow iyo toban ciidan oo ciidan waliba uu u xiray calan uuna uyeelay amiir, waxayna ahaayeen 11-kaasi ciidan sida tan:

  1. Waxuu diray Khaalid bin Waliid oo uu u diray dhanka Dhuleyxah bin Khuweylid.
  2. Waxuu misna diray Cikrimah bin Abuu Jahal oo uu udiray dhanka Museylama bin Xabiib (Museylamah Al Kaddaab) oo isagu ku sugnaa Yamaama.
  3. Waxuu kaloo diray Shuraaxbiil bin C/llaahi (Ibnu Xasanah) oo uu ku diray raadkii Cikrimah iyo dhankii banii Xaniifah iyo weliba qaar kamid ah Qudaacah.
  4. Muhaajir bin Abuu Umayah-na waxaa uu u diray dhanka Yemen iyo Aswad Al Canasi iyo weliba si uu ugu gargaaro qolooyinka Al Abnaa- * layiraahdo.

*Al abnaa-gu waa dadkii yimid Yemen waqtigii Seyf bin Diiyazin Al Ximyari uu madaxa ka ahaa Yemen oo idil, waqtigaasoo uu dagaallo kula jiray xabashidii dhulkooda soo weerari jirtay, markaa buuna Seyf bin Dii Yazin u tegay boqorkii Ruum si uu uga gargaaro oo uga hiilliyo Xabashidan nafta u keentay. Hase ahaatee boqorkii Ruum waa uu ka diiday arrintaasi sabab darteed ay isku diin ahaayeen isaga iyo Xabashida oo Nasaaro bay isla ahaayeen. Markaa buu Seyf bin Dii Yazin u tegay boqorkii Kisraa ee waqtigaa Furus xukumi jiray oo weydiistay gargaar iyo inuu ciidan ku caawiya. Markaa buu kusoo daray koox Faarisiin ah oo Xabashidii ka saartay dhulkii Yemen, dabeetana way degeen oo Carabtii bay ka guursadeen, markaa bay hanaankii Carabta yeesheen oo luuqaddiina si wacan u barteen, kadib carruurtii ay ka dhaleen Carabta ayaa loo yaqiinnay Al Abnaa oo waxay ahayeen dad iyagu kusugnaaday Islaamka. Waxayna degnaayeen Yeman. Aswad Al Canasi ayaana dhibaatooyin ku hayey.

  1. Khaalid bin Saciid bin Al Caas Al Umawina waxuu u diray bariga Shaam.
  2. Camr bin Al Caas bin Waa’il As Sahmina waxuu u diray qeyb kamid ah Qudaacah iyo Wadiicah iyo Xaarith.
  3. Xudeyfah bin Muxsin waxuu udiray Ahlu Dubaa.
  4. Dharfah bin Xaajib-na waxuu u diray dhanka banii Saliim iyo intii soo raacdo oo kamid ah Hawaasim.
  5. Suweyd bin Muqarrin Al Muzani waxuu u diray Tihaama oo kamid ah Yemen.
  6. Curfajah bin Harthama Al Baaruqiyu waxuu u diray dhanka reer Mahrah.
  7. Calaa bin C/llaahi bin Dammaad Al Xadrami-na waxuu u diray dhanka Baxreen.

Kadibna Abuu Bakar waxuu ciidan waliba amiirkooda u dhiibay warqad si uu ugu dul akhriyo jamac kasto oo uu sii marabo oo uuna xagga Alle ugu yeero. Waana tan nas kamid ah warqaddii uu Abuu Bakar u qoray dadkaas:

Ku billaabid magaca Allaah Naxariis guud iyo mid gaarba Naxariista

Ka:- Abuu Bakar Siddiiq- Khaliifkii Rasuulka Alle SCW.

Ku:- cid kastoo ay gaarto warqadeydan guud ahaan gaar ahaan kuwii ku sugnaaday Islaamka ama ka laabtay.

Nabadi ha ahaato dusheeda ciddii raacda hanuunka oo aanan u noqon hanuunka kadib baadi iyo hawo.

Oo waxaan ku mahadin Allaaha uusan jirin Alle kale isago mooyaan. Waxaana qiri inuusan jirin mid xaq lagu caabbudo oo aanaan isaga ka ahayn, xaal uu yahay kali oo uusanna jirin wax cibaadada lala wadaajin karo. Oo Muxammedna SCW uu yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii SCW. Waxaanu ku raalli noqoneynaa waxuu la yimid, oo aanna ku kufrineynaa waxii uu diiday oo waanuna la jihaadeynaa.

Intaa kadib.

Allaah baa Muxammed SCW kala soo diray agtiisa xaq, oo una soo diray dhanka khalqigiisa si uu dadka ugu bishaareeyo (inta rumeyso) uguna digo (inta ku kufrida). Oo waxuu kaloo (Alle) usoo diray (Muxammed) inuu dadka ugu yeero xagga Alle iyo jidka iftiinka badan (ee xaqa ah iyo Islaamka), si uu ugu digo inta nool qowlkuna (yacni cigaaqbta Alle iyo cadaabta) uu ugu waajibo gaalada dushooda. Oo uuna Alle xaqa ku hanuuniyo cidda ajiibto, oo wuuna la dagaallamay Rasuulkii Alle SCW cid kastoo ka jeesatay xaqa jeer uu Islaamkii noqday mid ay tadawac kusoo galaan ama qasab. intaa dabadeedna Alle baa oofsaday Rasuulkiisii SCW, isagoo kasoo baxay xilkii Alle, gutayna wixii dushiisa ahaa. Taas iyada ahina (yacni geerida Muxammed SCW) Alle wuu u caddeyay oo sidoo kalena wuu u caddeeyay dadka Islaamka ah, waxuuna ugu caddeeyay kitaabkiisa Quraanka ah oo waxuu yiri:- Adigu waad dhiman doontaa (Muxammadoow SCW !) iyaguna way dhiman doonaan. ( Suuratu Zumar aayadda 30aa).

Wuxuu kaloo yiri:- Ma aanan yeelin bashar (yacni Aadami) adiga kaa horeeyay inuu waaro, ee ma marka aad adigu dhimato bay iyagu waari doonaan? ( Suuratu Ambiyaa aayadda 34aad).

Oo misna waxuu Mu’miniintii ku yiri:- Muxammed (SCW) ma uusan ahaan waxaan Rasuul ka ahayn, ay tegeen hortii Rusullo, ee ma marka uu dhinta ama la dilo baad u noqoneysaan ciribyadiini (gaallimadii hore) ? Kiinii kastoo dib ugu laabto ciribtiisii hore, Alle wax uu yeeli karaa ma jirto, oo Illaahayna wuu abaal marin doonaa kuwa ku shukriya. (Aali-Cimraan aayadda 144). Haddaba qofkii ay ka ahayd inuu caabbudo Muxammed, haddaba Muxammed SCW dhimay, qofkiise ay ka ahayd inuu caabbudo Allaah, Alle waa uu noolyahay oo dhiman mahayo, mana qabtaan lumo iyo hurdo toona, waana ilaaliyaa amarkiisa, kana cad goostaa cadawgiisa.

Haddaba anigu waxaan idiin dardaarmi cabsida Allaah iyo inaad ka qaadataan saamigiinnii iyo nasiibkii aad ku lahaydeen, iyo waxii uu idin la yimid Nebigiina SCW, iyo inaad weliba ku hanuun dalabtaan hanuunkiisii, oo waxaanna idiin dardaarmi inaad qabsataan oo aad u hoggaansantaan diinta Allaah SW, cidkastoona uu Alle hanuunin waa mid baadiyeysan, ruuxkastoona uu Alle u gargaarin waa mid dulleeysan, qof kastoona Alle sokodii ka raadiyo hanuun waa mid baadiyeysan, oo waxuu yiri Alle Sarreeye:- Oo Ruuxuu Alle hanuuniyo ayunbaa ah kan hanuunsan, cidduuse Alle lumiyo (yacni baadiyeeyo) u heli meysid qof u gargaaro oo hanuuniyo. (Suuratu Kahfi aayadda 17aad).

Waxaa isoo gaaray ka noqoshiinnii diinta ee qaar idinka mid ahi ay ka noqdeen, kadib markii aad islaannimada ku qanacdeen oo aadna ku kadsoonteen Rabbiggiin Allaah iyo idinkoo jaahil ka ahna aad fasheen falkaa ( ka noqoshada diinta Islaamka ) oo aadna ajiibteen Sheydaan. (Waxuuna qoray aayadda 50aad ee Suuratu Kahfi, oo misna qoray aayadda 6aad ee Suuratu Faadir).

Waxaan xaggiinnii usoo diray ciidan ka kooban Muhaajiriin iyo Ansaar iyo intii wanaagga ku raacday, waxaanna amray inaysan cidina ka aqbalin waxaan ka ahayn rumeynta Allaah, oo ayna qofna dilin jeer ay marka hore ugu yeeraan xagga Allaah Sharaf badne oo weyne. Haddii ay ajiibaan oo ay ku raalli noqdaan, oo ayna la yimaadaan camallo suuban waa uu ka guddoomi oo yacni ka yeeli oo wuuna ugu gargaari. Haddaysa diidaan wuu la dagaallami illaa uu ka fulo amarka Allaah. Cid kastoo uu awood uyeeshana inuu qabta ka fakan maayo, oo waxuu ku gubi dabka, oo layn yacni dili, oo waxuuna ka kaxaysan dumarka iyo hantidooda (carruurtooda iyo maalkuba), kana yeeli mahayo qofka waxaan ka ahayn Islaamka. Haddaba ciddii raacda, sidaa baa u wacan oo u kheyr badan, ciddiise iskaga tegto (oonan yeelin) Allaah caajis gelin mayso. Waxaan soo amray farriis sidahayga inuu ku dul akhriyo warqaddeydan jamac kastoo idinka mid ah.

Intaa waxay ahayd nas kamid ah warqaddii Abuu Bakar uu u diray dadkii diinta ka riddoobay , oo uu ku waaniyey xagga Allana ugu yeeray. Waxuuna warqaddaasi u dhiibay amiir kastoo kamid ah 11-kaas ciidan ee u baxayey la dagaallanka acdaada Allaah ee diinta ka riddoowday.

Abuu Bakar Siddiiq markuu ciidan diri waxuu amri jiray inaysan qayaano samayn oo aysan wax kala qarsan yacni markay qaniimooyinka helaan, oo aysanna ballanku jebin, aysanna doorin qofka markay dilaan kadib, oo aysanna dilin ilmaha yar yari, oo aanna la dilin oday waayeel ah hadduusan dagaallameyn, oo aanna geedda timirtana la jarin yacni geedaha iyo dhirtana yaan la jarin, oona la gubin, oo xoolahuna (macno darro) la gowracina mid ay u baahdaan inay quutaan mooyaan, oo ay udhawaanina yacni dilin kuwa qalwadahooda iyo kaanisadahooda Alle ku caabbudi.

Ciidamadii Khaalid oo Dhaqaaqay & Abuu Bakar oo Sagootinaya

Seydkii sanaadiidda, hoggaamiyihii geesiyaasha halyeeygii weynaa ee kamidka ahaa sanaadiiddii Muslimiinta Abuu Suleymaan Khaalid bin Al Waliid isaga iyo ciidankiisu markii ay dhaqaaqayeen oo uu Abuu Bakarna sogootinayey ayuu Abuu Bakar yiri:- Waxaan maqlay Rasuulkii Alle SCW oo leh:- Addoon iyo walaal tolnimo waxaa ugu wanaag badan Khaalid bin Al Waliid seef kamid ah seefaha Illaah ee uu ku salladay gaalada iyo Munaafiqiinta. Haddaba markii uu Abuu Bakar u dhiibay calankii Khaalid ayuu amray inuu ku baxa marka hore dhanka Khaybar si ay reer miyiga ugu maleeyaan inuu jiha kala usocda. Tanna waxay ahayd xeelad uu Abuu Bakar horey uga bartay saaxiibkiis Nebi Muxammed SCW. Intaa kadibna waxuu amray inuu marka hore aado dhanka banii Asad iyo Dhuleyxa bin Khuweylid, kadibna uu usii gudbo banii Tamiim. Dhuleyxah bin Khuweylidna waxuu ahaa markaa ugaaskii banii Asad, waxaa kaloona soo raacay banii Qadfaan oo ku biiray Dhuleyxah, waxaa kaloona kuso biiray banii Cabas iyo Dubyaan, banii Bujeylana waxay usoo direen ciidan si ay u caawiyaan Dhuleyxah, sidaa si lamid ahna banii Ghowth iyo banii Dhayi baa iyaguna u diray gurmad dhankii Dhuleyxa, markaasuu helay ciidan culus.

Markaa ka hor intuusan Abuu Bakar dirin Khaalid ayuu banii Dhayi u diray Cadiyi bin Xaatim Ad Dhaa’yi si uu tolkiisa ugu tego oo ka hor istaago inaysan Dhuleyxah haleelin oo markaa uusan ku dhicin jab in la halligo oo Muslimiintu laayaan. Markaa buuna Caddiyi u tegay tolkiisii oo amray in la baayacoodaan Abuu Bakar Siddiiq, iyagiina waa ay ka diideen oo ay yiraahdeen:- Lama baayactameyno Abul Fadal. Oo ay ula jeedaan Abuu Bakar. Markaasuu Caddiyi ku yiri:- Illaah baan ku dhaartaye waxuu idinla iman doonaa ciidan aanan ka suuleyn inay idinla dagaallamaan jeer aad ka ogaataan inuu isagu (Abuu Bakar) yahay Abul Fixil Al Akbar yacni dabqaadka ugu weyn. Sidaa buu Caddiyi ugu yeeri jiray xagga Alle iyo inay la baayactamaan Khaliifkii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Siddiiq jeer uu markii dambe soo dul dagay Khaalid bin Waliid oo ciidamadiisii hore ay ahaayeen halyeeyadii Ansaarta uuna hoggaaminayey Thaabit bin Qeys bin Shammaas Al Ansaari- afhayeenkii Rasuulka Alle SCW. Horey waxuu Khaalid u diray dhanka Dhuleyxah labo saxaabi oo kala ahaa Thaabit bin Aqram iyo Cukaasha bin Muxsin si bal ay Dhuleyxah ugu yeeraan xagga Allaah, iyagoo farriin sidayaal ah bayna u tegeen. Markiina ay u tegeen baa la dilay labadii saxaabi oo waxaa dilay Dhuleyxa iyo walaalkiis Salama bin Khuweylid.

Dagaalkii Buzaakhah

Markii ay ciidamadii Khaalid bin Waliid soo gaareen goobtii lagu dilay labadii saxaabi ee ergada ahaa oo waliba meydkoodii la warey ayay Muslimiintii arrintaa aad uga murugoodeen oo quluubtoodii baddashay. Markaa buu Khaalid u weecday dhankii banii Dhayi. Dabeetana waxaa kusoo baxay Caddiyi bin Xaatim oo horey Abuu Bakar ugu diray tolkiisa si uu uga hor istaago inay ku biiraan ciidanka Dhuleyxah, waxuuna Caddiyi yiri:- Khaalidoow!! ii kaadi illaa inta ay ugu cid dirsanayaan kuwoodii ka deg degay ee ku biiray Dhuleyxah si ay uga soo ceshtaan. Oo iyagu waxay ka yaabayaan haddii ay adiga ku raacaan (kuwan) inuu Dhuleyxa laayo kuwa la jooga ee u tegay, haddaba sidaa baan ka jeclahay inay ku deg degaan caddaabte. Markaa buu Khaalidna ka yeelay, oo markii ay muddadii saddexda casho dhammatayna baa waxuu Caddiyi la yimid 500 dagaalyahan ah oo tolkiisa kamid ah, kuwaasoo ah kuwii xaqa usoo laabtay, waxayna kusoo biireen ciidankii Khaalid bin Waliid.

Kadib Khaalid waxuu u weecday dhankii banii Judeylah, markaasuu Caddiyi yiri:- Khaalidoow! ii qabo maalmo, si aan ugu tego, waxay udhawdahay inuu Alle ka nabad geliyo naarta siduu banii Dhayi horey uga nabad geliyaye. Markaa buu Khaalidna ka yeelay. Markaasuu Caddiyina u tegay banii Judeyla oo xagga Alle ugu yeeray, jeer ay markii dambe soo raaceen, waxuuna ula yimid Khaalid isagoo ay la socdaan 1000 rakuubley ah oo kamid ah kuwii xaqa usoo laabtay oo Muslimay, sidii banii Dhayi oo kale bayna ku biireen ciidankii Khaalid. Sidaa darteed waxaa la yiraahdaa Caddiyi waxuu ahaa ninka ugu kheyr badnaa tolkiisa uguna baraka badnaa Illaahay haka raalli noqdee.

Dabeeto Khaalid wuu dhaqaaqay oo waxuu dhex degay buuraha Ajaa iyo Salmaa (Jibaal banii Dhayi) halkaasoo uu ciidankiisii ku dhisay.Kadibna waxay ku kulmeen isaga iyo Dhuleyxa goob la yiraahdo Buzaakha, qaar badan oo Carabta kamid ahna dib bay uga hakadeen oo waxay is yiraahdeen:- Bal isku eega labadan kooxood si aad u ogaadaan cidda adkaato oo guusha yeelato. Dhuleyxah markaa waxuu la yimid qoomkiisii iyo intii soo raacday oo kuwii xaqa ka indhaha la’aa kamid ah. Waxaana la socoday Cuyeynah bin Xisin oo 700 tolkiisa banii Fazaarah hoggaaminayey. Dhuleyxana waxuu maalintaa u xilsaaray ciidankiisa Cuyeynah si uu u dagaal geliyo, isaguna waxuu lahaa waxyi baa igu soo degi oo intuu go’ huwday buu meel fadhiistay. Saa mar waliba waxaa u imanayey Cuyeynah oo ku oranayey :- Ma kuu yimid Jabriil? Asaguna waxuu lahaa:- May. Markaa buu Cuyeynana ku noqonayey ciidanka oo uu dagaalka meeshiisii kasii waday. Sidaa buuna ugu soo noqnoqonayey jeer uu markii dambe Dhuleyxah yiri:- Haah! wuu ii yimid Jibriil. Markaa buu Cuyeynana su’aalay:- Oo maxuu ku yiri? Markaasuu Dhuleyxah tilmaamay inuu Jibriil u waxyooday inay jiri jireen qoomam hore, oo waxuuna yiri:- Waxuu igu yiri Jibriil:- Waxaa kuu ahaan doonto dhacdo aadan illaawi doonin. Markaa buu Cuyeyna yiri:- Waxaan fili inuu Alle ogaaday inay kuu ahaan doonto dhacdo aadan illaawi doonin. Dabteena intuu ciidankii u jeestay buu cod dheer ku qayliyey isagoo la hadlayo tolkiisa banii Fazaarah, oo waxuuna yiri:- Banii Fazaarooy!! inaga kaxeeyo. Markaa bay jabeen ciidankiina jabay oo Dhuleyxana inta faras u diyaar ahaa uu korey buu haweeneydiisii Nawaar-na uu awr diyaar u ahaa saartay buu dhankii Shaam u cararay. Ciidamadiisii way kala firxadeen, in badan oo kamid ahna waala laayey, qaar kalena waala qab qabtay. Markii ay dhaceen wixii dhacay oo helay Dhuleyxah iyo banii Fazaarah bay yiraahdeen banii Caamir iyo banii Saliim iyo Hawzaan:- Waxaanu geleynaa wixii (Islaamkii) aanu horey uga baxnay, oo aan rumeyneynaa Allaah iyo Rasuulkiisa SCW oo waxaanna isku dhiibeynaa xukunkiisa (Allaah) maalkayaga iyo naftayaduba. Dhuleyxah isagu waxuu ku degay banii Kalbi oo uu ku sugnaa deegaankooda illaa uu markii dambe xaqii usoo laabtay oo uu Makka cumro u tegay nolashii Abuu Bakar Siddiiq, kadibna waxuu ku biiray ciidankii Khaalid bin Waliid, oo wuu ka xishooday inuu Khaliifkii Rasuulka SCW hortiisa tego. Dhanka kale Abuu Bakar Siddiiq baa waxuu soo amray Khaalid inuu Dhuleyxah kala tashada arrimaha dagaalka hase ahaatee uusan masuuliyad u dhiiban. Tanina waxay ahayd mid kamid ah xikmaddii Abuu Bakar Siddiiq. Intaa kadibna Dhuleyxah waxuu ka qeyb qaatay dhul furashooyinkii dambe, oo uu raad weyn ku lahaa, sida Qaadisiyah iyo Nahaawunda, kaasoo uu ku shahiiday.

Ammaa Cuyeynah bin Xisin isagu waa lasoo qabtay qafaal ahaan waxaana la geeyay magaaladii Madiina oo Abuu Bakar baa loo geeyay isagoo labadiisa gacmood qoorta loogu xiray. Markiina magaaladii la geeyay isagoo sidaa u xiran, bay carruurtii Madiina guda galeen inay faraha ku dur duraan oo ay yiraahdaan:- Cadawgii Alloow! ma waxaad ka laabateen diintii islaamka? Markaa buu isagiina kujawaabayey :- Illaah baan ku dhaartaye horeyba maanan u rumeyn. Intaa kadib waxuu usoo laabtay Islaamka, Abuu Bakarna wuu ku manna sheegtay oo iska cafiyey. Sidaa si lamid ahna waxuu kumanna sheegtay Qurrah bin Hubeyrah oo ah mid kamid ah madaxdii ciidankii Dhuleyxah oo Cuyeynah horey loola soo qafaashay.

Khaalid bin Al Waliid baa qaar kamid ah asxaabtii Dhuleyxah weydiiyey wixii uu ku oran jiray waala ii waxyooday, markaa bay ka dalbadeen inuu saamaxo oo iska cafiyo hadday usheegaan yacnii oo uusan ku caroon, markaa buu ka yeelay oo ay iyana u sheegeen beentii iyo khuraafaadkii uu akhrin jiray, waxaa kalooyna u sheegeen bishaarooyin uu Dhuleyxa oran jiray:- Waxay boqortooyadeennu gaari doontaa Ciraaq iyo Shaam.

Kadib waxaa yimid wafdigii Qadfaan iyo Banii Asad oo ka dalbay Abuu Bakar cafis iyo iyagoo caddeyn inay xaqii usoo laabteen.

Dhacdo Kale

Dabeeto, intii carartay oo kamidka ahaa ciidankii Dhuleyxah baa inta is aruursaday waxay madax kadhigteen haweeney la oran jiray Ummu Zimmal Salmaa bint Maalik bin Xudeyfah. Waxay haweeneydaan ahayd mid kamid ah dumarkii Seydaaddii Carabta sidii hooyadeed Ummu Qirfah oo kale. Hooyadeed waxaa loosoo qaadan jiray tusaale sharafteedii darteed, taasooy ugu wacneyd wiilasheedii oo badnaa darteed. (Waxay wiilasheedu kala ahaayeen : Qirfah, Xakam, Jurraash, Zimmal, Xuseyn, Shariik, Cabdu, Zufar, Mucaawiyah, Xamal, Qeys iyo Lu’ayi) waxaana lagu sharfi jiray cisadii ay tolkeeda ku dhex laheed. Gabadhan Ummu Zimal waxay markaasi fuushay awr ay laheed hooyadeed oo Carabtu dhexdeeda ay is oran jireen:- Qofkii awrkeeda taabto waxuu heli doonaa 100 geel ah. Waa heerkii ay gaarsiisaneed darteed sharaftii ay Carab dhexdeeda ku lahayd. Waxay haweeneydan dadkii amartay oo ay ku boorisay la dagaalanka Khaalid bin Waliid, markaa baa waxaa kusoo biiray qolooyin ay kamid ahaayeen banii Saliim, Hawzaan iyo kuwa kale. Waxayna noqdeen ciidankeedii ciidan culus. Hase ahaatee Khaalid baa markuu maqlay si deg deg ah uga hortegay oo awrkeedii boqna gooyay, iyadiina dilay khalqi badanna ka laayey, kadibna guushii iyo khumuskii qaniimada (shan meeloodoo meel, 1/5) ayuu dhankii Abuu Bakar u diray.

Qisadii Al Fujaa’ah

Al Fujaa’ah magaciisa saxda ah waxaa la oran jiray Anas ama Iyaas bin Cabdillaahi bin Cabdiyaaliil bin Cumeyrah bin Khafaaf oo waxuu ka dhashay qolooyinka banii Saliim. Abuu Bakar Siddiiq baa ku gubay goobta Baqiic ee magaalada Madiina. Sababtuna waxay ahayd, ninkan intuu u yimid Siddiiq buu usheegay inuu Islaamay, waxuuna ka dalbaday in ciidan lagu daro, si uu ula dagaallamo dadkii riddoobay, markaa buu Abuu Bakarna ku daray ciidan. Markii uu ciidankii la dhaqaaqay buu cid waliba oo uu sii maraaba diley oo uma kala soocin ma Muslim baa mise gaal? Hantidoodana wuu ka dhacay , dhulkii buuna fasahaadiyey. Markii uu Siddiiq maqlay arrintaa ayuu amray in lasoo qabta ninkaas. Markii la keenayna waxuu amray in la geeyo goobta Baqiic oo la gubo, abaal marinta wixii uu falay darteed. Sidii baana la yeelay.

Qisadii Sujaax & Banii Tamiim

Banii Tamiim iyagu waxay isku khilaafeen amarradoodii markii ay dadkii riddoobeen, waxaana ay kala noqdeen, kuwa riddoobay oo diintii ka baxay, kuwa xaqii ku sugnaaday oo zakadii soo dhiibay iyo kuwa iyagu ka gaabsaday oo goostay marka hore inay ogaadaan halka uu xaalku ku dhibci doona. Iyagoo xaaladdaa ku sugan ayaa waxaa u timid haweeney la oran jiray Sujaax bint Al Xaarith bin Suweyd bin Caqfaan At Taqlabiyah. Waxay haweeneydaani ka timid dhanka jaziiradda oo waxayna ahayd mid kamid ah Carabtii Nasaarada ee jasiiradda.

Waxay Shujaax sheegatay Nebinnimo, waxaana la socday ciidan culus oo tolkeeda kamid ah iyo kuwii dhexda kasoo raacay, waxayna goosteen oo qorshahoodu ahaa inay ku duulaan Siddiiq iyo caasumaddii Islaamka ee Madiina. Markanna waxay ahayd xilli ay badatay sheegashada Nebinnimada. Markiina ay Sujaax iyo ciidamadeedii soo gaarteen deegaankii banii Tamiim ayay arrinteedii usoo bandhigay inay ajiibaan dadkii halkaa deganaa (Banii Tamiim) oo rumeeyaan oo ay raacaan, markaa baa waxaa raacay qaar kamid ah saadaaddii banii Tamiim, kuwaasoo ay kamid ahaayeen Maalik bin Nuweyrah iyo Cudhaarid bin Xaajib iyo kuwa kale, kuwa kaloo badanna way diideen. Kadib waxaa la go’aansaday in lawada dagaal galo. Hase ahaate dood iyo su’aal waxay ka istaagtay halkii howl laga billaabi lahaa, waxay markaa Sujaax soo jeedisay in lagu duulo Yamaama oo ay markaana Museylama dhankiisiina u qasadday.

Dadkeedii baa markaa ku yiri:- Ninkan (Museylama) arrinkiisu waa mid weyn oo aan la loodin karin. Hase ahaatee Sujaax waxay tilmaantay in Yamaama lagu duullo dagaal adagba ha noqotee, kadibna waxay tiri:- Wax dhib ah ma arkeysaan Yamaama kadib.

Kadib waxay u guureen dhankii Museylamah si ay ula dagaallamaan, oo markii uu Museylamana maqlay haweeneydaan iyo ciidankeeda kusoo fool leh buu aad uga naxay in dhulka Yamaama uu farahiisu ka baxo, sababtuna waxay ahayd dhanka kale ayaa waxaa dagaal kula jiray Thumaama bin Uthaal oo qaar kamid ah banii Xaniifa iyo ciidama kaloo Muslimiin ahna watey, dhanka kalena waxaa kor dagnaa Cikrimah bin Abuu Jahal oo horey dhankiisa loo diray oo Thumaama caawinayey iyo Shuraxbiil oo isaguna laga daba diray oo daba joogay Cikramah, hase ahaatee wax dagaal weyn ah ma uusan dhex marin weli ciidamadii Cikrimah iyo Museylamah, marka laga reebo inuu Cikramah deg degay dabeetana dib loosoo celiyey. Markaasina waxay sugayeen in uu soo gaaro ciidankii Khaalid ee Dhuleyxah iyo ciidamadiisii Buzaakha ku soo cunay.

Waayo ninkan Museylama waxuu ahaa nin ciidan badan haystay oo waxuu ahaa kii ugu sharta badnaa, waxaana lasheegaa in cadadka ciidankiisu uu dhamaa 40 000 (afartan kun) oo dagaalyahanno ah.

Isagoo Museylama arrimahaa la fajacsan siduu ku maareyn lahaa oo uu ku wajihi lahaa bay xaaladdii ku noqotay kadaroo dibi dhal. Waa tanna ay Sujaax oo hoggaamineyso qaar kamid ah tolkeeda banii Taqlab iyo intii soo raacda oo ay ku jiraan qaar kamid ah banii Tamiim ay soo dul degeen dooxada Yamaama, si ay Museylama faraha isu saaraan.

Kadib Museylamah waxuu u cid diray Sujaax si uu u la heshiiyo. dabeetana isagii baa aaday si uu ula soo naqaasho waxuuna kaxaystay 40 tolkiisa kamid ah. Markii uu u tegay oo ay labadoodii isku soo hareen buuna u bandhigay wax soo saarka dhulkiisa inuu bar kamid ah siin doona, kaasoo sida uu sheegay uu horey usiin jiray Qureesh (waxuu ula jeeda zakadii ay iska aruurin jireen waqtigii Islaamka) waxuuna ka dalbaday inay ka laabato, iyadiina waa ay ka aqbashay.

Kadib waxuu weydiiyey :- Maxaa laguu waxyooday?

Waxay tiri:- Ma tahay inay dumarku hor billaabaan, bal’ee horta adigu maxaa laguu waxyooday?

Kadib waxuu akhriyey khuraafaadkiisii oo ay iyadiina ku tiri:- Waxaan markhaati ka ahay in aad adigu Nebi tahay.

Kadib waxuu ku yiri:- Ma dooneysaa inaan ku guursado, oo qoomkeyga iyo qoomkaadu ay Carab oo idil cunaan (yacni ka adkaadaan)?

Waxay tiri:- Haah!.

Kadibna waxay la joogtay muddo 3 casho ah, waxayna ku laabatay qoomkeedii iyo deegaankeedii ay ka timid. Kadib markay usheegtay in la guursaday ayay ku yiraahdeen:- Oo maxaa meher ahaan laguu siiyey ?

Saa waxay tiri:- La ima siin wax meher ah

Waxay ku yiraahdeen:- Waa arrin ku fool xun mid adiga kula mid ah in lagu guursado meher la’aan. Kadib bay Museylama u soo cid dirtay si ay u weydiiso wixii uu meher ahaan ugu tala galay.

Markaasuu Museylamana ku yiri:- Waxaad ii soo dirtaa mu’addinkaada. Saa waxay u dirtay mu’addinkeedii oo la oran jiray Shabbath bin Ribciy.

Markii uu Shabbath u tegay ayuu Museylama yiri:- Waxaad ka dhex naadisaa qowmkaada Museylamah bin Xabiib Rasuulkii Alle inuu ka cafiyey dushooda labo salaadood oo kamid ah kuwii uu Muxammed (SCW) ula yimid. Waxuuna ula jeedaa labada salaadood ee kala ah Fajarka iyo Cishaaha dambe. Waxuuna yiri:- Waa kuwan (labada salaadood) ayaa meherkeeda. Lacnaddii Alle dushiisa ha ahaato’e.

Labadan salaadood xaqiiqdii waa labada salaadood ee ugu adkaanta badan Munaafiqiinta oo maba tukadaan, sida kusugan xadiis Nebiga SCW laga soo weriyey.

Sujaax waxay kulaabatay tolkeedii, markaana waxay ahayd markii ay maqashay soo galootiga Seeftii Alle- Khaalid bin Waliid uu soo galay qaybo kamid ah dhulkii Yamaamah.

Dilkii Maalik Bin Nuweyrah Al Tamiimi

Ninka kan- Maalk bin Nuweyrah waxuu kamid ahaa madaxdii banii Tamiim gaar ahaan jilibka uu ka dhashay ee reerYarbuuc. Jilibkaasi oo kamid ahaa banii Tamiim ayuuna ka dhashay, wuxuuna ahaa Zaciim banii Tamiim (duqii reer banii Tamiiim). Waa ninkii horey u rumeeyay Sujaax bint Xaarith soona raacay, isagoo tolkiisii banii Yarbuucna amray inay raacaan una gar gaaraan haweeneydan Nebinnimada sheegatay. Haddaba markay Sujaax maqashay soo galootiga Khaalid oo ay dhulkeedii ku laabatay, baa arrintaa waxay dhibtay Maalik bin Nuweyrah oo aad uga shallaayey falkii uu sameeyay. Waxaa deegaan u ahaa goob Al Badhaax, oo uu deganaa. Markaa buu Khaalid dhankiisii aaday. hase ahaatee Ansaartii baa ka gaabsatay inay raacaan, waxayna yiraahdeen:- Annagu gudannay wixii Siddiiq uu na soo amray. Khaalidse waxuu u caddeeyey inaysan jirin warqad uga timid dhanka Khaaliifada Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Siddiiq, arrintana ay tahay fursad qaali ah oo lagama maarmaan ah in la fuliyo, waxuuna xasuusiyey inuu isagu yahay amiirka ciidankan oo uu arrintaa goostay inuu Al Badhaax ku duulo, waxuuna u caddeeyay inuusan cidina ku qasbahayn inay raacdo.

Kadib Khaalid waxuu u jiheystay dhankii Al Badhaax isaga iyo ciidankiisii, markii uuna laba maalin socday ayaa waxaa ka daba yimid, ergay kasocday dhankii Ansaarta oo dalbanaya in loo suga Ansaarta oo kusoo daba jirta, si ay ugu biiraan ciidanka. Markiina ay Ansaartii yimideen, baa la is wada raacay oo Khaalidna markuu Al Badhaax gaaray ayuu diray wardoonno iyo sirriyaad, waxuuna amray marka hore in xaqa loogu yeero reer Baddaax. Waxaa markaasi rumeeyay in badan oo kamid ah banii Tamiim, kuna qaabilay maqal iyo adeecid, hase ahaatee Maalik bin Nuweyrah isagu wuu diiday waxaan ahayn inuu falkiisa ku sugnaado

Kadib Maalik waala soo qabtay oo loo keenay Khaalid, dabeetana isaga iyo Khaalid baa muddo wada hadlay oo hadalla qallafsan dhex mareen. Dabeeta wuxuu Khaalid amray Diraar bin Al Azwar inuu kurka ka jaro, oo markaa kurka u dheereeyay. Kadib Khaalid waxuu guursaday haweeneydii Maalik bin Nuweyrah oo la oran jiray Ummu Tamiim bint Al Manhaal. Waxay ahayd mid aad u qurux badan, markii ay daahir noqotay buuna la aqal galay.

Abuu Qataadah Al Ansaari ayaa markaa Khaalid kala hadlay dilkii Maalik bin Nuweyrah, dabeetana arrin baa dhex martay, markaasuu Abuu Qataadah aaday Madiina oo Abuu Bakar arrintii uga warramay, Cumarna waxuu ku lahaa Abuu Bakar:- Casil Khaalid waayo waa seef deg deg badane? Abuu Bakarna waxuu lahaa:- Celin mahayo seef uu Alle ku diray Kufaarta. Abuu Qataadah waxuu ka marag kacay inuu Maalik bin Nuweyrah xaqa usoo laabtay oo Khaalid uu dilay isaguu Muslim ah. Kadib waxaa yimid Mutammim bin Nuweyrah oo la dhashay Maalik bin Nuweyrah, kaasoo Abuu Bakar uga eed sheeganayey dilkii walaalkiis Maalik uu Khaalid dilay isagoona markaa ka marag kacay inuu walaalkii soo noqday oo uu Khaalid dilay isagoo Muslim ah. Cumar bin Khaddaab baana ku caawinayey siduu Abuu Bakar ugu gargaari lahaa Mutimmim oo uu Khaalid uga cad goyn lahaa. Goor ay doodi taal, Abuu Qataada iyo Cumarna ay hal dhinac isla yahiin, oo eeddu la saaraya Khaalid, ayuu Abuu Bakar amray inuu Khaalid yimaado magaalada Madiina.

Khaalid bin Waliid wuxuu yimid magaaladii Madiina isagoo lebbisan cambuur bireedkiisa. Dabeeta waxuu yimid masjidkii oo markii uu albaabka masjidka galay baa waxaa usoo istaagay Cumar bin Khadaab oo inta cimaamaddii ka dhusaday ku yiri:- Ma waxaad dishay naf, dabeetana aad xaaskiisa guursatay? Cumar isagoo careysan ayaa wuxuu Khaalid ugu gooddiyey inuu rajmin doona, Khaalidna intaa ma uusan hadleyn oo wuu aamusnaa, isagoo maleysanaya in Abuu Bakar-na uu qabo ra’yiga Cumar mid lamid ah. Markaas baa waxaa soo galay Abuu Bakar, dabeetana Khaalid baa u cududaartay, isagiina wuu ka aqbalay. Waxuuna markaasi Abuu Bakar guday diyadii Maalik ibnu Nuweyrah. Dabeeta Khaalid wuu ka dhaqaqay Abuu Bakar agtiisa asagoo dib ugu laabtay furuntiisii.

Abuu Bakar Siddiiq ma uusan casilin Khaalid oo waxuu u daayey imaaradiisii, waayo Khaalid waa nin la yaqaan, oo halyeey loo muhdo ah, geesi aan goroda laalaadin, kana mid ah mashaahiirtii fara kutiriska ahayd. Mana jirin markaasi abbaanduule kaga qibrad badan arrimaha dagaalka. Haddii uu ku qaldamay dilkii Maalik bin Nuweyrah, sidaa si lamid ah horey ayuu ugu qaldamay banii Judeymah oo uu dad badan oo qafaal ah ka laayey, kadib markay yiraahdeen:- Saba’naa oo la macno ah, waxaan ka baxnay diintayadii hore oo aan galnay diin cusub. Halkii laga rabay inay yiraahdaan:- Aslamnaa -macnaha waynu islaamnay. Ma aysan haggaajin inay yiraahdaan:- Aslamna. Markaasuu Khaalid u maleeyay inaysan Islaamin oo laayey qafaalkooda in badan oo kamid ahaa. Sidaa oo ay tahay Rasuulka SCW ma uusan casilin Khaalid oo booskiisii ayuu u daayey. Sidaa darteed buuna Abuu Bakar u daayey Khaalid xukunkiisii, asagoo ku dayanaya Xabiibkeennii Muxammed SCW.

Dhacdadii Yamaamah & Dilkii Musaylamah

Markii uu Abuu Bakar Siddiiq ka raalli noqday Khaalid oo uuna u cududdaaray, ayuu amray inuu ku dhaqaaqo dhanka banii Xaniifah oo iyagu ku sugnaa goobta Yamaamah. Markaasuu Khaalid la dhaqaaqay ciidankiisii, iyadoo ciidamada Ansaartuna uu hoggaamin Thaabit bin Qeys bin Shammaas. Qola kastoo kamid ah dadkii riddoobayna way sii xaaqeen oo waxay is heleen qaar kamid ah kuwii fardooleydii Sujaax oo iyaguna ay dhaxda ku cuneen (dhaxda ayay ku laayeen oo looga adkaaday murtaddiintii).

Hortii Khaalid intaan loo dirin Museylamah, wuxuu Abuu Bakar dhanka Yamaama u diray Cikrimah bin Abii Jahal sidaynu soo xusnayba, oo uu ka daba diray Shuraaxbiil ibnu Xasanah, waxaase ciidamadii Cikrimah dib usoo celiyey Museylamah, waxayna degeen goob u dhaw Yamaamah oo ay sugayeen soo galootiga ciidanka Khaalid bin Waliid. Markiina uu yimid Khaalid, warkaana uu gaaray Museylamah oo uu hubiyey inuu sakuuro (mid la hubo) yahay, ayuu ciidamadiisii ku dhisay goob la yiraahdo Caqraba oo kamid ah dhulka Yamaamah, taasoo ah baaddiyahii Yamaamana. Waxuuna guubaabiyey ciidankiisii oo, amray inay qiiroodaan, oo maxastooda iyo dhulkooda u dagaallamaan, oo sharafta dumarkooda dhowrtaan, waxuuna ku yiri:- Haddii maanta la idinka adkaado, waxaa la qafaalan dumarkiinii, oo la guursan iyagoo addooma ah, ee u dagaallama sharafta dumarkiinna. Waxuuna labada dhinac masuul uga kala dhigay Al Maxkam bin Dhufeyl iyo Nahaarul Rajjaal (ama Nahaarul Raxaal) bin Canfo’ah bin Nahshal.

Ninka kan ee Rajjaal bin Cunfo’ah, waxuu ahaa Museylama saaxiibkiis oo waxuuba uga marag kacay inuu yahay Rasuul, waxuuna yiri:- Waxaan Rasuulka SCW ka maqlay isagoo leh:- Waxaa amarka (Nebinnimada) ila wadaaga Museylamah bin Xabiib. Lacnaddii Alle dushiisa ha ahaata Nahaar Ar Rajaal bin Cunfo’ah.

Tani waxay ahayd fidno ka weyn tii Museylamah, oo waaba sababtii ay dadkii reer Yamaama ku fidnoobeen badankooda. Waayo ninkan waxuu u soo wafdiyey Rasuulka SCW, oo inta Al Baqra ka dhageystay ku noqday tolkiisii reer Yamaamah. Kadib waxuu yimid waqtigii riddada, oo markaa Abuu Bakar u direy qowmkiisa banii Xaniifah si uu zakada uga soo aruuriyo. Hase ahaatee markii uu u tegay ayuu garab fadhiistay jaallahiisii Museylamah oo weliba uga marag kacay inuu Nebi yahay, oo uuna Rasuulka SCW ka maqlay sidaa isagoo leh:- Waxaa arrinka (Nebinnimada) ila wadaaga Museylamah bin Xabiib.

Bisad yaroowga aabaheed (Abuu Hureyrah) baa waxuu yiri:- Maalin baa waxaan ag joogay Nebiga SCW iyo koox Muslimiin ah, oo uu inagu jiray Rajaal bin Cunfu’ah. Saa Rasuulka SCW baa waxuu yiri:- Waxaa idinku jira nin uu iliggiisu naarta dhexdeeda uu ka weynyahay buurta Uxud

Waxuu yiri Abuu Hureyrah:- Dadkii dhami (xayntii meesha joogtay maalintaa) way wada dhinteen (yacni khaatuma suubban ayay ku dhinteen, shahiid, jihaad iwm ), aniga iyo Ar Rajaal bin Cunfo’ah mooyaan, waxaana iskaga cabsan jiray sifadaa uu Rasuulka SCW sheegay, jeer uu markii dambe Nahaar Ar Rajaal uu Museylama raacay, uguna marag kacay Nebinnimo. Oo fidnadiisii ayaaba waxay noqotay mid ka weyn tii Museylamah.

Waxaa cad dadka cilmiga lagu tuhmo, oo culimada ah, markii ay fidnoobaan in lagu fidnooba. Sidaa darteed bayna reer Yamaama ugu fidnoobeen Rajaal, maadama uu ahaa nin Rasuulkii Alle SCW wax kasoo dhageystay, kana bartay Al Baqrah baa waxay u qaateen kuwa badan oo kamid ah juhaladii reer Yamaamah inuu run sheegi, halka kuwa kalena ay ogaayeen beentaas cad, balse ay ka awoodbadisay qabiil iyo tol jecleysi. Waxayna intooda badani u raaceen ficilladii qabyaaladda ee ma aysan u raacin rumeeyn ay rumeynayaan. Maxaa yeelay waxaa cad in qaar ka mid ah kuwaas ay oran jireen:- Waxaan qiraynaa in Musaylamah uu beenaale yahay, Muxammad-na (SCW) uu runsheeg yahay, balse beenlowga Musaylama ayaanu ka jecelnahay runlowgaa Muxammad (SCW).

Intaa dabadeed Khaalid wuu soo dhawaaday, waxuuna ciidankiisii hore madax uga dhigay Shuraaxbiil bin Xasanah, labada dhinacna waxuu u kala dhiibay Zeyd bin Khaddaab iyo Abuu Xudeyfah bin Cutbah. Ciidankii hore ee Shuraaxbiil baa goor habeennimo ah waxay soo qabteen 40 ama 60 kamid ah fardoolleydii reer banii Xaniifah, oo uu hoggaaminayey Mujaacah bin Muraarah. Waxay ciidamadaasi markaasi ka soo laabteen dakano ay kasoo gudanayeen reer banii Tamiim iyo Caamir, oo waxayna markaa doonayeen inay ku laabtaan ciidankoodii Yamaamah. Hase ahaatee ciidankii Shuraaxbiil ee hore ayaa soo qabtay oo u keenay Khaalid. Markii loo keenay koodii ugu dabeeyay buuna Khaalid su’aalo weydiiyey. Markaasay iyagiina u cududaarteen, oo xaqiiqdiina way ka qariyeen oo marsiiso iyo hadallo raqiis ah oo aanan Khaalid qancinin ayay ku hadleen. Markaas buu Khaalid amaray in kurka laga wada jaro. Waxaa kaloo la sheegaa in uu Khaalid su’aalay markii loo keenay oo uu ku yiri:- Oo maxaad leedahiin banii Xaniifaay!? Markaasay yiraahdeen:- Innagu Nebi baynu leennahay idinkuna Nebi. Markaasuu Khaalid laayey. Kadib waxaa qayliyey nin iyagii kamid ah oo la oran jiray Saariyah. Waxuuna yiri:- Ninyahoow! haddii aad tahay mid berritoole kuwan la doonaya kheyr ama shar, reebo ninkan- waxuu ula jeedaa Mujaacah bin Muraarah. Markaasuu Khaalidna reebtay oo uu ku xiray teendhadiisii dhexdeeda oo ay joogtay afadiisii Ummu Tamiim bint Manhaal. Waxuuna amray inay wanaajiso oo ayna kheyr u dardaaranto.

Markay labadii ciidan isasoo hor fadhiisteen buu Museylamatul Kaddaab ku booriyey ciidankiisa inay sharafta dumarkooda u dagaalan, oo ay qiiroodaan sidii aynu horeyba usoo xusnay. Muslimiintiina horey bay usocdeen oo markii dambe waxay dageen goobtii ay biyaha ka cabbi jireen reer Yamaama meel udhaw. Halkaa ayuuna ciidankiisii dejiyey oo dhisay isagoo calankii Muhaajiriinta udhiibay Saalim Mowlaa Abaa Xudeyfah, calankii Ansaartuna Thaabit bin Qeys bin Shammaas, halka uu calankii Carabta kalana u dhiibay Mujaacah bin Muraarah oo kheymaddii ku dhex jira ( teendhada ku jira ) xeelad dagaal darteed.

Waxaa billaawday dagaalkii oo , goor cabbaar ah markuu socday ayay qaar kamid ah ciidamadii Muslimiinta ee reer miyiga ay goobtoodii banneeyeen, taasina waxay sababtay inay banii Xaniifah galaan teendhadii ay ku jirteen Khaalid xaaskiisa iyo Mujaacah bin Muraarah. Waxayna damceen inay dilaan xaaska Khaalid, hase ahaatee waxaa magan geliyey Mujaacah bin Muraarah.

Dabeeta waxaa soo guddoomay kuwii simbiriraaxday oo is gartay inay khaldameen, umana aysan suuro gelinin inay banii Xaniifah furtaan Mujaacah bin Muraarah. Dhaqdhaqaaqan hore ayaana lagu dilay Nahaar Ar Rajaal bin Cunfu’ah, waxaana dilay Zeyd bin Khaddaab.

Saxaabada iyo Muslimiinta kalaba maalintaa waxay dirireen dirir aad u daran, waxuuna Thaabit bin Qeys yiri maalintaasi:- Waxaa baas lahaaday waxaad dhiggiin uga carartaan. Waxayna dhan waliba iskaga qaylo dhaansadeen iyagoo leh:- Khaalidoow!! nakala saar. Waxaana gees u baxay saddex meelood ciidanka meel kamid ah oo Ansaar iyo Muhaajiriin ah.

Al Baraa bin Maalik-na maalintaa waxuu u guuxay sida libaaxii oo uu marba dhinac u duulay isagoo si aan horey loogu arag u dagaallamaya, waxuuna tolkiisii Ansaarta ku yiri isagoo la dardaarmi kuna boorin dagaalka:- Ansaareey!! yuusanna axad idinka ka mid ahi ku fekerin inuu ku laabto Madiina maanta kadib oo wixii maantadan ka danbeeya ma lihidin magaallada Madiina, waxaad leedihiin Allaah Sarreeye keli iyo Jannada.

Waxay asxaabtu maalintaa is oranayeen:- Asxaabtii suuratu Baqraay! maanta ayuu burey sixirkii Museylamah.

Thaabit bin Qeysna maalintaa waxuu qotay god u jooga gomadaha, oo inta uu kafantiisii huwday ayuu lugaha la galay isagoo calankii Ansaarta sida. Halkaas ayuuna ka dagaallamayey jeer la dilay.

Muhaajiriintii waxay la hadleen maalintaasi Saalim mowlaa Abaa Xudeyfa oo calanka Muhaajiriinta siday waxayna ku yiraahdeen:- Waxaan ka yaabeynaa in dhankaada nalooga yimaado. Waxuuse ku jawaabay:- Waxaan ahaaday mid Quraan xambaara midkii u baas lahaaday haddayba sidaa dhacdo”. Dabeeto wuu dagaallamay jeer la dilay isagoo Shahiid ah.

Zeyd bin Khadaab baa isaguna maalintaa hadlay oo yiri:- Dadoow!! qaniina (oo adkeysta) gowsahiina, oo garaaca cadawgiina, horeyna u socda. Illaah baan ku dhaartaye inaan hadleeyn jeer uu Alle jebiyo iyaga (Cadawga), ama aan Alle la kulmo (oo yacni dagaalkan la igu dilo) oo aan markaa xujadeyda kula hadlo. Waana la dilay isagoo Shahiid ah.

Intaa dabeeto, Khaalid baa waxuu qaatay seeftiisii oo dadkii dhex shabaaxay oo si daran u laayey, wuuna socday jeer uu u dhawaaday Museylamah oo uu ku sigtay inuu dilo, hase ahaate dib ayuu uga soo noqday, oo waxuu istaagay labada qola dhexdooda. Waxuuna dalbaday mubaaraso inay cidi usoo baxdo. Waxuuna yiri:- Waxaan ahay ibnu Waliid Al Cawd, waxaan ahay inankii Caamir iyo Zeyd. Dabeeto waxuu ku qayliyey halkudhiggii Muslimiinta ee maalintaa , oo ahaa:- Waa Muxammadaah!!. Qof usoo baxayna mubaarizo ma uusan sii jirin, kii usoo dhawaadana seefta ayuu ku qaatay. Kadib waxuu u dhawaaday Museylama oo u bandhigay xaqa iyo inuu usoo laabta, hase ahaatee waxaa ka hor istaagay sheydaankiisii, oo wuu diiday. Dabeetana Khaalid wuu kasoo weecday oo waxuu kala soocay ciidankii , si uu u ogaada bal halka laga soo galo, waxuuna kala soocay Ansaar iyo Muhaajiriin iyo reer miyigii kale. Banii Ab (qola ama reer) kastaaba waxuu u dhiibay calan goonni ah si ay hoosteeda uga dagaallamaan, oo loo ogaaddo ciddii maanta cararta iyo meesha Muslimiinta laga soo galayo. Qaddahaan cusubi waxuu ahaa xeelad militeri oo kamid ah xeeladahii uu Khaalid bin Waliid ku hoojin jiray acdaada Alle. Waana tan sababtay inaysan maalintaa Muslimiintii Mar dambe cararin oo , qola waliba waxay is tiri:- Yaadan ceeboobin oo, Muslimiinta maanta dhankaada laga gelin.

Kama aysanna suulin Muslimiintii qaddahaas cusub kadib inay horey ugu socdaan dhanka cadawgooda oo aysan gadaal milicsan, jeer Alle farajkiisii furay oo nasrigiisii soo degay. Markaa bayna ahayd goortuu Alle garabkii ciidankii Museylamah ka baxay oo hoojiyey, jab iyo halaagna ku riday, halka ay Muslimiintuna farxad, nasri iyo guul heleen.

Kadib way daba kaceen, oo ay kurka seefo ugu xiireen , oo si daran u laayeen. Markaa bay reer banii Xaniifah u ordeen beer xaggeeda uu u tilmaamay Al Maxkam bin Dhufeyl. Waxaase arkay Cabdiraxmaan bin Abuu Bakar, isagoo taagan albaabka beerta oo dadkiisii u khudbeynaya, markaasuu waran ku tuuray oo dhuunta kala helay, sidaa buuna Al Maxkam bin Dhufeyl ku hoyday. Beertani waxaa ay ahayd mid dhexdeedu balaadhantahay, oo leh gidaarro aad u dhaadheer. Ciidankii Museylamana tiradoodu aad bay u badneyd oo 40 000 bay ahaayeen. Dabeeto intay galeen bay isku xireen beerta albaabkeeda iyagoo isku halleynaya gidaarradeeda dhaadheer, oo aan marna ku fekereyn in loogu soo geli karo.Musaylama iyo ciidankiisiina waxay billaabeen inay gamuunnadoida kaga soo tuuraan muslimiinta beerta dhexdeeda. Intaa kadib Al Baraa baa fikrad keenay oo muslimiintii ku yiri:- Kulanka Muslimiintoow! i saara gaashaan dushiisa dabeetana waramada kor ugu iigula qaada gaashaanka oo igu tuura meel u dhow albaabka beerta.waxay udhawdahay in la idilo oo aan shahiida, ama inaan albaabka idinka furo. Kadibna Muslimiintii sidii bay yeeleen oo isagiina albaabkii buu furay. Intuusanna albaabka gaarin buu si aad ah ula diriray oo in badanna ka laayey , dabeetana markuu furay albaabkii baa Muslimiintii waxay arkeen dhaawacyada soo gaaray Al Baraa oo isugu jiray darba seef iyo durma waran iyo durid gamuunka.

Intaa kadib waxaa goobta beerta ka dhex dhacay dagaal aad u daran, halkaasoo ay Muslimiintii seefahoodii kaga shaqeeyeen kuwii diinta ka riddoobay oo derbiyada beerta ku dhakanayey, kadib markii laga itaal roonaaday. Waxaana goobtaa looga dilay tiro aad u badan, oo lagu qayaasay 10 kun (waxaa kaloo la sheegaa 21 kun) oo dagaalyahan ah. Muslimiintiina waxaa kaga shahiiday 600 (waxaa kaloo la sheegaa 500) oo kamid ah saadaaddii saxaabada iyo raggii Quraanka xifdisanaa. Sadarrada dambe ayaanna ku yara falaqeyn doonnaa magacyada kuwii ugu caansanaa ee goobtaa ku shahiiday. .

Museylama Al Kadaab isagu dagaalkan ayaa lagu dilay oo waxaa dilay Waxshi bin Xarbi (Mowlaa Jubeyr bin Mudcim). Waxuu waxshi arkay Museylama oo derbi ku dhakanaya, markaasuu inta gamuun ula soo baxay ayuu kusii daayey. Markaasuu gamuunkii dhanka kale uga dusay oo ka dhex baxay. Waxaana isa sii raaciyey Abuu Dujaanah Simaak bin Kharshah oo inta seeftiisii la dul tegay kaga shaqeeyay. Waxaa kaloo lasheegaa inuu ahaa ninkii isasii raaciyey C/laahi bin Caasim bin Camr.

Markii uu waxshi gamuunka la helay Museylamah ayay haweeneydii (Museylama) qasriga ka dhex qayliday iyadoo leh:- Amiirkii waxaa dilay addoon madoow!!.

Goobtan beerta ah ee dirirta ugu darani ay ka dhacday waxaa loogu magac daray Xadiiqatul Mowt (Beertii dhimashada). Macnaha waxaa weeye, waxaa ku hoobtay khalqi badan oo reer Yamaama ah oo lagu laayey. Waxayna Muslimiinta yaqiinsanaayeen mar haddii libta iyo guusha Alle ka siiyo, oo ay ka adkaadaan reer Yamaama, inaysan jiri doonin cid damba oo hor istaagta Muslimiinta Jaziiradda Carabta dhexdeeda.

Kadib waxuu Khaalid diray ilaalooyin iyo wardoonna oo uu u diray qalcadaha Yamaama si ay usoo hubiyaan cidda ku jirta. Kadib waxuu goostay inuu ku duulo qalcadaha oo uu furto, wax ciidan ahina kuma aysan jirin. Waxaa kaliyoo ku jiray dumar iyo carruur iyo waayeello. Hase ahaatee Mujaaca bin Muraarah ayaa Khaalid qiyaamay oo yiri:- Waxaa ka buuxa qalcadahani rag dagaalyahanno ah, hee igula heshii?

Khaalid arrintaa wuu yeelay maadaama ay Muslimiinta dagaallo badan soo galeen , aysanna weli nasan, oo aay aad u tabar dhigeen daal dartii , sabab la xiriirtay dagaalladii isku xig xigay. Haddaba waxuu yiri Mujaacah:- I dir aan u tego’ee si aan uga soo dhammeeyo heshiiska.

Markaasuu Khaalidna diray si uu heshiiska uga soo gunto reer Yamaama. Markii uu Majaacah bin Muraarah u tegay dumarkii, carruurtii iyo waayeelladii ayuu amray inay lebbistaan cambuur bireedyo, oo madaxana koofiyado soo gashtaan, dabeetana ay docyada qalcadda magadaxa kalasoo baxaan, si Khaalid ugu maleeyo inay yahiin ciidan culus oo goobta kujira. Khaalid baa markaa eegay dhankii qalcadaha mise waxuu arkay madaxyo fara badan oo meesha kaasoo jeeda, markaasuu u qaatay sidii uu Mujaacah usheegay inay ku jiraan ciidan qalcadahaas. Waxuuna u kaadiyey heshiis iyo Mujaacah uga soo gunto. Markiina uu furtay goobtii ayuu xaqii ugu yeeray iyana way usoo laabteen. Waxuuna Khaalid u celiyey qaar kamid ah waxyaabahii uu horey uga qabsaday oo kamid ah carruurtii iyo dumarkii (Dagaalka lagu qabsaday). Intii kalena waxuu u diray dhankii Madiina iyo khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Sidiiq. Waxaana Cali bin Dhaalib oo Madiina joogay kaga soo haggaagtay haweeney la oran jiray Khowlah bint Jacfar, taasoona u dhashay Maxamed bin Cali bin Abii Dhaalib oo caan ku ahaa Maxamed bin Xanafiyah.

Waxaa la isku khilaafaa waqtiga (sanadka) uu dagaalkan dhacay, waxaase jira qowl lagu kulmiya aqwaashii laga yiri waqtiguu dhacay. Khaliifat bin Khayaad iyo Maxamed bin Jariir iyo khalqi kamid ah salafkii iyagu waxay yiraahdeen:- Dagaalkan waxuu dhacay sanadkii 11aad. Ibnu Qaanic-na waxuu yiri:- wuxuu dhacay dhammaadkii sanadkii 11aad ee hijriyada.

Al Waaqidi iyo kuwa kalena waxay yiraahdeen:- Waxuu dhacay sanadkii 12aad ee hijriyada. Waxaase lagu kulmiyaa qowlalkaan kala duwan, in uu billawday dagaalkan sanadkii 11aad dhammaadkiisii uuna dhammaaday sanadkii 12aad ee hijriyada. Khaliifat bin Khayaad baala su’aalay oo lagu yiri :” Ma isku raacnaa sidan? Waxuu yiri:- Waa lagama maarmaan.

Abuu Bakar Sidiiq baa wax ka weydiiyey dadkii la soo qafaashay , waxii uu Museylama akhrin jiray , markaasay ka dalbadeen inuu cafiyo , isagiina wuu cafiyey, saa waxay u sheegeen khuraafaadkii uu akhrin jiray. Lacnaddii Alle dushiisa (Museylama) ha ahaatee.

Museylama waxuu riddoobay xayaatadii Rasuulka SCW oo uu Nebinnimo sheegtay. Rasuulka SCW ayuuna warqad usoo diray uu ku leeyahay:

Ka:- Museylamah bin Xabiib Rasuulkii Alle .

Ku:- Muxammed Rasuulkii Alle SCW.

Intaa dabadeed. Anigu waxaa la ila kaa wadaajiyey arrinka (Nebinnimada). oo waxaad madax u tahay Mudar, niguna waxaan madax u ahay Wabar. (Werin kale waxaa kusugan axaad leedahiin qeyb dhulka kamid ah inaguna qeybta kale) hase ahaatee Qureeshtu waa qowm cadaawad badan (xaasidiin ah).

Rasuulkuna waa uu u jawabay oo waxuu u diray warqad. Waxayna ahayd sida tan:

Ka:- Muxammed Rasuulkii Alle SCW.

Ku:- Museylamah beenaale.

Nabadi ha ahaato dusheeda ciddii raacdo hanuunka. Intaa kadib . Dhulka Alle baa iska leh, oo dhaxalsiin cidduu doona, ciribta dambaana waxaa leh mutaqiinta (kuwa Alle ka dhowrsada).

Alle Sarreeye waa uu ceebeeyey Museylamah beenaale oo waxuu soo dejiyey aayaddan:

Oo yaa ka dembi badan (majiree) qof ku been abuurtay Allaah, ama yiri waala ii waxyooday, isagoon loo waxyoon? Qofkii yiraahdo waxaan soo dejin waxa (Quraanka) uu Alle soo dejiyey mid lamid ah, Haddii aad arki lahayd markay dulmi falayaashu (Museylama iwm ) Sakaraatul mowt-ku ku sugan yahiin iyagooy Malaa’ik-tu ku taagi gacmaha oo ayna ku oran : Soo bixiya nafahiina, maanta waxaa laydinku abaal marin cadaab wax dulleeyo’e. Sababtu waxaad Allaah ku oran jirteen dushiisa wax aan xaq ahayn (oo aan wanaagsanayn) oo aad ahaydeen kuwa iska weyneeyo aayaadkiisa. (Suuratu Al Ancaam aayadda 93aad)

Halkaan buu Alle ku fadeexeeyay Museylama beenaale. Mar kale oo horreysay waxaa loo diray Camr bin Al Caas waqtigii Abuu Bakar ka hor. Markaasuu Museylamah yiri:- Oo maxaa cawadan saaxiibkiin ( Muxammed SCW ) lagu soo dejiyey? Markaasuu yiri:- Suurad aad u xeel sarreysa.

Markaasuu yiri:- Oo maxay tahay suuraddaas?

Dabeeta waxuu yiri:- Wal Casr oo uu u wada akhriyey. Dabeeto in cabbaar ah buu Museylama fekeray , markaasuu markii dambe madaxa kor uqaaday oo yiri:- Runtii aniguna mid iyada lamid ah baa la igu soo dejiyey.

Waxuu Camr yiri:- Oo maxay tahay?

Markaasuu Museylama akhriyey khuraafaad. Markiina uu Camr ka dhageystay buu Museylamah yiri :- Sideed u aragtaa Camaroow!!? Waxuu yiri:- Illaah baan ku dhaartaye waxaad ogtahay inaan aniga ogahay inaad been sheegeyso.

Waxay Culamaa’i Taariikh sheegaan inuu Museylamah iska doon dooni jiray sifooyinkii iyo barakooyinkii Rasuulka SCW. Waxaa gaadhay Museylama in Rasuulka SCW uu ceel ku tufay oo biyo badan yeeshay , markaasuu isagiina ceel ku tufay, markaasay biyahiisii gureen , ama gadhaadh noqdeen. Misna wuu weyseestay oo inta weysadiisii qaaday buu waraabiyey beer timreed, hase ahaatee waabay halligsantay oo ay baaba’day. Waxaa kaloo la sheegaa inuu u duceeyay nin isha wax uga dhaceen oo uu u masaxay , hase ahaatee wuuba indha beelay ninkii. Misna carruurta yar yar buu madaxa u salaaxi jiray oo uu oran jiray waa barako, hase ahaatee waxay ilmahaasi noqon jireen mid madaxa weynaado iyo mid carrabku soo dhaco.

Mar baa waxaa dhacday inuu u yimid nin reer miyi ah oo yiri:- Meeyay Museylama? Waxaa lagu yiri:- Ka aamu! Rasuulkii Alle.

Waxuu yiri:- Hah! Rasuul! mayee Wallaahi baan yeeleyn jeer aan arko.

Markii uu Museylama yimid ayuu ku yiri:- Ma adigaa Museylamah?

Waxuu yiri:- Haa!

Waxuu yiri:- Oo yaa kuu yimaada?

Waxuu yiri:- Raxmaan.

Waxuu yiri:- Oo ma nuur buu kuugu yimaadaa mise mugdi?

Waxuu yiri:- Mugdi.

Markaasuu ninkii intuu kacay yiri:- Waxaan qirayaa inaad adigu beenaale tahay Muxamadna runloow yahay, hase ahaatee beenaale reer Rabiica ah ayaan ka jeclahay runloow reer Mudar ah. Sidaa buuna ku raacay indho la’aan isagoo ay toljecleysi ka tambadisay. Isku meel ayaana lagu dilay asaga iyo Musaylah.

Shuhadadii Dagaalkan

Dagaalkan Yemaamah waxaa ku geeriyooday khalqi badan oo kamid ahaa saxaabadii Rasuulka SCW iyo xufaaddii xifdisaneyd Quraanka kariimka ah. Markaa ka horna Quraanku ma uusan kulmisneeyn ee aayaddii loo baahdo waxaa laga qaadan jiray qurraadaas goobtaa ku shahiidday iyo qurraa kale. Waxaa la sheegaa inay ahaayeen tirada saxaabadii ku shahiidday dagaalkan 58 iskugu jirtay Ansaar iyo Muhaajiriin waana inta aan hadda magacyadoodu soo gudbin doonno, hase ahaatee waxaa jiro werrinnada qaarkood kuwa oranayo waxay ahaayeen 70 Allaah baase inaga og. Waxaa kaloona la sheegaa inta kale inay ahaayeen qeyrkooda Muslimiinta kale, oo aanan ahayn Muhaajiriin iyo Ansaar. Haddaba waxaan soo gudbin doonnaa hadduu Alle idmo magacyadii saxaabadii iyo qurraadii ku shahiidday dagaalkan, intaynu hayna, waxayna ahaayeen sida tan:

  1. Abuu Maxammed Thaabit bin Qeys bin Shammaas Al Ansaari, waxuu siday calanka Ansaarta.
  2. Xazan bin Abii Wahab bin Camr bin Caa’id Al Makhzuumi (Waxaa dhalay Cabdillaahi bin Cabdimudallib abtigiis) Rasuulka SCW baa damcay inuu ka badallo magaca Xazan markii uu Islaamay oo uu u bixiyo Sahal, hase ahaatee wuu diiday oo waxuu doorbiday magacii aabahii uu horey ugu baxshay. Waxaa lala dilay wiilashiisa Cabdiraxmaan iyo Wahab iyo wiil ay dhashay xaaskii Xakam bin Wahab (Xakam waxaa adeer u ahaa Xazan bin Abii Wahab).
  3. Zeyd bin Khaddaab bin Nufeyl Al Cadawi. Waxuu la dhashay Cumar bin Khaddaab oo wuuna ka hor Islaamay kana hor shahiiday. Sidaa darteed buuna Cumar oran jiray:– Waxuu Zeyd iiga hor maray labo wanaag, oo kala ah Islaamka iyo Shahaado. Waxaa dilay nin la oran jiray Abuu Maryam Al Xanafi, ama nin ay Abuu Maryam ilmo adeer ahaayeen oo la oran jiray Sabiix Al Xanafi. Wuu Muslimay ninkaasi mar dambe, kadib markuu dilay Zeyd.
  4. Saalim bin Cubeyd (ama ibnu Macqil) Mowlaa Abaa Xudeyfa bin Cutbah. Waxuu siday raayaddii Muhaajiriinta maalintaa iyada ah.
  5. Abuu Dujaanah Simmaak bin Kharshah (ama Simaak bin Aws bin Kharshah) ibnu Lowdaan Al Khazraji As Saacidi, wuxuu ahaa mid kamid ah halyeeyadii Ansaarta.
  6. Shujaac bin Wahab bin Rabiic Al Usdiyu, Xaliif banii Cabdishams. Waxaa la dilay isagoo dhowr iyo afartan jir ah. Waxuu ahaa nin dheer oo dhuuban, kana mid ahaa dadkii ugu horreeyey ee Islaamay.
  7. Dhufeyl bin Camr bin Dhariif bin Al Caas Ad Dowsi. Wuxuu ahaa ugaaskii reer Dows.
  8. Cubbaad bin Bishir bin Waqash Al Ansaari. Waa mid kamid ah kuwii ugu fadliga badnaa Ansaarta.
  9. As Saa’ib bin Cuthmaan bin Madhcuun Al Jumxi. mid kamid ah dhalinyartii saxaabada ee geesiyaasha ahaa oo kamid ahaa fardooleydii fara kutiriska. Waxaa la dilay isagoo dhalin yaro ah.
  10. As Saa’ib bin Al Cawaam bin Khuweylid Al Asdi, waxuu la dhashay halyeygii weynaa ee Zubeyr bin Cawaam.
  11. Cabdillaahi bin Suheyl bin Camr Al Caamiri. mid kamid ah mustadcafiintii Makka lagu jarribi jiray. Maalintii Bader ayuu Muslimiinta kaga soo biiray dhanka gaalada.
  12. Cabdillaahi bin Cabdillaahi bin Ubay bin Salool. Cadawgii munaafiqiinta, iyo mid kamid ah akhyaartii saxaabada.
  13. Macni ibnu Cadiyi ibnu Jaddu bin Cijlaan Al Ansaari. Waxuu la dhashay Caasim bin Camr.
  14. Abuu Xudeyfah bin Cutbah bin Rabiicah. mid kamid ah kuwii ugu horreeyay ee Islaamay. Magaciisuna waxaa la oran jiray Haashim ama Muhshim, waxaa kaloo la yiraadaa Husheym.
  15. Maalik bin Camr. Xaliif bin Camr, waa mid kamid ah raggii Bader xaadiray.
  16. Yaziid bin Ruqeysh bin Ri’aab Al Usdi. Mid kamid ah asxaabtii Bader, waxuuna ilma adeer la ahaa hooyadii mu’miniinta ee Zeynaba bint Jaxsh bin Ri’aab.
  17. Xakam bin Saciid bin Al Caas Al Umawi. Waxuu ladhashay Khaalid bin Saciid bin Al Caas.
  18. Jubeyr bin Maalik bin Buxeynah, oo la dhashay Cabdillaahi bin Maalik Al Asdi. Waxay xulufo ahaayeen banii Mudallib bin Cabdimanaaf.
  19. Caamir bin Bukeyr ibnu C/yaaliil Al Leythi oo xulufo la ahaa banii Cadiyi bin Kacab. Waxuu la dhashay Caaqil, Khaalid iyo Iyaas ilmo Bukeyr , oo waxay wada xaadireen Bader. Afartuba waxay Islaameen markii uu Rasuulka SCW galay daartii Al Arqam bin Abul Arqam, waxayna ahaayeen raggii ugu horreeyey ee uu daartaasi Rasuulka SCW kula mubaayacooda.
  20. Maalik bin Rabiicah. Waxuu xulufo la ahaa banii Cabdishams oo Qureesh ka tirsan.
  21. Abuu Umayata Safwaan bin Umaya bin Camr.
  22. Yaziid bin Aws oo xulufo la ahaa banii Cabdidaar oo Qureeshta ka tirsan.

23.Xubbay bin Xaaritha Ath Thaqafi, waa mid kamid ah qawjaddii saxaabada.

  1. Xabiib bin Useyd bin Jaariyah Ath Thaqafi, mid kamid ah saxaabadii reer Thaqiif.
  2. Al Waliid bin Cabdishams Al Makhzuumi. Waxaa dhalay Khaalid bin Waliid walaalkiis Cabdishams. waxuu Muslimay maalintii furashada Makka. Hooyadii waxay ahayd Asmaa bint Abii Jahal.
  3. Cabdillaahi bin Camr bin Bujrah Al Cadawiyu.
  4. Abuu Qeys bin Xaarith bin Qeys As Sahmi, waa mid kamid ah dadkii Xabashida u hijrooday.
  5. Cabdillahi bin Makhramah bin Cabdulcuzza bin Abii Qeys Al Caamiri. Waxay qaraabo soko ahaayeen Suheyl bin Camr Al Caamiri.
  6. Camr bin Aweys bin Sacad bin Abii Sarax Al Caamiri. Waxaa Cabdillaahi bin Sacad walaalkiis Aweys bin Sacad.
  7. Cabdillaahi bin Xaarith bin Qeys. Waxuu la dhashay Abuu Qeys.
  8. Suliidh bin Suliidh bin Camr Al Caamiriy.
  9. Rabiicah bin Abii Kharshah Al Caamiriy.
  10. Cabdillaahi bin Xaarith bin Rakhdah. Waxuu kasoo jeedaa qolooyinka banii Caamir.

Intaasi waxay ahaayeen Muhaajiriin, marka laga reebo dhowrkii Ansaarta ee aan soo magacawnay oo ay kamid ahaayeen Cubbaad bin Bishir, Thaabit bin Qeys, Abuu Dujaanah iyo Macni bin Cadiyi iyo Cabdillaahi bin Cabdillahi bin Ubay.

Imminkuna waxaan bartii kasii wadeynaa magacyadii saxaabaddii ku shahiidday dagaalkan Yamaamah, gaar ahaanna Ansaarta, waana sida tan innagoo tixraaceyna tiradii hore:

  1. Cammaarah bin Xazam bin Zeyd bin Lowdaan Al Khazraji. Waa mid kamid ah asxaabtii Bader.
  2. Cuqbah bin Caamir bin Naabiy bin Zeyd bin Xaraam Al Khazraji As Sulami. waxay isku jilib ahaayeen Mucaad bin Jabal, Al Xubaab bin Mundir iyo Al Baraa bin Macruur. Waxuu Cuqbah xaadiray Caqaba iyo dagaalkii Bader.
  3. Thaabit bin Hazaal, waxuu ka dhashay jilibka banii Saalim bin Cowf. Waa mid kamid ah asxaabtii Bader.
  4. Abuu Caqiil bin Cabdillaahi bin Thaclabah Al Khazraji oo waxuu kasii yahay jilibka Jaxjabi. Waxuu xaadiray Bader.
  5. Cabdillaahi bin Cuteyk.
  6. Xaajib bin Zeyd Al Awsi Al- Ash-hali.
  7. Sahal bin Cadiyi.
  8. Maalik bin Aws.
  9. Cumeyr bin Aws.
  10. Dhalxa bin Cutbah, waxuu kadhashay reer Khazraj, gaar ahaan Jaxjab.
  11. Rabaax mowlaa Xaarith.
  12. Jazaa’a bin Maalik bin Caamir, waxuu ka dhashay Jaxjab.
  13. Wadfah bin Iyaas bin Camr Al Khazraji. Waa mid kamid ah asxaabtii Bader.
  14. Jarwal bin Cabbaas.
  15. Caamir bin Thaabit.
  16. Bishr bin Cabdillaahi Al Khazraji.
  17. Kuleyb bin Bishir bin Tamiim.
  18. Cabdillaahi bin Citbaan.
  19. Iyaas bin Wadiicah.
  20. Ascad bin Yarbuuc As Saacidi.

54.Sacad bin Xaaritha (ama Sacad bin Jaariyah).

  1. Sacad bin Xammaam.
  2. Makhaashi Al Ximyari (Xulufo ayuu Ansaartu la ahaa).
  3. Salamat bin Mascuud, waxaa kaloo la yiri : Mascuud bin Sinaan.
  4. Damrah bin Ciyaad.
  5. Abuu Xabbata bin Ghaziyah Al Maazini.
  6. Cabdillaahi bin Uneys (ma ahan kii dilay Khaalid bin Safwaan Al Hudali. Kaasi waxuu nagaaday illaa 54 hijriyada).
  7. Xabiib bin Zeyd.
  8. Xabiib bin Camr bin Muxsin.
  9. Thaabit bin Khaalid.
  10. Farwata bin Nucmaan.
  11. Caa’id bin Maacis.
  12. Yaziid bin Thaabit bin Daxaak. Waxuu la dhashay Zeyd bin Thaabit.

Khaliifat bin Khayaad isagu waxuu leeyahay :” Isku dar intii kaga shahiidday Saxaabada Muhaajiriin iyo Ansaar dagaalkii Yamaama waxay noqonayaan 58. hase ahaate waxaa kutubta taariikhda qaarkood laga arki karaa inay ka badan yahiin intaa, waxaana meela badan ku xusan in ay ahaayeen isku dar saxaabadii ku shahiidday Yamaamah 70 akhyaartii saxaabada iyo xufaaddii kamid ahayd. Haddaba inagoo tixraaceyna qowlka damba ee ah inay ahaayeen 70 ayaa waxaa inoo suuro gashay inaan intaan magacyadooda soo gudbinno, falillaahil Xamdu.

Diin Ka Noqoshadii Reer Baxreen

Baxreen horey Rasuulka SCW markuu dhambaallada diraayey ayuu u diray Al Calaa bin C/llaahi Al Xadramiyu (Calaa bin Al Xadrami) si warqadda uu ugu geeyo boqorkii markaa maamuli jiray oo la oran jiray Al Mundir bin Saawi. Boqorkii waxuu ku Muslimay gacanta Calaa bin Xadrami, oo dadkiisina waxuu ku maamulay Islaamka iyo caddaaladiisa. Rasuulka SCW markii ay tii Alle u timid oo Alle oofsaday, Mundir bin Saawina waxba sidaa u badan ah kamuuna dambeyn oo isagiina wuu geeriyooday. Waxaana la joogay markaa oo uu Nebiga SCW horey ugu diray saxaabiga Camar bin Al Caas. Markaa buu Mundirna wax ka su’aalay Camar xoolahiisa siduu Rasuulka SCW u dardaarmi jiray qofka ay geerida ku xaadirto, oo isagiina uu usheegay. waxuuna sadaqo ahaan ula baxay saddex meelood meel kamid ah hantidiisii.

Haddaba markaa iyada ah kadib bay reer Baxreen riddoobeen oo waxayna u qeybsameen laba kooxood. Koox iyadu waay riddoowday waxayna madax ka dhigteen nin la oran jiray Al Mundir bin Nucmaan bin Mundir. Mid iyagii kamid ah baana waxuu yiri:- Haddii uu Muxammed Nebi yahay ma uusan dhinteen. Oo dadkii reer Baxreenna islaannimadii kuma aysan harin magaalooyinkoodii marka laga reebo qarya la oran jiray Juwaatha sidaynu horey usoo xusnayba. Waxay ahayd Jawaatha qaryadii ugu horeysay ee salaad Jumca lagu oogo kadib markay dadkii xaqa usoo noqdeen sida kusugan kitaabka Bukhaari oo laga soo weriyay Cabdullaahi bin Cabbaas.

Dadkii qaryadaa kusugnaa iyagu waxay ahaayeen kuwa kusugnaaday xaqii, waxaana go’doomin daran ku qabtay qoladii kale ee iyagu riddoobay, heer ay gaajo darteed la adkeysan waayeen oo marrinadii oo idil ay ka xirmeen. Markaa baa waxaa ka dhex kacay nin iyaga kamid ahaa oo la oran jiray Jaaruud bin Mucallaa. Jaaruud kan wuxuu kamid ahaa rag Rasuulka SCW wafdi ahaan ugu tegay oo waxaaba la sheegaa inuu saxaabi ahaa. Waxuu ka dhex kacay tolkiisii si uu ugu caddeeyo xaqiiqda oo waxuu yiri:- Kulanka banii Cabdiqeysoow!! Anigu arrin baan idin weydiin ee iiga jawaaba, waa haddii aad garataane, oo ha iiga jawaabina haddaydaan garan.

Waxay yiraahdeen:- Haggaag ina weydii.

Waxuu yiri:- Ma ogtihiin in Alle u sugnaadeen Nebiyo uu leeyahay ka hor intuusan Muxammed SCW soo saarin?

Waxay yiraahdeen:- Haah!.

Waxuu yiri:- Oo ma ogaateen mise waad aragteen?

Waxay yiraahdeen:- Mayee waan ogaannay.

Waxuu yiri:- Oo maxay faleen ( Xaalkoodu hadda waa sidee )?

Waxay yiraahdeen:- Way dhinteen.

Waxuu yiri:- Haddaba Muxammed SCW dhimey sidayba iyagu u dhinteen. Waxaanna anigu qirayaa oo aan marqaati ka ahay inuusan jirin la caabbuda xaq lagu caabbudaa oo aan ka ahayn Allaah, Muxammedna SCW inuu yahay Rasuulkii Ilaah.

Markasay yiraahdeen:- Innaguna sidaa oo kale ayaanu qireynaa inuusan jirin la caabbuda xaq lagu caabbudaa oo aan ka ahayn Allaah, oo Muxammedna SCW uu yahay Rasuulkii Illaah. Adiguna waxaad tahay kaayagii inoogu fadliga badnaa iyo ugaaskayagii.

Islaannimadii bayna kusugnaadeen. Oo markaa bayna ahayd markii uu Abuu Bakar Sidiiq u diray Baxreen Al Calaa bin Al Xadrami sidaynu horeyba usoo xusnay markii uu dirayey 11-kii ciidan ee uu Dulqassaa ku dhisay. Markii uuna Al Calaa ku dhawaaday Baxreen ayaa waxay is heleen qaar kamid ah ciidamadii Muslimiinta oo uu ku jiray Thumaama bin Othaal Al Xanafi oo markaa ka hor kasoo guddoomay dhankii Yamaamah.

Al Calaa bin Al Xadrami waxuu ahaa mid kamid ah sanaadiiddii saxaabada iyo kuwoodii ugu akhyaarsanaa, oo waxuu ahaa mid kamid ah kuwii cibaadada badnaa oo caabidiinta uu Alle ducadooda aqbali jiray ayuu kamid ahaa. Wuxuu soo dhaweeyay ciidamadii Muslimiinta ee uu meeshaa ku arkay isagoo sharfay oo dejiyey.

Markii uu Calaa u dhawaaday dadkii riddoobay, ayuu Muslimiintii u khudbeeyay oo amray, adkeysi iyo sabar mar waliba, waxuuna ugu bishaareyay inuusan Alle dulleyneeyn mar hadday Muslimiin yahiin, oo waxuu caddeeyay inuusan Alle dulleynin cid ku sugan Muslinnimo, oo ku jihaadeyso jidka Alle oo misna Ansaartii Alle Sarreeye ah.

Dabeeto goor salaad fajar ah buu dadkii tujiyey oo uu jilbo jilbo u fadhiistay oo Alle u baryay oo iyagiina sidiisii oo kale faleen. Markaana waxaa Muslimiinta hayey oon daran oo Alle baa il biyo ah u dolooliyey oo ka waraabiyey ciidamadiisii.

Markii ay isku soo dhawaadeen Murtaddiinta oo markaa watey ciidan culus, oo khalqi tiro badan ah bay dabeeto is hor degeen. Iyagoo sidaa kusugan baa habeen habeennada kamid ah uu Calaa maqlay buuq iyo sawaxan ka yeeraya dhanka cadawgiisa kuwa riddoobay. Markaasuu yiri:- Oo yaa inoo soo baaraya kuwan warkooda? Dabeeto waxaa kacay nin la oran jiray Cabdillaahi bin Xadaf oo inta dhex galay khabar buuxo ka keenay. Waxuu ibnu Xadaf soo arkay qoomka oo wada sakraamay siday khamro u cabbayeen oo caqligii ka tegay. Markaasuu inta soo deg degay khabarkii u keenay Al Calaa bin Xadrami. Intaa kadib Calaa bin Al Xadrami waa uu rartay isagoo ay ciidamadiisii la socdaan, markaasuu ka dul dhacay ciidankii kuwa riddoobay oo si daran u laayey oo dhan waliba u eryaday oo dhufeys waliba u galay, waxaana yaraa inta ka fakatay oo badankoodu goobtaa baala dhigay. Waxuuna ka reebtay maal badan iyo hubkoodii oo waxuu ka qaniimeystay qaniimo tiro badan.

Dadkii habeenkaa hurdayey goobtaa waxaa kamid ahaa oday la oran jiray Xadham bin Dhabiicah oo isagu kamid ahaa odayaashii dadkaa, markaana hurdaayey. Waxuuse kusoo baraarugay goor ay Muslimiintii dadkiisii laynayeen oo dhan waliba u eryanayeen, markaasuu ku deg degay faraskiisii oo damcay inuu kora, hase ahaatee waa uu wareeray oo jihadii ka luntay, markaasuu ku calaacalay:- Yaa itoosiya? Saa nin Muslimiinta kamid ah baa goor mugdi ah ku yiri:- Anigaa kutoosin ee sare lugtaada uqaad. Markii uu lugtii sare uqaaday buuna ka jaray oo seeftii ugu salaaxay. Waxuu Al Xadham yiri:- War is keey raaci. Hase ahaatee ninkii Muslimka ahaa waxuu yiri:- Yeeli mahayo sidaa. Wuuna iskaga tegay, oo isagiina Al Xadham dhulka ayuu si huleel ah ku dhacay. Qof waliboo soo maraana waxuu ka dalbanayey in uu isa sii raaciyo, hase ahaatee cidi ma aysan yeelin jeer uu markii dambe soo maray Qeys bin Caasim. Markaasuu Xadham yiri:- Waxaan ahay Al Xadham ee isa sii key raaci. Markaasuu dilay.

Markii uu Qeys ka tegay buu wax yar ka dib arkay lugtiisii oo meesha tiilay. Markaasuu ka shallaayey oo waxuu yiri:- Halleeyay!! Oo haddii aan ogaan lahaa waxa uu kusugnaa ma aan u dhaqaaqeen.

Dabadeed Muslimiintii waxay daba raacdeysteen kuwii baxsaday ee jabay raadadkoodii. Oo badankoodiina kuwii jabay waxay aadeen dhanka badda oo ay uga sii gudbeen Daariin. Waxayna u raaceen dooman.

Kadib Calaa bin Xadrami waxuu jideeyay in la qeybiyo qaniimadii goobtaa laga helay, kadib markuu ka saaray khumuskii ( 1/5 ) oo waxuu amray in la is fududeeyo oo culeyska la iska bar yareeyo. Markii uu howshii qaniimada ka faaruqay buuna Muslimiintii u caddeyay in ay haleelayaan dhanka Daariin iyo kuwii jabay, si ay uga soo cadgoostaan. Markaa bay Muslimiintiina si talantaali ah u ajiibeen arrinkaas oo u deg degeen, dabeetana waala baxay oo waxaa la tegay xeebtii, si ay doonyo uga raacaan halkaa.

Waxay arkeen inaysan doomyahu u dhaweyn, aysanna ka gaareyn in ay doomya sugaan oo waayo ciidamada acdaada ee riddoobay baa ka fakan oo intaasi ay u noqon fursad dahabi ah. Markaa buu Al Calaa faraskiisii badda la galay isagoo leh:- Inta naxariisato kan ugu naxariista badanoow! Kan falka suubban oo sharafta badanoow! Kan keliga ah ee deeqtoonoow! Kan nool waxna nooleeyoow! Kan khalqiga maamulo oo weynida iyo sharafta usaaxiibka ahoow!, Alle kala ma jiro aan adiga ahayn, Rabbigannoow!!. Dadkiina waxuu amray inay sidaa falaan, markaa bay sidaa faleen oo gaadiidkoodii badda la galeen, wayna ku dhex socdeen iyadoona awrtoodu gomadahooda biyuhu u gaareyn, farduhuna aysanna u gaareyn jilbaha. Waxayna dhexsocdeen baddii jeer ay tegeen dhankii kale ee birriga oo ay cadawgoodii isku heleen oo ay dad badanna ka laayeen qaniimo badanna kasoo furteen. Dabeetana sidoodii hore oo kale ayay baddii ugu soo laabteen oo ay dhankii kale u yimideen iyagoon balo arag. Waxaana la sheegaa inay ahayd mariddoodu iyo soo noqoshadoodii muddo isla hal maalin dhexdeeda ah.

Kadibna Al Calaa waxuu qeybiyey qaniimadii uu kasoo furtay oo aad u tiro badneyd, waxuuna qofkii faras watay helay 2000, kii lugeynayeyna waxuu helay 1000 Dirham iyadooy weliba ciidanku tiro badnaayeen. Kadib Al Calaa waxuu khumuskii qaniimada u diray dhankii Abuu Bakar isagoo uguna bishaareynayo guulahii is daba jooga ahaa ee uu Alle cadawgooda uga loogay. Markaa buu Abuu Bakarna warqad usoo diray Calaa uu ugu mahad celinayo waxii uu sameeyay.

Waxaa la sheegaa in nin reer Hajar ah oo raahib ahaa uu ku Muslimay kalmadihii Al Calaa bin Xadrami , markii uu marayey badda uu akhrinayey , oo waxaa la sheega markii la weydiiyey ninkaas sababta ku kalliftay inuu Muslima ayaa waxuu tilmaamay inuu hawada ka maqlay dhawaqa kalmado aad iyo aad u qiimo badan Wuxuuna yiri:- Haddii aanan rumeynin kalmadahaasi, waxaan ka yaabay inuu Alle aniga dhan inasakho.

Diin Ka Noqoshadii Reer Cummaan, Reer Mahra & Reer Yeman

Reer Cumaan iyagu waxaa kasoo shaac baxay nin laqabkiisu uu ahaa Dut- Taaj, magaciisuna la oran jiray Laqiid bin Maalik Al Uzdi. Waxaa ninkan loo yaqiinay waqtigii jaahiliyada Julandaa, waxuuna sheegtay Nebinnimo, oo waxaa raacay khalqi badan oo juhaladii reer Cummaan kamid ah. Waxuu Laqiid ka adkaaday Jeyfar iyo Cabbaad oo kamid ahaa madaxdii reer Cummaan, waxayna labadaasi nin ahaayeen rag Muslimiin ah. Markii uu Laqiid ka saaray magaaladii ayaa waxay u kala carareen buuraha iyo keymaha. Jeyfar baa markaa Abuu Bakar warqad u diray uu kaga dalbanayo in ciidan uu usoo diro. Markaa buuna Abuu Bakar soo diray laba amiir iyo ciidamadooda, kuwaasoo kala ahaa Xudeyfah bin Muxsin Al Ximyari iyo Curfajata Harthama bin Zuheyr Al Baaruqiyi. Waxuu Abuu Bakar Cummaan u diray Xudeyfah, halka uu Mahra-na u diray Curfajata Al Baaruqiy. Waxuu Abuu Bakar amray inay labadan ciidan kulmaan oo isku darsamaan oo ay marka hore howsha ka billaabaan Cummaan. Inta Cummaan la joogana waxuu amray ciidamada oo idil inuu amiir u noqda Xudeyfah bin Muxsin Al Ximyari. Markiina laga faaruqo Cummaan, waxuu amray inay u jiheystaan Mahra, markaasina wuxuu amray inuu amiir noqdo Curfajata bin Harthama.

Waxaan horey usoo xusnay in Cikrama loo diray Yamaamah, dabeetana laga daba diray Shuraaxbiil bin Xasanah. Cikrimah wuu deg degay oo wuxuu dul degay Museylamah, hase ahaatee Museylamah wuu iska soo caabiyey, oo dib ayuu usoo durkiyey. Arrintaa deg dega ahi Abuu Bakar waa uu ku canaantay Cikrimah, waatiina uu Khaalid markuu ka faaruqay Buzaakha uu u diray dhankii Yamaama. Waxaa markaasi dhacay wixii dhacay ee aynu soo xusnay, Museylamana la dilay, oo Yamaamana la furtay.

Markaa buu Abuu Bakar amray Cikrimah bin Abii Jahal inuu aado dhanka Cummaan iyo xagga Xudeyfah iyo Curfajah. Mid kastoo saddexdaan amiirrada kamid ahina waxuu amiir u noqon doonaa ciidankiisa, oo Xudeyfah waxuu amiir noqon inta Cummaan la jooga, Curfajana inta Mahrah la jooga.

Waxuu yiri Abuu Bakar:- Markii aad ka faaruqadaan, aad adiga ( Cikramah ) dhanka Yeman iyo Xadrulmowt, oo la jooga Muhaajir bin Abuu Umayah. Waxuuna intaa dabadeed Abuu Bakar warqad u diray labadii amiir ee Xudeyfah iyo Curfajah, taasoo uu ku ogeysiin in uu Cikramah u soo diray, waxuuna amray inay la tashadaan, oo ay taladiisuna goostaan, maadaama uu yahay nin qibrad u leh arrimaha dagaalka. Wuxuu Cikramah ahaa mid geesi ah oo geesiyaashii iyo halyeeyada Carabta kamid ahaa. Markii ay amaraadii u dhawaadeen Cummaan ayay u cid direen Jeyfar iyo Cabbaad. Dabeeta Laqiid baa waxuu maqlay ciidamada dhulkiisa yimid, markaa buu ciidankiisii soo dhaqaajiyey oo ku dhisay goob la yiraahdo Dubaa. Waxayna goobtaasi ahayd suuq weyn oo dhulkaasi ku yiillay. Waxuuna ciidankii soo daba dhigay hantidii oo idil, si aysan dib dambe u milacsan oo ay maalkooda, carruurtooda iyo dumarkooduba u dagaallamaan. jeyfar iyo Cabbaadna waxay ku kulmeen goob la yiraahdo Suxaar. Markaa bay is raaceen oo ay ku biireen ciidamadii Muslimiinta.

Waxaa kulmay labadii koox, ciidankii Allaah iyo ciidamadii Sheydanka. Waxaana goobtaa ka dhacay dagaal aad u daran oo lagu imtixaanay Muslimiintii oo ayba ku sigteen inay dhabarka jeediyaan, haddii uusan Alle nasri iyo gargaar deg deg ah usoo dejin jaantey rogi lahaayeen.

Markaa iyada ah oo xaaladdu ay darreed buu Alle Muslimiintii u turay, oo sharfay oo u soo diray ciidamo gurmad ah oo katirsan qolooyinka banii Naajiyah iyo Cabdiqeys. Markaana waxay ahayd goortii nasriga iyo furashada, waxaana gacantii sareysay yeeshay ciidamadii Alle, halka laga halligay xisbul daakhuudkii. Dhabarkay jeediyeen oo waa jabeen ciidamadii Laqiid, markaa bay Muslimiintiina dhan waliba u raaceen oo si daran u laayeen, waxaana laga dilay kufaartii tiro 10 000 oo dagaalyanno ah, waxaayna Muslimiintii qaniimeysteen hantidii suuqaa tiillay oo aad u badneyn. Kadib waxay qaniimadii ka saareen khumuskii oo intii kalena qaysadeen, dabeetana waxay khumuskii u dhiibeen mid kamid ah madaxdii ciidamada, waxuuna ahaa Curfajah Al Baaruqiy. Intii howshii soo gutay buuna ciidamadiisii kusoo noqday mar kale.

Ammaa Mahrah, waxaynu soo xusnay in markii hore uu Abuu Bakar Siddiiq soo amray inay ka bilaabaan Cummaan, dabeetana ay ku xijiyaan Mahrah, kadib markay ka faaruqaan Cummaan. Waa sidaase markii ay ka faaruqeen, waa tii khumuskii qaniimada loo dhiibay Curfajah Al Baaruqiy si uu khaliifadii Rasuulka SCW ( Abuu Bakar ) ugu geeyo. Haddaba markaa ayaa waxaa Mahrah aaday Cikramah iyo ciidamadiisii lasocoday, waxuuna tegay goobtii Mahrah oo uu kula kulmay laba ciidan oo middoodi ka badanyahiin kooxda kale. Kooxda badan waxaa amiir u ahaa nin la oran jiray Al Misbax Al Muxaaribi. kuwa kalena waxaa amiir u ahaa nin la oran jiray Shakhriit. Labadan amiir ee meesha deganaa way is khilaafsanaayeen. Khilaafkooduna waxuu Muslimiinta u ahaa naxariis Alle xaggiisa uga timid. Kadib Cikrimah waxuu u cid diray Shakhriit si uu xaqa ugu soo laabta, isagiina wuu yeelay oo wuxuu ku biiray ciidankii Cikrimah. Dabeeta waxuu Cikrimah u cid diray Al Misbax Al Muxaaribi si uu isaguna xaqa ugu soo laabto, hase ahaatee diidyay, oo waxuu ku faanay ciidan badni iyo inuu awood u leeyahay inuu iska celin karo Muslimiinta.

Markaa buu Cikrimah soo dhaqaajiyey ciidankiisii oo ay is heleen Al Misbax, waxaana dhex maray dagaal aad u culus, oo ka daran kii Dubaa ee aan usoo xusnay. Dabeeta Alle baa guul iyo furasho siiyey ciidamadiisii Muslimiinta, kuwii kalee riddaduna waa ay jabeen oo way kala firxadeen. Al Misbaxna waala dilay, khalqi badan oo kamid ah qowmkiisiina waala laayey. Halkaana waxay Muslimiinta qaniimo ahaan u heleen, hantidii cadawgooda. Markaa baa inta khumuskii laga saaray loo qaybiyey ciidanka. Dabeetana waxaa khumuskii loo dhiibay Shakhriit si uu Abuu Bakar ugu geeyo. Bishaaradii guushuna waxaa loo dhiibay nin la oran jiray As Saa’ib Al Caabidyu. Halkaana nin la oran jiray Culuuj baa gabay ka tiriyey, kaasoo uu aad ugu amaanay Shakhriit iyo weliba guushii ay Muslimiinta ka heleen cadawgooda.

Ammaa reer Yeman

Waxay iyagu horey u raaceen Aswad Al Canasi (oo magaciisu uu ahaa Cubhalah bin Kacab bin Canas), oo Nebinnimo sheegtay. Ninkan isagu waxuu soo shaacbaxay waqtigii Rasuulka SCW, oo uu Nebinnimadu sheegtay, markaasoo uu ka saaray Sanca madaxdii uu Rasuulka SCW horey ugu diray. Dabeeta waxaa raacay qaar kamid ah reer Yeman. Markaa buu Rasuulka SCW markuu maqlay soo bixidda ninkan ayuu warqad qoray oo uu u dhiibay nin la oran jiray Wabar bin Yuxannas Al Daylami. Waxuuna warqaddaa u diray madaxdii Yeman joogtay oo uu amrayo inay la dagaallamaan Aswad Al Canasi, oo waxuu kaloo farriin u diray reer Yeman in dhammaantood la dagaallamaan ninkaasi.

Yeman markaasi waxaa joogay Mucaad bin Jabal, oo haweeney Sukuuniyad ah ku guursaday, waxaana la oran jiray haweeneydaasi Ramlah As Sukuuniyah. Waxaa kaloo joogay Khaalid bin Saciid bin Al Caas oo masuul ka ahaa deegaannadii Caamir, Rafac, Zubeyd iyo weliba qeyb kamid ah dhulkii Najraan. Sidoo kale waxaa joogay Shahar bin Baadaan oo Yeman kor masuul ka ahaa. Iyo waxaa kaloo joogay oo kamid ahaa madaxdii Rasuulka SCW masuulka uga ahayd Yeman oo uu kamid ahaa Abuu Muusa Al Ashcari oo Ma’rib masuul ka ahaa. Waxaa kamid ahaa Yaclaa bin Abii Umayah oo Janad masuul u ahaa, iyo Daahir bin Abii Haalah oo Cakah iyo Ashcariyiinta madax u ahaa, iyo Camr bin Xaraam oo qeyb Najraan kamid ah madax u ahaa. Dhulka Xadrulmowt-na waxaa masuul ka ahaa Ziyaad bin Lubeyd. Sidoo kale waxaa joogay Cukaasha bin Thowr ibnu Akhdar oo madax u ahaa Sakuun iyo Sakaasik, iyo Cabdillaahi bin Qeys oo madax u ahaa banii Mucaawiyah iyo Kindah. Mucaadna waxuu ahaa macallimkii Baldeynka ( labada Balad ) yacnii Xadrulmowt iyo Yeman, waxuuna Rasuulka SCW Mucaad amray markuu diraayey inuu iskaga kala goosha labadaa dhul Yeman iyo Xadrulmowt oo uu dadkooduna macallim u noqda.

Iyagoo ay xaaladdaasi ku sugan yahiin amraa’dii Rasuulka SCW buu ninkan Al Aswad Al Canasi soo baxay. Waxuuna ka soo jeeday oo uu ka yimid deegaan la yiraahdo Kahf-Khubbaan, oo waxuu markaasi watay 700 oo dagaalyahanno ah.

Kadib waxuu warqado u diray masuuliyiintii Rasuulka SCW ee Yeman ku sugnayd oo waxuu ku yiri:- Innagaa idinkaga xaq leh ee inoo soo celiya dhulkayaga oo, waxaad idinku leedihiin waa dhulkiina.

Dabeeto waxuu abbaaray dhankii Najraan oo qabsaday 10 casho kadib soo ifbixiddiisii. Dabeeto waxuu aaday dhanka Sanca oo waxaana ka hor yimid Shahar bin Baadaan oo waxaa dhex maray dagaal culus, oo lagu jebiyey ciidamadii Shahar bin Baadaan, isagiina (Shahar) waa la dilay. Markaa buu galay Aswad magaaladii Sanca oo uu qabsaday 20 casho kadib soo ifbixiddiisii. Dabeeto Mucaad iyo Abuu Muusal AShcari waa ay ka baxsadeen Sanca iyo deegaannadii Yeman oo waxay aadeen dhankii Xadrulmowt. Masuuliyiintii Rasuulkuna SCW Waa ay kala faniineen, oo Camr bin Xaraam iyo Khaalid bin Saciidna waxay aadeen dhankii Madiina oo ay kulaabteen. Sancana waxay gacanta u gashay Al Aswad Al Canasi oo masuul ka noqday.

Maalintii ay Aswad is helayeen Shahar bin Badaan waxuu ciidankiisu dhamaa 700 sidaynu soo xusnayba, waxaana kamid ahaa madaxdii ciidankiisa Qeys bin Cabdiyaaquuth, Mucaawiyah bin Qeys, Yaziid bin Maxram, Yaziid bin Xisni Al Xaarithi iyo Yaziid bin Al Afkal Al Uzdiyu. Xukunkiisiina wuu ku xoogeystay Yeman.

Camr bin Macdiyakrib isagu wuu riddoobay oo waxuu amiir u noqday Banii Mudxij oo uu masuul uga ahaa Al Aswad, Al jandu waxaa masuul uga ahaa Qeys bin Cabdiyaaquuth, Abnaa-guna ( Abnaa waxay ahaayeen qolo asalkoodu Faaris ka soo jeedday oo waxay dhulka Yeman yimideen markii ay Yeman ka dalbatay Faarisiinta inay uga gargaaraan Xabashida oo markaa ay qaatiyaan ka joogeen. Markaa buu boqorkii Furus ee waqttigaa jiray usoo diray ciidan, kuwii xabsiyada ku jiray oo uu cafis u fidiyey , markiina ay yimideen Yeman bay degeen oo ay habdhaqankii iyo hanaankii Carabta yeesheen oo ay ka guursadeen, dabeetana dadkaa firkoodii ayaa loo baxshay Abnaa. ) waxaa masuul uga ahaa Feyruuz Al Deylami iyo Daadaweyhi, oo iyagu Muslimiin mu’miniin ahaa, oo qorsha kale maldahayey, waxay doonayeen uun inay dilaan Aswad Al Canassi.

Al Aswad wuxuu guursaday haaweeneydii Shahar bin Baadaan oo ay Feyruuz Al Deylami ilmo adeer ahaayeen, taasoo la oran jiray Zaad (ama Aazaad) Al Deylamiyah, waxayna ahayd haweeney mu’minad saalixad ah.

Markiina ay maqleen geeridii Rasuulka SCW baa dad badan oo reer Yeman kuwii Islaamka ku jiray ah ay riddoobeen, iyagoo markii horeba shaki iyo laab laab ku jiray. Haddaba waxaa u tashaday Saddex kamid ah madaxdii dhulkaa joogtay sidii ay ku dili lahaayeen Al Aswad isagoon fahmin arrinta ay damacsanyahiin. Waxayna u muujin jireen inay isagu rumeysanyahiin Nebinnimadiisa. Saddexdaa nin waxay kala ahaayeen Feyruuz Al Deylami, Daadaweyhi iyo Qeys bin Hubeyrah bin Hilaal (Al Muraadi) Al Bujaliyi oo loo yaqiinnay Qeys bin Makhsuux. Waxaa howshan la wadday gabadhii uu qabay Al Aswad Al Canasi oo ay ilma adeer ahaayeen Feyruuz Al Deylami, waxayna ahayd haweeney mu’minad saalixad ah sidaynu soo xusnayba.

Haddaba goor habeen ah ayuu Feyruuz dilay Aswad oo uu madaxa ka jaray. Dabeetana waxaa damcay inuu xukunka Yeman qabsado Qeys bin Makshuux. Waxuuna go’aansaday inuu dilo labada masuul ee kale (Feyruuz iyo Daadaweyhi), hase ahaatee arrintaa uma aysan suuro gelin, kaliya waxaa u suuro gashay inuu dilo Daadaweyhi . Sababtuna waxay ahayd mar buu usameeyay raashiin, dabeetana uu marka hore u cid diray Daadaweyhi si uu gurigiisa u yimaado. Markii uu Daadaweyhi yimid buuna Qeys ku deg degay oo dilay. Misna waxuu u cid diray Feyruuz Al Deylami, markaa buu Feyruuz dhankii Qeys aaday. Isagoo dariiqa marayo ayuu maqlay codka labo haween ah oo midi ay midda kale ku oraneyso :-Kanna isagu waa mid la dili doono, sidii loo dilay saaxiibkiis.

Markaa buu fahmay oo inta jidkiisii ku laabtay ayuu u tegay asxaabtiisii, oo uu uga warramay waxa dhacay iyo in la dilay Daadaweyhi. Kadib waxuu Feyruuz aaday dhanka reer abtiyaashii banii Khowlaan, waxaana u gargaaray qabiilooyinka Cakka iyo Caqiil iyo khalqi kale. Dabeetana Qeys waxuu qaatay labadii daar ee Daadaweyhi iyo Feyruuz, Abnaa-giina ciidankiisii ayuu ku daray, markaasuu ku weynaaday dhulkii Yeman, oo ciidamo u diray bad iyo berri. Muddo kadibna waxaa yimid Feyruuz oo hoggaaminayo khalqi tiro badan. Waxayna is heleen Qeys oo dagaal darani dhex maray, kaasoo lagu jebiyey Qeys iyo ciidamadiisii. Qeys iyo Camr bin Macdiyakribna waala soo qabtay qafaal ahaan, markaa baa Muhaajir bin Abuu Umaya waxuu amray in loo geeyo Abuu Bakar Siddiiq. Markii loo geeyayna waa ay u cududaarteen isagiin waa uu ka aqbalay, wixii aay muujisanayeen, sirahooduna waxuu u wakiishay Allaah Sarreeye.

Kadibna masuuliyiintii Rasuulka SCW ee Yeman masuulka ka ahayd, waxay ku laabteen meelahoodii ay horey masuulka uga ahaayeen waqtigii nolashii Rasuulka SCW, kadib markay galeen dagaallo aad u dhaadheer oo haddaynu is orona aad si faah faahsan uga hadashaan ay runtii inagu dheeraanayaan, markaa intaa ayunbaan kusoo koobeynaa hadduu Alle idmo, oo waxaan usii gudbi doonnaa dhacdooyinkii kalee jihooyinka kale kasocday. Arrintu iyo dagaalladuna sidaa bay u socdeen jeer ay Jasiiraddii Carabta oo idil nadiif noqotay, oo daacaddii iyo Islaamka ay usoo wada noqdeen.

Waxaana caan noqday qowlkii Abuu Bakar Siddiiq uu yiri ka hor intuusan weerraradan qaadin, kaasoo ahaa:- Ma anigoo nool ayay diintu nusqaameysaa??.

Runtii wuu ka runsheegay Abuu Bakar oraahdiisaasi oo waa mid laga wada marag kacay, taariikhduna ay marqaati cad u noqotay.

Badi dagaalladan aanu soo xusnayna waxay dhaceen dhammaadkii sannaddii 11aad ee hijriga illaa horraantii sannaddii 12aad ee hijriyada, waana sida ay culimada mu’arrakhiinta badankoodu qabaan.

SANADKII 12AAD EE HIJRIGA

Sanadkani markii uu bishay, dowladdii Islaamka dhidibidda ayaa loo aasay, muddadii yareydna ee uu Abuu Bakar xilkaasi hayay Jaziiraddii Carabta oo idil waa uu sifeeyay oo ciidamadii Muslimiintu midig iyo bidix bay xaaqeen. Waxuu Abuu Bakar la diriray dadyowgii riddoobay oo ay kamid ahaayeen reer Yamaama, reer Najad iyo Dhuleyxa, reer Yeman, Mahrah, Cummaan, Baxreen iwm. Muddaadii yareydna waxaay Jaziiraddii oo idil u hoggaansameen Islaamka.

Qaar kamid ah Culamaa’i Siirah ayaa waxay qabaan in dagaalkii Yamaama uu dhacay sanadkan 12aad bisha Rabiicul Awal. Qaar kalena waxay yiraahdeen:- Waxuu ahaa dagaalkaas sanadkii ka horeeyay kan ( sanadkii 11aad ee hijriga ) dhammaadkiisa. Waxaase lagu kulmiyaa aqwaashaan sidaynu soo xusnayba in uu dagaalkan billawday dhammaadkii sanadkii 11aad uu dhammaaday billawgii sanadkii 12aad ee hijriga.

Waxaa kaloo la sheegaa in dhacdooyinkii, Cumaan, Mahrah, Baxreyn iyo Yeman ay dhaceen sannadkan 12aad. Waxaanu soo qaadan doonnaa hadduu Alle idmo waxyaabihii sanadkan dhacay oo dhacdooyin iyo mawaaqic ah, arrimihuna sidii hore maaha oo iminku xaaladdu way furfurmatay, oo Jaziiraddii uu idil baa u hoggaansantay dowladdii Islaamka ee uu hoggaanka u hayay Saddiiq Illaahay haka raalli noqdee.

Sanadkan dhexdiisa waxaa la dilay afartii boqor ee loo yaqiinnay Xammad, Maxras, Abdhacah iyo walaashood Al Camarradah. Waxuu kusuganyahay xadiis lagu lacnaday Musnad-ka Iimaam Axmed, waxana dilay Ziyaad Al Ansaari.

Diriddii Khaalid Bin Waliid Ee Dhanka Ciraaq

Markii uu Khaalid ka faaruqay Yamaamah buu Abuu Bakar amray inuu aado dhanka Ciraaq, waxuuna amray inuu ka billaabo Faraj Al Hindah, waxuuna amray inuu Ciraaq ka galo kor, oo dadkuna isu soo duwa oo xagga Alle Cazza wajalla ugu yeero, oo hadday yeelaan waa sidaa sida la rabay, haddii kale waa inay bixiyaan jizyo, haddeys diidaanna taa iyada ah waa inuu la dagaallamo, cidinana uusan ku qasbin raacidda, oo wuxuu amray inuu kaxaysto oo kaliya inta raacda. Waxuu kaloo amray in uusan gargaar weydiisan kuwii riddoobay oo uusan cadawga u kaalmeysan, waxuuna u tilmaamay inuu horey la sii saaxiibo cidkastoo kamid ah madaxda ciidamada Muslimiinta ee uu la kulmo oo uu horey usii kaxeysto intii u suuro gasho.

Intaa kadibna waxuu Abuu Bakar u kacay inuu diyaariyo ciidama kala oo gurmad u noqda Khaalid iyo wardoonna qaas ah inuu sameeyo.

Haddaba waxaa khilaaf ka taagan yahay Khaalid bin Waliid ma toos buu Yamaama uga baxay oo uu Ciraaq sidaa ku aaday, mise Madiina buu tegay oo uu Ciraaq ka aaday?

Culimada qaarkood waxay sheegaan in uu si toos ah Yamaamah uga baxay oo sidaa Ciraaq ku aaday, halka kuwa kalena ay qabaan inuu ku laabtay Madiina , dabeeto uu Madiina ka baxay oo sidaa Ciraaq ku aaday. Waxuuna maray jidka Kuufa ee maanta oo sidaa ku dhaqaaqay jeer uu gaaray Xiirah.

Ibnu Kathiir isagu waxuu rajaxi in uu Khaalid Madiina ku laaban oo si toos ah uu u baxay kadib markuu Yamaamah ka faaruqay.

Maxamed bin Isxaaq isagu waxuu qabaa in uu Khaalid ka baxay Yamaamah kadib markuu Abuu Bakar warqad usoo diray oo uu ku amray inuu Ciraaq aado. Markaa buu Khaalid dhaqaaqay oo sii maray labo qaryo oo la kala oran jiray Baanuqiyaa iyo Baaruusimaa, waxaana masuul ka ahaa nin la oran jiray jaabaan, dabeetana Khaalid wuu la heshiiyey sida uu Ibnu Isxaaq qabo.

Waxaa kaloo iyana la sheegaa in heshiiska ka hor ay Muslimiintii ka laayeen cadawga tiro badan, kadib bay dalbadeen inay jizyo bixiyaan oo ay heshiis dalbadeen, waxaana lagula heshiiyey qiima 1000 Dirham ama Diinaar sanadkan. Waxuuna ahaa ninkii Khaalid ka guntay heshiiskaa Busbahri bin Saluubaa. Kadib Khaalid waxuu u qoray warqad dadkii meeshaa ku sugnaa, kadibna horey ayuu usii socday illaa uu degay Xiirah, dabeetana waxaa kusoo baxay dadkeedii madaxyaweynta ahaa oo la socdaan Qabiissah bin Iyaas bin Xabbah Al Dhayi oo markaa masuul uga ahaa boqorkii Furus ee Kisraa kadib xukunkii Nucmaan bin Al Mundir.

Khaalid bin Waliid waxuu ugu yeeray xagga Alle oo waxuu ku yiri:- Waxaan idinkugu yeeri xagga Allaah iyo Islaamka. Haddaad yeeshaan markaa waxaad kamid noqoneysaan Muslimiinta, oo waxaad leedahiin waxa ay iyagu leeyahiin, waxaana dushiina ahaaday waxa iyagu dushooda ah, haddaad diidaan, waa inaad bixisaan jizyo, haddaad jizyadu diidaanna xaqiiqdii waxaan idiinla imid qowm ugu dadaali og geerida sida aad idinku noolasha ugu dadaashaan. Waan idiinla dirireynaa oo aan idiinla jihaadeynaa jeer uu Alle nakala xukmiyo dhexdeenna iyo dhexdiinna.

Qabiissah baa waxuu yiri:- Wax dan oo aan ka leennahay ma jirto la dagaallankiina ee waxaanu bixineynaa jizyo, waxaana ku baaqi noqoneynaa diintayada.

Dabeeto halkaa waxuu Khaalid kula heshiiyey qiima 90 000 oo Dirham. Werin kalana waxaay sheegi in uu kula heshiiyey 100 000 Dirham. Waxayna taasi ahayd heshiiskii ugu horreeyay ee uu Khaalid Ciraaq kula galo. Kadibna waxaa hantidaaso iyo kuwii ka horreeyay ee uu Khaalid kula heshiiyey tuulooyinkii ka horreyayba loo diray magaalladii Madiina.

Khaalid bin Waliid waxuu intaa kadib warqad u diray madaxyaweyntii Furus iyo wasiiradoodii ku sugnaa magaalladii Al Madaa’in. Waana kan naskeedi :

Ka: Khaalid bin Al Waliid

Ku: Waziirada reer Furus.

Nabadi ha ahaato dusheeda ciddii raacdo hanuunka, intaa dabadeed, waxaa mahad iska leh Allaah, kaasoo tegsiiyey jameecadiinnii, boqortooyadiinniina soo dhiibay ( oo soo gacan geliyey ), dhagartiinniina daciifiyey. Kii tukada salaaddayada oo qaabila qibladdayada oo cuna gowracayaga, waa uun kaas Muslimkii lahaa waxa aanu innagu leennahay, oo ay dushiisu ahaatay waxa dushayada ahaaday.

Intaa kadib.

Hadday idiin timaaddo warqadeyda, iisoo dira rahamad oo igana gunta heshiis. Haddaydaan sidaa sameyn Kii ( Allaah ) baan ku dhaartaye uusanna jirin mid qeyrkiiye waxaan xaggiina usoo diri doonaa qowm u jecel geerida sida aad idinku noolasha u jeceshahiin.

Markay akhriyeen madaxdii Furus warqaddaasi Khaalid katimid bay la yaabeen oo yaab iyo amakaag darani ay ku beertay.

Dhanka kale sida uu Imaam Seyf bin Cumar qabo, Khaalid waxay is heleen markuu Ciraaq tegay Hurmuz oo kamid ahaa madaxdii Furus dhulkaasi Maraj Hinda masuulka uga ahaa. Waxuu Hurmuz ahaa nin ay ku weyneed diintii Majuusta oo waxuu ahaa nin misna faan iyo isla weyne badan oo qooqaa ah. Waxuu masuul u ahaa khalqi badan oo ku sugnaa agagaarkaas. Haddaba Khaalid markuu u dhawaaday buu Hurmuz warqad u diray, taasoo uu ugu yeerayo xagga Allaah. Hurmuzna warqaddii Khaalid waxuu u diray boqorkii Furus ee Sheyraa bin Kisraa iyo wiilkii boqorka ee Ardasheer bin Sheyraa, Markaasina Hurmuz waxuu aruuriyey ciidamo tiro badan, dabeetana waxuu abbaaray dhanka Kaadhimah oo ah meesha maanta loo yaqaan Kuweyt, labada dhinac ee ciidankiisuna waxaa kala hoggaaminayey oo uu madax uga kala dhigay Qabbaad iyo Aanushajjaan oo ka tirsana qoyska boqortooyada, waxuuna ciidamadiisii badankoodii ku xiray sil silado si aysan u cararin, dabeetana waxuu ku dhaqaaqay dhankii Khaalid si uu uga hor tego isagoo ay la socdaan 18 000 ( 18 kun ) oo ciidamadii Muslimiinta ah, dabeetana waxay degeen meel cadawgu kasokeyso oo aan ahayn dhanka biyaha, ( dhanka biyaha waxaa xigay cadawga ). Markaa buu Muslimiintii oon darani qabtay oo taas waxay uga eed sheegteen amiirkoodii Khaalid bin Waliid. Dabeeta Khaalid waxuu Muslimiintii kubooriyey inay sabraan oo adkeystaan ayna cadawga ka durkistaan biyaha, muddo yar kadibna Allaah baa keenay daruur ay ka wada cabbeen Muslimiintii oo ay weelashoodiina ka dhaansadeen, tanina waxay Muslimiintii u siyaadisay ad adkaan iyo sugnaan oo si aad ah bayna ugu farxeen.

Kadib waxaa is helay labadii qole, oo waxaa ka soo baxay dhanka kufaarta Hurmuz oo dalbanayo Mubaarizo, waxaana u ban baxay halyeeygii weynaa ee Khaalid bin Waliid, waxayna is dhaafsadeen laba darba, waxaase ka shuqliyey Khaalid inuu Hurmuz ka takhaluso qaar kamid ahaa ilaaladiisii, oo iyagu difaacayay amiirkooda, weerarro isdabajoog ahna ku qaadayay dhanka Khaalid, markaa baa iyagiina waxaa meel gees ah uga soo booday halyeeygii weynaa ee Al qacqaac bin Camr At Tamiimi oo si xun u gummaaday, markaa bayna kala firxadeen oo jabeen. Muslimiintii dhan waliba ayay u raacdeysteen cadawga oo ay laynayeen illaa habeenkii, waxayna ka furteen hanti faro badan iyo silsilado aad u badan, halkanna waxaa cadawga looga laayey tiro aad u badan oo ay u badnaayeen kuwii silsiladaha ku xirnaa, kadibna Khaalid waxuu qaybiyey qaniimadii kadib markuu kasaaray khumuskii, waxuuna ku qeybiyey meesha ay maanta tahay buundada weyn ee Basra, kadibna waxuu diray khumuskii qaniimada oo uu u diray dhankii khaliifkii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Sidiiq, waxuuna ugu sii dhiibay nin la oran jiray Zir bin Kuleeyb. Waxaa qaniimadaasi ku jiray maroodi ay aad ula yaabeen dumarkii reer Madiina. Abuu Bakar Sidiiq markii qaniimadii loo geeyay waxuu Zir lasoo celiyey maroodigii. Hantidii Madiina la geeyayna waxaa kamid ahaa 1000 shey oo kamid ahaa noocyadii libbiska ee Hurmuz oo xariir iyo murjaan iyo yaaquut kasameysnaa.

Intaa kadib Khaalid wuxuu jiha waliba midig iyo bidix u diray qaar kamid ah madaxdii ciidankiisa, si ay u go’doomiyaan qalcadooyinka aagaggaas ku yiillay, dhammaanna waala furtay, mid xoog lagu furtay iyo mid heshiis lagu furtayba. Dadkii halkaa deganaa ee qotida ahaydna Khaalid wax dhib ah ma uusan gaarsiin oo waxuu ku darbay inay jisyo bixyaan, sidaa ayuuna kula heshiiyay.

Dagaalkani waxaa loogu magac daray Daatus-salaasil, sababta silsiladihii farada badnaa ee Faarisiintu isku dabreen darteeda.

Dhacdadii Al Madaar (Al Thaniyi)

Kadib waxaa dhacay dhacdadan Al Madaar oo dhacday bishii Safar ee sanadkan (12aad), waxaa kaloo loo yaqiinnay dhacdadii Thaniyi oo ah webi loogu magac daray.

Sababtii dhacdadan waxay ahayd, Hurmuz baa warqad u qoray boqorkii Furus ee waagaa jiray, waxuuna warqaddaa ku ogeysiinayey soo galootiga uu Khaalid dhulka Furus soo galay isagoo kayimid dhanka Yamaama. Haddaba markaa buu boqorkii soo diray ciidan Faarisiin ah oo gurmad ah, kaasoo uu madax uga dhigay nin la oran jiray Qaaran bin Qaryaanus. Ciidankaan ma aysan gaarin Hurmuz, oo waxaa dhacay wixii dhacay ee aan horey usoo xusnay, waxaana la dilay intii la dilay, waxaana cararay intii carari kartay ee ciidamadii Furus. Dabeeto intii baxsatay ayaa waxay ka hor tegeen Qaaran iyo ciidankiisii gurmadka ahaa, waxaana la isku waafaqay in Khaalid loo laabto oo weerar culus lagu qaado. Kadib Qaaran waxuu ciidamadiisii ula weecday dhanka goob la yiraahdo Al Madaar oo uu ku dhisay isagoo dhanka midigta iyo bidixda u kala dhiibay Qabbaad iyo Aanushajjaan. Markii uu warkan gaaray Khaalid bin Waliid baa waxuu qeybiyey qaniimadii Daatus-salaasil, waxuuuna warka gaaray ka hor intuusan qaniimadaasi qeybin, dabeetana waxuu diray khumuskii qaniimada sidaynu horey usoo xusnayba , waxuuna khabarkii guushana usii dhiibay Waliid bin Cuqbah bin Abii Muceydh, isagiina Khaalid iyo ciidankiisii waxay ku dhaqaaqeen dhankii cadawga oo ay is heleen, waxaana dhex maray dagaal qaraar oo faraha la isaga gubtay, markaa baa waxaa soo baxay Qabbaad oo dalbanayo mubaarazo dabeetana waxaa u baxay Khaalid bin Waliid, waxaase uga hor maray laba kamid ah geesiyaashii Muslimiinta oo kala ahaa Macqal bin Al Acshaa bin Al Nabaash iyo Caddiyi bin Xaatim Al Dhaa’iy, Macqal waxuu dilay Qaaran, Caddiyina waxuu dilay Qabbaad, amiirkii saddexaad ee ciidankaa Faarisiintuna (Aanushajjaan) waxaa dilay Caasim bin Camr At Tamiimi (Al qacqaac walaalkiis) oo kamid ahaa halyeeyadii Muslimiinta. Kadib Faarisiintii way jabeen, Muslimiintiina dhan walibay u raacdeysteen , waxaana maalintaa laga dilay Faarisiinta tiro 30 000 (Soddon kun) ah, in kaloo badanna wabigii ayay ku hafteen, halkaana waxay Muslimiintii ka heleen qaniimo tiro badan iyo hub aad u fara badan, Khaalidna waxuu ciidankiisii amray in la aruuriyo hubka dadkii la dilay ee cadawga.

Waxuu Khaalid kusii sugnaaday goobta Al Madaar oo uu aruurinayey hubkii Majuusta, markiina uu ka faaruqay baa waxuu qaybiyey qaniimadii meeshaa laga helay, qotidii meeshaa daganeydna waxuu kula heshiiyay jizyo, dabeetana Khumuskii iyo bishaaradii guusha baa waxuu u dhiibay Sacad bin Nucmaan Al Qurashi Al Cadawiyu si uu ugu geeyo Khaliifkii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Siddiiq. Waxaa ku jiray qaniimadaas dad la soo qafaashay, waxaana dadkani kamid ahaa Xabiib (ama Yazaar) oo ahaa Xassan Al Basri aabahiis, Maanifah mowlaa Cuthmaan bin Cafaan iyo Abuu Ziyaad mowlaa Muqiirah bin Shucbah.

Khaalid waxuu u xilsaaray aruurinta jizyada Suweyd bin Muqarrin Al Muzanni, muddo ayuuna halkaa kusugnaa oo uu doon doonayey warka cadawga.

Dhacdadii Al Walijjah

Kadib waxaa dhacday dhacdadan Al Walijjah oo iyana dhacday isla bishan Safar sida uu xusay Ibnu Jariir. Sababtuna waxay ahayd markii uu gaaray warka dhacdadii Madaar kahoreysay iyo Qaarraan boqorkii Furus baa waxuu soo diray ciidan gurmad ah oo uu amiir uga dhigay nin kamid ahaa halyeeyadii Furus oo la oran jiray Al Andarzaghar. Ninkan Andarzaghar waxuu ku dhashay magaallada Madaa’in ee xaruntii boqortooyadii Furus oo uuna ku barbaaray, waxuu ahaa nin magac ku lahaa Furus dhexdeeda. Dabeeta waxuu lasoo dhaqaaqay ciidankiisii, boqorkii Furusna waxuu soo diray ciidan kaloo gurmad ah oo uu hoggaaminayey nin la oran jiray Bahman Jaadaweyhi, dabeeta way is raaceen oo waxay abbaareen dhanka goob la yiraahdo Al Walijjah. Khaalid bin Waliid baa maqlay warkooda dabeetana la dhaqaaqay intii lasocotay ee ciidankiisa, waxuuna u dardaarmay kuwii uu meeshaa uga tegay inay digtooni muujiyaan oo mar waliba ay qaflahooda yareeyaan, ayna badiyaan wardoonnadooda.

Labada koox waxay isku heleen goobta Al Walijjah , waxaana dhex maray dagaal ka daran kuwii ka horeeyay oo socday jeer labada dhinacba ay u maleeyeen in uu ka dhammaaday sabarkii, markii damba buu Alle nasri iyo guul usoo dejiyey ciidamadiisii , waxaana jabay safafkii cajamta reer Furus, Andarzaghar-na goobta dagaalka ayuu ka rooray oo dhexda ayuu oon ugu bakhtiyey. Halkan waxay Muslimiintii ka heleen qaniimo fara bada , Khaalidna intuu khumuskii ka saaray buu Muslimiintii u qeybiyey, kadibna Khumuskii waxuu u diray dhankii Madiina iyo Khaliifkii Rasuulka SCW.

Waxaa la sheegaa in dhacdadaan uu Khaalid usoo ban baxay mubaarazo ahaan nin u dhigma Faarisiinta dhexdooda 1000 nin , markaa buu Khaalidna si fudud uga tallaabsaday gaalkaa majuusiga ah.

Halkaas waxuu Khaalid Muslimiintii ugu jeediyey khudbo cajiib ah oo uu ku xasuusiyey nimcada Allaah iyo in dhulkoodii ay ka fogyahiin oo Alle guulo iyo nasri is daba joog ahna u sababay inay helaan. Waxuuna u dar daarmay wanaagga oo ka reebay xumaha.

Dhacdadii Uleys

Kadib waxaa dhacday dhacdadan Uleys oo dhacday bishii Safar ee isla sanadkan 12aad ee Hijriyada, waxayna ahayd sababteeda in Khaalid bin Waliid uu laayey maalintii Walijjah in badan oo kamid ah banii Bakar bin Waa’il oo Carabtii Nasaareyda ahayd. Markaa bay cashiiradoodii isku tegeen oo shir u fadhiisteen, koodii ugu dhaqdhaaq weynaa arrinkaasina waxuu ahaa nin la oran jiray Cabdu bin Al Aswad Al Bujali, kaasoo wiil uu dhalay lagu dilay dhacdadii hore. Markaasay warqad u qorteen Cajamtii reer Furus ee ay tabaca u ahaayeen, boqorkii Ardaasheerna waxuu usoo diray ciidan culus, waxayna labadaa qola ( yacni Cajamta iyo Carabtii Nasaareyda ) ay ku kulmeen goob la yiraahdo Uleys.

Goor ay u diyaar garoowayeen cunidda cunta, ayaa waxaa ciidamadiisii kusoo qafleeyay Khaalid bin Waliid, markaasey intoodii badneyd tilmaameen in cunnada la cuno, waxaase hadlay amiirkii ciidamada Cajamta oo ku taliyey in loo kaco ciidanka Khaalid ee aan loo fadhin cunidda raashiinka, hase ahaatee dhaq jalaq uma aysan siin ee waxay wateen howshoodii u diyaar garowga cuntada ahayd.

Markaa buu Khaalid bin Al Waliid ciidankiisii la soo degay hortooda, oo isagiina inta ciidankii kasoo dhex baxay ayuu dhankii cadawga u dhaqaaqay isagoo ku qaylinaya cod aad u dheer oo u yeeraya geesiyaashii Carabta ee halkaa joogtay isagoo oranaya:- Aaway hebal! Aaway hebal! ?

Mid kamid ahi uma uusan soo bixin oo dib ayay u wada laabteen, waxaana markaa ka soo dhex baxay nin la oran jiray Maalik bin Qeys Al judri mubaarizo ahaan, markaasuu Khaalid ku yiri ninkaas:- Yaa ibnu Khabiithah! (Waar ina Quranloow!), maxaa dhexdooda kaasoo saaray adigoon waxba iga tareyn? Dabeetana waa uu dilay.

Markaas bay Cajamtii ka kala boodeen raashiinkii oo ay hubkii ku ordeen, waxaana halkaa ku dhex maray dagaal aad iyo aad u daran, Mushrikiintuna waxaa isaga soo daba dhacayey gurmad kaga imanayey dhanka boqorkooda, waxaynta taasi u siyaadineysay ad adkaan iyo in ay dagaalka horey ugu sii socdaan, Muslimiintiina waxay maalintaa muujiyeen adkeysi, oo waxay sabreen sabar aad u xeelad dheer. Goor uu dagaalku meeshii ugu kharaareed marayo ayuu Khaalid Rabbigii baryay oo yiri:- Allahayoow! haddii aad guusha naga siiso kuwan, waxaa igu ballan ah inuusan midkooda aan awood u helo inaan qabto uusan iga fakan jeer webigooda uu isku beddelo licayga dhiiggooda”. Dabadeed Alle baa ciidankiisii u gargaaray oo cadawgooda ka siiyey guushii, markaasuu Khaalid ciidankii amar ku siiyey in la qabqabto qafaal ahaan oo aanan la dilin midkii isagu diido mooyaan in la qafaasho, kaas waxuu amray in unuunka loo dheereeyo.

Dabadeed fardooleydii Muslimiinta baa jiha walba u baxday oo cadawgii daba dhigatay, waxayna soo qab qabanayeen cadawga oo koox koox ah, waxaana la iskugu aruurinayey webiga jinkiisa, oo Khaalidna waxuu u xilsaaray rag qawjad ah inay webiga dushiisa ugu xiiraan xayntii walibo ee lasoo qabto, markaasaa kurka loogu jarayay webiga dushiisa midkasta ama koox kastoo lasoo qabta, sidaa baana lagu waday habeen iyo maalin iyo maalin iyo habeenkeedii kale oo qoorta looga wada gooynayey mid kastoo lasoo qabtaba, illaa uu webigii la socon waayey dhiiggoodii dartii, heer markii dambe ay madaxdii ciidanka Muslimiinta yiraahdeen:- Webi waxuu la dhaqaaqi waayey dhiiggooda dartii”. Khaalid bin Waliid Alle waa uu u baarrinnimo falay oo dhaartiisiina waa uu guday. Sidaa ayaana webigii loogu baxshay Nahru-dammi, magacaas oo illaa maantadan loo yaqaan.

Waxaa la sheegaa dadkii uu Khaalid dagaalkan ku laayey inay tiradoodu ahayd 70 000 (toddobaatan kun), waxaana la sheegaa markay jabeen cadawga oo ay soo gaddoomeen ciidanka Muslimiinta intoodii soo gaddoontay ayuu Khaalid iskugu yeeray cunnida cuntadii ay horey u dhigteen cadawga goor casho ah, markaasay cuneen casho ahaan.

Waxaa la sheegaa in dhammaan dadkii lagu dilay dhacdadaan Uleys ay kasoo jeedeen deegaan la yiraahdo Alamqiishiya, markaasuu Khaalid xaggeedii u jalleecay oo amray in la kharaabiyo, waxayna halkaa Muslimiintii ka heleen qaniimo aad u tiro badan, waxuuna helay ninkii faras watey marka laga reebo waxii dheeriga ahaa ee loogu daray 1500. Kadib Khaalid waxuu diray khumuskii qaniimada iyo dadkii lasoo qafaashay oo uu udiray dhankii Madiina iyo khaliifkii Rasuulka SCW, waxuuna u dhiibay nin la oran jiray Jundal Al Cajali oo daliil dal aqoon ahaa.

Markii uu ninkaan gutey amaanadii loo dhiibay oo siday aheed uu farta uga saaray Abuu Bakar, buu Abuu Bakar aad ula yaabay sida qiimaha badan ee uu u gutay dhambaalkii loosoo dhiibay, markaasuu ku daray gabar kamid ah dadkii qafaalka.

Goortaa buu Abuu Bakar Sidiiq yiri:- Kulanka Qureesheedeey! libaaxiinnii (Khaalid aabahiis) wuxuu soo saaray libaax, haweeneyna waa ay ka caajistay dhalidda Khaalid bin Waliid oo kale. Abuu Bakar Sidiiq run buu sheegay, oo xaqiiqdii dumarkii waa ay ka caajiseen inay dhalaan Khaalid bin Waliid oo kale, waxuu ahaa halyeey aanan seexan oona la seexin, waxuu ahaa mid gacan adag ku qabta cadawga Alle iyo diintiisa la colleytamay, saa mar waliboo Khaalid uu arko cadawga waxaan sugnaan iyo farxad iyo rayn rayn ahayn ma u siyaadineyn. Waxuu Khaalid ahaa seyf kamid ah seefaha Allaah ee uu ku xasuuqa acdaadiisa. Waa mid runtii Alle u abuuray inuu Muslimiinta iyo Islaamkuba uu ku cizeeyo, halka Mushrikiinta iyo Munaafiqiintuna uu bowdaha kaga jabiyey, mar waliboo uu cadawgu maqlo magaca Khaalidna rucbi iyo argagax ayaa ku dhici jiray.

Kadib Khaalid wuu laabtay oo waxuu degay Al Khawarnaq, As-Sadayir iyo An Najaf oo ahaa Qasriyo ku yiilley Xiirah, waxuuna jiha waliba u diray sirriyaad si ay u go’doomiyaan qalcadaha Xiirah.

Culimaayi taariikh qaarkood waxay yiraahdaan:- Markaa buu Khaalid furtay Xiirah.

Waxayna tilmaamaan in qalcadahii Xiirah qaarkood xoog lagu furtay qaarna heshiis.

Waqtigaa iyada ah ee uu Khaalid la heshiinayey reer Xiiraa ayuu mar la kulmay Ibnu Bukheylah (Camr bin Cabdumasiix bin Bukheylah) oo markaa kiish yar gacanta ku sitay. Khaalid baa weydiiyey:- Waa maxay waxa kan?

Waxuu Ibnu Bukheylah yiri:- Waa sunta halista ah (ee wax ku disho muddo aad u yar).

Markaasuu Khaalid yiri:- Oo maxaad u sidataa?

Waxuu yiri:- Markii aan arkay waxa dhacay oo qoomkeyga asiibay ayaan jecleystay inaan cabo si aan u dhinto taas ayaanna door biday:- . Saa Khaalid intuu ka qaaday oo eegay buu yiri:- Nafi ma dhimato illaa uu waqtigeedu yimaado mooyaane. Kadibna waxuu yiri:- Bismillaah. Ku billaabid magaca Allaah, magacyo kuwa ugu kheyr badan leh, Rabbiga dhulka iyo samada, kan shey wax dhibaayi aysan waxba dhibin lajirka magaciisa, Naxariis guud iyo mid gaarba Naxariista. Markaas baa waxaa kusoo kala diday madaxdii ciidanka Muslimiinta si ay uga celiyaan, hase ahaatee waa uu uga hor maray oo qurquriyey suntii.

Ibnu Bukheylah markii uu arrintaa arkay waxuu yiri:- Kulanka Carbeedeey! Illaah baan ku dhaartaye waxaad mulkin doontaan wax walibood doontaan intuu midi idinka noolyahay. Kadib waxay dadkii halkaasi degenaa dalbadeen heshiis, Khaalidna waa uu ka yeelay oo waxuu kula heshiiyey inay bixiyaan 400 000 oo Dirham oo hor maris ah. Waxuuna u qoray warqad nabad gelin ah.

Khaalid muusan taam yeelin heshiiska jeer ay marka hore soo gacan geliyaan Kiraamah bint Cabdul Masiix bin Bukheylah, oo ay siiyaan nin saxaabada kamid ah oo la oran jiray Shuweyl. Sababtuna waxay ahayd mar uu Rasuulka SCW xusay qasriyada Xiira ayuu Shuweyl yiri:- Rasuulkii Alloow! isii gabadha Ibnu Bukheylah? Rasuulka SCW waxuu yiri:- Adigaa leh.

Markii la furtay Xiirah ayuu Shuweyl sheegtay gabadhaasi, waxaana uga marag kacay laba kamid ah saxaabada. Markii uu Khaalid ka dalbaday inay soo gacan geliyaan Kiraamah waa ay diideen, Khaalidna waa uu ka diiday inuu heshiiska la galo. Markaa bay Kiraamah tolkeed ku tiri:- Bal isii daayo aan u tego’e kolleey waan isasoo furan doonaaye. Markii ay u daayeen inay u tego, oo ay iyadiina utegay ayay ku tiri:- Oo maxaad ku faleysa haweeneyn 80 jir ah, anigu waan is furanayaaye bal wax sheego?

Waxuu yiri:- Illaah baan ku dhaartaye inaadan isku furaneyn wax ka yar toban boqol (yacni kun).

Waxay muujisay inay tiradaasi tahay mid culus iyadoo u dagaysa xeelad qota dheer, markaasay ka tegtay oo tolkeedii aadday, waxayna u sheegtay qiimahii ay kula soo heshiisay inay isku furato, iyagiina waxay u aruuriyeen ama u diyaariyeen 1000 Dirham.

Muslimiintii baa Shuweyl ku canaanatay arrintaa oo ku yiraahdeen:- Haddii aad dooran lahayd tiro ka badan 100 000 Dirham ah, way kusiin lahaayeen gabadha.

Waxuu Shuweyl yiri:- Oo ma waxaa jirto tiro ka badan toban boqol (yacni kun)?

Dabeeta waxuu u tegay Khaalid oo uu ku yiri:- Waxaan sidaa ula jeeday uun waa inay tahay tiro badan oo yacni aan la awoodin in la bixin karo.

Khaalidna waxuu ugu jawaabay:- Waxaad doontay arrin, Allana waxuu doonay arrin kale, waxaan xukmineynaa sida daahirka ah ee qowlkaada ka muuqdo, niyaddaaduna waxay jirtaa xagga Alle oo isagaa ku shaqo leh, run iyo been waxa aad sheegeyso.

Seyf bin Cumar waxuu yiri:- Markii uu Khaalid furtay Xiirah waxuu tukaday siddeed rakaco oo uu hal mar salaama noqsaday.

Halkanna waxaa gabay cajiib ah ka tiriyey Al Qacqaac bin Camr Al Tamiimi, kaasoo uu ku timaamayey guulihii is daba joogga ahaa ee uu Alle Muslimiinta ka siiyey cadawgooda iyo sabarkii ay Muslimiinta muujiyeen dagaalladii is daba yiillay ee ay soo mareen. Waxuu kaloo gabaygiisa ku amaanay amaan aan la soo koobi karin dadkii iyagu kaga shahiiday Muslimiinta dagaalladii riddada.

Intaa kadib waxaa yimid Jariir bin Cabdillaahi Al Bujali, kadib markay dhaceen dhacdooyin badan oo Muslimiintiina ay qaniimeysteen qaniimooyin badan. Imaanshaha Jariir uu yimid Xiirah waxay ahayd kadib markii uu Abuu Bakar xirayey liwaa’ii ama calamadii 11-ka ciidan ee Dilqassaa uu kadirayey ayaa wuxuu Jariir ku daray ciidankii Khaalid bin Saciid bin Al Caas ee bariga Shaam ku wajahnaa. Markii uu Jariir la baxay Khaalid bin Saciid ayuu idin weydiistay inuu Abuu Bakar ku laabto si uu idin uga qaato oo tolkiisa banii Bujeylah aado, oo isku dumo oo hoggaanka u qabto. Khaalid bin Saciid arrintaa waa uu u idmay, Jariirna waxuu yimid magaalladii Madiina oo Abuu Bakar u sheegtay dantiisii. Markaa bay ahayd markii uu Abuu Bakar sida aadka ah uga carooday Jariir uuna ku yiri:- Waxaad u timid inaad iga mashquuliso arrin uu Alle ka raalli noqday oo aad igu mashquuliso waxan aad hadda iila timid? Orodoo aad Khaalid bin Waliid iyo dhanka Ciraaq. Markaa buu Jariir bin Cabdillaahi yimid Xiirah, ka gadaal markii ay dhaceen wixii dhacay oo dhacdooyinkii aan soo xusnay ah, mid kamid ahna kama uusan qayb qaadan Jariir.

Markaasi kadib buu xusay Seyf bin Cumar in uu yimid Ibnu Saluuba, kii aan horey usoo xusnay ee Khaalid kula heshiiyey Baanuuqiyaa iyo Baaruusima. Sida uu Seyf bin Cumar qaba markii uu Jariir yimid kadib ayuu Khaalid kula heshiiyey Baanuuqiya iyo Baarusima iyo waxii soo raacaba in uu Ibnu Saluuba bixiyo 10 000 Diinaar. Wallaahu aclam.

Waqtigan isaga ahi buu ahaa markii ay Faarisiintii ku kaceen boqorkoodii Ardaasheer iyo wiilkiisii Shiiriin oo ay dileen, waxayna laayeen dhammaan wixii ku nasab ahaa, waxaana ka dhex dhacay Furus khilaaf xooggan, islama aysanna garan waxba haba yaraatee, marka laga reebo inay diyaariyaan ciidama kala dhex galo Khaalid iyo Madaa’in, taas (Madaa’in) oo ahayd meeshii ay tiilay hantidii boqortooyada Furus.

Markaa iyada ah bayna tilmaameen culimada qaarkood inay aheyd markii uu Khaalid warqadda u diray madaxdii iyo waziiradii Furus isagoo ugu yeerayo xagga Allaah, iyo inay soo galaan diinta Islaamka.

Waxuuna Khaalid markaasi u ballan qaaday in uu boqortooyadooda u sugi doono haddii ay Islaamka qaataan, oo Alle u hoggaansamaan. Hadday taasi diidaanna waxuu ka dalbay inay jizyo bixiyaan oo ay islaamka ku hoos noolaadaan, hadday tanna diidaan waxuu ka dalbaday inay ogaadaan oo ay digtoonidooda qaataan, waxuuna ogeysiiyey inuu ula iman doona qoom geerida u jecel sida ay iyagu ( Majuusta ) nolashu u jecelyahiin.

Kadib Khaalid waxuu degay Xiirah oo uu marba dhinac ugu duulayey dhulka Furus Muddadii uu halkaa ku sugnaa.

Furashadii Al Ambaar (Daatul Cuyuun)

Goobta Al Ambaar waa magaalo ku tiil dhulka Ciraaq, waxayna ahayd magaalo caan ah oo looga socda meesha ay hadda tahay magaallada Baghdaad qayaastii toban maalin socod ah. Waxay u dhaweyd webiga Furaat, dhanka waqooyina waxaa ka xigtay Baabil, oo waxayna ka fogeyd qiyaastii misaafa 80 mayl ah.

Khaalid bin Waliid baa weerar ku qaaday iyadoo ciidamadiisa hore uu hoggaaminayo Al Aqrac bin Xaabis. Waxaana meeshaasi markaa madax ka ahaa nin kamid ah raggii ugu caqliga badnaa Furus oo la oran jiray Shayrizaad. Markii uu Khaalid gaaray Al Ambaar ayuu dul degay, waxaana magaalada ka dul qodnaa Khandaq (god). Markii ay labadii col isasoo hor fadhiisteen ayuu Khaalid ciidankiisii amray in gamuunada oodda looga qaado, say Muslimiintii sidii faleen oo gamuunadii oodda uga qaadeen, heer halkaas ay cadawgii ku waayeen kun indhood, oo ay ku qayliyeen:- Reer Ambaar indhahoodii tegyeeneey!!. Sidaa baana dhacdadaan loogu baxshay Daatul-Cuyuun.

Sheyrizaad wuxuu usoo cid diray Khaalid isagoo ka dalbanayo inuu la heshiiyo, markiina uu Khaalid ka yeelay heshiiska ayuu Sheyrizaad diiday qaar kamid ahaa qodabbadii heshiiska. Markaa buu Khaalid geel qalay oo khandaqii ku guray, dabeetana ciidamadiisii soo dhaqaajiyey. Markii uu Sheyrizaad arkay arrintaas ayuu dhammaan qodabbadii heshiiska u qoor keenay oo wada aqbalay. Waxuuna Khaalid kula heshiiyey kabixid in Sheyrizaad uu ka baxo Ambaar, isagiina waa uu yeelay. Halkaasi waxay Muslimiintii ka heleen guul iyo nasri oo maal badanna Alle kasiiyey. Khaalidna waxuu kusii nagaaday Al Ambaar isagoo dadkii hareeraha Ambaarna heshiis la wada galay, waxuuna la heshiiyey ahlu Al-Bawaariij iyo Kalwaadi . Muslimiintiina Carabtii halka daganeyd ayay wax qoridda ka barteen muddadii ay halkaas ku sugnaayeen, waxayna ahaayeen Carabtaas banii Iyaad oo iyagu dhulkaas ilbaxnimo fog kulahaa, kuwaasoo waxqoridda bartay waqtigii boqorkii Bukhtun-Nassar la oran jiray uu xukumayey dhulkii Beershiya. Kadib buu Khaalid magaalladii Ambaar madax uga dhigay Zabarqaan bin Bader, isagiina waxuu aaday dhanka Caynu Tamar.

Dhacdadiii Caynu Tamar

Markii uu Khaalid ka faaruqay Al Ambaar, ayaa waxuu madax uga dhigay Zabarqaan bin Bader, isagii iyo ciidankiisiina waxay ku sii duuleen Caynu Tamar. Waxay Caynu Tamar ahayd mid leh qalcad weyn, waxayna dhanka galbeed kaga tiillay meel saddex casho looga socdo.xuduudda Jaziiradda. Waxaana madax ka ahaa markaasi nin la oran jiray Mihraan bin Bahraan oo Majuusta Furus hoggaaminayey, waxaana hareeraha magaalada deganaa Carabtii tabaca u ahayd Furus oo ay kamid ahaayeen qolooyinka reer Nimar, reer Taqlab iyo reer Iyaad iyo weliba kuwa kaloo qeyrkooda ah. Waxaa Carabtaasi madax u ahaa nin la oran jiray Caqah bin Abii Caqah.

Markii uu Caqah gaaray warka ah soo galootiga Khaalid iyo ciidamadiisa ay soo galeen geyiga, ayuu u tegay Mihraan bin Bahraan oo uu ku yiri:- Carabta ayaa u ogaal badan la dagaalanka Carabtuye, isku kaayo daa innaga iyo Khaalid.

Mihraan bin Bahraan oo isagu ku farxay weedhii Caqah iyo fikraddii uu usoo jeediyey, ayaa jawaab ahaana wuxuu yiri:- Waa runtaa oo Carabtu uun baa u ogaal badan ladagaalanka Carabta. Misna waxuu yiri isagoo qadcaya:- Haddii aad inoo baahataanse waanu idiin gargaareynaa oo lajirkiina baanu nahay. Faarisiintii ayaa arrintaasi amiirkoodii kaga carootay oo ku canaanatay, waxuuse ugu Mihraan ugu jawaabay:- War hooyda! isku daayo iyaga iyo Khaalid, oo haddii ay idinkaga haggaagaan, idinka ayaa leh guusha oo waa tiinnii, haddayse sidaa si aan ahayn dhacdo (yacni ay adkaadaan ciidanka Khaalid), markaa waanu la dagaallameynaa innagoo awood leh iyo iyagoo daciifay. Cajamtii aad bay ugu farxeen hadalkii amiirkoodii Mihraan, waxayna u garowsadeen inuu yahay koodii ugu ra’yiga toosnaa oo ugu caqliga badnaa.

Khaalid bin Waliid horey ayuu u socday oo wuxuu hor degay ciidankii Caqah bin Abii Caqah. Markiina ay labadii ciidan isasoo hor degeen, buu Khaalid u dardaarmay ciidamadiisii labada dhinac, waxuuna u sheegay inuu weerar qaadayo oo waxuuna ka dalbaday inay iyago dhankooda ilaaliyaan. Waxuuna kaxaystay koox halyeeyo ah oo uu markaa weerar ku qaaday Caqah oo markaa simayey safadka ciidamadiisii, wuuna soo qafaashay. Carabtii markii ay arkeen waxa dhacay iyo in amiirkoodii la qafaashay ayay jaanta rogteen oo ay kala firxadeen iyadoo wax dagaal ahi uusanna dhicin, waxaana batay qafaalkoodii.

Markii uu warkii jabka ee Caqah iyo ciidankiisii gaaray amiirkii ciidanka Furus ee Mihraan, ayaa inta uu qalcaddii kasoo degay buu cararay. Intii carartay ee Carabtii ciidanka Caqah baa iyaguna dib usoo noqday oo qalcaddii isku aruuriyay oo dabeeta hoos ka xidheen. Markaa buu Khaalid soo dul degay oo go’doomin tii ugu darreyd ku qabtay. Markii ay arrintaa arkeen oo ay u adkeysan waayeen ayay Khaalid ka dalbadeen heshiis, isagiina waxuu u sheegay inay marka hore u qoor keenaan xukunkiisa. Markaa bay u qoor keeneen xukunkii Khaalid, oo sil silado lagu xiray, dabeetana waxuu Khaalid amray in Caqah kurka laga jaro, saa laga jaray, misna waxuu amray in dhammaan qafaalkii ciidankii Caqah la laayo, saa iyagiina waala laayey, haddana waxuu amray in kuwii qalcadda ee xukunkiisa u qoor keenayna la laayo, iyagiina saaxiibadoodii ayaa la raaciyey oo unuunka ayaa loo wada dheereeyay. Waxuu qaniimeystay Khaalid hantidii halkaa qalcadda ah tiilley oo idil. Kadib Khaalid waxuu aaday kaniisad halkaa ku tiillay oo ay 40 wiil ku baranayeen kitaabka Injiil-ka, iyagoo albaabka hoosta uga xiran yahay, dabeetana albaabkii ayuu ku jebiyey oo soo wada qafaashay. Waxaana kamid ahaa wiilashaasi Ximraan mowlaa Cuthmaan bin Cafaan iyo Siiriin mowlaa Anas bin Maalik (iimaamka weyn ee Maxammed ibnu Siiriin aabahiis), iyo kuwa badan oo kamid ah culimada mash-huurka ah.

Khaalid bin Waliid waxuu diray khumuskii qaniimada isagoo u dhiibay Al Waliid bin Cuqbah si uu ugu geeyo khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Siddiiq. Markii uu Al Waliid howshiisii gutay ayuu Abuu Bakar u diray dhanka Ciyaad bin Qanam oo kusugnaa Duumatul-jandal si uu ugu gurmado. Markii uu Al Waliid u tegay Cayaad baa waxuu Cayaad yiri:- Waliidoow! ra’yiga barkiis waxuu ka wanaagsanyahay ciidan badan, ee maxaad adigu ra’yi ka qabtaa xaaladda aan kusugannahay?

Waxuu yiri Al Waliid:- U qor warqad dhanka Khaalid bin Waliid si uu gurmad xaggiisa kaaga soo diro. Markaa buu Cayaad warqad u diray dhankii Khaalid bin Waliid uu kaga dalbanayo gurmad, waxayna warqaddaa utegtay Khaalid waqti uu ku jiray howshii Caynu-Tamar. Saa isagiina waxuu usoo qoray warqad jawaab ah oo uu ku leeyahay u kaadi wax yar, waxaa kuso gaari doona ciidan gurmad ahe.

Dhacdadii Duumatul- Jundal

Duumatul-Jundal waxay ahayd magaalo ku tiilay koonfurta Shaam iyo waqooyiga jasiirada Carabta, waxayna u dhaweyd Tabuuk. Magaalada Madiina waxaa Duumatul-Jundal looga soconayay 15 casho, halka Dimishiqna ay u jirta toban maalin socod ah.

Abuu Bakar baa horey ugu diray ciidamo uu hoggaaminayo Cayaad bin Qanam, dhankeeda waqooyina waxuu u diray Khaalid bin Waliid oo isagu usii gudbay Xiirah markii uu usocday dhanka Ciraaq. Haddaba markii uu Khaalid furtay Al Ambaar iyo Caynu Tamar ayuu guushii iyo khumuskii qaniimada la diray Al Waliid bin Cuqbah si uu Khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar ugu geeyo. Markiina uu howshii soo gutay Waliid buu Abuu Bakar u diray dhanka Cayaad iyo Duumatul-Jundal si gurmad ahaan. Intaa kadib waata uu Cayaad la tashtay Al Waliid, oo Waliidna uu ku taliyey in uu warqad Khaalid u qoro uu kaga gurmad dalban, markaas waatii uu Cayaad warqadda u diray Khaalid, warqaddaana waxay Khaalid gaartay bartamiha dhacdadii Caynu-Tamar, markaa waatii uu Khaalid amray Cayaad inuu uyara kaadiyo tan iyo intuu kasoo gaari doono goor aan sii fogeyn.

Intaa dabadeed Allaah Sarreeye baa nasri iyo guul ka siiyey ciidamadii Muslimiinta goobtii Caynu-Tamar oo Khaalid waata uu furtay, kana helay qaniimo tiro badan. Markaa ayuu Caynu-Tamar ku dhaafay Cuweymir bin Kaahin Al Aslami madax ahaan, isagii iyo ciidankiisiina waxay abbaareen dhankii Duumatul-Jundal iyo ciidamadii Cayaad. Reer Duumatul-Jundal markii ay ka war heleen soo galootiga Khaalid iyo ciidamadiisa ayay u cid dirsadeen axsaabtoodii ay xulufada ahaayeen oo ay kamid ahaayeen banii Bahraa’i, Tanuukh, Kalbi, Ghazaan iyo Dhujaacim si ay ugu gurmadaan, iyagiina waa ay yeeleen. Ghazaan iyo Tanuukh maalintaa waxaa hoggaaminayey Jablah Ibnu Al ayham, Dhajaacim-na waxaa hoggaaminayey Ibnu Xadrajaan. Reer Duumatul-Jundal-na waxaa markaasi madax u ahaa labo nin oo midi uu ahaa Ukeydar bin C/malik, halka kan kalena uu ahaa Juudi bin Rabiica. Labadan nin waxaa ka dhex aloolsanaa khilaaf ku aaddan la dagaallanka ciidanka Khaalid, Ukeydar isagu waxuu qabay in aanan lala dagaallamin Khaalid, waxuuna ku naseexeeyay in lala heshiiyo isagoo ku cataabay inuu dadka kaga ogaal badan yahay Khaalid, Juudise isagu waxuu qabay in lala dagaallamo, wuuna khilaafay ra’yigii Ukeydar. Markaas buu Khaalid diray Caasim bin Camr (oo ahaa halyeey la dhashay Al Qacqaac bin Camr) oo uu u diray dhanka Ukeydar, saa Caasim waa uu soo qabtay qafaal ahaan, waxuuna u keenay Khaalid, dabeetana waxuu amray in qoorta laga jaro.

Kadib waxaa isasoo hor degay labadii qolo, ciidankii Khaalid iyo kuwii reer Duumatul-Jundal oo uu hor kacayo Al Juudi bin Rabiicah. Khaalid tabtiisii dagaal ayu la soo baxay, isagoo Duumatul-Jundal ka dhigay mid isaga iyo ciidamadii Cayaad bin Qanam u dhaxayso, markaa bay reer Duumatul-Jundal ciidankoodii ukala qaybiyeen labo qaybood, qayb waxay u direen dhanka Cayaad, qaybta kalena jihadii Khaalid. Markaa buu Khaalid kuwii jihadiisa ahaa weerar ku qaaday, waxuuna soo qafaashay Juudi bin Rabiicah. Al Aqrac bin Xaabisna waxuu soo qafaashay Wadiicah, markaasay si xun u jabeen ciidankii Mushrikiinta oo u kala rooreen dhanka qalcadda oo isku aruuriyeen, markaasay in badan ka buuxsantahay qalcadda, saa Khaalid baa ka dul yimid oo si daran u laayey intii uu bannaanka qalcadda ka helay. Kadibna waxuu amray in Al Juudi bin Rabiicah kurka laga jaro isaga iyo dhammaan intii lasoo qafaashayba, marka laga reebo qafaalkii banii Kalbi oo ay magan geliyeen Caasim bin Camr iyo Al Aqrac bin Xaabis. Arrintaas magan gelinta ah Khaalid ma uusan u rayaaqin oo raalli kama uusan ahayn, hase ahaatee waxuu ku qaabilay waji caro isagoo ku yiri Caasim iyo Al Aqrac iyo waliba banii Tamiim oo iyagu magan geliyay kuwaas:” Oo maxaa nakala haysto aniga iyo idinka? Ma waxaad dhowreysaan amarkii jaahiliyada oo aad dayacaysaan amarkii Islaamka? Caasim bin Camr baa u jawaabay oo ku yiri:- Oo ma waxaad ka xasdeysaa (Khaalidoow!) inaad iska saamaxdo.

Intaa kadib Khaalid wuu u cafiyey, dabeetana waa uu dhaqaaqay oo waxuu ku gaaf wareegtay albaabkii qalcadda jeer uu markii dambe jabiyey. Markaasuu laayey wixii ku jiray oo dagaallami karay amaba kamid ahaa kuwii soo jabay, waxuuna qafaashay carruurtii iyo dumarkii. Waxaana uu ka qaniimeystay qaniimo tiro badan, halkana waxuu Khaalid ku guursaday gabadh uu dhalay Al Juudi oo uu la aqal galay kadib markay cuddadii udhammaatay. Kadibna waxuu u gaddoomay dhankii magaaladiisii, Al Aqracna waxuu u diray dhankii Al Ambaar, markii uu Khaalid Xiirah galayayna waxuu yimid iyadoo ay dadkii kusoo dhaweeyeen bogaadin iyo tahniyad.

Waxaa la sheegaa dhacdadan Duumatul-Jundal inay dhacday Rajab sanadkii 12-aad ee Hijriyada (Septembar 633 miillaadiyada).

Dhacdooyinkii Xusayid & Muddayix

Markii uu Khaalid ka faaruqay Duumatul-Jundal, waxuu ku yara nagaaday muddo, markaasay Cajamtii Furus iyo Carabtii tabaca u ahayd ay isku aruursadeen la dagaalanka Khaalid iyo inay dhulkooda ka saaraan, waxayna abbaareen dhankii Al Ambaar si ay Az Zabarqaan bin Bader oo Khaalid masuul uga ahaa ay uga saaraan. Markii uu Zabarqaan, warkaasi maqlay buu warqad u diray Al Qacqaac bin Camr oo Xiirah masuul uga ahaa Khaalid. Haddaba markaa ayuu Al Qacqaac diray ciidan uu hoggaaminaya Abuu Leylaa Acbad bin Fadaki As-Sacdi, waxuuna u diray dhanka Al Xusayid, misna waxuu kaloo diray ciidan kale oo uu madax u yahay Curwah bin Abii Jacdah Al Baaruqiyu oo uu u diray dhanka Al Khanaafis. Kadibna waxaa yimid Xiirah ciidankii Khaalid bin Waliid oo ka yimid dhanka Duumatul-Jundal, waxaana markaa ka go’neyd Khaalid inuu weeraro, xaruntii boqortooyadii Furus ee Al Madaa’in oo ay tiillay sariirtii boqorka iyo hantidii guud ee Faaris, waxuuna Khaalid taas u karhay sabab la xidhiidho isagoon wax idan ah ka haysan Khaliifadii Rasuulka Alle SCW ee Abuu Bakar Siddiiq.

Taas baddalkeedii waxuu isku mashquuliyey la dagaallanka Carabtii tabaca u ahayd Furus iyo wixii soo raaco ee majuusta kamid ah. Dabeeta wuxuu Khaalid diray Al Qacqaac bin Camr oo uu madax uga dhigay ciidanka baxay, waxayna ku kulmeen cadawga goob la yiraahdo Al Xusayid. Cajamta Furusna waxaa hoggaaminayey nin la oran jiray Rowzabah, waxaana u soo gurmaday ciidan kale oo uu hoggaaminayey amiir kale oo la oran jiray Zarmihri. Halkaasi waxaa ka dhacay dagaal aad u kulul oo dhex maray ciidamadii Muslimiinta iyo kuwii Mushrikiinta ahaa ee Majuusta, muddo yar kadibna waa ay jabeen kufaartii, oo amiirkoodii Rowzabah-na waxaa gacantiisa ku dilay nin kamid ah Muslimiinta oo la oran jiray Cismah bin C/llaahi Al Dhabyu, Zarmihri-na waxaa dilay halyeeygii weynaa ee Al Qacqaac bin Camr. Muslimiintiina waxay qaniimeysteen qaniimo tiro badan, waxaana cararay intii carari kartay ee ciidamadii Cajamta, waxayna iskugu tegeen goob la yiraahdo Al Khanaafis. Dabeeta waxaa ku baxay Abuu Leylaa Acbad bin Al Fadaki. Markiina ay Mushrikiintu ka war heleen arrinkaasi bayna usii carareen dhanka Al Mudhayix. Markii ay halkaas degeen buu Khaalid ku dhaqaaqay dhankoodii. Goor ay hurdaan buuna soo dooxateeyay oo wada laayey, kama aysanna fakan cidna marka laga reebo qafaalkii mooyaan.

Cadiyi bin Xaatim waxuu yiri:- Dooxeyntani ayaa waxaan ugu nimid nin la oran jiray Xurquus bin Nucmaan An-Nimri oo ay hareerahiisu fadhiyaan wiilashiisii, gabdhihiisii iyo haweeneydiisii isagoo usoo dhigay weel ay ku jirto khamro oo uu ku oranayo:- Cabbo. Iyaguna ay oranayaan:- Ma waxaa jiro qof cabbo (khamro) saacaddan oo kale, iyadoo ay tanina tahay ciidamadii Khaalid oo soo galay? Waxuu ku yiri:- Cabbo cabbid sogootin ah, waayo umaleyn maayo in aad dabadii khamri cabbi doontaane. Markaasay wada cabbeen. Muslimiintii baa markaasi inta ay u yimideen isagii dileen, carruurtiisii iyo dumarkiisiina ay ka qafaasheen.

Dhacdadan waxaa lagu dilay labo nin oo horey u Muslimtay, warqad magan galyo ahna ka haysatay dhanka Khaliifadii Rasuulka Alle SCW ee Abuu Bakar. Midi magaciisa wuxuu ahaa Cabdulcuzza bin Abii Raham bin Qirwaash, waxaa dilay Jariir bin C/llaahi Al Bujali, halka kan kalena la oran jiray Lubeyd bin Jariir. Asaguna waxaa dilay qaar kamid ah ciidamada Muslimiinta, mana aysan ogeyn Muslimiinta arrinkaasi ah Islaannimada labada nin. Markii uu warkaasi gaaray Abuu Bakar Siddiiq wuxuu guday diyadoodii. Cumar bin Al Khadaab baa Abuu Bakar kala hadlay arrinka Khaalid kana codsaday inuu casilo, hase ahaatee Abuu Bakar ma uusan yeelin taas waxuuna yiri:- Sidaa oo kale ayuu la kulmayaa qofkii dhex joogo dhul dagaal. Dhanka kale, wuxuu Abuu Bakar daliishaday xadiis Nebigu SCW laga weriyey, kaasoona caddeynaya in aanay dimmada Alle iyo Rasuulkiisa ku jirin dadka kusugan dhulalka gaalada. Kadib wuxuu Khaalid aruuriyey qaniimadii oo inta khumuskii ka saaray u qaybiyey ciidankii, khumuskiina waxuu u diray magaaladii Madiina iyo dhankii khaliifkii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Illaahay haka raalli noqdee.

Dhacdadii Al Firaadh

Kadib buu Khaalid ku dhaqaaqay dhanka Firaadh, Firaadh waa meel ay ku kulmaan Jaziiradda Carabta, Shaam iyo Ciraaq. Halkaas ayuuna ku sugnaa bishii Ramadaan isagoo af-furan si uu ugu ad adkaado jihaadka iyo howlahii militari ee uu waday. Markii uu Ruumaankii gaaray warka ah in Khaalid uu soo degay cirif u dhaw dhulkooda, ayay taas aad uga murugoodeen, waxayna diyaariyeen ciidan culus iyagoo gurmadna u dirsaday Carabtii Nasaareyda ee tabaca u ahayd oo ay kamid ahaayeen banii Taqlab, Iyaad iyo Nimar oo iyagiina way usoo gurmadeen, kadibna waxay usoo guureen dhankii Khaalid, waxaana kala dhex galay webiga Furaat, markaasay Roomaankii yiraahdeen:- Ama inoosoo gudbo ama aanu idiin soo gudubna? Khaalid oo aad ugu xeel dheeraa arrimaha dagaalka, loogana dambeeyay ayaa waxuu ugu jawaabay:- Mayee idinku inoosoo gudbo. Markaasay usoo gudbeen bishii Dilqacda ee sanadkan 12-aad ee Hijriyada, waxaana dhex maray dagaal aad u kulul, oo muddo kadib Alle ku hoojiyey cadawgii isbahaysitada oo ay jabeen, halkaasoo guul ay kusoo hoyeen ciidamadii Muslimiinta ee uu horkacayey abaanduule Khaalid bin Waliid. (Seyfullaah Al Masluul).

Waxaa macrikadan Ruumaanka iyo tabaciisuba looga laayey 100 000, Khaalidna waxuu kusii nagaaday goobta Firaadh muddo 10 casho ah. Kadibna wuxuu iclaamiyey guurid iyo in loo rarto dhankii Xiirah iyadoo ay shan casho kadhimantahay bishii Dil-Xijjah, waxuuna ciidankiisii hore madax uga dhigay Caasim bin Camr, kuwa dambana waxuu u dhiibay Shajrah bin Al- Acaz. Kadibna waala dhaqaaqay oo waxaa foolka la saaray dhankii Xiirah, isaguna Khaalid waxuu muujistay inuu ciidanka dambe kujiro, markaasuu xayn kamid ah asxaabtiisa intuu la baxay ayuu aaday dhanka Masjidul-Xaraamka, isagoon la ogeyn, waxuuna maray jid uusan waligii horey umarin, muddo yar kadibna waxuu tegay xajkii oo uu soo gutay sanadkan isagoo ay cidina ogeyn marka laga reebo xayntii la socotay ee saxaabada iyo dadkii xajka kula kulmay mooyaan. Kadib Khaalid waa uusoo laabtay oo waxuu ka daba yimid ciidankiisii dambe oo aan weli Xiirah gaarin, mana la dareemin xajiikiisa sanadkan. Abuu Bakarna ma uusan ogaan xajka Khaalid jeer ay u sheegeen dadkii muwaasimta xajka kasoo guddoomay. Markaa buu warqad u diray uu ku canaananayo kategidda uu ciidanka ka tegay isagoon ogeysiinin. Waxuuna ciqaab uga dhigay inuu u dirayo dhanka Shaam oo uu ka wareejinaya Ciraaq.

Waxaa sanadkan (yacnii sanadka 12aad ee Hijriga) uu Abuu Bakar jideeyay in la qora kitaabka Quraanka ah kadib markii ay raggii xufaadda ahaa ay ku shahiideen dagaalladii lagu qaaday dadkii riddoobay, waxaana fikraddaasi lahaa Cumar bin Khaddaab oo isagu kula taliyey Abuu Bakar inuu qoro Quraanka.

Markaa ka horna ma uusan kulmisneen, oo wixii loo baahdo waxaa laga qaadan jiray dadkii qurraada ahaa iyo dadka qaar oo ku qoran jiray warqadaha iyo jaldiyada iyo baalasha geed timreedda iwm, markaa ayaa la qoray, waxaana loo xilsaaray inuu qora Zeyd bin Thaabit Allaha ka raalli noqdee, markii la qorayna waxaa la dhigay gurigii Xafsah bint Cumar.

Isla sanadkan waxaa dadka xajiyey Abuu Bakar Sidiiq sida uu Ibnu Isxaaq soo weriyey, waxuuna magaalada uga tegay Cuthmaan bin Caffaan.

Waxuu yiri Ibnu Isxaaq:- Waxaa ay dadku (Mu’arrakhiintu) sheegaan in uusan Abuu Bakar khilaafadiisii xajinin dadka ee uu u diray muwaasimta Cumar ama C/Raxmaan bin Cowf. (Sidan ayaana xaqiiqda u dhaw).

SANADKII 13AAD EE HIJRIYADA

Markii uu sanadkan bishay, howlahii waa ay fududaadeen, Abuu Bakar-na waxuu go’aansaday inuu diyaariyo ciidamo uu u diro dhanka Shaam. Taasina waxay ahayd markii laga soo laabtay xajka sanadkii 12aad, isagoo ku camal falayo qowla Alle Sarreeye ee ah: kuwa xaqa rummeeyayoow!! la dagaallama kuwa idiin dhaw (oo gaalada ah), hana idin ka helaan ad adkaan, ogaadana inuu Allaah la jiro kuwa dhowrsada. (Suurat Towbah- aayadda 123aad). iyo qowlkiisa SW ee ah: La dagaallama kuwa aan rumeynin Allaah iyo maalinta aakhiro. (Suurat Towbah- aayadda 29aad). Iyo kudayasho uu ku dayanayo Rasuulkii Alle SCW oo isagu horey ugu duullay dhulka Shaam sanadkii 9aad ee Hijriyada, isagoogaaray waqti kuleeyl daran, iyo isagoo ciidan kale u diyaariyey ku duulidda dhulka Shaam, taasoo ahayd ka hor geeridiisii dhowr maalmood, waana ciidankii uu madaxa uga dhigay Usaama bin Zeyd ee uu Abuu Bakar diray. Taa kadib markii uu Abuu Bakar nadiifiyey Jaziiraddii Carabta, ayuu gacantisii midigta u fidiyey dhanka Ciraaq oo waata uu diray Khaalid bin Waliid, sidaa si lamid ayuu jecleystay in uu dhanka Shaamna u diyaariyo ciidamo kale, ugu horreeynna waxuu jideeyay in marka hore ay madaxdii ku kala tegsaneed jaziiradda ay isku yimaadaan, markaa bay yimideen, madaxdii oo ay kamid ahaayeen Camr bin Al Caas oo Dhanka Qudhaaca jiray iyo Al Waliid bin Cuqbah, Khaalid bin Saciid bin Al Caas oo ka yimid Yeman oo uu masuul ka ahaa waqtigii Rasuulka SCW, waxuuna Khaalid Madiina yimid kadib dhimashadii Rasuulka SCW mar laga joog bil, waxaa kaloo yimid kuwa kale oo uu kujiray Cikramah.

Kadib Abuu Bakar waxuu diyaariyey ciidamo si uu ugu diro dhanka Shaam. Taa ka horna waxaan horey usoo xusnay in 11-kii ciidan ee uu Abuu Bakar Dul-qassa kadirayey uu ku jiray Khaalid bin Saciid bin Al Caas oo loo diray dhanka bariga Shaam.

Haddaba markii uu Khaalid bin Saciid ka yimid Yeman, waxuu arrinta Khilaafada u arkayey in uu Cali mudan yahay, markaasuu u tegay Cali iyo Cuthmaan oo uu ku yiri:- Abal Xasanoow! reer Cabdumanafow! ma waxaa la idin kaga adkaaday arrinka? Cali baa markaa ku yiri:- Ma waxaad u aragtay adkaansho ama khilaafo?. Khaalid wuxuu u olaleynayay oo uu rabay in Khilaafada uu mudanyahay Cali. Mar dambase wuu degay kadib markii uu arkay in Cali qudhidiisu uu la mubaayacooday Abuu Bakar oo misna uu la shaqeynayo. Dabeeta markii uu Abuu Bakar dhisayey ciidamadiisa oo uu calankaKhaalid bin Saciid u xirayey ayuu Cumar u sheegay Abuu Bakar hadalladii Khaalid. Waxaa la sheegaa in uu Abuu Bakar Khaalid markaa cazilay oo uu u diray dhanka Teymaa. Waxaa kaloo la yiraahdaa:- Calankii ugu horreeyay ee uu Abuu Bakar u xiraa ciidamadii ku baxay Shaam waxuu ahaa calankii Khaalid bin Saciid bin Al Caas.

Kadib waxuu xiray calanka kale uu uu u dhiibay Yaziid bin Abii Sufyaan, waxuuna ku wajahay dhanka Dimishiq. Markii uu Abuu Bakar dirayey ciidanka Yaziid, waxuu Yaziid saarnaa daabbadiisa Abuu Bakar-na waa uu lugaynayey oo u dardaarmayey, kadibna waa uu kasoo laabtay kadib markuu sagootiyey, waxuuna maray ciidanka Yaziid dariiqa Tabuuk, waxaana la socday jamaahiir kamid ah raggii caanka ahaa oo uu kamid ahaa Suheyl bin Camr Al Caamiri iyo kuwa lamid ah oo rag karmeedyadii reer Makka kamid ah.

Kadib waxuu diray ciidan kale oo uu madax uga dhigay Abuu Cubeydah bin Caamir bin Al Jarraax, waxuuna ku wajjahay dhanka Ximsa, dabeeta Abuu Bakar waa uu la baxay ciidanka Abuu Cubeyda oo sagootiyey isagoo u dardaarmayo, kadibna waa uu ka soo laabtay.

Misna waxuu diray ciidan kale oo uu hoggaaminayo Camr bin Al Caas oo uu ku wajahay dhanka Falastiin. Amiir kastoo kamid ah amiiradaasina waxuu Abuu Bakar amray in uu ciidankiisa mariyo dariiq aan ahayn kan uu ciidanka kale maray isagoo arrintaa uga dayanayo Nebiyullaahi Yacquub CS markii uu ku lahaa wiilashiisa: Waxuu yiri Maandhooyin, ha ka gelina albaab qura, ee ka galo albaabyo kala tegsan, idinkaga tari mahayo xagga Alle waxbo, xukun dhammaantiina waxaa uun leh Allaah, oo isaga ayunbaana talo saaran, isaga uunna ha talo saartaan kuwa talo saarta. (Suurat Yuusuf – aayadda 67aad) .

Al Madaa’ini wuxuu leeyahay: Abuu Bakar Siddiiq waxuu ciidamadan diray horaantii sanadkan.

Maxamed bin Isxaaq-na waxuu ku daray markuu ka hadlayay ciidamadaas in Abuu Bakar uu ka daba diray ciidankii Abuu Cubeyda ciidan kaloo uu hoggaamin Shuraaxbiil bin Xasana. Camar bin Al Caasna uu degay Al Carmaat, goob kamid ah dhulka Shaam.

Ciidankii Yaziidna markii ugu horeysay waxay degeen Bulqaa, ciidankii Shuraaxbiilna dhulka Urdun, ciidamadii Abuu Cubeydana waxay degeen Jaabiyah. Abuu Bakar Sidiiqna waxuu kasoo daba diray ciidamo gurmad ah, waxuuna amray in mid waliba uu ku biiri karo madaxda ciidamada Shaam kii uu doono.

Waxaa la yiraahdaa Abuu Cubeydah waxuu sii maray Bulqaa, oo uu halkaa dadkeedii kula dagaallamay jeer ay markii dambe heshiis la galeen, waxayna ahayd heshiiskii ugu horreeyay ee ka dhaca dhulka Shaam oo ay Muslimiinta la galaan.

Waxaa kaloo la yiraahdaa:- Dagaalkii ugu horeeyay ee ay ciidamadaas kula galaan Ruumaanka dhulka Shaam waxuu ahaa, in ay koox Ruumaan ah ay iskugu tegeen meel la yiraahdo Al Cariyah oo ka tirsan dhulka Falastiin, markaa baa waxaa ku dhaqaaqay sirrayad uu hoggaaminayey Abuu Umaamah Sudday bin Cijlaan Al Baahiliyu oo la dagaallamay, khalqi badanna ka laayey kana soo qaniimeystay qaniimo tiro badan.

Dhacdadan kadibna waxaa dhacday dhaxdadii Maraj As Sufur, oo uu Khaalid bin Saciid bin Al Caas ku shahiiday sida la sheego, waxayse culimada taariikhyahannadu badi qabaan in uusan Khaalid ku shahiidin Maraj As Sufur ee uu ahaa kan ku shahiiday wiil uu dhalay oo la oran jiray Saciid bin Khaalid bin Saciid. Isaguse Khaalid waa uu cararay ilaa uu ka gaaray dhulka Xijaas. Wallaahu Aclam.

Culimo uu kamid yahay Ibnu Jariir Ad-Dabari, waxay qabaan in Khaalid bin Saciid markii uu gaaray dhulka Taymaa, ay halkaas isugu aruureen ciidamada tiro badan oo Ruumaan ah oo ay la jiraan khalqi badan oo kamid ah Carabtii Nasaareyda oo ay kamid yahiin banii Ghiirah, Tanuukh, Lakham, Judaam, banii Kalbi, Suleyx iyo Ghasaan. Markii uu Khaalid kusoo dhawaaday junuuddaas ayay kala tegeen, in badan oo kamid ah ayaana islaamka soo gashay. Markaasuu Khaalid u diray warqad dhankii Abuu Bakar Sidiiq uu xaaladda kula socodsiin, waxii furasho iyo nasri uu Alle meeshaa kusiiyey. Markaa buu Abuu Bakar soo amray in uu horey usocda, waxuuna usoo diray ciidamo gurmad ah oo ay wataan Waliid bin Cuqbah iyo Cikrimah bin Abuu Jahal. Kadib waa uu dhaqaaqay Khaalid, markiina uu kudhawaaday magaalada Ii-liyaa ayuu halkaas kula kulmay ciidamo Ruumaan ah oo uu hoggaaminayo nin la oran jiray Maahaan, kadibna waxaa dhex maray dagaal lagu jebiyey Maahaan iyo ciidankiisii, Maahaanna waxuu u cararay dhanka Dimishiq. Khaalid bin Saciid kamuusan harine waa uu sii daba raacday, markaasaa waxaa Ruumaankii u yimid gurmad culus oo deg deg ah oo way soo rogaal celiyeen, waxayna soo gaadheen Maraj-Sufur, halkaasoo ay isku heleen, Khaalidna wuu cararay oo ma istaagin jeer uu gaaray Dii-marwah. Maalinta waxaa sugnaaday Cikrimah bin Abii Jahal, in badan oo kamid ah ciidamadii Khaalidna waxay orad ku galeen magaaladii Madiina, Khaalidse isaga iyo qayb kamid ah ciidankiisii waxay degeen Dii-marwah oo waxuu ka xishooday inuu Madiina tego, markaasuu Abuu Bakar amray Shuraaxbil bin Xasana oo isagu markii uu soo gaadhay Khaalid oo kusugan goobtii Dii-marwah ka kaxaystay qayb kamid ah ciidamadii lasoojabsatay. Dabeeto Abuu Bakar waxuu diyaariyey kuwii soo jabsaday ee Madiina yimid iyo ciidamo kale oo iskudhaf ah, waxuuna madax uga dhigay Mucaawiyah bin Abuu Sufyan oo waxuuna kadaba diray walaalkiis Yaziid. Markii uu Mucaawiyah soo gaaray goobta Dii-marwah ayuu isaguna kaxaystay qaybtii ka hadhay ciidankii Khaalid ee kula sugneyd meeshaa. Kadib Abuu Bakar Sidiiq waxuu amray inuu Khaalid yimaado magaalada Madiina, waxuuna oran jiray: Cumar baa Khaalid iiga ogaal badan”. Waxaa kaloo la sheegaa inuu yiri:” Cumar baa ragga iiga ogaal badan”. Wallaahu aclam.

Dagaalkii Yarmuuk

Dhacdadan Yarmuuk waxay ahayd mid aad u weyn oo ka dhacday dhulka Shaam. Waxaana ay dhex martay ciidamadii Muslimiinta oo uu hoggaaminayo Khaalid bin Waliid iyo kuwii Ruumaanka.

Sida ay qabaan Sayf bin Cumar iyo Ibnu Jariir, dhacdadani waxay dhacday sanadkan dhexdiisa, yacni sanadka 13aad ee hijriyada.

Markii ciidamadii uu Abuu Bakar dhulka Shaam u diray ay gaareen carrigaasi, bay Ruumaankii aad uga argagaxeen oo ay si daran uga naxeen. Waxay markaasi warqad u qorteen boqorkoodii Hiriqal oo markaas kusugnaa Ximsa. Waxaa kaloo layiraahdaa sanadkan buu usoo xajiyey Beytul maqdis. Markii uu khabarkii gaaray buu dadkiisii ku yiri:- Kuwani Illaah baan kudhaartaye waa ahlu diin cusub, mana jirto cid hor istaagi karto ee i adeeca oo kula heshiiya inaad uga baxdaan dhulka Shaam nuskiisa oo ay markaa idiin soo harto buuraha Ruum. Haddaydaan sidaa yeelin oo aad diiddaan waxay idinkala wareegayaan Shaam oo idil, buuraha Ruumna way idinku cidhiidhi gelinayaan. Ruumaanka oo awalba garasho iyo faham yaraa, caqligooduna uu gurracnaa, markii ay maqleen taladii wacneyd ee uu boqorkoodii usoo jeediyey baa waxay uga dideen sida ay dameeruhu uga didaan waxuushta. Waxayna lasoo istaageen dagaal iyo inay is difaacaan. Markaa iyada ah buu boqor Hiriqal isku dayey inuu diyaariyo ciidamo culus oo loo diro dhanka Muslimiinta, waxuuna amray in ciidan kasto loo sameeyo amiir qaas ah oo uu sidaa ugu diro dhanka amiir kasto oo jihada Abuu Bakar ka socdo amiir kale oo jihadiisa kasocda oo ciidamo culus wato. Waxuu dhankii Camr bin Al Caas udiray walaalkiis dhanka hooyo iyo aabo ay ka walaalo ahaayeen oo la oran jiray Tadaariq, waxuuna sitay 60 000 oo dagaalyahanno ah. Dhankii Yaziid bin Abuu Sufyaan waxuu udiray Jurjah bin Bowdiyaha Al Armani oo 50 000 ama 60 000 oo dagaalyanno wato. Qeyqaar ama Qeyqalaan oo 60 000 watana waxuu udiray dhankii Abuu Cubeydah bin Jarraax. Waxay Ruumaankii maalintaa iyada ah yiraahdeen:- Illaah baan kudhaarannaye, waxaan Abuu Bakar kushuqlineynaa inuu fardahiisa kala laabto dhulkayaga. Isku dar ciidamadii Muslimiinta maalintaas waxay ahaayeen 21 000 marka laga reebo kuwii uu watay Cikramah bin Abuu Jahal oo kusugnaa cirif kamid ah dhulka Shaam, waxaa kaloo lasheegaa inay dhammaayeen 24 000. Markii ay xaalladu halkaa mareyso bay madaxdii ciidamada Muslimiinta warqad u qoreen dhankii Khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Siddiiq iyo jaallahiisii Cumar bin Khaddaab, taasoo ay kula socodsiinayaan arrinta halka ay mareyso iyo sida ay Ruumaanku faleen. Markaa buu Abuu Bakar soo amray:- Isu tega oo noqda ciidan qura, oo markaa la kulmo ciidamada Mushrikiinta. Adinku waxaad tihiin Ansaartii Allaah, oo Allana wuu u gargaarayaa ciddii u gargaarto, wuuna dulleynayaa ciddii ku gaalowdo. Waxuu markaa yiri:- Illaah baan kudhaartaye waxaan Ruumaanku kaga shuqlin doonaa wiswiska sheydaanka Khaalid bin Waliid. Markaa buu Khaalid oo dhulka Ciraaq kusugnaa warqad udiray isagoo ku amrayo inuu Shaam aado oo ciidamada halkaa kusugan uu madax u noqdo, Ciraaqna uu masuul kusii dhaafo sida inoo iman doonto Inshaa Allaah.

Markii uu Hiriqal gaaray warka ah in Abuu Bakar uu ciidamadiisii soo amray inay halmeel isugu tegaan, buu isaguna ciidamadiisii sidoo kale amray inay halmeel isugu wada tegaan oo ay degaan goob istaraatiiji ah oo waasic ah, guud ahaanna ciidamadaasi oo idil waxuu madax uga dhigay walaalkiis Tadaariq, ciidamada hore waxuu madax uga dhigay Jurjah, labada dhinacna waxuu ukala dhiibay Maahaan iyo Duraaqis, ciidamada dhanka badda ahina waxuu u xilsaaray Qayqalaan. Markaa bay Ruumaankii soo dhaqaaqeen oo waxay soo degeen tog la yiraahdo Waaquusah oo u dhaw goobta Yarmuuk. Markaa iyada ah bay ciidamadii Muslimiinta Abuu Bakar u cid dirsadeen iyagoo ka dalbanayo gurmad, markaasuu Khaalid bin Waliid oo ku sugnaa Ciraaq sidaynu soo xusnay u diray warqad isagoo ku amrayo inuu aado Shaam oo ciidamada halkaasi joogo uu u noqdo madax. Waxuu amray inuu Ciraaq kudhaafo masuul oo isaga iyo ciidamadiisuna ay aadaan dhanka Shaam. Khaalid bin Waliid waxuu Ciraaq kudhaafay Muthannaa bin Xaaritha Ash- Sheybaani, waxuuna kala dhaqaaqay 9 500 oo ciidan ah isagoo daliil dhulka tusiyo uu uyahay Raafic bin Cumeyr Ad-Daayi. Wuu dhaqaaqay Khaalid isagoo kusii jeedo Shaam, waxuuna sii maray baadiyaha Samaawah ee dhulka Ciraaq. Waxuu sii socday illaa uu gaaray goob layiraahdo Quraaqir oo kamid ah dhulka banii Kalb waana goob leh biyo, halkaasoo uu degay. Kadib wuu kasii dhaqaaqay, Raaficna waxuu marinayey dhulal aanan horey cid umari jirtay aysan jirin. Waa dhul aysan lugtu ubaranin oo qahar iyo dhib badan oo buuro, geedo, dhagaxaan iyo qodxo badan leh. Waa halkii ay saxaabadu oonka darani iyo macluushu kuqabatay heer markii dambe ay qaar kamid ah awrtii gaadiidka u ahaa ay qasheen. Waxuu Khaalid Ruumaankii kasoo galay dhanka Tadammur, halkaasoo uu kula heshiiyey reer Tadammur iyo Arakah. Markii uu marayey Al Cudraa buu weerar ku qaaday qolooyinka Ghassaan oo uu ka qaniimeystay hanti badan. Wuu sii socday oo waxuu ka baxay dhanka bariga Dimishiq illaa uu ka gaaray Busra oo uu halkaa kula heshiiyey ninkii masuulka ka ahaa. Waxayna ahayd magaalladii ugu horeysay ee uu dhulka Shaam ka furto. Falillaahil Xamdu.

Kadib khumuskii qaniimada ee uu ka qaniimeystay reer Ghassaan buu u diray dhankii Khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Siddiiq isagoo horey ugu sii dhiibay Bilaal bin Al Xaarith Al Muzanni.

Kadib Khaalid waxuu gaaray ciidamadii Muslimiinta 9 casho kadib safarkiisii uu kasoo kicitimay dhanka Ciraaq. Markuu ciidamadii Muslimiinta gaarayna waxay taa unoqotay reyn reyn iyo farxad oo ciidamadii ayay niyadda u dhistay taasi, waayo Khaalid waxuu ahaa halyeey kudheereeyo arrimaha militerinnimada ah oo dhankaas waxuu ku ahaa axad looga dambeeyo, waxuuna ahaa abbaan duulo la mahadsho. Intaa dabeeto madaxdii iyo saadaaddii Muslimiinta ayaa shir u fadhiisteen, iyagoo ka shirayo sidii iyo qaabkii loo wajihi lahaa ciidamadan Ruumaanka ah ee cudud iyo cadadba la yimid. Abuu Sufyaan bin Xarbi baa kamid ahaa dadkii talada halkaa kasoo jeediyey waxuuna yiri:” Umaleyn maahayo inaan gaboobay illaa aan la kulmo qoom kashirayo qorsha dagaal oo aan ka qeyb qaadanin”. Kadib waxuu ishaaray in ciidamada Muslimiinta loo qeybiyo saddex qeybood, oo qeybi ay cadawga Ruumaanka hor fadhiisato, qeybta kalena oo ay kujiraan carruurta iyo maxastuna la dabo dhigo, qeybta saddexaadna uu la haro Khaalid bin Waliid.

Ciidamada Ruumaanka maalinta waxay silsilado ku xireen 30 000 ama 80 000 oo ciidamadooda kamid ah si aysan u cararin, tiro aan taas ahaynna waala sheegaa.

Intaa kadib Khaalid bin Waliid baa ciidamadii Musliiminta isu soo aruuriyey oo inta ka dhex istaagay amray wanaagga iyo midnimada iyo in la iska jiro tafaraaruqa oo loo midooba ladagaallanka cadawga. Waxaa kamid ahaa hadalladii uu halkaa kayiri kadib markuu mahadiyey Allaah oo uu amaanay:” Maanta tan waa maalin kamid ah maalmaha Illaah, oo aysan habbooneyn wax faan iyo xad gudub ah. Ubarax tiro jihaadkiina oo ula doono Allaah dartiis camalladiina. Maalintanna waa maalin leh wixii kadambeeyo oo haddii aan kucelinno godkooda, abad sidaa baanu u celin doonnaa, haddayse na jebiyaan liibaani mayno maanta kadib. Kaalayoo ha inasoo wado marto imaaraddu, si uu midkeen maanta uqabto, kan kalena uu berrito u qabto, midka kalena uu saad dambe qabto illaa ay inasoo wada marto, maantuse aniga ii daaya”. Labo kamid ah ciidamadii Muslimiinta iskuma aysan khilaafsaneyn inuu Khaalid ahaa shaqsi u qalmay inuu imaaraddaasi qabto oo dhammaan ciidanka oo idil waxay ogaayeen shaqsinnimadiisa iyo geesinnimadiisa, waxayna yaqiinsanaayeen kaalmada Alle darteed inuu Khaalid yahay qof ka saari karo Muslimiinta qoolka iyo dhibta ay kujireen maalintaas. Sidaa darteed bayna isku wada raaceen inuu isagu hoggaanka u haayo maadama uu Abuu Bakar Siddiiq usoo doortay.

Ruumaanku waxay maalintaa la yimideen ciidamo aanan horey looga baran tiro badi iyo hub-bo. Khaalid qudhiisu waxuu la yimid ciidama kuwii ugu cuslaa ee uu abad hoggaanka uqabto. Waxuu ciidamadiisii u qeybiyey 36 illaaa 40 guuto oo guuto kastaaba ay ka koobantahay kudhawaad 1000 nin, waxuuna u yeelay amiir guuta waliboo kamid ah guutooyinkaas. Intaa kadib waxuu dhisay ciidamadiisa isagoo ciidamada dhexda ah madax uga dhigay Abuu Cubeydah bin Jarraax, dhanka midigtuna waxuu udhiibay Camr bin Al Caas oo uu lasocdo Shuraxbiil bin Xasana, ciidamada bidixduna waxuu udhiibay Yaziid bin Abuu Sufyaan, aruurinta qaniimada waxaa loo xilsaaray C/llaahi bin Mascuud Al Hudali, qaadinnimada waxaa loo dhiibay maalinta Abii Dardaa, guubaabada iyo arrimaha kuboorinta dagaalkuna waxaa loo xilsaaray Abuu Sufyaan bin Xarbi, akhrinta quraanka iyo aayadaha jihaadkuna waxaa loo xilsaaray Al Miqdaad bin Camr, waxuuna akhrinayey suuratu Anfaal iyo aayadaha jihaadka, ciidamada lugta waxaa loo xilsaaray Haashim bin Cutbah bin Abii Waqaas, ciidamada fardooleyduna isaga Khaalid ah baa hoggaaminayey. Abuu Sufyaan bin Xarbi intuu guuto kasto oo kamid ah guutooyinka ciidamada Muslimiinta u tego ayuu ku boorinayey dagaalka isagoo markaana Alle ka baryayo inuu nasrigiisa kusoo dul dejiyo addoomadiisa.

Khaalid bin Waliid oo la tashanayo Abaa Cubeydah bin Jarraax ayaa ciidamadii fardooleyda u qeybiyey laba qeybood. Qeyb isaga Khaalid ayaa hoggaanka usii haayey, halka qeybta kalena uu u dhiibay Qeys bin Hubeyrah. Abuu Cubeydana waxuu ka qaaday ciidamadii dhexda ee uu hoggaaminayey, waxuuna madax uga dhigay ciidamadaas Saciid bin Zeyd bin Nufeyl Al Cadawi oo kamid ahaa tobankii jannada loogu bishaareeyay. Abuu Cubeydah waxuu geeyay gaadada dambe ee ciidanka si qofkii ciidamada Muslimiinta kamid ah ee soo cararo markii uu isaga arko uu u xishooda oo uu dib furunta ugu laabto. Intaa kadib waxuu Khaalid aaday dhankii dumarka oo uu markaa joogey ciidanka dabadiisa dambe, waxuuna siiyey seyfo oo uu ku yiri:- Qofkaad aragtaan oo soo cararo la dhaco seyfaha. Kadibna waxuu ulaabtay rugtiisii.

Cadadka ciidama Muslimiintu maalintaasi waxay ahaayeen sida tan:

21 000 oo ah ciidamadii afarta amiir ee isu tegay.

6 000 oo ah ciidamadii gurmadka ahaa ee Cikrimah bin Abuu Jahal uu watay.

9 500 oo ah ciidamadii uu Khaalid dhulka Ciraaq kala yimid.

3 000 oo kamid ah kuwii jabay maalintii Khaalid bin Saciid bin Al Caas.

Isku dar ciidamada Muslimiintu waxay ahaayeen 39 000 ama 40 000 Wallaahu aclam.

Ciidamada Ruumaanku waxay ahaayeen sidan:

80 000, oo ciidan ah.

40 000, ama 30 000 oo silsilado lagu soo xiray si ay u dhintaan.

40 000, oo xargo iyo camaamado lagu soo xiray si aysan u cararin.

80 000, oo gaadiid wadato

Dhammaan isku darkoodu waxuu ahaa 230 000 ama 240 000 Wallaahu aclam.

Intaa kadib wax la suga waa dagaalkii oo billawdo. Markay labadii ciidan is arkeen buu Abuu Cubeydah ka dhex istaagay isagoo guubaabinayo isago amray inay muujiyaan sabar iyo adkeysi waayo sabarku waxuu ka koriyaa gaallimada oo uu raalli geliyaa Rabbigu. Misna waxaa kacay Mucaad bin Jabal oo isaguan si wacan hadalka u dhigay waxuuna akhriyey aayadda 55aad ee suuratu Nuur. Waxaa kamid ahaa hadalladiisa:- Ka xishoodo Rabbigiin inuu idin arko adinkoo ka carareysaan cadawgiinna oo aad markaana kujirtaan qabashadiisa, iyadoonaay jirin goob aad u carartaan oo isaga Allaah ka sokeyso ama qeyrkiisa ah toona. Waxaa misna kacay Camr bin Al Caas oo isaguna wanaajiyey oo isagu u tilmaamay ciidamadii Muslimiinta inay daboolaan indhahooda si aysan ugu fidnoobin dumarka cas cas ee Ruumaanka oo deetana ay guuldarro goobtu timaaddo illeen macsi hadday timaado guul darraduna way lasocotaaye. Kadib Abuu Sufyaan baa kacay oo isaguna xasuusiyey inay yahiin Carab oo ay joogaan dhul cajam, ayna ka fogyahiin ehelladoodii, amiirkii mu’miniinta iyo gurmadii Muslimiintuba. Waxuuna xasuusiyey inay hor fadhiyaan cadaw ka cudud iyo cadad badan. Waxuu yiri:- Idin soo gaari meyso raxmadda Alle beritoole jeer aad la kulantaan cadawgiinna oo aad ka runsheegtaan oo aad kusabartaan yacni adkeystaan goobta macrikada ee fara saarka. Kadib wuu dhaqaaqay Abuu Sufyaan oo dumarkii ayuu u tegay oo sidaa si lamid ah uu ula soo hadlay isagoo la soo dardaarmay, kadibna wuu soolaabtay waxuuna ku qayliyey:- Kulanka Islaamkoow!! Waxaa yimid waxa aad aragtaan, waakan Rasuulkii Alle SCW oo hortiinna ah iyo jannadii. Sheydaan iyo naarna waa gadaashiina, kadib goobtiisii ayuu kusoo noqday. Kadib waxaa kacay Abaa Hureyrah oo yiri:- U deg dega xuurulcaynta iyo la dersidda Rabbigiin Cazza wajalla, Jannooyinka nagaadiga. Ma jirto goob uu Rabbigiin idiinkaga jecelyahay meeshan oo kale. Hooydaay!! ku sabra waxay leeyahiin fadli weyn. Ciidamadaasi waxaa kujiray 1000 saxaabadii Rasuulka SCW kamid ah, 100 kamid ahina waxay ahaayeen asxaabtii Bader.

Maahaan baa inta Safkii gaalada kasoobaxay u dhawaaqay Khaalid isagoo ka dalbanayo inuu usoo baxo si uu ula hadlo. Markaasuu Khaalid u baxay, waxayna ku kulmeen labada ciidan dhexdooda. Waxuu yiri:- Waxaanu ogaannay in waxa dhulkiina idinka soo saaray ay tahay gaajo, ee kaalayo waxaan idin siineynaa 10 Dirham qof kastoo idinka mid ah, sanadkan sanadkiisa kale marka la gaarana waxaan idiin soo direynaa mid lamid ah. Waxuu yiri Khaalid:- Ma ahan waxa dhulkayaga naga soo saaray sida aad sheegtay, waa inaanu nahay qowm cabbo dhiigga, waxaana ina soo gaartay in dhiigga Ruumaanku uusan jirin dhiig ka wanaagsan, marka sidaa baanu u nimid. Markaa bay Baahaan asxaabtiisii ku yiraahdeen:- Illaah baan ku dhaarannaye waxa kani waa waxii aan xaggooda ka sheegeynay.

Kadib Khaalid waxuu u tegay Al qacqaac bin Camr iyo Cikramah bin Abii Jahal oo hoggaaminayey qaar kamid ah guutooyinkii Muslimiinta ee maalintaas. Waxuu amray inay huriyaan dagaalka oo ay weerarro culus qaadaan. Kadib dagaalkii baa billawday. Ciidamada Ruumaanka waxaa la socday culimadoodii Qisisiinta iyo Ruhbaaniyiinta oo ku boorinayeen dagaalka iyo inay difaacaan diinta Nasaarada. Mar Alliyoy dhiiri gelinayaan ciidankooda bay aad u dhawaaqayeen, saa waxaa maqlay Mucaad bin Jabal oo yiri:- Alloow! gigil gommadahooda, oo rucbi kutuur qalbiyadooda, oo naguna soo deji dushayada raxmaddaada, oo na haleeshii kalmadda taqwada, oo na jecleysii la kulanka noogana raalli noqo qadaha.

Dagaalkan Yarmuuk saxaabadii kaqayb qaadatay waxaa kamid ahaa Zubayr bin Al Cawwaam oo maalintaa ahaa mid kamid ah saddexdii ugu fadli badneyd ciimada Muslimiinta ee halkaa kusugnayd. Waxuu Zubayr ahaa halyeey geesi ah oo hub ka dhawaajiyo loo muhdo ah, waxuuna aad ugu wacnaa fardo fuulka iyo seyfta oo si xarago leh cadawga loogu xasuuqa. Sidaa darteed baa dagaalkii oo socda ay uyimaadeen jamaaco kamid ah halyeeyadii iyo geesiyaashii Muslimiinta oo ka dalbadeen inuu la weerar qaado, markaasuu ku yiri:- Ma sugnaaneysaan. Markaa buu weerar qaaday oo ay iyana la qaadeen. Waxuuna ka dhex baxay ciidamadii dhexda ee Ruumaanka isagoo dhanka kale uga baxay, misna wuu kusoolaabtay isagoo intaasi laynayo layn daran cadawga. Misna mar kale buu sidii si lamid ah sameeyay isagoo ay lasocdaan asxaabtiisii heer markii dambe uu jilciyey safafkii Ruumaanka. Dagaalkii wuu darraaday, Ruumaankuna waxay la yimideen wacdaro aanan horey looga baran.

Maahaan ayaa weerar kusoo qaaday meymanadii Muslimiinta oo ay u badnaayeen, Khowlaan, Uzdi, reer Xadrumowd iyo Mudxij. Waxayse muujiyeen sugnaan iyagoo ka run sheegayo goobta fara saarka, heer markii dambe ay Ruumaankii weerar sidii buuro guurayo ah ay sooqaadeen. Maalintaa waxaa kashifmay banii Zubayd oo safkoodii dabciyey, dabeetana markay arkeen dumarkii Muslimaadka oo ulo iyo dhagaxaan la dhacayo kuwii firxaday bay is qabteen oo ay xishoodeen, dabeetana dib bay usoolaabteen. Waxaa maalintaa kashifmay jamaaco kamid ah Muslimiinta. Camr bin Al Caas iyo xayn uu kujiro iyagu way sibaxdeen, dabeetana way is qabteen oo way soolaabteen. Shuraxbiil ibnu Xasana qudhiisu wuu taraaraxay inkastoo uu is qabtay markuu maqlay dhawaqa mid kamid ah amaraada ciidanka oo akhrinayo qolka Alle Sarreeye:- Alle waxuu Mu’miniintu ka iibsaday nafahooda, inay usugnaatay Janno darteeda. ( Suuratu Towbah, aayadda 111aad ). Maalintaa waxaa sugnaaday Yaziid bin Abii Sufyaan, oo siday raayad kamid ah raayadahii Muslimiinta ee Maalintaas. Sababtuna waxay ahayd aabahii Abuu Sufyaan baa mar waliba guubaabinayey oo ku lahaa:- Maandhoow! dushaadu ha ahaato cabsida Alle, oo ha noqon sida aynoqdeen saaxiibadaa. Waxuu Abuu Sufyaan ku guubaabinayey inankiisa isagoo hoostaagnaa raayaddii uu siday, inuu sugnaado oo uu sabir iyo adkeysi muujiyo, oo uusan lamid noqon kuwa kashifmay maalintaa iyada ah. Mar Alliyoo uu Abuu Sufyaan wiilkiisa guubaabiyo, waxuu Yaziid jawaab ahaan u celinayey aabahiis:- Inshaa Allaah waan fali.

Cikrimah bin Abii Jahal waxuu yiri maalintaa:- Rasuulka Alle SCW baan goobo badan kula dagaal galay, ee ma maanta baan adinku idinka cararaa? Dabeeto waxuu kudhawaaqay, yaa igula mubaayacoonayo dhimasho? Markaasay xaggiisii usoo dideen 400 kamid ah halyeeyadii fardooleyda iyo geesiyaashii Muslimiinta oo ay kamid ahaayeen adeerkiis Al Xaarith bin Hishaam iyo Diraar bin Al Azwar. Waxay qaadeen weerar culus oo ay ka dagaallamayeen goobta tendhadii Khaalid agteeda, jeer markii dambe dhammaantood uu soo gaaray dhaawac, qaar kamid ahina ay ku ishtish-haadeen. Waa halka ay ku oomeen iyagoo dhaawac culusi hayo sida la sheego Cikramah bin Abuu Jahal, adeerkiis Al Xaarith bin Hishaam iyo Cayaash bin Abuu Rabiicah, oo markii biyo loo keenay oo midiba yiri midka kale horta sii, oo ay dabeeto iyagoonan cabbin biyahii ay wada geeriyoodeen.

Waxaa layiraahdaa:- Qofkii ugu horeeyay ee Muslimiinta ka dhinta maalintaa waxuu ahaa nin u yimid Abuu Cubaydah bin Al Jarraax oo ku yiri:- Annigu arrinteydu waan diyaarsaday ee majirtaa wax xaajo ah oo aan kaa gaarsiiyo Rasuulkii Alle SCW? Waxuu yiri Abuu Cubaydah:- Haah! igu salaan oo kuna dheh:- Rasuulkii Alloow! innagu waanu helnay wixii uu Rabbigayo inoo yaboohay oo dhab ah.

Markaa buu ninkii dhaqaaqay oo uu dagaallamay jeer la dilay isagoo shahiid ah.

Kadib markuu arkay Khaalid weerarka Ruumanka ee is daba joogga ah iyo in safafkii Muslimiintu ay dhowr jeer kashifmeen, buu weerar culus ku qaaday ciidamadii bidixda ee Ruumaanka, kuwaasoo markii hore weerarro is daba joog ah kusoo qaaday ciidamada midigta ee Muslimiinta. Markaa buu Khaalid dagaallamay dagaal aad u daran. Markaa buu liiciyey oo uu ku daray ciidamadii Ruumaanka ee dhexda, waxuuna kaga laayey weerarkaas gaalada 6 000, kadiba waxuu yiri:” Kan ay nafteydu gacantiisu kujirto baan ku dhaartaye uma aysan harin wax sabar ah iyo ad adkaan, aan ka ahayn sida aad ka aragtaan, waxaanna rajaynayaa inuu Alle idinka siiyo guusho”. Markaa buu mar kale kaxaystay 100 fardooley ah oo uu weerar culus ku qaaday 1000 Ruumaan ah, markiina ay Ruumaanku arkeen weerarka labaad ee Khaalid bay dhanka kale ujabeen.

Goor dagaalka lagu jiro oo xaalladu kulushahay baa waxaa timid warqad sheegeyso geerida ku timid Abuu Bakar Siddiiq iyo in Khilaafadii uu bacdigiisa qabtay Cumar iyo in weliba imaaradda Shaam uu u soo wakiishay Abuu Cubaydah bin Al Jarraax, Khaalidna uu ka casilay. Warqaddaasi waxaa siday Manjimah bin Zuneym, markaasuu Khaalid ku yiri:- Waa maxay? Waxuu yiri:- Arrin aniga iyo adiga dhexdeenna ah. Kadibna waxuu usheegay geerida Abuu Bakar Allaha ka raalli noqdee. Markaa buu Khaalid ku yiri isagoo ay dadkii maqlahayan:- Axsanta. Warqaddiina intuu qaaday buu ku ritay tuulkiisa.

Islaamiddii Jurjah

Jurjah sidaynu ogsoonnahay wuxuu kamid ahaa madaxdii ciidamada Ruumaanka ee Maalintaas, waxaanna soo xusnay inuu ahaa mid kamid ah amiiradii Ruumaanka ee kuwajahnaa amaraadii Muslimiinta ee afarta ahaa, kuwaasoo uu Abuu Bakar Siddiiq Allaha ka raalli noqdee uu usoo diray dhulka Shaam. Waxii dhacay markay dhaceen oo ciidamadii Muslimiintu ay isu tegeen, buu Hiriqal amray ciidamadiisii inay iyaguna isu tegaan. Markiina ay isu tegeen Jurjah ma uusan waynin imaaraddiisii, waayo waxuu ahaa mid kamid ah madaxdii ugu sarreeysay Ruumaanka, dhanka dagaalkuna tabbo iyo xeelad wanaagsan ayuu uyaqiinnay. Sidaa darteed buuna kamid ahaa dagaalkaan Yarmuuk madaxdii hoggaaminaysay Ruumaanka.

Intaa kadib (innagoo sii wadno dhacdadan Yarmuuk) buu Jurjah kasoo baxay ciidamadiisii oo uu soo dhex istaagay labada saf isagoo markaa dalbaday inuu Khaalid usoobaxo si uu bal wax u su’aalo. Markaa buu Khaalid u baxay, booskiisiina waxuu kudhaafay Abuu Cubaydah bin Al Jarraax. Waxay ku kulmeen isaga iyo Khaalid labada saf dhexdooda, iyadoo midba midka kale uu magan galyo siinayo oo uusan jirin mid midka kale far u dhaqaajinayo, fardahooduna ay markaa labaduba qooraha is dhaafsadeen oo ay wada hadal billaabeen. Markaa buu yiri Jurjah:- Khaalidoow! iisheeg runta, oo ha iisheegin wax beena, waayo qofka xurta ahi been masheego, hana iqayaamin, waayo qofka sharafta lihi wax ma qayaamo. Allaan kugu dhaarshaye, ma Alle baa Nebigiinu samada uga soo dejiyey seyf oo uu markaa adiga kusiiyey oo ciddaad kula dagaallantaba aad jebisaa?

Waxuu yiri:- Maya.

Waxuu yiri:- Oo haddaba sidee laguugu baxshay Seyfullaah (Seyftii Alle)?

Waxuu yiri:- Alle Sarreeye baa dhexdayada kasoo saaray Nebi, markaasaanu beeninnay, oo aanu ka cararnay, say barkayaga rumeeyeen oo raaceen, barkannaguna way la dagaallameen oo ay beeniyeen, waxaana kamid ahaa kuwii beeniyey oo la dagaallamay. Kadib Alle baa qabtay quluubtayada iyo foodannada oo inagu hanuuniyay, markaasaanu raacnay. Markaasuu yiri:- Adigu waxaad tahay seyf kamid ah seyfaha Allaah uu kusalliday Mushrikiinta, waxuuna iigu duceeyay guul. Sidaa la iigu baxshay Seyfullaah, aniguna waxaan ahay qofka Muslimiinta ugu ad adkaan badan xagga gaalada.

Waxuu yiri Jurjah:- Khaalidoow! Bal iiga warran waxa aad dadka ugu yeereysaan?

Waxuu yiri:- Waa qiridda inuusan jirin Allaah (xaq lagu caabbudo) oo aan ka ahayn Alle, Muxammedna (SCW) uu yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii, iyo in lagu raalli noqo waxii uu Alle xaggiisa kala yimid”.

Waxuu yiri:- Oo ka warran kaan idinka yeelin?

Waxuu yiri:- Waa inuu bixiyo jizyo, innaguna waan difaacaynaa.

Waxuu yiri:- Bal ka warran hadduusan bixinin?

Waxuu yiri:- Waxaanu ogeysiineynaa dagaal, kadibna waan la dagaallameynaa”.

Waxuu yiri:- Ka warran manzilada qofkii idiin soo galo, oo idinka yeelo arrinkan maanta?

Waxuu yiri:- Manziladayadu waa mid qura, xagga waxii uu Alle nagu farad yeelay keenna shariifka ah, keenna daciifka ah, keenna u horeeyay ( ee galo diinta Islaamka ) iyo keenna u dambeeyayba.

Waxuu yiri:- Ma leeyahay Khaalidoow! kii maanta soo galo ( diintan ) ajar iyo mushqaayad lamid ah ka aad idinku leedihiin?

Waxuu yiri:- Haah! weliba wuu naga fadli badanyahay.

Waxuu yiri:- Oo siduu idiinlamid yahay adinkoo uga horreeyay?

Waxuu yiri:- Arrinkan ( diinta ah ) waxaan galnay oo aan la baayacoonnay Nebigayaga SCW iyadoo uu noolyahay oo uu dhexdayada joogo, khabarna uu uga yimaado samada (yacni waxyi ), oo uu inooga warramayey kutubta, oo uu inatusinayey calaamadooyinka. Xaq bay ku ahayd qofkii arkay waxii aan aragnay oo maqlay waxaanu maqalnay inuu u hoggaansamo oo uu la mubaayacooda, adinkuna maydaan arag waxaan aragnay oo maydaan maqal waxaanu maqalnay oo cajaa’ib iyo xujooyin ah. Ruuxii soo galo arrinka kan ee diinta ah oo idinka mid ah, isagoo ay ka tahay dhab iyo niyad dhab iyo niyad”.

Waxuu yiri Jujrah:- Illaah baan ku dhaartaye waad ii runsheegtay. Kadibna wuu Islaamay oo waxuu u soo wareegay safkii Khaalid.

Intaa kadib Khaalid wuu kaxeeyay waxuuna geeyay teendhadiisii, oo uu ugeeyay biyo, oo kadib markuu meydhay oo uu weysaystay ayuu tujiyey laba rakcadood. Markaa bay Ruumaankii weerar kusoo qaadeen teendhadii uu ku jiray Jurjah, hase ahaatee qaar kamid ah halyeeyadii ciidamada Muslimiinta baa u jilba dhigeen weerarradaas, kuwaasoo ay kamid ahaayeen Cikrimah ibnu AbuuJahal iyo Diraar bin Al Azhar, sidaynu soo xusnay.

Kadib Jurjah iyo Khaalid baa waxay qaadeen weerarro is dabajoog ah oo ay kuqaadeen Ruumaanka, hase ahaatee waala asiibay Jurjah oo wuu shahiday isagoo Muslim ah, oo aan horey iyo gadaalba u tukan waxaanan ka ahayn labadii rakaco ee uu Khaalid tujiyey.

Kadib Ruumaankii way jabeen, waxaana iska dul dhacay kuwii silsiladaha ku xirnaa, markaasay Muslimiintii halkaa kulaayeen iyagoo ka dilay kudhawaad 120 000 marka laga reebo kuwii farasaarka hore lagaga dilay. Waxaa la dilay dil aad u daran oo dariic ah, heer ay dumarkii Muslimaadka ay ka qeyb qaateen layntooda oo ay wax badan ka dileen kuwii silsiladaha ku xirnaa. Dhanka Muslimiinta waxaa maalintaa laga dilay 3 000 oo ay kamid ahaayeen, Cikrimah bin AbuuJahal iyo wiilkiisa Camr bin Cikramah, iyo adeerkiis Xaarith bin Hishaam, Camr bin Saciid, Salamah bin Hishaam, Cayaash bin Abii Rabiicah, Nucaym bin Cabdillaahi Al Cadawi, Saciid bin Al Xaarith bin Qeys As-Sahmi, An- Nasseer bin Al Xaarith bin Calqamah, Abuu Ruum bin Cumeyr Al CabdiDaari, Abaan bin Saciid bin Al Caas. Hishaam bin Al Caas bin Waa’il, Camr bin Dhufeyl bin Camr Ad-Dowsi- oo riyadii aabahiis ee maalintii Yamaamah u rumowday, iyo qaar kaloo badan oo kamid ah rag karmeedyadii Muslimiinta. Abuu Sufyaan bin Xarbi isha ayaa laga asiibay oo uu leeb uga dhacay, waxaana ka soo saaray Abuu Xathmah.

Ciidamadaasi Muslimiinta ee xaadiray Yarmuuk waxaa kujiray 1000 saxaabadii Rasuulka SCW kamid ah iyo 100 kamid ah asxaabtii Bader.

Jabkii Ruumaanka qaar kamid ah ayaa waxuu gaaray boqorkoodii Hiriqal oo markaa kusugnaa Andakiyah ama Ximsa, markaasuu ku yiri:- Hooggiinee! iiga warrama bal qowmka aad la dagaallameysaan, ma waysan ahayn dad bashara oo sidiinoo kale ah? Waxay yiraahdeen:- Haah!.

Waxuu yiri:- Oo ma iyagaa idinka badnaa ama adinka ayaa ka badneydeen?

Waxay yiraahdeen:- Mayee, innagaa goob waliba labo jibbaar ka badneen.

Waxuu yiri:- Oo maxay haddaba idin helay oo ay idiin jibiyaan?

Markaa buu nin kamid ah culimadoodii oo oday ah yiri:- Waa sababta darteeda inay habeenkii oo idil taaganyahiin (salaad darteeda ), maalintiina ay soomanyahiin, oo ay oofiyaan ballanka oo ay amraan wanaagga, xumuhuna ay reebaan, dhexdooduna ay is wanaajiyaan. Halka aan innagu cabno khamriga, oo aan zinneysanno, xaaraantuna aan fuulno, ballantuna aan burinno, oo aan dulmi falno, oo aan is amarno cadho, oo aan iska reebno waxii Alle raalli gelinayo, dhulkuna aan fasaahidinno.

Waxuu yiri Hiriqal:- Adigu run baad iisheegtay.

Taasu waxay ku tusineysaa wanaaggii Muslimiinta inay xitaa gaalladii ka marag kaceen, heer ay qirteen inay iyagu yahiin kuwa qaldan oo lunsan.

Waa sidaase goor lagu jiro xafladdii guusha iyo riyaaqid iyo reyn rayn iyo mahadnaq guushii Yarmuuk laga helay darteeda buu Khaalid ku dul akhriyey ciidankii warqaddii katimid Madiina ee caddeyneysay geerida kutimid Khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Allaha ka raalli noqdee. Majahii farxaddu baa mar qura isku badashay murugo iyo tiiraanyo huwisay ciidamadii Muslimiinta, hase ahaatee maysan ka gaabinin howlahoodii militari ee kujiraan. Allena waxuu u wakiishay kii ugu kheyr badnaa ummadda Nebi Muxammed SCW kadib Abuu Bakar.

Waxuu Khaalid u sheegay ciidamadii Muslimiinta in Khilaafadii uu qabtay Al Faaruuq, imaaraddii Shaamna masuul looga dhigay Abuu Cubaydah. Kadib buu Abuu Cubaydah go’aamiyey in la qeybiyo qaniimada kadib markuu ka saaray khumuskii. Markaa buuna khumuskii qaniimada iyo bishaaradii guusha u dhiibay Qubaath bin Ashiim si uu Madiina u geeyo, Yarmuuk-na waxuu ku sii dhaafay koox fardooley ah oo uu madax u yahay Bushayr bin Kacab.

Dhacdooyinkii Ka Dhacay Ciraaq Kadib Ka Imaanshihii Khaalid

Sababtu waxay ahayd in Furus ay boqoreen Shahrbaraaz bin Aradasheer bin Shahrayaar, kadib markay dileen boqorkoodii iyo wiilkiisii. Iyagoo ka faa’iideysanayo maqnaashaha Khaalid bay dhankii Muthanna u soo direen ciidan culus oo dhan 10 000 oo uu madax uyahay Hurmuz Jaadaweyhi. Markaasuu Shahrbaraaz warqad usoo diray Muthannaa isagoo ku leh:- Waxaan kuusoo diray ciidamo kuwii waxuushta reer Furus, wax kale maahane waa kuwii raaci jiray digaagga iyo doofaarrada, wax aan iyagu ahaynna kugulama dagaallamayo. Markaa buu Muthanna u qoray warqad kale jawaab ahaan isagoo oranayo:- Waxaad tahay labo nin midkood. Haddii aad qooqday adiga ayay shar kuu tahay, innaguna waa inoo kheyr. Ammaa haddii aad been sheegeyso, ugu weyn beenalayaasha xagga cuquubta iyo fadeexada Alle agtiisa waa boqorrada, Sida aynu u aragnana waxay tahay in la idiin dhibaateeyay xaggooda ( kuwa raaco digaaga iyo iyo doofaarrada, oo aad waydeen ciidamo kale ). Mahad waxaa iska leh Allahii dhagartiinnii u celiyey digaag raac iyo doofaarreey.

Markii ay warqaddaas u tegtay reer Furus oo ay akhriyeen bay sidaran uga naxeen oo ay ka xumaadeen sababta uu Shahrayaar markii hore u qoray warqadda hore, waxayna ku tilmaameen inuu yahay mid ra’yi waalan.

Intaa kadib ciidamadii Faarisiinta waa ay soo baxeen oo waxay soo abbaareen dhankii. Muthana iyo ciidamadiisiina waxay ka dhaqaaqeen Xiirah oo uu aaday dhanka Baabil. Labada dhinac ee ciidamadiisa waxuu ukala dhiibay walaaladii Al Macnaa iyo Mascuud. Waxay labada qolo ku kulmeen Cudwat-Suraah, halkaasoo ay ku dhex martay dirir aad u daran, Faarisiintuna dhowr jibbaar bay Muslimiintu ka badnaayeen. Waxay maalintaa Faarisiintu soo deeyeen maroodiyaal ay ku cabsi gelinayaan fardaha Muslimiinta oo u diiday inay si quman weerar u qaadaan fardooleyda Muslimiinta. Markaa buuna Muthanna laayey maroodiyaashii, asxaabtiisiina waxuu amray inay laayaan maroodiyaasha. Kadib dagaalkii baa darraaday, markaysay jabeen majuustu oo ay Muslimiintiina raacdeysteen oo ay laynayeen, waxayna dileen dil daran maal badanna way ka qaniimeysteen. Jabkii Faarisiinta ayaa waxay ka dul dhaceen caasimaddoodii Madaa’in goor ay shari ka dhex taagan tahay. Waxay tageen iyadoo boqorkoodii uu dhintay, oo ay boqreen gabadhii boqorkii hore ee Kisraa. Taasoo la oran jiray Bowraan bint Abruweyz, oo runtii ku oogtay caddaaladda, oo wanaajisay raadka taariikhdeeda, waxayna madax u ahayd muddo hal sano ah iyo 7 bilood, dabeetana way dhimatay. Markaasay boqreen walaasheed Aazarmiidakhat zinaan, dabeetana waxay kubadaleen Zaabuur bin Shaharyaar, waxayna ku lamaaneeyeen Farakhzaad bin Bandawaan. Markaa buu Saabuur u dhisay gabadhii boqorkii hore ee Kisraa Farakhzaad bin Bandawaan, taasoo ahayd Aazarmiidakhat zinaan bint Abruweyz. Markaasay Aazarmiidakhat diidday arrinkaas waxayna tiri:- Waa addoon kamid ah addoomayada. Markii la gaaray habeenkii arooskeeda bay Faarisiintii dileen Farakhzaad, kadibna waxay aadeen dhankii Saabuur oo isaguna ay dileen, waxayna boqreen Aazarmiidakhat mar kale.

Rasuulkeennu SCW waxuu yiri:- Ma liibaanayaan qowm haweeney madax ka yeeshay. Boqortooyadii Furusna waxay noqotay mid dheel dheel iyo lahwi ah, oo dandarrowday.

Kadib Muthanna waxuu u cid dirsaday Abuu Bakar Sidiiq isagoo ka dalbanayo gurmad, hase ahaatee wax war ah kamuusan helin. Markaasina waxay ahayd goor lagu jiray carcartankii dagaal weynahii Yarmuuk oo uu Abuu Bakar ku mashquulsanaa. Markii uu raagsaday Muthanna gurmadkii uu ka dalbaday Abuu Bakar, wax farriin ama jawaab ahna uu ka la’yahay buu naf ahaantiisii aaday magaaladii Madiina, Ciraaqna waxuu kusii dhaafay Bashiir bin Khasaasiyah, arrimaha dagaalkana wuxuu usii xilsaaray Saciid bin Murrah Al Cajali.

Markii uu Muthanna tegay Madiina, waxay ahayd goor uu Abuu Bakar la jiifay xanuunkii uu dunida uga faaruqay khilaafadiina uu kula ballamay Cumar bin Khaddaab. Markiina uu Abuu Bakar arkay Muthanna oo dul taagan buu Cumar ku yiri:- Marka aan geeriyooda yaanad galabeysan jeer aad dadka ku booriso la dagaallanka reer Furus oo aad Muthanna ciidan ku darto. Sidii buuna Cumar yeelay sida aynu ku arki doonno billawgii Khilaafadiisii hadduu Alle idmo.

Geeridii Abuu Bakar Allaha Ka Raalli Noqdee

Markii ay u buuxsantay da’da 63aad oo ah da’dii uu ku geeriyooday rafiiqiisii Nebi Muxammed SCW buu Rabbi oofsaday. Taasina Rasuulka SCW baa ugu sii bishaareyay mar uu yiri:- Waxaan arkay adigoo jannada iga dambeeyo labo jaranjaro iyo bar. Waxay kutusineysaa inay taasi tilmaamayso inta sano ee uu ka noolal dambeeyo Abuu Bakar Rasuulka Alle SCW, arrintanina waana mid kamid ah dalaa’ishii Nebiga SCW.

Muddadii aadka u yarayd ee uu xilka hayay Abuu Bakar Siddiiq waxuu awooddii Islaamka kusoo celiyey Xijaas oo idil oo markii hore ay wada riddoobeen marka laga reebo reer Makka, reer Madiina iyo reer Daa’if. Intaa kadib wuxuu nadiifiyey jasiiraddii oo idil, kadibna furtay qaar kamid ah dhulka Ciraaq, waxayna geeridii u timid isagoo ciidamadii Muslimiinta isugu geeyay dhulka Shaam si uu u boqno gooyo boqortooyadii Ruumaanka.

Sanadkan dhexdiisa buu xanuunsaday xanuunkaasoo ahaa midkii uu dunida uga faaruuqay, waxuuna khilaafadii uga tegay Cumar bin Khaddaab kadib markuu la tashtay saxaabo badan oo dhammaantood ay u ishaareen in uu Cumar kudhaafo khilaafada.

Dardaarankii khilaafada uu u dardaarmayay Cumar waxaa u qorayey Cuthmaan bin Cafaan isagoo xanuunsanayo ayuu u yeerinayay. Markiina uu marinayo yeerinta dardaaranka weedhan: Waxaan idiinkaga tegay…… buu miyir daboolmay, markaasuu Cuthmaan halkii kubuuxiyey…. ”Cumar”.

Mar kale buu Abuu Bakar Illaahay haka raalli noqdee dib u soo miyirsaday oo uu yiri:- Bal ii akhri waxa aad qortay. Markaasuu u akhriyey illaa uu ka gaaray weedha ah waxaan idiinkaga tegay…. Markaasuu Cuthmaan raaciyey magacii uu ku daray oo awalba uu Abuu Bakar hadal hayey ee ahaa ”Cumar”. Waxuu markaa Abuu Bakar u riyaaqay sida uu Cuthmaan sameeyay, waxuuna ku yiri:- Waxaa laga yaabaa inaad ka cabsatay inaan sidaa ku dhinto oo dadku ay is khilaafaan, Illaah baan kudhaartaye haddii aad adigu isku qori lahayd ahal baad u ahaan lahayd. Kadib dardaarankii buu sii waday illaa uu ka dhammeeyay. Markii uu dhintay buuna Cuthmaan dadkii ku dul akhriyey dardaarankaas oo ay dhammaantood kuwada raalli noqdeen, lana mubaayacoodeen khaliifada khaliifadii Rasuulka Alle SCW (Cumar).

Waxaa la sheegaa in Yahuud ay siisay cunno sumeysan oo ay cuneen isaga iyo Al Xaarith bin Kildah, dabeetana uu geeriyooday sanadkan gudahiisa. Waxaa kaloo la sheegaa inuu qubeystay ama maydhay maalin qaboow ah oo ay dhaxan darani jirtay, oo dabeeto ay xumadi qabatay sida rajaxsan, taasoo uu la xanuunsanaa muddo 15 casho ah oo uusan soo bixin. Waxuuna muddadaas amray Cumar inuu dadka tujiyo salaadda oo uu howlaha sii kala wado. Waxuu geeriyooday Maalin isniin ah oo ay siddeed casho ka dhimantahay bisha Jamaadul Aakhir ee sanadkan yacni 13aad ee Hijriga. Waxuuna u dardaarmay inay dhaqdo afadiisa Asmaa bint Cumays, waxaana caawinayey wiilkiisa C/Raxmaan bin Abii Bakar, maadama ay maalintaa Asmaa soonneyd oo qabow badanina uu jiray. Cumar bin Khaddaab ayaa tujiyey janaasadiisa isagoo takbiirsaday afar takbiir. Waxaana lagu ag aasay rafiiqiisii Nebi Muxammed SCW, goobta daartii Caa’ishah, Allaha ka raalli noqdee.

Abuu Bakar Siddiiq wuxuu Rasuulka SCW kasoo weriyey 141 xadiis, Illaahay haka raalli noqdee.

Intaasi ayaan kusoo gababayneynaa wixii uu Alle inaga waafajiyey inaanu ka qorno taariikhdii Abuu Bakar Siddiiq oo runtii buggaag iyo qalimaan badan dhameyneyso.

Illaahay ha u nuuriyo qabrigiisa hana u waasiciyo Abuu Bakar Siddiiq, saaxiibkii Rasuulka Alle SCW iyo labaeeyahiisii godka. Aameen aameen, aamiin.

Wabillaahil Mustacaan

aragtidaada nala wadaag...