Tag Archives: Abuu Ibraahiim

Qeybta 20aad

Bismillahi wabacdu. Waa qormadii 20aad. Waxaan kala tagnay ayadoo ciidankii ay daaltiranayaan illayn waa ciidan muddo dheer ku jiray loollan ama colaad. Waxaan isku ogayn in la akhriyo tixdii Ina Cabdulle Xasan. Maxaad ka fahamteen gabaygaas? Mase khuseeyaa meeshaan dhigay? Qadiyaddu ma isku egtahay waqtigu haba kala duwanaadee?

Aan u gudagalno goobta dagaalku ka dhacay.

Waxaan ogayn cadawgii oo jabay. Cadawgu wuxuu ka yimid meelo fogfog ama masaafo dheer ayey soo jareen. Waxay soo diyaargaroobayeen dhowr bilood. Waxay yiqiinsanaayeen in aysan jabayn ama laga adkaanayn. Waxay yiqiinsanaayeen in ay soo baabi’in doonaan Al-Itixaad Al-Islaami. Waxay hubeen in ay soo qaban doonaan dumar iyo carruur badan. Waxay hubeen in ay soo heli doonaan bililiqo aad u fara badan oo waliba kaash u badan ama lacag caddaan ah, raashin, dhar, timir, daawo, iyo hub farabadan!

Waxaa Boosaaso laga diyaariyay guryo waawayn oo lagu xereeyo dumarkaan iyo carruurtaan. Waxaa la diyaariyay cunto, cabbitaan iyo daawo lagu dabiibo dadkaan maatada ah oo qafaalka lagu keeni doono. Waxaa magaalada Boosaaso soo buuxdhaafiyay dad raba in ay daawadaan dadkaan ama carruurtaan iyo haweenkaan berri la keeni doono. Waxaa dadka kamid ah dad walwalsan oo raba in ay dadkaas la keeni doono ka dhex goobaan qaraabadoodii oo waa hore ugu dambaysay (Wadaaddadii kala firdhaday).

Si kastaba ha ahaatee waxay Boosaaso sugaysay laba arrimood:

  1. In lasoo afjaro ama lasoo baabi’iyo Ikhwaankaan nalagu salladay
  2. In la keeno raashin, dhar, daawo, lacag kaash ah, hub, saanad iyo dad nool, waana tan keentay in la baneeno ama la diyaariyo bakhaarraddii ay lahayd Ee.Dhii.Sii (ADC) ama hay’addii raashinka u qaabilsanayd dawladdii Ina Siyaad Barre.

Ciidamada Cabdullaahi Yuusuf waxay wateen gaadiid waawayn oo ay ugu tala galeen in ay ku soo raraan dadkaas iyo badeecaddaas aan kor ku soo sheegnay. Markii laga adkaaday ciidankii Cabdullaahi Yuusuf oo ay ogaadeen in ay jabeen waxay billaabeen in ay dhaawocoodii iyo dhimashadoodii intay awoodeen ay ku rartaan gaadiidkii ay wateen oo ahaa xamuulka. Waa gaadiidkii loogu talagalay in lagu soo daadgureeyo dumarkii iyo carruurtii Ikhwaanka laga soo qafaalan lahaa lamase gaarin ujeeddadaas oo arrinkii waa is baddalay.

Waxaa dhagta lagu hayay taararka Boosaaso yaallay oo akhbaarta soo gudbinayay. Waxaa hadba soo dhacayay akhbaar cusub ama bishaarooyin laga soo gudbinayo furinta. Waxay soo wariyeen taarwalayaashii in la jabiyay Ikhwaankii, ciidankiina uu gaaray libintii ugu dambaysay. Waxay soo wariyeen in lasoo wado dumarkii iyo carruurtii. Akhbaartaas beenta ah waxaa gudbinayay qoladaan jabtay. Waxaa la foolxumaatay in ay sheegaan waxay la kulmeen oo jab iyo naasabeel ahaa. Waxay kaalmaysteen been qayaxan. Beeni raad ma leh.

Waxaa soo muuqday baabuurtii loo malaynayay in ay wadaan dumarkii iyo carruurtii Ikhwaanka. Baabuurtii magaaladay soo galeen ayagoo aan dheg la qabto lahayn. Ragga baabuurta wadaa waxay ogyihiin xaqiiqada jirta iyo waxa ka dambeeya. Waxay galeen Isbitaalkii ama meelo lamid ah, maxaa yeelay waxay wadaan waa dhaawac iyo meyd.

Dadkii baa kusoo qamaamay baabuurtii, waxay warsadeen waxa jira iyo waxay wadaan. Waxay u sheegeen xaqiiqada jirta. Waxaa isbaddalay jawigii farxadda iyo damaashaadku ka muuqday. Waxaa billaabatay qaylo iyo baroor. Waxaa iska soo dabadhacay ciidankii wixii ka haray oo caga murux ah ama aad u daalan, maxaa yeelay waxay kasoo carareen masaafo aad u fog oo waliba dhulka ay ku soo baqanayaan waa dhul aan sinayn oo buuroley ah cabsina waa u dheerayd oo nin walbaa wuxuu lahaa wallee nala qabay!

Aakhirkiina waxaa xowli ku dhex maray magaaladii Boosaaso Cabdullaahi Yuusuf iyo istaafkiisii, wax war ahna waxaa laga helay in uu yiri, “Nimankii way na dabasocdaan wayna idin qabsan doonaan anaase idinka kicin doona!” Wuxuuna afka saaray xaggaas iyo Gaalkacyo oo kuma nasan Boosaaso iyo meel u dhow toona.

Warkaas waxaan kasoo xigtay walaalihii goobjoogga u ahaa markuu arrinkaasi dhacayay ama dhacdadaas, warkuna intaas wuu ka dheeraa laakiin anaa intaas kusoo gaabshay. Aan kusoo laabanno Laasqoray iyo wadaaddadii Al-Itixaad. Waxaa lagu dhaqaaqay in la ogaado dhibka dhacay intuu le’eg yahay dhimasho iyo dhaawacba. Waxaa maalinkaas shahiiday inshaa Allaahu qiyaastii 12 nin. Dhaawucuna ma yarayn mase hayo tirsi go’an.

Dhaawaca waxaa kamid ahaa Shiikh Axmed Cabdisamad. Shiikha waxay xabbaddu ka haleeshay meelo halis ah, waa feeraha iyo caloosha agtooda. Waxaa la is lahaa ka kici maayo dhibka gaaray awgiis.

Waxaa isna dhaawacmay walaal Cali Mujaahid. Cali Mujaahid xabbaddu waxay jabisay lug ama bowdada, waxaa la is lahaa waa dhaawac fudud laakiin waa lagu imtixaamay dhaawacaas oo wuxuu galay khatar dhimasho u dhawaysay mase dhiman. Waxaan soo marnay in ay diyaarsanaayeen dhakhaatiir khibrad leh laakiin aan haysan qalab fiican. Waxay la tacaaleen labadaas nin oo dhaawacoodu aad u liitay. Waxay ku sameeyeen camaliyaad qaatay saacado badan. Waxay ku guulaysteen in ay badbaadiyaan ayagoo Ilaahay kaashanaya ama sabab looga dhigay ayaga in ay badbaadaan.

Cali Mujaahid lugtii waa la gooyay, dhaawucu wuxuu ka gaaray qaybta hoose ee lugta, waxaase markiiba ku dhalatay bakteeriyo ama kaankaro garsiisay in lugtii oo dhan la jaro illaa ay ka gaartay misigta ama dhanka caloosha xigta. La isma dhihin Calibaa tan ka kacaya oo waa laga rajo dhigay asaguna shook buu qaaday oo waxaa galay khalkhal oo wuxuu yaqiinsaday in uu dhimanayo. Mase dhicin oo wax baa u dhimanaa noloshiisa haddana sida aan maqlay waxa uu ku noolyahay dalka Ingiriiska.

Shiikh Axmed Cabdisamad kama dhib yarayn Cali Mujaahid oo asagaaba dhaawiciisu ka darnaa. Wuxuu ahaan jiray nin dhulyaal ah oo aad u mariilay ama u diifaysan dhibka gaaray awgiis. Waxaa u hagar baxay oo intaas agtaagnaa oo xaaladdiisa ka war qabay walaalihii dhakhaatiirta ahaa oo aan haysan qalab casri ah waxayse ku xirnaayeen Rabbigood oo wax walba awooda. Yaqiin.

Ma wada qori karo kamana sheekayn karo wixii dhacay waagaas, waxaanse rabaa in aan bidhaamiyo suuradda ugu dhow ee lagu xasuusan karo dhacdadaas. Waxaan hubaa in ay rag badan markay akhriyaan qormooyinkaan ay oran doonaan Alla muxuu taasna ugu dari waayay? Haddaan xasuusan lahaa waan ku dari lahaa laakiin waxaa maxduud ah waxaan xasuusto iyo meeshaan joogay ama akhbaartaan hayo. Intaan joogay ayaanan wada xasuusnayn oo waxaan qorayaa wixii aan xasuusto oo kaliya. Tii aanan goob joog u ahayn warkeeda daa. Rag baa Ilaahay usoo saari doonaa ayagaana qori doona inshaa Allaah. Waari mayside war hakaa haro.

Walaalayaal akhbaartaan ama dhacdadaan masoo xirin albaabkii wax looga qori lahaa ama lagu diiwaan galin lahaa (bal anigu waxaan furay albaabkeedii). Kusoo dhawaada oo nin walbaa wuxuu ka ogaa ha qoro oo hala aruuriyo, kadibna hala diiwaangaliyo. Waxaan idinka codsanayaa in la iqabto haddaan khadka ka baxo, waxaan kaloo codsanayaa in la isaxo haddaan wax isku dhex khaldo ama is moodsiiyo intaan saxanahayna yaan la idhibin ammaan idin kama rabee. Ikhlaas.

Waa cusub ayaa noo baryey. Waxaa na martay dabayl qabow oo wadata saxansaxo nabadeed. Waxaa salka dhulka ku dhiftay ama quustay munaafiqiintii meel walba oo ay joogeen oo laga yaabo in qaar ciidanka ku dhex jireen. Wakayfa laa, in aysan ciidanka ku dhex jirin hadday ciidankii Nebi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam) ay ku dhex jireen. Macal asaf cid taqaan ma jirto oo aan Ilaahay ka ahayn. Waxaa nastay oo hubkii cuslaa tiiriyey dhalinyaradii ku qalaftay dhufayska (dhib jiray).

Waxaa waardiye loo diray ciidan aan badnayn oo ilaallo ka haya wixii tuugo ah oo ciidanka soo dhexgali lahaa ama jaasuus ah. Waxaa nasiino dheer galay ciidanka intiisii kale. Waxaan billownay in aan ciddiyihii iyo timahii nagu baxay oo aan waqtiga u waynay aan iska jarno. Waxaan billownay in aan dhididkii colaadda ka qabaysanno ama diiftii ay nagu reebtay muddadii dheerayd ee dhufayska lagu jiray. Dhegdheer dhimatay oo dhulkii waa nabad.

Waxaa cirka isku shareeray cududdii milatari oo ay heleen Ikhwaankii, waxaa quustay wax alla wixii qabqable ahaa ama iimaanlaawe oo is lahaa nimankaan kala erya intaysan xoogaysan, waxaa u qaadan waayay in ay arrintu halkaas gaartay culumadii lahayd wiilashaan qoriga la ordaya oo dadka isku diraya dacwadiina khalkhalka ku riday hala edbiyo oo hala kala cayriyo. Sakiin liq.

Waxaa baraarugay wadaaddo farabadan oo u qabay in nalagu leefi doono ama nala baabi’in doono, waxaa soo hijrooday wixii jeclaa in ay Ikhwaanka la noolaadaan, waxaa soo dhiirraday oo furinta soo galay rag wadaaddo ah  oo u qabay in aan laga hortagi karin qabqable iyo ciidan hubaysan toona. Sir baa fakatay oo Daarood waa fashilmay, waxaa la ogaaday in aysan dadka ka xoog badnayn fulaynimona u dheertahay, waa kuwa iimaanlaawayaasha ah.

Waxaan helnay baddal khayr qaba oo ka fiican kii nalaga burburiyay. Waxaan helnay magaalooyinkii nalaga soo saaray magaalo ka fiican: xagga istaraatiijiyadda, xagga shacabka, xagga waxsoosaarka intaba. Waxyaabaha aan xasuusto waxaa ka mid ahaa xagga waxsoosaarka: maalin baa nin ciidanka ka mid ah wuxuu badda u doonay kalluun, si ciidanku u helo hilib. Wuxuu dhigtay xarig, waxaa ugu dhacay daabbad, wuxuu damcay in uu soo jiido xariggii, waa ku adkaatay, wuxuu u yeertay rag kale, waa la isugu tagay. Waxaa bannaanka lasoo dhigay kalluun aad uwayn, waa la qalay si loogu qaybiyo hilibkii ciidanka, waxaa dhacday in mallaygii calooshiisii laga soo saaray mallaayo farabadan oo haddaan xasuustaydu khaldayn aan umalayn in ay dhammaayeen 30 illaa 40 inta u dhaxaysa. Waxaa loo qaybiyey ciidammadii aaggaas ku jiray oo dhan wuuna deeqay oo waliba wax baa kasoo haray! Waa mucjiso Rabbaani ah.

Waxaan u qaadannay in ay tahay karaamo nala tusay oo Ilaahay ciidankaas ku quudinayay. Waxay ahayd dhacdo aysan waligood arag dadka halkaas dagganaa oo kalluumaysatada ahaa in badan. Waxaan u qaadannay doon Ilaahay noogu soo raray mallaygaas si ciidanka loogu quudiyo. Ilaahay baa ku mahadsan awel iyo aakhirba, thumma raggii shaqadaas qabtay.

Waxaa caado ahayd in si sahlan badda mallayga loogala soo baxo oo ciidanka lagu quudiyo har iyo habeenba. Saasaan u iri meeshu waxsoosaarka waxay ka fiicnayd dhulkii nalaga soo raacdeeyay. Sir-ma-qabe Allaa u sahan ah! Ilaahay Qur’aanka wuxuu ku sheegay in wax dadku khayr moodayaan oo shar u ah ay jirto, wax ay khayr moodayaan oo shar u ahna ay jirto. Dadkuse wax ma oga ee Allaa wax og.

Waxaan u qabnay in aannaan soo kaban doonin oo ay adag tahay mar labaad sidii la isugu keeni lahaa ciidan iyo maamul dambe. Waxaase dhismay dowlad ka xoog wayn tii hore, waxaa la helay dhul kii hore ka muhiimsan. Waxaa la helay shacab kii hore ka daacadsan. Waxaa la gaaray xilli Ilaahay fashilay kuwii shareecada Islaamka la dagaallamayey. Waxaan gaarnay meel aannaan filayn in aan gaarno. Allaa  ku mahadsan mahad.

Waxyaabaha wanaagga ah oo aanan illaawin waxaa kamid ahaa: Waxaan garanayaa nin ciidammada kamid ah oo macdaar yar ka furtay ama dukaan magaalada Laasqoray dhexdeeda. Wuxuu samayn jiray intuu badeecada qiimahay joogto ku qoro ayuu dantiisa raacan jiray oo inta badan wuu ka maqan yahay dukaankiisa. Wuxuu kaloo udhaafay xoogaa sarrif ah oo dadku markay wax gataan ay ka sarriftaan (lacag caddaan ah). Wuxuu u imaan jiray dukaankii oo waxna gadmeen waxna wali badeeco ku jiraan iyo wixii gadmay oo kaashkii udhexyaal macdaarkiisii. Waxaa magaalada dagganaa dad aan yarayn oo wax walba isugu jiray, waxaase intii xumayd ka xoog batay kuwii fiicnaa oo waxaa la waayay qof xumaan samaynaya oo bannaanka la taagan xumaantii. Wixii lala dhuunto Allaa ka warqaba.

Waxaa la sameeyay maamullo kala duwan, waxaa la sameeyay qaadigii magaalada kala xukumi lahaa. Qaaddiga magaciisa waxaa la oran jiray Cabdirasaaq Shiikh Cumar. Waxaa la billaabay in meelo fogfog la gaarsiiyo dacwada, waxaa aammin laga noqday qabiilooyin dambe oo ku hamiya in ay Laasqoray ku duulaan.

Cabsiiye laggii wixii ka qabsaday wallee caddam buusan baayicin.
Libna yaanan hoyinnine haddaan kaa lugbaxo maanta
Wallee aniga oo ladan bus loow kuguma soo laabto.

Waa murti Soomaaliyeed oo tilmaamaysa rag dhibaato ku dhacday oo quus taagan go’aan ku gaaray hadday maantay badbaadaan in aysan mar dambe far dhaqaajin! Nimaan waran kaa reebin wacad kaama reebo (khaa’imiinta).

Laasqoray waxay noqotay qalcad ay ka quusteen cadowgii muuqday ama hubaysnaa. Waxaan quusan oo arrintaasu jiif iyo joogba u diiday wadaaddadii horay noo jabiyay oo nagu xukumay in aan wabi Shabeelle xagga udhaafno. Waxaad mooddaa in aannaan yeelin tilmaantii nala siiyay ama ishaaradii ahayd ka baxa dhulka Soomaaliya dagto. Wabi Shabeelle waxaa ka shisheeyaa waa dhulka Itoobiya gumaysiga ku haysato. Waxaadna mooddaa in wadaaddadu rabeen in aan aadno dhulkaas xoogga lagu haysto oo aan soo xorayno asaga ee aannaan dhulkaan dacwadu ka socoto khalkhalin maslaxada dacwadana aannaan ka hor imaan! Waa gobollada waqooyi bari.

Anagu waxaan u qabnaa in dhibkii dhammaaday oo waxaan u jeensannay waxsoosaar dhan walba ah. Waxaan gaadhnay in aan hub soo saarno ama la farsameeyo hub cusub oo meeshaan dagannahay lagu allifay. Tusaale ahaan nin baa wuxuu sameeyay rasaas dhacaysa oo wax dilaysa, oo qori kasta ayaa la isku dayay in loo helo rasaastiisii. Taas markii lagu guulayastayna waxaa looga gudbay in la sameeyo waxyaabaha loo isticmaalo qaraxyada.

Waxaa la sameeyay koox dhan oo hawshaas ku mashquulsanaa guula badanna waa laga gaaray. Kooxdaas waxaa madax u ahaa nin lagu magacaabo Xirsi oo dhalinyaro ahaa. Waxaa dhacday ayagoo hawshoodii ku dhex jira oo hal qol ku wadajira ayaa waxaa xumaaday farsamadii gacanta waxaana dhacay qarax aad u wayn ayagiina dab baa qabsaday. Ragga intiisii badnayd waxaa gaaray dhaawac halis ah haba ugu darnaado hoggaamiyihii kooxda akhuunaa Xirsi. Jazaahumu-llaahu khayran ajmaciin. Waxaa joogay oo waxsoosaarka kamid ahaa Muhaajiriin laga faa’iidaystay adduun iyo aakhiraba. Waxaa noo soo caraftay ama aan u hanqal taagnay in aan ka gudubno ciriiriga iyo cunsuriyadda aan diin ku dhisnayn. Waxaa noo muuqatay in aysan xuduud lahayn dowladda Islaamku, Waxaan akhbaar ku helnay in ay jiraan ama uu jiro baraarug Islaami ah oo meel walba waxaa ka socda kacdoon diiddan dulmiga lagu hayo shucuubta Islaamka.

Waxaas oo dhan oo mowjad ah ama wararka xiisaha leh waan ku raaxaysanaynaa laakiin wali tallaabo la qaaday ma jirto oo waxaan dhidibbada u aasaynaa marka hore dowladdaan kasoo badbaadday afka libaaxa oo curdanka ah. Waxaa la helay jaanis badan oo ay ku fakaraan indheergaradkii dowladdaan hoggaaminayay. Waxay heleen fursad ay ku daraaseeyaan kutubtii Islaamku mar hore ka qoray dhacdooyinkaan oo kale ama dhisitaanka dowlad Islaami ah.

Waxaan marna ka gaabin shaqadoodii munaafiqiintii ciidanka ku dhex jirtay ama bulshada. Waxaa laga yaabaa in ay madaxda kamid yihiin, waxaa laga yaabaa in ay kamid yihiin qolada sirta lagu qarsado lamase yaqaan illaa iyo hadda ninka munaafiq la yiraahdo in uun lagu arko tilmaamo munaafiq mooye. Taasna axkaam laga qaadan maayo oo ma dhihi karno munaafiq baad tahay wadaadyohow. Haa waxaad leedahay tilmaantii munaafiqiinta.

Waxaa fududayd in si sahlan sirtayada loo gudbiyo oo la ogaado wax alla waxaan ku fakarayno. Waxaana yar in haddii Ikhwaanku qofka shakiyaan ay wax ka qabtaan oo waxay dhihi Ilaahay baa nooga filan sharkiisa naga daaya. Waxaa laga yaabaa in kaas ay leeyihiin Ilaahay baa nooga filan sharkiisa uu halaago oo ciidan kusoo hoggaamiyo. Waa sax in Ilaahay la talo saartaa laakiin ficil baa lagaa rabaa markaas kadibna Ilaahay talo saaro. Waa caqiidada ahlu-sunna.

Baadida nin baa kula daydayi daalna kaa badane oon doonahayn inaad heshaa daa’in abidkaaye. Khaa’inku afkuu kugu dhunkado ayuu kugu qaniinaa! Waa murti Soomaaliyeed oo si sahlan tilmaan uga bixinaysa khaa’inka.

Badanaa mid laabta kugu qaadanaya oo akhii akhii kuleh oo haddana faylaha ku goynaya. Illayn ari daasad kama il baxo. Ikhwaanku wali ma fahmin kamana il bixin in la isku aammino oo kaliya callaamatu Shiikh Fulaan. Oo waxaa la illaaway in la isku aammino Alle dartii iyo ikhlaas.

Waxaa manhajka ahlu-sunna kamid ah in qof walba lagula xisaabtamo camalka daahirka ah ee ka muuqda. Ammaa callaamatu Shiikh ha ahaado ama caamay dhaga waawayn ha ahaado.  Culumadu ayagaa maalin walba waxay la taagan yihiin tiifiiyada ama bulshada horteeda annagaa sidaas yeelnay, annagaa saas qabna, annagaa Ikhwaankii jabinnay. Haddaad waydiisana wuxuu ku leeyahay saas ugama jeedo ee adaan fahmin. Markaad daliil u keentana wuxuu ku dhihi madluulka ama daliilka ma adan fahmin! Goormaan is fahmaynaa annaga iyo macallinku?

Fiiriya billaahi calaykum dadka qiiraysan oo maqaalka hoostiisa wax kusoo qoraya. Arki maysid qof oranaya war diinta Ilaahay yaan lagu xadgudbin, war Ilaahay dartii waxaan u qabta, war Ilaahay ka amar qaata, war yaan Ilaahay loo gafin (shirki). Waxay difaacayaan nin asaguba la taagan wuxuu qabo oo leh arrintaas anaa ka dambeeyay. Waxay ku wardiyayaan yaan culumada loo gafin ayadoon gafba meesha oolin. Maxaa Suufiyo lagu haystay?

Fiiro Gaar ah: Waxaa suuqa la galiyay dhalinyaro yaryar oo khawaarij ah ayaa culumada warkeedii diidday dadkiina ugu yeeraysa manhajkii khawaarijta. Waxaa suuqa la galiyay ma wataan hal nin oo wadaad ah ama culumo. Waxaa suuqa la galiyay dad aan waxba galabsan ayay laayaan waana gaalaysiiyaan. Waxaa suuqa la galiyay waa juhalo oo waxba ma yaqaannaan. Caddayn looma hayo warkaas.

Waxaa suuqa la galiyay shisheeyay wataan. Waxaa suuqa la galiyay waxay diideen wadahadalkii nabadeed. Waxaa suuqa la galiyay gaalaa ku shaqaysanaysa. Akhristayaalow  Ilaahay baan idinku dhaarshee ha naloo keeno hal dhacdo oo run ah oo kamid ah warkaan kor kusoo taxay ama laga sheegayo Ikhwaanka jihaadka ku jira. Dadka Islaamka ah waxaa ka xaaraan ah saasaa la lahaa iyo wax la mida. Hadaad run sheegaysaan caddayn keena.

Ma xasuusataan barigii Maraykanku iclaansaday dagaalka jihaadka uu ugu magac daray ama difaac diineed. Adduunkii baa isla gariiray waxaa lala yaabay hoggaamiyihii Maraykanka geesinnimadiisii iyo runsheegnimadiisii illayn gaaladu ayagoo gaalo ah bay haddana waxay ku darsadeen munaafaqad oo adduunka waxay ku haystaan been qayaxan. Waliba waxay rabaan in la ammaano oo la yiraahdo haddaan dowlad hebla jirin adduunku wuu baabi’i lahaa iyo wax la mida.

Warkii gaalka oo saas u caddaa waxaa maro saaray oo qariyay ama ta’wiiliyay madaxdii iyo culumadii Muslimiinta hoggaaminaysay si aan gaalada looga hor imaan. Gaaladiina gumaadkay ku dhawaaqeen waa kaga dhabeeyeen oo waa billaabeen waana wadaan illaa hadda. Wali ma aragteen hal wadaad oo arrintaas ka hadlaya marka laga reebo kuwa buuraha saaran oo gaalo iyo Muslimba la dagaallamayaan (Shiikh Usaama iyo saaxiibbadiis).

Wallaahi hadday culumada jihaadka diiddan ay caddeeyaan waxa calooshooda ku jira (jihaad-nacayb) oo ay tabriiraadka daciifka ah iska daayaan oo run sheegaan in aan hal qof oo wax ka dhagaysanayaa jirin oo hal mar ah ayaa furinta dadku tagi lahaayeen gaalana ma kibirteen. Ilaahay wuu kashifi doonaa Jihaad-diidka.

Fiiro Gaar ah: Arrinkaan aan ka sheekaynayaa Soomaali gaar kuma ahan iyo culumadooda toona. Waxaan ka hadlayaa waa caalamul Islaam. Waxaad u dhaba gashaan culumada Muslimiintu waxay rabaan in ay dhalinyarada magacyo u bixiyaan, dadka ku diraan, diinta ka saaraan illayn khawaarij iyo takfiir waa diin ka saarid aan geed loogu soo gabban, waxay rabaan in aysan bulshada ka dhex muuqan, waa caytamayaan, way habaartamayaan, way goodinayaan, waxay qaadayaan tallaabo kasta oo ay ku luggoyn karaan shabaabka iyo jiilka soo baxaya oo loollanka kula jira gaalada iyo munaafiqiinta loo maarowaayay.

Ayaguna waxay rabaan in shabaabku u duceeyaan, u khidmeeyaan, khaladkooda aysan sheegin, ayagu waxay aamminsan yihiin ay ka diin dhigtaan haba khaldanaadeene. Waxay rabaan odayaashu in aan saaxada cid kale soo galin oo aan ayaga ka ahayn.

Waxay rabaan in ay magaca dhalinyarada ku faanaan oo dhahaan, “Waxaan ku mashquulsannahay sidaan jiil usoo saari lahayn, waxaan ku jirnaa jihaad oo gaalaan is-haynaa nagu soo duushay.” Markii dhaqaale la helaana waxaa loo jaheeyaa dhaqaalihii meelo kale iyo maalgalin aan miradhal ahayn. Jihaadkii dartiis dhaqaalaha lagu soo uruurshayna waa la dacniyay ama la foolxumeeyay oo ehelkiisii baa beri laga noqday dhaqaalihiina laga goostay.

Aadane rilladi waxaan kunnacay rumu haday joogto nimaan ku rabin kaana raba inaad u roonaato! Gabaygaan waxaa lahaa ama murtidaan gabar lagu magacaabi jiray Xabiiba oo ninkeedii naag kale la guursaday. Wuu isaga tagay oo wuxuu dayacay xuquuqdeedii. Marmar buu u yimaadaa ayaduna way soo dhawaysaa oo siisaa wuxuu ka dalbado (waa raalliyo). Markuu dantiisa dhammaysto ayuu isaga tagaa asagoo aan wax kusoo kordhin. Markaasay gabay dheer utirisay oo aan intaan ka xasuusto. Intaanaaba caloolxumo kugu dilaysa haddaad tahay qof Ilaahay ku xiran. Gabadhu waxay lahayd naanays oo waxaa la dhihi jiray Xawaadley. Murtida Xabiibo waxay qormada ka khusayso waan kasoo sheekeeyay. Haddaad kor fiiriso waad garan meeshay iska khuseeyaan. Waa maxaa kala haysta Ictisaam iyo ardaydiisii?

Digniin Ku Socota Akhristayaasha

Qaar baa laga yaabaa in ay yiraahdaan muxuu meesha u keenay hadalka gabadha? Fikraddaasu waxay kamid tahay waxaan qoriga u qaadanay in aan dabargoyno. Waa fikrad jaahiliyo ah. Waa dhaqan xun oo Soomaali iyo intii la dhaqan ahba soo baabi’iyay. Ka warrama Ummul-Mu’miniin Caa’isha (Ilaahay haka raalli noqdee). Soo gabar ma aysan ahayn? Addoommada Ilaahay cibaaday ku kala fadilan yihiin.

Ikhwaanii maantay waxaan dhex dabbaashay siyaasad, maxaa yeelay waxaa nagu soo wajahan balaayo hor leh oo aannaan filayn meeshay kasoo boodday. Waxaa lagama maarmaan ah in la xuso dhacdo walbaa siday u dhacday iyo qaabkii loo maleegay iyo ciddii ka dambaysay.

Waxaan soo marnay in ay dagaalkayagii ka quusteen shucuubtii lasoo hubeeyay. Waxaan kaloo ogayn in ay culumadii ama madaxdii Al-Itixaad filanwaa ku noqotay quwaddaan soo baxday oo waddada cad marsiisay raggii hubaysnaa lagana yaabo in ay sii ballaartaan oo ay arrintoodu gaarto mar aan waxba laga qaban karin ama ay gacanta u gasho waxa ayagu ay u yaqaanaan shisheeyaha oo loola jeedo Muslimiinta muhaajiriinta ah (Al-Qaacido).

Waxaa billaabatay mu’aamarad cusub iyo maalgalintii lagu fulin lahaa mashruucaas. Waxaa billaabatay qaylodhaan meel walba la isaga yimid dibad iyo daakhilba. Waxaa socda takhdiidkii ugu dambeeyay oo na looga takhalusi lahaa. Tolow intee le’eg yahay ciidanka markaan naloosoo diri doonaa oo naga guulaysan doonaa? Ma gaasas baa, ma guutooyin baa?

Mar haddaan ka adkaannay isbahaysatadii dibad iyo daakhilba isaga timid, ciidankaan dambe bal hala qiyaaso intuu le’eg yahay iyo hubkuu wato oo nagu baabi’in doono. Aan sugno waxa shirka kasoo baxa.

Waxaan kaloo akhristayaasha ka codsanayaa in ay keenaan takhdiidkii looga badbaadi lahaa sharkaan lasoo wado iyo dabargoynta nalala damacsan yahay. Shalay haddaad nagu haysateen maxaad noola tashan waydeen maantay idiin taallaa yaan loo kala tagin. Waa inoo barri iyo nin waluba wuxuu keeno oo balaan ah ama takhdiid caskari ah. Tiradu wax ma tartee Rabbaa lagu tiirsadaa.

Xasbuna-llaahu wa nicmal wakiil.

Qeybta 19aad

Wakhtigu waa saq dhexe, qof walbaa dhufays buu ku jiraa, waxaa la sugayaa xabbadda sharqanteeda. Waxaynu kala hoyannay ayadoo unugtii loo diray cadowga in ay dhuunta ka galaan ay tashi ku jiraan oo ay is horfadhiyaan cadowgii. Muddo gaaban kadib amiirkii unugtu wuxuu qaatay go’aan ah in ay dagaallamaan oo ayagu rasaasta billaabaan.

Nin kasta oo ka mid ah unugga waxaa la siiyay waajib gooni ah, waxayna qoryohoodii ku fiiqeen dhankii cadawgu jiray ayagoo dhulka jiifa. Waxay sugayeen amarka sarkaalkii madaxda u ahaa in uu yiraahdo fura xabbadda ama billaaba dagaalka. Waxa hortaada taagan arki maysid mugdiga daraaddiis, waxaase la hubaa in la is horfadhiyo cadowgii. Sarkaalkii unugta watay wuxuu amar siiyay ninkii watay qorigii boobaha culus ahaa in uu xabbadda billaabo. Wuu billaabay xabbaddii, wuxuu riday qiyaastii inta u dhaxaysa 15 illaa 20 rasaas dhan, markuu waayay wax u soo jawaaba ayuu is taajiyay rasaastii.

Waxay sugayeen jawaab degdeg ah laakiin looma juuqin. Amiirkii wuxuu yiri ku celi  rasaasta mar kale, waa lagu celiyay oo markaan dambe jiha kale ayaa loo riday xabbaddii. Isma dhaqaajin cadowgii, waxay hubeen in ay cadowgii hortooda fadhiyaan. Cabbaar hadday shafka dhulka ku hayeen oo loo soo jawaabi waayay ayay waxay qaateen kulan degdeg ah. Waxay go’aansadeen in ay meesha ka insixaabaan oo ciidankoodii u tagaan ugana warbixiyaan waxay soo arkeen.

Way dhaqaaqeen. Waxay u yimaadeen ciidankoodii, waxay u gudbiyeen khabar ah in cadawgii horteenna fadhiyo asagoo dabbaabaadkiisii wata. Waxaa la galay tashi aan waqti qaadan, waxaa la yiri walaalihii ku noqda meeshii oo cadowgu yuu soo siqin ee hortaagnaada inta salaadda subax laga gaarayo ama la tukanayo. Way laabteen waxayna horfariisteen cadowgii oo isnabaya oo sugaya iftiinka waaga ama salaadda subax in la gaaro.

Waxaa la gaaray fajarkii hore ama iftiinkii hore ee salaadda, way soo dhaqaaqeen walaalihii markii la gaaray xilligii salaadda. Nimankaan cadowga ah waxaad mooddaa in ay rabaan in ay ka faa’iidaystaan xilliga aan salaadda tukanayno oo ay nagu gaadaan annagoo salaadda ku jirna. Ilaahay waa naga indhasaabay oo waxaan tukannay ayadoon dagaalku billaaban. Sababtana waxaan umalayn in ay ahayd: Nimanku waxay sheeganayeen in ay yihiin Muslimiin waliba waxay u nisba sheeganayaan Shaaficiyo, fiqiga Shaaficiyada oo ahaa in salaadda subax la caddeeyo ayaa wuxuu noo noqday nasri oo waxay is lahaayeen weli salaaddii ma aysan galin annagoo tukannay ayay weerarka soo qaadeen.

Wali waxaa jira mugdi oo aad wax looma arko. Salaaddaas subax  nin walba oo ciidankayga kamid ah ama intii badnayd oo xigtay dhanka cadowga wuxuu ku tukaday dhufayskiisa asagoo fadhiya oo u jeeda dhanka cadawga.

Waxaa billaabatay xabbaddii oo aad mooddo in nin kaliya uu ridayo sida loogu ballamay in mar qur ah la billaabo, waxay socotay illaa 10kii subaxnimo. Nin ciidankayaga ka mid ahi kama bixin dhufayskiisii. Reer tolkay ama cadowgii marba raac baa jaba markaasaa wixii ka haray cararaan, waxaa yimaada raac cusub ama qolo cusub.

Dagaalkii bay meeshiisii kasii wadaan, way jabaan wixii harayna way cararaan, gurmad hor leh ayaa yimaada oo aad mooddo in ay waalanyihiin, waxay ku soo galayaan ayagoo qaylinaya oo aad mooddo in ay jeclaan lahaayeen in aan cararno intaan qayladooda u adkaysan wayno annaguse waxaan u arkaynay in ay sarkhaansan yihiin oo aysan waxba kala ogayn kamana aanan cararin ee waan iska dhicinnay oo waxaan u diidnay in ay noo soo dhawaadaan.

Dagaalka fool-ka-foolka ah waxaa noo dheeraa madaafiic meel fog kasoo dhacaysa oo aan loo aabba yeelayn. Waxaa kululaaday dagaalkii, waxaa daciifay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee cadowga, waxaa billowday jabkii cadawga. Meeshu waa bannaan, waxaa wax laga arkaa illaa iyo 15 kiilomitir ama intii ishaadu wax ka arki karto. Waxaa noo muuqday wufuuddii lasoo martiqaaday isu diyaarisay in ay cagaha wax ka dayaan. Waxaa noo muuqday baqada aan xishoodka lahayn oo ninba ninka kale leeyahay asaga halala haro. dhaawicii baa laga cararay oo hortayada bilqan, waxaa ka dhacday naftaadu orod bay kugu aammintaa. Waxaa gabaabisi noqday xabbaddii xawliga u socotay. Waxaa la gaaray 11kii subaxnimo, waxaa feydantay daruurtii colaadda huwanayd. Waxaa soo bidhaamay nasri degdeg ah. Waxaa la galay marxaladdii labaad ee dagaalka, waxaa laga warsugayay qiyaadada ciidanka ugu sarraysa waxa ay oran doonaan mar haddii cadowgii jabay.

Sida caadada ah hadday dagaallamaan laba ciidan oo mid laga guulaysto kadibna uu cararo lagama haro ciidankaas jabay ee cadowga ah illaa aad daciifisid quwaddiisa, haddaan markaa wax ku xannibayaa jirin. Qur’aanku waa qaamuus. Waxaa loogu tala galay bani-Aadamku in uu noloshiisa ku xalliyo, hadday tahay Cibaado ama Mucaamalaad intaba. Qur’aanku wuxuu leeyahay qaybo dhan oo ka warrama qaabka loo dagaallamayo iyo cidda lala dagaallamayo. Waa laga faa’iidaystay Qur’aanka oo dagaalku wuxuu leeyahay xeerar aan laga gudbi karin ama laga tagi karin, haddaad ka tagtana aad ku jabayso oo aadan wax faa’iido ah ka gaarayn.

Tusaale: Suuratul Anfaal aayadda 67aad: “Kuma habboona Nabi inay u ahaato kuwo la qafaashay intuu ku jilcinayo dhulka dhexdiisa (GAALADA).” Macnaha aayadda ayaa saas ah.

Waxay aayaddani ku tusinaysaa haddaad ciidan foodda isdartaan in aysan habboonayn in maxaabiis la haysto illaa la laayo oo madaxa laga guro cadowga. Waxaa aayaddaas laga fahmayaa in aan aammin laga ahayn cadowgu in uu mar labaad soo laabto haddii aan gacan bir ah lagu qaban ama aan aad loo cayrin oo la gaarsiin meel fog oo aammin laga yahay in uu mar labaad soo laabto. Xasuuso wixii Garoowe nagu dhacay iyo hadda balaan xumada na haysata oo aanan wali baraarugin.

Haddaad shubho keento oo aad tiraahdo dadku Muslimiin ayey ahaayeen, waxaan ku leennahay: Muslimiinta qaar ayey bannaan tahay in lala diriro oo la cayrsado, dhaawacoodana la laayo illaa ay kala fiigaan ama hubka laga dhigo oo aammin laga noqdo sharkooda, waa hadday la yimaadaan wax waajibinaya in saas loola dhaqmo.

Ayaga laftoodu waa kala nooc oo qaarba si baa loola dagaallamayaa. Hadday yihiin koox mumtanico ah ama hubaysan oo xoog leh waxay qaadanayaan axkaam gooni ah, hadday yihiin koox aan hubaysnayn xoogna lahayn waxay qaadanayaan axkaam gooni ah.

Faahfaahinta warkaas waxaad ugu noqon kartaa Majmuucul Fataawaa ee Sheykhul Islaam Ibnu Taymiyah mujalladka 28aad, 35aad iyo meelo kaleba.

Si kastaba ha ahaatee markii cadowgii jabay oo dabada jeediyay waxaan sugaynay amar ah kaca oo is raaciya waxa ka haray balaayadaan nalagu salladay oo lasoo uruurshay oo aan ka tukan waynay. Ha ka harina illaa ay Boosaaso dhaafaan hubka iyo waxyaabaha faa’iidada noo lehna ka soo qaniimaysta. Soo qabta kuwooda madaxda ah si looga helo warar dheeraad ah ama macluumaad waxtar noo ah iyo wixi la mida.

Taasi Ma Dhacday?

Maya, ma dhicin, bal waxaa dhacday caksigeeda oo waxaa nala siiyay amar ah nin idinka idin kamid ah isma dhaqaajin karo. Ku jira dhufayskiinna, maxaad ka rabtaan nimanku hadday carareen, waa walaalihiin waa dad Muslimiin ah iyo wax la mida.

Amarkaas waxaa bixiyay Shiikh Xasan Daahir Aways. Waxaa nagu dhacday dahsho ama jaahwareer aan garan waynay waxa loola jeedo haka bixina dhufayskiinna, ha cayrsanina cadowga jabay, waa walaalihiin! Waan qaadannay amarkaas oo waxaan isaga jirnay dhufayskayagii illaa duhurkii la gaaray annagoo aan ku qanacsanayn amarkaan aysan ka muuqan laba arrimood midna:

  1. Khibrad ciidan kama muuqato  (Ciidamada caalamka xeerka u yaal)
  2. Axkaam Islaamna kama muuqato. (Xeerka Islaamku u dajiyay dagaallada ahlul-baqyiga ama kooxaha dhaba jiiska ah, mumtanico ama showko xoog leh)

Shiikh Xasan markuu ogaaday in ay fogaadeen cadowgii oo aannaan gaari karin ayuu yiri kasoo baxa dhufayska oo soo raadiya wixii dhaawac ah. Waa lasoo baxay oo lagu qamaamay meel kasta oo la is lahaa wax baa ku jira. Waxaa la helay dhaawac, waxaa kaloo la helay rag aan waxba qabin oo intay naxeen meel iska dhabacan ama ku dhuumanaya.

Waxaa la soo uruuriyay maxaabiistii, waxaana dhacay wax aan illaawi waayay. Maxbuus kasta waxaa loo dhiibay ninkii dad u xigay asagaana dilay, waxaan ogaa ayadoo lagu murmayo anaa kaa xiga iyo anaa kaa xiga. Wax alla wixii maxaabiis ahaa oo la qabtay ama dhaawac ahaa dhagtaa dhiigga loo daray ayadoo nin walbaa ina adeerkiis dilay, xigto ahaan udishay. Maanta kahor waxaan qabnay laba dhibaato oo aan aad ugu dhibtoonnay:

  1. Meeshu aad bay u kulushahay markaasaan haddana waxaan galnay dhufays dhulka hoostiisa ah oo ay nagu qasbeen shayaadiintaan maantay jabtay.
  2. Waxaa kaloo nalagu imtixaamay bahallo yaryar oo na cunaya ama na qaniinaya markaan dharka iska bixinno kulayl dartii. Markaasaan hurdo iyo raaxaba ka tagnay. Intaas waxaa noo dheeraa cabsida joogtada ah oo cadwogu nagu hayay Ilaahayna maantuu naga dulqaaday cadowgii iyo cabsidiiba.

Fiiro Gaar ah: Waxaan meelo badan ku arkay ayadoo la igu baraarujinayo Majeerteen ma wada xumee maxaad isugu qaadday? Markaan qolo xumaanteed sheegayo waxaan dhahaa reer hebel baa xumaantaas sameeyay intii Ilaahay u naxariistay mooyee oo waxaan ka soo reebaa inta wanaagsan, hadalkana waxaan ula jeedaa inta xun. Haddaan illaaway istathnahaas (kasoo reebiddaas) ama  hadalka ah intii Ilaahay u naxariistay mooyee, waa gaf aniga xaggayga ah waxaanna ka bixinayaa raalligalin iyo waliba toobad keen Alle xaggii ah.

Maalinkaas waxaa raggoodii ama wiilashoodii laynayay waliba siday u kala xigeen Majeerteen baa u badnaa oo waa la kala baxay (tilka bitilka). Maalinkii Garoowe rag baa wiilashoodii gawracay ayagoo Cabdullaahi Yuusuf ku raalligalinaya. Maantana rag baa gowracay wiilashoodii ayagoo Ilaahay ku raalligalinaya waana rag wada dhashay. Ninba markiisa ha gabbado!

Warsangaliga waan taagnaa ayagoo qaybsanaya dadkoodii maarada loo waayay oo Cabdullaahi Yuusuf ku yiri kaalaya aan soo bililiqaysanno lacagta Sacuudiga laga soo daabulo. Maxaa yeelay maalinki Garoowe ayay bililiqaysteen gaari dhan oo lacagi saarnayd ama ku rarnayd. Marka Laasqoray waxaa taallay khasnaddii waynayd siday la ahayd ayaga. Aa kula tahay Boowe?

Fiiro Gaar ah: Maxaabbiistaas laguma dilin amar kasoo baxay saraakiishii ciidanka hoggaaminaysay lamana ogayn goor la laayay iyo goor lasoo qabtay toona. Waa dambe ayaa la ogaaday, la ismase wayddiin maxaa loo dilay iyo maxaa loo siiddayn waayay toona.

Aan milicsanno saamaynta dagaalkaasi nagu yeeshay dhimasho iyo dhaawacba. Maalinkaas waxaa naga shahiiday inshaa Allaahu 12 qiyaastii. Waxaa dhaawacmay rag aan yarayn. Shuhadada waxaa kamid ahaa Khaliif nin lagu magacaabi jiray. Khaliif wuxuu ahaa nin aad u dadaal badan oo maddaale ah dagaalkana ku fiicnaa, wuxuu ahaa dagaalgaliye sare (taqabbalahu-llaahu).

Waxaa maalinkaas dhaawacmay Shiikh Axmed Cabdisamad, Shiikhu wuxuu kamid ahaa gacanyarayaasha Shiikh Cabdinaasir xagga dagaalka. Waxaa dhaawacmay Cali Mujaahid. Cali wuxuu ahaa nin mintid ah oo dagaalyahan hoggaamiye ah. Waxaa dhaawacmay Khayre oo ahaa nin khayr badan kana dhex muuqday dagaalka. Khayre ma illaawin siduu u dhaawacmay. Waxay ahayd asagoo ciidanka ku wareegaya oo rasaas siinaya hadba ninkay  ka go’do rasaastu ayaa xabbaddu ku dhacday anna waan ujeeday.

Ikhwaanii waan daalannahay ciidankuna wuu daalan yahay, daalkana waxaa u dheer hurdo la’aan oo in muddo ah si fiican hurdo uma ay seexan. Nin walba waxaa ku soo dagtay hurdo uu iska celin waayay. Ragga qaarkiis waxay soo wariyeen in ay dagaalka dhexdiisa ku lulmoodeen.

Aan u kaadinno ciidanka ha daaltirteen hana seexdeen. Adinkuna gabaygaan Ina Cabdulle Xasan akhriya oo fiiriya waa dadkii uu waagaas ka cabanayay Wadaadku kuwa hadda nalagu salladay. Qadiyadduna waa hal mid ah oo waa car tuko, car naagtaada xijaab u xir, car Islaam isku xukun iyo wixi la mida.

Daayimow Allahayoow adaan dunida moogayne
Daandaansi ina-Aadanaa loogu dawgalye
Deyn nimaan ka qabin buu nafluhu dabagalaayaaye
Haddii nalagu soo diray khalqiga Dir iyo Daroodba
Warsangali haddii uu dunjigii diricyo soo qaatay
Dashiishiyo Majeerteen haddii deexda laga keenay
Guutada lasoo dumay haddii nalagu soo duushay
Wax lasoo dadaanshaba haddii nala dul gowriirshay
Dildilaaca waaberi haddii nalagu siidaayey
Annagoon digniin qabin haddii nala dareensiiyay
Digta weerar qoobkii fardaha dininigtii yeedhay
Dooyada uluuftaka’ah hadday Daalo kor udhaaftay
Degdeg inaan usoo roorno waa dowlad alabkeede
Ma dul keennay kuman duub cadoo wada Daraawiish ah?
Dikri hadduu kusoo galay xarbiga aniyo duulkaygu
Dayaaydii horeetaba baqay dabada taageene
Diigaanyo ciidan ah miyaan daafta kala raacay.
Dullihii shareerraa markuu dibawga jiidhaayey
Daanyeerku meeshuusan marin dani ma jeexsiisay
Denbi ma leh cadaawaha ninkii delika xooraaye
Darajuu Ilaahiis ka heli labada daaroode
Dubku iima naxo nimay kufriga deris wadaagaane
Ferenjiga direyska leh kuwii diiradda u qaaday
Iyaguba dariiqada Alliyo diinta caasiyo’e
Waxay noo duleedsheenba waa doora-weynaha e
Dulmigaan banaanayn kuwii doofil ugu hiishay
Haddaan daayo waa aniga oo daawadii furaye
Danabkii rasaaseed miyaan diillin kaga yeelay
Dareemada kabadan meydka yaal didibta buureede
Dhiiggoodu sida doogsinroob waysagii duxaye
Dugaaggii hilbaha quudan jiray loo dayaafadiye
Nimanyahow af laba daan leh baan muranka deyneyne
Ma duqaynay Reer Bari wuxuu doonayuu helaye?

Waa qadiyaddii. Waa qabiilkii. Waa meeshii!

Waa halaaggii ku dhacay gaala-raacyadii waagaas, 1921 iyo 1992. Taariikhdu ma duugowdo haddaan la dayicin.

Qeybta 18aad

Bismillaahi wabacdu. Waa qormadeennii 18aad. Waxaan kala tagnay ayadoo cadow nasoo duldagay. Waxaan ku ballannay in aan samayno diyaargarow meeshii ugu dambaysay illayn meel dambe oo loo cararo nagama dambayso oo waxaa nalagu kuusay baddii sidii naloo cayrsanayay. Ina Yuusuf Yeey wuxuu iclaansaday dagaal. Wuxuu isu keenay wax alla wuxuu awooday oo ciidan ahaa.

Waxaa rumeeyay oo raacay shacab farabadan. Waxaa raacay oo rumeeyay culumo farabadan. Waxaa loo diyaariyay dhaqaale aad u farabadan. Waxaa kaalmaynayay oo hiil iyo hooba la garabtaagnaa gaaladii mashruucaan dabada kasoo riixaysay. Waxaa la shaqaynayay oo naqshadda dagaalka diyaariyay khubarro shisheeye ah amaba gaalo.

Waxaa ka qayb qaatay dagalkaas saraakiishii ugu sarraysay ciidammadii Soomaaliya oo aad u farabadan. Waxay adduunwaynaha gaalada ah ku marti qaadeen daawashada dagaalkaas markuu dhacayo si ay ugu raaxaystaan dabargoynta dawladdii Al-Itixaad Al-Islaami oo tiri waxaan rabnaa khilaafo Islaami ah.

Waxaa dhammaaday takhdiidkii la dajiyay, waxaa soo dhawaaday weerarkii nalagu soo qaadi lahaa. Waxaa la keenay goobtii dagaalka martidii daawan lahayd dagaalka. Waxaa la gaaray habeenkii ama saacadihii ugu dambeeyay ee ay xabbaddu billaaban lahayd.

Ciidankii Al-Itixaad Al-Islaami waxaa loo qaybiyay afar qaybood, qolo walbana waxaa la siiyay waajibaad u gaar ah. Nimankii Ansaarta ahaa ee Aadam Siciid waxaa la siiyay sugidda ammaanka waddooyinka soo gala magaalada iyo meel kasta oo laga soo dusi karo. Waxay ahaayeen niman isku darsaday daacadnimo iyo dhul aqoon.

Qolada labaad waxay ahayd ragga taarwalayaasha ahaa oo runtii la dhihi karo waxay ahaayeen kuwii Ilaahay ku badbaadiyay ummaddaas dulmiga la isugu bahaystay. Waxay la socon jireen akhbaarta cadowga si daqiiq ah, waxay soo gudbin jireen wararkoodii ugu dambeeyay iyo waxay ku tashanayeen. Waxay ku guulaysteen in ay helaan meelaha ay ku wada hadlayaan, sida taararka iyo waxa lamidka ah.

Akhbaartaas waxay u gudbin jireen meeshii ay khusayso ayadoon cidina ogaan, mana aysan nasan jirin har iyo habeenba. Qolada saddexaad waxay ahayd taliska ciidanka ugu sarreeya. Waxay galeen shirar aan loo kala kicin iyo takhdiidkii looga badbaadi lahaa isbahaysatadaan arxan laawayaasha ah. Waxay dajiyeen ama Alle waafajiyay takhdiidkii lagu difaaci lahaa jiritaanka dowladdii Al-Itixaad Al-Islaami wuxuuna ahaa sidaan:

Magaaladu waxay ku taallay meel istaraatiiji ah. Dhinac waxaa ka xiga badda, dhinacna waxaa ka xiga buuro aad u waawayn. Waxaa soo gala magaalada saddex waddo. Mid waxay ka timaaddaa dhanka Isaaqu naga xigo. Annaga iyo Isaaqna colaadi nama dhex taal cabsina kama qabno. Waxaaba nooga yimid gurmad aad u ballaaran. Waddadaas waxa la dhigay ciidan aan badnayn oo ku filan lusuuusta ama tuugada.

Buurta xaggeeda waxaa naga xiga qabiika la dhaho Dubays, waa qabiilkii markaan Laascaanood ka soo soconnay isbaarrada noo dhigtay oo waa khayr beelayaal in Ilaahay u naxariistay ma ahee. Waddadii halkaas kasoo gali jirtayna waxaa la dhigay ciidan ku filan Dubays iyo ciddii ku kaalmaysa dulmiga ay nagu hayeen.

Dhinaca ay naga xigto Boosaaso waxaa kasoo gala waddo. Waa meesha weerarku ka imaan doono saacado kadib. Waa dhul bannaan ah, bannaankaa waxaa lagu magacaabaa Dabra. Dabra dhinac baddaa ka saaran dhinaca kalana waxaa ka saaran buurta. Bannaanka u dhexeeya badda iyo buurta  wuxuu le’eg yahay qiyaastii 3 illaa 4 kiilomitir.

Afartaas kiilomitir, ee udhaxaysa badda iyo buurta waxaa la dhigay ciidankii ugu xoogga badnaa ee iska caabbin lahaa weerarka berri la damacsanyahay in lagu qabsado magaalada Laasqoray. Waxay qoteen dhufaysyo waawayn, waxay talo saarteen Ilaahay, cidna kuma aysan marti qaadin in ay kasoo qaybgasho jabka gaari doona Ina Yuusuf Yeey iyo Axbaashtiisii berri inshaa Allaahu tacalaa.

Dhinaca badda lama illaawin ee waxaa loo diray dhawr laash ama doomo yar yar oo aan haysannay hubna saaranyahay, waxaana la yiri yaan nalooga imaan badda xaggeeda. Afartaas waaxood ayaa ciidankii loo qaybshay waxaana la galay diyaargarowgii ugu dambeeyay.

Ciidankaan Al-Itixaad Al-Islaami yaa hoggaaminaya? Waa kuwama saraakiisha ciidanku? Sidaad ogtihiin markii dowladdii dhexe burburtay dadwaynihii wuxuu noqday dab dhagax lagu dhuftay oo qof waliba wixii la qumanaa ayuu sameeyey ama wuxuu qaatay manhajkuu doono. Ina Siyaad Barre wuxuu ahaa nin isku hayay dad farabadan oo nooc walba isugu jira. Qofkii daacaddiisa ka baxana wuxuu ku samayn jiray dil ama xabsi.

Dad badan oo aan ku qanacsanayn manhajkiisii ayaa sacabka u tumayay si ay uga nabad galaan sharkiisa. Markii xukunka laga tuuray Ina Siyaad Barre waxaa soo caan baxay oo ugu horreeyay waxay ahaayeen laba kooxood oo kamid ah dadkii Ina Siyaad cabburinayay.

Kooxi waxay ahayd kooxdii ay hoggaaminayeen hoggaamiye kooxeedkii ama Ashahaado la dirirkii. Waxay qaandaraas ku soo qaateen in dadka Soomaalida iyo dhulkay daggan yihiin loo qaybiyo koox koox, magacyana loo bixiyo oo qolo walba calan loo sameeyo iyo xuduud laguna dhaho ilaalshada xuduuddiina annagaa idin kaalmaynaynee. Markaas ka dibna ay fidiyaan diimaha Kiristaanku leeyahay oo dadka laga xorreeyo fikraddaan horumarka aan lahayn oo mara ku dhagga ah, waa siday ayaga la tahay (waa Muslimka saxda ah), Kiristaankana loogu yeero.

Kooxina waxay ahayd kooxdii ducaadda ahayd ee dadka diinta Islaamka ugu yeeraysay. Waxay soo qaateen qaandaraas ah in ay ummadda Soomaaliyeed hal meel ah isugu keenaan hal manhajna ay usameeyaan oo ah ku dhaqanka Shareecada Islaamka wixii ka horyimaadana cagta la mariyo. Kooxdaasina waxay heshay fursad ay manhajkoodii ku meel mariyaan.

Saraakiishii ciidammada qalabka siday ee loo tababbaray difaaca waddanka waxay kala raaceen labadaas kooxood ee loolanku ka dhexeeyo. Waa rag isyaqaan saraakiishu meeshay rabaanba haku jiraane. Nin walbana wuxuu khibrad leeyahay waa is yaqaannaan.

Habeenkaas la isku miciyo lisanayo oo la is horfadhiyo waxaa ciidammada Al-Itixaad gaashaandhiggooda haya Korneyl Shiikh Xasan Daahir Aweys. Waxaa dagaalgalinta qaabilsan halyeygii Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed. Wuxuu fadhiyaa Shiikhu jiidda hore ee Dabra. Waa taan ku soo marnay Laascaanood waxtarkiisii iyo takhdiid wanaaggiisii. Wuxuu soo muuqdaa marka la isu baahan yahay oo maalinkaas oo kale qof waliba waa u jeedaa meeshuu marayo iyo hawshuu qabanayo Shiikhu. Marka nabadda la yahay waa nin tawaaduc badan oo waxaa laga yaabaa in aadan dareemin asagoo kula jooga afgaabnidiisa darteed.

Fiiro Gaar ah:  Qormadii 16aad waxaa la saaray tacliiq ku saabsan hadalkaygii ahaa: Waxaan Ilaahay darti u jeclahay Shiikh Cabdinaasir! Waxaa shiikha iigu dambaysay araggiisa ama la kulankiisa sanadkii 1995. Waxaan ahayn isku manhaj, isku koox, waxaan wada ahayn raggii lagu khiyaameeyay Jihaadkii aan dhabta ka ahayn qaar ka mid ah Culimadii Itixaadka, waxaan wada ahayn raggii hubka laga dhigay. Shiikha isku mustawe ma aannaan ahayn. Markii nala jabiyay, nala khiyaameeyay, hubkii nalaga dhigay oo aan noqonnay maato caano leh intayadii aan khibradda lahayn, Shiikhu wuxuu sameeyay laba kaclayn horleh oo geesinnimadiisii, waxtarkiisii, takhdiid wanaaggiisii, waxsoosaarkiisii toona wax uma dhimin in hubkii nalaga dhigay.

Markuu ogaaday in balaayo wadaaddo u eg nalagu salladay, markuu ogaaday in ragga Al-Itixaad madaxda u ah aysan daacad u ahayn Jihaadka, markuu ogaaday in ducaaddii la dhammeeyay, markuu ogaaday in ay yaraatay qiyaadadii ciidanka hoggaamin lahayd, markuu ogaaday in Culumadii Mujaahidiinta ahayd ula kac loo dhammeeyay, markuu ogaaday  qiyaadada Al-Itixaad in aysan daacad u ahayn Jihadka, Shiikhu wuxuu Laascaanood ka furay machad wayn oo loogu tala galay diyaargaraynta ducaadda ama qiyaadadii diintaan hoggaamin lahayd wuuna ku guulaystay oo wuxuu soo saaray ragga maanta gaalada dhuunta u galay ama u diiday in ay nasato gaaladu. Wuxuu soo saaray Culumada maantay Mujaahidiinta dhexdeeda magaca ku leh, wuxuu soo saaray geesiyaal naftoodii Ilaahay ka iibsaday. Waxaan ogaa asagoo shiikhu yahay mid Ilaahay barakeeyay waana arrintaan ku jeclaaday adduun iyo aakhiraba.

Skiikha xumaan ku raaci maayo mana lihi xumaani ka dhici mayso oo waa banii-Aadam. Waxaan xaq u leeyahay in aan ku ammaano Shiikha waxaan ku ogaa oo diin iyo ku dayasho ahaa mana maqal meel uu ku riddoobay ama kaga laabtay Islaamkaan ku ogaa iyo waxtarkiisii miradhalka ahaa. Shiikha waxaan siiyay walahaygii oo wuxuu iilamid ahaa Muslimiinta aan jeclaa. Waxaan walaalaha tacliiqa leh ka codsanayaa in ay isoo hordhigaan waxaan Shiikh Cabdinaasir bari uga noqon lahaa. Hadday ii caddaato in uu mudan yahay ka beri noqosho waan yeeli oo Ilaahay baan ku raalli galin arrintaas. Haddaad waydaan xujo ama caddayn  Ilaahay u toobad keena cudurdaarna ka bixiya arrintaas.

Aan kusoo noqonno goobtii is-hardanka.

Qiyaadadii ciidanka hoggaaminaysay habeenkaas waxaan ka xusi karaa Shiikh Axmed Cabdisamad, wuxuu ahaa sarkaalka labaad ee habeenkaas, waxaa kamid ahaa Cali Maxamed Xasan “Cali Mujaahid”, waxaa ka mid ahaa Khayre, waxaa kamid ahaa Shahiid Khaliif, waxaa kamid ahaa kuwo mudan in qalin dahab ah lagu qoro magacooda oo farabadan. Shiikh Cabdinaasir (xafidahu-llaahu) wuxuu sameeyay khiddad lagu guulaystay oo looga badbaaday shayaadiintii Ina Yuusuf Yeey hoggaaminayay.

Waxaa la diyaariyay dhakhaatiirtii iyo qalabkay ku hawlgali lahaayeen. Waxaa mudan in laga sheekeeyo ama la xuso waxqabadkii dhakhaatiirta halkaas ku diyaargarowday. Waase kuwama? Maxay qalab haystaan? Dhakhaatiirta waxaa kamid ahaa nin mucjizo ahaa. Ninkaas waxaa la isku raacay in uu ahaa nin aad u soo jiita quluubta dadka oo cibaado badan, samir badan, daggan aqoonna leh. Waxay sheegeen dhalinyarada qaarkeed in ay ku daawoobaan hadalkiisa oo kaliya. Markuu daawo ku siinayo ama kula kulmayo wuxuu dhihi jiray walaal ha isdhihin hebel baa ku daawaynaya ee waxaad rumaysataa in Ilaahay daawada hayo intaanna kaalmayso inta xoogaa daawa ah siiyo bukaanka. Qof kasta oo uu la kulmana waa wacdin jiray intuusan daawo siin. Waa Shiikh Dhakhtar Cabdicasiis Cabdi Faarax. Waxaan idin markhaati galinayaa in aan Ilaahay dartiis u jeclahay. Ilaahayna waxaan uga baryayaa in uu aniga iyo asagaba jannadii Fardawsa ahayd  na geeyo, Aamiin, Aamiin.

Waxaan la illaawi karin waxqabadkiisii aqoontiisii dheeraadka ahayd Dhakhtar Baydhabo. Waxaan haysannay dhakhaatiir aan yarayn ama badan, waxaa ugu isyaanaysanaa ama barashada dhakhtarnimada ugu horreeyay Dhakhtar Baydhabo, wuxuu sameeyay wanaag aysan illaawi doonin dowladdii Al-Itixaad gaar ahaan ciidamadii uu la tacaali jiray. Dhakhaatiirtu ciidanka kaliya ma daawayn jirin ee shacabkii Muslimiinta ahaa oo dhan bay u taagnaayeen. Waxay naga mudan yihiin in aan u ducayno har iyo habeenba, Ilaahaw annaga iyo ayagaba noo naxariiso, Aamiin, Aamiin.

Waxaa kamid ahaa dhakhaatiirta waawayn Dhakhtar Bashiir Xuseen Jibriil. Wuxuu ahaa nin xoog furan shaqada markuu qabanayo ku faraxsan asagoo qoslaya ku daawaynaya oo aan ku dhibsanayn asaga culaysba ha ku ahaatee. Waxaa jiray walaallo fara badan oo ahaa kalkaaliyayaal ama dhakhaatiir yaryar oo ayagu aan kaba dhex baxayn bukaanka oo mar walba xaaladdooda ka war qabi jiray waxay xallin waayaanna walaalaha ugu yeera.

Dhakhaatiirtaasu ma haysan qalabka isbitaallada looga shaqeeyo, ma haysan dhismayaal koronto leh ama ogsijiin, ma haysan mashiinno waawayn, mahaysan mindiyo badan oo dadka lagu oboreeshimo ama lagu qalo. Waxay samayn jireen qalliino waawayn ama oboreeshin xubin kasta oo qofku leeyahay: madaxa, caloosha, lugaha, gacmaha iyo wixi la mida. Waxay ku guulaysteen in Ilaahay ku badbaadiyay gacmohooda ummad farabadan oo halaagsami lahayd haddaysan u hagar bixin ayagoo Ilaahay kaashanayay. Ilaahaw u dambidhaaf annaga iyo ayagaba, Aamiin, Aamiin.

Waa mugdi habeenkaas meeshuna waa meel bannaan ah. Reer Yeey waxay wataan gaadiid iyo tikniko buuxisay bannaankii oo aad u fara badan, waxay wataan gawaari lagu raaxaysto oo yaryar oo waa annagii soo marnay in la marti qaaday aduunwaynaha gaalada ah waana la ajiibay oo waxaa jooga wufuud fara badan oo daawan doonta dagaalkan dhici doona qiyaastii laba saac kadib. Waxay wataan ciidamo aan xisaab lahayn oo is haysta badda illaa buurta, waxay u soo dhaqaaqeen saf balaaran.

Way lugaynayaan, gawaaridiina intay damiyeen ayay soo riixayaan oo waxay ka baqayaan haddii gaariga la istaaro in guuxiisa la maqlo oo loo diyaar garoobo, waxay rabaan in ay godka noogu soo galaan annagoon ogayn oo nalaga dhigo mid la dilo iyo mid la qabto asagoo nool (Aa kula tahay boowow).

Wadaadkii barakaysnaa ee Shiikh Cabdinaasir markuu ogaaday in la gaaray saacadihii ciidanku foodda isdari lahaa ayuu la tashaday shuuradiisii wuxuuna waydiistay unug ama sagaal nin oo ciidan ah oo cadowga ka hor tagta si aysan noo gaadin cadowgu. Waxaa loo diyaariyay sagaalkii nin.

Wuxuu madax uga dhigay nin la yiraahdo Shariif Siyaad, wuxuu amar ku siiyay in ay galaan meel u dhaxaysa labada ciidan wuxuuna yiri, “Hadday idin soo gaaraan cadowgu la dagaallama annaguna waan diyaar garoobaynaa.” Sagaalkaas nin waxaa loo diyaariyay in ciidanku ku badbaado sababtooda ayagana aan nin ka soo noqon. Ayagoo sidaas og ayay qaateen amarkii ahaa naftiina nagu ilaaliya (jazaahumu-llaahu khayran ajmaciin).

Shariif iyo unugtiisii waa dhaqaaqeen waxayna ka hor tageen ciidankii Ina Yuusuf Yeey oo saf ballaaran ku socda oo riixanaya gawaaridoodii. Markuu hubsaday in ay yihiin ciidankii cadowga ayuu shuuro la galay ama la tashaday unuggiisii ama ciidankiisii. Waxaan sugaynaa go’aankay gaaran walaaluhu, annaguna aan godad qodanno illayn meeshu waa bannaan oo geed la galo ama lagu gabbado ma leh. Waa bannaankii Dabra.

Ikhwaanii caawa oo kale dagaalku wuxuu waajib ku yahay ninka dhalinyarada ah, odayga, gabadha, habarta, curyaanka, kurayga aan qaan gaarin laakiin tamyiizka gaaray, foodlayda ayana waxtarka ah, iyo wixii lamid ah. Marka yaan loo kala harin dagaalkaan. Qoladii laga adkaadaa waxay jiidaysaa lax baqtiday! Haddii nalaga adkaado dagaal dambe ma dhici doono oo waa nala dabar goyn, haddaan ka adkaannana way quusan oo kibir jabi oo is dhiibi sidaasaana noo roon ama noo khayr badan. Kaskiisaba ma galin wiilaal baa kaybka kuu qabane! Waa siday Cabdullaahi Yuusuf la ahayd. Maxaase ka raacay? Allaa ku mahadsan. Ilaahay hala baryo walaalahana hala garab istaago goor iyo ayaanba.

Qeybta 17aad

Bismillaahi wabacdu. Waa qormadeennii 17aad. Waxaan u malayn in lasoo nastay oo diyaar loo yahay in aan u gurmanno walaaleheen oo aan meesha kasoo saarno, nacam haa! Laasqoray muddaa agagaarkiisa dagaallo ka dhici jireen oo waxay leedahay khatar ka imaan karta miinooyin dhulka la galiyay mar hore, waxaa na looga digay waddooyinka in aan iska ilaalinno, kuna marno si taxaddar leh, qaddarse lama celin karo.

Markaan magaalada u sii dhaadhacaynay ayaa miinooyinkii na looga digay qaar kamid ah waxay la keceen gaadiidkayagii qaar kamid ah, waxaa nasoo gaaray dhaawac iyo dhimasho intaba. Waxaan ka xasuustaa dhaawicii makaanikayagii oo magiciisa la dhihi jiray Aadam Dheere. Wuxuu kamid ahaa raggii garaashkii Xaaji Dool ee Xamar ka shaqayn jiray. Waxaa ciidammadii la dajiyay meelo dhawr ah oo ku wanaagsan difaaca magaalada Laasqoray. Waxaa la go’aamiyay in ciidan loo diro Saliid oo lasoo badbaadiyo walaalaha dhibaataysan. Waxaa la diray ciidan iyo gawaari dadka lagusoo daadgureeyo. Waxaan kamid noqday ciidankii la diray, waxaan gaadhnay Saliid.

Dadka meesha lagu go’doomiyay waxaan horay u soo sheegay in ay isugu jireen ciidan, haween iyo carruur iyo dadkii dhaawaca ahaa ama xanuunsanaa. Intii ciidanka ahayd waxay is horfadhiyaan Axbaashtii Ina Yuusuf Yeey soo uruurshay oo aan wali laga jawaabin waxay doonayaan haddii gobolkoodii looga soo guuray! Waxaan soo rarnay dhammaan dadkii meesha go’doonka ku ahaa, waxaan u soo dhaqaaqnay dhanka Laasqoray. Waa habeennimo saq dhexe, waxaan soo soconnaba waxaan soo gaadhnay bannankii la dhihi jiray Dabro. Waxaa la gaaray xilligii salaadda subax.

Waxaa na looga digay in ay hortayada ku jiraan labo miino. Lamana yaqaan meeshay ku jirto miinadu. Ciidankii baa la istaajiyay, darawaliintii baa la isugu yeeray, waxaa la yiri yaa miino baar noqonaya oo ugu hormaraya baabuurta. Waa la is fiirfiirshay, waxaa farta lagu fiiqay nin aan magaciisa xasuusto in la oran jiray Shariif Siyaad oo markaas waday gaari Enna Tiree ah (N3), waxaa la yiri horgal ciidanka ama baabuurta, kuwii kalana waxaa la yiri raadkiisa haka leexanina, waana la dhaqaaqay. Sarkaalka amarka bixinayaa waa Shiikh Xasan Daahir Aweys.

Muddaa la soday, salaaddii baa caddaatay, amar baa la baxshay ah in la tukado, waa la istaagay ayadoo baabuur walbaa kan kale daba istaagay. Nin ayaa khilaaf sameeyay oo intuu safkii ka baxay horay u soo dhaqaaqay wax konton talaabo aan ka badan asagoon socon ayaa waxaa la kacay miino dhulka ku jirtay waxaana ku geeriyootay soddoh ama gabadh baabuurka shirkiisa saarnayd (taqabbalaha-llaahu, Aamiin, Aamiin).

Waxaan ciidankaas gaariga saarnaa ka garanayaa nin lagu magacaabi jiray Kilwe oo ahaa nin waxyaabo badan lagu xasuusto waxaana kamid ahaa ereyadiisa: Wiririg. Markaan geeddiga nahay oo aan meel istaagno ayaa ragga qaarkiis waxay ka gaarsiin jireen shaah ay ku karsan jireen koombo yar, shaahaas Kilwe wuxuu u bixiyay Wiririg.  Nin wuxuu ahaa ciidanku jecelyahay.

Saacado dhowr ah ayaa la taagnaa meeshii oo waxaa mashquul lagu ahaa gaarigii miinadu la kacday iyo dadkii wax ku noqday. Waxaa lasoo gabagabeeyay hawlgalkaas waana la dhaqaaqay. Waxaan gaadhnay Laasqoray oo aad looga sugayay dadkaan masaakiinta ah ee ay shayaadiintu meesha ku go’doomiyeen muddada dheer. Qola walba waxaa la dajiyay meeshii loogu tala galay, waxaana soo gabagabooday wajigii hore oo ahaa in la isu keeno Al-Itixaadkii kala firdhaday.

Laasqoray waxay ku taallaa badda xeebteeda, waxaa dhex mara tog wayn oo buuraha ka soo rogmada, waa magaalo qadiim ah. Markaan baarnay dhaqamadii ka jiri jiray waxaan helnay raadad hore ama maamulo hore oo waxbarashadoodu ahayd Carabi, waxay wax ku qori jireen farta Carabiga. Dhismaha magaalada waa dhisme qadiimi ah. Waxaa dagganaa dad aan badnayn. Magaaladu waxay u qaybsanayd laba xaafadood oo toggu dhex maro. Waxaa ku taallay warshaddii kalluunka oo aad u wayn. Dhanka warshadda ayaan dagnay oo ay ku yaaleen guryihii dawladda ama xafiisyadii maamulkii magaalada.

Magaaladu waxay ku taallaa meel istaraatiiji ah, uma baahna difaac farabadan inta nabadda la yahay. Waxaa soo gala saddex waddo. Mid waxay kasoo gashaa dhanka gabbal u dhaca ee xigta magaalada Ciirogaabo. Midna waxay ka soo gashaa dhanka koonfureed oo buurtu naga xigto. Midna waxay ka soo gashaa dhanka bari oo reer Barigu naga xigaan ama tuulada la yiraahdo Durduri. Dhanka waqooyi waxaa naga xiga badda oo magaaladu badday saaran tahay.

Wadda walba oo waddooyinkii kamid ah waxaa la dhigay ciidan xoog leh oo Ilaahay kaalmaystay waxay arkaan oo cadow ahna dhagaha u laaba, waxaana la galay nasiino dheer iyo in laga sheekeeyo wixii nalagu falay!

Shirar baa la galay lagu gorfaynayo bey’adaan cusub ee la yimid qaabka aan ula dhaqmi lahayn, waxaa lala tashaday dadkii deegaanka. Magaalo walba oo khayr lagu tuhmayay waxaa loo diray wufuud. Waxaa la diray sahamo joogto ah oo soo kormeera dhammaan meelaha la isleeyahay cadow baa kasoo dusi kara. Intaas oo hawl ah ee la qabanayo waxaa culayska howlahaas la wareegay qabiilkii Aadam Siciid oo aan u kala harin culumo iyo caamaba.

Ikhwaanku ma illaawi doonaan laba qolo wanaaggay noo galeen Ilaahay baana abaalkooda gudi doona. Waa Bah-Ararsame iyo Aadam Siciid. Aadam Siciid waxay sameeyeen siday sameeyeen Bah-Ararsame oo waxay na siiyeen xoolohoodii, waxay nasiiyeen xooggoodii, waxay na siiyeen walahoodii ama kalsoonidoodii oo barax la’. Allow idin xifdi adinka iyo ciddi Islaamka wax tarta.

Waa niman dhulka ku dhashay oo geed geed u yaqaan,  waxayna ka hortagi jireen wax kasta ama meel kasta oo cadow kasoo dhuuman karo. Waa yaab! Ma taqaan cadowga Aadam Siciid naga waardiyaynayo? Waa Majeerteen! Maxaan ka wadanaa? Way na laayeen, way na furteen oo waxaan nahay cayr fara madow, Badday nagu shubeen saan u cararaynay. Maxay naga rabaan dhul ay naga xoreeyaanba ma harin oo waxaan maraynaa badda dhexdeedii? Daandaansi ina-Aadanaa loogu dowgalay. Yaa ka dambeeya qabiilkaan nalagu salladay? Maxayse ku qanci karaan? Goormuu dhammaanayaa dagaalkaan Ikhwaanka lagu baacsanayo? Waxaas oo su’aalo ah way imaan doonaan jawaabahoodu inshaa Allaahu.

Markii nabadgalyadii la sugay oo waddooyinkii xalaal noqdeen ayaa waxaa billowday in dadkii meel kasta isaga yimaadaan haba u badnaadeen dumar. Meeshii Laasqoray ahayd waxay noqotay magaalo cammiran. Waxaa meel kasta nooga yimid dad doonaya in ay nolosha nala qaybsadaan dibad iyo daakhilba. Waxaa yimid muhaajiriin meelo fogfog ka yimid oo diyaar u ah in ay naftooda iyo maalkooda ku bixiyaan Manhajkaan nalagula dirirayo culumo iyo caamaba. Waxaa yimid rag tababbarayaal ah oo laga faa’idastay diin iyo duunyawba.

Ciidankii bay dhiseen muruq iyo maskaxba. Waxaa noo yimid maraakiib ay ka buuxdo raashin noocyo kala duwan leh. Waxaan diyaarsannay ayraboor diyaaraduhu noogu soo dagaan. Markabkii ugu horreeyay waxaa la socday oo aan filayaa in uu mas’uul ka ahaa nin lagu magacaabo Cabdirashiid Ilka-Dhagax. Wuxuuna keenay badeeco si fiican u deeqday miyi iyo magaalaba dadkii joogay ama reer Laasqoray maca dadkii baaddiyaha dagganaa.

Tababbarayaasha waxaan ka xasuustaa nin lagu magacaabi jiray Abuu Cumar oo kun nin oo annaga ah ka qayma badnaa. Abuu Cumar wuxuu soo saaray rag birta calashada intii ay joogeen Laasqoray haddase piizada calashada in yar oo Ilaahay u naxariistay mooyee. Waxaa nagu ta’athuray ama nagu dayday markay wanaaggayagii arkeen magaalooyinkii colaadda nala dhex dhigay iyo shacabkii loogu sheekeeyay nimanka iska dhiciya oo ka saara magalooyinkiina khayr maleh oo waa Khawaarije iyo wixi la mida.

Dadkii waxay arkeen dabacsanaantayada iyo diin wanaaggayaga deeqsinimadu u dheertahay. Waxayna isaga yimaadeen bari iyo galbeed. Hal qiso ayaan kasoo qaadanayaa ragga Boosaaso kasoo hijrooday ee Laasqoray noogu yimid, waliba aan gaadiid soo raacine soo lugeeyay asaga iyo xaaskiisaba. Walaalku asagaa ii sheekeeyay oo wuxuu ku billaabay sheekadiisii sidaan, “Waxaan ka mid ahaa raggii Boosaaso ku laayay Ikhwaanka, waxaan wadaaddadii ka dhignay mid la dilo iyo mid carara. Anoo raadsanaya wax aan nafta ka gooyo oo Ikhwaan ah ayaa waxaa iga horyimid naag mashxaradaysa ama alalaas, waxayna kor ugu qaylinaysaa ‘War nimanka laaya war nimanka laaya. Maantaan xoroobay maantaan xoroobay!'” Naagtu waa naagaha lagu sheego caariyaadka ama dharka khafiifka ah qaata oo asagu wuxuu iigu tilmaamay in ay ahayd naag markaas qaawanayd waxaanse u fahmay in uu kawado waxay ahayd caariyaad. “Waxay kor ugu dhawaaqday magacaygii oo waxay tiri, ‘Hebalow nimanku yay idinka baxsan!’ Waxaan fahmi waayay waxay ka waddo waan xoroobay, waan wayddiiyay, maxaad ka xorawaday ayaan ku iri? Waxay tiri, ‘Tan iyo intii Ikhwaanku Boosaaso yimaadeen Xijaab ayaan qabay!’ Waxaan ku soo laabtay gurigaygii, xaaskii baan waxaan usheegay in meesha Islaamkii ka tagay ee ina keen, gacantaan soo qabsaday xaaskaygii, waxaan lug ku soo galnay Laasqoray.” Ninka qisadaas iiga sheekeeyey waxaa la oran jiray Cabdullaahi Xaaji, waa nin u dhashay qabiilka Warsangali, wuxuuna noqday nin aad looga faa’iidaystay khibradduu u lahaa dagaallada, Ilaahayna waa sugay, muddase kama warqabo wuxuu ku dambeeyay. Waa rune rumayso.

Magaaladii waxay noqotay magaalo cammiran oo loosoo dalxiis tago, nabadgalyadeeda, manhaj wanaaggeeda, ilbaxnimada dheeraadka ah ee ay dadkii diidsanaa ku dajiyeen oo ay ku kasbadeen shacabkii. Ilaahay baa ku mahadsan thumma Ikhwaanku wuxuu u badnaa ardaydii jaamacadaha iyo bulshadii intii aqoonta lahayd. Waxaan sharkoodii ka gaabin reerihii nala dabadhigay, waxay nasoo duldhigeen ciidamo ay meel walba isaga keeneen oo xataa Amxaaro ku jirto.

Maalin walba waxaa lasoo sheegaa ama halowhalowga laga dhagaystaa ayagoo leh Ikhwaanka “intii hartay waa go’doon, waxaana ku soo qabandoonnaa muddo yar. Waxaad noo diyaarisaan ama noo bannaysaan bakhaarrada waawayn ee ay Ee.Dhii.Sii lahayd si aan carruurta iyo haweenka ugu soo xerayno wixii rag ahna waan layn doonnaa. Noo diyaariya raashin iyo biyo.” Akhristow annagu waxaan ku fakaraynaa in aan dadka diinta gaarsiinno dadkuna waxay ku fakarayaan in ay xabbadda na garsiiyaan! Dadku ma sinna oo qolo walba waxaa sheegi taariikhda waxay galeen iyo waxay gudeen intaba.

Su’aalihii aan soo marnay waxay ila tahay aan fiirinno in aan halkaan jawaab uga helno. Majeerteen waa aabbayaashay oo waa hooyooyinkay oo waa walaalahay oo cadowtinnimana nagama dhexayn. Hanti kama wadanno duullaankana waa lagusoo amray in ay nagu soo qaadaan, waxaana lagu yiri, “Ha yeelina wax waan-waan ah, yoolkiinnu waa in aad nimankaas soo dabar jartaan baddaba ha tallaabeene oo hadday badda galaan uga dabagala oo soo baabbi’iya,” waana kaas yoolkoodu.

Yaa ka dambeeya shirqoolkaas?

Waxaa ka dambeeya laba qolo: Qolo waa ciidan oo waxay fuliyaan amar la siiyay ama sarkaal ha ahaado ama dable ha ahaado, askariguna wuxuu ku shaqeeyaa amar kor uga yimid. Qolada kale waa wadaaddo ama culumo.

Ciidamada saraakiisha wadata waxay qaandaraas kusoo qaateen in lala dagaallamo wadaaddada doonaya in ay soo celiyaan Khilaafo Islaami ah. Mudday la aamusnaayeen oo waxay gaadayeen jaanis mar soo mara. Sababtu maxay tahay barnaamijkoodii la fuli waayay? Dadku waa dad Muslim ah, gaalana xiriir lama laha, diintooda in lagu xadgudbana dhimashay ka xigaan.

Waxaad u fiirsataan Ashahaado la dirir kastaa hadduusan wadan kuwo culumo sheeganaya wallaahi buusan tallaabo qaadi karin. Ha illaawina wixii Garoowe ka dhacay ee uu sameeyay Shiikhii la aaminay. Qof Muslimiintii la dulmiyay kamid ah kuma fakarin waxa Shiikh Cabdiqaadir sameeyay kamana filanayn in ay ka timaaddo ficil intaas le’eg wadaadkii na dhihi jiray dulmiga ka fogaada. Waa nagu dhacday taasi mase aanan baraarugin. Waa Ikhwaanka iyo dhoohnaantiisii.

Fatwooyinka iyo kalsoonida juhaladu ku dhiiranayso laguna fulinayo qandaraaskii ay soo qaateen Ashahaado la dirirku waxaa bixinaya waa culumada uu madaxda u yahay Shiikh Cabdiqaadir Gacamay. Shacabkana waxaa lagu yiri diintiinna, batroolkiina, dheemankiina, xukuumaddiina difaacda oo nimankaas fidna walayaasha ah baabi’iya, god walbana ugu gala illaa aad ka suulisaan Soomaaliya gaar ahaan deegaannadiina.

Gardarrada day!

Waa daasheen anna xanaaq bay igala caddahay marka si aanan u kala harin xoogaa sheeko ah ayaan idiin dhexgalin, meesheediina waan kasii wadi sheekada oo caawa la nasan maayo, maxaa yeelay cadowgii baa nagu soo laba kacleeyay hurdo nooma taal.

Sheeko Gaaban

Nin Raxanwayn ah ayaa maalin xoolo foofsaday, waxaa raacay xoolihii wiil uu dhalay. Mid kale oo isla cidda ah ayaa isna xoolo foofsaday, waxaa u raacay xoolaha gabadh uu dhalay. Labadii carruur ahayd ayaa sheedda iska arkay, gabadhii waa xishootay oo way ka fogaatay wiilkii, wiilkii hunguri baa galay in uu gabadha faraxumeeyo. Waa labo qof oo isboortis ah illayn reer baaddiyuhu kama liitaan kuwaan isboortiska loo tababbaro. Fooddaa la isdaray, gabadhii dhulkaa la dhigay, wuxuu damcay in uu xumaan ku sameeyo, lug bay inta hoosta ka galisay wiilkii ayay halkaas oo kale ku tuurtay.

Kor fiiriya erayga ah gardarrada day. Gardarrada day ayaan rabaa in aan sheekadaan kasoo dhex saaro.

Gabadhii baa aabbeheed u soo dacwootay, waxayna u sheegtay waxa dhacay. Wuxuu u yimid ninkii wiilka dhalay. wuxuu u billaabay wixii dhacay. Raxanweyntu markay is waraysanayaan way iska war guraan. Wuxuu yiri wiilkaagii gabadhaydii ayuu ku soo booday, wuxuu yiri “Gar!” oo wuxuu ula jeedaa waad iga gar leedahay. Wuxuu yiri gabadhii buu lagday wuxuu yiri “Gar!” Wuxuu yiri korkuu ka fuulay wuxuu yiri “Gar!” Wuxuu yiri lug bay inta hoosta ka galisay ayay tuurtay wuxuu yiri “Gardarrada day!” Wuxuu ula jeedaa adaa markaan gartu kugu foorartaa oo wiilkaygii ayaa gabadhaadii haraati la tuurtay!

Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax gar buu u ekaysiin lahaa hadduu yiraahdo dad baad dulmi ku qabsateen dhulkoodiina ku habsateen markaasaan idinka sii daayay ee maxaad igu haysataan? Gar baan leeyahay. Hadduuse baddii guduudnayd nooga dabayimid oo fatwo ku bixiyay isaga iyo saaxiibbadiis oo ay dheheen Ikhwaanka dhiiggooddu waa hadur (hala laayo) waxaan leennahay “Gardarrada day!”

Fiiro Gaar ah: Waxaa laga yaabaa in la igu qabsado erayga Fatwo ama Shiikhaa fatwooday oo la dhoho, “Xagee buu ku fatwooday? Caddee arrintaas,” iyo wax la mida. Waxaan uga jawaabayaa laba arrimood.

  1. Shiikhu maba qarsado in uu asagu ka dambeeyay halaaggii Al-Itixaad.
  2. Waxaan taagnaa ficilkiisii uu Garoowe ka sameeyay oo nalagu dhammeeyey meel uu uga toobad keenayna ma maqal. Qalbigiisa waxa ku jira waxaa og oo kaliya Allaah, ficilkiina waxaa og Allaah iyo addoommadiisa, kuwaasaana ka mid ahay arkayey wuxuu sameeyay. Walaalayaal maanta loo kala hari maayo in aan ka hortagno Axbaashtaan lasoo uruuriyay, u dulqaadan mayno dulmi dambe qofba yuu naga harine.

Soo qaata qalabkiina, qola waliba furinteeda
Quursiga ha yeelina, Qadartana ha diidina Eebbahay idiin qoray
Cabdullaahi Kharaf iyo qoladuu halkaan dhigay soo quwaaxa idilkood
Waa quud wanaagsane qaniimana kasoo hela
Shafqabawsi bay noqon shaafida wixii dhacay
Shuyuukhdii la aaminay Shaydaanku nugu falay
Fasharrid man khalfahum ha u noqoto shacabkana.

Qeybta 16aad

Bismillaahi wabacdu. Waa qormadeennii 16aad. Waxaan aad iyo aad idiinku mahadinayaa sida wanaagsan ee aad ula socotaan taariikhdaan mudnayd in la xuso. Aniga waxay ii tahay dhiirragalin la-socodka aad la socotaan taariikhdaan, adinkana waxay idiin tahay cibro iyo xogwarran. Waxaan kaloo u mahadnaqayaa walaalaha u taagan in ay i saxaan haddii aan wax isku khaldo ama hilmaamo.

Fiiro Gaar ah: Nasiixo ama tusaalayn
Waxaa iga talo ah nimanka diiddan waxaan dhacay in la sheego ama la qoro jariimadii laga galay Mujaahidiintii hilbahoodii loo waray haadda ee aan goobjoogga u ahaa anigu. Ragga diiddan in laga sheekeeyo taariikhdaas madow. Ha ka fiirsadaan tallaabada dambe ee ay soo wadaan, hana ogaadaan wax alla waxay sameeyaan in Malaa’iktuna qorayso taariikhda, banii-Aadamkuna qorayso!

Haddaad rabtaan in wanaag la idinka sheego la imaada wanaag asagoo aan is-tustus ahayn ee ay dhab idinka tahay. Wixii qalbiga ka dhaca Ilaahay baa og oo kaa abaal marin, wixii jawaarixdaada ka dhacana banii-Aadamkaa arki oo kugu qabsan kaana abaalmarin. Qaylin ogaa la ismaba gaarine!

Horaan uga dardaarmay in aan cagaftaan kaxaynayo wixii ka hor yimaada ay xaaqayso. Waxaan ballanqaadi in aanan cida ku been abuuran, wixii khalad ah oo iga dhacana Ilaahay baan uga toobadkeeni xaal marinna waan ka bixin haddii xaq la igu sheegto, been-abuur ama dulmi.

Aan ku noqonno hawdkii aan ku kala firirnay.

Waxaan kala tagnay ayadoo ciidankii Al-Itixaad kala firdhay oo u baahan yahay in meel la isugu aruuriyo, waxaan ku tashannay in la aado carro Dhulbahante oo loo malaynayo in ciidankii xaggaas u firxadeen badankoodii. Waxaan isku ogayn in ciidanka barax laga dabaqaado si loo dabiibo kooda dhaga barjoobay.

Ciidankii Al-Itixaad markii laga itaal roonaaday waxay u qaybsameen saddex qaybood: Qaybi waxay u fiigtay dhankaa iyo carro Dhulbahante, qolo waxay noqotay kuwo meeshii lagu dilay, qolana intay qoryihii xooreen ayay dadkii qabaa’ilka ahaa iska dhex galeen. Waxaan ka mid noqday raggii u tacabiray dhankaa iyo carro Dhulbahante. Waxaan gaadhnay magaalada Laascaanood saddex habeen iyo saddex maalmood kadib oo aan soo lugaynay illaa Garoowe.

Waxaana halkaas isugu yimid ciidankii intii ka badbaaday in la gumaado iyo kuwii ka badbaaday in ay tolkood dib ugu noqdaan ama qabiilkii iyo qabyaaladdii xumayd. Kuwaasaa ugu taloxumaa! Ilaahow hanoo celin xumaantaan kasoo baxnay iyo in aan hoggaamiye kooxeed amiirul mu’miniin ka dhiganno. Faroole ayaa sheegtay jagadaas, culumaduna (Ictisaam duqowdiisii) waa u tasdiiqiyeen, una oggolaadeen.

Yaa noo miciin ah oo nasoo dhawaynaya? Illayn waxaan noqonnay agoomo aabbahood la  dilay oo waxaa naga shihiiday dhammaan saraakiishii iyo culumadii ciidanka hoggaaminaysay intii waxtarka ahayd ama qiyaadadii.

Walaalayaal dadka nalaga laayay waxaa dhammaaday wakhtigii Ilaahay ugu talagalay in ay noolaadaan, waxaase laayay oo sabab u noqday in la laayo oo goolka salaxay ninkii walaalkood ahaa xagga manhajka sidii la moodayay, shiikhoodii ahaa sidii la moodayay, waaya aragga ahaa sidii loo qabay, naasixa ahaa sidii loo qabay, al-Walaa wal-Baraa la moodayay in uu fahmay aanse fahmin. Lamamood noqonse wayday.

Waxaa raggaas iyo dowladday wateen baabi’iyay saddex nin oo aan hubaysnayn saan horayba u soo sheegay! Wuxuuna ahaa hubka ay wax ku gumaadeen, “Talada culumada ha loo daayo oo ha looga dambeeyo ayagaa yaqaan masiirka ummadda adinku ma taqaanniin!” Waxaan Ictisaam ka ahayn wax ma oga!

Waxaan shaki ku jirin in ay tahay in culumada looga dambeeyo talada iyo hoggaaminta shucuubaha Muslimiinta ah dhammaantood, waase goorma marka looga dambaynayaa talada ummadaha Muslimiinta ah in ay u taliyaan culumadu? Waa markay mukhlisiin yihiin, oo ay baraa’a ka qaataan gaalada. Waa markay walahooda siiyaan Muslimiinta.

Waa markay qabyaaladda ama casabiyyada bari ka noqdaan  ama ka dheeraadaan, waa markay qabiilkooda khayrka ku raacaan sharkana uga digaan, waa markay yihiin rag u diyaarsan in ay xuduudaha Muslimiinta ka difaacan gaalada kusoo duushay iyo wixi la mida. Ciddii dood ka qabta arrintaas ha ila soo xiriireen. [abuuibraahim@gmail.com]

Raalli iga ahaada waan xanaaqay oo waxaa ii muuqday culumadii aan aamminnay say noo khiyaameen oo (noolaayeen) tolkoodna u badbaadiyeen (maxaabiistii uu kamid ahaa Cabdullaahi Yuusuf iyo kuwa la mida) walina  waa noo ciil qabaan intayadii ka fiigtay. Inteenna badani ma oga waxa lasoo maray iyo waxa ay damacsan yihiin dhagar qabayaashii na dhabar jabiyay walina aan ka waantoobin dhagartii ay ku dhammeeyeen (xuffaaddii) iyo khiyaamadii dowladdii Al-Itixaad Al-Islaami loo gaystay inteedii hubaysnayd (Mujaahidiintii).

Aan ku noqonno Laascaanood. Waxaa magaaladii Laascaanood ahayd ku soo ururay ciidan aan yarayn laakiin daallan oo hubkii lagasoo furtay niyadjab ballaaranna ay udheertahay.

Muuqaalkii Magaalada Laascaanood

Waxaa magaalada joogay Sarkaal ka mid ahaa saraakiishii dagaalkii 77 jabisay dowladdii Itoobiya. Ninku sarkaal kaliya ma ahan waa nin sheekh ah, geesi ah, aftahan ah oo aad mooddo in loogu talagalay ciidammada jabay in uu soo nooleeyo muraalkooda iyo macnawiyaadkooda. Wuxuu aruursaday dhalinyaro aan ka xusi karo Shiikh Cabdiraxmaan Abyad oo markaas nin yar ahaa kana mid ahaa raggii dacwada ka waday magaalada Laascaanood ahaana raggii ugu firfircoonaa dacwada.

Waxaa nala dajiyay meel naloogu sheegay in ay ahayd meeshii lagu dilay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharma’arke. Waxaa naloo fidiyay gargaar kii ugu fiicnaa oo la isugu gargaaro, xagga maalgalinta iyo xagga macnaawiyaadka intaba. Shiikha waxaad mooddaa in uusan daalayn oo gaajoonayn oo haraadayn. Arki maysid asagoo xanaaqsan ama wax dhibsanaya.

Mar wuu na kulmiyaa oo muxaadaro ayuu noo qabtaa, mar waana kaxeeyaa oo wuxuu na saaraa buuraha magaalada ku wareegsan markaasuu marna naga dajiyaa buurta marna na saaraa meesha ugu sarraysa buurta. Mar raashin ayuu naga dharjiyaa markaasuu dhahaa nasta oo seexda. Magaalada waxaa jooga cadow aynaan tabar u hayn ayaguna aysan ku dhicin inay na taabtaan, maxaa yeelay meeshu waa magaalo Dhulbahante maamulo. Raggii Garoowe oo aan kasoo firxannay ayaa naga soo daba diray ergo u socota Dhulbahante oo laga codsanayo in aan nimankaas (Mujaahidiintii wixii ka haray) la magan galin ee inta la qabqabto loo soo celiyo dhankaas iyo Garoowe xaggiisaa si ay abaalkooda uga waraabiyaan reer Garoowe, waana talo reer Garoowe u dhammaayeen culumo iyo caamaba in Ilaahay u naxariistay mooye.

Sarkaalkaanu wuxuu sameeyay arrin aan dhibsanaynay oo aannaan xamili karin siday nala ahayd iyo daalkii na haystay, waxayse noqotay nasri Ilaahay sarkaalka fahamsiiyay (takhdiid milatari oo daqiiq ah).

Takhdiidku wuxuu ahaa: Shiikha ayaa intuu noo xiray dhar tuute ah oo cusub oo isku midab ah ayuu magaalada hadba dhinac naga soo galiyaa markaasaan dhinaca kale uga baxnaa oo hadba buur fuulnaa midna kasii dagnaa, magaaladii daawashay u soo baxday waxayna yaqiinsadeen ciidankaani in uu yahay ciidan cusub oo gurmad ku yimid.

Qoladii lahayd ha naloo soo dhiibo raggaan naga soo baxsaday iyo munaafiq oo dhan markay arkeen ciidankaan waxaan oo boor ah kicinaya ayay kala carareen oo is dheheen, “Wallee nala qabay ee cagaha wax ka daya!” Haddaba aan kuu sheego magaca Shiikha waxaas oo takhdiid ah keenay. Waa Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed “Abuu Muxammed” (xafidahu-llaahu, Aamiin Aamiin).

Abuu Muxammed waa nin baryar, wuxuu leeyahay af qurux badan oo ay ku wareegsan yihiin ilko cadcad oo fanax kore leh, markuu muxaadaraynayo waxa aad jeclaanaysaa in aad afkiisa fiirisid maxaa yeelay hadalkiisu wuxuu u badan yahay amaba uu wada yahay  xikmad, markuu hadlayo wuxuu kor uqaadi jiray gacanta midigta ah, markaasuu wuxuu taagi jiray farta loo yaqaan murugsatada.

Fartu way yara go’an tahay oo sida aan maqlay dhaawac ayaa ka gaaray dagaalkii 77dii, sidaas daraaddeedna waxaa Shiikha lagu naanaysaa Shiikh Cabdinaasir Farey markaas ayaa iigu horraysay waxaanse wada shaqaynay muddo badan oo waagaas ka dambaysay. Waan wada galnay dagaallo culus.

Mahad celin ballaaran oo ku wajahan reer Laascaanood:

Waxaan la ilaawi karin wanaaggii ay noo galeen reer Laascaanood xilligaas, kulligoodna waxaan u soo jeedinayaa ammaan ay mutaysteen xilli rag ceeboobay amaba qabaa’illo farabadan! Waxaan si gaar ah uxusayaa beesha Bah-Ararsame. Bah-Ararsame waxay na dajiyeen guryahoodii oo nooga bexeen, baraagahoodii oo xareeddu ka buuxdo ayay daboolka nooga qaadeen, xoolohoodii ayay noo loogeen, ciidan bay na duldhigeen waardiye naga ah intaan daal tiranaynay ama aan nasanaynay (daal tirasho).

Bah-Ararsame waxay leeyihiin Garaad haybad badan oo ay ka dambeeyaan, asna ka fogaaday waxyaabaha eeddu ka imaan karto. Wuxuu ku dadaalay wixii dadkiisa iyo diintiisa waxtar u ahaa. Reerka waxaa Laascaanood looga yaqaannay ma dareemin. Waxaa la ii sheegay in ay magacaas ku dhajiyeen Dhulbahante intiisee kale, sababtuna waxay ahayd: Waxay diideen in ay ka qayb qaataan dagaalladii ahliga ahaa ee ayaga iyo Soomaalida kale dhex marayay xilligii ay dhacaysay dowladdii Maxamed Siyaad.

Markaasaa waxaa lagu xantay dammanaan, ayaguna waxay kaga jawaabeen, “Daneennaye dambaanaan kalahayn!” Yacnii waan ognahay mase galayno dagaalka baadilka ah. Waxaa noo yimid gurmad fara badan oo ka yimid ilaa Itoobiya. Saad ogtihiin Goday waxaan ku soo marnay ciidan xoog leh oo fadhiyay meeshii la oran jiray Halooyo. Waxaa noo yimid ciidan uu hoggaaminayo Sarkaal sare. Waxaan isla helnay ciidan xoog leh. Waxaan laba saldhig oo waawayn ku yeelannay carro Dhulbahante meesha lagu magacaabo Kalabayr oo dagaan u ah Bah-Ararsame iyo Laascaanood dhexdeeda. Ciidankaasi (Halooyo nooga yimid) markii uu maqlay siday noo jareen reer Garoowe iyo culumadii gobolku in yar oo Ilaahay u naxariistay mooyee ayay soo dhaqaajiyeen waxayna noogu yimaadeen Laascaanood. Ciidankaas waxaa hoggaaminayay Halyeygii Shiikh Mustafe Carab (taqabalahu-llaahu maca abiihi). Aabbihiisaa meel kula shihiiday inshaa Alaahu tacaalaa.

Muuqaalka Boosaaso iyo Barigii Siday Noo Galeen

Boosaaso markay ogaatay in lasii daayay madaxyawayntoodii ayay Ikhwaankii oo raba in ay magaalada ka baxaan weerar dhan walba ah kusoo qaadeen. Ciidankeena  Boosaaso ku sugnaa waxay ka koobnaayeen: Taliskii ama saraakiishii maamulka ugu sarraysay, ciidamo caadi ah oo loogu talagalay in ay ammaanka taliska sugaan ama ilaaliyaan, dumar iyo carruur fara badan oo ahaa muhaajiriintii koonfur ka timid iyo kuwa kale oo ku biiray intii Boosaaso la yimid waxayna noqdeen magaalo dhan oo tiri waan qaxaynaa. Xaggay gaari karaan? Allaahumma sallim, sallim!

Wadaaddadu ma rabaan in ay dadka laayaan oo waxay miciin bideen in ay cararaan oo ka baxaan carro Majeerteen ilayn xukunkii Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax riday ama maxkamaddii ayaa sidaas ahayd oo xukunku waa nagu wada dhacay haddaan nahay Ikhwaankii gobollada Bari xoogga ku qabsaday (siday maxkamaddu qabtay) meel aan joognayba (Mujaahidiintii) dadkuna dhiiggayaga ayay u ooman yihiin in ay daadiyaan oo ehelnimo iyo diin toonna laguu dhaafi maayo! Annaguna ma rabno in aan baadil ku dilno. Man qutila duuna maalihii wa nafsihii fahuwa shahiid ayaa noo furan. Taas xittaa Ictisaam waa nagu inkirsanyihiin!

Waa taan soo marnay Garoowe waxay nagu samaysay, ayadaana lagu dayanayaa oo waxaa banneeyay dhiigga Ikhwaanku in uu hadur yahay daaciga wayn iyo culumadii mustashaariinta u ahayd. Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax, Codwayn iyo Cali Xaaji iyo wixi la mida. Waxaa kaloo amarka baxshay madaxwaynihii tolka Cabdullaahi Yuusuf oo yiri ha ka shakiyina in aad laysaan Ikhwaanka, ninkii kun dilaa ajar wayn buu leeyahay ninkii nin dilaana ajar yar buu leeyahay, saasna waxaa noo sheegay ayuu yiri culumadayada. Odayaasha Ictisaam waxay qabaan in Mujaahidiinta Soomaaliya ka dagaalamaysaa ay yihiin Khawaarij!

Nebi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam) wuxuu noo sheegay in Khawaarij loo laayo sidii Caad iyo Thamuud. Wuxuu yiri, “Ninkii soo gaarow haka shakin dilkooda. Qofkii laayaa wuxuu helayaa ajar farabadan,” hadal sidaas oo kale ah ama udhow. Cabdullaahi Yuusuf, Cadde Muuse, Riyaale, Siilaanyo, Shariif Axmed, Faroole iyo wixi la mida, waxaa culumo u ahaa waagaas haddana wali u ah oo xalaasha iyo xaaraanta usheega, kan dhiiggiisu bannaanyahay iyo kan la badbaadinayo oo walaalkood ah (culumada Ictisaam).

Ma run baa in Mujaahidiintu Khawaarij yihiin?

Hadalkaasu hadal sahlan ma ahan. Waana tan keentay in Mujaahidiinta dhiiggooda shacabku bannaysto iyo ninkii jago raadis ahba sida Suufiyada, Hoggaamiya kooxeedka iyo Ictisaam laftooda. Fiiri Axmed Madoobe, Ibraahim Dheere iyo wixi la mida. Waa culumadii ama odayaashii Ictisaam ugu waawaynaa. Ibraahim Dheere wuxuu samaystay ciidan lagu magacaabo Niyuu Boolis oo gaaladu aad uhubaysay, wuxuuna ballan qaaday in uu Mujaahidiinta ku gumaado waana socdaa gumaadkii oo wuu kaga dhabeeyay. Dhagayso waraysigiisii Catoosh uu ka qaaday iyo siduu uga jawaabay oo aan leexleexadka lahayn, geesi caddaystay.

Axmed Madoobe ma cid baa shaki uga jirtaa weerarkuu habayn iyo maalinba ku hayo Wilaayaadka Islaamiga ah ee Jubbooyinka iyo Gedo? Waxaa udambeeyay oo uu ku xasuuqay Dhoobley Muslimiintii Kitaabka Ilaahay hoos harsanaysay iyo Mujaahidiintii tuugta iyo gaalada ka hortaagnayd. Wuxuu watay oo magaalada ku qabsaday diyaarado, taangiyo iyo ciidan Kiristaan ah oo ay taageerayaan murtaddiin gaalada la bahowday oo Dir iyo Daaroodba leh.

Axmed Madoobe markuu furinta ku dhibtoodo wuxuu ku daaltirtaa dhismaha wayn ee Nayroobi ku yaal oo ay leeyihiin Al-Ictisaam (Islii Mool). Wuxuu dhaawaca gaystaa cisbitaallada ugu waawayn ee ay Keenya leedahay. Waxaa saanadda iyo rasaasta siiya dawlado waawayn sida Maraykan, Itoobiya, Keenya iyo wixi la mida. Mar kasta oo uu dagaal qaadayo wuxuu la tashadaa Golaha Shuurada Al-Ictisaam ayagaana ku dhiirri galiya in uu waddanka ka sifeeyo Mujaahidiinta doonaya in ay Kitaabka Alle kor yeelaan iyo ehelkiisa. Ma taasaa shaki kaaga jiraa?

Ummadda Soomaaliyeed ee ku wareersan wadaaddadaan islaynaya aan idiin sheego waxa meesha yaalla oo run ah.

Mujaahidiintu waxay qabaan in dhiigiisu bannaanyahay Islaamnimadiina uu ka baxay qofkii gaalo kusoo duushay Muslimiinta soo raacaa oo safkooda soo gala. Waqti kuma xirna dad gaar ahna ma khusayso qofkii sifadaas laga helo wuxuu qaadanayaa xukunkaas isaga ah. Waana arrin Qur’aankuna ka hadlay sunnada Nebi Muxamedna (sallallaahu calyhi wasallam) ay ku caddahay. Muslimiinay hala baaro arrintaas ayadoo aan qolana loo eexanayn ee xaqa la raacayo. Maktabadda taga.

Al-Ictisaam muxuu ka aaminsan yahay Mujaahidiinta?

Odayaasha Ictisaam iyo qaybtooda hubaysan waxay ula dagaalamayaan Mujaahidiinta waxay ka aaminsanyihin in ay yihiin Khawaarij dilkoodu bannaan yahay. Waxay kula dagaallamaan ciidan hubaysan iyo xabbad, waxay kula dagaallamaan cunaqabatayn dhaqaale, waxay kula dagaallamaan borabagaando (tashwiish), waxay u kaalmaysteen dagaalkooda gaalo sida Maraykan, Itoobiya, Keenya, Buruundi, Ugaandha, Jabuuti iyo gobollada ay ka taliyaan hoggaamiye kooxeedku sida gobolada Waqooyi Bari (Boosaaso) iyo Waqooyi Galbeed (Hargaysa). Wallaahi ninkii wax kale sheega oo taas ka tagaa been buu sheegay daawo raadisna ma ahan ee wuxuu rabaa in dagaalku sii socdo. Muslimiiney hala baaro in ay Mujaahidiintu khawaarij yihiin iyo in kale. Maktabadda hala tago.

Cafwan aan Boosaaso ku noqonno iyo baqadirirkii Ikhwaanka

Wadaaddadii waxay u carareen dhankaas iyo carro Warsangali, reer Boosaasana gacantaa daashay say u laynayeen Ikhwaankii ay salaaddii subax ku daba tukanayeen ama ay mas’alooyinka diiniga ah wayddiinayeen. Wadaaddadii way baqo dirireen waxaana soo gaaray jab wayn. Wixii ka harayna waxay gaareen carro Warsangali. Waxayna galeen meesha lagu magacaabo Saliid.

Saliid waxay ku taallaa buur aad u dheer salkeeda, dhanka Bari waxaa ka xiga tuulo lagu magacaabo Durduri, dhanka qorrax u dhacana waxaa ka xiga magaalada Laasqoray, dhanka koonfureedna waxaa ka xiga buuro Ilaahay og yahay intay le’egyihiin waynankooda, dhanka waqooyina waxaa ka xiga badda.

Meeshay galeen waxay leedahay dhir waawayn oo la harsan karo laguna dhuuman karo, waxay leedahay biyo iska qulqulaya har iyo habeenba, waxay leedahay hal irid ah oo lagasoo galo inta kalana waxaa ka xiga buuro iyo togag waawayn oo aan si sahlan lagu soo gudbi karin difaac adagna way xirteen.

Halkaas ayey carruurtii iyo haweenkii gashadeen raggiina iridday kala fariisteen qoryahoodii oo aan rasaas badani ugu jirin. Foodda ayaase la galin waayay oo waxay noqdeen libaax daalay dirirtiisaa loo tagaa. Nin geeri utaaganu yuu ku dilin.

Majeerteen meel kasta ayuu isaga habarwacday, Daaroodka wax alla wixii iimaanlaawe ku  jiray waa yimeen, Xabashi baa loo yeertay. Lix bilood iyo wax ka badan ayaa go’doon lagu hayay oo meel walba laga fariistay. Waxaa lagu soo qaaday weerarro isdaba joog ah, mid kastana Ilaahay baa jabinayay oo guusha waxaa helayay dadkaan la dulmiyay oo carruurta iyo haweenka u badan.

Maxaa ka maqan Majeerteen oo ay u dabasocdaan Ikhwaankaan hadday dhulkoodii uga soo baxeen? Aaway Guddoomiyihii maxkamadda iyo xeer ilaaliyihiisii dadkaan kala xukumay? Ikhwaanka waxaa dambi looga dhigay laba arrimood.

  1. In ay dhulka Majeerteen xoog ku haysteen.
  2. In ay weerar gardarro ah ku qaadeen ikhyaartii cidda oo shir ku jirtay oo qaarna laayeen qaarna maxaabiis ahaan loo soo qabtay.

Hadday dad laayeen ayagiina waxaa laga laayay toban jibbaar dad dhan baa laga laayay, hadday maxaabiis qabsadeenna waxaa laga qabsaday maxaabiis farabadan, waxaa lagu xukumay in ay ka guuraan carro Majeerteen waana ka guureen maxaa loo dabasocdaa? Waxaas oo su’aalo ah waxaan u daynayaa akhristayaasha oo aniga hawl baa ii taal oo Laascaanaan ku noqonayaa.

Waxaa naloo iclaamiyay in aan safar dheer gali doonno, waxaa nala faray in aan is diyaarinno, waa la diyaar garoobay, waxaa la bixiyay amarkii ahaa dhaqaaqa, waan dhaqaaqnay. Waxaan u dhaqaaqnay carro Warsangali, maalmo kadib waxaan u dhawaannay caasimaddii Warsangaliga waa magaalada Badhan ama Baran. Waxay na hor dhigeen ciidan xoog leh, waxay ku hanjabeen haddaan u soo dhawaanno in ay birta naga asli doonaan, waan dagnay oo ergo ayaan dirsannay si aan u gudubno. Ergadii waxay keentay quus (diidmo).

Ciidanka waxaa hoggaankiisa hayay Shahiid Mustafe Carab (taqabalahu-llaahu). Wuxuu amar nagu siiyay in aan dhaqaaqno, waan dhaqaaqnay. Meeshu waa bannaan, waxaa noo muuqday cadawgii oo hortayada dhufays kaga jira, daqiiqado ka dibna waxaa dhacay qorraxdii. Waxaa na waday rag dhulka aad u kala yaqaan oo Ilaahay barakeeyay. Cadowgii markay ogaadeen in qorraxdii dhacday oo aan la isu jeedin ayay horay u dhaqaaqeen oo waxay noo galeen meel ay is lahaayeen waa ku qasban yihiin in ay soo maraan, maxaa yeelay meeshu waa buuralay oo waxaa ka baxday hal waddo oo ayagu ay fariisteen sida ay la ahayd ayaga. Sir-ma-qabe Rabbi baa u sahan ah.

Raggii horseedka noo ahaa ama dhulyaqaanka ayaa waxay ogaadeen in naloo galay waddadii waynayd, waxay noo weeciyeen waddo yar oo meel ciriiri ah ka baxda, kadibna waddada wayn ku soo dhacda. Waan dhaqaaqnay baabuurtiina waxaa loo damiyay layrkii. Waa mugdi, waxaan ku guulaysannay in aan ka gudubno khatartii waynayd oo aan ka baqaynay in aan isku dhacno raggaan. Nimankaas dhoohan oo dhiigdoonka ah Alle naga badbaadi waxaase dhacay dagaal aan waynayn oo ayagii iyo ilaaladayadii baa isku dhacay wax baana na kala gaaray. Waan ka gudubnay isbaarradii naloo dhigtay, waxaan fuulnay buurtii Geeldoora la oran jiray oo aad u dheer aadna u qabaw, khatarteeduna badan tahay. Waxaan sii rafannaba waxaan gaadhnay buurta dhakadeedii ama dusheedii.

Waxaan ku hakannay buurta dusheedii oo ay ku taal baraag yar oo biyo ku jiraan, meesha waxaa lagu magacaabaa Geedlarifay. Waqti kadib waxaan u dhaqaaqnay dhanka Laasqoray. Waddadu waa waddo aad u khatar ah, waxaa la marayaa meelo aadan naftaada ku aaminteen adoo lugaynaya, xoogaa markaan soconnay ayaa waxaa waddadii ka baxay baabuur Elji ah oo uu waday nin lagu magacaabi jiray Cabdicaziiz. Wuxuu ka mid ahaa raggii ama gawaaridii nooga soo gurmatay Halooyo. Ilaahay waa badbaadiyay wuxuuse galay khatar oo wuxuu ka dhici lahaa haadaan (meel aad u dheer), ciidan badanna wuu sarnaa.

Gabalkii baa dhacay, waxaan gaadhnay tuulo la yiraahdo Xabaashe Wacle oo buurta dhexdeeda ku taal, waxaa naga horyimid odayaashii magaalada oo uu hoggaaminayo nin lagu magacaabo Xaaji Yuusuf.

Xaajigu waa nin isku darsaday dhawr arrimood: geesinnimo, codkarnimo, deeqsinnimo, iyo talowanaag. Geesinnimada wuxuu ku mutaystay markuu noo yimid wuxuu noola tacaamulay sidii nin na yaqaan oo kale, waana sifada lagu yaqaan ninka geesiga ah. Talo wanaagga wuxuu ku mutaystay wuxuu yiri ciidanka halkaan dajiya caawa, markay qorraxdu soo baxdana tartiib u socda meeshu waa khatar badan tahay. Deeqsinnimada ciidankii intaas dhammaa asagaa sooray habeenkaas.

Ninku wuxuu ka dhashay qabiilka Aadam Siciid oo noqday Ansaartii labaad ee Ilaahay nagu mannaystay. Waxaa mudan in laga sheekeeyo ninkii isku kaaya xiray ama kasoo shaqeeyay isfahamka wadaaddada iyo Aadan Siciid: Wuxuu ahaa ninkii lagu magacaabi jiray Wadaadyare. Waxaa na dhibay oo jidgooyada noo dhigtay jufada loo yaqaan Dubays iyo intii  ku raacday oo iimaan-laawayaal ahaa. Waxaase ceebtoodii daboolay Aadan Siciid oo uu hoggaaminayay Wadaadyare iyo Xaaji Yuusuf iyo intii taladaas ku raacday oo iimaanku ka muuqday, Culumo, Nabadoonno iyo rag ikhyaar ah. Culumada waxaa kamid ahaa Cali Ceelaayo.

Waxaa soo gurmaday Mujaahidiintii mucaskarka ku lahaa magaalada Burco. Ciidan aan yarayn oo wata tikniko oo aad u qalabaysan ayaa ka soo dhaqaaqay Burco iyo agagaarkeeda. Ciidammadaas waxaa hoggaaminayey Sheekh Imaam Maxamed, ku-xigeenna waxaa u ahaa Sheekh Cabdiqani Aw Saalax iyo Sheekh Maxamuud Maxamed Nuur.

Markay meel dhexe soo marayeen ayaa waxaa ka gaddoomay gaari. Dhibkii gaaray ma sifayn karo dhibse waa dhacay. Ciidammadu waa ismaqlaan oo waxaa lagu wada hadlayaa halowhalow oo waagaas taleefanno iyo moobayl ma jirin, markii la ogaaday in ciidankii dhibkaasu gaaray ayaa waxaa lagu yiri iska noqda annagaa ku filan xallinta arrintaane, wayna diideen in ay noqdaan oo waxay dheheen nololi nooma eka iyo in aan nasanno anagoon gaarin ujeedkaan u soo baxnay. Ujeeddadu waxay ahayd in ay Saliid gaaraan si ay carruurta iyo haweenka go’doonka ah usoo furtaan. Dhaawacoodii ayay horay u soo qaateen waana soo dhaqaaqeen. Waa Ansaartii saddexaad.

Akhristayaalow ma taqaanniin ujeeddada ay walaaluhu u soo baxeen oo ay rabaan in ay ka sal gaaraan? Anigase wali ma i waydiiseen xaggeed u socotaan? Laa yusalliyanna axadukum illaa fii Banii Quraydah. Waxaan ku ballannay in aan la nasan illaa Saliid aan cagaha dhigno labadayada qolaba.

Dhib dheer dabadiina waxaan u dhaadhacnay xeebtii Laasqoray, halkaas ayaan isku diyaarinnay waxaana ku ballannay in aan kala quusanno maalmaha soo socda annaga iyo Ina Yuusuf Yeey iyo xulufadiisii oo caado ka dhigtay in ay ku faanaan intaasoo Ikhwaan ah baan dilay intii hartayna halkaanay noogu xeraysan yihiin oo aan ku hor fadhinnaa illaa ay iska dhiibayaan ka tagi mayno.

Waxay ila tahay in aan diyaar garowno oo nafta iyo maalka hurno, ma mooryaanta aan Ilaahay aqoon baad ka liidataan ayaguba naftoodii iyo maalkoodii waxay ku bixiyeen difaaca Ina Yuusuf Yeey, maxaad u difaaci la’dihiin diinta Ilaahay iyo gabdhaha muxajjabaadka ah iyo carruurtoodii oo aan waxba galabsan oo lix bilood loogu laayay gaajada iyo macaluusha buurta salkeeda? Maxaa dhiiggiinnu u dhaqaqi la’yahay? War meesha naga kiciya hubkiinnana qaata.

Waa inoo barri iyo reer Banii Quraydah.

Qeybta 15aad

Ikhwaanii maalinkii saddexaad baa la galay, wakhtiguna waa barqadii subaxnimo. Waxaa isugu keen dambaysay ayadoo xilkii lagu wareejiyay culumadii magaalada ka timid oo uu hoggaaminayay Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax. Waxaa billowday shirar iyo faq hoose oo aan dadka intiisa badani ka qaybgalayn, faqaas iyo shirkaasi wuxuu dhexmarayaa ragga talada loo dhiibay ee cusub iyo raggii talada laga qaaday wixii ka haray ama fayow.

Waxaa muddo qaadatay in go’aan la gaaro, maxaa yeelay waxaa laga doodayey ayaa ahayd rag la rabay in surka laga jaro oo go’aankii lagu dili lahaa dhacay ayaa la rabaa in la badbaadiyo. Xeer ilaaliyaha raba in uu sii daayo raggaan maxkamaddu ku xukuntay dilka ma haysto wax xujo ah oo uu u cuskado siidayntooda oo aan ka ahayn: “Talada aniga ha la ii daayo, anaa aqaan nimankaan oo niman dil loo quuro ma ahan, cadowna ma ahan oo saad u malayseen raggu ma aha, waa tol, waa waxgaradkii magaalada, haddii intaan la laayo qabiilku waa dabar go’ayaa, sidaan dacwada danu uguma jiro,” iyo wixi la mida

Gunaanadkii Maxkamadda iyo Siday u Dhacday

Waa in la sii daayaa dhammaan maxaabiista lagu soo qabtay gardarrada aan geedka loogu soo gabo lahayn. Waa in la siiyaa wax alla wixii hanti ah oo laga qaaday. Waa in la hubiyaa in arrintaasi dhaqan gashay (waa siidayntooda) oo guryahoodii lagu hubsado hantidoodiina (Qaniimadii) la siiyo.

Waxay kaloo maxkamaddu xukun ku ridday Ikhwaankii soo duulay ama shisheeyihii ku habsaday Gobollada Majeerteenya ama xoogga ku qabsaday, waxayna maxkamaddii u dhacday sidaan. Waa in aad ka baxdaan dhulka Majeerteenyo dhammaantiis. Waa in aad dhaqaaqdaan xilliga maxkamaddu dhammaato ama ay go’aanka gaarto, hadaad sii joogtaan maxkamaddu mas’uul kama noqon doonto nabadgalyadiina, maxkamaddiina waa xirantay.

Wakhtigu waa casar dabadii waxaa la gudagalay in la fuliyo maxkamadda go’aannadeedii, maxaabiistii baa god ay ku jireen laga soo saaray, waxaa lagu soo dhex daayay ciidankayagii oo isugu jira mid mayd ah oo shalay Shihiiday idan Alle, mid dhaawac ah oo taahaya, mid khalkhal iyo balbaliso uu ku riday Xuseen Cabdulle Codwayn ka dib markuu si jeesjees ah u yiri Majeerteen idinka hari maayo illaa uu Wabi Shabeelle idin geeyo, haddana waxayba yaqiinsadeen in lagu soo fasixi doono Majeerteenkii naxariis darrada lagu sifeeyay, hadalkii Codwayn baa saas ahaaye.

Fiiro Gaar ah: Halkaan waxaa ku jiray cod laga qabtay Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ku ceebaynaya Culumada Ictisaam qaar kamid ah oo ay ka buuxdo qabyaalad iyo casabiyad. Waxaan kaloo ognahay in ay rag isqabteen uu kamid yahay Shiikh Bashiir Salaad oo wakhtigaan Ictisaam u ah guddoomiye. Waxaana ninba ninka kale ku yiri: “Waxaad tahay qabiilayste,” “Ma ahiye adigaa ah,” iyo wixi la mida.

Cafwan aan maxkamadda dhagaysanno.

Arrintu si kastaba ha ahaatee waxaa nala amray in aan soo wareejinno hantidaan haynay oo maxaabiistu lahayd, amarkaasna waan qaadannay. Aniga waxaa gacantayda ku jiray gaari Laankuruusar ah oo intaan hayay aan wax badan Islaamka ugu qabtay, waan wareejiyay, nin waliba wuxuu hayey ayuu soo wareejiyay, annagoo gorodda laalaadinayna oo ay naga muuqato moraalxumo wayn ayaan dhammaan amarradaas fooshaxun fulinnay.

Nimankaan godka lagasoo saaray waxaa ka buuxa rag khubaro ciidan ah oo waa raggii shirka ku jiray oo dajinayay naqshaddii nalagu qabsan lahaa, ishay na mariyeen, waana fiirfiiriyeen, waxay arkeen sidaan u kaladaadsannahay iyo burburka naga muuqda, waxaa nalagu amray in aan gudbinno oo aan gayno magaaladoodii ayagoo fayow, waan yeelnay, gabalkii baa dhacay walise waa iftiin.

Ciidanka aan maxaabiistiisa siidaynay waanoo muuqdaa oo meel walba dhufays baa la isku horfadhiyaa, meeshuna waa bannaan dhag ah ama aan geed lahayn. Amar kalaa la baxshay isla wakhtigiiba, waxaa la yiri dhaqaaqa oo fuliya xukunkii idinku dhacay oo ahaa in aad carro Majeerteen ka baxdaan, waan qaadannay amarkaas foolxumada leh oo dhiiggu ka da’ayo.

Ciidamadii baan amar ku siinnay in ay dhufayska ka soo baxaan cadawgii oo u jeeda, waa yeeleen amarkaas aan salka ku lahayn takhdiid ciidan ay cadaw is horfadhiyaan. Waxaan fuulnay baabuurtii, kolonyana waan galnay. Waa maqribkii maalin Axad ah ma aqaan in aan tukaday iyo in kale, waxaanse hubaa in aanaan adimin oo aqimin oo aanan jameeco ku wada tukan balaayada nagu habsatay awgeed.

Ciidankii dhaqaaq buu diyaar u yahay, waxaan ahaa raggii ugu dambeeyay ciidanka, waxaa ila soo istaagay Shiikh Cabdulqaadir Nuur, wuxuu igu yiri waxaan aadayaa ciidammadaas waana ciidammadii cadowga ciidanka uu sheegayo shiikhu! Wuxuu yiri waxaan isku dayayaa in aan maaweeliyo ee haddaad i waydaan muddo yar iska taga.

Muxuu uga jeeday Shiikhu waxaan maaweelinayaa nimankaas ee haddaad i waydaan iska taga? Iima uusan sheegin wuxuu uga jeeday anigase sidaas ayuu igu yiri, waxaanse u fahmay in uu ka baqayay anagoo aan meesha ka dhaqaaqin in dagaal dhaco oo wuxuu rabay in meel Garoowe ka baxsan dagaalku ka dhaco! Maxaa yeelay labada ciidan waa is horfadhiyeen, saaxiibtinimana nagama dhaxayn, waxayna hubaan in aan jabnay wadaadkuna waa midka na jabiyay wuxuuse rabay asagoo aan ciidanka Al-itixaad dhexjoogin in la jabiyo wuuna ku guulaystay arrinkaas oo waxaa nala sugayay intaan magaalada ka fogaanaynay.

Ma aannaan sugin wadaadkaas cadowgii ku dhex laabtay ee waan dhaqaaqnay. Waxaa noo saaran baabuurta dhaawac farabadan oo uu kamid yahay halyaygii ahaa Shiikh Cabdulqaadir Cabdullaahi (taqabalahu-llaahu). Waxaan dhufayskii ka soo saarnay ciidankii Rabaable fadhiyey oo muhiim noo ahaa oo hor taagnaa ciidammadii ka soo gurmatay Gaalkacyo. Habeenkii oo dhan ayaanu soconnay ama baabuurtii saarnayn waxaanse soconnay wax ka yar 5 kiilomitir.

Waxa dhibka ugu wayn noo keenay waxay ahayd gaari aannaan ka maarmin ayaa naga xumaaday, waxaa lagu dadaalayay in la hagaajiyo mase dhicin. Markii laga quustay ayaa mid kale lagu jiiday. Islamarkiiba waxaa baryay waagii, wixii aan aragnay oo noogu horreeyay wuxuu ahaa bahalka dhurwaa ah ama waraabe, waxaa xigayna waxay ahayd ciidankii cadowga oo meel walba naga fadhiya ayaan aragnay dagaal baana billawday.

Waxaan ku guulaysannay in aan iska caabbinno cadowgii na gaaday ama na khayaameeyay. Waxaan ka dagnay gaadiidkii, darawalladii baabuurtana waxaan ku niri iska socda illaa carro Dhulbahante. Meesha aannu joognay waa meel aan ka fogayn magaalada Garoowe, waxayna ka xigtaa dhanka qorax-udhaca. Waa dhul wada togag ah oo togaggana ay biyo ku jiraan, waddada aanu marayno waa waddo jidcadde ah waxaanna isku daynay in aan laamiga weyn ee ka baxa magaalada Garoowe ee aada magaalada Laascaanood aannu ku dhacno.

Wax yar kadib waxaa noo muuqday laamigii, aad ayuu ciidankii u farxay, waxaana isla markiiba loo socod-boobsiiyey dhankii laamiga, balse waa meel Alle wax ka wadee farxaddii masii socon. Laamigii aan u soconnay ayaa waxaa nooga muuqday gawaari gaashaaman. Tiknikadaasi waa tii cadowga waxayna ka war heleen in aannu waddadaan u soo soconno.

Jidka ayey noosii fariisteen, ciidamadeennii waxaa la siiyey amarkii ugu dambeeyey ee dagaalka waxaana loo sheegay in dagaal billaabanayo, wax yar ka dib labadii ciidan ayaa isku soo dhowaaday waxaana markiiba billaabatay xabbaddii, waxaan galnay dagaal kharaar ama faraha looga gubtay oo aan gaarnay heer aan isdhexgalnay cadowgii. Ilaahay guul buu naga siiyay oo waan jiirnay, baabuurtiina waa na hor socdaan, annaguna baabuurta ayaan daba soconnaa wixii naga daba yimaadana xabbad baan sanka ka galinnaa oo waa iska reebnaa.

Anagoo guul ku fadhinna cadawgiina iska caabbinay oo aan markaas joogno xuduud beenaadkii Majeerteenka iyo Dhulbahantaha, ayaa waxaan aragnay baabuurtii socotay oo inta soo laabatay iskadaba wareegaysa, waan soo gaadhnay. Waxaa meesha ku yaalla tog wayn oo la yiraahdo Bixin wuxuuna hoos u qodan yahay dhowr mitir, dhererkana wuxuu taxan yahay buurta ilaa laamigii oo cadow noo fadhiyo.

Meeshu waa Buuro-Wadal agteeda, togguna waa Bixin, suuragalna ma ahan in aan gaadiidka kala gudubno toggaan, cadowgiina waa naga daba yimid markay arkeen jahwareerka nagu dhacay, annagana waxaa nagu dhacay haziimo aan haziimo ka dambayn oo noqotay tii ay ku burburtay dawladdii Al-Itixaad Al-Islaami, waa burburkii koowaad. Sababtana waxaa lahaa Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax iyo saaxiibbadiisii Codwayn iyo Cali Xaaji Warsame. Ictisaam gar baa taal!

Baabuur faras cadde ah (Bii.Jii.) ayaa meel isku tuuray oo baxsaday, waxaa waday nin la oran jiray Cabdirisaaq Oktoobar. Baabuurtayadii intii kale iyo wixii saarnaa oo dad iyo maalba lahaa waxaa qabsaday cadowgii. Waxay qabsadeen tiknikadii iyo baabuurtii xamuulka ahayd intaba.

Waxaa saarnaa baabuurta mid kamid ah Amiirkayagii oo dhaawac fudud ah iyo mucallimiin fara badan oo ayaguna dhaawac ah ama xanuunsanaa, Allaahul Mustacaan. Waxaa maalinkaas gacantu daashay saynoo laynayeen ama noo gowracayeen SSDF oo aan ukala harin Madaxdoodii, Culumadoodii iyo Shacabkoodii intaba nin Ilaahay u naxariistay mooyee!

Waxaa ka mid ahaa ragga loo xilsaaray in ay gowracaan Ikhwaankaan soo xadgudbay nin lagu magacaabi jiray Dhegjar. Muslimiinta la laayay ma ahayn oo kaliya kuwii Bixin iyo Buurowadal lagu helay, waxaa ka mid ahaa ragga maalinkaas birta laga aslay ducaaddii Garoowe joogtay oo ay dhaleen reer Garoowe laftoodu. Ragga aan la ilaawi karin oo maalinkaas la gowracay waxaa kamid ahaa: Macallinkii magaalada ahaana Imaamkii Masjidka Al-Hudaa. Waa Masaajidkii ugu horreeyey ee dacwadan Salafiga ah oo laga dhiso Garoowe, Mucallimka ama Imaamka magaciisu waa Cabdulcaziiz Jaamac Aadam (taqabalahu-llaah). Reer Garoowe shahiidkaasi markuu tujinayo salaadaha jahriga ah oo codkiisu bannaanka usoo baxo, dadku waa istaagi jireen si ay ugu raaxaystaan Qaari’ul Qur’aankaan Ilaahay hibada u siiyay codmacaanida, waxaanna akhbaar ku helnay cadowgii gowracayey (Dhagjar) markuu gowracay in uu yiri, “Wallee mar dambe codkaaga kuma raaxaystaan reer Garoowe!”

Bixinu waa tuma? Muxuuse ka yiri Sayid Maxamed Cabdulle Xasan?

Nin dooriyo wixii shiikh ladilay culumadii diinka
Wixii duubcaddii ay wadhnayd Bixin duleedkeeda
Dooxada Garoowe ah wuxuu haadku dulufleeyay
Dirirtii Nugaaleed wixii nalagu dooxaayey
Wixii diricyadaydii kufrigu daabaca u qaaday
Duqow iyo dhallaan iyo waxaan dumar naloo reebin!

Allaahu akbar! Maxaa shalay maanta uga eg. Bal eeg siday isu waafaqday taariikhdu! Meeshu waa meeshii Mabdu’una waa mabda’ii dadkuna waa dadkii taariikhdu haba kala duwanaatee. Ma hilmaami doonno dhibka ay nagu hayaan dadka caadaystay la dagaalanka diinta Ilaahay iyo Ducaad-laynta.

Waxaa ka mid ahaa meelaha Ikhwaankii lagu gumaaday: Boosaaso, Burar-ciideed, Garoowe iyo meelo fara badan oo aannaan soo koobi karin. Aan isha marinno magaalooyinka Ikhwaanka lagu laayay siday u kala caqli roonayeen ama Islaamka ugu kala cadaawad badnaayeen.

Garoowe: Waa tii ugu axmaqsanayd culumo iyo caamaba dadkii ka talinayay in yar oo Ilaahay u naxariistay mooyee. Boosaaso: waa tii labaad xagga dhoohnaanta (caqlixumo) ama la dagaalanka diinta Islaamka. Burar-ciideed: Waxay samaysay wax uu ka xishooday Cabdullaahi Yuusuf oo aan gobolka soo marin (Waqooyi Bari) dhaqan ahaan iyo diin ahaan nin ka liita bulshada deggan.

Qardho: Waxay noqotay magaalada kaliya oo ka badbaadday ceebta aan hareyn adduun iyo aakhiro toona. Qardho waa meesha makri kasta lagu maleego oo waxaa fadhiya Boqortooyada reerka ama maskaxda gobolka laga maamulo. Isma muujiyaan oo waxay ku adeegtaan iimaan laawayaasha reerka iyo juhalada.

Garoowe dambiyo gaarsiiyay in ay carruurtoodii laayaan ayay gashay ayagoon ka fiirsan culumo iyo caamaba, waxaadna mooddaa in ay noqdeen kuwii uu ku faanayay Codwayn ee uu lahaa: “Majeerteen nin idinka reebi maayo hadday jaanis idiin helaan ee carara oo wabi Shabeelle xagga u gooya!”

Boosaaso waxay la dabeecad noqotay dhurwaa baahan. Dhurwaagu wuxuu cunaa xoolaha yaryar sida ariga, waxaa dabeecaddiisa ka mid ah ama fulaynimadiisa: Neefkoo soo fiirinaya ma cuni karo si kasta oo baahi uhayso, markii xooluhu kasii jeestaan ayuu gaadaa oo dabada ku dhagaa asagoo taxadaraya!

Reer Boosaaso intii wadaaddadu horfadhiyeen far ma dhaqaajin oo madaxay hoos u foorarinayeen, markay dheheen wadaaddadu magaaladaan ka baxaynaa ee na nabad galiya oo ay dhaqaaqeen ayay mar qur ah kusoo yaaceen oo sidii bahalka yeyga ah oo kale waxay gadaal uga cuneen Ikhwaankii yiri waan idinka tagaynaa ee na nabadgaliya. Fulaygu geesiga wajigiisa ma istaago.

Burar-ciideed ciidan baa noo joogay xoog leh, waa iska insixaabeen oo waxay aadeen xaggaa iyo carro Dhulbahante. Waxaa ciidan abaabushay oo daba galay nin lagu magacaabo Cali Baadiye, wuxuu uga dabatagay meel dhexe oo hawd ah, fooddaa la isdaray, waxaa markiiba jabay ciidankii Cali Baadiye asagiina caguhuu wax ka dayay, qalab aan yaraynna waa laga furtay.

Ma taqaan ninka ciidanka Ikhwaanka wata oo Cali isku taagay? Waa Caaqil Cabdiwahaab Maxamuud Guray. Caaqilkii iyo ciidankiisii waxay ka cid galeen ayagoo fayaw carro Dhulbahante. Cali Baadiye iyo goob walba oo dagaalku ka socdo waxaa daqiiqad daqiiqad ula soo hadlaya Ina Yeey oo leh: “Dadkaan nagu soo duulay ee shisheeyaha ah hal qof yuu ka baxsan ee ka dhiga waxaad dishaan iyo waxaad nolol kusoo qabataan!”

Cali Baadiye waxaa la fool xumaatay in uu gacmo maran geeyo Garoowe oo ballantu tahay in la isugu yimaado markii Ikhwaanka laga sifeeyo waddanka. Cali wuxuu ku soo laabtay Burar-ciideed oo ahayd meeshii Ikhwaanku ka haajireen, waxayse ka tageen haweenkii iyo carruurtii oo ayagu aan waxba galabsan, loollankana aan ku jirin.

Cali amar buu wuxuu ku bixiyay in dhammaan gabdhaha xijaabka qaba lasoo qabqabto. Waa lasoo qabqabtay, wuu qafaashay oo maxaabiis ayuu ka dhigay wuxuuna lasoo aaday Garoowe. Markii Garoowe la yimid oo maxaabiistii la isu keenay nin walbaa wuxuu lahaa oo ku faanayey anigu intaasna waan dilay in taasna maxaabiis baan u hayaa. Cali wuxuu ribood ku baxshay in uu soo qabqabtay dumar aan yarayn oo Ikhwaan ah kuwa kalana laayay!

Cabdullaahi Yuusuf inta warxumadiisii u adkaysan waayay ayuu cay kala daalay. Wuxuu yiri: “War siiddaa dumarka hoog ha kugu dhecee rag baan is haynaaye.” Cabdullaahi Yuusuf maalinkaas wuxuu ciyaaray door muhiim u ah taariikhdiisa madow. Reer Qardho maalinkaas dowr waxay ciyaareen Boqornimadii ay sheegan jireen ay muujiyeen ama gobannimo dheeraad ah ama caqli shaqaynaya iyo ceeb ka carar. (Raad xun)

Qardho waxaa ka furnaa Mucaskar, ciidan baa joogay, markii dagaalkii dhacay oo lasoo sheegay in Ikhwaankii la jabiyay ayaa ayagiina weerar lagu soo qaaday. Waxaa dhacay xoogow dagaal ah. Waa la qabqabtay oo waxaa laga dhigay maxaabiis.  Reer Qardho waa tashadeen waxayna go’aansadeen in ay badbaadiyaan raggaan. Waxay galeen takhdiidkii ay ku siidayn lahaayeen.

Ciidankii bay u yeereen, way la tashadeen, waxaa la yiri maxaad jeceshihiin oo aan idiin yeelnaa? Waxay dheheen waxaan rabnaa in aan walaalahayo ka daba hijroono ama aadno meeshay joogaan, waxaa la yiri isdiyaariya rag dhul aqoon ahna waa lagu daray oo waxaa la yiri illaa aad  carro Dhulbahante gaysaan ha ka soo noqonina raggaas wayna yeeleen oo waxay gaarsiiyeen walaalahood raggii oo nabad qaba. Reer Qardho waa iska aamuseen intii la iscayrsanayay.

Ina Yeey wuxuu ogaa ciidan xoog leh in uu fadhiyo Qardho, wuxuu amar ku siiyay reer Qardho in ay soo qabtaan wiilashaan ay dhaleen. Waxay reer Qardho ku jawaabeen boowow waan haynaa ee ha walwalin. Markay hubsadeen in ay galeen carro Dhulbahante ayay qaylo dhaan u soo direen oo waxay dheheen boowow raggii waa baxsadeen. Saas ayeyna raggoodii ku badbaadsadeen.

Sidaad aragtaan baa dhacday, oo ciidankii Al-Itixaad Al-Islaami ay ku qabsadeen Gobollada Waqooyi Bari oo inta Daarood oo dhami isu tagay oo foodda galin waayay, dhan ciidan iyo dhan siyaasadeed intaba, in muddo ahna ka talinayay Gobolka. Waxaa jabiyay saddex nin oo fara bannaan oo aan hub wadan.

Dowladdii Al-Itixaad oo xoogga waynayd waxay saddexdaas nin oo fara bannaan ku jabiyeen waxay ahayd: aaminaad la aaminay iyo ixtiraam dheer oo la siiyey. Waxay kaloo nagu jabiyeen culumo u ekaan. Suufiyadaa dhihi jirtay: Culumo yay dad u ekaan kugu dilin ayagoo Sufahada bajinaya si ay xoolohooda baadil ugu cunaan. Ictisaam baa Suufiyo ka daray oo dhiiggayagii ku banaystay: Culumadu dadka la mid ma ahan ama uma eka, ma khaldamaan ee raaca warkooda.

Magacyadii eedaysanayaasha maalinkii Garoowe.

  1. Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax Gacamay
  2. Xuseen Cabdalla Codwayn
  3. Cali Xaaji Warsame

Waxaan markhaati ka ahay in ay sidaan sheegayo wax udhaceen oo Muslimiintii waagaas la baabi’iyey mas’uuliyaddeeda qaadayaan saddexdaan nin oo aan kor kusoo xusay. Waxaana waayeel u ahaa ama Guddoomiyahooda ahaa Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax.  Shiikhu ma qarsan jirin in uu baabi’iyey mucaskaraadkii Al-Itixaad bal wuu ku faanayaa oo meel walba ayuu la taagan yahay anaa saas yeelay.

Waxaa la heli karaa wadaadka oo cod dheer ku leh, “Anaa ka dambeeyey in la kala diro dawladdii Al-Itixaad Al-Islaami.” Wadaadku markuu kala dirayay Ciidammadii Al-Itixaad kuma kala dirin in uu fasax siiyay ee wuxuu ku kala diray dagaal lagu baabi’iyay oo wuxuu ka dhigay mid la dilo, mid la dhaawaco iyo mid hubkii laga dhigay oo hoggaamiye kooxeed la hoos geeyay ama shacab looga dhigay.

Dib u milicsada maxkamaddii uu qaaday wadaadku, waxayna u dhacday sidaan sheegay, qofkii wax ka baddalan sheega anaa diyaar u ah in aan kala doodo illaa aan isa soo horfariisanno.

Waa run arrintaasu waxaanna u daynayaa xukunkeeda akhristayaashii aan iri soo raadiya garyaqaanno arritaan gorfeeya. Waxaan idin xasuusinayaa Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax markuu dacwada ka wadi jiray gobollada Koonfureed uma dulqaadan jirin Diinta Ilaahay oo dhulka taal, waana tan keentay in la xiro markay u adkaysan wayday dowladdii Maxamed Siyaad, dadkana wuxuu u tusay Cabdulqaadir in ay dowladdaasi tahay dowlad kaafirad ah oo aan lagu hoos noolaan karin, in lala dagaallamaana ay bannaan tahay. Maxaa isbadalay?

Shiikhu 20 sano ayuu ku hoos nool yahay kuwo Maxamed Siyaad shiikh u noqonayo marka dhaqankooda la arko  iyo maamulkooda ama siday Islaamka u gumaadayaan, walina lama hayo asagoo dadka uga digaya diin la’aantooda iyo dhibka ay Muslimiinta ku hayaan oo ay dadka diintoodii ka fidneeyeen. Bal gaaladii Maxamed Siyaad dhulka ka hortaagnaa oo dagaalku ka dhexeeyay ayay saaxiib ka dhigteen diintii iyo Culumadeediiba ka iibsadeen. Shiikhuna waa ku qancay maamul wanaaggooda iyo siday gaalada usoo dhawaysteen Muslimiintiina isaga fogeeyeen (Mujaahidiintii gaalada hortaagnayd).

Fiiro Gaar ah: Shubho ka imaan karta maxaabiistii lasii daayay

Waxaan rabaa intaysan soo luggo’in qolooyinka shubuhaadka la dabadhigay in aan ka hortago. Maxay tahay shubhadoodu? Waxaa laga yaabaa in qaarkood dhahaan, “Nebi Muxamedba (sallallaahu calayhi wasallam) wuxuu sii daayay gaaladii Badar oo kuwaan ka dhib badnaa maxaa ku jaban in la sii daayo niman Soomaliyeed?” Waxaan uga jawaabayaa Isku baab ma ahan.

Marka koowaad Nebigu (sallallaahu calayhi wasallam) wuxuu ahaa Qaa’idkii ciidanka maxaabiista qabsaday, wuxuu la tashaday raggiisii ugu qiimaha badnaa qaar baana ku raacay, markuu sii daayay ama madaxfurasho ka qaatay cadawgii intuu aaday  guryahoodii (Garoowe) ma gacalaysan gurina lama galin shiikhna uma noqon ee waxaa ka dhexeeyay cadaawaddii keentay in wiilku aabbihiis dilo. Nebiga (sallallaahu calayhi wasallam) waa la canaantay oo khatar bay galeen Ilaahay baase u dambi dhaafay. Xaggee isaga eg yihiin labadaas arrimood, Jihaad fitan ku sheegow? Isuma eka isku xukunna ma ahan!

Ikhwaanay horaan u cudurdaartay. Mar labaadna waan cudurdaaranayaa, wixii aan qormadaan ku sheego dan gaar ah kama lihi oo aan ka ahayn in aan caddeeyo wixii nasoo maray oo waliba naloo sii ciil qabo (Allaahul Mustacaan). Hawl baa noo taal caawa oo raggii waxay noqdeen wax la dilo, wax la dhaawacay, wax cararay oo la la’ yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen, ciidanku jiha walba ayay u baxsadeen, laakiin intiisii badayd waxay aadday dhanka reer Dhulbahante oo maalinkaas muujiyay Darwiishnimadoodii iyo wixii ku duugnaa oo jihaad jacayl ahaa.

Waxaa maantoo kale ugu muhiimsan in la helo caano iyo biyo la isku daray magacoodana waxaa la yiraahdaa barax, waxaa lagu dabiibaa dadka firxaday oo dhanqalmay sidayda oo kale. Qof walbow soo qaad dhoon horaad barax ah ama haan wayn oo biyo iyo caano ah. Inoo dhaqaajiya dhankaas iyo carro Dhulbahante, ayagaa maantoo kale loo baxsadaa oo wax ka yaqaan rag dagaallamay iyo xeerar dhigashadiisa. Huwantaanu waa howtulhamag!

Qeybta 14aad

Walaalayal waagii ayaa noo baryay iyadoon dagaal dambe dhicin, xalay waxaa socday wadahadallo ku saabsan maxaabiista iyo wixii laga yeeli lahaa, wadaaddadii magaalada ka yimid waxaan ogayn ayagoo damcay in ay si sahlan ku sii daayaan raggaan ay garteen oo waxay damceen in ay u shafeeco qaadaan, waxaase lagala horyimid xujooyin ay mari waayeen. Waxay billaabeen in ay wadaaddada kala shukaamiyaan oo ay ka dhaadhiciyaan in lasii daayo maxaabiistaan dambiilayaasha ah ayadoon aan maxkamad la saarin.

Waxaa kuu muuqanaya ciidankii oo koox koox u taagan ama u fadhiya oo madaxa iskula jira, waxay abuureen buuq iyo balbalo ciidanka dhexdiisii ah. Wadaaddadaan magaalada nooga yimid waxay ahaayeen saddex. markay Mucaskarkii soo dhex galeen oo ay arkeen jawigii Mucaskarkaan ay ku yaqaanneen oo isbaddalay ayagiina waa isbaddaleen, maxaa yeelay waxaa daadsan maydkii Shuhadadii oo aan wali la xabaalin, waxaa daadsan dhaawacyo fara badan, waxaa noo xirxiran oo aad u dullaysan rag shalay ay ogaayeen ayagoo caziiziin ah.

Waxaas oo dhan markay arkeen ayaa nin walba oo saddexdii nin kamid ahaa maskaxdiisii waxay ushaqaysay qaab gooni ah ama nin walba wax buu is tusay.

Kaalintii Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax

Shiikh Cabdulqaadir Nuur cimaamaddii ayuu tuurtay, wuxuu isku mashquuliyay siduu wadaaddada uga dhaadhicin lahaa in lasii daayo dadkaan birmagaydada ah waa siday asaga la ahayde. Wuxuu garka iska laalaadiyay Shiikh Cabdulqaadir Cabdullaahi oo ahaa madaxii ugu sarreeyey Mucaskarka. Shiikh Cabdulqaadir Cabdullaahi mawqif sidee ah ayuu qaatay maalinkaas?

Wuxuu qaatay mawqif kala gooyay asaga iyo Ikhwaankii magaalada ka soo gurmaday oo rabay in lasii daayo mujrimiintaan Ilaahay Islaamka ka qabtay dhibkay ku hayeen muddo dheer. Ina Cabdullaahi dhag jalaq uma siin wadaaddadaan xammiyaddu qaadday. Wuxuu billaabay in uu la tashado golahiisii sare ee ciidankiisa. Xiwaar dheer kadib waxaa go’aankii noqday in maxaabiistaan la kala saaro oo nin walba dambigiisa lagu qaado, kii dil muta dil lagu xukumo, kii xabsi muta xabsi lagu xukumo, kii siiddayn mutana la sii daayo.

Kaalintii Xuseen Cabdalle Codwayn

Xuseen Cabdalle Codwayn wuxuu billaabay in uu ciidanka dhex galo oo uu u sheego in meeshaan balaayo ka soo socoto, wuxuu billaabay in uu argaggax-galin ku rido ciidankii ama cabsi-galin, waxaa hadalladiisii ka mid ahaa oo aan anigu dhagahayga ku maqlayay: “Ma Majeerteen baa dhiiggooda la tusaa? War wallaahi inaad carartaan oo Wabi Shabeelle goysaan mooyee in aysan idinka harayn Majeerteen ee intaad fayawdihiin carara,” iyo wixi la mida.

Codwayn wuxuu kaloo soo dhagaysanayaa ama soo xuuraamayaa waxa laga damacsan yahay raggaan maxaabiista ah, waxaa suuqa la soo galinayay in la rabo in la dilo Cabdullaahi Yuusuf iyo saaxiibbadiis. Ina Abshir Hamaan iyo saaxiibbadiisna lasii daayo. Ciidankii baa kala baxay. “Car yaa dili kara ina adeerkay?” Haddana waxaa suuqa la soo galiyay waxaa la dili rabaa Ina Abshir Hamaan iyo saaxiibbadiis, cirkay isku shareertay arrintii oo waxay noqotay “Car yaa dili kara ina adeerkay?”

Ciidanka wadaaddada ah ee Ligle joogay intaan colaaddu billaaban wuxuu ahaa ciidan is yaqaanna oo tababbar qabay, waxaa gurmad ahaan noogu yimid dhalinyaro farabadan oo ah raggii magaalooyinka joogay oo dacwada ka waday oo aan tababbar ciidan qabin, dhanka kalana aan wali kala garan Al-Walaa’ Wal-Baraa’. Waxaa kaloo ciidanka ku dhex jiray rag xumaan qarsanayay oo arrintaan ka faa’iidaystay. Codwayn wuxuu ciidankii ku dhex abuuray qabyaalad, khalkhal iyo cabsi-galin tahdiid ku jiro.

Kaalintii Cali Xaaji Warsame

Ninkii la dhihi jiray Cali Xaaji Warsame waxaa u muuqatay in uu dadka dajiyo oo uu marna magaalada tago asagoo akhbaar gudbinaya marna ciidanka ku soo noqdo si uu u hubiyo in wali raggii noolyihiin ama wax is baddaleen, marmarna wuxuu kaalmaynayay Shiikh Cabdulqaadir Nuur oo intuu madaxda ciidanka u tago ayuu wuxuu ku lahaa war magaciin jiryee nimanka siidaaya, lagamase yeelin asaga iyo Shiikh Cabdulqaadir toonna arrintaas.

Fiiro Gaar ah: Waxaa jiray nin afraad oo aan ku xusay qormadeennii tan ka horraysay oo kamid ahaa ducaaddii magaalada ka imaan jirtay. Waa ninka lagu magacaabo Maxamuud Hoorri. Waa saan u sheegay oo Hoorri wuxuu kamid ahaa raggii noogu imaan jiray Mucaskarka wuxuuna dagganaa Garoowe. Hoorri waxaa kasoo baxay warar iskhilaafsan oo sheegaya in uu maalinkii dagaalku dhacay joogay Qardho. Anigu waxaan rumaysnahay in uu markii dagaalkii dhacay uu u cararay Qardho. Waxaan saas u leeyahay waxaa iigu dambaysay asagoo jooga.

Si kastaba ha ahaatee Hoorri wuxuu ahaa ciyaal maamo oo nin waligi dhibkaan la kulmay ma ahayn xaq buuna uleeyahay in uu naftiisa la cararo hadduusan wax qaban karin. Xattaa waxaan aqaannay asagoo carruur lagu magacaabi jiray Abaa Hurayrayaal dhex fadhiya markii Laasqoray la joogay oo aad og tihiin anaga iyo murtadiintii waxa na dhex maray. Waa ciyaalkii uu hayn jiray Siciid Gaalley.

Marka waxtar ciidan saasuu ka ahaa wadaadnimadiina wuxuu ku dambeeyay in uu yiraahdo Ditoor idhaha inta cuqdatu shaydhaan xirtay (niiktayn) oo garkii nag ka dhigay. Waxaan ugu dheeraaday ninkaas iyo shu’uuntiisa: Islaamkii baa ka baxsan la’ ama Mujaahidiintii oo cay buu meel walba la taagan yahay asagiibaana diintii ka aradan oo wuxuu bartay ka tagay oo ka doorbiday in Ditoor la yiraahdo. Haddaadan Islaamka waxtarayn dhibkaaga ka daa fadlan.

Aan kusoo noqonno goobtii naxdinta lahayd.

Waa maalinkii labaad duhurnimadiisii, waxaa na soo foodsaartay laba culays oo nooga yimid dhanka siyaasadda iyo dhanka caskariga. Waxaa culays la soo saaray difaacayagii noogu muhiimsanaa ee fadhiyay Rabbaable, waxaa lagu soo qaaday weerarro isdaba joog ah, waase iska difaaceen Allaa ku mahadsan. Rabbaable waxay noo jirtaa saan horayba idiin ku sheegay 30 illaa 40 kiilomitir oo dhanka waddada Xamar aadi jirtay ama koonfur bay naga xigtaa, marka taliska ciidanka ama saldhigga ciidanka laga xukumo ee Ligle jooga wax dhib ah kuma hayso haddaan la soo jabsan difaacoodaas Rabaable.

Waxaa kaloo weerar nooga yimid dhanka Woqooyi oo ku aaddan saldhiggii 54aad oo aan kasoo qabannay maxaabiistaan aan haysanno. Waxay leedahay buuro yaryar iyo togag, kuwii baa naloo soo galay markaasaa xabbad nalagu billaabay. Dhanka siyaasadda, waxaan ogayn saddex nin oo ciidanka ku dhex laban oo nin walba oo ayaga ka mid ah uu wato takhdiid u gooni ah, waxayna ku guulaysteen in ay ciidankii khalkhal ku ridaan iyo balbalo oo ciidankii iska fariisto.

Xasuusta saddexdooda nin walbaa shaqadiis! Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax wuxuu qaabilsanaa in uu odayaasha ama ragga taladu ka go’do uu ku ilxaaxiyo ama ku khasbo in ay sii daayaan raggaan birmagaydada ah oo aan mutaysan in la dilo. Codweyn wuxuu qaabilsanaa in uu ciidanka kala furfuro oo cabsigaliyo uguna naseexeeyo in ay hadda kala cararaan intay nabadqabaan oo ay Wabi Shabeele shishay ka maraan ama ay koonfur aadaan, ujeeddadaa saas ah.

Cali Xaaji Warsame wuxuu qaabilsanaa xagga wararka hadba meesha wax marayaan, waxaan ogayn asagoo marmar kaalmaynaya Shiikh Cabdulqaadir oo la garab taagan: “Haa waa run hadalka Shiikha ha lasii daayo raggaan annagaa naqaan adinku ma taqaanniin.” Waxaa u soo baxaysa meesha wax marayaan oo raja xumo ka muuqatay in lasii daayo raggaan, markaasuu intuu cararo oo magaalada tago warbixin dhiibaa, warbixintaas oo ah raja xumo uu ka muujinayo sii daynta maxaabiista iyo rajo ah in ay wali nool yihiin.

Saldhigga booliska magaalada Garoowe waxaa yaallay taar uu kula dhuuntay mid beenaale ah laakiin maalinkaas beentiisii ka faa’iidastay ama ay ka faa’iidaysteen cadawgii, waana xeeladaha ay isticmaalaaan ciidamadu. Tusaale Garoowe waxaan qabsannay laba maalin kahor, waxaan ku samaynay hub-ka-dhigis intaan awoodnay, waxaa cararay wax alla wixii ciidan joogay magalaada, waxaan sugnay ammaankii magaalada siday nala ahayd.

Waxaa meeshaas ku dhuuntay beenaalahaas taarka haystay, wuxuu la hadlay meel kasta oo uu awooday, wuxuu lahaa magaalada annagaa haysanna, cadawgiina waa jabay, nasoo gaara, waxaa nagasii dhammaanaya saadkii iyo rasaastii. Waxaa u yimid gurmad aan caadi ahayn oo meel walba ka yimid oo culays nasoo saaray. Waa beenaale sababtoo ah kaligiisaa qol ku jira, magaaladana annagaa haysanna. Waa takhdiid caskari ah.

Ciidan hadduu dagaal galo oo uu guulaysto oo laga waayo wax akhbaar ah oo laga dilo ninkii taarwalaha ahaa waxaa la yaqiinsadaa in uu ciidankaasi jabay intii hartayna waxaa ku dhaca haziimo iyo muraaljab. Haddii ciidan duullaan qaado oo uu jabo sida reer Garoowe, taarwaluhuna uu baxsado oo uu soo tabiyo in ciidanki fiican yahay guulana gaaray sida beenaalahaas oo kale, waxaa u yimaada gurmad fara badan waxaana suurtagal ah in ay guushoodii soo ceshadaan mar labaad sidii reer Garoowe. Ha laga faa’iidaysto wixii lasoo maray.

Shiikh Cabdulqaadir Cabdullaahi waa ninkii goobta dagaalka ugu sarreeyay wuxuu bixiyay amarkii lagu layn lahaa intii la isku afgartay in la laayo, waxase dib u dhacay fulinta amarkaas, sababtu waxay tahay: Dadku waa culumo, waa la is ixtiraamayaa illaa xad, laakiin waxaa lagu kala duwan yahay ra’yiga iyo tala soo jeedinta, Meesha Ina Cabdullaahi amarka ku bixinayo waxaa taagan Ina Nuur Faarax oo ka mid ah culumada ugu sarraysa xagga dacwada. Al-Itixaad Al-Islaami waxaa manhajkooda kamid ah in hadday macallinka iyo ardaygu is qabsadaan loo noqdo Al-Kitaabu wa-Sunnah, waana manhajkii Salafu-Saalix.

Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax waxaa maalinkaas hoosmariyay wuxuu waayay naskii uu ku badbaadin lahaa tolkiis oo asagoo u jeeda luqunta laga gurayo hadal aan nas wadanna wax u qaban waayay kuna badbaadin waayay raggaas iyo raggii uu jeclaa oo ku jiray gacanta Mujaahidiinta. Shiikh Cabdulqaadir Cabdullaahi (taqabalahu-llaah) waxaa maalinkaas kor yeelay naskuu ku taagnaa asaga iyo saaxiibbadiis kumana khasaarin oo wuu gutay xilkiisii intuu awoodda u lahaa.

Waqtigu waa duhur dabadii. Waxaan israacnay Shiikh Cabdulqaadir Cabdullaahi, waxaan aadnay furintii ku aaddanayd xagga waqooyi ama dhankii laamigu naga xigay si aan u soo firfiirinno ciidanka difaaca ku jiray. Nagama foga meeshu, laamigii baan gaadhnay, waxaan dhigannay gaarigii, waxaan u lugaynay dhankii ciidanku naga jiray oo laamigii baan xagga waqooyi u goynay, buur hortayada ku aadanayd ayaa rasaas nalooga soo furay, way nagu ag dhacday oo na sigatay, waxaan u baqay Shiikha, waxaan ku iri noqo anaa ciidanka soo kormeerayee, wuu iga soo laabtay, asagoon laamigii soo gaarin ayaa xabadi ku dhacday, wuxuuna noqday dhaawac fudud oo xabbaddu waxay kaga dhacday bawdada lafna ma jabin.

Waxaa soo qaaday nin magaciisa la oran jiray Aadam Akhii oo watay gaari xaajiyad ah aniguse war ma hayo, aniga laftaydii oo aan gaarin ciidankii ayaa rasaas oodda la iiga qaaday oo meeshii fooddaan galin waayay waana kaligay, waan soo laabtay, haddaan saldhiggii imidba waxaa la kortuunsan yahay Shiikhii oo dhiig butaacayo oo la joojin la’ yahay dhiiggii, mudda kadibna waxaa lagu guulaystay in dhiig joojin lagu sameeyo.

Intaas markay dhacday ayaa xilkii uu hayay Shiikh Cabdulqaadir Cabdullaahi waxaa lagu wareejiyay Shiikh Maxamuud Ciise Abuu Muxsin. Gabalkii baa dhacay, culayskii baa siibatay, cadawgii baa xog helay illayn waa nalagu dhex jiraa oo wax alla wixii nagu soo kordha sakinbay ku baxdaa! Waxaa la ogaaday in Shiikhii la mari waayay dhulka yaallo, ciidankuna moraal xun yahay oo tayadiisii burburtay, raggiina wali nool yihiin.

Ina Nuur Faarax wuxuu gogosha ag dhigtay Abuu Muxsin oo ahaa nin raxiim ah oo markuu kula hadlayo aan wajigaaga fiirinayn intuu xishood ka qabo (taqabalahu-llahu). Wuxuu ku ilzaamiyay in uu raggaan sii daayo waa is adkeeyay Abuu Muxsin oo wuxuu waafaqsanaa in raggaan wixii dambi leh la laayo wixii aan dambi lahaynna lasii daayo. Ina Nuur Faarax waa hari waayay, wuxuuna ku mashquuliyay wadaaddadii in ay muhiim tahay in raggaan la sii daayo.

Abuu Muxsin markuu geed uu galo waayay ayuu wuxuu ku soo laabtay Ibnu Cabdullaahi oo daalan aadna u dhiig baxay, wuxuu damcay in uu kala tashado waxa Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax sheegayo oo ah in raggaan la sii daayo, Ina Cabdullaahi wuxuu yiri: “Dood ma gali karo oo waan daalanahay haddaad amar qaadanayso Abuu Muxsin ragga laa intii mutaysatay inta kalana siiddaa.”

Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax kuma ekayn Garoowe kaliya ee wuxuu la xiriiraa taliskii guud ee Boosaaso joogay wuxuuna isku dayaa mar walba in ay amar soo bixiyaan oo asaga talada lagu wareejiyo, waase u suuroobi wayday intuu fayoobaa Ibnu Cabdullaahi. Shiikh Cabdulqaadir Nuur wuxuu ka faa’idaystay dhaawicii Shiikh Cabdulqaadir Cabdullaahi, wuxuuna gogosha ag dhigtay ama la xiriiray taliskii guud asagoo uga warramaya waxa dhacay oo ah in uu dhaawac soo gaaray Shiikhii meesha madaxda ka ahaa arrintuna ku habboon tahay in asaga lagu wareejiyo talada.

Taliska Boosaaso waxaa madax ka ah Shiikh Xasan Daahir Aways. Ina Aways waa nin dabacsan oo naxariis badan, wuxuuna xamili waayay waxa uu daldalayo Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax. Ugu dambayn wuxuu amar ku soo bixiyay in talada lagu wareejiyo Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax, wuxuuna Shiikh Cabdulqaadir ku guulaystay in uu amiir u noqdo maxabiistii dagaalka lagu qabtay iyo ciidankii qabtay. Sidaas daraaddeed barrina waxaa dhici doonta maxkamad kala saari doonta ciidamadaan islaayay, koox walbana waxay mutaysato ayaa lagu abaal marin doonaa, maxkamaddana waxaa guddoomiye ka ah Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax. Maxaad filanaysaan in ay barri dhacdo?

Ikhwaanii tanaaba noogu daran, waxaa barri dhacaya inshaa Allaahu maxkamad. Maxkamadda waxaa guddoomiye looga dhigay nin asagu qalqaalsaday in loo dhiibo jagadaas, Nabiguna (sallallaahu calayhi wasallam) wuxuu yiri ninkii jago na waydiista uma dhiibno, hadal macnihiisu sidaas ahaa ama si udhaw, marka Ikhwaanii soo xaadira yaan barri la idiinka sheekayn waxa dhacaya, garyaqaan aan eex aqoonna horay u soo kaxaysta haddii la helo!

Qeybta 13aad

Bismillaahi wabacdu. Waa qormadeenii 13aad. Waxaan kala tagnay anagoo sugayna in xabaddu billaabato iyo in nasri kale yimaado oo odayaashu isdhiibaan dagaal la’aan, mase dhicin oo xabaddii baa billaabatay yaase billaabay xabadda? Akhristayaal waxaan galnay dagaal marka waxaa loo baahan yahay inta dagaalku socdo oo la kala adkaanayo in aan ismaaweelinno.

Sheeko Gaaban

Bari baa waxaa jiray wiil iyo gabadh meel ku wada nool ama hal reer jooga. Wiilku wuxuu ahaa nin aan reerku dhalin oo shaqaale u ah ama ay korsadeen, gabadhuna waxay ahayd gabadh reerku dhalay oo aad loo kool kooliyo. Sabankii baa xumaaday oo waxaa la galay xilli dadku waayeen dhaqaale ku filan oo ay ama cunto ku gataan ama ku aradbaxaan.

Gabadhii waxay u baahatay dhar cusub xoolana lama hayo, waxay la tashatay aabbeheed iyo hooyadeed, waxay soo jeedisay in  dhar loo gado, jawaabtiina waxay noqotay hooyo macaaney hanti aan dhar kuugu gadno lama hayo aabbihiina hadalkii ayuu hooyadii ku raacay. Waxay soo jeedisay fikrad ka maqnayd aabbe iyo hooyo oo ah in ninkaan shaqaalaha ah suuqa la geeyo oo la gado wixii kasoo baxa oo hanti ahna lagu arrad bixiyo, shirkiina waa xirmay ayadoon haa iyo maya toonna la dhihin gabadhii fikradda lahayd dharkana rabtay.

Muddaa la joogay aan badnayn, waxaa yimid wiilkii, wuxuu aabbihii iyo hooyadii ka dalbaday fadhi degdeg ah, waa la kulmay, wiilkii baa hadalkii qaatay, waa ku dheeraaday, gunaanadkiina wuxuu soo jeediyay in gabadhaan aad dhasheen la ii guuriyo aniguna aan xaqeedii ka soo baxo, shirkii waa xirmay waxaana la kala tagay ayadoon maya iyo haah toonna la oran wiilkii guurdoonka ahaa.

Odaygii iyo habartii fadhigii bay ku sii nagaadeen wiilkiina shaqadiisii buu aaday, odaygii habartii buu jalleecay oo wuxuu ku yiri: Barrow iyo Barrey ismaba oga, waa labadii magac oo wiilka iyo gabadha ismaan dhaafsan. Qisadaan waxaan u keenay waxaa meesha ka socday u eg tahay waana idin xasuusin inshaa Allaahu.

Wadaaddadaan soo duulay waxay sii qorsheeyeen waxay ka samayn lahaayeen odayaashaan baas ee la kari la’ yahay, waxay is weydiinayeen ma laynaa odayaashaan, ma xirxirnaa, ma masaafurinaa, maxaan ku samaynaa?

Odayaashuna waxay sii qorshaysteen in wadaaddadaan la qabto oo laga dhigo mid la dilo iyo mid loo masaafuriyo meeshuu ka yimid, waxayna ku mashquulsan yihiin marka la laayo nimankaan wixii ka hara dhaqaalihii ku bixi lahaa iyo ciddii bixin lahayd. Waxay kaloo is waydiinayeen meeshii loo masaafurin lahaa!

La isma oga oo waa maankii Barrow iyo Barrey. Markii labadii col isku muuqdeen waxaa xabaddii billaabay oo aan waxba u arkayn in dagaalku billawdo isbahaysigii Cabdullaahi Yuusuf, maxaa yeelay malaha waaba lagu kadiyey ee ayagaaba soo socday oo rabay in ay xabadda billaabaan.

Saddex meelood ayaa lagasoo galay meeshii shirku ka socday oo ahayd xeradii ciidankii milatariga ee Garoowe, Qaybtii 54aad, dagaalkii wuxuu socday muddo aan ka badnayd 20 daqiiqo qiyaastii, waxaa gudaha loo galay meeshii shirku ka socday, waxaa u xil saarnaa in ay odayaasha qabtaan koox Kumaandows ah oo uu watay madaxii dagaalgalinta Shahiid inshaa Allaahu Xuseen Cismaan Garyar (taqabalahu-llaahu). Waana ku guulaysteen in ay qabqabtaan odayaashii oo aan hal qof wax ka noqon, laakiin Xuseen iyo raggiisii waa ku dhammaadeen oo waxa ka haray in yar (taqabalahumu-llaahu Ajmaciin).

Waxaa ragga dhammeeyay intiisa badan oday sarkaal ahaa oo xerada shirku ka socdo madax ka ahaa oo waayeel ahaa oo la oran jiray Muxamed Dirir. Asagiina dhaawac ayaan ku qabannay oo baabuur aan watay baan ku qaaday aniga idin la hadlayaa asagii iyo kuwa kale oo dhaawac ahaa oo ciidankiisii ka mid ahaa.

Waxaan soo qabannay oo Ilaahay nagu guuleeyay qolooyinkii afarta ahaa ee meesha ku shiraysay oo aan ka yarayn qiyaastii inta u dhaxaysa 40 illaa 50 oo kulligoodna madax ah, waxayna ka kala yimaadeen gobollada Daaroodku dago oo dhan. Waxay wadeen takhdiid loo dhan yahay oo la rabay in wadaaddadaan koonfur ka yimid laga dhigo mid la dilo iyo mid sida loo cayrsanayo la gaarsiiyo Wabi Shabeelle ama aan laga harin illaa ay ka tallaabaan Wabi Shabeelle.

Waxaa cararay oo meel ay jaan iyo cirib dhigeen la waayey ciidankii difaacayey dhagarqabayaashaan la soo qabqabatay. Ciidankaasuna ma yarayn sababtoo ah meesha waxaa ku shirayay Daarood oo dhan baa la dhihi karaa, maadaama ay joogeen cuqaashii u talin jirtay intoodii badnayd, Ilaahay baase jabiyay maxaa yeelay diintiisii bay la dagaalamayeen.

Waxaa dhammaday dagaalkii, waxaan galnay in la soo aruuriyo Shuhadadii iyo dhaawicii oo aan yarayn, waxaan ku soo noqonnay saldhiggeennii annagoo gaadhnay hadafkaan dagaalka u qaadnay, Ilaahay baa ku mahadsan, asagaa jabijay isbahaysatadii aan marna ku fakarin waad jabaysaan ama waa la idinka guulaysanayaa. Murti: Ragow kibirka waa lagu kufaa ee kaas hala ogaado.

Meeshaan dagannahay waa meel bannaan ah oo aan dhir lahayn, waxaase ku yaallay dhufaysyo waawayn oo Rabbaani ah oo Ilaahay nagu xifdiyay oo qofkii gala aan la arkayn asaguna ku arkayo. Waxaa ku yaallay togga dhexdiisa meelo sidii guryaha usamaysan oo aad habeen iyo maalinba dhex seexan karto, biyuhuna agtaaday qulqulayaan, inaad cabto, inaad ku qabaysato, inaad wax ku karsato intuba waa noo sahlanayd Alxamdulillaahi.

Maxaabiistii waxaan gashannay dhufaysyadii dhufays kamid ah qorina iriddaa kala istaagnay oo isma dhaqaajin karaan, waxaa la billaabay in la diiwaan galiyo oo magacooda la qoro, midmid baa loola kulmay, sheeg magacaaga oo saddexan ayaa la lahaa qof walbaa oo ayagii kamid ah.

Dhammaanna waxaa laga qoray magiciisii oo saddexan. Dhalinyaraa qoraysay magacyada maxaabiista markay dhammeeyeenna waxaa loo gudbiyay maamulkii sare ee ciidanka. Waa la eeg eegay, waxaa laga waayay ninkii ugu muhiimsanaa magaciisii. Waa kee ninku? Waa Cabdullaahi Yuusuf Yeey. Waa la isku dhex yaacay oo la raadiyay waxa jira oo Cabdullaahi ciidankii kala dhex baxay ayaa la garan waayay. Waa lasoo quustay, aad baana looga xumaaday in ninkii ugu muhiimsanaa balaayadaan la soo xereeyay laga dhex waayo maxaabiistii.

Wakhtigii wuxuu gaaray gabbal gaab ama qorrax dhac, ayagana waxaa lasoo qabtay subaxnimadiiba ama 9kii subaxnimo qiyaastii. Cabdullahi ninkaan aqoon hadduu arko umalayn maayo in uu yahay nin madax ah, mana ahan dadka dhalaala hadday rabaan kareem ha marsadaane, maalinkaasna waa isa sii dulleeyay oo madaxuu hoos u rogtay oo wuxuu isgashaday garka iyo laba dalaw oohinna waa qarsanayay, waana la garan waayay asagoo ciidankii maxaabiista ahaa ku dhex jira.

Waxaa mudan in laga sheekeeyo maxabiista qaarkeed maalinkaas geesinnimada ay muujiyeen waliba ayagoo yaqiinsanaa in la layn doono oo mawdkii u jeedaan. Waxaan ka soo qaadanayaa hal nin oo la dhoho Jeneraal Maxamed Abshir Hamaan. U kala hiilin maayo labada nin oo waxaan ogahay in waligood loolan ka dhexeeyay waa Cabdullaahi Yuusuf iyo Maxamed Abshir Haamane.

Waxaanse markhaati ka ahay in maalinkaas la kala baxay oo ina Yeeyna maradii ka qoyday Ina Abshir Hamaanna uu taagnaa meeshii Badar uu taagnaa Abuu Jahal! Maalinkii Badar wuxuu sameeyay Abuu Jahal ayadoo inta dhaawac xun soo gaaray naftu kusii daba yar tahay ayaa waxaa u yimid Cabdullaahi Ibnu Mascuud Alla haka raalli noqdee. Wuxuu damcay in uu madaxa ka gooyo si uu Nabiga (sallallaahu calayhi wasallam) u tuso madaxiisa, asagoo mindidii ku kirkiraya luquntiisa ayuu lahaa war Cabdullaahi yay guushii raacday? Cabdullaahina wuxuu yiri cadowgii Ilaahayow guushii waxay raacday Jeyshkii ALLAAH.

Waxaan ahaa raggii wax ka waardiyaynayay maxaabiista, mar baan ku sigtay in aan laayo dhammaantood, waxaana arinkaas sabab u ahaa Ina Abshir oo aan ka waayay war iga fogaw oo intuu dhuunta kaa soo galo ayaad isleedahay wuxuu kaa qaadan doonaa ama kugula qabsan doonaa qoriga, markaad qoriga ku waabisana wuxuu akhrinayaa Qur’aan aan ka xasuusto macnihiisu in uu ahaa: Nugu dhici mayso Ilaahay wax uusan noo qorin mooyee. Markaasuusan ilkaa libiqsanayn, anna inta carooday ayaan waxaan damcay in aan dhulka lasimo ama laayo dhammaantood mase dhicin arrintaasu.

Wallaahi waxaan isaga daayay Mujrimiintaas in aan laayo in la yiraahdo Culumadoodii bay gacan dhaafeen ama khilaafeen, oo maanta magacii dhalinyarada raacaa ka hari maayo oo waxaa la dhihi waa kuwii waagii inta khilaafay Culimadoodii sidaas ku jabay oo khayr ma leh! Maalinkaas waxaa caddaatay in Ina Yeey fulay yahay bootoole ah Ina Abshirna geesi yahay, waxayse ahaayeen laba dambiile.

Qorraxdii baa dhacday, laakiin wali waa iftiin. Cabdullaahina lama hayo, waxaa maxaabiistii soo dhex istaagay ama agtooda yimid nin askarta ka mid ah, ishuu mariyay asagoon wax dan ah aan ka lahayn cidna aan raadsanayn, wuxuu arkay nin Cabdullaahi uu u maleeyay, wuu kusoo dhawaaday, wuxuuna hubsaday in uu yahay Cabdullaahi Yuusuf. Intuu dhaqaaqay oo madaxdii u tagay ayuu ku yiri maxaad u lahaydeen Ina Yeey waa la waayay soo kan ciidanka dhex taagan. Waa lasoo yaacay, war mee? Wakaas Futajaariga buluugga ah qaba.

Waa dharkuu markaas qabay. Cabdullaahi gooni baa loola baxay, waxaa laga qaaday imtixaan hor leh, waxaa la ogaaday in uu sheegtay magaciisii magac aan ahayn, oo muxuu sheegtay? Wuxuu sheegtay Shiikh Muxamed oo hadduu og yahay in magaca culumadu sharaf leeyahay ama lagu badbaadayo maalinka ciriiriga la galo muxuu culumada u laynayaa oo ku imtixaamay, waataan la yaabbannahay arrintaas! Allow ceebtayada astur. Cabdullaahi mana uu badbaadin waana is ceebeeyay. Ma taqaan ninka gartay Ina Yeey? Waxaa la dhihi jiray Cali Takar (taqabalahu-llaah).

Waxaa dhacay qorraxdii, waxaa la kala galay dhufaysyadii, waxaa lagu jiraa xaalad cakiran inkastoo muraalkii noo soo noolaaday markaan Cabdullaahi helnay, haddana colaaddu sidii bay u taagan tahay, shuhadadii baa noo daadsan oo aan wali la xabaalin ama la aasin. Shir baan loo kala kicin ay ku jiraan raggii taladu ka go’day, waxaa la isku mari la’ yahay maxaabiistaan la qabtay qaabkii loola tacaamuli lahaa. Walow ragga meesha fadhiyaa uusan ra’yiga ku kala fogayn oo aan meeshaba khilaaf oolin ee ay tahay waxaa laga doodayaa sida wax loo farsamayn lahaa ama raggaanu u kala dambi badan yihiin.

Walaalayaal aan idin xasuusiyo meeshaan joognaa waa Garoowe, waxaana nalaga xukumana waa Boosaaso. Boosaaso waxaa fadhiya taliskii guud ama Golihii Sare ee dawladda Al-Itixaad Al-Islaami. Waxaa ka mid ah Golaha Sare oo meesha fadhiya: Shiikh Xasan Daahir, Cabdicasiis Faarax (Lagujiray), Faarax Xasan Faarax iyo rag kale oo fara badan.  Waxaa heeggan buuxa ku jira ciidankii joogay Boosaaso. Ma aysan galin wax dagaal ah waase diyaar garoobeen oo magaaladii bay meel walba ka fadhiyaan oo u diideen wax isu socod ah illaa warkayagu ka caddaado oo aan qabsanno Garoowe iyo madaxtooyadii Garoowe oo ay markaas ku dhammaayeen wixii laga biqi lahaa in ay dadka dhibaateeyaan.

Ilaahay waa nagu garab galay oo waa taan ku qabsannay  magaaladii iyo madaxtooyadiiba saacad wax ka yar, waxaa kaloo guul soo hoyatay noqotay in sharwadayaashii oo dhan gacanta lagu hayo.

Boosaaso markay aragtay ciidankaan magaaladii meel walba ka fadhiya ayay lasoo hadashay Garoowe, waxaa loo soo sheegay in la qabsaday dhammaan magaalada iyo madaxdiiba, dagaalkiina dhammaaday. waxaa kaloo loo sheegay in wali raggii nool yihiin oo maxaabiis ahaan loo hayo.

Boosaaso salkay dhulka ku dhifatay oo waa is dhiibtay, qoryahoodiise ma ay keenin oo nin waliba gurigiisuu la galay qorigiisii, wadaaddaduna ismaba oran dhib baa ka imaan kara arrintaas ah in nin waluba qorigiisii guriga la galo. Waxaan galnay diyaar garow isdifaac ah. Magaalada waxaa dhankeeda koofureed ku wareegsan buuro iyo togag waawayn, waxaan ciidan dhignay wadda walba oo gurmad ka imaan karay.

Meesha loo yaqaan Rabaable oo ay marto waddada Garoowe ka tagta ee Xamar aadda una jirta magaalada qiyaastii 30 illa 40 kiilomitir. Waxaan dhignay ciidan aan lasoo gudbi karin oo aad u hubaysan, wax alla wixii buurta isdhaha ka soo dagana xabbad bay sanka ka galiyaan.

Halkaas waddaa ka soo gasha dhinacaas, waa dhanka koofureed. Dhanka bariga waxaa ayana ka soo gasha waddada dheer ee aadda Boosaaso ama dhanka ayraboorka, ayadana ciidan xoog leh ayaan dhignay, dhanka Xasbahalle ama koonfur bari waxaa ka soo gala waddooyin yaryar, ayadana waxaan dhignay ciidan ku filan meeshaas, annaguna waxaan isku wareejinnay ciidan xoog leh, maxaabiistiina waxaa laga qabtay waardiye dheeraad ah ama waxaa la siiyay feejignaan.

Isgaarsiintaan casriga ah ma jirin, waxaa la haystay hal taar oo kaliya, waxaa soconayay habeenkii oo dhan wadahadallo ka dhexeeya taliskii guud ee Boosaaso fadhiyay iyo taliskaan Goroowe fadhiya oo gacanta ku haya jabbaabiradaan la soo uruurshay sidii laga yeeli lahaa. Waxaan soo marnay in ay magaalada nooga yimaadaan culumo uu kamid yahay Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax, Cabdalle Codwayn, Cali Xaaji, iyo  Hoorri nin lagu magacaabo.

Wadaaddadaasu maalinkii intii dagaalku socday guryohooday is nabeen, waxayna sugayeen natiijada iyo waxay ku dhammaato iyo macrakadaan caramramka ah ama aad u culus. Qoraxdii markay dhacday oo ay madaxa kor u qaadeenna waxay ogaadeen in magaaladu faaruq tahay oo saakayba lagu kala baxay, dadkii magaalada camiri jirayna waxay noqdeen mid dagaalkaan labada kooxood u dhexeeya ka cararay si aysan xabbadda wiiftada ahi ugu dhicin iyo mid gurmad raadsaday oo raba in uu soo rogaal celiyo. Waxaa kaloo loo sheegay in gacanta lagu dhigay wax alla wixii saraakiil ahaa oo ciddu (Daarood) lahayd.

Waxay u soo carareen dhankii Ikhwaanka ay ku ogaayeen. Waxay galeen teendhadii madaxtooyada oo ay fadhiyaan sarakiishii ciidanka ugu sarraysay waxaana kamid ahaa: Korneyl Shiikh Maxamuud Ciise Abuu Muxsin), Korneyl Shiikh Siciid Maxamed Oorfane, Shiikh Cabdulqaadir Cabdullaahi oo ahaa markaas sarkaalka ugu sarreeya goobta la joogo, taqabbalahumu-llaahu Ajmaciin. Aamiin. Aamiin.

Wadaaddadii magaalada ka yimid markay arkeen Saraakiishoodii, Cuqashoodii, Culumadoodii iyo Waxgaradkoodii oo ilmirigle ah ama dullaysan oo maxaabiis ah ayay miyir daboolmeen oo is hayn waayeen, waxayna markiiba lasoo boodeen war ragga sii daaya annagaa naqaannee! Wadaaddadii Ikhwaanku waxay si sahlan u dheheen annaguba aqoon baan u soo qabannay! Markay arkeen waxay ka hadlayaan iyo waxa meesha yaallaa in aysan isu dhawayn ayay waxay billaabeen in ay hoos uhadlaan oo ragga qaar la faqaan (Xuuraan ama wardoon).

Akhristayaal soo ma ogidin in ay noo yaallaan Shuhadadii iyo Dhaawicii oo la rabo in qaarna la asturo qaarna la dabiibo oo dhiig joojin iyo faashado loo raadiyo? Haa Allay lehe. Haddaba yaannaan u kala harin gurmadka walaaleheen, mid biyo soo dhaamiya, mid cunto soo kariya, mid daaweeya dhaawaca, iyo mid waardiyaha la qabta walaalihiis. Waana inoo waabariga iyo wixii ka soo baxa culumadan la faqaysa ciidanka qaarkiis.

Qeybta 12aad

Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhuu.

Ikhwaanii Ilaahay baa mahad dhammaanteed leh thumma Nabi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam – nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato), Muslimiintana Ilaahay ha koryeelo. Aamiin.

Walaalayal waxaan kala hoyannay ayadoo ciidankii heeggan ku jiro oo ay dhici karto in nalasoo weeraro isla habaynnimadaba mase dhicin oo waagii baa baryay ayadoon dagaal dhicin. Saraakiishii ciidanka hawl galinaysay oo xogta cadawga aruurinaysay waxay amar ku bixiyeen in meeshooda loogu tago oo la qabqabto raggaan shirka ku jira oo balaayada hurinaya ama dagaaldoonka ah.

Waqtigu qiyaastii waa siddeeddii subaxnimo, ciidankii baa la kulmiyay, waxaa la siiyay waajibaadkii ay fulin lahaayeen, waxaa laga dhigay sadex madax. Madax waxaa loo diray dhanka Ayraboorka, madax waxaa loo diray dhanka Xeradii Konton iyo Afaraad (54aad) oo ahayd meeshii uu shirku ka socday, madax waxaa loo diray magaalada, qola walbana waxaa la siiyay waajib gaar ah.

Dagaalkaan aan qaadnay saakay waa dagaalkii koobaad oo aan dhiig ku daadinno ilaa iyo intaan dacwadan wadnay marka laga reebo dhacdadii saldhigga boliiska ee Boosaaso ee aan wiilka kusoo furanaynay laakin annaga dhankayaga waxaa nasoo gaarayey dhib fara badan oo isugu jira dil, dhaawacyo, afxumo ay ducaaddu kala kulmaan deegaannada ay dacwada ka wadaan kamana aannaan aargoosan jirin bal waxaan raadin jirnay maslaxo iyo wadahadal in aan ku dhammayno wax walba oo dhaca si aan dacwadu u burburin ama aan colaaddu noo dhexmarin annaga iyo bulshada.

Laakiin dagaalkaan waan ku qasbannahay in aan galno maxaa yeelay waxaa dhammaaday takhdiidkii nalagu soo weerari lahaa, waxaa la diyaariyey ciidankii na qabsan lahaa, waxaa fadhiya oo meel walba isaga yimid raggii hoggaamin lahaa ama maalgalin lahaa dagalkaan Ashahaado la dirirka ah. Culumaa ku qanacsanayd in waagaas nala dabargooyo oo dagaalka wax ka waday.

Fiiro Gaar ah: Nin walba ama qof walba oo aan goobjoog ahayn waxaa u muuqan karta khaladaad uu isleeyahay Alla hadday saas yeeli lahaayeen way fiicnaan lahayd! Tusaale qofkii akhriya qormadan wuxuu isleeyahay, “Way fududaadeen, dagaal wax kama yaqaannaan, maxay u sabri waayeen waa ducaade, maxay ayagu weerarka u qaadayaan, yaa u banneeyay dhiigga dadka,” iyo wixi la mida. Oo ayaga dhiiggooda yaa banneeyay waa Muslimiine?

Walaalayaal aan idin xasuusiyo ciidankaan Al-Itixaad waxaa hoggaaminayay oo Wasiirka Gaashaandhigga ka ahaa Sarkaal sare oo ka qayb qaatay dagaalkii Soomaaliya ku qabsatay Itoobiya 77dii. Waliba wuxuu wakhtigaas ahaa sarkaal mutaystay Billad Geesi. Wuxuu kaloo ahaa waagaas daaci wayn.

Waxaa kaloo ciidanka uga hooseeya saraakiil aan ka khibrad yarayn asaga. Waxaa saraakiishaas kamid ahaa Gaashaanle Sare Siciid Maxamed Muuse oo loo yaqaanay Siciid Oorfane ama Siciid Halale, wuxuu madax ka ahaa oo uu haystay hubka iyo rasaasta qaybtii 54aad wixii uu hub hayeyna wuxuu ku soo wareejiyay dowladdii Al-Itixaad Al-Islaami. Waa nin wadaad ah oo diinta wax ka yaqaan aadna u cibaado badnaa, waa ninka meesha lagu shirayo yaqaanna.

Wuxuu la socon jiray dhagarta ay maleegayaan kuwaan shirka ku jira oo doonaya in ay dabar gooyaan dowladdaan Islamka ah ee curdanka ah, wuxuu kamid ahaa ragga fara ku tiriska ahaa oo markii dagaalkii dhacay oo rag wareeray Ilaahay sugay. Taqabbalahu-llaahu, Aamiin, Aamiin. Ciidanku wuxuu qabaa tababbar dheeraad ah oo ninkaan tababbar hore qabin waa la tababbaraa kii horay tababbar u qabayna saminnaar baa la siiyaa.

Billaahi calaykum, Saraakiishaan intaasoo khibrada leh oo intaasoo dagaal ka soo qayb gashay oo dibad iyo daakhilba waxbarasho kusoo qaatay oo ahaa nimankii Itoobiya soo liqay, ma waxay aqoontii ka guurtay markay yiraahdeen waxaan rabnaa dowlad Islaam ah? Ma waxay aqoontii ka guurtay markay dheheen khamro cabbi mayno? Ma waxay aqoontii ka guurtay markay diintii barteen oo Ilaahay u toobad keeneen? Ma waxaa ka aqoon badan kuwii ardaydoodii ahaa oo waliba bulshadu ku baratay khiyaamo iyo wax isdaba marin iyo waliba gaalo raacnimo, waa hoggaamiye kooxeedyadee?

Maya! Wallaahi wax kalaa jira waxayna dadku la yaabban yihiin wadaaddadii beerka xayrta leh cuni jiray miyaa maanta i hunguriyaystay? Magacayba. Ma nimankii xoolaha u xirsi xiri jiray baa maanta iskukay taagay? Muxuu ismooday subagle ama wadaad xume?

Waxaa kaloo ay cid waliba og tahay meesha maantay xaaladda Islaamku marayso oo gaaladu dadkii ka dhaadhicisay in aan nin wadaad ahi dad hoggaamin karin horumarna gaarsiin karin bulshada. Ayagiina waxay isu maleeyeen in aysan waxba qabsan karin maadaama ay arki jireen ayadoo nin cilmaani ahi uu bulshada hadba meeshuu rabo u kaxaynayo hadba qoladuu rabana xiriir la samaynayo ama ha noqoto Maraykan ama ha noqoto Yahuud, ama ha noqoto Afrikaan.

Ma aannaan dagdagin ee waa nalagu qasbay dagaalka. Bal waa nala bahdilay sababtoo ah hadday yihiin niman naga baqaya ama na xushmaynaya maxay u aadi waayeen oo shirkan ay makriga ku maleegayaan ugu qabsan waayeen meel aanan ka warqabin hadday rabaan ha nagu soo duulaan markay go’aannadooda dhammaystaan?

Annagu kuma aanan duulneen oo wax dhib ah uma aannaan arkayn in ay shiri karaan go’aannana gaari karaan. Laakiin meel noo jirta 2 kiilomitir baan ku shiraynaa oo waxaan ku gaaraynaa go’aankii aan idinku burburin lahayn ama idinku qabsan lahayn taas macnaheedu waa rag ma tihiin wadaaddada qaarkoodna isu maleeyeen in aysan rag wax la qaybsan karin.

Ma rabo in aan ka sheekeeyo xukunka Islaamku ka qabo in weerar la qaadi karo iyo cidda la weerari karo ama Muslimiin ha ahaadeen ama gaalo ha ahaadeen cidda la weerarayaa. Waxaan kaloo aanan dan ka lahayn yaa gacanta la horreeyay? Ma wadaaddada mise qoladii ka soo horjeedday?

Waxaan ogahay meeshaan in ay shubho farabadan dadku ka fiirfiirin karaan dadka Jihaadka dura ama diiddan weeye waxaan ka hadlayaa. Waxaanse idin leeyahay kuwiinnii aan meesha jooginow iska aamusa oo ha ku hadlina wax aydaan waxba ka ogayn kuwii joogayna kiiskoodii baan ku jirnaaye dulqaata oo biya dhaca suga ama dhammaadka qisada. Jihaad-diidku marna qanci maayaan.

Inta aynaan xabadda billaabin muxuu yahay lafdhabarka duullaankaani?

Duulaankaan waxaa loo diyaariyay oo kaliya in lagu soo qabqabto odayaasha shiraya oo balaayada iyo duullaanka soo wada oo raba in ay Islaamka soo muuqday ka hortagaan waxaana ciidanka la amray in aysan qof shacab ah waxba yeelin waana lagu guulaystay oo waxaa laga fogaaday in dad shacab ah wax la yeelo odayaashiina la qabto ayagoo fayaw oo aan waxba gaarin. Waxaa meesha ku shirayay oo la rabay in la qabto waxay ahaayeen 4 qolo oo isu bahaysatay in ay dagaalka Ikhwaanka lagu qaadayo ka wada qayb qaataan. Waxayna kala ahaayeen: Timawayn, Suufiyo, Hoggamiye kooxeed iyo Oday-dhaqameed. Waxaa jiray qolo shanaad oo aan meesha joogin laakiin dagaalka raalli ka ahayd.

Aan mid mid uga sheekeeyo maxay yihiin kooxahaan shirka ku jiraa? Timawayn waa koox ku dul nool dadka, waxay baadil ku cunaan caamada masaakiinta ah xoolohooda, waxay dhexgalaan oo xubno ku yeeshaan maamul kasta oo meel ka jira, haddii ay tahay dowlad ama hay’adaha aan dowliga ahayn, waxay dadka ku diraan Shayaadiin ayaga u shaqaysa, markii qofku waashana waxay dhahaan noo keena annaga ayaa ka saarayna oo daaweynaynee, ka dibna xoolo aad u badan ayey ku xiraan dadkaas. Waxay dadka isu tusaan in ay yihiin dad ehlu-diin ah mase ahan ehlu-diin sababtuna waxay tahay: Xoolahooda kama bixiyaan Zakada, kuma tukadaan Masaajidda Jumcada iyo jamcooyinka toona, masoo xajiyaan oo Xajka ma tagaan, kama xishoodaan xaaraanta sida tubaakada iyo qaadka, sixirku waa shaqadooda kaliya oo ay takhasuska u leeyihiin iyo waxyaalo kasii daran intaas.

Kooxda labaad waa Suufiyo. Ayagana waxaa ka maqan oo ay waayeen mansab ay ku qabeen dadka dhexdiisa waxayna shaqo ka dhigan jireen oo wax ka soo gali jireen arrimo badan oo ay kamid yihiin: In ay dadka carruurta Qur’aanka u baraan, dhaxalka u qaybiyaan, kan dhinta fiddadheere u akhriyaan. Fiddadheere waa cadaab ka furasho! Markaas macnuhu wuxuu noqonayaa in ay dadka dhintay oo aan camal wanaagsan samaysan in ay janno galaan oo ay ayagu naarta ka furtaan. Subxaana-llaahi! Waxay kaloo sameeyaan in ay dadka isku meheriyaan xoolana ka qataan iyo wixi la mida.

Kooxda saddexaad waa Oday dhaqameed. Maxaa ka maqan ayagana? Waxaa ka maqan arrimo dhowr ah waxaana ka mid ah: Oday dhaqameedka dani uguma jirto in reeruhu nabad kusoo wada hoydaan oo wuxuu rabaa in maalin walba wiil aan waxba galabsan la dilo oo qoladii kalana qalabka boobto, markaasuu marada wirfiyaa, “War jooga! War jooga! War xaaladda odayaasha haloo daayo ayagaa dhammaynayee.” Waxaa laga yaabaa in uu asagu diray kii wax dilay haddana asagaa garnaqaya. Maalinkaasuuna suuqa ka adeegtaa oo wax soo galaan.

Maxaa ka maqan hoggaamiya kooxeedka? Waxaa ka maqan arrimo dhowr ah: Wuxuu wakiil ka yahay xuduudaha qabiilku dago in aan lagu soo xadgudbin oo qabiil kale xoolihiisu aysan daaqin dhirta dhulkaas ku taal illaa asagu oggolaado. Wuxuu wakiil ka yahay hay’adaha gaalada ah oo raba in ay dadka Muslimiinta ah cawraadkooda raac raacaan ama ay jaasuusaan.

Waxaa jiray qola shanaad oo aan sheegay laakiin ayagu meesha ma fadhiyaan raalli bayse ka yihiin wixii kasoo baxa iyo in la iska dulqaado ciidamadaan ku habsaday deegaankoodii. Ayaga maxaa ka maqan? Waxaa ka maqan: Sidaad og tihiin bulshadu markay meel wada daggan tahay way istaqaan ninka waxtarka ah iyo wuxuu awoodaba. Nimanka Suufiyada la yiraahdo waxay ahaan jireen culumadii bulshada ayagaana dadku casharrada ka qaadan jireen, ayagaa cidda Qur’aanka bari jirtay. Aqoontooduna waxay ahayd maxduud ama way yarayd. Waxaa soo baxay culumo jaamacado ka soo baxday oo ka aqoon badan ayagii oo afafka gaalada yaqaanna, Carabigana ka badiya. Waa la isku dhacay, gar baa loo fariistay, waana la heshiiyay. Waxaa lagu heshiiyay in qoladii Suufiyada ahayd oo aqoontoodu hoosaysay ay bulshada hoose la tacaamulaan, qoladaan aqoonyahannada ahna ay la shaqeeyaan dowladaha ama hadba maamulka jira, kalana taliyaan arrimaha diinta una fatwoodaan hadba tallaabaday qaadayaan Cilmaaniyiintu, saasayna mushaarkooda ku qaataan oo ku nool yihiin. Waa Culamaa’u Sulda!

Waxaa lagama maarmaan ah in aan milicsanno ciidanka Al-Itixaad cidda hoggaaminaysa oo rabtay in ay baddasho bulshadaan aan aqoon ama aan waligeed arag dhaqan Islaam iyo wax la yiraahdo Kitaab baa la isku xukumayaa. Waxaan soo qaadanaynaa dhawr nin oo kamid ah  Golaha Sare ee Al-Itixaad.

Aan ku horrayno madaxwayanaha Al-Itixaad. Waxaa madaxwayne ah Shiikh Cali Warsame. Shiikhu waa nin dacwadaan muddo ku soo dhex jiray, wuxuu yaqaannaa marka nabadda la yahay sida dadka loo kasbado, waa aftahan, waa nin haybad ku leh bulshada dhexdeeda, waa khadiib, waa daaci, waa muxaadir. Shiikha niqaashkii ugu dambeeyay ee tuulada Bayra la fadhiyay oo la qaadanayay mawaaqifta ad-adag, wuxuu laasimay aamus iyo dhagaysi dooddu siday u socoto. Maxaa yeelay shiikhu ma ahayn nin askari ah, waa daaci, wuxuuse danaynayay in la helo dawlad Islaam ah, markay dooddii soo gaba gabawday wuxuu qaatay ra’yigii ahaa in aan hubka la dhigin dacwadana la wado.

Haddaan si kale u dhigo waxaa laga niqaashayay waxay ahayd dacwada in la wado ayadoo aan hubka la dhigin, wixii dacwada ka horyimaadana xabbad sanka laga galiyo qolaa qabtay arrintaas. Qolana waxay qabtay in hubka la iska dhigo oo ciddii na oggol wax loo sheego ciddii diiddana aan la qasbin illayn diintu khasab ma ahee. Waa Ictisaamkii is qarinayay.

Waxaa Wasiirka Gaashaandhigga ahaa Shiikh Xasan Daahir Aways. Shiikha mawqif sidee ah ayuu qabay? Wuxuu qabay in dacwada iyo qoriga la isku wado, wuxuuna mar walba soo bandhigayay in aan laga maarmin ciidan Muslimka dhulka ka qaada ama Kitaabka Alle, shiikhu waa nin askari ah oo waaya arag ah, waa nin qaari’ul Qur’aan ah, waa nin jecel jihaadka, waa nin dabacsan ama baarri ah, waa nin ay u muuqato in ay maslaxo ku jirto in hal dambiil lagu wada rido koox bisado ah iyo koox jiirar ah, wuxuuna rumaysan yahay in aysan is cunayn oo ay wada noolaan karaan (Salafu Saalix, Suufiyo iyo wixi la mida).

Shiikh Cabdullaahi Cali Xaashi waa nin sidee ah: Waa ehlu-siyar ama siiro, waa ragga soo saaray raggaan halkaan maraya inta badan, waa nin xamaasi ah oo dadka kicin og waliba dhanka dagaalka, waa ninkii dhalinyarada baray in gaalo la iska dhicin karo, waa ninka oran jiray ku dagaallama wax Alla waxaad awooddaan dhagaxna Alla haka dhigee, waxaan ku bartay Masaajidkii la oran jiray Ceel-Hindi asagoo akhriya ar-Raxiiqul Makhtuum, dowladdii Maxamed Siyaadna ay jirto oo uusan dan ka lahayn, maantayna lama hayo warkiisii iyo dagaal galintiisii qiimiga badnayd, khayr baanse u rajaynayaa iyo in uu boorka ka jafo ar-Raxiiqul Makhtuum mar labaad inshaa Allaahu.

Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax waa nin sidee ah? Sheekhu hadda waa nin waayeel ah, wuxuuse dacwadaan ka soo qaatay qayb libaax ama waxaa la dhihi karaa wuxuu ahaa rukumaday ku taagnayd dacwadu, shiikha waxaan bartay asagoo kitaabka Bukhaariga ah ka akhriya masaajid ku yaallay Hoteel Weheliye hoostiisa, waxaa kaloo Tafsiir ka akhrin jiray wadaad indha la’aa oo la oran jiray Shiikh Cabdi Najiib.

Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax mawqifkiisu wuu caddaa: Wuxuu ahaa in qoriga la dhigo qolo walbaana aaddo meeshay ku dhalatay ama qabiilkoodu daggan yahay, halkaasna dacwada ay ka waddo waase lagu diiday oo waxaa la qaatay Jamhuurta warkeedii.

Maashaa Allaah. Caawa waxaan sameeyay qoraal farabadan sababtoo ah waxaa dhici doona saacado kadib dagaal dad badani ku nafwaayi doonaan, marka anigaaba waxaa igalay cabsi oo waan ka warwareegayaa in xabbaddu billaabato. Waan dhaqaaqnay waxaan kamid noqday raggii la yiri odayaasha soo qabta hana dilina ee keena ayagoo fayaw ama nool.

Magaalada Garoowe geeskeeda waxaa mara tog weyn oo noo dhexeeya annaga iyo meesha shirku ka socdo oo ahayd xeradii ciidamada qalabka siday ee dowladdii dhacday qaybta 54aad. Ciidankayaga waxaa watay Xuseen Cismaan Garyar. Wuxuu noo qaybiyay saddex madax qola walbana wuxuu siiyay waajib gaar ah, qola walbaa waxay tagtay meeshii loo asteeyay waxaana sugaynay Xuseen oo amar nagu siiya rida xabadda oo nimanka qabta ama amar ah qoriga hoos udhiga nimankii waa isdhiibeene.

Walaalayaal aniga hadda wadnahaa ibood boodaya oo waxaad mooddaa in aan dagaal run ah ku jiro waxaana u baahanahay in aan xoogaa nasanno. Adinka laftiinnu waxay ila tahay in aad ila dareenteen in aysan fiicnayn in aan xabbad ku degdegno. Ilaahow na sug, Aamiin.

Ikhwaanii diyaarsada faashadihiina iyo daawada dhiig joojinta ah, waxaanna isugu soo noqon doonnaa inshaa Allaahu tacaalaa qormadeenna tan xigta.

Qeybta 11aad

Waxaa isugu kaaya dambaysay ayadoo Islaamkii fiday ama dacwadii Al-Itixaad Al-Islaami, waxaan gaadhnay gobollo fogfog ama magalooyin farabadan waxaa kamid ahaa meelaha aan gaadhnay: Garoowe, Gaalkacyo, Galdogob iyo inta ku xeeran oo magaalooyin yaryar ama tuulooyin ahaa.

Gaalkacyo waxaa isku horfadhiya laba ciidan oo ay kala hoggaaminayeen Korneyl Cabdullaahi Yuusuf Yeey iyo Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid. Magaaladu waa goob dagaal, dadkii waddanka u dhashayna waxay kala raacsan yihiin labada hoggaamiye kooxeed oo waxaa ka dhexeeya dagaal xun. Intaan dagaalku dhicinna dadku waxay ahaayeen dad walaalo ah oo is dhex daggan oo is caawiya diin iyo duunyaba.

Waxaan saldhig ka samaysannay meel Gaalkacyo aad ugu dhow oo la yiraahdo Bayra. Danta aan meesha unimidna waa in aan dacwada gaadhsiinno ciidammadan is hor fadhiya oo maalin walba dagaalka iskula jira oo qaar dhimanayo asagoon garanayn wuxuu u dhimanayo oo aan ka ahayn iska celi waa Hawiyee kan kalana udhimanayo iska celi waa Daaroodee.

Dacwada waxaan kasoo billownay Boosaaso waxaana cagta soo marinnay intii u dhaxaysay Boosaaso illaa Gaalkacyo. Waxaa na ajiibay ama qaatay dacwadii dadkii ku hoos-noolaaa afar qolo: hoggaamiye kooxeed, Suufiyo, Timawayn, iyo oday dhaqameedkii beelaha hor fadhiyay. Waxaa jiray qolo shanaad oo aan ku faraxsanayn imaatinkayaga oo ayaguna kamid ah dadka ehlo diinka ahaa ama reeraha Culumadoodii ahaan jiray.

Ciidamada ducaadda ah waxaa hoggaaminaya rag adeegsanaya xirfado kala gaddisan iyo aqoon dheeraad ah ama kalsooni ay ka haystaan bulshada meesha daggan iyo ciidanka dagaalka ku jira, waa ciidanka Cabdullaahi Yuusuf. Waxay ku guulaysteen in ay gaadhsiiyaan kalimaadkay rabeen in ay ciidanku maqlaan waxaana ajiibay ciidan farabadan oo ka soo baxay furintii ay ku jireen waxaana kamid ahaa saraakiil iyo askar intaba markii dambana waxayba kamid noqdeen ciidammadii Al-Itixaad Al-Islaami.

Ragga ducaadda ah oo hawshaas fulinayay waxaa kamid ah Caaqil Cabdiwahaab Maxamuud Guray oo ah nin caan ka ah deegaanka, waa nin lagu xushmeeyo aabbihiis oo muddo cidda caaqil u ahaan jiray waxaana la dhihi jiray: Caaqil Maxamuud Guray Cilmi Sarmaan, asagana waxaa lagu wareejiyay jagadii aabbihiis oo waa Caaqil dhalin yaro ah oo huwan haybaddii aabbihiis. Sidaas darteed wuxuu helay qaabiliyad ama soo dhawayn bulshada xaggeeda ah.

Raggaas ducaadda ahaa waxaan kaloo ka xasuustaa nin la dhihi jiray Dhagacaleen oo asaguna ahaa nin adag oo firfircoon oo bashaash ah dhalinyaraduna jeceshahay. Waa nin sheekaaloow ah oo meeshuu fadhiyo asagaa afkiisa la fiirinayaa oo maantoo dhan qisooyin buu ka sheekaynayaa. Waxaa intaas u dheer labada nin, waa Cabdiwahaab iyo Dhagacaleene, waxay ka tirsanaan jireen ama ahaan jireen Jabhaddii SSDF. Markaasaa Ilaahay qalbigoodii hanuun ku riday. Ciidanka Cabdullaahi Yuusufna wuxuu u badan yahay SSDF. Sidaas darteed waxaa u sahlanaatay in ay ciidankii dhexgalaan oo marba qaar lasoo jabaan.

Akhristow ha hilmaamin waxaan soo marnay shan qolo oo kala ahaa Timawayn, hoggaamiye kooxeed, Suufiyo, oday-dhaqameed, iyo qolo wadaaddo ah oo ayaguna cidda culumo u ahaa. Waxaan awal ka soo faraxalannay oo fara madow afartii qolo marka laga reebo hoggaamiye kooxeed Cabdullaahi Yuusuf oo aan ugu galnay dhufayskii ugu dambeeyay oo ugu qatarsanaa oo haddaan ku guulaysanno in aan ciidanka furinta ka soo saarno, waa furinta Gaalkacyo waxaan ka hadlayaaye, afarta qolaba waa isdhiibayaan oo waxay ku daba faylayaan dawladda Islaamka ah ee Al-Itixaad Al-Islaami.

Arrintaasu markay dhacday oo ay arkeen khatarta ku soo fool leh waa siday ayagu wax u arkayeene waxay billaabeen qaylodhaan ku wajahan dibad iyo daakhilba, waxay kala direen ergooyin soo uruurisa wax Alla wixii waxgarad ah oo arrintaanu khusayso. Waxaa la dalbaday dhaqaale lagu maalgaliyo shirarkaan muhiimka ah. Meel walbay gaadhay qaylo dhaantii waxaana la qabtay shirar hordhac ah oo arrintaan loogu gogolxaarayo. Waxay fureen shubhooyin ah: war nimanku waa Hawiye soo ma aragtaan waxaa wata Xasan Daahir oo Caydiid ina adeerkiis ah,  waxay u socdaan dabargoynta Daarood, iyo wixi la mid ah.

Dawladdaan Islaamku waxay leedahay wardoon ama sirdoon xogta raadiya waxay soo ogaadeen in ay jirto kulamo dhacay oo wata dareen colaadeed, way soo gudbiyeen. Muddaa la joogay ayadoo la hubsanayo arrintiina waa la dabagalay waxaa lasoo ogaaday in khatartii sii kordhayso markii dambana waxaa bannaanka usoo baxday cadaawaddii loo qabay dawladdii Al-Itixaad.

Al-Itixaad wuxuu iclaanshay shir wayn oo arrintaan cusub looga hadlo oo go’aan loo dhan yahay lagu qaato. Waxaa la diyaariyay ciidamo farabadan oo meel walba la soo dhoobay si loo sugo nabadgalyada wufuuddaan shirarka imaanaysa, waxaa loo doortay meeshii shirku ka dhici lahaa meel u dhaw tuulada Bacaadwayn. Waxaa yimid culumo aad u fara badan oo aad wada garan lahaydeen haddaan magacooda wada tiriyo waxaanse idinka xasuusin seddexdii oday ee ugu waawaynaa: Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax, Shiikh Cali Warsame, iyo Shiikh Xasan Daahir Aways (xafidahumu-llaahu ajmaciin).

Madaxwaynaha dawladda Islaamku waa Sheekh Cali Warsame. Wasiirka Arrimaha Dibaddu waa Sheekh Maxamed Cabdi Daahir. Wasiirka Gaashaandhiggu waa Sheekh Xasan Daahir Aways. Waxaa billowday niqaash dheer maalmay qaadatay in shirku soo xirmo ama la is afgarto. Sidaad ogtihiin shirkaan noocaan ah waa kii saddexaad oo waxaan soo marnay Dhoobley, Nasrudiin iyo kan hadda loo fadhiyo.

Fiiro Gaar ah: Akhristayaasha qaar kamid ah ayaa waxay isoo su’aaleen Dhoobley waan garannay ee Nasrudiin muxuu ku dambeeyay niqaashkiisii? Walaalayaal waxaan idin xasuusinayaa waa hal shay mar walba waxa dhibku ka taagan yahay waxayna tahay hubka hala dhigo, dadka yaan la argaggax galin, ciidankaan cid walba isugu jira dacwaduu wax udhimayaa, dowlad Islaam ah hadda lama dhisi karo, Maraykan baa nagu soo duulaya, meesha waxaa ka jira ciidan beeleed nabadgalyadana ilaaliya oo looma baahna ciidan aan beesha ahayn ama qabiillada meesha degta, iyo wixi la mid ah.

Shirkaanu wuxuu ka xasaasisan yahay kuwii hore maxaa yeelay waxaynu soo marnay in  cadawgu shirayo oo ay dhici karto in duullaan lasoo qaado ayadoon shirkuba dhammaan oo nin waliba wuxuu leeyahay ama wadaad walba oo aan ku qanacsanayn in la dagaallamo, “War shirka noo soo gabagabeeya oo meel isku raaca.” Intaas waxaa iska soo daba dhacaya akhbaartii cadawga oo soo gaartay meel halis ah.

Culumada meesha isugu timid qaar waa xog-ogaal qaarna waa loo warramaa oo wuxuu qaataa hadba sidii wax loogu sheego dooddiisuna waxay ku dhisan tahay khabarkii u hormaray ama akhbaartii saaxiibbadiis dhagta ugu sheegeen. Waxaa lasoo gaaray gabagabadii iyo gunaanadkii shirka, go’aankii wuxuu noqday in dacwada la wado hubkana aan la dhigin intii dagaalka daandaansiga ah laga fogaan karana laga fogaado haddii nala soo weerarana aan is difaacno. Shirkii waa xirmay wufuuddiina waxay kala aadday meelahay ka kala timid, ciidamadii Islaamkana waa la diyaar gareeyay, waxaana lagu amray in aysan ku degdegin cid kasta oo dagaal-doon ah ama daandaansi wadda.

Waxaan kamid noqday ciidankii la geeyay mucaskarkii ku yiillay magaalada Garoowe oo la oran jiray Ligle. Waxaa loogu magacdaray meeshii ciidanku dagganaa oo ahayd tog weyn oo la oran jiray Ligle, waa meel istaraatiiji ah, waxay leedahay togag waawayn oo haddaad dhex gasho aan lagu arkayn, waa meel bannaan  oo meel dheer baad wax ka arkaysaa, taas waxaa sii dheer wuxuu leeyahay toggu biyo macaan oo qulqulaya oo meel kale biyo ka doonan maysid biyuhuna waa muhiim. Meeshu magaalada Garoowe way u muuqataa oo waxay u jirtaa illaa iyo 2 kiilomitir qiyaastii.

Magaalada waxaa nooga yimaada rag ducaad ah oo maalinka galinkiisa hore nala jooga duhuradiina naga taga maadaama ay magaalada daggan yihiin. Waxaan ka xasuustaa raggaas Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax, Maxamuud Hoori, Codwayn, Cali Xaaji iyo rag kale oo farabadan. Muddaan dagganayn oo dacwadiina meesheedii laga waday waxaana farabatay dadkii doonayay in ay ku soo biiraan tayaarkaan socday hadday tahay qabiilooyin ama fardiyaad intaba. Waxaa la helay kalsooni lagu qabo in lasii wadi karo dacwadaan ilaa ay gaadho Gobollada Koonfureed maxaa yeelay markaas ayada ah waxaa wada shaqayn leh Gobollada Waqooyi Galbeed, Mudug, Waqooyi Bari, Nugal iyo wixi la mid ah. Intaas oo dhan waxaa ka jiray dacwada Al-Itixaad. Waxaa kaliya oo u dhimanaa waxay ahayd Koonfurta Soomaliya.

Sirdoonkii Islaamku wuxuu soo gudbiyay in ay jirto weerar kama dambays ah oo ay rabaan in ay soo qaadaan qolooyinkii u arkayay in taladoodii ay la wareegeen Al-Itixaad, waxay kaloo warbixintu leedahay waxayba ku shirsan yihiin meel noo jirta wax ka yar 3 kiilomitir. Qorshohooduna wuxuu yahay in ay barri subax ama saacado kadib weerar nagu soo qaadan. Waxaa la tasxiixiyay ama la hubsaday waxa jira iyo intay le’egyihiin waxaana xaqiiqa noqotay arrimaha sirdoonku soo gudbiyay in ay yihiin siday u soo gudbiyeen.

Waxaa la diyaariyay ciidankii meesha dagganaa, waxaa loo qaybiyay dhawr qaybood waxaana la galiyay heeggan buuxa, waxaana habeenkaas la seexday ayadoo nin waliba waran-la-yuurur yahay ama is leeyahay goormay billaaban doontaa xabaddu. Waxaa ciidankaas amiir u ah Shiikh Cabdulqaadir Cabdullaahi, waxaa ku xigeen u ah Shiikh Maxamuud Ciise (taqabalahumu-llaahu ajmaciin), Aamiin, Aamiin.

Akhristayaaloow arrintu sidii hore caawa ma aha oo waxaa jira cabsi laga qabo in dagaal dhaco marka dagaal la galayana waxaa la diyaarsadaa wax Alla wixii muhiim u ah dagaalka, ee aan hubka sifaysanno aan xoogaa seexanno aan biyo dhaansanno waa intaasoo meesha biyaha leh nalaga qabsadaaye. Barri waxaa dhici doona dagaal faraha looga gubtay oo rag badanu ku geeriyoon doonaan lamana yaqaan cidda geeridu u imaan doonto ee waxaan idin fari lahaa ha lala yimaado cibaado farabadan iyo Tawbad xagga Alle ku wajahan Ilaahayna u soo barya walaalihiin inuu guusha siiyo, baritoole inshaa Allaahu tacalaa.