Gogoldhig

Qorista kitaabkan, waxaa igu dhaliyey markii aan ka qayb galay shirka dib uheshiisiinta Soomaalida ee Mbagathi, Keenya. Shirkaas oo ah kii 14aad oo loo qabto madaxda kooxaha hubeysan ee ka jira dalka, waxaa iiga soo baxday in hoggaamiyaasha kooxaha iyo dadka kala taabacsan oo u nacamleynaya aaney diyaar u ahayn in Soomaaliya yeelato dowlad soo celisa kala dambeyntii iyo hannaankii dowladnimo. Waxaa kale oo aan arkay in shacabkii dhammaantiisa loo kala qoqobay qabaa’il aan wax isu ogoleyn. Qabiil walbaa, wuxuu doonayaa inuu liqo xaqa uu qabiilka kale leeyahay. Arrintaasi ayada ah, waxaan u arkay iney tahay xarig jiid aan dhammaaneyn oo ay ka shaqeeyeen quwado shisheeyo kuwaas oo loo aaneynayo dumintii qarankii Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo dadka shirka ka qaybgalaya iiga muuqatay iney dhammaatay qadarintii iyo maamuuskii ay lahaan jireen Oday-dhaqameedyada Soomaaliyeed. Iyadoo ay taa la wareegeen dagaal oogayaal aan u daneyneyn maatada ay ku muquuninayaan qoriga caaradiisa. Arrintaa aan kor ku soo sheegay waxay na dareensiin kartaa, inaan isku khaladnay qabiilkii iyo qaranimadii Soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan shirkii Carta oo ku dhammaaday mudo afar bilood ah oo ay hoggaankeeda hayeen Odey-dhaqameedyada Soomaaliyeed. Shirka dibu-heshiisiinta ka socda Keenya, waxaa uu socdaa mudo sanad iyo afar bilood ah, haddana lama oga goor uu dhammaan doono, sababtoo ah waxaa geesaha isla galay qabqablayaal ku abtirsada qabiil aan raalli ka ahayn iney matalaanba.

Waxaa daciifay oo meeshaba ka baxay kaalintii aqoonyahankii dalka kuwaas oo looga fadhiyey iney ka samata bixiyaan aafada ku habsatay ummadda Soomaaliyeed. Aqoonyahanku inuu kaalintiisa guto iska daaye, wuxuu qeyb ka noqday qoqobka iyo kala qaybinta shacabka mudada dheer madaafiicda iyo gaajadu naafeysay. Waxaa ammaan iyo hambalyaba mudan dumarka Soomaaliyeed oo iyagu dadaal xoog leh ugalay iney buuxiyaan kaalintii raggu ka baxay. Waxay u istaageen iney quudiyaan qoyskii aabuhu qoriga iyo qaadka ka doortay. Waxay kaloo door weyn ka ciyaareen dib-u-heshiisiintii dadkii dadkii dagaal-oogayaashu dabka isugu dhiibeen.

Waxaan qaybta kowaad ee kitaabkan uga hadlay, dadka iyo dalka Soomaaliya. Faahfaahin dheeraad ah, waxaan ka bixiyey kheyraadka dalka, si akhristuhu u fahmo nimcada ku duugan dalkeena hooyo. Waxaa ayana kaga hadlay dadka Soomaaliyeed halka ay ka soo jeedaan iyo sida ay ugu faafeen Geeska Afrika. Taariikhyahanada wax ka qoray dadkeena, waxay u qaybsameen labo markii ay qeexayeen isirka Soomaalida. Qolo waxay tiri dadka Soomaalidu, waxay ka soo jeedaan Carab ku beerantay waqooyiga iyo waqooyi bari ee dalka, kadibna u fiday koonfur iyo koonfur galbeed ee dhulka Soomaalidu degaan.

Waxaa kuwaas fikrad ka soo horjeeda qaba kuwa yiri, Soomaalidu waxay isku hayb yihiin Oromada iyo qowmiyadaha kale ee xaamiyiinta ah, waxayna markii hore ku bcermeen meel ku toosan waqooyiga Keenya. Dadkaasi waxay u hijroodeen illaa iyo waqooyiga dalka oo ay ku bateen, ayagoo markaa kadib dib ugu soo hijrooday koonfurta Soomaaliya iyo bariga Itoobiya iyo waqooyiga Keenya.

Qaybtan koowaad, waxaan kaloo uga hadlay qaab-dhismeedka qabiilka iyo maamuladii dalka ka jiri jiray xorriyada ka hor. Waxaan si buuxda ugu faahfaahiyey sidii gumeystayaashu u qaybsadeen dalka iyo halgankii gobanimadoonkii shacabka Soomaaliyeed u soo galay qaranimadii ay burburiyeen kooxo yar oo dano gaar ah lahaa.

Qaybta labaad, waxaan ku soo ururiyey dhacdooyinkii soo maray dadka Soomaaliyeed laga soo billaabo 1960kii illaa iyo 1991. Dhacdooyinkaas waxaa soo hoos galaya, waxqabadkii dowladihii xukumi jirey iyo dhaliilihii ay lahaayeen. Waxaan wada ogsoonahay ineyan dowladahaasi ka soo bixin kaalintii uu ka sugayey shacabkeenu. Dhaliilahaaan soo koobayna ujeeddadoodu waxay tahay inaan uga digo dowladaha imaan doona.

Qaybta seddexaad oo ayana aad muhiim u ah waa dumintii qaranka Soomaaliyeed iyo wixii ka dhashay. Waxaan uga hadlay jabhadihii isu bahaystay iney ridaan dowladii ciidamadu hor kacayeen, ayagoon ka fikirin nooca dowlada bedelidoonta iyo cawaaqibkeeda waxay noqon. Intaa waxaa weheliya, oo aan qaybtaan kaga hadlay shirarkii dib-u heshiisiineed ee loo qabtay madaxda kooxaha dalka ku hardamayey 13kii sano ee dowlad la’aantu jirtey iyo waxa weli hortaagan in dowlad laga dhiso dalka Soomaaliya. Waxaan kaloo wax ka taabtay dimuqraadiyada iyo Soomaaliya, oo aan ka hadlay sida qabyaalada dadkeenu ku dhaqmo iyo nidaamka dimuqraadiyadu aynan isu waafaqeyn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *