Qaybta Afraad

4.1 Gunaanad iyo Talooyin

Sida aan la wada socono, dalka Soomaaliya waa dal aad u baaxad weyn oo lagu qiyaasay inuu laban-laab iyo ka badan ka weyn yahay dalka Ingiriiska. Waxaan leenahay xeebta Qaaradda Afrika ugu dheer, taas oo ay ku jiraan khayraad aad u fara badan. Waxaa kaloo dalkeenu leeyahay xoolo kor u dhaafay 40 malyuun oo neef, kuwaas oo dalka soo galiya lacagta adag ee wax lagu soo iibsado. Waxaa intaa dheer in Soomaaliya ay leedahay dhul bacrin ah oo qodasha ku wanaagsan oo ku yaal hareeraha webiyada iyo dhulka la beerto xilliyada roobabku da’aan.

Mar haddii khayraadkaas oo dhami ay dalkeeria dhex jiifaan, maxaa sababay in dadkeenu gaajoodo oo aduunweynaha galley looga soo baryo? Jawaabta su’aashani waa sahlan tahay oo waxaa gaajada ku jirrabay dadka Soomaaliyeed waxaa weeye jahliga iyo qabyaalada. Dadkeenu jaahil bay ka yihiin, sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen kheyraadka dhulkooda ku jira. Waxaa intaa u dheer, iney qabyaaladu kala qoqobtay oo aan qabiilna qabiilka kale u gudbin ayadoo laga baqayo dagaalo ka dhex dhaca. Dowladihii dalka soo maray, waxay ku guuldareysteen iney u khidmeeyaan shacabkii ay matalayeen oo ay jahliga iyo qabyaalada kala dagaalamaan si wax-soosaarku kor ugu kaco.

Madaxdii dalka soo martay illaa iyo intii xorriyada la qaatay, waxay ku dadaali jireen iney ayagu marka hore fakhriga ka baxaan oo ay hantiileyaal noqdaan. Marka labaad si ay maamulka u sii haystaan, waxay ku dadaaleen iney kobciyaan qabyaalada, eexda iyo colaado ummadda dhexdeeda ka dhalata.

Tusaale, waxaan u soo qaadan karnaa dowladii Kacaanka oo ayadu meel fagaare ah ku aastay qabyaaladii, haddana ku caan baxday ku dhaqanka qabyaalada iyo eexda shacabka dhexdiisa. Waxaa caado noqotay, iney kala duwanaadaan waxa idaacadaha madaxdu ka sheegto iyo sida ay xaqiiqo ahaan u dhaqmaan. Haddaba qalbi iyo af aan wada jirin sow xaalku ma ahan. Si looga hortago ama loo hubiyo waxa uu ku dhaqmayo qofkii madaxnimo loo doorto, waa iney jiraan hay’ado xaqiijiya habsami u socodka maamulka dowlada, laguna qaadaa sharciga cidii ku xadgudubta qawaaniinta u dhigan dalka. Taasi waxay inoo horseedeysaa, maamul dowladnimo oo nadiif ah iyo madaxda oo ka baqda inuu qabto sharcigu.

Waxaa jirta in la isku dayey 14 jeer in Soomaaliya dowlad loo dhiso, mar walbana waxaa ku hardamayey iney madax ka noqdaan dalka madaxda kooxaha. Waxaa haddaba caddaan ah inaaney ku heshiineyn ninkii ay u dooran lahaayeen inuu madax ka noqdo dalka. Si kastaba ha ahaatee, shacabka kala raacsan madax kooxeedyadaas oo qabiil daraadiis u kala taageersan, illaa intee bey ka dhursugi karaan heshiis ka dhex dhaca madaxdooda? Anigoo jawaabta u deynaya akhristaha, waxaan leeyahay qabiil qaran ma noqdo, qabyaaladna qaran laguma dhiso.

Waxaa la yaab ah, in madax kooxeedyadu ay carruurtoodii iyo xaasaskoodiiba geysteen wadamo shisheeye si ay uga nabad galaan dagaalada iyo dhibaatooyinka dowlad la’aantu keentay, isla markaasna ay dagaal ka dhex oogayaan shacabka walaalaha ah si ay danahooda gaarka ah u gaaraan. Dadkaas inta dhaawacanta iyo inta dhimata midna madaxda kooxuhu ma kala jecla oo mar kasta waxay helayaan kuwa ugu dagaalama magaca qabiilka.

Sida aynu ku aragno golayaasha dib-u-heshiisiinta Soomaalida, qof kasta oo Soomaali ahi, wuxuu aaminsan yahay inaan ka tala bixinta siyaasada iyo hoggaanka ummadda aan ninna ka xigin. Taasi waxay keentay qof walba inuu sheegto inuu yahay siyaasi oo uu hoggaamin karo dalka, waana tan sababtay in xal loo waayo dhibaatooyinka ka jirey dalka mudadii 14ka sano ahayd ee aan soo dhaafnay.

Culumada dalka oo ixtiraam weyn loo hayn jirey, ayaa waxaa muuqata inaaney ka samata bixin cudurka qabyaalada. Qabyaaladu waxay saameysay culumada oo ayagu 14kii sano oo ugu dambeeyay la soo baxay wacdaro yaab leh. Ururrada diiniga ah ee waddanka ka jira, waxay u qaybsan yihiin qabaa’il kala duwan. Urur kasta madaxdiisu qabiilkii ay tahay, ayaa dadka raacsani noqday. Sababta ay sidaa u noqotayna waxaa weeye, ayadoo taageerayaasha ururkaasi ay helaan taakuleyn dhaqaale ama waxbarasho waddanka gudihiisa iyo dibadiisaba.

Ururrada diiniga ahi, waxay ku kala xiran yihiin ururo caalami ah kuwaas oo ay ka helaan taageero dhaqaale iyo waxbarasho. Taageeradaas lagu soo helay magaca shacabka Soomaaliyeed, waxaa ka faa’iideystey dadka ku abtirsada qabiilka madaxda ururkaas. Arrintaasi sow markhaati ka ma aha nasiib darrada haysata ummadda Soomaaliyeed oo qabyaaladu maasheysay. Haddaba kol haddii culumadii diintu ay sidaas u dhaqmayaan maxaa laga eedeynayaa madaxda kooxyada waddankii u kala qoqobay gobollo summad qabiil leh.

Laga soo bilaabo jllaa iyo markii Soomaaliya xorriyadeeda qaadatay, waxaa jirey lagdan xoog leh oo ka dhexeeyey dad yar oo aqoonyahaniin ahi oo u arkayey ineynu ka guurno qabiilka oo noqono qaran iyo mujtamaca dalka intiisa kale oo qabyaaladu caado u noqotay wax kalena aan aqoonin. Dadkaas tirada yaraa ee fahamsanaa dhibaatooyinka qabyaalada, waxaa harqiyey oo ka xoog batay caddadkii faraha badnaa ee doonayey in la sii hayo waddada qabyaalada, kuwaas oo ka mid ahaa madaxda waddanka. Taas miraheediina maanta oo aynu joogno ayaa Soomaaliyi guraneysaa. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa oraneysa dab aan kuleylkiisa lagu guban dambaskiisa lagama leexdo. Waxaan filayaa iney dadkeenu faraha uga gubteen waxyeellada qabyaalada illaa iyo intii aynu xorriyada qaadanay, khaasatan 14kii sano ee ugu dambeeyey.

Waxaan kaloo filayaa in aynu ka helnay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, waaya aragnimo inagu filan; haddaba si aan uga guurno qabyaalada oo aan ugu guurno qaran, waa in qof waliba bal ka fakaro ama miisaan saaro waxyeelada qabyaalada. Waxaan ayana filayaa in ay akhristaha buugan u cadahay marka la eego dowlad gobolleedyada qabiilka ku dhisan ee laga sameeyey waddanka, iney lagama maarmaam tahay in dadkeenu fahmaan in qaran iyo qabiil aaney is qaban karin.

Kadib markii uu burburay qarankii Soomaaliyeed, waxaa meeshiisii buuxiyey madaxda kooxaha oo ayagu aan fursad siineyn shacabka ay horjoogaan si looga baxo dhibaatooyinka jira. Waxay dadka ku caburinayaan hubka ay ka heleen cadowga ummadda Soomaaliyeed oo aan marnaba dooneyn iney soo noqoto qaranimadii iyo sharaftii ummadu lahayd. Waxay ku dadaalayaan, meel kastaba ha gaartee iney ku sii fara adeygaan hoorjooga qabaa’ilkooda. Shacabka Soomaaliyeed, waa iney gartaan waxa dantooda oo ah in la soo celiyo qaranimadii iyo haybadii ay lahaan jireen.

Aqoonyahanka Soomaaliyeed, oo asagu gabay kaalintiisii kadib markii uu ka qayb qaatay dagaaladii sokeeye iyo kala taageerida dagaal oogayaasha dalka ka jira, waa inuu ka qayb qaataa hoggaaminta dalka asagoo adeegsanayaa aqoon iyo waaya aragnimo. Aqoonyahanku waa inuu ka xoroobaa qabyaalada iyo eexda, tusaale fiicanna u noqdaa dadweynaha si loogu daydo. Waxaa haboon in aqoonyahanadu ku kala duwanaadaan oo kaliya afkaartooda siyaasadeed ee aaney ku kala faylin qabaa’ilkooda. Haddii ay taasi dhacdana, waxay keeni kartaa in wadanka laga helo xisbiyo isku khilaafsan afkaar siyaasadeed oo aan ku dhisneyn magac iyo fikrado qabiil.

Waxaa ayana xusid mudan in dadka Soomaaliyeed ay bartaan taariikhda qodada dheer ee ay ummadda Soomaaliyeed ku leedahay Geeska Afrika. Waxaan wax ka taabtay maamuladii ka jiri jirey dhulka Soomaaliyeed iyo qeybtii ay ka qaateen xadaarada dadyowga ku dhaqan Geeska Afrika. Maamulada aan ku tilmaamay kitaabkan, waxay beeninayaan dalalka iyo shakhsiyaadka ku andacooda in Soomaali aaney lahaan jirin maamul iyo midnimo ka dhexeysey xorriyada ka hor.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *