Tag: Faarax Maxamed Jaamac “Cawl”

  • Qeybta Afraad

    Dalal isla waqtigii cagtuu ka waday, hase ahaatee intaannuba weli libdhin ayaa Warfaa oo Cali wax la haya, Cali u yeeri oo ku yiri, “Sow maad ogid inuu Dalal socdaal tegey? Walle waxbaan ogahay.” “Ha tage maxuu la tegay?” “Haahe miyaanay kula ahayn inuu adeerkiis Mooge u tegaayo, oo kala soo tashanaayo arrintaad xalay isku […]

  • Qeybta Saddexaad

    Intii loo sii socday golihii, Dalal iyo afartii kale dhallinyaro ay ka mid ahaayeen Cali Dalmar iyo Warfaa Jaamac, kaftan ayaa leysku tuurtuuray, hase ahaatee Dalal waxaa la cuslaatay fekerna ku reebtay arrinkii ay soo jeedisay Bilan uuna u carrablaabay inay wada dhammeysan doonaan saddex casho kaddib, maxaa yeelay waxay markiisii hore ka ahayd xodxodasho iyo […]

  • Qeybta Labaad

    Inkastoo Bilan tirsaneysay meel ka dhac misana markuu xaal siiyey haasaawihiisiina u bogtay oo uga dhadhantay inuu aad uga xun yahay falkiisii, garyigilna yahay, raalli bey noqotay. Markaas iyadoo xiiso leysu qabo ayuu Dalalna geeliisii aaday, iyana arigeedii oo ka yare durkay ka daba tagtay. Nasiib darro markay arigii u tagtay waxay la kulantay arigii […]

  • Hordhac

    Dhibbanaha Aan Dhalan waa sheeko xaqiiqda dhabta ah ka muujinaysa darxumada iyo dhibaatada cadowgu gaar ahaan kan Amxaaradu ku hayeen ummadda Soomaaliyeed ee degta Galbeedka Soomaaliya ee uu cadowgu maanta haysto. Waa sheeko isugu jirta jaceyl iyo naxdin taas oo lasoo darsaysa wiil iyo gabadh isjeclaaday islamarkaana cadowgu kala dhexgalay jecaylkoodii iyagoo waliba gabadha reerkii […]

  • Dhibbanaha Aan Dhalan

    Sheekadaan waxaa qoray qoraaga caanka ah ee Faarax Maxamed Jaamac “Cawl” isagoo xus uga dhigay sheekadaan 37dii ardey iyo 4tii macalin ee sida arxan darrada ah ay ugu xasuuqeen magaalada Boorama diyaaradihii Xabashidu iyo kuwii kale ee ay nolosha ku naafeeyeen 30kii Janaayo 1984tii. _________________________ Tusmo Hordhac Qeybta Koowaad Qeybta Labaad Qeybta Saddexaad Qeybta Afraad […]