Category: Dhibbanaha Aan Dhalan

  • Nolosha Qoraha

    Qoraha buuggan, Faarax Maxamed Jaamac ‘Cawl’ wuxuu ku dhashay gobolka Sanaag, degmada Laasqoray markay taariikhdu ahayd 1937kii. Tacliintiisa dugsiga hoose wuxuu ku soo qaatay magaalada Cadmeed. Hase ahaatee, wuxuu ka soo dhoofay 1952kii, wuxuuna magaalada Hargeysa ka galay dugsiga farsamada gacanta, markuu ka baxay dugsigaasna wuxuu tacliin sare ee farsamada gacanta u aaday dalka Ingiriiska […]

  • Qeybta Saddex iyo Tobnaad

    Bacdamaa dhacdooyinka darxumo qaarkood, oo beni’aadanka ku habsadaa, ama uu la kulmo baaxaddoodu cajaayib iyo lama rumeystaan yihiin, ayna sas iyo xusuus cabsi leh ku reebaan qofka maankiisa, waa shaki la’aan in qofkaasi markuu soo jeedo hammiyo oo qammiyo, markuu seexdana hadba ku riyoodo, riyooyin dhif ah oo cajaayib iyo lama rumeystaan ah badankoodna la […]

  • Qeybta Labo iyo Tobnaad

    Run ahaantii qof kasta oo bani’aadan ah, sida raggii hore u yiraahdeen, waxaa hor yaal hawl uu subax walba u kallaho, si uu kibistiisa u xaqiijiyo, iyo hawo uu isleeyahay derajadaas gaar, waxeer hel, ama maruun baad wax noqon. Waxaa kaloo harreefo socda faa’ido iyo khasaare miduu u dhacoba, waase qof iyo nasiibkiis. Waxaa kaloo […]

  • Qeybta Kow iyo Tobnaad

    Hadday ururrada samafalka muddo dhowr bilood ah daawo iyo baan ku hayeen Dalal iyo Bilan, oo nololi ku soo yare noqotay, ayna dhogor dad yeesheen, ayaa qaxootigii kale iyagoo si gaar ah ugu dedaalaaya u dhiseen buul bac iyo xaashiyo ka sameysan, si ay isugu aroostaan. Markii buulkii loogu talagalay loo hooyey, arooskii iyo aroosaddii, […]

  • Qeybta Tobnaad

    Iyagoo malahoodii siiyey, in raacdo ka daba imaaneyso waxyeelladay geysteen culeyskeeda, khaas ahaan Kuubaankii ay dileen ayey waxay isu qaybsheen saddex kooxood, oo kooxiba jiho qaaddo, si haddii koox loo helo, labo u badbaaddo, ama haddii labo la helo midda saddexaad u fikato. Dalal, Bilan, Cusmaan, Ibraahim iyo afar kaloo dhallintii ah isku koox bey […]

  • Qeybta Sagaalaad

    Markey xabsigii ku noqdeen Dalal iyo Warfaa, ayaa waxaa takooray oo ku kacay maxaabiistii kale, waxayna ku yiraahdeen markey u galeenba, “Uf! Uf! Aakhis! Waa labadii dulli oo waxa ragga ragi diideen yeelay, war ha nala soo gelina qudhinkiina waxyahow federoobay, oo dameerka u qalay Kuuba naas dheer. Haa! Haa!” Waa lagu wada qoslay. Dalal […]

  • Qeybta Siddeedaad

    Goortii dameerkii hilibkiisii la bisleeyey, qaarna ceyriin yihiin la soo dhigay oo Kuubaankii oo madow u badani soo fadhiisteen geedka hoostiisii, baa mid Diyas la yiraahdaa yiri, “Waan ka xumahay labadii dhallinyaro ee layska toogtay.” Raa’uul oo madaxii kooxda ahaa baa yiri, “Sabab?” Diyas baa ku noqdoo yiri, “Sababtoo ah dameer bey qali waayeen in […]

  • Qeybta Toddobaad

    Bacdamaa Xabashida dagaallo gobannimadoon ahi gobollo badan kaga socdeen, sida Soomaali Galbeed, Eritariya iyo Tigree, waxay habeysay siyaasad ah iney dhallinta gobolladaas intey khasab ku ururiso ka dagaal geliso gobolkey u dhasheen ma ahe gobol kale, khaas ahaan kuwa kala durugsan. Halkaasna markay tagaan dal aanay garaneyn dadkiisa iyo deegaankiisa ugu dhintaan ujeeddo la’aan, iyagoo […]

  • Qeybta Lixaad

    Halkaasey iyadoo cirka daruur yar shuuxeysaa isku soo jiqsiiyey, oo dabeyl qaboobi hareeraha ka dhaceyso, Bilan oo ari raacato ahi, oo arigii ka fara maran, himiladeedii jaceylkeeda iyo rajadey nolosha ka qabtayna habeen uga dumay, ka orrodday goobtii, iyadoo tabaallaha gobolka qeybteedii xambaarsan. Waxay oroddaba, ama gucleysaba waxay gaartay rugtii ay reerka ku ogeyd. Sidey […]

  • Qeybta Shanaad

    Habeenkaas oo Jimce ahayd, Sheekh Aw Jaamac, Bilan aabbaheed sidii loo dardaarwirayey ayaa waxaa waagu ugu beryey siduu u cibaadeysanaayey, oo marna Quraan u akhriyeeyey, marna u tukanaayey. Waagii markuu beryey oy arigii dareerisay ayuu Bilan u yeeray, waxuuna ku yiri, “Weli miyaad uur xun tahay dilkii lagu dilay?” Waxay tiri, “Maya aabbe iska illaabey.” […]