Qaybta Labaad

2.1     Dowladihii jiray 1960-1969

1dii bishii Luulyo 1960kii, waxaa midoobey wadahal bilo qaatay kadib labadii qaybood ee ay kala gumeysanayeen Ingiriiska iyo Talyaaniga oo kala ahaa waqooyiga iyo koofurta dalka Soomaaliya. Waxaa kala hogaaminayey Cabdullaahi Ciise oo madax u ahaa SYL iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo hogaaminayey SNL iyo Michael Mariano oo asna madax ka ahaa xisbigii waqooyiga ka jirey ee NUF.

Muddadii sagaalka sano ahayd oo ay dowladihii shibilka ahaa ay waddanka ka jireen, waxaa lagu dhaqmayey dastuur ku saleysan nidaamka xisbiyada badan iyo doorashooyin ay dadweynuhu soo dooran jireen xubnaha Baarlamaanka, markaasna Baarlamaanku iska dhex doorto madaxweyne.

Markii aad eegto dastuurkii la sameeyay 1960kii, waxaa la oran karaa dowladihii shibilka ahaa, waxay ku dhaqmi jireen dimuqaraadiyad iyo nidaam dowli ah oo lagu faani karo.

Wuxuu ahaa dastuur ay ku cadahay xuquuqda shakhsiyaadka iyo dadweynaha guud ahaanba. Hay’adaha caddaaladu way ka madax banaanaayeen dowlada iyo baarlamaankaba. Xisbiyadii jiirey waxaa ugu awood badnaa kii la baxay SYL. Ururka SYL wuxuu calaamad u ahaa hanashada xorriyada oo ay ummada Soomaaliyeed u soo kifaaxday muddo dheer. Waxaana jiray wakhti qofka ka tirsan ama taageersan xisbiga SYL, inuusan sheegan jirin qabiil ee uu oran jiray waxaan ahay Soomaali.

Markii xorriyada la qaatay, waxaa madaxweyne loo doortay Aadan Cabdulle Cismaan oo ka tirsanaa xisbigii SYL, laguna tilmaamay inuu ahaa nin qunyar-socod ah. Madaxweynuhu wuxuu Wasiirka Kowaad u magacaabay Dr. Cabdirashiid Cali Sharma-arke oo soo dhisay dowlad ka koobnayd 12 wasiir. Dowladaas waxaa lagu qaybsaday qabiil, waxayna kala ahaayeen sidatan soo socota:

  1. Daarood 4 wasiir (2 Dhulbahante, 1 Mareexaan, 1 Majeerteen)
  2. Isaaq 2 wasiir (1 Habar Awal, 1 Habar Yoonis)
  3. Hawiye 3 wasiir (1 Habar Gidir, 2 Abgaal)
  4. Digil iyo Raxanweyn 3 wasiir

Waxaa kaloo jirey xisbigii SNL oo uu madax u ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxaana badanaaba ka tirsanaa dad u dhashay gobollada waqooyi khaasatan Isaaq (Barons, 2001). Xisbiga SNL wuxuu markii dambe labaxay SNC. Xisbiga seddexaad oo ugu weynaa xisbiyadii ka jirey waddanka wuxuu ahaa HDMS oo ay ka tirsanaayeen Digil iyo Mirifle. Xisbiyada HDMS iyo SNL labaduba waxay ka soo horjeedeen SYL oo ayadu ahayd tan ugu xoog badan baarlamaanka ama waddankaba. Intii aan Qaramada Midoobey ku dhawaaqin in dowlada Talyaanigu sii xukunto Soomaaliya muddo toban sano ah ayaa Digil iyo Mirifle soo jeediyeen in xukunka Talyaanigu sii hayo Soomaaliya muddo 30 sano ah.

Sharciga doorashooyinku, wuxuu u ogolaa qofkii doonaya inuu furto xisbi ama u tartamo xubin Baarlamaan inuu helo 500 oo qof oo taageerayaal ah, kuwaas oo ku soo qadimaya magaca tartamaha meel shir ah. Maadaama uu xisbiga SYL ahaa mid aan fursado badan siin jirin dadweynaha, waxaa dhici jirtey in markasta oo doorashooyin la galayo ay sameysmi jireen xisbiyo badan oo qabiil ku dhisan. Qabaa’ilkaas oo dareensanaa in SYL ay ka kooban tahay dhowr qabiil oo qabaa’ilka kalena aan waxba uga ogoleyn xuquuqda ay ku leeyihiin dalkooda.

Waxaa iyana dhici jirtey in xisbiyaashaas yar-yari ay iska baaba’aan ka dib markii doorashadu dhammaato. Qofkii ku guuleysta doorashada oo ka tirsan xisbiyada yar-yar, waxaa uu u wareegi jirey xisbiga SYL si uu uga helo jago dowlada. Taasi waxay keentay in waddanku noqdo waddan hal xisbi ka talinayo. Iney sidaas wax u dhici jireen waxaa markhaati ka ah doorashadii 1969kii, taas oo ay ku tartamayeen 64 xisbi. Markii ay doorashadii dhammaatayna 36 xubnood oo ka socday xisbiyada yaryar ayaa ku biiray SYL oo ayadu heshay 73 xubnood. Intaas waxaa weheliyey iney ku heshiiyeen SYL iyo SNC oo iyana heshay 11 xubnood iney dowlad wada dhisaan, mucaaradka soo harayna uu noqday 3 xubnood (Barons, 2001).

Madaxdii Soomaaliyeed ee sagaalkaas sano, waxay ku andacoon jireen iney ku dhaqmayeen nidaamka dimoqaraadiga ah, haddana dhab ahaan wuxuu ahaa nidaam qabyaalad huwan. Waxaa dhici jirtay in doorashooyinka lagu shubto oo lagu xadgudbo dad badan oo markaas awood aan u lahayn iney helaan kuraastii ay xaqa u lahaayeen. Tusaale ahaan waxaa marar badan dhacday in rag aan u dhalan degmo degmooyinka Soomaaliya ka mid ah, iney qaadan jireen kuraasta ama xubnaha Baarlamaanka ee deegaankaas. Si arrintaas u meel marto, waxaa la adeegsan jiray ciidamada ama booliska. Taasi waxay keentay iney shacabka deegaanadaas ay ka niyad jabaan iney caddaalad ka helaan nidaamka markaas jiray. Inkastoo xisbiyo badani ka jireen wadanka hadana, waxaad moodeysey in xisbi keli ahi ka jiro dalka, marka aad aragto sida xisbiga SYL u marooqsan jiray awooda.

Ka mid noqoshada dowlada dhexe waxay ahayd fursad qaali ah oo lagu helo maal iyo mansab (Barons, 2001). Habka shaqo bixintu ma ahayn mid ku salaysan cadaalad oo shaqada laguma heli jirin aqoon iyo waaya aragnimo ee waxaa lagu heli jiray garab iyo yaad taqaanaa. Qofka ka mid ah dowlada wuxuu fursad u heli jirey inuu helo waxbaraasho dibeda ah ama inuu galo mid ka mid ah laba kulliyadood oo markaas waddanka ka jirey. Tan hore oo ahayd Kulliyada Dhaqaalaha iyo Sharciga oo la aasaasay 1954, iyo Kulliyada Tababarka Macalimiinta oo la furay 1953. Waxaa xataa mararka qaarkood dhici jirtay in madaxda qaarkood ay ka qayb qaadan jireen dagaalada dhexmari jiray qabaa’ilka wada dega meela ka mid ah waddanka, ayagoo ku taageeraya hub iyo rasaas ay kula diriraan qabaa’ilka kale.

Way adkayd in qofka madaxda ah uu ka madax bannaanaado ku dhaqanka qabyaalada markii uu fulinayo hawsha qaran oo loo xilsaaray. Waxaase jiray qaar madaxda ka mid ah sida Alla ha u naxariistee Dr. Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ku caan baxay in uu ku dadaalo in qabyaalada laga fogaado caddaaladana aan laga tagin marka la fulinayo hawl maalmeedka shaqada dowlada. Waxaa dad badani yiraahdaan, Cabdirashiid waxaa la dilay markii uu ka horyimid rag ka mid ahaa madaxdii wakhtigaas xukumeysay dalka oo ku dhaqmi jiray qabyaalada.

Marka laga hadlayo cadaalad darrada ka jirtay wadanka khaasatan Muqdisho oo magaala madaxda ahayd, waxaan soo qaadan karnaa tusaale ahaan oraahda caan baxday ee ah “Nin aan dibutaati daadihineyn ama daba-gaabi daaya lahayn dameerka Xamarba waa dilin.” Sida oraahdani tilmaameyso qofku si uu xuquuqdiisa u helo waa inuu leeyahay xubin Baarlamaan ama cid kale oo kala hadasha xafiiska uu danta ka leeyahay.

Sanadkii 1961dii, Cabdirashiid Cali Sharma-arke oo ahaa Wasiirkii kowaad ee dowladii markaa jirtey, wuxuu socdaal ku tegey Midowga Sufyeeti si uu taageero uga helo. Waxay soo kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin, in Midowga Sufyeeti ka hirgeliyo mashaariicda kala ah dhismaha Warshadda Hilibka ee Kismaayo, Warshadda Caanaha ee Muqdisho, Warshadda Kallunka ee Laas Qorey, Dekedda Berbera, Mashruuca Qamadiga ee Togwajaale iyo mid Jilib laga sameeyo si loo dejiyo 30 kun oo qoys oo beeraley ah. Sida la sheegay labadan Mashruuc ee beeraha midkoodna ma fulin sababo xaga Soomaalida ka yimid awgood.

2.2     Dowladii Kacaanka

2.2.1  Cinqilaabkii Ciidanka

15kii Oktober 1969kii, madaxweynihii dalka Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa la dilay asagoo kormeer ku maraya magaalada Laascaanood. Ujeedada socdaalkiisu wuxuu la xirrirey abaaro iyo biyo la’aan ka jirtey gobolada waqooyi ee dalka. Waxaa dilay nin ka tirsanaa ciidamada booliska oo iska soo dhigay ilaaladii madaxweynaha. Ninkaas madaxweynaha dilay asna waxaa la dilay, kadib markii ay qabsatay xukunka dowladii kacaanka ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa wakhtigaas Wasiirka Kowaad, wadankana dibeda uga maqnaa ayaa markii la dilay Cabdirashiid, si degdeg ah u soo laabtay si uu u qabanqaabiyo doorashada madaxweyne cusub. Cigaal wuxuu soo qadimay in la doorto Xaaji Muuse Boqor oo ay aad isugu dhawaayeen madaxweynihii la dilay, si uu asaguna u noqdo Wasiirka Kowaad mar kale. Hameynimadii 20kii sanadkii Oktober 1969kii, xisbigii SYL oo talada wadanka hayey, ayaa wuxuu isku raacay in ay magacaabaan Xaaji Muuse Boqor si loogu doorto Madaxweyne. Arrintaasi ma dhicin oo aroornimadii 21kii Oktober sanadkii 1969kii, xukunkii waxaa la wareegay Ciidamada Xoogga Dalka, ayagoo xirxiray madaxdii dowladii la soo doortay. Waxaa kaloo jirtay in la kala diray Baalamaankii, xisbiyadii dalkana la mamnuucay iyo ayadoo la baabi’iyay maxkamadii sare ee wadanka.

Waxaa la dhisay Golaha Sare ee Kacaanka (S.R.C) oo taladii dalka ayagu la wareegay. Golahaas oo ka koobnaa 25 xubnood waxaa lagu dhawaaqay kowdii Nofember 1969kii. Golaha SRC, waxaa uu soo saaray sharci lagu magacaabay Sharcigii Kowaad oo ka koobnaa 13 qodob. Sharcigaas wuxuu ahaa kii ay ku dhaqmayeen golaha cusub, si uu u qabto shaqooyinkii ay qaban jireen hay’adihii la baabi’ivay sida madaxtooyada, Baarlamaanka iyo golaha wasiiradaba. Laba usbuuc ka dib golaha SRC, waxay magacaabeen 14 xubnood oo loo xilsaaray iney wadaan maamulka wasaaradaha dowlada, kuwaas oo u badnaa aqoonyahanno aqoon u leh maamulka dowlada. 1970kii dowlada kacaanku waxay samaysay Maxkamada Nabadgelyada Qaranka (NSC) taas oo loogu talagalay inay qaado dambiyada ka dhanka ah qaranka. Qofkii ugu horreyay oo maxkamadaas la horkeeno wuxuu ahaa ninkii dilay madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Sanadkii 1970kii, waxaa la xiray Jaamac Cali Qoorsheel oo ahaan jiray taliyihii ciidanka booliska kacaanka ka hor. Jaamac Cali Qorsheel oo lagu soo oogey inuu galay dembiga ah qaran dumis, Maxkamada Nabadgelyada Qaranku waxay ku xukuntay xabsi dheer. Bishii Maajo 1971dii, waxaa dil lagu xukumay Maxamed Caynaanshe, Salaad Gabeyre Kediye iyo Cabdulqaadir Dheel Cabdulle oo dhammaantood lagu soo eedeeyay iney horseed u ahaayeen cinqilaab ka dhan ah dowlada kacaanka. Qoorsheel iyo rag kaloo badan oo ka tirsanaan jiray dowladii shibilka ahayd ee la cinqilaabay, ayaa waxaa la soo daayey sanadkii 1974tii. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaa lagu xukumay 30 sano oo xarig ah. Afar wasiir oo dowladii Cigaal ka tirsanaa ayagana waxaa lagu xukumay xabsi dheer.

2.2.2  Hantiwadaaga Cilmiga ku Dhisan

Haantiwadaaga Cilmiga ku dhisan, waxaa si toos ah loogu dhawaaqay sanad guuradii koowaad ee kacaanka, waxaana ku dhawaaqay madaxweynaha Maxamed Siyaad Barre. Halku-dhigyadii ugu horreyay oo madaxweynuhu ku dhawaaqo, waxay ahaayeen la dagaalanka seddexda cadow ee dadkeena aafeeyay Faqriga, Cudurada iyo Jahliga. Hadaladaasi aad bay dhagaha shacabka u soo jiiteen oo loogu riyaaqay wax ka qabashadooda. Maxaa yeelay, waxaa waddanka ka jirey baahi weyn oo loo qabay in wax laga qabto dhibaatooyinka faraha badan oo ay keeneen seddexdaas cadow oo ummada Soomaaliyeed noloshooda wiiqay.

Hantiwadaaga cilmiga ku dhisan oo ay dowladu qaadatay, waxaa la socday hal-ku-dhigyo badan oo dadweynaha lagu baraarujinayo si ay waxqabadkooda kor ugu qaadaan, waxaana ka mid ahaa wadajir, isku kalsoonaan iyo iskaa wax u qabso. Dowladu ayadoo la dagaalamaysa qabyaalada ayey samaysey waxay ugu yeedhay nabad-doon oo ay ku bedeshey magacyadii hore u jirijirey sida Caaqil. Taasi waxay ahayd faragelin loogu talo galay in la xoojiyo hantiwadaaga cusub oo ay dowladu keentay iyo in la yareeyo ku tiirsanaanshaha qabiilka. Taas ayadoo xoojineysa dowladu waxay la timid ereyga jaalle oo lagu bedeley ina-adeer iyo walaal oo labaduba xambaarsan qaraabonimo ama tolnimo. Markii dambe ereyga jaalle wuxuu noqday mid qofkastaaba uu isticmaalo si loo arko inuu yahay kacaan.

Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha, ayaa iyaduna waxay noqotay tan fidisa wax kasta oo kacaanku doonayo inuu hirgeliyo. Hobolada Waaberi iyo Xidigta Oktober oo labaduba hoos imaan jiray Wasaaradda Warfaafinta, ayaa noqday kuwa u heellan markastaba iney dadweynaha u gudbiyaan afkaarta dowlada. Hobolada Waaberi khaasatan, ayagu waxay noqdeen kuwa had iyo jeer curiya heeso badan oo dhaqaajiyey shucuurta dadweynaha, si loo meel mariyo mashaariicda dowlada sida kuwa iskaa wax u qabso lagu fulinayo. Waxay kaloo allifeen heeso ay ku ammaanayaan Maxamed Siyaad oo ay ka mid ahaayeen erayadan “Caynaanka hay waligaa hay, aabihii garashadow, aabihii ummadow, noolow Siyaad noolow” iyo kuwa kale oo badan.

Dowlada kacaanka ahi, waxay sameysay golayaasha hanuuninta dadweynaha oo laga dhisay degmo kasta. Waxaa kaloo la sameeyey xafiiska hanuunita dadweynaha, oo shaqadiisu tahay inuu baraarujiyo dadweynaha si loo kala ogaado qofka kacaanka ah iyo kan kacaan-diidka ah. Xaruntii ugu weyneyd ee golayaasha hanuuninta dadweynaha, waxay ahayd tii lagu magacaabi jirey Xalane, oo lagu tababari jirey dadka loogu talo galay iney ka qayb qaataan kicinta iyo hanuuninta dadweynaha. Waxaa kaloo geli jirey Xalane dadka la dhaqan celinayo si loo ogoleysiiyo mabaadii’da kacaanka kuwaas oo ahaa Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha dowlada iyo madaxda hay’adaha kaleba. Xalane markii dambe waxaaba loo rogay inuu noqdo Kulliyada Siyaasada lagu barto, oo waxaa ka soo bixi jirey dad soo bartay hantiwadaaga cilmiga ku dhisan.

Hay’adaha loo sameeyey caburinta dadweynaha, waxaa ka mid ahaa Hay’ada Nabadsugida Qaranka N.S.S(ta), Guulwadayaasha iyo Hay’ada Nabadgelyada Gaashaandhiga (Hangash) iyo Dhabarjebinta oo dhammaantood ka tirsanaa ciidamada qalabka sida, looguna talo galay iney cadaadis saaraan cid kasta oo wax ka sheegta ama ka hortimaada maamulka dowlada iyo madaxdiisaba.

Ciidanka guulwadayaasha kacaanka ayaa ahaa, aaladii lagu hirgelin jirey hanuunita dadweynaha. Guulwadayaashu waxay awood u lahaayeen iney farageliyaan shaqo kasta oo ka socota wadanka gudihiisa, khasabna ahayd in amarkooda la qaato gar iyo gardaroba. Baryihii dambe waxay dadku aad u dhibsan jireen dharkii cagaarnaa ee ay guulwadayaashu gashan jireen. Guulwadayaashu iney wanaag keenaan iska daaye, waxay sabab u noqdeen burburkii ku yimid dhaqaalaha waddanka, ayagoo mar walba hor istaagi jirey habsami u socodka howl maalmeedka dadweynaha.

Aaladaha kacaanku u sameystay cadaadiska iyo caburinta dadweynaha, waxaa ugu darnaa NSSta oo ayadu ku caan baxday basaasida shacabka. Hay’adani waxay ahayd dhagaha uu wax ku maqlo Maxamed Siyaad. Qofkii ay doonaana wey iska xiri jireen oo xabsiyada ayaa lagu hayn jirey intii la doono ayadoon maxkamad la keeniri. Dadka siyaasiyiinta ah badanaaba waxaa lagu xiri jirey xabsiyada Godka iyo Laanta-buur. Xabsiga Godku wuxuu noqday halka dadka lagu ciqaabo, qofkii galana wuxuu mudan jirey jir-dil khaasatan kuwa la yiraahdo waxay ka soo horjeedaan nidaamka dowlada. Dadka siyaasiyiinta ah qaar, waxaa lagu xiri jirey xabsiyada kala ah Labaatan Jirow oo 20 km waqooyi-bari ka xigey magaalada Baydhabo iyo Xabsiga Buurweyn oo asna 20 km koofur-bari ka xigey magaalada Buulo Barde. Waxaa jirey dad badan oo lagu xiray kacaan diidnimo, oo lagu illoobey xabsiyada muddo ka badan toban sano.

Waxaa ayana xusid mudan, Ubaxa Kacaanka Soomaaliyeed iyo Ururka Hooyooyinka Soomaaliyeed oo labadaba loo sameeyey iney qayb ka qaataan kicinta iyo baraarujinta dadweynaha. Hooyooyinku markii dambe, waxayba noqdeen kuwa kala wada hawlaha golayaasha hanuuninta dadweynaha. Arrintaas waxay iska hor keentay rag iyo dumar badan oo is qabay, ayadoo dhalisey qoysas badan oo sidaas ku burburay. In badan oo dumarka ka mid ahi, waxay u arkayeen inuu waa cusubi u baryey oo ay ka xoroobeen cadaadis raggu ku hayey.

Hantiwadaaga Kacaanku, wuxuu ahaa mabda’ ku cusub ummadda Soomaaliyeed. Waxaana laga soo minguuriyey hantiwadaaga ay ku dhaqmi jireen Midowga Sufyeeti, Kuuriyada Waqooyi iyo Shiinaha. Madaxweynuhu socdaallo dhowr ah, ayuu ku tegey waddamadaas si uu u helo taageero dhinecyada dhaqaalaha ah, bulshada iyo ciidamadaba. Marka loo dabbaaldegayo sanad guuradii Kacaanka, waxaa la sameyn jirey waxyaabo badan oo ay ka mid ahaayeen mahrajaanno lagu ammaanayo waxqabadkii Kacaanka iyo Markis iyo Lineen.

Maamulkii Kacaanku, wuxuu soo saaray hal-ku-dhigisii ahaa “aqoonyahan aanna raacsanayn waxaa noo dhaama jaahil na raacsan”. Taasi waxay dhalisay in shaqooyinka dowlada aan loo eegin aqoonta qofku leeyahay ee loo fiiriyo oo keliya kacaan ma yahay. Tacliinta wadanku hoos bay u dhacday wixii ka dambeeyay sanadkii 1975tii. Maxaa yeelay, wax qiimeyn ah lama siin jirin qofka aqoonta leh oo waxaa laga door bidi jiray guulwadaha durbaanka u tumaya Hantiwadaagii Liinin iyo Maarkis. Inkastoo kacaanku ka dhisay dugsiyo badan gobolada iyo degmooyinkaba, haddana tayada tacliintu aad bay hoos ugu dhacday. Waxayna bilaabatay kadib markii dhalin yaradii dugsiga dhexe ka soo baxday kuwii ugu buundooyin hooseeyey loo qaatay iney noqdaan macalimiinta dugsiyada dhexe.

Waxaa madaxweynuhu marar badan isku dayey inuu dadka ka dhaadhiciyo wanaaga uu leeyahay mabda’a Hantiwadaaga Cilmiga ku dhisan, kaas oo uu ku tilmaamay mid aan ka hor imaanayn Diinta Islaamka. Taasi waa ka dhaadhici weydey shacabka Soomaaliyeed oo boqolkiiba boqol Muslim ah. Maxamed Siyaad wuxuu xattaa isku dayey inuu wax ka bedelo Aayado Qur’aanka ka mid ah kuwaas oo ka hadlayey dhaxalka ragga iyo dumarka. Si uu taas u hirgaliyo wuxuu soo saaray Xeerka Qoyska oo faragalin ku sameynayey kitaabka Qur’aanka Kariimka ah asaga oo sheegaya in dhaxalka ragga iyo dumarku ay isle’eg yihiin (Subxaanallaah).

Arrintaasi waxay kicisay shucuurta dadweynaha khaasatan tan mashaayiikhda masaajidada. Bishii Janaayo 1975tii, waxaa la qabqabtay culumo badan oo ka khudbeynayey masaajida oo ayagu dadweynaha u sheegayey inaaney qabin diinta Islaamku isle’ekaanshaha dhaxalka ee raga iyo dumarka. 10kii sheekh oo ugu cadcadaa raggaas waa la toogtay, 23 kalena waxaa lagu xukumay xarig dheer.

Markaan ka soo kacno xadgudubyada ay dowladu ku sameyneysey diinta Islaamka, waxaa ayana jirtey in dadku ay ka quusteen in noloshoodu soo hagaagto. Maxaa yeelay, wax kasta oo dadweynuhu u baahnaa ayaa ciriiri la geliyey, sida raashinka, dhuxusha la shito iyo gaaska oo safaf dheer loo geli jirey. Waxyaabahaas daruuriyaadka ah, waxaa laga heli jirey oo keliya xarumaha hanuuninta dadweynaha. Waxaana dhici jirtey in ayadoo maantoo dhan saf loogu jirey raashin carruurta loo kariyo, hadana la oran jirey waa dhammaadeen ee beri soo noqda, beridaas oo aan la isku hubin in la helayo iyo in kale.

Bishii Luulyo sanadkii 1976dii, waxaa la aasaasay Xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed kaas oo loo caleema saaray inuu noqdo xisbi cusub oo u horseeda waddanka horumar iyo baraare. Waxaa la isu keenay 3,000 oo qof oo laga soo xulay ciidamada, hay’adaha ammaanka, maamulka dowlada kuwaas oo loogu talo galay iney noqdaan aasaasayaashii xisbiga. Waxaana laga soo dhexsaaray dadkaas faraha badan 73 xubnood oo noqday golahii dhexe ee xisbiga iyo 5 xubnood oo guddiga fulinta ah. Xisbigaas oo ka koobnaa raggii hoggaaminayey Kacaanka iyo dad kale oo shibil ahaa kuwaas oo lagu soo xulay kacaanimadooda iyo sida ay daacad ugu yihiin nidaamka hantiwadaaga.

Bishii Agosto 1979kii, dastuur cusub ayaa laga ansixiyey dadweynaha, wuxuuna dhigayey in la dhowrayo xaqa qofku u leeyahay inuu helo xorriyada hadalka, tan saxaafada iyo ka mid ahaanshaha xisbi ama urur. Arrimahaas oo dhan lagama dhabayn, xadgudubyadii loo geysanayey shacabka aan waxba galabsana sidoodii ayey u socdeen. Waxaa shibil laga dhigey dhammaan raggii ciidamada ahaa, oo dowlada ku jirey sida madaxweyna iyo ku-xigeenadiisii. Isla sanadkaas bishii Desember, waxaa dhacday doorashadii madaxweynenimada oo ahayd tii ugu horreysey, muddo toban sano ah. Waxaa la doortay Maxamed Siyaad ayadoo aan cidina la tartameyn. 27kii Janaayo 1980kii, ayaa Maxamed Siyaad madaxweynimo loo dhaariyey, sida dastuurka cusubi dhigayo jagadaas wuxuu haynayey muddo lix sano ah, cidise ugama daba tegin.

2.2.3 Horumarkii Kacaanka

Waxyaabahii ay dowladii kacaanku qabatay oo ay guul wax-ku-ool ah ka soo hoysey, waxay ahayd qoridii afka-Soomaaliga. Luqada Soomaaliga waxaa la qoray kowdii bishii Janaayo 1973dii. Barashada qorida afka Soomaaliga, waxaa lagu bilaabay dadka ka shaqeeya xaafiisyada dowlada oo loo qabtay iney ku bartaan qorida afka Soomaaliga muddo lix bilood ah. Wakhtigaas ka hor, xaafiisyada waxaa wax lagu qori jirey luqadaha Carabiga, Ingiriiska iyo Talyaaniga. Arrintaasi waxay noqotay guul weyn oo u soo huyatey ummadda Soomaaliyeed, maxaa yeelay baahi weyn ayaa loo qabey in afka hooyo dadku ay wax ku qortaan, luqadoodana lagu daro luqadaha ka jira aduunka.

Intii ololaha barashada qorida afka Soomaaligu socotey, miyi iyo magaalaba Madaxweynuhu wuxuu soo saaray halku-dhigii ahaa “haddii aad taqaano bar, haddii aadan aqoona baro”. Ololihii magaalooyinka laga hirgelinayey, waxaa ku xigey kii laga sameeyey miyiga iyo tuulooyinkaba, oo ay u baxeen ardey gaareysa 30,000 oo macalin si ay wax u baraan dadka reer miyiga ah. Taasi waxay keentay in barashada Afka-Soomaaligu ku baaho wadankoo dhan.

Sanadkii 1974tii, ayadoo weli lagu jiro ololihii barashada qorida afka Soomaaliga, ayaa waxaa wadanka ka dhacay abaartii la magac baxday Dabadheer, taas oo dad badani ku waayeen wixii ay xoolo lahaayeen. Abaartu waxay aad u saameysay gobolada Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari. Reer miyigii ku xoolo beelay abaartaa, ayaa dowladu u soo rartay degaano cusub oo loogu talogalay iney beeraley ama kalluumeysato noqdaan. Dadkaas waxaa la dejiyey magaalooyinka Sablaale, Dajuuma, Kurtunwaarey, Baraawe iyo Cadale. Dadkaas abaarta ku xoola beeley, waxaa ayaga iyo wixii hanti u harayba lagu soo daadgureeyay diyaarado waaweyn oo dowladii Midowga Sufyeeti ku tabarucday si loogu fuliyo soo rarida dadka abaartu ku habsatey.

Wax-ku-dhigashada luqada Soomaaliga waxaa lagu bilaabay dugsiyada hoose sanadkii 1973, dugsiyada sare iyo machadyada sarena waxay bilaabeen isticmaalka luqada Soomaaliga sanadkii 1975di. Xagga waxbarashada heerka jaamacadeed dowladu waxay dalka ka aasaastay Jaamacada Ummada oo ka kooban kulliyado kala duwan sida Kulliyada Beeraha, Xanaanada Xoolaha, Caafimaadka, Luqadaha, Jiyolojiyada, Dhaqaalaha, Siyaasada, Shareecada diinta Islaamka iyo Dhismaha. Arday farabadan ayaa fursad u heshay inay ka qalin jabiyaan Jaamacadii Ummadda, si ay uga qayb qaataan horumarka dalka.

Dowladu waxay hirgalisay Mashaariic badan oo beeraha ah sida samaynta biyo xireeno laga fuliyey webiyada Shabeelle iyo Jubba, Warshada Sonkorta ee Mareerey, Mashruuca fidinta Beeraha, Mashruuca Horumarinta Beeraha ee Waqooyi Galbeed, Mashruuca Bay iyo kuwa kale. Dowladu waxay sameysay qorshaha horumarinta shanta sano (1974-8), si loo helo isku fillaansho xagga waxsoosaarka beeraha. Waxayna xoogga saartay kordhinta dalagyada lagu beero inta u dhaxeysa labada webi ee Shabeelle iyo Jubba, waxay kaloo u qoondeysay horumarinta beeraha boqolkiiba sodon meesha ay uga qoondeysay tacliinta boqolkiiba shan. Meelaha xoogga la saaray waxaa ka mid ahaa kobcinta waxsoosaarka beerihii waaweynaa ee dowladu gacanta ku heysey, iskaashatooyin cusub oo la aasaaso iyo mashaariicda Crash Programe oo loogu talo galay iney ka shaqeeyaan dad badan oo ku camal la’aa magaalooyinka iyo tuulooyinkaba (Lewis, 1994).

Dowlada Kacaanka ayadoo ka faa’iidaysanaysa baahida bulshada Soomaaliyeed u qabtay cadaalada iyo horumarinta bulshada, ayay waxay qaaday olole horumarineed. Waxaana soo caan baxay halku dhigii ahaa “iskaa wax u qabso” oo lagu hirgaliyey mashaariic farabadan. Mashruucii ugu weynaa wuxuu ahaa kii bacaad-celinta Shalaanbood ee gobolka Shabeelada Hoose, kaas oo ku guuleystay inuu joojiyo bacaadkii ku sii durkayey waddooyinka isku xira Xamar iyo jubbooyinka. Maalin kasta oo Jimce ah waxaa la keeni jirey shaqaalaha dowlada, ardayda dugsiyada iyo dadweyne kaleba oo laga keeni jirey Muqdisho iyo degmooyinka u dhowdow si ay uga qayb qaataan howsha bacaadcelinta.

Waxaa kaloo jirtey mashaariic ku saabsan dhismaha waddooyinka, dugsiyada iyo guryaha la seexdo. Waxay dowladu dhiirigelisey sameynta warshado yaryar sida, tan birta shubta, dharka, baastada, sigaarka, kabaha iyo kuwa qasacadeeya kalluunka, tamaadhada, cambaha iyo khudrado kale.

Waxaa iyana xusid mudan, markii dowlada kacaanka ahi ay soo saartay in la dilo qofkii wax dila. Kacaanka ka hore dilku wax caadi ah buu noqday oo diyo ayaa la bixin jiray si looga heshiiyo dilkaas. Markii la toogtay 4 nin oo gacan ku dhiiglayaal ah, ayaa waxaa yaraaday dilkii. Dadkii horey wax u dilay ayaa u cararay wadamada deriska ah, si ay uga nabad galaan sharciga cusub ee kacaanku keenay.

2.2.4 Dib-u-dhacii Kacaanka

Dowlada Kacaanku, waxay abuurtay Hay’ada Horumarinta Beeraha (ADC), iyadoo ugu talo gashay iney ka qayb qaadato kobcinta dhaqaalaha dalka. Nasiib darro siyaasadii hantiwadaaga kacaanka oo ay ADC fulinaysay, waxay ku khasabtay beeraleydii soo saari jirtey galeyda iyo sisinta, iney beeraan khudrado. Beeraleyda looma ogoleyn, in ay miraha kasoo go’a beerahooda u suuq geeyaan Muqdisho iyo magaalooyinka waaweyn si ay qiimo fiican ugu helaan. Waxayna ku khasbanaayeen iney shirkada ADC qiimo jaban uga iibiyaan wixii ay ka helaan beerahoodana kala haraya oo keliya intii ku filan raashinka qoysaskooda. Waxsoosaarka beeraha waxaa kaloo hoos u dhigay markii beeraley badan lagala wareegay beerahoodii oo lagu wareejiyey mashaariic dowladu leedahay, ayadoo aan wax magdhow ah la siin. Mashaariicda la wareegtey beerihii dadweynaha, waxaa ka mid ahaa, Mashruucii Fidinta Beeraha kaas oo dad badan beerahoodi khasab kula wareegay.

Dowlada kacaanka ahi waxay marar badan sheegtay iney la dagaalameyso qabyaalada iyo kala qoqobnaanta gobollada dalka, haddaba si loo gaaro ujeedadaas waxay ku dadaashey in shaqaalaha dowlada iyo ciidamada loo bedelo gobollo aaney u dhalan. Waxaa taas loola jeedey in la isku dhafo shacabka gobol kasta ha u dhashee. Tusaale ahaan waxaa dhici jirtey in madax looga dhigo Hargeysa amase Burco nin ku dhashay Kismaayo ama magaalo kale oo ku taal koofur. Arrintaasi waxay keentay iska horimaad badan oo shacabka gobolladaas iyo madaxda loo soo bedeley ka dhex dhacay. Waxaa kaloo jirey in awooda oo dhami ay ku jirtey gacanta madaxda ku sugan Muqdisho oo aan madaxda gobolladu aaney lahayn awood ay wax ku fuliyaan. Intaas waxaa weheliyey in horumarka wadanku uu ka socday oo qura Muqdisho. Jaamacadaha iyo xarumaha hay’adaha dowlada oo dhami waxay ku yaalleen Muqdisho, oo waxay ahayd in qof kastaaba uu yimaado magaala madaxda si uu u helo waxyaabaha uu u baahan yahay sida baasaboor, teesare, shahaado iyo wixii la mid ah.

Xooga Dalka Soomaaliyeed oo intii ka horreysya dhalashadii kacaanka ahaa mid dadweynuhu aad u qiimeeyo, ayaa markii ay xukunkii la wareegeen noqday mid aad loo karho. Maxaa yeelay, waxay durbadiiba isu bedeleen aalad lagu cadaadiyo shacabka. Waxaa ayana xusid mudan in ciidamadu noqdeen kuwa ayagu wax walba fulintooda iska leh, oo wasaarad kasta amase hay’ad kasta madax loo dhigo, ayadoon loo eegin inuu xirfadeedii leeyahay.

Inkasta oo ay qaddiyada Soomaali Weyn ahayd mid ku qoran dastuurka waddanka illaa iyo intii xorriyada ay qaadatay Soomaaliya, dowlada kacaanku markii ay aragtay in taageeradii shacabku u hayey ay hoos u dhacday, waxay abaabushey jabhado ku kacsan dowladii Mingistu Haile Maryam oo markaa xukumeysay dalka Itoobiya. Jabhadahaas waxaa ka mid ahaa Jabhada xoreynta Soomaali Galbeed iyo Soomaali Abbow oo labaduba dagaal ka bilaabay dhulka Oromada iyo Soomaalidu degaan. Markii dambana dagaalkii waxaa soo galay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo muddo todoba casho ah ku qabsatay dhul aad u ballaaran oo ah dhulka Itoobiya Soomaaliya ka haysato.

Dowlada Midowga Sufyeeti oo ku lahayd saldhigyo waaweyn meelo ka mid ah dalka sida Berbera, ayaa cadaysatay iney dooneyso in geeska Afrika laga sameeyo dowlado federaal ah oo ku bahoobey ku dhaqanka shuuciyada. Dowladii Midowga Sufyeeti, waxay ku talisay in ay midoobaan waddamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Koofurta Yemen oo dhammaantood ahaa dowlado ku dhaqma hantiwadaag. Markii ay yimaadeen madaxweynaha Kuuba, Fidel Kastro, iyo Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Midowga Sufyeeti, Alexander Podgorny, bilihii Maarso iyo Abril ee sanadkii 1977dii, waxay labaduba taageero u raadinayeen fikrada ah iney federaal noqdaan Itoobiya, Soomaaliya iyo Koofurta Yemen (Brons, 2001).

Haddaba markii ay u caddaatay dowladii Midowga Sufyeeti, inaanu fuleyn qorshaheedii federaaliga ahaa, waxay Soomaaliya ka joojisey hub ay siin lahayd. 13kii bishii Nofember 1977dii, dowladii Soomaaliyeed ayadoo tixraacaysa tillaabada ay qaaday Midowga Sufyeeti, waxay amar ku bixisay, in waddanka ay uga baxaan 24 saac gudahood dhammaan ciidamadii iyo tababarayaashii Midowga Sufyeeti iyo Kuuba. Isla bishaasna Midowga Sufyeeti iyo Kuuba, waxay bilaabeen iney Itoobiya u diraan ciidan lagu qiyaasay 10,000 askari iyo qalabkoodii oo qiimahiisu dhammaa 1 billion oo doolarka Mareykanka ah. Markii arrintaasi dhacday dowlada Soomaaliya, waxay taageero ka dalabtay wadamada Mareykanka iyo Yurub. Nasiib darro Soomaaliya ma aaney helin taageeradii ay ka fileysey waddamada reer galbeedka ah.

Sidii caadada ahayd Itoobiya waxay la soo baxday kaarkeedii waxaan nahay jasiirad kiristan ah oo ku dhex-taal badweyn muslimiin ah. Waxaana markiiba u soo gurmaday dowlado aan qarsan taageerada ay siinayaan Itoobiya oo ugu deeqay ciidan, hub iyo taageero siyaasadeed intaba. Dowladahaas waxaa ka mid ahaa, Midowgii Sufyeeti, Jarmalka Bari, Kuuba iyo Koofurta Yemen. Arintaasi waxay u keentay Soomaaliya iney ciidankeeda kala soo baxdo dhulkii ay xoreysay. Waxaana dagaalkaas ka soo gaaray dhaawac weyn oo dhinacyo badan leh.

Dagaalkani wuxuu sababay iney degaankoodii ka soo bara kacaan dad aad u farabadan oo Soomaali iyo Oromaba ah. Dadkaas waxaa xeryo looga sameeyey meelo badan oo wadanka ah. Xeryaha qaarkood waxaa ku jiray dad gaaraya 40,000 oo qof. Dowladu aduunweynaha ayey u bandhigtay dhibaatadaas baaxada weyn oo aaney ayadu wada xambaari karin. Dowladu waxay sameysey Hay’ada Qaxootiga Qaranka oo loo xilsaaray iney ka shaqayso arrimaha qaxootiga. Hay’ada UNHCR, waxaa ay ku bixin jirtay sanadkii lacag gaareysa 100 million oo doolarka Mareykanka ah gargaarka loo fidinayo qaxootiga ka soo bara kacay Itoobiya. Cadadka qaxootiga oo aad loogu muransanaa, waxaa markii dambe la isku raacay inuu noqdo 700,000 oo qof.

Qaxootigaasi wuxuu sababay in ayaga iyo dadkii degganaa meelaha la dejiyay iney iska horyimaadaan oo meelaha qaarkood dadku ay u arkaan in qaxootigani dhulkooda ka qaadayo. Tusaale waxaa ah, kacdoonkii jabhadii SNM waxyaabihii dhaliyey waxaa ka mid ahaa qaxootiga oo aad ugu soo batay gobolka Waqooyi Galbeed.

9kii bishii Abriil 1978dii, waxaa la isku dayey cinqilaab dhicisoobay oo uu hor-kacayey Korneyl Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo markaas madax u ahaa ciidankii Gobolka Bale ka dagaalamayey. Cabdullaahi wuxuu u baxsaday dalka Keenya, laakiin waxaa markiiba la qabqabtay raggii kale oo cinqilaabka ka mid ahaa. 19kii Agosto 1978dii, raggaas waxaa la saaray maxkamad ciidan, waxaana intoodii badnayd lagu xukumay dil.

Markaa kadib, waxaa kordhay caburintii lagu hayey shacabka ayadoo lagu tumanayo xuquuqda dadweynaha. Hay’adaha NSSta, Hangash iyo Guulwadayaasha, ayaa caado ka dhigtay iney iska xiraan qofkii ay doonaan, ayagoo ku tilmaamaya kacaan diid iyo mahbar. Maxamed Siyaad Barre oo ku jiray kobcinta reerkiisa laga soo bilaabo 1976dii, wuxuu u dhiibay jago kasta oo muhiim ah dad ka tirsan reerkiisa ama cid uu ku kalsoonyahay. Dadka uu ku kalsoonyahay waxaa ka mid ahaa Axmed Saleebaan Cabdalla oo madax u ahaa NSSta, qabayna gabadh madaxweynuhu dhalay iyo madax kale oo badan oo ka soo jeeda Ogaadeen iyo Mareexaan. Qoraaga la yiraahdo, I. M. Lewis, Seddexdan qabiil (Mareexaan, Ogaadeen iyo Dhulbahante) waxaa uu ku soo gaabiyay MOD sida uu ku xusay buugiisa lagu magacaabo Taariikhda Soomaaliya. Waxaana la orankaraa MOD waxay ahaayeen kuwa uu ku tiirsanaa Maxamed Siyaad Barre wixii ka dambeeyay 1977dii, kadib markii uu cadow badan yeeshay.

Waxaa caam noqotay in qofka qoyska madaxweynaha ka mid ahi uu soo eegto meel ama jago loo dhiibo asagoon kala jeclayn inuu buuxin karo jagadaas iyo in kale. Waxaa dhacday marar badan in rag aan wax shahaado ah haysani ay yimaadaan xafiis hayadaha dowlada ka mid ah ayagoo wata warqad uu ka keensaday xafiiska madaxweynaha. Tani waxay keentay in uu wiiqmo maamulkii dowladu, raggii kale ee dowlada ka mid ahaana waxay u jeesteen curyaaminta shaqada dowlada iyo yaan lagaa badin qabyaalada iyo wax isdabamarinta xoolaha dowlada. Taasina waxay curyaamisay habsami u socodkii shaqadii dowlada, waxaana ciriiri galay dhaqaalihii waddanka.

Markii ay kalsoonidii dadweynuhu luntay, waxaa la bilaabay in meelkasta la dhigo ciidan baaraya baabuur kasta oo wadada maraya si loo hubiyo cida wadata iyo meesha uu u socdo. Tani waxay aad u sii korortay markii ay sameysmeen jabhado la dagaalamaya dowlada. Jabhadahaasi waxaa ugu horreyey SSDF oo uu madax u ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Jabhada SSDF, waxaa ka mid noqday rag badan oo ciidamada ka tirsanaa kuwaas oo ka fakaday ciidamada si ay uga qayb galaan ololaha ciidan oo lagaga soo horjeedo xukunka Maxamed Siyaad. Raggaas markii hore waxay isugu jireen kuwa u dhashay qabaa’il kala duwan sida Harti, Hawiye iyo Isaaq. Waxaase markii dambe dhacday iney ka baxaan jabhada waxaan ahayn Harti.

Jabhadii labaad oo ka soo horjeestey xukunkii dowladii kacaanka, waxay ahayd SNM oo lagu aasaasay magaalada London taariikhdu markey ahayd Abriil 1981dii. SNM waxaa ka tirsanaa rag u dhashay Isaaq iyo Hawiye.

Labada jabhadoodba, waxay xarun ka dhigteen dalka Itoobiya oo ayadu dooneysey iney ka aargoosato Soomaaliya oo horey u taageereysey jabhadihii ka dagaalamay Soomaali Galbeed. Dowlada kacaanku waxay labadan jabhadoodba ku magacowday kuwa aan wadaniyiin ahayn maadaama ay ka soo duulayaan xarumana ku leeyihiin dalka Itoobiya. Waxaa jirtey in SSDF iyo ciidamo Itoobiyan ahi ay qabsadeen magaalooyinka Galdogob iyo Balanbale oo labaduba ku yaal xadka ay Soomaaliya la leedahay Itoobiya.

Bishii Maajo 1986dii, waxaa shil baabuur ku dhaawacmay madaxweynihii Maxamed Siyaad. Dhaawacaas markuu dhacayba waxaa loola cararay cusbitaal ku yaal Sacuudi Carabiya si loogu soo daweeyo. Sida dastuurka ku qornayd, Madaxweyne ku-xigeenka Maxamed Cali Samatar ayaa xukunkii la wareegey.

Arrintaasi waxay ka hor istaagtay in ay tillabo ciidan qaadaan kooxda lagu magacaabi jirey “kooxdii shanta ahayd”. Kooxdaas shanta ahayd waxaa ka mid ahaa Marwa Khadiija Macalin xaaskii Maxamed Siyaad, Maslax Maxamed Siyaad oo uu dhalay Madaxweynuhu, Cabdiraxmaan Jaamac Barre wasiirka arrimaha dibeda, Cabdullaahi Warsame Indhool, Wasiirka Iskaashatooyinka iyo Cabdulqaadir Xaaji Maxamed, ku-xigeenka xoghayaha guud ee Xisbiga Kacaanka Soomaaliyeed. Inkastoo ay dhacdadani argagax gelisey dad badan oo aad qabiil ahaan ugu dhawaa Maxamed Siyaad haddana kuma aaney dhiirran iney farageliyaan xukunka degdega ah ee uu soo rogey Maxamed Cali Samatar oo taageero ka haystey inta badan madaxdii dowlada.

Bishii Juunyo 1986dii, ayuu Maxamed Siyaad dalka ku soo noqday, xukunkiina wuxuu kala wareegey ku-xigeenkiisa oo si daacadnimo leh ku sii shaqeynayey inkastoo aanu ku helin wax ammaan ah.

Qabiilka uu madaxweynuhu ka dhashay ayaa markii ay dadweynaha dhexdooda ku badatay in laga hadlo qofkii bedeli lahaa haddii uu dhinto ama shaqayn kari waayo madaxweynuhu, ayaa waxaa ku dhacay argagax iyo cabsi ayaga oo welwel qaba waxa xaal noqon doono haddii xukunku farahooda ka baxo. Shilkii baabuur ee uu madaxweynuhu galay, waxa uu raad ku reebay jirkiisa iyo maskaxdiisaba, taas oo u saamixi weydey inuu u shaqeeyo sidii hore loogu yiqiin. Ayadoo caafimaadkiisu sidaa u liito ayaa 23kii Desember 1986dii, waxaa Maxamed Siyaad mar kale loo doortay inuu ahaado madaxweyne todoba sano oo hor leh. Maadaama ay wiiqantay awoodii uu madaxweynuhu ku fulin lahaa hawl maalmeedka xaafiiskiisa, waxa ay bilaabeen reerkiisa kuwii ugu dhawaa iney isticmaalaan xafiiskiisa oo ay kala bedelaan madaxda sare ee ciidamada si aan awoodu gacantooda uga bixin.

Intaan madaxweynuhu galin shilka baabuur, wuxuu damacsanaa in walaalki Cabdiraxmaan Jaamac Barre jagada ka dhaxlo. Waxaase shilkii kadib arintu isu bedeshay inuu madaxweynuhu u diyaariyo wiilkiisa Maslax Maxamed Siyaad jagada. Waxaa loolan ba’ani ka dhex dillaacay aqrabadii iyo qoysaskii madaxweynaha oo qola waliba dooneyso iney iyadu noqoto cida awooda la wareegeysa haddii uu madaxweynuhu geeriyoodo.

Waxaa ayana jirey kooxda lagu magacaabi jirey kooxda dastuuriga oo uu hoggaaminayey Maxamed Cali Samatar, oo ayagu u arkayey in sharciga la raaco oo cidii dastuurku u ogol yahay ay madaxnimada la wareegto haddii madaxweynuhu meesha ka baxo.

1 thought on “Qaybta Labaad

  1. Pingback: Soomaalida Maanta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *