Tag Archives: Maxamad Cabdillaahi Riiraash

Futuux al-Xabasha — Mahadho-Reebka Sooyaalka Qarnigii 16aad

Shihaabud-Diin Al-Jiizaani (Fiqi Carab), Aadan Xasan Aadan (Beleloo), Maxamad Cabdillaahi Riiraash

Futuux al-Xabasha — Mahadho-Reebka Sooyaalka Qarnigii 16aad
Imaam Axmed Guray
Shihaabud-Diin Axmad Cabdulqaadir Saalim Cismaan Al-Jiisaani (Fiqi Carab)
Tarjamaddii: Aadan Xasan Aadan (Beleloo), Maxamad Cabdillaahi Riiraash
Jabuuti, 2008

Sargoynta Dhigaalka: Cumar Siciid Bile

Dhammaan xuquuqda kitaabkani waa dhawran tahay. Lama daabici karo, lama sawiri karo, isla markaa guud ahaan iyo qaybqayb ahaan toona looma minguursan karo, haddii aan oggolaansho qoraal ah laga helin labada turjume ee Buugga.

Hordhac

Buuggan Futuux al-Xabasha oo af Carbeed ku qoran, waxa dejiyay ninka magaciisa la odhan jiray: Shihaabud-Diin Axmed bin Cabdulqaadir bin Saalim bin Cismaan oo reer Jiisaan ahaa kuna magac dheer Carab Faqiih ama Fiqi Carab. Buuggan oo ka warramaya dagaalladii iyo duullimaadyadii waaweynaa ee uu Imaam Axmed Guray hoggaaminayay horraantii qarnigii 16aad, waxa loo tarjamay dhawr af oo ay ka mid yihiin Faransiis, Ingiriisi, iyo Xabashi. Sidaasi awgeed lagama maarmaan bay noqotay in af Soomaalina lagu tarjamo oo ay dhab ahaan ahayd mar horaba in ay taasi hir gasho.

Waxa ay ahayd mid soo raagtay, waayo deegaanka uu Kitaabku ka warramayo iyo dadka ka qayb qaatay dhacdooyinka samayntooda, waxa xuddun u ahaa Soomaalida.

Haddaba Carab Faqiih oo ah ninka buuggan qoray, duullimaadyada Imaamka intooda badan goobjoog buu u ahaa si wanaagsanna wuxuu uga warramay deegaannada dagaalku ka dhacay, dadyawga dagaalka isku haleelay ee qabaa’il iyo qoomiyadaba lahaa. Si cad oo aanay ceeryaamo saarrayn ayuu u tilmaamay in ay Soomaalidu laf dhabar u ahaayeen dagaalkaas.

Waxan arki karraa degmadani in ay Afrika inteeda badan kaga duwan tahay iyada oo ah meesha keliya – haba u soo kala horreeyaane – ee ay saddexda diimood; Yuhuud, Nasraaniyad iyo Islaamku ku kulmeen, hardan xumina ku dhex maray.1 Waa laga yaabaa, bilawgii in nabad lagu wada noolaa. Haddana mar haddii caqiido lagu kala tagsan yahay xurgufi way jiri wayna jirtay. Dadka woqooyiga Itoobiya ku nool oo kala ah Amxaaro iyo Tigrey, waxa ay diinta Masiixigu soo gaadhay waqti hore oo ku siman illaa qarnigii 4aad ee Miilaadiga2, Islaamku se laba qarni ka dib ayuu dunida u soo baxay, markii Quraanku Nebi Maxamed – Naxariisi Korkiisa ha ahaatee – uu ku soo degay ee uu faafitaanka Islaamku ka bilaabmay Gasiiradda Carabta, halkaas oo ay Muslimiintii u adkaysan waayeen colaaddii reer Maka, dabadeedna uu talo Nebigu ku siiyay in ay uga haajiraan dhulkii ay Carabtu u taqaannay Al-Xabasha oo ah Geeskan Afrika. Sidaasi ayuu xidhiidhka Islaamka iyo gobolkani ku bilaabmay, si wanaagsanna wuu u bilaabmay. In ay socotaba ha socotee, ganacsigii marka horeba ka dhexeeyay labada dhinac, waxa soo raacay rag Diinta Islaamka ku faafiya dhulka xeebaha ee Geeska Afrika. Kolka uu ganacsigu dhulwaynaha ku sii fogaadoba Diintuna way la sii fogaanaysay, waana sida ay Diinta Islaamku ugu faaftay shucuubta degta Geeska Afrika, dawladihiina ku samaysmeen.

Isla qarnigaa 16aad bilawgiisii, waa xilligii ay reer Yurub is-ballaadhintooda bilaabeen, gaar ahaan dhanka bari ee dunida. Sidaa aawadeed, waxa dunida oo dhan ka bilawday hardan dhaqaale iyo diin ku salaysan. Waxa ay taasi la xidhiidhsanayd dagaalladii Macatabka (Saliibka) oo ka soo dhex socday Yurub iyo dunida Islaamka. Waayadaa, ka dib kolkii la helay jid-badeedka loo maro Hindiya ayuu Burtaqiisku isku balladhiyay magaalooyinkii ku yaallay xeebta bari ee Afrika ee ay muslinku degganaayeen, kuwaas oo uu dab qabadsiiyay, wixii yaallayna boobay. Xilligaa waxa kale oo jirtay in ay muslimiintu guud ahaan tamar-darreeyeen. Dhammaadkiina waxa xoog dhulka ku soo galay dawladdii dhallinta yarayd ee Cusmaaniyadda oo kolkaa qabatay Khilaafada Islaamka si ay Burtaqiiska uga difaacaan qabsashada Maka iyo Madiina.

Qarnigii 9aad ee Miilaadiga waxa gobolka Shawa ka samaysmay boqortooyo Muslim ah oo ay yagleeleen niman carabta reer Banii Makhsuum3 ahaa oo hadda ay ka sii joogaan – sida la ogyahay – dadka loo yaqaan Orgobuha.

Qarigii 13aad waxa samaysantay boqortooyadii Islaamka ee caanka noqotay ee Awfaat, asaaseheeguna ahaa nin la odhan jiray Cumar Walasmac oo la yidhi wuxuu ahaa tafiirtii Sheekh Yuusuf Al-Kawnayn. Isla boqortooyadaasi, sannadkii 1385ki, waxay la wareegtay boqortooyadii kale ee Shawa.4

Awfaat oo noqotay dawladda Islaamka Geeska Afrika ugu saamaynta waynayd, waxay gacanta ku dhigtay marsooyinka ay ka mid yihiin Saylac iyo Berbera oo ku yaallay hilimada uu ganacsiga Geeska Afrika ku soo arooro amma uu ka fulo ba. Boqorradii Xabashida oo uu xukunkoogu ku dhisnaa habka dhulgoosiga loo yaqaanno ayay taasi ku abuurtay xasad iyo quudhi-waa keenay inay isku dayaan gacan-ku-qabashada ganacsatadii Muslimiinta iyo ganacsiga ba. Taasina waxa ay ugu danbayntii sababtay in ay dhac iyo boob joogta ah ku la kacaan. Markii ay dawladihii Islaamku samaysmeenna colaado iyo weerarro aan kala go’ lahayn ayay ku qaadeen.

Labadaa aan soo sheegnay uun kuma koobnayn dawladaha Islaamku ee waxa kale oo abuurmay dawladaha kala ahaa; Dawaaro, Baali, Sharkha, Hadya, Futajaar, Arabani, Daarah, iyo markii danbe Cadal amma Awdal oo ka soo xuubsiibatay dawladdii Awfaat.5

Haddii ay kuwaasi ahaayeen dawladihii Islaanka ugu waaweynaa, dhanka kalena waxa jirtay dawladdii Xabashida ee ka soo hor jeedday.

Dawladdaa waxa sal u ahayd buuraleyda ay galaan qoomiyadaha Amxaarada iyo Tigraygu. Intii ka horraysay 1270ki, dawladihii Xabashida xukumayay nabad bay kula noolaayeen dawladihii muslinka ee jaarkooga ahaa. Hase yeeshee, wixii intaa ka danbeeyay, waxa Xabashida hoggaanka u qabtay boqorradii ku andacoonayay in ay ka soo jeedaan tafiirtii Nebi Suleymaan6Solomonic Line. Taasi waxa ay keentay in ay dagaallo diimeed huriyaan si ay Geeska Afrika diin keli ah ugu soo dabbaalaan, dhaqaalahana gacanta ugu dhigaan. Qaskii iyo iska-hor-imaadyadii ka dhashay ayaa keenay degganaansho-la’aan iyo dagaal joogto ah.

Dagaallada uu Futuux Al-Xabasha ka warramayona waxa mus-danbeed u ah damacaa iyo dagaalladaa ay huriyeen boqorradii Xabasha.

Sannadkii 1332ki iyo wixii ka danbeeyay dagaalladii isdaba joogga ahaa ee ay Xabshidu ku soo qaadday dawladihii Islaamka ahaa, intoodii badnayd way ku qabsatay, kuwii ugu xumaa na waxay ahayd waqtigii uu xukumayay boqorkii la odhan jiray Daawat kii 1aad oo xukunkiisu socday 1382kii-1410kii. Sannadkii 1402dii wuxuu ninkaasi ku guulaystay in ciidammadiisii ay jebiyeen kuwii Muslinka ee uu hoggaaminayay Suldaan Sacdud-Diin oo ahaa tafiirtii Cumar Walasmac. Suldaanka iyo ciidammadiisii waxa la soo eryeday dhanka Saylac, halkaasaa na lagu dilay oo waxa lagu xabaalay gasiiradda Saylac agteeda ah ee illaa hadda magaciisa xambaarsan.7

In kaste oo ay muslinkii jugtaa weyni gaadhay, haddana jab kama danbays ah ma noqon. Wiilashii ilma Sacdud-Diin oo markii aabbohood la dilay u tallaabay Yemen oo uu ku soo dhoweeyay Boqorkeegii An-Naasir Axmad bin Al-Ashraf Ismaaciil, ayaa dib u soo laabmay, kadib kolkii uu soo hubeeyay, halkii na halgankii kasii waday.8 Dawladdii Islaamka dib baa loo habeeyay dhulkii na waxaa lagu magacaabay Barru Sacdud-Diin, xarun na waxaa looga dhigay magaalo la odhan jiray Dakar oo markii danbe Harar looga soo guuray. Muslimiintu si weyn bay isku diyaariyeen, si ay duullimaadyadii Xabashida ee isdaba joogga ahaa iskaga caabbiyaan.

Rag badan oo ciidammada Muslimiinta hoggaminayay ayaa iyagu na duullimaadyo rogaal-celin ah oo ka hortag ah qaadayay. Raggaas waxaa ugu magac dheeraa ninka la odhan jiray Garaad Maxfuud oo hoggaanka Muslimka ee dagaalka qabtay sannadkii 1490k, la na dilay 1516ki isaga oo duullimaad ku qaaday xabashida. Ninka kale ee isagu na jihaadka qaybta weyn ka qaatay wuxuu ahaa Suldaan Maxamed oo isna la dilay 1518kii. Intaa dabadeed dhulka waxaa ka dhacay qasaawaselel iyo jahawareer.

1508dii, waxa Xabashida boqor u noqday ninka la odhan jiray Libna Dengal oo Futuux al-Xabasha ugu qoran Wanaag Segad. Waa ninka markii uu Xabasha ka talinayay ay dheceen dagaalladii waaweynaa ee uu Imaam Axmed Guray hoggaaminayay.

Haddii an is wayddiinno, haddaba maxaa keenay duullimaadyadan qarnigii 16aad, tarjamaddan waxa laga akhrisan doonaa sababaha dagaalladaa keenay iyo raadka ay ku reebeen hab-socodka taariikhda Geeska Afrika.

Dagaallada xooggaa leh waxaa ku kallifay in ay Muslimiintu qaadaan:

  • Arrinta koobaad: waxa uur-ku-taallo weyn ku reebay dilkii loo geystay madaxdooda sida kii Sacdud-Diin sannadkii 1402di, kii ka danbeeyey ee Amiir Maxfuud 1516kii iyo kii Suldaan Maxamed 1518kii.
  • Arrinta labaad: Waxa intaaba ka sii darraa burburintii ay Xabashidu burburisay dawladihii Islaamka ee Geeska Afrika ka samaysmay sida aan horayba u soo sheegnay.
  • Arrinta saddexaad: waxa ay ka seexan waayeen dhacii, boobkii iyo qafaalashadii ay boqorrada Xabashidu si joogto ah ugu la kaci jireen dhulka muslimiinta.

Markaa waxay ahayd in duullimaadyada Xabashida la iska caabbiyo, gobolladaa Islaamka ahaa ee ay horay u qaateen na dib looga soo celiyo, raggii aan soo sheegnay na loo soo aar gudo.

Waxa intaa dheeraa in markii la soo gaadhay qarnigaa 16aad ay xeebaha Geeska Afrika soo gaadheen duullimaadyadii Boortaqiiska oo xagga badda ka yimid, xidhiidh na la yeeshay boqorradii Xabashida. Taasi na werwer gaar ah ayay ku kordhisay arrimihii cakirnaa ee Muslimiinta iyo Nasaarada ka dhex oognaa.

Ka dib kolkii la dilay raggii aan soo sheegnay ee Garaad Maxfuud iyo Suldaan Maxamed ay ka midka ahaayeen, waxa dhulka muslimiinta ka dhacay jahawareer, ammaan-darro iyo jidgooyo, markaas ayaa xaaraan oo dhan na la xalaashaday. Waxa dhab ahaan loogu sinbiriirixday dagaal sokeeye iyo xukun sal dhigi waayay. Intaa ka dib, waxa soo baxay nin Garaad Aboon la odhan jiray oo hoggaamiye u noqaday koox dagaalyahanna ahaa. Waxa ay saluugsanaayeen oo ay ka soo horjeedeen Suldaan Abuubakar oo ahaa nin guddoon jilicsan, isku na meeriyay kuwo riciyadda iyo safarradaba dhiba. Garaad Aboon muddo lix sannadood ah ayuu dhulkii dejiyay oo ay kala danbayntii soo noqotay, taas oo hinaase galisay Suldaan Abuubakar. Isaga iyo ciidankiisii dhaca iyo budhcadnimada ku noolaa ayaa dagaal ku soo qaaday Garaad Aboon oo dilay.

Inkaste oo ay taasi dhacday haddana raggii Garaad Aboon isma dhiibin. Raggaa uu Garaad Aboon tababaray waxa ka mid ahaa nin dhalin yaraa oo markaaba si gaar ah uga tilmaannaa dhallinyarada kale. Ninkaasi waxa uu ahaa Imaam Axmed Guray oo taariikhda ku galay Al-Qaasi ama Duullimaad-Badane. Suldaan Abuubakar iyo ciidammadiisu dan kama lahayn duullimaad yadii Xabashidu ay dhulka Muslinka ku soo qaadayeen goortay doonaan iyo siday u doonaan ba. Iyada oo ay arrini sidaa tahay oo Imaam Axmed iyo saaxiibbadii meel kale ku sugnaayeen ayuu Boqorkii Xabashidu badriiqiisii Faanu’iil u soo diray in uu daafaha dhulka muslinka duullaan ku qaado, waxay na geysteen burbur weyn, bililiqo iyo dad ay qaafaasheenba. Beryahaa danbe kolka ay taasi dhacdo qori lagama daba tuuri jirin, xagga Suldaanka na wax fal-celin ah lagama filayn kama na iman.

Raggii dhalinyarada ahaa ee uu Imaam Axmed ka mid ahaa, markay warkii heleen way is guubaabiyeen oo way ka daba duuleen. Inta ay jebiyeen Xabashidii ayay ka soo celiyeen duunyo waxay bililiqaysteen iyo dad waxay qafaasheen ba, hantidaa dadkii lahaa na way u soo celiyeen. Arrinkaasi waxa uu qaawiyay Suldaankii iyo ciidankiisii, Imaamkii iyo saaxiibbadii na mar qudha ayuun baa loo arkay halyeeyo iyo waa cusub oo u baryaya dadkii muslimiinta ahaa. Duullimaadkaasi waxa uu noqday kii ugu danbeeyay ee ay Xabashidu daafaha dhulka Muslinka ku soo qaaddo.

Suldaankii waxa uu arkay in dadkii hoggaan kale oo ay aaminsanyihiini uu u soo baxay oo ay meeshiisii iyo martabaddiisiiba halis ku jiraan. Dagaal buu kolkaa ku soo qaaday Imaamka iyo saaxibbadii wuu se ku jabay. Waxa la kala dhex galay dhawr jeer oo la heshiisiiyay, Suldaankaa se mar walba ka baxayay. Ugu danbayntii, khiyaanadii isaga ayuun bay ku rogmatay oo waa la dilay, suldaannimadii na walaalkii oo la odhan jiray Cumar Diin ayuu Imaamku u dhiibay si ayna sharciyaddii suldaannimadu u baabi’in, waxa se uu ku kaabay walaalkii (Imaamka walaalkii) oo la odhan jiray Maxamed Ibraahin si aanu mar labaad qalaanqal u soo gelin Muslimiinta.

Waa markaa – sida uu Fiqi Carab sheegayo – marka uu bilaabmay tabaabulshihii duullimaadyadii Xabashi uu Imaamku ku qaaday, taas oo ah in uu horta isku geeyo awooddii muslimiinta muruq iyo maal ba.

Dadka dawladdaa Islaamka wada lahaa waxa ay ka koobnaayeen saddex jaad:

  • Dad deggan oo beeralay ah
  • Dad ganacsata ah oo reer magaal ah
  • Dad reer guuraa xoolo dhaqata ah.

Saddexdaa nooc ee bulshadu ka koonbayd marka dawladdu xoog leedahay si wanaagsan bay isku la fal-galayeen, kolka uu maamulku liico ee ammaanku wiiqma na, reer guuraaga ayaa cid walba dhibi jiray.

Beeralayda iyo ganacsatadu waxa ay ka koobnaayeen dadyaw badan, sida Soomaalida, Xarlada, Cafarta, Orgobbaha iyo kuwo kale. Reer guuraagu waxa uu gaar u ahaa Soomaalida iyo Cafarta. Haddaba, xoogga ugu weyn ee haddii uu hoggaansamo, maamulkii Harar awood iyo cudud ciidan oon la is hortaagi karin ku yeelan kari lahaa, waxa ay ahaayeen Soomaalida.

Imaamku taasuu si wanaagsan u aqoonsanaa sidaa aawadeed na, waxa uu duullimaadyadiisii uu yeelay saddex marxaladood oo taxan, mudnaan na kala leh.

  • Marxaladda koowaad: habaynta iyo isku tubbaridka reeraha Soomaalida iyo madaxdoodii oo uu taliskiisii hoos keenay.
  • Marxaladda labaad: soo celinta dhulkii iyo dawladihii ay muslimiintu ku waayeen dagaalladii hore.
  • Maraxaladda saddexaad: duullimaadyadiisii caanka ahaa ee uu ku qabsaday Xabasha oo dhan.

Intay socotoba ha socotee, 1529 kii waxa dhacay duullimaadkii waynaa ee la isku haleelay goobta la magac baxday Shinbirakore. Labada ciidan si xad dhaaf ah ayay u kala badnaayeen oo halka fardoolayda Xabashidu ka ahayd lix iyo toban kun (16000) lugtooduna laba boqol oo kun (200 000), Muslimiintu waxa ay ahaayeen shan boqol iyo lixdan (560) fardoolay ah iyo laba iyo toban kun (12 000) oo lug ah. Haddana, iyada oo ay sidaa ahayd, jabkii iyo guuldarradii gaadhay dhinicii Xabashida, ayaa jeexday jidkii uu Imaamku Xabasha u mari lahaa, kolkii danbe na ku gaadhay guulihii aan hore loo arag. 1529kii illaa 1535kii, waxa u suuro gashay Imaamka in uu dhulka Xabashida afar dalooloow saddex dalool gacanta ku dhigo, xaruntiisii na ka dhigto meesha Danbiya loo yaqaanno ee agagaarka Harada Taana ku taalla.

Waxa ay ahayd markii ugu horraysay ee ay Muslimiinta Geeska Afrika si buuxda ugu guuleysteen in ay u midoobaan la-dagaalanka Xabashida, taas oo ku suura gashay hoggamintii Imaam Axmed Guray. Dagaalkaa, xataa waxa si wanaagsan uga qayb galay dadkii Diinta qasabka lagaga beddelay ee gobolladii hore ee muslinka ku noolaa oo markay guulihii waaweynaa ee Imaamka arkeen dib ugu soo laabmay Diintoodii. Xabashidu, haddii ay ogaayeen in aanay Muslimiintu dagaallamin xilliga roobabbawga taasi way beenowday, haddii kale oo ay ogaayeen inayna dagaallamin ciidahooga, taasina wax la waayay bay noqotay, haddii ay u barteen marka buuro la isla tago inayna Muslimiintu dagaal hollan, waxa la yaab ku noqotay in Boqorkii Xabashida buur ka mid ahayd buuraha ugu dhaadheer inta dusheeda loogu tagay wixii mood iyo qalab uu sitayba laga mooro duugay. Waxa ka mid ahaa qalaabkaas carshigii Boqorka Xabashida iyo gogoshiisii. Haddaba, hababkaa cusub ee ay na Muslimiinta ku aqoonin laga na filanayn ayaa ku noqday Xabashida kidis ka qasay hannaankii dagaalka.

Haddaba, Kitaabkan Futuux Al-Xabash ee uu qoray Fiqi Carab, waxa uu ku egyahay qaybtii koowaad iyo toddobadii sannadood ee dagaalka ugu horreysay oo ah 1529-1535. Muddadaa toddobada sannadood ah ayuu Imaamku dhulka Xabashida intiisa badan gacanta ku dhigay, xaruntiisii na ugu raray meesha la yidhaahdo Danbiya. Tobankii sannadood ee xigtay maamulka Imaamka ayaa dhulka Xabasha oo dhan ka soconayay.

Qaybtii labaad ee Futux Al-Xabasha oo ay hubaal tahay in ay ku qornaayeen sheekooyinka tobankaa sannadood iyo sida ay arrintu ku gabagabowdayba illaa imika meel lagu ogyahay ma jirto oo lama hayo, waxaase wax ka qoray nimankii Boortuqiiska ahaa ee la socday ciidankii u soo gurmaday Boqorkii Xabashida oo iyaga laftooda dhawr jeer la jebiyay, hoggaamiyohoogii Kiristoofar De Gaama na la dilay.9 In kaste oo ay sidaa ahayd, waxa nimankii Boortuqiis u suurawday in ay Imaamkii rasaas la helaan oo uu ku shahiido meesha la yidhaahdo Waynadaga oo ku dhaw Harada Taana, sannadkii 1543dii. Taasi waxa ay hakad u dhigtay dagaalladii ay Muslimiintu ku qaadeen dhulka Xabashida ku na qabsadeen in badan.

Guul bay u ahayd Boqorkii Xabashida ee markaa talada hayay oo magaciisa la odhan jiray Galawdiyuus, ahaa na wiilkii uu dhalay Libna Dengal oo bilawgii duullimaadka Imaamka talada hayay. Ciidamadii Muslimiinta ee dhulka Xabasha joogay, waxa ay ku soo noqdeen Barru Sacdud-Diin.

In kaste oo ay dhimashadii Imaamku jabkaa keentay, haddana ma noqon mid aan laga soo kaban karin. Hoggaankii Muslimiinta waxa qabtay Amiir Nuur Mujaahid oo jihaadkii halkii ka sii waday, kuna guulaystay in uu Imaamkii u soo aaro oo uu Boqorkii Xabashida soo dilo. Waxaa se arrintii ku soo kordhay oo socodkii taariikhdaa wax ka beddelay imashada raxamihii dadka Oromada la yidhaa. Dadkaas oo marka hore loo yaqaannay Gaalla ayaa u socday sidii daad soo rogmaday, kol keliya na deegaannadii Muslimiinta kaga soo digaafay xagga koonfureed. Taasi waxa ay sababtay in deyrkan maanta ku wareegsan qaybta Harar ee JUGAL10 loo yaqaanno la sameeyo. Amiir Nuur, in kaste oo dagaalkiisa ugu wayni ku aaddanaa la dagaallanka Oromada, haddana Xabashida dagaal iyo jihaad kama deyn ee sannadkii 1559ki ayuu Boqorkoogii makalay sida aan hore u soo sheegnay.

Guushaa danbe waxa ay midho dhal u noqon weyday masiibooyin waaweyn oo ku habsaday dhulkii Muslimiinta awgood, sida:

  • Reeraha guuraayay ee Oromada.
  • Daacuun dadka intoodii badnayd laayay, gaar ahaan na culimadii iyo hoggaankii muslimiinta.
  • Abaaro mooro-duugay oo duunyo iyo dadba is-raaciyay.

Ugu danbayntii, dawladdii muslinka waxa keli ah oo ka badbaaday magaalada Harar oo aynnu odhan karno waxa badbaadiyay dayrkaa Amiir Nuur – Alla u naxariistee – oo isaga laf ahaantiisa daacuunkaasi dilay iyo kuwii xeebaha ku yaallay. Magaalada Harar na maamulkeegu wuu shaqaynayay illaa uu qabsanayay Menilik 1887dii. Intaa wixii ka danbeeyay waxa taladeeda haysay dawladdii Itoobiya ee uu Menilik sameeyay.

Qabsashadaa Menelik wixii ay raad yeelatay waxa laga sameeyay diraasaad aad u fara badan, oo ay gaar ahaan hawl badan geliyeen Reer Yurub.

Fiqi Carab, waxa uu si weyn faahfaahin uga bixiyay dhibaatooyinkii iyo dhiillooyinkii ka dhashay dagaalladaa oo aad moodaysay in ay labada dhinacba naxariistii meel iska dhigeen. Tusaale ahaan, waxa uu sheegay in ay muslimiintu kaniisado dumiyeen, dahab fara badan oo kaniisadahaa ku xardhanaa amma ku kaydsanaa qaateen, mararka qaarkood na baadariyaal laayeen. In kaste oo uu sheegay gacantii muslimiinta, haddana waxa uu si cad u tilmaamay sababta ay Muslimiintu sidaa u yeeleen oo ahayd in la soo mariyay dhib iyo diihaal an kala go’ lahayn, wax loo dhawray na jirin. Haddaynnu tusaale u soo qaadanno wixii muslimiinta dhib la soo mariyay, waxa aan marag ka dhigan karnaa hadalkii uu yidhi Wasan Segad11 isaga oo u hanjabaya Imaamka:

“Intaa ka dib, idinku muslimiin baad tihiin annagu na nasaaro. Waayadii hore waa kaan dhulkiinna ku soo duuli jirnay ee aan burburin jirnay ee aan gubi jirnay, haddana Ilaahay baa nagu kiin beddelay, guushu na maalin walba meel uun kuma negaato. Hadda wixii aad fashay ayaa kugu filan… Garaad Aboon Garaad Ibraahin oo adiga kaa da’ weyn ayaan anigu hore u dilay oo aan ciidammadiisii na cagta mariyay. Taasi na kol keliya ma aanay ahayn. Ha u malaynin in aan anigu la mid ahay raggii aad hore u la kulantay ee badriiqyada ahaa. Waxa aan ahay Wasan Segad.”

Waxa kale oo aan marag u soo qaadanaynnaa sheekadii Suldaankii Hadiya uu uga warramay Imaamka ee ku saabsanayd sidii ay Boqorrada Xabashidu Muslimiinta ula dhaqmi jireen: “Aabbayaashayadii hore ayuu sidaa ku dirqiyay wuu na ka taag roonaa. In aan qalabka dagaalka qaadan iyo in aanan seef gacanta saarin ayaa la nagu xukumay. Waxa kale oo la nagu dirqiyay in aan fardahayaga caddaysimo ma ahee koore ku fuulin. In aan gabadh siinno ayuu nagu xukumay. cabsi awgeed aan ka cabsanaynnay inuu na laayo oo uu masaajiiddayada dumiyo ayaan annagu na u siinaynnay.”

Sidaa aawadeed, waxa uu Fiqi Carab ka warramayaa dagaal aan la isku jixinjixin oo aan waxba la isku la hadhin.

Gebagebada:

Qiimaha xogta uu buuggu xanbaarsan yahay waxa ay ka muuqanaysaa:

  • Iftiiminta taariikh la illaaway.
  • Tilmaamista muslimiinta Geeska Afrika iyo horumarkii ay gaadheen.
  • Dib-u-jalleecidda kala-go’a taariikhda ku dhacay, gaar ahaan tan khusaysa dadka muslinka ah.
  • Is-beddelka baaxadda leh ee ku dhacay dhulkii ay muslimiintu degganaayeen oo maanta – in kaste oo ay islaameen – Oromo deggan tahay, dad badan oo muslimiintii waagaa ahaa na ku milmeen.
  • Sida uu imaatinkii Oromadu xad ugu yeelay hardankii Muslinka iyo Nasaarada. waxa uu fursad u siiyay Xabashida in ay dawladdoodii adkeeyaan iyaga oo la kaashanaya dawladihii Reer Galbeedka ee la diinta ahaa. Waxa laga yaabaa in ay taasi dhib yaraysay duullimaadkii uu ku qabsaday Menelik Harar iyo deegaannadii dawladihii Islaanka saldhigga u ahaa.

— Labada Turjume.

Iftiimin

Marka la eego baaxadda Kitaabka Futuux Al-Xabasha, xilliga la qoray iyo waayaha uu ka warramayo ba, waxa la garan karaa culayska uu leeyahay u-daadeggiisu. Waa Kitaab ka warramaya hardan socday in ka badan rubuc qarni oo u dhexeeyay dadyaw isku hayay diin iyo jiritaan.

Xilliga la qoray oo ahaa bilawgoo qarnigii 16naad ayaa isna ahaa mid ay qoraalka iyo akhrisku ba hoos u dheceen, guud ahaan dunida muslinka.

Waayaha dadka ayaa isna ahaa mid aan kuwaa hore ka roonayn, waayo waxa soo daashaday dagaallo iyo burbur ka soo gaadhay weerarradii is-daba-joogga ahaa ee kaga imanayay dhanka Xabashida. Sababahaa iyo kuwo kale ayaa ka dhigay qormada Futuux Al-Xabasha mid kakan oo ay adagtahay in si fudud looga bogto dulucda warka iyo werintiisa ba. Marka taasi loo sii dhaafo tarjamad na, waa mid laga garaabi karo haddii ay tuura yeelato.

Guud ahaan, waxa aan isku daynay in aan Kitaabka Soomaali ugu soo rarno sida ugu fudud ee lagu fahmi karo. Waxa aan isku dhafnay tarjamadda tooska ah iyo ta macnaha. Kitaabka oo isku dhex daadsan, waxa aan isku daynay in aan weedhaha isku raacraacinno si aan macnihiisa wax yeelayn, dhismihiisa na kala dhimayn. Kolkaa intaa laga yimaaddo, waxa jira dhawr arrimood oo ay habboontahay in aan akhristaha ku baraarujinno, si ay ugu fududayso fahanka iyo garashada Mahadho-reebka Sooyaalka. Arrimahaa an rabno in aan iftiiminno waxa ka mid ah:

Nuqulka aan turjunnay

Waxa la ogyahay in Kitaabka Futuux Al-Xabasha laga hayo dhawr nuqul oo uu badhkood dhammays tirrayn. Nuqulladaas waxa ka mid ah ka uu hayay Mayjar Prideaux oo uu Harar uga soo diray Kornayl Hunter. Waxa kale oo jiray nuqul uu Qaahira u diray ninka la odhan jiray Ra’uuf Baashaa. Waxa intaa dheeraa nuqul ka wada horreeyay oo laga helay Gobolka Goojaraat ee Dalka Hindiya. Intaas oo dhan waxa isku fuuqsaday Rene Basset oo hawl weyn ka qabtay nuqulkii uu Bardey hadiyadda u siiyay maktabaddii qaranka ee uu Faransiiku ku lahaa Magaalada Jasaa’ir.

Nuqulkaasi waxa uu sal u noqday qoraal kaste oo ku saabsan Futuux Al-Xabasha wixii intaa ka danbeeyay oo ahayd qarnigii 19aad iyo kii 20aad is-galkoogii. Rene Basset ayaa nuqulkaa Carabi ku soo daabacay, mar danbe na Faransiis u rogay. Isla nuqulkaa ayay Paul Stenhouse iyo Richard Pankharst u adeegsadeen turjumaddoodii Ingiriiska ahayd oo ay soo saareen 2003 dii. Sidaa aawadeed, nuqulkaa Carabiga ah ee Rene oo dib Qaahira loogu daabacay sannadkii 1973dii ayaan u cuskannay tarjamadayada Soomaaliga ah. In kaste oo ay sidaa tahay, haddana waxa aan miciinsannay tarjamada Ingiriisiga ee Paul Stenhouse.

Qur’aanka iyo Xadiiska

Kitaabka waxa ku dhigan aayado Qur’aan ah iyo Xadiis aan badnayn oo kusoo arooray. Annaga oo dhawraynna qaddarinta iyo qiimaynta ay leeyihiin, waxa aan go’aansannay in aan isku garab qorno Af-Carabigii iyo macnihii oo Soomaali ah. Dhinac kale, waxa aan hoosta kaga dhignay bogga ay ku qoran yihiin suuradaha laga soo qaatay iyo aayadaha tirsigooga. Xadiiska, waxa aan u raadraacnay kutubta ugu saxiixsan ee lagu kalsoon yahay, sida Bukhaari, Muslin iyo kuwo kale, abtirsiintoodiina waxa aan ku dhignay bogga uu Xadiisku kusoo arooray dacalkiisa.

Qoraallada ku dhex dhigan labada dhigood (…) iyo ‘…’

Waxa jira ereyo iyo magacyo aan u aragnay in ay u baahan yihiin caddayn. Sidaa aawadeed, weedhaha dhexdooda, isla ereyga na hortiisa ayaan macnihii amma ujeeddadiisii ku edegaynnay labo dhigood (…). Dhanka kale, waxa jira weedho Kitaabka ku soo arooray iyaga oo aan la caddaynin falaha amma lagu-falaha oo uu qarsoon yahay. Xaaladaha caynkan oo kale ah waxa aan akhris ka dib hadalka ka soo dhex dheegannay ciddii fashay amma lagu falay oo aan u hor dhignay sedan ‘…’ si loo garto in aanu qormadii Fiqi-Carab ka tirsanayn.

Dhigaalka Magacyada

Waxa la ogyahay in ay muslimiintii xilligaa jihaadka ka qayb qaadatay qoomiyado kala duwan ka koobnaayeen, afaf kala jaadjaad ah ku hadlayeen.

Waxa qoomiyadahaa ka mid ahaa, Soomaali, Xarla, Cafar, Carab iyo kuwo kale. Sidaa aawadeed, waxa adkaatay in aan xadidno magacyada Kitaabka ku dhigan cidda uu mid waliba ka soo jeeday. Maadaama ay sidaa tahay, waxa aan garannay in aan magacda intii aan Carab u garannay u daynno (bin) oo la macno ah (ina hebel). Muslimiinta kale waxa aan u daynnay sidii ay magacdoodu Kitaanbka ugu soo aroortay oo aan tilmaantaa hore lahayn. Magacyada Xabashida, muslimiin ha lahaadeen amma masiixiyiin e, waxa aan isku daynay in aan u qorno sida ugu dhow ee maanta loogu dhawaaqo. Magacyada deegaannada iyo magaalooyinka, sidii ay u qornaayeen dhawaaqooga na ugu fududayd ayaan u dhignay. Taasi waa haddii uu deegaanku doorsoomay amma magaaladu baaba’day, haddii kale sida maanta loogu dhawaaqo ayaan magaceega u qornay.

Magac-martabeedyada

Labada dhinac ee uu hardanku u dhexeeyay waxa ay lahaayeen magacyo-martabeed tilmaamayay halka uu qofkaasi bulshada kaga jiray maamul amma millateri. Dhanka muslimiinta haddii aan soo qaadno, waxa ay lahaayeen naanayso ay ka mid ahaayeen, Garaad, Suldaan, Heegane iyo Farshaxan, halka dhanka ka le laga adeegsan jiray Shuun, Asmaaj iyo Baxar Nagaash. Magacyo-martabeedkaa sidoodii baan u deynnay, laakiin waxa jiray kuwo ay habboonayd in aan turjunno hase yeeshee aan ka baaqsannay sida Amiir oo ay muslinku adeegsanayeen iyo Badriiq oo ay nasaaradu adeegsanayeen kana soo jeeda Latin, waayo in ay sidaa ku qurux iyo muuqaal badan yihiin ayaan garannay.

Ereyada: Mushrig, Nasraani iyo Kaafir

In kaste oo ay Xabashidu ka mid yihiin dadka rumaysan Nebi Ciise (NNK) ee uu Qur’aanku ku sheego (Ahlu-Kitaab), haddana Qoraha Kitaabku – Alle ha u naxariistee – waxa uu in badan ugu yeedhaa Mushrikiin ama Kuffaar. Labada naanaysood ee danbe iyo tan uu Quraanku adeegsaday macnaha way ku kala duwan yihiin annaguse sidii uu u adeegsaday uun baan u sugnay. Waxa aan mararka qaarkood (Mushrikiin) u turjunnay (Gaalo), si aan u muujinno in uu Fiqi Carab ama Carab Faqiih macnahan danbe ula jeeday Mushrignimada.

Deegaannada

Deegaannada iyo magaalooyinka Kitaabka ku xusan intooda badan maanta dhulka lagama yaqaanno amma magac kale ayay hadda leeyihiin. Si aan u caddaynno meelaha ay ahaayeen – qoraal ahaan amma khariidad – waxa aan raadraacnay kutubtii hortayo geyigan laga qoray. Dhulka waqooyiga guud ahaan amma Xabshida, waxa aan cuskannay qoraallada Xabashida iyo kuwa Reer-Galbeedka, laakiin kolka laga hadlayo dhulkii ay muslimiintu degayeen, waxa aan cuskannay qoraallada Carabta iyo guud ahaan baadhitaanno ay dad muslimiin ahi sameeyeen.

Ciwaannada dhexda

Futuux Al-Xabasha, waxa uu u dhigan yahay qaab sheeko-werin ah. Taasi waxa ay ka dhigtay qoraal isku furan oo aanu hadalkiisu joogsi iyo hakad toona lahayn. Haddii aan sidaa ku deynno, waxa aan garannay in uu akhristuhu ku dhex lumi doono, dulucdiisa na aanu u daadegi doonin.

Sidaa aawadeed, waxa aan Kitaabka u samaynnay ciwaanno dhexda ah si loola socon karo dhacdooyinka iyo sida ay u taxan yihiin. Ciwaannadan waxa aan ka soo dhanbalannay hirarka xogaha uu Fiqi Carab soo gudbinayo iyo sida ay u kala xiiso badan yihiin.

Baadhitaan

In kaste oo ay ujeeddadayadu ahayd in aan soo saarno Futuux Al-Xabasha oo ku qoran Soomaali, haddana hawshayadii intaa uun kuma aannaan koobin. Kadib kolkii aan dhex galnay turjumaadda Kitaabka, waxa aan ogaannay in ay waayaha uu Qoruhu werinayo iyo dunida maanta joogtaa aad u kala fogyihiin; dadka, dhulka, magaalooyinka, buuraha, webiyada iyo wax walba way is beddeleen. Waxa iyaguna dhalan rogmay magacdii, naanaysihii martabadaynta iyo maamuuska iyo kuwii millateriga ba. Xaaladda sidaas ah iyo waayahaa kala fog, waxa ay keenayaan in uu akhristuhu dhex jibaaxo kaymo baaxad weyn iyo dalluun lagu dhex lumayo. Si aan halistaa uga fogaanno oo aan akhristaha iyo Kitaabka iskugu soo dhoweynno, waxa aan u baxnay socdaal dheer oo aan ku marnay dhulkii iyo deegaannadii uu Futuuxu ka warramayay. Waxa aan isku daynay in aan dhulka inta ay magacdoodu is beddeshay is dul taagno oo aan caddaynno waxa maanta loogu yeedho. Waxa aan ka daba tegnay magacyadii reeraha, gobollada, madaxda iyo dadka ba guud ahaan.

Socdaalkaa waxa aan kula soo kulannyay aqoonyahannadii Kitaabkan hortayo turjumay amma ka soo qayb qaatay turjumaaddiisa. Waxa raggaa kamid ahaa Cabdillaahi Maxamad Cali oo hore Xabashi ugu turjumay iyo Richard Punkhurst oo ka qayb qaatay tarjamaddii Ingiriiska. Waxa aan soo booqannay xarumaha kaydka, jaamicadaha iyo carwooyin lagu soo bandhigay kutub mawduucaan ku saabsan. Waxa aan marna la soo koobi karayn wixii aan kala kulannay magaalada Harar oo weli laga sii dhandhamin karayo dabeecadihii wanaagsanaa ee dadkii soo maray, raadkoogii na ka sii muuqdo. Waxa nagu soo dhoweeyay oo noo xog-warramay dad aad ugu fara-adaygay dhaxalkii ay soo gaadheen. Waxa intaa dheer, in aan turjumaadda horteed akhrinay qoraallo fara badan oo isla qarnigaa laga qoray, sida aad tix-raacayaga gudaha ku arki doontaan.

— Labada Turjume.

Mahadnaq

Marka hore mahad mug weyn oo aan lala wadaagin ayaan u celinaynnaa Ilaaha fadliga, deeqda iyo samaha ba leh. Ilaaha su’aasha horteed siinta ku deeqay, ee nagu maansheeyay nicmadihiisa, fadligiisa iyo hoodiisa aan hagarta lahayn. Ilaaha siintiisa ballaadhan, iyo fadligiisa aan kala go’a lahayn, lagu koobi karin tiro iyo miisaan midna ba, ayaa annana nagu ilhaamiyay turjumaadda Kitaabkan, naxariistiisa ballaadhan na nagu hagoogay oo nooga ba’ay daal, diihaal iyo dareen caajis intaba.

Hawsha waxa aan horraantii ku abbaarnay labo qof, hase yeeshee labadayada uun ma lahayn kuwii gebagebadeeda soo gaadhsiiyay goobtii loogu talo galay. Hawshan dad badan baan wada lahayn oo nala soo geeddiyeeyay, intii ay marxalad soo martay na aan u sinnayn. Haddii ay lagama maarmaan tahay in aan mahad celinno, iyagu na way yihiin kuwa ay tahay in ay sidaa nala yeelaan. Hase yeeshee, haddii ay noo oggolaadaan, waxa aan haweenkaa iyo raggaa daalka nala soo soormay uga mahad celinaynnaa waajibkii cuslaa ee ay guddoonsadeen annaga oo iyaga metelaynna. Runtii, haddii uu jiri lahaa wax ka macaan amma ka mudan (Waad mahadsantihiin) oo la yidhaahdo, waan odhan lahayn.

Dadka Futuux Al-Xabasha u hagar baxay ee maal iyo muruq, af iyo addin, hiil iyo hoo inta ba nala garab joogay, waxa ugu horreeya Mudane Ismaaciil Cumar Geelle; madaxweyynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo aan annaguna ugu mahadnaqaynno si hagarla’aan ah. Madaxweynaha, hawshan oo keliya ma aha ta aan uga mahad celinaynnaa, balse waa tu kaste oo la xidhiidha hawsha aan ku jirno ee ku saabsan kobcinta dhaqanka, aqoonta iyo afafka.

Waxa kale oo aan aad ugu mahad naqaynnaa agaasimihiisa madaxtooyada, Mudane Ismaaciil Xuseen Taani oo si niyad ah oo wax ku ool ah isna noo garab galay. Waxa aannaan hilmaami karin Qunsulka Jabuuti ee Diredhabe, Mudane Maxamad Jaamac Aadan (Yuuye) oo sameeyay dadaal kaste oo hawshaa noo fudaydinayay intii aan baadhista ku jirnay.

Kolka intaa laga yimaaddo, waxa jira dad fara badan oo kale oo kaalin weyn ka qaatay shaqadan, runtii na ay adagtahay in magacdooda tiro lagu kobo. Dadkaa inta aan guud ahaan ugu wada mahad naqno, ha noo oggolaadaan in aan qaarkood si gaar ah u tilmaanno. Waxa aan u mahad- naqaynnaa Cabdillaahi Sh. Axmad Buux oo marxaladdaa aan xog-doonka baadhitaanka ugu jirnay, isagu na siiyay intii ugu badnayd si hagar la’aan ah na noola doonay intii maqnayd. Aad baannu ugu nahad naqaynnaa, dadaalkii uu nala galay na aan ugu qaamaysannay. Waxa aan iyad na uurka uga mahadinaynnaa saaxiibbaddayo, Barofesar Lidwien Kapteijns oo hawsha bilawgii ba naga la qayb qaadatay iyada oo joogtay Maraykanka.

Lidwien bilawgii ilaa dhammaadkii way nagu garab jirtay, dad badan oo nala joogay na way nooga dhoweyd.

Waxa kale oo jiray rag aan Cabdilaahi iyo Lidwien ka dadaal hoosayn oo aan iyaga na aad ugu mahadcelinayno, xogihii, tilmaamihii iyo talooyinkii ay noogu deeqeen aawadood. Waxa aan dadkaa ka tilmaamaynnaa:

  • Cabdi Cabdillaahi (Kiin)
  • Maxamad Macallin Cismaan
  • Cabdiraxmaan Sheekh Axmad Araarse
  • Axmad-Xabiib Muuse Gasle

Rag Reer Harar u badan oo kolkii ay ogaadeen hawsha aan ku jirnay laabahooga noo furay, wixii ay xog iyo qalab hayeen na gacanta noo soo geliyay ayay waajib tahay in aan u mahadnagno.

Waxa raggaa ka mid ahaa, Cabdillaahi Cali Shariif oo kayd-dhawrka dhaqanka iyo taariikhda Harar iyo degmada ba hawl weyn ka qabtay.

Waxa isna ka mid ah, Seydaan Bakri oo taariikhda iyo waaga aan ka warramaynnay ba si gaar ah u danaynayay oo annaga ba nooga xiiso badnaa. Seydaan, runtii wax badan oo uu mugdi nagaga jiray ayuu noo iftiimiyay. Waxa kale oo aannaan hilmaamayn Cabdalle Maxamad Cali oo ah ninkii Futuuxa u turjumay afka Xabashida. Cabdalle waxa uu si gaar ah noogu hibeeyay qaar ka mid ah qoraalladii noo noqday tix-raaca wanaagsan. Waxa kale oo uu Cabdalle noogu deeqay talooyin ka soo jeeda waayo-aragnimadiisii, maadaama uu shaqadan nooga horreeyay.

Mahad ballaadhan iyo abaal ayaan u haynnaa Brofesar. Muraad Ridwaan iyo shaqaalihii Xarunta Cilmi-baadhista Islaamka ee IRCC oo si diirran noogu soo dhoweeyay Addis Ababa, dad badan oo aan wax ka korodhsannay na noo la xidhiidhay. Waxa iyagu na mahad leh barofesarradii aan kula kulannay Jaamicadda Addis Ababa ee nagu biiriyay talooyinka wax-ku-oolka ah sida Xasan Maxamad Kaaw iyo Xuseen Axmad.

Dhanka kale, waxa iyagu na mahad iyo qaddarin mudan odayadii iyo dhallinyaradii aan kula kulannay magaalada Baabili iyo deegaannada ku xeeran sida, Sheekh Axmad Nuur, Maxamuud Muuse Muxumad (Joorji), Muxsin Axmad Maxamad, Fadli Maxamad Cabdillaahi, Ismaaciil Dayib Xasan iyo Axmad Abraar Bookh.

Waxa aan aad iyo aad ugu mahadnaqaynnaa labada sheekh ee kala ah Sh. Xuseen Cali Geelle iyo Sh. Yaxye Aye Diirrane oo gacan naga siiyay soo-saaridda axaadiista Kitaabka ku dhigan.

Mahaddaa mid la mid ah ayaan u soo jeedinaynnaa dadkii kale ee nagu garab galay hawsha oo wax badan noo fududeeyay sida, Ismaaciil Aw Aadan, Shamis Aw Cabdi Dubbad, Maxamad Maygaag Barre iyo Maxamad Cali-Santaag.

Mahad aad iyo aad u ballaadhan ayaan u gudbinaynnaa Madal-dhaqameedda Halabuur iyo madaxdeeda Maxamad Daahir Afrax iyo Xaashi Cabdillaahi Orrax oo intii aannu hawshan wadnay ba dusha kala socday, talooyin badan na nagu soo kordhiyay. Dhanka kale, waxa aan isna mahad taa la mid ah naga mudan Machadka Afafka ee Jabuuti iyo agaasimihiisa Idiris Yuusuf Cilmi oo isna wax badan noo fudaydshay, dadaal weyn na ugu jira wixii afafka hooyo ku qoran gaar ahaanna kan aan uga mahad celinaynno.

Waxa kale oo aan mahad iyo bogaadin gaar ah u haynnaa saaxiibkayo Ismaaciil Cabdi Axmad oo buugga soo akhriyay talooyin badan na ka soo gudbiyay ka dib kolkii uu soo saxay waqti badan na ku bixiyay iyo Cumar Siciid Bile oo dhigaalka iyo habaynta ka sokow akhriyay talooyin badan na naga siiyay sixiddiisa.

Waxa kale oo aan u mahad naqaynnaa Samatar Cabdi oo naga kaalmeeyay samaynta khariidadaha. Waxa iyagu na jira raggii iyo haweenkii nala garab joogay dhiirri-gelinta iyo dalamada ee naga ilaaliyay in aan u liicno baaxadda Kitaabka iyo xilliga ballaadhay. Dadkaa in kaste oo aannaan magacdooda halkan ku soo koobi karayn, waxa ka mid ahaa:

  • Xarunta Cilmibaadhista Islaamka ee Addis-Ababa
  • Maktabadda Ugaas Xasan Xirsi ee Diridhabe
  • Maxamuud Dirir Geeddi
  • M. Cabdi Ibraahim Cabsiiye
  • Cabdalle X. Cismaan
  • Aamina Jaamac Diiriye
  • Xaamud Cabdi Suldaan
  • Saalax Xaashi Carab
  • Farxa Yaasiin
  • Idiris Siciid Migil
  • Ibraahin Suubbane Rayaale
  • Xuseen Iimaan
  • Cabdikariim Maxamad
  • Sagal Cabdulqaadir
  • Burhaan Axmad Daahir
  • Muumin Xuseen Cabdi
  • iyo kuwo kale

— Labada Turjume.

Gogoldhig

Mahad waxa iska leh Ilaaha siinta, fadliga, deeqda iyo samaha ba leh. Ilaaha su’aasha horteed nagu maansheeyay nicmadihiisa iyo fadligiisa ee ku deeqay siinta iyo hoodiisa aan hagarta lahayn. Ilaaha abuurka bilaabay ee ugu daray deeqda aan is-dhinka lahayn. Ilaahaas ayaa mahadda ku mutaystay wax siintiisa ballaadhan, iyo fadligiisa aan kala go’a lahayn, ee aan lagu koobi karin tiro iyo miisaan midna ba. Dhab baan u qirayaa in aan Alle mooyaane ilaah kale oo xaq lagu caabudaa jirin, oo aan kelinimadiisa cidi la wadaagin. Waxa kale oo aan dhab u qirayaa inuu Mudaneheennii Muxamad yahay Addoonkiisa iyo Rasuulkiisa. Isaga oo ah Nebigii Nebiyada laga dhex doortay oo ay aaminnimadiisu caddahay ayuu innoo soo diray: – Naxariis iyo Nabadgelyo ha u sugnaadeene – Isaga iyo Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa ba, kuwaas oo ugu hiiliyay Diinta quman seef iyo waran caaradii, oo u huray naf iyo maal, iyada darteedna uga fara baxay dad iyo dal ba.

Intaa ka dib, ogow inuu Rasuuku – Naxariis iyo Nabadgelyo ha u sugnaadeene – yahay ka ugu khayr badan Rasuullada Ilaahay, ummaddiisuna tahay ummadaha ta ugu khayr badan. Eebbe Weyne ayaa sidaa Kitaabkiisa Kariimka ah ku caddeeyay oo yidhi:

كُنتُمْ خَيْرَ أُمَّةٍ أُخْرِجَتْ لِلنَّاسِ

(Ummad Ilaahay soo saaro tii ugu khayr badnayd ayaad ahaateen). Suuradda Aala-Cimraan aayadda 110

Haddana Eebbaha Weyn ayaa yidhi:

وَكَذَلِكَ جَعَلْنَاكُمْ أُمَّةً وَسَطًا

(Sidaas ayaannu idiinka dhignay ummaddii ugu qummanayd). Suuradda Al-Baqara aayadda 143

Taana waxa keenay in ay raaceen Rasuulkii Rasuullada ugu fadliga badnaa; Rasuulkii mudnaanta ugu horreeyay soo bixitaanna ugu dambeeyay; Muxamad – Naxariis iyo Nabadgelyo ha u sugnaadeene-, sidaas ayay ku noqdeen ummaddii ummadaha ugu qiimiga badnayd. Cibaadadooda ta ugu wanaagga badan wuxuu Ilaahay ka yeelay inay xaqa ku taagnaadaan, iyo inay Jihaad ku qaadaan gaalada diiddan Diinta, cidday doonaan ba ha ahaadeen, meeshay doonaanna ha joogaane; hor iyo gees, hareer iyo gadaal (afarta jaho ba). Kolkaas ayay Diintan kor ugu qaadeen seefahoogii bari iyo galbeed, buur iyo bannaan intaba.

Markaas ayay dhulkii Diinta si fiican ugu gogleen, gaaladana seefohoogii bay ku wareeriyeen. Sidaas ayay Diinta qodimada ugu aaseen oo ay dhismaheegii ku adkeeyeen, welina waa sidii oo – fadliga Ilaahay awgii – ayay da’i ba da’da ka danbaysa ugu gudbisaa, ninka la colloobaana wax aan hoog ahayn kala ma kulmo.

Illaa hadda gaalada iyo munaafiqiinta ayay ka waraabiyaan darka geerida, habaaska dulliga ayay ku rogaan, sidaasayna ahaan doontaa illaa suurta la afuufayo-Idanka Ilaahay- Ilaahay baa yidhi:

وَإِذْ تَأَذَّنَ رَبُّكَ لَيَبْعَثَنَّ عَلَيْهِمْ إِلَى يَوْمِ الْقِيَامَةِ مَن يَسُومُهُمْ سُوءَ الْعَذَابِ

(Xus xilli Rabbigaa idmay; ku soo saari doonnee, intay Maalinta Qiyaamaha ka gaadhayso cid dhandhansiisa cadaabta ugu daran). Suuradda Al-Acraaf aayadda 167

Nebiguna nabadgelyo korkiisa ha ahaatee waa kii yidhi:

لا تزال طائفة من أمتي قائمين على الحق لا يضرهم من خذلهم ولامن خالفهم حتى يأتي أمر الله وهم على ذلك رواه أبو داود وغيره.

(Laga waayi maayo Umaddayda hurin had iyo jeer xaqqa ku taagan, oo aanu dhibin kii hooji is yidhaahdaa iyo ku ka hor yimaaddaa ba illaa uu amarka Ilaahay imanayo iyaga oo sidaas ku negi).12 Xadiiska Abuu Daa’uud13 iyo rag kale ayaa weriyay, waana Xadiis saxeex ah.

Alla badanaa mooge doqon ah oo yidhaa: “Waar aakhirusaman baynnu joognaa, waana Qarnigii Tobnaad,” oo aan aqoonsanayn fadliga dadka haldoorka ah. Xataa haddii uu nacaskaasi arko dad fiican, shar-wadayaasha ayuun bay ula mid yihiin, taasina tusaale ayay u tahay niyad-xumadiisa, fahmo-la’aantiisa, aqoon-darradiisa iyo ogaal-yaridiisa. Axaadiista werinaysa inay saacaddii dhawdahay, oo ay calaamadaheegii muuqdaan ayuu cuskadaa.

Tilmaamaha muujinayana waxa ka mid ah inuu sharku gacan sarreeyo khayrkuna hor jabo. In kaste oo ay taasi sax noqon karto, khasab ma aha in uu deegaan walba sidaa noqdo oo addoomaha Ilaahayna laga gol roonaado. Inaanay ku hodin wararka ay ku yidhaahdaan kuwaa garashadoodu gaasiran tahay, ee kuu werinaya xadiiska aan sugnayn ee odhanaya:

أنا لا أؤلف في الأرض

(Anigu “Umaddaydu” dhulka kuma kun jirsan doonto).14

Culimadu waxa ay sugeen -Alle ha innagu anfaco e- in aanu hadalkani xadiis Nebigu leeyahay ahayn, ee uu yahay been lagu abuurtay. Caalimka la yidhaahdo As-Suyuudi – Alle ha u naxariistee – ayaa sheegay:

“Axaadiista ayaa tilmaantay in jiritaanka Umadda Nebi Muxamad kunka dhaafayo, biiraduna shan boqol gaadhayso, intaa wixii ka danbeeyana Ilaahay uun baa og, isagaa ah ka ugu ogaal badan.”

Annaguna waxa aan aqoonsannahay in uu Ilaahay Umadda Nebi Muxamad si gaar ah u ilaaliyo, Diintooduna weli waa ta gacan sarraysa ee hadba dib u cusboonaata. Haddaad se i leedahay ninyahaw raad raaca ku’ jiraa, ee ka war doonaya amuuraha sare iyo dhacdooyin horreeyay:

“Igaga farxi wararkii Mujaahidiintii nafahoogii huray, ee gulfayay migil iyo saq badh ba oo iga haqab tir wixii dhacay xilligaad soo gaadhay iyo waxaad goob joog u ahayd.”

Waxa aan ku leehay: “Sheekooyinka sooyaalka ee ka soo arooray Nebiga iyo Asxaabtiisu waa bidhaantii taariikhda Umadda Islaanka. Sheekooyinka Khulafaa’u-raashidiintii garaadka iyo fahmada badnaana waa la mid.

Kutubta Siirada iyo taariikhda culimada fadligooga iyo falalkoogii suubbanaa ayaa ka ifaya, wararka kuwii kasii danbeeyayna kitaab walba way ka buuxaan. Taasi shaki iyo muran toona ma laha, hase yeeshee, waxa aan kaa haqab tiri arrimo ay nafuhu ku diirsadaan oo xiiso geliya intii ka sugnaatay. Arrimahaas midkood dhab ah oo Nebiga ka sugnaatay ayaa ah in uu yidhi inta uu Asxaabta dhex joogsaday:

ما من شيء كان ولا شيء يكون إلى يوم القيامة إلا أعلمتكم به

“La sheegi maayo wax hadda jira iyo wax jiri doona ba illaa Maalinta Qiyaamaha oo aanan idiin laqimin.”15

Maalintaa waxa looga taamila qaadanayaa, in uu qiimuhu yahay wixii Ilaahay uu dhexdiisa xukumay ee dhici doona.

Nebigu waa uu tilmaamay – Nabadgelyo ha u sugnaatee – kuwa Umadda amuuraha diinteeda had walba u cusboonaysiiya. Ha ugu cusboonaysiiyaan cilmiga oo ay hirar dhaadheer gaadhsiiyaan ama ha ugu cusboonaysiiyaan seefta oo ay ku garaacaan kuwa dadka kala geeya iyo munaafiqiinta, ama ha ugu cusboonaysiiyaan talo wanaaggooga iyo garashadooda.

Haddaba dhegahaaga ii raarici aan kuu yeedhiyee, naftaadana gebi ahaanteeda ii soo jeedi marag ha kugu noqotee. Eeg oo fiiri Kitaabkan aan ugu magac daray Futuux Al Xabash (Furashadii Xabasha) ee ay guushu ku raacday Imaamkii weynaa ee sharafta iyo karaamada lahaa; geesigii hoodaha lahaa ee aan isaga oo kale la maqal; ninkii uu hiigsashadiisa rag ku xiiqay. Ilaahay baan ka baryayaa in uu innagu anfaco barakooyinkiisa iyo fadligiisa.

Imaam Axmad Ibraahin

Waa boqorkii guusha, xiddiggii ifayay, xuladkii Diinta iyo tafiirtii halyeeyadii jihaadka. Waxa uu ka mid yahay hanooniyayaasha ku taagan amarka Ilaahay ee u huray nafahooga raalli ahaanshaha Ilaahay. Waa sayidkeennii, mudaneheennii; Imaamkii sarreeyay ee xurmada huwanaa. Waa Amiirkii Mu’miniinta; Suldaankii Imaamka ahaa, Axmad Ibraahin Al-Qaasii (Duullaan-Badane); mujaahidkii Ilaahay u go’ay. Ilaahay naxariista Janno ee suubbanayaasha ha ka waraabiyo, oo ha ku nageeyo olloggiisa kolka loo guuro daarta lagu waarayo. Ilaahay sidaa ha ugu yeelo Muxamadkii Mustafaha ahaa fadligiisa iyo barakadiisa awgeed iyo ta Ehelkiisii iyo Asxaabtiisii Ilaahay dooray. Eebbe ha siiyo himmilooyinkiisa oo dhan iyo wax Alle wixii ku soo dhaca qalbigiisa if iyo Aakhiro, Isaga uun baa sidaasi awooda e. Ilaahow naga aqbal!

Iyada oo ay sidaa tahay, haddana magiciisa ayuu ku caan yahay, hummaaggiisuna kutub ta ayuu ku astaysan yahay. Waxa tilmaamay Sheekha udub-dhexaadka ah, nuurka ifaya, ninka arrimihiisu sarreeyaan ee falalkiisana Rabbi ka raalliga yahay, Sheekha Ilaahay sir iyo caad ba daaha uga qaaday ee Alle yaqaanka ah; Weligii Ilaahay ee Diinta qorraxda u ahaa ee Cali bin Cumarkii Shaadaliga16 Qureeshta ahaa, ee Yamaniga ahaa, – Isaga iyo cilmigiisa ba Alle ha innagu anfaco e, aamiin.

Sheekhaasi karaamooyinkiisa ayuu Imaamka ku sheegay, Imaam Al-Mascuudi17 iyo rag kale ayaa iyaguna ka warramay oo sheegey18 in uu Xabasha oo dhan gacmaha ku dhigay, oo uu buurteeda iyo bannaankeegaba hantiyay iyo in uu dulleeyay kuweegii isla weynaa ee kibray, oo uu maadhkeegii qaybiyay, kaniisadeheegiina wada gubay.

Waxa uu yidhi Sayidkaygii, Sheekhii weliga ahaa ee uu weligu dhalay; Maxamad bin Axmad bin Maxamad bin Cabdilwaaxid bin Yuusuf bin Yacquub ee Qureeshta ahaa ee Reer Tuunis ahaa, Reer Maqribna ahaa ee Reer Dahmaan ahaa:

“Maandhoow, Imaamku rukun weeye rukunnada Ilaahay ka mid ah -dhab bayna ahayd inuu sidaa yahay- oo uu yahay seef ka mid ah seefaha Ilaahay. Isaga ayaa uga raalli noqday in uu Diintiisa u hiiliyo, gaaladana muquuniyo oo uu kutubta hallawga jarjaro oo uu guryaha been-abuurkana gubo oo uu kala firdhiyo isbahaysiga sharka. Arrintiisu bilawgii ba tu loo bogay bay ahayd. Talooyinkiisa toosan, guulihii caanka ahaa iyo abaabulkii weynaa ee ciidanka guushu ba, mahadhooyinka lagu haasaawo ayay ahaayeen.”

Qoruhu19 – Jannadii Alle ha geeyee – waxa uu yidhi: Dad aan ku kalsoonahay oo dhacdooyinka goobjoog u ahaa ayaa ii warramay, sida Amiir Xuseen Abiibakar oo Reer Gaaturi20 ahaa iyo Axmad Diin Khaalid Maxamad Khayrud-Diin oo sheegay in uu dadkii xukumay Barru Sacdud-Diin ka mid ahaa Suldaan Maxamad Aassir.

Raad-Raaca Jihaadka

Weriyihii21 waxa uu yidhi: Suldaan Sacdud-Diin labo wiil buu lahaa; Abuubakar iyo Badlaay oo isna labo wiil dhalay. Labadaa midkood Maxamad Badlaay buu ahaa oo awow u noqday Suldaan Cismaan Suleymaan. Abuubakarna sidoo kale labo inan ayuu dhalay oo uu midkood ahaa Cali awowna u noqday ragga la odhan jiray Suldaan Barakaat iyo Xabiib. Cali waxa uu dhalay Cumar Diin22 Maxamad Ad-harud-Diin Cali Abuubakar Sacdud-Diin.

Wiilka labaadna Aassir Abuubakar ayuu ahaa oo awow u noqday Suldaan Maxamad Abuubakar Maxamad Aassir Abuubakar Sacdud-Diin.

Inanka labaad ee Badlaay Sacdu-Diin waxa la odhanayay Shamsud-Diin, hase yeeshee wuu tafiir go’ay. Xukunka dhulka waxa hantiyay Suldaan Maxamad Aassir Abuubakar Sacdud-Diin oo uu xukunkiisu socday muddo soddon sannadood ah, qarnigii sagaalaad iyo intii ka danbaysay. Haddaba, Suldaan Maxamad jihaad buu ugu baxay dhulka Xabashida. Halkaas ayay iskaga hor yimaaddeen muslimiintii iyo gaaladii, goobtu se gaaladii bay raacday oo muslimiintii dad badan ka dilay. Kolkaas ayuu Suldaan Maxamad dhulkiisii ku soo laabmay, dabadeedna nin uu seeddi u ahaa oo la odhan jiray Maxamad Abuubakar Maxfuud ayaa dilay xukunkiina qabsaday oo haystay muddo sannad ah. Ninkaa isna Ibraahin Axmad oo ka talin jiray meesha la yidhaa Hoobad23 kana mid ahaa qabaa’ilka Balaw24 ayaa dilay oo xukunkii qabsaday. Hase yeeshee saddex bilood oo keli ah ayuu haystay. Ibraahin Axmad, isna Wasni oo ahaa addoonkii Garaad Maxfuud ayaa dilay, oo dhulka xukumay saddex bilood. Intaa ka dib, waa la qabtay oo Mansuur Maxamad ayaa xidhay oo inta uu garboduubay Seylac25 u diray, waxaana dilay addoon addoomihii Yaafic ka mid ah oo Seylac joogay. Isaga ka dib, xukunkii waxa la wareegay Amiirkii la odhan jiray, Mansuur Maxfuud Maxamad Garaad Aadish oo dagaal socday shan bilood ku qaaday Garaad Aboon. Guusha goobtaasi Garaad Aboon ayay raacday oo taladii dhulka hayay toddoba sannadood oo oogay xukun ku salaysan xaq iyo caddaalad, samo-is-farka iyo xumo-iska-reebka.

Jidgooyadii iyo budhcaddii buu laayay oo khamrigii, khammaarkii iyo qoob-ka-ciyaarkii durbaanka ayuu joojiyay, dhulkiina wuu cammirmay.

Ashraafta, Fiqiyada, Xerta iyo Mashaa’ikhda ayuu jeclaaday. Maamulkii ayuu si fiican u hantay, dadkiina wuu wanaajiyay. Sayidkeennii Imaamka muslimiinta ahaa ee Axmad Ibraahin Al-Qaasii26 xilligaa waxa uu ahaa halyey ka mid ah ciidanka Garaad Aboon, yaraantiisii iyo weynidiisii ba nin garaad badan oo aragti dheer iyo tashi leh ayuu ahaa. Taasina deeq xagga Alle ka timid bay ahayd si wixii uu Eebbe damcay gacantiisa ugu dhaboobo, Garaad Aboonna aad buu u jeclaa, geesinimada iyo tabo wanaaggiisa aawadood.

Intaa ka dib, Garaad Aboon waxa ku soo duulay, Suldaan Abuubakar Suldaan Maxamad Aassir, oo ka mid ahaa tafiirtii Sacdud-Diin. Guutooyin Soomaaliyeed oo dhib-wadayaal iyo jidgooyo ahaa ayuu ku soo kiciyay.

Garaad Aboon ayay dagaal xun oo meeshaa ka dhacay la galeen. Garaad Aboon Aadish oo dhulkiisii iska deggan, caruurtiisiina la jooga ayaa halkaa lagu dilay, shihiidnimo ayuuna ku dhintay, Alle ha u naxariistee. Garaad Aboon dabadii, waxa xukunkii gacanta ku dhigay Suldaan Abuubakar oo dhulkii kharaabiyay. Jidgooyadii iyo khamriga cabbistiisii ayaa dib u soo shaac baxay. Xilligiisii, nimanka maamulka dawladdiisa ka tirsanaa safarrada ayay dhici jireen oo ay hadimo u geysan jireen. Xumaan oo dhan baa ifka loo soo saaray, cid la dulmiyayna lama daw marinayn. Raggii Ashraafta ahaa, Fiqiyadii iyo Mashaa’ikhdii oo dhan ayaa taa ka kacay oo ka gilgishay.

Duullimaadkii 1aad

Imaam Axmad iyo Duullimaadkii 1aad

Intaa ka dib, markii uu Imaam Axmad ogaaday in ay Suldaankii iyo askartiisiiba Diintu waxay faraysay dibadda ka noqdeen oo ay xaaraantii gacan-togaaleeyeen, xumaantii la iska waanin jirayna ku xad gudbeen, ayay isaga iyo askartii Garaad Aboon intii ka hadhayba meeshii ka carareen.

Meel la yidhaahdo Hoobad ayay fadhiisin ka dhigteen oo ay isku urursadeen. Tirada fardaha ay wateen xilligaa boqol amma in ka badan ayay ahayd. Garaad Cumar Diin ayay amiir ka dhigteen. Iyada oo ay arrini halkaa marayso, ayay maqleen in badriiq27 ka mid ah badriiqyadii Xaddiga28 Xabashida ee nasraaniga ahaa, oo la odhan jiray Faanu’iil29 oo ka yimid gobolka Dawaaro,30 watayna koox badriiqyo ah oo kale, uu ku soo duulay dhulkii Islaanka, meel u dhaw Hoobad, oo ay dhac iyo boob ku qaadeen deegaankii Muslimiinta. Dumarkii iyo caruurtii ayay qafaasheen, xoolihii Muslimiintana way qaateen. Markay Imaamkii iyo askartiisii intaa maqleen, ayay dhaqaaqeen, oo ay guluf ku ekeeyeen gaaladii.31 Jihaadka Ilaahay dartii ah ayay isku guubaabiyeen, kolkaas ayaa la isku hirdiyay meel la yidhaahdo Caqama32 oo ah tog biyo badan. Muslimiintii way isa simeen, gaaladii dulliga ahaydna sidoo kale ayay yeeleen. Qolo waliba ciidankeegii iyo fardeheegii ayay isku tubbaridatay. Muslimiintii ayaa weerarkii ku horreeyay iyaga oo isku duuban, si daran baana loo dagaallamay. Hirdankii baa weynaaday, boodhkiina cirka ayuu isku shareeray oo halyeeyadii baa is haleelay. Waxa keli ah ee markaa la maqlayay, qawdii seefaha iyo gaashaannada ayuun buu ahaa. Gaaladii urursanayd ayuu Imaam Axmad ku dhex dhacay oo wuu kala firdhiyay, wuu dhex muquurtay oo fardoolaydoodii buu dhulka wadhay, Muslimiintiina dhinaca bidixda gaalada ayay kala weerartameen, kolkaas ayay jaanta wadheen. Tummaati iyo turuq ayay kala daaleen. Dhinicii midigta ee gaalada ayaa soo dagaal galay iyaga oo uu ku jiro badriiqii madaxa adkaa ee shaydaanka ahaa ee Faanu’iil, lacnadi haku dhacdee. Badriiga jidhkiisa oo dhan waxa ku dahaadhnaa biro adag, madaxiisana koofiyad bir ah oo ay ka muuqdeen oo keliya labadiisa indhood ayuu gashanaa, ciidankiisuna sidaas oo kale ayay ahaayeen. Muslimiintu laabo iimaanku dhan walba buuxshay iyo hankii lagu yaqaannay Umadda Nebi Muxamad ayay kala hor tegeen, halkaasaana sidii ugu darnayd la iskugu haleelay.

Muslimiintu dagaalka way u adkaysteen oo gaaladii tummaati iyo turuq bay kala daaleen, markaas ayay gaaladii dabada jeediyeen. Maalintaa Badriiqyadii cuur baa laga dilay askartiina kumanyaal. Muslimiintu waxa ay soo boojiyeen lixdan faras, qalab iyo baqlo badan oo aan la tirin karayn.

Waxa kale oo ay kasoo fara-maroojisteen Muslimiintii ay qafaasheen iyo xoolihii ay ka dhaceen oo dadkoogii baa dib loogu celiyay. Meel la yidhaahdo Siifa33 oo u dhaw deegaankii Suldaan Abuubakar Maxamad ayay Muslimiintii kusoo noqdeen iyaga oo faraxsan oo isku bishaaraynaya, qofna maalinkaa kama dhiman. Suldaankii iyo Soomaalidii la socotay waxa ay maqleen gaaladii waxa lagu dhigay ee Jihaad ahaa iyo xoolihii ay kasoo boojiyeen, kolkaas ayuu Suldaankii argagax ku dhacay oo firxad buu dhulkii kaga baxay isaga iyo Soomaalidii la socotayba, waxayna tegeen meel la yidhaahdo Kidaad oo degaanka Soomaalida kamid ah. Bixitaanka Suldaanka iyo Soomaalidii la socotay ayay Imaam Axmad Ibraahin iyo askartiisii maqleen wayna ka daba duuleen. Imaamkii iyo raggiisii Kidaad ayay soo gaadheen, meel Qaran34 la yidhaahdo oo ah tog biyo badan xilliga duhurka ayaana foodda la isku daray. Kolkaas ayaa la kala saftay oo la dagaallamay, Suldaankii iyo Soomaalidii ayaana laga gol roonaaday oo cuur laga dilay. Imaamku soddon faras ayuu ka boojiyay dhulkoogiina cagta ayaa la mariyay oo waa la bililiqaystay.

Iska-Hor-Imaad Dhex Maray Imaamka iyo Suldaanka

Imaamkii iyo saaxiibbadii waxa ay ku noqdeen magaaladoodii Harar oo ka mid ah dhulka Berru Sacdu-Diin. Iyaga oo aan weli neef goosan, ayuu Suldaankii Abuubakar, Imaam Axmad iyo saaxiibbadii kusoo kiciyay ciidan ka koobnaa Soomaali iyo dad kaleba. Fardahooga iyo ciidankoogaba tiro lagu ma koobi karayn, kolkaas ayuu isaga oo socdaa dhulkii yimid, Harar baan u jeedaa e. Imaamkii iyo saaxiibbadii warkaa markii ay maqleen ayay magaaladii uga baxeen, magaalo kale oo la yidhaa Hoobad Subrad ayayna uga diga rogteen. Buur weyn oo Hoobad ku taallay ayay Imaamkii iyo dadkiisii koreen. Suldaanku warkooga wuu maqlay, illaa iyo buurtii bayna ka daba biyaysteen oo ay isku xeereen. Imaamkii iyo ciidankiisii halkaa ayaa lagu go’doomiyay dhawr iyo toban cisho. Imaamkii iyo saaxiibbadii go’doomintii bay ka daaleen buurtiina habeen bay kasoo degeen. Waxa halkaa ka dhacay dagaal adag oo lagaga gol roonaaday Imaamka raggiisii taliyahoogii Garaad Cumar Diinna lagu dilay, Alle ha u naxariistee, kolkaas ayay Imaamkii iyo saaxiibbadii guryahoogii dib ugu noqdeen.

Intaa ka dib dadkii baa heshiis ka dhex riday Imaamka iyo Suldaanka oo ay Soomaalidu la jiraan. Imaamkii iyo saaxiibbadii, Suldaankii oo ay dhawr cisho la joogeen ayay u yimaaddeen, hase yeeshee, Suldaankii ballantii iyo heshiiskiiba wuu ka baxay oo Imaamkii iyo saaxiibbadiiba wuu khiyaameeyay. Waxa uu ka qaatay seefahoogii, fardahoogii iyo qalabkoogii oo dhan, saddex faras oo keli ah ayaana Imaamkii u soo hadhay. Heshiiskii dabadii, amiir weyn oo la odhan jiray Cismaan Yaasiin ayaa Imaamka laga dilay. Suldaanku kadib kolkii uu sidaa yeelay ayuu ku dhaqaaqay inuu dhulkii kharaabiyo oo uu riciyaddii dulmi iyo dhac kula kaco.

Mashaa’ikhdii, fiqiyadii iyo dhammaanba culimadii ayaa arrintaa ka cadhooday, isna in uu Imaamka dilayo ayuu dhaar ku galay. Kolkaas ayuu Imaamkii saq dhexe ka baxay magaaladii, isaga oo saddex faras wata. Imaamku waxa uu tegay gurigiisii oo ku yaallay magaalada la yidhaahdo Sacka35 oo u jirtay halka Suldaanku joogay maalin-socod. Addoon uu lahaa Suldaan Abuubakar Maxamad oo uu magiciisa ahaa Xamadoosh Maxfuud ayuu la kulmay, kaas oo waday afar faras oo uu Suldaanku lahaa waa nu ka qaatay. Imaamkii magaaladiisii Sacka wuu ka baxay wuxuuna tegey meel la yidhaahdo Ribaad al-Baqar36 oo ah meel dhir fara badan oo jiq ah leh, buur aan la mari karinna ku taallo. Imaamkii maalin keli ah buu halkaa joogay, waanu ka sii socday oo waxa uu tegey meel la yidhaahdo Shiix37 oo ah tog weyn oo qulqula. Fardaha uu Imaamku watay toddoba ayay ahaayeen.

Nin amiir ahaa oo la odhan jiray Garaad Abuubakar Ismaaciil ayaa ku soo biiray. Imaamku, ka dib kolkii ay tuulaba tuulo u dhiibtay ee uu wareegay ayuu soo gaadhay magaalada Hoobad. Amiir kale oo la odhan jiray Xuseenkii Reer Gaaturi oo gurmad u waday ayaa isna u yimid, Suldaankiina wardoon u soo basaasa ayuu meel walba u diray si uu Imaamka u dilo. Magaalada Hoobad in uu joogo ayuu ogaaday, kolkaas ayuu Suldaanku isaga oo askartiisii iyo fardooleydiisii wata u soo xamaan qaatay magaaladii uu Imaamku joogay. Imaamka guryihiisii ayuu dab sudhay, xoolihii Muslimiintana wuu dhacay. Imaamkii iyo askartiisii baa ogaaday waxa uu Suldaankii ku dhigay gurigiisii, sidaa aawadeed ayay Hoobad guure kaga baxeen.

Dagaal tuulo illaa tuulo la is baacsaday ayaa sii socday, illaa la isla soo gaadhay meel la yidhaahdo Jaadir. Iyaga oo uu daal kala goostay ayay meel hurdo u daateen. Goor duhur ah ayay Suldaankii iyo askartiisii halkaa ku soo weerareen, iyaguna way ku tooseen oo way ka firxadeen, qofna lagama qaban lagamana dilin. Labo boqol oo lug ah iyo toddoba faras ayaa Imaamkii ku soo biiray, meel la yidhaahdo Waasheen ayayna isku urursadeen. Suldaankii ayaa ogaaday, oo halkii ku soo doontay iyaga oo aan iska dhaadayn oo halkaa Imaamka kaga dilay labo nin oo uu midkood ahaa fardoolayda, lana odhan jiray Maxamad Ibraahin, ka kale na uu ka mid ahaa addoomihii Imaamka. Askartii Imaamku way kala baaheen oo magaaladii Hoobad ayay isku urursadeen. Waxa halkaa kaga daba yimid amiir ka mid ahaa amiirradii Suldaanka oo la odhan jiray Shunburi, watayna askar lug ah oo aan la tirin karin iyo afar iyo toban fardooley ah. Imaamku ciidankiisii buu safay, Shunburi na sidaas oo kale ayuu yeelay, intaa kadibna foodda ayaa la is daray oo dagaal qadhaadh ayaa dhex maray. Ciidankii Shunburi ayaa jabay oo jaanta wadhay, isagiina waa la dilay. Imaamku maalintaa labo iyo toban fardihii ka mid ah ayuu gacanta ku dhigay labona way ka baxsadeen.

Suldaankii dagaalkaa iyo dilkii amiirkii ayuu ogaaday, kolkaas ayuu askartiisii la baxay oo uu tegay magaalo dhulka Soomaalida ku taallay, dalkiina shan amiir oo ka mid ahaa calansidayaashii ayuu kaga sii tegay. Tirada fardooleydiisu lixdan bay ahaayeen, lugtuna way fara badnayd.

Imaamkii oo ku Jebiyay Ciidankii Suldaanka Labo Goobood

Imaamkii iyo askartiisii waxa ay ogaadeen in uu Suldaankii ka baxay magaaladii iyo in uu amiirro halkii kaga tegey. Kolkaas ayuu Imaamku isku tubbariday askartiisii oo uu yimid meel u dhow magaalada Suldaanku joogay oo ahayd Sacka. Amiir ka mid ah amiirradii Suldaanka ee calansidayaasha oo la odhan jiray Kooshin Abuubakar qabayna Suldaanka walaashii ayaa arrintaa ka war helay. Askartiisii ayuu isku habeeyay halkii Imaamku degganaa ayuuna u kicitimay. Imaamkii baa isna ciidankiisii iyo fardoolaydiisii oo labaatan ahayd saftay. Amiirka Suldaanku boqol fardoolay ah ayuu watay. Waa la isa safay, oo waa la isku soo dhowaaday, indhahaana qac la isku siiyay. Markii ba Kooshin Abuubakar iyo ciidankiisii ayaa jabay, iyaga oo aan wax dagaal ah haba yaraatee hollin, xaggii Harar bayna u yaaceen, Imaamka colkiisiise ciidankii jabay kama daba tegin. Imaamkii meel la yidhaahdo Al Jareer dhankeega ayuu u kacay, halkaas oo ay isku urursadeen kuna tashadeen iyaga oo is leh:

“Magaalada ayaan ku weeraraynaa, guushana Allaa haya oo ninkuu doono siiya.”

Way is habeeyeen, magaaladii Suldaanku degganaa dhankeegii bayna u dhaqaaqeen, halkaas oo ay gaadheen milay casar oo Bil Ramadaan ah iyaga oo ah sagaal boqol iyo dhawr iyo soddon. Ciidankii Suldaanku meel gabbaad adag leh ayay galeen. Imaamku kolkii uu halkaa isa soo taagay, ayuu arkay inay meeshu kadar adag tahay oo aan lagu dagaallami karayn.

Markaas ayuu isaga oo aan dagaal ku qaadin magaalada, meel duleedkeega ah degay, habeenkiina beryay, qolo walibana halkeegii bay ku ekaatay.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: maalintii labaad ayuu Imaamkii ku noqday gurigiisii, ciidankii Suldaankuna way ogaadeen noqoshada Imaamka, oo inta ay isku tubbariteen askartoodii iyo fardahoogii ayay ka daba guureen. Meel la yidhaahdo Shamnujuud38 ayay ku gaadheen, kolkaas ayuu Imaamkii ku soo rogaal celiyay isaga oo lug iyo farasba adeegsanaya, dagaal qadhaadh baana la isku haleelay. Raggii Suldaanka ayaa kolkii ba jabay, Imaamkuna fardahoogii oo dhan oo boqol iyo dheeraad ahaa ayuu gacanta kaga dhigay. In badan oo ciidankii Suldaanka ah ayaa goobtaa lagu laayay. Imaamkii xaggaa iyo Harar ayuu u kacay dhulkii oo dhanna gacanta ayuu ku dhigay, isaga oo xaqa oogaya xumahana tirtiraya.

Yeedhe ayaa yeedhay oo yidhi: “Qof waliba gurigiisa haku ekaado, nin walbana sidiisii haku sugnaado, ha biqina, ha murugoonnina, cid la dhibayaa ma jirto.”

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Imaamkii socod buu ku kala bixiyay daafaha dhulka, si uu u soo hagaajiyo arrimaha riciyadda iyo masaakiinta, maamulkii dalkana amiir ka hooseeyay ayuu kaga sii tegey. Dhulkii wuu cammirmay oo waa la sinmay. Ka dib kolkii uu Suldaankii ka war helay in uu Imaamkii dhulkii gacanta ku qabtay, fardihiisii oo dhanna qaatay ayuu isku qalqaaliyay dagaal uu Imaamka ku qaado. Ciidan uu intooda badan ka soo qortay dhulka Soomaalida iyo meelo kale ba ayuu urursaday. Fardo tiro beelay iyo askar aad u badan ayuu isku keenay, wuxuuna yimid meel u dhow halkii Imaamku joogay.

Imaamkii waxa uu ogaaday in lagu soo maqan yahay, kolkaas ayuu askartiisii habeeyay oo uu u kacay xaggii Suldaanku joogay oo ahayd magaalo la yidhaahdo Dakar39. Suldaankii iyo ciidankiisii buur la yidhaahdo Xuun40 oo gabbaad adag leh ayay fuuleen iyaga oo ka baqaya Imaamka oo lagu yaqaannay geesinimo iyo tabo-badni, waxaa se soo kala dhex galay dadkii ashraafta ahaa, amiirradii, mashaa’ikhdii, fiqiyadii iyo culimadii.

Waxa la gu heshiiyay in uu Suldaanku sidiisii Suldaan u ahaado, Imaamkuna noqdo Amiirka ka hooseeya isaga, arrimahana sidoodii hore loo daayo, dalkana ay u sinnaadaan. Imaamkii sidaas ayuu oggolaaday, isaga oo nacayay dhiig daata. Weligii Imaamku fiqiyada iyo mashaa’ikhda talo kuma diidi jirin. Suldaankii magaalada Harar ayuu tegey, Imaamkiina meesha la yidhaahdo Seyma ayuu degay.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: dadka dhulka Berru Sacdud-Diin degaa waxa ay caado u lahaayeen, in had ba ninka amiirka noqdaa uu horraysa iyo danbayso ba go’aanka leeyahay haddii duullaan la qaadayo, ama jihaad la galayo, iyo in uu askarta oo dhan hoggaankeega gacanta ku hayo. Suldaanka waxa awood gacantiisa ku hadhay ma dhaafsanayn in uu dhulka kharaaj41 ka qaato. Intaa dabadeed, Imaamkii Seyma buu ka tegey xaggaa iyo Suldaankii buuna u kacay.

Haddaba kolkii uu magaalada kambalkeegii gaadhay ee uu doonay in uu Suldaankii u galo, ayuu Eebbe doonay in uu fadligiisa ku muujiyo karaamadii Imaamka.

Weriyuhu waxa uu yidhi : waxa isa soo shubay shinni guuraysa oo aad mooddo fad madaw oo hadhaysay madixiisii. Shinnidii baa isku sharteertay oo cadceeddii ka qarisay meesha la yidhaahdo Shamnujuud illaa hoygii Suldaanka. Imaamku Suldaankii buu u galay oo ay is bariidiyeen is na salaameen, shinnidiina albaabkii bay ku hadhay. Markii uu Imaamkii soo baxay na, shinnidii kol labaad ayay safatay Imaamka dushiisii illaa uu gaadhayay aqalkiisii, cidna wax ma aanay yeelin, ka dibna geedkeegii bay ku laabatay. Taasi karaamo Imaamku leeyahay iyo bishaaro xagga Alle ka timid ayay ahayd.

Weriyuhu waxa uu yidhi: karaamadaa an soo sheegnay mid uu Imaamku mutaystay ayay ahayd. Wax kale ma ahee, Imaamka waxa Imaam loogu magacaabay, sida uu curiyuhu sheegay – Alle ha u naxariistee -: “Sheekha la yidhaahdo Maxamad bin Axmad oo Reer Dahmaan ahaa oo Maqribi ahaa ayaa ii warramay oo yidhi: habeen habeennada ka mid ah aniga oo hurda ayaan ku riyooday labo nin oo awliyada ka mid ah, aniguna markaa hurdo iyo soojeed ayaan u dhexeeyay; midkood waxa uu ahaa, Sheekh Axmad bin Sheekh Maxamad bin Sheekh Cabdilwaaxid ee Qureeshta Reer Tuunis ahaa, Alle ha innagu anfacee, ka labaadna waxa uu ahaa Sayidkaygii, sheekhii weynaa ee Alle-yaqaanka ahaa, ee caanka ahaa, ninkii arrimihiisu sarreeyeen, ee falalka suubbanaa, karaamooyinkiisuna runta ahaayeen, ee Ilaahay arrimaha la yaabka leh daboolka uga qaadi jiray; Qudbigii Rabbi doortay; sayidkaygii shariifka ahaa ee Abuubakar ee Cabdillaahi Al-Caydruus Ilaahay labadooda ba ha innagu anfacee. Iyaga ayaa igu yidhi:

Ha ugu yeedhina ninkaa suldaan iyo amiir toona, ku magacaaba Imaamkii Muslimiinta.

Waxa uu yidhi: Labadoodii baan ku idhi: “Ma Imaamkii Aakhirusemaankaa?”

Waxay igu yidhaahdeen: “Haa, oo weliba waxa ay kamid tahay karaamooyinkiisa kale.”

Weriyuhu waxa uu yidhi: rag aan ku kalsoonahay ayaa ii warramay, kuwaas oo kala ahaa: Cali bin Saalax Al-Jabali iyo Axmad bin Daahir Al-Marcawi, inay maqleen nin la yidhaahdo Sacad bin Yoonis Al-Caraji oo yidhi: Aniga oo habeen habeennada kamid ah hurda ayaan ku riyooday Nebigii – Nabadgelyo iyo Naxariisi ha u sugnaadeene – oo uu Abuubakar Sadiiqna xagga midigta ka fadhiyo, bidixdana Cumar bin Khadaab, hortiisana Cali bin Abii Daalib, dhammaantood ba Alle raalli ha ka noqdee. Cali bin Abii Daalib – Ilaahay wejigiisa ha karaameeyee – hortiisa Imaam Axmad Ibraahim ayaa fadhiyay. Waxa aan idhi:

“Rasuulkii Ilaahayoow, waa kuma ninkan Cali hor fadhiyaa?”

Wuxuu igu yidhi – naxariis iyo nabadi ha u sugnaadeene: “Ninkani waa ninka Ilaahay ugu talo galay inuu ku suubbiyo dhulka Xabasha.”

Markii uu Imaamku askariga ahaa ayay riyadaasi, ninka riyoodayna aqoon uma lahayn ka hor intaanu ku arag hor-fadhigiisii Cali bin Abii Daalib – Ilaahay wejigiisa ha karaameeyee. Ninkii riyadaa arkay ayaa magaalada Harar yimid xilligii uu Garaad Aboon dhulka xukumayay. Riyadiisii ayuu dadkii magaalada uga sheekeeyay. Kolkaas ayay dadkii yidhaahdeen: “Kan ma yahay?” iyaga oo u jeeda Garaad Aboon.

Markaas ayuu yidhi: “May.”

Intaa dabadeed taliyeba taliye kale ayuu usoo daba maray xukunkii dhulka, illaa uu ninkii riyooday yimid xilligii Imaam Axmad Ibraahim dhulka hantiyay. Kolkii uu arkay ayuu ku aqoonsaday astaamihii markii riyada uu ku arkay, dabadeedna dadkii magaalada ayuu ku yidhi:

“Waa kan kii aan hore u arkay.”

Inuu riyadiisaa ka warramo waxa ugeeyay odhaahdii Nebiga – nabad gelyo iyo naxariisi ha u sugnaadeene – ee ahayd:

من رآني في المنام فقد رآني حقا فإن الشيطان لا يتمثل بي

(Ninkii riyo igu arkaa dhab ahaan buu ii arkay, waayo shaydaanku iskuma kay ekeysiiyo).42

Sidii uu ku arkay buu ahaa, riyadiisiina way dhabawday, dhulkii Xabasha oo dhan gacanta ayuu ku qabtay oo wuu hagaajiyay sida aan xagga danbe ku arki doonno, haddii Alle yidhaahdo.

Duullimaadkii 2aad

Imaamka oo Xabashida ku Duulay Markiisii 2aad

Weriyihii Allaha Weyni ha u naxariistee waxa uu yidhi: Imaam Axmad Suldaankii buu meel la degey. Dadkii buu maamulay oo uu samaanta faray xumahana ka reebay. Budhcaddii ayuu dabar gooyay oo waayihii riciyadda ayuu xilligiisii wanaajiyay. Xukunkii buu si fiican gacanta ugu dhigay, oo wuxuu jeclaaday Ashraaftii, Culimadii, Xertii, Fiqiyadii iyo Mashaa’ikhdii. Intaa dabadeed, ciidankiisii, qalabkii, seefihii iyo fardihii ayuu isku tubbariday. Dhulka Xabasha in uu ku duulo ayuu u xamaan qaatay. Markii uu askartiisii diyaarsaday, ayuu u dhaqaaqay dhankaa iyo dhulkii gaalada illaa uu gaadhayay meel cidhif ah oo la yidhaahdo Dawaaro.43 Xoolo badan oo u kala baxa: gammaan, iyo nimcooley iyo weliba addoomo ayay soo boojiyeen. Kolkii ay dib u laabma is yidhaahdeen, ayay gaaladii Reer Dawaaro oo aan qof ka maqnayn ku soo jabeen. Imaamku fardo boqol iyo dheeraad gaadhaya ayuu watay, kuwa gaaladuna tiro ma lahayn. Gaaladu Muslimiintii ayay ku kiileen wadiiqo yar oo cidhiidhi ah, halkaana Muslimiintii dad badan oo uu Ilaahay shahiidnimo u qoray ayaa lagaga dilay, toddoba ka mid ahaa amiirradii Muslimiintana gacanta ayaa lagu dhigay, kuwaas oo kala ahaa: Amiir Xuseenkii Reer Gaaturi, Amiir Saxrabawi44 Maxamad, Amiir Cabdillaahi, Amiir Cumar, Amiir Awraci Axmad iyo Amiir Jibriir oo Soomaali ahaa iyo Amiir kale. Amiirradaasi – Alle ha u naxariistee – dhammaantood halyeeyadii Muslimiinta iyo fardafuulkoogii ugu geesisanaa ayay ahaayeen. Haddii aan soo qaadanno Amiir Xuseenkii Reer Gaaturi, dhinac guryahoogii ka mid ah ayay ula baydheen dharkiina way ka saareen, iyagoo doonaya inay dilaan. Tiradoodu toddoba ayay ahayd, isna wuu u garboduubnaa. Xadhkihii ayaa mar keliya, fadliga Islaanka iyo barakada Nebi Maxamad – naxariis iyo nabad gelyo ha u sugnaadeene- kaga go’ay. Markaas ayuu mid ka mid ah raggii ku booday oo uu ka dhifsaday mindi isaga oo kor ugu dhawaaqaya: “Jihaad Ilaahay dartii.”

Markii ay magleen eraygaa Jihaad nimankii way jabeen. Amiir Xuseen saaxiibbadii buu ku soo noqday, isaga oo la dhaawacay, laakiin samata baxay. Amiirradii kale ee xidhnaa Boqorkii45 Xabashida ayaa loo diray labo ayaana laga dilay.

Dilkii Suldaan Abuubakar

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Imaamkii, iyaga oo boojimo fara badan la ciirciiraya ayuu soo laabmay, magaalada Sacka ayuuna degey oo uu u sii dhaafay halkii Suldaan Abuubakar joogay iyaga oo weli heshiis ah. Intaa ka dib, arrimihii Suldaanka ayaa is beddelay oo

riciyaddii buu dulmay wuxuuna muujiyay dhaqan xumo iyo cadaawad uu Imaamka tusay oo uu doonayay inuu ku dilo. Culimadii iyo Mashaa’ikhdii ayaa isku dayay inay heshiisiiyaan, Suldaankii baa se sidaa iska diiday oo ku kacay dagaal uu ku qaado Imaamka, isaga oo dariiqii toosnaa ee xaqa ahaa ka baydhsan. In uu Imaamka dago ayuu doonay, isaga ayay na dagmadii dib ugu noqotay, siduu Ilaahay ku yidhi Kitaabkiisa Casiiska ah:

وَلَا يَحِيقُ الْمَكْرُ السَّيِّئُ إِلَّا بِأَهْلِهِ

(Heerrimaad, ciddii lahayd cid aan ahayn ma hoddo).46

Imaamkii baa dilay, muslimiintiina dulmigiisii iyo dhibaatoo-yinkiisii ayay ka raysteen. Imaam Axmad dhulkii ayuu cadaalad ka oogay, xumihiina wuu buriyay oo jidgooyadii buu tirtiray. Amar buu ku bixiyay in uu yeedhe yeedho, oo uu yidhaa:

“Ninka nin Muslim ah ku duulaa naftiisa wuu waayi, xoolihiisana waa la qaadan.”

Riciyaddu way ku nasatay Boqortooyadiisii. Ka dib kolkii uu Imaam Axmad guulaystay, ayuu Suldaannimadii u dhiibay Suldaan Abuubakar walaalkii oo la odhan jiray Cumar Diin. Waddankii baa hagaagay xilligii uu talinayay, kala-burburkii baa joogsaday oo baadilkii baa la waayay, munaafaqnimadiina way baaba’day. Xaqii buu oogay, oo dibindaabyadii shaydaanka ayaa wiiqantay oo tirtirantay.

وَظَهَرَ أَمْرُ اللَّهِ وَهُمْ كَارِهُونَ

(Taladii Ilaahay ayaa meel-martay iyaga oo neceb).47

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Waayadii ay Sacdud-Diin raggii ka danbeeyay Harar ka talin jireen, iyo xilligii Garaad Aboon ba, gaaladu duullimaad bay ku soo qaadi jireen dhulka Muslimiinta

oo marar badan bay cagta mariyeen. Arrintaasi Muslimiintii badhkood in ay gibir bixiyaan ayay gayeysiisay, illaa uu Imaam Axmad soo baxay oo uu ka diiday dhulkoogiina qabsaday. Waqtigaa uu xukunkiisu socday, Imaamku masaakiinta ayuu la fadhiisan jiray oo uu dabacsanaan u muujin jiray. Kooga yar ayuu u naxariisan jiray kooga weynna wuu tix-gelin jiray. Carmalida iyo agoonta ayuu u dhibrin jiray. Dadka inta dhacan ayuu uga goyn jiray daalinka illaa uu xaqu halkiisii ku soo noqonayo. Xaqa Ilaahay nin aan cidna ugu habran buu ahaa. Wuxuu joogtaynayay faralka Ilaahay, siduu Ilaahay ba yidhi:

الَّذِينَ إِن مَّكَّنَّاهُمْ فِي الْأَرْضِ أَقَامُوا الصَّلَاةَ وَآتَوُا الزَّكَاةَ وَأَمَرُوا بِالْمَعْرُوفِ وَنَهَوْا عَنِ الْمُنكَرِ

(Nimanka haddaannu dhulka ku meelaynno, oogaya salaadda, sekada dhiibaya, wanaagga faraya ee xumaantana reebaya).48

Intaa ka dib, waxa Imaamka u yimid Suldaan kamid ah Suldaannadii hore oo la odhan jiray Awraci Aboon. Kolkii dhulka la isku laayay ee uu qalaanqalka weyni dhacay ayuu Awraci Aboon Soomaalida u galay. Imaamka ayuu la heshiiyay oo siiyay dhul uu isagu ka taliyo cashuurtana ka qaato. Imaamka qabiil la yidhaahdo Geri ayaa u yimid, kuwaas oo uu khilaaf u dhexeeyay iyaga iyo qabiilka kale ee Mareexaanka iyo amiirkooga Xaraabo. Imaamkii baa cid u diray Xaraabo oo ahaa amiirkii Soomaalida49 si uu u heshiisiiyo.

Xabashidii oo ku soo Duushay Daafaha Dhulka Muslimiinta

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Iyaga oo arrintaa Soomaalida ku jira ayuu Imaamka soo gaadhay war odhanaya in uu badriiq weyn oo kuwa daran ah, lana yidhaahdo Degalhaan oo ay gacal ahaayeen Boqorka Xabashida, badriiqyo kale oo badanina la socdeen, duullimaad ku soo ekeeyay goonyaha dhulkii Muslimiinta oo uu cagta mariyay, xoolohoogiina boobay, oo uu dumarkoogii qafaashay.

Waxa weliba ka mid ahaa dadka uu qafaashay Amiir Amiirrada Imaamka kamid ahaa oo la odhan jiray Abuubakar Qadiin hooyadii. Fardaha gaalada tiradoodu lix boqol iyo dheeraad ayay dhannayd, askartoodana ayax baad badidooda moodaysay. Imaamkii in uu la dagaallamo ayuu isku diyaariyay.

Askartii buu isku tubbariday, haddii ay tahay qalab iyo haddii ay tahay tiroba. Fardoolayda Muslimiintu labo boqol ayay ahaayeen. Duullimaad ayay gaaladii ku ekeeyeen, goor fiidadaw ah ayayna dhaqaaqeen. Hadh iyo habeen ba way socdeen, illaa ay gaadhayeen tog weyn oo la yidhaahdo Caqama, duhur dabadii maalinkii labaad, halkaasayna degeen. Imaamkii koox muslimiintii ka mid ah oo uga war keenta gaalada ayuu diray, hase yeeshee midkoodna war uma keenin. Intaa dabadeed, amiir ka mid ahaa amiiradiisii oo la odhan jiray Xuseenkii Reer Gaaturi oo watay toddoba faras ayuu diray. Halkii ciidanka gaaladu degganaa meel u dhaw ayuu tegay, askar ciidda ka badan ayuuna halkaa kusoo arkay. Markaas ayuu isasoo rogay oo uu Imaam Axmad u yimid, warkiina wuu u dhiibay.

Imaamkii iyo askartiisii meel ku dhaw gaaladii oo ay buur weyni ku kala gudban tahay ayay u dhaqaaqeen oo ay degeen. Imaamkii iyo afar nin oo fardooley ah oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka50 la odhan jiray Cadli, Amiir Barde iyo Amiir Cali ayaa buurtii koray. Halkii gaaaladu ay degganaayeen oo ahayd meel la yidhaahdo Deyr ayay isa soo dul taageen, iftiinkii dabkii ay shiteen bayna indhaha ku dhufteen. Markaas ayay Imaamkii iyo saaxiibbadii dib ugu noqdeen askartoodii, habeenkiina halkii bay baryeen, iyaga oo dagaal u diyaar ah. Maalintii danbe ayay gaaladii guureen iyaga oo dhulkoogii ku noqonaya, Imaamkii iyo askartiisii oo aad isku habeeyay, fardahoogiina heensaystay ayaa iyaguna ka daba dhaqaaqay.

Kolkaas ayay gurada jareen, iyaga oo hub iyo qalab ba fardaha ku rartay, siduu ninka gabyaaga ahi yidhi:

Codka yeedhay wacanaa
Ku cabaaday subax hore
Xaya calal jihaad…
Caskartii u baaqiyo
Ciidankii nafta u huray
Cassiissoow Ilaahay!
Col markii ay duulaan
U cartama sidii aar!
Markay nabadda curiyaan
U adeega ciiddoo
Ku camira wixii mudan.

Iyaga oo sidaa u daba socda, ayay gaaladii dib u soo daymoodeen oo ay arkeen muslimiintii oo ku daba jira, markaas ayay warkii is gaadhsiiyeen.

Gaaladii dib ayay u soo laabmeen, iyaga oo isa sarbay oo askartoodiina habaynaya – Alle ha hoojiyee. Sidoo kale Imaamkiina askartiisii buu safay, midig, bidix, wadne iyo labo garab ayuuna u kala qaybiyay. Waa la isku soo gurguurtay. Muslimiintii oo aad mooddo dhisme taxan ayaa horta ba soo dhaqaaqay oo fardooleydii baa dawdan iskugu soo dhacday. Ninkii ugu horreeyay ee weerartamaa, waxa uu ahaa ninka la odhan jiray Farshaxan51 Suldaan Cali oo Reer Yamle ahaa oo ka mid ahaa geesiyada wadnaha adag.

Isaga oo ku dhawaaqaya “Allaahu Akbar” ayuu gaaladii weerar ku ekeeyay oo uu mar qudha kala firdhiyay, ururkoogiina kala didiyay. Cuur buu ka dilay, wuxuuna soo qabtay badriiq badriiqyadoodii ka mid ahaa oo la odhan jiray Sabbaraw Badriiq Tekle. Wuu qabtay oo koorihii faraska ayuu ka dul gundhiyay, Imaam Axmad hortiisii ayuuna soo joojiyay, Imaam Axmadna Berri Carab ayuu u diray. Amiir Cali ayaa isna gaaladii weerar ku ekeeyay, markaas ayuu cuur dhulka dhigay oo uu soo qabtay badriiq badriiqyadii ka mid ahaa oo uu Imaamkii soo hor joojiyay. Muslimiintii baa u soo dareeray sida aar cartamaysa oo gaaladii weeraray. Warmihii ayay ridmo u diyaarsadeen, fardihiina xakamaha ayay u debciyeen. Colkii baa kii kale ku darsamay, gaaladii xumaydna dagaalka muslimiinta suubban way u adkaysteen. Kol ba dhinac baa la isku la jabay, fardihiina fardihii bay ku darsameen, askartiina askartii bay dhex galeen. Maalintaa madax go’aya iyo naf baxaysa iyo dhudhummo duulduulaya mooyee, ishaadu wax kale ma aanay qabanayn! Kol keliya ayay muslimiintii si weyn ugu wada dhawaaqeen Tahliisha iyo Takbiirta iyo Salliga Nebiga.

Qabaa’ilkii oo dhan ayaa gurmad kol keliya usoo jabay, markaas ayuu dhulku xooggoogii la gariiray. Maalintaa Muslimiinta hal-ku-dheggoogu Yaahuu Yaahuu52 ayuu ahaa, taasina gaaladii baqdin iyo argagax ayey ku abuurtay. Imaamku guusha wuu ku kalsoonaa, ninka soo ag marana dhulka ayuu dhigayay, ciddii uu warankiisa ku dooxaana dib uma soo kacayn.

Sidii xayn adhi ah oo uu libaax weeraray ayay gaaladii u jabeen, kumanyaal Ilaahay uuni tiradooda garan karo ayaa laga laayay. Muslimiintu halkaa fardo, xoolo iyo hub ay furteen ayay ka heleen, afar boqol, afar iyo siddeetan gaaladii ka mid ah maalintaa way qabteen, nimcoolayda iyo baqluhuna way tiro dhaafeen. Waxa kale oo ay ka qaadeen xoolihii ay Muslimiinta horay uga soo boobeen oo dadkii lahaa ee Muslinka ahaa loo celiyay. Nin keli ahi Maalintaa Muslimiinta kama dhiman. In kaste oo ay dhaawacyo fudfududi jireen, way soo wada nabad galeen. Imaamku dadkii la soo qaqabtay ayuu u yeedhay oo uu hortiisa soo tugay. Badhkood meesha la yidhaahdo Sabiid53 ee uu ka talinayay Amiir Suleemaan Al-Mutawalli ayaa loo diray. Amiirku halkaas ayuu addoomo kaga dhigtay, badhkii hadhay qaarna waa la laayay, qaarna way iska dhinteen. Ilaahay ha ka abaaliyo Muslimiintaa iyo Imaamkooga ba e, si dhab ah ayay Ilaahay dartii ugu dagaallameen, wayna adkaysteen, oo la kulanka cadawga ayay isku taageen. Dadaal bay ku bixiyeen in ay Ilaahay raalli geliyaan, manay gaabin illaa ay gaalada sariirahoogii ka riixeen oo ay xabaalaha u taxaabeen. Sidaas ayuu ku guulaystay oo uu ku kor noqday Islaamkii, gaalnimadiina ku dullowday oo ay ku jabtay. Markaa la yaab ma leh inuu Ilaahay Quraankiisa ku sheego:

وَلَا تَحْسَبَنَّ الَّذِينَ قُتِلُواْ فِي سَبِيلِ اللَّهِ أَمْوَاتًا بَلْ أَحْيَاء عِندَ رَبِّهِمْ يُرْزِ قُونَ فَرِحِينَ بِمَا آتَاهُمُ اللَّهُ مِن فَضْلِهِ وَيَسْتَبْشِرُونَ بِالَّذِينَ لَمْ يَلْحَقُوا بِهِم مِّنْ خَلْفِهِمْ أَلا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ

(Ha moodina kuwii Ilaahay dartii loo dilay in ay dhinteen, ee waxay ku nool yihiin Rabbigooga agtiisa, halkaas oo lagu arsaaqo iyaga oo faraxsan…)54

Ogaada -Alle ha idiin naxariistee- in uu shihiidku gaadho Rabbiga deeqda leh, oo uu dego daar aanu qofkii galaa dhiman, oo aanay dhallinteedu gaboobin, sida uu yidhi, Isagaa u run-sheegsane:

لا يَمَسُّهُمْ فِيهَا نَصَبٌ وَمَا هُم مِّنْهَا بِمُخْرَجِينَ

(Daartaa dhexdeeda daal kuma haleelo, lagamana soo saaro).55

Weriyihi – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Imaam Axmad iyo askartiisii, iyaga oo xoolihii boojimada ahaa la tiicaya, ayay ku soo laabmeen magaaladii Harar, isaga oo guul iyo raynrayn sita. Ilaaha Sarreeye, isaga ayaa hage iyo hanoonshe u ahaa. Imaamka cimrigiisu maalintaa kow iyo labaatan (21) ayuu ahaa. Intaa ka dib, sheekadii hore ayaan kusoo noqonaynnaay.

Soomaalidii iyo Imaamka oo Isku Dhacay

Haddaba Soomaalidii aynnu horay u soo sheegnay in uu Imaamku doonayay in uu ku baxo, markii ay maqleen in uu dhulka Xabashida u dhaqaaqay, ayuu soo ilaalo tegey ninka la odhan jiray Xaraabo oo hoggaminayay Qabiilka Marreexaan. Markii uu Harar u soo gaadhay kala badh ayay u caddaatay in uu Imaamkii ku baxay dhulka Xabashida, kolkaas ayuu dhulkiisii ku noqday.

Qabiilka la yidhaah Habar Maqaddi56 oo uu Imaamku hore u Weyddiiyay inay Sakada keenaan, hase yeeshee ku gacan saydhay oo jidgooyo meel waliba dhigay oo dhulkoo dhan kharribay, ayaa iyaguna Soomaalida ka mid ahaa. Imaamkii meel la yidhaahdo Racabood oo u dhaxaysay dhulka muslimiinta iyo dhulka gaalada ayuu u xamaan qaatay, iyada oo la moodayay inuu u socdo xaggaa iyo Xabasha, hase yeeshee Imaamku dib ayuu ugu soo noqday dhulkii ay degganaayeen Soomaalidii qulquladaha wadday.

Markiiba Soomaalidii way jabeen oo jaanta ayay wadheen. Imaam Axmad wuu ka daba tegey illaa u badda maalin-socod u gaadhayay. Imaamku dhulkii Soomaalida kolkii uu si xun cagta u mariyay ee uu burbur iyo baaba’ ka yeelay ayuu soo noqday.

Waxa jirtay in Soomaalidii Imaamka la safnayd iyo Suldaankii aan hore u soo sheegnay ee Awraci Aboon ay dheceen qolada la yidhaahdo Habar Maqaddi oo Imaamku uu hadda jebiyay. Qabiilka Geriga ayaa Imaamka kusoo ashkatooday oo yidhi:

“Waxaas oo dhib iyo dhac ah adiga dartaa iyo heshiiskii an kula galnay ayaa la noogu geystay.”

Kolkaas ayuu Imaam Axmad dagaal isku diyaariyay oo ciidankiisii buu isku tubbariday. Dhulkii Soomaalida ee Habar Maqaddi ayuu u dhaqaaqay, reerkaas oo si joogto ah u waday jidgooyo iyo boob ay u geysanayeen dadka muslimiinta ah. Imaamkii baa ka guulaystay oo mar labaad xoolihii kasoo qaaday oo dhulkoogiina burburiyay oo danbaska ka dhigay, dabadeedna Imaamku dhulkiisii buu dib ugu soo noqday. Soomaalida, xoolohoogii la dhacay iyo dhulkoogii la burburiyay ayaa dhabarka ka jebiyay. Markaas ayay u yimaaddeen Imaamka iyaga oo uu hor kacayo hoggaamiyahoogii Xaraabo. Soomaali oo dhan ayaa ka daba timid, halkaas ayayna Imaamka si kama danbayn ah oo loo bogay ugu la heshiiyeen.

Duullimaadkii 3aad

Imaamkii oo Dhulka Xabashida ku Duulay Markii 3aad

Imaamkii jihaad uu ugu baxo dhulka Xabashida ayuu u xamaan qaatay. Gaasas fara weyn oo Soomaali ah oo uu Xaraabo hoggaaminayo ayuu isku tubbaritay. Imaamka ayaa ciidankii hor kacay oo meel walba cuurar kasoo urursaday. Gujooyin buu diray oo uu dhulka ku ekeeyay isaga oo kusii socda gaalada. Meesha la yidhaahdo Wa’dooh Mashak oo kamid ah dhulka Fatagaar57 ayay gaadheen, hase yeeshee lama aanay kulmin dirir iyo dagaal toona. Fadhiisinkii Bogorka Xabashida maalin iyo badh-socod ayuu u gaadhay, muslimiintiina tashi bay ugu fadhiisteen in ay sii socdaan iyo in kale. Imaamka iyo qaar amiirrada ka mid ahaa ayaa ku taliyay:

“Aan soconno oo aan Bogorka weerar ku qaadno, labada fiican midkood uun baynnu heli e; ama waa innoo guul ajar iyo boojimo wadata ama waa innoo shahiidnimo Ilaahay dartii ah, iyo jannada oo aan Eebbe fadligiisa ku hello.”

Askarta badankooguse waxa ay lahaayeen:

“Halkan baan dhulkeennii uga laabmaynnaa.”

Muslimiintu halkaa boojimo fara badan ayay kala soo kulmeen, wayna soo noqdeen.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Imaamkii aad buu u dhibtooday, oo wuu ooyay illaa ay indhihii oohin darteed casaadeen. Imaamku noqoshada iyo talo-ku-heshiin la’aanta ayuu ka xumaaday. Magaalada Harar oo kamid ahayd dhulweynihii loo yiqiinnay Berru Sacdud-Diin ayay yimaaddeen. Isaga oo aan weli salka ba dhigin ayuu calankii jihaadka u dhiibay ninka la odhan jiray Amiir Mansuur Maxfuud oo Gaaturi ahaa. Boqol nin oo fardoolay ah iyo labo kun iyo dheeraad lug ah ayuu ku daray, wuxuuna ku amray in uu u dhaqaaqo dhulka Xabashida, meel la yidhaahdo Qeeji. Amiirkii, socod dheer ka dib meeshii la odhan jiray Qeeji ayuu soo gaadhay, hase yeeshee wax dagaal ah lama kulmin.

Hanti badan oo ka kooban addoomo, nimcoolay iyo waxyaabe kale ayuu soo boojiyay, dib ayaanu dhulkii ugu soo noqday.

Calan kale ayuu Imaamkii u dhiibay ninka la odhan jiray Wasiir Cadli oo uu ku daray shan boqol oo fardoolay ah iyo kun lug ah, oo u daddaabbo-xidhan dagaal iyo halgan. Dhankaa iyo dhulka la yidhaahdo Dawaaro, magaalada lagu magacaabi jiray Wanbaariya inay u dhaqaaqaan ayuu Imaamku ku amray. Ciidankii way socdeen illaa ay halkii u calmanayd ee bar-tilmaameedka u ahayd gaadhayeen, wax dagaal ah se lama ay kulmin. Boojimo weyn ayay halkaa ka soo heleen, dib ayayna dhulkii muslimiinta ugu soo noqdeen.

Iyaga oo jidkii sii haya ayay arkeen Reer Dawaaro oo dhan, dhan walbana iskaga meeriyay, raggoogii, badriiqyadoodii iyo fardoo-laydoodii ba. Meel la yidhaahdo Samit oo ah tog biyo badan ayay ku kulmeen. Fardoolaydii ayaa la is galay, geesiyadiina way is hirdiyeen. Badriiqa ugu weyn oo ka mid ahaa kuwooga ugu qallafsan Arbaa Shimal ayaa la odhan jiray. Fardahooga iyo askartoodu wax la tirin karo ma ahayn. Dagaalkii baa foodda la is daray, seefaha iyo tummaatiyaha ayaana la isla boobay illaa ay warmihii rigaaxmeen, curcurradiina daaleen sidii loo jafayay luqumaha iyo unuunnada gaalada. Halyey muslimiinta ka mid ahaa oo la odhan jiray Amiir Mujaahid Cali Cabdillahi Suuxe ayaa weerartamay. Ninkaas oo ahaa halyey iyo libaax boqno-gooye ah, ayaa weerar ku ekeeyay badriiqii weynaa ee Arbaa Shimal. Markaas ayuu seef ku dhuftay oo uu barbar ugu riday, Ilaahayna Naarta ayuu ruuxiisii u dedejiyay, meel lagu negaadana iyada ayaa u darane. Geesi ka mid ah muslimiinta oo isna la odhan jiray Nuur ayaa weerar ku qaaday badriiq ka mid ahaa badriiqyadii oo madaxa hor dhigay. Intaa ka dib, dagaalkii baa adkaaday, dilkiina wuu batay. Muslimiintii si mintidnimo ah ayay u dagaallameen, waxayna ku dhawaaqayeen Tahliil iyo Takbiir58 iyo Salliga Nebiga bishaareeye-digaha ah. Gaaladii jaanta ayay wadheen, muslimiintiina tummaati iyo dooxid bay la daba galeen. Waxa gaalada maalintaa laga laayay tiro aan la koobayn, muslimiinta se qof kama dhiman. Wasiir Cadli dalkii Muslimiinta ayuu ku soo noqday isaga oo…*

Imaam Axmad oo Duullimaad ku Qaaday Dhulkii Awfaat

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: intaa ka dib, Imaam Axmad Ibraahin duullaan uu ku qaado dhulkii gaalada ayuu u tabaabushaystay. Ciidammadiisa kuwii soo-ma-jeestayaasha ahaa iyo geesiyaashii ayuu isku tubbariday, haddana calan cas buu xidhay oo uu udhiibay Amiir Xuseen-kii Gaaturi, wuxuuna usoocay boqol nin oo fardooley oo ahaa raggii dagaalka iyo halganka lagu yiqiin. Mar labaad ayuu haddana calan cad xidhay oo uu u dhiibay ninka la odhan jiray Wasiir Nuur oo uu isna ku daray boqol iyo dheeraad fardooley ah. Calanka Imaamku maalintaa hurdi ayuu ahaa, boqol fardooley oo raggii halyeeyada iyo geesiyaasha ahaa ayaana hoos imanayay. Waxa ay ahaayeen raggii dagaalka dhoogta iyo tummaatida lagu yiqiin, dagaalkana xuddunta u ahaa. Ciidankaa lugtoodu toddoba kun bay ahayd, shan nin buuna Imaamku taliyayaal uga dhigay oo midkood la odhan jiray Naqdiye. Maalintaa waxa uu ahaa Muslim, hase yeeshee wuu riddoobay ugu danbayntii – Ilaahay ha innaga hayee – waxaana la dilay isaga oo gaal ah. Cabdikariim Cismaan baa isna kamid ahaa raggaa oo ku magac dheeraa Dawaaro, ka saddexaadna Cumar Cabdillaahi baa la odhan jiray, ka afraadna Cismaan Cabdillaahi oo Reer Seyma59 ahaa, ka shanaadna magiciisu Maxamad buu ahaa. Raggaas oo dhami dadkii Diinta Islaamka soo galay bay ahaayeen. Imaamku askartiisii buu isku tubbariday oo uu kula dardaarmay inaanay marna dabada jeedin. Intaa dabadeed, Imaamkii ciidan laxaad leh buu la dhaqaaqay oo gurguuranaya iyo rag fardofuulka aad u yaqaanna oo ah soo-ma-jeestayaal. Mid kaste oo raggaa kamid ahi boqol iyo dheeraad kuwii gaalada ahaa ayuu u jilib dhigi karayay. Weerar bay ekeeyeen illaa ay gaadhayeen meesha la yidhaahdo Samiir Diin oo ka mid ahayd dhulka Muslimiinta, badhkeedna ay gaaladu lahayd. Askartoodii iyo fardohoogii ayay isku habaysteen, kadib kolkay tashadeen ayay go’aansadeen inay tegaan dhulka Dawaaro.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Abuubakar Ismaaciil oo maalintaa goobjoog ahaa ayaa ii warramay oo yidhi: Ciidankii duullimaadka ahaa, meel la yidhaahdo Kaxal Bar oo dhulka Dawaaro kamid ah ayay tegeen. Jidgooyo gaalo ah oo lug ku socotay ayay halkaa kula kulmeen, kuwaas oo isku urursaday meel kadar ah oo ay Muslimiinta ugu gabbanayeen. Raggaasi Muslimiinta dagaal bay la galeen, Muslimiintii baase guushii Ilaaheenna Weyn hantay, gaaladiina way jabeen oo tiro badan baa laga laayay. Kaniisad la odhan jiray Sahraq oo ay lahaayeen boqorro hore ayaa halkaa ku taallay, Muslimiintuna dab bay sudheen. Intaa kadib Muslimiintii dib ayay ugusoo laabteen dhankii waddankoogii.

Tuulo ayay gaaladu ku lahaayeen meel la yidhaahdo Koob oo u dhaxaysa dhulka Muslimiinta iyo ka gaalada. Waxay Muslimiintu wada tashi ka yeesheen tallaabada ay qaadi doonaan. Badhkood waxay qabeen in lagu noqdo dhulkii Muslimiinta, halka badhka kalena ay ku taliyeen in gaalada lagu duulo. Habeennimadii bay dad Muslimiinta kamid ahaa baxsadeen Imaamka oo aan ogeyn, iyaga oo ku noqonaya dhulkoogii. Imaamkii ayaa ka daba fuulay oo gaadhay badhkood oo garaac iyo ul dabada kala soo maray.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Kolkii uu ciidankii soo gaadhay Koob ayay Imaamkii ku yidhaahdeen: “Tegi maynno dhulka Xabashida illaa aad ku celiso xaaskaaga Dilwanbara dhulkii Muslimiinta; noo raaci mayso dhulka gaalada, waayo taliyayaashii kaa horreeyay ninna afadiisa ma kaxaysan jirin.”

Ooridiisii Dilwanbara ayaa tidhi, “Noqoni maayo.”

Imaamkiina xaggii dhulkii gaalada ee Awfaat60 loo yaqaannay ayuu u kaxaystay. Imaamku ciidankiisii buu isku tubbariday, habeenkii oo dhan na wuu socday isaga oo dhulkii Xabashida u sii jeeday illaa uu gaadhayay Hawaas oo ah webi aad u biyo badan oo ku wareega dhul badan xilliyada dayrta. Waa webi aan laga tallaabi karin haddaanan la fuulin looxaan lagu xidhxidhay haragga lo’da sida huuriga oo ay u yaqaanneen Lakhi. Wabigaasi dhererkiisu waxa uu isku joogaa laga soo bilaabo gobolka Daamoot la yidhaahdo illaa uu ku shubmayo badda dhanaan ee Seylac agteeda ah.

Muslimiintu boojimadii ay soo heleen ayay ka tashadeen, waayo markii ay dhulka Dawaaro soo galeen ayuu heshiisku ahaa in wixii uu midkood soo boojiyo askartu u siman tahay. Badhkood baa xoolo soo boojiyay badhna waxba masoo boojin canaad ka dhex dhacay askarta Muslinka awgii. Kolkay haddaba Muslimiintii soo gaadheen Hawaas ayaa lasoo hadal qaaday boojimadii. Rag Muslimiinta kamid ahaa ayaa yidhi:

“Waxna boojin maynno waxna qaadan maynno, waxaan soo qaadnayna Ilaahay baa dhammaantii iska leh, haddii kale ninkii wax soo boojiyay isagaa iska leh.”

Garaadka la odhan jiray Garaad Diin oo kamid ahaa qabaa’ilka Sagarah ayuu Imaamku la tashaday oo ku yidhi: “Sidaa iyo sidaa yeel.”

Kolkaas ayuu Imaamkii ku yidhi ciidankii: “Haddaad meel shanaadda iska bixisaan, inta kale ninkii soo boojiya ayaa iska leh.”

Haddana Imaamku ciidankiisii ayuu habeeyay oo uu u qaybiyay saddex meelood. Kooxda hore Wasiir Cadli oo ahaa nin talo wanaagsan oo garaad iyo male weynba leh, ayuu taliye uga dhigay, wuxuuna ku amray inuu maro dhinaca midigta ee dhulka Awfaat. Koox kalena, Wasiir Nuur Ibraahin oo uu ku amray inuu maro dhinaca bidixda ee dhulka Awfaat ayuu amiir uga dhigay. Kooxda saddexaadna Imaamka ayaa watay oo ay wehelinayeen geesiyaashii fardooleyda ahaa iyo halyeeyadii deeqsiyada ahaa. Labadii kooxood dhexdoodii ayuu Imaamku ku toosay.

Geeridii Wanaag Jaan

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Wasiir Cadli dhankii midigta ayuu maray, isaga oo aan ka war qabin in ay gaalo halkaa joogtay. Isaga oo dariiqii haya ayuu la kulmay teendhooyin meel ku dhisan oo ay ciidankii gaalada iyo badriiqyadoodii ba ka buuxaan, kuwaas oo uu taliye u ahaa ninka la odhan jiray Wanaag Jaan, oo afkoogana la macne ah: Libaaxa Boqorka Wanaag. Ninkii Awfaat’ ayuu ku magac dheeraa, geesi buuna ahaa. Muslimiintu lama aanay sugin, weerar bayna ku ekeeyeen oo dagaal qadhaadh baa dhex maray kolkii uu waagu dillaacay.

Waxa jiray geesi ka mid ah geesiyadii fardooleyda muslimiinta oo la odhan jiray Farshaxan Sadwat oo Reer Dawaaro ahaa, markii horena ahaa nasraani. Dhulkii gaalada ayuu ka soo guuray oo dhulkii muslimiinta ayuu soo degey isaga oo islaamay, islaannimadiisiina way fiicnaatay. Si wanaagsan ayuu Diinta ugu hana qaaday, wuxuuna ka mid noqday ragga tirada yar ee ku caan baxay gurmadka; nin soohane ah oo jimidh yar buu ahaa. Farshaxan dhulkii Islaanka ayuu si wanaagsan u difaacay, markaas ayuu weerar ku qaaday badriiqii malcuunka ahaa ee Wanaag Jaan. Seeftiisii buu la beegsaday oo dhulka ayuu ugu riday, Ilaahayna ruuxiisa ayuu naarta ugu dhakhsaday – meel la galona iyada ayaa u xun e-. Markaas ayay gaaladii jabeen oo ay dabada jeediyeen. Maalintaa gaalada dad badan oo aan tiro lahayn ayaa laga laayay, muslimiintiina teendhooyinkoogii iyo hantidoodii oo dhan ba way la wareegeen, gammaanka, qalabka iyo xoolahana warkooga ba daa; dumarkoogii iyo waxay haysteen oo dhanba way boojiyeen. Dumarka la boojiyay waxa ka mid ahayd bogorka la odhan jiray Wanaag Segad Naa’ud Admaas Sa’ra Yacquub ina abtidii. Imaamku Wasiir Cadli buu gabadhaa gacanta kaga riday, isna dhulkii muslimiinta ayuu la yimid. Boqorkii Xabashida ayaa Wasiir Cadli madax furad u siiyay konton wiqiyadood oo dahab cas ah.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: kooxdii uu Imaamku watay meesha la yidhaa Andookiya oo ah fadhiisinka Boqorka ayay ku hagaageen, Muslimiinta gadhwadeenkooguna Siimu oo ku magac dheeraa Saqara ayuu ahaa. Maalintaa muslin buu ahaa, laakiin dib ayuu Diinta uga noqday oo wuu nasaaroobay. Labo gaaladii kamid ahayd ayuu soo qabtay oo uu soo hor joojiyay Imaamka oo isna gaaladii ka waraystay. Waxa ay ku yidhaahdeen:

“Ma garanaynno wax aan ahayn badriiqii Wanaag Jaan oo qaaday dariiqii Wasiir Cadli.”

Andookiya kaniisad ay nasaaradu lahaayeen ayaa ku taallay. Amiirradii waaweynaa ee Muslimiinta ayaa galay, sida Amiir Xuseen Abuubakar oo Gaaturi ahaa amiirna ka noqday Dawaaro kolkii la xoreeyay dabadeed, Amiir Cali oo guddoomiye ka noqday gobolka Angoot xorayntii kadib, Garaad Axmooshe, Kooshin Abuubakar iyo sheekha weyn ee saahidka ah ee Xaamid oo ahaa inankii uu dhalay sheekhii saahidka ahaa ee Sheekh Waashire. Intaa kadib, Imaamkii iyo ooridiisii Dilwanbara Maxfuud ayaa kaniisaddii galay, hase yeeshee hanti qiimo leh oo ay halkaa ka heleeni ma jirin, iyadase way gubeen oo way burburiyeen. Iyaga oo sidaa ah, ayuu soo gaadhay ninkii bishaarada ka siday Wasiir Cadli oo ku hanbalyaynaya guul, boojimo iyo in la dilay badriiqii weynaa ee Wanaag Jaan. Muslimiintii warkaa bay aad ugu farxeen oo markaas ayay caroogyadii iyo narsooyinkii ka dhawaajiyeen.

Kooxdii uu watay Wasiir Nuur, dhinaca bidix ee dhulka Andookiya ayay mareen, boojimo fara badan ayuu faraha ku soo dhigay, dabadeedna Imaamkii buu kusoo noqday. Wasiir Cadlina sidoo kale ayuu yeelay, kolkaas ayay Muslimiintii Andookiya ku kulmeen. Imaamkii teendho cad ayuu ka taagay Andookiya oo kamid ah gobolka Awfaat ee dhulka Xabashida.

Kol ay ahayd milay casar ah, ayay Muslimiintu arkeen dooyadii gaalada oo ku dhaw. Imaamkii baa ka daba fuulay isaga oo wata koox fardoolay ah, intii kalena halkii xarunta ayuu kaga tegey. Gaaladii way jabeen, gocor keli ah ayuuna ka dilay. Ninkaa Kooshin Abuubakar ayaa dilay oo maalintaa faras fuushanaa, hase yeeshee kasoo degay oo gocorkaa dilay. Intaa dabadeed, Imaamkii iyo saaxiibbadii xaruntoodii ayay kusoo noqdeen.

Maalintii labaad, ayay muslimiintu weerar ku qaadeen dhulkii Awfaat, iyada oo ay teendhadii halkeegii taagan tahay. Hanti weyn oo ka kooban adoommo iyo qalab ayay soo boojiyeen, badhkood baana xaggii xarunta uga soo noqday. Qaarkii kale oo ahaa dadkii duullimaadka lagu bartay oo loo yaqaannay askartii Imaamka oo Soomaali iyo dad kale ba lahaa ayaa ku hadhay goobtii dagaalka oo halkii beryay.

Maalintii saddexaad, ayuu Imaamku kula kulmay jidka iyaga oo wata boojimo xoog leh oo ay kamid ahaayeen hablihii badriiqyada iyo wiilashoodii oo aad u faro badnaa.

Maalintii afraad, Imaamku askartiisii buu isku tubbariday wuxuuna ku dhaqaaqay magaalo la yidhaahdo Genda Bila. Gadhwadeenkoogu Amiir Axmooshe ayuu ahaa oo geesi ciidanka safka hore kaga jiray ahaa, calan casna sitay. Maalintii oo dhan dariiq yar oo dhudhub ah oo koraa-ka-deg ah ayay socdeen. Dadka iyo muurku ba maalintaa aad bay u daaleen.

Ooridii Imaamka maalintaa rag baa degta ku qaaday, dariiqii dhudhubta ahaa awgii. Markii lasoo gaadhay gabbal-dhicii ayaa Imaamkii teendhada loogu joojay meel la yidhaahdo Daq oo jaad badan. Daal iyo diihaal kadib, ayuu Amiir Axmooshe teendhadii ka taagay xagga hore ee ciidanka. Teendhada xagga danbe laga taagayay waxa u qaybsanaa Garaad Cabdinnaasir, oo uu kadib kolkuu daalay, Axmooshe ku yidhi:

“Alla haku guuleeyo Cabdinaasirow, Alla muxuu Ilaahay karti kuu siiyay joojinta teendhada!”

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Iyada oo habeenkii badh tegey, ayuu Imaam Axmad raadco-reebkii lasoo gaadhay qaybtii ugu danbaysay ee anbada teendhada laga taagay. Kolkii ay ciidanku yimaaddeen iyaga oo jidka oo xumaa kusoo daalay ayay hurdo daateen, iyaga oo daalkii daraaddii cunta aan afka saarin.

Imaamkii iyo Dahabkii Genda Bila

Kolkuu waagii beryay, ayuu ciidankii u dhaqaaqay meel la yidhaahdo Baasmili oo gobolka Awfaat ee dhulka gaaladu ka talinaysay ka mid ahaa. Meel adag oo aan la mari karin ayay ahayd, habeenkiina halkaas ayay u hoydeen. Aroortii ayay galeen meesha la yidhaahdo Genda Bila oo dhulka Xabashida ka mid ah. Boqorka Xabashida ayaa xukumayay, hase yeeshee meesha dad muslin ah ayaa degganaa oo Boqorka siin jiray baad (gibir).

Imaamka iyo ciidankiisii ayaa dadkii Genda Bila degganaa kulan la yeeshay; mashaa’ikhdoodii, fiqiyadoodii, tujaartoodii iyo dadkii magaalada oo dhan, kuwaas oo si weyn u maamuusay. Labaatan wiqiyadood oo dahab ah ayay Muslimiintii gargaar u siiyeen. Imaamku waagaa sabool buu ahaa.

Askartii iyo amiirradoodii ayaa dahabkii soo saaray oo Imaamkii ku yidhi:

“Dahabkan, xaaskaaga Dilwanbara ayaan siinaynaa.”

Imaamkii taa wuu kaga adkaystay, wuxuuna ku yidhi:

“Tan Jihaad baa loo bixiyay.”

Amiirradii ayaa Imaamkii baryay, isna wuu kaga adkaystay oo tiisii ayuu mariyay. Raggaa waxa kamid ahaa: Amiir Xuseenkii Gaaturi, Wasiir Cadli, Garaad Diin iyo Amiir Cali oo ahaa ninkii Angoot guddoomiyaha ka ahaa. Imaamkii wuu diiday inuu dahabkaa islaantiisa siiyo, wuxuuna ku yidhi:

“Xalaal uma aha, waxani waa gargaar Islaamka la siiyay, wax aan ka siinayaana haba yaraadee ma jiro.”

Jihaadkii buu ku bixiyay, Alle ha u denbi dhaafe e. Shariifka la odhan jiray Muxamad Shaadiri ayuu Imaamku dahabkii u diray, kaas oo ugusoo gaday boqol seefood oo ka qayb qaatay goobtii weynayd ee Shinbirokore, gargaar weyn bayna u noqotay Muslimiinta.

Genda Bila, waxa uu Imaamku kala kulmay ganacsato gaalo ah, oo sidday hanti uu lahaa Boqorka Xabashidu. Magaalada badhtankeegii ayuu ku laayay, xoolihii, baqalihii, fardahoogii61 iyo wixii saarnaana wuu kala wareegay. Milaygii casarka ayay ka carraabeen Genda Bila iyaga oo xanbaarsan xoolihii Boqorka Xabashida ay ka hantiyeen, dhankii dhulka muslimiinta ayayna u dhaqaaqeen. Meel u dhaw Hawaas ayay habeenkii u hoydeen, maalintii labaadna socodkii bay halkii kasii anba qaadeen.

Gadhwadeenkoogii baa la maray jid qardojeex ah oo geeda badan, kolkaas ayuu Imaamku ka waraysatay dariiqa ay socdeen. Gadhwadeenkii baa yidhi:

“Dariiqani mid la yaqaanno ayuu ahaa, imikana markii ay cagtii ku yaraatay ayuu baaba’ay.”

In yar kolkii ay socdeen, ayay durba is arkeen iyaga oo dhex galay kayn jiq ah oo aan la garan karin meel ay waddo tahay. Geedihii baa socodkii ka xayiray, halkaas ayaana wada tashi laga bilaabay. Gadhwadeenkii bay ku yidhaahdeen: “Waar xaggeen marnaa?”

Gadhwadeenkii baa isna yidhi: “Haddaan jidka sare idin mariyo dariiqaa innagu dheeraan doona, haddaan ka hoose idin mariyona dadka ayaa ku daali doona biyo yari awgeed.”

Wareer baa muslimiintii ku dhacay, oo waxa batay qayladoodii iyo yuuskoogii. Kolkaas ayuu Imaamkii askartiisii ku yidhi: geedaha seefihiinna ku jara. Geedo waaweyn ayay ahaayeen, askartiina taladii Imaamka ayay u hoggaansameen, geedihiina seefahoogii ayay ku jarjarayeen laga soo bilaabo barqadii illaa ay cadceeddu niiqa dhigaysay, kolkaasay askartii u soo baxeen dhabbo cad.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: kolkii uu Imaamku ku amray askarta in ay geedaha googooyaan, dhib badan baa gaadhay, waxayna lahaayeen: “Awal gaaladaan la dagaallamaynay, maantana geedihii baan la dagaallamaynnaa.”

Kolkii ay geedihii gooyeen ayay u soo baxeen dhabbo cad oo ay ka yaabeen. Ilaahay bay u mahad naqeen, Imaamkana taladiisii bay uga mahad celiyeen. Webiga Hawaas oo biyo la ciiraya ayuu ciidankii ka tallaabay. Labo cisho ayay Hawaas ka soo socdeen, maalintii saddexaadna meel la yidhaahdo Koob oo ah tog biyo badan milayga aroortii ayay soo gaadheen. Iyaga oo aan weli fadhiisan ayay arkeen bullad iyo siigo samadii qarisay oo ka daba dhacaysa. Siigadaa awgeed ayay buurihii iyo geedihii ba arki waayeen. Muslimiintii baa u qaatay in ay gaaladii ka daba timid. Imaamkii baa isku tubbariday askartiisii oo fuushay fardihii qalabkoogiina xidhay, Imaamkii isna faraskiisii buu fuulay.

Intaa ka dib, Imaamkii buu Wasiir Cadli u tegey oo uu ku yidhi: “Adigu fuuli maysid, annagaa fuuli oo kaaga filan, warkoogana kuu keeni.”

Imaamkii baa yidhi: “Oo maxaanan u fuulayn? Ma waxaan ahay maqaam-gale? Oo ma maqaam-galayaasha62 ayaan ku daydaa iyada oo uu xaqii caddaaday?”

Kolkaas ayuu Imaamkii diray guluf warka u soo ogaada. Gulufkii baa soo laabtay oo yidhi: “Ma jirin gaalo, wixii boodhka kicinayay maroodiyaal iyo gisi63 ayay ahaayeen.”

Intaa ka dib way socdeen muslimiintii illaa ay soo gaadheen meel la yidhaahdo Deyr oo ah daafaha dhulka muslimiinta. Halkaas ayuu Imaamkii ku taagay teendhadiisii caddayd, boojimadiina kaga bixiyay meel-shanaaddii, xitaa duntii iyo dharkiina wuu ka bixiyay. Meel-shanaaddii addoomaha ayaa noqotay shan boqol oo madax, lo’diina kun neef, iyo baqlo aad u badan.

Imaamku magaaladii Harar ayuu soo galay isaga oo guul ku cimaamadan oo aad u faraxsan. Meelshanaaddii ayuu u qaybshay shan qaybood oo ah intii Ilaaha Sareeyaa ku sheegay Quraankiisa. Dabada dhulka ma dhigin, ee isla markii ba duullimaad kale ayuu isku diyaariyay – Allaha Weyni Naxariistii Jannadiisa ha ka waraabiyo e.

Imaamkii oo Qabaa’ilkii Jihaadka ugu Baaqay Boojimadiina u Diray.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Imaamkii waxa uu u diray qabaa’ilkii Soomaalida iyo kuwii kale ba xoolihii Xabashida laga soo boojiyay. Sidoo kale, waraaqo uu ku boorrinayo jihaadka inay kasoo qayb galaan ayuu u diray. In ay u soo kala badiyaan addeecidda Ilaaha Bogorka ah ee ogaalka badan ayuu ku amray, kolkaas ayuu qoray hadalka Allaha Korreeya:

انْفِرُواْ خِفَافًا وَثِقَالاً وَجَاهِدُوا بِأَمْوَالِكُمْ وَأَنفُسِكُمْ فِي سَبِيلِ اللَّهِ ذَلِكُمْ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ

(Soo baxa haddaad dhallinyar caafimaad qabta oo hodan ah tihiin iyo haddaad tihiin da’ ama bukaan ama caydh ba, oo jihaada idinka oo u huraya xoolihiinna iyo lafihiinna ba Ilaahay dartii).64

Isaga oo taa ka hadlayay, ayuu raaciyay: “Qofka Ilaahay u hiiliya Allena waa u hiiliyihiisa, qofkii mooda inuu ka kaaftoomayna Ilaahay uma baahna.”

Markaas ayuu waraaqihii u kala dhiibay saddex qof, jawaabtoodiina halkii buu ku sugay. Dadkii uu waraaqaha u dhiibay waxa kamid ahaa: Cali Goyta Caddaroox. Geesiyaashii waaweynaa ee muslimiinta ayuu aabbihii ka mid ahaa waxaana shihiidnimo loogu dilay gobolka Baali xilligii Suldaan Muxammad dhulka ka talinayay – Allaha Sarreeyi ha u naxariiste e – Qabiilka Soomaaliyeed ee la yidhaahdo Yabarre ayuu Imaamku Cali u diray, qabiilka Soomaaliyeed ee la yidhaahdo Geri-na isaga ayuu u diray. Waa qabiilkii uu hoggaamiyaha u ahaa Mataan Cismaan Khaalid oo Imaamka seeddigii ahaa; reerkiisana horjooge iyo oday ayuu labada ba u ahaa. Geesiyadii tix-gelinta mudnaa ayuu kamid ahaa, goobtii Anba ayuuna ku shihiiday sida aynu dib u sheegi doonno. Waxa kale oo uu u diray waraaq qabiilka Soomaaliyeed ee kale ee la yidhaahdo Marreexaan iyo hoggaamiyahooga Xaraabo Goyta Tiyoodoros Aadan. Dhan walba waraaqaha wuu u kala diray dadkii joogay, isaga oo ku boorrinaya jihaadka Ilaaheenna Korreeya.

Boqorkii Xabashida ee Wanaag Segad Naa’uud ayaa dhulkii Muslimiinta usoo diray safar ganacsato ah. Waxay sideen dahab, muunadda waraska65 (huruud), fool maroodi, sibaad iyo addoomo oo ahaa hanti badan oo uu Bogorku lahaa. Xoolihii dhulkii muslimiinta ayay ku gadeen, dabadeedna badda ayay ka tallaabeen oo gobollada Shaxar iyo Cadan ee Yaman ka tirsan ayay tegeen. Iyaga oo u sii jeeda xagga Boqorka ayay soo noqdeen.

Imaamkii ayaa warkoogii helay oo ka boojiyay waxay hanti wateen oo dhan. Boojimo weyn ayay Muslimiintii u noqotay, Imaamkuna qabaa’ilkii ayuu u kala qaybiyay si ay jihaadka Ilaahay iskugu diyaariyaan. Muslimiintu dagaalkii gaalada ayay xoolihii u adeegsadeen. Labo nin oo bishaaro u waday ayaa Imaamkii u yimid una sheegay in ay qabaa’ilkii oo dhami isa soo daba hayaan, oo ku yidhi:

“Ciddii aannu waraaqdaadii u akhrinaaba waxay u kala badinayeen addeecidda Ilaaha Sarreeya. Waxa ay wada ogolaadeen baaqaagii, waxayna isku soo diyaariyeen tiro aan la koobayn oo aad u hubaysan. Qabaa’ilkii oo uu badh ba badh soo hiigsanayo ayay qoloba qolo ku raad joogtay.”

Qabaa’ilkii Soomaalida oo ku Yimid Baaqii Imaamka

Qabiilkii ugu horreeyay ee Imaamka soo gaadhay Habar Magaddi ayuu ahaa oo uu hor socdo odaygoogii Axmad-Gurey66 Xuseen. Meel la yidhaahdo Qishta oo dooxada Harar xaggeega sare ah ayay rarka’ dhigteen, hubkoogii iyo qalabkoogiina way soo ban dhigeen. Fardohoogii bay fuuleen, Allaa i lehe fardofuullo fardofuullo ah bay ahaayeen iyo rag rag ah, Imaamkiina aad buu ugu farxay. Dhankii Imaamka ayay u keceen si wanaagsanna wuu u soo dhaweeyay oo hu’ iyo sahay buu siiyay wuuna maamuusay, hoggaamiyahoogii Axmad-Gureyna hu’ heer sare ah ayuu huwiyay.

Qabiilka la yidhaahdo Geri ayaa ka daba yimid, oo uu hor socdo Mataan Cismaan Khaalid. Qalabkoogii iyo hubkoogii ayay soo ban dhigeen. Fardahoogii bay fuuleen, qaansooyinkoogiina way ku jeeni qaarteen oo dhankii Imaamka ayay u dhaqaaqeen. Imaamkii baa ku amray inay u kacaan dhanka dhulka Seyma. Ooridiisii Farduusa oo ahayd Imaam Axmad walaashii ayuu hoggaamiyahoogu watay, isaga iyo askartiisiina hore ayay u sii socdeen. Qolada la yidhaahdo Surba67 oo uu hor socdo Suldaan Muxamad oo ay Imaamka Ilma abti ahaayeen ayaa haddana ka daba timid. Rag geesiyaal ah oo kun iyo lixdan ahaa ayuu ciidanka lugta watay, fardooleydana afartan. Imaamkii oo si wanaagsan u maamuusay ayaa soo dhaweeyay. Suldaankii Harar buu degey, Imaamkuna arrinkan aad buu ugu farxay, Allaha Sarreeya ayuuna uga mahad celiyay. Ciidammadii magaalada duleedkeega ayay degeen, iyada oo uu qabiil walba qabiilka kale ka soocan yahay. Qabiilkii Marreexanka iyo hoggaamiyahoogii Xaraabo oo ahaa nin fidnadda iyo is-jiidjiidashada yaqaan ayuu jaho-wareer ku dhacay. Nin xeelado badan oo khiyaamada iyo qaroomaha jecel ayuu ahaa. Imaamkii ciidan buu isku tubbaritay oo xaggaa iyo Marreexaanka ayuu ula kacay. Imaamku Xaraabo iyo qoladiisii ayuu is hor taagay oo uu ku yidhi:

“Maxaad jihaadka uga dib dhacday?”

Isna dhibaatooyin ahaa baahi iyo saboolnimo ayuu sheegtay, wax aan loo baahnayn ayuuna ku cudurdaartay. Kolkaas ayuu Imaamku ku yidhi:

“Wax khayr ah oo lagaa sugayaa ma jiro.”

Xaraabo intaa dabadeed, qoladiisii wiil uu adeer u yahay ayuu taliye uga dhigay, Imaamkii buuna raaciyay. Ciidankaa fardoolaydoodu sagaashan ayay ahaayeen, lugtooduna toddoba boqol iyo dheeraad. Xaraabo wuu hadhay, Imaamkiina magaaladii Harar ayuu ku soo noqday, isaga oo qabiilkii Marreexaanku ay la socdaan.

Duullimaadkii 4aad

Duullimaadkii 4aad ee Imaamka

Intaa ka dib, Imaamkii jihaad Ilaahay dartii ah oo uu dhulka Xabashida ku qaado ayuu u tabaabulshaystay. Ciidankiisii, askartiisii iyo qabaa’ilkii oo dhan ayuu isku tubbariday. Siyaakhaddii dumarkiisa iyo alaabtii guryaha u taallay ba Imaamku qalabkii dagaalka ayuu ku soo gaday, qabaa’ilkii iyo ciidankii ayuuna u qaybiyay. Imaamku kayd, haba yaraadee ma reeban – Alle ha u jeer dhaafee – isaga oo rajaynaya abaalinta Ilaaha Sarreeya ee Deeqsiga ah oo ka doonaya inuu jannadiisa nicmadda leh geliyo, kuna arsaaqo xuuralcayn, oo uu huwiyo raalli-ahaanshihiisa.

Intaa ka dib, Imaamku dhanka dhulka Xabasha ayuu u dhaqaaqay. Wuu socday isaga oo hor kacaya qabaa’ilkii iyo askartii, oo uu badh ba badhka kale daba sunsumayo, calamadoodiina fidiyay. Imaamku xaaskiisii Dilwanbara oo uur lahayd ayuu watay. Magaalo la yidhaahdo Siifa oo uu Ilaahay ku mannaystay cunto badan iyo khayraad kale ba ayay soo gaadheen. Garaad Diin Aadan oo ahaa nin Ilaahay oo jecel saboolka iyo masaakiinta, xuska Nebiga iyo salligiisana afka ku hayn jiray ayaa soo dhaweeyay.

Wuu maamuusay oo wuu marti geliyay. Garaad Shamcoon iyo Garaad Kaamil oo ahaa Imaamka seeddigii iyo Amiir Mujaahid ayaa iyaguna sidaa oo kale yeelay. Garaad Kaamil Imaamka walaashii oo la odhan jiray Muunisa Cismaan68 ayuu qabay. Raggaasi69 oo dhami aad bay u maamuuseen Imaamka iyo askartiisaba. Absame Nuur ayaa sidoo kale isna u maamuusay. Dhammaantoodba Imaamka si weyn oo la yaab leh ayay u soo dhaweeyeen. Ciidankii, Siifa ayuu lix cisho fadhiyay. Xaaskii Imaamka ee Dilwanbara, Siifa ayay ku umushay wiil loo bixiyay Maxamad, dagaalkiina sidaa aawadeed bay uga hadhay, Imaamka walaashii Muunisa ayayna la fadhiday. Intaa ka dib, Muslimiintii dhankii dhulka Xabashida ayay u sii anba qaadeen, meel la yidhaa Deyr70 oo ah tog biyo badan ayayna gaadheen. Halkaa ayay muslimiintii iyo geesiyadii Ilaahay kelinimadiisa qirayay isku urursadeen gebigood, yar iyo weynba.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Boqorkii Xabashida ee Wanaag Segad oo joogay dhulka Baadiqi ayaa loo warramay in ay muslimiintii ku soo jeedaan. Basaasiintii baa u sheegay in ay muslimiintu isaga u dan leeyihiin, si ay waddankiisa cagta u mariyaan, kaniisadihiisana u gubaan. Waxa loo sheegay in ay yihiin niman ay ka go’an tahay inay kaga dhabeeyaan.

Boqorku badriiqyadiisii, la-taliyayaashiisii iyo khusuusigii boqortooyada ayuu iskugu yeedhay. Baadiqi buu ka tegey oo meesha la yidhaahdo Beyt Amxara ayuu degey, halkaas oo ah meeshii ay ka soo farcantay boqortooyadiisa, tii aabbayaashii iyo tii awawyaashii ba, raaskooguna ahaa. Badriiq ka mid ah badriiqyadiisa oo la odhan jiray Cismaan Daar Cali ayuu Baadiqi kaga tegey. Isaga iyo aabbihii ba muslin bay ahaayeen.

Gaalada ayaa qabsatay oo xidhay xilligii uu Suldaan Maxamad dhulka ka talin jiray. Inta uu riddoobay ayuu nasaaroobay, Boqorkuna badriiq ayuu ka dhigay. Intaa dabadeed, wuu toobad keenay oo waxa uu ku soo noqday Islaankii ka dib kolkii ay dhulkii gaalada carruur badan ugu dhalatay. Wuu jihaatamay, shihiidnimana goobtii Anba ayaa loogu dilay sida aynnu dib uga war heli doonno.

Boqorkii Xabashida oo Askar ku Urursanaya Beyt Amxara

Kolkii uu Bogorkii gaadhay gobolka Beyt Amxara, ayuu bilaabay in uu urursado rag, oo uu gaasas isku tubbarido, kuwaas oo ahaa diinta nasaarada dadkii haystay oo ay ka mid ahaayeen Reer Tigree, Reer Agaw, Reer Goojaam, Reer Baqemadar, Reer Angoot, Reer Qadeh, Reer Gan iyo Reer Baxar.

Xabashi siday u dhannayd way isku soo baxday. Badriiqyada Tigraay ee horjoogayaasha ahaa afar iyo labaatan badriiq ayay ahaayeen. Mid walba, ciidan aan tiradiisa la koobi karayn ayaa la socday. Reer Baqemadar, Reer Angoot, Reer Qadeh iyo Reer Gan ayaa iyaguna sidoo kale ahaa sida koronkor aan Ilaaha Weyn mooyee cid kale tirin karayn. Nasraani oo dhan ayaa isku yimid oo askartii gaalada iyo ciidankoogii ayaa ku soo ururay Beyt Axmara iyaga oo ah tiro aad u badan oo sita hub tuulan iyo qalab habaysan.

Waxa uu Curiyuhu yidhi, Allaha Weyni jannadiisa haka waraabiyee: Cabbaas oo ahaa muslin riddoobay, oo maalintaa ka mid ahaa dadkii Boqorka u soo raacay Beyt Amxara, hase yeeshee Islaannimadii ku soo noqday oo ay Islaannimadiisuna fiicnaatay ayaa ii sheegay in uu Boqorku ku yidhi: “Maxay kula tahay Cabbaasoow haddii uu Imaamku arko askarta intaa le’eg? Ma ila dagaallami karaa mise waa maya?”

Waxaan u celiyay buu yidhi: “Isagu labo wanaagsan mid uun buu meesha kala tegi – guul iyo shahiidnimo, laakiin in uu ciidanku ku hor joogsan karayo, garan maayo.”

Boqorkii baa Cabbaas ku yidhi: “Run baad sheegtay, haddaad i odhan lahayd askarta Imaamku way kuu jilib dhigi karayaan kuma rumaysteen, kumana aamineen. Si wanaagsan baad yeeshay markii aad tidhi taa ma garan karayo.”

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: haddii aan ku noqonno sheekadii badriiqii Awraci Cismaankii murtadka ahaa, oo uu Boqorku kaga tegey magaaladii Baadiqi, gaalo badan ayuu isku keenay, sida Reer Dawaaro, Reer Baali, Reer Wanaag Gadab, Reer Wanaag Anba, Reer Maayo, Reer Arcan, Reer Ganas, Reer Fatagaar iyo Reer Daamuud.

Badriiqyada hor joogayaashu toddoba ayay ahaayeen, badriiq kastana askar fara badan ayaa hoos imanaysay. Waagii Boqorka xabashida awawgii talin jiray, gobolka Fatagaar badriiq keli ah oo horjooge ah ayaa jiray, hase yeeshee Boqorkani wuxuu sameeyay toddoba badriiq oo midba kan kale ku duulo si ay ugu tabo bartaan la-dagaallanka muslimiinta. Badida askarta awgeed iyo kooxaha gaalada, waxa muuqatay in ay u kulmeen la-daggaallanka muslinka iyo sidii ay dhulkooga uga celin lahaayeen iyo sidii ay u difaaci lahaayeen kaniisadahooga iyo kaniisaddii Boqorka ee ku taallay Baadiqi oo ahayd halkii rugta iyo raaska ba u ahayd. Sidaasi waxa ay u yeelayeen, waayo Imaamka waxa ka go’nayd in uu gubo. Waxa ay iskugu sheekaynayeen: “Soo gaadhi maayo kaniisaddayada illaa uu kaayaga ugu danbeeyaa dhimanayo.”

Badriqii wuxuu ciidammadiisii iyo gaasaskiisii ku soo ururiyay Baadiqi isaga oo sugaya Imaamkii. Boqorkii oo askar iyo gaasas wata ayaa isna Imaamka Beyt Amxara ku sugayay.

Madaxdii Ciidamada Imaamka oo la Hawl Geliyay

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: haddaan xaggii Muslimiinta u soo noqonno, ka dib markii ay isku urursadeen Deyr ayay halkaa ka sii anba qaadeen oo ay ka sii durkeen in laba maalmood la socdo. Meel la yidhaahdo Buqul Sar oo ah tog biyo badan ayay soo gaadheen. Intaa ka dib, Imaamku ciidammadiisii ayuu isku habeeyay, calan cad ayuuna guntay oo uu u dhiibay Wasiir Cadli. Reer Seyma ayuu ku daray iyo reeraha Soomaalida ee Habar Magaddi iyo Qabiiladii Axmad Guray. Waxa ay wateen labo boqol oo fardooley ah iyo kun lug ah oo aad moodaysay libaaxyo dad qaad ah. Madaxdii fardooleyda ee ka tirsanaa Mallasaay-gana71 waa la raacshay sida: Amiir Mujaahid Sooxa, Absame Nuur, Garaad Shamcoon, Garaad Burhaan, Balaw Cabdi, Caloosh Heegane, Ayuub iyo Khaalid Al-Waraadi oo ahaa gadhwadeenkooga. Halyeeyada sooma-jeestayaasha ah ee faras iyo lug ba ku daggaalama ayuu Khaalid ka mid ahaa oo faras-fuul geesinimo ku caan baxay ayuu ahaa. Raggaa waxa kale oo ka mid ahaa Awraci Nuur-Qalada Cumar oo seeddi u ahaa Garaad Maxfuud, Farshaxan Cismaan Yamaaj, Amaajid Axmad Xuseen, Saar Abuubakar, Muuminaat Abuubakar, Del Segad oo ahaa geesigii Reer Seyma, Shuun Waradaay iyo Heegane Cismaan Waradaay. Dadkaas oo dhami Diinta way ku cusbaayeen oo dhawaan bay soo galeen Islaannimadooduna tu hagaagsan bay noqotay, Ilaahay awgiina si dhab ah ayay ugu daggaallameen. Waxa kale oo ka mid ahaa raggaa Sayidkii buuxay ee mujaahidka ahaa ee weliba saahidka ahaa: Sheekh Waashire Xaamud ee uu aabbihiina saahidka buuxa ahaa. Culimada saahidiinta ah ee xalaal-miirashada leh ayuu ku tirsanaa, geesiyaashaa aan soo sheegnayna wuu ku xidhiidhsanaa.

Imaamkii intaa ka dib calan cas buu guntay oo uu u dhiibay seeddigii Mataan Cismaan Khaalid oo Soomaalida horjoogahooga ahaa geesi sooma-jeeste ahna ahaa. Boqol iyo toban fardooley ah iyo saddex kun oo lug ah ayuu raaciyay oo waxa uu ku daray Reeraha Hartiga, Jiiraan72, Masarre73 oo dhammaantood Soomaali ah. Calan saddexaad oo casaan iyo hurdi isku dhafan ahaa ayuu haddana guntay oo Wasiir Nuur Ibraahim buu u dhiibay, wuxuuna ku daray Reerihii Shawa iyo Reerihii Haragaaya oo uu maalintaa horjooge u ahaa Maxamad Ibraahin oo Imaamka walaalkii ahaa. Askarta Jareertana Suldaankii Cumar Diin nin ay dhanka hooyo ka walaalo ahaayeen ayaa horjooge u ahaa. Fardooley boqol ahayd iyo labo kun oo lug ah ayuu watay, Wasiir Nuur Ciidankii uu watayna wuu ku daray.

Hoggamiyayaasha fardooleyda, waxa ka mid ahaa: Sheekh Daa’uud Sheekh Samaale, Garaad Cali Fanqale, Gaweyte Ibraahin oo ahaa guddoomiyaha gobolka Gidaaya, Farshaxan Wasan Gay, iyo Goyta Cismaan, raggaas iyo kuwa la socdayba geesiyaal bay ahaayeen.

Imaamka oo maalinkaa – badhtanka ayuu ka dagaal galay – calankiisu wuu caddaa, darifyadiisu way casaayeen, wareeggiisana waxa ku dhignaa aayadaha Quraanka ee:

بسم الله الرحمن الرحيم إِنَّا فَتَحْنَا لَكَ فَتْحًا مُّبِينًا * لِيَغْفِرَ لَكَ اللَّهُ مَا تَقَدَّمَ مِن ذَنبِكَ وَمَا تَأَخَّرَ وَيُتِمَّ نِعْمَتَهُ عَلَيْكَ وَيَهْدِيَكَ صِرَاطًا مُّسْتَقِيمًا* وَيَنصُرَكَ اللَّهُ نَصْرًا عَزِيزًا*

(Magaca Eebbaha Naxariista guud iyo ta gaarba leh ayaan ku bilaabay.74 Waxaan kugu guulaynay guul cad, si Allah kuugu jeer dhaafo denbigaaga hore iyo ku danbe ba oo uu kuuguna dhamays tiro nimcaddiisa, kuuguna hanooniyo jid qumman oo uu Alle kuugu hiiliyo hiillimaad weyn).75

نَصْرٌ مِّنَ اللَّهِ وَفَتْحٌ قَرِيبٌ

(Waa hiillimaad xagga Eebbe ka yimid iyo guul dhow).76

كَتَبَ اللَّهُ لَأُغْلِبَنَّ أَنَا وَرُسُلِي إِنَّ اللَّهَ قَوِيٌّ عَزِيزٌ

(Ilaahay wuxuu xakumay: adkaannee oo adkaannee Aniga iyo rusushayduba. Ilaahay waa kii awood iyo karaanba isku darsaday).77

وَكَانَ حَقًّا عَلَيْنَا نَصْرُ الْمُؤْمِنِينَ

إِنَّا لَنَنصُرُ رُسُلَنَا وَالَّذِينَ آمَنُوا فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَيَوْمَ يَقُومُ الْأَشْهَادُ

(Waxa nagu gar ah hiillimaadka mu’miniinta)78 iyo

(Waannu u hiilin rusushayada iyo kuwa rumeeyay Ilaahay if iyo aakhiroba)79 iyo

وَلَقَدْ سَبَقَتْ كَلِمَتُنَا لِعِبَادِنَا الْمُرْسَلِينَ * إِنَّهُمْ لَهُمُ الْمَنصُورُونَ* وَإِنَّ جُندَنَا لَهُمُ الْغَالِبُونِ*

(Horay baannu ugu ballan qaadnay addoomahayaga mursaliinta ah inay guusha iyagu leeyihiin, iyo inuu ciidankayagu gacanta sare leeyahay)80 iyo

رَبَّنَا أَفْرِغْ عَلَيْنَا صَبْرًا وَثَبِّتْ أَقْدَامَنَا وَانصُرْنَا عَلَى الْقَوْمِ الْكَافِرِينَ

رَبَّنَا أَفْرِغْ عَلَيْنَا صَبْرًا وَتَوَفَّنَا مُسْلِمِينَ

(Ilaahoow samir na huwi oo cagahayaga sug oo duulka gaalada ah nooga hiili)81 iyo

(Ilaahoow samir na huwi oo Muslinnimo nagu dil)82 iyo

أَلَمْ تَرَ إِلَى ٱلْمَلَإِ مِنۢ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ مِنۢ بَعْدِ مُوسَىٰٓ إِذْ قَالُوا۟ لِنَبِىٍّۢ لَّهُمُ ٱبْعَثْ لَنَا مَلِكًۭا نُّقَـٰتِلْ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ ۖ قَالَ هَلْ عَسَيْتُمْ إِن كُتِبَ عَلَيْكُمُ ٱلْقِتَالُ أَلَّا تُقَـٰتِلُوا۟ ۖ قَالُوا۟ وَمَا لَنَآ أَلَّا نُقَـٰتِلَ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ وَقَدْ أُخْرِجْنَا مِن دِيَـٰرِنَا وَأَبْنَآئِنَا ۖ فَلَمَّا كُتِبَ عَلَيْهِمُ ٱلْقِتَالُ تَوَلَّوْا۟ إِلَّا قَلِيلًۭا مِّنْهُمْ ۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌۢ بِٱلظَّـٰلِمِينَ ٢٤٦

(Miyaanad arag qoladii Reer Banii israa’iil ahayd ee Nebi Muuse ka danbeeyay, markay ku yidhaahdeen nebi loo soo diray: boqor noo magacaw, aan Ilaahay dartii u daggaallannee. Wuxuu ku yidhi: waxa laga yaabaa haddii dagaal la idinku waajibiyo inaydaan dagaallamin. Waxay yidhaahdeen: oo maxaanaan Ilaahay dartii ugu dagaallamayn iyada oo guryahagii iyo ubadkayagiiba la naga qaatay. Kolkii dagaalkii lagu waajibiyay way jeesteen in yar mooyaane, Ilaahayna daalimiinta wuu og yahay.)83 iyo

لَّقَدْ سَمِعَ اللَّهُ قَوْلَ الَّذِينَ قَالُواْ إِنَّ اللَّهَ فَقِيرٌ وَنَحْنُ أَغْنِيَاء سَنَكْتُبُ مَا قَالُواْ وَقَتْلَهُمُ الْأَنبِيَاء بِغَيْرِ حَقٍّ وَنَقُولُ ذُوقُوا عَذَابَ الْحَرِيقِ

(Ilaahay dhab ayuu u maqlay kuwii yidhi: Ilaahay waa sabool annaguna hodan baannu nahay. Waannu qoraynnaa waxa ay yidhaahdeen iyo dilkii gardarrada ahaa ee ay Anbiyada u geysteen, oo waxaannu ku odhan dhandhamiya cadaabta wax gubta).84

Waxa calanka badhtankiisana ku qornaa afar sadar oo kala danbeeya.

Sadarka koowaad waxa ku qornaa:

أَلَمْ تَرَ إِلَى الَّذِينَ قِيلَ لَهُمْ كُفُواْ أَيْدِيَكُمْ وَأَقِيمُوا الصَّلاةَ وَآتُوا الزَّكَاةَ فَلَمَّا كُتِبَ عَلَيْهِمُ الْقِتَالُ إِذَا فَرِيقٌ مِّنْهُمْ يَخْشَوْنَ النَّاسَ كَخَشْيَةِ اللَّهِ أَوْ أَشَدَّ خَشْيَةً وَقَالُواْ رَبَّنَا لِمَ كَتَبْتَ عَلَيْنَا الْقِتَالَ لَوْلا أَخَّرْتَنَا إِلَى أَجَلٍ قَرِيبٍ قُلْ مَتَاعُ الدُّنْيَا قَلِيلٌ

(Miyaanad arag kuwii lagu yidhi: waar dhawrsada oo farihiinna laabta oo salaadka tukada oo sakada bixiya, kolkii dagaalka lagu waajibiyayna, la arkay koox dadka uga baqaya sidii ay Alle uga biqi lahaayeen amma si ka daranba. Waxay yidhaahdeen: Ilaahoow maxaad dagaalka noogu waajibisay? Miyaad dib noogu yara dhigtid? Waxad tidhaahdaa raaxada adduunyadu waa wax kooban).85

Sadarka labaadna waxa ku qornaa: (Waxa aan idiinku nabaaddiino xidhay Allaha jira ee abidkiiba jooga ee aan weligii dhiman, waxa aan wixii xun oo dhan gaashaan idiin ka dhigay kumanaan kun oo jeer.

Saddarka saddexaadna wuxuu ahaa hadalka Ilaahay ee ah:

لا حول ولا قوة إلا بالله العلي العظيم

وَالآخِرَةُ خَيْرٌ لِّمَنِ اتَّقَى

وَاتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ ابْنَيْ آدَمَ بِالْحَقِّ إِذْ قَرَّبَا قُرْبَانًا فَتُقُبِّلَ مِن أَحَدِهِمَا وَلَمْ يُتَقَبَّلْ مِنَ الْآخَرِ

قَالَ لَأَقْتُلَنَّكَ قَالَ إِنَّمَا يَتَقَبَّلُ اللَّهُ مِنَ الْمُتَّقِينَ *

(Aakhiro ayaa u khayr roon qofkii Eebbe ka baqa)86 iyo

(Waxaad ku akhridaa warkii labadii ilma Nebi Aadan oo dhab ah, kolkii ay qurbaanka keeneen, ee midkood laga guddoomay, kii kalena lagu celiyay oo aan laga guddoomin. Wuxuu yidhi ‘kii laga guddoomi waayay’ kolkaa: ku dilee oo ku dilee. Kii kalena wuxuu yidhi: Ilaahay kuwa ka baqa uun buu wax ka guddoomaa).87

Sadarka afraadna waxa ku qornaa labadan beyd ee la yidhi Cali bin Abii Daalib baa calankiisii ku qortay – Alle haka raalli noqdee:

Dagaalka haddii aad qaaddo
Inaad ku hungoobin weeye
Haydaarta dhibta u adkayso
Hedduna mar qudhay dhacdaaye
Hed dhaaftay shinkeed ma haynno.

Sayidkii fiqiga iyo weliga suubban ahaa; muftigii muslimiinta; Sayidkaygii Abuubakar Nasrud-Diin Maxamad oo ku magac dheeraa Arshoone ayaa maalintaa qoray, oo kamid ahaa raggii goobtii Shinbirokore kala qayb qaatay Imaam Axmad, goobihii kale oo dhanna kala qayb galay. Nin suubban oo akhrin badan oo Quraan ruug ah ayuu ahaa. Haddii uu socdo, haddii uu fadhiyo iyo haddii uu faras ku joogo ba Quraanka ayuun buu afka ku hayn jiray. Ninka khudbadaha jimcaha akhriya ee tujiya muslimiinta ayuu ahaa. Haddii uu salaad tujinayana waxa uu soo qaadan jiray kuwa ka hadlaya dagaalka, kuwa ku soo degay fadliga jihaadka iyo mujaahidiinta dar Ilaahay u halgamaya, oo dagaalka ayuu ku boorrinayay oo uu jeclaysiinayay. Imaamka muslimiintu maalintaa badhtanka ayuu ka dagaallamay isaga oo ay ku xeernaayeen labo boqol oo geesiyaal fardooley ah oo jaallayaashii ahaa iyo addoomihiisa o0 aad libaaxyo cadhaysan mooddo iyo fardo shaaximan.

Amiir Saxrabawi ‘Imaamka Ina-Adeerkii’

Ragga fardooleyda ahaa ee geesinimada lagu yaqaannay waxa ka mid ahaa: Amiir Xuseenkii Gaaturi oo ahaa guddoomiyaha gobolka Dawaaro xorayntii kadib, iyo Amiir Saxrabawi Muxamad oo ahaa Imaam Axmad – Alla ha u naxariistee – ina-adeerkii oo ay qabsadeen gaaladu duullaankii Dawaaro sidaan soo sheegnay. Waagaa bay gacanta kaga rideen Boqorkii Xabashida, Imaamkuna warqad buu u diray Boqorkii uu ku leeyahay: “Ninkaa ad gacanta ku haysaa waa ina-adeerkay, xoolo aannu ku furanayno ayaanan kuu soo diraynnaa.”

Kolkii uu Boqorkii ogaaday in uu yahay Imaamka ina-adeerkii ayuu u diray magaalo fog oo dhulka Xabashida ku taalla oo magaceega la yidhaahdo Daamuut. Waxad mooddaa inay arrintu ahayd, Ilaahay oo doonay in uu addoonkiisa Muslinka ah ka samata bixiyo gacmaha mushrikiinta88 oo awooddiisa ayuu ku badbaadiyay. Xadhiggii iyo garbo-duubkii ayuu iska furfuray. Habeen oo dhan buu socday, maalintiina bannaannada iyo buuraha ayuu ku dhuumanayay, isaga oo kelidii ah, sidaasuuna ku soo gaadhay dhulkii muslimiinta intii aanu dhicin dagaalkii weynaa ee Shinbirokore afar bilood ka hor. Dagaalkii Shinbirokore iyo duullimaadyadii kale oo dhan ba wuu joogay oo Ilaahay daraaddii ayuu si raganimo leh ugu dagaallamay. Raggii lagu yaqaannay geesinnimada, deeqsinimada, xoogga iyo adadaygga ayuu ka mid ahaa sida aynnu arki doonno. Waxa kale oo isna ka mid ahaa Kooshin Abuubakar oo ahaa nin suubban, saahid ah, cibaado badan, mujaahid ah oo Alle u go’ay oo ku shihiidoobay Dawaaro sida aan dib u sheegi doonno. Garaad Axmooshe Axmad ayaa isna ka mid ahaa raggaa oo ahaa geesi sooma-jeestaan ah iyo halyey ma-gabbade ah. Waxa kale oo isna raggaa ka mid ahaa Garaad Cabdinaasir oo guddoomiye ka noqday gobolka Ganay xorayntii ka dib, kana mid ahaa ragga suubban ee mujaahidiinta ah iyo geesiyada tilmaaman ee nafahooga u huray Ilaaha Weyn dartii. Qoyska Imaamka ayuu ka tirsanaa, adeegohoogana wuu ahaa. Nin uu Imaamku wax wal ba kala tashado ayuu ahaa. Sadrud-Diin oo ahaa geesi sooma-jeesta ah ayaa ka mid ahaa, haddii uu gaalo arkona iskama hayn karayn iyaga oo iska qabta mooyaane.

Sidii awr dhibishaxanaya oo kale ayuu noqon jiray oo labada dul baa dhiig ka soo tifiq odhan jiray isaga oo Ilaahay dartii u cartamaya oo u heellan jihaadkiisa. Waxa kale oo ka mid ahaa Farshaxan Suldaan Cali oo ka mid ahaa qabaa’ilka Yamle loo yaqaan iyo saaxiibkii Nuurad-Diin Nasar Cali iyo Garaad Sadiiq Cali oo la wareegay Sharkha xorayntii ka dib, iyo Farshaxan Diin. Boqorka Xabashida (Al-Xadi) ayuu la joogi jiray isaga oo Diintiisa haysta dhimashadii Imaamka ka dib. Kolkii danbe, Amiir Nuur Wasiir Mujaahid ayuu u soo raacay dhulkii muslimiinta; magaalada Harar, halkaas ayuuna ku dhintay – Alle ha u naxariistee -. Laqaaya ayuu madax ka noqday xorayntii ka dib. Farshaxan Cali oo Angoot guddoomiye ka noqday xorayntii kadib ayaa isna ka mid ahaa. Waxa iyaguna ka mid ahaa Awraci Maxamad Cabdilwaaxid iyo Amiir Abuubakar oo lagu naanayso Qadiin, oo tilmaamaysa inuu ahaa nin jimidh yar oo isna ka mid ahaa geesiyada tilmaaman iyo halyeeyada tirada yar ee lagu hal qabsado. Waxa isna kamid ahaa Goyta Tiyoodoros Aadan iyo Gaasha Cumar oo la wareegay gobolka Wallaga oo ku dhow Abaaweyn oo ah webi weyn oo ku darsama webiga Niil ee Masar ka dib kolkuu soo wareego. Raggaa waxa kale oo isna kamid ahaa Tekle Aqwa iyo Axmad Diin Khaalid Haragaaya Maxamad iyo Garaad Cismaan Joohar oo ahaa guddoomiyihii gobolka Jaan Salaq xorayntii ka dib. Waxa isna ka mid ahaa Awraci Aboon Cismaan Saleebaan Suldaan Maxamad Badlaay oo ahaa tafiirtii Sacdud-Diin oo kamid ahaa geesiyaasha sooma-jeestayaasha ah. Bishaaro Joosho oo ku shihiiday dagaalkii Maaya sida aan dib u sheegi doonno, ayaa isna kamid ahaa. Raggaa Imaamka la socday mid wali ba boqol iyo dheeraad gaala ah ayuu u jilib dhigi karayay.

Curiyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Waxa ay Muslimiintii ka dhaqaaqeen meesha la yidhaa Buqul Sar, illaa ay gaadheen Koob oo ah tog weyn. Halkaa iyo webi Hawaas labo geeddi oo dhul-oommane maangad ah ayaa u dhaxaysay. Qofkii doona in uu dhulka xabashida jidkaa u maro, waxa lagama maarmaan ahayd inaanu habeen ma ahee maalin socon karayn kulayl iyo biyo la’aan aawadood. Kolkaasay Muslimiintii wada-tashi bilaabeen, qaarkood baana yidhi: “Habeen uun baynnu socon.”

Badhna waxay yidhaahdeen: “Maalinnimo ayaynnu soconaynnaa.”

Abuurahooga iyo Arsaaqahooga ayay taladooda u dhiibteen oo maalinkii bay socdeen iyaga oo leh: “Allahayoow waadna abuurtaye hana wadeecayn.”

Way dhaqaaqeen wax biyo ah oo ay ogaayeenna ma jirin. Iyaga oo sidaa u socda, oo ku daalay socodkii iyo biyo la’aantii ayay karaamada mujaahidiinta awgeed iyo fadligooga Ilaahay ku mannaystay ku heleen biyo durduraya dhulka dushiisa, wax roob ahoo da’ayna ma jirin meeshanina meel biyo lagu yaqaannay ma ahayn hadda ka hor. Halkaa bay degeen biyaha dushoodii, fardahoogii iyo xoolohoogiina way ka waraabiyeen. Habeenkii halkaas ayay baryeen, maalintii labaadna Hawaas ayay galeen.

Maalintaa gadhwadeennadu waxa ay ahaayeen, Khaalid Al-Waraadi, Jaami Cali, Asri Dalmas iyo walaalkii oo dhammaantood gadh-wadeenno ahaa.

Ciidammadii Imaamka oo Amaaja Iskugu Yimid

Curiyuhu-Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: kolkay habeenkii muslimiintu Hawaas u hoydeen, ayuu mid ka mid ah oo ina Dalmas la odhan jiray xaday faras ka mid ah fardihii muslimiinta, oo uu lahaa Cali Aboon Daawe oo ay walaalo ahaayeen Amiir Mujaahid wuxuuna ula kacay xaggaa iyo gaaladii. Ninkii faraska lahaa ayaa Imaamka u sheegay inaa faraskiisii la xaday. Kolkaas ayay mujaahidiintii foodda is geliyeen, Faatixada ayayna u mareen. Kolkii la joogo barqadii ayaa la arkay faraskii oo isagu is keenay, illaa maantana lama oga wixii ku dhacay tuuggaa faraska xaday.

Dadka qaar baa yidhi, webigii Hawaas ayuu ku haftay, halka qaar kalena ka yidhaahdeen, mayee waa la dilay, taasina karaamooyinkii mujaahidiinta ayay ka mid ahayd. Muslimiintii baa kolkaa is yidhi: “Tani waa astaamaha guusha haddii uu Eebbe idmo.”

Way kasii anba qaadeen Hawaas oo dhulka Marjaay ayay gaadheen, halkaasi oo ay isku urursadeen. Reerihii Soomaalida ayaa ka cawday sahay-yari, markaas ayuu Imaam Axmad Wasiir Cadli iyo ciidankiisii u diray meel la yidhaahdo Jalbi oo dhulka xabashida ah si ay uga keenaan sahay iyo hagar bax. Imaam Axmad dawga Kusum ayuu qaaday, meesha la yidhaahdo Amaaja ayuuna gaadhay. Wasiir Cadli sahay buu soo qaaday ka kooban lo’ iyo wax kale ba, Imaamkii buuna ku soo laabtay oo ay ku kulmeen Amaaja. Saddex cisho ayay joogeen halkaas oo ahayd magaalo ka mid ah magaalooyinka xabashida oo uu Boqorku iska lahaa, hase yeeshee ay muslimiin degganaayeen.

Intaa ka dib, Imaamka dadkii magaaladaa Amaaja ayaa u yimid oo ku yidhi: “Boqorka Xabashidu waxa uu wataa col xoog weyn iyo fardo aan la tirin karin, qalab fara badan oo ay duruuc ka mid tahay, koofiyado bir ah, ciidanka lugta oo tiro badan iyo gaashaanno aanay Allaha Weyn mooyee cid kale koobi karayn. Aabbayaashaa, awawyaashaa, Amiir Cali, Soddoggaa Amiir Maxfuud, Garaad Ibraahin iyo salaadiintii hore oo dhan oo ahaa raggii ka talin jiray Barru Sacdu-Diin midkoodna intuu Boqorka Xabashida u xamaan qaatay rugtiisa iyo raaskiisa ugu ma tegin. Daafaha dhulkiisa ayuun bay ku duuli jireen, markay soo boojiyaanna way ka soo laabmi jireen. Hadduu se soo raad guro mid gaalada ka mid ahi, dhammaantood

ba gacmaha ayay kula dagaallami jireen; adna waxa aad doonaysaa oo aad u xamaan qaadatay in aad dhulkiisii ku weerarto. Waxan ku leenahay muslimiinta jar ha uga boodin.”

Imaamkii baa yidhi: “Jihaadka Ilaahay dartii ahi muslimiinta dhib kuma laha.”

Waxa ay yidhaahdeen (Muslimiintii): “Jihaad wax aan ahayn oo aannu u jeednaa ma jiro, cidda la naga dilaana Jannada ayay toos u abbaari, ninkii naga noolaadaana nolol badhaadhe ah ayuu ku noolaani doonaa. Waan ognahay in uu Boqorka nasraaniga ah ee Wanaag Segad xoog iyo tiro ciidan ba leeyahay, annagu se kulama dagaallamaynno badi ciidan iyo xoog toona. Waxa aan kula dagaallamaynnaa waa Diinkan Ilaahay nagu karaameeyay.”

Kolkaa kadib dadkii Reer Amaaja oohin bay bilaabeen oo way muraaqoodeen.

Kutubtii Quraanka ahayd ayay madaxooga saareen. Imaamkii iyo ciidankiisii ba way marti geliyeen oo way maamuuseen, guul iyo libin in Ilaaha Weyni ka siiyo cadawgooga ayayna ugu duceeyeen.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: maalinkii afraad ayay muslimiintii dhaqaaqeen xilli duhur ah oo dhulka Jaan Salaq ayay degeen. Muslimiintii buur Kassam la yidhaahdo oo agtooda ahayd ayay ka dul arkeen gaaladii oo korkeega saaran. Imaamkii baa soo kacay oo ka dhex madhay askartiisii soddon fardooley ah. Kolkii ay buurtii u soo dhowaadeen ayay gaaladii arkeen muslimiintii oo ka tiro yar. Afar ka mid ah badriiqyadii oo uu ku jiray Badriiq Nasar oo ka talin jiray gobolka Mirgaay ayaa u soo daadegey. Waxa uu watay konton fardooley ah iyo ciidan lug ahaa oo badan, muslimiintii se way ka hor tegeen iyaga oo wata wadneyaal aan galaw lahayn, seefo xiiraya iyo warmo tabaya. Ninkii ugu horreeyay ee muslimiinta ka weerartamay Muxamad Caddaroox ayuu ahaa. Nin fardafuul ah oo gaal ah ayuu ka hor tegey, warankiisii buu ka tebiyay oo dhulka ayuu ugu riday, Ilaahayna naftiisii ayuu naarta ugu dhakhsaday – Meel lagu negaadona iyada ayaa u xun e. Khaalid Al-Waraadi ayaa ku xigay oo isna weeraray badriiq kamid ah badriiqyada oo warankiisii ku tummaatiyay. Faraskii ayuu kaga dul tuuray oo naf ba dhulka lama gaadhin, Allaha weyni uma naxariistee.

Intaa ka dib gaaladii jab bay jaanta wadheen oo dirqi bay ku noqotay in ay buurtii dib u fantaan oo ay dhanka kale ka daataan, in badanna cagta ayaa la mariyay. Labo iyo toban faras, baqlo iyo xoolo kale oo aad u badan ayay muslimiintu boojimo u qaateen. Kolkaas ayay yidhaahdeen:

“Waa taa guushii u horraysay.”

Imaamkii iyo saaxiibbadii fadhiisinkii ciidankiisa ayay dib ugu soo noqdeen. Ciidankii joogay fadhiisinku dabkii ayay oogeen, badhkoodna Ilaahooga ayay xusayeen, qaarna Nebiga ayay ku salliyayeen – Naxariis iyo Nabad gelyo korkiisa ha ahaadeene-, halka badh kalena ay Quraanka ka akhriyayeen. Imaamku koox gaaladii ka mid ah ayuu soo qaqabtay oo uu ka waraystay Boqorkii iyo siduu dagaalka diyaarka ugu yahay.

Waxa ay yidhaahdeen: “Badriiqa la yidhaahdo Awraci Cismaan Daara Cali oo wata ciidan fara badan ayaa jooga meesha la yidhaahdo Dookhan oo ah tog weyn oo agtiinna ah, toggaana Garaad Maxfuud – Allaha u naxariistee – ayaa gaadhay.

Boqorka Wanaag Segad-se, Beyt Amxara ayuu joogaa, ciidan badanna wuu wataa. Guutooyinkii Tigraaygu, halkaa iyo Debra Burhaan ayay uga sii hor mareen, badriiqooga Tekle Iyaasus ayaana wata. Ereyga ‘badriiq’ oo ah afkii Roomaanka, ayaa la macno ah Asmaaj oo Af Axmaar ah. Waxa kale oo la socda badriiqyo badan oo uu kamid yahay Fiqre Iyaasus iyo Waashe Cismaan oo ahaan jiray Muslim dib u riddoobay – lacnad Ilaahay haku dhacdee.”

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: muslimiintii Jaan Salaq ayay ka shiraacdeen, casarkiina agagaarka meesha la yidhaahdo Maski ayay degeen oo ay u hoydeen. Maalinkii labaad, aroortii goor barqo ah ayay dhaqaaqeen, halkaana koox gaalo ah oo u dhaw ayay ka arkeen.

Waxay u direen koox fardooley ah oo sahan ah oo war uga keenta, kooxdii gaalada ahaydna way soo qabteen, Imaam Axmad bayna soo hor joojiyeen. Kolkaas ayuu waraystay oo ay u sheegeen in uu Boqorkii meel fog oo dusha ah ka jiro. Muslimiintii way socdeen, waxayna degeen xilligii casarka tog la yidhaahdo Majwa oo ku yaal dhulka Fatagaar. Dabayl xun oo gabadano ah ayaa maalintaa jirtay, halkaasayna u hoydeen. Maalintii danbe halkii bay ka sii anba qaadeen oo meesha la yidhaahdo Masiin oo ahayd tuulada Cumar Aboon ayay degeen wayna gubeen iyada iyo kaniisaddii Bogorka. Muslimiintu ma soo marin tuulo ka mid ah dhulka gaalada haddii kale se waxay ka dhigeen wax aan jirin oo dhulka ayay la simeen.

Goobtii Baadiqi

Maalintii saddexaad, socodkii bay halkii ka sii wateen, illaa ay gaadhayeen meel ku dhaw Baadiqi oo ah meeshii guryuhu Boqorka uga dhisnaayeen, Khasnaddiisuna taallay. Muslimiintu gaaladii bay ka war doooneen mase helin cid uga warranta. Dadkii baa ku yidhi: “Cid raggii dagaallamayay ahi Baadiqi ma joogto.”

Markaas ayay muslimiintii xaggii Baadiqi u dhaqaaqeen iyaga oo aan habaysnayn dagaalna aan isku diyaarinin. Fardahoogii bay ka soo degeen oo baqlahoogii bay ku wareegeen iyaga oo fardihiina hoggaaminaya. Kolkay isku dayeen inay tuuladii galaan ayay si kedis ah ula kulmeen ciidankii gaalada – Allaha Weyni ha hoojiyee – oo aad mooddo inay yihiin koronkor ayax. Ciidankaasi muslimiinta ayay ka celinayeen inay tuulada soo galaan.

Dhinaca kale, quruxdoodii oo dhan ayay soo ban dhigeen, calamadoodiina kor bay u qaadeen. Waxa ay soo baxeen iyaga oo ad mooddo dab ololaya oo gashaaman duruucdii Nebi Daa’uud oo kale iyo koofiyado bir ah oo gacmahana ku sita seefo haadhaya iyo warmo ka tabaya ciddii lagu tummaatiyo.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Bogorka Xabashida ee Wanaag Segad, askartii buu amar ku siiyay inaanay muslimiinta dagaal ku qaadin illaa ay soo galayaan magaalada oo ay dabka sudhayaan guryaha iyo kaniisadaha ba. Ilayska Ilaahay in ay afkooga ku demiyaan ayay ‘gaaladu’ doonayeen, Alle se waa diiday wax aan ahayn in uu Nuurkiisa dhamays tiro, gaaladu haba nacaane. Badriiqyada Baadiqi yimid, waxa ka mid ahaa Sardi Wadad, Degalhaan oo Bogorka seeddigii ahaa, Maha Tanta Dawaaro Nagaash, murtadkii Awraci Cismaan oo ahaa Ina Saleebaan Muxamad Badlaay Sacdud-Diin, badriiqii Fatagaar iyo Tekle Iyaasus oo ahaa taliyihii gobolka Tigraay. Badriiqyadu taladii bay isku qabteen iyaga oo leh: “La dagaallami maynno muslimiinta illaa ay tuulada soo galayaan oo ay guryaha iyo kaniisadaha ba gubayaan sidii Boqorku nagu amray, amarkiisana ka baydhi maynno.”

Badriiqyadii Tigraay oo ay ku jiraan Roobeel, Asiir, Aaroon, Fiqre Iyaasus, Waashe Cismaan iyo Tigraaygii oo dhan baa iyaguna yidhi: “Muslimiinta waxa aan la dagaallamaynnaa inta aanay magaalada soo galin ee aanay gubin guryaha iyo kaniisadaha. Soo gali maayaan illaa kaayaga ugu danbeeya la dilayo. Haddii ay inna laayaan, kolkaa wixii ay doonaan ha falaan.”

Gaaladii ‘Reer Tigraay’ buu mid ba midka kale ku guubaabiyay la dagaallanka muslimiinta, intoodii kale ee aan hore u soo sheegnay se halkoogii bay iska fadhiisteen. Kolkaas ayuu kacay badriiqii madaxa adkaa; shaydaankii Alle ka go’ay ee Roobeel oo uu faraskiisii fuulay. Kolkii uu sidaa yeelay ayay badriiqyadii kale ee Tigraayna fardahoogii gurada jareen, sida Asiir, Fiqre Iyaasus, Waashe Cismaan, Aroon iyo intii la socotay ba, badriiq walbana ciidan fara weyn ayaa hoos imanayay. Xaggaa iyo irriddii magaalada Baadiqi ayay u dhaqaaqeen, magaalada iyo muslimiintana tog weyn oo la yidhaahdo Samarma ayaa u dhexeeyey. Gaaladu dhankii togga ayay u keceen, halkaas ayayna isa safeen, oo ay askartoodii isku tubbarideen, fardahoogiina ku heensaysteen oo ay qalabkii iyo hubkiiba saarteen. Toggii bay ka dhigteen made u dhexeeya iyaga iyo muslimiinta.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: haddii aynnu dhankii muslimiinta u noqonno, kolkay magaaladii u dhowaadeen ayay arkeen gaaladii iyo ciidamadoodii oo dagaal u daddaabo xidhan. Kolkaas ayuu Imaamku ciidankiisii ku yidhi: “Waar fardaha dhakhso u fuula dagaalkana haku degdegina ee daydayda meel dagaalka ku habboon fardahana faalal u ah.”

Kolkaas ayay dhakhsadeen, Wasiir Cadli ayaa hor kacay ciidankiina wuu wada daba dhaqaaqay. Imaam Axmad xagga u danbaysa ayuu ka socday isaga oo ay wehelinayeen konton fardooley ah oo ka mid ahaa geesiyadii halyeeyada ahaa; raggii gurmadka iyo xoogga ee tusaalaha loo qaadan jiray. Waxa kale oo la socday labo boqol oo lug ah oo ah raggii tummaatida iyo calool adaygga lagu yaqaannay oo watay seefo haadhaya iyo gaashanno Hindiya lagu sameeyay. Imaam Axmad ayay garbaha ku hayeen; kama aanay hor maryn kamana danbaynayn dagaal kaste, dagaalkana aad bay iskugu habeeyeen. Kolkaas ayay fardahoogii fuuleen, Imaam Axmadna dagaalka iyo jihaadka ayuu ku guubaabiyay iyo in ay cadawga Ilaahay u jilib dhigaan. Wuxuu akhriyay aayadda Quraanka ee:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اصْبِرُوا وَصَابِرُواْ وَرَابِطُواْ وَاتَّقُواْ اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ

(Kuwii Ilahay iyo Nebi ba rumeeyoow Sabir yeesha oo adkaysta, oo heegan u ahaada jihaadka, Ilaahiinna ka baqa waad liibaanaysaan e).89

Labadii Ciidan oo Foodda Isku Daray Baadiqi

Wasiir Cadli iyo ciidankii raacay ee muslimiintu, toggii labada col u dhexeeyay ayay soo gaadheen, biyihiina way ka tallaabeen. Ninkii ugu horreeyay ee ka tallaabay Saburata ayuu ahaa oo Reerihii Ganas ka tirsanaa.

Mujaahidiinta aan is qaadqaadka lahayn ayuu ka mid ahaa, gaaladii buu weerar ku ekeeyay, muslimiintiina weerarkii bay la qaadeen iyaga oo aad mooddo nin kaliya. Labadii ciidan baa isku darsamay. Xabashidii gunta ahayd dagaalkii muslimiinta gobta ah, saacad bay u adkaysteen. Intaa kadib, ciidammadii gaalada ee midigta ayaa jabay, laakiin waxa jilibka dhigay ciidammadii dhanka bidixda oo ay hor kacayeen badriiqyada: Roobeel, Asiir, Fiqre Iyaasus iyo Waashe Cismaan. Calamadoodii ayay halkii isla taageen sidii buuro aan la rari karin. Qalab adag bay wateen oo ay ka mid ahaayeen koofiyado bir ah iyo duruuc qaro weyn oo adag. Markaas ayuu Amiir Abuubakar oo ku magac dheeraa Qadiin weerar ku qaaday Badriiqa la odhan jiray Aaroon. Waran buu afka kaga arooriyay oo uu dhegta hoosteeda ka soo saaray. Badriiqu koorihiisii kama dhicin ee wuu ku dhegay. Badriiq gaaladii kamid ah ayaa Amiir Abuubakar weerar ku ekeeyay, oo wuxuu ka tummaatiyay gacanta midigta, oo jabtay. Muslimiintii baa xidhay oo si aanay wax ba gaadhin ayay u kabantay, taasina fadliga jihaadka ayay ku dhacday. Halyey muslimiinta ka mid ahaa oo la odhan jiray Kooshin ayaa weerar ku qaaday badriiq gaaladii ka mid ahaa, oo seef ayuu qoorta kaga dhiftay. Tummaatidii gaalka wax ba ma aanay yeelin oo qalabkii iyo birihii saarnaa ayaa ka celiyay. Tummaati labaad buu ku celiyay, hase yeeshee iyaduna wax ba kama qaadin. Mar saddexaad buu ku celiyay, sidii kuwii hore ayuu ka soo noqday. Kolkay halkaa marayso ayuu badriiq gaaladii ka mid ahaa oo la odhan jiray Waashe Cismaan – murtad buu haa, lacnadi ha fuushee – weerar ku soo qaaday Abuubakar oo uu laabta ka turqay. Warankii sakaarka ka galay ayaa dhabarka ka baxay. Mar labaad buu haddana turqay, Kooshinna wuxuu ku hawlanaa badriiqii hore oo uu seeftiisa la dhacayay. Kooshin koorihiisii buu xajistay oo dhulka uma dhicin. Geesi muslimiinta ka mid ahaa oo la odhan jiray Marfuwa oo ka mid ahaa addoomihii uu xoreeyay Garaad Mansuur ayaa la dilay, Nasar Aadan oo isna addoomihii Mansuur ka mid ahaa ayaa muslimiinta laga dilay. Sadiiq oo ahaa muslin la socday Cabdinaasir ayaa isna muslimiinta laga dilay.

Waxa kale oo la dilay nin ciidankii muslimiinta ee lugta horjooge u ahaa oo la odhan jiray Del Sabar. Badriiq gaalada ka mid ahaa oo faras fuushanaa ayaa u soo baxay halka uu Del Sabar ka lugaynayay. Badriiqii buu ku booday oo wuu qabtay isaga oo doonaya in uu kooraha kala soo daadego, hase yeeshee xagga danbe ayuu ka soo weeraray mid faras fuushan oo gaaladii kamid ah – oo aanu iska dhaadayn – dhabarkuuna ka tummaatiyay oo warankii baa ka soo baxay laabta. Halkaas ayuu shihiidnimo ugu dhintay, Ilaahayna jannadiisa ayuu u dedejiyay, waa meeshii in lagu negaado ugu wanaagsanayd. Kolkii intaa laga dilay ee ay arkeen Kooshin iyo Abuubakar oo dhaawacan ayay dib u soo gurteen. Muslimiintii kalena markii ay arkeen inay soo jabeen ayay dhammaantood dhankii Imaam Axmad u jabeen.

Webigii ayay jeexeen, rag badanina halkaa buu kaga haftay. Gaaladu muslimiintii fardo badan ayay ka qaateen. Kolkii uu Imaamkii arkay inay soo jabeen ayuu ul kala hor tegay oo uu ku yidhi: “Waar xaggeed u yaacaysaan? Ma waxaad ka cararaysaan jannada, ajashu waa wax qoran e?”

Imaam Axmad faraskiisii ayuu ka soo degay oo dhulka ayuu fadhiistay, raggiisiina fardaha ayay ka soo degeen. Murankoogii iyo yooyootankii ayaa batay oo Imaamka hareertiisii ayay isla sooyaameen iyaga oo isku mulaaqmay.

Imaamkii oo Ciidankiisii Saddex u Qaybinaya

Weriyihii-Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: markuu Imaamkii ka degay faraskii ayuu ogaaday inay meeshu tahay meel cidhiidhi ah oo aanay farduhu mari Karin, kolkaas ayuu Amiir Xuseen yidhi:

“Imaamkii muslimiintow, teendhadaada halkaa ku qotomi, sidii Carabta ayaynnu u dagaallami e,” isaga oo u jeeda Asxaabta Nebiga – Ilaahay haka raalli noqdee. Imaamku wuu fadhiistay oo teendhadiisii ayaa halkaa laga taagay. Markay muslimiintii soo jabay arkeen teendhadii oo la taagay, ayuu sugnaaday ninkii Ilaaha weyni sugay. Gaaladii toggii bay soo gaadheen oo waxa ay dooneen in ay muslimiinta biyaha uga ba’aan oo kol ba weerar bay muslimiinta ku soo ekaynayeen, iyagu na way iska dhabayeen. Toggaasi saddex jid buu lahaa, Imaamkuna ciidankiisii buu saddex cutub u qaybiyay. Qayb Imaam Axmad ayaa la socday oo dariiqii dhexe ee wadnaha ahaa ayuu fadhiistay. Cutubkii labaad Mataankii Soomaaliga ahaa ee tolkii hoggaanka u ahaa ayuu taliye uga dhigay, Imaamkuna in uu dariiqa sare ee midigta qabto ayuu ku amray. Cutubka saddexaadna Wasiir Cadli ayuu u dhiibay oo uu ku amray in uu dariiqa hoose ee bidixda qabto, mid walibana cutub buu ku hoggaamiyay.

Kooxdii Mataan, iyagu dhankii midigta ayay dagaal adag ka galeen. Waxa marmar weerarka qaadayay muslimiinta, marmarna gaalada ayaa soo rogaal celinaysay oo muslimiintuna way iska difaacayeen. Sidaasayna wax u socdeen laga bilaabo barqadii illaa casarkii. Kolkaas ayuu Mataan diray nin fardafuul ah oo la odhan jiray Abuubakar. Toggii inta uu ka soo tallaabay ayuu u yimid Imaamkii isaga oo ka doonaya gargaar, kadib kolkay dagaalkii ku rafaadeen. Imaamku konton fardooley ah ayuu u soo diray oo raggii geesinimada iyo xoogga lagu ogaa ah. Fardooleyda hoggaankoogu waxa uu ahaa Amiir Axmooshe, Wasiir Nuur Ibraahin, Cabdinaasir oo ahaa lacag-hayihii Imaam Axmad, Farshaxan Suldaan, Awraci Nuur, Farshaxan Diin Aadan iyo xertoodii. Mataan bay gaadheen oo dagaal mitidnimo ah ayay muquurteen oo geesinnimo layaab leh ayay muujiyeen. Labadii ciidan gabbal dhicii iyo mugdigii ayuun baa kala soocay, dagaalkii ugu adkaa ee la isku hor fadhiisto ayuuna ahaa.

Haddaynu u soo noqonno Imaamka iyo raggiisii, badriiqii dhexe ayay ku hagaageen oo ay ula dagaallameen si aan la malayn karayn oo adag. Kolkaa ayaa la arkay – Alle ha daayee – nin Carab ahaa oo la odhan jiray Xamsa oo Reer Jowf ah oo Imaamka muslimiinta hortiisa uga dagaallamaya si mitidnimo ah. Raggii lugta ayuu ka mid ahaa oo jilbaha ayuu aastay, oo si raganimo leh ayuu u dagaallamay. Naftiisii iyo dagaalkii ayuu is hor dhigay. Nin gaal ahi uma soo bixin haddii kale se madaxa ayuu ka jaray, rag badanna sidaas ayuu webiga dhexdiisa ugu dilay. Biyihii togga ayaa isku rogay dhiig cas, kolkaas ayay gaaladii wuxuu falayay ka maageen.

Muslimiintii qalbigaa u fadhiistay kolkay arkeen isaga oo gaaladii kurka ka guraya. Nin aan ka gabban kun fardooley ah oo gaalo ah ayuu Xamse ahaa, Imaamka iyo muslimiintuna sugnaasho ayay ugu ducaynayeen. Sidaas ayuu maalintii oo dhan u dagaallamayay isaga oo ay muslimiintiina ku hareer jiraan illaa uu mugdigii habeenku ka la geeyay labadii col.

Haddii aan u soo noqonno ninkii taliyaha ahaa ee dhanka bidixda ka dagaallamayay oo ahaa Wasiir Cadli, leebleyda Soomaalida ee qabiilka Mareexaanka ayaa la socday, kuwaas oo ku caan ahaa dagaalka loo adeegsado qaansada iyo leebka. Kol way ku taaxinayeen, gaaladuna way ku rogaal celinayeen, kol kalena muslimiinta ayaa gaalada ku rogaal celinayay. Qabiilka Maayada ayaa gaalada ku jiray, kuwaas oo ahaa niman qaansaley ah oo ku dagaallama fallaadho sumaysan.

Weriyuhu – naxariistii janno Alle ha siiyee – waxa uu yidhi: Imaamku muslimiinta maalintaa waxa uu ku yidhi: “Haddii ay leebabka idinku soo taaxiyaan qaata oo ha ka tegina. Haddaad sidaa yeeli weydaan iyaga ayaa qaadan oo mar kale idinku soo gani. Ii soo ururiya oo ii keena.”

Sidaa daraaddeed, hadday leeb soo tuuraanba way qaadanayeen. Kolkii maqrib la gaadhay ee uu dagaalkiina joogsaday ayuu taliye kaste ba askartiisii la yimid isaga oo wata xidhmo fallaadho sumaysan ah oo ah kuwii la soo ururiyay. Imaamka hortiisii bay dhigeen oo isna amar ku bixiyay in loo dhiibo khasnad-haye ka mid ahaa khasnad-hayeyaashiisa, uguna da’ weynaa oo la odhan jiray Daakhil. Wixii la soo ururshay oo dhan ayuu meel iskugu wada keenay. Habeenkii markuu galay ayaa sac la qashay, xaabana loo waayay, markaas ayuu Daakhil ku yidhi saaxiibbadiisii khasnadda la hayay:

“Haddii berrito la innaga adkaado oo gacanta la innagu dhigo, gaalada ayaa qaadan doonta leebabkan. Miyaynnu shidanno oo aan hilibkeenna ku solanno.” Waxay yidhaahdeen: “Way wanaagsan tahay.” Sidii bay yeeleen, oo dabkii bay shideen hilibkii sacana way ku soleen dhammaantii.

Taladii ugu yaabka badnayd ee aan ku aragnay goobtii Shinbirokore ayay tani ahayd sannadkii sagaal boqol iyo shan iyo soddon (935) oo lix bilood dhiman taariikhda Hijriga.

Qabiilkii Mareexaan, iyaga gaaladii ayay is aa’ayeen maalintii oo dhan. Muslimiinta ayaa weerar gaalada ku ekaynayay, gaaladuna sidoo kale way ku rogaal celinayeen illaa mugdiga habeenku kala kaxaynayay oo ay qolo waliba halkii ay joogtay u hoyatay.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: kolkii uu dagaalku muslimiinta maalinkii daashaday, ayay dad cadaabka loo qoray oo riddoobay ka guureen. Diinta nasaarada ayay galeen oo gaaladii bay u tegeen. Siday doontaba ha ahaatee, Imaamkii iyo saaxiibbadii iyagu way sugnaadeen oo ma ay jixinjixin, habeenkiina halkoogii bay u hoydeen. Dad muslimiintii ka mid ah ayaa damcay in ay jabaan, markaas ayuu Imaam Axmad is hor taagay oo uu ku guubaabiyay dagaalka. Farduhu labo maalmood ayay heensaysnaayeen oo aan xakamaha iyo kooraha midna dhulka laga dhigin. Imaam Axmad kuwii doonayay inay baxsadaan ayuu ku lahaa:

“Waar habeenka ha baxsannina, idinka oo sii jeeda ayay gaaladu idin layniye. Waar adkaysta Ilaahay baa guusha idin siin doonee.”

Intaa kadibna wuxuu akhriyay aayadda Quraanka ah ee:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اصبروا وَصَابِرُواْ وَرَابِطُواْ وَاتَّقُوا اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ

(Kuwii Ilahay iyo Nebi ba rumeeyoow Sabir yeesha oo adkaysta, oo heegan u ahaada jihaadka, Ilaahiinna ka baqa waad liibaanaysaan e).90

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: kolkii uu waagii dillaacay ayuu ciidanka badankiisii baqe jaanta wadhay. Imaam Axmad kuma hadhin wax ka badan afartan farasley ah oo ahaa halyeeyadii lagu yaqaannay geesinimada iyo labaataneeyo lug ah. Imaamkii iyo saaxiibbadii ciidankii jabay ayay ka daba tegeen, si ay u soo ceshaan. Imaamku milaygii waaberiga ayuu diray labo fardoolay ah oo muslimiinta ka mid ahaa oo midkood la odhan jiray Amiir Cali; Guddoomiyihii Angoot, ka kalena ahaa Wasiir Nuur Ibraahin. In ay ciidanka hor joogsadaan ayuu ku amray, wuxuuna ku yidhi: “Ninkii muslimiinta jaba ee aad aragtaan dila.”

Markaas ayay labadii halyeey hore u kaceen iyaga oo aad mooddo libaaxyo cartamaya oo waxay ka tallaabeen togga la yidhaahdo Tukham. Ciidankii bay ka hor mareen oo dariiqa ayay u sii galeen, afar nin bay ka dooxeen iyaga oo ku leh: “Xaggee baad u yaacaysaan?”

Waxa ay ugu dhaar galeen: “Ninkii idinka mid ah ee soo dhaqaaqa, in aan dillo ayaan daw u leenahay, haddii kale noqda oo sugnaada oo gaalada la dagaallama. Kolkaa kii la idin ka dilaa Jannada ayuu geli, kiinii noolaadaana sharaf ayuu ku noolaan.”

Muslimiintii ayay ku guubaabiyeen jihaadka, kolkaasay joogsadeen oo ay halkoogii ku ekaadeen illaa Imaam Axmad soo gaadhayay iyaga oo muslimiintii qaar badan laga dilay oo in badanna laga dhaawacay.

Sayidkaygii Fiqi Abuubakar Arshoone ayaa maalintaa muslimiintii jabtay ku guubaabinayay jihaadka, isaga oo akhriyaya hadalkii Ilaahay ee ahaa:

كَم مِّن فِئَةٍ قَلِيلَةٍ غَلَبَتْ فِئَةً كَثِيرَةٌ بِإِذْنِ اللَّهِ وَاللَّهُ مَعَ الصَّابِرِينَ

(Imisaa koox yari ay kaga guulaysatay tu badan idanka Ilaahay, Ilaahayna wuxuu la jiraa kuwa adkaysta).91

Gaalada ayaa maalintaa leeb ku soo aa’day webiga dushiisa wuuse ka badbaaday.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Imaamkii baa muslimiinta ku guubaabiyay jihaadka Ilaahay dartii ah, isaga oo ku leh: “Waar miyaydaan dhulka gaalada ka garanayn dhulka muslimiinta. Allaha weyn baan ku dhaartee, ku bixi maysaan wax aan ahayn seefihiinna fallaadhihiinna iyo warmihiinna. Waar ma gaaladaad ka yaacaysaan, ninna ajashii loo qoray ma dhaafee?”

Kolkaas ayay muslimiintii xasileen oo ay niyaddu u fadhiisatay. Reerihii Soomaalida ahaa ayaa yidhi: “Dhanka Xarlada ayaannu ka jabnay.” Xarladiina kolkaas ayay yidhaahdeen: “Dhanka Soomaalida ayaannu ka jabnay.”

Intaa ka dib, Imaamku ciidankii buu u kala saaray saddex qaybood: qayb Soomaali oo dhan ah oo uu taliye uga dhigay Mataan, qaybtii Xarlada oo uu madax uga dhigay Suldaan Maxamad oo ay Imaamka habrawadaag ahaayeen iyo qaybta Mallasaay oo ah raggii lagu yaqaan duullimaadka iyo jihaadka ee asalka u lahaa, oo ahaa rag la isku hallayn karo kolka ay dagaal joogto. Waa raggii geesiyaasha sooma-jeestayaasha ahaa oo iyaga Imaamka ayaa ku jiray. In ay xasilloonaadaan oo aanay kala tegin ayuu Imaamku ku amray, markaas ayay xasileen oo ay u dhaqaaqeen dhankii dhulkoogu ahaa.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: dhankii gaalada haddaan u soo noqonno, kolkay subaxdii jebiyeen muslimiintii ee uu Ilaahayna khayrkiisa muslimiinta la doonay ee uu doonay inuu Diintiisa kor yeelo ereyga gaaladana hoos u dhigo, ayay gaaladii is khilaafeen taladii iskaga murugtay. Badhkood baa yidhi:

“Muslimiinta aynnu cagta cagta u saarno, waayo itaal kuma eeddana oo kuma hadhin.”

Badh kale ayaa yidhi: “Waar waa xeelad oo waxay doonayaan inay meeshan gabbaadka ah ee cidhiidhiga ah innaga saaraan oo ay innala tegaan meel bannaan oo ay kolkaana innagu soo rogaal celiyaan.”

Badh kalena waxa ay yidhaahdeen: “Halkaa aynnu joogno ayaynnu ku dhegganaanaynnaa illaa uu Boqorkii innoo imanayo, waayo wuu innoo dhaw yahay. Sidaa aawadeed waa inaynaan ka daba tegin. Waxa uu Boqorku innoo imanayaa xilliga barqada. Haddaynnu ka daba tegno waxaa laga yaabaa inaan jabno oo uu Boqorkuna taas innagu ganaaxo. Boqorku wuxuu inna odhan doonaa: waan idiin dhowaaye maxaad ii sugi weydeen illaa aan idiin imanayo.”

Taladaas ayaa la qumanaatay oo halkoogii bay ku ekaadeen.

Ciidankii Imaamka oo Jebiyay Jidgooya Xabashi ah

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: waxa jirtay koox ka mid ahayd gaalada oo markii ay muslimiintu jabeen hor qabataysay. Buur ku taallay marinkooga ayay sii fuuleen, muslimiintiina kolkii ay buurtii soo gaadheen ayay arkeen gaaladii oo buurta dusheeda ka muuqata.

Markaas ayay buurtii isku meersheen oo ay gaaladii dhammaantood laayeen, mid keli ahina kama samata bixin. Buurtii bay muslimiintu kasii socdeen oo meel la yidhaahdo Cujaam Jay ayay tegeen, halkaas oo ah tog ku yaalla dhulka Laal92 oo ka mid ah gobolka Fatagaar oo ku dhow meesha loo yaqaanno Saqaala. Halkaa webiga dushiisa ah ayay muslimiintii degeen. Fardahoogii iyo baqlahoogii bay mayraceen, iyaguna dhuunigoogii bay cuneen iyaga oo aan labo maalmood wax ba afka saarin. Labo cisho ayay halkii ku negaayeen. Maalinkii u horreeyay ba, askar badan oo gaalo reer Maayo93 ah ayay arkeen, kuwaas oo sitay qaansooyin iyo fallaadho mariid leh oo qofkii lala helo madixiisa kolkaaba timuhu ka daadanayaan suntaa kulaylkeega dartii. Tiradooduna saddex kun iyo dheeraad ayay ahayd, oo Boqorka Xabashida ayay gurmad ugu socdeen, Ilaahayna in uu Diintiisa sugo ayuu doonay. Iyaga oo uugaamaya ayaa afka uga soo galay Muslimiintii oo ay u haysteen inay yihiin gaaladoodii oo meesha deggan. Kolkii ay ogaadeen inay dadka meesha deggani muslimiintii yihiin, ayay u yaaceen dhinaca jidkii Masiin ee xagga Boqorku jiray ahaa.

Muslimiintii baa daba qaatay oo ka dhigay wax ay dileen iyo wax ay qabteen. Waxad ku garataa in uu Ilaahay hoojiyay, ninkii Muslim ahi ba in uu qabanayay labaatan, amma siddeed iyo toban amma toban. Imaamka ayay soo hor joojiyeen oo isna amar ku bixinayay in la laayo illaa ay arladii meyd buuxsantay. Taliyahoogii oo Maayo ahaa, isna waa la qabtay oo Farshaxan Suldaan ayaa gacanta ku soo dhigay Imaamkana soo hor joojay. Markaas ayuu yidhi: “Naftayda labo boqol oo wiqiyadood oo dahabka cas ah ayaan ku furanayaa.”

Imaamkii baa ugu jawaabay: “Waar uma baahnin dahabkaaga! Eyga eygu dhalay dila,” markaas ayaa qoorta loo dheereeyay, muslimiintiina guushaa way ku farxeen.

Haddii aan u soo noqonno arrintii gaalada, markii uu Boqorkii yimid Baadiqi milaygii barqada isaga oo wata badriiqyadiisii, ciidammadiisii iyo askar aan la tirin karayn ayuu ku yidhi: “War maxaad ugu deyn weydeen muslimiinta magaalada hasoo galaan oo ha gubaan e?”

Markaas ayay qolo ugu jawaabtay: “Oo maxaa loo gubi kaniisaddii walaashayo?”

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Kaniisadda Baadiqi ku taallay, Boqorka hooyadii ayaa dhistay oo si fiican u joojisay, Boqorka hooyadiina94 Tigraay bay ahayd, sidaa awgeed bayna u yidhaahdeen: “Kaniisadda walaashayo lama gubayo oo annaga ayaa ku dagaallamaynna waanan u dhimanaynnaa. Sidaa awgeed baannu ugu diidnay Muslimiinta inay magaalada soo galaan.”

Boqorkii maalintaa wuu ugu mahad naqay waxay sameeyeen, waanu ka abaaliyay, madaxdoodiina wuu u lebbisay. Boqorkii ciidankiisii ayuu Baadiqi kala baxay oo Muslimiintii buu ka daba tegey. Ciidanka uu watay, dhulkii buu buuxiyay dherer iyo balladhba, Muslimiintii bay soo garab degeen, halkaas ayayna habeenkii u hoydeen. Maalintii labaad ayay gaaladii sahan dirteen si ay Muslimiinta wax ugasoo ogaadaan. Muslimiintii bay arkeen, sidoo kale Muslimiintiina gaaladii way arkeen. Maalintii danbe ayay Muslimiintii u dhaqaaqeen dhankii dhulkoogu ahaa. Kolkay duhurkii tahay ayay soo gaadheen togga Soogga. Fardihii bay kasoo degeen oo ay waraabiyeen, duhurkiina halkaas ayay ku tukadeen, habeenkiina Shinbirakore ayay u hoydeen.

Goobtii Shinbirokore

Maalintaasi waxa ay ahayd Arbaca, bilawgii bisha Rajab 935kii Hijriyada. Muslimiintu habeenkaa, xuska Ilaahay, mahadintiisa iyo werdiga ayay ku baryeen. Imaam Axmad baa saaxiibbadii ka dhex kacay oo Ilaahay ayuu mahadiyay oo wuu ammaanay, Nebigii buu ku salliyay – naxariis iyo nabad gelyo ha u sugnaadeene – dabadeedna waxa uu yidhi: “Waxaad tihiin rag lagu yaqaan adayg iyo xoog.”

In ay tabaabulshaystaan oo ay hubkooga qaataan ayuu ku amray, markaas ayuu haddana yidhi: “Dadoow Ilaahiinna talo saarta oo xadhiggiisa cuskada.”

Markaas ayay muslimiintii tabaabulshaha bilaabeen oo ay geesiyadii muslimiintu badh ba badh guubaabiyeen. Intaa dabadeed wuxuu Imaamkii yidhi: “Maxaad talo haysaan?”

Imaamka saaxiibbadii baa hadlay oo yidhi: “Annagu miyaa, dagaalku waa himmiladayada iyo halkaan ku soconno, waanan u adkaysanaynnaa tummaatida, wareenka iyo dagaalka ba illaa uu Eebbena kala xukumayo, isagaa ugu khayr badan inta wax xukunta e.”

Imaamku hadalkoogii buu ku farxay, wuxuuna yidhi: “Alle ha idin waafajiyo khayrka oo ha idin hanoonsho. U tabaabulshaysta dagaalka iyo hardanka.”

Habeenkii bay baryeen iyaga oo jihaadka ku faraxsan. Kolkii uu waagii beryay ee ay aroortii dillaacday ee ay caddaatay mu’addinkiina ku eedaamay: “liibaanta u kaalaya” ayay muslimiintii kaceen oo ay tukadeen salaaddii arooryaad. Sayidkaygii Fiqi Abuubakar oo ku magac dheeraa Arshoone – Ilaaha Sareeyaa ha u naxariistee – ayaa khudbad isla dhex taagay. Muslimiintii ayuu wacdiyay oo jannada iyo wuxuu Ilaahay ugu talo galay mujaahidiinta ayuu ugu bishaareeyay. Naarta iyo wuxuu Ilaahay u diyaariyay kuwa dagaalka dhabarka jeediya ayuu uga digayay.

Hadalkiisii wuxuu ku daray aayadda Quraanka ah ee:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اصْبِرُواْ وَصَابِرُوا وَرَابِطُوا وَاتَّقُواْ اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ

(Kuwii Ilahay iyo Nebi ba rumeeyoow Sabir yeesha oo adkaysta, oo heegan u ahaada jihaadka, Ilaahiinna ka baqa waad liibaanaysaan e).95

Muslimiintii dhankaa iyo Amaaja ayay u hagaageen iyaga oo u sii socda dhulkoogii. Badhtamaha Shinbirokore ayay degeen oo dhinaca bari kaga toosan xidigga Suxal (Canopus). Si lama filaan ah ayay u arkeen Boqorkii

Xabashida oo kaga soo wareegay dhinaca qiblada ee weliba dhanka bari, isaga oo wata ciidan koronkor la moodo. Badriiqyadiisii ayuu ku yidhi: “Gaadha oo yaanay idinka fakan.”

Cadawgii Ilaahay waxa ay la noqotay in uu gaadhayo sidii uu yu’anayay, Ilaahay se wuu diiday inuu iyaga dulleeyo ma ahee. Bogorkii ciidankiisii buu la dhaqaaqay iyaga oo aad mooddo biyo soo buqdhamaya. Labadii ciidan indhaha ayay isa saareen, kolkaas ayay gaaladii is diyaariyeen oo ay ciidankoogii iyo askartoodii ba habeeyeen. Todoba saf ayay noqdeen oo aanu midna dhinaca ka kale arkayn. Muslimiintiina way isa safeen oo askartoodii bay isku tubbarideen.

Weriyihii-Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: waxa ii warramay nin nasaaro ahaa oo joogay goobtii Shinbirokore oo la odhan jiray Asmaaj Heybe, lana socday Boqorka oo ii warramay ka dib kolkii uu islaamay oo igu yidhi:

“Tirada fardaha uu Boqorku ku galay Shinbirokore (16000) lix iyo toban kun oo faras ayay ahayd. Qalabka lagu shaaximay fardaha, waxa laga keenay Berri Carab. Intooda lugta ahayd ee sidatay gaashaanka, qaansooyinka iyo leebabka sumaysan iyo weliba warmaha halcanaya, waxa ay ka badnaayeen labo boqol oo kun. Kuwa fardaha xabashida watayna lamaba koobi karayn tiradooda awgeed. Badhkood ba badhka kale ayuu ku mulaaqmay, iyaga oo la moodo dhismo si wanaagsan la iskugu raseeyay.”

Kolkaas ayuu Imaamkii Axmadna bilaabay in uu askartiisii u habeeyo midig, bidix, badhtame iyo labo garbood isga oo leh: “Ilaahayoow dhammaantayo nagu gargaar samir iyo adkaysi, oo naga dhig kuwii diintaada u hiiliya.”

Aniguna waxa aan idhi:

Isagaa nin taliya ah

Arrimaha dagaalkana

Isagaw agloola ah

Weerarkuu ekeeyana

Abley haadha weeyaan

Ciddii Eebbe diiddana

Nin abaadsha weeyaan

Nin kastoo awood lehna

Eebadiisa xoogga leh

Ku aroorshe weeyaan

Seeftuu afaystana

Nin ku aasa cadawgoo

Ku idleeya weeyaan

Gaalada intuu dilay

Kaga tegay aroorida

Intii oogsi baqatee

Arladii ka carartee

Cabsi jebisay ooddii

Ilmaa qoysay dhabannada

Dagaal buu is daba joog

Ku asqeeyay gaalada

Dullinimo ay eedaan

Axmad iga waraystoow

Nin Ilaahay weeyaan

Runtu ay u tahay udub

Beentana ajaystoo

La ag marinin weeyaan

Diin adkeeye weeyaan

Alle-caabud weeyaan

Marna iilan weeyaan

Nin adkeeya faralkoo

Amarkiyo sunnaha kale

Aan illaawin weeyaan

U ilaali Eebboow

Umaddaada Nuurkaa

Inta ay dul joogaan

Ifka aan ku noollahay.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi : Imaam Axmad – Alle ha u naxariistee – waxa uu u yeedhay Suldaan Maxamad Suldaan Cali oo ay habrowadaag ahaayeen iyo Sheekh Anas Sheekh Shihaab

Cabdilwahaab Sheekh Buube, qabaa’ilkii Xarla oo dhan ayuuna hoggaan uga dhigay sida: Saman Bara iyo Barsara oo uu la socdo hogaamiyahoogii iyo reeraha Xarlada ee kale sida : Yaqula, Jaasaar, Carab Tukhaan, iyo Alqa oo dhammaantood Xarla ka wada tirsan. In ay dhinaca midig ee muslimiinta dagaalka ka galaan ayuu Imaamku ku amray. Intaa dabadeed, Reerihii Soomaalida ahaa ayuu iskugu yeedhay sida: Geri, Mareexaan, Yabarre oo uu hoggaamiyahoogii Axmad Guray la socdo, Harti oo ahaa Reer Maydh, Jiiraan, Masarre iyo Bursuug, qabaa’ilkaas oo dhamina Soomaaali bay ahaayeen. In ay dhinaca bidixda dagaalka ka galaan ayuu Imaamku ku amray, qolo walbana taliyahoogii ayaa hor socday. Imaam Axmad – Ilaaha Weyni ha u naxariiste e – badhtanka ayuu ku jiray isaga oo ay hareero joogeen geesiyaashii fardooleyda ahaa oo aad mooddo libaaxyo cartamaya, madaxdoodana ay ka mid ahaayeen: Amiir Xuseen Abuubakar oo Gaaturi ahaa, Amiir Saxrabawi Maxamad – Allaha u naxariistee -, Farshaxan Cali, Wasiir Nuur Ibraahin, Amiir Mujaahid, Farshaxan Suldaan, Cabdinaasir, Sheekh Daawe, Amiir Abuubakar Qadiin iyo Farshaxan Diin. Imaamkii baa kolkaa muslimiintii ku yidhi:

“Wixii uu Nebigu ku yidhi Asxaabtiisa – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaadeene – ayaan aniguna idin leehay, u kaca janno balladhkeegu yahay ka samooyinka iyo dhulka oo loo diyaariyay dadka Alle ka baqa, kuwaas oo rumeeyay ilaahay iyo Rusushiisa. Kaasi waa dheeraad iyo fadli uu Ilaahay siiyo ciddii uu doono, Ilaahay fadli weyn ayaa u sugnaaday.”

Raggaa waxa kale oo ka mid ahaa : Garaad Axmadoosh Maxfuud oo Imaamka seeddigii ahaa oo uu Imaamku qabay walaashii Dilwanbara Maxfuud, Awraci Axmad Diin Khaalid, Garaad Shamcoon, Bishaaro, Sabrud-Diin, Jaasaa Cumar, Garaad Axmooshe, Awraci Aboon, Garaad Cismaan Jowhar, Axmad Goyta, Burhaan, Garaad Sadiiq, Del Segad iyo kuwo kale oo ahaa halyeeyadii lagu bartay geesinimada.

Intaa ka dib, Imaam Axmad raggii geesiyada ahaa ee adkaysiga badnaa ayuu soo urursaday, kuwaas oo kala qayb galay goobo badan, duullaanno badan iyo dagaallo badan. Raggaasi shan boqol oo geesiyaal ah bay ahaayeen oo aan marna Imaamka ka ag tegin, ha la degganaado ama geeddi ha la ahaadee. Fardaha hortoodii ayuu Imaamku joojay, iyaga iyo horjoogayyaashoodii oo ay ka mid ahaayeen: Xamse Al-Jowfi oo maalintaa shihiiday – Alle ha u naxariistee – hormuudkii ragga ee Faraj Sabbara, Jooxo, Arcadawa, Nabi Axmad, Xuseen Dawaara, Takiye, Xadiid Khurojo, iyo intii raacsanayd. Tirada ciidanka fardooleyda ahi maalinkaa shan boqol iyo lixdan bay ahayd, ciidanka lugtuna labo iyo toban kun buu ahaa.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: dhanka bidixda Reeraha Soomaaliyeed ee ka dagaallamayay waxa ka mid ahaa Harti Reer Maydh ahaa. Waa niman ad-adag oo ragga tilmaaman ahaa, tiradooduna saddex boqol ahayd oo seefaha si wanaagsan ugu dagaallami jiray. Waxa iyaguna ka mid ahaa qabiilka Yabarre oo uu ciidankooga lugtu ahaa afar boqol oo iyaguna ahaa rag qaansada iyo fallaadhaha si wanaagsan ugu dagaallama. Kolkaas ayuu Imaamkii ku daray shantii boqol ee badhtanka ka dagaal galaysay oo uu ku yidhi:

“Halkiinnaa ku ekaada. Waa inaanu mid idinka mid ahi meeshaa ka dhaqaaqin.”

Qabiilka Gerigu waxa ay ku caan baxeen oo lagu yaqaannay fardafuulka. Imaamku ciidankii buu isku tubbariday oo uu safsaf u joojiyay, muslimiintii na Salaatul-khowf labolabo rakcadood ah ayuu tujiyay, dhibta dhacday awgeed. Caalimkii weynaa ee Fiqi Cabdillaahi maalintaa baqashiisii buu ka soo degay, gaashaankiisii iyo seeftiisii buu qaatay oo Ilaahay buu xoog u baryay. Waxa uu ahaa nin suufi ah, saahid ah, xalaal-miirad ah oo Alle-caabid caalima ahaa. Xamse oo Reer Jowf ah miyaa, markuu gaaladii sidaa u eegay, ayuu iska hayn kari waayay, illaa ay soo qabteen labo nin oo muslimiinta ahi isaga oo aad mooddo awr qooqan oo doobta ridaya, xiisaha uu u qabo jihaadka awgii iyo raalligelinta Ilaahay, oo uu ka dalbanayay inuu siiyo wuxuu rabay. Raggii kale ee Hartiga ka socday, iyaguna sidaas ayay ahaayeen. Muslimiintii kale ayaa qaqabanaysay oo ku lahayd:

“Waar suga intay gaaladu innoo soo dhowaanayaan.”

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: haddaynnu dhankii gaalada u noqonno, kolkay ciidankoogii habeeyeen ayay xaggii muslimiintii u soo gurguurteen iyaga oo ah toddoba saf. Boqorkoogii Wanaag Segad ayaa dhanka danbe ka joogay isaga oo ay hareeraha ka taagnaayeen afar boqol oo xagga midigta ah iyo afar boqol oo dhanka bidixda ah. Maalinkaa dhammaantood ba ciidankiisii ayuu ku kala daray. Waxa uu soo saaray wixii uu khasnado hayay iyo qalab dagaal sida duruucdii Daa’uudiga ahayd iyo koofiyadihii Saabuuriga ahaa iyo seefihii Masar iyo warmihii Khadiya laga keenay oo badriiqyadiisii iyo askartiisii ayuu u qaybiyay, fardahooga se lama tirin karayn. Kolkaas ayaa la isku gurguurtay oo la isku soo dhawaaday. Safka keliya ee gaaladu shan saf oo muslimiin ah ayuu u dhigmayay. Bar yar oo cad oo ku taalla harag dibi madaw ayay Muslimiintu ku noqdeen. Kolkaas ayuu Imaamku Muslimiintii ku yidhi:

“Xuska Ilaaha Weyn afka ku haya oo dhankooga ha eegina ee dhulka eega. Ilaahay u cuskada oo adkaysta, Ebbena wuu idinla jiraa. Waar isku hiiliya Ilaahayna wuu idiin hiilin oo wuu idin gargaariye.”

Kolkay gaaladii muslimiintii ku soo dhowaadeen, daruur hadhaynaysay ayaa dul taagnayd, muslimiintuna bacadkii kululaa ayay joogeen. Imaam Axmad ayaa Alle baryay oo duceeyay, isaga oo leh:

“Ilaaha Jiree Joogoow, Ilaaha Abuuray cirkiyo dhulkoow, Ilaaha Weynida iyo Karaamadu ba u sugnaadeenoow, kuwaasi waa cadawgaagii iyo cadawgii Rusushaada. Ilaahoow risiqaagay cunaan, cid aan adiga ahaynna way caabudaan. Kolkaasaad Ilaahoow u hadhaysay annagoo muslimiintii ahina bacadkii baannu taagannahay.”

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: isla kolkii uu hadalkiisii Imaamkii dhammeeyay ee uu duceeyay, ayuun bay daruurtii dhinicii gaalada ee ay hadhaynaysay ka soo wareegtay oo ay isa soo dul taagtay muslimiintii si ay u dallaalimayso. Kolkaas ayay Boqorkii xabashida iyo qoladiisii ba dhankii muslimiinta soo eegeen iyo siday isku habaynayeen.

Daruurtu way hadhaynaysay iyaga oo safafkoogiina ay isku dhegsanaayeen, warmahoogiina ay kor u wada taagan yihiin, taas oo gaaladii gelisay baqe iyo argagax. Fiqi Abuubakar Arshoone aya kacay oo calankii Imaamka khudbad la ag joogsaday. Waxa uu muslimiintii ku guubaabiyay dagaalka.

Khudbaddii buu sii waday illaa ay dadka quluubtoodii taabatay oo ay indhihiina ilmeeyeen. Wuxuu intaa ka dib yidhi:

“Ururka Islaankoow, jannadii waa la bilay, albaabadii naartana waa la xidhay, malaaʼigtiina way soo daadegtay, xuuralciintiina waa la marriimay, ku bishaaraysta nolol waarta.”

Intaa ka dibna wuxuu akhriyay aayadahan Quraanka ah:

إِنَّ اللَّهَ اشْتَرَى مِنَ الْمُؤْمِنِينَ أَنفُسَهُمْ وَأَمْوَالَهُم بِأَنَّ لَهُمُ الْجَنَّةَ يُقَاتِلُونَ فِي سَبِيلِ اللَّهِ فَيَقْتُلُونَ وَيُقْتَلُونَ وَعْدًا عَلَيْهِ حَقًّا فِي التَّوْرَاةِ وَالإِنجِيلِ وَالْقُرْآنِ وَمَنْ أَوْفَى بِعَهْدِهِ مِنَ اللَّهِ فَاسْتَبْشِرُوا بِبَيْعِكُمُ الَّذِي بَايَعْتُم بِهِ وَذَلِكَ هُوَ الْفَوْزُ الْعَظِيمِ

(Ilaahay baa muslimiinta kaga gatay nafahooga iyo xoolohooga inay janno leeyihiin. Ilaahay dartii bay u dagaallamayaan oo waxna way dilayaan waana la dilayaa. Waa ballan dhab ah oo loogu qaaday Tawraad, Injiil iyo Quraanka ba iyo cidii oofisa axdi ay Ilaahay la gashay. Ku bishaaraysta iibkiinaas aad la gasheen Ilaahay, kaasaana ah liibaanta weyn).96

Kolkaas ayay muslimiintii Imaam Axmad ku yidhaahdeen – Alle ha u naxariistee: “Annaga ayaa weerarka qaadaynna.”

Imaamku wuu diiday inay sidaa yeelaan oo wuxuu yidhi: “Halkiinna ku ekaada oo ha ku bilaabina dagaalka illaa ay iyagu innagu bilaabayaan. Warmihiinna qotomiya, gaashaamadiinnana gabbaadsada oo tallaabo keliya ha qaadina idinkoo xuska Ilaahay afka ku haya mooyaane.”

Kolkaas ayay muslimiintii meelihii ay joogeen ka soo bexeen oo ay dagaalka cadawgooga u dareereen, iyaga oo uu Imaamku ku leeyahay:

“Dadyahaw Islaamka ahi, samirku waa guul jabkuna waa hungow. Ogaada inay kuwa samraa guusha la hoydaan. Hungowga iyo fulanimadu waa labo sababood oo ka mid ah sababaha lagu hoogo. Cidda adkaysata, Ilaahay waa kii uga hiiliya cadawgiisa, waayo ilaahay baa la jira. Qofka ku samra seefaha afkooga berruu libinta gaadhaa intaa dabadeed na dhib isma arkayaan. Waayo kolkuu Ilaahay la kulmo wuxuu ku soo dhaweeyaa maamuus, oo wuxuu mahadiyaa hawshii uu qabtay Ilaahayna kuwa samra waa jecel yahay.”

Kolkii ay safafkii isku soo sinqeen ayay muslimiintii arkeen ciidan aad u fara weyn iyo seefo halcanaya. Cadawgii Ilaahay ee Wanaag Segad ayaa askartiisii ugu qayliyay inay Muslimiinta weerar ku qaadaan. Weerar bay mar qudha ku ekeeyeen dhinicii midigta ee muslimiinta. Muslimiintiina way u jilba aasteen. Garabkii midig ee gaaladuna weerareen bay garabkii bidix ee muslimiinta oo ahaa qabaa’ilkii Soomaalida ku qaadeen. Qabaa’ilkii Tigraay iyo badriiqyadoodii inkaarraa ayaa badhtankii muslimiinta ee uu Imaamku ku jiray weeraray. Kolkaas ayay Imaamka iyo askartiisii kala hor yimaaddeen quluub Islaan ah iyo han Maxamadiya ah. Ciidankii baa

ciidankii ku laaqmay, seefihii iyo warmihii baa galka laga saaray. Summadihii iyo astaamihii baa lala soo baxay, calannadiina way babbadeen. Xakamayaashii baa sanqadhay, fardihiina way dananeen. Siiga weyn iyo boodh

baa cirka isku shareeray. Dhididka ayaa laabihii ragga qooyay hubka ay siteen culayskiisa awgii. Waxa keli ahaa ee ragga laga maqlayay guux buu ahaa, fardahana reen uun baa laga maqlayay, seefaha ku dhacayay gaashaamada awgood. Koofiyadihii birta ahaa oo aad mooddo ugac gorayo ayaa si weyn uga dul muuqday labada qoloba. Yeedhe ayaa yeedhay oo yidhi:

“Umaddii Nebi Maxamadeey – naxariis iyo nabad gelyo ha u sugnaadeene – in yar adkaysta wax badan baad helaysaane. Waataa xuuralciintii seefihiinna iyo warmaha caaradooda hadhsanaysa.”

Imaam Axmad Ibraahin iyo intii la socotay ba gaashaanka ayay darruureen oo way sugnaadeen. Dagaalkii oo meel xun maraya ayuu ‘Imaamkii’ kacay isaga oo gaaladii xiiraya oo tawfiiqdii Ilaahay haya calankii guushu na

ka dul babbanayo. Haddaan u soo noqonno dhankii bidixda ee Muslimiinta oo ay Soomaalidu ka dagaallamaysay, kolkii uu dagaalkii dakaamiyay ayay jabeen. Gaaladiina kolkaasay daba galeen oo ay si xun u gumaadeen, badhna gacanta ayay ku dhigeen. Halkaa 3000 (saddex kun) ayaa Soomaalida kaga dhintay, hase yeeshee raggoogii madaxda ahaa jilbaha ayay aasteen sida: Mataan Cismaan oo ahaa Imaam Axmad seeddigii – Allaha u naxariistee – si wanaagsan buuna u dagaallamay. Waxa isna sidoo kale u dagaallamay Axmad Guray, Cali Garaad oo ay Mataan walaalo ahaayeen, Farshaxan Taal oo ay Bishaaro walaalo ahaayeen, Cali Maadjire oo ay Mataan isku qolo ahaayeen, Xuseen Muuse Cabdillaahi Maakhade, Yuusuf Latxiye oo ay Axmad Guray isku qolo ahaayeen. Allaylehe raggaa rag dheh maalintaa.

Kolkay saaxiibbadood jabeen ayay ku soo laabteen halkii Imaamku ka dagaallamayay – Allaha u naxariistee – oo Imaamka hortiisa ayay si weyn uga daggaallameen. Dhankii midigta muslimiinta ee ay Xarli ka dagaallamaysay haddaan u soo noqonno, waxa weerar ku soo ekeeyay safkii koobaad, kii labaad iyo kii saddexaad ee gaalada. Halkaas waxa ku dhex maray dagaal u wareegayay sida waadaanta ceelka lagu shubo.

Unuunkii ragga ayaa dhan walba u duulay. Gaaladii garabkii midig ee Muslimiinta ayay iskugu tegeen, Muslimiintiina adkaysi weyn bay muujiyeen. Haddana guuto kale ayaa ku soo biirtay. Intaa dabadeed, gaaladii baa Muslimiintii u riixday dhankii badhtamihii ee uu calanka Imaamku ka babbanayay. Halkaas ayuu dagaal weyni ka dhacay. Allow ma rag! Askartii Baddu97 maxay maalintaa dagaallameen! fardaha hortooda ayay ku dagaallameen. Dagaalkii lug keli ah ayuu isku taagay, illaa uu boodhkii cirka isku shareeray. Nin muslin ah oo saaxiibkii garanayay ma jirin, gaalna gaal kale ma garanayn, walaalkuna walaalkii ma daymoonayn!

Jabkii iyo Dhimashadii Xabashida

Waxa uu dagaalkii sidaa u dhex socdo labada kooxoodba, Xabashidii jaanta ayay wadheen. Waxa laga laayay kumanyaal tiro badan oo meydkoogii baa dhulka buuxiyay. Dhaawacu labada qolo ba wuu saameeyay, hase yeeshee dhanka xabashida ayuu ku badnaa.

Dagaalkii bilaabmay barqadii ayaa la isla soo gaadhay casarka dabayaaqadiisii. Muslimiintii Tahliil iyo Takbiir iyo salligii Nebigii bishaareeye-digaha ahaa ayay isku dareen. Ilaahay guushii buu soo dejiyay, gaaladiina quluubtoodii buu ku tuuray wax baqdin la yidhaah oo dabaday jeediyeen. Muslimiintii way ka daba qaateen oo waxay ka dhigeen wax ay qabteen iyo wax ay dileen illaa uu gabbalkii dhacayay. Gaaladii kumanyaal Ilaahay uuni tiradooda og yahay ayaa laga dilay, badriiqyo badanna waa la laayay oo uu ka mid ahaa badriiga la odhan jiray Roobeel oo ka mid ahaa badriiqyada Tigraay, oo uu dilay Arcadi oo adeegihii Imaamka ahaa. Waxa kale oo la dilay badriiqa la odhan jiray Cuqube Miikaa’iil oo ahaa Roobeel walaalkii, kana yaraa. Nin xoog weyn oo ba’as oo cududo adag ayuu ahaa, Imaam Axmad – Allaha weyni ha u naxariistee – ayaana dilay oo laabta kaga tummaatiyay waran uu afkiisii dhabarka ka soo saaray. Labo addoon oo dhufaannaa oo ahaa kuwii hayay khasnaddii Boqorka ayaa iyagana la laayay, kuwaas oo midkood la odhan jiray Joohar, ka kalena Mandel. Maalintaa way taagnaayeen, dushoodana calankii Bogorka ayaa ka taagnaa, iyada oo looga jeeday inaa bogorkii la moodo. Amiir Maxamad Amiir Muxumad Saxrabawi Cismaan baa Joohar dilay, Mandel se waxa dilay Del Segad oo ahaa geesigii Reer Seyma. Waxa kale oo la dilay badriiqii Siiri Shuun oo uu dilay Garaad Diin oo ahaa guddoomiyhii Maaya guushii ka dib. Badriiq weyn oo ay Boqorka xagga hooyada xigto ka haayeen oo la odhan jiray Yuu’eel ayaa isna la dilay oo uu gacanta gooyay Garaad Shamcoon, dhabarkana Cabdinaasir tummaati kaga dhiftay, hase yeeshee, badbaaday ka dib kolkii uu baxsaday.

Nin Muslimiinta kamid ahaa oo la odhan jiray Cismaan Sheekh kana tirsanaa Qabaa’ilka Gidaaya oo maalintaa fuushanaa baqal ayaa weerar ku ekeeyay badriiq la odhan jiray Jaan Balaw Raas oo seef kaga dhuftay dhabarka. Badriiqu qalab adag ayuu sitay, hase yeeshee seeftii ayaa kala jartay qalabkii iyo diriciiba98. Labo qaybood ayuu u kala go ay oo badh dhinac u duulay badhna ku hadhay faraska dushiisii, intaa kadibna wuu aguugay. Waxa kale oo la dilay Suum Dalmat, oo uu dilay nin Muslimiinta ka mid ahaa. Badriiqa la odhan jiray Gebra Medhin oo addoomada Boqorka ka mid ahaa ayaa isna la dilay oo uu dilay nin ilka la’aa oo la odhan jiray Aw Maayade. Waxa kale oo la dilay badriiqa la odhan jiray Samnajaan oo ay ilma adeer ahaayeen badriiq Wasan Segad oo uu dilay Wasiir Cadli. Badriiqa kale ee Maha Tante ayaa la dilay oo uu fallaadh ku taaxiyay nin soomaali ahaa oo la odhan jiray Aadan madaxna u ahaa fallaadhleyda oo isha kaga dhiftay, Ilaahayna ruuxiisii ayuu naarta u dedejiyay, meel la tegana iyadaa u xun e. Waxa kale oo la dilay badriiqa la odhan jiray Wajaamo oo uu dilay nin la odhan jiray Teklaay oo ahaa Reer Agaw. Badriiqa la odhan jiray Sawangeel Baxar Nagaash guddoomiyihii Duxanu, isna waa la dilay oo waxaa dilay Cabdirasaaq Suuxe oo ay walaalo ahaayeen Amiir Mujaahid. Shuunkii Aggaame, Shuunkii Shajare, Shuunkii Nabteen iyo Shuunkii Aabaar Qali ayaa iyagana la laayay. Badriiqii Amdaw isna nin ragga ka mid ahaa oo la odhan jiray Aadamu ayaa dilay. Duuduub ahaan badriiqyada laga laayay Reer Tigraay lix iyo siddeetan bay ahaayeen oo dhammaantood ba rag wada shuumman ahaa. Hal-doorkii Reer Tigraay bay ahaayeen. Ragga haldoorka ahaa ee kale ee Tigraay laga laayay maalintaa toban kun iyo dheeraad ayay ahaayeen. Badriiqyadii kale ee la laayayna boqol iyo afar iyo toban ayay ahaayeen oo ay badriiq walba hoos imanayeen kun dagaalyahan.

Qaar kale waxa hoos imanayay shan boqol ku kalena labo boqol, ku kale na lix boqol, sidaasayna arrimuhu ahaayeen. Muslimiintu maalintaa gaalada lix boqol oo faras ayay ka boqno gooyeen.

Madaxdii iyo Raggii ku Shihiiday Shinbirokore

Ragga madaxda ahaa ee muslimiinta laga dilay waxa ka mid ahaa Xamse oo Reer Jowf ahaa, oo maalintaa shihiiday – Alle ha u naxariistee -, Xadiid Khorojo, mu’addinkii Garaad Aboon ee Kabiir Ibraahin, Fiqi Maxamad – khadiibkii Seyma -, Dalwa Baali iyo Maxamad Dawaara. Duuduub ahaan muslimiinta: Soomaali, Xarla, Mallasaay iyo Carab ba waxa maalintaa laga dilay shan kun oo Alle shahaadada u qoray oo uu jannadii nimcada lahayd u gingimay. Ilaahay wax fiican iyo xuuralciin buu ku arsaaqay oo fadligiisa ballaadhan ayuu huwiyay:

لَّهُمْ فِيهَا نَعِيمٌ مُّقِيمٌ خَالِدِينَ فِيهَا أَبَدًا إِنَّ اللَّهَ عِندَهُ أَجْرٌ عَظِيمٌ

(Waxa ay ku dhex leeyihiin nimco joogto ah. weligood ba way ku waarayaan. Ilaahay wuxuu agtiisa ku hayaa abaalin weyn).99

Muslimiintu maalintaa waxa ay boojiyeen fardo, seefo, diricyo iyo qalabka dagaalka oo aan tiro ahaan la koobi karayn. Dadka ay soo qabteen waxa ka mid ahaa badriiq weyn oo boqorka seeddigii ahaa lana odhan jiray Tekle Medhin oo ay la yimaaddeen dhulkoogii. Shan boqol oo wiqiyadood oo dahab cas ah ayuu isku furtay. Intaa ka dib, Imaamkii magaaladiisii Harar ayuu u soo laabtay, isaga oo farxad iyo raynrayn ay ka muuqato oo guul ku cimaamadan, kolkaas oo ay ahayd bishii Rajab ee sannadkaa100.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: markii ay gaaladii jabtay ee uu Ilaahayna Muslimiintii guusha siiyay ayuu Imaam Axmad ku yidhi saaxiibbadii:

“Hadda waa kaa Ilaahay gaaladii innooga hiiliyay ee iyagiina dulleeyay. Dhankaa iyo Baadiqi oo ahayd meeshii uu boqorku degganaa ee ay guryihiisuna ku yaalleen ayaan u dhaqaaqaynnaa. Waan soo burburinaynnaa, oo dhulka Xabashida ayaan dhex degeynnaa. Dhulka waan qabsanaynnaa iyagana waan wiiqaynnaa.”

Kolkaas ayay yidhaahdeen: “Imaamkii Muslimiintow, waad u jeeddaa dhibta inna heshay. Askarteennii wax badan baa dhintay dhaawacuna wuu nagu fara badan yahay, sahaydeenniina way yaraatay. Hadda aan u dhaqaaqno dhankii dhulkeenna oo ciidankeenna dib u habaynno. Mar labaad baynnu soo duuli, haddaadna amarto inaan iska degnona waannu degi oo waannu kula dagaal geli.”

Kolkaas ayuu Imaam Axmad sidaan soo sheegnay dhulkoogii soo dejiyay oo ay halkaa joogeen Shacbaan, Ramadaan iyo qayb kamid ah Shawaal.

Duullimaadkii 5aad

Dawaaro

Intaa ka dib, Imaamkii oo wata ciidankiisii ayaa duullimaad ku qaaday dhulka Xabasha, dhinaca u dhaw Dawaaro. Dhankeega ayay u sii gurguurteen oo dariiqa loo yaqaanno Jidka Webiga ayay ka galeen. Webigu waa tog weyn oo biyo badan oo yaxaasku ku tarmo oo ay dugaag iyo duurjoogba ku badan yihiin. Dawaaro iyo Baali dhexdooda ayuu maraa, badda dhanaanna dhinaca Muqdisho ayuu kaga daraa. Dhulkii Dawaaro ayuu habeen gaadhay isaga oo duullimaad ah. Ciidankii buu labo kooxood u qaybiyay, qayb uu madax uga dhigay Wasiir Nuur Ibraahin iyo qaybta labaad oo uu ku soo hadhay Imaam Axmad – Alle ha u naxariistee.

Reer Dawaaro ayuu weerarka ku ekeeyay, milaygii salaadda subaxa, hase yeeshee dagaal lama kulmin. Xoolo badan ayuu soo boojiyay, dumar iyo ciyaal badanna gacanta ayuu ku soo dhigay – Alle ha u naxariistee.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: waxa jiray shan nin oo uu ka mid ahaa Kooshin Abuubakar oo muslimiinta dhinac uga goosmay oo galay dooxo ka mid ah dooxyadii gaalada, halkaas oo ay dagaal kala kulmeen gaaladii. Muslimiintiina uma aanay kaadine weerar bay ku ekeeyeen ka dib kolkay isku diyaariyeen. Dagaal kii ugu qadhaadhaa ayaa halkaa ku dhex maray. Gaaladii baa muslimiintii ka fara badatay oo way hor jabeen, waxa se sugnaaday Kooshin Abuubakar oo is taagay. Si fiican ayuu u dagaallamay, isaga oo leh: “Ilaahay dartii haloo dagaallamo.”

Hadalkiisa waxa u badnaa oo uu ku ducaysanayay: “Ilaahoow shihiidnimo ayaan kaa baryay.”

Ilaahay wixii uu ka tuugay wuu siiyay Kooshin oo sidii uu rajaynayay ayuu ku arsaaqay. Shihiidnimaa lagu dilay – Allaha u naxariistee -, isaga oo ka soo qayb galay dagaalkii weynaa ee Shinbirokore iyo duullimaadyadii kale ba. Shinbirokore ayuu hore ugu arkay hawaawi; isaga oo fuushan baqal oo uu Fiqiguna baqasha xaggeega hore la fuushan yahay. Waxa uu yidhi:

“Malakul-mowdkii ayaa ii yimid – nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – oo inta uu dhakada i qabtay ayuu naftii iga siibay. Waxaan ku idhi: Maxaad nafta iiga qaadi? Haddaad kolley ba nafta iga qaadayso, ha ahaato jihaadka dhexdiisa oo kolkaa qaad. Isna: haye, ayuu igu yidhi.”

Dagaalkii Shinbirokore ayuu ka qayb galay, wuu nabad galay oo halkiisii buu ku noqday, ugu danbaynna Dawaaro ayaa lagu dilay, sidaan hore ba u soo sheegnay. Sidaasayna himmiladiisii ugu dhabawday oo uu Ilaahayna codsigiisii ku siiyay. Muslimiintu way aaseen, habeenkiina halkoogaas ayay u hoydeen. Maalintii labaad ayuu Imaamkii Dawaaro u diray guluf weerar ku qaaday. Dhulka Gawaatir ayay gaadheen, xoolo badan ayay soo boojiyeen, caruur iyo haweenna gacanta ayay ku soo dhigeen. Tuuladii ay soo maraan ba waxay ka dhigayeen wax la illaawo oo dhulka ayay ku simayeen, dumarkuna halkaas ayay ka barooranayeen.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Kolkay Muslimiintii gaadheen Gawaatir ayuu Imaam axmad – Allaha u naxariistee – ka daba tegey, isaga oo askartiisii kale wata. Gawaatir bay ka socdeen iyaga oo u sii jeeda dhulka Dawaaro, meel la yidhaahdo Adal Mabraq oo boojimo iyo dad ba gacanta ayay ku soo dhigeen. Badriiqa ka taliya Adal Mabraqna Abiil ayaa la odhan jiray. Muslimiinta ayuu si adag ula dagaallamay isaga oo ka difaacaya magaaladiisii. Wadiiqa yar oo cidhiidhi ah ayuu u galay oo halkaa baa la isku haleelay. Markaas ayay muslimiintu jebiyeen isaga iyo ciidankiisii ba, badriiqii Abiilna gacanta ayaa lagu dhigay oo halyeygii Takiye ayaa soo qabtay oo soo hor joojiyay Imaamka, isna naftiisii xoolo ayuu ku furtay. Takiye oo ninkaa soo qabtay, Imaamka ayaa gacanta midigta iyo lugta bidixda ka gooyay isaga oo ka gudayay xaqii Ilaahay. Takiye waa yaabe isaga oo lug iyo gacan ba go’an ayuu badriiqaa gacanta ku dhigay. Duullimaadyadii iyo gujooyinkii oo dhan ba wuu ka wada qayb qaatay. Safafka hore ee muslimiinta ayuu ka dagaallami jiray. Muslimiintu cagta ayay mariyeen magaaladii Adal Mabraq oo danbas bay ka dhigeen.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Badriiqa weyn ee Dawaaro haystaa Ras Buniyaat ayuu ahaa, Boqorka agtiisana wuu ku weynaa, sidaasuuna badriiq uga dhigay. Badriiqyadii oo dhan ayuu madax uga dhigay, wuxuuna ahaa nin qallafsan oo madax adag iyo shaydaan naxariista laga maydhay. Kolkii uu maqlay sidii ay muslimiintu magaalooyinkii u galeen iyo burburka ay u geysteen ee ay basaasiintiisii u soo warrameen in ay muslimiintii dhankiisa u soo socdaan ayuu urursaday ciidan xoog leh. Dariiq cidhiidhi ah oo ay muslimiintu mari lahaayeen ayuu sii hor degey oo halkaas ayuuna teendhooyinkiisii ka taagay. Jid kale oo ay muslimiintu maalinkaa mari lahaayen ma jirin. Dariiq adag oo aanay farduhu mari kareen ayuu ahaa. Muslimiintii dhexdoodii ayay tashi ka bilaabeen oo qaar baa yidhi: “Dariiq aan dib uga noqosho lahayn ayaan soo galnay.”

Kuwo kalena waxay lahaayeen: “Ilaahiina talada u dhiibta oo horay innoo wada.”

Badriiqii Abiil ayaa muslimiinta maalinkaa u xidhnaa oo biro ku cudcudnaa. Imaamkii baa codsaday in loo keeno, oo ku yidhi: “Gaaladaasi hadday jidka noo diidaan waan ku dilaynnaa, kolkaan adiga ku dilnana waan la dagaallamaynnaa, haddii annaga jihaadka la nagu dilana wax kaleba ma rabno.”

Markaas ayuu Abiil yidhi: “Aniga taasi talo iilama muuqato, tu kale ayaan se hayaa.”

Markaas ayuu Imaamkii ku yihi: “War bal talada aad hayso keen.”

Waxa uu yidhi: “Anaa gaalada farriin u diri iyaga iyo badriiqooga Ras Buniyaat ba. Waxaan ku amri doonaa inay banneeyaan jidka ay xidheen, waxaanse shardi idinkaga dhigaynaa in aynaad gubin kaniisadaha, waayo waa kuwii Bogorka.”

Wuxuu yidhi Imaamkii: “Hadday sidaa yeelaan, shuruudaada waannu oggolaan.”

Heshiiskii Dhexmaray Imaamka iyo Badriiq Ras Biniyaat

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: intaa kadib Badriiq Abiil, Badriiq Ras Buniyaat ayuu ergey u diray uu ku leeyahay: “Muslimiintii shardi baan ku xidhay inayna gubin kaniisadaha Boqorka.

Adiguna waa inaad dariiqa aad xidhay furtaa oo aad u bannaysaa. Haddaad sidaa diiddo, oo uu Ilaahay kolkaa muslimiinta guusha siiyo kaniisadaha Boqorka gubaan, Boqorku adiguu taa kugu ganaaxi.

Iminkana Muslimiinta sooryo u soo dir, hadiyadna Imaam Axmad u diyaari. Taas ayaan heshiiska kuugu galay.”

Ergadii baa socotay oo u tegtay Ras Buniyaat, isna sidaa raalli buu ka noqday. Ergey kale ayuu isna u soo diray Imaam Axmad oo uu ku yidhi:

“Waxaan raalli ka noqonnay wixii uu yidhi Badriiq Abiil ee uu innagu dhexdhexaadinayay. Waxaan idiin soo diraynnaa sooryadii iyo hadiyaddii ba. Haddaad naga noqotaanna waxaan iska bixinaynnaa Jisyo.”

Imaam Axmad iyo muslimiintii ba sidaas ayay ka raalli noqdeen. Sidaas ayuu heshiiskii ku guntamay, badriiqii iyo ciidankiisiina dariiqii way banneeyeen oo way jeesteen. Muslimiintu magaaladii Ras Buniyaat ayay dhex degeen, isna muslimiintii wuu sooryeeyey oo wuu soo dhaweeyay, hadiyaddii Imaam Axmadna wuu keenay. Muslimiintu jeerdhaaf bay u sameeyeen dadkii heshiiskaa galay. Muslimiintu labo maalmood bay socdeen illaa ay gaadhayeen magaalo la yidhaahdo Masxiib oo kamid ahayd dhulka Warqaal, dagaal se kalama kulmin. Wixii yaallay way dheceen, dadkiina way qafaasheen, magaaladiina way burburiyeen oo danbas bay kaga tegeen. Waxa ay u sii dhaqaaqeen meel la yidhaahdo May Farax oo ka mid ah dhulka la yidhaahdo Jaan Anba, halkaas ayayna degeen. Xoolihii ay soo boojiyeen ayay soo saareen oo saami-shannaadkii bay ka baxsheen, afartii saami ee kalena muslimiintii baa loo qaybiyay, toban faras oo kalena way ka qaadeen.

Waxa jiray nin la odhan jiray Raajix, oo ka baxsaday dhulkii Muslimiinta una cararay dhulka gaalada ka dib kolkii uu nasaaroobay ee uu riddoobay.

Boqorkii xabashida ayaa siiyay dhul uu cashuurta ka qaato. Weerarro ayuu ku soo qaadi jiray daafaha dhulka muslimiinta oo wuu burburin jiray, dhibaatooyin badan buuna u geysan jiray. Sidaas ayuu weligiiba ahaa, illaa uu Imaam Axmad Ibraahin – Alle ha u naxariistee – hoggaanka muslimiinta qabanayay. Duullaannadii uu ku qaadayay dhulka xabashida ayuu u baxay. Kolkii uu ka ag dhowaaday ayuu ciidankiisii dejiyay meel la yidhaahdo Saqba. Imaam Axmad baa Raajix u diray farriin uu ku leeyahay:

“Muslin muslin dhalay baad tahay, iyo mujaahid mujaahid dhalay illaa waa hore. Qaddar Ilaahay bay ku dhacday inaad sidan noqoto. Imikana toobad keen oo Diintii Islaanka ku soo noqo, walaalkayo ayaad noqone, naxariista Ilaahayna ha ka quusan.”

إِنَّ اللَّهَ يَغْفِرُ الذُّنُوبَ جَمِيعًا

(Ilaahay denbi oo dhan isaga ayaa dhaafaa).101

Ergaygii markii uu gaadhay ayuu isna Imaamka u soo diray farriin kale oo odhanaysa: “Alla maxaa ka badnaa intaan geystay ee aan dilay oo aan dhacay xoolihii Muslimiinta! Waxaan ka baqayaa haddaan idin kusoo noqdo inaad waxaas oo dhan dusha iga saartaan.”

Imaamkii baa ergadii ku celiyay oo yidhi: “Waannu ku cafinnaye, soo noqo.”

Kolkaas ayuu yidhi: “Ii soo dira taliye ciidammo badan wata, anaa tusi gaalada iyo xoolohoogu ba halkay yaallaane.”

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: wuxuu Raajix ahaa nin dhulka gaalada yaqaanna oo cagta soo wada mariyay, hilimadoodana aad u bartay. Wasiir Cadli iyo ciidankiisii buu Imaamku u diray, isaga iyo Raajixna way kulmeen, oo meeshii gaaladu ay joogeen ee ay ku dhuumanayeen ayuu tusay. Saddex cisho ayay halkaas ku negaadeen, iyaga oo laynaya, xidhaya oo boojinaya fardo, addoomo iyo nimcooley fara badan. Wasiir Cadli oo uu Raajix la socdo ayaa soo noqday. Imaam Axmed bay u tegeen oo ka dhaqaaqay magaaladii Saqba oo degey meel la yidhaahdo Tarfar oo ka mid ah dhulka la yidhaahdo Daciin. Wasiir Cadli, Imaamkii oo degey Tarfar ayuu soo gaadhay. Imaamkii – Allaha u naxariistee – Raajix buu soo dhaweeyay oo uu lebbis huwiyay, wuxuuna ku yidhi sidii uu Ilaahay Quraanka ku sheegay:

إِنَّهُ لَا يَيْأَسُ مِن رَّوْحِ اللَّهِ إِلَّا الْقَوْمُ الْكَافِرُونَ

(Naxariista Eebbe kama quusato cid aanan gaalo ahayn).102

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Waxa Imaam Axmad caado u ahayd hadduu ciidanku meel dego in uu halkaa ay degeen kala baxo shan faras, marmarna toban, marmar kalena labaatan. Haddaba kolkay muslimiintu degeen Tarfar, Imaamkii sidii caadada u ahayd ayuu u baxay si uu dhulka u soo indha-indheeyo. Toban fardooley ah iyo soddon lug ah ayaa la socday, tuulo buur leggeed ku taalla ayayna yimaaddeen.

Aqal weyn baa tuulada ku yaallay, kolkaas ayuu Imaam Axmad – Allaha u naxariistee – ku yidhi: “Gurigan dabka qabadsiiya.”

Imaamku gaar buu u baxay isaga oo ay la socdaan Farshaxan Cali oo ahaa guddoomiyihii Angoot, Del Segad oo ahaa guddoomiyihii Daciin, Garaad Sadiiq, Garaad Shihaab oo ahaa guddoomiyihii Gawaatir xorayntii kadib, Amiir Xuseen Abuubakar oo Reer Gaaturi ahaa iyo Abuubakar Siim.

Tuuladii meel u dhow ayay ku shireen, kolkaas ayay arkeen gaaladii oo doox aan ka fogeyn joogta, iyagoo dagaal isku diyaarinaya, fardooley iyo lug badanna wata. Gaaladaa waxa ka mid ahaa badriiqa la odhan jiray Faanu’iil oo Reer Dawaaro ahaa. Kadib kolkii uu colkaa arkay, ayuu Imaam Axmad saaxiibbadii ku yidhi: “Noqosho aan ku noqonno saldhiggii innooma taal, waa inaan hadda weerar ku qaadno, Ilaahay baa guusha inna siin doona e.”

Saaxiibbadii taladaa way ku raaceen, inta ay baqlahoogii ka degeen ayay heensaysteen fardahoogii oo qalabkii bay u dhammeeyeen. Fardahoogii bay fuuleen, Amiirkiina faraskiisii buu ku xidhiidhshay faraskii Imaamka.

Way weerartameen, saaxiibbadoodna way la weerartameen. Kolkay gaaladii arkeen Imaamkii iyo saaxiibbadii ayuu Ilaahay saaray wahab iyo dulli. Iyaga oo aan dagaallamin ayay jabeen, dhiirranaantii iyo sugnaashihii muslimiinta ayaana sidaa ugu wacnaa, qofna maalintaa muslimiinta lagama dilin. Imaam Axmad iyo saaxiibbadii, saldhiggii bay kusoo laabteen milaygii salaadka Casar oo way u warrameen. Taliyayaashii buu ku yidhi oo ay kamid ahaayeen Wasiir Cadli, Amiir Nuur iyo madaxdii Muslimiinta: “Gaaladu in ay inna dagaan ayay doonayeen, Ilaahay baa innoo dagay. Marna isma aannaan lahayn gaalo ayaa halkan isku urursanaysa. Raggaasi meel aan innaga dheereyn ayay baryayaan oo sidaa innagaga tegi maayaan. Hadda waxa loo baahan yahay inaan ka tashanno raggaa wixii an ka yeelaynno. Waa inaan dabin u qoolnaa aynnu ku khatalaynno.”

In ay dhexdooda isla shawraan ayay ka tashadeen. Imaam Axmad baa yidhi – Allaha Sarreeyaa ha u naxariistee: “Gaaladaas hadday maalin tahay ma gaadhaynno, hase yeeshee waxaan ka daba diraynnaa basaas warkooga innoo keena iyo halka ay degayaan. Haddaan garanno meesha ay degayaan waxaan weeraraynnaa habeen oo waan isku wareejinaynnaa, dabadeedna waan qaqabanaynnaa.”

Amiirradii muslimiintu badheedhihiisii way la dheceen, oo basaas bay direen ay abaalgud ugu ballan qaadeen. Basaaskii wax uu socdo ba, halkii ay gaaladu joogeen ayuu soo helay. Dhankii Imaamka ayuu u soo noqday oo uu ku yidhi: “Gaaladii waxay isku urursadeen meel la yidhaahdo Buuru oo ah tog biyo badan oo durdur ah. Maalintii kolkay tahay buurta ayay fuulaan kolkay habeenkii tahayna togga ayay dul baryaan.”

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Imaamkii baa tabaabulshaystay oo kaxaystay labo boqol oo fardooley ah. In ay raggaa gacanta ku soo dhigaan ayay haweysteen. Waxa kale oo la socday shan boqol oo lug ah oo ahaa raggii seefaha iyo gaashaamada sitay. Ninkii la odhan jiray Raajix ayaa hor socday oo uu Imaamku ku amray in uu fardooleyda hor kaco illaa ay gaalada u dhowaanayaan oo ay halkaa sii joogaan inta uu Imaamku soo gaadhayo. Raggii habeenkii bay guureen, hilinkii baase ka qaldamay oo saldhiggii bay ku soo noqdeen. Imaam Axmad, isagu xeradii buu kaga tegey Wasiir Cadli oo uu u dhiibay boojimooyinkii iyo sahaydii ba. Imaam Axmad soddon fardooley ah ayuu qaatay, intii kale se luladii baa ka xoog badatay oo saldhiggii bay seexdeen. Imaamku saldhiggii buu ka baxay kolkii uu habeenkii saddex dalooloow dalool tegey, isaga oo soddonkii halyeey ee fardooleyda ahaana wata.

Gadhwadeenkoogu geesigii Seyma ee Del Segad ayuu ahaa, waayo waa geyigii uu ku koray oo hilimadiisa iyo dawyadiisa ba wuu yaqaannay.

Fardooleyda madaxdeeda waxa ka mid ahaa: Axmad Goyta, Saxrabawi Cismaan oo ka mid ahaa geesiyada fara-ku-tiriska ahaa ee caloosha iyo niyadda adkaa. Gujooyinkii iyo duullimaadyadii ayuu ka soo wada qayb qaatay, nin sidii uu doono ba u dagaallami karana wuu ahaa; kol isaga oo faraska fuushan, kolna isaga oo lug ah. Dhulka Maaya ayuu ku shihiiday sidaan arki doonno. Way socdeen illaa ay ku dhowaadeen dabkii ay shidanayeen oogtiisii milaygii waagu dillaacay. Gaaladu meel cidhiidhi ah ayay joogeen. Ninkii Del Segad ee gadhwadeenka u ahaa ayaa sara kacay oo yidhi: “Imaamkii Muslimiintow, waa kuwaa gaaladii oo waa taa oogtoodii. Kolka waan u dhownahay.”

Imaam Axmad war kama qabin in uu ciidankii lugta ahaa ee uu iska soo hor diray saldhiggii ku noqday.

Imaamkii iyo Rag Yar oo Guul soo Hooyay

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: waxa ay Imaamka iyo ciidankii lugtu ku ballansanaayeen meel ay isla ogaayeen.

Kolkii uu Imaamku halkii gaadhay wuu ka waayay, kolkaas ayuu saaxiibbadii ku yidhi: “Hadda maxaynnu yeellaa?”

Garaad Sidiiq oo ahaa ninkii Sharkha guddoomiyaha u ahaa ayaa yidhi: “Ilaahay baynnu talo saaranaynnaa, oo waan isku wareejinaynnaa, Ilaahayna guusha wuu inna siin doonaa.”

Muslimiintii taladiisii bay maqleen oo way u bogeen. Imaamkii baa ku yidhi: “Talo waa taada.”

Fardahoogii bay heensaysteen, oo way fuuleen, qalabkoogii iyo hubkoogiina way dul saareen. Soddonka fardooley ee Imaamka – Allaha u naxariistee – la socday waxa kamid ahaa: Del Segad, Amiir Cali oo lagu naanaysi jiray Ankarasax, Garaad Sadiiq, Cabdinaasir, Ina Daar Juushu, Awraci Nuur Daar Cali, Garaad Cismaan Joohar, Amiir Xuseen Abiibakar oo Reer Gaaturi ahaa, Awraci Qaadi Cumar, Qalash Awraci Nuur, Awraci Diin, iyo Garaad Nasar Baali Garaad oo ahaa nin af tahan ah oo calool adag. Marna Imaamka kama ag tegi jirin – Allaha u naxariistee -, nin talo iyo male lagu og yahay ayuuna ahaa. Waxa kale oo ka mid ahaa Cali Waradaay oo maalintaa muslimay, islaannimadiisuna wanaagsanaatay. Nin diineed oo dadka muslimiinta u nasteexeeya ayuu ahaa. Meesha Anba la yidhaahdo ayuu ku shihiidoobay sida aan dib u sheegi doonno. Waxa kale oo raggaa kamid ahaa Daakhil, Takiye, Hugun Nuur oo ahaa ninkii Karfiin xukumi jiray iyo Rajaani Goyta Guddali Cabbaas oo ay seeddiyo ahaayeen Garaad Mansuur, oo intaa ka horna, kamid ahaa addoomaha Garaad Mansuur.

Inta uu xoreeyay ayuu weliba walaashiina u guuriyay. Waxa kale oo raggaa ka mid ahaa Wasiir Nuur Ibraahin iyo Garaad Axmooshe. Kolkii uu waagii dillaacay ayay muslimiintii mar keliya Allaahu Akbar wada yidhaahdeen oo ay gaaladii weerar badhtamaha ku ekeeyeen. Saacad baa la isku jafayay, muslimiintii se way adkaysteen. Badriiqoogii la odhan jiray Faaniil – Alla ha nacdalee – ayaa muslimiintii weerar ku ekeeyay oo ku soo hagaagay Imaam Axmad. Saacad bay isla rogmanayeen, dabadeedna Badriiqii baa jaanta wadhay. Kolkii uu ciidankiisii arkay inuu jabay ayay iyaguna dabada jeediyeen. Badriiqii Kifleh ayaa la soo qabtay oo waxa gacanta kusoo dhigay Garaad Axmooshe. Badriiqii Baryan ayaa isna la soo qabtay, si xoog ah ayuu Imaam Axmadna ugu qaylyay, qayladaas oo ka wareerisay.

Imaamku waxa uu ku yidhi: “Waar halkaa ad joogto is taag.”

Qayladii Imaamka ayuu ka yaabay. Imaam Axmad wuxuu u yeedhay innamadii u adeegayay mid ka mid ah oo uu ku yidhi: “Soo xidh oo ii keen.”

Wiilkii iyo badriiqii ayaa is qabsaday, intaa ka dibna badriiqii baa toorray la soo baxay oo inankii ku dooxay. Cabdinaasirna gaal kale ayuu gacanta ku soo dhigay oo uu ku yidhi: “Orod oo badriiqaa saaxiibkaa ah ee wareemay saaxiibkayo soo qabo oo ii keen.”

Gaalkii wuu socday oo wuu keenay, wuxuuna soo hor joojay Imaam Axmad – Allaha u naxariistee – oo xadhig ayay ku giijiyeen. Xoolo ayuu intaa ka dib isku furtay. Waxa kale oo la soo qabtay Badriiq Kuuli oo uu soo qabtay Amiir Axmooshe. Maalintaa gaalada boqol baa laga dilayl, waxaana laga boojiyay fardo iyo baglo wax ka fara badan, qofna Muslimiintii lagama dilin. Muslimiintu gaaladii Boor ayay ka baacsadeen illaa ay gaadhsiiyeen Boos meesha la yidhaahdo oo ah webi weyn oo ka hooseeya Awawalada. Intaa kadib, Imaam Axmad ayaa joogsaday oo halkaa ka taagay calankiisii illaa ay muslimiintii isku wada imanayeen, iyaga oo ahaa soddon fardooley ah, webiga dushiisii ayayna u hoydeen. Fardihii bay koorayaashii ka dhigeen oo way waraabiyeen, iyaguna halkaas ayay ku cunteeyeen. Geed seytuun ah ayay hadh galeen oo ku yaallay meel cidhiidhi ah oo buuraha dhexdooda ah; meel kadar ah oo buuraha dhexdooda ah ayay ahayd. Gaaladu sidaan hore u soo sheegnay way baxsadeen muslimiintii na way iska fadhiyeen oo gaaladii meel ay ku danbeeyeen kama aanay war qabin. Imaam Axmad salaaddii subaxa ayuu meel webiga agtiisa ah ku tukanayay. Kolkii uu salaaddii dhamaystay ee uu ku soo noqday saaxiibbadii oo geedka hoostiisii jooga, ayay arkeen nin faras cad fuushan oo dhankooga u soo cidhbinaya. Markaas ayay Amiir Xuseen iyo Farshaxan Cali Imaamka ku yidhaahdeen – Allaha u wada naxariistee: “Ninkani raggii aan shalay jebinnay ayuu ka mid ahaa.”

Imaamkii baa yidhi: “May, haddii uu kamid ahaan lahaa raggii jabay waxa ka muuqan lahaa raadkii dhididka iyo daalka.”

Sidii uu Imaam Axmad sheegayay ayuu noqday. Kolkii uu ninkii u soo dhowaaday, ayay arkeen lix boqol oo fardo ah oo wada heensaysan iyo askar lug ah oo aan la koobi karayn oo ku socday Imaamka iyo raggiisa.

Ras Biniyaat ayaa colkaa hoggaaminayay oo watay Badriiqyo badan oo Reer Dawaaro ah. Gaaladii muslimiintii bay ku soo dhowaadeen oo buurtii bay ku tiseen. Dhagax bay ku soo shiideen, Muslimiintuna geedaha ayay ku gabbanayeen. Imaamkii iyo saaxiibbadii waxa ay aammineen in halkaasi tahay halkii qiyaamohoogii ku kacayay, gaaladuna Imaamka ayay ku lahaayeen:

“Miyaanay kugu fillayn wixii ad cuntay iyo wixii aad geysatay. Maanta waad nagu soo dhex dhacday, meel aad ka baxdaana ma jirto.”

Muslimiintii Ilaahay bay amarkooga u dhiibteen, Imaamkiina wuu aamusay oo jawaab raggii uma celin. Muslimiintii dhexdoodii bay wada-tashi galeen, kolkaas ayay Imaam Axmad ku yidhaahdeen: “Hadda maxaynnu yeellaa?”

Wuxuu Imaamku ku yidhi: “Taladiinna Ilaahay u dhiibta, Ilaahay baynnu u cuskanaynnaa. Awood iyo xoog aan ta Ilaahay ahaynna ma jirto.”

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Imaam Axmad baa kusoo jeestay saaxiibbadii, oo ku yidhi: “Aniga iyo idinku arrinta waynnu u simannahay. Ilaahay u cuskada cadawga Ilaahay, oo diintiinna iyo sharcigiinna u dagaallama. Ninkii la innaga dilaa waxa uu galayaa jannada, keennii noolaadaana badhaadhe ayuu ku noolaan. Samra oo adkaysta, heegan ahaada oo Ilaahiinna ka baqa, waydin liibaaniye.”

Wuxuu yidhi: Markay gaaladii arkeen inayna dhagaxaantoodu muslimiinta soo gaadhayn ayay ula soo dhowaadeen. Nin Muslimiinta kamid ahaa oo la odhan jiray Takiye ayaa hadlay oo yidhi: “Imaam Axmadoow, gaaladii waa kuwan innoola soo dhowaaday, miyaanadna odhanayn la dagaallama intaanay idin layn?”

Muslimiintu hal bunduq oo keliya ayay haysteen, oo uu ridayay ninka la odhan jiray Cismaan. Wuu kacay oo wuu cabbeeyay, wuxuuna ku riday hoggaamiyihii ciidanka lugta ahaa oo wuu dilay. Kolkaas ayay muslimiintii kol keliya Allaahu Akbar wada yidhaahdeen. Geedaha, dhagaxa, buuraha iyo bannaankiiba way la wada dhawaaqeen. Iyaga oo ah nin qudha ayay weerar ku qaadeen. Takiyaa weerartamay isaga oo lug iyo gacan go’an oo fuushanaa baqal. Badhtanka ayuu u galay gaaladii, isaga oo seeftiisii madaxa dushiisa lulaya. Dagaal qadhaadh ayaa dhex maray, badriiqii Ras Biniyaat ayaa jabay, intii la socotayna way la jabtay.

Muslimiintiina dooxid iyo tummaati ayay la beegsadeen oo dad aad u fara badan oo aan la tirin karayn ayaa gaaladii laga laayay. Muslimiinta maalintaa qof keli ahna lagama dilin, cidina kama dhaawacmin. Waxa ay ka boojiyeen labaatan fardo ah iyo weliba baqlo iyo duruuc fara badan. Muslimiintii baa ka daba biyaysatay, laakiin in badan ma sii daba socon.

Buurtii bay ka soo degeen oo dhul aad u ballaadhan oo ku wanaagsan dagaalka fardaha ayay u soo daadegeen. Kolkaas ayuu cadawgii Ilaahay ee Badriiq Ras Biniyaat u dhawaaqay saaxiibbadii iyo ciidankiisii.

“Waar xaggeed u baxsanaysaan? Oo Boqorka maxaad ku odhanaysaan, kolkuu idin yidhaahdo ma labaatan fardooly ah oo Muslimiin ah ayaa idin jebiyay idinka oo ah lix boqol oo fardooley ah iyo ciidan lug ah oo aan tiro lahayn.”

Saaxiibbadii buu ku guubaabiyay in ay muslimiinta la dagaallamaan. Hadalkiisii bay maqleen oo dib bay u soo noqdeen, iyaga oo uu Badriiqiina hor socdo oo uu seeftiisii madaxiisa dul lulayo. Faras la odhan jiray Buurtii Dahabka oo loogu bixiyay quruxdiisa iyo midabkiisa saafiga ah awgood ayuu fuushanaa. Gaaladii – Allaha lacnadee – muslimiintii bay dib ugu soo noqdeen.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Imaamku ciidanka xagga danbe ayuu ka socday, xagga horena waxa ka socday Farshaxan Cali, Cali Waradaay, Bishaaro oo ahaa ina Juushu, Garaad Nasar Baali Garaad, Daakhil iyo Awraci Nuur Daar Cali. Gaaladii iyo safkii hore ee muslimiinta ayaa foodda is daray. Muslinkii ugu horraayay oo ahaa Cali Waradaay ayaa la fuulay Badriiqii Gawaatir oo xilligaa ag taagnaa Badriiq Ras Biniyaat. Seef buu ku dhiftay uu madixii jidhka intiisii kale kaga soocay, kolkaas ayuu Ilaahayna ruuxdiisii naarta degdeg u geeyay, meel lagu negaadana iyada ayaa u xun e. Gaaladii iyo muslimiintii saacad dharaarnimo ayay dagaallameen. Gaaladii Ilaahay baqdin xoog leh ayuu ku riday, oo kolkaas ayay dabada jeediyeen. Dad badan baa gaaladii laga dilay. Muslmimiintu gaaladii illaa dhulka Awawladah ayay sii baacsanayeen. Gurcudkii soo galay ayuun baa kala qariyay. Badriiqii Ras Biniyaat kolkii uu si daran u daalay, faraskiisiina dhibaatooday ayuu baxay. Muslimiintu Ilaahooga ayay mahadiyeen waxayna si weyn ugu farxeen guushaa iyo libinta ay soo hooyeen. Boojimo fara badan ayay la soo laabteen oo ah fardo, baqlo, duruuc, teendhooyin iyo qalab dagaal oo fara badan. Imaam Axmad baa farriin u diray Wasiir Cadli iyo ciidammadii muslimiinta isaga oo ugu bishaaraynaya guushaa iyo libintaa. Ninkii bishaarada siday milayga salaadka maqrib ayuu dhaqaaqay. Habeenkii oo dhan buu sii socday oo milaygii salaadda subaxda ayuu soo gaadhay.

Muslimiintii guusha iyo libinta ayay ku farxeen. Meel la yidhaa Qafat Awawladah oo ah tuulada Badriiq Balaw ayay degeen, kolkaas ayay muslimiintii galeen gurigii Badriiq Balaw oo way ku tukadeen. Way ku dhex eedaameen oo magacii Ilaahay baa halkaa lagu xusay. Farriin buu u diray Imaam Axmad Wasiirkii Cadli iyo ciidammadii muslimiintaba oo in ay yimaaddaan ayuu ku amray, labo cisho ka dib ayay soo gaadheen. Imaam Axmad aqalka Balaw ayuu teendhada ku joojistay. Ciidankii weerar gabagabo ah ayuu ku kiciyay dhulkii u dhexeeyay Awawladah iyo Dawaaro. Habeenkii bay socdeen, gaaladuna ma ogayn in ay muslimiintu xaggooga weerar u soo wadaan illaa ay arkeen iyaga oo soo galay oo ka dhigay wax ay dileen iyo wax ay qabteen. Muslimiintii lix cisho ayay aqalkii Balaw ku negaadeen iyaga oo sidaa ah. Intaa ka dib, dhulka la odhan jiray Sawaaxa ayay u guureen oo ay dhawr cisho joogeen, iyaga oo qabanaya, dilaya oo boojinaya.

Dib-u-Noqoshadii Imaamka ee Harar

Weriyihii-Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: In uu ku negaado dhulka Xabashida oo uu gacanta ku dhigo ayay Imaam Axmad ujeedadiisu ahayd. Dhulkii muslimiinta ayuu farriin u diray uu ku boorrinayo in ay jihaadka soo galaan oo ay isaga soo gaadhaan. Ciidankii Imaamka ayaa yidhi: “Fadhin maynno dhulka nasaarada. Waa in aan ku noqonnaa dhulkii muslimiinta horta.”

Amiirradii ayaa Imaam Axmad ku yidhi: “Aabbayaashayo iyo awawyaashayo caado uma lahayn in ay degaan dhulka Xabashida, laakiin way ku duuli jireen daafaha dhulka gaalada oo xoolo ayay ka soo boojin jireen sida lo’da iyo wixii la mid ah. In aan fadhinaase caado nooma aha.”

Imaamkii in uu dego halkaa way kaga adkaysteen. In ay siraan bay doonayeen kolkii uu ku taliyay in la dego, Ilaahay baase ka qaalib noqday.

Kolkaas ayay raggii Imaamka ku dhodhawaa, saaxiibbadii iyo dadkii uu la tashanayeyba ku yidhaahdeen: “Ciidankani wuu daalay, raalina kama aha inay degaan dhulkan. Dhulkeennii waa inaan ku celinno. Marka danbe ee aan soo duullo haddaad doonto inaan degno waan degaynnaa.”

Imaamkii sidaa wuu ka oggolaaday. Waxa ay muslimiintu soo boojiyeen xoolo aad u fara badan oo aanay weligood horay u boojin. Dad aad u fara badan baa gaaladiina ka muslimay oo Imaamka u soo racay dhulkii muslimiinta. Imaamku guluf buu diray uu madax uga dhigay ninka la odhan jiray Saxrabawi Maxamad, dhinac ka mid ah daafaha dhulka xabashida ayuuna u sii sabootiyay. Isaga oo xoolo soo boojiyay ayuu dhulkii muslimiinta ku soo noqday. Kolkii uu Imaamku niyadda ku qabtay in uu dhulka xabashida dego ayuu farriimo guramad-doon ah u diray deegaannadii muslimiinta. Amiir Maxamad Saxrabawi ciidan dhulka xabashida ku socday ayuu la baxay oo uu qaatay. Ciidankaa iyo Imaamka oo soo degaaya ayaa dariiqii loo marayay dhulka xabashida ku kulmay, kolkaas ayay soo wada noqdeen. Imaamkii iyo ciidammadii waxa ay soo gaadheen meesha la yidhaahdo Deyr oo ah tog weyn, kolkaas ayuu Imaamku ku joojiyay teendhadiisii togga cidhifkiisa. Qayb-shanaaddii boojimada ayuu gooni u saaray. Wuxuu xoolahaa u dhiibay nin lagu yaqaannay saahidnimo, Alla-caabid, xalaal-miirasho, geesinimo oo kamid ahaa ragga gurmadka iyo xoogga lahaa oo la odhan jiray Kabiir Aboon Axmad oo Reer Ganaaser ahaa. Deyr buu ka socday oo magaaladii Harar buu galay isaga oo ku cimaamadan guul iyo libin oo aad u faraxsan.

Qayb-shanaaddii iyo sakadii ayuu u qaybiyay siddeeddii kooxood ee uu Ilaahay ku xusay Kitaabkiisa Casiiska ah, bil bayna halkaa fadhiyeen.

Imaamka iyo Arrimaha Sekada

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Imaamku arrimaha Sekada ayuu kala hadlay Amiirradii iyo suldaankii uu ku beddelay walaalkii Abuubakar oo sidaan soo sheegnay magaciisa la odhan jiray Cuma Diin. Waxa uu sidaa u yeelay waayo, Suldaanka iyo amiirrada iyo kuwa kale ee taliya oo ahaa kuwii xakumayay dhulka Berru Sacdud-Diin intay Sekada soo ururiyaan ayay iska cuni jireen oo waxba kama aanay siin jirin ciddii mutaysatay ee ah fuqaro iyo masaakiin. Imaam Axmad baa ku yidhi – Alle ha u naxariistee:

“Ilaahay Islaamka ayuu innagu karaameeyay oo uu innagu ciseeyay. Xoolaha aan gaalada ka soo boojinno ayuu innoo banneeyay. Xoolo aanay aabbayaasheen iyo awawyaasheen iyo ciddii innaga horraysay oo dhami soo boojin ayaan gacanta ku soo dhignay. Way innagu filan tahay inaan cunno iyo inaan ku iibsanno qalab dagaal oo aan ku halganno. Hadday se seko noqoto, waa inaa loo qaybiyo siddeedddii kooxood.”

Amiirradii iyo Suldaankii, sidii ay arrintu ahayd ayay u sheegeen iyaga oo ka cabsanaya Imaamka – Alle ha u naxariistee: “Waan soo dhoweynaynnaa wixii aad noogu talisa ba, kaamana hor imanaynno.”

Kolkaas ayuu Imaam Axmad shaqaalihiisii dhulka oo dhan u kala diray, xoolo-dhaqatada iyo beeralayda, sidaas ayaa sekadii looga soo ururiyay.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: ciidankii buu Imaamku kala diray oo uu ku yidhi: “Mid kaste oo idinka ka mid ahi waa inuu tegaa tuuladiisii, fardihiinnana waa inaad daajisaan, qalabkiinnana diyaarsada illaa aan idiin imanayo oo aad duulaysaan. Anna hadda meesha la yidhaahdo Surba ayaan tegayaa, si aan dhulka u soo nabadeeyo oo aan u soo heshiisiiyo Soomaalida iyo riciyadda. Ciidankana waan isku soo ururin, dabadeedna waan idiin iman.”

Taladiisii bay soo dhaweeyeen oo way kala dareereen, nin walibana tuuladiisii buu tegey. Raggii amiirrada ahaana, ciddii hadhay, Suldaanka ayay ku hadhay, Imaam Axmad se dhanka Surba ayuu u dhaadhacay isaga oo wata soddon fardooley ah.

Shirqoolkii Suldaanka iyo Amiirrada

Intaa kadib, Suldaan Cumar Diin iyo amiirradii dalka ayaa ka tashaday arrintii sekada. Raggaas waxa ka mid ahaa Wasiir Nuur, Garaad Axmaooshe, Qadiin Abuubakar, Awraci Aboon Cismaan, Jaasa Cumar, Garaad Cali Xawse oo ay walaalo ahaayeen Suldaan Cumar Diin iyo Garaad Axmad Laad Cismaan. Falkaa iyo fasaadka ay wadeenna waxa ku raacay rag fiqiyo ah oo uu ka mid yahay Fiqi Abuubakar, Qaadigii Hoobat iyo Fiqi Axmad Cali oo ay walaalo ahaayeen Fiqi Nuur, qaadigii muslimiinta dhulka Xabashida. Raggaa dhammaantood Suldaanka ayay kala shawreen arrinta Sekada. Maalintaa waxay dhulka la dhex socdeen fasaad iyaga oo is leh:

“Ninkani waxa uu doonay in uu Sekada noo diido. Waa caado ka soo jeedda aabbayaashayo iyo awawyaashayo illaa xilligii Sacdud-Diin. Ninkani wuxuu doonayaa in uu buriyo annagu se burin maynno. Hadda wuxuu u baxay Surba, wax awood ah oo uu haystaana ma jirto. Waa kuwan fardihiisii halkan wada jooga. Dhammaantood waan kaxaysanaynnaa. Hadduu innoo yimaaddana waan dilaynnaa, haddii kale waa in uu dhulka nooga tago isaga iyo islaantiisa Dilwanbara Amiir Maxfuud. Ha naga baxaan oo meeshay doonaan ha tegaan; hadday doonaan Berri Carab, hadday doonaanna Maka. Waa in aanu noo iman, magaaladayadana ma doonaynno in uu soo galo.”

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Fardihii Imaam Axmed ee uu kaga tegey dalka ayay qaateen, shaqaalihiisii iyo askartiisii na way ku darsadeen. Habeen bay weerar ku qaadeen oo waxa ay la tegeen seefahoogii iyo qalabkoogii. Abuubakar Arshooni ayaa u soo galay oo ku yidhi Suldaankii iyo Amiirradii falkaa ku raacay: “Waa maxay waxan xun eed fasheen.”

Waxay ku yidhaahdeen: “Waxaan fallayba waan fallay.”

Fiqi Abuubakar bay ku yidhaahdeen: “Orod oo adigu Imaamka u teg, oo ku dheh, ha iska soo dhiibo wixii fardo u hadhay iyo qalab ba. Isaga iyo ooridiisuna halkay doonaan ha tegaan. Inaanu noo iman, mana doonaynno. Hadduu noo yimaaddona waan dilaynnaa oo waan ka nasanynaa. Ilaahay tiisayna noqon.”

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Waxa uu Fiqi Abuubakar soo gaadhay Imaam Axmad oo jooga Surba, isaga oo fadhiya oo beeraleydii wax u sheegaya oo leh: war sidaa iyo sidaa yeela. Imaamku war iyo wacaal toona ma hayn. Kolkaas ayuu Fiqi Abuubakar warqaddoodii siiyay isna wuu akhriyay wixii ku qornaana wuu gartay. Imaamku Fiqi Abuubakar buu ku yidhi: “Ku noqo oo ku dheh: waar wax aan fasaad ahayn oo aad doonaysaani ma jiree sidaad doontaan yeela. Aniguna dhulka waaban uga tegayaa.”

Kolkaas ayuu Amiirkii Xuseen Abuubakar kii Gaaturi saro kacay oo uu Imaam Axmad ku yidhi: “Waxaasi wax soconaya ma aha. Hadday dagaal doonayaan, waxaan soo ururinaynnaa askarteennii Reer Seyma, Soomaali oo ay kamid yihiin Geri, Habar Maqaddi, Xarla iyo askarteennii aan kala dirnay. Siday doonaanba waan la yeelaynnaa, dhulkana u gacan gelin maynno.”

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: kolkii uu Amiir Xuseen Imaamka sidaa ku yidhi, ayay kaceen dadkii la joogay oo dhan oo ay kamid ahaayeen: Amiir Cali, Awraci Axmad Diin, Garaad Saxarabawi Maxamad, Cabdinaasir, Axmad Goyta, Garaad Caabid, Axmadoosh, Sabrud-Diin, Saxrabawi Cismaan, Awraci Maxwi iyo Diin oo saaxiibkii ahaa. Waxa kale oo ka mid ahaa, Farshaxan Sadwat, Awraci Nuur Daar Cali, Tiyuudoros Aadan, Warjaa Aboon oo ahaa guddoomiyaha Seylac. Dhammaantoodba cod keli ah ayay ku yidhaahdeen Imaam Axmad – Alla ha u naxariistee: “Arrini waa halkaa uu dhigay Amiir Xuseen.”

Kolkaas ayuu Imaam Axmad ka socday Surba isaga oo u sii jeeda xaggoogii, afar dharaarood bayna sii socdeen. Dhulka la yidhaahdo Janaasar103 oo ku dhaw magaaladii Suldaanka ayay soo galeen. Intaa kadib, Janaasar bay ka sii socdeen magaalo la yidhaahdo Weylaqam oo ah meel qaadku aad uga baxo ayay galeen. Waa meesha ay ku soo degaan dadka muslimiinta ah ee Reer Tigraay ee ka yimaadda dhulka Xabashida.

Imaam Axmad halkaas ayuu u hoyday. Waxay ahaayeen Amiirradii ugu soo horreeyay ee Imaamka daacadda u ahaa: Garaad Nasar Baali Garaad oo uu imaamku u dhiibay talada magaalada la yidhaahdo Banjab. Kolkii uu Suldaankii maqlay in ay Imaam Axmad iyo ciidankiisii yimaaddeen ayuu ergo ahaan diray Ashraaftii, Mashaa’ikhdii, fiqiyadii, oo wuxuu ka baryay inay dhexdhexaadiyaan isaga iyo Imaamka, oo way heshiisiiyeen.

Imaamku raggii waxba kuma diidin, dabadeedna waxa uu soo galay magaaladiisii Harar isaga oo faraxsan oo guulna cimaamadan.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariisree – waxa uu yidhi: hoggaamiyahii iyo horjoogihii Qabiilka Soomaaliyeed ee Marreexaan; Xaraabo ayaa dilay addoon uu lahaa Suldaan Cumar Diin oo joogay Nogob104. Imaamkii baa ogaaday waxa uu Xaraabo ku kacay, kolkaas ayuu ku yidhi Suldaankii Cumar Diin: “Waa kaas oo nimankaa Soomaaliyeed way ku khiyaaneeyeen, addoonkaagiina way dileen.”

Imaamkii baa tabaabulshaystay isaga oo uu Suldaankiina la socdo. Socod dheer ka dib, dhulkii Soomaalida ayay galeen illaa ay gaadheen Kidaad.

Xaraabo cagaha ayuu wax ka dayay, iyaguna dhulkii Xaraabo ayay degeen. Imaamkii baa Suldaanka ku yidhi: “Hadda sidan aan yeello; anaa u diri farriin ah inuu soo celiyo fardihii oo uu iska bixiyo magtii wiilka. Hadduu sidaa yeelo wanaagsan, haddii kalena anaa ka daba tegi adiguna magaaladaadii baad ku noqon.”

Imaamkii baa Xaraabo u diray farriin ah, in uu fardaha soo celiyo, magtana u dhiibo Ashraafta Reer Calawi iyo Reer Xuseen ah – Ilaahay ha innagu anfacee. Ashraaftii baa u tegtay isaga oo jooga dhulka Hawiyaha.

Markaas ayuu yidhi: “Waan yeelay.”

Fardihii iyo magtiiba wuu soo diray oo Ashraaftii buu u soo dhiibay. Ashraaftii magaladii Kidaad ayay kusoo noqdeen. Magtii iyo fardihiiba Imaam Axmad iyo Suldaankii bay u dhiibeen. Intaa ka dib, Imaamkii baa Suldaankii ku yidhi: “Waa kaa ninkii Xaraabo bixiyay wixii aan ku xakunnay.”

Suldaankii iyo madaxdii ayaa yidhi: “Dhulkeennii aan ku noqonno.”

“Waar mayee, dhulka Baali aan ku duullo.”

Suldaankii baa yidhi: “Ciidanku wuu daalay, ilamana aha in aan wada duullo. Adiguse, haddaad doonto kaxayso ciidanka iyo madaxdiisa oo u dagaal tega Baali, aniguna waan noqon.”

Imaamkii Kidaad ayuu ku hadhay si uu ciidankii dagaalka u diyaarsado, Suldaankiina dhulkiisii Harar ayuu ku noqday. Ciidankii iyo madaxdii baa Imaamka ku yidhi: “Sideen u duulaynnaa annaga oo aan wax sahay ah haysan. Bil dhan baan halkan joognay, wixii aan sahay haysannayna waan idlaynnay.”

Imaamkii baa ku yidhi: anaa idiinka qaadi dadka dhulkan iyo Ashraafta Saadada ah hagarbax105 jihaadka innoogu kaalmeeya, sidaas ayayna ka raalli noqdeen.

Duullimaadkii 6aad

Baali iyo Taakuladii Shariifaanta

Intaa dabadeed, Imaamkii baa u yeedhay Ashraaftii, oo uu ka mid ahaa Shariif Calawi Cali oo Shaadiri ahaa, Shariif Maxammad Cumar oo Shaadiri ahaa iyo Shariif Cali Cumar oo Xuseyni ahaa – Allaha Weyni ha u naxariisto hana innagu anfacee -. Raggaa dhammaantood way yimaaddeen.

Imaamkii baa ku yidhi: “Waar hagar-bax noogu kaalmeeya, si jihaadka Ilaahay dartii loogu galo.”

“Waad naga heshaa,” bay yidhaahdeen.

Dadkii dhulkaa joogay oo dhan ayaa iyaguna sidaa yeelay. Garaad Nasar Baali Garaad ayaa isna sidaa yeelay, oo ahaa dadkii dhulkaa degganaa.

Dhul uu xukumo ayuu lahaa oo uu cashuurta ka qaato xilligii Suldaan Maxamad iyo Amiir Cali – labadaba Allaha u naxariistee -. Muslimiintii buu ugu deeqay cunto aad u fara badan. Muslimiintii sahay bay ka qaateen Kidaad oo dhanka Gobolka Baali ayay u dhaqaaqeen. Waxa ay galeen degmo ka mid ah deegaanka muslimiinta ee dhulka Jalbi oo la odhan jiray Dalfaay, ahauydna suuqii Jalbi, kolkaas ayay dadkii dhulku marti-sooreen.

Waxa ka hor yimid Shariif Haashim Cumar oo Shaadiri ahaa, Shariif Sheekh Cabdillaahi iyo Shariif Haashim oo ina Safaay ahaa oo ahaa nin saahid, Alle-yaqaan, Alle-caabude ah iyo weli caan baxay – Allaha Weyni ha u naxariisto, innagana barakadooda ha inna siiyee-. Muslimiintii bay soo dhaweeyeen. Dalfaay muslimiintii afar cisho ayay ku negaadeen, intaa kadib way is habeeyeen oo dhankaa iyo Baali ayay u dhaqaaqeen. Meel lagu magacaabo Webi oo ah tog weyn oo waddanno badan ku wareega ayay gaadheen, waana webigii aan kitaabka xaggiisa hore ku soo sheegnay. Muslimiintii way sii socdeen iyaga oo ay gaajadu diihaalisay sahayda oo yarayd awgeed. Nin waliba waxa uu dhuunyanayay sacabkiisa muggii.

Lix maalmood ayay sii socdeen, kolkaas ayay soo gaadheen jidka Baali loo marayay, meel la yidhaahdo Miisa halkaasayna degeen. Imaamku ciidankii buu u qaybiyay labo qaybood oo uu badhkii madax uga dhigay Awraci Aboon, wuxuuna ka dhaqaaqay dariiqii Sarjad illaa uu gaadhayay Qaaqama, kolkaas ayuu ku yidhi: “Annaga iyo idinku waxa aan ku kulmaynnaa meesha la yidhaahdo Adal Jalaat.”

Awraci Aboon dawga Caqri ee Baali loo maro ayuu qaaday, Imaamkuna daw kale oo aan kaa ka fogayn ayuu qaaday. Niman nasaaro ah oo Reer Baali ah oo yimid dhulka muslimiinta si ay u islaamaan ayuu la kulmay. Meesha ay ka yimaaddeen ayuu Imaamku ka waraystay.

Waxa ay yidhaahdeen: “Reer Baali ayaan nahay, oo Jalbi baan ku soconnaa si aan u islaanno oo aan Diintiinna u soo galno. Waxa caado u ahayd dadka Reer Baali kolkay imanayaan Wabat in ay soo maraan Jalbi oo ay kolkaa Suldaanka u yimaaddaan.

Imaam Axmad baa ku yidhi: “Miyaydaan warkayaga maqal?”

Waxa ay yidhaahdeen: “Maya cidna nooma kiin sheegin, dadka dhulkuna warkiinna ma hayaan.”

Dhulka iyo badriiqyadii joogay ayay ka waraysteen. Kolkaas ayay yidhaahdeen: “Dhulka waxa ka taliya oo leh Asmaaj Degalhaan oo ah Boqorka seeddigii. Hadda Boqorka ayuu u tegey, dhulkana badriiq kale oo la yidhaahdo Shankuur ayuu kaga sii tegey. Magaalada ayuu joogaa hadda isaga iyo ciidankiiba.”

Imaamkii baa yidhi: “Hadda ma magaaladuu joogaa?”

Waxay ku yidhaahdeen: “Waxa uu joogaa Sallah, Qaaqamana waxa jooga Tekle Haymanoot.”

Weriyihii – Allah Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Tekle Haymaanoot Muslin buu ahaan jiray, wuxuuna ahaa addoon uu leeyahay Garaad Aboon kolkii uu wasiirka ahaa. Markii Garaad Aboon la dilay, Imaamka ayuu raacay, nin geesi ah ayuuna ahaa. Kolkii riciyadda taliye looga dhigay ee uu dulmiyay ee uu dhibay ayay Imaamka kaga ashkatoodeen. Imaamku wuu casilay, isna dhulkiisii ayuu ku noqday. Bogorkii Xabashida ayuu u tegey, oo isna u dhiibay magaalada Qaaqama oo uu garaad uga dhigay.

Intaa ka dib, Imaamka ayaa weyddiiyay: “Waar ma magaalada dhaadheceega ayuu joogaa mise xaggeega sare?”

Waxa ay ku jawaabeen: “Kolkii hore wuxuu joogay dhankeega sare, iminkase Qaaqama dhankeega hoose ayuu u dhaadhacay.”

Imaamkii baa ku yidhi: “Mana tusi karaysaan?”

“Waad naga heshaa,” bay yidhaahdeen.

Imaamkii baa ku yidhi: “Haddaan hadda soconno goorma ayaan gaadhaynnaa?”

Waxa ay yidhaahdeen: “Haddaan hadda dhaqaaqno waxaan gaadhaynnaa habeenka oo ay saddex dalooloow labo dalool tegeen, xilliga suxuurta.”

Kolkii uu Imaamku maqlay hadalkoogii, ayuu ergey u diray Awraci Aboon uu ku leeyahay: “Halkaagaa joogso, talo kale ayaan ku jiraaye,” waayo intaanu warkan helin ayuu hore ugu diray gaalada si uu boojimo uga keeno.

Imaamka oo Amar ku Bixiyay in Lasoo Qabto Tekle Haymanoot

Intaa ka dib, waxa uu Imaamku iskugu yeedhay raggii lagu yaqaannay geesinimada oo ay ka mid ahaayeen: Del Segad oo ahaa halyeygii Seyma, Saxrabawi Cali, Farshaxan Sadwat, Garaad Axmadooshe, Qadiin Abuubakar, Hoobat Garaad iyo rag kale oo soddon ah. Calankii buu u xidhay oo uu u dhiibay Qadiin Abuubakar106, raggii fardooleyda ahaana wuu ku daray.

Labadii nin buu u yeedhay si ay u tusaan gaalada. Garboduub buu u xidhay si aanay u baxsan, isaga oo Imaamku ku leh: “Ciidankaa gaadhsiiya dhulka uu fadhiyo Tekle Haymanoot. Haddii aad halkaa geysaan, waan idin abaalaynnaa oo wax idinka farxiya ayaan idiin samaynaynnaa.”

“Waa yahay, oggol baan nahay” ayay ugu jawaabeen.

Amiir Abuubakar Qadiin buu ku yidhi: “Haddii aad soo qaban weydo Tekle Haymanoot oo aad ii keeni weydo isaga oo xidhan, ragga kugu tirin maynno. Mid kaste oo idinka mid ahi waa inuu u jilib dhigo intaa iyo intaa oo gaalo ah.”

Mar qudha ayay yidhaahdeen: “Waayayhay, haddii Alle yidhaah.”

Kadib kolkii ay akhriyeen Faatixada ayuu Imaamkii anba bixiyay. Milay casar ah ayay joogtay, kolkii bana way dhaqaaqeen. Imaamku farriin buu u diray Awraci Aboon uu ku leeyahay: “Jidkaagii hore uun hay.”

Imaamkii ciidanka intiisii hadhay ayuu kaxaystay, meesha la yidhaahdo Caqri ayuu soo gaadhay milaygii hiraabta. Dadka Cagri degganaa muslimiin bay ahaayeen ay gaaladu u taliso, sidaa darteed Imaamku wuu iska weydaartay.

Waxa halkaa ahayd buur weyn, oo ay muslimiintu u baxeen, ka dibna ay uga degeen dhul ballaadhan oo ka mid ah deegaanka nasaarada. Habeen aad u qabaw ayay ahayd, iyaguna habeenkii oo dhan way socdeen illaa uu waagii beryayay. Muslimiintu fardahoogii bay fuuleen, si ay u soo qaadaan lo’ dadna u soo qabsadaan oo ay u boojiyaan. Gaalo wixii ay la kulmeen oo dhanba way soo qabteen, illaa ay soo galeen meesha la yidhaahdo Adal Jelaat oo dhulka Baali ka mid ah milaygii duhurka, halkaas ayayna teendhooyinkoogii ku taagteen.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Awraci Aboon iyo ciidankiisii, Qaaqama xagga sare ayay ka soo galeen oo xoolo badan bay boojiyeen, magaaladiina cagta ayay mariyeen. Abuubakar Qadiin habeenkii oo dhan buu socday, labadii gadhwadeen oo garbo duubanna wuu is hor waday oo nin ayuu u wakiishay si aanay u baxsan. Habeenkii oo dhan bay socdeen iyaga oo sii maraya dooxyo iyo buuro. Milaygii hiraabta ayay labadii gadhwadeen is taageen. Kolkaas ayuu ku yidhi: “Waar maxaad isla taagteen.”

Waxa ay yidhaahdeen: “Meeshii uu joogay iyo oogtiisii ayaan arkaynnaa.”

Amiir Abuubakar iyo saaxiibbadii way joogsadeen si ay u wada tashadaan.

Badhkood baa yidhi: “Inta aan isku wareejinno ayaan weerar ku qaadaynnaa.”

Amiir Abuubakar baa isna yidhi: “Anigu Imaamka ballan baan ugu qaaday inaan soo qabto Tekle Haymanoot, haddaba haddaan weerar ku qaadno iminka, waxaan ka cabsi qabaa inuu gacmeheenna ka siibto. Waxaa se ila qumman inaan iska sugno illaa aan waaberiisanaynno, kolkaas ayaan weerar ku qaadaynnaa.”

Waxa ay yidhaahdeen: “Adiga ayaa taliyahayagii ah, yeel sidii kula habboonaata.”

Baqlahoogii bay ka degeen oo way fadhiisteen. Amiir Abuubakar Qadiin ayaa yidhi: “Akhriya Suuradda Yaasiin oo Ilaaha Weyn innoo barya.”

Tekle Haymanootna wax war ah kama qabin, habeenkii oo dhanna khamri buu cabbayay. Tekle Haymanoot ayaa habeenka dabayaaqadiisii ka soo baxay aqalkiisii, waayo khamri buu ku soo jeeday. Dhankii Imaamku soo marayay ayuu kaah ka arkay, waayo guryo ku yaallay jidkii ay soo mareen ayay dab qabadsiiyeen. Kolkii uu sidaa arkay, ayuu Tekle Haymanoot askartiisii la socotay ku yidhi: “Maxaad ku sheegi lahaydeen dabkaa an u jeedno.”

Waxa ay yidhaahdeen: “Wax kale ma ahee waa tuugtii malabka xadaysay amma intay xadeen bay aqallo gubeen.”

Tekle Haymanoot baa yidhi: “Anigu waxaan u malaynayaa inuu yahay dab ciidan. Fardihiinna heensaysta, illaa waagu innoo beryayo. Hadduu col yahay waan u tegeynnaa oo waan dagaallamaynnaa.”

Kama war hayn in uu Amiir Abuubakar u dhow yahay. Fardihii bay heensaysteen oo aqalkiisii bay hor fadhiisteen, cabbitaanka khamridii ayayna ku noqdeen illaa uu waagu beryayay. Amiir Abuubakar baa labadii gadhwadeen ku yidhi: “Imika midkiin ha dhaqaaqo oo saddex naga mid ahi ha raaceen, soo fiiriya Tekle Haymanoot sida uu ku sugan yahay. Haddii uu hurdo ama uu fadhiyo igu soo war celiya, ninkan saaxiibkaa ahi se wuu noo garbo duubnaanayaa. Hadaadna khiyaamayso, saaxiibkaa waan dilaynnaa Ilaahayna guusha wuuna siini doonaa.”

Gadhwadeenkii oo ay la socdaan sadexdii nin ayaa socday iyaga oo is qarinaya. Aqalkii Tekle Haymanoot ayay gaadheen, oo fardihii oo ku heensaysan daaraddii aqalka dhexdeeda ayay arkeen. Gadhwadeenkii iyo raggii la socday ayaa ku soo noqday Amiir Abuubakar oo u sheegay warkii.

Muslimiintii way faataxaysteen, guul bayna Ilaahay ka tuugeen.

Qabashadii Tekle Haymanoot iyo Ooridiisii

Markii uu waagii dillaacay ayuu Amiirku koray faraskiisii oo la odhan jiray Mubaarak. Heensihii iyo qalabkii buu dul dhigtay warankiisiina wuu qaatay. Soddonkii fardooley ee geesinnimada caanka ku ahaana fardahoogii bay fuuleen. Fardihii bay is barbar geliyeen oo garbaha ayay isa saareen iyaga oo aad mooddo dhis la raseeyay. Kolkii ay dhawaadeen ayay warmihii taageen oo ay jarihii fardaha u debciyeen. Yeedhaa dagaal ku yeedhay, kolkaas ayuu Tekle Haymanoot soo baxay oo uu faraskiisii fuulay. Saaxiibbadiina fardaha ayay boobeen. Derbigii aqalka ayay dhex joogsadeen. Muslimiintii baa ku soo dhowaaday oo arkay in ay ku dhex jiraan deyrkii oo lahaa uun kadin keliya oo uu joogsaday Tekle Haymanoot.

Derbigu mid laga dagaallami karo ayuu ahaa. Kolkii ay arrini halkaa joogto, ayuu Amiir Abuubakar weerar ku ekeeyay Tekle Haymanoot. Albaabkii buu ku xajiyay, Amiirkii Abuubakarna meel uu faraskii derbiga ka geliyo ayuu waayay. Tekle Haymanoot seef ayuu gacanta ku haystay, Amiir Abuubakarna waran ayuu gacanta ku haystay. Warankii iyo seeftii bay is weydaarsadeen, laakiin way is mari waayeen. Ciidankii nasaaradu derbigii bay ku dhex jireen, askartii muslimiinta ahaydna Amiir Abuubakar ayay daba joogeen. Kolkay halkaa marayso, ayuu weerartamay nin muslimiinta ka mid ahaa oo la odhan jiray Del Segad oo ahaa halyeygii Seyma. Derbiga ayuu ka soo daba wareegay, meel bannaan se wuu ka waayay. Faraskii buu soo kiciyay, jarihii buu u sii daayay oo wuxuu kala booday derbigii badhtankiisii isaga oo qaylinaya oo leh: “Wiilkii Reer Seyma ayaan ahay.”

Kolkii ay saaxiibbadii arkeen ayay halkii kasoo daba galeen iyaga oo aad moodayso aar lalaysa. Ciidankii baa kii kale ku darsamay oo waxa la isku qabsaday xaydaankii dhexdiisa. Tekle Haymanoot iyo Amiir Abuubakarna sidii bay isku haysteen iyaga oo aan kala adkaan oo ay muslimiintii iyo gaaladiina isku daba laynayaan. Askartii Tekle haymanoot way jabeen.

Kolkii uu Tekle Haymanoot arkay saaxiibbadii oo jabay, ayuu walam ka soo siiyay madaxa faraskiisii isaga oo ku qaylinaya saaxiibbadii oo ku leh: “Waar xaggeed u yaacaysaan?”

Kolkii uu Amiirkii arkay in uu albaabkii sii daayay ayuu ka soo daba galay. Tekle Haymanoot dib buu ugu soo noqday Amiir Abuubakar oo waa la is galay. Nin gaalada ka mid ahaa ayaa weerar ku soo ekeeyay Amiir Abuubakar si uu gacan u siiyo Tekle Haymanoot. Waxa isna gaalkii Amiirka ku socday weerar ku soo qaaday nin muslin ah oo la odhan jiray Saxrabawi Cali oo warankiisii ayuu kala jaray inta aanu Amiirka ku dooxin. Mar kale ayuu haddana seef madaxa kaga dhuftay, faraskii buu ka dhacay, oo gacanta ayuu Saxrabawi Cali kolkaa ku dhigay. Amiir Abuubakarna Tekle Haymanoot ayuu weerar ku ekeeyay isaga oo adeegsanaya calool adayggiisa oo u boodaya sidii aar ugaadh ku degey. Kooraha dushiisii ayuu ka soo rujiyay oo gacanta ayuu ku dhigay. Intaa dabadeed wuxuu kexeeyay isaga oo wahabka saaran awgii ciddi ka yar. Kolkii ay askartii arkeen inaa hoggamiyahoogii la qabtay ayay cagaha wax ka dayeen, uun badan baana laga laayay, fardihii se meel ay ka baxaan bay waayeen, sidaa awgeedna waa la wada boojiyay. Islaantii Tekle Haymanootna aqalkeegii baa lagu dhex qabtay. Imaam Axmad bay u direen nin u bishaareeya oo ugu tegey Adel Jalaat, kaas oo ugu hanbalyeeyay guusha iyo libinta iyo inaa gacanta lagu dhigay Tekle Haymanoot iyo naagtiisii ba. Amiir Abuubakar Imaamkii buu ku noqday, Tekle Haymanootna Imaamkii buu soo hor joojay. Kadib kolkii uu soo noqday ayuu Imaamku ninkii u diray xaakinkii Cadan fadhiyay oo uu u hadiyadeeyay, islaantiisiina Imaamka ayaa la wareegay oo way u dhashay oo dagaalladii furashada Xabasha ayay kala qayb qaadatay, magaceegiina Imaamku gabadhaa Haajira ayuu u bixiyay.

Kolkii uu waagii beryay ayuu Imaamku Kooshin Garaad Nuur hoggaan uga dhigay ciidammadii oo uu kuwo kalena ku biirshay, kuna yidhi: “Adigu waxa aad nala daba socotaa xoolaha aan soo boojinnay iyo agabkeenna.”

Imaamkii ciidankiisii buu hor dhaqaaqay, meesha la yidhaahdo Waanabaat ayayna soo gaadheen oo ah tog weyn oo buuxa sida Webiga. Ciidankii buu kala diray oo way soo boojiyeen bidix iyo midig ba, xoolo fara badan bayna gacanta ku soo dhigeen. Togga cidhifkiisa ayay teendhooyinkii ku joojisteen. Muslimiintu xeradii bay ku soo noqdeen milayga maqribka.

Habeenkii halkaa togga dushiisa ayay u hoydeen, Kooshinna boojimadii iyo raxankii buu ula hoyday meel ka danbaysa. Kolkay waaberiisteen ayuu Kooshin yimid. Intaa ka dib, ayuu ‘Imaamku’ xidhay calan uu u dhiibay Amiir Saxrabawi Maxammad oo ay Imaamka ilmo adeer ahaayeen.

Boqol farasley ah iyo lug faro badan ayuu ku daray, in uu ku duulo dhulka Maalo ee ku yaalla badhtamaha Baali ayuuna amar ku siiyay. Amiir Saxrabawi dhankaa iyo Maalo ayuu u dhaqaaqay, xooleheegii oo dhanna wuu soo dhacay, magaaladiina wuu burburiyay oo dab intuu sudhay ayuu danbas ka yeelay. Waxa jiray nin halyey ahaa oo muslimiinta ka mid ahaa oo la odhan jiray Cali Girah oo Surba ka yimid. Meel fog buu ka arkay gaaladii oo

fardahoogii jarihii u raaricisay, isna kii uu fuushanaa oo ahaa faras aad u dheereeya ayuu jaraha u sii daayay. Faraskii baa tufay oo sida duufaanka uga hoos baxay. Kolkaas ayuu ninkii dhulka ku dhacay oo qori baa laabta ka turqay wuuna dhintay – Allaha u naxariistee – Ilaahay baana ka ajar siin e.

Ciidammadii Imaamka oo Jebiyay Kuwii uu Badriiq Shankuur Watay

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Saxrabawi Maxamad, habeenkii dhulka Maalo ayuu beryay, maalintii labaadna wuu soo noqday isaga oo wata boojimo fara badan oo ay ka mid ahaayeen addoomo, fardo iyo xoolo ba. Imaamkii, weli Adel Jalaat ayuu ku sii negaa, meel u dhaw Sila oo ku dhacda jidka tega Baali ayuuna joogay oo ah meeshii uu ka huleelay Asmaaj Degalhaan oo ahaa bogorka seeddigii oo meeshii Imaamku uu joogay u jiray saddex maalin socod. Badriiqii la odhan jiray Shankuur kolkii uu maqlay sida uu Imaamkii ku falay Tekelle Haymanoot iyo sida uu burbur iyo baaba’ uga dhigay dhulkii Baali, ayuu isku tubbariday fardihiisii iyo ciidankiisii. Dadkii Baali oo dhan buu iskugu yeedhay, oo dhankii Imaamka ayuu u soo dhaqaaqay. Dagaal ay la galaan Imaamka ayay isku diyaariyeen. Kolkay Imaamkii u soo dhowaadeen ayuu diray dooyo107 ka koobnayd lixdan faras si ay muslimiinta uga war keenaan. Meeshii muslimiintu ay deganaayeen ayay soo gaadheen, kolkaas ayay arkeen fardahoogii oo caddaysimo ah, aradkana iska daaqaya oo colmoog ah.

Fardihii bay jaraha u raariciyeen oo dariiqii saldhigga Imaamka ayay ku soo dhaceen. Dad muslimiin ah ayay dileen, kolkaas ayay muslimiintiina isku qaylsadeen. Fardihii baa la soo jiiday, oo la saaray koorihii. Imaamkii baa faraskii gurada jaray, Farshaxan Calina wuu ka daba fuulay. Waxa sidoo kale faraska ku boobay Absame Nuur, nin saddexaad baa isna la fuulay. Jaraha ayay fardihii u sii daayeen, warmihiina way rogteen.

Imaamkii iyo saaxiibbadii baa ka daba tegey oo cagta ayay cagta u saareen, mase aanay gaadhin. Muslimiintii oo dhan baa fardihii wada fuulay, Imaamkii bay ka daba tegeen oo isna u joogsaday illaa ay isa soo wada gaadhayeen. Muslimiintii ay gaaladu laysay ayay xabaaleen oo ay awaaraha ku rogeen iyaga oo uu Ilaahay noloshoodii ugu khatimay dadkaa shihiidnimo.

Markaas ayay saldhiggoogii dib ugu soo noqdeen, oo habeenkii halkaas ayay baryeen. Imaamka, waxa u yimid niman ashraaf iyo carab ah oo degganaa gobolka Baali, isna wuu soo dhaweeyay oo wuu u labbisay.

Kolkii uu Imaamkii waaberiistay ayuu ku noqday meeshii la odhan jiray Caqri. Imaamku, dhanka Webiga ayuu Abuubakar u diray, oo ay daaqaysay lo’ badan oo ay gaaladu leedahay. Wuu socday oo gebi ahaanteedba wuu soo qaaday, habeenkiina Webiga ayuu u hoyday. Imaamku Hayaboot ayuu joogay oo subaxdii buu ka soo dhaqaaqay. Awraci Axmad Diin ayaa muslimiintii hor galay isaga oo sida wixii xoolo la soo boojiyay iyo agabtii ba. Imaamku, ciidanka dhankiisa danbe ayuu socday iyaga oo u daddaabo xidhnaa dagaal. Waxay ‘muslimiintii’ raaceen Awraci Axmad Diin oo way daba dhaqaaqeen, Imaamkiina dib buu uga yara dhacay.

Badriiq Shankuur oo Rogaal-Celis Sameeyay

Ninkii Badriiq Shankuur ahaa, saaxiibbadii ayuu gaadhay oo uu u sheegay dhibtii soo gaadhay. Markaas ayay ciidankii xabashidu isku qaybiyeen saddex guuto. Muslimiintii bay ka daba tegeen, oo kolkay u dhowaadeen, ayuu amray in ay buto ciidanka xagiisa hore weerarto, butona badhtamaha, butada kalena dhabar jebiso. Qaybtii hore ayaa weerartay ciidankii Awraci Axmad Diin, isna kolkii uu arkay ayuu weerar ku qaaday. Halkaa dagaal qadhaadh baa ku dhex maray. Kolkii ay gaaladu muslimiintii ku tuulmeen ayay lo’dii ka dhex galeen. Awraci Axmad Diin, isagu calankii buu halkii ku xajiyay oo keligii buu dagaallamay. Shan fallaadhood bay gaaladu ku ganeen oo ay isaga ku dhifteen, labo kalena faraskiisa ayay la heleen.

Isaga oo ay fallaadhihii ka taagan yihiin ayuu dagaallamay, hase yeeshee wuu nabad galay oo wuu bogsaday. Kolkii uu Imaamkii arkay in la is laynayo ayuu ciidankiisii xagga danbe la joogay ku qaylyay. Jaraha ayay fardihii u debciyeen, warmihiina way rogteen. Waxa raggaa ka mid ahaa Garaad Axmooshe, Amiir Cali Ankarasax, Bishaaro, iyo kuwii la mid ka ahaa ee halyeeyada fardooleyda ahaa, ciidankii Awraci Axmad Diin bayna ku biireen.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: kolkay gaaladii arkeen muslimiintii oo fardihii xaggooga u soo ganay, ayay jabeen. Imaamkii iyo ciidankii kaleba way daba qaateen oo way soo gaadheen. Gaalada iyo muslimiinta midna maalintaa dad lagama layn. Kolkay gaaladii arkeen in uu Imaamkii horay u soo galay ayay labadii buto xagga danbe ee muslimiinta weerar ku soo qaadeen. Imaamkii iyo ciidankii dhankii danbe ayay u soo noqdeen. Kolkay arkeen in uu Imaamkii soo noqday ayay gaaladii jabtay. Gaaladii labo fardooley ah oo kala ahaa, Awraci Axmad Diin iyo Garaad Axmooshe ayaa ka daba tegtay, wax ciidan lug ahi na

maba jirin. Intaa ka dib, dhankii Imaamka ayay u soo noqdeen iyaga oo fardihii ay daaleen. Gaaladii badh baa buurta dusheeda fuushanaa, kolkii ay arkeen in ay muslimiintii Imaamka dhankiisii u noqdeen ayay buurtii kasoo degeen oo ay fardahoogii soo fuuleen. Inta ay u soo dhowaadeen ayay muslimiinta ku soo taaxinayeen fallaadho illaa ay Imaamka ku soo dhowaanayeen. Imaamkii baa Awraci Axmad Diin iyo Garaad Axmooshe

ku yidhi: “Waar waa maxay waxan aan arkaa. Waar idinku maanad gaalada caydhsanin?”

“Haa,” bay ugu jawaabeen.

Waxa uu yidhi: “Oo dee haddaa sidee bay idiin soo daba galeen illaa halkan. Teendhooyinka halkan innoogu taaga socon maynnee.”

Halkii bay teendhooyinkoogii ku taagteen. Kolkay gaaladii arkeen teendhooyinkii oo la joojiyay ayay mormeen. Kuwii danbaa kuwii hore ku yidhi: “Maxaad u soo daba gasheen muslimiinta? Waa kuwaa teendhooyinkoogii taagtay. Waxaas idinkaa falay.”

Gaaladii cagaha ayay wax ka dayeen oo halkoogii bay ku noqdeen. Amiirkii Abuubakar isagu lo’dii buu dhankii Webiga ka soo dhacay oo isla maalinkaa buu soo noqday. Halkaa bay habeenkii baryeen oo ay kaga tashadeen wixii ay gaalada ka yeeli lahaayeen. Imaamkii baa saaxiibbadii ku yidhi: “Reer Baali ma aamminaynno, oo waa shayaadiin. Waar dadkii hore ee yaqaannay raggani sida ay u tashadaan ayaa ka jooga?”

“Garaad Kaamil ayaa garanaya”, ayay yidhaahdeen.

Ninkaas oo ahaa Imaamka seeddigii qabayna Muunisa oo uu dhalay ninkii shihiidka ahaa ee Saxrabawi Garaad Cismaan. Imaamkii buu ku yidhi: “Anaa garanaya warka Ree Baali iyo siday u tashadaan.”

Imaamkii baa ku yidhi: “Dheh waxaad hayso.”

Waxa uu yidhi: “Reer Baali safsaf uma diriraan. Qaroome iyo dagitaan ayay ku dagaallamaan. Haddaad ciidanka hor gasho, ciidanka xaggiisa danbe ayay weerarayaan, haddii aad ku soo noqotona markaaba way jabayaan. Waataa khiyaanadooda iyo falkoogu. Kolkaa idinkaa yaqaan waxaad ka falaysaan.”

Imaam Axmad baa yidhi: “Annaguna dabin baan u qoolaynnaa.”

Kolka ay tahay waaberigii, ayuu Imaam Axmad ku yidhi Amiir Abuubakar, Amiir Mujaahid, Absame Nuur iyo Jamaalud-Diin Garaad Wadaag oo uu ku ladhay lixdan farasley ah: “Ciidanka dhankiisa hore socda, oo hankiinna danbe ha soo daymoonina wixii xagga hore idinka ga yimaadana la dagaallama idinka oo socda. Ha noosoo gurmannina, annaguna idiin soo gurman maynno.”

Ciidanka intii hadhay buu Imaamku haddana ku yidhi: “Dhanka danbe ayaad idinku ani ila joogaysaan.”

Kolkii uu waaberiistay ayay Amiirkii iyo saaxiibbadii ciidankii hor galeen, boojimadii, addoomihii, xoolihii iyo agabtiina waa la daba dhaqaajiyay.

Imaamku boojimada ayuu daba socday isaga iyo ciidankiisuba iyaga oo isku diyaarshay dagaal. Cidhifkii xooluhu daaqayeen ayay gaadheen. Imaamku wax war ah gaalada kama hayn, halka ay baryeenna ma ogayn.

Mar keliya ayay ku soo dareereen iyaga oo aad ayax mooddo oo iska dhigay afar qaybood. Labo badriiq baa abbaaray Amiir Abuubakar iyaga oo ciidamadoodii wata, oo saacad bay halkaa isku hayeen. Muslimiintu tummaati iyo wareen ayay gaalada ka dhergiyeen. Abuubakar iyo saaxiibbadiiba waxay qaadeen weerar iyaga oo wadnahoogu adag yahay oo aan jixinjix lahayn. Gaaladii way jabtay oo waxa dhegta dhiigga loo daray badriiqoogii Salamoon oo uu dilay Axmad Diin oo ay walaalo ahaayeen Amiir Mujaahid. Waxa kale oo la dilay nin kale oo badriiq ahaa oo uu dilay Amiir Abuubakar. Dad badan oo kale ayaa gaaladii laga laayay, Intii kalena baqe ayay jaanta wadheen.

Islaankii Reer Baali iyo Wanaag Jaan

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Imaamkii iyo ciidankisii haddaan u soo noqonno, ma aanay ogayn wixii qabsaday Amiir Abuubakar, kamana aanay war qabin. Iyaga oo socda ayay arkeen saddex kooxood oo gaalo ah, oo mudh ku soo yidhi iyaga oo ciidankoogii safay oo habeeyay askartoodii iyo lugtoodii ba. Badriiqa watay Siimu Wanaag Jaan ayaa la odhan jiray. Suldaan Muxamad ayuu mar hore u yimid oo wuu islaamay, Islaannimadiisiina way wanaagsanaatay. Suldaankii aad buu u maamuusay oo maamulka Ankarasax ayuu u dhiibay. Suldaan Muxammad waxa uu taliye uga dhigay ciidammadii muslimiinta ee ku duulay dhulka Baali. Wuu dhaqaaqay illaa uu gaadhayay Baali, wuuna soo dhacay oo wuu kharaabiyay. Ciidammadii nasaarada ayaa ku soo xoomay oo dagaal baa foodda la is daray. Gaaladii baa ka gol roonaatay muslimiinta oo way jabeen. Dad aad u tiro badan ayaa laga dilay, Wanaag Jaanna waa la qabtay. Wanaag Jaan Bogorkii Xabashida ee Naa’uud oo aabbo u ahaa Wanaag Segad ayaa la hor geeyay. Isaga oo garbo duuban ayay soo hor joojeen, walaalkii oo la odhan jiray Wasan Segad ayaa u shafeeco qaaday. Kolkaas ayuu boqorkii iska sii daayay, maxaa yeelay wuxuu ahaa walaalkii nin aad uu boqorku u tix geliyo oo wasiir oo kale u ahaa. In uu nasaaroobo ayaa lagu dirqiyay isaga oo uu qalbigiisu Islaannimo ku negi yahay. Intaa ka dib, Gobolka Baali ayuu Boqorkii guddoomiye uga dhigay. Baali buu degey, xukunkiisiina wuu adkaaday, fardo badanna wuu iibsaday oo way u tarmeen. Ciidan adeecca oo oggol ayuu samaystay. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu badriiqyadii Baali ku yidhi: “Isku kaalaya, war ka yimid dhanka Boqorka ayaan idiin sheegayaaye.”

Badriiqyadii baa iskaga yimid daafaha dhulka Baali oo dhan. Tiradoodu lixdan bay ahayd, mid kastaana fardo badan ayuu lahaa. Iyaga oo fardahoogiina wata ayay u yimaaddeen oo ay soo hor joogsadeen. Kolkaas ayuu ku yidhi: “Guriga soo gala aynnu khamrada cabnee.”

Gurigii bay galeen oo way fadhiisteen, kolkaas ayuu u keenay sharaabka khamro raagtay oo xoog loogu sakhraamo, iyaguna way ka durduurteen.

Kolkay badriiqyadii sakhraameen, ayuu is ula tashaday nin ay saaxiib ahaayeen oo la odhan jiray Del ba-Iyaasus. Dal ba-Iyaasus kolkaa nasraani buu ahaa, hase yeeshee dib ayuu u muslimay, markii danbena Baali ayuu ku shihiiday, isaga oo la socday Awraci Sabrud-Diin oo ay ilma adeer ahaayeen Suldaan Maxamad.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Wanaag Jaan, saaxiibkiisii aan hadda soo sheegnay ayuu ku yidhi: “Waar maxaan ka falnaa, Ilaah mahaddiiye gacmaheenna ayay ku soo dhaceene?”

Del Ba-lyaasus ayaa yidhi: “Waan wada garboduubaynnaa, kolkaana waxa aan u biraynaynnaa sida adhiga.”

Kolkii ay badriiqyadii sakhraameen ayuu Wanaag Jaan la hadlay addoomihii oo uu ku yidhi:

“Aqalka ugu gala, cudcuda oo garboduub u xidha. Intaa ka dib waxa aad sida adhiga ugu wada gawracdaan aqalka albaabkiisa.”

Sidii bay yeeleen, kolkaana fardahoogii iyo qalabkoogiiba way ka qaateen. Nin u bishaareeya ayuu u diray Suldaan Muxamad oo maalintaa joogay meesha la yidhaahdo Dakar oo ka mid ah dhulka Barru Sacdud-Diin. Waxa uu farriintaa ku yidhi: “Addoonkaagii ayaan ahay, gaaladii waxaan ku falaan ku falay oo waan dagay waanan ka aar goostay.”

Addinkii wuu socday, wuxuuna Suldaankii u siday farriinta ah: “Isoo gaadh.”

Weriyihii – Allaha Weynin ha u naxariistee – waxa uu yidhi: kolkaas ayuu Wanaag Jaan, Reer Baali oo dhan ku yidhi: “Islaama oo cuna waxa ay muslimiintu gawracaan, haddii kale wixii aan madaxdiinnii ku falay baan idinku fali.”

Dhammaan way wada islaameen, ku weyn iyo ku yar ba. Suldaan Maxammad wuu ka dib dhacay, isna addin kale ayuu diray. Markaas ayuu Suldaankii goostay in uu socdo, hase yeeshee, lataliyayaashiisii iyo raggii dawladda ayaa ku yidhi: “Xilligan dayr baa soo gashay oo ma aha xilli la baxo.”

Kolkii uu haddana Suldaankii ka dib dhacay ayuu mar kale u diray lug saddexaad oo ahaa inankiisii Siimu ee aan hore u soo sheegnay. Ninkaas ayaa Suldaankii u sharraxay oo ku yidhi: “Haddaad ii iman weydo oo aad isoo gaadhi weydo, waxa ii iman doona gaaladii. Sharcigii Ilaahay iyo Maxammad baan kugu dhaariyee isoo gaadh.”

Kolkii uu Siimu soo gaadhay ayuu Suldaankii sara kacay isaga oo ooyaya oo leh: “In aan saacad keliya dib idiinka dhaco ma aanay ahayn.”

La tashigii amiirrada iyo madaxda ayuu iska dhaafay, oo isla maalinkiiba Baali buu u anba baxay.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: haddii aan u soo noqonno dhankii Wanaag Jaan, kolkii uu inankiisa diray waxa soo gaadhay ciidan nasaaradii ah oo aad mooddo qudhaanjo, badi daraadeed.

Waxa ciidankaa soo diray Boqorkii Xabashida, waxana hor kacayay badriiqa la odhan jiray Gebra Andriyaas. Iyaga iyo Wanaag Jaan ayaa hardamayay labo cisho ama saddex. Kolkii uu arkay in ay gaaladii ka fara badan yihiin, ee uu gartay inaanu iska caabbin karayn, ayuu qaatay dumarkiisii iyo ciidankiisii ba. Dhankii dhulka muslimiinta ayuu u anba baxay. Webiga ayuu gaadhay halkaa buuna degay. Intaa ka dib, ajashii baa halkaa ku haleeshay oo webiga agtiisa ayuu ku dhintay. Qabrigiisa halkaas ayaa lagu yaqaan oo uu caan ku yahay, waana laga barakaystaa, Allaha Weyni ha u naxariistee. Saaxiibbadii halkaa bay ku aaseen, oo labo cisho ayay dul joogeen. Suldaan Maxamad ayaa halkaa ugu yimid oo wuu ku dul ooyay.

Intaa ka dib, askartiisii iyo fardihiisiiba ciidankii kale ayuu ku daray, dhankaa iyo Baali ayuuna u dhaqaagay. Badriiqii Gebra Indariyaas markuu maqlay in Suldaanka iyo ciidankiisiiba ku soo fool leeyihiin, ayuu u baxsaday dhankii Boqorka. Suldaanku labo bilood ayuu dhulkii fadhiyay.

Intaa ka dib, dhankii dhulkiisa ayuu u soo noqday. Taladii dhulka waxa uu u dhiibay amiirradii ka hooseeyay oo uu ka mid ahaa: Garaad Mujaahid Aabbihii oo la odhan jiray Garaad Cali, Awraci Sabrud-Diin, Goyta Adare, Waashe Cismaan iyo kuwo kale. Waxa isna la joogay Del Ba-lyaasus, halkaana labo bilood bay sii joogeen Suldaankii dabadii.

Intaa ka dib, Boqorkii Xabashida ayaa go’aansaday in uu isagu muslimiinta ku duulo. Wasan Segad baa la taliyay oo ku yidhi:

“Adigu tegi maysid, maadaama uu boqorkii muslimiintu dhulkiisii ku noqday. Aniga igu daa, anaa u tegiye.”

Intaa ka dib, Boqorkii waxa uu Wasan Segad ku daray ciidammo fara badan, dagaal aad u kulul ayaa halkaa ku dhex maray. Muslimiintii ma aanay jabin, illaa nin walba faraskiisii lagu dul dilayay, Ilaahayna noloshii shihiidnimo ayuu ugu khatimay. Waxa maalintaa la qabtay Shariif Nuur Axmad, ka dib kolkii ay calooshiisa gaaladii dooxeen. Hase yeeshee, Wasan Segad ayaa dib u tolay oo wuu caafimaaday.

Siimu, Wiilkii Wanaag Jaan

Hadda Siimu ayaan u soo noqonaynnaa oo ahaa ina Wanaag Jaan. Suldaankii buu ula soo noqday dhulkiisii, isna wuu karaameeyay xoolo na wuu siiyay. Garaad buu ka dhigay sidii aabbihii, illaa uu ku la duulayay Suldaan Maxammad dhulka Xabashida. Gaalada ayaa qabatay maalintii Del Meyda, in uu noqdo nasraani ayaa lagu khasbay. Badriiq buu ka dhigay halkii aabbihii, sidaa awgeed buu dagaallo fara badan kaga la hor yimid Imaamka. Kolkuu Imaamkii arkay ayuu asxaabtiisii ku yidhi: “Fardihiinna ha fuulina illaa ay idiin soo dhowaanayaan.”

Iyaga oo baqlahoogii fuushan ayay socdeen. Kolkay u soo dhowaadeen ayay fardahoogii fuuleen sidii aar lalaysa, gaaladiina kolkii ay soo dhowaadeen ayay muslimiintii fallaadho ku soo ganeen. Imaamkii iyo ciidankiisii kolkii ay weerarka ku ekeeyeen ayay ‘gaaladii’ badhkood u duseen boojimadii iyo xoolihii. Imaamka saaxiibbadii ayaa qaylyay oo yidhi: “Gaaladii way inna dageen. Waxay doonayaan inay xoolaha qaadaan.”

Sidaa daraaddeed, Imaamkii labo kooxood ayuu ciidankii u qaybiyay. Koox Garaad Axmooshe ayuu madax uga dhigay wuxuuna ku daray niman fallaadhley ah oo Soomaali ah, kana mid ahaa Mareexaan, Gurgure iyo Hawiye. Fallaadhley gaadhaysay kun nin oo dhoogta lagu yaqaannay ayay ahaayeen. Waxa sidoo kale lagu biiriyay raggii gaashaanleyda ahaa iyo fardooley illaa afafrtan nin gaadhaysay. Ragga fardaha madaxda u ahaa waxa ka mid ahaa: Garaad Axmadoosh Amiir Maxfuud, Farshaxan Sadwat iyo rag kale oo la mid ahaa oo illaa afartan gaadhayay. Imaam Axmad qaybtii kale ayuu raacay oo xaggii xoolaha ayuu u kacay. Garaad Axmooshe, ciidanka dhankiisa danbe ayuu ku hadhay isaga oo ay la joogaan saaxiibbadii. Dagaal qadhaadh ayaa dhex maray. Ninkii ugu horreeyay ee muslimiinta ka weerartamay wuxuu ahaa Del Segad, halyeygii Reer Seyma oo dagaal ku qaaday badriiqa la odhan jiray Asaraat. Asaraat bay iska hor yimaaddeen oo warmihii baa la is dhaafsaday, oo dagaal qadhaadh baa dhex maray. Del Segad ayaa dooxay Badriiqii Asaraat oo kasoo rujiyay koorihii faraska, dabadeedna dhulka la dhacay. Kolkaas ayuu nin muslin ahaa oo la odhan jiray Nasri Baali Garaad seef la dayday oo uu madaxii iyo jidhkiisii ku kala soocay, Ilaahayna naftiisii buu naarta ugu dhakhsaday. Axmooshe ayaa weerarkii holliyay, muslimiintiina way la weerartameen, hase yeeshee gaaladii saacad bay adkaysteen. Intaa kadib gaaladii way jabeen, cuur baana laga laayay.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: haddii aan xaggii Imaamka u noqonno – Alle naxariistii Janno ha ka waraabiyee – markii uu xoolihii badhtanka u galay, ayay ku soo xoomeen safaf gaaladii mushrikiinta ka mid ah iyo fardahoogii. Imaamkii safsaf buu u joojay ciidankiisii oo wuu diyaariyay. Labadii ciidan way isku soo gurguurteen oo way isku soo dhowaadeen. Nin muslimiintii ka mid ahaa oo la odhan jiray Sheekh Aadan Abuubakar oo ahaa Qaadigii Dawaaro xorayntii ka dib ayaa kacay. Khudbad buu jeediyay oo jihaad buu muslimiinta ku guubaabiyay oo akhriyay aayaddii Quraanka ahayd ee:

إِن تَنصُرُوا اللَّهَ يَنصُرْكُمْ وَيُثَبِّتْ أَقْدَامَكُمْ

(Hadaad Ilaahay u hiilisaan, isna wuu idiin hiilin oo wuu idin sugi.)108

Waxa uu yidhi: “Waxaad ogaataan inay jannadu ahaatay seefaha hadhkooga.”

Muslimiintii waxa hortaba ka weerartamay Farshaxan Xuseen Cabdillaahi Maakhade. Badhtanka ayuu gaaladii u galay oo nin faras fuushanaa ayuu dilay, kaas oo uu faraskiisii kaga dul qaaday oo aan dhulkaba u la dhicin. Amiir Maxamad Saxrabawi ayaa ka daba weerartamay, muslimiintii oo dhamina way la weerartameen, oo “Allaahu Akbar” ayay ku dhawaaqeen. Saacad baa la dagaallamay, muslimiintiina dagaal raganimo ayay muujiyeen.

In yar ka dib ba, Ilaahay muslimiintii in ay gaaladii jebiyaan ayuu ku guuleeyay. Dabada ayay jeediyeen iyaga oo dhankii ay ka yimaaddeen u sii yaacayay. Muslimiintu maalintaa khalqi aad u fara badan ayay ka dileen, guushana maalintaa uma aanay kala hadhin; kuwii danbe, kuwo dhexe iyo kuwii hore ba. Waxay socdaan ba, meel la yidhaahdo Del Baad ayay isku urursadeen. Muslimiintii baa salaan iyo bogaadin badhba badh u fidiyay, iyaga oo Allena u mahad celinaya. Nin waliba wixii isaga gaar u qabsaday buu saaxiibbadii uga sheekeeyay. Boojimadii bay urursadeen habeenkiina halkaas ayay u hoydeen. Kolkii waagii beryay ayay dhaqaaqeen illaa ay gaadhayeen meel la yidhaahdo Jidda. Xaggaa iyo dhulkoogii bay u sii anba qaadeen oo lix cisho ka dib ayay Webiga soo gaadheen. Intaa ka dib, dhulkoogii bay ku sii socdeen, iyaga oo sii maray Nogob. Imaamku magaaladiisii Harar ayuu galay isaga oo guul iyo rayn-rayn ku cimaamadan, saami-shanaadkiina dadkii mutaystay ayuu u qaybiyay. Intaa dabadeed, Imaamku Harar buu fadhiistay oo labo bilood buu joogay.

Duullimaadkii 7aad

Imaamkii oo Jihaad u Anba-Baxay Markii 7aad

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Kolkii uu Imaamku duullimaadkiisii Baali ka soo noqday ee uu labo bilood nastay ayuu hilawgiisii duullaan uu dhulka xabashida ku qaado dib ugu kacay. Dhaar buu ku galay inaanu dhulkaa nasaarada dib uga soo noqon, isaga oo halkaa ku shihiida mooyaane, kaasina duullimaad barakaysan ayuu ahaa.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Imaam Axmad – Naxariistiisa Alle ha siiyee – kolkii ay niyaddiisii duullaan iyo jihaad u sara kacday, ayuu ugu horrayntii u soo degay meel la yidhaahdo Surba oo ah dhulka Xarlada. Seylac buu farriin u diray ahayd in loo soo urursho hub iyo qalab, sida seefaha iyo wixii la mid ah. Waxa uu ka codsaday inay u soo iibiyaan madaafiic loo qaato duullimaadka dhulka xabashida lagu qaadayo. Waa loo soo iibshay codsigiisii oo toddoba madfac baa loo keenay, toddobaatatn nin oo Meheri ah oo u heellanaa jihaadkuna way soo raaceen.

Raggaa waxa watay nimanka la kala odhan jiray Siciid bin Sacbaan oo Meheri109 ahaa, Axmad bin Saleebaan oo isna Meheri ahaa iyo madaxooga oo dhammmaanba horjoogahooga ahaa; sayidkayga shariifka ah, ee nasabka iyo dhaladka ah; Shariif Maxammad bin Axmad al-Marsuuq – Allaha u naxariistee – oo ku geeriyooday meesha la yidhaahdo Baab Sari oo ka mid ah dhulka Dawaaro. Imaamka ayuu duullimaadka la galay oo wuu jihaatamay. Kolkii dhulka Xabasha oo dhan la qabsadayna, Imaamku Baab Sari ayuu siiyay si uu uga qaato cashuurta. Intaa dabadeed nimankii Meheriga ahaa iyo Shariif Maxammadba Imaamkii bay u yimaaddeen oo isna karaameeyay jihaadka ay isku soo diyaariyeen awgii. Haddana, addinno kale ayuu u diray dhan walba oo Soomaali iyo Xarlada ah. Qabaa’ilkii oo dhami way wada oogsadeen. Qabiilkii ugu horreeyay ee yimid Habar Magaddi ayuu ahaa oo uu hor socdo hoggamiyahoogii Garaad Dhaaweyd. Waxa ay ahaayeen konton fardooley ah iyo shan boqol oo lug ah. Marreexaan baa ka daba yimid oo uu hor socdo hoggamiyahoogii Axmad Xaraabo, oo ka koobnaa siddeetan fardooley ah iyo lug toddobo boqol ah. Gurgure ayaa ku xigay oo uu hor socday hoggaamiyahoogii Garaad Cabdi oo watay soddon fardooley ah iyo kun lug ah. Waxa ka daba baxay Geri oo uu hor socdo hoggamiyahoogii Garaad Mataan oo watay siddeetan fardooley ah iyo kun lug ah. Qabiilka Surba ayaa ka daba yimid oo Xarla kamid ah oo uu hor socday hoggamiyahooga Suldaan Maxammad oo iyaguna ka koobnaayeen labaatan fardooley ah iyo saddex boqol oo lug ah. Qabaa’ilkii oo wada dhan ayaa isku yimid iyaga oo isku duuban oo Eebbe dartii u baxaya. Tirada fardaha ay diyaariyeen duuduub ahaan waxa ay gaadhaysay in ka badan shan boqol. Ciidanka lugtuna waxa uu ahaa labo iyo toban kun oo aanay ku jirin kuwa sahayda iyo hawlaha kale ku tirsanaa. Imaamku teendhooyinka, Harar cidhifyadeeda ayuu ku joojistay. Reer Jurciile oo loo yaqaannay Maamile ayaa ugu kaalmeeyay afartan baqlood oo ay ka soo boojiyeen gaalada daafaha dhulkooga soo gasha. Imaamku baqlihii raggii Meherida ahaa ayuu siiyay, soddon kalena muslimiintii maal-qabeenka ahayd ayuu uga qaaday. Intaa ka dib, Imaamku jidkii loo marayay dhulka xabashida ayuu qabsaday. Islaantii Tekle Haymanoot ee uu ka soo boojiyay Baali una bixiyay Haajira ayuu kaxaystay. Amiir Saxrabawi Maxammadna naag uu soo boojiyay ayuu kaxaystay. Amiir Abuubakar oo ahaa guddoomiyaha Hoobat ayaa sidoo kale baxay. Imaamka iyo ciidankii guushu waxay socdaanba waxay gaadheen tuulo la yidhaahdo Siifa oo dhulka muslimiinta ka tirsanayd.

Dadkeegii baa Imaamka iyo askartiisii soo dhaweeyay oo aad u maamuusay, dad sidaa lagu bartay bayna ahaayeen. Siifa in geeddi ah ayay ka fogaadeen oo meesha la yidhaahdo Shiix oo ahayd tog weyn ayay degeen.

Intaa ka dib way ka dhaqaaqeen oo meesha la yidhaahdo Racabood ayay u hoydeen. Ninka la odhan jiray Shariif Maxammad Handuul oo siday saddex madfac iyo labaatan lug ah ayaa soo gaadhay oo uu hor socday nin fardooley ah. Madaafiicdii toddoba ayay noqdeen, maxaa yeelay afar baa horay loo hayey oo saddexdii dib u dhacday baa la keenay. Haddana way sii socdeen oo meel Deyr la yidhaahdo oo ka mid ah dhulka muslimiinta ayay u hoydeen. Ciidankii iyo qabaa’ilkiiba way isku wada yimaaddeen oo xoolihii ay wateen ayay shidhaysteen. Cuntadii baa loo qaybiyay askartii iyo qabaa’ilkii ba. Quraankii bay akhristeen oo way ducaysteen iyaga oo Ilaahooga Weyn tuugaya. Had iyo jeer mujaahidiintu markay Deyr marayaan ayay sidaa yeeli jireen. Haddana way dhaqaaqeen oo waxa ay u hoydeen meel la yidhaahdo Buqul Sar oo ah meesha ay iska galaan dhulka muslimiinta iyo deegaanka gaaladu. Kolkaas ayuu Imaamkii calannadii guntay. Calan madaw buu guntay, oo waxa uu siiyay Amiirka xorayntii ka dib loo baxshay Amiir Cali. Calan doog ah ayuu haddana guntay, oo uu guddoonsiiyay Amiir Saxrabawi Maxammad oo Amiir noqday xorayntii Xabasha ka dib.

Markii hore, dhulkiisa Nogob ayuu joogi jiray oo uu garaad ka ahaa. Imaamku calan cad buu guntay oo uu u dhiibay Awraci Aboon, mid kalena Wasiir Nuur Ibraahin buu u dhiibay oo wasiir noqday xorayntii dabadeed. Kolkii uu dhulkisii joogay waxa looga yaqaannay Kooshin Garaad. Calan kalena Garaad Axmooshe ayuu u dhiibay. Sidoo kale, Garaad Mataan oo Geri ahaa ayuu calan u dhiibay. Calan kale ayuu u dhiibay Wasiir Cadli oo xorayntii kadib wasiir noqday, kolkiisii horena ahaa Heeganihii110 Seyma. Calanka Imaamku maalinkaa hurdi buu ahaa. Imaamku, ciidammadii saddex guuto ayuu ka dhigay. Reer Seyma, Marreexaan, Bartire oo Habar Maqaddi ah, Reer Gawaatir oo dhan ayuu gaas iskaga dhigay, hogaanshena waxa uu uga dhigay Wasiir Cadli. Reer Haragaaya, Reer Shawa111 oo reeraha Kooshin ahaa oo koox ah ayuu u dhiibay hoggaamiyahoogii Kooshin Nuur la odhan jiray. Reer Hoobat iyaga Garaad Abuubakar Qadiin ayuu u dhiibay. Reer Gidaaya, hoggamiyahooga oo la odhan jiray Shihaabud-Diin Gidaaye Geri ayuu u dhiibay. Gaaska ugu danbeeya na, waxay ahaayeen dadkii xoogga iyo geesinnimada lagu yaqaannay oo la odhan jiray Baxar112 seefahooga oo badnaa awgood, iyagana Imaam Axmad ayaa la socday. Buqul Sar ayaa laga dhaqaaqay, labo cisho ka dibna Hawaas ayay degeen.

Imaam Axmad oo Ciidankii la Dardaarmaya

Imaamkii baa askartiisii ku yidhi: “Hadda waad arkaysaan in aan soo gaadhnay dhulkii eyga xabashaad ee Wanaag Segad. Waa kaa dariiqii Dawaarona dhankaa innaga maraya. Dariiqaa kalena waxa uu inna geynayaa tuuladii eyga nasraaniga ah ee Wanaag Segad. Haddaba jidkeen qaadnaa, taladiinna soo daaya.”

Amiir Saxrabawi Maxamad iyo Garaad Axmooshe ayaa is taagay oo yidhi: “Mari maynno jid aan ahayn ka tuulada eygaa nasraaniga ah ee Baadiqi. Iyadaan ku bilaabaynnaa oo aan cagta marinaynnaa, intaa ka dibna dhul oo dhami gacanteenna ayuu ku jiraa.”

Kolkii ay intaa yidhaahdeen ayay fadhiisteen. Dabadoodna Wasiir Cadli baa kacay oo yidhi: “Imaamkii muslimiintoow, aniga taasi talo meel maraysa ila ma aha.”

Kolkaas ayay yidhaahdeen: “War waxaad talo hayso keen.”

Waxa uu yidhi: “Haddaan dhankaa Baadiqi u kacno oo uu innaga hadho dhulkaa Dawaaro, Reer Dawaaro ayaa dhulkii muslimiinta innoo weydaaran oo burburin. Innaga iyo ciidamada magaaladana wax badani innooma dhexeeyaan. Sidaa awgeed Dawaaro ayaan ku bilabaynnaa.”

Kolkii uu Wasiir Cadli hadlay ayay muslimiintii iyo qanbaa’ilkiiba kaceen oo ay Imaamka ku yidhaahdeen: “Talo waa taa Wasiir Cadli.”

Kolkaas ayuu Imaamku Wasiir Cadli ka diray Hawaas dusheeda oo uu u diray gaaladii Doobaca si uu hagar-bax ciidamada ugaga keeno. Wasiir Cadli uu socday isaga oo uu Imaamkiina deggan yahay Hawaas. Kolkii uu Wasiir Cadli gaadhay dhulkii Doobaca lo’ buu ka soo qaaday uu Imaamkii u keenay. Imaamku lo’dii ciidankii buu u qaybiyay. Ciidankiisii buu Imaamku u qaatay dhankii Dawaaro, meel la yidhaahdo Argobbe ayuuna gaadhay.

Haddaan u soo noqonno arrintii Dawaaro, waxa halkaa ku sugnaa badriiq la odhan jiray Baxar Segad oo ah ina Wasan Segad oo isagu kolkaa Dawaaro ku sugnaa. Intaanu Imaamku iman ayuu u soo baxay dhulka Daamoot, Inankiisii Baxar Segadna Dawaaro ayuu kaga yimid. Kolkii uu Boqorkii Xabashidu maqlay in ay muslimiintii soo duuleen ayuu amar k baxshay in hataq113 laga qodo Del Meyda oo ah Dawaaro dusheeda. Waa meel adag oo rafax ah oo uu horay duullimaad ugu soo qaaday Suldaan Maxammad.

Dad badan oo tiro dhaafay ayaa Muslimiinta maalintaa laga ga dilay, guushuna halkaa gaalada ayay ku raacday. Sidaa awgeed, Boqorku Badriiqii Wasan Segad ayuu ku amray in uu hataq ama bohol halkaa ka qodo, isna wuu fuliyay amarkii Boqorka. Kolkii uu bohoshii ka fara xashay ayuu ciidankiisii iskugu yeedhay oo uu dul degay hataqdii. Intaa kadib, halkaas ayuu Baxar Segad ku geeriyooday – Alle u ma naxariistee.

Kolkii uu dhintay waxa taladii la wareegay badriiq la odhan jiray Cadliye oo ahaa Reer Baali. Ciidammo Reer Dawaaro ah iyo kuwo Reer Baali ah ayuu Cadliye isku keenayoo hataqdii bay sii dul degganaayeen dhawr ayaamood.

Imaamkiise, markii uu maqlay in ay hataqdii dul fadhiyaan, ayuu gaalo uu gacanta ku hayay oo maxaabiis ahayd ku yidhi: “Waar daw aan ahayn kaa hataqda ma garanaysaan?”

Waxa ay yidhaahdeen: “Haa waan garanaynnaa waanan ku tusaynnaa. Haddii ay ogaadaan inaad qaadday dariiq aan ahayn kii hataqdana halkooga joogi maayaan.”

Kolkaas ayuu Imaamku ciidammadiisii isku tubbaritay oo uu dhaqaaqay. Ciidanka dhankiisa hore, Suldaankii Ina Cali Yaxal ayaa ku jiray oo watay boqol iyo konton fardooley ah oo ah raggii geesinimada lagu yaqaannay. Waxa hor socday nimankii gadhwadeenka u ahaa oo dariiqa tusayay.

Imaamka iyo saaxiibbadiisii aan kolna ka fogaanaynna badhtanka ciidanka ayay ku jireen, xagga danbe Wasiir Nuur ayaa ka socday. Dariiq cidhiidhi ah ayay sii socdeen, intaa dabadeedna meel ballaadhan ayay u baxeen. Hataqdii laga hor qoday ayay xagga danbe iska dhigeen, oo milaygii casarka ayay Del Meyda gaadheen, halkaasi ayuuna ciidankii degay.

Gaaladii kolkay maqleen in ay muslimiintii qaadeen dariiq aan ahayn kii hataqda ayay meeshii iskaga huleeleen oo ay u kaceen dhanka Baab Sari oo dhulka Dawaaro kamid ah, halkaasayna isku urursadeen. Muslimiintii Del Meyda ayay ka dhaqaaqeen oo dariiq la yidhaahdo Sadaqa oo aan lahayn geed iyo dhagax toona ayay qaadeen, halkaasayna degeen. Fardihii bay dhulkoo dhan ku weerareen, bidix iyo midigba si ay hagarbax u helaan.

Hagarbixii ay soo heleen bay muslimiintii u keeneen.

Imaamkii oo Wanaag Segad u Hub Qaatay

Intaa kadibna, Imaamkii wardoonno ayuu u diray dhulkii gaalada si ay xog uga keenaan. Nimankii wardoonka ahaa markay soo noqdeen ayay Imaamkii iyo muslimiintii ku yidhaahdeen: “Gaaladii, fardooley iyo lugba meesha la yidhaahdo Baab Sari ayay isku urursadeen.”

Imaamkii baa yidhi: “Haddaan gaadhno miyay inna la dirirayaan mise waa maya.”

Waxa ay yidhaahdeen: “Horta dagaal innila dagaallami maayaan, haddaad ku dhawaataanna meel kalay u baxsan. Haddaad u dirto jeedh ciidanka ka mid ah way la dagaallamayaan, haddaadse ciidanka oo dhan kula duusho way baxsanayaan.”

Kolkaas ayuu Imaamkii ciidankiisii isku habeeyay oo uu diyaariyay. Amiir walba calankii ciidammadiisa ayuu isla taagay. Imaamkii baa yidhi: “Muslimiineey, halkaad maanta joogtaan waa Hawaas, waxa aad hore ugu taliseen in aan Dawaaro ku duulno, tii baan ku dhaqaaqnay, cid dagaal innaga la hor timidna ma jirin oo waa kuwii dagaalkeennii ka wiiqmay. Waa innagii hore ula dagaallannay ee dhulkoogii burburka iyo baaba’a ka yeelnay ee aan naagahoogii iyo caruurtoodiina kaxaysannay. Wax kolka awood ahi uma hadhin barakada Islaanka iyo ta Sayidkeenna Maxamad awgood – naxariis iyo nabadgelyo ha u sugnaadeene. Imika waxaan u dhaqaaqaynnaa dhankaa iyo boqorkii Xabashida ee Wanaag Segad, bal badheedhihiinna soo daaya.”

Waxa ay yidhaahdeen: “Waan maqalnay oo waan yeelnay, Ilaahay iyo Rasuulkiisii dartood iyo adiga dartaa Imaamkii muslimiintoow. Wax aan jihaad ahayn oo aan u soo baxnayna ma jiro. Inna mariya aan u kacno dhankii Boqorka Xabashida meel Alle meeshuu doonoba ha joogee.”

Imaamkii inta uu u mahad naqay ayuu yidhi: “Alle ha idin barakeeyo.”

Habeenkii halkii ay joogeen uun bay degeen. Waagii kolkuu beryay ayay dhankiisii ‘Boqorka Xabashida’ u dhaqaaqeen iyaga oo isku tubbariday ciidankii iyo madaafiicdii oo loo kala qaybshay ciidanka xaggiisa hore, dhexda iyo dhankiisa danbe. Imaam Axmad badhtamaha ciidanka ayuu socday, halka Wasiir Cadli uu ka socday dhanka hore, Wasiir Nuurna dhanka danbe. Dhulka la yidhaahdo Wadmaat ayay galeen. Kolkay halkaa gaadheen, ayay ka war heleen in ay nasaaradii isku urursadeen Andookiya114.

Nasaaradii Andookiya joogtay kolkay maqleen in uu Imaamkii dhankooga u soo jeedo ayay isku urursadeen kaniisaddii agteeda si ay muslimiinta uga celiyaan oo aanay u gubin. Ciidan aan la tirin karin ayay wateen oo

Reer Dawaaro dhammaantood ayaa halkaa iskugu soo ururay. Boqorkii bay warkii u direen oo ay ku yidhaahdeen: “Muslimiintii waxay kusoo socdaan kaniisaddaadii oo ay doonayaan inay gubaan.”

Badriiqyada iyo ciidankaba waxa u wada sarreeyay badriiqa la yidhaahdo Cadliyeh oo ah ninkii Baali xakumayay. Kolkii uu dhintay ina Wasan Segad ayuu Boqorka Xabashidu xukunka u sii dhiibay intii Wasan Segad ka imanayay Daamoot. Waxa uu ka war helay in ay muslimiintii dhulkii Dawaaro kaga yimaaddeen dhankii Del Meyda oo ay u soo baxeen Daamoot si ay u gubaan kaniisaddii Andaakiya. Kolkaas ayuu diray badriiq la odhan jiray Badlaay Beyt Waddad oo afkooga ka dhigan Wasiir kolka afka Carabiga loo eego. Badriiqa iyo ciidankaba waxa ka sii wada sarreeyay boqorka seeddigii oo qabay walaashii oo ahayd Walata Qalamsiis. Isaga oo qaba ayay gabadhaasi dhimatay, wuxuu se ugu xigsiimay gabadh kale oo ay xagga hooyo ka walaalo ahaayeen, lana odhan jiray Amata Watiin.

Badriiqii Asmaaj Degalhaan, waa Boqorka seeddigii e iyo badriiqa Beyt Waddad ayaa u dhaqaaqay dhankii Andaakiya si ay muslimiinta isku hor taagaan, Alla se taa waa diiday. Andaakiya ayay soo gaadheen oo ninkii Cadliyeh iyo ciidankii aan soo sheegnay ayay la kulmeen. Ergaygii baa ku dul akhriyay farriintii Boqorka oo ahayd inuu Degalhaan u wada sarreeyo. Kolkaas ayay yidhaahdeen: “Maqallay oo yeellay Boqorka,” dabadeedna way fadhiisteen.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: haddaynnu kusoo noqonno arrintii muslimiinta, waxa ay ka dhaqaaqeen dhulkii Wadmaat iyaga oo ku sii jeeda dhulka la yidhaa Ey Faras. Wadmaat iyo Ey Faras-na tog weyn oo la odhan jiray Caara ayaa u dhexeeyay oo kala gooyay. Toggaa labo waddo ayaa ka baxayay; mid hoosta ayay maraysay, cid kastaana way taqaannay, waxa se jirtay mid xagga sare maraysay oo dhif loo yaqaannay. Kolkay muslimiintu u sii socdeen Ey Faras ayay mareen dariiqii hoose. Kolkay soo gaadheen ayay la kulmeen dagaal ay kala hor yimaaddeen gaaladii oo dariiqii xidhatay. Milay casar ah. Ayay ahayd, muslimiintii halkii bay ku negaadeen, gaaladiina sidoo kale ayay yeeleen. Nin muslimiinta ka mid ahaa oo la odhan jiray Xaydar ayaa Imaamka ku yidhi: “Anaa ku tusi dariiq ka sarreeya dariiqii.”

Kolkaas ayuu Imaamkii ka dhex doortay ciidankii shan iyo toban fardooley ah oo geesiyo ah oo ay ka mid ahaayeen: Garaad Axmooshe Daar Cali, Absame Nuur, Saxrabawi Maxamad, Amiir Mujaahid, Balaw Cabdi, Caloosh, Arshuco Abuubakar oo ahaa Reer Seyma, Wasiir Cadli iyo rag badan oo iyaga la mid ahaa. Way dhaqaaqeen iyaga oo uu ninkii gadhwadeenka ahaa la socdo dariiqii sare ayayna gaadheen. Ninkii gadhwadeenka ahaa buu Imaamkii ku yidhi: “Waa maxay kani?”

Waxa uu yidhi: “Waa jidkii aan idiin sheegayay, cid taqaannaana ma jirto, nasaaro joogtaana ma jiraan.”

Kolkaas ayuu Imaamkii yidhi: “Alle ha ku barakeeyo.”

Imaamkii baa haddana yidhi: “Hadda ayaan togga ka tallaabaynnaa oo halkaa baan baryaynnaa.”

Wasiir Cadli baa yidhi: “Caawa aynnu toga sokadiisa iska barino, markay aroorta tahayna aan tallawno innaga iyo ciidankeennuba.”

Imaamkaa ku yidhi: “Anigu taladaa idinkuma raacsani. Haddan caawa togga sokadiisa barino nasaaradii baa inna ogaanaysa oo jidkay innoosii galayaan. Kolkaa dhan walba waynu seegaynnaa.”

Markay webigii ka tallaabeen ayay habeenkii dul degeen. Ciidankii ay ka yimaaddeen ayay haddana habeenkii farriin u soo direen si ay u soo dhaqaaqaan. Ciidankii baa yimidday oo habeenkii ka soo tallaabay toggii.

Ciidanka xaggiisa danbe Cabdinaasir iyo Saxrabawi Cismaan ayaa socday oo madaafiicdii bay wadeen. Milay danbe oo cishaa’i laga baxay ayay toggii soo gaadheen. Tunkooga ayay madaafiicdii u soo riteen, toggiibayna kala soo tallaabeen. Ninkii togga ka soo tallaabaaba faraskiisa ayuu fuulayay oo Imaamka ayuu la joogsanayay iyaga oo habaysan oo diyaar u ah dagaal illaa uu ciidammadii isa soo wada gaadhay, kolkaas ayay toggii dul degeen.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: haddaan u soo noqonno dhankii mushrikiinta, kolkii ay maqleen inay muslimiintii kasoo tallaabeen toggii ayay halkii ka dhaqaaqeen oo ay Amdaakiya tegeen oo ay ciidamadoodii ku biireen. Maalintii labaad ayay muslimiintii toggii ka dhaqaaqeen oo ay galeen Ey Faras. Badriiqii Degalhaan, Andaakiya shan cisho ayuu fadhiyay, Intaa dabadeed, Xaaskiisii Amata Watiin ayuu hoos ahaan ugu farriin diray uu ku leeyahay: “Walaalkaa, Boqorkii Xabashidu ciidankan buu madax iiga dhigay, anigu na taag uma hayo dagaal umana adkaysan karo. Haddii haddaba la i dilo adiguna carmali baad ku hadhi carruurtaaduna agoon. Kolkaa waxaan kaa codsanayaa in aad Boqorka igala hadasho si aan kuugu soo laabto. Ha u muujinnin in aan anigu kula hadlay.”

In ay Boqorkii kala hadasho ayay iyadna bilawday, meel badaariqada ka qarsoon bayna kula hadashay iyada oo leh: “Inankaad seeddiga u ahayd ayaad muslimiinta u dirtay si uu ulasoo dagaallamo. Haddaba haddii la dilo, anna carmali baan noqon, carruurtayduna agoon. Waxaan kaa codsanayaa inaad u yeedho si uu kuu gu yimaaddo, halkiisana dir badriiq kale oo aad ciidamada madax uga dhigto. Isagu halkaagan ha yimaaddo oo ha kugu dagaallamo.”

Hadalkii walaashii buu Boqorkii yeelay oo farriin buu u diray seeddigii Degalhaan si uu ugu yimaaddo, ciidankiina waxa uu ku yidhi: “Halkiinnaa jooga waxaan idiin soo dirayaa badriiqa la yidhaa Eslaamu oo xakuma gobolka Fatagaar.”

Geesi dagaalyahan ah ayuu ahaa oo Boqorka agtiisa ku weynaa.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: kolkii uu ergaygii soo gaadhay Degalhaan, habeennimadii ayuu ka dhaqaaqay Andaakiya isga oo u sii jeeda dhankaa iyo Boqorkii. Maalinkii danbe, ka dib kolkii uu Degalhaan tegay ayuu Eslaamuna soo gaadhay Andaakiya isaga oo wata ciidan xoog leh. Qabaa’ilka Maayada ayaa la socday oo ah nimankii fallaadhaha mariidka leh sitay. Qofka ay la helaan waxa si dhakhso ah uga daata timaha madaxiisa, isla markiibana kulaylka mariidka ayaa dila.

Waabaydaa waxa laga soo saaro geed ay yaqaannaan iyaga iyo Soomaalidu ba. Si suntaa loo sameeyo, waa in la qaado laamaha iyo xididdada oo dab lagu shido oo la kariyo dabadeedna laga guro muudkii oo rib ah oo lagu dheeho leebka afkiisa; daamurka oo gooray ayuu u midab eg yahay.

Degalhaan oo Dagaalkii Andaakiya ka Marmarsiiyooday

Haddaan u soo noqonno ciidammadii joogay Andaakiya, jidka ayay kaga hor tegeen Eslaamu. Eslaamu iyo askartii kolkii ay taas arkeen aad bay u yaab gelisay. Wuu qooqay, wuu kufriyay, wuu guuxay, oo wuu reemay.

Ciidankii badhtankiisii ayuu teendhada ku joojistay iyaga oo isku qanciyay in ay guushu xaggooga marayso. Badriiq Eslaamu, weligii dagaal muslimiinta lama gelin oo waayo-arag uma ahayn. Dhulkii Daamoot ayuu iska joogi jiray, sidaa daraadeed buu u yiddidiilo weynaa in uu guul helo oo Andaakiya na labo cisho ayuu sii joogay. Maalintii saddexaad ayay muslimiintii Andaakiya soo galeen oo kaniisadda hoosteeda ayay degeen. Kolkii uu waagii dillaacay ayuu Imaamkii fardo sahan ah u diray Reer Andaakiya, waxayna ahaayeen konton fardooley ah oo ay ka mid ahaayeen: Awraci Abuubakar, Aassar Maxammad iyo kuwa kale oo la mid ahaa, xagga kaniisadda ayayna u dhaqaaqeen. Gaaladii baa aragtay oo dabin u dhigtay.

Muslimiintii way soo galeen iyaga oo dhankii kaniisadda uun eegaya oo aanay gaaladu u muuqan. Gaaladii way iska daayeen illaa ay ka soo ag dhowaanayeen, dabadeedna way ku dareereen. Raggaasi nasaaradii Baali bay ahaayeen ee lagu yaqaannay xeeladda iyo khiyaamada. Muslimiintii waxa ay ku war heleen uun markii weerarka lagu ekeeyay. Saacad bay muslimiintii u jilib dhigeen, oo fallaadhihii baa la isku ganay. Gaaladii baa muslimiintii ka fara badatay oo labo halyey baa laga dilay, kolkaas ayayna jabeen oo ay joogsadeen meel aan fogayn. Koox fardooleydii muslimiinta ah ayaa jidkii kula kulantay oo uu ka mid ahaa: Sayidii Maxammad, Cali Goyta Goyta Caddaroox iyo Takiye oo ahaa ninkii lugta iyo gacantaba go’naa. Kolkay arkeen muslimiintii oo jabtay ayay ku yidhaahdeen: “War xaggeed u baqa cararaysaan, annaguna gurmad baanu idiin keennaye?”

Kolkaas ayay saaxiibbadoodii aan soo sheegnay guubaabiyeen, muslimiintii soo jabtayna dib bay ula noqdeen raggii soo gurmaday. Gaaladii bay ku ekeeyeen weerar nin keliya. Dabada ayay jeediyeen iyaga oo u sii baqanaya dhankii saaxiibbadood, muslimiintii Imaamkii bay ku soo noqdeen oo ay u sheegeen dagaalkii iyaga iyo gaalada dhex maray. Imaamkii baa ku yidhi: “Waar halkay gaalada safafkoogu joogaan; ma kaniisadda hoosteeda mise korkeega?”

Waxa ay yidhaahdeen: “Badriiq Eslaamu, isagu dhanka kaniisadda ka sarraysa ayuu ka yimid, kolkaa ciidammadiisii iyo fardihiisiiba geedaha dhexdooda ayuu safay. Badriiq Abeet iyo saaxiibbadii se, kaniisadda dhankeega bidix ayay degeen oo halkaa bay ku dhuumanayaan si ay innoo dagaan.”

Kolkii aan u dhaqaaqnay dhankii Eslaamu ayay kuwaasi naga daba yimaaddeen, taladoodii buuna Ilaahay ku rogay. Abeet nin qallafsan buu ahaa, Imaamkana waraaq buu u qoray isaga oo joogay dhulka Arcan. Waxa uu ku yidhi: “Dagaalku waa maalinba dhan. Ilaahay baa nooga kaa hiiliyay goobtii Shinbirokore, oo raggayagii baad laysay, geesiyadayadii baad kala geysay. Imika haddaba naga teg, ha kugu fillaato waxaad noo geysataye. Haddaad sidaa yeeli weydo Ilaahay wuu idin rogi sidii uu u rogay tuuladii Luud. Ha is cajabin.”

Imaamku hadalkiisii buu ku qoslay, dabadeed muslimiintii buu la tashaday oo uu ku yidhi: “Bal eega gaalkaa Abeet iyo warqadduu ii soo diray ee uu iigu caga juglaynayo. Isaga iyo saaxiibbadiiba meel bay innoo galeen. Haddaynnu u dhaqaaqno dhanka Eslaamu dhabarjebin bay innooga soo daba dhaqaaqi. Haddaynnu u dhaqaaqno xagga gaalkaa Abeetna Eslaamu iyo ciidankiisa ayaa dusha innagaga iman. Waar maxaad hadda ku talinaysaan?”

Wasiir Nuur ayaa is taagay oo yidhi: “Dagaalku waa xeelad, anigu talo ayaan kuu soo jeedine ku dhaqaaq hadday kula noqoto.”

Imaamkii baa yidhi: “Taladaada soo daa.”

Waxa uu yidhi: “Gaaladaa innoo gabbanaysa, waxaynnu u diri ciidan la dagaallama, si ay dhanka saaxiibbadood ugu yaacaan.”

Imaamkii iyo muslimiintii baa yidhi: “Allaa i lehe talo waa taa aad tilmaantay.”

Intaa ka dib, ayuu Imaamku Wasiir Nuur ku yidhi: “Hadda adiga iyo askartaadu u dhaqaaqa dhankooga, annaguna waxaan u dhaqaaqaynnaa dhanka Eslaamu.”

Kolkaas ayuu yidhi: “Haye.”

Boqol fardooley ah ayuu ku daray oo ay geesiyaashooda ka mid yihiin: Abuubakar Qadiin, Amiir Cali, Garaad Axmad Laad Cismaan oo geesinnimo weyn lagu yaqaan, Awraci Shihaabud-Diin Gidaaye Geri oo isna geesiyada kamid ahaa Awraci Cumar Diin iyo rag kale oo la mid ah. Wasiirku dhankii ay ku gabbanayeen ayuu u dhaqaaqay. Imaamkii iyo ciidanka intiisii hadhayna dhankii Eslaamu ayay u xamaan qaateen. Wasiir Nuur, isagu wuu gaadhay halkii ay ku gabbanayeen oo dhankii dusha ayuu kaga yimid.

Waxa uu dagaal dhex marayay saacad maalintii ka mid ahayd. Gaaladii dhankii saaxiibbadood ayay u jabeen. Imaamkii iyo saaxiibbadii se dhankii Eslaamu ayay u sii gurguurteen isaga oo isku habeeyay ciidankiisii iyo safafkiisii. Xagga hore Carabtii baa safatay iyaga oo daasadahoogii iyo durmaannadoodii tumanaya, madaafiicdiina iska horraysiiyay. Muslimiintii fardahoogii bay fuuleen oo qalabkoogii iyo sitaacoogiiba way u idleeyeen.

Tahliishii iyo Takbiirtii iyo Salliga Nebiga Bishaareeye-Digaha ah ayay kor u qaadeen. Sidoo kale ayay gaaladiina ciidamadoodii u habeeyeen oo ay safteen. Fardahoogu maalintaa lix kun oo faras ayay marayeen, lugtoodu na boqol kun, Ilaahayna innaga oge. Muslimiinta fardooleydoodu shan boqol uun bay in yar ka sarreeyeen, lugtooduna toban kun. Labadii col baa is arkay, Imaamkiina teendhadiisii buu qotomiyay. Kolna muslimiinta ayaa weerartamayay, kolla gaalada ayaa weerartamaysay, sidaas ayay na wax u socdeen illaa casarka dabyaaqadiisii. Reer Baali iyaga oo isku nin keliya ah ayay weerar ku ekeeyeen ciidammadii dhanka midigta ee muslimiinta.

Weerarka Wasiir Nuur saaxiibbadii ayay dhawr jeer la beegsadeen. Dusha ayay kaga yimaaddeen oo dhankii Imaamka ayay u riixeen. Imaamkii baa ka cadhooday oo yidhi: “Hala dagaallamina, meeshani dagaal kuma habboonee meelihiinna ku ekaada.”

Garaad Mataan iyo Rag Kale oo Amar La’aan Dagaal Qaaday

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Mataan, Xassan Cabdillaahi Maakhade iyo rag la mid ah ayaa ka dagaallamay meel dul ah ciidankii muslimiinta ee bidixda. Imaamkii baa u cadhooday Mataan oo u diray cid, wayna soo qabteen. Imaamkii bay soo hor joojeen, oo ku yidhi: “Ayaa amar kugu siiyay in aad dagaallanto? Waar ma naga fadhiisanaysaa?”

Kolkaas ayuu fadhiistay. Ninka Imaamka u eedaama oo la odhan jiray Kabiir Nuur ayaa Mataan dagaalka kagala jiray dhinaca bidixda. Badriiq ka mid ahaa badriiqyadii Baali ayuu fallaadh ku ganay isaga oo farskiisa dheeraynayay fuushan. Badriiqii ayuu la waayay, wuxuuse la heley farskiisii oo uu dhulka ugu riday isaga oo meyd ah. Badriiqii dhankii saaxiibbadii buu u baxsaday isaga oo lugaha ku cararaya. Imaamku dadkii buu ka joojiyay dagaalkii, meelahoogii bayna ku ekaadeen. Muslimiintii fardahoogii bay kasoo degeen oo cunnadii bay u fadhiisteen.

Nasaaradii Baali, iyagu dagaalkii ka ma aanay daaline, muslimiintii bay dhibaateeyeen oo ay dhanka midigta iyo bidixdaba ka soo weerarayeen. Waayo gaaladu waxa ay joogeen buurta dusheeda, muslimiintuna hoosteeda ayay degganaayeen. Muslimiinta uma aanay suura galayn inay gaalada soo dejiyaan oo ay meel bannaan kula dagaallamaan. Intaa ka dib ayuu Imaamkii u yeedhay raggii madaafiicda iyo toban fardooley ah oo geesiyo ah, oo kala ahaa Amiir Saxrabawi Maxamad, Axmad Goyta, Amiir Cali, Garaad Axmad Laad Cismaan, Abuubakar Qadiin iyo ninkii Takiye ee lugta iyo gacantaba go’naa. Ninkaa Takiye ee laxaadka la’aa ayaa Imaamka ku odhan jiray kolkii uu joogay dhulkii muslinka: “Haddii Ilaahay yidhaahdo, jeedalkaa aan sito ayaan ku garaaci doonaa geesi ka mid ah geesiyada gaalada oo aan ka soo dejin doonaa faraskiisa dabadeedna aan qaadan doonaa faraskaa.”

Ilaahay odhaahdiisii buu ka aqbalay, oo maalintaa buu jeedalkii ku garaacay gaal, faraskiisii buu ka dejiyay oo wuu boojiyay. Raggaa aan soo sheegnay ayuu Imaamku ku amray inay hal madfac qaataan. Waxay tegeen meel ku toosan halkii ay gaalada Baali ciidamadoodu safnaayeen ee ay raggooguna muslimiinta kala dagaallamayeen. Muslimiintaasi Meheridii Carabta ahaa oo ka mid ahaa ciidankii lugta ayay ahaayeen, raggaas oo uu la socday nin Reer Marooko ah oo la odhan jiray Xaaji Maxamad. Ninkaa ayaa ganay nin gaalada ka mid ahaa oo lugta ayuu ka jebiyay, kolkiina wuu dhintay. Alloow ma rag! labo nin oo muslimiinta Carabta ka mid ahaa, oo ragga fallaadha aa’ana ahaa oo baadiyaha ka yimid! Midkood waxa la odhan jiray Cabdisalaan, ka kalena Xasbunebi. Qofka ay ganaan midkoodna lama waayi jirin!

Intaa ka dib, kolkii uu Imaamkii soo gaadhay meel la siman safkii Reer Baali oo la dagaallamaya nimankii Meherida ahaa iyo raggii Imaamka saaxiibbadii ahaa ayuu u yeedhay nimankii madfaca siday. Horjoogihii Meherida oo la odhan jiray Siciid bin Sacbaan ayuu ku yidhi: “Ku rid, kolka aad ku dhufato ayaan annaguna weerar sidii nin keli ah ku qaadaynnaaye.”

Intaa kadib, madfacii bay dhulka dhigteen, saacadna waa la diiriyay. Madfacii baa gaaladii lagu riday, wuxuuna ku dhacay geed seytuun ah oo ciidamada gaalada ku dhex yiil oo uu labo ka kala dhigay. Kolkaas ayay gaaladii isku murgeen. Imaamkii ayaa ku yidhi raggiisii lugta ahaa: “Hadda weerara.”

Iyaga oo wata ciidankii lugta ahaa ee Meherida iyo gaashaanleydii Mallasaay ayay weerar ku qaadeen Reer Baali oo kumanyaal ah, kolkaas ayay hor jabeen iyaga oo aan dib u soo dayin saaxiibbadood iyo badriiqii toona. Waxayse qaadeen dariiq kale oo dul mara buurta Andaakiya. Muslimiintii cagta ayay cagta u saareen oo labo iyo toban fardooley ah ayay ka dileen afar iyo toban farasna way ka boojiyeen. Intaa ka dib, habeenkii baa galay oo muslimiintiina so’dii ay degganaayeen bay ku soo noqdeen.

Haddii aynnu u noqonno dhankii Wasiir Cadli, Wasiir Nuur iyo Wasiirradii ku hadhay meelohoogii, kolkii ay arkeen Imaamkii iyo saaxiibbadii oo weerar ku ekeeyay Reer Baali, iyaguna halkoogii bay weerar kaga soo ekeeyeen. Raggii ugu horreeyay ee weerarka bilaabay waxa ay ahaayeen: Amiir Xuseen, Guweyta Alla-Magan, Garaad Mataan, Garaad Shamcuun iyo rag kale oo dhiggooga ahaa. Mushrikiintii bay weerar la beegsadeen, hase yeeshee, muslimiinta iyo gaalada tog kala gooyay ayaa u dhexeeyay, toggaas oo lahaa wadiiqooyin farduhu maraan. Cidhifkana rag gaaladii kamid ah ayaa taagnaa, kuwaas ayay weerar ku qaadeen illaa ay u magan geliyeen badriiqoogii Eslaamu.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: haddaan u soo noqonno Amiir Xuseen oo Gaaturi ahaa ninkii mushrikiinta weerarka ku qaadayna ahaa, waa laga tiro batay oo gaaladii baa isku meerisay oo gelisay meel badhtankooga ah. Fallaadho ayay ku ganeen, oo faraskiisii saddex fallaadhood ayaa ku dhcday oo dhulka ugu ledegtay, isagana waxa ay bawdada midigta kaga dhifteen eebo mariid leh oo dhinaca kale uga tabtay, dabadeedna dhulka ula dhacday. Intaa dabadeed, saaxiibbadii buu ku noqday oo wuu badbaaday wuuna bogsaday. Labadii col mugdigii habeenka uun baa kala soocay oo nin walba halkiisii buu ku noqday. Imaamkii baa ku soo noqday teendhadiisii iyaga oo ku bishaaraystay guul. Gaaladii iyo Badriiqoogii Eslaamu, markii ay sidaa arkeen ayay jiif iyo joogba diideen oo fadhi uma oollin. Way cabsadeen, teendhooyinkoogiina habeenkii bay rareen oo waxay u guureen meel kale oo aan fogayn.

Badriiqoogii wuxuu joojistay teendhadiisii, habeenkiina halkaa bay isaga iyo askartiisii ooleen. Muslimiintu halkoogii bay baryeen iyaga oo Ilaahay xusaya oo qaddisaya halka ay gaaladu kaga negaayeen hallawgoogii iyo faajirnimadoodii.

Goobtii Andaakiya

Goobta Andaakiya, waxa ay ahayd maalin Khamiis ah oo ka mid ah bisha Rajab, kolkay Hijrada Nebigu ahayd sagaal boqol iyo toddoba iyo soddon (937) – Naxariis iyo nabad gelyo ha u sugnaadeen Nebigii lahaaye.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: kolkii uu waagii dillaacay ee uu iftiinkiisii sheedda ka muuqday ee ay muslimiintii salaaddooda tukadeen ayay baqlahoogii fuuleen, fardahoogiina way garab kaxeeyeen. Dhankii kaniisadda Andaakiya ayay u dhaqaaqeen.

Imaamkii iyo muslimiintii kaniisaddii bay is garab taageen oo ahayd kaniisad si xoog leh loo dhisay. Imaamkii baa ku yidhi: “Guba!”

Kolkaas ayay iyaguna gubeen, dabadeedna meel kaniisadda ka hoosaysay oo aan ka fogayn ayay u dhaqaaqeen. War iyo wacaal kama aanay hayn Badriiq Eslaamu iyo meel uu jaan iyo cidhib dhigay toona oo kama aanay war qabin inuu habeennimadii socday. Dhul faalal ah ayay joogsadeen oo waxa ay is yidhaahdeen: “Waar dariiqee buu qaaday wixii malcuunka ahaa ee Eslaamu?”

Kolkaas ayay heleen labo dariiq oo uu mid qaaday dhinaca midigta midna dhanka bidix. Labada dariiq ba, raadkii qoobka fardaha ayuu ka muuqday.

Imaamkii baa kolkaa yidhi: “Raggani labada dariiqba way mareene innagu keen qaadnaa.”

Wasiir Cadli iyo Cabdinaasir baa yidhi: “Waxaan qaadaynnaa dariiqa midigta, waayo Eslaamu kaa mid aan ahayn ma qaadin.”

Kolkaas ayuu Imaamkii ku yidhi: “Idinku mara jidkaa oo ciidanka madaafiicda la hor mara.”

Imaamku ciidanka xaggiisa danbe ayuu socday. Intii aanay fogaanba waxa ka daba qaylyay nin leh: “Gaaladii baa inna soo gaadhay.”

Imaamku ciidankii buu dib ugu noqday. Colkii horseedka ahaa ee gaalada ayuu arkay, kolkaas ayuu daba qaatay illaa ay ka galayeen meel kayn jiq ah oo ay geeduhu is wada qabteen. Kaynta badhtankeegana Badriiqii Eslaamu ayaa joogay. Waxay ku yidhaahdeen: “Adiga iyo ciidankaagu is habeeya, waa kuwan oo muslimiintii wayna daba jebinayaane.”

Gaaladii baa sara kacday oo fardihii bay heenseeyeen. Iyaga oo sidaas ah ayay Imaamkii iyo ciidankiisii weerar ku ekeeyeen iyaga oo tahliil iyo takbiir wada. Ninkii ugu horreeyay ee muslimiinta ka weerartamay Bishaaro Cali ayaa la odhan jiray. Badriiq gaalada ka mid ahaa ayuu weeraray oo uu la dayday tummaati dhulka ugu ridday. Amiir Abuubakar Qadiin, ayaa isna ka daba weerartamay oo isna la fuulay geesi ka mid ah gaaladii oo inta uu tummaatiyay ayuu kaga qaaday. Awraci Aboon ayaa isna geesi ka mid ah gaaladii tummaatiyay oo dhulka ayuu ugu riday. Waxa isna sidoo kale yeelay Awraci Cumar Diin Suldaan Maxamad oo weeraray dagaalyahan gaaladii ka mid ah. Inta uu tummaatiyay ayay naftii faraska dushiisa kaga haadday. Ciidankii baa ka daba weerartamay, kolkaas ayay gaaladii jaanta wadheen, muslimiintiina cagta ayay cagta u saareen iyaga oo dilaya, qabanaya oo boojinaya. Gaaladii buur geedo badan ayay fuuleen, kolkaas ayay wixii geed ahaa nimankii jabay wada jiidheen oo ay jejebiyeen badidooda awgeed. Muslimiintiina kama aanay hadhin e raadkoogii bay ku joogsadeen iyagoo dilaya, qabanaya oo boojinaya. Dilka maalintaa gaalada ku dhacay, wax la mid ah lama arag oo aan ahayn goobtii Shinbirokore. Badriiqoogii isagu wuu nabad galay oo wuxuu u kacay gobolka Hadiya115, muslimiintiina cagta ayay cagta u saareen oo way daba socdeen barqadii laga soo qabto illaa gabbalku dhacayay, hase yeeshee ma aanay helin.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: markaas ayuu Imaamkii u daadegay dhulka la yidhaahdo Ey faras oo halkaa buu teendhadiisii ka taagay. Teendho, iyo baqlo aan tiradooda la koobi karin ayay maalintaa boojiyeen oo rag boojiyay illaa soddon baqlood ayaa ku jiray, fardahana maalintaa in boqol ku dhow ayay boojiyeen. Dhimashada iyo dadka gacanta lagu dhigayba aad bay gaalada ugu badnayd. Nin kaste oo Muslim ahiba waxa uu gacanta ku dhigayay toban nin oo gaalo ah, dulliga ku dhacay aawadii. Dadkii hud walba gaaladii bay kaga daba tegeen. Habeenkaa gabadanadu aad bay u qaboobayd, sidaa daraadeedna, muslimiinta cuur baa ka dhintay.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi : haddaan u soo noqonno Wasiir Cadli iyo Cabdinaasir, ciidankii bay la hor galeen madaafiicdii iyo sahaydii. Kolkii ay ogaadeen in uu Imaamkii dib uga noqday waxoogaana ka fogaaday ee ay sahaydii cuslaysay, ayuu Wasiir Cadli yidhi: “Madaafiicda iyo sahaydaba aan iska tuurno oo aan Imaamka gaadhno.”

Cabdinaasir baa isna yidhi: “Anigu tuuri maayo, haddaad se rabtaan inaad iska tegtaan iska tega. Anigu Imaamka hadalkiisa ka hor iman maayo, madaafiicdana tuuri maayo waanse sidi.”

Kolkay arkeen inuu Cabdinaasir madaafiicda ka tegeyn, taladiisii baa la hagaagsanaatay. Way sii socdeen oo waxay u hoydeen meel jidka ah oo Imaamku halkuu joogay ka danbaysay. Habeen qabaw oo dhaxan badan bay ahayd, sidaa daraadeed dab ay ku diirsadaan ayay shiteen. Gaaladii uu Imaamku jebiyay ayaa aydaa geedaha badan gashay oo ku dhuumanayay iyaga oo ah dad aad u fara badan. Kolkay dabkii arkeen, iyaga oo ay dhaxantii daashatay ayay soo dareereen si ay u kulaalaan iyaga oo u haysta in uu dabkaasi yahay kii saaxiibbadood. Muslimiintii baa gacanta ku dhigay oo laayay, iyaga oo koogii danbe aanu ogayn wax kii hore ku dhacay. Waxa ay habeenkaa ka dileen wax shan boqol ku dhow. Kolkuu waagii beryay ayay Wasiir Cadli iyo Cabdinaasir ka daba tegeen Imaamkii oo ay gaadheen milaygii salaadda Casar. Muslimiintii bay la kulmeen oo kolkaasaa salaanta la is dhaafsaday iyaga oo Ilaahay mahadinaya oo ugu shukriyaya guusha iyo libinta ay cadawga Ilaahay ka soo hooyeen.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Imaamku, nin muslimiinta ka mid ah oo la odhan jiray Farshaxan Diin ayuu u yeedhay oo ahaa guddoomiyihii gobokka Maayada markii la furtay ka dib, oo uu ku daray soddon fardooley ah, isaga oo ku leh: “Waxa aad ka daba tegtaa gaaladii.”

Raadkoogii buu ku joogsaday laakiin ma gaadhin dagaalna kama hor iman. Meel la yidhaahdo Majlah oo hoos ka ah Ey Faras ayuu soo gaadhay. Waxa uu soo boojiyay addoomo, lo’ iyo baqlo aad u fara badan. Afar maalmood bay halkaa fadhiyeen iyaga oo boojimo waday. Maalintii shanaad ayuu xaggii Imaamka u soo noqoday.

Galitaankii Sharkha iyo Guushii Muslimiinta

Imaamkii haddana Wasiir Cadli ayuu u yeedhay isaga oo ku leh: “Adiga iyo ciidankaagu u dhaqaaqa dhankaa iyo dhulka Janba ee ka sarreeya Sharkha. Haddaad col la kulanto la dagaallan oo xoolahooga iyo naagahoogaba soo booji, raggoogana dhegta dhiigga u dar. Anigu waan ku daba socon doonaa, waayo markii hore adaana daba socday oo dagaal iyo boojimo midna lama aanad kulmin.”

Wasiir Cadli wuu dhaqaaqay isaga oo wata ciidankiisii oo dhulkii Janba ayuu gaadhay, kolkaas ayay fardooleydiisii weerarro ku kala bixiyeen dhan walba midig iyo bidix iyaga oo boojinaya oo dilaya. Wasiir Cadli, habeenkii Janba hoosteeda ayuu degey, fardooleydii intoodii badnaydna Wasiirkii bay kula soo noqdeen xoolihii ay soo boojiyeen iyo addoomo.

Rag baa muslimiintii dib uga dhacay oo aan la soo noqon hantidii ay soo boojiyeen. Dhulkii Sharkha ayay galeen iyaga oo ahaa toban fardooley ah oo lagu yaqaannay geesinimada oo ay ka mid ahaayeen: Del Segad, Tekle, Awraci Nuur Daar Cali, Abjad Aboon, Garaad Dhaaweet oo Bartire ah, Jeene Sadwat oo Ree Seyma ah, Yuusuf iyo Sayidkaygaii Maxamad bin Cali Al-Baaqiri oo uu aabbihii ahaa Carab, ninkaas oo ahaa khasnad-hayaha Imaamka. Waxa kale oo uu guddoomiye u ahaa Gobolka Dawaaro.

Raggaa waxa ka mid ahaa Abuubakar Yamaaj Axmad. Dhulkii Sharkha ayay galeen iyaga oo aan ogayn inuu halkaa col joogo. Sharkha waxa joogay Badriiq la odhan jiray Badlaay Fiit Beet Waddad oo aan hore u soo sheegnay. Asmaaj Degalhaan ayuu hore u soo raacay Andaakiya. Waakii uu Boqorku u yeedhay ee halkiisii lagu beddelay Asmaaj Eslaamu si uu uga taliyo Andaakiya sidaan hore u soo sheegnay. Waakii ay Badriiqyadii kale oo dhami sidaa ka raalli noqdeen. Arrintaas kolkay dhacday ayuu Badlaay Fiit Beet Waddad diiday inuu Eslaamu ka hoos shaqeeyo. Andaakiya ayuu ka guuray oo dhulka Sherkha ayuu degey. Eslaamu ayuu ku yidhi: “Adiga ayuu Boqorku iga kaa sarraysiiyay, orod oo adigu Boqorka iyo kimistiisa difaac.”

Haddaba, kolkay muslimiintii gaadheen dhulkii Sharkha, ma aanay ogayn inuu joogo halkaa. Badriiqiina waxa uu ogaaday inay soo galeen dhulkiisii, kolkaas ayuu faraskiisii heensaystay oo uu ciidankiisii isku tubbariday.

Fardooleydiisu waxa ay ahaayeen konton, lugtiisuna shan boqol. Waxa ay u diyaar noqdeen dagaal, markaasay muslimiintii jidkii Sharkha u galeen.

Tobankii fardooleyda ahayd ee Alle kelidii aaminsanayd ayaa soo gaadhay iyaga oo doonayay inay galaan dhulka Sharkha. Muslimiintii ayaa gaaladii aragtay iyaga oo korsan meel burco ah oo korraysay, oo aanay farduhu gaadhi karin jidka oo cidhiidhi ah awgii. Nasaaradii dagaal bay isku habeyeen.

Muslimiintii waxa ay is dhex taageen jidka si ay u tashadaan. Qaarkood waxay ku taliyeen inay noqdaan oo ay Wasiir Cadli ka war geliyaan si uu taageero rag ah u soo siiyo, halka ay badh kale ku taliyeen, inay jihaad u soo baxeen haddana ay hor joogaan. Waxa ay yidhaahdeen:

“Labada wanaagsan midkood uun weeyaan waxa aynnu sugnaa.”

Taladaa danbe ayayna guddoonsadeen. Mar keliya inta ay “Allaahu Akbar” wada yidhaahdeen ayay weerar gaaladii ku ekeeyeen oo burcadii ugu koreen, dagaal qadhaadh baana halkaa ku dhex maray. Raggii baa foodda is daray, markaas ayuu mid walba ninkiisii la beynibaxay. Waxa hortaba muslimiinta ka weerartamay ninka la odhan jiray Tekle oo ina Xabashi ahaa. Nin badriiq ahaa ayuu weerar ku qaaday oo uu ka soo dul qaaday koorihii. Inta uu gacanta ku dhigay ayuu soo qaaday isaga oo dulleysan oo yasan. Abjad Aboon ayaa isna weeraray dagaalyahan madaxda gaalada ka mid ahaa, oo ka tirsanaa ragga Boqorka loo maro, oo hoos joogi jiray Carshigiisa. Isagana koorihiisii ayuu ka soo gundhiyay oo gacanta ayuu ku dhigay. Nin la odhan jiray Yuusuf ayaa sidoo kale weerar ku kiciyay dagaalyahankoogii iyo Badriiqoogii Badlaay Fiit Beyt Waddad oo ku degey sidii libaax tulud helay. In uu gacanta ku soo dhigo ayuu doonayay, kolkaas ayuu u barbarriiqday bidix iyo midig si uu uga baxsado. Markii uu dhab u arkay inaanu geerida ka badbaadayn ayuu faraskii iska tuuray oo uu ciidda barkaday, intaa dabadeedna cagaha ayuu wax ka dayay. Toggii ayuu badhtanka u galay, sidaasuuna ku badbaaday. Yuusuf halkaas ayuu faraskii kaga guddoomay oo uu kagala hadhay. Kolkii ay gaaladii arkeen in uu badriiqoogii baqe jaanta wadhay, faraskiisiina la qaatay ayay jabeen.

Wixii laga dilay waa laga dilay, wixii badbaadayna wuu badbaaday, muslimiinta se nin keli ah laga ma dilin. Labo iyo toban faras ayay soo boojiyeen, kolkaas ayay dib ugu soo noqdeen Wasiir Cadli oo ay ugu yimaaddeen meeshii uu joogay ee ahayd daafaha dhulka Janba. Labadii

nin ee ay soo qabteen ayay soo hor joojiyeen. Muslimiintii guushaa iyo libintaa u soo hoyatay ayay ku farxeen, nin Imaamkii ugu bishaareeya guushaana way direen. Maalintii xigtay ayuu Wasiir Cadli u kacay dhankaa

iyo Imaamkii oo ay kula kulmeen dhulka Janba. Markii la is bariidiyay ayay labadii nin ee ay soo qabteenna Imaamka soo hor joojiyeen. Imaamkii baa waraystay si ay xaalkooga ugu cadcaddeeyaan. Waxa ay yidhaahdeen: “Naftayada in aan furanno ayaan doonaynnaa.”

Nin ka mid ahaa raggii Boqorka loo marayay ayaa yidhi: “Labo boqol oo Wiqiyadood oo dahab saafiya ah ayaan isku furanayaa.”

Kii kalena waxa uu yidhi: “Boqol wiqiyadood oo dahab ah ayaan anna isku furanayaa.”

Imaamkii baa kolkaa yidhi: “Oo maxaan dahabkiinna ku falayaa?”

Amar buuna ku bixiyay inaa la laayo. Muslimiintii dhulkii Janba lix maalmood ayay joogeen.

Weriyihii – Allaha Weni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: muslimiinta dhulka Xabasha hortaba waxa kaga dhintay labo nin oo uu midkood ahaa: Sheekh Samaaka oo Reer Shawa ahaa iyo Cismaan oo ahaa nin suubban – Ilaaha Sarreeyaa labadoodaba ha u naxariistee – Janba ayaana lagu xabaalay.

Intaa ka dib, Imaamkii baa amar ku bixiyay in uu Wasiir Cadli u dhaqaaqo xaggaa iyo Sharkha, Wasiir Nuurna kaxaysto. Waxay socdaan ba, Sharkha ayay gaadheen oo dumarkii badriiqyada iyo carruurtoodii ayay soo qabqabteen. Dhar aad u tira badan iyo waxyaabo kale iyo waxoogaa dahab ah ayay soo boojiyeen. Waa dahabkii ugu horreeyay ee ay ka helaan dhulka xabashida duullimaadkaa aan soo sheegnay ee barakaysnaa.

Duullimaad lagu furtay dhul badan oo caan ah ayuu ahaa. Dumarka badriiqyada ee la soo qabqabtay waxa ka mid ahayd naagtii Badriiq Asmaaj Arkiye iyo caruurtiisii. Kolkii uu Badriiq Arkiye ogaaday inaa caruurtiisii iyo islaantiisiiba la kaxaystay ayuu isa soo dhiibay oo uu islaamay. Dadkii sarsare ee soo islaamay ayuu Arkiye ka mid ahaa, Imaamkuna naagtiisii iyo carruurtiisiiba wuu u celiyay.

Imaamkii oo Hogaamiyayaashiisii Kula Kulmay Candoora

Wasiir Cadli iyo Wasiir Nuur, waxa ay Imaamkii kula kulmeen meesha la yidhaahdo Candoora oo ka mid ah dhulka Dawaaro, halkaas oo ay ku taallay kaniisad weyn oo uu lahaa Wasan Segad. Kaniisad si wanaagsan loo dhisay oo si layaab leh loo ebyay, dhismaheegana lagu daalay ayay ahayd. Kow iyo toban sannadood ayuu dhismaheegu socday. Kaniisad aanay dadku dhulka Dawaaro wax la mid ah ku arag ayay ahayd, kolka loo eego sida loogu fara yaraystay xadhadhkeega iyo qurxinteeda.

Weriyihii waxa uu yidhi: kolkii ay Immamkii iyo ciidankiisii yimaaddeen kaniisaddii, ayay raggii ilaalinayay cagaha wax ka dayeen. Ilaalo ka mid ah Dowbaca oo kun ciidamada lugta ahaa ayaa joogtay, kuwaas oo watay warmo sumaysan oo lagu magacaabi jiray Jatu. Muslimiintii oo ka yaabban dhismeheega iyo sida loo xardhay ayaa kaniisaddii galay. Waxa ay ka dhex heleen gogol lagu sameeyay Rooma, agab, dhar, xariir iyo waxyaabo kale. Muslimiintu way qaateen xoolihii dhex yaallay, dabadeedna way gubeen. Muslimiintu Candoora ayay degeen oo ay ku negaayeen lix maalmood. ciidamadoodii iyo fardooleydiiba duullimaad ayay ku kala bixiyeen gobolka Dawaaro iyaga oo boojinaya oo dadna soo qaqabanaya. Amiir Saxrabawi iyo Garaad Axmooshe ayaa maqlay in ay khasnaddii Wasan Segad ay taallo dhulka Jaatir. dhankii dhulka Jaatir ayay u keceen si ay khasnaddii u soo qaadaan. Halkii loo sheegay kolkii ay tegeen, khasnaddii badhkeed oo keliya ayay gaadheen. Way boojiyeen, nasaaradiina badhkii kale ayay la baxsadeen kolkii ay maqleen imashadooda. Dhar, xariir, iyo wax la mid ah oo fara badan ayay ka heleen, dahab se lama aanay kulmin. Imaamkii oo Candoora jooga ayay ku soo noqdeen.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Imaamkii kolkii uu yimid Candoora, ayuu Boqorkii Xabashidu maqlay inay muslimiintii soo gaadheen Andaakiya. Badriiqiisii Eslaamu in la jebiyay oo askartiisii la laayay kaniisaddii Wasan Segadna la gubay ayaa loo warramay, aad buuna uga tiiraanyooday. Intaa dabadeed, badriiqyadiisii, loo-soo-marayaashiisii iyo khusuustiisii ayuu iskugu yeedhay oo uu ku yidhi: “Waad maqasheen sida ay muslimiintii u burburiyeen gobolkii Dawaaro, jabkii ciidankeenna iyo sida loo laayay.”

Farriin buu u diray Reer Tigraay iyo ciidamadoodii, waanay u yimaaddeen, iyaga oo isku keenay badriiqyo iyo askar aan la tirin karayn. Ciidammadiisii waxa uu madax uga dhigay Tekle Iyaasus oo ahaa guddoomiyihii Angoot, oo kolka horeba uu Boqorku madax uga dhigay Angoot, gobolka Tigraay iyo Bendar Dakhanu oo ahaa nin uu Boqorku jecel yahay. Waxa uu ku amaay in uu u kaco dhankaa iyo Dawaaro oo uu muslimiinta abbaaro lana dagaallamo.

Haddaan u soo noqonno Badriiq Eslaamihii uu Imaamku ku jebiyay Andaakiya, dhulka Sari ayuu dhuumasho u galay, halkaas oo ah meel dhudhub ah oo daran. Waxa uu farriin u diray Boqorkii Xabashida isaga oo u cudur daaranaya iskuna dullaynaya oo leh: “Anigu muslimiinta dagaal ula ma aanan safan ee way i dageen. Weerar kedis ah ayay igu soo qaadeen aniga oo aan diyaar ahayn oo aan wax awood ah hayn. Muslimiintu waxoogaa fardo ah ma ahee wax kale igama aanay qaadan.”

Boqorkii baa ugu jawaabay hadal hanjabaad ah oo uu ku leeyahay: “Waad og tahay in aan ku siiyay ciidan aad ayax mooddo, waxna kuma aanad tarin. Imikana waxa kuu iman doona Asmaaj Tekle Iyaasus ee waa inaad raacdaa. Wixii uu kugu amrana yeel oo ha ka hor iman. Waxad gacan ka siisaa la dagaallanka muslimiinta.”

Weriyhihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: ninkii Tekle Iyaasus dhankaa iyo Dawaaro ayuu u dhaqaaqay, isaga oo watay badriiqyo badan oo ka hooseeyay oo ay ka mid ahaayeen: Fiqre Iyaasus oo uu Boqor Iskandar soddog u ahaa oo gabadhiisa qabay, ahaana nin macangag ah oo madax adag iyo Badriiq Caamir oo Reer Tigraay ahaa, Shuunkii Siiri iyo Shuunkii Saraawi iyo kuwo kale oo la mid ah. Badriiqyada Tigraay soddon bay ahaayeen, badriiq walibana ciidan fara badan ayuu watay oo ay ka mid ahaayeen Reer Angoot. Way socdeen illaa ay soo gaadhayeen togga Hawaas oo ay ka tallaabayeen. Badriiq Eslaamu oo joogay dhulka Sari ayay la kulmeen. Waxa uu dadkii iyo Badriiq Eslaamuba u akhriyay warqaddii Boqorka oo uu ugu sheegay in uu Boqorku taliye uga soo dhigay. Eslaamu oo isku dirqiyaya ayaa yidhi: “Maqallay oo yeellay warqadda Boqorka.”

Tekle Iyaasus warkii muslimiinta ayuu u kuur galay, kolkaas ayay basaasiintiisii ku yidhaahdeen: “Muslimiintii Candoora ayay joogaan; halkii ay ku taallay kaniisadda Wasan Segad agteeda.”

In ay muslimiintu dhulkoogii ku noqonayaan ayuu u malaynayay, kolkaas ayuu ciidankiisii ku yidhi: “Waxaan iska fadhiyaynnaa halkan aynnu joogno. Haddii ay muslimiintu dhulkoogii u dhaqaaqaan, waynu iska dayn illaa ay gaadhayaan meesha Del Meyda la yidhaa. Halkaasaan ku gaadhaynaa, waynu weerari oo kolkaasaynnu layn.”

Taladaa ayaa la qumanaatay oo waxa ay yidhaahdeen: “Taladu waa taa ad ku talisay, annaguna waan kugu raacsannahay.”

Goobtii Sari iyo Guushii Ciidamada Imaamka

Weriyhii -Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: waxa jiray labo nin oo la kala odhan jiray Cumar iyo Sakar oo muslimiin ahaa, kuwaas oo ka riddoobay Islaannimadii oo nasaaroobay. Boqorka ayay u galeen oo wuu soo dhaweeyay. Sharkha ayuu dhul ka siiyay si ay cashuurta uga qaataan, gabdhihii nasaaradana way guursadeen. Kolkii ay muslimiintu Sharkha soo gaadheen ayay dumarkoogii qaateen. Ka dib kolkii uu Tekle Iyaasus yimid ayay talo-bixintii gaalada iyo malaysigoogii ayay dhegeysteen.

Kolkaas ayay Imaamkii u yimaaddeen oo ay ku yidhaahdeen: “Alle ayaan uga soo laabannay wixii aan samaynnay, waanan ka murugoonaynnaa wixii naga dhacay.”

Waxa ay Imaamka u sheegeen wixii uu Tekle Iyaasus ku tashaday, isna labadii nin buu ku yidhi: “Ha baqina,” naagahoogiina wuu u celiyay. Intaa ka dib waxa uu weyddiiyay: “Waar miyay idin ogaadeen in aad noo timaaddeen?”

Waxay ku jawaabeen: “Maya, nama aanay ogaan.”

Markaas ayuu Imaamku ku yidhi: “Labo arrimood baan idinka doonaynnaa.”

“Oo waa maxay?” bay weydiiyeen.

Wuxuu ku yidhi: “Adigu Sakaroow waad ila joogi, saaxiibkaa Cumarna gaalada ayuu u tegi oo wuu dhex gali warkoogana wuu noo keeni. Wadiiqooyinka aannu u maraynnona wuu noo soo eegi, kolba tii ballaadhan. Haddaad sidaa yeeshid Ilaahay wuu kuu jeer dhaafi.”

“Way tahay,” buu isna yidhi.

Wasiir Cadli buu Sakar la fadhiistay, Cumarna wuu sii dhaweeyay. Cumar wuu socday oo gaaladii buu dhex galay labo maalmood buuna la fadhiyay. Milaygii Salaadda Casarka ee maalintii danbe ayuu u yimid Wasiir Cadli oo isna Imaamkii u geliyay. Imaamku wuu ka warransiiyay, kolkaas ayuu yidhi: “Waan u galay, waan arkay, jidka loo marana waan gartay.”

Waxa uu weyddiiyay: “Oo maxay noogu tashanayeen.”

Kolkaas ayuu yidhi: “Taladii hore mid aan ahayn ma hayaan.”

Imaamkii baa ku yidhi: “Waa imisa tiradoodu?”

Markaas ayuu yidhi: “Reer Baali, Reer Dawaaro, Reer Wanaag Anba iyo Reer Wanaag Gadab dhammaantoodba dhulkoogii bay ku noqdeen maalintii ay Andaakiya ku jabeen. Cid aan madaxdoodii ahayni ma hadhin.”

Kolkaas ayuu Imaamku ku yidhi: “Ciidamadaa ma noo sheegi kartaa cidda ay yihiin iyo tiradooda?”

Waxa uu yidhi: “Waa Reer Tigraay iyo Reer Angoot iyo Reer Fatagaar.”

Kolkaas ayuu Imaamku ku yidhi: “Waa imisa fardahoogu?”

Waxa uu yidhi: “Waa shan boqol oo fardo-carbeed ah oo ay wataan Reer Tigraay oo dhammaantoodba huwan xadiid iyo bir.”

Immaamkii baa Weyddiiyay: “Meesha ay joogaan ma cidhiidhi baa mise waa faalal? Fardo ma ku dagaallami karaan mise waa maya?”

Kolkaas ayuu yidhi: “Halkan baynnu ka socon oo meel ku dhow oo ballaadhan ayaan degeynnaa. Intaa dabadeedna, dhankaa iyo kadar u dhow ayaan u kacaynnaa. Inta aan kadarta fuulno ayaan dooxa ku degaynnaa. Gaaladuna dooxa dushiisa, tuur yar oo halkaas ah ayay joogaaan. Tuurtu way go’an tahay, hoosteedana dhul haadaan ah ayaa ku yaalla. Haddaba kolka aynnu gaadhno, ee Ilaahayna guusha innaga siiyo, heli maayaan jid ay ka baxsadaan. Mid kaste oo tuurta kasoo dhacaana haadaanta ayuu ku hooban oo wuu jajabi.”

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Dagaalyahannadii muslimiinta ahaa ayuu Imaamkii goor casar ahayd iskugu yeedhay oo uu u warramay xogtii uu jaasuusku siiyay. Badhkood baa yidhi: “Halkayaga ayaan fadhiyaynnaa illaa ay innoo imanayaan.”

Halka badhkii kalena ay yidhaahdeen: “Maya, innaga ayaa ku duulaynna.”

Imaamkii baa kuwii hore ku yidhi: “Taladaasi tu aan idin la qabo ma aha. Ka dib kolka aan salaadda maqrib tukanno ayaan ku dhaqaaqaynnaa.“

Kolkaas ayay yidhaahdeen: “Waan guddoonnay.”

Maqribkii ka dib ayay dhaqaaqeen, xaruntiina halkeedii Candoora ayuu ku daayay oo Cabdinaasir iyo afartan dagaalyahan oo fardooley ah ayuu kaga tegey iyo sahaydoodii iyo madaafiicdii, wuxuuna ku yidhi: “Adigu aroorta naga daba kaalay.”

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi : Imaamku maqribkii illaa hiraabtii wuu socday, iyaga oo aad mooddo in ay yihiin daad qulqulaya. Ninkii Fiqi Abuubakar ee Arshoone ku magac dheeraana badhtanka ayuu ugu jiray, isaga oo Quraanka akhriyaya oo si wanaagsan u dareerinaya. Dadkuna hareerihiisa ayay ahaayeen oo si wanaagsan ayay u dhegeysanayeen illaa la gaadhayay milaygii hiraabta. Kolkaas ayay soo gaadheen kadartii, gadhwadeenkiina wuu is taagay isaga oo leh: “Hadda waan u dhownahay. Halkan ayaynnu u hoyanaynnaa illaa waagu innoo beryayo.”

Kolkaas ayay muslimiintii fadhiisteen, baqlihiina dhulka ayay uga degeen oo daal dartii bay hurdo daateen. Hiraabtii ayuu Imaamku u yeedhay ninkii gadhwadeenka ahaa. Hortiisa inta uu joojiyay ayuu ku yidhi: “Imika inna kici, adiga iyo annagu dariiqa aynnu soo eegno oo aan xogna soo hellee.”

Gadhwadeenkii baa yidhi: “Anigu kolka waan daalay, waxa se jooga Badriiq Arkiye oo hore u soo muslimay dariiqana garanaya.“

Kolkaas ayuu Imaamku u yeedhay oo wuu u yimid. Imaamkii baa u warramay intii uu gadhwadeenka ku yidhi. “Way tahay “ayuu isna yidhi.

Imaamkii buu la guuray illaa qayb-saddexaaddii habeenka intiisa danbe. Imaamka Garaad Shamcoon iyo Mataan ayaa la socday. Gadhwadeenkii jidkii buu ka lumay, oo daw kale ayuu maray. Markaas ayay is taageen, dawgiina way garan waayeen, way isla hadleen oo way ku wareereen.

Iyaga oo sidaas ah ayay maqleen ci u eg tii eyda, kolkaas ayuu yidhi: “Waar waxaasi ma ci ey baa mise waa wax kale?”

Cidii bay ka ag dhawaadeen. Arkiye ayaa yidhi: “Idinku is taaga, anaa xagga cida u kici warbaanan idiinka keeni. Haddii ay xaruntii tahay ey ma joogteene, laakiin kollay waa inaan war idiin keenaa.”

Kolkaas ayuu Arkiye u kacay dhankii cida, waaba tuulo kamid ah tuulooyinkii gaalada oo halkaas ay eydoodu ka ciyaysay. Arkiye intuu kor u dhawaaqay ayuu yidhi: “Dadka tuuladoow!”

Kolkaas ayay ugu jawaabeen: “Waar ninkaa habeenka madaw yeedhayaa waa kuma?”

Kolkaas ayuu Arkiye ku yidhi: “Badriiqii Dawaaro ayaan ahay.”

Waxay yidhaahdeen: “Oo maxaad waddaa?” ayay weydiiyeen.

Waxa uu ugu jawaabay: “Ciidammo ayaan wadaa, oo waxa farriin ii soo diray Tekle Iyaasus oo iga codsaday in aan ka daba imaaddo. Hadda ayaan ciidankaygii lasoo gaadhay, waxaanan doonayaa in aan gacan ku siiyo la dagaallanka muslimiinta.”

Waxa ay ku yidhaahdeen: “Dhankaa iyo kadartii u noqo, kadarta hoosteeda dooxa marana ku daadeg, tuurta dushiisa ahna kor. Halkaas ayuu joogaaye, hadda dhaqaaq waad heliye.”

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: markii uu xogtaa helay ayuu xaggii Imaamka ku noqday, oo uu u sheegay warkii ay tuuladii siisay. Warkaas oo ahaa inay gaaladii joogaan halkii uu gadhwadeenkii hore ku sheegay. Way bishaaraysteen, xaruntii bayna dib ugu noqdeen. Saaxiibbadood ayay warkii u dhiibeen, halkaas ayayna baryeen. Kolkii uu waagii beryay ayay salaaddii tukadeen. Wasiir Cadli oo ciidankiisii wata oo uu hor socdo gadhwadeenkii hore ayaa hor dhaqaaqay. Waxa ay kasoo degeen kadartii oo dooxii bay u soo degeen. Muslimiintii teendhooyinkii gaalada ayay arkeen, gaaladiina muslimiintii oo kadartii ka soo degaya ayay arkeen. Kolkaas ayay gaaladii dhammaantood fardahoogii gurada jareen oo xaggii muslimiinta ayay u soo dhaqaaqeen. Imaamku ciidamada gadaashooda ayuu socday. Ciidammadii way joogsadeen illaa ay Imaamka iyo ciidankiisii soo gaadhayeen. Waxa jiray rag ciidanka ka mid ahaa oo togga ka sii tallaabay intaanu Imaamku soo gaadhin oo ay ka mid ahaayeen: Sabrud-Diin Cali Waraadi, Cabdilaahi Naasirud-Diin Al-Xamawi, Aadish Maaxi, iyo kuwo kale oo la mid ahaa oo illaa labaatan fardooley ah gaadhayay. Lugtana waxa ka mid ahaa: Fanji Sabar, Heegane Jabate, Cali Daay Agar iyo soddomeeyo kale. Iyagii iyo nasaaradii baa is galay, waana la is tuurtuuryeeyay. Wasiir Cadli intaa dooxa dhexdiisii ayuun buu joogay illaa uu Imaamkii soo gaadhayay oo uu faraskiisii fuulayay.

Muslimiintii gamaankoogii ayay gurada jareen, ka dib kolkii ay ciidankoogii isku habeeyeen. Muslimiintii hore ayaa weerar ku qaaday nasaaradii oo tuurta ku jooga. Ninkii hortaba weerarka qaaday wuxuu ahaa Sabrud-Diin, guddoomiyihii Washlu (Ganas) agteeda guushii ka dib. Badhtamaha ayuu u galay, dabadiina Cali Waraadi ayaa weerartamay. Waxa sidoo kale weerartamay Cabdillaahi Naasirud-Diin Al-Xamawi iyo Aadish Maaxi oo uu gargaaray Cali Goyta Goyta Caddaroox. Labadoodaasi Tekle Iyaasus ayay weerareen. Kolkaa ayuu Aadish seeftiisii la baxay oo uu Tekle Iyaasus madaxa kaga dhiftay, oo uu kurka hor dhigay. Halkaas ayuu Tekle ku halligmay, Ilaahayna naftiisii buu naarta u dedejiyay, meel lagu negaado na iyadaa u xun e. Intaa ka dib, muslimiintii ayaa nasaaradii weerar ballaadhan ku qaadday, iyaga oo jooga buurta dusheeda, dagaal adag baana dhex maray. Kolkaas ayay gaaladii jabtay, muslimiintiina way daba galeen, oo ay ka dhigeen wax ay qabteen, wax ay dileen iyo wax ay boojiyeen.

Raggii Xabashida Laga Laayay iyo Kuwii Laga Qabtay

Badriiq Eslaamu ayaa la dilay oo Abuubakar Garaad Yamaaj Axmad gacantiisa ku dhiftay. Farshaxan Cali ayaa soo qabtay Badriiqii Marjaay oo la odhan jiray Nasar iyo Badriiq Shuutalaay. Shuutalaay isagu wuu muslimay, islaannimadiisiina way hagaagtay. Wuu jihaatamay oo wuu dagaallamay, isaga oo shihiidana waa la dilay sida aan dib ka sheegi doonno. Guddoomiyihii Marjaay ayaa isna islaamay, Islaamkiisiina wuu wanaagsanaaday oo muslimiinta ayuu ka garab jihaaday. Naqad Iyaasus oo ahaa guddoomiyaha Jiina ayaa la dilay oo ku dhintay gacanta Garaad Axmaooshe Amiir Maxfuud – Alle ha u naxariistee -. Shuunkii Buuri oo uu magiciisu ahaa Sanbiil ayuu isna dilay Amiir Abuubakar Qadiin. Shuunkii Siiri oo la odhan jiray Saamaciil nin muslimiinta ka mid ahaa ayaa dilay. Shuunkii Dalmat oo ah magaalo ku taalla dhulka Cajwa oo la odhan jiray Ibraham ayuu isna Absame Nuur dilay. Shuunkii116 Xamaasiin117 ayaa isna ku halligmay gacantii Saalax oo ahaa khaadinkii Amiir Mujaahid. Daahir oo ahaa khaadinkii Imaamka ayaa gacanta ku dhigay Badriiqii Asiir. Badriiqii Kifle Tekle Iyaasus oo ah guddoomiyihii Qada ayaa gacanta lagu soo dhigay oo khaadinkii Imaamka ee la odhan jiray Xasan ayaa soo qabtay. Farshaxan Cali ayaa soo qabtay Badriiqii xukumayay Goojaam ee uu magiciisu ahaa Giyoorgis. Asmaaj Isxaaq oo ahaa ninka xukuma Baqemadar ayaa ku halligmay gacanta ninka la odhan jiray Cali Maadjire oo la qola ahaa Mataankii Soomaaliga ahaa. Badriiqyada waaweyn ee la laayay waxa ay tirdoodu ahayd illaa boqol iyo soddon oo u kala baxayay Reer Tigraay iyo Reer Amxaar. Fardooleydoodii iyo lugtoodii oo laga dilay kumanyaal ayaa intaa dheeraa. Muslimiintu shan boqol oo faras ayay boojiyeen, labaatan dagaalyahan oo fardooley ahaa ayuun baana ka badbaaday. Ilaahay muslimiintii buu hantisiiyay teendhooyinkoogii, xoolohoogii, baqlahoogii iyo addoomahoogii. Wasiir Cadli iyo ciidammadii uu watay buurta dusheedii oo ahayd meeshii ay gaaladu degganaayeen ayay xarun ka dhigteen. Imaamkiina gaaladii buu ka daba tegay isaga oo wata konton dagaalyahan oo fardooley ah.

Buurtii buu ka dhaqaaqay illaa uu gaadhayay Hawaas. Intaa dabadeed, Del Meyda ayay ku noqdeen halkaas ayuuna habeenkaa baryay. Maalintii danbe, dhankaa iyo Cabdinaasir ayuu u kacay oo uu kolkii hore kaga tegay Candoora isaga iyo qalabkii iyo sahaydii cuslayd. Imaamka iyo Cabdinaasir dhulka la yidhaahdo Jameet ayay ku tooseen.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: haddaynnu u soo noqonno xaggii arrintii Wasiir Cadli oo ku negaa xaruntii gaalada laga qabsaday, ayaa isna yimid Jameet labo casho ka dib. Muslimiintii way is bogaadiyeen oo way is bariidiyeen. Ilaahay ayay ugu mahad naqeen guusha iyo libinta ay hanteen. Halakaas ayay baryeen habeenkii. Ka dib kolkii uu waagii dillaacay, ayuu Imaamkii amar ku baxshay in la hor keeno maxaabiistii, fardihii iyo qalabkii dagaalka. Waxa ay soo hor joojeen fardihii oo ahaa shan boqol oo ku shaaximan huwis cas, qadiifado, xariir iyo diibaaj dahab ku xardhan oo ifaya sidii xulad la shiday. Duruucdii birta ahayd ee Daa’uudiga ahayd iyo koofiyadihii birta ahaa ee laga keenay Saabuur iyo seefihii Masar lagu sameeyay ayaa la keenay, gaashamadii Xabashida ee u ekaa salladaha cadcad ayaa iyaguna intaa dheeraa. Kolkaas ayuu Imaamkii Eebbaha Weyn u mahad naqay. Imaamku meel-shanaaddii buu ka saaray xoolahaa aan soo sheegnay iyo baqlihii ba. Intaa dabadeed, fardihii iyo baqlihiiba mujaahidiintii buu u qaybiyay.

Imaamkii oo Boqorka Xabashida Waraaq u Qoraya

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Goobtii Shinbirokore iyo duullimaadyadii kale oo dhan ayaan u soo joogay oo aan Imaamka la socday. Kolla ma aanan arag fardo iyo baqlo la qurux ah fardaha Sari iyo baqleheega oo la fara ah. Kolka aan u noqonno dhankii maxaabiista, Badriiqii Asiir isaga qoorta ayaa loo dheereeyay, Badriiq Shootalaay-na sidaa ayaa laga yeelay. Ninka la yidhaahdo Badriiq Kifle, soddon wiqiyadood oo dahab ah ayuu isku furtay. Giyoorgis labo bilood ayuu xidhnaa, intaa dabadeedna xadhiggii buu habeen iska furay, dhanka Gobolka Goojaam ayuuna u fakaday, nin gaalada ka mid ahaa baa se dilay. Badriiqii ay Giyoorgis ay walaalaha ahaayeen isaga Imaamka ayaa xorriyad ugu deeqay, Boqorkii Xabashidana waraaq ayuu ugu dhiibay isaga oo ku leh: “Hadda dhaqaaq oo warqaddan qaad, jawaabteedana ii soo celi.”

Markaas ayuu qoray:

بسم الله الرّحمن الرّحيم

“Ilaahay ayaa keligii mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariisi ha u sugnaadaan Nebigii Maxamad ee aanu nebi ka danbeeyaa jirin. Farriin ka socota Imaam Axmad Ibraahin Al-Qaasii kuna socota Boqorka Xabshida. Intaa ka dib, nabad waxa iska leh ninkii hanoonka raaca, ee addeeca Boqorka Sare. Haddii uu dhanbaalkaygaasi kusoo gaadho, ii soo dir labadii maxbuus ee uu qaatay Badriiqa Faanu’iil oo uu midkood yahay Abuubakar Muslin, ka kalena yahay Jallaati. Kolka aad ii soo dirto, aniguna badriiqyadaada xidhan ayaan kuu soo deyn, kuwaas oo kala ah: Giyoorgis, Kifle, Nasar oo ahaa ninkii xukumayay Marjaay iyo Shootalaay. Halkaasi waa afar, saaxiibbadayna waa labo. Muslinku wuxuu u gargaaraa muslinka, gaalkuna gaalka. Hana noo qaadan sidii raggii hore inaan soo duullay oo aan noqonaynno. Imika aad noqotiin nagu ma jirto, illaa uu Ilaahay dhulka gacanta noo gelinayo oo aan qabsanaynno haddii uu Allaha Weyni yidhaahdo amma aan dhimanaynno oo uu inna kala xukumayo, isagaana ku wax xukuma ugu khayr badan e.”

Dhanbaalkii buu duubay oo uu u dhiibay badriiqii ay walaalaha ahaayeen Giyoorgiskii xidhnaa. In uu dhanbaalka Boqorka Xabashida gacanta kaga rido ayuu ku amray. Dhanbaalkii buu qaaday oo uu u geeyay Boqorkii Xabashida. Wuu akhriyay oo wuu eegay, wuxuuna ka ogaaday sheekadii raggii maxaabiista ahaa, arrinta cashuurta (jisya) iyo arrimo ku saabsan Islaanka. Saddex arrimood buu Imaamku ku kala doorransiiyay dhanbaalkiisa.

Isaguna wuu gaaloobay, wuu madhmadhay, wuu qooqay oo kibir buu cirka isla tegay. Wejigiisii bay cadhadu qarisay, taajkii buu madixiisa ka tuuray. Amar buu ku baxshay inaa labadii nin loogu yeedho oo dhegta ayuu dhiigga u daray – Alle ha u naxariistee – Imaamkiina wax jawaab ah uma soo celin.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: muslimiintii, iyagu Jameet bay ka socdeen oo Qanboora ayay tegeen, meeshaas oo dul ah suuqa Dawaaro. Dadka deggan suuqa Dawaarona waa muslimiin, oo Badriiqa suuqa Dawaaro iska leh ayay gibirka siiyaan. Kolkii uu Imaamku halkaa soo gaadhay ayay muslimiintii Qanboora si weyn u soo dhaweeyeen oo ay sooryeeyeen. Intaa dabadeed, Imaamkii waraaq buu u diray dhulkii muslimiinta isaga oo ku hagaajinaya Suldaan Cumar Diin iyo walaalkii Maxamad Ibraahin oo uu kaga yimid Suldaanka. Guusha iyo libinta u soo hoyatay ayuu Imaamku ugu bishaareeyay. In ku dhow toddoba cisho ayay muslimiintu Qanboora fadhiyeen. Nimankii Soomaaliyeed kolkay boojimadii heleen, ee ay tuusheen fardo, baqlo, lo’, dameero, addoomo iyo dharba ayay dhexdoodii tashadeen oo ay is yidhaahdeen: “Wax badan baynnu boojinnay, imikana waxaynnu u tegaynnaa Imaamkii si aan uga idan qaadanno oo uu innoogu fasaxo in aan dhulkeennii ku noqonno. Hadduu taa innaga yeelo, Balo ma laha, hadduu se inna diido, waan iska baxsanaynnaa oo dhulkeennii baynnu iska tegaynnaa.” Rag Mallasaay ahaana sidaa way ku raaceen.

Soomaalida ayaa is tidhi: “Haddii aan innagu noqonno in badan oo Mallasaay ahina way inna raacayaan. Imaamka kolkaa dad yar uun baa ku hadhi doona.”

Nin Maxbuus ah oo Imaamka iyo Badriiqyadii u Kala Dab Qaadaya

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: nin dadkii shirka ka qayb galay ka mid ahaa ayaa Imaamkii u yimid oo u sheegay wixii ay Soomaalidu yidhaahdeen iyo sidii ay u tashadeen. Kolkii uu Imaamku sidaa maqlay ayuu u diray dad isha ku haya oo ilaaliya oo uu ku yidhi: “Haddii ay wax sameeyaan ii soo sheega.”

Isaga oo uu arrin sidaa yahay, ayuu soo galay Badriiq weyn oo Jaatir xukumayay lana odhan jiray Asmaaj Xeyb. Boqorka xabashida ayaa casilay oo ku amray in uu isaga u yimaaddo. Kolkii uu u yimid ayuu (Boqorku) waraaq u qoray Tekle Iyaasus, isaga oo aan ogayn in ay muslimiintu Tekle Iyaasus dileen. Xeyb buu kolkaa ku yidhi: “U teg oo la joog, waayo adaa dhulka Jaatir aad u yaqaanna, kolkaa waa in aad kala qayb gashaa dagaalka uu muslimiinta kula jiro.”

Xeyb wuu ka soo dhaqaaqay oo inta uu Imaamkii u yimid ayuu Diinta Islaamka soo galay, islaannimadiisiina way wanaagsanaatay. Wuu dagaallamay oo gaalada ayuu la jihaatamay, muslimiintana talooyin fiican ayuu siiyay, Allaha Weynna wuu raalli geliyay. Xabashida wax aanay tolkii oo dhami yeelin ayuu ku sameeyay. Muslimiintii dhulkii Dawaaro ayay dhex mushaaxayeen iyaga oo boojinaya oo midig iyo bidix ugu kala bixinaya weerarka, dhulkoogiina burbur iyo baaba’ ka yeelaya. Nin ay ku soo qabteen goobtii Andaakiya ayaa la socday. Kolkii uu arkay sida ay muslimiintu ku falayaan dhulkii Dawaaro ee burbur ah ayauu yidhi: “Waar talaan hayaaye Imaamka ii geliya.”

Kolkaas ayuu kii la hadlay ku yidhi: “Waar talada iyo hadalka aad sheegaysaa waa maxay?”

Wuxuu yidhi: “Waxba ma sheegayo illaa aan Imaamka hor tegayo.”

Ninkii muslinka ahaa baa socday oo u sheegay ‘Imaamkii’ wixii uu maxbuusku yidhi. Kolkaas ayuu Imaamku ii keena yidhi, wuxuuna ku yidhi: “Talada aad hayso soo daa.”

Maxbuuskii baa yidhi: “Ammaan i sii oo ii ballan qaad in aanad i dilayn haddaan hadlo.”

Ammaankii buu Imaamku u ballan qaaday. Wuxuu yidhi: “Dhul oo dhan burburi laakiin Dawaaro ka reeb. In kaste oo aad Dawaaro dhammaanteed burburisay oo aad dadkii dhulka ku baabi’isay dil iyo qaqabasha, imikana anigu talo ayaan kuu hayaa.”

Kolkaas ayuu Imaamkii ku yidhi: “Hadal oo wax dani ku jirto ku hadal.”

Wuxuu yidhi: “Ii dir nimankii aan saaxiibbada ahayn iyo badriiqyadii Dawaaro. Talo ayaan ku siini in ay Jisyo iska bixiyaan, oo aad kolkaa dhulkooga ka guurtaan iyaguna diintooda iyo dhulkooga iska haystaan.”

Kolkii uu Imaamku warkiisii dhegaystay ayuu ku yidhi: “Hadalkaaga ni waxad uga jeeddaa uun in aad nagu dagto si aan xadhiga kaaga sii deynno. Haddaad saaxiibbadaa hadalkaa ula tegtona kaa yeeli maayaan. Haddaad garanayso in ay hadalkaaga yeeli doonaan oo aad run sheegayso orod oo u teg. Hadaad sena khiyaamayso, ey ey dhalay baad tahay, waxna tari maysid waxna dhimi maysid, waxna nagu kordhin maysid waxna naga dhimi maysid. Haddaad se run sheegto, waan ku martabayn doonnaa.”

Maxbuuskii wuu socday illaa uu gaadhayay nimankii badriiqyada ahaa oo ku shirsan dhulka Jaan Sagara oo ay ku taallo kaniisad uu leeyahay Wasan Segad, raggaas oo uu ka mid ahaa madaxda Badriiqyada Cadliye oo ahaa guddoomiyihii Baali, Faanu’iil, Giyoorgis oo ka wada sarreeyay iyo badriiq AdFaanu’iil oo la odhan jiray Del Sabbar. Maxbuuskii Camdu kolkii uu soo gaadhay ayay ka hor tegeen oo ay si fiican u soo dhaweeyeen iyaga oo dhundhunkanaya oo tahniyadaynaya oo ku leh: “Waar ninyahaw illaa hadda xageed ku maqnayd.”

Wuxuu yidhi: “Waxaan u xidhnaa muslimiinta oo Imaamkii baa isoo daayay si aan idiinku imaaddo.”

Badriiq Camdu iyo Badriiq Giyoorgis xigtanimo ayaa ka dhaxaysay oo waa ilmo adeer, sidaa darteed ayuu ugu yidhi: “U kaadi horta nimanka badriiqyadu ha innaga kacaan, war iyo talo ayaan kuu hayaaye.”

Kolkii ay isaga iyo Giyoorgis isla keliyoobeen: “Muslimiintii ayaan kaaga sidaa talo. Waayadii hore kolka ay dhulkeenna kusoo duulaan, dhulkoogii bay iskaga noqon jireen. Imaamkanise wuu innagu soo duulay oo dhulkiina wuu burburiyay, raggiina wuu laayay mana noqonaayo oo inuu dhulkeenna fadhiyo ayuu goostay. Waad arkayseen sida uu dagaalkii idiinku galay. Waa kii Boqorka ku jebiyay goobtii Shinbirokore, ciidammadii Andaakiyana waa kii jebiyay. Waxa kale oo uu jebiyay ciidankii Bogorka ee Sari oo wuu dilay wixii badriiqyo ahaa dhammaantood. Imikana innoo ma hadhin xoog aan kula dagaalanno. Hadduu dhulkeenna sii joogana wuu burburinayaa oo wuu sii liciifinayaa. Sayidkeennii Wasan Segadna dhulka Daamoot ayuu joogaa.”

Kolkaas ayuu Badriiqii ku yidhi maxbuuskii Camdu: “Waar haddaba xaggeen ka hellaa cid inna heshiisiisa ha innaga tegee?”

Camdu baa yidhi: “Talo ayaan hayaa.”

Kolkaas ayuu Badriiqii yidhi: “Hindisahaaga iyo taladaadaba keen.”

Wuxuu yidhi: “Anaa Imaamka la hadli oo kala hadli heshiis inna dhex mara innaga iyo iyaga. Kolkaa, haddaba Imaamka jisyada ayaan iska siinaynnaa, muslimiintana martisoor iyo hadyada ayaan u gudbinaynnaa. Waxa kale oo aan siinaynnaa saddex baqlood oo wanwanaagsan iyo weliba sonkor, qaat iyo bun, ninku wax badan innagama rabo e.”

Badriiq Giyoorgis ayaa iskugu yeedhay badriiqyadii kale oo u warramay wixii talo uu Camdu soo gudbiyay ee ahayd hadiyad iyo martisoor. Waxa ay yidhaahdeen: “Oggolaannay oo yeelnay, waaba wax iska fudud. Haddii uu sidaa Imaamku yeelo, Boqorkeenna iyo sayidkeenna Wasan Segad innagu qoonsan maayaan sidaa. Imika waxa aan u jeednaa uun inaan dhulka iyo dadka badbaadinno, sidaa awgeed waa in aan hadiyad iyo martisoor iska bixinnaa.”

Waxa ay yidhaahdeen: “Yeelnay oo ogolaannay.”

Hadiyaddii, martisoorkii iyo baqlihii bay soo urursheen. Intaa ka dib, badriiqii muslimiintu ay kolkii hore ku qabteen duullaankii Buusa ee is furtay ayay u yeedheen. Markii uu la fadhiistay ayay ku yidhaahdeen: “Soco oo ninkan Imaamka u la teg, adiga ayaa garanaya sida uu ka yeelo haddiyadda iyo martisoorka. Waxana aad ku odhan doontaa hadda, haddii uu badriiqayagu inaan hadiyad iyo martisoor ku siinnay ogaado, na dayni maayo Boqorkuna dhegta ayuu dhiigga innoo dari. Haddaba naga guddoon intan yar. Kolkaa Imaamku Hawaas ha ka tallaabo oo ha u kaco dhankaa iyo Boqorka si uu ula soo dagaallamo. Boqorku wuxuu joogaa dhulka Jabarji e, haddii uu ka adkaado oo uu dhulkaa qabsado annagu waxaan hub iyo fardo haynnoo dhammaantood waan ku wareejinaynnaa. Kaayagii doona in uu islaamo Diinta Islaanka ayuu iska geli, kaayagii doona in uu nasraani ahaadana diintiisa ayuu iska haysani oo Jisyada ayuu iska bixin. Waxa aan ballan ugu qaadaynnaa, haddii uu Bogorka Xabashidu taageero naga codsado in aannaan ugu gargaarin dagaalka Imaamka una tegin. Waxa kale oo aan ugu ballan qaadaynnaa haddii uu dhulkayaga ka tego in aan ku duulin dhulka muslimiinta oo aan cidna dhibaatayn. Dhulkayaga iyo guryahayaga ayaan iska joogaynnaa.”

Badriiqii ay u yeedheen oo la odhan jiray Seyn ayaa yidhi: “Haddaad sidaa yeeshaan, anaa Imaamka idiinka ergayn oo ammaan idiin qaadi idinka iyo dadka dhulka ba. Haddii aad sidaa yeeshaan, in aanu idinku diideyn ayay ila tahay. Haddaad se khilaaftaan oo aad axdigaa jebisaan, khiyaanadiinnaasi cid aan idinka ahayn dhibaatayn mayso, waayo waa nin runta jecel haddaad run sheegaysaan.”

Badriiqyadii dhaar adag bay u mareen oo ay ku yidhaahdeen: “Orod oo dhaqaaq.”

Kolkaas ayuu Badriiq Seyn socday isaga oo uu la socdo ninkii Imaamka u xidhnaa.

Heshiiskii Dhex Maray Imaamka iyo Badriiqyada

Imaamkii oo jooga Dawaaro dusheeda ayay gaadheen, dabadeedna way u galeen. Badriiq Seyn ayaa u kacay dhankii Imaamka oo hor dhigay hadiyaddii. Imaamkii baa waraystay oo ku yidhi: “Seynoow bal iska warran?”

Isna waxa uu ku jawaabay: “Sayidkaygiiyoow, barakadaada awgeed waan fiicannahay. Addoonkaagii baan ahay. Dadkaa Reer Dawaaro, ergo ahaan bay iigu kaa soo direen.”

Imaamkii baa ku yidhi: “Maxay ergo nooga noqo ku yidhaahdeen?”

Waxa uu yidhi: “In aan hadiyaddan ku soo gaadhsiiyo ayay iga codsadeen.”

Imaamkii buu ugu warramay sidii aan hore u soo sheegnay iyo waxa ay ugu ballan qaadeen iyo sida ay ugu dhaarteen. Kolkaas ayuu Imaamkii ku yidhi: “Oo waa maxay hadiyaddan aad ii keenteen ee jaad, bun iyo sonkor ahi? Anigu qaadan maayo waxan, Ilaahay wuuna siiyay oo wuxuu noo xalaaleeyay in aan xoolihiinna qaadanno dhulkiinnana burburinno. Haddaba xoolahaagan iska qaado, oo kula noqo halkaad kala timid.”

Badriiqii hadiyaddiisii buu qaatay oo waxa uu ula kacay dhankii Wasiir Cadli isaga oo ooyaya, wuuna ag fadhiistay. Wixii uu Imaamku ku yidhi ayuu uga warramay. Cadli iyo raggii Imaamka ku dhadhawaa ayaa Imaamkii u tegay. Imaamku Wasiir Cadli iyo raggii la socday ayuu ku yidhi: “Waar maydaan arkayn inay nimankani innagu ciyaarayaan. Bal waxay hadiyad innooga dhigayaan eega! Waar halkan baan iska joogaynnaa dhulkoogana cagta ayaan marinaynnaa.”

Wasiir Cadli iyo raggii la socdayna waxa ay yidhaahdeen: “Fadhiga aynnu halkan fadhino dani innooguma jirto. Talo waxa ay nala tahay in aad labada nin hadiyadda ka qaaddo. Weliba in aad lebbis huwiso oo ay ku noqdaan saaxiibbadood. Innaguna Hawaas baynnu ka tallaabi oo waxaynnu ku duuli Boqorka. Haddii uu Ilaahay kolkaa guusha inna siiyo, dhulkani gacanta ayuuba innoogu jiraa, kolkaana sidii aynnu doonno ayaynnu ka yeeli.”

Imaamku taladaa inta uu la dhacay ayuu yidhi: “Talo lagu taliyo tii ugu fiicnayd baad ku taliseen.”

Intaa ka dib hadiyaddii buu qaatay oo Badriiqii Seyn buu soo dhaweeyay isaga oo ku leh: “Iminka waan idinka aqballay hadiyaddii. Kolka aan xaggaa Boqorka u duullo dhulkayaga ha ku duulina wax gargaar ahna Boqorka Xabshida ha u fidinnina. Wixii aad noo ballan qaaddeen oo dhan waa in aad wada buuxisaan.”

Seyn baa yidhi: “Waa yahay waan yeellay, saaxiibbadaya intaa way ku dhaarteen, annaguna waxaan idiinku dhaaranaynnaa in aan run idiin sheegaynno.”

Seyn iyo maxbuuskii Camdu waxa ay ku dhaarteen diintoodii. Kolkaas ayuu Imaamku dhar huwis ah siiyay. Way socdeen oo badriiqyadii bay u warrameen.

Haddaan muslimiintii iyo Imaamkii u noqonno, way is diyaariyeen oo jidkii Ey faras bay qaadeen. Boqorkii Xabashiduna wuu ka war helay in ay ciidammadiisii jabeen iyo in badriiqyadiisii lagu laayay dhulka Sari Xilligaa Jabarji oo ku taalla dhulka Waj ayuu joogay. Kolkaas ayuu aad uga uur-ku-taallooday. In ay muslimiintu dhulkoogii ku noqonayaan ayuu u haystay, ka dib kolkii ay xoolo badan boojiyeen, sidaa aawadeed, isna Jabarji buu iska fadhiistay. Muslimiintii iyagu Ey Faras ayay ka dhaqaaqeen oo dhulkii Reer Maayo ayay tegeen.

Imaamkii oo Boojimadii Faraha Badnayd Ciidankiisa ka Daadinaya

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: markay muslimiintu galeen dhulka Maaya ayuu Imaamkii u lallabay oo uu ku yidhi: “Nimanka Reer Maayo lo’ ma ahee wax kale ma leh, dhulkoogana waxa mara waddooyin ay cidhiidhyeen geedo is wada haystaa. Haddaan lo’da ka qaadno muslimiintii bay dhibaatayn doonaan, waa niman eebo-ridka ku ba’as fallaadhahooguna way sumaysan yihiin. Haddaba, lo’dooda ha taabanina.”

“Waan yeellay,” bay yidhaahdeen.

Imaamkii baa u fiirsaday boojimadii ay wateen oo aad u fara badan, iyada oo uu nin waliba wato labo boqol oo baqlo iyo addoomo ah. Kolkaas ayuu ciidankii oo dhan iskugu yeedhay oo uu ku yidhi: “Waa maxay waxan oo fardo-shaqo iyo addoomo ahi? Maxaad u soo urursateen oo xageed geynasaan?”

Waxay yidhaahdeen: “Waxaan moodaynnay inaan dhulkayagii kula noqonaynno, imikana waxaan ula soconnaa halkii aad nagu amartay.”

Imaamkii baa ku yidhi: “Waar horta ma jihaad baan u soconnaa mise waxaan urursanaynnaa fardo-shaqo, baqlo, sahay iyo addoommo? Haddaad sidaa uun u sidataan, sideed u karaysaan in aad mushrikiinta la dagaallantaan idinka oo waxan ku hawllan?”

Waxay yidhaahdeen: “Oo maxaan samaynnaa?”

Waxa uu yidhi: “Aniga ayaa garanaya sida aad yeelaysaan.”

Socodkii bay halkii ka sii wateen illaa ay soo gaadhayeen daw cidhiidhi ah oo labo buurood dhexdood ah. Imaamkii oo ciidanka hor socday ayaa is taagay daw cidhiidhi ah illaa ciidankii uu soo gaadhayay oo uu ku yidhi: “Wax Alle waxaad gacmaha ku haysaanba tuura. Ninna wax baqashiisa iyo addoomihiisa ka badan ma kaxaysan karo. Baqasha uun ha fuulo way na ku filan tahay. Ninka sidaa yeeli waaya qoorta ayaan ka jari oo dhegta ayaan dhiigga u dari.”

Xoolihii ay wateen oo dhan ayay daadiyeen iyaga oo oohin qaylinaya. Imaamkuna halkaas ayuu taagnaa laga bilaabo barqadii illaa casarkii. Dadkii xoolihii ay siteen oo dhan ciidanka agtiisa ayay ku daadiyeen.

Toggii iyo jidadkiiba waxa buuxiyay addoomo iyo gaadiidkii wax lagu siday sida dameeraha oo kale. Intaa dabadeed waxa ay u dhaqaaqeen oo ay galeen meesha la yidhaa Marseer oo ka mid ah dhulka Maayo kana hoosaysa buurta la yidhaahdo Saqaala. Kaniisad weyn oo si adag loo dhisay ayaa halkaa ku taallay. Ciidanka Wasiir Cadli ayaa hor kacayay oo kolkii ay kaniisaddii u soo dhowaadeen ayay fardihii caynaanka u sii daayeen oo ay dhulkii weerareen. Dad bay laayeen, fardo iyo dharna way boojiyeen, waayo dadka dhulka deggani kaniisadda ayay ilaalinayeen, kolkii ay muslimiintu u soo dhowaadeenna dharkii iyo huwiskii kaniisadda ayay qaateen. In ay la fuulaan buur halkaa ahayd ayay doonayeen. Waxa gaadhay fardooleydii muslimiinta oo dhegta ayay dhiigga u dareen. Kolkaas ayay dharkoogii iyo xariirtoodiiba soo qaateen. Intaa ka dib, Imaamkii iyo ciidanka intiisii danbe ayaa soo gaadhay. kaniisadda hoosteedii ayay degeen, habeennimadiina dab bay sudheen. Kaniisadda iyo Boqorka Xabashidu halka uu joogay waxa u dhaxaysay in labo maalmood la socdo. Boqorku ma ogayn in ay muslimiintii soo gaadheen kaniisadda. Oogtii buu arkay kolkaas ayuu gartay in ay muslimiintii ku soo socdaan. Intaa ka dib, badriiqiisii Wasan Segad oo joogay milaygaa dhulka Daamoot ayuu farriin u dirtay isaga oo ku leh: “I soo gaadh, muslimiintii way i hayaan e.”

Waxa kale oo uu farriin u diray Awraci Cismaan oo ahaa guddoomiyihii Awfaat oo muslimay ka dib markii khasab lagu nasaareeyay ee uu Boqorku qabsaday. Awraci Cismaan iyo farriin-sidihii Boqorka oo wata ciidammo fara badan ayaa soo dhaqaaqay. Dhankii Boqorkii Wanaag Segad ayay soo abbaareen, Wasan Segad se, isagu Boqorka wuu ka fogaa oo dhulka Daamoot ayuu joogay.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: haddaan muslimiintii dib ugu noqonno, Saqaala ayay ka dhaqaaqeen oo waxa ay galeen Laalibela oo ka mid ah gobolka Fatagaar, dooxa la yidhaa Dookham ayayna dul degeen iyaga oo u socda Baadiqi. Waxa ay u haysteen in uu Boqorka Xabashidu ka waabin doono oo uu u diidi doono in ay galaan Baadiqi oo ah tuuladii Boqorka sidii uu uga hor joogsaday duullaankii Shinbirokore. Markaas ayuu Imaamkii yidhi: “Baadiqi waan galaynnaa, haddii uu Boqorku innoo yimaadda na waynu kaga goyn.”

Toggii Dookham markii ay muslimiintu yimaaddeen, ayay arkeen dab ka holcaya badhtamaha Baadiqi. Imaamkii baa Badriiqii Xeyb oo muslimay u yeedhay oo ku yidhi: “Dabkani halkuu ka yimid?”

Xeyb baa yidhi: “Ololkaasi tuuladii Boqorka ee Baadiqi ayuu ka baxayaa.”

Imaamkii baa yidhi: “Miyaad garanaysaa sababta dabkan loo shiday?”

Waxa uu yidhi: “Ma garanayo, laakiin halkan baynnu u hoyanaynnaa inta waagu innoo beryayo warkuna wuu innoo iman doonaa.”

Iyaga oo weli ka fikiraya arrintii dabka ayaa waxa u yimid ganacsato Muslim ah oo degganayd Baadiqi. Lacag Boqorku lahaa oo ay la soo goosteen ayay sideen, Imaamka ayayna u keeneen oo ay siiyeen. Waxa uu weyddiiyay: “Waar maxaa aqallada loo gubayay, oo halkuu Boqorkii joogaa?”

“Boqorku horta dhulka Jabarji ayuu jooga. Dabka ololaya ee aad arkaysaanse, Boqorkii baa soo diray badriiq kamid ah badriiqyadiisa oo ku yidhi: Baadiqi orod oo teg oo gub guryahaygii iyo kuwa walaalahayba. Imika gub inta aanay muslimiintu kaaga dheerayn. Inayna gubin oo aanay odhan aqalkii Boqorka ayaan gubnay. Anaa ka hor gubi, kaniisadda se la gubi maayo. Kitaabkeennu inooma xalaalaynnin in aan gubno.”

Kolkaa badriiqii la soo diray ayaa gubay sida aad idinkuba aragteen.

Farshaxan Cali oo Gubaya Kaniisaddii Baadiqi

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: berritadii ayuu Imaamku diray cutub uu hor kacayo Farshaxan Cali oo lagu magacaabi jiray Ankarasax oo uu la socday ninkii Mataan ee Soomaaliga ahaa. Waxa uu ku dardaaray: “Kaniisadda dab qabadsiiya.”

Way socdeen oo Baadiqi ayay gaadheen, dabadeedna kaniisaddii bay dab sudheen. Kaniisadda daaqadeheega dahab ayaa lagu xiddeeyay, dusheeda na macatab dahab cas ah ayaa ku yaallay. Dahabkii bay ka soo qaateen dabadeedna way gubeen. Dhar ay gaaladu tuulada kaga tegeen oo ay ku aaseen saddex god ayay soo boojiyeen, dahabkii se intii ay kaniisadda ka qaateen ma ahee, wax kale kama aanay helin. Imaamkii iyo ciidankiisii, iyagu Dookham ayay ka soo dhaqaaqeen waxayna galeen Andootana oo ah tuulo uu lahaa Boqorkii Wanaag Segad, Farshaxan Cali iyo Mataanna Imaamkii oo jooga tuuladii aan soo sheegnay ayay u yimaaddeen. Andootana guri uu lahaa Boqorka Xabashidu ayaa ku yaallay oo ay yaalleen sawirro, sida ka libaaxa, kuwo aadame iyo kuwo shinbiro, laguna daleeyay midabbada; casaan hurdi, cagaar, caddaan iyo wixii midab ahaa oo dhan. Muslimiintii aqalkii bay galeen oo ay ka yaabeen wixii ku yaallay, dabadeedna way gubeen. Markaas ayuu arkay Boqorkii xabashidu oogtii ka baxaysay aqalkiisa oo uu geeddi qudh ah u dhexeeyay. Wuu cadhooday oo si daran ayuu u tiiraanyooday, oo kaba daran sidii uu hore ugu murugooday guryihiisii uu amarka ku bixiyay in la gubo. Badriiqyadiisii buu ku yidhi: “Nimankaa muslimiinta ahi magaaladaydii bay soo galeen, aqalkaygii na way gubeen. Dabadeed kolkaan arkay waxa ay samaynayaan, waxa ii roon in aan dhinto.”

Intaa dabadeed oohin buu qabsaday oo dadkii buu iskugu wada yeedhay. Ciidammo ayuu urursaday, askartii buu isku tubbaritay iyaguna fardihii bay heensaysteen oo qalabkii oo dhan ayay saareen. Intaa ka dib, dhankii Muslimiinta ayay u dhaqaaqeen. Toggii Hawaas ayaa u dhexeeyay oo kala xidhayay. Togga Hawaas wuu soo buuxsamay kolkii uu Bogorku soo gaadhay, muslimiinkii iyo gaaladii cidina way ka tallaabi kari wayday. Kolkaas ayuu Boqorkii ciidmadiisii isku tubbariday oo uu askartii habeeyay oo uu dul degay Toggii Hawaas. Muslimiintu kama aanay war qabin in uu Toggii Hawaas soo buuxsamay, laakiin waxa ay soo direen dooyo gaaladii war uga keenta. Dooyadii baa socotay oo Hawaas gaadhay. Waxa ay arkeen in uu buuxsamay, meel fog bayna ka dhugteen ciidankii uu Boqorku ku jiray oo la habeeyay. Dooyadii Wasiir Cadli bay ku soo noqdeen oo ay gaaladii uga warrameen. Wasiir Cadli Imaamkii buu u tegay oo uu gaadhsiiyay warkii ay dooyadu gaalada ka keentay. Imaamkii baa diray soddon fardooleydii Muslimiinta kamid ah si ay u soo hubiyaan arrinta nasaarada. Waxa raggaa ka mid ahaa Cabdinaasir oo ahaa guddoomiyihii Ganas, Bishaaro, Shamcoon, Cali Waraadi, Sabrud-Diin iyo ragga kale oo la mid ahaa. Hawaas bay gaadheen, waxayna arkeen ciidammadii Xabashida oo taagan togga girgirkiisa oo dhinaca kale ah, kolkaas ayay cay isku tuurtuureen. Muslimiintii xaggii Imaamka ayay u laabmeen, waxayna uga warrameen wixii ay arkeen iyo sida togga u dhexeeyaa u buuxsamay. Imaamkii baa ku yidhi: “Ayaa hor socda oo taliye u ah?”

Waxa ay ku yidhaahdeen: “Boqorka qudhiisii baa la socda.”

Talo ayay kolkaa muslimiintii iskugu noqdeen. Imaamkii baa yidhi: “Maanta halkan baan ku negaanaynnaa. Askartana waxan u diranayannaa hagar-bax. Berri ayaynnu dhankooga u kacaynnaa haddii uu Ilaaha Weyni yidhaa. Haddaan hello jid aan marno belo ma laha, haddaan weyno meel aan u marnona madaafiic baan ku ganaynnaa.”

“Maqallay oo yeellay,” ayay yidhaahdeen.

Ciidankii halkaa buu degay, badhkoodna hagar-bax bay u weerartameen.

Haddaan u soo noqonno Boqorkii Xabashida iyo ciidankiisii, toggii Hawaas bay iska dul fadhiyeen illaa uu gabaldhicii dhowaanayay. Dhexdoodii bay is yidhaahdeen: “Meel aan u marno muslimiintii ma jirto, meel ay iyagu innoo soo maraan na ma jirto. Hadda aan u kacno xagaa iyo dhulka Waraaba oo aan halkaa iska degno.” Dhankaas ayayna u dhaqaaqeen.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naariistee – waxa uu yidhi: markii ay mushrikiintii ka dhaqaaqeen Toggii Hawaas, ayuun baa kuwoogii danbe baqdin iyo argagax Ilaahay ku riday. Siddeed madfac ayay siteen oo dariiqii ayay ku tuureen. Muslimiinta, iyaga kolkii uu roobku ku da’ay ayay labo maalmood socodkii dib uga dhaceen. Maalintii saddexaad ayay toggii Hawaas gaadheen, isaga oo biyo fatahaya, kolkaas ayay dul degeen. Imaamku Garaad Joosho ayuu diray si uu hagar-bax muslimiinta ugu keeno. Askar buu kaxaystay oo meesha Baraara la yidhaahdo ayay dul degeen.

Boqorkii hore oo la odhan jiray Naa’uud Admaas kaniisad uu lahaa ayaa halkaa ku taallay. Muslimiintu meeshaasi kama aanay war qabin, waxa ay meesha u tegeenna waxa uu ahaa oo keliya lo’ iyo sahay. Kolkii ay muslimiintii gaadheen kaniisaddii ayay arkeen in ay buuxdo dahab iyo safeexado dahab ah oo dhex yaallay. Intaa waxa dheeraa suxuun dahab iyo lacag ah iyo dhar xariir ah. Xoolo fara badan ayay boojiyeen, dabadeedna dhankii Imaamka iyo Webiga Hawaas dushiisa ayay u soo noqdeen.

Imaamkii baa Weyddiiyay oo ka waraystay waddankii ay soo arkeen iyo in ay dagaal la kulmeen. Waxa ay yidhaahdeen: “Gaaladii, iyagu dhanka shishe ee Togga Hawaas duhiisa ayay joogaan, dhulka se waxa ka buuxa dahab iyo lacag; buuraheega, dixaheega iyo kaniisadeheega intaba waxa ka buuxa dahab, lacag iyo xariir.”

Imaamkii waxa uu yidhi: “Haddaba waxan eegaynnaa bal hadalkaa ay yidhaahdeen in uu run yahay iyo in kale.”

Waxa uu u yeedhay nin la odhan jiray Marjaay Nasar oo ay muslimiintu horay ugu soo qabteen goobtii Sari oo muslimay, islaannimadiisuna hagaagtay. Marjaay Nasar Imaamka oo ka warransiiyay ayuu u yimid, dhulka iyo wixii xoolo yaallay ayuuna Weyddiiyay. Nasar baa kolkaa yidhi: “Saaxiibbadaa warkii ay kuu sheegeen way ku run sheegeen, waayo dhulka dahab iyo lacag ayaa ka buuxa, wiixii nasaaradu xoolo ay haysatayna halkan buu yaallaa, waayo waxa ay moodayeen inaanu nin muslin ahi halkan soo gaadhi karin. Sidaa daraaddeed ayay xoolahoogii halkan ugu aammineen.”

Imaamkii baa ku yidhi: “Ninka wax helaa isaga ayaa iska leh.”

Kolkaas ayay muslimiintii magaalooyinkii ku dareereen iyaga oo dhegta dhiigga u daraya ragga iyo baadariyadaba.

Xanuunkii Imaamka iyo Kaniisaddii Abuunaha oo la Gubay

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: waxa sidaa loo yeelay, hadal aan kaa baadariga ahayn iyo fasaadka ay faraan ayaanay gaaladu yeelin. Dadka ayay ku guubaabiyaan la-dagaallanka muslimiinta.

Kadib kolkii ay soo boojiyeen xoolo badan oo dahab, lacag iyo xariir ah ayay muslimiintu ku kala baaheen dalkii. Boojimada ayay u galaa-baxayeen; midkood baa la soo noqonayay wixii uu soo boojiayay, mid kalena in uu soo boojiyo ayuu u baxayay, sidaas ayuuna xaalku ahaa in muddo ah. Intaa kadib, Imaamkii baa bukooday, bishii Ramadaan buuna xanuunkii ku sii adkaaday. Labaatan cisho ayuu halkaa fadhiyay, iyada oo ay muslimiintuna la ooyayeen xanuunkiisa oo ay Ilaahay u baryayeen. Muslimiintu intii uu Imaamku bukay xoolo badan bay soo boojiyeen. Webigii Hawaasna hoos buu u dhacay oo fatihiisii baa yaraaday. Kolkaas ayay fardooleydii muslimiintu ka tallaabeen, Imaamkiina halkii saldhigga ayuu sii joogay. Madaafiicdii ay gaaladu baqa-xooreen ayay soo qaateen.

Labaatan cisho oo bishii Ramadaan ah, ayay muslimiintu ku boojiyeen wax aan la koobi karayn oo dahab, lacag iyo xariir ah. Nin kaste oo muslin ahi waxa uu noqday hodan aan saboolnimo lahayn. Kaniisad laxaad leh oo uu lahaa Baadariga Weyn; aabbihii mushrikiinta ayay gubeen.

Nasaarada Xabashida diintoodu kuma samaato iyaga oo uga yeedha Masar baadari weyn ma ahee. Ninka Masar xakuma ayay u geyn jireen kun wiqiyadood oo dahab ah oo ay ninkaa kaga iibsanayeen. Madaxoogu waa nasraani ay ku magacaabaan Aboon, Boqorkuna wax aan hadalkiisa ahayn kuma shaqeeyo. Nasaarada, qaysaska iyo baadariyaduba way weyneeyaan oo wax aan amarkiisa ahayn kuma shaqeeyaan. Haddii uu u cadhoodo waxa uu ku yidhaahdaa: “Diintiinnii waan idinka qaatay, naagihiinniina waan idinka furay, nabiidkiina waan idinka xaaraantinimeeyay.”

Haddii uu sidaa ku yidhaahdo, waxa ay ku dhaqaaqaan sidii ay u baryi lahaayeen ee ay xoolona ugu raalli gelin lahaayeen. Waxa intaa dheer way soomaan illaa uu ku odhanayo: “Diintiinnii waan idiin soo celiyay, naagihiinnii iyo nabiidkiina waan idiin xalaaleeyay”, iyaguna kolkaas ayay farxaan.

Baadarigaa aan soo sheegnay wuu dhintay, sanduuq bayna ku rideen oo kaniisadda badhtankeega ayay dhigeen. Kolkii ay muslimiintu kaniisadda yimaddeen, way qaateen wixii dahab yaallay iyo lacagtii iyo xariirtii ba, kaniisadiina way gubeen iyada oo uu sanduuqii meydka baadarigu ku jirayna dhex yaallo.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: haddaan xagii Boqorka xabashida u soo noqonno, kolkii ay muslimiintu toggii Hawaas kasoo gudbeen ee ay Jabarji yimaaddeen ee ay gurigiisii gubeen ee uu arkay ololkii dabka ayay badriiqyadii ku yidhaahdeen: “Waa kuwaas oo muslimiintii Hawaas way soo dhaafeen oo aqalkaagii Jabarji bay gubeen.”

Kolkaas ayuu baqay oo uu argagaxay. Dhulkii Waraaba ayuu ka tegay oo waxa uu yimid dhulkii Nasaarjax oo ah daafaha Daamoot halkaas ayuuna degay. Intaa ka dib, badriiqiisii Wasan Segad ayaa u yimid oo Daamoot ka soo kicitimay. Waxa uu Boqorku uga sheekeeyay sida ay muslimiintu dhulkiisii u burburiyeen ee ay kaniisadihiisiina u gubeen iyo in ay soo galeen dhulkii Waraaba. Waxa uu ku yidhi: “Magaaladaasi waa dhul fiican; waa dhulkii sarreenka, qamadiga, cinabka iyo khudaarta. Dhulka Xabasha oo dhan meel la mid ah magaaladaa laga heli maayo. Waa magaalada keli ah ee Boqorka iyo ciidankiisaba xanbaari karaysa.”

Kolkaas ayuu Wasan Segad dhulkii Waraaba u murugooday oo uu si xun u cadhooday oo Boqorka ayuu la hadlay, dhulkii hortiisa ahaana wuu dhunkaday. Badriiqyadii Boqorka, horjoogayaashiisii iyo khusuusigiisii ayuu Wasan Segad kolkaa ku yidhi: “Sidee bay muslimiintu sidan idiinku galayaan iyaga oo ay aabbayaashiin iyo awawyaashiin dhinteen iyaga oo aanu nin muslin ahi yeelin waxa uu ninkani idin yeelay?”

Imaamka ayuu u jeedaa. Waxa uu yidhi: “Waxa uu waxani idiin gaadhay waa dulmigii iyo gabood falkii aad raciyadda u geysateen. Kolkaas ayuu Ilaahay idinku salliday nimankaa muslimiinta ah ee sida ayaxa wax u cunaya. Dhulkii Dawaaro, Fatagaar, tuulada Boqorka ee Baadiqi iyo dhulkii Baraara ayay idinku dul burburiyeen Aabbihiinna way gubeen; baadarigii weynaa ee ahaa madaxa diintiinna iyo kaniisaddiinna. Haddana waxay soo galeen Waraaba oo ahayd jannadii Xabashadiinna. Waxa nicmad iyo khudrad taalla way arkeen, dibna uga tegi maayaan.”

Dhanbaal Caga-Juglayn ah oo uu Boqorku Imaamka u Diray

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: kolkii ay badriiqyadii maqleen hadalkii Wasan Segad oo madaxooga ahaa, ayay tiiraanyoodeen oo ay ooyeen iyaga oo leh: “Wax kale ma aannaan sugayn oo aan adiga ahayn. Haddana waa adigan nasoo gaadhay, annaguna waan kula dhimanaynnaa. Hortaada ayaan muslimiinta kula dagaallamaynnaa.”

Nin la weyneeyo ayuu agtooda ahaa, waxayna uga cabsoon jireen si aanay Boqorka uga biqin. Nin caadil ah xukunka iyo diintaba ayuu ahaa oo ay ku naanaysi jireen Aabbihii masaakiinta kolka afkooga loo eego.

Waxa uu ku yidhi: “Wixii tegey tege, hadda wixii ka danbeeya uun rag noqda, oo ku dagaallama kimista Boqorka, diintiinna iyo dalkiinaba.”

Intaa kadib, Imaamkii buu dhanbaal u diray, isaga oo ku leh dhanbaalkiisaa, kadib kolkii uu ku sheegay bilawgiisa gaalnimadiisii iyo faajirnimadiisii iyo wixii uu doonay: “Intaa ka dib, idinku muslimiin baad tihiin annaguna nasaaro. Waayadii hore waa kaan dhulkiinna ku soo duuli jirnay ee aan burburin jirnay ee aan gubi jirnay, haddana Ilaahay baa nagu kiin beddelay, guushuna maalin walba meel uun kuma negaato. Hadda wixii aad fashay ayaa kugu filan. Dhulkaagii iskaga noqo adiga oo naftaada u sheekaynaya oo ku leh: Boqorkii waxaan ku jebiyay Shinbirokore, oo leh Andaakiyana waxaas ayaan falay, Sarina sidaas ayaan yeelay, oo waxaan gamta u joogsaday ciidankii Boqorka. Haddaba naftaadu yaanay ku hodin, ciidankii Boqorku sidiisii buu ku soo noqdaye. Hadda askar fara badan oo aadan hore u arag horena u maqal ayuu haystaa. Waxa ka mid ah, Reer Guraage, Reer Gaafaat, Reer Daamoot, Reer Anaariya, Reer Seyd, Reer Jimma iyo kuwa la mid ah oo ah addoomihii Boqorka oo weliba kuwaa ka sii badan. Haddaba iskaga noqo dhulkaagii adiga oo boojimadaada iyo dahabkaaga wata. Haddaad sidaa diiddo, waxa innoo ballan ah maalinka sabtiyeed. Garaad Aboon Garaad Ibraahin oo adiga kaa da’ weyn ayaan anigu hore u dilay oo aan ciidammadiisiina cagta mariyay. Taasina kol keliya ma aanay ahayn. Ha u malaynin I naan anigu la mid ahay raggii aad hore u la kulantay ee badriiqyada ahaa. Waxa aan ahay Wasan Segad!”

Dhanbaalkii buu diray, ergaygiisiina wuxuu soo gaadhay Wasiir Cadli. Maalintaa Imaamku wuu bukay. Cadli ayaa Imaamkii u yimid oo u warramay, kuna yidhi: “Hadda maxaan yeellaa? Haddii uu ergaygiisu kuu yimaaddo oo uu sidan kugu arko, wuxuu kaaga sheekayn doonaa saaxiibbadii oo kolkaas ayay taasi niyadda u dhisi doontaa.”

Dadkii meesha joogay rag ka mid ah ayaa yidhi: “Halkaaga hadda waxaan fadhiisinaynnaa ina adeerkaa Saxrabawi Maxamad. Haddii uu ergayga la soo diray yimaaddo, waakan Imaamkii baan ku odhanaynnaa.”

Qaar kalena waxa ay yidhaahdeen: “Arrintu sidaa noqon mayso, waayo mushrikiinta intooda badani Imaamka way yaqaanniin. Kolka uu noqdo ergaygu ee uu yidhaahdo Imaamkii waan arkay oo waan is hor taagay, waxa ay ku odhan doonaan: sidee buu u ekaa? Kolkaas ayuu uga warrami tilmaamaha ina adeerkii. Tilmaamaha ina adeerkiina way ka sooci doonaan oo way ka garan doonaan kuwa Imaamka. Kolkaas ayay odhanayaan: Imaamkii wuu dhintay, ninka sidan u eg ee tilmaamahan iska leh ayaana dhaxlay. Haddaba sidani talo ma aha, waxan se yelaynnaa; Imaamku garbagalihiisa ha qaato iyo dharkiisa. Xanuunka ha iska adkeeyo oo ha fadhiisto. Ninka la soo dirayna kolkaa ha u soo galo.”

Kolkaas ayuu Imaamkii yidhi: “Talo tii ugu wanaagsanayd baad ku taliseen.”

Maalintii danbe ayay muslimiintii isku soo urureen oo ay safafkoogii habeeyeen. Quruxdoodii bay dibadda soo dhigeen, fardahoogii iyo gaashaammadoodiina qaab dagaal ayay u sii dhigeen. Kolkaas ayuu ergaygii soo galay oo uu farriintii Imaamka u dhiibay, isna dulucdii ku jiray wuu gartay. Intaa kadib, muslimiintii buu uga warramay wixii ku qornaa. Nin muslimiinta kamid ahaa oo la odhan jiray Balaw Cabdi ayaa la hadlay ninkii dhanbaalka siday oo ku yidhi: “Sayidkaagii ku dheh: halkaad ka tilmaantay addoomaha Reer Daamoot iyo Reer Guraage-ba, kuwaa waan naqaan Shawadooda. Nimankaasi annagu wax kale uma diranno oo aan ahayn in ay beeraha noo qodaan, dhirta noo jiraan oo ay xaabada noo guraan. Waxba dagaalka kama yaqaanniin oo ma shirrabin. Waxba addoomaha ha nagu cabsiin waan naqaannaaye. Haddaad tahay sida aad sheeganayso, waadna arkaysaa in aan dhulkaagii iyo magaaladaadiiba joogno. Ku dagaallan dee dhulkaaga iyo magaaladaada.”

Haddana Amiir Xuseen ayaa kacay oo yidhi: “Sayidkaaga ku dheh: halka aad ka sheegtay in aad nala dagaallamayso maalinta sabtida, culimadayadii ayaaba horay noogu sheegtay inaa sabti lagu dilayo, taasina shaki kuma jiro haddii Alle yidhaah.”

Imaamkiina waxa uu ergadii ku yidhi: “Waxaad sayidkaaga ku tidhaah: meel kaste oo aad tegtoba waan ku daba guraynnaa, sayidkaagana meel kaste ayaan kaga dabo tegaynnaa. Halka aad nagaga amartay in aan noqonno, annagu taasi kulama qabro oo ma arkaynno. Hadday se dagaalka noqoto, waaba waxa keli ah ee aan u soconno, muraad kalena ma lihin. Cid weli iskaaya hor taagtaba ma aanaan arag. Haddaad nin tahay nagu la dagaallan kimista Boqorkaaga. Dhulkan aan hantinayse weligayo ka tegi maynno. Iska daa taayoo waxa aan hantiyi doonnaa Xabasha oo dhan hadduu Alle yidhaah, siduu Nebigayagu noogu ballan qaaday NNK ee uu yidhi:

زويت لي الأرض فرايت مشارقها ومغاربها فسيبلغ ملك امتي ما زوي لي منها

(Dhulka ayaa la ii soo duubay oo waxaan arkay barigeegii iyo galbeedkeegii, xukunka ummaddaaydu waxa uu gaadhi doonaa wixii dhula la i tusay.)118

Annaguna waxaan ku kalsoonnahay hadalkiisaasi – inshaa Allaahu Tacaalaa – adiguna ku noqo sayidkaagii oo sidaa ku dheh.”

Ninkiii uu soo diray wuu ku soo laabtay, oo wixii ay ‘muslimiintu’ ku yidhaahdeen ayuu u sheegay. Kolkaas ayuu argagaxay, baqdin baana gashay. Mar kale ayuu Imaamka lug u soo diray oo uu ku yidhi: “Hadalkii hore wax kale igama keenine waa baqdin aan Boqorka ka baqayay iyo badriiqyadiisa. Imika se taag uma hayo dagaalkaaga, Boqorka iyo badriiqyadu se waxay igu leeyihiin: muslimiinta la dagaallan. Sidaa awgeed ayaan sidaa u idhi. Waxa ay baadariyadayadii ii sheegeen in aan gacantaada ku dhici doono. Haddaan gacantaada ku soo dhaco ii naxariiso.”

Ergaygii baa Imaamka u yimid oo u sheegay wixii uu yidhi, Imaamkuna wuu qoslay isaga oo leh: “Waxad ku tidhaahdaa: haddaad gacantayada ku soo dhacdo waannu kuu naxariisan.”

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: intaa ka dib, Reer Abraara oo muslimiin ahaa ayaa Imaamkii u yimid oo ku yidhi: “Waan baqaynnaaye,na sii askarna badbaadisa oona ilaalisa.”

Imaamku waxa uu siiyay dagaalyahan muslmiinta ka mid ahaa oo la odhan jiray Absame Nuur oo ay wehelinayeen saddex dagaalyahan oo kale oo fardooley ah, si ay u ilaaliyaan Reer Abraara. dhankaa iyo dalkoogii Abraara ayuu u la kacay magaaladoodii buuna la degey. Iyaga oo sidaasi ah, ayuu maalin maalmaha ka mid ah Boqorkii Xabashidu soo diray ilaalo gaalo ah, si ay muslimiinta war ugaga keenaan. Awraci Cismaan oo diinta ka riddoobay iyo askar fara badan oo uu taliye u ahaa ayay la kulmeen.

Illaa lixdan fardooley ah iyo kun lug ah ayay ahaayeen. Abraara ayay yimaaddeen oo ay dadkeegii ku yidhaahdeen: “Waar wax muslimiin ahi ma idin la joogaan?”

Waxay ku yidhaahdeen: “Afar dagaalyahan oo fardooley ah ayaa halkaa joogta, waxana ka mid ah Absame Nuur si uu muslimiinta ciidamada gaalada uga ilaaliyo.”

Kolkay hadalkaa maqleen ayay dhankii magaalada u soo kaceen. Maalintaa waxa la joogay bil Ramadaan, iyaguna way hurdeen adeegayaashoodiina way soo jeedeen. Kolkii ay gaaladii ka war heleen ee ay arkeen ayay u degdegeen dhankii ay hurdeen oo way toosiyeen, iyagu oo ku leh: “Waar gaaladii way inna haysaa.”

Markaas ayay Absame Nuur iyo saaxiibbadii si dhakhsa ah u tooseen oo ay heensaha fardihii dul saarteen, ka dib kolkii ay diricyadoodii qaateen oo ay fuuleen. colka tiro badidiisii markii ay arkeen ayay dhankii Imaamka u kaceen.

Ilaaladii Xabashida oo ay Absame Nuur iyo Koox Yari Jebiyeen

Curiyuhu – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: waxa aan maqlay Imaamka oo sheekaynaya oo leh: “Absame Nuur baa yidhi, maalintaa waxa aan maqlay nin Imaamka la joogay oo akhriyay Kitaabka la yidhaahdo Al-Musharric baabkiisa Fadliga Jihaadka: Ninka baxsada kolka ay raggu kulmaan, naftiisa ayuu dhiibaa. Ninka isa soo taagaana naftiisa ayuu difaacaa. Hadalkaas ayaa qalbigayga ku soo dhacay maalintaa. Waan soo noqday oo hadalkan baan saaxiibbaday u sheegay oo waxaan ku idhi: sidaa iyo sidaa ayaan kitaabka ka maqlay.”

Mid saaxiibbaday ka mid ah oo Saalax la odhan jiray ayaa yidhi: “Waa yahay.”

Intaa dabadeed, Absame Nuur iyo Saalax iyo saaxiibbadii kaleba dib ayay ugu soo noqdeen dhankii gaalada. Absame Nuur ayaa weerar ku qaaday waxaana la weerar galay Saalax oo badhtamaha u galay. Kuwii kalena sidoo kale ayay yeeleen. Gaaladii baa kala jabtay oo waxa burburay urursanaantoodii. Absame Nuur, waxa weerar ku qaaday badriiqii Awfaat oo la odhan jiray Eslaamu oo warmaha ayay is weydaarsadeen. Badriiqii ayaa Absame Nuur laabta ka wareemay, Absame Nuurna wuu wareemay.

Badriiqii baa baqa jeestay, Absame Nuurna tummaati labaad, tu saddexaad iyo tu afraad ayuu la beegsaday. Saalax baa isna weerartamay, wuxuuna tummaatiyay saddex gaaladii ka mid ah. Absame Nuur ayaa doonay in uu weeraro murtadkii Awraci Cismaan oo badhtamaha jooga. Weerarkaa Saalax baa ku weheliyay. Kolkii uu arkay in ay dhankiisa u soo jeedaan ayuu baqa jeestay saaxiibbadiina way la jabeen. Absame Nuur iyo saaxiibbadii ayaa daba qaatay oo duhurkii illaa gabbal dhicii, wax ay dilaan iyo ka dhigay wax ay qabtaan. Labo badriiq oo waaweynna way soo qabteen, kolkaas ayay dib dhankii Imaamka ugu soo noqdeen. Nin Imaamka iyo muslimiinta bishaarada u sii geeya oo ugu bishaareeya waxa ay faleen ayay sii direen. Ninkii bishaarada siday labo cisho ka dib ayuu Imaamka soo gaadhay. Labadii badriiq ayay Imaamkii soo hor taageen. Ergaygii uu Wasan Segad soo dirayna kolkaa Imaamka ayuu la joogay. Imaamku amar buu ku bixiyay in la laayo iyaga oo uu ergaygiina arkayo. Imaamkiina ‘Absame’ ayuu uga mahad celiyay shaqadaa uu soo qabtay, muslimiintiina gebigood way u duceeyeen. Dagaalyahannada gaaladuna Absame Nuur way ka cabsan jireen oo way ka argagixi jireen geesinimadiisa awgeed – Alle ha u naxariistee.

Bogsashadii Imaamka

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: kolka ay saddex iyo labaatan cisho ka tegeen bishii Ramadaan sannadkii sagaal boqol iyo toddoba iyo soddon 937 H ayuu Imaamkii ka bogsaday xanuunkii. Dhulka Daamoot inuu ku duulo ayuu ku hammiyay isaga oo doonaya in uu helo Boqorka Xabashidu meesha uu joogo. Imaamkii iyo muslimiintii ayaa ka tashaday arrinta socodka. Muslimiintii waxa ay yidhaahdeen: “Imika halkan baynnu soo gaadhnay.”

Iyaga oo marmarsiiyo samaysanaya ayay Imaamka ku yidhaahdeen: “Dhulka Daamoot aad buu innooga fog yahay, midkeenna ma garanayo jidadkeega, gadhwadeenna ma haysanno. Waxa sidoo kale ah dhulka Waraaba, oo waa dhoobo iyo dhiiqo iyo qodaalkii gaalada. Haddii ay galaan fardaha iyo baqluhu dhulkaa way daadanayaan.”

Kolkaa ayuu Imaamkii yidhi: “Waar marmarsiiyahan iska dhaafa, waxaad doonaysaan in aad dhulkiinnii ku noqotaane.”

Markaas ayuu u yeedhay nin muslimay oo la joogay Amiir Xuseen oo uu weyddiiyay jidkii. Wuxuu ninkii yidhi: “Anaa Xabasha oo dhan aqaan. Waan garanayaa jidka Waraaba, jidka Daamoot, jidka Goojaam, illaa iyo Aksum waan idin geyn. Waan idin tusi meeshii aad doontaan ba. Aqoon dheer baan u leehay.”

Imaamkii baa u duceeyay oo kolkaas ayuu huwis saaray. Way socdeen oo waxa ay galeen dhulkii Waraaba. Waxay degeen meel la yidhaahdo Saraara oo ah magaalo weyn oo ay deggen yihiin ganacsato da nasaarada ee Masar ka yimaadda iyo nasaarada Reer Shaam iyo kuwooga ku dhashay dhulka Xabashida ee hallkaa deggan. Waxa ay qabatimeen dhulkaa hawada wanaagsan leh. Boqorka Xabashaad se badriiqiisii Wasan Segad ayaa la hadlay oo ku yidhi: “Hadda muslimiintii ayaa innagu raad jooga. Haddaan isku wada raacno dhulka Daamoot, waa cidhiidhi oo muslimiintuna way innaga daba iman oo innaga raagi maayaan. Haddaba adigu u soco xaggaa iyo dhulka Daamoot, aniguna waxan u kici dhanka muslimiinta ka danbaysa oo dhulkoogii baan u weydaaran. Hadday kolkaa ogaadaan in aan dhankaa iyo dhulkoogii u kacay way iga daba iman doonaan. Anna waan iska deyn illaa ay gaadhayaan Dawaaro. Kolkaas ayay kala yaaci doonaan oo ay dhulkoogii u daadegi doonaan. Aniguna waan kugu soo noqon doonaa.”

Boqorku hadalkiisii buu ku qancay, dhankaa iyo Daamoot buuna u dhaqaaqay, Wasan Segadna dhankii Dawaaro ayuu u kacay oo dhulka Waji ayuu gaadhay. Maaya oo muslimiinta ka danbaysay ayay dul degeen.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: muslimiintii shan iyo toban cisho ayay Saraara fadhiyeen. Jawaasiis ka mid ah kuwii Imaamka ayaa yimid oo yidhi: “Boqorkii baa soo galay dhulka Daamoot, Wasan Segadna dhanka ka danbaysa ee dhulka Waj ayuu u laabmay oo halkaa buu degey isaga oo idinku khiyaamaynaya in aad u qaadataan in uu dhulkiinnii u daadegayo. Inaad ka daba tegtaan ayuu doonayaa, haddaad ka daba tegtaan oo aad gaadhaan Dawaarona waxa kala tegi askartiinna. Waxa uu sidaa u samaynayaana waa dagis iyo marinhabaabin. Haddaba waad garanaysaan oo idinka ayay idiin taallaa waxad samaynaysaan.”

Kolkaas ayuu Imaamku muslimiintii ku yidhi: “Waxa aan u kacaynnaa dhanka ninkii nasraaniyadda ugu weynaa; Boqorkoogii oo dhankaa iyo dhulka Daamoot ayaan kaga daba tegaynnaa. Kolka uu Wasan Segad ogaado in aan u kacnay dhankaa iyo dhulkii Daamoot, isna waxa uu u soo kici doonaa xagga Daamoot si uu ugu gargaaro sayidkiisa haddii kale wuxuu iska fadhiyi doonaa halkiisa. Hadduu halkiisa iska fadhiyo waxba innaga ma saar na. haddii uu u dego dhanka dhulkeenna, haba u dego hadduu karayo annaguse waxaan u kacaynnaa dhankaa iyo Boqorka goob uu joogoba.”

Muslimiintii, socod dheer ka dib bay galeen magaalo baaxad leh oo la yidhaahdo Wiis oo leh suuq weyn oo ganacsi xabashi oo dhamina aanay mid la mid ah lahayn. Suuqaa dahab ma ahee wax kale laguma kala iibsan jirin. Haddana magaaladii Wiis bay ka dhaqaaqeen oo meel la yidhaa Qub ayay galeen. Qub bay kolkaa u sii dhaafeen meel la yidhaahdo Masar Mishki. Ereyga Mishki waxa uu afkooga ku yahay afaafkii cidhiidhiga ahaa. Masarna waa magaca tuulo ku taalla Daamoot. Muslimiintu

Masar Mishki (afaafkii cidhiidhiga ahaa ee Masar) dusheeda ayay is taageen. Imaamkii baa muslimiintii ku yidhi: “Albaabkaa ballaadhiyaa oo dhagxantiisa dumiya, geedihiisana gooya si aad u samaysataan dariiq ballaadhan oo aad afaafka u dhaaftaan.”

Sidii bay yeeleen, habeenkiina suuqii Waysaro ayay baryeen.

Boqorkii Xabashida iyo Baxsashadiisii

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: haddii aan u soo noqonno Boqorkii Xabashida, in ay muslimiintu dhulkii Daamoot gacanta ku dhigeen ayaa loo warramay. Buur dhulka Daamoot ku taallay oo aad u adag oo aan la fuuli karayn oo dariiq keli ah leh ayuu fuulay, dariiqaas oo lahaa afaaf adag oo lagu magacaabi jiray Guraaji. Buurtii dusheeda ayuu ciidankiisii iyo askartiisii ku habeeyay, albaabkiina ninka la odhan jiray Awraci Cismaan Daar Cali oo ka talin jiray gobolka Fatagaar oo maalinkaa ahaa murtad ayuu taliye uga dhigay. Boqorku amar buu ku siiyay in isaga iyo ciidankiisu halkaa aanay ka dhaqaaqin, isaguna buurta leggeega ayuu joogay, meel la yidhaahdo Dukhun Door oo uu macneheegu yahay hoygii maroodiga.

Haddii aan u noqonno dhankii muslimiinta, suuqii Waysaro ayay ka dhaqaaqeen oo afaafkii Guraaji hoostiisa ayay degeen. Iyaga iyo mushrikiintii ayaa iska arkay afaafkii. Muslimiintu kolkii ay gaaladii arkeen ayay tashadeen. Wasiir Cadli, Balaw Cabdi iyo kuwii la socday ayaa yidhi: “Nimankani dariiqii iyo afaafkiiba way innaga xidheen. Daw kale oo aan kaa ahaynna ma haynno. Hase yeeshee, caawa halkan ayaynnu baryaynnaa, madaafiicdana waan ku ganaynnaa. Kolka berri ay tahayna dagaal baan ku qaadaynnaa.”

Kolkay halkaa marayso ayay Amiir Saxrabawi Maxamad, Cabdinaasir iyo Garaad Axmooshe yidhaahdeen: “Haddaynnu halkan u hoyanno, waxa xagga danbe innagaga iman doona badriiqii Wasan Segad oo innagu xidhi Masar Mishki. Kolkaana labo buurood dhexdood ayaan ku dhacaynnaa, mana bixi karno mana fanan karno. Taladu waa in aan imikaba dagaalka ku bilawno oo aan u korno, Ilaahayna guudha wuu inna siin doonnaa.”

Imaamkii baa yidhi: “Talo waa taa ad sheegteen”, taladii kuwii horena dhanbuu isaga riixay. Askartiisii buu isku tubbariday oo qaab dagaal buu u habeeyay. Albaabkii uu joogay Awraci Cismaan kii murtadka ahaa ayay u dhowaadeen. Iyagii iyo gaaladii ayaa is milicsaday. Kolkaas ayuu Imaamkii afaafka iskaga tegay, oo isaga iyo ciidankiiba dhankii uu xiddigga Suheel ka xigay ayay u leexdeen oo meesha la yidhaahdo Dakhan Doora ayay ku tooseen, isaga oo raadsanaya Boqorka. Afaafkii Wasiir Cadli ayuu kaga tegay, isna ciidankiisii Dakhan Doora ayuu la soo gaadhay. Boqorku ma ogayn in ay soo galeen meeshan, maxaa yeelay waa meel cidhiidhi ah oo aanay cidina aqoon dawga loo maro. Sidaa daraaddeed, Boqorka Xabashidu in uu ku ammaan helayo ayuu u qaatay oo marna ma moodayn halkaa in ay cidi u soo dhowaanayso. Kolkii uu Imaamku soo gaadhay ayuu ogaaday in ay leedahay sadex albaab oo ay dhacan iyo qodax ku tuuleen, illaa ay jiq ka dhigeen. Imaamku askartii lugta ahayd oo uu hor socdo ninka la odhan jiray Shamsu ayuu amar siiyay. Ooddii la dhacamiyay iyo qodaxdii ba gaashamadoodii ayay ku dul teediyeen oo ay dul socdeen. Afaafkii ayay ka gudbeen oo meel faalal ah oo habboon ayay u baxeen. Kolkii uu albaabkii furmay ee ay qodxihii iyo ooddii dhinac iskaga riixeen ayay Imaamkii iyo askartiisii dhammaan soo galeen. Boqorkii baa Reer Tigraay ku yidhi: “Muslimiinta uga dheereeya afaafka intaanay soo dhaafin.”

Reer Tigraay dhankii afaafka ayay u dhaqaaqeen, inay muslimiintii uga soo badiyeen ayay se arkeen. Meel cidhiidhi ah oo muslimiinta ku dhaw ayay is taageen. Muslimiintii baa aragtay, dagaalyahannadii muslmimiinta ayaana dhankoogii u kacay. Waxa raggaa ka mid ahaa Sheekh Makaahiil Sheekh Dagane, Mataankii Soomaaliga ahaa, Sayidkaygii Maxamad, Cabdinaasir, Awraci Aboon, Amiir Abuubakar, Awraci Cismaan Cali, Kabiir Maxamad iyo afartan kale oo la mid ahaa. Doox halkaa ahaa ayay ka tallaabeen nasaaradii bayna halkoogii ku gaadheen. Muslimiintii weerar bay ku qaadeen kuwii mushrikiinta ahaa oo dagaal kii ugu weynaa ayaa dhex maray. Shuunkii Saraawi oo Tigraay ahaa lana odhan jiray Tekle ayaa weerar ku qaaday Sheekh Makaahiil, oo inta uu lugta ka tummaatiyay laftii jebiyay. Kolkaas ayuu warankii oo walcanayaa dhankii kale uga tabay.

Labo cisho ayuu galgashay, dabadeedna wuu shihiidoobay – Alle ha u naxariisto tii uu samafalayaasha u naxariisanayay e-. Badriiq mushrikiinta ka mid ahaa oo la odhan jiray Camdu Miikaa’iil Roobeel oo aabbihii lagu dilay goobtii Shinbirokore ayaa isna weerar ku qaaday Abuubakar Qadiin oo ay warmihii is weydaarsadeen. Badriiqii ayaa tummaatidii la helay faraskii Amiir Abuubakar oo la odhan jiray Rakhma. Luquntiisa ayuu warankii ka tebiyay. Warankii buu kala baxay oo mar kale ayuu haddana ku celiyay oo gacanta midigta ayuu dhaawacay. Intaa ka dib ayuu Amiir Abuubakar badriiqii Amdaw laabta ka tummaatiyay, warankii oo walcanaya ayuuna dhanka kale ka saaray oo wuu foorariyay. Kolkii uu badriiqii dareemay tummaatida, ayay isaga iyo Amiir Abuubakar is qabsadeen oo ay legdameen. Nin ay badriiqa ilma adeer ahaayeen ayaa soo weerartamay si uu ugu gurmado, oo Amiir Abuubakar ayuu dhabarka ka tummaatiyay.

Cabdinaasir baa isna weerar ku qaaday kii Amiirka tummaatiyay oo dhulka ugu riday isaga oo faraskii ka soo dul duulay, kolkaas ayuu Ilaahayna ruuxdiisii naarta u dedejiyay, meel lagu negaadona iyada ayaa u xun e. Badriiqii Amdaw tummaatidii Abuubakar ayuu afka ciidda la daray oo isna wuu dhintay – Ilaahay uma naxariistee. Kolkii ay labadii nin saaxiibbadood arkeen ayay dabada jeediyeen, muslimiintiina cagta ayay cagta u saareen iyaga oo dilaya oo badh kalena qaqabanaya. Waxa ay qabteen labo badriiq oo Tigraay ah oo uu midkood ahaa Shuunkii Saraawi ee dilay Sheekh Makaahiil. Ninkaa Awraci Aboon ayaa soo qabtay. Badriiqa labaadna Shuunkii Shagara ayuu ahaa oo isna soo qabtay khaadinkii Garaad Sadiiq oo ah ninkii Sharkha guddoomiyaha ka ahaa.

Badriiqyadii Tigraay siddeed baa laga dilay, muslimiinta se wax aan nin keliya ahayn lagama dilin. Muslimiintu labaatan faras tiro gaadhaysa ayay boojiyeen. Intii gaaladii ka hadhayna dhankii Boqorka ayay u jabeen.

Ninkii Badriiqyada taliyaha u ahaa Ayoociil ayuu ahaa, isaga iyo ciidammadii hadhayna way isla jabeen. Boqorkii buu u galay oo uu u sheegay in ay muslimiintii soo jabsadeen albaabkii, badriiqyadiina laayeen. Boqorkii kolkii uu sidaa maqlay ayuu fadhiisan waayay oo uu yidhi: “Waa la dilay Amdaw Makaa’iil Roobeel.”

Nin Nasaarada ku weyn ayuu ahaa, inankiisii oo ahaa nin geesi ah ayuu halkiisiina u magacaabay. Addoomaha aabbihii, waxa ay ahaayeen boqol iyo konton dagaalyahan oo Nuuba laga keenay. Sayidkooga ayay ka hor dagaallamayeen. Inankuna sidii aabbihii ayuu ahaa. Intaa ka dib, Boqorku meeshiisii buu ka dhaqaaqay, dhulkii Daamootna wuu ka tegay oo dhanka dhulka Waj ayuu u kacay. Ninkii Awraci Cismaan ee murtadka ahaa markii uu maqlay in Boqorkii uu baxsaday ayuu ka dhaqaaqay afaafkii Guraaji oo uu ka daba tegay.

Haddaan u soo noqonno Wasiir Cadli, oo uu Imaamku afaafka kaga tegey habeenkii dariiqa ayuu u hoyday. Imaamka buu Dakhan Door ugu tegey, haddana way is raaceen oo Boqorkii bay ka daba tegeen. Xilli karan ah bay ahayd, Xabashidana waxa caado u ah haddii ay karantu u soo gasho in aanay afar bilood aqallaadooda ka bixin waayo habeen iyo maalinba roobku wuu da’aa. Muslimiintii roobkii iyo dhaxantii bay dhex qaadeen, dhulkiina dhooqo ayuu wada noqday roobkii da’ay awgii. awrtii madaafiicda sidday ayaa jajabtay, kolkaas ayay madaafiicdii iska qubeen. Madaafiicdaa tiradeedu toddoba ayay ahayd, kuwii ay gaalada ka boojiyeenna lix bay ahaayeen, dhammaanted se way wada tuureen. Dawga adag iyo dhoobadii dartood ayay teendhooyinkoogii u daadsheen. Intaa Boqorkiina wuu hor baqe-cararayay, muslimiintuna way daba gurayeen illaa ay gaadhsiiyeen meel gabadano badan oo la yidhaahdo Wiix Yaxar.

Xabashidii oo Dhaxan Ku Le’atay

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: markii ay mushrikiintii gaadheen magaaladaa, gabadanadii iyo roobkii ayaa saddex boqol oo qof ka dilay, muslimiinta se Ilaahay wuu ka badbaadiyay. Imaamkii iyo ciidankii ayaa joogsaday markay arkeen meydkii gaalada ee uu qabawgu laayay oo halkaas ayay degeen. Bogorkii Xabashida ee Wanaag Segad, isagu habeenkii meel ma degin oo habeenkii oo dhan ayuu guure ugu dhiftay illaa uu gaadhayay dhulka la yidhaahdo Jabarji.

Badriiqiisii Wasan Segad oo dhulka Waj joogay ayaa ka soo dhaqaaqay oo Sayidkiisii u yimid. Boqorkii baa uga sheekeeyay wixii ay muslimiintu ku dhigeen kolkii uu joogay dhulka Daamoot. Wasan Segad baa badriiqyadii ku yidhi iyaga oo Boqorkii hor fadhiya: “Waar waa maxay waxan aad samaynaysaan iyo dulligan Alle idin saaray? Sideed u jabteen oo la idiinka fara bixiyay dhulkii Daamoot iyada oo ah dhul adag, buuro aan la mari karin iyo dariiqyo cidhiidhi ah? Afaafkii iyo dariiqüi baad muslimiinta iska taagteen, haddana waad jabteen. Waar ma dhimashada ayaad ka baqaysaan, iyaga oo aabbayaashiin iyo awawshiinba ay diinta u dhinteen oo aanay dullinimadan oo kalena arag? Anigu waan dhiman diintayda se waan u dagaallami. Haddii aan dhinto, waxaad doontiin yeela.” Badriiqyadii baa ku yidhi: “Alle ha ku ilaaliyo. Haddaad adigu dhimatid, diintayada ayaa dhiman. Haddaba ha odhanin anaa dhimanaya adiga oo madaxayagii ah.”

Waxa uu ku yidhi: “Imika halkeed muslimiintii kaga timaaddeen?”

Waxa ay ugu jawaabeen: “Meel aan garanaynno kagama aannaan iman, hase yeeshee way na daba jebinayaan.”

Markaas ayuu yidhi: “Aawaya badriiqii Waj ee Eslaam Dixir? Oo aaway Koom Dixir, gacalkii Boqorkii Isankadar ee qabay Boqorka Wanaag Segad Naa’uud ina adeertii?”

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: kolkii uu yimid badriiqii Waj ayuu Wasan Segad ku yidhi: “Hadda Boqorkii dhulkaagii ayuu joogaa. Halka aad marinaysa na adiga ayaa garanaya. Waxaad noo sheegi meel aan la mari karin oo cidhiidhi ah oo aan degno. Hadday muslimiintu inna soo gaadhaanna, halkaas ayaan kula dagaallamaynnaa, anna waan idin la dagaal gelayaa.”

Kolkaas ayuu yidhi: “Waa yahay, way tahay. Hadda waxa aad joogtiin Jabarji, dhoobada ‘suuqa’ Wiis Gabiya dega, oo ka mid ah dhulka Waj. Hadday muslimiintii yimaaddaanna waxa aan idin geyn doonaa meel aanay cidina soo dhaafi karayn.”

“Yeellay iyo marxabba” ayay yidhaahdeen. Waxa ay ka dhaqaaqeen Jabarji oo dhoobadii ‘suuqii’ Wiis Gabiya ayay gaadheen halkaa bayna degeen. Muslimiintii, iyagu meeshii qaboobayd ayay degeen oo labo cisho ayay degganaayeen. Kolkaas ayay haddana ka dhaqaaqeen oo ay galeen dhulka Waraaba oo ah daafaha Waji oo u dhow Jabarji. Iyaga iyo ciidanka nasaarada waxa u dhexeeyay labo geeddi oo fudfudud. Iyaga oo sita hagar-baxoogii iyo teendhooyinkoogii ayay halkaa degeen. Intaa ka dib, ilaalo dagaalyahankii ah ayay direen si ay ugu keeneen Boqorku halkuu joogo iyo warkiisa. Raggaa ilaalada loo diray waxa ka mid ahaa, Cabdinaasir oo uu Imaamku ku daray labo boqol oo dagaalyahan, kuna yidhi: “Teg dhulka Jabarji oo ah halkii uu Boqorku joogay oo warkeega noo keen.”

Isla markii ayuu dhaqaaqay oo uu gaadhay Jabarji. Iyaga iyo ilaaladii gaalada ayaa indhaha isla heley. Mushrikiintii fardahoogii ayay ku baxsadeen baqlahoogiina way ka yaaceen, muslimiintii baana boojiyay.

Mushrikiintu dhankii Boqorkooga ayay u carareen oo ay u sheegeen in uu Imaamkii ku daba jiro. Cabdinaasir ayay u qaateen in uu yahay Imaamkii oo colkiisii wata. Boqorkii baa ku yidhi badriiqiisii Eslaam Dixir: “Muslimiintii way inna hayaan, halkeed noogu talinaysaa in aan tegno.”

Kolkaas ayuu badriiqii ka qaaday dhulkii Waj oo uu geeyay meel cidhiidhi ah, halkaas ayayna degeen. Cabdinaasir, isagu Imaamkii buu dib ugu noqday, sidii uu yeelayna wuu u sheegay iyo in uu Boqorkii u baxsaday Waji.

Muslimiintu Taraaraqad oo ka mid ah dhulka Waraaba ayay degeen oo ay dhexdoodii ku tashadeen. Nin kamid ah dadkii soo islaamay oo la odhan jiray Xeyb ayaa Imaamka ku yidhi: “Hadda wuxuu Boqorkii u cararay meesha la yihaahdo Waji, sidaasaana innoo wanaagsan. Intaa ka dib meel uu uga baxaa ma jirto, haddii uu u baxsan lahaa dhanka Guraage ma karayo waayo col bay yihiin. Hadduu u cararo dhanka Dawaarona waynnu daba dhigan. Meel uu haddeed ka baxaa ma jirto. Halkan aan joogno kolkaan ka dhaqaaqnona waxa ay innagu qaadan labo maalmood.”

Muslimiinta taladoodu waxa ay ahayd: “Imika ka daba tegi maynno inta uu meel kale degayo.”

Badhkoogii kale ayaa yidhi: “Boqorka dhankiisa tegi maynno dhanka Dawaarona tegi maynno. Dhulka Dawaaro haddii aan tegno askarta ayaa innaga kala tegi, oo dhulkoogii bay u degi, waayo, intooda badani waxay jecel yihiin inay dhaadhacaan oo ay dhulkoogii iska tegaan. Waxan se u dhaqaaqaynnaa dhulka Shawa, waxa halkaa yaalla khasnadihii Boqorka iyo xoolihiisii oo dhan.”

Kolkii uu Imaamkii arkay in ay taladaa u badan yihiin ayuu Xeeb ku yidhi: “Waar adigu aamus, talada qoladan baan racaynaaye Boqorkuna gacanteenna ayuu soo geli doonaa haddii Eebe yidhaah.”

Buqdhada Togga Hawaas

Muslimiintii dib ayay u soo noqdeen iyaga oo u socda dhulka Shawa oo qaaday dariiqa magaalada Wiis. Imaamku, jeedh uu madax uga dhigay Cabdinaasir ayuu u diray Andaaqbadan oo dhulka Shawa ka mid ah, waa na halka uu ka soo bilaabmo togga la yidhaahdo Hawaas. Kaniisad ay boqorradii hore lahaayeen ayaa halkaa ku taallay oo ay xoolo badan iyo khasnado yaalleen. Waxa uu Imaamku amar ku baxshay inay kaniisaddaa gubaan xoolahana soo boojiyaan raggana laayaan, isna wuu ka sii dhaqaaqay. Haddana guuto kale ayuu diray oo uu taliye uga dhigay Amiir Xuseen oo uu ku amray in uu tego dhulka Daar Diini oo ka mid ah gobolka Shawa. Kaniisad weyn oo uu lahaa Boqorka Wanaag Segad, si weyn na loo dhisay ayaa halkaa ku taallay. Inankiisa Faqduur la yidhaahdo ayuu hore u siiyay uguna magac daray. Weelal dahab iyo lacag ka samaysan iyo xariir heer sare ah ayaa dhex taallay.

Cabdinaasir, isagu kolkii uu gaadhay kaniisaddii uu Imaamku ku amray waxba kama uusan helin. Xoolihii yaallay oo dhanba dhulka la yidhaahdo Gaafaat ayaa looga qaaday, isna dabka ayuu qabadsiiyay kaniisaddii.

Amiir Xuseen, isna guutadiisii buu la dhaqaaqay Cabdinaasir baana ka daba tegey. Nin gadhwadeen ah oo uu watay ayaa ku yidhi: “Anaa kuu garanaya dariiq aad kaga badin karto Amiir Xuseen.”

Kolkii uu Cabdinaasir maqlay ayuu yidhi: “Inna mari.”

Gadhwadeenkii dariiq kale ayuu mariyay, waxayna Amiir Xuseen uga badiyeen kaniisaddii maalin. Wuu gubay, wixii khasnado yaallayna wuu boojiyay. Amiir Xuseen ayaa yimid iyada oo kaniisaddii la gubay hortii. Arrintaa waa la isku qabsaday. Amiir Xuseen ayaa kolkaa yidhi: “Maxaad iigu gacan dhaaftay meeshii uu Imaamku igu amray in aan tego?”

Cabadinaasir ayaa isna yidhi: “Waar waa dhul gaalaad oo uu nin waliba samaynayo wixii u dhib yaraada isaga oo niyaddiisu ay saafi tahay”, xoolihiina wax buu ka siiyay oo wuu la heshiiyay.

Dhammaantood iyaga oo wada socda ayay Imaamkii ku soo noqdeen. Cabdinaasir saaxiibbadii nin walba intii ku dhacday buu qaatay, intii hadhayna Imaamkii baa la siiyay oo ahaa suxuun lacag ah iyo tasaawiir xawayaan sida shinbiraha iyo dugaagga oo xayawaankiiba lacag laga wada sameeyay dharkana wax aan la koobi karin badi awgii baa la keenay. Waxa xoolaha ka mid ahaa labo daah oo aan carab iyo cajam toona hore loogu arag oo uu qiimahoogu gaadhay boqol wiqiyadood oo dahab ah.

Imaamku maalinkaa dhulka Abaaraat oo ah dusha isha Hawaas ayuu joogay. Reer Waraaba iyo Reer Shawa inay Jisyo iska bixiyaan ayay oggolaadeen oo kolkaa dhulkooga loo daayo. Intaa ka dib, dhankaa iyo Baraara ayay u keceen, intii ay sii socdeenna xoolo ah dahab, lacag iyo xariir ayay boojinayeen. Toban cisho ayay jidkii socdeen. Baraara kolkii ay u soo dhowaadeen ayay Reer Baraara muslimiintii ka hor yimaaddeen. Magaaladaa dadka degaa Boqorka Xabashida ayay dharka u toli jireen.

Labbiska fardaha lagu shaaximo ayay u toli jireen, meeshii uu u kacana way u raaci jireen. Kolkii uu Bogorku u baxsaday xaggaa iyo Waji ayay iyagu ku soo noqdeen Baraara muslimiintiina martisoor bay ku soo dhaweeyeen.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: habeenkii u darraa ee dabayl iyo roob iskugu kaaya biireen ee aanu habeen la mid ahina soo marin, wuxuu ahaa habeen gurcud ah oo uu cirku mugdiga dhigay, xiddiguhuna ay qarsoomeen, oo ay dabayl iyo roob aad mooddo inaa qarbid lagugu faruuray nagu dhabanaysay. Dabayshii oo teendho qaadaysa oo tii ku xigtay dusha kaga geynaysa ayaan arkayay. Wax Alle wixii teendho ahaa ayay dhidibbada u rujisay. Waxa aan arkay Imaamkii iyo xaaskiisii Haajira iyo labo nin oo asxaabtiisa ka mid ah oo teendhooyinkii xajinaya. Tahliil iyo takbiir ayay ku dhawaaqayeen iyaga oo aad mooddo in ay garawsadeen in ay halkaa ku rogmanayaan. Ilaahay mugdigii, roobkii iyo dabayshiiba wuu ka fayday. Muslimiintu Imaamkii bay ku soo ag urureen iyaga oo is weydiinaya: “Waar habeenkan inna helay muxuu ahaa?”

Qaar baa yidhi: “Duufaankii Nebi Nuux (NNK) ayaa inna helay.”

Kaniisaddii Xabasha ugu Horraysay ee Laga Dul Dhisay Webiga Awrama

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: muslimiintii Baraara ayay muddo lix cisho ah ku negaadeen. Intaa ka dib dadkii deegaanka ayaa Imaamka la hadlay oo ku yidhi: “Halkan dhiniciinna waxa ku taalla kaniisad si layaab leh loo dhisay.”

Imaamkii baa yidhi: “Dhulkee bay ku taallaa?”

Waxa ay yidhaahdeen: “Dhulka Jaraara ayay ku taallaa, tog weyn oo la yidhaahdo Awrama ayaana halkaa jira. Toggaa qarkiisa saaran kaniisad magaceega la yidhaahdo Debra Libaanoos oo ay nasaaradu aad u weyneeyaan, dadka diinta nasaarada haysta oo dhamina ay u soo xaj tegaan. Waa kaniisaddii ugu horraysay ee dhulka Xabashida laga dhiso, tu la mid ahina ma jirto marka laga reebo kaniisadaha Aksum iyo ta Laalibela.”

Waxa uu ku yidhi: “Imisa geeddi ayaa naga xigta?”

“Lix geeddi ayaa idiin dhaxaysa” ayay yidhaahdeen.

Imaam Axmad – Alle ha u naxariistee – waxa uu u yeedhay Amiir Abuubakar Qadiin wuxuuna ku daray saddex boqol oo fardooley ah oo uu ka mid ahaa Amiir Mujaahid, Absame Nuur, Del Segad iyo rag kale oo la mid ahaa.

Nin gadhwadeen ah ayay xilli-roobaad kaxaysteen. Intii aanu soo noqon Amiir Abuubakar ayay Imaamka u yimaaddeen dadkii Reer Baraara oo ay ku yidhaahdeen: “Annaga ayaa og xoolihii Boqorka ee yaallay Baadiqi, annagaa na idin tusi.”

Kolkaas ayuu Imaamku u diray Wasiir Cadli iyo ciidankiisii Baadiqi, xoolohiina sidii ay sheegeen buu dhulka ka soo faqay. Lix cisho ayuu halkaa fadhiyay oo ay boojimo la dhex marayeen Fatagaar iyo Masiin. Isaga oo jooga Baraara ayuu dib ugu soo noqday dhankii Imaamka. Xoolo, suxuun dahab iyo lacag ah iyo xariir midab walba leh ayay keeneen.

Imaamkii Meheridii la dagaal gashay ayuu siiyay xoolihii la keenay. Waxa uu sidaa u yeelay iyagu isaga ayay goor walba la joogeen oo uma aanay suurta gal ahayn in ay duullimaadka ka qayb galaan oo ay soo boojiyaan sida askarta kale, sidaa awgeed buuna u siiyay. Cadli baa Imaamka u sheegay warkii Bogorka oo ku yidhi: “Boqorkii dhulka Waji ayuu joogaa, laba cisho socodkooda ayuun baa na innaga xigta, toggii Hawaas baa se innoo dhexeeya oo inna kala xidhaya oo xiilligan oo kale buuxa.”

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Boqorkii Xabashidu kolkii uu maqlay in uu Imaamkii joogo Baraara ayuu yidhi: “Waa kuwaa muslimiintu Baraara soo galay ee dhulkii cagta mariyay. Dhankaa iyo dhulkoogii ayay hadda u socdaan, anaa se hadda xaggooga u kici oo ka tallaabi Webiga Hawaas. Meel aan kala dagaallami karo ayaan u gali.”

Faranjigii la socday oo afartan ahaa ayuu ku yidhi: “Sidii aad yeeli jirteen kolkii aad dhulkiinna joogayseen yeela. Waxa aan doonayaa in aan ka tallaabo togga Hawaas.”

Huuriyaal bay u sameeyeen. Dadkii dhulkiisa ayuu amar ku siiyay in ay kaga tallaabaan webiga wixii ay hore ugaga tallaabi jireen oo afkooga lagu yidhaah Lakhay, iyaguna shan boqol bay sameeyeen. Intaa kadib badriiqii waynaa ee Wasan Segad ayaa kacay oo dhulka ayuu meel hortiisa ah dhunkaday, isaga oo leh: “Wixii aadna fartay waan yeellay, anigu waxaan ahay addoonkaagii, anigaana u dhaqaaqi dhankooga. Waxa aan u galayaa afaafka Amaaja, hadday yimaaddaanna halkaas ayaan dagaal ku la gali. Haddayse i dilaan, sidii ay talo kula noqoto yeel. Adigu ma tihid ninkii xilligan oo kale socon lahaa, dhaqanka boqorradana ma aha. Intaa aniga ayaa kaaga filan.”

Kolkaas ayuu Boqorkii taa uga mahad celiyay. Badriiqyadii ayaa iyaguna uga mahad celiyay oo ku yidhi: “Aabahayo ayaad tahay, arrimahayaga oo dhanna waad ka war haysaa, oo waxa aad u maamushaa sidii nin daaweynaya qof uu jecel yahay.”

Intaa ka dib buu Boqorkii ku daray ciidan weyn oo ka kooban Reer Dawaara, Reer Goojaam, Reer Fatagaar iyo Reer Awfaat oo uu hogaaminayo Awraci Cismaankii murtadka ahaa iyo kuwo kale. Boqorkii baa sagootiyay

oo way dhaqaaqeen. Huuriyadii bay fuuleen Webigii Hawaas bayna ka gudbeen. Fatagaar bay galeen oo afaaf la yidhaahdo Qarqara ayay degeen.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: kolkii uu Cadli ka yimid Baadiqi ee uu Baraara soo gaadhay, ayuu Imaamkii u sheegay halka uu Boqorkii joogay iyo waxay isaga iyo Wasan Segad ku tashadeen.

In uu Hawaas ka tallaabay oo uu fadhiistay meesha la yidhaahdo Qarqara ayuu u sheegay. Waxa uu yidhi ‘Cadli’: “In aan dhankiisa u dhaqaaqo ayaan doonay, laakiin waxa aan ka cabsaday in aan idin ka la’aantiin tago.”

Kolkaas ayuu Imaamku muslimiintii kala tashaday wixii uu yeeli lahaa. Waxa ay muslimiintii dhammaantood yidhaahdeen: “Hadda karantii iyo xilli-roobaad ayaan ku jirnaa. Haddaan xilligan soconno waxa aan u dhibtoonaynnaa sidii aan waagii hore u dhibtoonnay. Annagu halkan ayaan iska joogaynnaa inta xilli-roobaadku baxayo, dabadeedna waan ka daba tegeynnaa oo waan la dagaallamaynnaa.”

Imaamkii kolkii uu warkoogii dhegeystay ayuu ku yidhi: “Waa yahay, wax fiican ma ahee wax kale kuma aydaan hadal. Meeshiinnii iskaga noqda.”

Kolkaas ayay meeshii uu Imaamku fadhiyay ka kala tegeen, keligii buuna ku soo hadhay. Garaad Axmooshe oo ahaa nin niyad fiican talana leh ayuu iigu yeedha yidhi wuxuuna Weyddiiyay: “Ma maqashay wixii ay muslimiintu ku taliyeen?”

Waxa uu yidhi: “Waan la joogay oo waxay yidhaahdeenna waan maqlay, iyo inay isku raaceen inay halkan joogaan illaa inta uu xilli-roobaadku baxayo.”

Imaamkii baa ku yidhi: “Adigu waxay talo kula tahay bal keen.”

Waxa uu yidhi: “In uu xilli-roobaadku baxo ayay doonayaan, kolka uu baxana ay ku yidhaahdaan: inna wad imika ayaan la dagaallamaynaaye. Haddii aad dhaqaajiso oo ay galaan dhulka Fatagaar oo ay col la kulmaan way dagaallami, haddii kale se waxa ay u daadegi dhulkoogii Berru Sacdud-Diin. Haddii ay col la kulmi waayaan, waxa ay ku baryi doonaan in ay dhulkoogii u daadegaan. Haddii aad u oggolaato way daadegi, haddaad diiddana nin iyo iskii bay u daadegi, kolkaana keligaa baad soo hadhi.”

Imaamkii baa yidhi: “Haddaad sidaa tidhi, maxaan samaynnaa?”

Garaad Axmooshe ayaa yidhi: “Anaa garanaya waxa aad yeelayso; inta uu Abuubakar Qadiin innoo

imanayo halkan ayaynu iska fadhin, isaga ayay raggii dagaalku la socdaane, kolka uu yimaaddo isaga iyo ciidankiisa ayaan kaga tegeynnaa xarunta, oo waxaan u dhiibaynnaa haweenkeenna iyo sahayda, dabadeed na xaggiisa ayuu u kici. Haddii uu Ilaahay guusha inna siiyo waxaynnu dili Boqorka Xabashida dadkuna way islaami. Xilligaa togga Hawaasna daafaha ayuu jebin oo meel ay kolkaa maraan heli maayaan, waxayse ku hawllanaan bililiqada iyo boojimada. Haddii uu xilli-roobaadku baxo innaga oo aan dagaallamin taag u heli maynno aan isku hor taagno, askarta oo dhamina way socon waayo waxa ay doonayaan in ay wada daadegaan. Taa waxa ka siman taliye weyn iyo mid yar; mid waliba wuxuu doonayaa in uu u daadego dhulkiisii.”

Imaamkii wuu dhegeystay talooyinkiisii, wuxuuna ku yidhi: “Taladii ugu wanaagsanayd imika ayaad keentay, sirtaada innoo qari oo cidna ha u sheegin. Waxa aad adkaysataa inta uu Abuubakar Qadiin imanayo.”

Halkaas ayay fadhiyeen oo ay ku sugayeen.

Abuubakar Qadiin iyo Gubitaankii Kaniisadda Debra Libaanoos

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Amiir Abuubakar Qadiin, dhankii kaniisaddii aan soo sheegnay ayuu u dhaqaaqay, meel ku dhow buuna degay. Baadariyadii meesha degganaa ayaa firxaday oo

buur dheer fuulay. Badhkood baa kaniisaddoodii ku soo noqday oo yidhi: “Haddii ay kaniisadda oo ah halka aynnu ku xajino gubaan innagana ha innagu dhex gubaan.”

Way dhex galeen iyaga oo sugaya gubisteeda, badhkii kalena Amiir Abuubakar ayay ergo u direen ay ku leeyihiin: “Kaniisadda oo aad gubtaa waxba kuu tari mayso, dadka magaalada iyo hareereheeguba waxa ay diyaar u yihiin inay Jisyo iska bixiyaan.”

Amiir Abuubakar saaxiibbadii ayuu arrintaa kala tashaday. Badhkood baa yidhi: “Xoolaha ayaan qaadanaynnaa kaniisaddana waan iskaga tegaynnaa,” halka badh kale ay ka yidhaahdeen: “Xoolaha maxaan ku falaynnaa? Kaniisadda ayaan gubaynnaa waayo iyada ayaa dhankooga ku weyn.”

Taladii qolada xoolaha ku talisay ayuu Amiirkii qaatay, ergaygii buuna ku yidhi: “Xoolaha ayaan idinkula heshiinaynnaa. Saaxiibbadaa ku noqo oo u sheeg intaa aan ku nidhi hana noo yimaaddiin. Kolka ay noo yimaaddiin ayaan wixii aan ka doonaynno u sheegaynnaa wayna noo keeni doonan kaniisaddana waan iska daynaynnaa oo gubi maynno.”

Ergaygii ayaa socday oo saaxiibbadii u warramay wixii uu Amiir Abuubakar yidhi. Way farxeen wayna isku bishaareeyeen. Amiir Abuubakar ayay u yimaaddeen wayna u bishaareeyeen. Kolkii uu ku yidhi waan idin la heshiinaynnaa, ayay keeneen labo jubbadood oo la dul dhigay suxuun dahab ah oo uu miisaankoogu yahay boqol iyo konton wiqiyadood. Waxa kale oo saarnaa boqol iyo konton sixni oo lacag saafi ah. Jubbad walba intaa ayaa dul saarnayd. Waxa ay ku yidhaahdeen: “Intaasi waa hor marin adiga oo nagu galladay heshiiskan. Wixii kale ee aad nagu amrayso ee jisyo, dahab iyo lacag ah ee aan ku heshiinaynno adigu noo sheeg.”

Iyaga oo hadalkii sidii iskugu celcelinaya, ayuu sara kacay nin muslimiinta kamid ah oo magiciisa la odhan jiray Awraci Abuubakar oo ka soo jeeday Maxaawirta oo ka mid ahaa qabiilka Balo. Qabiilkiisu waxa ay ku arooraan

ninkii ugu horreeyay oo ahaa Balo. Awawgood ayaa ka soo degay Tigraay oo yimid dhulka loo yaqaan Berru Sacdud-Diin ayaamihii Sacdud-Diin talinayay, gabadh uu dhalayna wuu u guuriyay. Magiciisu Balaw Cabdillaahi ayuu ahaa gabadhiina wiil ayay u dhashay. Mar kaste oo loo dhalo wiil Awraci ayay ku magacaabi jireen, kolka ay gabadhi u dhalatana Bactiya ayay ku naanaysi jireen. Isaga oo indhaha dadka iska qarinaya ayuu socday, xulad dab ah inta uu qaaday ayuu kaniisaddii qabadsiiyay. Amiirkiii iyo baadariyadii oo hadalkii rogrogaya ayaa daymooday kaniisaddii oo arkay iyadii oo ololaysa oogtiina ay samada isku shareertay. Amiirkii iyo baadariyadii markii ay arkeen kaniisaddii oo gubanaysa ayuu heshiiskii burburay. Baadariyadii – in yar ma ahee – inta ay kaceen ayay ololkii iskugu daadiyeen sidii xaydhoweyn (balanbaallis) iftiin aragtay. Amiir Abuubakar Qadiin ayaa u yeedhay Awraci Abuubakar oo ku yidhi: “Waar annaga oo heshiis guntaynna maxaad u gubtay?”

Markaas ayuu ku jawaabay: “Waan gubaye waxaad doonto igu samee, anaa gubay Imaamkuna wax aan gubitaankeega ahaynba innooma soo dirin. Inaan xoolo qaadanno Imaamku innooma soo dirin.”

Wuu iska daayay, wixii ay la kulmeenna way boojiyeen, Imaamkii bayna ku noqdeen. Geeddigoogu sii socod iyo soo noqod labo iyo toban cisho ayuu ahaa. Imaamkii ayay soo gaadheen maalin Carrafo ah isaga oo jooga Baraara. Amiir Abuubakar ayaa Imaam Axmad – Alle ha u naxariistee – uga warramay ninkii kaniisadda gubay. Kolkaas ayuu ugu jawaabay: “Wax dhib ahi kama taagna in la gubo, waayo horayba idiinkuma amrin wax aan gubisteeda ahayn. Taasaana wax walba kaga weyn!”

Haddana Imaamkii baa yidhi: “Halkiinnii ku noqda, kolka uu waagu beryona ii kaalay waan kuu baahanahay e.”

Kolkaas ayay halkoogii ku noqdeen, isaga dabadiina Imaamku Amiir Xuseen ayuu u yeedhay waayo Imaamka Baraara lama uu joogin. Sababtu waxa ay ahayd, Imaamka oo u diray daafaha dhulka ay joogeen si uu gacanta u soo mariyo. Hortiisa ayuu soo fadhiistay. Dadka talada iyo showrkaba lagu tiriyo ayuu ahaa. Imaamkii baa u sheegay wixii uu Garaad Axmooshe hore ugu la taliyay. Sheekadii oo dhan ayuu dabada uga maray. Amiir Xuseen baa ku yidhi: “Taladaa tu ka fiicani ma jirto. Haddaad berrito Badriiqii Wasan Segad ku duusho waad dili doontaa, Xabashana gacanta ayaad ku dhigi doontaa. Haddaad labo ama saddex cisho dib u dhacdo se hadalkii Garaad Axmooshe ayaa siduu u yidhi u dhici doona. Askartu waxa ay doonayaanna waa in ay dhulkoogii tegaan.”

Imaamku kolkii uu dhegeystay hadalkii Amiirka ayuu taladii ku soo ururshay in la dhaqaaqo, isaga oo leh: “Kolka uu waagu beryo, halkan ciidankaaga iigu keen.”

Imaamkii iyo Badriiqii Weynaa ee Wasan Segad

Taliyayaashii ayuu farriin u wada diray uu ku leeyahay: “Kolka ay berrito tahay fardihiinna soo wada heensaysta oo dhammaantiin ii yimaadda fardooley iyo lug ba, war baa isoo gaadhay e.”

Waagu markii uu beryay ayuu Imaamkii garaacay narsooyinkii iyo caroogyadii. Amiirradii iyo madaxdii ayaa u yimid. Imaamkii ayaa hadlay oo yidhi: “In aan ku duulo Wasan Segad ayaan doonayaaye, waa maxay taladiinnu?”

Waxa ay yidhaahdeen: “Horay waataynnu ugu tashannay in aan inta karani baxayso dagaal qaadin, kolkay baxdana aan la dagaalanno. Waa maxay imika taladan aad waddaa?”

Imaamkii baa yidhi: “Waar warkaa hadda iska dhaafa, idinku waxba kama ogidina e, anaa wax og. Ninkaa si kaleba uma gaadhi karno haddii aan roobkan iyo karantan ku gaadhi weyno.”

Waxa ay yidhaahdeen: “Oo sideen odhanaynnaa xoolahan iyo culayskan aan sidno oo aan ula soconaynnaa? mise waan ka tegnaa?”

Imaamkii baa yidhi: “Waar arrintu sidaa ma noqonayso.”

Amiir Abuubakar buu intaa ka dib ku yidhi: “Jubbaddii ad keentay adaa iska leh, halkan xarunta adigu joog oo ilaali xoolahayaga iyo haweenkayaga,” illaa afar boqol oo raggii dagaalka ahna wuu u reebay.

Waxa uu ku dardaaray: “Halkaagaa haka dhaqaaqin, haddii uu boqorkii kuu yimaaddana la dagaallan Ilaahay baana guusha kaa siin.”

“Maqlay oo yeelay,” ayuu isna ugu jawaabay, halkii Baraara ayuuna ku hadhay.

Imaamkii inta uu Faatixada maray ayuu dhaqaaqay. Amiirradii ayaa iyaguna fardahoogii fuulay isaga oo uu gadhwadeenkiina hor socdo. Cirkii wuu da’ayay oo dhulkii dhooqo ayuu noqday. Badh baa fardaha ka dhacayay qaar kalena baqlaha ayay ka duulayeen. Raggu Baqlaha ayay ka degayeen; mar way soconayeen marna way fuulayeen. Sidaas ayay saddex maalmood ku jireen. Meel gaaladii u dhow ayay u hoydeen. Badriiqii ayaa warkii maqlay oo dadkii dhulka ayaa u sheegay in uu Imaamkii oo ciidankiisii wataa ku yimid oo uu u soo dhow yahay. Badriiqii ayaa yidhi: “Taasi waa been, waayo in aanay muslimiintu ciiddooda Carrafo socon ayaan maqlay iyo sidoo kale xilliga roobka iyo dhiiqada.”

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Badriiqii Wasan Segad ayaa ku yidhi Awraci Cismaan kii murtadka ahaa: “Tiga warran muslimiintu miyay socdaan ciidahooga oo miyay duulaan xilli-roobaadka, waayo gammaanka ayay sidaasi daalinaysaa?”

Waxa uu ku jawaabay: “Berigii hore, waagaan dhulkayagii joogay roobabkan oo kale ma aanay duuli jirin, ciidahoogana ma duuli jirin illaa ay baxayaan. Hadda sidan ay falayaan ma garan karo.”

Badriiqii baa amar ku bixiyay in loo yeedho labo dagaalyahan oo Reer Dawaaro ah madaxdoodana ka mid ahaa oo uu midkood ahaa Miikaa’iil ka labaadna Roobeel. Way u yimaaddeen wuxuuna ku yidhi: “Fardihiinna heensaysta oo warka muslimiinta ii keena. Dadka dhulku waxay i leeyihii: Imaamkii iyo ciidankiisii way innagu dhow yihiin.”

Fardahoogii bay fuuleen, kolkaas ayay dhankoogii u dhaqaaqeen. Imaamku maalintaa saaxiibbadii buu ku yidhi:

“Buur ha dul degina, waayo gaaladu warkeenna ma hayaan. In aan gaadno ayaan doonaynaa, haddii uu Ilaahay yidhaahdo.”

Gunbur yar bay hoos degeen. Iyaga oo sidaa jooga, ayuu mid muslimiinta kamid ah oo la odhan jiray Dalan, watayna afar kale oo saaxiibbadii ahi fuulay gunburtii si ay u soo xaabaystaan. Labadii dagaalyahan ee uu soo diray Wasan Segad ayay la kulmen. Midkood ayaa is taagay, halka uu kii kale uga soo dhowaaday ninkii Dalan la odhan jiray. Badriiq Miikaa’iil ayaa ku yidhi: “Waryaahee, muslimiinta war ma ka haysaa?”

Kolkaas ayuu Dalan yidhi: “Muslimiinta aad doonaysaa waa kuwee?”

Waxa uu yidhi: “Kuwii colka ahaa.”

Dalan baa ku yidhi: “Waa kuwan innoo dhow.”

Kolkii uu yidhi way dhow yihiin ayuu Badriiqii daymooday oo uu gartay in uu ninku yahay muslin. Hadduu Badriiqu gunburta hoosteeda eegi lahaa waxa uu arki lahaa muslimiintii oo xaruntooda deggan. In uu faraskiisii soo weecsho ayuu doonay, Ilaahayna ninkii muslinka ahaa ee Dalan ayuu qalbiga u adkeeyay oo badriiqii ku booday. Koofiyaddiisii ayuu iska laalaadiyay oo faraskiisii ayuu ka soo dul jiiday. Seeftiisii buu ku dhuftay oo wejiga ayuu ka dakhray, kolkaas ayuu ka soo rujiyay koorihii oo uu dhulka la dhacay. Faraskiisii ayuu fuulay, isna wuu soo jiiday isaga oo hoggaaminaya wixii oo dullaysan. Imaamkii buu hor keenay, saaxiibkiise wuu firxaday. Dalan baa yimid isaga oo maxbuuskii wada, kolkaas ayay Imaamkii iyo muslimiintii farxeen. Imaamkii baa ku yidhi: “Waar bal warran?” isna sheekadii siday ahayd ayuu ugaga warramay.

Imaamkii iyo muslimiintii baa u mahad naqay. Faraskii Badriiqa iyo lebbiskiisii ayuu Imaamku siiyay. Imaamkii baa Badriiq Wasan Segad ka waraystay badriiqii la soo qabtay oo u warramay sidan: “Waa kan agtiinna jooga. Aniga iyo saaxiibkay waxa aan u nimid in aan warkiinna helno, laakiin waxa aan ku dhacay dabinka wiilkan, saaxiibkayna wuu fakaday.”

Imaamkii baa amar ku bixiyay in la dilo, halkaas ayayna iska degeen. Dagaalyahankii baxsaday, isagu Wasan Segad ayuu gaadhay oo uu u sheegay in ay muslimiintii soo gaadheen iyo inaa saaxiibkii la dilay. Kolkii ay sidaa maqleen ayay baqdin weyni gashay, halkoogii bayna beryeen.

Kolkii uu kaahii waagu dillaacay ayay muslimiintii u dhaqaaqeen dhankii mushrikiinta. Wasan Segad, isagu kolkii uu waagii beryay ayuu ciidankiisii ururshay oo wuu la tashaday isaga oo ku leh: “Muslimiintii hareerihiinna ayay beryeen imikana dagaal bay idinku la waaberiisanayaan.”

Waxa ay dhammaantood wada yidhaahdeen: “Xilligan oo kale dagaal ha noo dirin.”

Waxa uu ku yidhi: “Maxaad samaynaysaan haddaynaad dagaallamayn?”

Waxa ay yidhaahdeen: “Adigu waxaad tahay madixii Diintayada, haddaad halaagsanto diintayada iyo diinta nasaaraduna way kula tirmi.”

Waxa uu ku ceshay: “Maxaan haddaba yeellaa?”

Waxa ay yidhaahdeen: “Buurta Boosaat ayaynnu tegaynnaa, wixii halkaa innoogu yimaaddana waynu la dagaallami. Adigu ciidanka horgal, annaguna waan kugu gadaal dagaallamaynnaa. Haddii dhammaantayo la dilo waxba nasaaradu noo waayi maayaan, haddii se adiga lagu dilo Diinteennu way buri dhulkeennuna wuu burburi.”

Kolkaas ayay aad u baryeen illaa uu “haye” yidhi. Wuu kacay oo dhankii buurta ayuu u dhaqaaqay. Awraci Cismaankii murtadka ahaana waxa uu ku yidhi: “Adigu ciidanka xaggiisa danbe soco.”

Ciidanka kala badhkii buu ku daray, isna badhkii hadhay ayuu kaxaystay.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: muslimiintii kolkii ay dhaqaaqeen waaberigii ka dib ee ay u keceen dhankii gaalada, ayay Imaamkii iyo ciidankiisii xilli barqo ah soo gaadheen xaruntoodii.

Intii aanu Imaamku xarunta soo gaadhin ayuu Badriiqii Wasan Segad hor dhaqaaqay ciidammadiisii. Awraci Cismaan isaga Imaamka ayaa soo gaadhay isaga oo raraya teendhooyinkii oo doonaya in uu dhaqaaqo.

Muslimiintii baa mushrikiintii xagga danbe ka soo gaadhay. Kolkii ay arkeen ayay jabeen iyaga oo aan dagaallamin. Xaruntii oo ay teendhooyinkiina ku dhex dhisan yihiin ayay banneeyeen. Kolkaa ayay muslimiintii yidhaahdeen: “Tani waa xeeladdii Wasan Segad, wuxuu innoo banneeyay xaruntii meelahan buuna iskugu keen qarinayaa si aan u soo galno oo aan u hawloonno, dabadeedna uu innagu soo baxo oo inna weeraro.”

Badh kalena waxa ay yidhaahdeen: “Waxba innama dagayo e, laakiin horteen buu baqo cararay kanna waa ciidankii uu xagga danbe kaga tegay.”

Garaad Shamcoon baa muslimiintii ku yidhi: “Haddii aad xaruntaa Wasan Segad ku aragtaan aniga i dila, waayo wuxuu u baxsaday dhankaa iyo Hawaas.”

Taladiisii ayuu Imaamkii qaatay hadalkii dadka kalena wuu iska dhigay. Fardahoogii ayay fuuleen oo way ka daba tegeen. Muslimiintii afar kooxood ayay isku qaybiyeen: Qolo Awraci Cismaan ayay cagta cagta u saartay, kadib kolkay saacad is dirireenna wuu baqo jabay, kooxina Wasan Segad ayay ka daba tegtay, Imaamkuna koox kale oo daw kale qaadday ayuu watay. Haddaba Wasan Segad, kolkii ay muslimiintii soo dhowaadeen ayuu baqashii ka degay oo uu yidhi: “Fagaare (minbar) ii dhisa.”

Waxay u dhiseen fagaare bir ka samaysan. Wuu ku dul fadhiistay, halkaas ayuuna saaxiibbadii ka guubaabinayay isaga oo durbaannadii tumaya.

Muslimiintii soo gaadhay ayaa weerar ku soo qaadday. Tiradoodu way yarayd, laakiin weerar nin keliya ah ayay ku ekeeyeen. Saacad ayaa la is hayay, muslimiintiina waxa dagaalyahannadoodii laga dilay Cabdillaahigii Reer Tigraay ahaa – Alle ha u naxariistee -. Wuxuu ahaa nin geesi halyey ah, waxana dilay ina Goojaam Nagaash. Kolkay muslimiintii arkeen in la dilay ayay meel aan fogayn ku baqdeen. Dagaalyahanno kale oo muslimiin ah ayaa soo gaadhay waxayna ku yidhaahdeen: “Waar xaggeed u cararaysaan. waar noqda oo cadawgiinna la dagaallama annaguna waan idinla jirnaaye.”

Saacad bay labadii dhinac is hayeen, labo ama saddex jeer ayaa muslimiintii laga gol roonaaday. Iyaga oo sidaa kolla jabaya kolla soo noqonaya ayaa waxa yimid dagaalyanno fardooley ah oo muslimiin ah oo lagu yaqaannay geesinimo. Waxa ay raggaasi ahaayeen: Garaad Shamcoon, Cali Waraadi oo ku shihiiday goobtii Anba, Awraci Cumar Diin Suldaan Maxamad, Garaad Caabid iyo kuwo kale oo la mid ahaa. Waxay ku yidhaahdeen kuwii la soo jebiyay: waar ninka idin jebiyay waa kuma? Waxay yidhaahdeen: “Waxana jebiyay Badriiqaa oo ciidankiisii si fiican u habeeyay. Kolkii u horraysay waan weerarnay, waxayna naga dileen halyeeygii Cabdillaahigii Reer Tigraay ahaa oo wayna jebiyeen. Ka dib waan ku rogaal celinnay, sidoo kale ayay noo jebiyeen afar jeer ama shan.”

Dilkii Wasan Segad

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Garaad Shamcoon, Cumar Diin iyo saaxiibbadood ayaa raggii la jebiyay ku yidhi: “Hadda annaga ayaa idiin nimid, hanoo qaadannina in aan la mid nahay kuwii hore idiin soo gaadhay. Annagaa weerarka idin hor geli, idinku nasoo raaca.”

Garaad Shamcoon ayaa weerartamay oo safafkoogii kala jeexay isaga oo ay saaxiibbadii la socdaan oo uu isna hor boodayo. Badriiqii Wasan Segad badhtamaha ayuu mushrikiinta ugu jiray. Garaad Shamcoon ayaa weerarka ku ekeeyay oo safafkoogii kala jeexay isaga oo saaxiibbadii wata. Isaga iyo Badriiqa walaalkii oo la odhan jiray Jarane ayaa is haleelay.

Jarane ayaa warankiisii la beegsaday Garaad Shamcoon oo doonay inuu wareemo, Garaad Shamcoon baa se seeftiisii ku dhiftay oo gacantii iyo warankiiba gooyay. Kolkaas ayuu faraskiisii ka soo dhacay. Awraci Cumar Diin Suladaan Maxamad ayaa isna weeraray badriiq ag joogay Wasan Segad oo ku dhuftay tummaati uu dhulka ugu riday, markiibana wuu qudh baxay, Allaha Weyni u ma naxariistee. Cali Waraadi ayaa isna weerarary nin badriiq ahaa oo ku dhuftay seef madixii iyo jidhkii kala dhigtay, Ilaahayna ruuxiisii ayuu naarta u dedejiyay, meel lagu negaado na iyada ayaa u xun e. Kolkaas ayay Wasan Segad saaxiibbadii u jabeen meel aan fogayn. Wasan Segad ayaa ka daba qaylyayay oo ku lahaa: “Waar xaggeed u jabaysaan?”

Isaga oo saaxiibbadii sidaa ugu qaylinaya, ayuu Garaad Caabid weerar ku qaaday Raajix. Wuxuu ninkaa aabbihii ahaan jiray Haragaya Garaadkeegii xilligii Suldaan Maxamad Sacdud-Diin. Kolkii uu u soo dhowaaday ayuu Wasan Segad faraskiisii xaggii Garaadka u soo melmelay oo uu caayay, halkaasayna isku haleeleen. Badriiqa Wasan Segad gacantiisa waran baa ku jiray, Garaad Caabidna seef ayuu sitay. Badriiqii ayaa kaga horreeyay oo garaadkii ku dhuftay tummaati gacantiisa bidix ka tabtay.

Lebbis adag ayuu sitay oo uu huwanaa, hase yeeshee warankii baa birtii dhaafay oo gacantii dhanka kale uga baxay. Badriiqu in uu warankiisii kasoo siibto ayuu doonay, laakiin gacantii ninka muslinka ah ayuu ku jabay. In uu seeftiisa galkeega kala soo baxo ayuu isku dayay, hase yeeshee Garaad Caabid baa madaxa ku dhiftay. Badriiqii, waxa uu ku hawllooday la soo bixinta seefta, Garaad Caabid baa se kol labaad qoorta meel ka yar sarraysa ku dhiftay oo faraskiisii kaga soo tuuray, isaga oo leh: “Waar ha i dilin Wasan Segad baan ahay e.”

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Mushrikiintu kolkii ay arkeen in uu dhacay ayay muslimiintii or ku jiideen “Wasan Segad dhimay!”; kolkii uu Wasan Segad u sheegay Garaad Caabid cidda uu yahay ayuu isna saaxiibbadii ka codsaday in ay mushrikiinta u sheegaan in uu hogaamiyahoogii afka ciidda daray. Badriiqa oo dhaawacan na waxa uu lahaa: “Alakh-balaa Alakh-balaa” oo uu macnaheegu yahay; “Weli waan noolahay dagaalkiina wuu socdaa.” Kolkay gaaladii ogaadeen inaa madaxoogii la dilay ayay si xun u jabeen. Muslimiintii way daba qaateen iyaga oo badhna dilaya badhna qabanaya.

Imaamkii iyo Saddex Dagaalyahan oo Ciidammadii Jabay Jidgooyo u Dhigay

Imaamkii, isagu dariiq kale ayuu qaaday oo ah ka Saqaala, sidaan hore u soo sheegnay. Imaamkii oo jidkii ku soo jira ayuu soo gaadhay Wasiir Cadli oo soo xidhay Badriiqii Adal Anabaj oo la odhan jiray Jaan Nahad.

Kolkii uu Imaamku Wasiir Cadli la kulmay ayaa ninkii maxbuuska ahaa Imaamka la soo hor joojiyay. Markaas ayuu Imaamku Wasiir Cadli ku yidhi: “Maxbuuska adigu hay, calankana qaad, muslimiintana iskugu yeedho annagu mushrikiinta ayaan ka daba tegaynnaaye.”

Imaamku baqashiisii buu ka soo degay si uu faraskiisii u fuulo, waxase qabtay Wasiir Cadli oo ku yidhi: “Socon maysid adigu, calankaaga qaado oo annaga nala joog cid kale ha socoto oo gaalada haka daba tegeen.”

Isaga oo Imaamka u naxariisanaya ayuu sidaa yeelay. Imaamkii hadalkiisii wuu iska diiday, faraskiisii buuna fuulay isaga oo ay la socdeen Amiir Xuseen, Garaad Axmooshe iyo Caloosh Bishaaro. Way socdeen oo xagga

danbe ayay askartii kaga tegeen. Nasaaradii bay dariiqii uga dheereeyeen ayayna la kulmeen oo ay ku yidhaahdeen: “Waar wax war ah ma ka haysaa Badriiqii Wasan Segad?”

Waxa uu yidhi: “Aroortii waxa uu hor socday ciidanka”, iyaguna inuu hor socdo ayayba u haysteen, dhabtu se waxa ay ahayd in uu ka danbeeyay oo uu Garaad Caabid gacanta ku dhigay sidaan hore u soo sheegnay.

Intaa ka dib, Imaamkii dariiq bannaan ayuu qaaday, wayse ka waayeen wax raad ah oo ay fardo leeyihiin. Waxa ay yidhaahdeen: “Waa kan dariiqoogii, wax raad fardood ahina ma jiro, waxaa hubaal ah in ay mushrikiintii innaga danbeeyaan.”

Meel aan jidka ka fogayn ayay ugu dhuunteen iyaga oo ahaa afar dagaalyahan oo fardooley ah oo uu Imaamku ku jiro. Toban gaaladii ka mid ah oo baglo fuushan oo socda ayay arkeen. Imaamkii iyo saaxiibbadii ayaa kusoo baxay oo ku yidhi: “Kuwani waa col-horaadkoogii.”

Weerar ayuu ku qaaday iyaguna way carareen baqlahoogiina way ka baxsadeen. Imaamku halkiisii buu ku noqday oo way dhuunteen. Iyaga oo sidaa ah ayay arkeen koox gaaladii ka mid ah. Kolkay u soo dhowaadeen ayay arkeen inay sidaan alaabtii gaalada ee cuslayd iyo xaasaskoogii iyo sanduuqyo uu badriiqu lahaa oo laga buuxiyay xariir iyo waxyaabo kale oo lagu madaddaalo. Kolkii ay arkeen ayay dariiqii dhinac uga joogsadeen si aanay ugu hawshoonnin, waayo iyagu colka fardooleyda ah ayay rabeen.

Intaa ka dib kolkii ay dadkii saamaanka siday dhaafeen ayuu ciidankii soo baxay oo dhammaantood ahaa ciidankii soo jabay ee la socday Wasan Segad. Kolkay arkeen ayay garteen in ay yihiin col soo jabay. Imaam Axmad bay muslimiintu ku yidhaahdeen: “Waa kan ciidankii gaaladu, hadda aynnu weerarno, waayo, waa rag

soo jabay.”

Imaamkii baa yidhi: “Waar sidaa ma aha. Hadda waxaynnu nahay afar nin iyaguna way badan yihiin. Haddaynnu weerarno waxayna arkayaan in aan nahay afar nin oo fardooley ah. Iyaga waxa la socda gaashaanleydii, waanse iska adkaysanaynnaa inta ay hore innoo dhaafayaan. Xagga danbe ayaan ka weeraraynnaa si ay u moodaan inay raadcadii raggii soo jebiyay soo gaadhay.”

Waxay yidhaahdeen waa taladii ugu wanaagsanayd. Gaaladu, afartan dagaalyahan oo fardo gaashaaman fuushan ayay ahaayeen oo raadco-reeb u ahaa ciidammadii hortaba jabay. Intaa ka dib bay yidhaahdeen: “Waar gaaladan ciidan kama danbeeyo.”

Kolkaas ayay muslimiintii oo afar ahi weerar ku qaadeen gaaladii oo afartan fardooley ah. Waxa halkaa ku dhex maray dagaal aad u xun.

Curiyuhu – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Imaam Axmad – Alle ha u naxariistee – oo sheekaynaya ayaan maqlay oo leh: “Waan turuqnay oo waan tummaatinay illaa ay gacmihii nagu daaleen dilkoogii faraha badnaa. Afartaa muslimiinta ah haddii uu midkood mid gaalada ka mid ah wax ku dhifto, dhammaantood intaa in le’eg ayay kula dhifanayeen.”

Imaamkii baa weerar ku qaaday ninkii ciidanka hor socday oo madaxa seeftii kaga dhiftay. Garaad Axmooshe, Amiir Xuseen iyo Caloosh ayaa iyaguna ku wada dhiftay si ay gacan keliya yihiin. Kolkaas ayuu faraskiisii ka dhacay. Sidoo kale Garaad Axmooshe ayaa seeftiisii ku dhuftay nin badriiq ahaa, laakiin waxba ma aanay yeelin, waayo qalab iyo bir fara badan ayaa saarnayd. Kolkaas ayuu Caloosh la soo weerartamay oo uu badriiqii isha ka wareemay oo uu ka tebiyay. Warankii ayuu ku sii riixay oo dhulka ayuu ugu legday isaga oo meyd ah. Badriiq la odhan jiray Tekle Hawaarat iyo Goojaam Nagaash oo ahaa nin Boqorka iyo Wasan Segad agtooda ku weyn ayaa weerar soo qaaday isaga oo la moodo cad bir ah.

Amiir Xuseen ayaa ka hor tegey, kolkaas ayay isaga iyo Badriiqii is qabsadeen. Amiir Xuseen ayaa koorihii dushiisa ka soo rujiyay oo dhulka wadhay, faraskii badriiquna wuu baxsaday. Amiir Xuseen inta uu faraskiisii fuulay ayuu kii badriiqana ka daba tegey oo uu soo qaatay. Badriiqii ayuu dib ugu soo noqday oo waxa uu arkay isaga oo geed ku dhex jira. Mushrikiintii, intii hadhay bago ayay jaanta wadheen. Imaamkii ayaa Amiir Xuseen u yimid oo u sheegay in uu badriiqii dhex galay geedka kolkii uu faraska ka daba tegay. Geedihii dhexdooda ayuu eegay wuxuuna arkay isaga oo dhex taagan. Amiir Xuseen ayaa ku dhuftay tummaati aan waxba yeelin waayo geedihii ayaa ka celiyay. Imaamkii ayaa isna tummaatiyay, laakiin geed ayaa qabtay. Amiir Xuseen ayaa yidhi anaa u daadegi oo lug ugu geli. Imaamkii baa kolkaa yidhi: “Sug sidaa ha yeeline.”

Iyaga oo sidaa ah ayay u yimaaddeen labo nin oo uu midkood ahaa Abuubakar. Kolkaas ayuu Imaamkii ku yidhi: “Ninkan u daadeg oo waranka ka tebi.”

Wuu u daadegay oo badriiqii ayuu u tegay, labo tummaatiyoodna laabta ayuu kaga dhiftay. Waxba intaasi kama aanay qaadin. Badriiqu dulle ayuu gacanta ku haystay. Ninkii muslinka ahaa ayuu kula soo dhaqaaqay oo uu dullihii la dhacay illaa uu dib u soo gurtay. Imaamkii baa ninkii kale oo la odhan jiray Sabrud-Diin ku yidhi: “Waar adigu ninkan u daadeg oo dil”, waayo ninkani raggii seefaha ku dagaallamayay ayuu ka mid ahaa.

Nin seefyahan ah oo tummaatida iyo goyntaba ku caan ah buu ahaa. Baqashii ayuu uga soo degay, gacantii badriiqa ayuu ku dhiftay oo wuu gooyay. Badriiqii dhulka ayuu ku dhacay isaga oo dhiigiisii dhex dabbaalanaya. Geedkii ayuu ka soo saaray, dabadeedna wuu dilay qalabkiisiina wuu qaatay. Ciidankii muslimiinta ayaa intaa ka dib Imaamkii u yimid isna waxa uu ku yidhi: “Waa tan sahaydii gaalada, fardahoogii, baqlahoogii iyo xoolohoogii oo dhami. Way idiin dhow yihiin ee haddaba u dhaqaaqa dhankooga,” iyaguna waa yahay bay yidhaahdeen.

Imaamkii iyo saaxiibbadiisii oo lixdameeyo dagaalyahan ahaa ayaa dhaqaaqay. Socodkii bay dedejiyeen illaa ay gaadhayeen gaaladii. Imaamkii, Farshaxan Cali, Garaad Shamcoon, Garaad Axmooshe, Farshaxan Diin iyo rag kale oo la mid ah ayaa weerar qaaday. Gaaladii ayay seefaha la dhex galeen oo way laayeen, toban faras oo keli ah uun baana ka siibtay.

Waxa ay kuwani ahaayeen fardihii iyo alaabtii cuslayd ee uu Imaamku la kulmay intaanay iman afartankii raadco-reebka ahayd. Sidaa darteed ayay uga daba yimaaddeen, wixii ay wateen oo dhanna way ka boojiyeen, dib bayna ugu noqdeen ciidamadoodii ay Wasiir Cadli kaga yimaaddeen iyaga oo ka werwersan Imaamkii meesha uu ku sugan yahay. Cishaa’igii kadib ayuu Imaamku soo gaadhay. Ilaahay ayay si weyn ugu mahad naqeen, wixii dhacay ayuu Imaamkuna u warramay, isaga oo Caabid ku yidhi: “Maxaad Wasan Segad u dishay aniga oo aan arag?”

Markaas ayuu yidhi: “Waar maxaad eyga araggiisa ka rabtaa? isaga oo ii xidhan ayaan ku idhi, Sayidkaygii aan kuu geeyo. Geed buu kolkaa iska seexday oo in aanu kicin buu ku adkaystay.”

Waxa uu igu yidhi: “Halkan aan joogo igu dil” wuuna i caayay. Kolkaas ayaan amar ku baxshay inaa la dilo.”

Weriyihii Futuux Al-Xabasha – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: intaa ka dib, Imaamkii baa u yeedhay dadkii la soo qabsaday oo waa la soo hor joojiyay. Waxa ka mid ahaa Badriiqii Jaan Nahad ee uu soo qabtay Wasiir Cadli, Badriiq Qaasim oo ahaa murtad uu Boqorku guddoomiye uga dhigay Jaan Amoora oo u dhaxaysay Tigraay iyo Angoot.

Nin aad u dagaallamayay ayuu ahaa, cid kaste oo gaalada ka soo jabtayba isaga ayaa u soo noqonayay oo badbaadinayay. Wuxuu ahaa nin muslimiinta falalkiisa ku daaliyay. Waxa soo qabtay nin Soomaali ah oo ka dhashay qabiilka Mataan. Badriiq Hana oo ahaa guddoomiyihii Laalibela ayaa isna dadka la soo qabtay ka mid ahaa. Illaa soddon badriiq oo uu Imaamku amray in la laayo ayay ahaayeen. Badriiqa Gebra Indariyaas ayaa isna dadka la laayay ka tirsanaa oo lagu dilay Goobtii Wasan Segad oo odhan jiray: “Ma jirto meel dhulka Xabashida ah oo aanan ka talin xilligii Boqor Admaas, xilligii Iskandar, xilligii Naa’uud illaa la soo gaadhayay xilligii Wanaag Segad. Intaas oo dhanba dhulka ayaan ka talin jiray.”

Isaga oo ah sagaashan jir ayaa maalintaa la dilay, Ilaahay naxariistiisa ma ursiiyee. Wasan Segad markii la dilay ayaa dhulkii oo dhan la xoreeyay oo ay ciidammadii gaaladu dulloobeen. Intoodii badnayd way islaameen sidaan xagga danbe ku sheegi doonno. Intaa ka dib, dhulka Hawaas Tubo ayay muslimiintii saddex cisho degeen, dabadeedna Jaan Salaq ayay u baxeen oo ay ku negaadeen. Bishaareeye ayaa loo diray Baraara oo uu joogay Abuubakar Qadiin si loogu sheego dilkii Wasan Segad iyo jabkii gaalada, isna bishaareeyihii ayuu lebbis huwiyay.

Faafintii Islaamka

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Imaamkii kolkii uu gaadhay Jaan Salaq ayay dadkeegii u yaaceen dhanka magaalada la yidhahdo Shagara. Imaamku ninkii Nasar oo ahaa guddoomiyihii Margaaya, laguna qabtay goobtii Sari ayuu diray oo uu ku yidhi: “Waar ma garanaysaa dhulka Shagara?”

Waxa uu yidhi: “Haa waan garanayaa, carruurtaydii iyo xoolahaygiiba halkaas ayay joogaan. Anaa tegi oo dhulka heshiis ka soo samayn, dhammaantoodba way wada Islaami haddii aad tegtaan.”

Kolkaas ayuu Imaamku raaciyay Farshaxan Diin oo col wata. Shagara iyo dhulkii ka ag dhowaa ayuu u dhaqaaqay. Kolkii ay halkaa tegeen ayay la kulmeen dadkii deegaanka. Tuulooyinkii ayay kaga soo dareereen way na wada muslimeen. Sidoo kale, Wasiir Cadli ayuu u diray Saqaala iyo Laalibela. Isaga oo ciidankiisii wata ayuu socday, Amiir Mujaahid baa se uga badshay.

Kolkii uu maqlay dhimashadii Wasan Segad ayuu u dhaqaaay dhanka Saqaala si weyn buuna u soo gabagabeeyay, intaa ka dib na, xaruntiisii oo Baraara ahayd ayuu ku soo noqday. Amiir Abuubakar Qadiin ayuu hore ula joogay Baraara. Kolkii uu Cadli meeshii yimid ayuu arkay dadkii oo muslimiin ah, waayo maalintii uu Amiir Mujaahid gabagabeeyay ayay wada islaameen. Intaa ka dib, Wasiir Cadli dhanka Hawaas Tubo ayuu u kacay.

Imaamkii, isagu Jaan Salaq ayuu ka tegey oo dhanka dhulka Andiid ayuu u kacay. Kaniisad weyn oo uu lahaa Boqorkii Alaksandar, dahabna ka buuxay ayaa halkaa ku taallay. Meel agteeda ah ayay muslimiintii degeen. Dadkii Reer Jaan Salaq iyagu ma aanay islaamin oo kaymaha iyo buuraha ayay ku dhuumanayeen. Khaalid Waradaay iyo fardooley kale oo la socotay ayuu u diray si ay ula soo dagaallamaan. Khaalid Waradaay waxa uu ahaa nin kala yaqannay deegaankooga, wuxuuna ku yidhi: “Khaalid Waradaay ayaan ahay, waanad i garanaysaan. Waad og tihiin in aan dhulkiinna aqaanno iyo hilimadiisa. Hadda iska islaama intaanu dhexdeenna dagaal ka curan.”

Kolkii uu ergeygiisii gaadhay ayay dadkii Jaan Salaq shireen oo ay isku sheegeen: “Haddaan iska diidno Khaalid Waradaay, sayidkiisii Imaamka ahaa ayuu war gelin, Imaamkuna kolkaa ayuu ciidan dhan walba innaga soo gelin. Dadkii Xabashiduna intoodii badnayd way islaameen. Muslimiintu na meel walba way joogaan ‘Xabasha’. Haddii ay maqlaan in aan diidnay cidna innaga bixi mayso. Sayidkeennii Wasan Segad waa la dilay, iminka aan iska islaanno.”

Khaalid Waradaay ayay farriin u direen ay ku leeyihiin: “Ammaan noogu ballanqaad waan muslimaynaaye. Imaamkii ayaannu u tegi ammaan hana siiyee oo annaga oo dhan ayaannu u tegi, Reer Quutna way nala socdaan.”

Khaalid Waradaay ammaankii buu siiyay, wuxuuna u kacay dhankii Imaamka, isaga oo jooga Andiid; halkii ay kaniisaddu ahayd. Khaalid Waradaay ayaa Imaamkii ku yidhi: “Maxaad Andiid u timaaddeen oo aad u soo bannayseen dhulkii Jaan Salaq, iyada oo ay dadkeegii igu yidhaahdeen ammaan nooga soo qaad ‘Imaamka’? Anoo anna dhankayga ammaan ka siiyay?”

Imaamkii ayaa yidhi: “Waxan doonayay in aan Baraara tego; xarunteennii oo aan dabadeedna fardaha gulufka ah dhulkoo dhan u kala diro.”

Khaalid Waradaay ayaa yidhi: “Haddii aad Baraara tegtaan islaami maayaan Reer Jaan Salaq iyo Reer Quut. Hadda aynnu ku noqonno Jaan Salaq oo aan halkaa degno. Mushrikiintu halkaa bay dhammaan kuugu iman doonaan iyaga iyo badriiqyadooduba e.”

Imaamku taladiisii buu qaatay, kolkaas ayuu Imaamkii Amiir Maxamad Saxrabawi -Alle ha u naxariistee- iyo Garaad Axmooshe ku yidhi intii loo sheegay. Intii uu Khaalid Waradaay u warramay ayuu isna u sheegay. Kolkaa ayay yidhaahdeen: “Waa talo wanaagsan.”

Imaamku Amiir Abuubakar ayuu farriin u diray uu ku leeyahay: “Waxaan annagu ku laabmaynnaa Jaan Salaq, adigu se halkaa iska joog Baraara illaa Baadiqi. Ha uga bixin dhanka Fatagaar illaa uu kuu imanayo dhanbaa-lwadahayagu.”

Kaniisaddii Andiid wixii dahab dhex yaallay ayay qaateen, intaa dabadeedna dab ayay sudheen. Imaamku dhankii Jaan Salaq ayuu u dhaqaaqay. Khaalid Waradaay iyo Garaad Cismaan Joohar ayuu farriin u diray uu ku yidhi: “Waxaad u dhaqaaqdaan dhankaa iyo Quut oo Islaanka ugu yeedha labadaba.”

Way socdeen oo magaaladii ayay soo gaadheen. Waxa u yimid Reer Jaan Salaq iyo Reer Quut oo dhan. Dhankii Imaamka ayay ku soo noqdeen isaga oo jooga dhulka Jaan Salaq oo uu dadkeegii islaamay. Magacaanta badriiqyada islaamay waxa ka mid ahaa Badriiq Xiiso, Badriiq Dalaw iyo Badriiq Dabli; saddexdaas oo ay islaannimadoodii hagaagtay. Wixii dagaallo intaa ka dib dhacay oo dhan ayay weliba ka qayb qaateen. Waxa jiray labo badriiq oo kale oo uu midkood ahaa Badriiq Aybas Laxdi oo ay Boqorka dhanka hooyadii qaraabo ka ahaayeen. Ninkaasi shaydaan lacnadan oo Islaanka iyo muslimiintaba neceb ayuu ahaa, gaalnimada nin kaga adkaana ma jirin. Naftiisa ayuu ugu sheekeeyay: “Haddii aan waayo jid aan u baxsado, saddexdan uun baan iska raaci.”

Kolkii ay Imaamkii isa soo hor taageen iyaga oo la socday Reer Quut oo ahaa boqol fardooley ah iyo afar kun oo lug ah ayuu Imaamku islaannimada u ban dhigay. Dhammaan dadkaasi way wada muslimeen kolka laga reebo Aybas Laxdi. Maalintaa isagu waxa uu yidhi: “Anigu islaami maayo taasina uma aan iman, diintii ay aabbayaashay iyo awawyaashay ku dhinteenna ka bixi maayo.”

Imamkii ayaa ku yidhi: “Adiga ayaa ka wanaagsan kuwa muslimay kana diin-haysasho adag.”

Waxa uu yidhi: “Kuwaasi iyagu waa badaw oo diintooda iyo tiinna midna ma garanayaan. Haddii ay muslimaanna wax ceeb ah uma keenayso. Anigu se haddaan islaamo waxa la igu ag ceebayni Boqorka iyo baadariyada oo odhan doona: Aybas Laxdi wuu muslimay! Taasina ceeb weyn bay igu tahay. Diinta Maryan119 anigu ka tegi maayo.”

Imaamkii ayaa ku yidhi: “Sidaa ha yeelin, nasaarada madaxoogii ayaad tahay, annaga iyo adigana gacalnimo ayaa innaga dhaxaysa e.”

Imaamkii oo Diiday in uu Gaalo Miciinsado

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Imaamku waxa uu sidaa u yidhi, gabadhii Imaamku soo boojiyay ee Haajira ayay ninkan isku dhowaayeen oo ina adeertii ahayd. Imaamkii baa ku yidhi: “Islaamka ayaad hiil noogu noqon.”

Hase yeeshee wuu diiday oo Imaamkii buu ku yidhi: “Seeddigaa baan ahay, taageerona waan ku siin aniga oo diintayda iska haysta. Haddaad is diiddaan muslimiin amma nasaaro dagaalka waan kula gali.”

Imaamkii baa ku yidhi: “Aamus anigu mushrikiinta gargaar kama dayo e! adigu waxna noo tari maysid waxna naga dhimi maysid. Faraskaaga iyo hubkaagaba dhiib, oo jisyada bixi diintaadana iska hayso.”

Saaxiibbadiisii badriiqyada ahaa ee islaamay ayaa ku yidhi: “Adiga Imaamka oo keli ah ayaa ammaanka ku siiyay, ciidanka intiisa kalese wax ammaan ah kama helaysid. Waannu ku xeeladayn waanan ku dilaynnaa haddii kale iska islaan, ma annagaad naga fiican tahay?”

Kolkaas ayuu baqay oo uu islaamay. Imaamka ayuu la joogay in gaadhaysa saddex bilood. Kolkii uu Imaamku ku duulay Beyta Amxara ayuu baxsaday oo uu nasaaroobay Boqorkii buuna u tegay. Badriiqii kale, isaguna maalmo kadib ayuu goostay. Imaamku Garaad Cismaan Jowhar ayuu Reer Jaan Salaq madax uga dhigay, Reer Quutna Khaalid Wardaay oo u raacay illaa dhulkoogii, naagahoogii iyo caruurtoodiina way muslimeen, Islaankoogii mid toosan ayuu noqday. Maadhkii mushrikiinta iyo xoolohoogii oo dahab iyo wax kaleba lahaa ayuu Khaalid Waradaay Quut ka soo saaray. Fardo, baqlo, seefo iyo qalab ayaa intaa dheeraa, dhammaan xoolihii iyo fardihiina Imaamka ayuu u diray. Imaamku waxa uu doonayay in uu ku negaado Fatagaar inta ay biyaha Hawaas hoos u dhacayaan oo uu markaana u tallaabo Dawaaro si uu dadkeega u soo islaamiyo. Dadkii baa imaamka ku yidhi: “Biyaha Hawaas hoos uma dhacayaan illaa labo bilood oo danbe.”

Kolkii uu hadalkaa maqlay ayuu Imaamkii yidhi: “Oo maxaynnu labo bilood u fadhiyaynnaa wax-tar la’aan! Maynnu u kacno dhankaa iyo dhulalka Shujara iyo Debra Burhaan!”

Kolkaas ayuu ku yidhi Amiir Cali oo ahaa guddoomiyihii Angoot: “Adigu soco oo teg dhulka Debra Burhaan ee uu maro jidka Sarmaat iyo ka Daraja.”

Waxa uu ku daray boqol fardooley ah oo ay ka mid ahaayeen Bishaaro, Suldaan Cali, Awraci Cumar Diin, Awraci Qaadi Cumar iyo Garaad Cismaan oo watay Reer Jaan Salaq. Waxa uu ku yidhi: “Jidka sare qaada anna jidka hoose ayaan qaadi. Annaga iyo idinka Kaniisadda Debra Burhaan ayaa innoo ballan ah – haddii uu Ilaaha Weyni yidhaahdo.”

Maalinkiiba way dhaqaaqeen, Imaamkuna dariiqii Shugara ayuu qaaday. Imaamkii kolkii uu gaadhay Shugara Garaad Nasar ayaa soo dhaweeyay oo ku yidhi: “Dumarkayagii iyo caruurtayadiiba barakada Ilaahay ayay ku islaameen.”

Imaamkii baa ku yidhi: “Dhulkaaga intaa islaantay adiga ayaan madax kaaga dhigay, kuwa aan islaaminna ku duul oo soo qaqabo iina keen.”

Imaamku nin la odhan jiray Fanja Sabar iyo rag lug ah ayuu ku daray. Habeenkii bay socdeen oo ay weerareen oo ay ku laayeen, labo badriiq na way soo qabteen. Intaa ka dib, Imaamkii bay ku soo noqdeen oo ay soo hor joojiyeen. Waxa uu ku yidhi: “Waar maxaa idin haya? Maxaad la soo islaami la’dihiin, iyada oo uu dhulkii oo dhami wada islaamay?”

Waxa ay yidhaahdeen: “In aan sidan noqonaynno uma annaan haysan weligayo!”

Waxa uu ku yidhi: “In aan kurka idinka jarro ayaan idinku xukunnay.”

“Waan soo dhoweynaynnaa” ayay yidhaahdeen.

Imaamku hadalkoogii buu ka yaabay, kolkaas ayuu amar ku bixiyay in la laayo waana la laayay.

Taliyihii askarta Baxar oo la odhan jiray Shamsu ayuu ‘Imaamku’ ku yidhi: “Adigu xaggaa Awfaat u kac oo qabo, guddoomiye ayaan kaaga dhigay e.”

Shamsu dhankii Awfaat ayuu u dhaqaaqay wuuna gaadhay. Deegaan cidhiidhi ah oo aanay farduhu ku dagaallami karin ayuu ahaa. Dadkii deggaanaa ayuu dagaal la galay isaga oo adeegsanaya ciidankii lugta ahaa illaa uu muquuniyay, dhulkiina xoog uu ku qabsaday. Dadkii way wada muslimeen ka dib, kolkii uu buuraha dhexdooda ku hareereeyay.

Kaniisad uu lahaa boqor hore oo la odhan jiray Iskandar ayaa halkaa ku taallay, dahab fara badan baana dhex yaallay. Boqorkaasi nidar buu ku galay in uu weelasha dahabka iyo lacagta ka samaysan kaniisaddaa siiyo. Kitaab weyn oo ay baalashiisu dahab yihiin, jeldigiisuna yahay dahab oo lagu qoray Injiilkooga ayaa isna dhex yaallay. Labo nin oo xooggan ma ahee kitaabkaasi cid kale ma qaadi karayn. Shamsu inta uu galay ayuu dab qabadsiiyay, xoolihii uu ugu tegayna wuu qaatay.

Koofiyad uu boqor Iskandar lahaa oo uu xaggeega danbe ka laalaadiyay konton wiqiyadood oo dahab ah ayay ka dhex heleen. Imaamkii Shamsu ayuu soo gaadhay oo uu kula kulmay Aboona oo ahayd daafaha Awfaat. Kolkaas ayuu Shamsu xoolihii oo dhan Imaamka gacanta kaga riday. Imaamkii iyo muslimiintii aad bay ula yaabeen kutubtii dahabka ahayd iyo tasaawiirihii.

Furashadii Daraja

Amiir Cali, isagu dariiqa sare ayuu qaaday, wuxuuna galay dhulka Daraja oo uu qabsaday, jisyo inay bixiyaanna uu ku soo rogay. Wuu sii socday isaga oo u sii jeeda dhankaa iyo Debra Burhaan. Isaga iyo askartiisiiba halkaas ayay gaadheen. Halkaa buu degay isaga oo sugaya Imaamka imaanshihiisa. Imaamkii, isagu Aboona ayuu degay, Awfaatna waxa uu u diray Garaad Axmooshe oo uu ku yidhi: “Dadkeega la soo dagaallan illaa aad furanaysid anna waan ku daba soconayaa.”

Wuu socday isaga oo wata Garaad Mataan. Imaamkii halkii buu ku hadhay isaga oo ay la joogaan shan fardooley ah oo qudha. Awfaat halkaa uu joogay way u dhowayd. Muslimiintii waxa ay yidhaahdeen: “Waynnu dirnay oo waynnu dirnay illaa ay shan keli ahi kugu soo hadheen! Waar sidaas haddeed ha u noqon.”

Maalinkii labaad ayuu ka daba tegay Garaad Axmooshe. Amiirrada uu Imaamku jihooyinka u kala diray tiradoodu konton ayay ahayd.

Weriyhii – Alleha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Awraci Cismaankii murtadka ahaa Awfaat ayuu joogay kolkii Wasan Segad la dilay. Dhulkiisii Awfaat ayuu iska tegay oo halkaas ayuu iska fadhiistay. Ciidankiisii, kii Gaafaat iyo kii Wanaag Jara ayuu wada ururiyay oo uu meel keliya iskugu keenay. Kolkii uu Imaamkii soo gaadhay dhulka Aboona ayuu askartiisii ku yidhi: “Anaa muslimiinta la dagaallami, dhulkayga soo geli maayaan!”

Dhankii Imaamkiina sir ahaan ayuu ugu diray qaar ka mid ah saaxiibbadii isaga oo leh: “Anigu nin muslin ah oo uu muslin dhalay ayaan hore u ahaa. Mushrikiinta ayaa i qabsaday oo kolkaas ayay nasraani iga dhigeen. Qalbigaygu wuu iskaga negi yahay Islaannimada. Imika anigu Ilaahay baan magan u ahay, Rasuulkii baan magan u ahay oo adaan magan kuu ahay. In aad toobaddayda aqbasho ayaan magan kuugu ahay. Ha ii qaadin wixii aan falay, Alle ayaan uga soo noqdee. Ciidamadan Boqorka ee ila joogaana waan xeeladayn doonaa illaa ay adiga kuu imanayaan oo ay wada muslimayaan.”

Dhanbaalkii ayuu Imaamkii ugu dhiibay muslimiin Reer Awfaat ahaa, isaga oo ku dardaaraya: “Nin nasraani ahi yaanu arrintaa ogaannin.”

Dhanbaalkii Imaamkii buu gaadhay isla maalintii uu Garaad Axmooshe ka tegey. Wuu akhriyay wixii ku jirayna wuu gartay. Farriin buu kolkaa ka daba diray Garaad Axmooshe uu ku yidhi: “Soo noqo war baan helay e.”

Kolkaa wuu soo noqday waxaanu uga warramay arrintii Awraci Cismaan. Aboona ayay fadhiisteen, Reer Aboona iyo badriiqoogii Eslaamu ayaana u yimid. Dhammaantood halkaas ayay ku muslimeen. Madaxoogii Eslaamu, intaa dabadeed dib ayuu Islaanka uga baxay kolkii uu Imaamku tegay Beyt Amxara Boqorkii buuna u tegay. Askartiisii iyagu islaannimadii bay ku hadheen, waxayna dagaallada la galeen Shamsu intii ay dagaallada Xabasha lagu qabsaday socdeen oo dhan.

Awraci Cismaankii Murtadka ahaa iyo Dad Kale oo Diinta soo Galay

Intaa kadib, Imaamkii kolkii uu arkay dhanbaalkii uu Awraci Cismaan soo diray ayuu jawaabtii u ceshay isaga oo ku leh: “Haddii aad sidaa yeesho, xaqiiqe e Ilaahay baa yidhi:

قُل لِلَّذِينَ كَفَرُواْ إِن يَنتَهُوا يُغَفَرْ لَهُم مَّا قَدْ سَلَفٌ

(Kuwii gaaloobay waxaad ku tidhaahdaa ood u sheegtaa, haddii ay waantoobaan inuu u dhaafayo wixii gef ah ee ka dhacay)120 Illaa Aayadda dhammaadkeega.

Ha biqin, hana murugoon, annaga iyo adigana waxa innoo ballan ah dhulka Duubiya. Halkaas ayaan u sii jeedaa aniguye. Annaga iyo adiguba aynnu dhankaa u jeesanno oo aan iskugu imanno.”

Tusbixiisii ayuu u raaciyay si uu u hubiyo in uu ammaan siiyay oo ay naftiisuna ugu qabawdo. Dhanbaalkii iyo tusbixii ayaa si sir ah loogu keenay. Dhanbaalkii ayuu furay oo wuu akhriyay, wixii ku yaallayna wuu gartay. Kolkaa ayuu hoos iskula hadlay oo uu yidhi: “Waxa aan ahay nin keli ah, ciidanka oo dhammina waa wada nasaaro, haddaba sideen yeelaa? Haddii aan keli ahaan anigu Imaamkii u tego, aniga oo wixii la ogaa muslimiinta ku sameeyay, waan ka cabsanayaa! Haddii aan gaaladan ku idhaahdo ila soo islaama na, ama way i dilayaan amma way i xidhayaan!”

Labo inan oo muslimay, adeegayaalna Imaamka hore ugu noqday ayaa la joogay. Midkood waxa la odhan jiray Shakar ka kalena Yacqiil. Shakar, isagu nin Imaamka saaxiibbadii ka mid ahaa ayuu dilay inta uu habeen weeraray. Imaamkii baa xidhay oo biro ku jebiyay si xadkii Ilaahay looga gooyo. Birihii buu iska furay dhulkiisii buuna ku noqday. Boqokii Xabashida ayuu u tegey waanu nasaaroobay. Boqorkii baa siiyay tuulo Awfaat ka tirsan, wuxuuna la fadhiisiyay Awraci Cismaan oo ahaa Badriiqii Awfaat.

Yacqiil, isaga deyn ayaa lagaga yeeshay dhulkii muslimiinta. Dadkii uu u qaamaysnaa ayaa xoolohoogii weydiistay, isna ma haysan. Imaamkii oo aan ogayn ayuu goostay, Boqorkii Xabashida ayuuna u tegey, dabadeedna wuu riddoobay. Bogorkii baa isna siiyay dhul Awfaat raacsanaa. Awraci Cismaan ayaa labadaa nin codsaday oo gooni u la faqay kuna yidhi: “Waar wax talo ah ma haysaan? kan Imaam ahi waa kan oo innagu soo dhowaa. Berri amma saandanbe wuu inna hayaa. Dhulkeennan ayuu soo geli cagta ayaanu marin. Hadda waxa ay idin la tahay ii sheega. Xaggaa iyo Boqorkii ma ula baxsannaa ciidankeenna, mise dhulkeenna ayaan ku dagaalannaa oo aan u dhimannaa? Waar keena hindisihiinna!”

Waxa ay yidhaahdeen: “Annagu adeegayaashaadii ayaan nahay, wax talo ah oo aan haynnaana ma jirto. Haddaad nagu amarto in aan cararno waan cararaynnaa. Haddii aadna tidhaahdo, dagaallamana waan dagaallamaynnaa. Haddii aad nagu amarto in aan islaannona waan islaamaynnaa.”

Waxa uu yidhi: “Haddii aad leedihiin aan islaanno taasaa innoo dan ah oo innooga wanaagsan wixii aan sheegay ee ahaa dagaal iyo baxsasho. Imaamka ayaynnu u tegi wixii aan gaalnimadii samaynayna waynnu ka toobad keeni. Dhanbaal baan u diray aan ugu sheegay waxaa aad imika leedihiin, isna waxa uu ii soo diray waraaq iyo tusbax uu ku bixinayo ammaan iyo ballanqaad adag oo aniga iyo idinkaba ah. Haddaba maxaan ka yeellaa ciidamadan faraha badan. Sidee bay innoo raacayaan iyaga oo nasaaro ah?”

Waxa ay ku yidhaahdeen: “Haddaad nabadda noo hesho annaga ayaa kaaga filan. Adeegahaagii Canaaniye hadda innoogu yeedh.”

Ninka Awraci Cismaan uga hooseeyay talinta ciidamada ayuu Canaaniye ahaa oo nasraani ah. Awraci Cismaan baa yidhi: “Waxaa aan damacnay, haddaan Canaaniye u sheegno miyuu innagu raacayaa arrintaa aynnu doonaynno?”

Waxa ay ku yidhaahdeen: “Haa wuu ku raacayaa. Haddii aad dabka ku dhacdid wuu kugu la dhacayaa.”

Labadoodii buu ku yidhi: “Idinku u yeedha oo ii keena.”

Canaaniye ayay u tegeen oo Awraci Cismaan ayay u keeneen. Waxa uu ku yidhi: “Wiilkaygii iyo hoggaanshihii ciidankayga ayaad tahay. Miyaad arkayn waxa innagu dhacay. Maxaan yeellaa?”

Kolkaa ayuu Canaaniye yidhi: “Anigu waan ku raacayaa, oo halkaad doontaba waan ku hor socon. Haddii aad tidhaahdo waan dagaallami, waa haye. Haddii aad tidhaahdo xagga Boqorka aynu u baxsanno, waa haye. Anigu adeegahaagii baan ahay, wax kaste oo aad i fartana waan yeelayaa.”

Awraci Cismaan baa kolkaa ku yidhi: “Dhaaro oo gacantaada ii dhiib.”

Isna in aanu ku diidin wixii uu faro oo dhan ayuu ugu dhaartay. Kolkaas ayuu u warramay in uu islaamayo. Canaaniye ayaa ku yidhi: “Anigu hadda ka hor baan doonayay in aan islaamo anoo joogay dhulka Marjaay maalintii aad hoggaamiyaha iga dhigtay. Imaamka ayaan dad socoto ah ugu dhiibayay dhanbaallo. Illaa imika waxa i dhigay ee aan u joogaa waa adiga awgaa.”

Kolkii uu hadalkiisii Awraci Cismaan maqlay ayuu si weyn u farxay oo uu Canaaniye ku yidhi: “Hadda maxaan ciidanka ku odhan oo sideen ula hadallaa.”

Canaaniye ayaa yidhi: “Aniga ayaa arrintaa kaaga filan. Kuwa gaarkaaga ah ayaan la hadli iyo kuwa kuu soo xiga. Ciidanka hadhay, haddayna yeelaan fiican, hadday inna diidaanna waan la dagaallamaynnaa. Dagaalkeenna uma taag hayaan, haddaan la hadlo kuwa gaarka innoo ah iyo askarteenna.”

Canaaniye khusuusigii Awraci Cismaan oo ahaa konton fardooley ah iyo kun lug ah oo gaashaanley ah ayuu u warramay. Waxa ay ku yidhaahdeen: “Haddii uu sayidkayagu dabka ku dhaco waan kula dhacaynnaa. Taladayadu tiisa ayay raacsan tahay.”

Canaaniye intaa dabadeed, sayidkiisii Awraci Cismaan ayuu u warramay wixii ay raggii khusuusiga ahaa yidhaahdeen iyo in ay raacsan yihiin.

Sidaa isna aad buu ugu farxay. Habeenkii buu beryay, dabadeed saaxiibbadii buu ku yidhi: “Waxa aan joognaa meel buur ah oo aan dagaalka ku wanaagsanayn. Hadda aynnu u kacno meel ballaadhan oo fardaha dagaalkooga ku wanaagsan. Halkaas ayaan ciidanka inta hadhay kula hadlaynnaa. Haddii ay inna yeelaan waa arrin Alle fudaydshay haddii ay inna diidaanna waan la dagaallamaynnaa.”

“Waa taladii ugu wanaagsanayd,” ayay yidhaahdeen.

Amar buu ku bixiyay inaa laga guuro buurta. Buurtii bay ka so degeen oo waxa daba dhaqaaqay saaxiibbadii iyo khusuusigii. Badriiqyadii Awfaat oo ahaa siddeed iyo ciidamadoodii ayaa iyaguna raacay. Waxa kale oo raacay askartii Gaafaat. Askartii Wanaag Jara oo ahaa kul lug ah ayaa halkaa kaga hadhay. Rag bay ahaayeen sitay gaashaammo cadcad oo la moodo fad buur dul fadhiya, caddaankeega indhaha kaa qaadaya awgii. Ciidanka Baxar Anba rag la mid ahi kuma jirin. Kolkii ay maqleen in uu Awraci Cismaan doonayo in uu islaamo ayay ku hadheen buurtii.

Awraci Cismaan ayaa yidhi kolkii uu buurtii ka soo degay ee uu yimid dhul faalal ah askartiisiina safay: “Waar maxaan u arki la’ahay ciidankii Wanaag Jara? Oo maxaa ku dhacay? Ma aanay soo degin e?”

Kolkay buurtii eegeen ayay arkeen iyaga oo buurta dusheedii dagaal isku diyaariyay. Awraci Cismaan baa u diray cid weydiisa: “Maxaa idinku dhacay, oo maxaa iiga kiin yimid?”

Waxa ay yidhaahdeen: “Tashigaagii iyo khiyaanadii aad Boqorka kula kacday ayaan ogaannay. Annagu khawaastii Boqorka iyo addoomihiisii ayaan nahay. Difaaciisa ayannu ku dhimanaynnaa, adigana kuu iman maynno. Haddaadse adigu doonayso in aad dagaal nala gasho, noo soo fuul”, ergaygiisii na way u soo direen.

Gaashaamadoodii ayay madaxa saarteen, dabadeed na, dhankaa iyo Beyt Amxara ayay u dhaqaaqeen. Awraci Cismaan, isagu dhankaa iyo Duubiya agteeda oo ka mid ah dhulka Awfaat ayuu tegay. Isaga iyo muslimiintii Reer Awfaat oo dhan ayaa dhanka Duubiya u dhaqaaqay. Halkaas ayuu degay isaga oo sugaya Imaam Axmad.

Weriyihii – Allha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Imaamkii isagu halkiisii Aboona ayuu iska sii joogay. Dhanka Duubiya oo ay isaga iyo Awraci Cismaan ku ballan sanaayeen ayuu u dhaqaaqay. Duubiya ayuu so0

gaadhay, teendhooyinkii Awraci Cismaan ayuuna arkay, meel u dhow buuna degey. Maalinkaa, Awraci Cismaan meeshiisii ayuu ka sara kacay, fardihiisii iyo ciidammadiisii ayuu isku tubbariday dhankii Imaamka ayuuna u soo kacay. Mashaa’ikhdii iyo culimadii ayuu isa soo hor mariyay si ay ugu shafeecad qaadaan. Imaamkii buu soo gaadhay isaga oo ay la socdaan labadii nin ee aan soo sheegnay ee nasaaroobay oo ahaa adeegayaashii Imaamka iyo Awfaat Raas oo Awraci abti u ahaa. Waxa kale oo la socday Garaad Aadan. Imaamkii buu u soo galay oo uu gacanta ka dhunkaday.

Imaamkiina si wanaagsan ayuu u soo dhaweeyay, wuxuuna ku yidhi: “Ha biqin.”

“Islaama!” ayuu askartiina ku yidhi.

Dhammaantoodna Islaannimada ayay soo galayeen duhurkii laga bilaabo illaa gabbaldhicii. Tiradoodu waxa ay ahayd illaa labaatan kun oo ay la socdaan dumarkoogii iyo caruurtoodii. Imaamku Ilaahay ayuu mahadiyay, wuxuuna ammaanay Awraci Cismaan oo uu u mahad naqay, kolkaas ayay Duubiya fadhiisteen oo ay degeen.

Jihaad Cusub

Intaa kadib, dhanbaal buu u qoray Wasiir Cadli oo joogay dhulka Saqaala. Imaamka iyo isaga labo iyo toban geeddi ayaa loo kala soconayay oo u dhexaysay. Sidii uu Awraci Cismaan yeelay ayuu ka war geliyay oo in ay

muslimeen isaga iyo dadkii dhulkiisuba ayuu u sheegay. Waxa uu faray “Adigu soo ururi taliyayaasha kala baahsan iyo askartooda oo xaggaaga iskugu keen, adigaanan madax kaaga dhigay. Farriin u dir Amiir Abuubakar oo Baraara jooga iyo dhammaan muslimiinta si ay adiga kuugu yimaaddaan. Ha kala kaxayn, e waxaad degtaa Fatagaar. Ilaahay baan kugu dhaarshaye wiilasheennaa (askarteennaa) iyo ubadkeennaasi halkaa ha kula joogaan.”

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Imaamku waxa uu madax ugaga dhigay taliyayaasha dhammaantood oo uu amarka ugu siiyay in uu soo urursho, waxa uu ogaa in ay doonayeen dhulkoogii in ay u degaan. Sidaa daraaddeed ayuu taliye ugaga dhigay Amiir Cadli oo ahaa addoon uu lahaan jiray Imaam Axmad aabbihii. Imaamka iyo walaalihiina isaga ayaa soo barbaariyay. Imaamku arrin aanu isaga kala tashan kuma kici jirin. Dhanbaalkii wuu gaadhay isaga oo ku sugan dhulka Saqaala. Intaa dabadeed wuu ka tegey isaga oo qabtay dhulka Masiin oo u dhow Fatagaar. Amiirradii dhulka ku kala baahsanaa ayuu farriin u wada diray si ay isaga ugu yimaaddaan, dhammaantoodna halkii bay ku soo wada gaadheen. Amiir Abuubakar oo wada ciyaalkii iyo xaaskii Imaamka oo ka yimid Baraara ayaa isna soo gaadhay. Dhammaantood way isku wada yimaaddeen. Dhanbaalkii Imaamka ee uu isaga taliyaha guud kaga dhigay ayuu u akhriyay.

“Maqallay oo yeellay,” ayay wada yidhaahdeen.

Farshaxan Cali, isagu Debra Burhaan ayuu fadhiistay. Imaamka ayuu farriin u diray uu ku leeyahay: “Waraaqdaada ama ergeygaaga ayaan sugayaa. Sida aad iigu talisana waan yeelayaa. Ha noqoto in aan kuu imaaddo amma ha noqoto inaad ii imato e.”

Ergaygii baa Imaamkii soo gaadhay oo u tebiyay wixii uu soo faray ‘Farshaxan’. Imaamkii baa u diray jawaabtii dhanabalkiisa isaga oo ku leh: “Anigu dhulkii Awfaat ayaan galay. Ninkii aad ahaydeen xididku ee Awraci Cismaanna wuu islaamay. Reer Awfaat oo dhan ayaa iyaguna la islaamay anna Awfaat ayaan joogaa.”

Farshaxan Cali in uu dhulka muslimiinta ku qabo Awraci Cismaan walaashii ayaa la ogaa, sidaa awgeed buuna u yidhi: “Wuu islaamay xididkaagii Awraci Cismaan. Adiguna Debra Burhaan ha iska fadhin uun dan la’aane, u dhaqaaq dhankaa iyo dhulalka Taqulat, Waqda iyo Majar. Waar dhulkaa gal oo la soo dagaallan illaa ay soo islaamayaan amma ay jisyada iska dhiibayaan.”

Kolkii uu dhanbaalkii gaadhay ayuu u dhaqaaqay dhankii uu Imaamku ku amray.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Wanaag Segad, isagu dhulka Waj ayuu joogay. Inta uu roobku qaadayo ayuu sugayay oo halkaas ayuu iska degganaa. Hore ayaa loo soo gaadhsiiyay inaa Wasan Segad la dilay. Waxa kale oo uu ka war helay jabkii ku dhacay ciidammadiisii, arrimahaana aad buu uga tiiraanyooday. Badriiqyadiisii, loo-sii-marayaashiisii iyo la taliyayaashiisii gaarka ahaa ayuu is kugu yeedhay oo uu ku yidhi: “Iminka maxaynnu yeellaa, oo maxaad igu la talinaysaan? Dhulkee inna qaadaya ayaad u malaynaysaan?”

Dhexdoodii bay tashadeen, Bogorkii baa kolkaa ku yidhi: “Anigu waxaan doonayaa in aynnu u kacno dhankaa iyo gurigii aabbayaasheen iyo awawyaasheen; halkii ay boqortooyadeennu asalka u lahayd oo aan halkaa iska degno, afaafyadana aynu qabsanno. Halkaas ayaynu muslimiinta kula diriri, dhulkan ay innaga furteenna aynu uba daynno oo an ku dhimanno Beyt Amxara.”

Badriiqyadii oo dhan ayaa yidhi: “Taladaa aad ku talisay tu ka wanaagsani ma jirto Boqorkayagiiyoow.

Annagu hortaada ayaan ku dhimanaynnaa.”

Dhulka Waj ayay ka dhaqaaqeen iyaga oo u sii socda dhankaa iyo Beyt Amxara. Waqtigii roobka oo dhan ayuu sii socday, Beyt Amxara ayuuna bil kadib gaadhay. Beyt Amxara waa dhul ballaadhan oo barwaaqo ah oo dhex ah buuro ku wareegsan. Waddooyin iyo afaaf buuraha ka dhex baxa ayay leedahay, waana halkii ay boqortooyadoodu ahayd. Dariiq kaste oo ka baxaa, afaafyo ayuu leeyahay iyo ilaalo ka timid dhulka Abaweyn illaa dhulka Angoot illaa badda Xiiq. Buuraha ku wareegsan labaatan maalin socod ayay isku jiraan, shan afaaf ayuuna dhulkaasi lahaa, kuwaas oo kala ah: afaafka dariiqa Wallaga, afaafka dariiqa Akhii Faja, afaafka dariiqa Mansi, afaafka dariiqa Mayaat oo ka mid ah dhulka Jidim iyo afaafka ka yimaadda dhulka Waasil. Halkaas ayaa teendhooyinkiisii looga taagay.

Badriiqii Degalhaan ee ay Boqorka xididka ahayeen, afaafka Mayaat ayuu isagu ku hadhay, Boqorkii baana ku yidhi: “Afaafkaagaa ku fara adkaw oo yaana dhankaaga la nooga soo dhicin. Degalhaan, buurta dusheedii ayuu hataq ka qoday, taas oo kala goynaysay isaga iyo dariiqa ku soo aaddan. Ciidammo ka socday Jidim ayuu ku daray. Qayb ka mid ah ciidammadii Tigraay, ayuu afaafkii Mansi dhigay oo uu madax u ahaa badriiqii Ras Biniyaat. Askar buu ku daray, buurta dusheedana hataq buu uga qoday.

Afaafka Akhii Afja, isagu uma baahnayn wax ciidan ah. Lix nin oo halkaa joogta oo keli ah ayuun buu u baahnaa, waayo waxa adkayd inuu qofna mari karo cidhiidhi aawadii. Afaafkii Wallaga, isaga badriiqii Baxar Goyta iyo askartiisii ayaa is taagay. Afaaf walba ciidan loogu talo galay in ay muslimiinta la dagaallamaan ayaa la dhigay.

Kaniisadda Beyt Amxara iyo Tilmaanteeda

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Beyt Amxara waxa ku taallay kaniisad weyn oo aanay tu la mid ahi Xabasha oo dhan ka jirin. Boqorkii Naa’uud oo aabbe u ahaa Boqor Wanaag Segad ayaa dhisay. Aad buu ugu daalay oo dadaal badan buu ku baxshay dhismeheega, ka-shaqaynteeda iyo shaqo-gelinteeda ba. Dahab buu ku dheehay, dhismaheegana saddex iyo toban sannadood ayuu waday. Wiilkiisii Wanaag Segad ayaa hawshii halkii ka sii waday oo dhisay. Dadaal ka badan kii aabbihii ku baxshay ayuu ku bixiyay. Shaqadaasi shan iyo labaatan sannadood ayay ka qaadatay illaa laga fara xashay. Safeexado dahab ayay dhammaanteed ka dhisnayd, inay tahay dab ololaya ayaana la moodi jiray. Weelal dahab iyo lacag ah ayuu u sameeyay oo uu dhex dhigay. Balladhkeegu boqol xusul buu ahaa, dhererkeeguna boqol xusul. Xagga sare kaniisaddaa qotonkeegu waxa uu ahaa boqol iyo konton xusul oo dahab wada ah. Fasas luul iyo marjaan ah ayaa lagu xardhay. Boqorku waxa uu ku magacaabay ereygooga gaalnimada ah ee Makaana Sellaase (Meeshii Ilaaha Saddexan) Alle taa ka Weynaa oo ka Korreeye.

Isagaa xumaan ka nasahan oo Kelinimo u sugnaataye.

لَمْ يَلِدْ وَلَمْ يُولَد* وَلَمْ يَكُن لَّهُ كُفُوًا أَحَدًا

(Wax ma dhalin lamana dhalin Ilaahay, umana ahaanin mid la barbar dhigi karaa).121

Qabrigii Boqorkii Naa’uud Admaas Sa’ra Yacquub kaniisadda dhexdeeda ayuu ku yaallaa. Kaniisadaha boqorradii hore oo dhan, iyaguna halkaa ayay ku yaalleen, kaniisaddan hawsha laga qabtay wax la mid ahi se ma jirin.

Waxa uu yidhi: Kolkii uu Boqorkii ka fara xashay qaybintii ciidanka ee uu albaabadii u kala diray ayuu galay kaniisaddii aabbihii oo uu dhan walba u eegay bidix iyo midig, isaga oo leh: “Muslimiintaasi waxa ay doonayaan inay kaniisaddan gubaan, waa na hoygii boqortooyadayda iyo boqorradii hore.”

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: boqor kaste oo xabasha taladeeda qabtaa kaniisad buu ka samayn jiray Beyt Amxara, kolka uu dhintana xaggeega ayaa loo soo qaadi jiray. Kaniisaddaa dhexdeeda ayay ku aasaan isaga oo sanduuq ku jira. Kolkii uu boqorkii yidhi intaa aan soo sheegnay ayay kuwii la joogay ku yidhaahdeen: “Boqoryahaw ha murugoon, naftaadana ha daalin. Muslimiintu dhulkan aad sheegaysid sooba gaadhi maayaan. Annaguna waannu ku dagaallami oo waannu u dhiman.”

Waxa uu ku yidhi: “Haddii uu hadalkiinnu kaa yahay, mid kaste oo idinka mid ahi afaafkiisa ha ku ekaado.”

“Maqallay oo yeellay,” ayay yidhaahdeen, mid kastaana dhankii loo diray ayuu u dhaqaaqay. Boqorkii dhankaa iyo afaafkii Waasil ayuu u kacay, halkaas ayuuna fadhiistay.

Imaamkii oo Duullimaadkiisii Kasaaya ku soo Gaadhay

Imaamkii – Alle ha u naxariistee – kolkii uu Abjad dhaqaaqay ayuu ka daba dhaqaaqay, Goyta Nuurna waxa uu ku amray in uu tego degaanka Kasaaya oo ka mid ah dhulka Jidim. halkaas ayuu tegay oo ay ku taallay kaniisad weyn oo ay boqorradii hore lahaayeen. Kaniisaddaa kun qays ayaa joogay, kolkii uu gaadhayna wuu gubay. Dahabkii iyo wixii kale ee yaallayba gacanta ayuu ku dhigay. Kasaaya Imaamkii ayaa kaga daba tegey, isaga oo wata col yar, waa nu la degey. Dhulka Jin loo yaqaanno ayuu ergey u diray si uu ugu baaqo Islaamka. Kolkii uu halkaa gaadhay dad baa ka soo islaamay. Abjad Imaamka oo jooga Kasaaya ayuu u yimid. Wasan Jaan oo nasaro ahaa ayaa isna yimid oo watay shan boqol oo lug ah oo ahaa raggii gaashaan-cadda ahaa. Gacantiisa ayay raggaasi ku wada islaameen.

Xabashidu gaashaannada cadcad ayay ugu faanaan si aanay fardaha ugu faanin. Nin muslin ah oo ka yimid dhulka la odhan jiray Arshoone oo u adeegi jiray Boqorka, maamuusna agtiisa ku lahaa ayaa jiray. Kolkii uu Imaamku gaadhay Kasaaya ayuu ninkaasi dhanbaal u diray Fiqigii Abuubakar ee Reer Arshoone ahaa isaga oo ku leh: “Imaamka ammaan ma iiga qaadi kartaa, waxa aan ka cabsoonayaa in uu igu ciqaaabo adeeggii an u adeegayay Boqorka aniga oo muslin ah.”

Fiqigii baa Imaamkii u galay oo uga qaaday axdi iyo ballan. Imaamku mu’addinkiisii Kabiir Nuur ayuu u diray. Ninkaa hore aan u soo sheegnay magiciisu Shaafaco ayuu ahaa, Reer Arshoone ayuuna ka mid ahaa oo ah dhulkii uu Fiqiga Arshoone ka soo jeeday. Mu’addinkii ayaa dhankiisa u kacay, waxaana soo raacay ninkii oo Imaamka ayuu u keenay isaga oo sida alaab-hiddo-reeb ah (tuxaf) oo qaali ah iyo baqlo wanaagsan oo u kaydsanaa Boqorka. Imaamkii baa ka waraystay Boqorkii iyo dhulka uu ku sugan yahay. Kolkaas ayuu ugu jawaabay: “Beyt Amxara ayuu joogaa, ciidankiisiina afaafyada laga galo ayuu u qaybiyay, xididkiisii Degalhaan se wuu idiin dhow yahay oo afaafka Mayaat ayuu joogaa, Boqorkuna wuxuu joogaa afaafka Waasil. Badriiq Degalhaan ayaa iga codsaday in aan u tego, hase yeeshee kolkii aan ogaaday in aad dhulka Kasaaya timaaddeen ayaan iska daayay oo aan idinka idiin imidday.”

Imaamkii baa ku yidhi: “Imisa maalin socod baa annaga iyo Boqorka noo dhaxaysa?”

Waxa uu yidhi: “Lix maalin socod ayaa idiin dhaxaysa, Degalhaanna afar cisho ayaa idiin dhaxaysa, idinka iyo Ras Biniyaatna buurtan uunba idiin dhaxaysa waana maalin socod.”

Kolkii uu Imaamkii warkaa maqlay, ayuu farriin u diray Amiir Cali uu ku leeyahay: “Iskaga kaalay dhulkaa aad joogto oo si dhakhso ah ii soo gaadh, waan kuu baahanahay e.”

Farriin-sidihii wuu socday, hase yeeshee intaanu Amiir Cali gaadhin ayaa la dilay, Imaamkuna ma ogaannin dilkiisaa. Waxa kale oo uu farriin u qoray Wasiir Cadli maalinkii uu amiirrada hoggaanka uga dhigay oo uu ku amray: “Ii soo dir Absame Nuur oo col wata.”

Wuu u soo diray isaga oo watay lixdan fardooley ah iyo lug fara badan. Imaamkii oo Kasaaya jooga ayuu u yimid isaga oo wada dhanbaal uu ka siday Wasiir Cadli oo yidhi: “Waan yeellay waxaad nagu amartay. Waxaan joognaa Laalibela oo ka mid ah dhulka Fatagaar.”

Dhanbaalwadayaal Imaamku Diray oo Dhexda Lagu Laayay

Kolkii uu Absame Nuur yimid, Imaamka ayaa si wanaagsan u soo dhaweeyay. Amiir Cali ayuu ka waraystay isaga oo ku leh: “Halkee buu ninkaasi joogaa? Farriin baan u diray si uu halkan iigu yimaaddo, iimana iman jawaabna iima soo celin!”

Imaamku kama war qabin wax ku dhacay ninkii uu diray. Imaamku cag labaad iyo tu saddexaad buu diray, dhammaantoodna jidka ayaa lagu laayay. Imaamkii baa Absame Nuur ku yidhi: “Waa kane maxaan samaynnaa meel uu joogona ma garanaynnee? Laakiin Wasiir Cadli baynnu u cid diranaynnaa, isaga ayaa haysta ciidammo sida ciidda ahe, askar ha innoo soo diro badhna ha u hadhaan isaga.”

Kolkaas ayuu Imaaku dhanbaal u qoray Wasiir Cadli uu ku leeyahay:

بسم الله الرحمن الرحيم

“Mahad Allaha uumiyaha oo dhan ayaa iska leh. Alle Nebigeennii Muxamad ahaa naxariis iyo nabad gelyo ha huwiyo; isaga iyo ehelkiisii ba. Ogow Cadliyoow in aan annagu dhulkii Jidim soo gaadhnay oo aan degney Kasaaya iyo in uu Boqorkii Wanaag Segad galay Beyt Amxara oo uu ciidankiisii u qaybiyay afaafyadii oo dhan si ay nooga xidhaan marinnada oo dhan. Amiir Cali ayaan u diray waraaq aan ku amray in uu ii yimaaddo. Iima iman wax war iyo jawaab ahina iiga ma iman. Ma ogi meesha uu galay, in yar ma ahee ciidan kalena ma haysto. Adiga ayaan kaa codasanayaa in aad ciidanka badh ii soo dirto, madaxna waxa aad uga soo dhigtaa Amiir Abiibakar iyo Amiir Mujaahid. Ha ahaado ciidankaasi labo boqol oo fardooley ah iyo Askartii Badda122 oo lugta ah. Salaam baan adiga iyo inta kula joogta ee muslimiinta ahna hawada idiin soo marinayaa.”

Farriin-sidihii ayaa socday isaga oo aan hadh iyo habeen isku daba geliyay. Toban cisho ka dib ayuu Wasiir Cadli soo gaadhay isaga oo jooga meesha la yidhaahdo Saqaala. Warqaddii kolkuu siiyay ayuu muslimiintii soo ururiyay oo uu dhanbaalkii ku akhriyay. Waxa uu soocay oo uu tiriyay labo boqol oo fardooley ah iyo shan boqol oo lug ah oo ah raggii gaashaanleyda ahaa ee lagu magacabayay Askartii Badda. Kuwo kale oo aan la tirin karin

ayuu ku daray oo uu ku yidhi: “Tabaabulshihiinna dhammaysta oo Imaamkii siduu idinku amray ugu tega.”

Amiir Abuubakar Qadiin, Amiir Mujaahid iyo kuwo la mid ah ayuu taliyeyaal uga dhigay. Imaamku bil iyo toban cisho ayuu Kasaaya fadhiistay oo uu sugayay. Waxa kale oo uu isku keenkeenayay askartii kala baahsnayd ee joogtay meelaha u dhowdhow. Shamsu ayaa ugu horreeyay oo soo gaadhay isaga oo ciidankiisii wata. Kabiir Maxamad oo mu’adinka Imaamka ahaa ayaa la socday. Shan iyo toban fardooley ah iyo kun lug ah ayuu watay.

Amiir Farshaxan Cali, isagu illaa xilligaa ma iman, waayo waxa uu illaa labo bilood joogay dhulkii Taqulat, Jada iyo dhulkii Majoora. Debra Burhaan ayuu ku soo noqday, halkaas ayuuna degey. Awfaat ayuu kolkaa dad u diray si ay Imaamkii war ugaga keenaan. Awfaat bay yimaaddeen dhulkii Duubiya ayayna galeen oo uu joogay ku-simihii Garaad Axmooshe. Isaga ayay u galeen oo ay u sheegeen warkii Farshaxan Cali. Waxa uu Weyddiiyay: “Waar halkee buu joogaa? Imaamka ayaa saddex jeer farriin u diray, gaaladuna mar walba dariiqa ayay ku dilayeen addimadii la soo diray Imaamkuna war kama hayn sidaaye.”

Waxa ay yidhaahdeen: “Farxshaxan Cali meel fog buu joogay, iminkana Debra Burhaan ayuu yimid jawabtayada ayuuna sugayaa.”

Waxa uu ku yidhi: “Iminka u tega oo ku dhaha: Imaamkii saddex jeer buu kuu soo cid diray, dariiqaana lagu laayay, Imaamkuna intaad u imanayso wuu ku sugayaa. Haddaba ha seexan hana fadhiisan e waa inaad kacdo saacaddaa uu ergaygu kuu yimaaddo. Imaamku dhulka Kasaaya ayuu jooga.”

Ergadii ayaa socotay oo u dhaqaaqday dhankii Farshaxan Cali warkii bay na siiyeen. Farshaxan Cali Imaamka ayuu ka cabsaday kolkii warkaa la siiyay, isaga oo is leh: “Wax wanaagsan ma aannaan samayn”!

Saacaddii ayuu ka soo dhaqaaqay Debra Burhaan isaga oo u soo jeeda dhankii Imaamka. Imaamku isagu dhankiisa dareen baa ka galay Farshaxan Cali oo is bedel baa kaga dhacay. Lix cisho kadib ayuu soo gaadhay isaga oo weli ku sugan Kasaaya. Imaamka ayaa ku yidhi: “Ciidankaygii baad iga kaxaysay, waxaad fashayna waad fashay! Dhulkeed qabsatay?”

Waxa uu yidhi: “Waan gefay Sayidkaygiiyoow”, jawaab aan taa ahaynna ma bixin.

Garaad Bishaaro, Garaad Axmadoosh iyo Garaad Caabid ayaa intaa kadib hadlay oo yidhi: “Wax wanaagsan ma aannaan samayn, ciidan la’aan baannu kaa dhaqaaqnay, xaggii aad noo dirtay baannu u kacnay. Haddana wax cudurdaar ah ma lihin.”

Imaamkii baa iyaga iyo ciidankiiba ku yidhi: “Halkiinnii ku noqda.”

Muslimiintii buu badhkoodba badh la kulmay, Ilaahooga Sarreeya ayayna mahadiyeen.

Abuubakar Qadiin oo Gurmad Imaamka soo Gaadhsiiyay

Labo maalmood dabadood, ka dib kolkii ay yimaaddeen ayuu Amiir Abuubakar soo gaadhay. Xaruntii markii uu ku soo dhowaaday ayay fardahoogii fuuleen, Askartii Badda ayay fardahoogii hor safeen Imaamkii bayna u soo galeen iyaga oo sidii dagaal u daddaabo xidhan. Imaamkii baa isna uga mahad celiyay sida ay yeeleen. Intaa ka dib, Imaamka ayaa ku amray in ay ka soo degaan fardahooga, wayna yeleen oo in ay sheekaystaan ayay bilaabeen. Imaamkii baa Weyddiiyay: “Waar halkeed kaga timaadeen Wasiir Cadli?”

“Dhulka Saqaala ayaannu kaga nimid,” ayay yidhaahdeen.

Waxa uu weyddiiyay: “Imisa cisho ayaad ka soo socoteen?”

“Labo iyo toban cisho illaa aan adiga ku soo gaadhaynay” ayay yidhaahdeen. Maalin walba, subaxdii ayaan baqlaha fuulaynnay, maqribku illaa uu dhowaadana kama aannnaan degayn si aan degdeg kuugu nimaadno. Imaamku wuu u duceeyay oo wuu maamuusay, waanu marti sooray. Boqorkii iyo sida uu yeelay ayuu uga warramay. Intaa ka dib, Imaamku raggiisii u dhodhowaa ayuu la kulmay oo uu ku yidhi: “Ciidamadeennii iyo fardooleydeennii way isku yimaaddeen. Hadda taladiinna Beyt Amxara ku ekeeya, aniga halkaasay talo igaga go’daye. Bogorkii Xabashida ayaan raadsanaynnaa.”

Intaa kadib, Kabiir Maxamad oo ahaa mu’addinkii Imaamka ayaa sara kacay oo muslimiinta ku yidhi: “Idinku waxaad ku taliseen oo aad arrintiinnii ku ururiseen in aad ku dhaqaaqdaan Beyt Amxara, kanina waa dhulkii Shagara oo aan xagga danbe ku soo dhaafnay. Dadkeegii way wada muslimeen. Ilama aha in aan dhammaanteen ka wada soconno oo aynnaan qofna kaga tegin. Aniga iyo Shamsu waannu kuu nimid, dhulkiina cidina nagaga ma danbayso. Hadda midkayo ha u noqdo, haddii se la wada cidleeyo oo aan ka wada tegno, dadku Diinta way ka noqonayaan.”

Imaamkii baa ku yidhi: “Wax wanaagsan baad tidhi. Adiga iyo askartaadu noqda, gaar ahaan kuwa dhowaan Diinta soo galay. Askartii hore oo dhulka muslimiinta ka timidse iskaga teg oo yaanay ku raacin. Adiguna waa inaad ka foojignaato.”

“Ku dhaqaaq barakada Ilaahay, Ilaahayna wuu ku gargaariye,” ayuu gebogebadii ku yidhi.

Khasnaddii Boqor Iskandar iyo Shirqoolkii uu Kabiir Maxamad ku Dhintay

Kabiir Maxamad, dhulkii Shagara ayuu ku noqday, oo dhulkii Waraaba ayuu galay. Maalin keliya ayuu halkaa fadhiyay. Dadkii magaalada ayaa ku yidhi: “Kaniisddii uu Shamsu gubay khasnad dahab ah ayaa ku dhow oo uu lahaa Boqorkii Iksandar ou u nidray kaniisadda. Ciidankaa ad wadataa na-iyaga oo u tilmaamaya kuwo ag joogay-way garanayaan dariiqa wayna kuu soo saari karayaan.”

Kolkii uu hadalkoogii maqlay ayuu xidhxidhay oo uu xadhkihii ku giijiyay. Markaas ayay u soo saareen labo iyo toban safeexadood oo dahab ah. Kuwii warka siiyay ayuu Weyddiiyay: “Waar khasnaddii wax ma ka hadheen?”

Waxa ay ku yidhaahdeen: “Haa, waxa hadhay safeexad weyn oo uu miisaankeegu yahay toddoba boqol oo wiqiyadood. Waxa ay leedahay lbo siddood oo uu miisaankoogu yahay boqol wiqiyadood.”

Kolkaas ayuu ku sii adkeeyay oo uu ku yidhi: “Keena safeexadda hadhay!”

“Waa yahay,” ayay ku yidhaahdeen, dabadeedna dhexdoodii bay tashadeen oo ay is yidhaahdeen: “Haddaynnu safeexaddaa siinno oo ah nidarkii uu Boqor Iskandar kaniisadda u nidray oo ay muslimiintu dhulkoogii ku noqdaan amma halkanba ku dabar go’aan, Boqorkii baa inna odhan doona: maxaad khasnaddii u soo saarteen? Arrinkaana wuu innagu ciqaabi. Waar ninkan dilkiisa aynnu xeelad u raadinno. Saaxibbadeenna aan ugu yeedhanno si ay gacan innoogu siiyaan.”

Badhkood baa yidhi: “Anigu niman nasaaro ah oo kayntan ku dhuumanaya ayaan garanayaa. Kuwaa u farriin dira oo ku dhaha:na soo gaadha maalinta gellinkeega hore. Haddaad noo imataan annaga iyo idinkuba waan ku wada noqonaynnaa. Saaxiibbadayo ma ahee cid kalena lama socoto, ciidan aan kaayaga ahaynna ma haysto.”

Kolkaas ayay saaxiibbadood hoos ahaan addin ugu dirteen, warkii bayna u sheegeen. Isla habeenkii ayay dhaqaaqeen, oo magaaladii bay soo gaadheen iyada oo uu Kabiir Maxamadna ka war hayn. Iyagii oo buurtii kasoo degaya ayuu arkay. Ciidankiisii buu ku yidhi: “Waar kuwani waa ayo?”

Waxa ay ku yidhaahdeen: “Waa gaaladii mushrikiinta ahaa oo doonaya in ay kula dagaallamaan.”

Kolkaas ayuu faraskiisii henseystay, qalabkii dagaalkana xidhay. Faraskii buu fuulay oo markaas ayuu askartiisii ku yidhi: “Dagaalka isku diyaariya.”

“Waa yahay,” bay yidhaahdeen oo way hor dhaqaaqeen.

Kolkay gaaladii soo dhowaadeen ayay saacad wadhfaha is dhaafsadeen iyaga oo iska dhigaya in ay dagaallamayaan. Kol keliya ayay Kabiir Maxamad ka dhaqaaqeen oo ay cidlo kaga tegeen, qoladii saaxiibbadood ahayd bay na dhinac kala soo jeesteen. Weerar buu ku ekeeyay keligii oo badhtanka ayuu u galay. Meeshu gego ay farduhu ku dagaallami karaan ma ahayn, waayo cidhiidhi ayay ahayd gaaladuna lug bay gebi ahaayeen. Dagaal aad u adag ayuu la galay, illaa ay dhagxan ku asqaysiinayeen. Kolkaas ayuu faraskiisii ka dhacay isaga oo la dilay – Alle ha u naxariistee.

Duullaankii Waasil

Weriyhii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Imaamkii, isagu dhulkii Kasaaya ayuu ka dhaqaaqay, labo cisho ka dibna dhulka Xanboora ayuu galay halkaasuuna degey. Khaalid Waradaay ayaa halkaa ku soo gaadhay isaga oo wata ciidankii Agaw ee Reer Quut ahaa. Intaa dabadeed, Xanboora ayuu ka dhaqaaqay labo cisho ka dibna Mayaat ayuu galay. Afaafkii uu joogay Degalhaan ayuu intaa dabadeed gaadhay. Kolkii uu Degalhaan arkay ciidankii muslimiinta ayuu fardihiisii heenseeyay ciidankiisiina buurta dusheeda isku tubbariday. Narsooyinkiisii buu garaacay oo qoladii sidatay qaansooyinka iyo leebabka sumaysan ayuu soo saaray, isaga oo ku leh: “U daadega oo muslimiinta la dagaallama.”

Buurtii bay kasoo dul degeen sidii uu ku amray. Imaamkiina kolkii uu arkay ayuu ka hor tegay illaa uu buurtii u dhowaanayay, geed halkaas ahaa ayuuna hoos fadhiistay. Mid keli ah oo cidhiidhi ah mooyaane, buurtan aan dariiq lahayn ayuu aad ula amakaagay. Buurtaasi waxa ay ahayd mid aan qof aan lug ahayni fuuli karin. Buurtaa dusheeda qodaallo iyo beero ayaa ahaa iyo togag qulqulaya oo galaya qodaalladooda. Koox muslimiin ah oo lug ah oo aanu Imaamku ogayn ayaa buurtii fuulay.

Raggaa waxa ku jiray rag fallaadhley ah oo carab ah oo uu ka mid ahaa Cabdisalaam Al-Riifi iyo walaalkii Xasbunabi. faalaadhleydii gaalada ee soo degeysay ayay isa soo gaadheen oo halkaas ayay isku dagaaleen oo ay falaadhihii isku dhaafsadeen. Gaaladii baa dhankii muslimiinta mar keliya leebka ku soo taaxisay. Leebkoogu sida roobka ayuu halkaa ugu soo daatay dagaal adag baana dhex maray. Allaha daayo raggii Carabta ahaa ee fallaadhleyda ahaay oo runtii maalinkaa u dagaallamay si mintidnimo ah. Xasbunebi baa ganay nin ka mid ahaa gaaladii waanu dilay. Walaalkiina mid kale ayuu ganay oo wuu kaga qaaday. Waa la isku soo dhowaaday, daadeedna muslimiintii iyo mushrikiintii way is dhex galeen. Ninka la odhan jiray Cabdisalaam Al-Riifi ayaa weerar ku qaaday nin gaaladii ka mid ahaa, lugta ayuu ku dhuftay oo wuu ka gooyay. Saaxiibkii Xaaji Cali ayaa gacan ku siiyay oo ninkii dilay. Nin muslimiinta ka mid ahaa oo la odhan jiray Aboon oo faradaha Imaaka ilaalin jiray ayaa la dilay. Buurtii ay dhagaxa ka soo shalwayeen ayay kaga soo tuureen dhagax weyn oo kaga dhacay maskaxda illaa uu xangullihii dibadda u soo booday, kolkaas ayuu yidhi: “Hadda ayay riyadaydii dhabawday,” wuuna shihiidoobay – Alle ha u naxariistee.

Kolkii uu la soo socday gurmadkii Imaamka u soo socday ee uu Amiir Abiibakar watay ayuu ninkani arkay riyo uu ka yidhi: “Waxa aan arkay iyada oo uu shinbir doog ahi madaxayga ku soo dul dhacay oo uu naftaydii la baxay, dabadeedna aan dhacay aniga oo meyd ah.”

Saaxiibbadii buu riyadii uga sheekeeyay oo iyaguna ku yidhi: “Wax fiican baad ku riyootay.”

Isna waxa uu yidhi: “Waxa aan uga sheekaynayaa, waayo dagaalkan baan ku shihiidayaa,” riyadiisiina way u dhabawday sidii uu yidhi.

Intaa ka dib, kolkii uu Imaamkii arkay muslimiintii oo gaaladii kula dagaallamaysa babacii buurta aad buu u cadhooday, wuxuuna yidhi: “Ayaa dagaalka ku amray?” Dad soo celiya ayuuna u diray.

Ninkii shihiidka ahaa ee Aboon ayay soo qaadeen oo way soo noqdeen, dabadeedna way xabaaleen. Imaamku teendhadiisii buu joojiyay, muslimiintiina teendhooyinkoogii ayay taagteen. Imaamku muslimiintii ayuu iskugu

yeedhay, Awraci Cismaanna wuu wacay iyo weliba gadhwadeennadii si ay dariiqa u tusaan. Raggaasi waxa ay kala ahaayeen: Canaaniye, Xeeb, iyo Aybas Laxdi oo dib u riddoobay, dhammaantoodna way wada yimaaddeen.

Aybas Laxdi ayaa hadalkii qaatay oo yidhi: “Iminka waxaad u jeeddaa buurta iyo dariiqaa adag oo aanay farduhu marikarayn. Haddii aan ku tashanno in aan faradaha ka tegno oo aan la’aantood fuullo, taasi talo sax ah noqon mayso. Haddaad la dagaallantaan Badriiqan oo uu Ilaahay guusha idinka siiyana Boqorkii uma taag helaysaan, Beyt Amxarana ma gaadhi kartaan. Caado ayay u leeyihiin in ay buurta hoosteeda ka qodaan hataqyo, dooxyo iyo afaafyo adag oo ay idinku la dagaallami doonaan inta aydaan Beyt Amxara gaadhin. Aniga waxa iga talo ah, in aad badriiqan iyo dagaalkiisa iska dhaaftaan oo aad Boqorka saani u abbaartaan oo aad ugu tegtaan afaafkii Waasil.

Dagaalkiinnu halkaa ha ahaado. Haddii uu Ilaahay guusha idinka siiyo, cid Beyt Amxara idinka hor joogsanaysaa ma jirayso, badriiqanna waxba tari maayo halkiisana ka soo dhaqaaqi maayo kolka uu Boqorku jabo. Dhabtu waa sidaa aan idin idhi.”

Canaaniye ayaa kacay oo isna yidhi: “Aybas Laxdi wixii uu yidhi run buu ku sheegay, talo wanaagsan na wuu soo jeediyay. Anigu dhulkan oo dhan waan wada aqaannaa. Buurtan aan hadda joogno meel ay farduhu ka koraan ma jirto. Dariiqa uu Boqorku joogaase waa dariiqii Waasil. Farduhu waa suura gal inay socdaan oo ay helaan meel ay maraan illaa Boqorka la gaadhayo.”

Imaamkii baa u warramay amiirradiisii iyo kuwii la fadhiisan jiray ee u dhodhowaa oo kala ahaa: Garaad Axmooshe, Amiir Saxrabawi Maxamad iyo Amiir Abuubakra Qadiin oo uu u sheegay taladii ay siiyeen Aybas Laxdi iyo Canaaniye.

“Waa talo wanaagsan,” ayay yidhaahdeen, “Waana sidii dhabta ahayd. Saddex amma afar afaaf ka wada dirriri kari maynno. Afaaf keli ah ayaynnu ka dagaallamaynnaa.”

Taladoodii taas ayay iskugu geeyeen, habeenkiina buurta hoosteeda ayay baryeen.

Degalhaan oo Boqorka u Qoray in uu Dilay Imaamkii

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: kolkii ay habeenkii meel afraad tegtey, mushrikiintii muslimiinta kasoo aa’ayay buurta babaceega, ayaa xarunta daafaheegii soo weeraray oo ay fallaadho ku soo aa’een. Halkii uu degganaa Mataankii Soomaliga ahaa ayay ku toosnaayeen. Mataan intii uu faraskiisii fuulay ayuu habeenkiiba jebiyay illaa uu buurtii fuushiinayay. Halkiisii buu ku soo noqday iyada oo aanay fallaadhahoogii qof muslimiinta ka mid ah ku dhicin. Fallaadhahoogii dhulka iyo teendhooyinka ayuun bay ku tuulmeen. Degalhaan, isagu kolkii ay raggii fallaadhuhu habeenkii ku soo noqdeen ayuu markiiba Boqorkii warqad u qoray uu ku yidhi: “Imaamkii iyo ciidankiisii ayaa i soo gaadhay, afaafkii ayaan ku hor joogsaday oo waan la dagaallamay. Ciidankii Imaamka boqol iyo konton ayaan ka dilay, soddon faras oo aan raggii saarraa laayayna waan ka furtay. Muslimiintii dib ayay u gurteen oo meel ballaadhan ayay degeen. Kolkay habeenkii ahayd ayaan u diray qaansoley Reer Tigraay ah, kuwaas oo weerar ku qaaday. Wax lala yaabay ayay ku faleen badankoogii na way laayeen. Uma malaynayo in ay haddeed wax tari karaan. In ay u baxsadaan Fatagaar ayay hadda doonayaan.”

Dhanbaalkii buu u dhiibay niman lug ah oo habeenkii oo dhan socday. Boqorkii bay gaadheen warqaddii bayna u dhiibeen. Kolkii uu fahmay wixii ku yaallay ayuu aad ugu farxay oo uu kufriyay oo wuu qooqay. Taajkii ayuu madaxiisa saaray, kursigiisii buu ku fadhiistay, dabadeed na dadkiisii buu iskugu yeedhay oo warkii buu u sheegay. Kolkaas ayay narsooyinkii garaaceen oo ay yidhaahdeen: “Macatabkii iyo Maryan baa cadawgiinnii idiinka hiiliyay.”

Labo cisho ayay farxaddaa iyo raynrayntaa uun ku jireen. Boqorkii ayaa yidhi: “Xididkaygii wuu ka soo dhalaalay halkii aan ka filayay.”

Waxaas uu u sheegay oo dhammi se been bay wada ahaayeen. Imaamku, isagu kolkii uu habeenkii ciidankisii halkaa la beryay ayuu maalinkii danbe dhaqaaqay. Askartii buu labo qaybood ka dhigay. Qayb Wasiir Nuur buu taliye uga dhigay oo uu ku daray raggii dagaalyahanka ahaa oo ay kamid haayeen: Amiir Saxrabawi Maxamad oo ay Imaamka Ilma adeer ahaayen, Farshaxan Cali, Awraci Shihaabud-Diin Gidaaye Geri oo ay ilma adeer

ahaayeen Suldaan Cumar Diin, Awraci Cumar Diin Suldaan Maxamad, Garaad Axmooshe iyo ciidanka la socday oo labo boqol oo fardooley dagaalyahana ahaa. Waxa uu ku dardaaray: “Idinku raadco-reebka qabta. Haddii uu Degalhaan idinku soo daadego na la dagaallama. Anigu ciidanka ayaan hor kici, Boqorkii Xabashida ayaanan

abbaaraynnaa.”

“Maqallay oo yeellay,” ayay yidhaahdeen.

Imaamku ciidankii buu hor galay, dariiqa uu marayayna cidhiidhi ayuu ahaa. Canaaniye Imaamka ayuu hor socday si uu dariiqa u tuso. Awraci Cismaan, isagu Imaamka ayuu la socday oo aanu kolla dhinac uga dhaqaaqayn. Iyaga oo dadaal muujinaya ayay socdeen.

Gurmad u Socday Degalhaan oo Imaamku u Gacanta Galay

Kolkay muslimiintii halkii ka dhaqaaqeen ee ay dariiqii Qujma mareen ee ay dhankii Boqorka u dhaqaaqeen ayuu Badriiqii Degalhaan, isna dhankii Boqorka u dhaqaaqay isaga oo buurta dul qaadaya. Dariiq aad u adag ayuu baxaa-degayay. Ciidankii Imaamka ee raadco-reebka ahaa isagu halkiisii buu ku ekaaday, iyaga oo isku diyariyeen dagaal iyo dhimasho, wayna socdeen. Imaamku isaga oo sidiisii colka jidka ugu hor jiray oo uu la socday gadhwadeenkiisii Canaaniye oo hor socday ayuu si lama filaan ah ugu soo baxay Degalhaan walaalkii oo la odhan jiray Xandaas oo walaalkii Badriiq Degalhaan ku socday. Fardo iyo askar ayuu waday, muslimiinta na kama war qabin in ay buurtii ka soo socdeen. Isaga iyo gadhwadeenkii Canaaniye ayaa iska hor yimid. Gadhwadeenkuna fardo iyo askar ayuu watay. Kolkaas ayay dhan walba ka mareen oo ay hareereeyeen. Askartiisii, fardahoogii iyo baqlahoogiiba gacanta ayay ku dhigen. Badriiqoogii Xandaas, isagu kaymihii ayuu ku dhuuntay, faraskiisiina wuu ka degey oo muslimiintii baa la wareegay. Canaaniye ayaa soo laabtay, Imaamkuna wixii la soo boojiyay oo dhan Awraci Cismaan ayuu siiyay, waayo Canaaniye ayaa ahaa adeegihii Awraci Cismaan oo arrinkaa aad ugu farxay, sidaa aawadeed buu na u siiyay. Intaa ka dib, Imaamkii baa degay meel la yidhaahdo Abshaloo Saraaf oo ka mid ah dhulka Qujma halkaas ayayna habeenkii u hoydeen.

Raggii raadco-reebku maqrib ka dib ayay xaruntii yimaaddeen. Intaa kadib, gadhwadeenkii Canaaniye ayaa loo yeedhay oo uu ku yidhi ‘Imaamku’: “Waar dariiqan aynu maanta soconnay ee cidhiidhiga ahi waa maxay?”

Canaaniye ayaa isna yidhi: “Dariiqeenna berrito ayaa kii shalay ka sii cidhiidhisan.”

Imaamkii baa ku yidhi: “Hadda maxaynnu yeellaa?”

Waxa uu yidhi: “Saddex qaybood baynnu ciidanka ka dhigaynnaa. Qayb baa adiga ku raaci doonta, ciidanka hortiisana qayb baa gali doonta, dhanka danbe na qayb baa ku hadhi doonta, Adiguna ciidanka intiisa hore ayaad raacaysaa. Qaybina kolkaa badhtanka ayay soconaysaa.”

Kolkii uu hadalkii dhegeystay ayuu Garaad Axmooshe ku yidhi: “Adiga ayaa badhtanka socon doona”, rag buuna ku daray ay kamid ahaayeen Bishaaro, Cali Waradaay, Garaad Caabid iyo rag la mid ahaa oo konton dagaalyahan ahaa.

Intaa dabadeed, in ay dhaqaaqaan ayuu ku amray. Imaamku ciidanka intiisii hore ayuu raacay, gadhwadeenkoogii Canaaniyena wuu hor galay. Dariiq adag ayay jibaaxeen iyaga oo socday waaberigii illaa gadiidkii. Qofba qof buu daba socday oo labo qof ma wada mari karayn dariiqa oo adkaa iyo geedaha oo jiq ahaa awgood.

Imaamkii oo Buurta Waasil Hoos Degay

Buurihii Waasil ayaa u soo muuqday, kolkaas ayuu Imaamku gadhwadeenkii ku yidhi: “Waar waa maxay buurahan aan arkaynnaa, oo dhulkay ku yaallaan?”

Canaaniye ayaa yidhi: “Waa dhulkii Waasil, in uu Boqorkii buurtaa dusheeda joogo ayay na sheeganayaan.”

Imaamkii baa ku yidhi: “Oo ma in uu Boqorkii imika halkaa joogo ayaad u malaynaysaa?”

Gadhwadeenkii baa yidhi: “Ma ogi anigu, laakiin iminka uun baan idin la maqlayaa. Siday doonto ha haatee, aniga ayaa faraskayga qaadan oo warkiisa idiin keeni.”

Faraskiisii buu fuulay isaga oo ay la socdaan afar dagaalyahan. Iyaga oo aan meel fogba gaadhin ayay la kulmeen xoolo-jirato kuwii mushrikiinta kamid ah oo gadhwadeenkii ku yidhi: “Ayaad tihiin?”

Waxa ay yidhaahdeen: “Waxa aan ka nimid askartii Degalhaan. Boqorka ayuu noo soo diray oo waraaqdii baannu u sidnaa.”

(Muslimiitii waxa ay weydiiyeen): “Idinku Boqorkii meel uu joogo ma og tihiin?”

Xoolojirayaashii ayaa yidhi: “Haa, Boqorku buurahaa dushooda ayuu joogaa, meesha la yidhaahdo Xaqah.”

Kolkaas ayay qaqabteen iyaga oo aan u sheegin in ay muslimiinta ka mid yihiin oo ku leh: “Dawga loo marayo Boqorka ayaadna tusi doontaan”, Imaamkii bay na u keeneen.

Canaaniye ayaa Imaamkii ku yidhi: “Kuwani waa xoolojirkii mushrikiinta oo aan soo qabannay. Meesha

uu Boqorkii joogo oo ah buurta dusheeda ayay noo sheegeen.”

Imaamkii baa intaa dabadeedna yidhi: “Laaya si aanay gaaladii ugu warramin.”

Canaaniye ayaa yidhi: “Kuwani waxba innagama oga, sidoo kale dadka dhulkan deggan ayaa inna ogaan doona haddii aan laynno. Waxa ay ila tahay inaan sii daynno waayo waxba innagama oga.”

Imaamkii baa yidhi: “Run baad sheegtay, oodda ka qaada.”

Intaa ka dib, Imaamkii iyo muslimiintii socodkoogii bay sii wateen. Imaamii baa ciidankiisii ku yidhi: “Haddii aad cid nasaarada ka mid ah la kulantaan afkooga waxan ahayn hakula hadlina, cidna ha u sheegina in aad muslimiinta ka tirsan tihiin. Haddii aad cid uun kala kulantaan, waxa aad ku tidhaahdaan: ciidammadii Degalhaan ayaan ka mid nahay oo u socda Boqorka.”

Si xoog ah ayay u socdeen, laakiin iyaga oo aan fogaan ayay meel durugsan walax cad ka arken buurtii dusheeda. teendhadii Boqorka ayay ahayd oo buurta dusheeda lagu qotomiyay, muuqeega dheerina meel fog ka hillaacayay. Labo cisho in la socdo ayay dadka uga muuqanaysay weynideeda awgeed. Dhererkeegu lixdan xusul buu ahaa qotonkeegu na konton, Boqorrada Xabashidana inay sidaa yeelaan ayaa caado u ahayd.

Kolkii ay muslimiintii ogaadeen in waxa ay arkeen uu yahay teendhadii Boqorka, ayay socodkii hore wax ka beddeleen. Aayar bay u socdeen si ay ciidamada intoodii danbe u soo gaadhaan. Sidii nasaarada ayay u xidheen dharka oo ay u lebbisteen. Imamkii baa yidhi: “Ilaah baan idinku dhaarshee, afka Agaw ga ma ahee ku kale ha ku

hadlina.”

Iyaga oo jidkii ku taagan ayay nasaaradiina dhan walba ka xigtay. Mushrikiintu hawlahoogii caadada u ahaa ayay iska wateen, muslimiinta na nasaaradii uun bay u haysteen.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: iyaga oo weli jidkii ku taagan ayay ku soo baxday haweenay nasaaradii ka mid ah oo ay u timid Imaamka, iyada oo u dhawaaqaysa oo moodaysa in uu yahay Degalhaan. Waxa ay lahayd: “Imaamkii baad ku dhowdahay.” Imaamkii baa doonay in uu afkii Agaw ga kula hadlo, kolkaas ayuu afkii muslimiinta kula hadlay isaga oo leh: “Alaabteeda u celiya.”

Afkiisii bay garatay, dib ayayna uga noqotay iyada oo argagaxsan. Halkii bay fadhiisatay iyada oo leh: “Way kuwani waa muslimiintii!”

Dhankeegiiba ma aanay dayine muslimiintii jidkoogii bay iska sii socdeen, nasaaraduna hawlahoogii bay iska wateen. Badhkood beerihii bay qodayeen, badhkoodna dharkoogii bay maydhanayeen halka ay qaar kalena budo ka xanbaarsanaayeen oo ay u sideen Boqorka buurta dul joogay. Qaar kale ayaa iyaguna ka mid ahaa oo buurta u socday si uu Boqorku ugu soo gar sooro. War iyo wacaal muslimiinta kama aanay hayn illaa ay gaadhayeen magaaladii Waasil. Way iska dhaafeen oo dhanka midigtooda ah ayay kaga hadhay magaaladii. Way socdeen illaa ay gaadhayeen buurtii uu Bogorka xabashaad dul fadhiyay, hoosteedii bayna degeen. Nasaaradu illaa xilligaa wax war ah ma qabin. Waxa ay ku jireen farxad iyo raynrayn ay ka qaadeen dhanbaalkii uu soo diray Degalhaan ee uu ku yidhi: “Waan ka guulaystay oo dhankaa iyo Fatagaar ayay u daadegeen.”

Goobtii Waasil 27/10/1531

Gadhwadeenkii Canaaniye ayaa Imaamkii u tegay oo ku yidhi: “Waa tan meeshii oo soo gaadhnay.”

Markaas ayuu Imaamkii yidhi: “Maxaad talo haysaa?”

Waxa uu yidhi: “In aan halkan iska joogno inta ay ciidamadu idiin soo dhammaanayaan ayay aniga talo ila tahay. Habeenkeennana halkan aan iska barino. Kolka uu waagu innoo beryo, madfacyada aynu haysanno ayaynnu habaysan, raadcoreebkii ayaa iyaguna inna soo gaadhi. Lugta ayaynnu is hor marin oo aan fardaha ka horraysiinaynnaa. Intaa dabadeedna buurta ayaynnu fuuli, Ilaahayna guusha ayuu inna siin.”

Imaamkii baa ku yidhi: “Nasaaradani miyay inna garteen in aan muslimiintii nahay, mise waxay innoo haystaan inaan Degalhaan iyo ciidankiisii nahay, bal ii warran?”

Gadhwadeenkii baa yidhi: “Mushrikiintu ma oga in aad muslimiintii tihiin. In aad tihiin Degalhaan ayay idiin haystaan.”

Imaamkii baa yidhi: “Mar haddii aanay inna ogayn, waa maxay is taagga aynnu halkan hadda is taagaynnaa? Haddaba aynnu fuullo buurta.”

Gadhwadeenkii baa yidhi: “Aaway ciidammadii inna daba socday ee fardooleyda iyo lugtaba ahaa? Ma sugno?”

Imaamkii baa yidhi: “Waxa aynnu nahay oo keliya soddon fardooley ah iyo illaa konton lug ah. Lugta ayaan fardooleyda ka horraysiinaynnaa, dabadeedna waan fuulaynnaa innaga oo Ilaahay talo saaranaynna. Ciidankii raadcoreebka ahaa na, inta aan buurta fuulaynno ayay inna soo gaadhayaan. Haddaan caawa halkan u hoyanno waxa inna ogaan doona mushrikiinta oo kolkaana jidka ayay innoo joogsan doonaan. Haddii uu nin keli ahi dariiqa joogsado oo uu dhagax innagu soo shalwiyo, iyada ayaa ka daran madaafiicdeenna ad sheegayso. Iminka ayaan koraynnaa.”

Kolkuu gadhwadeenku arkay Imaamka oo raba in la koro, ayuu yidhi: “Anigu haddeed taladaa talo ka danbaysa ma arkayo. Taladu waa tiinna.”

Amiir Abiibakar iyo Balaw Cabdi ayaa sara kacay oo yidhi: “Sayidkayagiiyoow, gadhwadeenku run buu ku sheegay hadalkiisa.”

Imaamku jawaab kuma soo celin hadalkoogaas. Absame Nuur ayuu ku yidhi: “Miyaanad igu odhan dariiqa Degalhaan ayaan u baxaynnaa oo aan anigu ku odhan afaaf ka dhib yar ka Degalhaan baan garanayaa? Dee waa kan afaafkii.”

Absame Nuur ayaa yidhi: “Run baad sheegtay, sidaasay ahayd. Iminkana waan dhimanaynnaa oo waan fuulaynnaa.”

Imaamku faraskiisii buu fuulay, isaga oo saaxiibbadii ku leh: “Tabaabulshihiinna dhamaysta, Alle ha idin barakeeyee.”

Saaxiibbadii ayaa xidhay diricyadoodii iyaga oo ay ka mid ahaayeen: Absame Nuur, Amiir Mujaahid, Amiir Abuubakar Qadiin, Axmad Goyta, Balaw Cabdi, Cali Daay Agar, Awraci Cismaan Daar Cali, Yacqiim, Asmaaji Hayli, Farshaxan Suldaan iyo ninkii Ciise oo Imaamka habeenkii ilaalin jiray oo suufi ah. Imaamku faraskiisii buu fuulay oo la odhan jiray Sakab.

Ninkii hor joogaha u ahaa ciidanka lugta oo la odhan jiray Shamsu ayuu u yeedhay oo uu ku yidhi: “Labo qaybood u kala baxa. Buurta leggeega mara oo dhirta dhex qaada, annaguna dariiqa ayaan soo maraynnaaye. Haddii ay cidi dariiqa naga hor joogsato, waan joogsanaynnaa idinkuna waad ka sarraysaane la dagaallama.”

Qolada kale, Fanja Sabar ayaa hor kacayay oo waxa uu ku yidhi: “Idinku fardahayaga hor gala.”

Kolkaas ayay seefahoogii jeeniqaarteen, gaashaamadoodiina madaxa ayay ku qaateen wayna dhaqaaqeen. Ka dib, kolkii ay socod u xamaan qaateen ayuu Imaamku soo daymooday Absame Nuur oo ahaa geesigii muslimliinta wuxuuna ku yidhi: “Hore u soco oo raac Amiir Mujaahid, Aadamoosh iyo Axmed Goyta oo ciidanka lugta raaca.”

Imaamkii wuxuu raacay Amiir Abiibakar, Farshaxan Suldaan, Cali Goyta, Cali Daay Agar iyo Balaw Cabdi. Fardooleyda intii kale ee hadhayna way daba galeen oo buurtii bay fuuleen. Gaaladu war iyo wacaal toona muslimiinta kama aanay hayn. Imaamka iyo saaxiibbadii dariiqa badhtankiisii ayay gadheen. Kolkay halkaa marayaan, ayuu nin muslimiinta ka mid ahaa oo aad u jeclaa jaadka iyo xamartu aad u mirqaamay. Buurta gunteeda ayuu joogay, halkaas oo ahayd kaniisad weyn oo uu dab qabadsiiyay. Gaaladiina buurta dusheeda ayay dabkii ka soo eegeen. Markaas ayuu badhba badh dhex qaaday. Muslimiintiina dabkii bay dib u daymoodeen.

Imaamkii kolkii uu arkay ayuu yidhi: “Waar ayaa waxaa falay Ilaahay ma barakeeyee?”

Saaxiibbadii buu ku yidhi: “Fardihiinna jeedalka la dhaca oo buurta hore u kora.”

Gaaladii iyaguna way garteen dabkii, waxayna u kala baxeen, nin faraskiisii heensaysta iyo mid gaashaankisii la booda. Iyaga oo sidaa ku jira, ayaa waxa ku soo baxay fardooleydii muslimiinta oo uu hoggaaminayo Absame Nuur oo badhtanka u soo galay, iyaga oo ku dhawaaqaya: Allaahu Akbar.

Kolkaas ayay fardahooga xakamihii u debciyeen. Ninkii ugu horreeyay ee weerarka qaaday wuxuu ahaa Aadamoosh oo dooxay nin gaalada ka mid ah. Kolkiiba dhulka ayuu ugu riday isaga oo meyd ah. Absame Nuur, isagu badhtanka ayuu ugu jiray wuxuuna lahaa: “Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayni ma jiro.” Dhankii teendhada Boqorka ayay gaaladii u jabeen oo ay magansadeen. Badh kalena dhankii ay u jeedeen ayuun bay u yaaceen. Intaa ka dib, Boqorkii baa teendhadiisii ka soo baxay oo fuulay faraskiisii isaga oo ay la socdaan ilaaladiisii oo ahayd afar boqol oo fardooley ah. Boqorkii oo ay ku meersanaayeen ayaa badhtankooga cararayay. Ciidanka kale iyo gaashaanleyduba way badnaayeen. Muslimiintii, iyagu markay arkeen gaaladii oo iskugu tegtay teendhadii Boqorka ayay halkoogii is taageen illaa uu Imaamku soo gaadhayay. Ciidankii gaalada oo ku ururay teendhadii Boqorka ayuu arkay. Waxa iyaguna soo gaadhay shan iyo toban dagaalyahan muslimiin ah oo fardooley ah oo la moodayay libaaxyo cartamaya. Raggaas waxa ka mid ahaa, Cabdinaasir, Sabrud-Diin oo ahaa geesigii muslimiinta ee ugu caloosha adkaa, Garaad Mataan, Abjad iyo kuwo kale oo la mid ahaa. Iyaga oo ay muslimiintii meelahoogii taagan yihiin, mushrikiintiina sidoo kale halkoogii joogaan ayuun buu nin faras fuushani ka soo dhex baxay gaaladii oo uu ku soo taaxiyay dhankii muslimiinta. Sabrud-Diin ayaa u baxay oo u soo taagay warankiisii si uu ugu tummaatiyo. Kolkaas ayuu hadlay ninkii faraska fuushanaa oo uu yidhi: (Y) JY) “Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayni ma jiro.” Markaas ayuu ka joogsaday, isaga oo la yaabban ereyga kasoo baxay.

Imaamkii baa maqlay dhawaaqiisa oo ku yidhi: “Waar kumaad tahay?”

Waxa uu yidhi: “Joosho ayaan ahay. Ilaahay iyo Nebigiisa ayaan rumeeyay. Inankaygii Bishaarona wuu idinla joogaa, waxaan ahay waalidkiisii.”

Imaamkii baa yidhi: “Faraha ka qaada waa muslin e.”

Awraci Abuubakar ayaa intaa ka dib Imaamkii ku yidhi: “Maxaynu hadda la taaggannahay iyada oo Ilaahay innala jiro?”

Imaam Axmad baa yidhi: “Weerara anigaana idiinku horrayniye.”

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: kolkii ay dooneen in ay weerartamaan ayay nafahoogii geliyeen raalligelinta Ilaaha xumaan oo dhan ka maydhan, siduu Eebbaḥa Weyni yidhi:

مِنَ الْمُؤْمِنِينَ رِجَالٌ صَدَقُوا مَا عَاهَدُوا اللَّهَ عَلَيْهِ

(Mu’miniinta rag baa ka mid ah ka-run-sheegay wixii ay Ilaahay axdiga kula galeen).123

Sidii nin keli ah ayay u weerartameen. Waa la kala korodhsaday oo la is boobay; mushrikiintii baa loo kala badiyay oo loo baratamay. Badhtamaha ayay u galeen, ururkoogiina way kala firdhiyeen. Dagaal baa foodda la is daray. Saacad keliyaba la is lama dhaafin, kolkii uu Ilahay wadnayaashii ciidanka gaalada cabsida weyn ku riday, dabada ayayna jeediyeen. Muslimiintii baa cagta cagta u saaray iyaga oo laynaya, illaa ay ku tiseen oo ay u magan geliyeen buur halkaa ku taallay oo aad u dheerayd lana yidhaahdo Xaqa. Kolkay mushrikiintu buurtaa gaadheen ayay muslimiintii dhankoogii dagaal ugu la soo sinqeen. Nin muslimiinta ka mid haa oo la odhan jiray Aw Abuubakar oo ahaa muruudkii Sh. Barkhadle – Alle ha innagu anfacee, Aamiin – ayaa weerar ku ekeeyay ni gaaladii ka mid ahaa oo dadka Boqorka gaarka u ah ka mid ahaa. Koorihii dushiisa ayuu ka soo rujiyay isaga oo ku leh: “Waar ma waxaad tahay Boqorkii Xabashida?”

Waxa uu ku jawaabay: “Maya, ma ihi Boqorkii Xabashida, ha i dilin. Boqorkii Xabashidu waa kaa,” isaga oo dhankiisii farta u fiiqaya.

Waxa uu ku ceshay: “Ma in aad aniga been ii sheegto ayaad doonaysaa?”

Iyaga oo sidaa u wada hadlaya ayay rag arkeen Sayidkoogii oo uu ninkaa aan soo sheegnay qabtay, kolkaas ayay weerar ku soo qaadeen. Faraskiisii bay qaar qabsadeen, qaarna isaga ayay wax la dhacayeen. Imaamkii ayaa yimid ka dib kolkii ay mushrikiintu qabsadeen ninkaa muruudka ah. In uu gaaladii u gacan galay ayuu arkay. Imaamkii baa weerar ku qaaday wuu na ka samata bixiyay. Kolkaa ayuu Boqorkii Xabashidu arkay Imaamkii oo seefta ku haysta gacantiis bidixda waayo nin gurran124 ayuu ahaa, astaamihii faraskiisana wuu ku gartay. Kolkii uu arkay in uu seefta bidixda ku haysto ayuu saaxiibbadii ku yidhi: “Waar shaydaankii baa naf ahaantii idiin yimid.”125

Ciidankiisii baa Imaamka ku qayliyey iyaga oo leh: “Waadna fashay, waadna baabtay?”

Waxa ay afkooga ka dhigan tahay in uu yahay saaxir geedo-gooye ah oo dadka ku fala, hase yeeshee been bay ku sheegeen. Imaamkii baa badhtanka u galay, ururkoogiina kala firdhiyay oo seef ka dhergiyay. Dhankii buurta ayay u jabeen, dariiqna way ka waayeen. Fardihii bay ka degeen, xakamahoogiina gacmaha ayay ku xajisteen. In ay dariiq daydaydaan ayay bilaabeen.

Imaamkii baa ku dhawaaqay isaga oo leh: “Waar fardihiina iskaga tega oo nafihiinna badbaadiya kolka waan idin haleelay e.”

Kolkay mushrikiintii maqleen qayladoodii iyo hadalkoogii ayay argagaxeen oo uu baqe galay. Fardahoogii ayay ka tegeen, kolkaas ayay buurtii koreen.

Jilbahooga ayay buurta ku fananayeen. Waxa ku jiray mid geed qabsada si uu u koro oo ay dabadeedna laantii la jabto oo soo dhaca dabadeed na muslimiintu dilaan. Waxa kale oo jiray qaar buurtii dirqi ku fantay oo fuulay. Meeshii ay raggu fardahooga kaga yaaceen ayuu Imaamku dad u diray. Illaa toddobaatan faras oo ku shaaximan xariirta Qarmasiga ayay ahaayeen. Muslimiinta intii hadhay, mid walba dhankii uu u socday ayuu la raacay dil iyo qaqabasho. Ciidankaa Imaamka ragga ku jiray waxa ka mid ahaa: Absame Nuur, Yacqiim, Aadamoosh, Amiir Mujaahid, Garaad Axmadoosh Amiir Maxfuud, Farshaxan Sadwat iyo Cabdillaahi bin Muxarrim kii Mehriga ahaa.

Weriyihii Futuux Al-Xabasha – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Bogorkii Xabashidu, isagu faraskiisii buu ka degay. Intaa dabadeed, dhankii uu u jeeday ayuun buu u hulleelay isaga oo watay shan faras oo heensaysan oo la hor waday. Waxa ay shantuba wateen xakamahoogii iyo qalabkoogiiba, waayo dariiqa ayaa adkaa. Imaamka iyo saaxiibbadiiba daw kale ayay qaadeen. Fardahoogii bay ka degeen lugahooga ayayna ku socdeen. Muslimiinta intoodii kale oo uu ka mid ahaa: Garaad Cismaan Joohar iyo Awraci Cismaan, dawgii uu Boqorku marayay ayay hor gooyeen. Boqorkii baa arkay oo geed halkaas ahaa galay iyaguna ma aanay dareemin. Iyaga oo sidaas ah ayay Imaamkii iyo saaxiibbadii soo gaadheen iyaga oo Boqorkii ka sugaya xagga hoose waayo dhankii sare ayay uga sii horreeyeen. Waxa si ka dis ah dhankooga faras ugu soo toociyay nin farasley ah. Awraci Cismaan ayaa weerar ku qaaday oo gacantiisa ku qabtay. Badriiq weyn oo Boqorka agtiisa martabo ku leh ayuu ahaa. Kolkii uu Imaamku arkay ayuu amar ku bixiyay in la dilo, ilaahayna naftiisii ayuu naarta u dedejiyay. Iyaga oo halkii taagan ayay cadceeddii dhacday daruurihiina isa soo qabsadeen dabadeedna roob baa darrooray qabawguna aad buu u darraa.

Muslimiintii gadaal ayay u laabteen si ay raggoogii isku urursadaan. Kolkii ay soo noqdeen ayuu Boqoorkiina halkii uu ku dhuumanayay ka soo baxay. Dariiqii Anba ayuu qaaday, habeenkiisii oo dhanna wuu guurayay.

Dabkoogii ayay oogeen iyaga oo ku jira teendhooyinkii gaalada, farxad iyo raynraynna ka muuqato. Waxa ay buuxsadeen boojimooyin dahab iyo lacag ah, fardo iyo baqlo, xariir, iyo labbis badan oo uu Boqorku lahaa oo aan la tirin karayn. Waxa kale oo ay boojiyeen gogoshii Boqorka oo xariirta diibaajka ahayd iyo kuwii Boqorka ku dhodhowaa. Waxa ay gacanta ku dhigeen hablo jalaqsan oo ah gabdhihii Badriiqyada iyo wiilashii badriiqyada iyo kuwo kale oo kumanyaal ah. Teendhadii Boqorku halkeegii bay ku qotonnayd, iyada oo ay dhex yaallaan carshigiisii iyo hubkiisii. Kolkii uu Imaam Axmad halkaa soo gaadhay ayuu Ilaaha Weyn guushaa uga mahad ceshay. Saaxiibbadii buu ku yidhi: “Waar maxaad ku fasheen wixii teendhada Boqorka dhex yaallay?”

Waxa ay yidhaahdeen: “Hubkii muslimiinta ayaa la kala yaacay dhammaantii, Carshigii Boqorka iyo gogoshiisiina halkii bay iska taallaa.”

Imaamkii baa yidhi: “Teendhada baahi u ma qabo e rujiya oo qaata, sariirta iyo gogosha se ii keena.”

Askartii baa u dhaqaaqday dhankii teendhadii weynayd ee Boqorka, mindiyo ayayna qurubqurub ugu jarjareen. Muslimiintu habeenkaa farxad iyo raynrayn ayay ku baryeen. In yar uun kolkay habeenkii ka tegtay ayay kooxdii badhtanka ahayd ee Garaad Axmooshe oo buurta soo fuulay yimaaddeen. Faraska Garaad Axmooshe waxa la odhan jiray Baalle126 oo uu Imaamku u bixiyay. Faraskaasi maalintaa wuu sinbiririxooday oo inta uu jabay ayuu dhacay oo kolkiiba dhintay. Garaad Axmooshe faraskiisii buu ka dul ooyay. Imaamka ayaa fardihii Boqorka laga qabsaday ka siiyay mid aad u fiican. Qoladii raadco-reebka ahayd iyadu dagaalka ma aanay soo gaadhin. Habeenkii dawga ayay baryeen, maalintii danbe ayayna yimaddeen. Muslimiitii buu badhkoodba badhka kale salaamay. Guushaa Ilaaha Weyni siiyay ayay aad ugu farxeen. Imaamku nin walba faras ayuu siiyay, isaga oo ku leh: “Idinku dagaalkii naga la ma aydaan qayb qaadan wax dhibaato ahina idin ma gaadhin.”

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – wuxuu yidhi: goobtii Waasil maalin Jimce ayay ahayd oo ay bisha Rabiicul Awal tahay lix iyo toban sannadkuna ahaa sagaal boqol iyo siddeed iyo soddon ee Hijriyada Nebiga (16/3/938H – 27/10/1531M) – Nabadgelyo iyo Naxariisiba ha u sugnaadeen e.

Duullimaadkii Beyt Amxara iyo Tilmaamihii Kaniisadda

Waa meel qodaal, beer, togag iyo roobba leh. Waa dhulkii badarka iyo qamadiga oo ay deggan yihiin dadka diintooda ka shaqeeya oo qaysas iyo ruhbaannadoodii ah. Waa hoygii boqortooyadooda, hase yeeshee Boqorku

had iyo jeer ma joogo. Bogor kaste oo dhulka Xabashida soo maraa, bogor ma noqdo illaa lagu caleema saaro Beyt Amxara. Dadka dhulkaas ee kaniisadaha gala waxa lagu magacaabaa Dabtare oo uu macnaheegu yahay fiqiyadii iyo aftahankii nasaarada. Waa dad Boqorka agtiisa ku leh qaddarin iyo qiimayn. Badhkood wuxuu Boqorku ka dhigtaa madax iyo xidid. Imaamku saddex cisho ayuu Beyt Amxara u socday, meel la yidhaahdo Laalibela ayuuna u hoyday. Qabaw biyaha fadhiisinayay ayaa halkaa jiray. Dad badan oo muslimiin ah ayaa halkaa ku le’day qabawga awgii. Midkood hadduu doono in uu biyo cabbo barafka ayuu bir la dhacayay illaa uu jebinayo oo uu biyo ka gaadhayo. Haddana Laalibela ayay ka dhaqaaqeen. Waxay sheedda ka arkeen kaniisaddii Boqorka ee ku taallay Beyt Amxara.

Kolkii uu gadhwadeenkii arkay ayuu is taagay oo uu Imaamkii ku yidhi: “Waad arkaysaan oo waa taa kaniisaddii, waanad soo gaadheen.”

Imaamkii baa gadhwadeenkii ku yidhi: ma istaagnaa illaa ay ciidamadeennii iyo askarteennii innoo imanayaan mise waa maya? Markaas ayuu gadhwadeenkii yidhi: “Waynnu is taagi si aan u wada galno innaga iyo askartu, waxaanan u labbisanaynnaa qaab dagaal.”

Imaamkii wuu is taagay illaa ay ciidammadii muslimiintu soo dhannaanayeen dabadeedna gadhwadeenkii buu ku yidhi: “Waa imisa kaniisadood waxa halkaa ku yaallaa?”

Waxa uu tiriyay kaniisado badan oo ay ka mid tahay ta la yidhaahdo Makaana Sellaase (Meeshii ilaaha Saddexan) iyo tu la yidhaahdo Atrus Maryam oo uu dhisay Boqorkii Sa’ra Yacquub Boqor Daa’uud. Kaniisada ha Debra Naqdaqaad iyo kaniisadda Beyt Samiyaat ayaa iyaguna kamid ahaa. Kaniisad walba Imaamku dad muslimiinta ka mid ah ayuu u xil saaray wax aan ahayn kaniisaddii la odhan jiray Makaana Sellaase oo uu isaga qudhiisu u xamaan qaatay. Kaniisadda Atrus Maryam, Wasiir

Nuur Ibraahin – Alleha Weyni ha u naxariistee – ayuu u xil saaray. Kaniisaddii Debra Naqdaqaadna Sayidkaygii Maxamad iyo ciidankiisii ayuu u xil saaray. Bishaaro Jooshana waxa uu u diray Beyt Samiyaat.

Imaamku halkii ay ku taallay kaniisaddii Makaana Sellaase (ilaaha saddexan) ayuu gaadhay. Xaydaankeegii ayay Imaamka iyo ciidankiisii is dul taageen. Imaamkii baa galay oo aad u la yaabay, lataliyayaashiisii ayaa iyaguna ka daba galay. Kolkii uu arkay ayuu ku indho daraandari gaadhay, waayo safeexado dahab iyo lacag ah ayaa lagu qurxiyay, fasas luul ahna waa lagu xardhay. Waxa ay lahayd fardad laga sameeyay loox ah oo uu dhererkeegu yahay toban xusul balladhkeeguna afar xusul. Dushiisa waxa ay ku gogleen safeexado dahab iyo lacag ah. Dahabka dushiisana waxa ay ku qurxiyeen fasas midab walba leh. Kaniisadda dhererkeegu boqol xusul buu ahaa balladhkeeguna intaa in le’eg qotonkeeguna boqol iyo konton xusul ayuu ahaa. Saqafyadeeda iyo daaradaheeda waxa ku dalaysnaa safeexado dahab ah iyo tasaawiir iyaguna ka samaysan dahab. Sida waxan oo dhan looga shaqeeyay ayay ka yaabeen. Muslimiintii aan soo galin ayaa Imaamkii ku qaylyay oo yidhi: “Naga fur albaabka aan soo galno oo aan daawanno e!”

Kolkii uu ka furay Imaamku ayay isa soo jiidheen, isaga oo ku leh: “Qof walba wixii uu gacanta ku dhigo ayuu leeyahay kolka laga reebo safeexadaha.”

Kun gudumo ayay kaga hawl galeen iyaga oo dahabkii iyo fasaskii kaniisadda rujisanaya. Casarkii illaa xilligii cishaa’iga ayay sidaa ahaayeen oo ay ku howllanaayeen. Qof walba intii uu dahab uga baahnaa ayuu la fuqay oo si aan caydhnimo lahayn ayay uga haqab beeleen! In ka badan saddex dalooloow dalool oo dahabkii ah ayaa kaniisadda ku dhex gubtay, Imaamkuna habeenkii kaniisadda agteedii ayuu u hoyday.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: raggii Carbeed ee la socday ayuu Imaamkii wacay oo uu ku yidhi: “Waar ma jiraa Rooma iyo Hindiya ama meel kale aqalkan ku la mid ah, tasaawiirtiisa iyo dahabkiisa?”

Waxa ay yidhaahdeen: “Ma aannaan arag mana maqal wax la mid ah oo jira Rooma iyo Hindiya, adduunyada oo dhanna ma jiro wax la mid ahi!”

Kaniisadda agteeda, saddex aqal oo uu Boqorku galo ayaa ku taallay oo ay dhex yaalleen wax qofka arka ka yaabsiiya. Imaamku aqalladii mid kamid ah ayuu degey. Aqalna Amiir Axmooshe iyo Amiir Abuubakar Qadiin ayuu siiyay. Labadii Amiir ciidamadoodii bay aqalkaa la galeen waanu qaaday. Aqalkii saddexaadna Imaamku masjid ayuu ka dhigay.

Wasiir Nuur, isagu kolkii uu gaadhay Atrus Maryam ayay gudeheegii galeen wayna la yaabeen sida loogu farayaraystay, dahabse waxba kama aanay helin halkaa. Dadkii mushrikiinta ahaa ee kaniisadda lahaa ayaa dahabkii halkaa yaallay qaatay. Afar raahib127 ayuun bay ugu tegeen. Wasiir Nuur baa raahibyadii ku yidhi: “Aawaya khasnaddii kaniisaddu?”

Waxa ay yidhaahdeen: “Idinma tusaynno annaga oo ku dhimanna diintii Maryama ma ahee,” markaas ayay laayeen.

Nin Muslimiinta kamid ahaa oo la odhan jiray Farshaxan Caliye ayaa sara kacay, kolkaas ayuu arkay aqal xidhan oo ay biri ku jabsan tahay oo kaniisadda agteeda ah. Wuu jebiyay dabadeedna madaxa ayuu la galay si uu u hoomaayo waxa ku jira. Sanduuqyo la isku raseeyay dhulkii aqalka illaa saqafkiisii ayuu ka dhex arkay. Wasiir Nuur ayuu ku soo noqday oo uu uga warramay aqalkaa uu soo arkay. Wasiirkii baa aqalkii u soo raacay oo afaafkiisii joogsaday. Waxa uu soo saaray qaar raggiisii kamid ah oo boqol nin ahaa wuxuuna ku yidhi: “Gala oo xoolaha soo gura.”

Mid walba waxa uu soo xanbaarayay xariirta diibaajka marar badan iyada oo uu aqalkiina sidiisii iska yahay. Qaadistii iyo guristii ayay ku daaleen, kolkaas ayay fadhiisteen. Wasiir Nuur ayaa ku yidhi: “Waar maxaad la fadhiisateen? Wixii aqalka yaallay miyaad soo wada dhamayseen?”

Waxa ay ugu jawaabeen: “Waxba kama aannaan soo saarin, weli waa sidiisii laakiin waan daallay.”

Wuxuu ku yidhi: “Waxa aad soo saarteenba waa diibaaj laga sameeyay haragga yaxaaska, malkhamado, qadiifado iyo xariir. Waar meesha maanu dahab ku jirin?”

Waxay yidhaahdeen: “Dahabku aqalka dhinaca kale ayuu yaallaa, annaguna waxa aan wax kasoo qaadnay dhinicii ay yaalleen sanduuqyada xariirtu ku jirto.”

Kuwii kale ayuu ku yidhi: “Waar idinku dahabka soo saara oo xariirta iska daaya.”

Way galeen oo dahabkii iyo lacagtii ayay u soo saareen. Waxa kale oo ay u soo saareen weelal dahab ka samysan oo ah idanno iyo funjaanno oo gebigeeguba dahab yahay. toban nin oo xoog leh ayaa soo qaadday wayna u soo hooyeen. Wasiirku ciidankiisii oo ahaa kun lug ah ayuu u yeedhay oo uu ku yidhi: “Waa taa qaybtaydii iyo qaybtii Imaamku, idinkuna aqalka gala oo waxa ku jira la soo baxa, nin kaste oo gacanta wax ku dhigaaba isagaa iska leh. Way galeen, mid kaste oo iayaga ka mid ahaaba waxa uu lasoo baxay oo uu soo xanbaartay dahabkii casaa, lacagtii iyo xariir.

Rag saddex goor noqday ayaa kamid ahaa qaarna afar bay noqdeen, sidaas ayayna u guranayeen gadiidkii illaa gallinkii. Haddana gellinkii danbe ayay ku noqdeen illaa waaberigii. Wasiirkii baa kolkaa ku yidhi: “Kolka waad ka dheregteen, awr aad ku qaaddaanna ma haysataan, sidaa aawadeed badhna tunkiinna ku qaata waxna baqlihiin na. Waa kanoo aqalkii weli waxa ka buuxa xoolo iyo xariir. Xariirtaa badan uga tegi maynno mushrikiinta e dab baan sudhaynnaa. Guriga iyo waxa ku jiraba guba,” ayuu ku yidhi, iyaguna way gubeen. Kaniisaddiina dabka ayay qabadsiiyeen oo danbas bay ka dhigeen.

Dhankii Imaamka ayay dib ugu soo noqdeen, waxayna soo gaadheen isaga oo ku jira gurigii Boqorka. Imaamkii baa la guddoonsiiyay saamigiisii dahabka iyo xariirta ahaa. Dahabku wuxuu ahaa mid aan la koobi karin.

Weyl yar oo ka samaysan dahab oo afar addin leh oo ay u yaqaanneen Taabuut ayaa ku jirtay oo uu miisaankeegu ahaa labo kun oo wiqiyadood iyo dheeraad. Waxa kale oo ku jiray kitaab dahab ah oo ay ku yaalleen sawirro dad, kuwo shinbiro, kuwo dugaag iyo xeedhooyin dahab ah oo ay afar nin wax ku cuni karaan. Waxa uu qayb ka siiyay sayidkii shariifka ahaa ee mujaahidka ahaa ee uu magiciisu ahaa Jamaalud-Diin Maxamad Marsuuq – Ilaahay ha innagu anfaco e – oo uu guddoonsiiyay afar xeedho. Waxa kale oo uu wax ka siiyay Sayid Maxamad Handal oo uu mid siiyay.

Intii hadhay, Imaamku Beytal-Maalkii128 Muslimiinta ayuu dhigay.

Tilmaantii Kaniisadaha Beyt Samiyaat iyo Naqdaqaad

Sayidkaygii Maxamad, isaga iyo Bishaaro dhankii kaniisadda Beyt Samiyaat ayay u keceen oo ahayd tii ay dhistay Boqorka Wanaag Segad hooyadii.

Kolkii ay dhex galeen ayay ku arkeen wax la yaab leh. Xoolo halkaa ku lama ay kulmin, waxay se ugu dhex tegeen afar raahibyo ah oo ay weydiiyeen xoolihii iyo dahabkii. Raahibyadii baa ku yidhi: “Boqorka hooyadii ayaa ku xabaallayd sanduuq kaniisadda dhex yiil. Kolkii ay ogaadeen in aad imanaysaan ayay islaantii iyo xoolihiiba la baxeen oo ay la tegeen meesha Anba la yidhaahdo.”

Kaniisaddii bay kolkaa gubeen, raahibyadiina way baroorteen oo intay kaniisaddii dib u galeen ayay ku dhex gubteen – Allaha nacdalee -. Bishaaro iyo Sayidkaygii Maxamad ayaa kulmay oo u dhaqaaqay dhanka kaniisadda Naqdaqaad oo ahayd mid aad u weyn. Waxa dhisay Boqorkii Admaas Sa’ra Yacquub. Kolkii ay gaadheen ayay galeen, waxayna ka dhex heleen xoolo aad u badan. Boqorkii Admaas kaniisadda badhtamaheega ayuu sanduuq ku jiray oo uu ku dhex aasnaa. Xoolo wixii yaallay ayay soo saareen iyo dibi dahab laga sameeyay oo qof aadami ah jooggiisa le’eg. Waxa kale oo ay soo saareen khasnad gebigeeguba ahaa dahabkii Shinbiro laga keenay oo ahaa mug-qaadyo aanay miisaankiisa garan karayn. Way gubeen, dabadeedna dhankii Imaamka oo halkiisii joogay ayay ku soo noqdeen.

Mid walba saamigiisii oo dahab iyo xariir ah ayuu siiyay. Intii hadhayna Beytalmaalkii muslimiinta ayuu ku shubay. Cabdinaasir waxa uu gaadhay kaniisadda la yidhaahdo Ganad Gorgis, oo uu dhisay Boqorkii la odhan jiray Iskandar. Labadii nine ee khasnadda hayey lana soo qabtay maalintii uu Boqorkoogu jabay ayaa Imaamka warka siiyay. Waxa ay yidhaahdeen: “Hana dilina, annagaa idin tusaynna khasnadihii Boqorka oo dahab iyo lacag ah iyo xariir ay qaadi karayaan shan boqol oo nin.”

Imaamkii baa ku yidhi: “Halkee laga helayaa?”

Waxa ay yidhaahdeen: “Dhulka Wallaga, kaniisad ku dul taalla buur ayaa laga helayaa.”

Sidaa awgeed ayuu Imaamku Cabdinaasir iyo labadii maxbuus iskugu daray si ay u tusaan. Kolkay kaniisaddii yimaaddeen ayay waxba ka waayeen wayna gubeen. Waxay halkaa uga sii gudbeen meshii ay khasnaddu taallay oo ahayd dhulka Wallaga iyaga oo uu gadhwadeenkiina hor socdo. Ciddii nasaare ah ee ay la kulmaanba waxa ay ku lahaayeen: “Nasaaro ka tirsan ciidanka Boqorka ayaan nahay, dhankaa iyo Goojaam ayaan u soconnaa,” waayo Boqorka ayaa u kacay dhankaa iyo Goojaam maalinkii uu jabay.

Kolkay gaadheen ayuu gadhwadeenkii is taagay oo uu Cabdinaasir ku yidhi: “Waynnu soo gaadhnay halkii khasnaddu taallay. Waad u jeeddaa buurtaa iyo kaniisadda ku dul taalla oo ay ku jiraan khasnadihii Boqorka iyo kuwii aabbayaashii iyo kuwii awawyaashii.”

Qaniimooyinkii Dhulka Walaqa iyo Siday Muslimiintu u Gaadheen

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: ilaalada dariiqa buurta tegaa waxa ay ahaayeen konton nin oo ka mid ah addoomaha Boqorka oo hoggaamiyena leh. Geeridii hoggaamiyahooga hooyadii oo ku dhimatay tuulo buurta hoos ah ayuu maalinkaasi ku soo beegmay. Hoggaamiyihii baa ilaaladii kontonka ahayd qaatay si ay hooyadii u la soo aasaan. Muslimiintii kolkaas ayay buurtii u daba mareen, kaniisaddana afar raahib iyo saddex dhufaan uun baa joogtay. Kolkay buurta hoos yimaaddeen ayuu Cabdinaasir la booday gaashaankiisii iyo seeftiisii. Saaxiibbadiina gaashaamadoodii iyo seeefihii ayay la soo baxeen, dabadeedna buurtii ayay fanteen. Kaniisaddii bay gaadheen oo albaabkeega dushiisa ayay is taageen, halkaas oo ay dhufaannadii iyo raahibyadii taagnaayeen. Waxa ay ku yidhaahdeen: “Waar xoolihii soo saara!”

Afar raahib ayay muslimiintii dileen, dhufaannadii se xoolihii ayay soo saareen oo ahaa xariir uu dahab cusleeyay oo noqonaysa shan boqol oo mug-qaad awr. Waxa kale oo ay la soo baxeen dahab cas oo qurux badan iyo alaabo kale oo la yaab leh oo ay kaniisaddu lahayd, sida taajaj badan oo uu Boqorku lahaa iyo kuwo boqorradii hore ka hadhay iyo taajaj kale oo ay boqorradu xidhaan. Taajajku waxa ay xagga hore ku lahaayeen xadhadh dahab ah oo lagu fadhxay fasas. Waxa kale oo jiray qoolal iyo duubab kuwa jinta la geliyo ah oo dahab ah iyo golxadyo dahab ah oo mid walba daabkiisa iyo galkiisuba dahab ahaayeen iyo weliba ulo dahab ah iyo sawirro dibi oo iyaguna dahab ahaa oo uu dibi walba lahaa afar addin oo lagu daleeyay fasas dahab ah. Qoorta weyluhu labo xusul ayay le’egayd. Waxa kale oo yaallay xakamayaasha fardaha oo dahab ah, xeedhooyin iyo fujaanno wada dahab ah. Cabdinaasir baa waxaas oo dhan soo ururshay, waayo khasnajiga Imaamka ayuu ahaa. Waraaq buu ku qoray, dabadeedna waxa uu u qaybiyay saaxiibbadii si ay u qaadaan.

Raggaa uu u qaybiyay tiradoodu saddex kun ayay ahayd, koox walba na nin buu hor jooge uga dhigay. Horjoogayaashii buu u yedhay oo xoolihii buu u qaybiyay. Qaar qaatay labo kun oo wiqiyadood ayaa ka mid ahaa, qaar kale oo xanbaaray labo kun iyo shan boqol oo wiqiyadood. Waxa kale oo ka mid ahaa kuwo qaaday kun iyo kuwo qaaday shan boqol. Intaa dabadeed, dhankii Imaamka ayay u soo noqdeen, isaga oo jooga gurigiisii hore ayayna soo gaadheen. Imaamkii iyo intii la joogtayba waxa ay ka yaabeen alaabtan aanay hore u arag. Imaamku diibaajka129 dharkii xardhanaa ayuu saddex u qaybiyay. Qayb Imaamka ayaa qaatay oo ku daray Beytul-maalkii muslimiinta. Labadii qaybood ee kalena Cabdinaasir iyo saaxiibbadii ayuu Imaamku siiyay. Dahabkii iyo wixii qurux iyo layaab lahaa Imaamkii baa qaaday si danaha guud loogu fuliyo. Intii hadhay oo ahayd dahabkii Shinbiro oo aan la koobi karayn badi aawadeed, askartii buu u qaybiyay, Beyt Amxara ayayna fadhiisteen. Intaa ka dib, Imaamka ayaa war ka maqlay nasaaradii ammaanka la siiyay oo degganayd tuulo webiga Niil dusheeda ah. Webiga Abaweyn ayaa la yidhaahdaa, tuuladana Wa’la waayo waxa ay u dhaxaysaa Abaweyn iyo Amxara. Dadkaa ayuu ka maqlay in ay halkaa ku yaalleen kaniisado ay boqorradii hore dhiseen sida aabbayaashii Bogorka. Imaamku kolkii uu maqlay ayuu Awraci Aboon u diray, kadib inta uu calan cad u guntay, ragna wuu ku daray ay ka mid ahaayeen Saxrabawi Maxamad, Amiir Abuubakar Qadiin, Amiir Mujaahid, Absame Nuur, Axmad Goyta, Sheekh Daawa iyo Awraci Axmad Diin, gadhwadeen Asmaaj Xeeb ayaa u ahaa. Labo boqol oo fardooley ah iyo labo kun iyo shan boqol oo lug ah ayay ahaayeen. Calankii buu Imaamku u dhiibay, ninkii warka kaniisadda u keenayna wuu ku daray. Dhammaantoodba way socdeen illaa ay soo gaadheen dhulka Wa’la oo ay afar kaniisadood ka heleen. Labo kaniisadood, safeexado dahab ah ayay ku shaqlanaayeen, kuwa kalena dahab ma lahayn laakiin waa la xardhay oo si fiican bay ugu fara yaraysteen. Kaniisadihii dahabka ahaa bay galeen kolkaas ayay dahabkii gudumooyinkii ku soo jafeen, wixii dahab yaallayna gacanta ayay ku dhigeen. Kaniisadihii looxa ka samaysnaa ayay haddana galeen, gudahoogana sawirro dibi ah oo dahab laga sameeyay ayay ka heleen oo uu dibi waliba lahaa afar addin. Madaxdii mid walba dibi dahab ah ayuu qaatay. Dibi walba culayskiisu waxa uu ahaa labo kun oo wiqiyadood. Waxa kale oo jiray kuwo kun iyo shan boqol oo wiqiyadood ahaa iyo kuwo kun ahaa. Sidaas ayuu qaabkooga iyo miisaankooguba ahaa. Wixii yaallay ee dahab aan ahayn oo xariir ahaana way qaateen, kaniisadihiina dab ayay sudheen.

Imaamkii dhankiisa haddii aan u soo noqonno, markii uu diyaariyay Awraci Aboon ee uu sii socady lix cisho, ayuu nin nasaarada ka mid ahi u yimid Wasiir Nuur oo uu ku yidhi: “Aniga ayaa garanaya meesha uu Boqorkii joogo. Meel qarfo ah ayuu ku dhex dhuumanayaa, shan iyo toban fardooley ah oo keli ah ayuuna wataa. Aniga ayaa idin tusiye, maxaad kolkaa i siinaysaan?”

Wasiirkii baa ku yidhi: “Wixii aad doonto ayaan ku siinaynnaa jisyadana waan kaa dhaafaynnaa.”

“Aniga ayaa idin tusi,” ayuu yidhi.

Wasiir Nuur warkii buu Garaad Axmooshe u sheegay iyo wixii uu ninka Nasraaniga ahi u warramay. Intaa dabadeed, Imaamkii bay u galeen oo ay u warrameen wixii uu nasraanigu yidhi. Wasiir Nuur baa kolkaa ku yidhi: “Aniga ayaa u tegi amma Garaad Axmooshe.”

Imaamkii baa yidhi: “Garaad Axmooshe ayaa u tegi.”

Awraci Cismaan iyo ciidammadiisii ayuu Imaamku ku daray iyo Farshaxan Caliye, Cali Waradaay, Farshaxan Cismaan, Farshaxan Sadwat, Shamsu oo horjooge u ahaa Askartii Badda iyo Cabbaas oo uu Imaamka walaalkii dhalay. Gadhwadeenkii ayaa hor kacay illaa ay gaadheen halkii Boqorka lagu sheegayay, wayse ka waayeen.

Gadhwadeenkii ayuu ku yidhi: “Waar aaway Boqorkii?”

Waxa uu yidhi: “Halkan buu joogay, meeshii uu dabka ku shidanayayna waa tan.”

Axmooshe fardihiisii ayuu degmada u kala diray waxayna soo qaqabteen labo beerqodayaal oo ay Boqorkii wax ka weydiiyeen. Waxa ay yidhaahdeen: “Halkan buu joogay, hase yeeshee xalay ayuu dabkiinna arkay oo uu ka tegey. Togga Bashlu130 ayuu ka tallaabay oo uu dhaafay, dhulka Baqemadar ayuuna galay.” Garaad Axmooshe labo cisho ayuu daba jebinayay. Toggii Bashlu ayay soo gaadheen mase aanay helin, halkii bayna degeen iyaga oo leh: “Waar wixii hadda ka danbeeya Boqorkii ma gaadhaynno e Imaamkii baan ku noqonaynnaa.”

Anba iyo Caruurta Boqorrada

Way soo noqdeen, labo maalmood bayna soo socdeen dabadeedna meel bay degeen. Axmooshe askartii buu soo ururshay oo uu ku yidhi: “Tani waa Anba131, way innoo dhowdahay iyada ayaanan ku duulaynnaa. Waan go’doominaynnaa illaa aan qabsanaynno.”

Shariif Nuur ayaa kacay – Alle ha u naxariistee – iyo koox kale oo yidhi: “Waar Anba waa meel adag buuruhuna way dhaadheer yihiin, dooxyana way jiraan gabbaadyo adagna way leeyihiin. Wax aan sallaan ahayn dhulkaa lagu ma fuulo.”

Shariif Nuur baa haddana yidhi: “Imaamku innagu ma amrin inaan Anba ku duullo. Waa inaan Imaamkii ku noqonnaa.”

Garaad Axmooshe ayaa Shariif Nuur ku yidhi: “Waar ma adigaa taliye ah mise aniga?”

Kolkaas ayuu Shariif Nuur ku yidhi: “Adiga ayaa taliyihii ah.”

Waxa uu yidhi: “Haddii aan amiirkiinnii ahay waa inaa taladayda la qaataa, taana hadal kama keeni kartaan.”

Dariiq adag ayay qaadeen oo buuro iyo dooxyo dhexdooda ah illaa ay gaadheen Anba dii aan soo sheegnay. Buur dheer bay arkeen oo la qoray oo aan weligeed sallaan ma ahee wax kale lagu fuulin. Waxa dusheeda ahaa kun aqal oo ay carruurta boqorradu gali jireen. Dusheeda waxa kale oo ahaa togag, khasnado iyo carruurta bogorrada.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: waxa jiray in haddii Boqorrada Xabashida midkood wiil u dhasho uu buurta Anba fuushiin jiray si aan dawladda maamulkeega la iskugu qabsan. Kolka uu Boqorku dhinto, mid innamadiisii ka mid ah ayay buurta Anba ka soo daadejin jireen oo ay boqornimo u caleemasaari jireen. Sidaas ayaa caado u ahayd iyaga, aabbayaashood iyo awawyaashood ba. Anba kolkaa waxa joogay labo kun iyo saddex boqol oo wiilashii boqorrada iyo hablahoogii ah. Boqorka ayaa siinayay oo qabay hungurigooga iyo hu’googa. Kolkii uu Axmooshe Anba soo gaadhay ee uu go’doomiyay ayuu habeenkii kula dagaallamay albaabada.

Muslimiintu habeenkii oo dhan ayay ku wareegayeen albaabbada. Sallaanno ay buurta ku fuulaan ayay samaysteen. Mushrikiintii dab ayay ku shidayaan albaabbada oo ilaalada dariiqyada ayay adkaynayeen. Shamacyo ay muslimiinta iskaga ilaalinayaan ayay la wareegayeen, muslimiintuna inay buurta koraan ayay doonayeen. Mararka qaarkood ayay sallaanno dhiganayeen buurta leggeega oo ay isku diyaarinayeen fuulitaan. Kolkaas ayay gaaladu ka war helayeen oo ay ku soo shalwinayeen dhagaxaan illaa gunta u soo dhaadhicisa, muslimiintuna dhankooga danbe ayay u soo noqonayeen. Iyaga oo sidaa ku jira ayay habeenn habeennada kamid ah badhkood is diyaariyeen si ay buurta ugu baxaan, toddoba nin ayayna ahaayeen oo kala ah: Cabadilaahi Naasirud-Diin Al-Xamawi, Nasar Dalan, Shariif Nuur, Aadish oo ah ninkii dilay Tekle Iyaasus, Saciid oo ah adeegihii Garaad Axmooshe, Anas oo ka mid ahaa adeegayaasha Imaamka, iyo Cabdillaahigii Soomaaliga ahaa. Habeennimadii ayay u kaceen dhankii albaabka iyaga oo leh: “Maanta waa inaynu fuullaa haddii Eebbe yidhaahdo.”

Si qarsoodi ah ayay buurtii ku fuuleen iyaga oo isku adkeeyay in aanu midkoodna juuq odhan! Buurta gunteedii ayay joogsadeen. Ilaaliyihii oo fadhiya albaabka agtiisa ayay arkeen. Buurtu saddex afaaf oo laga kori karo ayay lahayd, albaab walbana ilaalo ayaa joogtay. Kolkii ay arkeen ilaaladii oo dab shidanaysa ayay hoos u wada hadleen oo ay yidhaahdeen: “Waa kan ilaaliyuhu fadhiya, innaguna waan fadhiisanaynnaa illaa uu seexanayo. Si xoog ah ayay u oogayaan dabkooga, sidaa aawadeed innaguna waan iska adkaysanaynnaa inta uu dabku bakhtiyayo. Kolka uu dabkaasi bakhtiyo ayaan ogaanaynnaa inu u seexday.”

Halkii bay ku sugeen illaa uu ilaaliyihii seexanayay oo uu dabkiisii demayay. Markaa ayay Nasar Dalan iyo saaxiibbadii horay u dhaqaaqeen oo ay fuuleen iyaga oo afartooda addin ku gurguuranaya. Afaafkii ayay ku dhowaadeen. Nasrud-Diin, isagu wuu ka horreeyay oo wuu sii koray. Golxadkiisii ayuu la soo baxay isaga oo doonaya in uu ku gawraco ilaaliyihii. Nuur ayaa inta uu daalay qufacay labo iyo saddex jeer. Ilaaladii ayaa ku toostay iyaga oo leh “Tuugga tuugga!” Dhagaxaan iyo kukumaysyo ayayna ku soo tuureen.

Muslimiintii ayaa badhba badh ku soo dul daatay. Shariif Nuur, isagu kolkii uu arkay saaxiibbadii oo iska dul daadanaya ayuu arki waayay oo uu iska hoos fadhiistay dhagax weyn illaa hiraabtii la gaadhayay. Keligii buu soo degey oo saaxiibbadii buu ku biiray, kolkasaana la isa salaamay. Awraci Cisaan ayaa isna afaafyadii buurta mid tegey. Awraci cismaan ciidammadiisii ayuu la joogay afaafka Anba, halka Garaad Axmooshena ka joogay afaaf kale.

Awraci Cismaan habeen walba dagaal buu qaadayay. Habeen bay si aad uga adag sidii hore u dagallameen. Mushrikiintii ayaa jabay, rag badan oo muslimmiintii ka mid ah baana buurtii fuulay, raggaas oo ay kamid ahaayeen: Fanji Sabar, Baal Soor Ibraahin, Garaad Amees, Barbari, Cali Waradaaygii shihiiday iyo Cali Daay Igar oo dhammaantood ahaa geesiyadii la yaqaannay. Way fuuleen, afaafkii hore ayayna gaadheen oo ay jebiyeen. Waxa ay galeen afaafkii labaad oo ahaa afaaf kor u qaadan oo bir lagu xidhay. Afaafkii bay garaaceen si ay u jebiyaan. Goob ilaalo oo ka sarraysay afaafka ayaa jirtay. Mushrikiintii baa goobtaa ilaalo isa soo taagtay, musli-miinii bayna ku soo shalween dhagaxaan waaweyn oo ay hargo ku wadhfinayeen oo uu dhagax walba le’egaa distida wax lagu karsado. Muslimiintii si dirqi ah ayay dhaadhaca ugu soo degeen. Garaad Axmooshe Imaamkii buu u soo diray farriin uu ku leeyahay: “Waxa aan go’doomiyay Anba e isoo gaadh.”

Ergadii uu diray ayaa Imaamkii soo gaadhay isaga oo jooga halkiisii hore. Waraaqdii uu Axmooshe soo qoray ayuu eegay markaas ayuu addinkii ku yidhi: “Oo yaa idinku yidhi Anba gala?

Dhanbaal wadihii baa ku yidhi: “Kolkii aan u kacnay dhankii Boqorka halkii waan ka weynay, labo cisho ayaan daba soconnay waanan gaadhi weynay. In labo maalmood la socdo ayaan dib u soo noqonnay.’

Intaa ka dib ayuu Garaad Axmooshe ciidankii ku yidhi: “Anba ayaan galayaa” muslmiintiina galisteeda way neceen.

“Miyaanan anigu taliyihiinnii ahayn?” ayuu ku yidhi, iyaguna “Waad tahay,” ayay yidhaahdeen.

“Haddaba i addeeca,” ayuu ku yidhi, ciidankiina Anba ayuu geliyay.

Habeenkii halkaas ayuu beryay oo uu aniga iiga kaa soo diray. Imaamkii baa ku yidhi: “Waar meel ay farduhu ka dagaallami karaan ma leedahay mise waa maya?”

Waxa uu ku ceshey: “Lug iyo faras toona meel loo maraa ma jirto, buurtana sallaanno ayaa lagu fuulaa.”

Imaamkii baa ku yidhi: “Iga sii horree aniguna waan kaa daba imanayaa.”

Waxa uu yidhi: “Iyaga iyo Garaad Axmoosheba ku dheh: iskaga tega halka aad joogtaan oo u soo baxa dhul bannaan oo faalal ah inta aan imanayo.”

Ergaygii wax uu soo socdaba Garaad Axmooshe ayuu soo gaadhay oo uu u sheegay wixii uu Imaamku ku soo yidhi.

Imaamkii, isagu labo cisho ayuu halkii fadhiyay oo uu sugayay Awraci Aboon. Maalinkii saddexaad ayuu Awraci Aboon u yimidday isaga oo wada dahabkii aan hore u soo sheegnay. Imaamku qaybtiisii buu ka qaatay, mid walbana saamigiisii buu siiyay. Maalinkii uu ergayga u sii diray Garaad Axmooshe afar cisho ka dib ayuu Imaamku ka socday Beyt Amxara isaga oo u sii jeeday Anba. Saddex maalmood ayuu socday, kolka uu Anba u jiro in maalin la socdona wuu degay.

Goobtii Anba

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Reer Anba iyo carruurtii boqorradu, kolkii ay muslimiintu isku xeereen ee ay cidhiidhiga geliyeen ayay u cid dirteen Boqorkii iyaga oo leh: “Muslimiintii magaaladayadii bay isku wareejiyeen oo ay nagu go’doomiyeen.

Inta aanan is dhiibin in aad ciidamadaada noo soo dirtid ayaan kaa codsanaynnaa. Haddii ay ciidamadaadu dib nooga dhacaan, dhulka waannu ku wareejin annaga oo aan jeclayn.”

Dhanbaal-wadahoogii baa tegey oo Boqorkii gaadhay. Kolkii uu warkoogii dhegeystay ayuu saddex badriiq iyo ciidamadoodii diray, kuwaas oo ay kamid ahaayeen: Sardi Beyt Wadad oo ina Amdaw ah, Badriiq Yuu’eel, iyo Asmaaj Isxaaq. Badriiqyadii in ay socadaan ba, waxa ay soo gaadheen habeenkii ay Awraci Cismaan iyo saaxiibbadii albaabbada dagaalka ku jebiyeen oo way ku waaberiisteen. Dhanka Angoot ayay kaga soo baxeen, muslimiintuna war iyo wacaal toona kama aanay hayn. Dagaalkii ciidammadii gabbaadyada adag ku jiray ayay ku hawlloonaayen. Ma ogaanin muslimiintu waxa dhacay illaa ay arkeen gaaladii oo soo gaadhay afaafkii uu Awraci Cismaan joogay. Dhinac kale, Awraci Cismaan iyo saaxiibbadiiba fardo ma wadanin, waayo fardohoogii Garaad Axmooshe ayay ka wada yimaaddeen. Kolkii uu Awraci Cismaan arkay inuu colkii haleelay ayuu kacay oo uu saaxiibbadii guubaabiyay. Guntiga ayuu dhiisha iskaga dhigay oo gaashaankii iyo seeftii ayuu qaatay, saaxiibbadiina sidoo kale ayay yeeleen. Meesha lagu dagaallamayay lug mooyaan e meel fardo ku dagaallami karaan ma ahayn. Sidaa aawadeed, gaaladiina fardahoogii way ka tegeen.

Nin walba warankiisii iyo gaashaankiisii ayuu qaatay, halkaana dagaal adag ayaa la isku haleelay. Mushrikiinta qaansaley badan oo Tigraay ah ayaa la socday, kuwaas oo la yidhaahdo Siimat iyo kuwo kale oo Reer Cajaamiya ah. Muslimiintii baa weerarka qaaday iyaga oo uu horkacayo Cali Waradaay oo ahaa geesigii muslimiinta iyo Fanji Sabar oo ka mid ahaa Askartii Badda. Sidii nin qudha ayay u weerartameen. Raggaa waxa ka mid ahaa Amiir Gaafaat oo ahaa nin dagaal yahan ah, ninka kale ee la odhan jiray Barbari iyo Daay Agar. Alloow ma nin! nin Askartii Badda ka mid ahaa oo la odhan jiray Sanbataay oo raggaa la weerartamay. Afar nin oo gaaladii ka mid ahayd ayuu weerarkiisii ku dilay. Rag dhimasho ku talo galay sidoodii ayay Awraci Cismaan ugu hor dagaallameen. Gaaladii meel fog ayay u jabeen, muslimiintiina cagta ayay cagta u saareen. Ciidamada mushrikiinta ayaa mar kale soo rogaal celiyay oo abbaaray muslimiintii, halkoogiina ugu yimid. Dagaal baa kolkaa foodda la is daray. Mar kale ayay gaaladii jabeen sidii markii hore. Dib bay haddana u soo rogaal celiyeen, muslimiintiina jilibka ayay u aasteen oo mar saddexaad baa la is laayay. Gaaladii sidii markii hore ayay haddana u jabeen. Markii afraad ayay si xun isku dirireen. Rag is galay galladi kama dhaxayso ayay noqotay.

Cali Waradaay ayaa badhtanka u galay. Nin Tigraay ayaa kolkaa soo ganay oo laabta ka sudhay. Markaas ayuu yidhi: “Rabbiga Kacbada leh baan ku dhaartaye Jannadii baan galay. Ha cabsoonnina e weerartama, Balo ma qabo e.”

Amiir Gaafaat ayaa isna weerar ku qaaday ninkii dooxay Cali Waradaay oo warankiisii ku tummaatiyay, kolkaas ayuu isna dhulka la galay.

Guuldarradii Muslimiinta ee 14/3/938 H

Gaaladii baa intay muslimiintii ka fara bateen ku xoomay oo mar keli ah ku ganay leebab sumaysan. Kolkii ay leebabkii sida roobka ugu daateen ayay muslimiintii jabeen nin qudha oo Fanji Sabar la odhan jiray mooyaane.

Sidii awr baarqab ah oo qooqan ayuu u doob dhabayay. Alloow nin dheh maalintaa kolkay saaxiibbadii jabeen keligii buu sugnaaday. Seefihii gaalada ayaa meel ka waayay gaashaankiisii. Way googooyeen illaa ay siddihii gaashaanka oo keliya reebeen. Kolkaas ayuu isna intii uu hayay mid mushrikiinta ka mid ah wejiga kaga dhirbaaxay. Gaalkii wareer baa ku dhacay Fanji Sabarna kolkaas ayuu ku booday oo seeftiisii labo kaga kala dhigay. Intaa ka dib, Fenji Sabar saaxiibadiisii jabay ayuu ka daba tegey, kolkii uu gaadhayna way wada baxsadeen. Awraci Cismaan ayaa shihiiday – Alle ha u naxariistee – Cali Wardaayna halkiisii ayaa lagu dilay. Intii ciidanka hadhayna way jabeen, buurtii dusheeda ayay ka soo degeen oo dooxooyinka iyo dhirta ayay wada galeen.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Garaad Axmooshe iyo saaxiibbadii markay arkeen Awraci Cismaan iyo ciidankiisii oo jabay ayay dagaal la’aan iyaguna jabeen. Buurta hoosteeda ayay u soo degeen iyaga oo iska soo daba shalwanaya. Alloow ma rag maalintaa Shamsu oo ahaa madaxa Askarta Badda iyo Shotalaay iyo Wasan Jaan, kolkii ay muslimiintii jabeen ayay raadco-reeb noqdeen oo ciidankii gaalada xagga danbe kula dagaallamayeen. Kuwii jabay ayay kolba kii dhaca kicinayeen, sidaas ayay na ahaayeen illaa ay saaxiibbadood neef goosanayeen. Intaa ka dibna jidkii Beyt Amxara ayay qaadeen. Garaad Axmooshe gacanta ayaa lagu dhigay.

Garaad Mataankii Soomaaliga ahaana waa la dilay iyo Cabdillaahi Naasirud-Diin Al-Xamawi, Saalax, Cumar, Saciid iyo weliba Cali Dooqalaaygii Soomaaliga ahaa. Mushrikiintu maalintaa fardihii muslimiinta shan iyo toban faras ayay ka qaateen. Maalinkii ay jabeen waxa uu ahaa Arbaca ay Rabiical Aakhir afar iyo toban habeen ka tegeen sannadkii sagaal boqol siddeed iyo soddon Hijrada Nebigeenna suubban Naxariis iyo Nabad-gelyo korkiisa ha ahaatee 14/06/938 H, taas oo uu taariikheeyay Al-Jiisaani132 – Alle ha u naxariistee.

Haddaan u soo noqonno Garaad Axmooshe, Boqorkii Xabashida ayaa la hor joojiyay isaga oo xidhan. Raggii ay laayeenna madaxa ayay ka soo jareen oo Boqrkii ayay hor keeneen iyaga iyo fardihii ba. Boqorkii iyo nasaaradii aad bay maalinkaa u farxeen. Garaad Axmooshe, isaga Boqorku dhawr cisho ayuu xidhay dabadeedna wuu dilay. Raggii Garaad Axmooshe ee la soo jebiyay, Imaamkii bay ugu tegeen meel Anba u jirta maalin socod, wixii dhacayna way u warrameen. Seeddigii Mataan buu aad ugu murugooday, isaga oo leh:

إنا لله وانا اليه راجعون

“Ilaah baa inna leh, dhankiisa ayaanan u noqonaynnaa,” wuuna ilmeeyay.133

Intaa ka dib, raggii soo jabay ayuu soo ururshay oo uu fadhiisiyay, isaga oo leh: “Cid walba oo goobtaa joogtay ha ii timaaddo.”

Kolkii ay yimaaddeen ayuu Imaamkii ku yidhi: “Waan ogaannay inaanay dagaallamin Awraci Cismaan iyo raggiisii mooyaane. Iyagu way dagaallameen hoggaamiyahoogiina waa la dilay.

Cali Waradaay baa isna la dilay iyo rag kale. Idinku, raggii Garaad Axmooshe maxaa idin soo jebiyay idinka oo aan dagaallamin? Sidee baad uga tegteen taliyihiinnii idinka oo haystay fardo iyo qalab ba!” Way aamuseen oo gorodda ayay laalaadiyeen jawaabna uma aanay celin.

Imaamku amar buu ku bixiyay in kuwooga waaweyn la xidhxidho, waana la xidhxidhay. Waxa ka mid ahaa Farshaxan Cali oo ahaa guddoomiyihii Angoot guushii ka dib iyo Garaad Axmadooshe, dhammaantoodna illaa boqol halyey ayay isku ahaayeen. Inuu wada laayo ayuu Imaamku doonay, laakiin raggii fiqiyada ahaa iyo taliyayaashii ayaa u shafeeca dalbay oo imaamka u baryay. Kolkaas ayaa xadhkihii laga furay oo uu ku yidhi: “Sidaa idinku dayn maayo. Anba ayaan idiin kaxaynayaa si aad halkaa uga soo dagaallantaan.”

Raggii madaxda ahaa ayaa İmaamkii u yimid oo yidhi: “Ma waxaad doonaysaa in aad dhammaantayo nagu soo madhiso halkaa yar ee cidgiidhiga ah? Haddaad doonayso in aan dabargo’no inna wad, haddii kale se adaa garanaya. Haddii uu Ilaahayba kugu guuleeyo oo aynnu meeshaa xoraynno ka heli maysid wax aan ahayn caruurtii boqorrada. Meesha fardo iyo askar midna ma joogaan. Alle ayaa mahad leh, xoolo ciiddaa ka badan ayaynnu haysannaa. Dadkuna xoolahaa sidistooda way ku daaleen. Dhulka Xabasha weli ma aynnaan wada xorayn. Waxa dhulkaa ka mid ah Dawaara, Baali, Sharkha, Hadiya, Waji, Ganas, Daamoot, dhulkaas oo dhami weli ma xoroobin. Sidoodii hore ayay dadkii gaalnimadoodii iskaga negi yihiin. Dhulkaas oo dhan ciidammo ayaa jooga, fardo, badriiqyadoodii iyo dagaalyahankoogii. Hadda dib aan iskaga noqonno, oo aan la kulanno Wasiir Cadli iyo ciidamadeennii aan Fatagaar kaga nimid.”

Duullimaadkii Angoot iyo Kaniisaddii Debra Ashiir

Hadalkoogii buu Imaamku u fiirsaday, wuxuuna yidhi: “Hadalkiinnu wuu qumman yahay”

Anba in uu galona halkaas ayuu Imaamkii kaga hadhay. Canaaniye oo ahaa guddoomiyihii Marjaay guushii ka dib ayuu Imaamku ku yidhi: “Adiga ayaa garanaya waddooyinka dhulkan la sheegayo, adigaana nagu yidhi Anba iskaga tega waanan iskaga tegnay. Haddaan tegno dhulkii aad adigu sheegaysay waa in aadna tustaa. Waxa kale oo aadna tusi kaniisadda Debra Ashiir.”

“Maqlay oo yeelay, anigaa garanaya meesha ay tahay iyo jidadka loo maroba,” ayuu ugu jawaabay.

Habeenkii halkaas ayuu Imaamku baryey. Maalintii danbe ayuu doonay in uu socdo waxase dhintay Awraci Shihaabud-Diin oo ay ilma adeer ahaayeen Suldaan Cumar Diin iyo Khaalid Waradaay. Maalinkaa iyaga daraadood ayuu Imaamku u oolay. Maalintii saddexaad ayay u dhaqaaqen dhankaa iyo dhulkii Angoot waxayna degeen meel u dhow bad-yarta Xiiq oo ah haro weyn oo biyo macaan, badhtameheegana ay gasiirad yari ku taallo. Badhtanka gasiiraddana kaniisad baa ku taallay iyo beero ay ka baxdo khudrad uu kamid yahay rumaanka macaan, fursug, safarjalka134 wanaagsan, cinab, sonkor, muus, sanjabiil, ubaxyada udgoon iyo wax Alle wixii khudrada ahaa oo dhan. Raahibyo dadkii magaalada ahaa ayaa kaniisadda joogay. Dhankeegii ayuu Imaamku u diray Amiir Saxrabawi Maxamad oo ay Imaamka ilma adeer ahaayeen, Wasiir Mujaahid, Cabdinaasir iyo ciidamadoodii. Waxa kale oo uu diray Garaad Sadiiqa, Awraci Axmad iyo kuwo kale oo la mid ahaa, saddex boqol oo dagaalyahan fardooley ahna wuu ku daray. Saxrabawi Maxamad buu ku yidhi: “Soco adigu oo ciidamadaada kula hagaag kaniisadda Debra Ashiir, gadhwadeenkaaguna waa Canaaniye. Buurteeda fuul oo haddii aad col ku aragtaan ha la dagaallamina illaa aad aniga ii soo cid dirayaarshaan.

“Aniga ayaa idiin iman doona oo eegi doona dhulka ay ragga iyo faraskuba ku dagaallami karaan.”

“Maqlay oo yeelay,” ayuu ku ceshay.

Kolkiiba way dhaqaaqeen iyaga iyo hoggaamiyahoogii Saxrabawi. Milaygii salaadka maqribka ayay Debra Ashiir soo gaadheen. Ciidammadii Angoot iyo ciidammadii Bedel Nasar oo buurta dusheeda gabbaad ka dhigtay, meel kaniisadda u dhow ayuu arkay, kaniisaddana hataq ayaa ku wareegsanayd.

Amiir Saxrabawi Maxamad kolkii uu arkay ciidammadii halkaas ayuu habeenkii baryey illaa ay cadceeddu soo baxaysay. Saddex nin oo fardooley ah ayuu Imaamkii u diray oo colka ay arkeen uga warranta. Kolkii ay cadceeddii soo baxday ayay ciidankii iyo askartii yidhaahdeen: “Waar horta maxaa inna fadhiisiyay?”

“Oo maxaan yeellaa?” ayuu ku ceshey.

Waxa ay yidhahdeen: “Waa in aan buurta fuullo.”

Waxa uu ku yidhi: “Imaamkii Ima farin in aan dagaallamo, laakiin is habeeya oo halkiinna safsaf u joogsada, jawaabta Imaamkana an sugno.”

Hadalkiisii bay ku qanceen, fardihiina way heensaysteen safsaf bay na u joogsadeen oo kolkaas ayay fadhiisteen. Gadhwadeenkii baa intaa ka dib is taagay oo buurtii fuulay. Nasaaradii buu la hadlay oo uu ku yidhi: “Ha moodina fadhigayaga aan idinka fadhinaa in uu cabsi iyo baqdin yahay, laakiin Imaamkii baa nagu yidhi: haddaad col la kulantaan haba yaraadee ha la dagaallamina illaa ad isoo ogaysiisaan. Aniga ayaa idiin iman doona. Iminka Imaamkii baan sugaynnaa, haddaba lafihiinna badbaadiya. Imaamku madaafiic buu sitaa, haddii uu idinku soo ganana buurtiinna iyo kaniisadihiinnaba wuu idinku soo dumin.”

Cabsi ayuu hadalkiisii calooshii gaalada geliyay. Intaa dabadeed, Canaaniye dhankii muslimiinta ayuu u soo noqday oo uu la fadhiistay. Imaamkiise kolkii uu dhanbaalwadihii Saxrabawi gaadhay ayuu kolkiiba kacay oo uu soo dhaqaaqay. Markii uu buurtii ku soo dhowaaday ee ay mushrikiintii arkeen siigada samadii qarisay ayay baqe daraaddii jabeen. Muslimiintii baa ka daba tegtay oo badhna laayey badhkoodna xidhxidhay, intii hadhayna buurtii bay jarkeegii ka daateen. Muslimiintii kaniisaddii bay u fuuleen oo ay galeen, arrimo layaab leh ayayna ku arkeen. Kaniisaddu dahab ayay la widhwidhaysay. Waxa dhex yaallay sawirro dibi dahab ka samaysan oo ay shan nin qaadi karayn mid keli ah. Saxrabawi baa muslimiintii ku yidhi: “Aqalka wixii ku jira, Alle ha idiin barakeeyo, nin waliba wuxuu gacanta ku dhigana isaga ayaa iska leh kolka laga reebo dibida ka samaysan dahabka. Dibidaa ha u dhowaanina.”

Nin buu amar ku siiyay in uu dibida soo saaro, hortiisa ayayna soo dhigeen. Intaa ka dib ayay ciidammadii kaniisaddii galeen. Badhba badh baa riixay oo waa la is jiidhjiidhay. Badhkood seefahooga ayay safeexadihii dahabka ahaa ku googoosanayeen, badhkoodna waxa ay ku googoosanayeen mindiyo. Dhammaan wixii kaniisadda dahab saarnaa ayaa la guranayay.

Kaniisadda saqafkeega iyo ardaageegaba waxa saarnaa dahab. Boqorkii hore oo la odhan jiray Seef Arcad ayaa dhisay oo joojay. Maalinkii ay gubeen waxa ay da’ jirsatay toddoba boqol iyo labaatan (720) sano. Taariikhdii maalinkii uu boqorkaasi dhisay ayaa ku qornayd. Kaniisadda waxa kale oo ku qornaa tirada miisaanka dahabka kaniisadda ku samaysan oo ahaa sagaal boqol iyo sagaal kun sagaal boqol iyo sagaashan 909990 wiqiyadood. Waxa intaa dheeraa wixii dhex yaallay ee dibi ahaa, weelal ahaa, xeedhooyin ahaa, kildhiyo ahaa. Muslimiintu dhammaan alaabtaa way qaateen, kaniisaddiina way gubeen. Waxa ay dib ugu soo noqdeen Imaamkii oo degay meel buurta u dhow. Imaamkii bay isla kulmeen, dibidii bayna siiyeen, dahabkii kaniisadda se askartii baa qaadatay. Imaamku bad-yaraydii Xiiq buu ku noqday halkaas ayuuna dib u degay.

Dadkii gasiiradda degganaa ayuu ergo u diray uu ku leeyahay: “Isa soo dhiiba oo soo gala daacaddayda, ninka idiin xidhan ee aad haysaanna iska soo dira.”

Ninkaas waxa la odhan jiray Awraci Xarbi Arcad oo uu dhalay Sabrud-Diinkii mujaahidka ahaa.

Gasiiraddii Badda Xiiq iyo Lahaystihii Awraci Xarbi Arcad

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: ninkaa gasiiradda lagu haystay, Suldaan Maxamad ayuu mar hore la duulay. Waagaa muslimiintu, goobtii Dil Meyda ayay ku jabeen, mushrikiinta ayaana soo qabsaday. Kolkii uu Boqroku ogaaday in uu yahay dadkii Suldaanka ayuu u diray badyarayda Xiiq gasiirad ku taalla oo ay raahibyo joogaan, kuwaas oo uu amar ku siiyay inay nasraani ka dhigaan oo ay Injiilka baraan. Isna wuu bartay illaa uu kitaabkoogii dusha ka qabanayay. Halkaa Gasiiradda ayuu la joogay lix iyo toban sano, isaga oo uu qalbigiisu iimaanka ku negi yahay. Imaamku halkaa markii uu soo gaadhay ayuu isaga awgii cid u diray. Ergaygii ayaa socday, baddii buu galay isaga oo dabbaalanaya illaa uu iyaga ku dhowaanayay. Dhagaxaan bay ku soo aa’een, isna kolkii ay soo shiideen ayuu ku yidhi: “Waar ergay la innii soo diray baan ahay, ha i shiidina.”

Waxa ay yidhaahdeen: “Haddii aad ergay tahay ha noo soo dhowaanin, saaxirkii baa noo kaa soo diray e” iyaga oo hadalkaa Imaamka ula jeeda.

“Meel fog naga la hadal,” ayay ku yidhaahdeen.

Intii uu Imaamku ku yidhi ayuu u sheegay. Waxa ay ku yidhaahdeen: “Sayidkaaga ku dheh: annagu jisyo bixin maynno, iskuna kaa dhiibi maynno, ninka noo xidhanna soo dayn maynno. Wuxuu doono ha sameeyo, waxaan ognahay inuu buuraha fuushiiyo rag iyo fardo, waxani se waa bade haddii uu karayo ha soo galo.”

Ergaygii Imaamkii buu ku soo noqday, farriintoodii buuna u sheegay. Imaamku Ashraaftii, Carabtii, Maqaaribadii iyo Meheridii ayuu iskugu wada yeedhay oo uu ku yidhi: “Annagu bannaanka iyo buurta ayuun baan garanaynnaa, baddu se waa hawshiinnii, arrimeheegana idinka ayaa yaqaanna. Hadda taladiinna keena iyo wixii aad yeelaysaan.”

Waxa ay ydhaahdeen: “Qoryo ayaan doonaynaa, kolkaana waxa aan samaynnona eeg.”

Imaamku askartii buu amar ku siiyaya inay qoryo badan keenaan, iyaguna qoryo badan ayay badda xeebteedii ku soo tuuleen.

“Xadhko noo keena,” ayay haddana yidhaahdeen.

Imaamkii baa isna yidhi: “Imikana xadhko keena.”

Saacad keliya gudeheed ayay ku keeneen in ka badan toban kun oo xadhig. Carabtii baa shirtay oo Imaamkii bay ku yidhaahdeen: “Waa yahay, wixii aad nagu amartay waan yeelaynnaa, saddex illaa afar cisho se noo kaadi, si aan u shaqayn karno.”

Kolkaas ayuu Imaamkii yihi: “Waa yahay.”

Saddex huuri oo waaweyn iyo labo yaryar ayay sameeyeen. Hawshoodii way ka fara xasheen wayna hagaajiyeen oo way adkeeyeen. Imaamkii baa yidhi: “Bal huuri ka mid ah badda ku shirraba aan eegee.

Huuri yar bay badda badhtankeegii geeyeen. Imaamkii baa arkay in uu aayar u socdo, kolkaas ayuu ku yidhi: “Haddii aad huurigan fuushaan, meel idin gaadhsiin maayo oo waxaad intaa horteedba ku dhimanaysaan dhagaxaanta ay soo tuurayaan iyo fallaadhaha sumaysan ee ay soo ganayaan. Waar kani waxba idiin tari maayee haddii aad wax kale haysaan noo sameeya oo noo sheega.”

Inta ay yara aamuseen ayuu nin la odhan jiray Jooshe oo Bishaaro aabbihii ahaa yidhi: “Anigaa talo haya.”

Imaamklii baa yidhi: “Keen talada aad hayso.”

Kolkaas ayuu taladii dhiibtay isaga oo leh: “Sac gawraca oo haragga ka siiba, dabadeedna qarbid ka dhiga, kolkaa na qarbidka afuufa. Haddana qarbidyada innoo badiya, sidii aan sameeya idinku amrona yeela. Aniga ayaa idin tusi sida aad u samaynaysaan.”

Wixii uu ninkaasi qarbidka ka sameeya yidhi ayay faleen. Intaa dabadeed ayuu ku amray in ay huuri walba hoosta kaga xidhaan qarbidyo afuufan, iyaguna huuri walba sagaal qarbid ayay hoosta kaga xidheen; saddex xagga hore ayay mariyeen saddexna badhtanka saddexna dhanka danbe.

Imaamkii ayaa yidhi: “Bal badda mid ku shirraba.”

Huuri yar bay baddii geliyeen dabadeedna way fuuleen, isaga oo la moodo in uu yahay leeb la ganay. Imaamku kolkii uu sidaa arkay ayuu ku farxay, wuxuuna yidhi: “Waar waxaan doonayay waa kan!”

Ninkani waxa uu shaqadan ka arkay, kana bartay Xabshida badda oo sidaa u samaysa huuriga ay kaga tallaabaan oo ay Lakhi u yaqaanniin afkooga. Intaa ka dib Imaamku ninkii meherida madaxa u ahaa oo la odhan jiray Axmad bin Suleymaan Al-Mehri kana tirsanaa qabiilka Reer Siyaad ayuu ku yidhi: “Adiga iyo saaxiibbadaa is habeeya.”

Saaxiibbadii buu Imaamku guubaabiyay oo uu ku yidhi: “Ayaa hadda Carabta badda u raacaya?” isaga oo u sheegayay xadiiskii ku saabsanaa ajarka uu leeyahay ninka badda Ilaahay dartii ugu dhex dagaallama.

Rag iyagii ka mid ah ayaa sara kacay iyaga oo leh: “Annaga ayaa naftayada Ilaahay ka iibinnay.”

Gacmahoogii bay Imaamka u fidiyeen si ay ballan ula galaan (mubaayaco) raggaasi, Ilaahay khayr ha ku abaaliyee. Muslimiintii kolkaas ayay is habeeyeen oo uu nin walba hubkiisii hagaajistay. Mid seeftiisii hagaajisanayay, mid qaansadiisii hagaajisanayay iyo mid warankiisii hagaajisanayay ayay noqdeen. Axmad Bin Suleymaankii Meheriga ahaa ayaa yidhi: “Hadda waa galab iyo goor gaaban, hadaan fuullo waxa innoo soo geli mugdigii habeenna lama dagaallamo innaga oo badda dhex joogna, weliba waa maalin arbacaad. Dadka badduna waxa ay yidhaahdaan: Arbaco lama guuro oo waa nuxuus (naxsi). Berri waa khamiis, waxaynnu kula dul waaberiisan dagaal Ilaahay raalli geliya.”

Kolkii uu Imaamkii maqlay ayuu yidhi: “Sidaas ayay noqon haddii uu Ilaahay yidhaahdo.”

Imaamku teendhadiisii buu ku noqday, habeenkiina baryada iyo xuska Ilaahay ayay ku dhamaysteen. Nasaaradii Gasiiraddu kolkii ay arkeen huurigii ay shirrabeen oo sida shinbirta u duulaya ayay baqdin gashay.

Dhexdoodii bay tashadeen, waxayna is yidhaahdeen: “Muslimiintii, wax aynnaan hore u arag oo shaqo carbeed ah ayay innoo la soo baxeen, madaafiicna way wataan. Haddii aan diidno xoog bay innoogu soo galayaan oo way inna laynayaan, kaniisaddeennana way gubayaan umana taag helaynno. In aan la heshiinno ayaa innoo habboon.”

Aabbohood Baadariga ahaa ayaa hadlay oo yidhi: “Waar maxbuuskan an haynno ayaan u diraynaaye, isagu ammaan ha innoo soo qaado innaga iyo kaniisaddaba xoolo wixii yaalla na ha wada qaataan.”

La-haystihii bay u yeedheen oo ay la hadleen. “Waa yahay,” ayuu isna ku yidhi.

Habeenkii bay isaga iyo labo nin huuri ku qaadeen, waxayna labadii nin ku yidhaahdeen: “Xeebta ku dejiya oo yaanay muslimiintu idin ogaanin.”

Sidii bay labadii nin yeeleen, oo habeenkii bay xeebta ku dejiyeen, iyaguna Gasiiraddii bay dib ugu soo noqdeen iyaga oo wata huurigoogii. Kolkii uu waagii beryay ayuu Imaamkii soo baxay si uu salaadka subaxa jamaacada ula tukado. Salaadkoogii bay tukadeen, Imaamkiina teendhadiisii buu dib ugu noqday. Absame Nuur ayuu u yeedhay si uu ula afuro. Isaga oo uu Absame dhexda soo socdo ayuun buu arkay maxbuuskii ay soo direen.

Kolkaas ayuu Absame Nuur ku yidhi: “Waar kuma ayaad tahay?”

Waxa uu yidhi: “Waxa aan ahay, Xarbi Arcad Awraci Sabrud-Diin.”

“Oo halkeed joogtay?” ayuu ku ceshay.

Waxa uu yidhi: “Gasiiraddan ayaan ku xidhnaa. Dadka Gasiiradda ayaa Imaamka ii soo diray.”

Absame Nuur ayaa Imaamkii u galay oo u warramay wixii uu arkay.

Imaamkii baa yidhi: “Aaway aniguna ergaygaba isaga dartii baan u diray e?”

Waxa uu yidhi: “Waa kan albaabka taagan.”

“Ii soo geli,” ayuu ku yidhi.

Kolkaas ayuu Imaamka u soo geshay. Imaamkii baa arkay waxa uu xabsigu is-bedel ku riday, kolkaas ayuu Imaamku ilmeeyay naxariis aawadeed, maxbuuskiina wuu ooyay. Imaamkii baa yidhi: “Imisa ayaad Gasiiraddan joogtay?”

“Lix iyo toban sano,” ayuu yidhi, wuxuuna raacshay: “Kadib kolkii ay arkeen wixii ay carabtu sameeyeen ayay cabsoodeen oo way ii kiin soo direen si aan ugu shafeeca qaado. Waxa ay doonayaan in aad ammaan siiso oo aanad laynin kaniisaddana ka gubin, wixii xoolo halkaa yaalla se aad qaadato.”

Imaamku saaxiibbadii ayuu la tashaday intii la joogtay oo kala ahayd: Amiir Abuubakar Qadiin, Wasiir Mujaahid iyo Absame Nuur oo uu ku yidhi: “Waad maqasheen wixii heshiis ahaa ee uu innoo sheegay, maxaad odhan lahaydeen idinkuna?”

Way hadleen waxayna yidhaahdeen: “In ay innagu ciyaaraan ayay nimankaasi doonayaan, xoolaha oo dhanna innoo soo wada saari maayaan.”

Imaamkii baa yidhi: “Waar hadalkiinnaa iska dhaafa. La-haystahan ay innoo soo daayeen ayaa innooga wanaagsan buur dahab ah.”

Intaa dabdeed buu maxbuuskii ku yidhi: “Ku noqo oo ku dheh waa innoo sidaa.”

La-haystihii kolkaas ayuu huurigii fuulay oo uu socday. Kolkii uu ku dhowaaday ayuu ku qayliyay isaga oo leh: “Ammaan baan idiin ku soo qaaday lafihiinna iyo kaniisadda in aanay wax dhib ahi idin gaadhin haddaad oofisaan waxaad tidhaahdeen. Waxa la idinka doonayaa inuu aabbihiinna Baadariga (Baatrik) ahi soo dego oo uu ammaanka idiin soo xidho.”

Imaamka dhankiisa ayuu maxbuuskii u soo noqday. Badda xeebteedii ayuu Imaamkii yimid oo uu is taagay. Halkaa buu safay oo uu ku habeeyay raggii Carabta ahaa, Meheridii, Maqaaribadii iyo Ashraaftii. Raggaa waxa ka mid ahaa: Shariif Nuur Axmad, Shariif Maxamad Handuul iyo ciidan Askartii Badda ahaa. Halkaas ayay fadhiisteen, iyaga oo sidaas ah ayuu soo baxay aabbahoogii Baadariga ahaa oo soo fuulay huurigiisii, Imaamkii buuna soo gaadhay. Wuu isa soo hor taagay, wuxuuna doonay inuu dhulka ku sujuudo Imaamkaa se u diiday oo ku yidhi: “Waar khasiisyahaw dadka looma sujuudo.”

Kolkaas ayuu madixii kor u qaaday, dabadeedna Imaamkii baa ku yidhi: “Waar wixii aad u timid sheego.”

Raahibyada oo dhami inaad lafahooga ammaan u siiso oo aanad layn ayay kaa doonayaan, kaniisaddoodana aanad gubin. Imaamkii baa yidhi: “Waa haddii aydaan waxba ka qarin xoolihii kaniisadda iyo kuwa kaleba.”

Waxa uu yidhi: “Maqallay oo yeellay haddii aad ammaanna siiseen. Haye anaa tegi Gasiiradda oo idiin keeni xoolahaas oo dhan.”

Waxa ay ku yidhaahdeen: “Baadariyoow, annagu kuma aaminaynno, laakiin saaxiibbadayo ayaa Gasiiradda kula geli oo soo qaadi wixii ay la kulmaan oo dhan ba.”

Baadarigii baa yidhi: “Haddii ay tahay inay saaxiibbadaana raacaan oo ay nala galaan, waxaad ku la dardaarantaa inaanay weerarin kaniisaddayada oo ballantaa aad qaadday aanay jebin.”

Imaamkiibaa yidhi: “Maadaama aan anigu ammaan ku siiyay, ma jirto cid axdigaygaa jebin kartaa.”

Baadarigii sidaas ayuu ku farxay. Imaamkii baa Saxrabawi Maxamad ku yidhi: “Soco adigu.”

Waxa uu raaciyay rag ka tirsan Carab, Meheri, Maqaaribo, Ashraaf iyo koox Askartii Badda ah. Waxa uu ku yidhi:

“Lugtaada Gasiiradda Baadariga kula gal, kaniisaddana ha gubin, raahibyadana ha laynin. Soo saara wax Alle wixii aad xoolo kaniisadda iyo Gasiiraddaba ka aragto. Ha kaga iman dirham iyo diinaar toona.”135

“Waa yahay,” ayuu yidhi.

Tilmaantii Gasiiradda iyo Xoolihii Yaallay

Ka dib kolkii ay huuriyadii fuuleen ayuu Amiir Saxrabawi kaniisaddii galay oo ay soo saareen xoolihii ku jiray godadka iyo qolalka ba. Macatabyada dahabka iyo lacagta ah boqol nin uun baa qaadi karaysay. tiriigyada dahabka ah iyo silsiladahooga dahabka ah iyagana lama tirin karayn. Nin kaste oo muslimiintii ka mid ahaaba waxa uu soo qaatay sanam uu miisannkiisu yahay saddex boqol oo wiqiyadood iyo xeedho dahab ah oo mid walba ay saddex nin ku filan tahay. Dharka iyo xariirta ay soo saareen na xoolo aan qumanayn bay ahaayeen. Saxrabawi halkaasuu habeenkii u hoyday isaga oo xoolihii ururinaya. Kolkii uu waagii beryay ayuu Imaamkii u soo diray saddex huuri oo gebigoogu la ciirciiraya dahab, lacag iyo xariir. Labo askari oo keli ah ayaa saarnayd iyo saddex xagga hore fadhiday,136 inta kalese xoolo ayaa ka buuxay. Huuriyadaas mid walba boqol iyo konton nin ayuu qaadayay. Imaamka ayay wixii dhammaan saarnaaba soo hor dhigeen. Imaamkii baa la yaabay illaa uu hilmaamay wixii uu hore xoolo u soo arkay. Huuriyaashii dib bay Gasiiraddii ugu noqdeen, haddana waa la soo buuxiyay. Mar saddexaad bay noqdeen oo sidaa loo soo buuxiyay. Gasiiraddii bay haddana dib ugu noqdeen oo raggii bay soo qaadeen. Saxrabawi, isagu maalintii danbe ayuu yimid. Milaygii gallinka ayuu Imaamkii la kulmay, halkiisii buuna iskaga noqday. Kolkii uu waagii beryay ayuu Imaamku wacay oo uu xoolihii qaybiyay. Carabtii buu qayb siiyay, saamina Saxrabawi Maxamad iyo Askartii Badda ayuu siiyay. Labadii qaybood ee soo hadhayna ciidammadii muslimiinta ayuu u kala qaybiyay.

Maalintiisii afraad ayuu Imaamku u soo dhaqaaqay dhankii Wasiir Cadli oo ay kaga yimaaddeen Fatagaar. Way socdeen illaa ay soo gaadhayeen dhulka Waasil oo ay degeen. Kolkii uu waagii beryay ayuu Imaamkii Muslimiintii soo ururshay oo uu ku yidhi: “Meel shanaaddii iska soo saara, khiyaamadana waan idiinka digayaa.”

Muslimiintiina mar qudha ayay wada hadleen iyaga oo leh: “Xoolahayaga ayaan ku hor keenaynnaa, adigu kolkaa meel shanaadda ka saar, baaqigana noo soo celi.”

Waxa uu ku yidhi: “Ilaahay baa idinka marag ah. Nin kaste oo taliye ahi ciidankiisa meel shanaadda ha ka soo saaro.”

Kolkaas ayay kala dhaqaaqeen oo uu amiir walba xaggii ciidankiisa u kacay. Ciidamadoodii ayay ka soo saareen meel shanaaddii oo ay Imaamkii u keeneen, isna rodollo137 ayuu ku miisaamay, wax aan la xisaabin karinna way noqdeen. Waxa uu xoolahaa u wakiishay Kabiir Aboon oo ahaa qoraa xisaabiye ah – Allaha Weyni ha u naxariistee. Magaaladii Waasil ayay lix cisho joogeen oo ay meel shanaadda iska saarayeen, dabadeed na way socdeen oo dhulka Qujma ayay galeen Abshalaw Salaf ayayna degeen. Intaa ka dib, Imaamkii dhanka Beyt Amxara ayuu u dhaqaaqay isaga oo wata Askartii Badda, waayo halkaa labo kaniisadood ayaa ku hadhsanayd. Sidaa awgeed ayuu ugu soo noqday Beyt Amxara. Labadaa kaniisadood, midkood waa Makaan Maryam, ta kalena waa Debtara Maryam. Wasiir Nuur ayuu xaruntii kaga sii tegey. Imaamkii Beyt Amxara ayuu soo gaadhay labadii kaniisadoodna dabka ayuu sudhay, xaruntii buuna dib ugu soo noqday. Milaygii casarkii ayuu ninkii la odhan jiray Aybas Laxdi baxsaday, kaas oo ay kolkii horeba islaannimadu khasab ku ahayd. Badriiq Eslaamu ayaa isna sidoo kale u baxsaday, dhankaa iyo Beyt Amxara ayayna u baxeen iyaga oo doonaya in ay Boqorkii u tegaan.

Imaamkii iyo ciidankiisii ayaa ka dhaqaaqay dhulka Qujma oo tegey magaalada Xanboora oo ku taalla dhulka la yidhaahdo Jidim, halkaasay na degeen. Dadka dhulkaa degaa waa dadkii diintooda ammaanka lagu siiyay, Muslimiintana way soo dhaweeyeen. Waxa iyaguna halkaa soo gaadhay dad ka yimid Berru Sacdud-Diin oo halkaa degey. Dadkaa waxa kamid ahaa: Warjaay Aboon oo ah Guddoomiyihii Seylac iyo saaxiibbadii oo waday hadiyad. Ninkii uu Imaamku u diray Suldaan Cumar Diin si uu ugu bishaareeyo in la dilay Wasan Segad ayaa soo noqday. Dadkii tuulada ayay la sii fadhiyeen illaa intii uu Imaamku u imanayay. Imaamka ayaa weyddiiyay warka waayaha dhulka Berru Sacdud-Diin iyo inay maqleen meesha uu joogo Wasiir Cadli. Waxa ay yidhaahdeen: “Dariiqa ayaan ku soo maqallay in uu Wasiir Cadli joogo Fatagaar, dhanka Barru Sacdud-Diin se dadku aad bay u wanaagsanaayeen.”

Imaamku Garaad Cismaan ayuu diray oo ahaa Guddoomiyihii Jaan Salaq, rag ay ka mid ahaayeen Del Segad iyo Awraci Cumarna wuu ku daray. Raggaas oo watay konton dagaalyahan oo fardooley ah ayuu u diray Wasiir Cadli wuxuuna ku yidhi: “Meel walba oo uu joogo ugu tega oo ugu bishaareeya libinta iyo guusha Ilaahayna siiyay ee aan dhulkii oo dhan ku furannay. Ku dhaha: waan idiin soo noqonnay, kolkaa waa inuu carruurtayadii iyo dumarkayagii noogu keeno Debra Burhaan, halkaas ayaan isaga ku kulmaynnaa.”

Isla maalinkii ayay u soo dhaqaaqeen dhankaa iyo Fatagaar iyaga oo u socda Wasiir Cadli. Imaamkii isagu Xanboora ayuu toban maalmood fadhiyay. Waxa uu u oolay xanuunkii helay Shariif Axmad Al-qadiimi – Alleha Weyni ha u naxariistee -, ka dib kolkii uu dhintayna wuu aasay.

Imaamka, Fiqi Abuubakar Arshoone iyo muslimiintii guud ahaan ayaa ku tukaday. Intaa ka dib ayay Xanboora ka soo dhaqaaqeen oo ay soo mareen Kasaaya oo ka mid ah dhulka Jidim. Dadkii Reer Awfaat ayaa iyaguna yimid halkaa iyaga oo uu hor kacayo Asmaaj Faskhe. Magaalada xaalkeega ayuu wax ka Weyddiiyay iyo mushrikiintii, waxayna ku yidhahdeen: “Kolkii aad naga tegtay, dhibaato weyn ayaan la kulannay. Haddana – Allaa mahad lehe – dhulkayagii ayaad kula soo noqotay guul iyo sharaf. Sidaa daraadeed waxba ma aha intii gaalada naga soo gaadhay ee dhib ah.”

Waxa ay sidaa u lahaayeen, gobolkooga ayaa Kasaaya u dhowaa. Kolkaas ayuu diray Awraci Aboon, oo uu raaciyay rag, wuxuuna ku yidhi: “Gobolka Awfaat ayaan madax kaaga dhigay, Reer Awfaat raac, halkaana dega.”

“Waa yahay” ayuu ku ceshay, dabadeedna dhankaa iyo Awfaat ayuu ciidankiisii u kaxaystay. Imaamkii, isagu dhankaa iyo Mansi ayuu u baxay, halkaas ayuuna degay.

Absame Nuur ayuu diray, soddon dagaal yahan ahna wuu ku daray isaga oo ku leh: “Warkii Cadli noo soo hela, bal inuu yimid meeshii aan kula ballannay.”

Dhankii Debra Burhaan ayay xamaanta u qaateen. Weriyihii-Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Kolkii uu Imaamku Beyt Amxara tegey ayuu Wasiir Cadli taliyayaashii kala firidhsanaa meel iskugu keenay sidii aan hore usoo sheegnay. Tuulada Xanboora ee gobolka Fatagaar ayuu degay. Intaa dabadeed, Awraci Nuur ayuu Cadli diray isaga oo raciyay todoobaatan fardooley ah oo ay ka mid ahaayeen: Garaad Shamcoon, Garaad Axmad Laad Cismaan, Garaad Siinaay, Garaad Sadiiq iyo kuwo kale oo iyaga la mid ahaa. Waxa uu ku yidhi: “Dawaaro tega,” iyaguna way socdeen illaa ay gaadheen toggii Hawaas oo biyo la ciirciiraya oo buux dhaafay. Togga agtiisa col gaaladii Maayada kamid ahaa ayaa degganaa iyo badriiqyo gaalo ah oo ay ka mid ahaayeen: Asmaaj Faanu’iil oo ahaa guddoomiyihii Waj iyo Arkiye oo ahaa guddoomiyihii Lajaaba oo isa safay webiga dushiisa. Muslimiintu meel ay biyaha ka tallaabaan ayay waayeen. Halkaas ayay saddex maalmood fadhiyeen, iyaga oo ay mushrikiintiina habeenkii leebabka ku soo ganayeen. Intaa kadib, Cadli ayay u cid dirteen oo ay ku yidhaahdeen: “Annagu Hawaas waan gaadhnay isaga oo daafaha jooga oo ay hareertiisana labo badriiq ciidamadoodii ku haystaan. Biyihii ayaa nooga ba’ay in aan u tallawno.”

Ergaygii ayaa Wasiir Cadli gaadhay isaga oo halkiisii ku sugan, farriintii ay soo fareenna wuu gaadhsiiyay. Wasiir Cadli ayaa ku yidhi: “Waxa uga ba’ay hadday biyaha uun yihiin, maxaan u sameeyaa? Haddii uu col is hor taagay se ciidan gurmad ah ayaan u diri.” “Wax aan biyaha ahayni isma hor taagin” ayuu yidhi.

Kolkaas ayuu isna ku ceshay: “Iyaga ayaa garanaya waxa ay yeelayaan, hadday soo noqonayaan ha soo noqdaan, hadday dagaal doonayaanna mushrikiinta ha la dagaallamaan.”

Ergaygii ayaa soo noqday oo u sheegay taladii uu Cadli soo faray. Kolkii ay maqleen ayay meel kale uga diga rogteen halkii hore, wayna degeen. Mushrikiintii iyaguna halkoogii hore ayay ka soo kaceen oo meel ku toosan muslimiinta oo dhinaca kale ee webiga ah ayay degeen. Fardahoogii iyo raggoogii ayay safeen, muslimiintiina sidoo kale ayay isku habeeyeen oo ay u tashadeen. Waxa ay is yidhaahdeen: “Waar biyaha maxaan ka yeellaa.”

Garaad Shamcoon oo ah geesi la yaqaanno iyo aar dhiidhiya ayaa ka dhex kacay oo yidhi: “Biyaha ayaan ka dhex weerartamaynnaa, fardeheennuna way dabbaalan, biyuhu sidii hore ma aha oo hoos bay u dheceen. Hadda innagu kiciya waan la dagaallamaynnaa, Ilaahayna guusha ayuu inna siine.”

Isaga iyo faraskiisiiba biyihii bay ka dul weerartameen, muslimiintiina way ka daba weerertameen. Mushrikiintu leebabkii sumaysnaa ayay ku soo ganayeen iyaga oo biyihii dhex maraya. Ka dib kolii ay dhinicii kale u baxeen ee uu Garaad Shamcoonna badhtankoogii galay isaga oo gondolaya geesiyadoodii iyo yahaaburradoodii ayay ku soo ganeen faraskiisa qoortiisa shan iyo soddon fallaadhood waxba se ma yeelin. Saaxiibbadii ayaa la weerartamay, mushrikiintiina kolkaa way jabeen oo saddex boqol iyo konton baa maalintaa laga dilay, fardahoogiina lix ayaa laga dhacay.

Muslimiinta iyaga saddex qof uun baa laga dilay oo kala ahaa: Daloosh, Farshaxan Abuubakar iyo nin kale. Muslimiintii halkaas ayay degeen fardihiina koorayaashii ayay ka fureen. Iyaga oo sidaa ah ayay arkeen col Reer Maayo ah oo soo galay xaruntoodii. Muslimiintii fardahoogii bay fuuleen dagaal adag baana halkaa ku dhex maray. Mushrikiintii way jabeen, boqol iyo konton amma in ka badan waa laga dilay. Habeenkii halkaas ayay baryeen, maalintii danbena way ka dhaqaaqeen iyaga oo gadhwadeenkii wata. Meesha la yidhaahdo Jeena ayay gaadheen biyihii bayna dul degeen. Heensihii bay fardihii ka dhigeen oo way waraabiyeen. Col kale oo gaaladii ah ayaa weerar ku soo qaaday. Garaad Siinaay, isagu faraskiisii kooraha kama furin. Markuu arkay ayuu kolkiiba ku dhacay oo uu kelidii la dagaallamay illaa ay saaxiibbadii is diyaarinayeen oo ay fardahoogii fuulayeen. Sidii buu u la dagaallamayay keligii gaaladiina goobtaas way ku jebeen, konton iyo dheeraadna waa laga laayay, afar fardahoogii ka mid ahna way ka furteen. Halkaas ayay habeenkaa baryeen. Intaa dabadeed, way socdeen illaa ay gaadhayeen magaalo la yidhaahdo Khataaro oo ay fadhiyeen illaa uu u imanayay basaaskoogii. Basaaskii saddex cisho ka dib ayuu u yimidday oo uu ku yidhi: “Waxa idin hor fadhiya afar badriiq oo uu midkood yahay Asmaaj Cadluu oo ah guddoomiyaha Baali, ka labaadna waa Saafuu Wasan Segad, ka saddexaadna waa Maxooh ka afraadna waa Amxi Maxadanti.

Dhanka danbe waxa iyaguna idinka xiga Asmaaj Wayinna Addaab oo Boqorka xidid la ah – Ninkaasi waxa uu qabay gabadh uu dhalay Boqorka walaalkii oo ah Badriiq Yuhannis – iyo Badriiq Tasfaaw.”

Kolkii ay warkaa maqleen ayay meeshii ka guureen oo ay tegeen dhulka Ey Faras. Waa dhul ballaadhan oo ku wanaagsan dagaalka fardaha, halkaas ayayna degeen.

Farshaxan Cali iyo Siduu Islaannimada ugu soo Noqday

Weriyihii-Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: badriiqii mushrigga ahaa ee la odhanayay Cadalu oo ahaa gudoomiyihii Baali, kolkii uu maqlay in ay muslimiintii yimaaddeen togga Hawaas oo ay jebiyeen nasaaradii ayuu u diray sahan uu wato badriiq Amxe. Dhankii Ey faras ayay u kaceen mana ogayn in ay muslimiintii meeshaa joogaan. Sheedda ayay muslimiintii ka arkeen lamana ay sugin intii ay fardaha fuulayeen. Dhankii ay ka soo socdeen ayay fardaha u toociyeen. Mushrikiintii markii ay arkeen in ay dhankoogii u soo kala dheeraynayaan ayay meel fog ka sii jabeen.

Muslimiintii halkoogii bay iskaga laabteen habeenkiina xaruntoodii bay baryeen. Mushrikiintii badriiqoogii Cadalu ayay ku noqdeen isaga oo jooga Saraay, in ay soo jabeenna way u sheegeen. Cadalu markuu warkaa maqlay ayuu baqdin darteed dhulka Wadmaat u galay, halkaas ayayna teendhooyinkoogii ka taagteen. Muslimiintii iyaga oo Ey faras jooga ayuu u yimid nin la odhan jiray Farshaxan Cali oo watay lix faras iyo labo boqol oo lug ah.

Ninkaasi wuu muslimay islaannimadiisiina way hagaagtay. Waa hore ayuu ninkaasi muslimay wuxuu se ka baxay dhulka Jalbi ee muslimiinta markii ay Soomaalidu qabsadeen dhimashadii Suldaan Maxamad ka dib. Waxa uu go’aansaday inuu u baxo dhankaa iyo Xabashida dhulkeega isaga oo ay la socdaan Axmad Goyta iyo askar Reer Nogob ah. Boqorkii ayaa loo warramay in ay muslimiintii Baali joogaan. Kolkaas ayuu u yeedhay dabadeedna inuu nasaaroobo ayuu ku dirqiyay ka dib kolkii uu la joogay labo sano.

Boqorka ayaa haddana siiyay dhul uu buuska138 ka qaato. Kolkii uu maqlay in ay muslimiintii yimaaddeen ayuu muslimay oo uu u yimid, muslimiintu na islaamidiisa way ku farxeen. Waxa uu u sheegay halka ay gaaladii joogto.

Kolkay hadalkiisii muslimiintii maqleen ayay isla habeenkii socdeen oo ay u dhaqaaqeen dhankii uu Badriiq Cadalu joogay. Way socdeen habeenkii oo dhan illaa ay cadceeddii soo baxaysay. Dooyo ayay dirteen u soo ilaalaysa halka ay gaaladii joogaan. Labo beeraley ah oo nasaaradii ka mid ah ayay soo qabteen oo ay badriiqyadii waydiiyeen. Waxa ay yihaahdeen: “Kolkii ay idin maqleen ayay habeenkii guureen, wayna idin hor socdaan.”

Muslimiintu socodkoogii ayay ku dhakhsadeen oo raadkoogii bay qaadeen. Kolkay duhurkii tahay ayay arkeen teendhooyinkoogii oo ku jooga meesha la yidhaahdo Candoora, mushrikiintiina siigo ka danbaysa ayay arkeen. Dooyo gaadhaysa lixdan farasley ah ayay direen si ay muslimiinta war uga keenaan. Muslimiintii bay ku dhowaadeen, kolkii ay garteenna dib ayay u noqdeen, muslimiintiina way ka daba tegeen. Ilaaladii gaaladu waxa ay soo gaadheen saaxiibbadood warkiina way siiyeen. Cabsi iyo baqdin ayaa gashay wayna carareen iyaga oo teendhooyinkoogii ka baxsanaya.

Muslimiintii way ka daba biyaysteen illaa uu habeenku kala soocay iyaga oo aan kulmin. Muslimiinta nin Khaalid la odhan jiray ayaa laga dilay oo uu Badriiq Abiib gacantiisa lahaa. Muslimiintu dhankooga, waxa ay gacanta ku dhigeen badriiq weyn oo Reer Baali ah. Gaaladu labo nin oo muslimiintii ka mid ahaa ayay qabsadeen. Kolkaas ayay farriin ugu direen muslimiinta in ay labadaa nin badriiqii ugu beddelaan. Teendhooyinkoogii oo dhan muslimiintii ayaa qaadatay. Waxa kale oo ay ka qaateen labo iyo toban faras iyo weliba baqlo fara badan. Labo cisho ayay muslimiintii degganaayeen xeradii mushrikiinta, dabadeedna dhankaa iyo Amuurjadal ayay u socdaaleen, halkaasayna baryeen. Maalinitii saddexaad ayay socdeen oo ay Sharkha gaadheen. Nin murtad ahaa oo dabadeedna islaamay oo la odhan jiray Cali ayaa u yimid. Rag saaxiibbadii ahaa ayaa iyaguna ka soo daba galay. Raadco-reebtii muslimiinta ayuu Badriiq Abiib oo ciidankiisii wataa weerar ku soo qaaday. Ciidankii horyaalka ahaa ayaa ku soo noqday dabadeedna wuu baxsaday. Badriiq Abiib waa la tummaatiyay wuuse badbaaday. Ka dib kolkii ay muslimiintu boojiyeen labo faras ayay u dhaqaaqen dhankaa iyo Wasiir Cadli oo ay ugu tegeen meesha la yidhaahdo Cajaam Jey. Waxa uu Wasiir cadli ku yidhi (ninkii ciidankaa watay): “Ayaa amarka kugu siiyay inaad Candoora tegto adoo ciidankaagu sidan u kooban yahay. Waar ma waxaad doonaysaa in aad muslimiinta hoddo,” dabadeedna garbaduub ayuu u xidhay. Muslimiintii ayaa u baryay kolkaas ayuu sii daayay.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Wasiir Cadli haddana Del Segad oo ahaa halyeygii Seyma ayuu diray, isag oo uu ku daray rag ay ka mid ahaayeen: Saxrabawi Cismaan, Shariif Axmad iyo konton dagaalyahan oo fardooley ah.

Waxa uu ku yidhi: “Dhulka Jabarji tega oo hagarbax innoogu doona.”

Way socdeen oo waxa ay weerar ku qaadeen magaalooyinkii, Jabarji bayna galeen. Ganacsato uu Boqorku lahaa oo nasaaro ah ayay la kulmeen. Kuwii bay weerareen, wixii ay siteenna ee bucshuro ahaa iyo caruurtoodiiba way ka qaateen. Wasiir Cadli ayay ku soo noqdeen dhammaan caruurtiina way addoonsadeen.

Goobtii Aram

Intaa dabadeed, ciidan yar oo gaadhaya boqol dagaalyahan oo fardooley ah ayuu dhulka Maaya u diray, madaxna Saxrabawi Cismaan ayuu uga dhigay. Dhulka Arcan ayay galeen wayna burburiyeen oo gacanta ayay mariyeen. Xoolo qoobley ah iyo kuwo kale ayay kasoo boojiyeen, kolkaas ayay Wasiir Cadli dib ugu noqdeen. Dhulka Aram ayay galeen habeenkiina halkaa ayay baryeen iyaga oo weli jidkii sii haya. Kolkii uu waagii baryey ayuu u yimid badriiqii Waj oo uu magiciisu ahaa Waynadaab oo watay fallaadhley Reer Maayo ah. Boqorka ayaa soo diray si uu ula dagaallamo Wasiir Cadli. Isaga oo jidka kusoo jira ayaa loo sheegay in uu jiro ciidan jeedh139 ah oo Muslimiin ah oo meelahaa deggan. Waxa uu ku tashaday: “Jeedha ayaan ku horraynaynnaa, dabadeedna Cadli ayaan u dhaafaynnaa.”

“Way tahay,” ayay ku yidhaahdeen.

Dhankoogii bay soo abbareen iyaga oo joogay Aram – waa meel. Kolkii ay labada kooxood is arkeen iyaga oo jidkii haya ayay gaaladii weerareen raadco-reebkii muslimiinta. Raggii dhanka danbe ahaa way sugnaadeen oo sutida ayay u qabteen iyaga oo fardahoogii fuushan. Raadcoreebkaa waxa ku jiray Saxrabawi Cismaan, Shariif Axmad, Heegane Cabdillaahi, Cali Farshaxan iyo Sheekh Khaliil oo ah tafiirtii Aw Buube – Alla ha innagu anfacee. Muslimiintu toban fardooley ah ayayba ahaayeen, mushrikiintuna labo boqol oo fardooley ah. Muslimiintii ayaa mushrikiintii weerar ku qaaday, dagaal adag ayaana halkaa ku dhex maray illaa ay curcurradii daaleen. Saxrabawi Cismaan ayaa badriiqii weerar ku qaaday. Warankiisii ayuu laabta kaga tummaatiyay oo uu ka bixiyay dhabarkiisa isaga oo hillaacaya. Warankii baa badriiqii ku dhex jabay, isna samaydii waranka ayuu la dhacayay illaa ay dhammaanaysay. Intaa kadib, way is qabsadeen iyaga oo fardahoogii fuushan. Way legdameen, dabadeedna Saxrabawi Cismaan ayaa gacanta ku qabtay oo kasoo rujiyay koorihii faraska oo dhulka ku masaxay. Isla saacaddii bay naftii ka haadday, Ilaahayna ruuxiisii naarta ayuu u dedejiyay – meel lagu negaadana halkaasaa ugu xun e.

Kolkaas ayay mushrikiintii jabeen, rag badan baana laga laayay. Faraskii Saxrabawi Cismaan ayaa la dilay oo uu leeb ku dhacay, isla markiina nafta ayaa ka baxday. Dib ayay u noqdeen oo dhulkii Aram ayay degeen iyaga oo aan qofna laga dilin. Maalintii danbe ka dib ayuu Amiir Diin socday

isaga oo boojimadii u wada Wasiir Cadli oo ay labaatan fardooley ahina weheliyaan. Amiirkoogii Saxrabawi Cismaan isagu jid kale ayuu maray.

Meel la yidhaahdo Jeena ayuu soo gaadhay, xoolo ayuu soo boojiyay dabadeedna togga Hawaas ayuu gaadhay. Biyihii buu ka tallaabay oo uu girgirkooga joogsaday illaa ay xoolihii ay soo boojiyeen tallaabinayeen.

Iyaga oo halkaa jooga ayuu ku soo baxay nin Reer Maayo ahaa oo ku dhex jiray geedo halkaas ahaa. Qaansadiisii buu giijistay, leebkiina wuu dul dhigtay oo Saxrabwi Cismaan buu ku soo ganay wuuna ku dhacay, halkaas ayuuna ku shihiiday – Alle ha u naxariistee -. Saxrabawi Nasruwi ayaa aasay, dabadeedna wixii ay boojimo wateen oo dhan ayay ka carareen kolkii ay arkeen inaa la dilay amiirkoogii Saxrabawi Cismaan, Wasiir Cadli ayayna soo gaadheen. Amiir Diin boojimadii uu waday, Wasiir Cadli ayuu soo gaadhsiiyay isaga oo kolkaa Majuu joogay. Intaa dabadeed, Wasiir Cadli iyo askartiisii way socdeen iyaga oo u jeeda Dawaaro oo wata sahaydoodii, dumarkoogii, caruurtoodii iyo teendhooyinkoogii. Meel u dhow webiga Hawaas ayay yimaaddeen, kolkaas ayay tashadeen. Badhkood baa ku taliyay: “Waar jidkan aan soconnaa wuu biyo yar yahay, inuu dadka harraad laayo ayaanan ka baqaynnaa”

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: waxa uu (Wasiir Cadli) ururshay boojimo fara badan, dumar badanna way soo qabsadeen iyo wiilal iyo gabdho addoomo ah. Sidaa daraadeed ayay harraadka uga baqayeen. Wasiir Cadli ayaa yidhi: “Fatagaar ayaan ku noqonaynnaa iyada ayaa biyo badane.”

Dhankii Fatagaar ayay u kaceen oo way soo gaadheen. Meeshii ay joogeen oo la yidhaahdo Majuu ayay ku dhinteen Garaad Kaamil Xoomal, Caluush oo ahaa geesigii Seyma una dhigmayay boqol nin iyo Goyta Daakhil, raggaas oo gebigoogu ahaa geesiyaal – Allaha Weyni ha u naxariistee. Intaa dabadeed, war baa u yimid Wasiir Cadli odhanaya: “Imaamkii iyo Boqorkii dagaal bay ku kulmeen, muslimiintiina waa la jebiyay, halkaasaa koogii ugu danbeeyayna lagu dilay.”

Been aan sal iyo raad toona lahayn ayuu warkaasi ahaa, wax bana kama jirin. Kolkii ay warkaas Wasiir Cadli iyo muslimiintii maqleen aad bay u murugoodeen. Dadkii Diinta u soo galay cabsida ee is lahaa yaan la idin laynin ayaa iyaguna warkaa ku farxay. Waxa uu ahaa war been ah oo ay iyagu warxumo tashiileen. Kolkii uu Wasiir Cadli Weyddiiyay halka ay ka keeneen ayay yidhaahdeen: “Nasaarada ayaan ka maqallay in ay gaaladii laayeen ciidankii muslimiinta. Imaamkii isagu wuu badbaaday oo ciidan yar ayuu la cararay.”

Kolka ay isaga ka baxaan waxa ay dadka kale u sheegayeen: “Imaamkiina wuu dhintay oo qofna ma hadhin.”

Ragga sidaa lahaa waxa ay ahaayeen kuwii u muslimay inaan la idin dilin darteed, laakiin kuwii iyagu u islaamay raalli ahaansho iyo jacayl, warkaa aad bay uga murugoodeen. Ciidanka Wasiir Cadli la socday intiisa badan waxa ay ahaayeen kuwo Diinta dhowaan soo galay.

Muslimiintii, iyagu kolkii hore duullimaadka u soo baxay, wax yar baa ka sii joogay. Kolkaas ayuu Wasiir Cadli taliyayaashii iskugu yeedhay oo ay ka mid ahaayeen: Amiir Xuseen, Garaad Fanjanaat, Amiir Diin, Garaad Axmad Laad Cismaan iyo Amiir Shamcoon. Waxa uu isku keenay ciidammadii oo dhan, qabaa’ilkii Soomaalida iyo kuwo kale ba. Wasiir Cadli ayaa intaa dabadeed yidhi: “Haddii uu Imaamkii dhintay, waxa uu ahaa nin innaga mid ah. Innagu waxa keli ah ee aan dhulkeennii uga soo baxnay waa jihaadka.”

Waxa kale oo uu yidhi: “Cid kaste oo nala socota oo mushrikiinta u basaasaysa amma munaafaq ahi, ha hadasho ama Bogorka ha u tegto. Waxa aan annagu dhulkiisii hadda u haysannaa waa ujeeddo jihaad. Halkan ka tegi maynno illaa uu Imaamku imanayo. Haddii ay wax ku dheceenna waa nin naga mid ah uun, dagaalkana annaga ayaa ku filan. Meelihiinnii haddaba ku noqda.”

Amiir Xuseen ayuu haddana ku yidhi: “Iminka ma haynno wax ku saabsan meesha uu Imaamkii joogo. Sidaa aawadeed, adigu hadda dhaqaaq oo u kac dhankaa iyo dhulka Wayso Waraaba oo war Imaamkii nooga keen.”

“Marxabba iyo guddoon,” ayuu yidhi.

Wuu socday isaga oo wata konton fardooley ah wuxuuna gaadhay Wayso Waraaba. Labo beeroley ah oo dadkii deegaanka ah ayay soo qabteen. Nin Nasaarada ah oo yahaabur140 ah ayay isna soo qabteen Wasiir Cadli bayna u keeneen si uu u waraysto. Kolkay soo gaadheen Wasiir Cadli ayay labadii nin soo hor joojiyeen. Wasiir Cadli ayaa ka waraystay Imaamkii iyo dhulka uu joogo iyo Boqorkii Xabashidu waxa uu ku sugan yahay. Waxa ay yidhaahdeen: “Imaamkii, isagu jidkii Waasil ayuu qaaday, halkaas oo uu Badriiq Degalhaan kula kulmay. Dhankii Boqorka ayay isaga iyo askartiisuba u sii gudbeen. Boqorka iyo ciidankiisu wax war ah kama aanay hayn illaa ay weerarayeen oo ay hor jabayeen, tiro badan baana mushrikiinta laga laayay.”

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Muslimiintii iyo Wasiir Cadliba jabkii Boqorka ayay ku farxeen. Waxa uu ku yidhi: “In aan tego Debra Burhaan ayaan doonayaa oo aan warka dhabta ah ee Imaamka ka keeno. Idinku xarunta fadhiista oo innoo ilaaliya dumarka, caruurta iyo saamaanka.”

Amiir Xuseen iyo Garaad Fanjaanat oo ahaa labadii kolkii hore iyagu socday ayuu sidaa ku lahaa.

“Waa yahay aqballay oo yeellay,” ayay yidhaahdeen.

Isaga oo wata boqol iyo konton fardooley ah ayuu Wasiir Cadli socday, kolkaas ayuu Garaad Shamcoon ku yidhi: “Soco adigu oo qaad jidka hoose, Debra Burhaan baana innoo ballan ah.”

“Waa yahay,” ayuu isna yidhi.

Garaad Shamcoon wuu socday, waxaana Debra Burhaan uga harreeyay Wasiir Cadli, colse halkaa kulama kulmin. In uu halkaa col joogo ayuu hore usii maqalsanaa. Garaad Shamcoon ayaa dib u dhacay. Kolkaas ayuu Muslimiintii amar ku siiyay inay dhulkii weerar ku ekeeyaan oo ay soo gebagebeeyaan. Way weerareen waxayna la kulmeen badriiq la yidhaahdo Abraaham oo Baali ka hoos shaqaynayay badriiq Degalhaan oo la joogay Boqorka. Kolkii uu Imaamku weeraray ayay kala jabeen. Inuu Baali u baxsado ayuu doonayay, laakiin Muslimiintii ayaa gaadhay wuuna baxsaday.

Addoommo dhawr ah ayay ka soo qabteen oo ay Wasiir Cadli hortiisa soo tugeen. Imaamkii iyo ciidammadii muslimiinta ayuu ka waraystay.

Waxa ay ku yidhaahdeen: “Imaamku Boqorkii wuu jebiyay, dad aad u fara badanna wuu ka diley.

Fardo fara badan ayay ka boojiyeen, muslimiintii se qof keli ahi kama dhiman.”

Boqorka laga guulaystay ayay muslimiintii ku farxeen meeshoodii bayna u hoydeen. Intaa ka hor ayuu Boqorku farriin u diray badriiqyadii Dawaaro si ay badriiqii Baali ugu tegaan oo inta ay isku yimaaddaan ay Wasiir Cadli kolkaa u weeraraan.

“Haddii aad sidaa yeeli waydaan waan idin wada laynayaa,” ayuu u diray.

Fadhiisankiisii dhulka Fatagaar ayuu Wasiir Cadli dib ugu soo noqday wayna soo gaadheen. Amiirradii iyo muslimiintii ayuu u sheegay sida uu Imaamkii yeelay, muslimiintuna warkaa way ku farxeen.

Jabkii Ciidankii Giyoorgis ee Debra Burhaan

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Garaad Shamcoon isaga oo haya jidkiisii ayuu gaadhay Debra Burhaan, Cadli saaxiibbadii se, ma aanay helin wax aan ahayn badriiqii Giyoorgis oo ciidammo badan haystay. ‘Giyoorgis’ Ciidammadiisii ayuu isku dubbariday oo uu safsaf u joojiyay, muslimiintiina sidoo kale ayay isku habeeyeen.

Garaad Shamcoon iyo saaxiibbadii ayaa weerarka ku horreeyay. Dagaal adag baa dhex maray, mushrikiintii baana jabtay oo halkaa lagaga dilay dhawr kun, muslimiinta se naafaq kama dhiman. Waxa ay dib ugu soo noqdeen Wasiir Cadli oo joogay Fatagaar. Iyaga oo sidaa u fadhiya, ayuu soo gaadhay ergay ka yimid Garaad Cismaan Del Segad iyo Awraci Qaadi Cumar oo ahaa labadii nin ee uu Imaamku u soo diray Wasiir Cadli iyo saaxiibbadii si ay ugu bishaareeyaan guusha iyo libinta Boqorkii laga gaadhay. Labadii nin ayaa soo gaadhay Jaan Salaq halkaasayna degeen, waayo maalintaa socodkii bay kari waayeen. Jidkii oo ay si aad ah u soo socdeen ayay ku soo daaleen. Markaas ayay Wasiir Cadli u soo direen addin iyaga oo ku leh: “Berri ayaannu ku soo gaadhaynnaa, waayo annaga iyo baqlahayagiiba waan daallay.”

Kolkii uu dhanbaalwadihii u warramay inay dariiqii ku hadheen oo ay cid kale soo direen ayay muslimiintii ka xumaadeen, waayo warkii hore ee xumaa ayaa maskaxdooda ka dhex guuxayay. Waxa ay is yidhaahdeen: “Haddii uu Imaamkii bishaaro u soo dhiibay dhakhso ayay innoogu iman lahaayeen, cid aan iyaga ahaynna ma ay soo direen oo dhanbaalwade kale innoo ma soo farriimeeyeen. Malaha war kale ayay hayaan!”

Muslimiintii ayaa habeenkaa beryay iyaga oo walaacsan. Isla saacaddii ba Wasiir Cadli baa Garaad Cismaan u diray farriin kale oo uu ku leeyahay: “Imaamkii baa noo kiin soo diray idinkuna dariiqa ayaad iska fadhiisanaysaan oo addin kale ayaad noo soo dirteen? Haddii aad war fiican haysaan halkaa ma aad fadhiisateen cid kalena noo ma aydaan soo dirteen!”

Addinkii baa gaadhay habeenkii bayna soo guureen. Milayga uu gaadhay ayaa ahaa inta aanu waagu dillaacin, iyaguna Wasiir Cadli bay soo gaadheen milaygii barqada wayna u bishaareeyeen, iyaga oo ku leh: “Imaamkii wuu qabsaday boqortooyadii Xabashida wuuna jebiyay Boqorkii iyo badriiqyadiisii ba. Boqorkii dirqi buu kula baxsaday lafihiisii. Muslimiintii waxa ay hantiyeen naagahoogii, xoolohoogii oo dahab iyo lacag ah iyo xariir badan oo aan tiro lagu koobin Karin.”

Waxa kale oo uu Imaamku idin yidhi: “Debra Burhaan baa innoo ballan ah annaga iyo idinka.”

Markaas ayay muslimiintii farxeen oo ay caroogyadii iyo durbaannadoodiiba kaga yeedhiyeen. Ciidanka Wasiir Cadli badh baa doonayay inay dhulkoogii ku laabtaan. Maqalkii ay maqleen in uu Imaamkii guul soo hooyay ayay farxeen iyaga oo leh: “Berru Sacdud-Diin u daadegi maynno illaa aan Imaamkii aragno oo aan la kulanno.”

Ciidammadii oo dhan ayaa socod isku habeeyay. Dadkii deegaanka ee Islaanka soo galay ayaa u yimid Wasiir Cadli iyaga oo leh: “Waar ma dhankaa iyo Imaamka ayaad nooga kacaysaan, oo dhulkayaga ayaad bannaynaysaan?”

“Ha biqina,” ayuu ku yidhi, “Dhankaa iyo Debra Burhaan ayaan u kacaynnaa si aan Imaamkii ula kulanno dabadeedna waan idiin soo noqonaynnaa. Ha biqina hana murugoonnina.”

Kolkii ay magleen hadalkii Wasiir Cadli ayay farxeen oo ay nafahoogii xasileen. Intaa dabadeed, geeddi buu lallabay iyaga oo u dhaqaaqay dhankii Debra Burhaan. Dhulka Waj ayay soo gaadheen, waxayna la kulmeen Absame Nuur iyo Garaad Canaaniye oo uu Imaamku horey ugu soo dhiibay Wasiir Cadli lebbis. Lebbiskii bay siiyeen, Wasiir Cadlina Absame Nuur buu siiyay shaadh dahab lagu dheehay iyo weliba – bishaarada awgeed – faras, halka uu Garaad Canaaniye isna ka siiyay lebbis. Wasiir Cadli Imaamkii buu u diray addin uu raaciyay labaatan fardooley ah oo siday dhanbaal qoran oo uu ku leeyahay: “Ciidammadii muslimiintu farxad iyo khayr bay ku sugan yihiin, warkiinnii soo gaadhay bayna ku farxeen.”

Ergaygii wuu socday, Wasiir Cadlina wuu ka daba tegay illaa uu gaadhayay Debra Burhaan. Halkaa ayuu degay isaga oo sugaya Imaamkii.

Kulankii Imaamka iyo Wasiir Cadli

Weriyihii – Alleha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Imaamkii ergaygii Wasiir Cadli baa gaadhay isaga oo ku sugnaa dhulka Mansi. Waxa uu uga warramay xaalkii muslimiintu halka uu marayay, Imaamkuna wuu ku farxay imaatinkooga iyo nabad qabkooga ay Debra Burhaan ku soo gaadheen. Intaa dabadeed, Imaamkii baa amar ku bixiyay in la guuro.

Waa la socday waxaana la galay dhulka Taqulat wuxuuna Imaamku beryay degmada Quddus Jay oo magaalo barwaaqo ah. Intaa dabadeed ayuu ka dhaqaaqay Quddus Jay dhulka la yidhaahdo Daarima ayuuna gaadhay. Waa dhul aad u qabaw oo gabadanadiisa lagu le’do. Halkaas ayuu ka sii socday illaa uu Debra Burhaan u gaadhay in adhi soofkii ah.

Ergay buu habeennimadii u diray Wasiir Cadli uu ku leeyahay: “Meel idin ku dhow ayaan soo gaadhnay.”

Wasiir Cadli ayaa isna farriin u diray Imaamkii uu ku leeyahay: “Ma waxaad nagu amraysaa inaannu kula kulanno annaga oo dagaal u daddaabbo xidhan oo safnay askarta qabaa’ilka, fardaha iyo lugtaba, idinkuna sidoo kale ad yeeshaan, waayo dhul gaalaad baan ku sugannahay basaasiintoodiina way inna la joogaan.”

Ergaygii Wasiir Cadli baa soo gaadhay Imaamkii, hadalkiisiina wuu u bogay taladiisiina way yaab gelisay. Kolkaa ayuu amar ku siiyay inuu sidaa yeelo. Imaamkii meel u dhow buu degay halkaas ayuuna fadhiisin ka dhigtay. Saaxiibbadii buu ku yidhi ‘Imaamku’: “Hadda Wasiir Cadli baa innoo imanaya oo innala kulmaya. Nin kaste oo saldhigga joogaaba waa inuu is habeeyaa. Fardihiinna heensaha iyo qalabka u dhammeeya. Quruxdiinna dibadda soo dhiga oo si weyn u muujiya.”

Imaamkii baa soo saaray khasnadihii uu gaalada ka soo boojiyay, oo ahaa diricyo dahab ah, jareyaal, taajaj dahab ah iyo weliba shaadhadh dahab lagu xiddeeyay oo ay shaadh walba ku xardhanayd boqol wiqiyadood oo dahab ah. Adeegayashiisii buu ugu lebbisay, kolkaas ayay u ekaadeen dhinbiilo widhwidhaya. Askartii Badda ayaa isa safay fardaha hortoodii iyaga oo uu hor socdo Amiirkoogii Shamooso. Wasiir Cadli baa isna la yimid ciidammadiisii oo wata konton calan. Garaaddo iyo amiirro isaga la socday ayaa calan walba hor kacayay. Safafkii buu Cadli ka dhigay saddex midkoodna arkayn darifkiisa kale badi awgeed. Fardaha Wasiir Cadli, maalintaa, waxa ay ahaayeen saddex kun oo shaaximan iyo saddex kun oo kale oo aan shaaximnayn. Ragga gaashaan-caddayaasha ahi labaatan kun bay ahaayeen fallaadhleyduna sidoo kale. Imaamka fardihiisu waxa ay aahaayeen shan kun oo faras oo lagu shaaximay hargo yaxaas iyo qaddiifado dahab lagu xiddeeyay. Ragga indhaha godkooga uun baa muuqday diricyada ay xidhnaayeen iyo koofiyado bir ah oo aad mooddo muraayado awgood. Cadli saaxiibbadii safka hore ayay isa safeen, waxay na u badnaayeen Soomaali ay la socdeen hoggaamiyeyaashoodii iyo geesiyadoodii. Imaamkii bay la kulmeen wayna salaameen, intaa dabadeed na dhinicii saldhigga ayay u weecdeen. Safkii labaad oo ah Reer Fatagaar, Reer Maayo, Reer Shawa iyo kuwii dhowaan diinta soo galay ayaa yimid oo ku xigay. Imaamkii bay soo hor joogsadeen oo way salaameen. Iyagu na dhinicii safkii hore maray ayay u baydheen. Safkii saddexaad oo ay ku jireen Wasiir Cadli iyo Amiirradii oo ay ka mid ahaayeen: Amiir Xuseen, Amiir Shamcoon, Awraci Nuur iyo Amiir Diin ayaa isna isa soo taagay.

Waxa ay ahaayeen Konton amiir oo ah kuwii calamada siday watayna tirooyin ciidan oo aan la koobi karayn oo aad u qalabaysan. Guutoba guuto ayuu daba dhigay tiradooda badan awgeed. Haddii ay mar keli ah gala is odhan lahaayeen meeshuba ma qaaddeen. Imaamkii bay isa soo hor taageen wayna salaameen, kolkaas ayay fadhiisteen oo la is waraystay.

Imaamkii baa farxay, farxad aawadeed baanu la ilmeeyay. Toddoba bilood baa ka soo wareegtay maalinkii uu Imaamku ka tegay illaa maalinkan ay is hor joogeen. Dharaartii uu ka tegay Dil-xija ayay ahayd, maalintii uu dib u la kulmayna waxa ay ahayd bishii Jamaadul-aakir sannadkii sagaal boqol siddeed iyo soddon (938) ee hijrada Nebiga – Naxariis iyo nabadgelyo ha u sugnaadeene -. Imaamkii baa soo saaray xoolo wixii uu hayay ee ahaa dahab, lacag iyo xariir ba. Ciidammadii muslimiinta ee la socday Wasiir Cadli ayuu u qaybiyay. Imaamku kontonkii nin ee amiirrada ahaa ee Wasiir Cadli la socday ayuu siiyay xeedho dahab ka samaysan, kuwii hadhayna saamiyadoodii oo dahab, lacag iyo xariir ah ayuu siiyay.

Dahab fara badan bay haysteen, waagaana dahab uun bay wax ku kala gadanayeen. Haddii uu midkood doono inuu wax soo gato, cantoobo dahab ah ayuu qaadi jiray oo uu suuqa la tegi jiray kuna soo gadan jiray. Miisaankii way iska daayeen. Baqasha qiimeheegii baa gaadhay afartan wiqiyadood oo dahab ah badidiisa awgeed.

Weriyihii – Alleha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: haddii uu kuu iman lahaa saaxiibkaagii aad jeclayd, oo uu kaa codsado qayb xoolihii aad soo boojisay ka mid ah, adiguna aad ka mid ahayd madaxda oo aad siiso alaab lacag ah kaama yeeleen, xataa boqol wiqiyadood ha ahaato ama labo boqol ba. Ragga qaarkii baa saaxiibbadood siiyay konton wiqiyadood, wuu se ku diiday waayo wuu saluugay waxa uu u soo fidiyay. Xoolahaas oo dhan baa ahaa xoolihii laga soo boojiyay Beyt Amxara. Xabasha gebigeed kama aanay helin, weligood dahab iyo lacag ka badan tii Beyt Amxara ay kasoo boojiyeen.

Hoggaamiyihii Shamsu oo Jebiyay Murtadkii Siimu

Waxa uu yidhi ‘weriyihii’: isaga oo Imaamku jooga Debra Burhaan, ayuu u yimid nin uu soo diray Awraci Aboon oo ku yidhi: “Khaadimkaagii Simu ee aad guddoomiyaha uga dhigtay dhinaca Aboona wuu riddoobay oo Diintii wuu ka noqday. Hadda ayaan u baxayaa inaan la soo dagaallamo. Dabada ayuu geshay buur, isaga oo wata ciidammadii Aboona oo wada nasaaro ah, jid aan u marona ma hayo. Haddaba, waxa aan kaa codsanayaa in aad dhanka Debra Burhaan ciidan iiga soo dirto si ay dusha ugaga yimaaddaan.”

Ergaygii baa soo gaadhay, warkii uu hayayna wuu u keenay. Imaamku markii uu dhegeystay, ayuu u diray horjoogihii Askartii Badda ee Shamsu oo ciidankiisii wata. Waxa ay ku dhaqaaqeen Siimugii murtadka ahaa iyaga oo u sii maraya jidka Debra Burhaan, dusha ayayna kaga soo degeen.

Kolkii uu arkay ayuu jabay, teendhooyinkoogii iyo weliba fardahoogiina halkoogii bay kaga dhaqaaqeen. Buurtii bay ka soo degeen iyaga oo u baxsaday meel kale. Shamsu baa soo ururiyay fardahoogii, baqlahoogii, sahay iyo qalab (raxan) wixii ay siteen. Halkaas ayay degeen, Imaamkiina ergay buu u diray, isaga oo ku leh: “Ninkii Siimu, isagu cagaha ayuu wax ka dayay. Fardahoogii, baqlahoogii, sahay iyo qalab wixii ay siteen, gebiba gacanta ayaan kaga dhignay.”

Ergaygii baa Imaamkii u yimid una u sheegay sidii xaal ahaa. (Imaamkii) baa weyddiiyay: “Dhankee buu u orday?”

Wuxuu yidhi: “Dariiqa Kusum, wuxuuna u sii jeedaa dhulka Shawa.”

Imaamii baa Wasiir Cadli ku yidhi: “Adigu xarunta innoo sii fadhi, aniguna aan u dhaqaaqo dhankaa iyo Kusum.”

Imaamkii baa u dhaqaaqay dhankii dhulka Kusum, meesha uu Murtadkii joogana ma ogeyn, Murtadkuna Imaamka kama war qabin. Imaamku si xawli ah ayuu u socday, Murtadkiina milay casar ah ayuu la kulmay.

Isla markii ba, Imaamku fardaha ayuu dhan walba ka mariyay, waxayna u galeen isaga oo aan war iyo wacaal toona hayn. Ciidankiisii oo dhan way laayeen oo dhegta ayay dhiigga u dareen, murtadkii Siimu se keligii buu ka baxsaday. Hase yeeshee, Fardihiisii oo shan ahaa iyo islaantiisiiba waa la soo boojiyay. Fardooleydii muslimiintu milaygii maqribka ayay Imaamkii ku soo noqdeen iyaga oo wata maxaabiistii, boojimadii, baqlihii iyo haweenkii. Imaamku amar buu ku baxshay in qoorta laga guro kuwii lasoo qabtay. Imaamka iyo ciidankiisii habeenkaa Kusum dusheeda ayay baryeen. Dadkii Agawga ahaa ee Quut degganaa ee muslimay ayaa Imaamka u yimid oo ku yidhi: “Annagu Diinta Islaamka ayaan haysannaa. Dhulkana waan ilaalinaynnay. Haddii uu mid nasaaro ahi noo yimaaddana kaw baan kaga siinaynay illaa adigu aad noo timid.”

Imaamkii taas ayuu ku farxay madaxdoodiina lebbis ayuu huwiyay. Dhulka Quut waxa guddoomiye ka ahaa Khaalid Waraadi oo uu Imaamku u dhiibay, waayo dadkaasi gacantiisa ayay ku islaameen. Kolkii uu Daacuunku dilay Bishaaro ayuu ugu beddelay. (Quut) Waa magaalo aad u qurux badan oo ay Xabashidu u taqaanno Goojaamtii yarayd xoolo badi awgeed. Bishaaro ayaa u raacay askartii Agawga dhulkoogii, halkaasuuna degey.

Imaamkii isagu dhankii Debra Burhaan oo uu saldhiggu ahaa ayuu u noqday, ayaamuuna halkaa fadhiyay. Shamsu ayuu farriin u diray isaga oo ugu bishaaraynaya guusha laga guulaystay Siimu oo ku leh: “Waan laynnay askartiisii! adna Shagara uun baad iska joogtaa oo aad ciyaaraysaa. Kaalay waryaa, fadhiga aad halkaa dagaal laʼaan fadhidaa waxba ma soo kordhinayo e.”

Kolkii uu Shamsu maqlay farriintii Imaamka ayuu baqay oo uu u yimid isna wuu canaantay. Intaa ka dib, Imaamkii baa u diray dhulka Shagara Absame Nuur iyo Amiir Shamcoon oo watay shan kun oo lug ah. Dhammaantoodba lug bay ku socdeen marka laga reebo Amiir Shamcoon iyo Absame Nuur. Sababta oo ahayd, dhulkan oo dagaal lug ah mooyaane ku fardood aan ku habboonayn. Waxa uu ku yidhi: “Dhulkii Shagara ayaan idiin dhiibay. Haddii aad ii keeni waydaan kii dilay Kabiir Maxamad madixiisa idin ku tirin maayo geesiyada.”

Imaamkii bay ku yidhaahdeen: “Alle noo bari inaan gacanta ku dhigno.”

Imaamkii wuu u duceeyay, wuuna sii sabootiyay. Way socdeen illaa ay galayeen arligii Shagara. Intaa ka dib, Imaamku Bishaaro ayuu ku yidhi: “Adiga ayaa ka baaqsaday in aad la dagaallanto ninkii Kabiir Maxamad dilay. Hadda waan kaa qaaday dhulkii aad ka talinaysay, Garaad Shamcoon iyo Absame Nuur baanan u dhiibay. Adigu qaad dariiqaagii mid aan ahayn oo joogso afaaf ka mid ah afaafyada magaalada. Haddii uu kuu yimaaddo badriiqii dilay Kabir Maxamad oo la yidhaahdo Tekle Giyoorgis dagaal ku qaad, Ilaahayna guusha wuu kaa siin doonaaye.”

Badriiq Giyoorgis oo Lagu Dilay Dhulka Shagara

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Tekle Giyoorgis waxa uu ahaa farasfuule geesiyadii mushrikiinta ka mid ahaa oo marka uu soo dego la dagaallama toban nin oo u soo baxday. Shagara ayuu tegay, afaaf afaafyadeeda ka mid ahna wuu fadhiistay. Garaad Shamcoon iyo Absame Nuur, waxa ay gaadheen halkii uu joogay oo ahayd buurta dusheeda. Halkaas ayay kula dagaallameen, badriiqiina wuu jabay. Isaga oo aan ka war qabin ayuu u cararay dhankii uu fadhiyay Shamsu oo halkaa uga soo horreeyay. Way qabteen oo way dileen iyaga oo madaxa ka jaray.

Intaa ka dib, madixiisii ayuu Shamsu u diray Imaamkii oo markii loo geeyay madixii aad u farxay sujuudna dhacay isaga oo Ilaahay u mahad naqaya. Ninkii u keenay madaxa badriiqa ayuu siiyay duub dahab ka samaysan oo uu gacanta gashado, lebbisna wuu huwiyay. Awraci Aboon, isagu dhanbaal buu u qoray Imaamka, uu ku leeyahay: “Ciidan ma haysanno aan ahayn dadkan Reer Awfaat oo iyaguna Islaannimada ku cusub. Sidaa aawadeed, in aad dhankaaga askar nooga soo dirto ayaan kaa codsanaynnaa.”

Ninkii la soo diray ayaa dhanbaalkii keenay. Intaa ka dib, Imaamkii baa u yeedhay Wasiir Cabbaas, oo aan kolkaa wasiir ahayn, amar buuna ku siiyay in uu u tago Awraci Aboon konton fardoolay ahna qaato. Waxa raggaa ka mid ahaa: Sabrud-Diin oo aahaa geesigii muslimiinta, Cali Goyta Caddaroox, Farshaxan Maxamad iyo kuwo kale oo la mid ahaa. Intaa dabadeed na, Imaamku Cabbaas ayuu ku yidhi: “Jihaad ka la gala Awraci Aboon, col garab siiya ayuu innaga codasaday e.”

Cabbaas si degdeg ah ayuu u dhaqaaqay isaga oo u daaddegay dhulka Awfaat. Waxa uu Awraci Aboon kula kulmay magaalo ku taalla dhulka Awfaat oo la yidhaahdo Duubiya oo ay wada degeen.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Cabbaas oo labo cisho sii maqan, ayay (Imaamka) u yimaaddeen Reer Maayo oo la socda Sari Fiqi iyo Nuur Al-Ashram (Dakharre) oo iyaga qudhoodu Reer Maayo ahaa, kuna yidhaahdeen: “Dhulkayagii baa la kharaabiyay, dushayadana Reer Waj iyo Reer Ganas baa jooga, kuwaas oo nagu soo daaddega oo hadh iyo habeen bana dhaca.”

Waxa uu ku yidhi: “Hadda maxaad rabtaan?”

Waxa ay yidhaahdeen: “Inaad ciidamadaada oo uu hor socdo amiir ka mid ah amiirradaadu, na siiso oo uu hore noo raaco ayaan rabnaa. Adiguna inaad nagaga daba timaaddo Fatagaar halkaana degto ayaan kaa doonaynnaa.”

Markaa ayuu u diray Garaad Cismaan oo guddoomiye u ahaa Jaan Salaq watayna boqol fardooley ah oo ay ka mid ahaayeen Awraci Qaadi Cumar iyo Gaas Cali. Imaamkii baa ku yidhi: “Jaan Salaq u daadeg oo dhulka ilaali, dhankaagana muslimiinta wax dhibaato ahi yaanay uga iman, Reer Saraayna ilaali.”

Garaad Cismaan wuu dhaqaaqay, halkiina wuu gaadhay isaga oo dul degay suuqii Amaaja.

Goobtii Kasaaya

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Kolkii uu Imaamku u noqday dhankaa iyo Debra Burhaan ayuu Boqorkii Xabashida ee Wanaag Segad u kacay dhankii dhulka Xifin tegayna degmada Baxar Deb oo ah bad biyo macaan. Badriiqii Ras Biniyaat oo Boqorka agtiisa ku weynaa oo ahaa ka ugu geesisnimo badnaa ee ay nasaarada oo dhami weynayso, watayna askar badan ayuu amar siiyay, kuna yidhi: “Muslimiintii Debra Burhaan ayay u baxeen oo ay degeen, Awraci Aboon se Awfaat ayuu (Imaamkii) kaga tegay. Adigu, haddaba dhankiisa u kac oo soo qabo isaga iyo askartiisaba oo gacanta ku soo dhig.”

War kama hayn in uu Imaamku Awraci u diray col xoog leh oo gurmad ah oo uu Wasiir Cabbaas wato. Badriiqii wuu socday isaga oo uu weheliyo Badriiqii Fiqre Iyaasus iyo labadoodii ciidan. Waxa ay soo gaadheen dhulkii Kasaaya oo ay Muslimiintu degganaayeen. Badriiqii ayaa yimid isaga oo doonaya inuu qaqabto sidii uu Boqorku ku amray. Safafkoogii ayay simeen muslimiintii markii ay arkeen. Sidoo kale ayay gaaladiina ciidamadoodii hortooda ku safeen. Badriiqu ciidankiisii ayuu dhankii muslimiinta ula soo gurguurtay. Sabrud-Diin ayaa kolkiiba weerar ku ekeeyay, muslimiintiina way ka daba weerartameen. Labadii ciidan ayaa isku dhex mulaaqmay, halkaas ayaana la isku haleelay. Garaad Cabbaas ayaa Badriiqii Ras Biniyaat weerar ku qaaday. Seeftiisii ayuu koofiyaddii birta ahayd dusha kaga dhuftay.

Saddex dalooloow dalool koofiyaddiisii iyo dhegtii faraskiisa ayuu is raaciyay. Badriiqii baa jabay, dhammaantoodna way ka wada daba jabeen, Muslimiintuna gadiidkii illaa gabbal-dhicii ayay xugayeen. Si xun bay u laayeen iyaga oo soo qaatay fardahoogii iyo baqlahoogii, meelahoogii bay na ku soo noqdeen. Nin Imaamka ugu bishaareeya guusha ay ka gaadheen badriiqii iyo ciidammadiisii ayay soo direen. Wuu socday addinkii wuxuuna gaadhay Imaamkii oo joogay Debra Burhaan, isna aad buu ugu farxay.

Intaa ka dib, Imaamka ayaa la tashaday amiirradii oo ku yidhi: “Bal ka warrama haddaynnu dhulka Dawaaro ciidammo u dirro annagu na halkan Debra Burhaan fadhino?”

Farshan Diin ayaa yidhi: “Arrintu sidaa noqon mayso, oo waa hubaal inaanay dadku weli islaamin kaga qabo Hawaas illaa togga Webi. Dhulka Baali, Jenas iyo Waj ayaa iyaguna sidaas oo kale ah. Hase yeeshee, aniga taladaydu waa inaad adigu socoto oo aan degno Jabarji ama Saqaala, sidaas ayuu dhulku u noqon mid kuu dhow. Ciidamada ayaad u kala diri doontaa dhan walba.”

Imaamkii baa yidhi: “Hadalkaagu wuu quman yahay. Hase yeeshee, maxaan ka yeellaa dhulkan islaamay sida Awfaat, Jidim iyo Shagara. Haddii aan ka tegno ciidan la’aan, dadkeegu miyaanay Diinta ka riddoobayn?”

Imaamkii buu ku yidhi: “Haddii aad sidaa leedahay, dhulkan muslimay dadka joogaa, islaannimadoodu waa xuub caaro! Haddii se aad dhankaa iyo Dawaaro u kacdo oo aad maalin keliya joogto, waxa kuu iman kun farasley ah oo kaaga iman Baali iyo Hadiya. Dhulkan aan joogno se dani fadhigiisa innoogu ma jirto.”

Imaamkii baa yidhi: “Waa runtaa. farriin baynnu u diri Awraci Aboon iyo Cabaas si ay innoogu yimaaddaan. afar boqol oo fardooley ah ayaynnu ku xoojin doonnaa, dhulkan islaamay ayayna joogi doonaan. Haddii ay ciidammadii Boqorka ama isagiiba u yimaaddona way la dagaallami doonaan.”

Isla saacaddii buu waraaq u qoray uu ku leeyahay: “Degdeg noo soo gaadha.”

Addinkii baa socday illaa uu gaadhayay, waraaqdii loo soo qoray buuna siiyay. Kolkiiba iyaguna way dhaqaaqeen, Imaamkii oo halkiisii jooga ayayna soo gaadheen. Kolkaas ayuu Imaamkii Awraci Aboon ku yidhi:

“Annagu Dawaaro ayaan tegaynnaa, Adiga iyo Cabbaasna col baan idinku xoojinaynnaa, oo Awfaat baad joogaysaan.”

Waxa uu yidhi: “Anigu Awfaat ma joogi karayo, waayo karantii baa soo galaysa kolka aad Dawaaro tagto Webiga Hawaas oo ay biyihiisu inna kala xidhi doonaanna wuu soo buuxsami, Boqorkii oo ciidammadiisii wataana wuu iman umana jilib dhigi karro.”

Imaamkii baa ku yidhi: “Taasi waa ma dhacdo. Amar baan ku siiyay e ciidankaaga kaxayso. Khayraadkeegii ay soo saartay baad cuntay, haddana inaad ka tegto oo aad ka dhaqaaqdo ayaad rabtaa!! Hadday xaggayaga noo kexee ku yidhaahdaan waa suuragal. Hadday se ku yidhaahdaan, dhulkayaga ayaan iska joogaynnaa la joog adna.”

Intaa dabadeed, Amiir Abuubakar iyo Cabbaas oo uu ku daray saddex boqol oo farasley ah ayuu ku yidhi: “Awraci Aboon Raaca. sidii aan yeela idin idhina yeela oo ahayd: hadday Reer Awfaat doonaan inay dhulkooga ku negaadaan idinkuna la jooga. Haddii kale se iyaga oo dhanba soo kaxeeya, taliyihiinnu na waa Awraci Aboon.”

Kolkii uu Imaamkii ku gol roonaaday dooddii ee uu kaga adkaystay inay Awfaat tegaan, ayay Awraci iyo ciidankiisii dhankii Awfaat u dhaqaaqeen illaa ay gaadhayeen oo ay degeen Duubiya. Waxa u yimid Reer Awfaatkii islaamay, intii Reer Duubiya ka islaantay, Reer Genda Bila iyo ganacsatadoodii. Awraci Aboon bay u soo urureen oo ay ku yidhaahdeen: “Maxaad war haysaa?”

Waxa uu ku yidhi: “Imaamkii wuxuu doonayaa inuu tago Dawaaro, idinkana waxa aan idinka doonaynnaa in aad isa soo urursataan si aan idiin geynno Dawaaro.”

Waxa ay ku yidhaahdeen: “Annagu dhulkayaga cidlayn maynno oo socon maynno. Ciidan fara badan baad haysataa, Boqorkuna waxba kaa qaadi maayo.”

Waxa uu ku yidhi: “Aniga halkan fadhi iima yaallo! Halkan fadhiisan maayo aniga oo Imaamkii u tega mooyaane.”

Waxa ay ku yidhaahdeen: “Haddii ay sidaa tahay, waannu tanaasuli dhulkayaga awgii.”

Kolkaa ayuu Awraci Aboon u soo dhaqaaqay dhankii Imaamka isaga oo wada Reer Awfaat iyo fardoolaydoodii oo konton ahaa iyo labo kun oo lug ah. Raggaa dumarkoogii iyo carruurtoodii baa la socday. Imaamkii oo geeddi ah oo u sii jeeda dhankii Dawaaro ayay u galeen. Toggii Maju ayuu degay halkaasayna ku kulmeen, dabadeedna dhankaa iyo Jabarji ayay u keceen.

Jabkii Reer Maayo iyo Bishaaro oo Shihiiday

Imaamku intaanu Awraci Aboon kula kulmin Debra Burhaan ayuu horay ugu diray Farshaxan Diin dhulka Reer Maayo si uu ula soo dagaallamo. Bishaaro, Garaad Shamcoon oo ahaa halyeygii muslimiinta iyo Garaad Cismaan Joohar oo watay labo boqol oo fardooley ah ayaa wehelinayay.

Way socdeen illaa ay galeen dhulkii Reer Maayo, iyaga oo uu gadhwadeen u ahaa Nuur Al-Ashram (Dakharre). (Reer Maayo) gabbaad bay ka dhigteen buuraha, dooxyo dhir badan iyo meelo cidhiidhi ah, muslimiintuna togga Caram oo mara badhtamaha dhulka Maayada ayay dul degeen. Ciidankii Bishaaro ayaa meelahoogii ka soo baxay oo galay kaymihii. Waxa ay halkaa iskaga hor yimaaddeen colkii Reer Maayo oo ah raggii watay fallaadhaha mariidka leh. La iskuma kaadin e, markiiba dagaal baa foodda la is daray.

Bishaaro ayaa ogaaday in ay raggiisii dagaallamayaan, isna Faraskiisii buu ku booday, xaggoogii buuna u dhaqaaqay. Farshaxan Diin buu u diray farriin uu ku leeyahay: “Waar kaynta ha ugu gelin, waa meel aan dagaal faras ku habboonayn oo lugta uun ku fiicane.”

Bishaaro oo ahaa nin geesi ah ayaa tiisii kaga adkaystay, waayo haddii uu col arko isma haysan kari jirin. Hadalkii Farsahxan Diin wuu iska dhega mariyay, isaga iyo ciidankiisiina kayntii bay galeen wayna la dagaallameen. Colkaasi waxa uu ahaa shan kun, ciidanka Bishaarona saddex boqol oo Agaw ah iyo labaatan fardooley ah. Dagaal adag oo si daran la isku galay ayaa dhex maray. Farshaxan Diin Bishaaro ayuu ugu cadhooday hadalkiisaa uu ka dhego adaygay, halkiisii buuna iska fadhiistay.

Bishaaro isagu, maalintii oo dhan buu dagaallamayay illaa casarkii laga gaadhayay. Intaa dabadeed, waxa ku dhacday fallaadh sumaysan oo ay Reer Maayo ku soo ganeen oo kaga dhacday wejiga, halkaasuuna ku shihiiday – Alle ha u naxariistee -. Kolkaas ayay saaxiibbadii jabeen iyaga oo ay Maayadiina fallaadhaha ka daba ganayaan. Farshaxan Diin baa warkii maqlay. Garaad Shamcoon iyo Garaad Cismaan baa is taagay oo yidhi: “Mar haddii la dilay Bishaaro, maxaa dee meesha inna dhigay. Adiguse halkan fadhi oo xarunta ha ka tegin, annaga ayaa dagaallami e.”

Farshaxan Diinna “waa yahay” buu yidhi. Halkaas ayuu fadhiistay isaga oo dagaal isku diyaarinaya, Garaad Shamcoon iyo saaxiibbadiina way socdeen. Bishaaro oo ay saaxiibbadii sidaan ayay la kulmeen iyaga oo ay Maayadiina ka soo daba ganayaan leebabkoogii. Koklaas ayay labadoodiiba weerar ku qaadeen oo ay badhtamaha u galeen iyaga oo laynaya. Allahayoow ma rag! Labadaa geesi; Garaad Shamcoon iyo Garaad

Cismaan! Ciidankii gaalada ayay dib u celiyeen oo cagahooga ayay wax ka dayeen bage daraaddii. dhirtii iyo dhagxaantii ay gabbadsanayeen ayay kaga daba tegeen. Nuur Al-Asharam oo ahaa nin dhoogta aad u yaqaanna ayaa ganayay gaalada. Kol kaste oo uu mid ganaba “Taasi waa aariddii Bishaaro” ayuu lahaa illaa uu ka dilayay in badan oo ay fallaadhihiisii ka madhanayeen gabooyihiisa.

Milaygii maqribka ayay mushrikiintii jabeen, raggoogii waaweynaana waxa laga dilay afartan. Bishaaro ayay awaaraha ku rogeen, intaa dabadeedna Farshaxan Diin ayay ku soo noqdeen. Koofiyaddii birta ahayd ee Garaad Shamcoon konton fallaadhood ayaa ku yaallay, Ilaaha Weyn baase badbaadiyay. Ragga badhkood baa laga helay jidhkooga shan iyo toban fallaadhood Ilaahay se badbaadiyay.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: kolkii uu waagii beryay ayay Muslimiintii is habeeyeen. Farshaxan Diin baa faraskiisii ku dhacay oo saaxiibbadii tirtirsiiyay, isago oo ciidankii lugta ahaa fardaha ka hor mariyay. Bartii lagu dilay Bishaaro ayay u dhaqaaqeen, qofna Maayadii kama aanay arag. Shaw, markii ay arkeen tirada badan ee laga laayay, ayuu nin walba qaatay dumarkiisii iyo caruurtiisii oo habeennimadii ayay u carareen dhankaa iyo Fatagaar wayna kala firdheen. Muslimiintii kolkii ay ogaadeen inay jabeen oo ay kala firdheen, ayay fardooleydoodii ku sii daayeen dhulkii Maayada, iyaga oo soo dhacaya xoolahoogii oo sidaas u soo qaqabanaya ayaamo badan illaa ay is dhiibayeen. Way wada islaameen koogii ugu weynaa oo la odhan jiray Sarji mooyaane. Ninkaas oo ku adkaystay gaalnimadiisii ayaa yidhi: “Anigu Imaamka gacantiisa mid aan ahayn ku islaami mayo.”

Intii kale, iyagu gacantii Farshaxan Diin ayay ku islaameen, Reer Saqaala iyo hoggaamiyahoogii oo Tasfaa la odhan jirayna way wada islaamaeen.

Markii hore meel god ah ayay samaysteen, dagaal bayna isku diyaariyeen, hase yeeshee markii ay hubaal noqotay inaanu godkaasi waxba ka celinayn ayay dhammaantood wada islaameen. Intaa ka dib, Farshaxan Diin baa Imaamkii addin u diray wuxuuna u dhiibay dhanbaal qoraal ah oo uu ku leeyahay: “Intaa ka dib, dadkii dhulka Maayo way wada islaameen. Sidoo kalena dadkii dhulka Saqaala, kuwii Jatu, kuwii Arkhatlu iyo kuwii Shajan dhammaantoodba way islaameen.”

Addinkii ayaa Imaamkii gaadhay isaga oo joogay suuqii Ways Jeebah dhanbaalkii buuna u dhiibay. Nuxurkii qoraalka ayuu gartay aad buu na ugu farxay dhulkaa la xoreeyay, wuxuu se ka tiiraanyooday oo uu ka murugooday dhimashadii Bishaaro, waayo aad buu u jeclaa. Cabdinaasir ayuu isna diray oo uu ku hagaajiyay dhulka Ganas oo uu isaga hortii nin kale amiir ka ahaa.

“U dhaqaaq xaggaa iyo dhulka Ganas, dadkeega la dagaallan illaa ay islaamayaan ama ay oggolaanayaan jisyada bixinteeda.”

Haddana Wasiir Mujaahid ayuu diray oo uu ku yidhi: “U dhaqaaq dhanka dhulka Waj iyo dhulka Jabarji, dadkoogana la dagaallama illaa Ilaahay innoo furayo, aniguna waan ku daba soconayaa.”

Wasiir Mujaahid wuu dhaqaaqay oo waxa uu galay dhulkii la odhan jiray Waj iyo Jabarji, hase yeeshee dadkii dhulalkaasi dagaal kalama hor iman ee way is wada dhiibeen, isna jisyada in ay iska bixiyaan ayuu ku xakumay.

Badriiqoogii Eslaam Dexar Kem Dexar iyo Badriiqii Wendaab oo ay Boqorka xidid ahaayeen, labadooduba way diideen in ay islaamaan, Gobolka Guraage ayayna dhankiisa sare ka soo galeen. Intaa dabadeed, Imaamkii baa ka daba tegay ‘Wasiir’ Mujaahid oo ku sii jeeday Waj wuxuuna degay meel la yidhaahdo Dooj. Labadii Badriiq, iyagu way kala tegeen kolkii ay ogaadeen in uu Imaamkii halkaa degay. Wendaab, isagu dumarkiisii, caruurtiisii iyo boqol iyo konton fardooley ah ayuu kaxaystay wuxuuna u jeestay xaggaa iyo dhulka Daamoot isaga oo u socda dhankii Boqorka, dariiqii Angoot ayuuna ku dhacay. Eslaam Dexar inaa dhulkiisa la kharaabiyo oo kaniisadihiisa la gubo ayuu ka cabsaday. Sidaa awgeed, wiilkiisii oo watay soddon fardooley ah ayuu Imaamkii u diray wuxuuna raaciyay badriiqa la odhan jiray Casabu. Way socdeen waxayna u galeen Imaamkii oo joogay meesha la yidhaahdo Dooj. Isna arrinkii ay u socdeen ayuu ka waraystay. Casabu oo ahaa nin cod-kar ah oo aftahan ah ayaa hadlay oo yidhi: “Kan aad aragtaa waa wiilkii uu dhalay Badriiq Eslaam Dexar aniguna seeddigii baan ahay. Waxa aan kuugu nimid inaanad kaniisadaha naga gubin iyo inaanad dhulkayaga burburin. Jisyo ayaan ku siinaynnaa, diintayadana waannu iska haysan.”

Imaamkii baa yidhi: “Maxaa helay Badriiqiinnii weynaa idin lama socdee!”

Casabu ayaa ku jawaabay: “Isagu inuu idiin yimaaddaa ceeb ayay ku tahay Boqorka agtiisa. Inankiisa se, aabbihiii baa ku yidhi: qaata isaga, haddaan doontaanna ha islaamo oo ha idin la joogo, aabihii se jisyada ayuu iska bixinayaa.”

Imaamkii saaxiibbadii buu la tashaday oo dhamaantood wada yidhi: “Maxaan Badriiqa ka rabnaa, haddii uu jisyada inna siiyo oo uu diintiisa iska haysto. Inankiisa ayaa innoo dhaama oo waxa innoo wanaagsan inuu islaamo oo uu innala joogo.”

Imaamkii taladoodii mid toosan buu u arkay wuuna la dhacay, isaga oo ku leh: “Ashahaata oo dhaha:

[لا اله الا الله محمد رسول الله]

(Ilaah mooyaane mid kale oo xaq lagu caabudaa ma jiro).”141

Badriiqii Casabu, isagu ashahaaddii buu ku dhawaaqay islaannimadiisiina way hagaagtay, wiilkii uu Badriiqu dhalayse waxa uu yidhi: “Aniga miyaa! Islaami maayo illaa aad iigu dhaaranayso in aad wiilkaagii iga dhiganayso.”

Imaamkii baa ku qoslay hadalkiisii oo ku yidhi: “Islaan, waan kuu yeelayaa waxaa aad doontay oo dhan e, islaan oo dheh: [لا اله الا الله محمد رسول الله] Nebiga naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaadeene.”

Kolkaas ayuu wiilkii ashahaadada ku dhawaaqay, saaxiibbadiisii fardoolayda soddonka ahaana way la islaameen. Imaamku raggii wuu u labbisay isaga oo ku leh: “Ha cabsannina,” halkaasayna la fadhiisteen.

Ninkii Tasfaa ee Maayada madaxa u ahaa, Imaamkii ayuu farriin u soo diray uu ku leeyahay: “Dhulkayga inaanad burburinnin baan kaa codsanayaa, waayo gacanta Farshaxan Diin ayaan ku islaamay, in aad ciidan ii soo dirto ayaanan doonayaa si aan kuugu imaaddo, ciidankaygii lugta iyo fardoolaydiisii oo dhanna waan soo urursan.”

Imaamku waxa uu u diray nin la odhan jiray Yacqiim. Wuu socday oo wuu gaadhay, isna wuu soo dhaweeyay wuuna maamuusay oo wuu sooryeeyay.

Tasfaa fardo soddon ah iyo labo kun oo lug ah oo ahaa fallaadhleyda aan la seegin ciddii ay ganaan ayuu soo urursaday. Imaamkii ayay soo gaadheen, hortiisuuna joogsaday, markaas ayuu siiyay hadiyad badan oo uu Imaamkuna ka guddoomay. Yacqiim buu siiyay oo uu ku daray isaga oo ku leh: “Gacan yare u ahaw, isagaana taliyahaagii ah.”

“Waa yahay,” buu isna yidhi.

Imaamkii baa Yacqiim ku yidhi: “Qaado ciidamadan, oo u kac dhankaa iyo Cabdinaasir oo jooga dhulka Ganas; u noqo gurmad.”

Yacqiim wuu socday, wuxuuna u tegay Cabdinaasir. Imaamkii Dooj buu ka dhaqaaqay oo buurta Guraage hoosteeda ayuu degay. Wasiir Mujaahid baa Imaamkii u yimid, isaga oo wata Reer Waj dadkii iyo badriiqyadoodii intii ka islaantay in kaste oo ay markii hore buuraha gabbaad kala dhigteen hogaamiyahoogii Eslaamu Daxar. Farshaxan Diin baa yimid ka dib kolkii uu Wasiir Mujaahid soo gaadhay, isaga oo wata dadkii gacantiisa ku islaamay oo ahaa dadk ka kala yimid lix gobol oo waaweyn. Halyeeyadoodii, badriiqyadoodii iyo lugtoodii oo kumanyaal ah ayay wateen. Safsaf ayay isku taageen Imaamkiina kolkii uu arkay badidoodii ayuu salaad mahadnaq ah Eebbe u tukaday Farshaxan Diinna wuu u duceeyay.

Cabdinaasir isagu, dadkii deegaanka ayuu la heshiiyay, jisyada in ay bixiyaan ayuuna ku xukumay. Badhkood baa ka adkaystay oo dhulkoogii iskaga tegay, buuraha ayayna gabbaad ka dhigteen. Cabdinaasir dhulka Kambaata142 oo ah daafaha Ganas ayuu tegay. Dadkii degganaa oo ay ku biireen Reer Gaafaat ayay dagaal iskaga hor yimaaddeen. Dagaal buu la galay wuuna jebiyay oo waxa uu ka dilay dad aad u fara badan. Dagaalkaa kama aanu daynin illaa uu jisyadii oggolaysiinayay. Waxa uu dib ugu soo noqday dhulka Jiido oo ah daafaha Hadiya. Dadka dhulkaasina waxa ay gabbaadsadeen dooxyada iyo kaymihii. Cabdinaasir halkii ay ku jireen ayuu ugu galay oo uu kula dagaallamay. Muslimiintii waxa laga dilay labo nin oo kala ahaa: Xaaji Ibraahinkii Reer Tigraay iyo Abyat Khun.

Ciidanka intiisii badnayd way jabeen, waxaa se iyagu halkii ku hadhay oo Cabdinaasir jilibka la dhigay toban halyey oo la yaqaannay oo ay kamid ahaayeen Sabrud-Diin, Aassar Maxamad iyo tobankiisii saaxiib. Halkaas ayay ka dagaallamayeen illaa ay raggii jabay soo noqonayeen. Markii ay gaaladii jabeen ee intoodii badnayd la laayay ayuu Cabdinaasir dhulkoogii degay.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Imaamkii, isagu dhulkii Waj ayuu sii joogay oo uu ku soomay bishii Ramadaan. Dhulka Guraage ayuu ku soon-furay ciiddiina halkaas ayuu ku tukaday. Labo maalmood ayuu sii joogay, kadibna calan ayuu u dhiibay Amiir Xuseen oo ay la socdeen labo iyo toban amiir oo kale oo ay kamid ahaayeen: Wasiir Cadli, Amiir Abuubakar Qadiin, Garaad Cismaan Joohar iyo Absame Nuur dhammaantoodna ahaa raggii calamada sidayay. Waxa ayna wateen lix boqol oo fardooley ah iyo ciidan lug ahaa oo fara badan. Dhankaa iyo dhulka Dawaaro inay u kacaan ayuu ‘Imaamkii’ ku amray. Amiir Xuseen baa taliska guud loo dhiibay xamaanta ayayna u qaateen Dawaaro iyaga oo ah tiro aan la koobi karin oo sitay hub culus iyo sahay badan.

Dhulka Maayada ayay galeen, halkaas oo ay kaga biireen ciidammadii Reer Maayo oo uu hor socdo taliyahoogii Nuur Al-Ashram. Way raaceen illaa ay wada galeen dhulka Saraay. Haddana way ka sii socdeen illaa ay u gudbeen dhulka Wadmaat, halkaas oo loogu sheegay warka badriiqyada Saafu Wasan Segad, Faanu’iil, iyo Amxe oo wada jooga dhulka Dawaaro.

Habeennimo ayay ka guureen Wadmaat iyaga oo xawli ku socda. Kolkii uu waagii beryay ayay galeen daafaha dhulka Dawaaro. Badriiqyadii Dawaaro ayuu gaadhay war ah in ay Amiir Xuseen iyo Wasiir Cadli oo ciidamadoodii wataa soo galeen daafaha Dawaaro, dhankoogana u soo jeedaan. Cabsi iyo baqdin ayaa gashay, dabadeedna way dhaqaaqeen illaa ay gaadhayeen Baab Sari. Sahan soo indha-indheeya ayay u soo dirteen dhankii muslimiinta. Muslimiintii ayaa yimid xeradii ay ka guureen, dadkii dhulka ayayna ka waraysteen halka ay badriiqyadii ku danbeeyeen.

Dadkii waxa ay yidhaahdeen: “Kolkii ay idin maqleen ayay u hulleeleen dhanka Baab Sari, iminkase garan maynno meesha ay jiraan.”

Badriiq Amxe oo watay saddex iyo toban fardooley ah oo ay mushrikiintu sahan ugu direen dhankii muslimiinta ayaa markii ay gaadheen meel ku dhaw halkii ay muslimiintu joogeen la kulmay dad u guraya daaq fardihii muslimiinta. Badhtamaha ayay u galeen dadkii oo ay ka dileen saddex nin.

Halkaa waxa ka dhowaa shan nin oo ka mid ahaa halyeeyadii muslimiinta oo kala ahaa: Takiyihii lugta iyo gacantaba go’naa, Daliile, Girme, Cumar Qumaash iyo Goyta Cumar. Saaxiibbadood markii ay gaadheen ayay fardihii jaraha u raariciyeen, warmihiina tummaati bay u diyaarsadeen.

Kolkii uu arkay cadawgii Ilaahay ee Amxe ayuu jabay isaga oo cagaha wax ka dayay oo dib u cararay. Saddex fardooley ah oo saaxiibbadii ka mid ahaa ayaa halkaa lagaga dilay, Amxe qudhiisana Takiye ayaa daba dhigtay. Kolkii uu u dhowaaday ayuu arkay inuu badriiqu sitay labo eebo iyo seef uu gacanta midig ku haystay, haddana si la yaab leh ayuu kaga baxay. Kolkii uu Badriiqyadii saaxiibbadii ahaa gaadhay ayuu u sheegay inay muslimiintii joogaan suuqa Dawaaro dushiisa.

Absame Nuur oo Col u Qaatay Dhulka Samiit

Weriyihii Futuux Al-Xabasha – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: muslimiintii dhexdoodii ayay is-khilaafeen oo Amiir Xuseen baa yidhi: “Hadda ayaan u dhaqaaqaynnaa oo waan la soo dagaallamaynnaa.”

Wasiir Cadli baa isna ku yidhi: “Imaamku waxa uu aniga igu yidhi: Badriiq Saafu inuu islaamo ayuu doonayaaye, haddii uu galo dhulka Jaatir ha ka daba tegi na, illaa aan idiin imanayona i suga. Gacantayda ayuu ku islaamayaaye, hadduuse qaado waddada Hawaas isaga oo uu dhanka Awfaat u kaco daba gala oo la dagaallama. Sidaa aawadeed aynnu sugno oo aan eegno dawga uu qaadayo.”

Amiir Xuseen ayaa ku yidhi: “Hadalkaa adigu ma lihid. Hadda ayaa la dhaqaaqi oo lala dagaallami.”

Wasiir Cadli ayaa yidhi: “Imaamku aniga taa iguma amrin, kumana raacayo.”

Teendhadiisii ayuu halkaa ku joojistay, isaga oo leh: “Halkan anigu ka tegi maayo.”

Kolkii uu teendhadiisii joojistay ayay muslimiintii oo dhamina halkii ka wada taageen teendhooyinkoogii. Jahawareer baa Amiir Xuseen ku dhacay wuxuuna ku yidhi: “Haddaan ogaan lahaa inaad sidaa yeelayso marna kuma soo raaceen.”

Dhanka Absame Nuur ayuu u jeestay oo uu ku yidhi: “Adigu soco oo teg dhulka Sembat. Inay carruurtii badriiqyada iyo dumarkoogii halkaa joogaan ayaan maqlay ee soo booji waxa yaalla oodhan, si dhakhso ahna iigu kaalay labo maalmood gudahood.”

Waxa uu ku daray boqol fardooley ah iyo ciidan badan oo ahaa raggii gaashaanleyda oo lug ah. Absame Nuur Sembat wuu gaadhay, inta uu soo boojiyay naagahoogii, caruurtoodii iyo xoolahoogiiba ayuu dhulkoogiina burbur iyo baaba’ ka yeelay. Intaa dabadeed Amiir Xuseen buu dib ugu soo noqday. Haddana dhammaantood way socdeen iyaga oo xarun ka samaystay Guraage oo ah suuqa Dawaaro. Dadkii dhulka ayaa u yimid oo uga warramay mushrikiintii halka ay joogaan kuna yidhi: “Saafu Wasan Segad wuu ka baxay Baab Sari wuxuuna galay dhulka la yidhaahdo Jaan Sagura oo ay ku taallo kaniisad weyn oo uu lahaa Wasan Segad. Maalin walba waxa loo gawracaa shan boqol oo lo’ ah. Inankiisii baana halkaa jooga oo uu kaga tegay.”

Kolkiii uu sidaa maqlay ayuu Amiir Xuseen amar siiyay Amiir Abuubakar Qadiin oo uu ku yidhi: “Soco oo qaad jidka hoose oo gal dhulka Jaan Sagura, Badriiq Saafo ayaa halkaa jooga e. Annaguna dariiqa sare ayaan maraynnaa. kaniisadda Wasan Segad ayaa innoo ballan ah.”

Amiir Abuubakar dhankii loo diray buu u dhaqaaqay.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Badriiq Saafo kolkii uu maqlay inay muslimiintii isaga ku soo socdaan, ayuu iskugu yeedhay baadariyadii, walaalihii, xigtadiisii, dumarkiisii iyo carruurtiisiiba.

Waxa uu qaaday dawga Saqba isaga oo u socda dhanka Awfaat oo doonaya inuu xaggeega u baxsado. Socodkiisii buu sii watay illaa uu soo gaadhayay Saqba oo uu iska ag maray isaga oo ka tallaabay toggii Hawaas illaa uu gaadhay dhulka Awfaat. Dhankii Boqorkii Wanaag Segad ayuu u sii jeeday isaga oo bil dhan dhexda ku sii jiray. Meesha Angoot la yidhaahdo ayuu ugu tegay, wixii ay muslimiintii ku faleen buuna u sheegay, markaas ayuu Boqorkii aad uga tiiraanyooday. Amiir Abuubakar, isagu dhulkii Jaan Sagura inta uu galay ayuu burbur ka yeelay kaniisadihiina wuu gubay.

Wasiir Cadli iyo Amiir Xuseen, iyaguna way socdeen oo waxa ay qaadeen jidkii ay waan maraynnaa yidhaahdeen. Amiir Abuubakar ayay Jaan Sagura kula kulmeen, wuxuuna ka waraystay Badriiqii Saafu. Waxa ay ku yidhaahdeen: “Dawgii Saqba ayuu qaaday, Boqorka dhankiisa ayuuna u sii jeedaa.”

Kolkii ay sidaa tahay ayuu Amiir Xuseen ku amray Amiir Abuubakar in uu dhaqaaqo, isaga oo ku daray rag ay ka mid ahaayeen: Absame Nuur, Garaad Cismaan Joohar, Awraci Qaadi Cumar, Garaad Caynaaniye iyo raggii kale ee la midka ahaa oo boqol fardooley iyo kun luga ahaa. Waxa uu ku yidhi: “Qaad dariiqa hoose, oo Saqba kaga daba teg. Saafu jidka ka hor goo, haddii aad gaadho boojimooyin badan baad heli doontaa.”

Amiir Abuubakar habeen iyo maalin ayuu socod iskugu bixiyay illaa uu galayay Saqba. Dadkii dhulka ayuuna ka waraystay Badriiqii Saafu Wasan Segad. Waxa ay ku yidhaahdeen: “Saddex maalmood buu kaa soo horreeyay, hadda se dhulkayaga wuu ka fogaaday, umana malaynaynno inaad gaadhayso.”

Kolkii uu maqlay Amiir Abuubakar ayuu aad uga tiiraanyooday arrinta seegtay. Isaga iyo saaxiibbadii kolkaas ayay dhaqaaqeen, iyaga oo leh: “Waan galaynnaa dhulka Garaawaraare. Dadkaas ayaan la dagaallamaynnaa illaa ay soo islaamayaan ama ay jisyada iska dhiibayaan.”

Taladoodii ayuu la dhacay, dhankeegii buuna u kacay. Intaa dabdeed waxa uu degay togga Boor dushiisa. Ciddii ugu horraysay ee u timid Badriiq Garaa Waraay bay ahayd oo soo islaamay. Intaa dabadeed, Badriiqyadii Roobeel, Wasan Jasha, iyo Tiyoodoros ayaa soo islaamay oo ay dhammaantood islaannimadoodii hagaagtay. Shantii Badriiq ee kala ahaa Baloojis, Sardiye, iyo Qarad Kiflaw gii markii danbe islaamay, Siim iyo Awxashe, iyagu meel bay gabbaad ka dhigteen. Garaad Hanu ayaa isna islaamay. Intaa dabadeed, Amiir Abuubakar xaggii badriiqyadii aan soo sheegnay ee gabbaadka galay ayuu u dhaqaaqay. Buurta dusheeda ayuu kula dagaallamay, Ilaahay mu’miniintii ayuu guusha siiyay, shantoodii badriiqna waa la soo qaqabtay iyaga iyo fardahoogii, dumarkoogii iyo caruurtoodii ba. Amiir Abuubakar guushii uu ka soo hooyay dhulka Arcan ayuu dib ugu la soo noqday. Nin u bishaareeya ayuu u diray Amiir Xuseen iyo Wasiir Cadli, taas oo ahayd inaa laga islaamay Garaawaraare iyo hareereheega ba. Dadka meeshaa ka soo islaamay tiradooda Ilaahay mooyaane cid kale ma koobi karayn. Kolkii uu ergaygii soo gaadhay iyaga oo jooga Jadaara, ayay u farxeen si aad u weyn.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Amiir Xuseen iyo Wasiir Cadli Jaan Sagura ayay ka tegeen iyaga oo galay Baab Sari, ugu danbaynna Jadaara ayay raxanka dhigteen. Kolkii uu Saafu ka tegayay ayuu mushrikiintii Badriiq Amxe iyo Badriiq Faanu’iil ku yidhi: “Maxaydin Boqorka iigu raaci!”

Waxa ay ku jawaabeen: “Weji iyo wax aan la hor tagno Boqorka ma lihin. Sidii u rabayna ma aannaan yeelin. Annagu dhulka Jaatir baan iska galaynnaa. Waaba laga yaabaa in aan muslimiinta ka helno cutub yar ama ciidammo kala baahsan oo aan ku baashanno si aan Bogorka u la hor tegno oo uu nooga raalli noqdo.”

Kolkaas ayuu iskaga tegay, iyaguna ay galeen dhulkii Jaatir. Muslimiintu Jadaara ayay degganayeen sidii aan hore u soo sheegnay. Dadkii Adal Mabraq ayaa u soo galay Amiir Xuseen dhammaantoodna way islaameen. Reer Awaawalada, Reer Watan, Reer Ajyat iyo Reer Arquwa ayaa iyagu na sidaa yeelay, kuwaas oo dhammaan degganaa dhulka Dawaaro oo ay hadda joogeen konton badriiq oo uu mid walba ka taliyo magaalooyin badan. Raggaa dhammaantood way soo islaameen.

Duullimaadkii Hadiya

Imaamkii, isagu Guraage ayuu kasii socday labo cisho, badda la yidhaahdo Suwaay143 oo biyo macaan ayuu dul degay. Huuriyaasha mushrikiinta ayaa dhex mushaaxi jiray oo isku mari jiray dhul loo kala socdo saddex cisho.

Saddex gasiiradood oo mid waliba ay ta kale ka gooni tahay ayaa halkaa ku yaallay, mid walbana saddex kaniisadood ku yaalleen. Imaamkii baa damcay in uu sameeyo huuriyaal uu halkaa ku tego, hase yeeshee Muslimiintii baa ka ashtakooday sahaydooda oo yar awgeed, iyaga oo Imaamkii ku leh: “Badda iskaga tag oo inna gee dhulka Hadiya, dadka dhulkan ka islaamay ayaa innagaga filan kuwa Gasiiradda e.

Imaamkii wuu iska dhaafay wuxuuna u dhaqaaqay xaggaa iyo dhulkii Hadiya. Taliyihii Hadiya oo Muslim ah ayaa u yimid oo horay buuska u siin jiray Boqorka Xabashida, sannad walbana siin jiray gabadh uu u nasaareeyo. Sidaas ayaa dadka dhulkaa dhaqan u ahayd. Ninkii Hadiya ee aan soo sheegnay iyo ciidammadiisii ayaa Imaamka u yimid oo ku yidhi: “Annigu Muslim baan ahay idinkuna Muslimiin baad tihiin, amar kaste oo aad i siisana waan qaadanayaa.”

Imaamkii baa soo dhaweeyay, Muslimiintii buuna isna sooryeeyay Imaamkuna isaga iyo raggiisii waaweynaa oo ahaa rag aad u fara badan ayuu huwiyay lebbis qaali ah. Imaamka ayaa weyddiiyay falkii ay sannad walba gabadh gabdhahooga kamid ah Boqorka ugu soo madhi jireen quruxdeeda, hannaankeega iyo nasabkeega iyaga oo weliba Muslimiin ah! Waxa ay yidhaahdeen: “Aabbayaashayadii hore ayuu sidaa ku dirqiyay wuuna ka taag roonaa. In aan qalabka dagaalka qaadan iyo in aanan seef gacanta saarin ayaa la nagu xukumay. Waxa kale oo la nagu dirqiyay in aan fardahayaga caddaysimo ma ahee koore ku fuulin. In aan gabadh siinno ayuu nagu xukumay, cabsi awgeed aan ka cabsanaynnay inuu na laayo oo uu masaajiiddayada dumiyo ayaan annaguna u siinaynnay. Kolka uu noo soo diro kii gabadha iyo xoolahaba naga guddoomayay, ayaan u soo saari jirnay iyada oo saaran naxash oo aan maydhnay dharna aan kusoo kafannay oo aan ku tukannay. Qof naga dhintay in ay tahay ayaan ku tirin jirnay, kolkaas ayaannu u dhiibi jirnay. Annagu arrintan aabbayaashayo iyo awawyaashayo oo sidaa yeelayay ayaan ka soo gaadhnay. Haddana Ilaahay Muslimiintii buu noo keenay. Nimankii na haystay baad jebiseen oo waad layseen ciidammadiisii, annaguna Ilaahay daraaddii ayaan idiin la jihaad galaynnaa. Haddii aad xitaa intaa dabadeed naga tegtaan wax bana yeeli maayo, waayo wixii aad ku fasheen baad ku fasheen, ciidankiisiina waad wiiqdeen.”

Imaamkii baa ku yidhi: “Ha baqanina, annagana jihaadkana la gala.”

Markaas ayay yidhaahdeen: “Hawraar san.”

Imaamku dhulkoogii buu fadhiyay shan maalmood, Intaa dabadeedna, isaga oo uu la socdo ninkii Hadiya xukumayay ayuu dhaqaaqay oo uu galay dhulka Ey Faras, halkaas oo uu Imaamku degay. Intaa dabadeed ayuu Axmed Goyta u diray dhulka Sharkha, ninkii Hadiya xukumayay walaalkii ayuuna raaciyay, isaga oo ku yidhi: “Adigu joog Sharkha illaa uu Garaad Sadiiq oo amiirkoogii ahi kuu imanayo.”

Axmad Goyta oo watay konton fardooley ah ayaa dhaqaaqay, dadkii dhulkaasina way soo dhaweeyeen, dhammaan mushrikiin wixii joogay na way wada muslimeen. Ninka la odhan jiray Goyta Alla-Magan oo ay la socdaan labaatan fardooley ah ayuu isna u diray Amiir Xuseen iyo Cadli oo joogay dhulka Jadaara si ay ugu bishaareeyaan in ay ninkii Hadiya ka talinayay iyo saaxiibbadiiba Imaamka u yimaaddeen. Goyta Alla-Magan Axmad ayaa socday wuxuuna galay dhulka Qanboora.

Isaga oo sidaa ugu sii socda Amiir Xuseen iyo Cadli ayuu Badriiq Cadalu u yimid labadii Badriiq ee Jaatir joogay oo kala ahaa Badriiq Amxe iyo Badriiq Faanu’iil. Cadalu baa ku yidhi: “Muslimiinta warkoogii i siiya, halkay soo gaadheen. Idinkuna sideed halkan u dhacadiiddaan waxtar la’aan?”

Waxa ay ugu jawaabeen: “Muslimiinta warkoogii haddii aad doonayso, dhulka Jadaara ayay deggan yihiin, madaxdooduna waa Amiir Xuseen iyo Cadli, Abuubakar Qadiin se dhankaa iyo Garaawaraay ayuu u kacay. Imaamkii, isagu weli ma iman, inuu se joogo dhulka Hadiya ayaa la noo sheegay.”

Badriiq Cadalu ayaa kolkaa yidhi: “Haddii uu warkaasi run yahay halkan habeennimada ayaan ka ruqaansanaynnaa oo aan galaynnaa Baab Sari, milayga hadhimada ayaan weerar kana ku qaadaynnaa Amiir Xuseen. Imaamku Haddii uu u yimaaddo oo uu kusoo biiro dariiq innoogama bannaana. Hadda aynnu u dhaqaaqno inta ay kala baahsan yihiin. In aan la dagaalanno ayaa innooga roon fadhiga inta ay soo ururayaan.”

Iyaga oo ah saddex boqol oo fardooley ah iyo lix kun oo lug ah ayay habeenkiiba dhaqaaqeen. Goyta Alla-Magan Axmad Qanboora ayuu ka dhaqaaqay isaga oo u sii hoyday jidkii Baab Sari. Goyta Alla-Magan saaxiibbadii ayaa arkay ciidan fara badan oo ku soo socda, colka kalena isaga way arkayeen. Badriiqii Amxe dhanka midigta ayuu ka socday ciidanka Faanu’iilna dhanka bidixda, halka uu Badriiq Cadaluna ka socday badhtanka. Goyta Alla-Magan saaxiibbadii, kolkii ay fardihii gaalada arkeen ayay u yimaaddeen Goyta Alla-Magan oo socday gadaashooda iyaga oo leh: “Col baa inna daba socda, taagna uma haynno ciidankaa. Labaatan keliya oo fardooley ah ayaynnu nahay. Aan ku noqonno Imaamkii oo aan u waranno.”

Goyta Alla-Magan ayaa yidhi: “Waar anigu dhulkii muslimiinta ugama iman wax aan jihaad iyo shihiidnimo ahayn. Imaamku calankiisii buu ii dhiibay. Ma waxaad doonaysaan inaan calankii la jabo aniga oo aan dagaallamin? Haddii aad doonaysaan inaad baxsataan baxsada, haddii aad doonaysaan jannadii iyo xuuralcaynna i soo raaca. Aniga ayaa idiin ku horrayn oo badhtankooga ayaan geliye.”

Intaa dabadeed, waxa uu gashaday koofiyaddiisii birta ahayd iyo diriciisii, seeftiisiina wuu jeeni qaartay oo faraskiisii la odhan jiray Lasaasa ayuu ku booday. Dhankoogii buu ku taaxiyay, saaxiibbadiina wuu guubaabiyay, kuwaas oo kala ahaa: Saxrabawi Cali, Abuubakar Arsa, Khaalid Caddaroox oo ahaa Garaad Axmooshe raggii la socday iyo Shagara oo Reer Kooshin ahaa. Saaxiibbadii intii hadhayna Awraci Nuur bay la socdeen. Goyta

Alla-Magan shantaa halyey oo keliya ayaa la socotay oo raacday, kuwaas oo dhaqaaqay iyaga oo hortooda ma ahee aan daymoonayn bidix iyo midig toona. Kolkii ay gaalaadii arkeen ayuu Goyta Alla-Magan ku yidhi Saxrabawi Cali: “Aabbahay waa Axmad” saddex jeer buuna ku celiyay. “Haddaan helay muraadkii aan u imid.”

Faraskiisii buu jeedalkii ku dhiftay oo labaatan xusul la booday lana dhex muquurtay gaaladii. Kolkaas ayuu kala firdhiyay waanu kala didiyay ururkoogii. Halkii uu Cadalu joogay buu ku dhacay. Badriiq Cadalu oo badhtanka joogay ayaa u soo baxay ka dib kolkii laga dilay lix mushrikiintii ka mid ah. Warmihii bay is dhaafsadeen tummaatidana Goyta Alla-Magan baa ku horreeyay. Badriiqii ayuu laabta ka wareemay, waxaa se Badriiqa saarnaa qalab adag. Warankiisii ayaa dhex galay diricii Badriiqii. Inuu kala soo baxo ayuu doonay wuu se ku jabay. Kolkaa ayuu seeftii galka kala soo baxay dib buuna uga noqday oo wuu iskaga tegay. Badhtanka ayuu u galay Goyta Alla-Magan isaga oo geesiyadoodii makalaya oo ku socda Cadalu, hase yeeshee, xagga danbe ayay raggii lugta ahaa ee gaashaanleydu kaga yimaaddeen. Faraskiisii ayay fallaadhaha ku ganeen, oo ay kala heleen caloosha dhanka kalena uga tebiyeen. Faraskii ayaa dhulka la galay, Goyta Alla-Maganna wuu ka dhacay. Inuu kaco ayuu isku dayay isaga oo seeftii gacanta ku haysta. Badriiq Cadalu ayaa weerar ku soo ekeeyay oo dooxay, halkaas ayuuna ku dhintay isaga oo shihiid ah.

Alle ha u naxariisto, Aamiin!. Saaxiibbadiisii afarta ahaa haddaan u soo noqonno, iyaguna way la dagaal galeen. Caddaroox Abuubakar waxa ay is qabsadeen Badriiq Faanu’iil oo ay is weydaarsadeen seefaha illaa uu ciidankii ka yaabay dagaalkoogii. Intaa ka dib, ciidankii baa ku soo xoomay wayna dileen, Alle ha u naxariistee. Sidoo kale Abuubakar Arsa ayaa la dilay. Saxrabawi Cali, isaga faraskiisii bay boqnagooyeen, isaga na way dhaawaceen meyd ahaan bayna uga tegeen, wuu se badbaaday oo wuu noolaaday. Waxa uu u joogay oo uu ka qayb qaatay dagaalkii Jeena.

Shagare, isna sidoo kale ayay meyd ahaan uga tegeen, wuuse ka kacay. Isna qabsashadii dhulka Tigraay ayuu u joogay. Awraci Nuur iyo saaxiibbadii, kolkii ay arkeen Goyta Alla-Magan iyo saaxiibbadii oo safkii gaalada dhex galay ayay jabeen iyaga oo aan dagaal gelin. Gaaladii baa daba dhigatay oo ka dishay afar fardooley ah iyo in ka badan lixdan oo lug ah.

Fardihii iyo qalabkii ay muslimiinta ka furteen ayay qaateen, dabadeed na, Jaatir bay ku soo noqdeen. Amiir Xuseen iyo Wasiir Cadli ayaa warkoogii helay kolkaas ayay u direen fardooley badan si ay ula soo dagallamaan, halkaasayna ku soo aaseen Goyta Alla-Magan, Amiir Xuseen bayna ku soo noqdeen.

Imaamkii oo Sadaqa Yimid Amiirradiina Dhulka u Kala Diray

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Imaamkii, kolkii uu degay Ey Faras ayuu maqlay in ay gaaladii meel isku urursanayso. Ey Faras buu ka dhaqaaqay xaruntiina Wasiir Nuur buu kaga tegay. Ciidankiisii ayuu kaxaystay casarkiina meel Sadaqa la yidhaahdo ayuu degay. Beeraley dadkii dhulka ah ayay soo qabteen, wuxuuna ku yidhi: “Waar gaaladii war ma ka haysaan?”

Waxa ay ugu jawaabeen: “Haa, badriiqyadii Jaatir joogay Baab Sari ayay u baxeen iyaga oo raadsanaya mid ka mid ah amiirradaadii oo ah Amiir Abuubakar ama Amiir Xuseen. Askartii aad dirtay ee la socotay Goyta Alla-Magan iyo saaxiibbadii oo joogay Baab Sari ayay la kulmeen. Dagaal baa dhex maray, halkaana Goyta Alla-Magan iyo saaxiibbadii ayaa lagu laayay. Intaa dabadeed, meeshoodii Jaatir bay ku noqdeen.”

Imaamku dilkii Goyta Alla-Magan ayuu aad uga tiiraanyooday. Maalintii labaad ayay ka dhaqaaqeen Sadaqa, iyaga oo u hagaagay dhanka Daaniq halkaas ayuuna u hoyday. Mushrikiintii way heleen inuu Imaamkii u hoyday Daaniq, dadkii deegaanka ayaana warkaa siiyay iyaga oo ku yidhi: “Imaamka laftiisii ayaa idinku soo maqan. Ha u qaadannina sidii amiirradii aad taqaanneen, waa Imaamkii oo ciidankiisii wata.”

Gaaladii baqdin iyo argagax ayaa ku dhacay, Jaatirna dhul kale ayay uga guureen.

Imaamkii Daaniq ayuu ka dhaqaaqay, way socdeen illaa ay u dhowaadeen Jaatir. Kolkii ay dooneen inay galaan, waxa ka horyimid dariiq iyo buur ay fardihii mari kari waayeen. Halkaas ayay degeen, fardihiina koorayaashii ayay ka fureen. Iyaga oo sidaa ah ayuu u yimid war sheegaya inay gaaladii joogaan dhulkii Jaatir. Kolkii uu Imaamkii Jaatir dul degay, ayay islaameen dadkii dhulka iyo kuwii Jaan Jey oo ahaa dad aad u fara badan. Cismaan Tekle ayaa islaamay oo uu aabbihii ahaa muslin riddoobay ayaamihii uu Suldaan Maxamad talin jiray. Walaalkii Khaalid Tekle ayaa isna islaamay.

Waxa ay wateen dad aad u fara badan oo aan la tirin karayn fardooley iyo lug ba. Imaamkii iyo ciidankiisii intaa dabadeed dhankii Candoora iyo kaniisaddii Wasan Segad ayay u kaceen taas oo ay gubeen sidaan hore u soo sheegnay. Dhulkii Jaatir Garaad Shihaab ayuu guddoomiye uga dhigay. Amiir Cumar ayuu isna guddoomiye uga dhigay Astar Jaatir guushii dabadeed.

Imaamkii baa diray Garaad Joosho oo ahaa Bishaaro aabbihii, kuna yidhi: “Dawaaro u daadeg adiga ayaan guddoomiye kaaga dhigay e.”

Garaad Sadiiq, isaga Sharkha ayuu u diray oo uu guddoomiye uga dhigay, isna dhankeegii buu u dhaqaaqay. Imaamku, haddaba amiirradii ayuu galinnada u kala qaybiyay maalin qudha. Waxa uu dalkii u kala diray konton amiir. Imaamku Candoora ayuu degay, Garaad Sadiiqna dhankaa iyo Sharkha ayuu u kacay, dadkeegii baana soo dhaweeyay oo u hoggaansamay. Ninkii Hadiya ka talinayay ayaa Imaamka siiyay gabadhiisii magaceega la odhan jiray _144 … Saddex bilood bay la joogtay, dabadeedna way xijaabatay.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Cabdinaasir Ganas buu degay, dadkii dhulkaasina way u hoggansameen. Ninkii Hadiya ayaa ‘Imaamka’ ku yidhi: “Haddii aad Cabdinaasir Ganas guddoomiye uga dhigtay halkaas ayuun buu joogi doonaa, Ganas iyo dhulkayaguna way isku dhow yihiin. Adigu haddaba Sayidkaygiiyoow, farriinu dir si uu kuugu yimaaddo. In aad aniga iyo isaga naga dhigto bah-wadaag ayaan doonayaa. Haddaan is bahaysanno cidina naga adkaan mayso.”

Imaamkii intaa dabadeed, dhanbaal-side ayuu u diray guddoomiyihii Ganas ee Cabdinaasir. Wuu u tegay isaga oo jooga dhulkii Ganas, isna markii uu gaadhayba socod buu isku diyaariyay. Imaamka ayuu u soo ururshay hadiyado ah baglo wanaagsan, alaab-farshaxaneedkii Ganas iyo lo’ fara badan oo ay ka mid tahay lo’da Gissi-da (jaamuus) loo yaqaan. Imaamkii buu soo gaadhay ka dib labo iyo toban cisho isaga oo joogay Candoora. Wuu soo dhaweeyay, isna hadiyaddii buu siiyay. Imaamkii baa ka waraystay dhulkii iyo wixii uu la kulmay intii uu joogay Ganas iyo dhulka Badraa Amuura, isna warkii uu hayay oo dhanba wuu siiyay. Imaamkii baa aad ula yaabay oo ku yidhi: “Waar maxaa dhulkaa ku geshay oo buurta Kanabaat ku fuushiiyay?”

Waxa uu yidhi: “Kolkii aan tegay dhulka Ganas ayaan war ka helay khasnadihii Boqorka Wanaag Segad. Kolkii uu Boqorka Wanaag Segad soo galay Ganas ayuu khasnadihiisii halkaa kaga tegay isaga oo u sii dhaafay Beyt Amxara. Halkaas ayaan ugu tegay buurta dusheeda ayaanan kula dagaallamay, khasnadihiina waan soo qaaday oo waa tanoo kuu keenay.”

Wuu keenay oo Imaamkii buu siiyay dhammaan wixii uu siday oo ahaa xoolo iyo alaabo la yaab leh sida sanamyo dahab ah, weelashoodii, xariir, gogol ruumiyo ah oo aan la koobi karin. Cabdinaasir Imaamkii saddex cisho ayuu la joogay, isaga iyo ninkii Hadiyana is-bahaysi buu dhex dhigay.

Ninkii Hadiya ka talin jiray gabadh ay walaalo ahaayeen ayuu Imaamku u guuriyay ‘Cabdinaasir’. Intaa dabadeed, ayuu Imaamkii ku yidhi: “Waxa aad tegtaa dhulka Jeena, meel aan iyada ahayni kuma qaadayso, waayo ciidan fara badan ayaad wadataa. Aniguna labo cisho ka dib baan kaa daba iman doonaa.”

Cabdinaasir oo uu la socdo seeddigii ayaa dhankii Jeena u kacay, halkaas ayuuna degay.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxriistee – waxa uu yidhi: Imaamkii isagu wuu ka ruqaansaday Candoora meel anbo145 ahna wuu soo gaadhay oo ku taallay suuqa dhulka Jeena. Labo ergo oo ay soo direen labadii badriiq ee joogay Baali ayaa Imaamka u yimid kuna yidhi: “Labadii badriiq ee Siimu Wanaag Jaan kii mujaahidka ahaa iyo Sabbaru Baali ayaa noo kaa soo diray oo ku yidhi: “Annagu lama jirro Reer Baali. Adiga ayaan kula jirraa e, ciidan noo soo dir. Annaga ayaa ugu horraynaynna dadka dagaalka kula galaya.”

Siimu Wanaag Jaan kii Mujaahidka ahaa ayaa yidhi: “Wixii uu aabbahay ku falay waagii Suldaan Maxamad ama wax ka daran ayaan ku fali.”

Imaamkii baa hadalkaa ku farxay oo weyddiiyay wixii war ahaa oo dhan oo uu ka gun gaadhay. Intaa dabadeed, addin qarsoodi ah ayuu u diray oo uu ku leeyahay: “Ha biqina, hana murugoonnina. Adigu Badriiq Siimu halkaa fadhi illaa ay saaxiibbaday kuu imanayaan. Saaxiibkaa Badriiq Sabbaru, isagu ha ii yimaaddo.”

Ergadii way iska tegeen ka dib kolkii uu siiyay lebbis. Imaamku wixii uu ku yidhi ayay uga warrameen. Intaa dabadeed ayuu Imaamku waraaq u qoray Amiir Xuseen oo ahaa Guddoomiyihii Dawaaro iyo Cadli, farriintaas oo uu ku yidhi: “Labadii Badriiq ee Siimu iyo Sabbaru iyo Reer Baaliba ergo ayay ii soo direen ay ku leeyihii: Adaannu kula jirraa, dadkayaga se lama jirro. Waxa ay yidhaahdeen: Ciidamadaada noo soo dir annaga ayaa kula

dagaal galayna e. Waxa ay yidhaahdeen: Annaga ayaa kaaga filan dadkayaga. Hadda waxa aan idinka doonayaa in aad i soo gaadhaan haddii aad ka fara xalateen hawshii aad Dawaaro ka waddeen, haddii se aanad hawshaa dhammays tirin, Wasiir Cadli ha ii yimaaddo.”

Waraaqdii buu u dhiibay Awraci Abuubakar oo uu ku yidhi: “u teg.”

Wuu socday wuuna u tegay Amiir Xuseen iyo Wasiir Cadli, dhanbaalkii buuna siiyay. Kolkii ay garteen nuxurkii ku qorraa ayuu Amiir Xuseen ku yidhi Awraci Abuubakar: “Arrinta Dawaaro, iyada waan ka faraxalannay. Dhmmaantood way wada islaameen. Hase yeeshee, Amiir Abuubakar ayaa jooga dhulka Garaawaraari oo isku keenay ciidan fara badan oo Reer Dawaaro ah kana kooban dadkii rumeeyay Ilaahay ee Diinta Islaamka soo galay, waa kumannaan, tiro badriiqyo ah, fardooley iyo lug ba. Sidaa darteed ma socon karo illaa uu ii keeno kuwaas.”

Awraci Abuubakar ayaa Wasiir Cadli ku yidhi: “Adigu i raac, Amiir Xuseenna halkan ha ku hadho illaa uu Amiir Abuubakar u imanayo.”

Wasiir Cadli ayaa isaga oo ciidankiisii wata u la dhaqaaqay dhankaa iyo Imaamkii.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – wuxuu yidhi: Imaamkii, isaga oo halkiisii Jeena jooga ayuu Wasiir Cadli xaruntii soo gaadhay isaga oo wata ciidankiisii badh ka mid ah, badhkii kalena Amiir Abuubakar ayuu kaga yimid. ‘Wasiir Cadli’ Imaamkii iyo saaxiibbadii ayuu la kulmay oo uu la sheekaysanayay, kolkii ay soo galeen Cabdinaasir iyo seeddigii.

Labadii Amiir ee Cabdinaasir iyo seeddigii ayaa Imaamkii ku yidhi: “Wixii yaallay dhulka Hadiya iyo Ganas inay gaaladii burburiyeen ayaan maqallay. Adaa garaniye hadda maxaan yeellaa, warka noo yimidna inaa dhulkii cagta la mariyay ayuu sheegayaaye?”

Imaamkii baa ku yidhi: “Idinku dhulkiinnii tega inta aan la kharribin, adiguna Cabdinaasiroow, Ganas ciidankaaga la fadhiiso oo joog, seeddigaana dhulkiisii Hadiya ha qabto”, intaa dabadeedna Faatixada ayuu u maray oo wuu sii sabootiyay dhulkii Sharkha ayayna galeen.

Isaga oo Imaamkii weli jooga Jeena ayuu Badriiq Sabbaru u yimid oo uu u sheegay warkii Badriiqa Baali ee Cadalu. Waxa uu yidhi: “Isaga oo aan i ogayn ayaan anigu hadda idiin imid.”

Intaa dabadeed, Sabbaru gacanta Imaamka ayuu ku islaamay oo Ashahaadada xaqa ah ayuu ku dhawaaqay:

[لا اله الا الله محمد رسول الله].

Intaa dabadeed, Imaamku Wasiir Cadli buu u diray dhulka Baali oo uu ku yidhi: “Guddoomiye ayaan kaaga dhigay dhulka Baali.”

Kolkaas ayuu socday isaga oo wata dadkiisii aan soo sheegnay oo ay ka mid ahaayeen: Absame Nuur, Wasiir Cabbaas oo uu Imaamka walaalkii dhalay, Garaad Axmad Goyta, Awraci Qaadi Cumar, Garaad Axmadoosh Maxfuud, Farshaxan Sadwat, Maxruunkii Farshaxan Cali, Awraci Axmad Harajaay Maxamad iyo Xaamud Sooxa. Way socdeen illaa ay gaadhayeen dhulka la yidhaahdo Sinbaabatin. Intaa dabadeed, Imaamka ayaa maqlay in uu ninka Baali xukumaa haysto xoog iyo askar badan. Sidaa awgeed, farriin buu u diray Wasiir Cadli, uu ku leeyahay: “Ninka Baali haystaa waa xoog, anna waxa aan kugu soo xoojay Cabdinaasir oo ah ninka Ganas xukuma, seeddigii oo Hadiya guddoomiye u ah iyo Garaad Sadiiq oo xukuma Sharkha. Kolkaa ayuu dhanbaallo u kala diray uu ku farayo inay u tegaan Wasiir Cadli oo ay gacan ka siiyaan la dagaallanka gaalada. Sinbaabatin ayay ku kulmeen iyaga oo uu gadhwadeen u ahaa Badriiq Sabbarugii islaamay oo ahaa geesi carceeray. Dariiqii Hadiya ayay qaadeen, Togga Webina way ka tallaabeen. Halkaa Badriiq Siimu baa ugu yimid oo ahaa wiilkii Wanaag Jaankii mujaahidka ahaa. Isaga ayuu ahaa ninkii Imaamka waraaqda u soo diray ee ku lahaa: “Aniga ayaa ugu horrayni cidda saaxiibbadaa u imanaysa ee dagaalka la galaysa.”

Sidii uu yidhi ayuu yeelay, wuuna islaamay. Wasiir Cadli ayaa weyddiiyay oo ku yidhi: “Halkee buu joogaa Badriiqii Baali ee Cadalu oo dhulkee buu ku sugan yahay?”

Waxa uu yidhi: “Magaalada Silla ayuu joogaa.”

Way socdeen iyaga oo ah guutooyin ay midiba mid ka daba tagaysay, labadii Badriiq ee Siimu iyo Sabbaruna way hor kacayeen. meel u dhow bay soo gaadheen, halkaasayna degeen. Intaa dabadeed, Badriiq Siimu

ayaa yimid oo u galay Wasiir Cadli kuna yidhi: “Aniga ayaa hadda farriin u diraya oo ku odhanaya: muslimiinta dagaalkooga taag uma haysid, sida ay u dagaallamaanna warkooga waan hayaa, dhulkeenniina in badan bay ka qabsadeen, dadkii oo dhamina way u hoggaansameen si ay u nabad galaan, dadkii Xabashana badhkood

baa islaamay. Raggani Boqorkii iyo ciidankiisiina cagta ayay mariyeen. Haddaba haddii aad doonayso in aad islaanto iska soo islaan, haddaad se diiddo, oo aad doonto in aad diintaada sii haysato oggolaw inaad jisyada iska bixiso, qalabka iyo fardahana iska soo dhiib. Haddii aad labadaaba diiddo, isku diyaari dagaal.”

Wasiir Cadli ayaa ku yidhi: “Ku dhaqaaq.”

Siimu ayaa badriiqii u diray mid ka mid ah adeegayaashiisii, kaas oo u sheegay hadalkii. Badriiqii baa ergaygii ku yidhi: “Iska jir, hadallada aad leedahay ee aan ii qalmin! Haddii aad tidhi awood u ma hayo muslimiinta dagaalkooga, tiradooda aan ku weyddiiyee waa imisa?”

Ergaygii baa yidhi: “Tirada muslimiintii hore ee la isku hallayn karaa waa shan boqol oo farasley ah. Inta hadda Diinta soo gashay ee gacantooda ku islaantay oo ah Agaw, Reer Dawaaro iyo Reer Waj lama koobi karo.”

Badriiqii baa ergaygii ku yidhi: “Sayidkaagii Siimu ku dheh: “Muslimiinta aad tidhi way badan yihiin, aniga agtayda way yar yihiin. Jisyo iyada dhiibi maayo, islaannimana haba sheegin, waxaan se kuu sheegayaa inaan dhiman oo aan dhulkayga ku dagaallami.”

Ergaygii baa soo noqday, hadalkii badriiqa ka soo yeedhayna wuu u sheegay. Wasiir Cadli ayuu u geshay oo uu u warramay. Habeenkii halkoogii bay u hoydeen. Kolkii uu waagii u beryay ee ay tukadeen salaaddoodii ayay dagaal isku habeeyeen. Calamadii ayay kor u qaadeen oo way dhaqaaqeen. Badriiqii Baali, isagu wuu kacay oo col iyo ciidan ayuu soo urursaday. Yeedhe lallaba146 ayuu amar siiyay si uu u yidhaahdo: “Dumarkiinna iyo caruurtiinna magaalada ka soo saara. Idinka iyo iyaguba u soo wada baxa dagaalka muslimiinta.”

Kolkaas ayay badriiqyadii u soo shireen iyaga oo ku leh: “Maxaad noogu amraysaa in aan carruurtayada iyo dumarkayaga dagaalka ugu soo saarno? Iyaga buurta dusheeda ayaan u saaraynnaa annaguna hortaada ayaan ku dagaallamaynnaa.”

Waxa uu ku yidhi: “Taa heli maysaan. Taa iska daaye, dumarkiinna iyo caruuriinna ayaad la soo baxaysaan aniguna dumarkayga ayaan soo saarayaa. Nin walba dumarkiisa iyo caruurtiisa ha hor joogsado oo ha ka hor dagaallamo. Haddii uu doono inuu baxsado dumarkiisa ayuu dib u soo dayi, kolkaa kari maayo inuu baxsado. Laakiin, haddii aad dumarka iyo caruurta meel soo dhigataan oo aad kolkaa jabtaan, jabku waxba idiin tari maayo meel aad u baxsataanna heli maysaan. Idinkuna sidaa si aan ahayn baad doonaysaan, hase yeeshee heli maysaan. Anigu se dhulkiinna, dumarkiina iyo carruurtiinna u dhinta ayaan idin leehay!”

Kolkii ay maqleen hadalkiisii iyo dhiirri gelintiisii ayay ubadkoogii iyo dumarkoogiiba soo saareen, iyaga oo isku diyaarinaya dagaal ay kala hor tegaan muslimiinta. Muslimiintuna sidoo kale ayay u soo sinqayeen dhankoogii. Labada dhinac kolkii ay isku arkeen duleedka Silla, ayay koox walba halkeegii is taagtay. Askartii ayay u habeeyeen midig, bidix iyo wadne.

Badhtanka Wasiir Cadli iyo saaxiibbadii ayaa joogay iyaga oo aad moodo aar weerar ku jirta, raggaas oo ay ka mid ahaayeen: Awraci Axmad Diin, Axmad Goyta, Cali Farshaxan iyo Farshaxan Sadwat, wiilkii Dawaaro. Cabdinaasir oo ah ninkii Ganas xukumayay iyo saaxiibbadii ayaa dhanka bidixdana joogay.

Garaad Cabbaas oo uu dhalay Imaamka walaalkii Baxar Nagaash iyo Garaad Cismaan ayaa dhanka midigtana joogay. Waxa hormuud ka ahaa Absame Nuur, Sabrud-Diinkii ku caan baxay geesinimada iyo fardafuulka, Amiir Abuubakar Yamaaj Axmad oo ah ninkii Badriiq Eslaamu ku dilay Goobtii Sari iyo rag kale oo la mid ahaa. Muslimiintii badhkoodba badhkii kale ayuu guubaabinayay iyaga oo nin walba saaxiibkii u sheegayo ajarka uu jihaadku leeyahay iyo jannada khayraadka leh ee uu Ilaahay mujaahidiinta u diyaariyay. Kolkaas ayay muslimiintii noloshii halkaa iska dhigeen oo ay u jibboodeen kulanka Rabbigooga, – Isaga ayaa korreeya oo xumaan iyo nuqsaanba ka nasahan e -. Labada wanaagsan midkood inay helaan ayay muslimiintii dhammaantoodba guddoonsadeen.

Curiyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Badriiqii Cadalu markii uu arkay inay muslimiintii soo abbaareen ayuu gaashaanleydii safay fardaha hortoodii, badhtamaha ayuu joogsaday isaga oo fuushan faraskiisii oo la moodo inuu yahay dhisma wada bir ah. Dumarkiisii iyo caruurtiisii ayuu u dhawaaqay markaas ayuu xagga danbe iska dhigay, isaga oo ku leh: “Idinku quruxdiinna muujiya oo lebbista. Kani waa maalin la isku arkay, oo warkiisa laga sheekayn doono illaa maalinka qiyaamaha e”, dumarkiina sidii uu Badriiqu ku amray ayay yeeleen.

Kolkii ay badriiqyadii arkeen taliyahoogii waxa uu falay ayay ku wada daydeen, iyaga oo fulinaya amarkii hore. Intaa dabadeed Muslimiintii ayaa dhankoogii u soo sinqay iyaga oo ay deggenaasho iyo sakati la’aani ka muuqato. wixii uu Ilaahay Kitaabkiisa ugu ballan qaaday ayay rajaynayeen. Isaga ayaa ah ku wax yidhaahda ka ugu run-sheeg badane, waa kii lahaa:

وَلَا تَحْسَبَنَّ الَّذِينَ قُتِلُواْ فِي سَبِيلِ اللَّهِ أَمْوَاتًا بَلْ أَحْيَاء عِندَ رَبِّهِمْ يُرْزقُونَ فَرِحِينَ بِمَا آتَاهُمُ اللَّهُ مِن فَضْلِهِ وَيَسْتَبْشِرُونَ بِالَّذِينَ لَمْ يَلْحَقُوا بِهِم مِّنْ خَلْفِهِمْ أَلا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ

(Ha moodina kuwii Ilaahay dartii lagu dilay inay dhinteen, ee waxay ku nool yihiin Rabbigooga agtiisa, halkaas oo lagu arsaaqo iyaga oo ku faraxsan…)147

Nin muslimiinta ka mid ahaa oo la odhan jiray Aadish ayaa weerar qaaday, muslimiintiina way ka daba weerartameen iyaga oo xanbaarsan wadne Islaan iyo han Maxamadiya ah. Mushrikiintii iyaguna sidoo kale way weerartameen. Dagaalkii baa la is dhex galay, si xoog leh ayaa la iskugu degay, geesiba geesi ayuu qabsaday. Badriiq Cadalu ayaa muslimiinta badhtankoogii soo galay. sida ugu weyn ee la malayn karo ayaa la isku dagaalay oo labadii ciidan ayaa isku mulaaqmay. Muslimiintu codkoogii ayay kor ugu qaadeen tahaliisha iyo takbiirta iyo salliga Nebiga bishaareeye-digaha ah. Farshaxan Cali ayaa weeraray Badriiqii Baali, wuxuuna ka soo dhiftay koorihii farsakiisa. Dhulka ayay labadiiba isla galeen. Farshaxan Cali ayaa toorray uu haystay la soo baxay oo madaxa ka gooyay, Ilaahay na naartii ayuu ugu dhakhsaday – meel lagu negaadona halkaa ayaa ugu xun e -. Kolkii ay mushrikiintii arkeen badriiqoogii oo dhulka la dhigay ayay dabada jeediyeen, muslimiintiina way daba galeen iyaga oo badh dilaya badhna qaqabanaya.

Guulihii Baali iyo Waraabe

Wasiir Cadli, isagu kolkii uu isku hubsaday dhulkii Baali ayuu qoray warqad uu ugu bisharaynayo inaa la dilay Badriiqii Baali. Waraaqdii nin la odhanjiray Ibraahin ayuu u dhiibay. Labo cisho ka dib kolkii uu dhanbaal-sidihii Garaad Joosho u yimid ayuu isna soo gaadhay. Imaamka ayuu u galay bishaareeyihii waraaqdii ayuuna siiyay isaga oo gacanta ka dhunkanaya oo leh: “Waar maxaa dariiqa kugu helay oo ku raajay, warkan labo cisho ka hor ayaan maqallay e?”

Waxa uu yidhi: “Toggii Webi ayaana ooday.”

Imaamkii ayaa dhanbaalkii akhriyay gartayna wixii ku jiray oo uu nuxurkiisu ahaa: “Maxaan ka yellaa maxaabiista, haweenkii badriiqyada iyo caruurtoodii iyo fardahoogii?”

Weriyihii-Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Imaamku waraaq buu u qoray uu ku leeyahay bisinka ka dib: “Badriiqyada, naagahooga, carruurtooda iyo fardahoogii aad soo boojiseenba, qayb shanaaddii ka bixiya, inta kalena mujaahidiinta u qaybiya. Islaantii Badriiq Cadalu, adigu qaado oo xilayso. Badriiqyada xidhan, kuwii kasoo islaamaa adiga ha kula joogaan, kuwii diida se laa. Ninka murtadka ah ee Naqdiya, isaga afaafka magaalada Silla ku deldel. Ninka Khaarij la yidhahdo, Asmaaj Sakhurah gacanta go’an, Giyoorgis iyo ina Daxar Goyta iyaga ii soo dir, afar farasna ii soo raaci. Cabdinaasir, Boqorka Hadiya iyo Garaad Sadiiq oo ah guddoomiyihii Sharkha iyagana saamigooga ka siiya fardihii aad soo boojiseen iyo haweenkii badriiqyadaba, kolkaana dhulkoogii ha ku noqdaan.”

Ninkii Siimu, isaga waxa uu u diray seef uu daabkeega saaran yahay dahab labaatan wiqiyadood ah, isaga oo ka abaal marinaya wixii uu Islaanka u qabtay khiyaamo la’aan. Dhanbaal-sidihii wuu socday, Wasiir Cadli oo jooga Baali ayuuna gaadhay oo dhanabaalkii buu u dhiibay. Kolkii u gartay wixii ku qornaa ayuu wacay Naqdiye, afaafkii Silla ayuuna ku deldelay sidii uu Imaamku ku amray. Intaa dabadeed, meel-shanaaddii ayuu bixiyay. Askartii muslimiinta ayuu fardihii iyo haweenkii badriiqyada u qaybiyay. Islaantii Badriiqana (Cadalu), isaga ayaa xilanimo u qaatay. Khaadinkiisii ayuu la diray maxaabiistii iyo fardihii uu Imaamku soo codsaday. Khaadinkii wuu socday, wuxuuna gaadhay Imaamkii oo jooga Guraage oo dhulka Dawaaro ku taalla. Halkaas ayuu degganaa illaa ay baxayeen karanta iyo xilli-roobaadkii. Waxa uu soo hor joojay fardihii, maxaabiistii, baqlihii, wixii dahab ahaa iyo khasnadihii Badriiqa Wasan Segad ee yaallay Baali ee uu soo boojiyay Wasiir Cadli ee uu Imaamka u soo diray. Intaa waxa dheeraa wixii uu helay ee ahaa xariir, diibaaj, dhar iyo xoolo ba. Maxaabiistii, iyaga inaa qooraha loo dheereeyo ayuu amar ku baxshay, ninkii Khaarij ee murtadka ahaa se muslimiintii baa u bariday oo yidhi: “Isaga oo yar ayuu aqalkaaga ku koray, haddana wuu toobad keenay, sidaa awgeed waxaan kaa baryaynnaa inaad ka dhaafto wixii uu falay gaalnimadii.”

Kolkaas ayuu Imaamku iska saamaxay askartii buuna ku daray.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Reer Baali yarkoogii iyo weynkoogii ba, iyagu gacantii Wasiir Cadli -Alle ha u naxariistee – ayay ku islaameen. Cabdinaasir, taliyihii Hadiya iyo Garaad Sadiiq oo ahaa ninkii Sharkha mid waliba waxa uu tegay meeshii uu Imaamku u xil saaray.

Weriyihii Futuux Al-Xabasha – Allaha Weyni ha u naxariistee- waxa uu yidhi: Goobtii Baali, maalin jimce oo ka mid ahayd bisha Dilxija ayay ahayd; maalinkii xajka weyn ayay ahayd, dhammaadkii bilaha ugu danbeeya sannadka sagaal boqol siddeed iyo soddon (938) ee Hijrada, Nebigii lahaa Naxariis iuyo nabad gelyo ta ugu wanaagsani ha u sugnaatee.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Markii uu Imaamkii Dawaaro salka dhigay ayuu u diray Wasiir Mujaahid dhulka Waj, isaga oo askartiisii wata ayuu isna socday. Sidoo kale, Farshaxan Diin ayuu u diray dhulka Maayada ee uu hore u qabsaday oo dad intii ku hadhayna ay weli joogaan. Wuu dhaqaaqay isaga oo askartiisii wata, dhulkii Maaya ayuuna galay. Dadkeegii baa soo dhaweeyay halkaas ayuuna degay.

Wasiir Mujaahid, isagu dhulka Waj ayuu galay oo dadkeegii badh ka mid ah ayaa soo dhaweeyay, badhkii kalese waxa ay raaceen badriiqyadii Waj iyo Badriigoogii Eslaamu Dexar oo ay xidid ahaayeen Bogorkii Iskandar ee aan hore u soo sheegnay, buur bayna gabbaad ka dhigteen iyaga oo ahaa soddon badriiq. Wasiir Mujaahid oo u soo hub qaatay si uu ula dagaallamo ayaa u yimid. Kolkii uu badriiqii arkay muslimiintii oo dhankiisa u soo jeeda ayuu saaxiibbadii ku qayliyay isaga oo ku leh: “Hadda fardaha waan iska dhigaynnaa. Halkani dagaalka fardaha kuma sama. Muslimiintii way inna soo galeen.”

Seeftii iyo gaashaankii ayuu qaatay, badriiqyadii oo dhan iyo askartoodii ayaa iyaguna sidaa yeelay, fardahoogiina buurta ayay kaga soo tegeen.

Kolkaa ayuu Wasiir Mujaahid ku weeraray lug iyaga oo ay fardihiina daba socdaan. Dhankii buurta ayuu u sii sinqay. Raggii muslimiinta iyo gaaladii ayaa foodda is daray, dhammaantoodna lug bay ahaayeen. Fardooleydii muslimiinta ayaa lugtii ka soo daba galay, hase yeeshee daw ay buurta ka fuulaan ayay waayeen. Mushrikiintii ayaa uga ba’ay inay helaan dariiq ay buurta ka koraan. Markaa ayuu muslimiinta nin ka mid ahaa oo la odhan jiray Awraci Aboon Al-Qaawara kacay isaga oo wata afar fardooley ah. Si qarsoodi ah ayuu u galay dhankii buurta oo daw ay buurta ka fuulaan ayuu helay. Wuu koray isaga iyo afartiisii saaxib ee fardooleyda ahaa ba. Mushrikiintii kama aanay war helin illaa ay dusha kaga soo qaylyeen.

Kolkii ay qayladii maqleen ayay jabeen, ciidankii Wasiir Mujaahid ee buurta hoosteeda joogay ayaana laayay. Waxa ay qabteen badriiqii Eslaam Dexar dabadeedna way dileen. Badriiqyadii iyo ciidankii gaalada ahaa ee la socday badriiqana way laayeen, cid ka baxday oo ka fakatayna ma jirin. Ciidammadii Eslaam Dexar, badriiq keli ah mooyaane cid kale kama badbaadin iyaga oo ay tiradoodu ahayd soddon badriiq. Fardahoogii oo dhan way ka qaateen iyagana way laayeen. Raggii gaashaanleyda ahaa, wixii la dilay waa la dilay wixii badbaadayna wuu badbaaday. Muslimiinta, iyaga maalintaa naafaq kama dhiman. Ilaahay dhulkii Waj buur iyo bannaan ba muslimiinta ayuu u gacan geliyay, dadkeegii oo dhamina way hoggaansameen. Wasiir Mujaahid Imaamkii buu u soo diray bishaareeye ugu bishaareeya guushaa iyo libinta iyo badriiqyada la laayay. Dhanbaal-siduhu Imaamkii buu soo gaadhay isaga oo joogay Guraage. Imaamku Ilaaha sarreeya ayuu u mahad celiyay.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Cabdinaasir, kolkii uu dhaqaaqay ee uu gaadhay dhulkii Hadiya ayuu helay war sheegaya in uu Boqorkii Wanaag Segad soo diray badriiq la odhan jiray Aykar oo ciidan wata, soona galay dhulka la yidhaahdo Ganas.

Cabdinaasir baa dadkii weyddiiyay: “Imisaa laga joogaa maalintii uu soo galay?”

Kolkaas ayay yidhaahdeen: “Bil baa laga joogaa.”

Cabdinaasir oo hadh iyo habeenba socda ayaa u dhaqaaqay dhankaa iyo Ganas, shan cisho ayayna ka qaadatay. Maalintii lixaad ayuu goor waaberi ah badriiqii weeraray. Badriiqii inta uu faraskiisii gurada jaray ayuu keligii baxsaday, Askartiisii intii hadhay iyo fardihiisiina Cabdinaasir ayaa qaatay oo gacanta ku dhigay. Islaannimada ayuu u ban dhigay, dhammaantoodna way oggolaadeen, islaannimadoodiina way wanaagsanaatay.

Dagaalladii Xabasha gebi way kala qayb galeen. Dhulka Ganas ayuu degey, dadkeegiina way u hogaansameen. Nin ugu bishaareeya guushaa, libinta iyo dhulka la furtay ayuu diray. Bishaareeyihii Imaamkii oo Dawaaro joogay ayuu soo gaadhay, dagaalkii iyo sida ay wax u dheceenna wuu u sheegay. ‘Imaamku’ Ilaaha Weyn buu mahadiyay wuuna ammaanay.

Goobtii Waraaba iyo Guushii Imaamka

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Imaamku intaa dabadeed, addin buu u diray Yacqiim oo la joogay Wasiir Mujaahid, isaga oo leh: “Adiga iyo askartaadu dhulka Waraaba tega oo la dagaallama illaa Ilaahay uu gacantaada ku xoraynayo.”

Waraaqdii baa soo gaadhay isaga oo jooga Waj. Kolkii uu gartay wixii ku jiray ayuu saacaddiiba diyaariyay soddon fardooley ah, dhankii Waraaba ayuuna u dhaqaaqay oo wuu galay, Reer Waraaba oo dhan buuna la shiray. Dadka Reer Suudaan waxa garab degganaa, Carab, Suuq-joog148 iyo socoto. Hadiyad bay siiyeen oo way soo dhaweeyeen. Badriiq la odhan jiray Akliil ayaa ka ag dhowaa, ninkaas oo ahaa shaydaan daran oo aan jixinjixin.

Badh gaaladii kamid ahaa ayaa u yimid iyaga oo leh: “Adiga ayaannu madax kaa dhigannaye, dhulkayaga nala rid.”

Hadalkoogii buu dhegta u raariciyay aad baanu ugu farxay. Waxa uu sidaa u yeelay, hore ayuuna Boqorku xil ugu dhiibin, waayo dhulka Waraaba ayuu degganaa, meel uu ka taliyaana ma jirin. Reer Waraaba ayaa u dhiibtay xilkaa iyaga oo mushrikiin ah si uu ula daggaalamo Yacqiim. Isaga ‘Yacqiim’ oo aan ka war qabin oo jooga teendhooyinkoogii, ayay fardihii mushrikiintu xagga danbe ka soo weerareen. xaruntii qaylo ayaa ka dhacday, iyaga oo leh: “Waryaada, col baa inna soo galay.”

Si dhakhso ah ayay fardahoogii ugu daateen, qalabkoogii bay ku dhammeeyeen, teendhadii amiirkooga ayayna is kugu soo urureen, Yacqiim-na faraskiisii buu koray. Teendhadii horteeda ayay isa safeen. Mushrikiintii ayaa yimid iyaga oo dagaal u socda, Muslimiintiina weerar bay ku qaadeen iyaga oo la moodo in ay nin keli ah isku yihiin. Halkaas ayaa la isku galay, saacad keli ahna la islama gaadhin ee gaaladii baa kolkiiba baqe dabada jeedisay. Muslimiintii way ka daba qaateen, illaa ay dil ku idlaynayeen. Mushrikiintii maalintaa kun lug ah ama in ka badan ayaa laga dilay.

Badriiqii ay dadka Reer Waraaba hodeen wuu badbaaday. Imaamkii ayuu Yacqiim u diray dhanbaal uu ku leeyahay: “Reer Waraaba dhammaantood Jisyadana saar bay i leeyihiin e, maxaan yeelaa? Jawaabtaada ayaan sugaynnaa.”

Kolkii uu dhanbaalsidihii waraaqdii gaadhsiiyay ee uu gartay wixii ku qornaa ayuu ninkii ku yidhi: “Yacqiim ku noqo oo ku dheh: jisyada ha ku siiyaan.”

Ergaygii ayaa Yacqiim soo gaadhay isaga oo joogay Waraaba taladii Imaamka ee arrinta jisyada ayuuna u sheegay. Kolkaas ayuu ku amray inay sannadkii jisyo ahaan u bixiyaan toban kun oo awr-qaad oo qamadi ah iyo kun wiqiiyadood oo dahab ah, kun qunbe149 oo malab ah iyo sidoo kale oo subag ah, sannad walba, iyaguna sidaa way yeeleen, Yacqiim-na dhulkoogii buu degay.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Boqorkii Xabashida ayaa loo warramay inaa dhulkii Waraaba gacanta lagu dhigay isaga oo joogay Angoot. Aad buu uga murugooday qabsashadaa la qabsaday, kolkaas ayuu Badriiq la odhan jiray Ras Biniyaat ku yidhi: “Adigu teg dhulka Waraaba oo muslimiinta ka hir. Haddii la innaga qaato dhulka Waraaba sharafteennii iyo taajkeennii way tegeen, waayo waa jannadii dhulkeenna.”

Badriiqii ciidankiisii buu la dhaqaaqay, daafaheegii buuna gaadhay. Dadkii deegaanka ayaa u yimid Yacqiim oo u sheegay imaatinka ciidammadii gaalada iyo badriiqoogii. Yacqiim baa ku yidhi: “Idinka maxay idin la tahay?”

Waxa ay yidhaahdeen: “Nimankaa gaalada ah idinka ayaan idinka jecelnahay oo hortiin ma aannu nasan. Waa niman daalimiin ah oo xoolahayaga sandulle ayay nagaga qaataan annaga oo aan siin. Idinka ayaan dagaalka idinku garab galaynnaa. Annaga ayaa idiinka colaad weyn. Ha nagu tuhmina dhankooga.”

Iyaga oo sidaa ah ayuu ergaygii badriiqu dadkii dhulka u yimid oo uu ku yidhi: “Idinka dartiin baan u imid oo dhulkiinna ayaan muslimiinta ka badbaadinayaa, Boqorkuna in aan idiin dagaallamo ayuu ii soo diray.”

Kolkii ay caayeen ee ay lacnadeen ayuu ergaygii ku noqday oo uu u sheegay dadkii waxay yidhaahdeen. Wareer baa ku dhacay isaga oo ka yaabban hadalkii dadka iyo sida ay muslimiinta ugu hiilinayaan. Isaga oo sidaa ah ayuu dhankiisa Yacqiim u soo kacay. Warkii markii uu helay ayuu meel kale uga durkay isaga oo teendhooyinkiina sidii kaga tegay.

Yacqiim baa halkiisii soo gaadhay, teendhooyinkiisiina la wareegay wuu na ka daba tegay. Ma gaadhin, hase yeeshee labo cisho ayuu sii daba socday. Dhulkii buu dib ugu soo noqday oo uu degay. Badriiqii waxa uu u malaynayay in ay Reer Waraaba gacan ku siin doonaan dagaalka uu muslimiinta la galayo, wayse noqon weday.

Werihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Ka dib kolkii dhulkii oo dhan la wada qabsaday sida Dawaaro, Baali, Hadiya, Ganas, Waj, Waraaba, Fatagaar, Awfaat iyo wixii dhul ku meersanaa ee ayna hadhin in ka badan meel-afraad ama meel-saddexaad, ayuu Imaamku iskugu yeedhay amiirradii, madaxdii iyo muslimiintii oo dhan, isaga oo ku leh: “Ilaaha dhulkii Xabasha oo dhan gacanta innoo soo geshay ayaa mahad iska leh. Berru Sacdud-Diin ayaan farriin u diraynnaa si ay innoogu keenaan naagaheennii iyo carruurteennii. Dhulka Xabasha ayaynu guryo ka dhiganaynnaa. Suurgal ma aha inaynnu hadda dhulkeennii u daadegno oo aan dhulkan ka tegno. Maxay idinla tahay, oo maxaad ku talin lahaydeen?”

Waxa ay yidhaahdeen: “Talada adiga ayaa iska leh, sidii aad noogu arrimisana waan raacaynnaa.”

Kolkaa ayuu diray addin siday dhanbaal uu u diray Berru Sacdud-Diin oo uu ku hagaajiyay Suldaan Cumar Diin iyo walaalkii Maxamad Ibraahin. Waraaqdiisaa waxa uu ku xusay ka dib kolkii uu u bilaabay sidii lagu bilaabi jiray: “Kolka uu ergaygayagaasi dhanbaalka idiin keeno, noo soo dira naagahayagii iyo carruurtayadii.”

Madax iyo mijo; amiirradii iyo askartii, nin waliba ooridiisii buu u farriin diray, inay soo raacdo afadii Imaamka. Dhanbaalkii, hadiyado iyo qalab-farshaxankii Xabasha oo uu Suldaankii u hibeeyay ayuu diray, madaxdii oo dhanna hadiyado ayuu u diray. Nin walba xaaskiisii buu u diray dahab si ay sahay safarkeega uga soo dhigato iyo si ay dadkii ay ka soo tegeysay wax ugaga timaaddo. Midkood baa diray soddon wiqiyadood oo dahab ah, mid labaatan diray iyo mid diray toban, mid waliba karaankiisii buu sahay u diray. Waxa kale oo ay direen baglo badan oo la soo fuulo lana soo rarto. Ergaygii wuu socday illaa uu gaadhay dhulkii Berru Sacdud-Diin. Hadiyadihii iyo dhanbaalkii Suldaanka Cumar Diin ku socday ayuu iska dhiibay. Suldaanku haweenkii buu u fasaxay in ay raggoogii mujaahidiinta ahaa u tegaan. Xaaskii Imaamka oo la odhan jiray Bactiya Dilwanbara Garaad Maxfuud socod bay isku diyaarisay. Waxa iyaguna la tabaabulshaystay qaar ka mid ahaa haweenkii mujaahidiinta, badhkoodna way iska diideen. Intaa dabadeed, haweenkii mujaahidiintu Ey Faras bay soo gaadheen, Imaamkii bayna la kulmeen.

Haweenkii Muslimiinta oo Jihaadka ka Qayb Qaatay

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Alloow ma gabdho! Gabdhihii muslimiinta goobtii Baali, kolkii ay raggoogii gaalada weerarka ku qaadeen ayay baqlihii raggooga ka soo daba fuuleen, gaaladii markii ay jabeen na, naag walba waxa ay lahayd: “Afar naagihii gaalada ah ayaan soo qabtay, iyo mid tidhaahda anigu shan baan soo qabtay, tu lix tidhaahda iyo toddoba mid tidhaahda ba.”

Mushrikiinta maalinkaa dhawr kun ayaa laga laayay, badriiqyadana tiro badan oo aan la koobi karayn. Waxa ragga la laayay ka mid ahaa: Badriiq Isxaaq oo uu dilay Absame Nuur, Abiib oo ahaa Jaatir guddoomiyaheegii; ninkaasi shaydaan geesi ah buu ahaa. Waxa dilay Badriiq Siimu Wanaag Jaan kii mujaahidka ahaa. Badriiq Liimuu oo ahaa ninkii xukumayay Sharkhana waa la dilay oo Garaad Axmadoosha Maxfuud ayaa makalay. Qafaanina nin dadkii Diinta Islaamka soo galay ka mid ahaa ayaa dilay.

Sabankir oo ahaa ina Badriiq Cadalu; guddoomiyihii Baali ayaa isna la dilay, waxaana isna ku baashaday Tamaash Aboon oo Suldaanka adeege u ahaa. Sabbaru oo la soo islaamay Siimu ayaa Badriiq Magan qoorta ka jaray. Tirada maalintaa badriiqyadii waaweynaa laga dilay duuduub ahaan boqol ayay ahayd, kuwa la qabtayna way badnaayeen sida: Asaaj Sukhira oo ahaa khusuusiga Boqorka, badriiqyada oo dhanna dusha ka haystay, murtadkii Naqdiye, Giyoorgis kii ina Daxar Goyta oo uu soo qabtay Farshaxan Adal. Khaarij ninka la odhan jirayna Mansuur ayaa soo qabtay. duuduub ahaan badriiqyada la qabtay labo boqol oo badriiq ayay ahaayeen.

Intii lugta iyo farasleyda laga dilay ee magacyadooda la garan waayayna saddex kun ayay ahaayeen. Meydkoogii baa dhulkii qariyay, dhiiggiina carrada ayuu u qulqulay sida daadka. Fardahoogii, naagahoogii, ubadkoogii, teendhooyinkoogii iyo hantidii oo dhanna Ilaahay muslimiinta ayuu gacmaha u soo geliyay. Allaha Weyn ee guusha bixiya ee arsaaqda qaybiya ee xigmadda wax ku maamula ayaa xumaan oo dhan ka maydhan.

Muslimiinta labo nin oo keli ah ayaa laga dilay, kuwaas oo ahaa labo nin oo uu Ilaahay shihiidnimo noloshii ugu khatimay. Midkood Baalle Nuur ayuu ahaa, ka kalena Aaha Oomiye. Aqalkii Badriiq Cadalu ee Silla ku yaallay ayuu Wasiir Cadli degay. maxaabiistii, haweenkii badriiqyada iyo ubadkoogii ayuu soo ururshay isaga oo ku leh: “Waar wax ma ka hadhay badriiqyadii Baali?”

Waxa ay ku jawaabeen: “Haa, waxa hadhay Badriiqii Qaaqama ee Aydabas iyo Badalu oo ah badriiqii Dawaaro iyo shan kale oo la mid ah.”

“Hadda halkee bay joogaan?” buu ku ceshey.

Siimu ayaa yidhi: “Meel aan ahayn dhulka Qaaqama ee Aydabas tegi maayaan.”

Kolkii uu Cadli hadalkaas maqlay, ayuu raggiisii fardaha ka soo soocay afartan, Siimu ayuuna ku yidhi: “Ciidankaa qaado oo ka daba teg colka habqanka ah ee jabay meel kaste oo ay galaan ba. Adiga ayaa dhulkooga garanaya oo waa dhulkaagii.”

“Waa yahay,” ayuu isna yidhi.

Siimu ciidankaa dhanka dhulka Qaaqama ayuu u qaatay, wuxuuna la kulmay badriiqyadii oo geedo ku dhex dhuumanaya. Wuu degay wuu na soo wada qabtay kolkaas ayuu mid ka mid ahaa oo la odhan jjiray Del Sabar dilay. badriiqyada Dawaaro ayuu ka mid ahaa, Faanu’iil kii laciinka ahaa oo aan weli islaamin ayuuna la dhashay. In kaste oo uu muslimiinta dagaallo fara badan la galay, haddana gacantooda weli ma soo galin, walaalkiise Siimu ayaa dilay. Badriiqyada intii hadhay fardihii ayaa laga qaaday iyaga oo ahaa kontomeeyo fardooley ah. Wasiir Cadli ayay dib ugu soo noqdeen iyaga oo guul cimaamatay. Cadli oo kolkaa joogay dhulka Silla ayuu u dhiibay fardihii iyo maxabiistii ba. Badriiqii Xijo, isagu Togga Webi ayuu ka gudbay, wuxuuna qaaday dariiqii Dawaaro oo uu joogay Garaad Joosho oo ahaa Bishaaro aabbihii Imaamkuna guddoomiye uga dhigay. Kolkii uu Imaamku u diray Wasiir Cadli Baali ayuu Garaad Joosho ku yidhi: “Adigu mar dariiqa hoose ee Baali oo deg afaafka Daara, ciddii Baali kasoo baxdaana yaanay kaa baxsan.”

Isaga oo dawgii haya, waa dawgii Daara e, ayuu ka hor yimid badriiq ka soo degaya dariiqii Baali oo ka soo tallaabay Webiga. Ilaaladii uu ku amray in ay taag dheer fuulaan si ay dariiqa uga arkaan ciddii meel fog ka soo socda ayaa indhatay. Garaad Joosho ayay u warrameen, iyaga oo ku leh: “Col ka soo degaya buuraha dushooda, dhinaca Webiga ayaan aragnay.”

Waxa uu ku yidhi: “Miyay badan yihiin mise way yar yihiin.”

Iyaguna waxa ay ugu jawaabeen: “Ma garan karaynno illaa ay noo soo dhowaadaan oo aan hubsanaynno inta ay yihiin, kolkaas ayaan warka kuu keenaynnaa.”

Waxa uu ku yidhi: “Hadda halkiinnii ku noqda oo soo hubiya sida uu xaal yahay.”

Way socdeen, laakiin kolkiiba way soo noqdeen, iyaga oo leh: “Hadda way innagu soo dhowaadeen, adiga iyo ciidamadaadu meel joogsada, iyaga oo soo degaya ayaan aragnaye.”

Joosho colkiisii buu meel cidhiidhi ah ku habeeyay oo uu fadhiistay. Mushrikiintu ma ayna ogayn in uu Garaad Joosho meeshaa u sii galay, dariiqaa ma ahee afaaf kalena ma jirin. Kolkii ay soo gaadheen afaafkii ayay arkeen inuu col halkaa joogo. Dariiqa oo cidhiidhi ahaa awgii ayay ka bogan kari waayeen inay baxsadaan, Jooshona isaga oo askartiisii wata ayuu ku soo baxay. Kol keliya ayay qaylo ku dhufteen iyaga oo leh: “Ammaan, ammaan!”

Isaga oo aan hadalkoogii dheg u dhigin ayuu ku yidhi: “Hubkiinna dhulka dhiga.”

Hubkii bay daadsheen, intaa dabadeedna wuu xidhxidhay, iyaga oo ahaa shan badriiq oo watay lixdan farasley ah. Waxa ka mid ahaa ina Badriiq Cadalu oo la dilay fardihiisii, hubkiisii iyo qalabkiisiina dhammaan la la wareegay. Intaa dabadeed, inaa dhammaantood kurka laga jaro ayuu amar ku bixiyay. Badriiq la odhan jiray Faaris ayaa keligii ka badbaaday. Kolkii la doonay inaa la xidho ayuu dhankiisa u soo kacay nin muslimiintii kamid ah, gaalku toorray ayuu sitay, ninkii muslinka ahaana in uu qabto ayuu doonay, hase yeeshee toorraydii ayuu la soo baxay oo uu dhuunta kaga aasay. Isaga oo meyd ah ayuu dhulka ula dhacay, Allaha Sarreeyaa ha u naxariistee. Ninkii gaalka ahaa wuu baxsaday iyaga oo muslimiintii na ay ku hawllan yihiin laynta dadkii la soo qabtay. Kolkii ay muslimiintii ka fara xasheen dilkii ayay arkeen ninkaa la makalay iyo khaadinkiisii oo isna la dilay. Waxa ninka uu mushriggu dilay la odhan jiray Alxamey Suldaan oo ka mid ahaa dadka garaaca qalabka mismaarka (miisikada) ee dhulka Berru Sacdud-Diin. Imaamka ayaa jeclaa, oo halyey geesi ah ayuu ahaa, garaacistii miisikadana wuu ka tegey oo geesiyada fardafuulka ayuu ka mid noqday. Halkaas ayay muslimiintii ku aaseen. Garaad Joosho madaxa ayuu Badriiq Xijo ka jaray, Imaamkii oo joogay Jeena ayuuna u diray. Imaamku aad buu ugu cadhaysnaa badriiqan, waayo Imaamka ayuu u soo diray ergay uu ku leeyahay: “In aan islaamo ayaan doonayaa.”

Imaamkuna addin buu u diray, laakiin kolkii uu ergaygii u yimid ayuu dilay, dabadeedna dhulka Baali ayuu u baxsaday. Sidaa awgeed ayuu keligii madaxa uga gooyay si uu Imaamku ugu farxo. Addinkii markii uu

Imaamka madixii badriiqa u keenay ayuu takbiir ku dhiftay isaga oo Ilaahay mahadinaya. Imaamku kama war qabin sida uu Wasiir Cadli yeelay iyo guushii gaalada laga gaadhay Goobtii Baali. Kolkii uu arkay madixii ayuu addinkii ku yidhi: “Waar halkeed kula kulanteen ninkii madaxan lahaa?”

Ninkii farriinta siday ayaa yidhi: “Miyaanay cidi idiinka iman xaggii Wasiir Cadli, cid idiinku bishaaraysa wixii uu falay miyaanay idiin iman?”

Imaamkii baa yidhi: “Oo muxuu falay.”

Halkaas ayuu Imaamku ku ogaaday dilkii Badriiq Cadalu iyo jebistii la jebiyay isaga iyo ciidankiisii. Waxa kale oo uu ogaaday sida uu badriiqan madaxiisa la soo gooyay ugu yimid Garaad Joosho. Kolkii uu hadalkaa maqlay ayuu Ilaahay labo rakcadood oo mahadnaq ah u tukaday. Ninkii bishaarada keenay iyo saaxiibbadiina lebbis iyo labo duub oo dahab ah oo gacmaha la geliyo ayuu siiyay. Imaamkii wuu baxay oo meel bannaan ah ayuu fadhiistay isaga oo faraxsan. Amar ayuu ku bixiyay inaa la afuufo caroogyo oo durbaannada iyo garridii Xabashida la tumo.

Ciidammadii muslimiinta ayaa agtiisa ku soo ururay iyaga oo leh: “Maxaa dhacay?”

Hortooda ayuu ku joojay madixii badriiqa, warkii guushana wuu u sheegay, iyaguna si aad ah ayay ugu farxeen.

Shirqoolkii Walaamo ee Muslimiinta ku Dhacay

Intaa dabadeed, Imaamkii iyo saaxiibbadii waxa ay u dhaqaaqeen dhankii dhulka Tigraay, amiirrada oo kala baahsanaana wuu iskugu yeedhay. Wasiir Cadli oo Baali joogay ayaa Imaamkii u yimid isaga oo ciidankiisii wata. Imaamkii Ey Faras wuu ka dhaqaaqay wuxuuna degay dhulka Waj tuulo ku taalla oo la yidhaahdo Wiis Gabiye. Dawaaro, Amiir Xuseen ayuu kaga tegay, Sharkha-na Garaad Sadiiq, Dawaaro-na (Daaro) Garaad Joosho, Baali-na Wasiir Cadli walaalkii oo la odhan jiray Cumar. Wasiir Mujaahid, isagu Waj ayuu joogay oo maalintaa uu Imaamku soo gaadhay wuu ka maqnaa. Inta aanu Imaamku soo gaadhin ayuu tegay dhulka la yidhaahdo Suuf Jimma iyo Baxar Jimma oo ah meel fog. Waa dhul aanu Boqorka Xabashidu weligii qabsan, laakiin uu heshiis la ahaa. Waa dad cawaan ah oo aan diin iyo kitaab toona lahayn. Dhulkoogii buu galay, wuuna laayay. Intaa dabadeed jisyo in ay bixiyaan ayaa dirqi ku noqotay, heshiis bayna sidaa ku galeen iyaga oo leh: “Shaqaalahaaga noo soo dir, si aannu jisyada ugu dhiibno.”

Adeegihiisii Saalax oo ahaa geesi carceeray ayuu raaciyay, toban fardooley ah iyo ciidan lug ah oo gaadhayay boqolna wuu ku daray. Waxa raggaa kamid ahaa, Shariif Xuseyni ahaa oo la odhan jiray Cali. Maalin keli ah ayay socdeen iyaga oo dadkii dhulkuna weheliyaan. Dhul dhiiqo ah oo lagu silbanayo oo la yidhaahdo Walaamo150 ayay geliyeen. Waxa ay ku yidhaahdeen: “Halkaa fadhiya inta aan jisyada idiin soo ururinaynno.”

Hadalkoogaasi shirqool buu ahaa, Saalax iyo saaxiibbadiina halkii bay degeen illaa loo soo ururinayay xoolihii. Dadkii dhulku way isku qayshadeen dhankii Muslimiinta ayayna u soo kaceen oo way soo galeen. Muslimiintii inay fardahoogii fuulaan bay damceen, hase yeeshee uma suura gelin weerar iyo baxsi midna! Fardihii lugahoogiina dhooqadii bay limmadeen, dhammaantoodna halkaas ayaa lagu laayay. Shariifkii iyo Saalax, labadoodiiba way dileen, Alle ha u naxariistee. Wasiir Mujaahid inaa ciidankiisii la laayay ayuu maqlay, aad buu uga cadhooday wuxuuna yidhi: “Ka tegi maayo illaa aan saaxiibbaday u aar gudo.”

Muslimiintii la socotay baa ku yidhi: “Waar dhulkaasi ma aha dhul fardo ku dagaallamaan. Inaan go’doominaana suuragal ma aha cuntada oo yar awgeed. Dhulkeennii aan iskaga noqonno intaanay afaafkii aan ka imannay innagu xidhin. Haddii ay mushrikiintu innooga badiyaan kari maynno in aan ka baxno. Kolkaa sidii ay Saalax ku faleen bay innagana innaga yeeli.”

Wasiir Mujaahid ayaa arrinkaa iska diiday oo kaga adkaystay inuu halkaa fadhiisto. Bil buu halkii fadhiyay, dadkii dhulkuna buur bay galeen oo ay gabbaad ka dhigteen. Muslimiintii sahay yari bay u dhibaatoodeen oo way gaajoodeen. Wasiir Mujaahid ayaa dabadeed doonay in uu dib u noqdo.

Fardooley ayuu diray si ay afaafka ugu soo eegaan. Mushrikiintii oo uga soo horreeyay ayay arkeen. Way ku soo noqdeen wayna u warrameen, muslimiintiina halkaas way ku dhibaatoodeen. Waxa ay la wareereen, haddii ay meesha sii fadhiyaan gaajada uma adkaysanayn iyaga oo ay sahaydii ka go’day, dariiq kale oo ay maraanna ma haysan. Cabdinaasir Ganas buu joogay, Wasiir Mujaahid iyo inay dadkii dhulkaasi kiileen ayuuna maqlay, kolkaas ayuu Ganas ka soo dhaqaaqay oo uu habeen iyo maalinba soo socday. Siddeed cisho ayuu ku soo gaadhay afaafkii.

Mushrikiintii halkaa joogtay ayuu laayay. Ganas dhanka danbe ayuu kaga yimid, afaafka ayuuna u degay. Intaa dabadeed, Wasiir Mujaahid buu farriin u diray si uu ugu yimaaddo. Muslimiintii way farxeen oo way socdeen, kolkii ay la kulmeenna way uga mahad celiiyeen sidaa ay yeeleen.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Imaamkii, isaga warkii Wasiir Mujaahid iyo Cabdinaasir dib ayuu uga dhacay. Markaas ayuu diray Amiir Shamcoon iyo Absame Nuur oo uu ku yidhi: “U tega Wasiir Mujaahid iyo Cabdinaasir meeshii ay doonaanba ha joogaan e. Iyaga oo idinla socda ha ii yimaaddaan.”

Iyaga oo askartoodii wata ayay socdeen, Ganas bayna tegeen. Halkaas ayay kaga hor tegeen iyaga oo dhanka Imaamka u soo jeeda, dabadeed na way soo wada noqdeen. Imaamkii ayay u wada yimaaddeen isaga oo jooga Wiis Gabiye. Waxa uu weyddiiyay: “Halkeed joogteen oo aad ku daahdeen?”

Arrimihii dhacay iyo sidii uu Cabdinaasir yeelay ayay uga warrameen. Imaamkii iyo muslimiintii baa iyaguna u mahad naqay.

Intaa ka dib, Imaamkii ayaa socday oo galay dhulka Jabarji. Amiir Abuubakar ayaa dhulka Fatagaar uga yimid. Yacqiim oo ka soo socdaalay Waraabana Imaamka ayuu u yimid. Ciidammadii muslimiintu Jabarji ayay is kugu yimaaddeen. Haddana Wasiir Cadli ayuu u diray Daamoot, wuxuuna ku yidhi: “Soco oo xoree dhulka Daamoot oo dadkeega dagaal ku qaad.”

Askartiisii la yaqaannay ayuu qaatay ee uu ka midka ahaa]Sayidkaygii Maxamad oo uu Imaamku guddoomiye halkaa uga dhigay. Cabdinaasir oo askartiisii watayna wuu raacay. Way socdeen illaa ay gaadhayeen dhulka Daamoot. Halkaa waxa joogay badriiq ka mid ah badriiqyada Bogorka oo la odhan jiray Dexar Goyta oo halkaa ku haystay askar badan.

Kolkii uu maqlay in ay muslimiintii ku soo baxeen dhulka Daamoot ayuu cabsi aawadeed u baxsaday Gaafaat oo ka mid ah dhulka Daamoot. Gaafaat qolo cawaan ah oo aan kitaab iyo diin haysan ayay ahaayeen. Badriiqii bay ku yidhaahdeen: “Dhulkayaga ha soo galin” wuu se iska dhego-mariyay dhulkoogii na xoog buu ku soo galay. Way iskugu yeedheen si ay ula dagaallamaan, dhul dhiidhi ah oo lagu silbanayo ayayna u galeen. Waa dhul haddii ay farduhu galaan afartooda addinba limmanayeen. Badriiqii si uu ula dagaallamo ayuu u soo baxay

isaga oo colkiisii wata. Kayn meeshaa jirtay ayay dhex galeen illaa uu badriiqii uu soo galay dhiidhidii. Ma dareemin, laakiin kolkii ay dhan walba kaga soo baxeen ayuu ka war helay. Reer Gaafaat dhammaantood waxa ay ku dagaallamaan lug e, fardaha ma yaqaannaan sida loo fuulo. Badriiqa labo boqol oo fardooley ah oo dhiidhidii ku dagaallamay ayaa la socday.

Fardihii baa la dhaqaaqi waayay, afartoodii addinna dhiidhidii ayay ku libdheen. Reer Gaafaat fardaha ayay boqno goynayeen iyaga oo ay raggiina saaran yihiin, kolkaas ayay ka soo jiidayeen. Badriiqii wuu jabay fardihiisii na wax yar ma ahee waxba kama bixin. Askartiisii in badan baa laga dilay, saddex wiilashii badriiqa ka mid ahaana waa la laayay. Badriiqyadii Daamoot oo dhammaantoodba ka hoos shaqaynayay badriiqa Dexar Goyta ayaa laga laayay shan iyo toban.

Qabashadii Badriiq Balaw Segad

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Wasiir Cadli, dhulka Daamoot ayuu joogay, kolkaas ayuu amiirradii kala diray si ay u soo qaqabtaan gaalada, xoolona u soo boojiyaan. Daamoot waxa kale oo joogay badriiq la odhan jiray Balaw Segad oo ay walaalo ahaayeen Eslaamu oo isaga lagu dilay goobtii Sari. Kolkii ay muslimiintu soo galeen dhulka Damoot ayuu baxsad dhulkii uga baxay isaga oo watay soddon fardooley ah. Togga Baxar Sebi151 ayuu ka tallaabay, wuxuuna magan galay addoon Reer Daamoot ah oo degganaa meesha la yidhaahdo Anaarya oo uu ka codsaday in uu muslimiinta ka badbaadiyo. Addoonkii wuu soo dhaweeyay wuuna ka aqbalay, isaga iyo saaxiibbadiina meel ay degaan ayuu siiyay. Badriiqii iyo saaxiibbadii kolkii ay fardihii ka degeen ee ay fadhiisteen ayay arkeen addoonkii oo si kadis ah u soo weeraray. Badriiqii ayaa garbaduub loo xidhay fardihiisiina way qaateen. Wasiir Cadli buu u diray farriin uu ku leeyahay: “Aniga ayaa qabtay badriiqii ‘Balaw Segad’ dhammaantoodna waan wada xidhxidhay. Adigu saaxiibbadaa ii soo dir si aan kuugu imaaddo.”

Cadli jawaabtii ayuu u diray kolkii uu soo gaadhay addinkii addoonku oo kama raajin, addoonkii isna saacaddiiba wuu soo kacay. Jisyadii, hadiyadihii, maxaabiistii, fardahoogii iyo dahab fara badan ayuu keenay, waayo dhulkiisu dhulka macdanta dahabka laga qodo ayuu ahaa. Dhankii Wasiir Cadli ayuu u soo kacay oo wuu soo gaadhay, dabadeedna badriiqii iyo saaxiibbadii oo xidhxidhan iyo fardahoogii ayuu soo hor joojay. Jisyadii oo ahayd kun wiqiyadood oo dahab ah oo aanay hadiyaddii ku jirin ayuu iyadna keenay. Wasiir Cadli ayaa soo dhaweeyay oo ka guddoomay, dabadeedna siiyay lebbis, jisyadiina wuu dul saaray oo wuu ku xukumay, isna dhulkiisii ayuu iska ga noqday.

Reer Gaafaat oo Islaamka soo Galay

Wasiir Cadli warkii Gaafaat iyo wixii ay Badriiq Dexar Goyta ku faleen ayuu maqlay. Wasiir Cadli, kolkaas ayuu u diray dadkii iyaga ka mid ahaa ee islaamay, kuwaas oo socday oo u tegey saaxiibbadoodii mushrikiinta ahaa oo ka codsaday in ay u raacaan Wasiir Cadli. Way yeeleen, Wasiir Cadli bayna soo gaadheen. Fardihii ay ka qaateen Dexar Goyta, qalabkoogii iyo caroogyadoodii ayay wateen, waxaas oo dhanna way la yimaaddeen.

Wasiir Cadli aad buu ugu farxay, raggoogii madaxda ahaana lebbis buu ka simay. Dhulkoogii bay dib ugu soo noqdeen, Imaamkiina Farshaxan Diin buu u diray si uu ugu bishaareeyo oo uu ugu yidhaahdo: “Reer Gaafaat way jebiyeen badriiqii Dexar Goyta ee xakumi jiray Daamoot, ka dib kolkii uu annaga naga baxsaday ee uu dhulkooga galay, sidii aynnu doonaynay ayayna ku faleen.”

Farshaxan Diin kii addinka ahaa wuu socday, wuxuuna gaadhay Imaamkii oo jooga dhulka Waraaba. Dhanbaalkii buu u dhiibay warkii oo dhanna wuu uga warramay, Imaamkiina aad buu ugu farxay. Wasiir Mujaahid ayuu u diray Wasiir Cadli si uu ugu yimaaddo waayo Imaamku in uu duulo ayuu doonayay. Wasiir Mujaahid ayaa gaadhay Cadli oo joogay meel la yidhaahdo Duqur Wuha oo Daamoot ka tirsan. Cadli isla saacaddiisii buu dhaqaaqay wuxuuna soo gaadhay Imaamkii, isaga oo joogay Debra Burhaan agteeda. Badriiqii Balaw Segad iyo fardihiiba Imaamka ayuu soo hor joojay, isna amar buu ku baxshay inaa badriiqa luqunta laga jaro.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: intaa dabadeed, ciidammadii muslimiinta iyo amiirradoodiiba Debra Burhaan ayay iskugu yimaaddeen. Imaamkii baa yidhi: “Mahad Eebbaha Xabasha oo dhan gacanta innoo geliyay ayaa iska leh.

Tigraay, Baqemadar iyo Goojaam mooyaane wax kale oo innaga hadhay ma jiro. Inaan u dhaqaaqno iyo inaan halkan fadhiisanno sannad illaa aan ku xasilaynno, labadaa kama dhaxayso. Waa maxay taladiinnu, Alle ha idin barakeeyo e?”

Badhkood baa yidhi: “Dhulkan baan iska fadhiyaynnaa sannad ama in ka badan illaa aan isku hubsanaynno, intaa dabadeedna dhanka aad noogu taliso ayaan qabanaynnaa.”

Qolo kale oo ay ka mid ahaayeen: Saxrabawi Maxamad, Wasiir Cadli, Wasiir Mujaahid iyo Cabdinaasir ayaa yidhi: “Waar laakiin, hadda awood iyo askarba waan haynnaa. Aan u dhaqaaqno dhankaa iyo Tigraay oo aan abbaarno Boqorka, meeshuu doonoba ha joogee.”

Imaamka taladoodii baa la toosnaatay wuxuuna yidhi: “Talo tiina ayaa ugu wanaagsan.”

Nin la odhan jiray Fessaha oo Reer Awfaat ahaa oo muslimay ayuu ku yidhi: “Soco adigu illaa Awfaat, Amaaja ayaannu kugu la kulmaynnaa.”

Wasiir Cabbaas Aboon oo maalinkaa ahaa Baxar Negaash-na152 wuu diray isaga oo ku yidhi: “Teg Jidim Jaay oo halkaa deg.”

Amiir Xuseen iyo ciidankiisii oo uu ku xoojiyay ciidammadii Fatagaar na wuu diray isaga oo ku yidhi: “Soco oo teg dhulka Mansi.”

Yacqiim buu u raacay Beyt Amxara illaa uu la gaadhayay Mansi, dagaalse kama hor iman. Imaamkii ayaa ka daba tegay oo gaadhay Mansi, Amiir Xuseen buuna halkaa kula kulmay.

Garaad Cabbaas, isagu kolkii uu galay Jidim Jaay ayay gaaladii gabbaadsadeen buuraha iyaga oo wata naagahoogii, xoolohoogii, carruurtoodii, fardahoogii iyo weliba qalabkoogii. Hadh iyo habeenba way la dagaallamayeen oo way daaliyeen. jidkii u dhexeeyay Imaamka iyo Garaad Cabbaas ayay qabsadeen oo ay kala gooyeen. Warkoogii Imaamka ma gaadhin, waayo gaalada ayaa u dhaxaysay. Imaamkii waxa uu u kacay dhankaa iyo Baxar Xiiq oo ah daafaha Angoot, Waasil dusheeda. Intaa dabadeed, Cabbaas ayaa soo diray waraaq uu ku sheegayo gaaladii iyo inay u dhexeeyaan iyaga iyo Imaamka, wuxuuna yidhi: “Wayna dhibeen, haddii aan la dagaallami lahaynna ma helaynno dariiq aan u marno. Kolka ay haddaba waraaqdaasi idin soo gaadho dhankooga u soo dhaqaaqa idinka oo jidkiinna haysta, aniguna dawgayga ayaan soo qaadi e.”

Imaamkii ayay waraaqdii soo gaadhay isaga oo joogay Baxar Xiiq. Kolkii uu farriin-sidihii u yimid ayuu Imaamku weyddiiyay buurta ay gaaladu gabbaadsadeen. Addinkii baa yidhi: “Buurtii uu Degalhaan gabbaadka ka dhigtay maalintii uu joogay Jidim ee aad Boqorka ku la dagaallanteen Waasil, ayay maantana gabbaadsadeen.”

Imaamkii baa ku yidhi: “Badriiqooga weyni waa kuma?”

Waxa uu yidhi: “Waa shan badriiq oo ciidamadoodii wata iyo labo badriiq oo kale oo buur kale ku jira. Badriiqii Degalhaan wiil uu dhalay oo la odhan jiray Tekle Haymanoot ayaa la socda.”

Imaamkii waxa uu ninkii la soo diray ku yidhi: “Maanta halkan ayaan iska joogaynnaa. Berrina Angoot ayaan colka u diyaarinaynnaa. Sahan danbena – haddii uu Eebbaha Weyni yidhaahdo – waynnu dhaqaaqi.”

Intaa dabadeed, Farshaxan Amiir Cali oo ahaa ninkii Angoot ka talin jiray ayuu diray, Cabdinaasirna wuu raaciyay isaga oo ku leh: “Socda oo Angoot iyo dhulkii Bedel Nasar tega. Dagaalyahan fardooley ah oo rag iyo badriiqyoba leh ayaan maqlay in ay dhulkaa joogaan e, socda oo la soo dagaallama, Ilaahayna guusha wuu idinka siin doonaa – haddii uu Eebbe yidhahde e.”

Haddana Imaamku Amiirradii buu la tashaday oo uu ku yidhi: “Maxay idinla tahay inaan ka yeello badriiqan buurta dabada geliyay?”

Wasiir Cali baa yidhi: “Aniga igu daa, waan u tegi oo waan la soo dagaallami e.”

Imaamkii baa yidhi: “Adigu xarunta noo fadhi.”

Amiir Xuseen baa isna yidhi: “Aniga ayaa u tegi oo la soo dagaallami. Itaal iyo awood midna ma hayaan e, maxaad adigu ka dooni!”

Imaamkii baa yidhi: “Aniga ayaa buurtan idinka aqaanna. Haddaad dhammaantiin dhankeega u wada kacdaan, waxba ka qaadi maysaan, aniga oo berri u dhaqaaqa ma ahee. Adigu Cadliyoow halkan fadhi.”

Imaamkii maalintii afar iyo tobnaad ee Bishii Ramadaan ee weynayd sannadkii sagaal boqol iyo sagaal iyo soddon (14/09/939) ee Hijrada – Nebigii lahaa naxariis iyo nabad gelyo ha u sugnaadeene – ayuu socday. Si dhakhso iyo degdeg ah ayuu Imaamku u socday, buurtii Waasil hoosteeda ayuu ku daadegay, halkaas ayuuna fadhiistay. Intaa dabadeed, Aadamoosh oo wata shan iyo toban fardooley ah ayuu u diray Cabbaas oo uu ku yidhi: “Waad aragtaa in aan halkan dariiqa hortooda ah nimid, inniguna dariiqa ka danbeeya kaga yimaadda.”

Aadamoosha ayaa intaa ka dib socday Amiir Xuseen buu haddana diray oo uu ku yidhi: “Dhankaa iyo Beyt Amxara u bax oo dariiqa sare fadhiiso. Dushooda joogso illaa aan annaguna hoosta kaga imanaynno. Kolka uu Ilaahay guusha naga siiyo ee ay jabaan ha waayaan daw ay ka baxsadaan.”

Kolkaas ayuu Amiir Xuseen socday. Imaamkii isna wuu dhaqaaqay oo meel la yidhaahdo Bashalosaaf oo ka mid ah dhulka Sagma ayuu maqribkii hortii degay. Kolkii uu waagii beryay, ayuu Imaamku askartii ku yidhi: “Maanta soonka jebiya.”

Kolkaas ayay soonkii jebiyeen, waxayna u dhaqaaqeen dhankii buurta ee ay gaaladu joogtay. Milaygii barqada ayay gaadheen, gaaladiina kolkii ay arkeen ciidankii Imaamka ayuu badriiqii buurta ka soo degay. Ciidankiisii buu buurta oo labo afaaf lahayd midkood hor safay. Kolkaas ayuu Imaamkii ciidankiisii u kala saaray labo kooxood, midkood Amiir Shamcoon buu raaciyay oo uu ku yidhi: “Albaabkaa bidixda qabo oo kula dagaallan.”

Imaamkii, isna afaafkii dhanka midigta ayuu u dhaqaaqay. Ciidankii lugta ahaa ayaa fardihii hor galay oo halkaas ayaa la isku laayay. Saacad keli ah ayaa gaaladii labadii afaafba lagu jebiyay. Raggii lugta ahaa ee muslimiinta ayaa buurtii fuulay. Mushrikiintii, iyaguna buurta guradeedii ayay isku qaadeen si ay dhanka kale uga daadegaan. Amiir Xuseen bay arkeen oo uga sii horreeyay dariiqii kale oo uga soo dheereeyay. Kolkii ay arkeen Amiir Xuseen ayay dib ugu soo jabeen afaafkii uu Imaamku joogay.

Imaamkii iyo askartiisii ayaa qaqabtay. Tiradoodu waxa ay ahayd afar kun oo nin oo lug dagaalyahan ah iyo badriiqoogii oo ahaa ina Degalhaan. Imaamkii Islaannimada ayuu uu bandhigay, wayna wada muslimeen iyaga iyo badriiqoogii ba, Imaamkii bayna la degeen. Ina Degalhaan kolkii uu afar bilood Imaamka la fadhiyay meesha la yidhaahdo Qidda oo dhulka Suubil ka mid ah ayuu baxsaday.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: dagaalka goobtaasi waxa uu dhacay annaga oo la soconnay safarkii ka yimid dhulka Berru Sacdud-Diin ee ku socday xaruntii Imaamka. Taliyihii Daamoot ee ahaa Sayidkaygii Maxamad ayaana soo dhaweeyay, kaas oo xilligaa joogay Awfaat meesha la yidhaahdo Bahii’a. Dabadeed Awfaat ayaan ka soo dhaqaaqnay intii dagaalka ka hadhay illaa aan imannay meel buurta u jirtay maalin-soof, Imaamkana wax war ah kama aannan qabin. Maalinka badhtankiisii ayaan teendhooyinkayagii joojisannay iyada oo ay Ramadaan ahayd. Waxa aan aragnay dab laga oogay buurta guradeedii oo dhammaan guryihii ay wada gubanayaan, kolkaas ayaan is nidhi: “Waxaasi waa oogtii gaalada. Kollay dagaal baa dhacay.”

Kolkii ay ahayd casarka hortii yar ayay dad noo yimaaddeen ayay nagu yidhaahdeen: “Waxaa ad arkaysaani waa dabkii Imaamka oo ka guulaystay mushrikiintii oo buurtii fuulay.”

Kolkaas ayaan ku nidhi: “Haddii uu Imaamkii halkan joogo, muxuu noogu sheegi waayay Sayidkaygii Maxamad.”

Labo nin oo ka mid ahaa safarkii ayaan dirnay oo aan ku nidhi: “Waxa aad noo keentaan warka dabkaa ciddii shidday.”

Meel aan naga fogayn ayay u dhaqaaqeen, buurtana waxa ag ahaa geedo iyo laago dixo ah, halkaas oo ay ku dhuunteen qaar gaaladii ka mid ahaa kolkii ay jabeen. Geedaha dhexdoodii ayay kaga soo baxeen, kolkaas ayay labadii nin oo cararaysaa nagu soo noqdeen. Oogtaasi inay ahayd tii gaaladu shidday ayaan moodnay oo hubkayagii baan ku barinay. Mid waliba seeftiisii iyo hubkiisii ayuu iska laalaadiyay. Kolkii uu waagii beryay ee uu cadceeddii dhulka ku iftiimiyay ee uu caddeeyay ayaan dhankii Imaamka u dhaqaaqnay. Iyaga oo aad ugu faraxsan guusha ayaan u tegnay, kolkaasa yaan gacanta ka dhunkannay, wuuna nasoo dhaweeyay oo wuuna maamuusay. Dhulkii sida uu ahaa ayuu wax naga Weyddiiyay. Imaamku boojimooyinkii buu kula noqday dhulkii Xiiq, amiirradii uu buurta ku kala firdhiyayna way soo noqdeen. Wuu socday illaa uu xaruntii soo gaadhayay Wasiir Cadlina wuu ka hor yimid, muslimiintiina guusha Imaamka ayay ku farxeen. Imaamku intaa dabadeed xaruntii buu ka tegay wuxuuna degay Anba oo ahayd meeshii aan horay u soo sheegnay, kolkii uu go’doomiyay Garaad Axmooshe oo uu la socdo Awraci Cismaan kii lagu dilay. Waa taa Anba oo ay dusheedana joogeen carruurtii boqorradu, oo halkaa loogu geynayay wixii ay u baahdaan ee ah dahab, xariir iyo wax kale ba. Marka u inan u dhashoba buurtaa dusheeda ayaa la geeyaa. Halkaa laga ma soo dejiyo illaa inta uu Boqorku dhimanayo.

Kolkaas ayaa mid laga soo dejiyaa oo boqornimada loo caleemo saaraa. Sallaanno oo keliya ayaa buurtooda lagu fuulaa. Imaamku buurtii iyo gabbaadyadii ayuu ku hareereeyay oo uu go’doomiyay labo bilood oo uu dagaalkuna socday. Boqorkii Xabashidu ciidammadii Tigraay, fardooleydoodii, geesiyaashoodii iyo badriiqyadoodiiba waxa uu amar ku siiyay in ay Imaamka ka hiraan gabbaadyadaas. Imaamkii labo bilood ayuu dagaalkaa waday. Intaa dabadeed, muslimiintii gabbaadkii ayay xoreeyeen iyaga oo ay dhagxantii iyo kunkumaysyadii ugu dul daadanayaan sida roob dhagaxyaale ah oo da’aya. Way galeen dabadeedna way qabsadeen, mushrikiintiina gabbaadkii labaad ayay galeen iyaga oo jabay. Muslimiintii gabbaadkii hore ma ahee meel kale ma aanay furan. Badriiqyada Tigraay waxa ka mid ahaa Asmaaj Caamir iyo Tasfa Iyaasus oo ahaa Asmaaj kii Baxar Anba. Dhammaantood way jabeen, Asmaaj Caamir, isaga isha ayuu qori ka galay oo wuu ka soo saaray, – Alle ha lacnadee -. Tasfe Iyaasus, isna waxa caloosha ka galay qori isaga oo ordaya wuuna dhintay – Alle uma naxariistee -. Imaamku gabbaadkaa koowaad ayuu dul baryay. Nasaarada iyo Reer Tigraay waxa ay wateen madaafiic iyo bunduqyo ay labo nin oo carab ahi muslimiinta ugu ridayeen. Labadaa nin midkood Xasan Al-Basri baa la odhan jiray, ka kalena Cabdi Asfar Turki153 oo Quraanka-ruug ahaa, hase yeeshee riddoobay oo nasaaroobay ciidankana ka mid ahaa, – Alle ha lacnadee. Maalinkii danbe ayay nasaaradii gabbaadkii labaad ka jabeen.

Imaamku waaberigii illaa gabbal dhicii ayuu eryanaayay. Imaamku Warjaar Aboon ayuu hore ugu diray Seylac si uu dhufaysyadan madfacyo ugu soo iibsho. Madfac weyn oo naxaas ah iyo labo yaryar oo bir ah ayuu u soo iibshay oo meesha la yidhaahdo Genda Bila ayuu keenay iyaga oo awr ku raran. Cabbaas kii Imaamka walaalkii dhalay ee uu kaga tegay dhulka Jidim ayaa la kulmay oo soo dhaweeyay. Cabbaas baa kolkaa rag ku soo raray, waayo awrtu dariiqaa ma mari karayn. Cabbaas oo ku sida askarii Jidim ayaa u keenay Imaamkii isaga oo ciidan ku meeriyay gabbaadka. Labo nin oo Hindi154 ah oo u tabobaran ridista ayaa madfacyada la socday. Boqol wiqiyadood oo dahab ah ayuu Imaamku siiyay, isaga oo ku leh: “Ku dhifta raggaa dariiqa noo jooga si ay raggayagu uga gudbaan oo aan markaa sallaannada u fuullo.”

Imaamku sallaanno ayuu sii diyaariyay, askartii iyo lugtii lagu yaqaannay inay ku dagaallaman buurahana wuu soo ururiyay oo duubab dahab ah ayuu siiyay. Ina adeerkii Saxrabawi ayuu taliye uga dhigay, intii hadhayna Garaad Shamcoon ayuu amiir uga dhigay, wuxuuna ku yidhi: “U daadega qalcadda oo la dagaallama.”

Qalcaddu labo albaab ayay lahayd. Askarta badhkeed Saxrabawi Maxamad ayaa watay, badhka kalena Garaad Shamcoon. Imaamkii, dusha meel faalal ah oo ay farduhu ku dagaallami karaan ayuu fadhiistay si aan dhankii Boqorka Xabashida gurmad ugaga iman ragga qalcadda ku jira. Waxa uu Imaamku sidaa u yeelay, waagii hore ee uu Awraci Cismaan taliyaha ahaa ayuu ku amray inuu meeshaa faalalka ah dhigo cid dhabarka Muslimiinta ka ilaalisa cadaw halkaa yimaadda isaga oo la dagaallamaya qalcadda, ma se yeelin. Halkaas ayay ahayd meeshii ay gaaladu kaga timid iyaga oo wata fardahoogii iyo lugtoodiiba illaa ay isagii dilayeen, – Allaha Weyni ha u naxariistee -, aamiin. Imaamku se nin maskax badan oo aad u yaqaan tabaha dagaalka ayuu ahaa, sidaa awgeed buuna halkaa u degay.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Saxrabawi Maxamad iyo saaxiibbadii, qalcaddii bay ku degeen oo way dagaallameen. Nasaaradu waxa ay muslimiintii ku ganayeen madaafiic uu u ridayay Xasan Al-Basri oo kolkii danbe lagu qabtay dagaalkii Goojaam Imaamkuna cafiyay sida aan kitaabka Jiskan hore dhamaadkiisa ku sheegi doonno.

Dagaalkii kama aanay fadhiisan Waaberigii illaa duhurkii iyaga oo dhagxantii iyo kukumaysyadiina lagu soo shalwayo, laakiin midna dhibaato ma soo gaadhin. Intaa dabadeed Imaamkii ayaa soo degay oo yidhi: “Buurtan in aan ku dagaalanno ma habboona.”

Amar buu ku baxshay inaa qalcadda laga guuro, sidii bayna yeeleen oo xaruntoodii bay gaadheen, dabadeedna way socdeen oo Angoot ayay tegeen. Imaamku Amiir Shamcoon ayuu calan u dhiibay, gacanta ayuu na ka saaray. Waxa uu ku daray lixdan fardofuul ah oo ku jooga fardo si wanaagsan loo shaaximay. Waxa uu ku yidhi: “Soco oo teg Jidim Jaay, guddoomiye ayaan kaaga dhigay e.”

Imaamkii, isaguna wuu ka daba guuray, wuxuuna galay Qidda oo ah magaalo ku taalla daafta Tigraay halkaana Ina Badriiq Degalhaankii uu Imaamku buurta ku qabtay ayaa ku baxsaday.

Duullaankii Imaamka ee Tigraay

Weriyihii – Allha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: intaa dabadeed, Imaamkii in uu Tigraay u dhaqaaqo ayuu u tabaabulshaystay, xaruntii iyo sahaydiina dhulka Qidda ayuu kaga tegay, halkaas oo ay joogeen ciidam-

madii iyo Wasiir Cadli. Imaamkii dhulka Tigraay ayuu u dhaqaaqay, intaa dabadeedna waxa uu maqlay in ay mushrikiintii isku urursadeen kaniisadda la yidhaahdo Laalibela agteeda. Imaamkii xaggaas ayuu u jeestay isaga oo buuro iyo dariiq xun sii maray, roobkuna ku tumayo. Habeenkii oo dhan buu guure gucle ah ku dhamaystay, dadkiina qaar baa halkaa ku le’day qabawgii aawadii. Wuu sii guuray illaa uu gaadhayay kaniisaddii oo ay baadariyadii isku soo urursadeen si ay ugu dhintaan difaaceega.

Imaamku kaniisaddii buu eegay oo wax la mid ah aanu arag. Kaniisadda buur baa laga qoray, tiirasheedana buurta uun baa laga qoray, looxna kumaba jirin, wax aan ahayn sanamyadooda iyo laxashyadooda. Dar buurta laga qoray ayay weliba lahayd. Imaamku baadariyadii buu soo ururshay, amar buuna ku baxshay inaa xaabo loo keeno. Inta uu oogtii shiday ayuu ku yidhi: “Mid idinka ah ayaa geli, haddana mid annaga ah”, si uu u bilkeediyo.

Koogii ugu weynaa ayaa yidhi: “Waa yahay anaa gelaya.”

Waxa kacday naag keliya oo baadariyad ahayd oo tidhi: “Waa ninkii i baray Injiilka. Ma anoo arkaya ayuu haddana dhiman!” Dabadeedna dabkii bay gashay oo ay isku tuurtay.

Kolkaas ayuu Imaamkii yidhi: “Ka soo saara.”

Way ka soo saareen, iyada oo uu wejiga badh ka gubtay.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Imaamkii, intaa dabadeed laxashyadoodii buu gubay, sanamyadoodii dhagaxda ka qorreyd na wuu jejebiyay, wixii halkaa yaallay ee ahaa safeexado dahab ah iyo gogol xariir ahna wuu soo qaatay. Rag muslimiin ah oo uu hoggaaminayay Shamsu ayaa u baxay socdaal labo cisho ah si ay war iyo xog u keenaan. Tog la yidhaahdo Xaraar oo ay mushrikiintu ka tallaabeen ayay gaadheen.

Alaabtoodii, raxankoogii iyo sahaydoodiiba togga dhiniciisii ayay kaga tegeen, gabadh uu Boqorka Xabashidu abti u ahaa oo la socotayna halkaa ayay kaga tegeen. Muslimiintii waxa ay soo qaateen alaabtii iyo gabadhii uu Boqorku abtiga u ahaa, Imaamkii bay dib ugu soo noqdeen. Imaamku gabadhii naag ahaan buu u qaatay wayna u dhashay, dib buuna u soo noqday isaga oo ku soo socda xaruntiisii. Ciidanka Shamsu ayuu xagga hore geliyay oo Imaamka labo maalmood ka sii horreeyay, meel buuna degay. Iyaga oo halkaa jooga ayay mushrikiintii oo lugaynaysaa soo weerareen. Raggii fallaadha iyo kuwii warmaha ayaa la socday, xadhko ayay na la soo bexeen si ay muslimiinta ugu xidhxidhaan, Ilaahayna iyaga ayuu xadhkihii ku rogay. Shamsu ayaa la dagaallamay oo ka dilay saddex kun oo lug ah, ciidankooga intii hadhayna way jabeen, intii kalena xadhkahoogii baa lagu qaqabtay. Imaamkii afar maalmood ka dib ayuu soo gaadhay. Maxaabiistii ayuu qoorta ka wada jaray, intaa dabadeedna dhankii ay xaruntu ahayd dhulka Qidda ayay u soo dhaqaaqeen.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Wasiir Cadli waxa uu maqlay inay gaaladii si xoog ah isku soo urursadeen oo ay abbaareen Garaad Shamcoon kii uu Imamku kaga tegay dhulka Jidim. Si uu ugu gurmado ayuu Cadli u dhaqaaqay xaruntiina wuu ka tegay oo wuu cidleeyay. Qaar askartii ka mid ahaa ayaa ku yidhi: “Waar xarunta ha madhin e, col kaga sii teg.”

Kolkaa col yar buu kaga tegay, wuuna gudbay. Amiir Abuubakar iyo Absame Nuur oo ciidamadoodii wata ayaa xaruntii yimid. Cadli, isagu wuu socday Shamcoon buuna u tegay, hase yeeshee colkii la sheegayay ma iman oo warka la siiyay sax ma ahayn. Wasiir Cadli xaruntiisii ayuu dib ugu soo noqday oo waxa uu ugu yimid Imaamkii oo jooga, halkii buurta Maxquuh dusheeda.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi : Boqorkii Wanaag Segad, waa la gaadhsiiyay in ay muslimiintii ku soo jeedaan dhulka Tigraay. Kolkaa ayuu u yeedhay Badriiqii Degalhaan oo uu ku biiriyay

ciidammadii Tigraay, kuna yidhi: “Waxa aad qaaddaa dariiqa Maxquuh oo inaanu qof muslimiinta kamid ahi dhanka Tigraay kaaga soo gudbin. Dhulkii Xabashaad waxa keli ah oo innoo hadhay iyada iyo Baqemadar. Haddii ay muslimiintii soo galaan innooma hadhayso meel kale oo aan ku gabbannaa.”

Badriiqii wuu dhaqaaqay wuxuuna qabsaday buurihii iyo dawyadii tegayay dhulka Tigraay oo dhan. Imaamkii, isna wuu ka dhaqaaqay Qidda oo meel buuraley ah oo ku taalla dhulka Maxquuh ayuu degay. Maalin walba buurta ayuu u baxayay si uu u ogaado meesha uu dagaalku ka dhacayo. Sidii caadada u ahayd ayuu Imaamkii u baxay isaga oo wata lix fardooley ah oo uu midkood ahaa ina adeerkii Saxrabawi Maxamad. Mushrikiintii baa u galay geedaha dhexdooda meel buurta hoos ahayd. Imaamkii baa buurtii yimid isaga oo soo hubinaya jidka uu mari doono iyo si uu gaalada geedaha buurta dhinaceega ku jirta ula dagaallamo. Iyaga oo sidaas ah ayay soo weerareen nimankii geedaha ku dhuumanayay.

Fardooleydii baa weerar ku qaadday, kolkaas ayay jabeen buurta ayayna fuuleen. Saxrabawi Maxamad isaga fallaadh sumaysan ayaa naaska midigta kaga dhacday wuuna shihiiday, – Allaha Weyni ha u naxariisto, aamiin.

Dadkii baa qabrigiisa aad ugaga sheekeeyay oo yidhi: “Tigraayba inta aynaan gaadhin haddii uu xaalku sidan yahay!”

Amiir Xuseen ayaa yidhi: “Annagu dhulkayagii ugama soo bixin wax aan ahayn geeri. Imisaynnu dhulkooga burburinnay oo imisa ayaan ka dilnay. Kani waa mid innaga mid ah oo ay ajashiisii Ilaahay u qoray u timid. Ilaahay baa wuxuu jeclaa ee uu mar walba ka dalbi jiray ku arsaaqay, isaga ayaa Ilaahay Sarreeya oo Nasahan e. shihiidnimo ayuuna ku dhintay.”

Maalinkii labaad ayuu Imaamkii askartiisii la baxay isaga oo xanbaarsan han jihaad oo doonaya in uu ina adeerkii u soo aaro. Illaa buurtii buu tegay, kolkaas ayay mushrikiintii isa safeen. Rag muslimiinta ka mid ahaa ayaa ugu galay dhagxantoodiina gaashaannadii ayay iskaga dhigeen.

Ilaahay baa gaaladii jebiyay. Muslimiintii baa u koray oo degey kaniisadda Maariya agteeda. Halkaas ayay xaaskii Imaamka ee Bactiya Maxfuud ku umushay wiil ay u bixiyeen Axmad Al-Najaashi155. Waxa uu ahaa wiilkii ugu horreeyay ee ku dhashay Tigraay, wuxuuna ku dhintay dhulka Saraawi sida aan dib u sheegi doonno. Imaamkii wuu socday, meel la yidhaahdo Qarqaara oo ka mid ah dhulka Tigraay ayuuna degey. Waa dhul ballaadhan oo bur iyo malab badan leh. Muslimiinta gaajo ayaa soo martay intii ay buurta ku xidhnaayeen, Ilaahay baana dhibtaa kaga fayday dhulka Qarqaara. Imaamkii halkaas ayuu degey oo Wasiir Mujaahid buu diray si uu hagar-bax ugaga keeno dhulka Sagara, Abaar Jali iyo dhulka ku xeeran. Cadli baa isna socday oo galay dhulka Abaar Jali. Wuu burburiyay dhammaan, lo’deediina wuu soo qaaday. Muslimiinta badh baa halkaa ka helay dahabkii ugu horreeyay ee Tigraay laga helo. Nin muslimiinta ka mid ahaa oo la odhan jiray Aboon Daawe ayaa isna halkaa ku shihiiday. Gaalada ayaa u gashay dariiq dhudhub ah oo labo buurood dhexdood ah oo halkaa ku dishay, – Allaha Weyni ha u naxariistee. Wasiir Cadli iyo Imaamkii ayaa ku noqday Qarqaara. Intaa dabadeed, Imaamku xaruntii Cadli buu kaga tegay, dhankaa iyo dhulka la yidhaahdo Andartah ayuuna u kacay oo wuu burburiyay raggeegii wuu laayay, xooleheegii wuu soo qaaday, dabadeedna xaruntii ayuu ku soo noqday. Intaa ka dib, meel la yidhaahdo Tanbiin ayuu tegay oo uu kula kulmay Shuunkuu Tanbiin oo col haysta. Muslimiintii ayaa buurta dusheedii, fardahoogii iyo lugtoodiiba weerar ku qaaday oo jebiyay kana dilay saddex kun iyo dheeraad. Fardahoogii oo toddoba ahaa ayuu gacanta ku dhigay, inta kale se dhammaantood lug bay ahaayeen. Imaamkii baa war loo keenay sheegaya in uu badriiqii ahaa Shuunka Cajaamiya oo la odhan jiray Raaqaat urursaday ciidan fardo iyo lugba leh oo uu xidhay dawgii dhulkiisa loo marayay, si aanay muslimiintu dhulkiisa u soo gaadhin. Imaamkii iyo saaxiibbadii ayaa Tanbiin ka socday iyaga oo sida daad rogmaday u socda. Maalinkii xigay ayay gaadheen qabrigii Axmad Al-Najaashi oo noolaa milaygii Nebiga, Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaadeene. Muslimiintii waxa ay yidhaahdeen: “Axmad (Asxama) Al-Najaashi ayaan maanta booqanaynnaa, berrina dagaalka ayaan u baxaynnaa.”

Imaamkii baa yidhi: “Maanta arrin weyn baan u fadhinaa, siyaarada se berraan ka dhiganaynnaa.”

Dhankaa iyo Shuunkii Cajaamiya ayuu u dhaqaaqay. Kolkii ay halkaa tegeen ayay arkeen iyaga oo jidkii buurta loo marayay xidhay, sidaa daraaddeed lugtii muslimiinta ayaa buurtii ku dhaqaaqday. Kukumaysyada iyo fallaadhaha ku dhacayay gaashaannada muslimiinta markii ay u galayeen dhibco roobaad ayaa la moodayay. Kolkaas ayay mushrikiintii jabeen, fardooleydii muslimiintuna way daba qaateen illaa ay ku tisayeen buur halkaas ah oo ay haadaamo iyo jarar hoos ahaayeen. Shuunkii Cajaamiya, isagu kolkii ay fardihii muslimiintu soo gaadheen ayuu haadaantii iska tuuray. Gacanta ayuu ka jabay, hase yeeshee wuu nabad galay. Fardihiisii siddeed bay muslimiintu ka qaateen, intii kale se way jajabeen.

Jabkii Reer Tigraay

Imaamkii wuu soo noqday oo halkaa iyo Aksum, oo la yidhi waa magaalo hore oo aan la garanayn cidda dhistay ayuu u xamaan qaatay. Dadka qaar baa yidhaahda, Dul-Qarnayn156 baa dhisay, dhabtu sida ay tahay se Alle ayaa og. Waxa ay leedahay tiirar dhagax laga qoray, oo uu tiir walba dhererkiisu ahaa siddeetan xusul, balladhkiisuna toban xusul isaga oo dhidban. Imaamkii meesha Arcada la yidhaahdo ayuu degay oo uu fadhiistay.

Imaamkii waxa uu soo galay dadkii deegaanka badh ka mid ah oo qabiilka Reer Balaw ka tirsanaa kuna noolaa dhulka Tigraay. Dadkaas oo muslimiin ahaa baa yidhi: “Buurtan idiin dhow, waxa carruurtoodii, naagahoogii, iyo xoolohoogiiba ku urursaday Reer Tigraay, idinka oo xeeladeeya mooyaane si kale kuma hanan karaysaan.”

Imaamkii xarunta ayuu iska beryay illaa milaygii hiraabta. Intaa dabadeed, ciidankii ayuu labo u kala soocay. Cabdinaasir ayaa qayb kaxaystay, wuxuuna amar ku siiyay in uu buurta dhanka midigta kasoo koro. Imaamkii iyo ciidankiisiina qaybtii kale ayay qaateen oo dhankii bidixda ayay mareen.

Cadceed-soo-bixiiba Imaamku buurtii buu gaadhay. Labadii qoloba buurta dhankoogii bay kasoo koreen, mushrikiintiina qalcadahoogii dusha ayay gabbaadsadeen. Qalcadihii ayaa loogu galay, kolkaas ayay jabeen waa na la qaqabtay oo waxa uu amar ku baxshay inaa qoorta laga guro, waddo ay ka baxsadaanna ma jirin, sidaa darteed, qof keli ahi kama bixin.

Halkii ay gabbaadsanayeen dooxyadii iyo dhirta dhexdeedii ayay ku gumaadeen, dhulkiina goflalahoogii157 baa buuxiyay oo dadku dhulkaa ma mari karayn meydka isa simay awgii. Waxa la yidhi, dadka badh buurta dusheeda joogay ayaa gaalada tiriyay, kolkii ay badriiqiina ku dareen waxa ay tiradoodii ku soo koobeen toban kun shan boqol iyo konton, qof keli ahina kama bixin. Muslimiintu, lo’doodii iyo xoolohoogii oo aan la tirin karin ayay soo qaadeen. Imaamkii iyo saaxiibbadii Anba Senbet ayay ku soo noqdeen, intaa dabadeedna xoolihii ayuu xaruntii u soo diray, halkaas oo uu Wasiir Cadli sii joogay. Imaamkii oo weli jooga Anba Senbet ayuu u yimid war ku saabsan badriiqii Amxe iyo Asmaaj Faanu’iil oo ku urursan Tanbiin oo ay kula shirsan yihiin ninkii Tanbiin xukumayay. Imaamku milaygii Casarka ayuu u dhaqaaqay, habeenkii oo dhanna guure ayuu ku jiray. Kolkii ay cadceeddii soo baxday ayay fardahoogii jaraha u debciyeen, iyaga oo u kala badinaya dhankoogii illaa ay gaadheen magaalada Xasaro, laakiin se cid gaaladii ah lama aanay kulmin, halkaas ayuuna degay.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Isaga oo jooga Waqda oo ka tirsan dhulka Baqemadar ayaa Boqorkii Xabashida loo warramay in ay muslimiintii gaadheen dhulkii Tigraay oo ay cagta mariyeen.

Kolkii uu warkaa maqlay ayuu Boqorku aad uga tiiraanyooday oo uu iskugu yeedhay askartiisii oo dhan, badriiqyadiisii iyo ciidammadiisii.

Dhankii magaalada Aksum ayuu u dhaqaaqay, iyaga oo ay tiradoodu ahayd mid aan la koobi karayn. Sanamkii weynaa oo ka samaysnaa dhagax cad oo weyn oo lagu taxay dahab ayuu kaniisadda ka soo saaray. Weynidiisa awgeed ayaa albaabkii kaniisadda laga saari kari waayay, kolkaas ayaa kaniisaddii la qoday si ay u soo baxshaan. afar boqol oo nin ayaa xanbaartay, waxayna geeyeen qalcad ku taallay dhulka Siiri oo la odhan jiray Taabur halkaasayna kaga tegeen. Imaamkii oo Tanbiin jooga ayuu u yimid nin ka tirsan Reer Balaw oo ka yimid magaalada Aksum lana odhan jiray Cabdilwahaab, oo ku yidhi: “Waa kan oo Boqorkii Xabashidu Aksum buu soo gaadhay.”

Kolkiiba Imaamku amar buu ku baxshay in la guuro, maalintii labaad na dhulka Abaa Jariima158 oo labo soof u jirta Aksum ayay soo gaadheen wayna degeen. Dadkii dhulka qaar ka mid ah ayaa Imaamkii ku yidhi: “Halkan gaaladii Reer Abaa Jariima ayaa joogta.. Saddex qalcadood ayay gabbaadsadeen, hase yeeshee iskama kaa waabin karayaan oo dagaal ma awoodaan.”

Kolkii uu Imaamku wararkan maqlay ayuu halkaa degay oo uu dhankoogii u dhaqaaqay. Labo qalcadood dadkii ku jiray, sidii uu ugu taliyay ayay oggolaadeen, isna inay jisyada iska bixiyaan ayuu ku xukumay. Dadkii qalcadda saddexaad ku jiray, iyagu toodii bay ku adkaysteen, Ilaahay baase jebiyay, dhammaantoodna wuu laayay. Intaa dabadeed, dhankii Aksum ayay u dhaqaaqeen, iyaga oo col u abaabulan, kolkii uu gaadhay se wax dagaal ah lama kulmin. Intaa dabadeed, Imaamkii baa askarta ku amray inay dadkii dhulka keenaan oo ay soo hor joojaan. Way socdeen oo dadkii magaalada ayay soo qaqabteen, Imaamkii bayna u keeneen. Boqorkii buu wax ka Weyddiiyay, waayo halkaa ayuu joogay, wuxuuna ku yidhi: “Hadda halkuu tegey?”

Dadkii magaalada ayaa yidhi: “Lix cisho hortiin ayuu dhaqaaqay, dhankaa iyo dhulka Masaga159 ee Suldaan Maktar160 ayuuna u jeeday.”

Imaamkii Aksum ayuu degay, xilligii casarkana nin baa u yimid dhanbaal ka siday Suldaan Maktar oo Imaamka ku leh: “Waar i soo gaadh inta aanay gaaladu i dilin.”

Maalin ka dib ayuu Imaamkii dhaqaaqay, kolkaas ayay Baadariyadii magaalada Aksum ku yidhaahdeen: “Maalin noo fadhi si aan jisyadii oo dahab ah kuu siinno.”

Imaamkii wuu kaga adkaystay oo wuu diiday, wuxuuna qaaday socod adag isaga oo ujeeda dhankaa iyo Masaga si uu gacan u siiyo muslimiinta, muslimiintuna wax sahay ah ma aanay sidan. Milaygii maqribka ayuu degay kaniisadda Abaa Saamu’eel ee ku taallay dhulka Siiri. Waa kaniisad dhisme weyn oo lagu xardhay midab walba, baadariyaasheeduna halkaa ayay ku shirsanaayeen. Dhammaantood way ku dhex laayeen illaa uu dhiiggii albaabada ka baxay, tiradooduna shan boqol bay ahayd. Maalintii labaad ayuu Imaamkii qaaday jidkii Waal isaga oo u sii socda dhankaa iyo Masaga. Bannaan iyo qarfo ayuu sii dhex jibaaxay, hadh iyo habeenna wuu socday, sahay wax yar mooyee ma aanay sidan. Badhkood xamarta oo jidkooga ku badnayd ayay sii cunayeen gaajo awgeed. Tog halkaa marayay iyaga oo dul deggan, ayay askar mushrikiin ah oo Reer Dalmat ah ku kidiyeen, kuwaas oo gurmad ugu socday Boqorkii. Muslimiinta ayay gaaladoodii u haysteen, kolkaa ayay u galeen Imaamkii oo fadhiya.

Nin muslin ah ayaa Imaamkii ku yidhi: “Geftinkaa xarunta waxa soo galay col gaalaad oo lugaynaya.”

Kolkii ay xaruntii ku soo dhowaadeen ayay garteen inay muslimiintii yihiin, waayo dharkoogu ma ahayn sida ka nasaarada. Midig iyo bidix bay daydaymoodeen, kolkaas ayuu Imaamkii yidhi: “Qaqabta.”

In ay baxsadaan bay dooneen oo way kala firdheen iyaga oo baqlihii muslimiinta ablaydoodii ku dooxdooxaya, kolkaas ayay muslimiintiina laayeen illaa koogii ugu danbeeyay. Intaa dabadeed, Imaamkii wuu socday, baqlahoogii iyo fardahoogiina way daaleen diihaalka socodka awgii. Duhur iyo casar dhexdood ayay muslimiintu dooneen in ay buur halkaas ah fuulaan, dawga se ma aanay garanayn. Dhir jiq ah oo is haysata ayay dhex qaadeen. Dariiqii bay ka hallaabeen, kolkaas ayay dib u soo noqdeen.

Boqorkii Maktar, siigo ayuu arkay cirka isku shareertay oo dhankiisa u soo socota. Fardooley ka soo warranta sagalkaas ayuu diray. Dhankii boodhku ka xigay ayay u dhaqaaqeen, illaa ay gaadhayeen ciidankii Imaamka intiisii danbe oo daal u fadhiistay. Baqlo iyo dameero ayay qaateen, dabadeed na way noqdeen, Muslimiintuna nin kamid ahaa ayay ka soo qabsadeen oo Imaamka u keeneen. Imaamku wuu ka warransiiyay isaga oo leh: “Waar kuma ayaad tahay?”

Waxa uu yidhi: “Anigu muslin baan ahay, saaxiibbadayna waa muslimiin. Masaga ayaan ka nimid, markii aan boodhkiinna samada isku shareeray aragnay ayaan u malaynnay in aad tihiin Bogorkii Xabashida. Ciidanka dhankiisa danbe ayaan ka soo gallay si aan baqlo ciidanka intiisa danbe uga xadno.”

Imaamkii baa ku yidhi: “Masaga waa halkee?”

Waxa uu yidhi: “Way idiin dhowdahay oo labo soof oo keli ah ayay idiin jirtaa.”

Imaamkii halkaas ayuu degay, ninkii buuna ku yidhi: “Soco oo teg dhulkaagii oo sayidkaagii, Suldaan Maktar ku dheh: Waa nakan oo waan ku soo gaadhnay. Ha biqin, waan kuu nimid e.”

Ninkii wuu socday, hase yeeshee, waxa uu arkay gaaladii oo dhulkii isku meerisay oo dadkii dawgii ka xidhatay. Dadkaasi gaalada way la dagaallameen, Maktar saxiibbadii baa se jabay, saddex wiil oo ay dhashay Maktar walaashiina waa la laayay. Maktar wuu bukay oo ma dagaallami karayn, ciidammadiisii se way jabeen. Iyaga oo sidaa jooga ayuu ninkii uu Imaamku soo diray Maktar u yimid. imaatinka Imaamka ayuu ugu bishaareeyay.

Si aan xad lahayn ayuu u farxay, Faraskii buu fuulay oo diricyadii ayuu gashaday isaga oo buka. Imaamka ayuu ku toosay, isaga oo watay shan iyo toban kun oo Nuubi ah iyo shan boqol oo lug ah badhkoodna Reer Cashaari ahaa. Imaamkii iyo ciidammadiisii ayuu toban cisho soorayay.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Boqorkii Xabashidu kama war qabin in uu Imaamkii Masaga yimid. Baadari si lama filaan ah ugu yimid ayaa teendhadiisii ku hor dhacay, kolkaas ayuu ku yidhi: “Waar maxa dhacay?”

Waxa uu yidhi: “Lafahaaga la baxso Muslimiintii oo dhawr kun ah ayaa kusoo gaadhay e.”

Fardooley buu diray uu ku yidhi: “Ii keena warka Muslimiinta, bal inuu dhab yahay warka ninkani.”

Dawgii Siri161 ayay raaceen, siigo cirka isku shareertay ayayna arkeen. Kolkii ay u warrameen ayay baqdin gashay oo uu firxadkii, markii ba u dhaqaaqay dawgii Goojaam isaga oo ciidankiisiina wata.

Guurkii Imaamka iyo Geeridii Suldaan Maktar

Kolkii uu Boqorkii ka baxay maalin ka dib, ayuu Imaamkii meeshii gaadhay. Beer magaalada Masaga agteeda ahayd ayuu degay. Gabadh uu dhalay Suldaan Maktar ayuu Imaamku halkaa ku guursaday. Kadib kolkii uu toban cisho joogay ayuu yidhi: “Anigu Boqorka ayaan daba jebin, deynina maayo oo ka ma hadhayo.”

Imaamkii wuu socday isaga oo uu weheliyo Xasan oo uu abti u ahaa Suldaaan Maktar oo watay labaatan faras, kaas oo Imaamka tusayay dawga. Waxa ay qaadeen dawgii Takase oo ah buur ku taalla dhulka Masaga oo ay kolkii danbena hoos degeen. Imaamku saddex cisho markii uu ka sii maqnaa ayuu Suldaan Maktar geeriyooday – Alle ha u naxariistee.

Walaashii Jacwa ayaa dhimashadiisii askarta ka qarinaysay saddex maalmood. Imaamkii ayay farriin u dirtay oo ay u sheegtay dhimashada Maktar. Addinkeegii ayaa Imaamka soo gaadhay xilli duhur dabadii ah oo u sheegay dhimashada Maktar, isaga oo weli degganaa buurtii Takase hoosteeda. Imaamku caroogyadii ayuu garaacay, muslimiintii baa isku soo ururay, warkii buuna u sheegay. Wiilkii Suldaan Maktar oo la odhan jiray Naafic ayuu caleemo saaray, kaas oo ahaa wiil yar oo eddadii la joogay; Maktar walaashii oo kolkii uu noolaaba boqortooyada maamulaysay oo ahayd naag talo iyo moolis lagu ogaa. Imaamkii ayaa ku yidhi Xasan oo uu Maktar abti u ahaa: “Masaga ku noqo oo ciyaalka halkii aabbahood u gal.”

Isna “haye” buu yidhi, dhulkiisii buuna ku noqday.

Imaamkii iyo Boqorkii Xabasha oo Mar Kale Dagaal ku Kulmay

Imaamkii, isagu inaa la guuro ayuu amar ku bixiyay, ka dib kolkii uu Xasan dhulkiisii ku noqday. Socod adag ka dib ayuu galay dhulka Danbiya162 oo ah dhul barwaaqeed leh togag durduraya iyo beero cagaaran oo aan weligeed abaaroobin. Waa dhul hawo iyo ciid wanaagsan oo aan buur iyo kayn toona lahayn. Waa dhul socod wanaagsan oo dalag iyo midho leh oo aan dhulka xabashida meel la mid ah lagu arag. Halkaas ayuu Imaamkii degay, isaga oo yaboohinaya warkii Boqorka Xabashida. Dadkii dhulkaa ayaa yidhi: “Siddeed cisho ayuu kaa horreeyay. Haddii aad ka daba tegto, labo bilood uun baad ku gaadhi dhulka Daamoot.”

Nin baa u yimid Cabdinaasir iyo Sayidii Maxamad oo ku yidhi: “Ma og tihiin, khasnaddii Boqorku in ay halkan meel ku dhow taallo.”

Cabdinaasir ayaa Imaamkii u yimid oo u sheegay. Waxa uu ku yidhi: “Soco caawa adiga oo wata ciidankaaga, anna berri ama sahan danbe ayaan kaa daba iman.”

Cabdinaasir habeenkii oo gurcud magangooye ah ayuu guday isaga oo dawga shamac ku ilaysanaya. Ilaahay jidkii buu u soo duubay oo taako-taako uga dhigay. Imaamkiina isla maalinkiisiiba wuu ka daba tegay.

Cabdinaasir iyo saaxiibbadii hadhaagii mushrikiinta ayay gaadheen. Fardooley ka hadhay gadaal-socodkii ciidankii Boqorka Xabashida ayay arkeen, dabadeedna Imaamkii bay fardooley warka gaalada u sheegta u direen, iyaguna halkii bay iska degeen. Imaamkii bay dawga ku gaadheen isaga oo doonaya in uu fadhiisto, daalka gaadhay aawadii. Way u warrameen, Imaamkiina socodkii buu dedejiyay illaa milaygii cisha’iga oo uu ag degay kaniisad ku taalla Infaraas oo ay gubeen. Subaxdii bay socdeen, dariiqii Cabdinaasir uga sii horreeyay ayayna mareen. Socodka uga hadhay Bogorka Xabashidu waxa uu ahaa afar cisho, Imaamku se dhulkaas oo dhan maalin iyo badh ayuu ku maray, gaadiidkoogiina daal ayuu la daatay. Kolkii ay ahayd milayga barqada ayay fardooleydii Muslimiintu fardahoogii caynaanka u sii daayeen iyaga oo u boratamaya in ay war keenaan. Cali Goyta oo raggaa ka mid ahaa ayaa soo gaadhay nin faras fuushan uu gaal ah wuuna qabtay. Ninkii waxa uu noqday Wasiir Mujaahid walaalkii oo la odhan jiray Aboon oo horay u riddoobay. Imaamkii ayuu ku soo simay oo isna ku yidhi: “Waar xaggeed jirtay?”

Waxa uu yidhi: “Boqorka ayaan la joogay. Shalay baan ka soo socday si aan idiinku imaaddo.”

Imaamkii baa ku yidhi: “Haddii aan iminka dhaqaaqno ma gaadhaynnaa?”

Waxa uu yidhi: “Maya, dhul dheer buu jiidhay oo uu ka gudbay.”

Kolkaas ayuu Imaamku ninkaas karbaashay, dabadeedna wuu u dhaafay, wixii uu sheegay oo dhamina been buu ahaa oo cabsi baa ka keentay.

Kolkii ay muslimiintii saacad socdeen, ayuun bay arkeen gogoshii Boqorka iyo dheryihii wax loogu karinayay oo ay cuntadii ka buuxdo. Saacad bay muslimiintu halkaa cuntadoodii ku cunayeen. Way socdeen illaa milaygii duhurka. Waxa ay heleen teendhooyinkii ay gaaladii iska xooreen, way sii socdeen oo xaggeegiiba ma anay daymoon. Haddana sanduuqyadii gaalada ay tuureen ayay heleen, iyadna way iska dhaafeen oo socodkoogii bay sii adkeeyeen. Ciidanka Cabdinaasir baa hor socday, illaa casarkii na way sii guclaynayeen, dabadeedna fardooley warka u keenta ayuu diray.

Kolkii ay gaadheen hadhaagii ciidanka Boqorka ayay Cabsdinaasir ku soo noqdeen oo ay u warrameen, isna Imaamkii buu u sii war diray. Daal aawadii, Imaamku in uu dego ayuu damcay, saaxiiibbadiina way daba degeen. Imaamka ayaa raggii ku yidhi: “Waar idinku indhihiinna ma ku aragteen ciidankii hadhaaga ahaa ee Boqorka?”

Waxa ay yidhaahdeen: “Saaxiibbadayo ayaa arkay oo dhex galay ciidankii gadaal-socodka ahaa, iyagaana noo warramay.”

Imaamkii isaga oo aan ka degin baqashiisii ayuu socday illaa maqribkii. Meesha la yidhaahdo Baxar Qamaari oo ah tog socda ayuu soo gaadhay.

Muslimiintii baqlihii bay ka degeen oo fardihii oo ay u dhameeyeen qalabkii bay fuuleen, dabadeedna way dhaqaaqeen. Qaar muslimiinta ka mid ahaa ayaa Boqorkii Xabashida ka gaadhay gadaasha danbe. Waxa Boqorka la joogay labo nin oo riddoobay, oo midkood la odhan jiray Takiye ka kalena Awraci Axmad Diin. Takiye ayaa Boqorkii ku yidhi: “I sii faras wanaagsan, aniga ayaa weerar ku qaadiye”, xeelad bayna ka ahayd.

Kolkaas ayuu Boqorkii fardihiisii ka siiyay mid la odhan jiray Sinbiil. Inta uu muslimiintii weerar ku qaaday ayuu yidhi kolkii uu u dhowaaday: “Waar anigu Ilaaha Sarreeya ayaan u toobad keenay.”

Awraci Axmad Diin ayaa isna la weerar galay. Imaamkii bay u galeen oo isna u dhaafay. Imaamkii wax uu socdo ba, milaygii gabbaldhaca ayuu arkay siigadii colka, kolkaas ayuu muslimiintii ku yidhi: “Afka nasaarada ku sheekaysta kolka aad dhex gashaan. Seef iyo waran midna ha ku dhifannina, illaa aad Boqorka u dhowaataan oo aad soo qabanaysaan – idanka Ilaahay – isaga oo aan waxba ogeyn, af-garad na ka dhigta Banii Dawa163.”

Sidaas ayay u sii socdeen illaa uu habeenkii madoobaanayay. milaygii cishaa’iga kolkii ay gaadhay ayay muslimiintii iyo haweenkii mushrikiinta isa soo gaadheen oo ay is dhex galeen. Saacad baa la sii wada socday, dabadeedna fardooleydoodii iyo lugtoodii bay isa soo gaadheen iyaga oo aan waxba ka ogayn. Kolka ay mid wareemaan ee ay dilaan lama ogaanayn.

Marmar bay dhawaaqayeen oo ay afkooga ku lahaayeen: “Boqoryahaw naga celi,” kolkolna “Badriiqow naga celi,” Imaamkuna afkooga ayuu ku lahaa: “Taw! Taw!” oo la macno ah, “Daaya! Ha taabanina.”

Sidaas ayay u socdeen illaa uu habeenku gurcud noqonayay oo uu mugdigu sii xoogaysanayay. Muslimiintu intaa waxa ay u sii durkayeen xagga hore iyaga oo doonayay in ay Boqorka gaadhaan. Gaalada kii daalaaba inta uu dab iska shito ayuu iska fadhiisanayay oo uu kimista iska cunayay, Muslimiintuse weli way sii socdeen. Qofna qofka agtiisa maraya ma arkayn mugdiga aawadii, afka nasaarada ma ahee mid kalena laguma wada hadlayn. Iyaga oo xaaladdaa ku sugan ayaa shamacyo la shiday dhulkii u dhawaa oo dhan iftiimiyay. Waxa ay u qaateen inuu Boqorkii yahay, kolkaas ayay seefahoogii la soo baxeen oo ay weerar ku qaadeen.

Mushrikiintii baa demisay kolkii ay muslimiintu meeshoodii soo galeen. Dabkaasi Boqorkii ma ahayne, gabadh Boqorka ay walaalo ahaayeen ayaa loo shidayay. Way sii socdeen, kolkii ay ahayd milaygii hiraabta ayuu Boqorkii degay daw cidhiidhi ah oo ah afaafka laga galo togga Abaweyn oo ay biyihiisu ku darmaan biyaha Niilka Masar. Mushrikiintii badhkood ba badhkii kale ayuu rigaaxay dawga cidhiidhiga ah aawadii. Imaamkii wuu dhex joogay isaga oo hubkiisii gacanta ku haystay. Hase yeeshee, uma suura galayn inuu ku dhifto meesha oo cidhiidhi ahayd awgeed.

Mushrikiintu faraskiisii ayay kolba qabanayeen, haddii uu midkood weyddiiyana waxa uu ku lahaa: “Badriiq hebel baan ahay,” saaxiibbadiina sidaa oo kale ayuun bay lahaayeen: “Hebel iyo hebel baan nahay, askartayadii baan wadannay oo Boqorka ayaan gurmad ugu nimid.”

Kolka ay sidaa maqlaan ayay ku dhawaaqeen: “Badriiq hebel baa innoo yimid, shamacyada ifiya,” shamacyada ayay na ifinayeen.

Imaamkii uma suura galin in uu gacan la gaadho, waayo mid ka mid ah ayaa afkoogii ku yidhi: “Xarabna Tamallas,” oo uu macnaheegu yahay: “Cid walba oo ciidanka kamid ahi, dib ha u noqoto oo Boqorka gadaashiisa ha ka dagaallanto.”

Imaamku ma ogayn in uu Boqorka Xabashidu ka horreeyo. Imaamkii ayaa dhankiisa danbe u noqday. Nin ka mid ah muslimiinta ayaa u yimid oo ku yidhi: “Boqorkii xaggiinna danbe ayuu u noqday.”

Imaamku dariiqii ayuu is taagay isaga oo wata saaxiibbadii illaa uu waagii beryayay. Absame Nuur ayaa Imaamkii ku yidhi: “Aniga ayaa idin hor daadegi oo warka innoo soo qaadi.”

Shan fardooley ah ayuu kaxaystay wuxuuna ka tallaabay toggii Abaweyn.

Fardooleydii gaalada ayuu la kulmay, iyaguna fardahoogii bay caynaanka u sii daayeen oo way fakadeen. Absame Nuur iyo saaxiibbadii way ka daba qaateen, midkood bay gaadheen oo ay soo qabteen, kaas oo noqday Anas-kii murtadka ahaa ee mar hore ku riddoobay dhulka Qidda, ee la fakaday wiilkii Degalhaan. Addoomaha Imaamka ayuu ka mid ahaa, kolkaas ayuu Imaamku Anaskii murtadka ahaa gacmaha oo dhan ka gooyay. Anas baa Absame Nuur ku yidhi: “Ninkaa faraska fuushan ee halkaa toocinayaa waa Boqorkii Xabashida.”

Abasame Nuur ayaa ninkii faraska fuushanaa daba dhigtay, faraska Boqorka Xabashaadna faras fiican oo dheereeya ayuu ahaa, cidna way soo qaban weyday. Boqorka saaxiibbadii midna wuu gaadhi waayay badriiqa la odhan jiray Aqab Saa’at oo ahaa qaadigooga mooyaan e. Baadariga weyn ninkii ku xigay buu ahaa, waayo labo baadari oo waaweyn ayay gaaladu lahaayeen, midkood Masar laga keenayay oo kun Wiqiyadood oo dahab ah ayaa laga dhiibi jiray, waxaana loogu yeedhi jiray Abuuna164. Badriiqa labaad xabashi buu ahaa iyaga ka mid ah, Diintooduna isaga la’aantii uma toosayn. Waxa uu dhulka xabashida ku lahaa boqortooyada meel-afraaddeed. Kolkii uu gartay Absame Nuur inaanu Boqorkii ahayn ayuu dilay, Ilaahayna naarta ayuu naftiisii u dedejiyay, meel lagu negaadona iyada ayaa u daran e.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Boqorkii Xabashida walaashii oo la odhan jiray Amta Dengal ayaa la soo qabtay, Imaamkuna dhulkii Goojaam bil buu fadhiyay.

Curiyaha oo dhacdadan gabay ka tiriyay, waxa uu yidhi:

Aar boodayoo
Ibraahiin dhaloow
Allaa kuu burshoo
Arrintaad rabta ba
Kuu oofiyoo
Arladoo dhan baad
Fardo oogsan jiray
Ku abaabushoo
Adaa Sacdud-Diin
Intii loo yiqiin
Col ka urursadoo
Illaa Naabilaad
Ku abraartayoo
Goojaam ayaad
Askartii mar kale
Agabka u dhigtoo
Orodkii markaad
Oogiyo bannaan
Edegaysayeed
Infaraasa iyo
Denbiyaa ag timid
Boqorkii adkaa
Askartuu gurtoo
Orod buu baxsaday
Adna kalama hadhin
Eebooyinkee
Aroortii danbiyo
Alleylkoo dhan baad
Eryanaysayoo
Onkod kaga darrayd
Idayl gaaladii
Unuunkaad jartoo
Orodkii ka dhacay
Niil oogsanbaa
Afka saaray gebi
Waxad wadatay urur
Ashahaatay oo
Fardo heenso adag
Ku abraarayoo
Oontiyo ka qaday
Hurdo oolisoo
U adkaysi badan
Ayaamiyo habeen
Oogtaad shiddaad
Ku abaadisood
Aqbalaysay uun
Boojimo alkuman.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Imaamkii baa Goojaam ka tegay isaga oo u socda Tigraay oo wata ciidanka badhkii, ku na socday Wasiir Cadli oo joogay jidka Amxara. Togga Abaweyn ayuu ka tallaabay. Garaad Sadiiq oo uu kaga yimid Dawaaro ayuu Imaamkii uga baqay, in ay gaaladii uu jebiyay dagaal ku qaadaan. Waxa uu u diray Sayidii Maxamad, Amiir Xuseen oo Gaaturi ahaa, guddoomiyihii Dawaarona ahaa iyo Farshaxan Diin oo ahaa guddoomiyihii Maaya oo wata ciidankiisii, wuxuuna ku yidhi: “U dhaqaaqa dhankaa iyo Dawaaro, oo Garaad Sadiiq gurmad u noqda haddii ay ay arrintu ku cuslaato.”

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Imaamkii wuu socday oo Baxar Xiiq ayuu gaadhay. Amiir Shamcoon ayuu halkaa kula kulmay oo uu dhulkiisii kaga tegay. Imaamkii dhulka Tigtraay ayuu gaadhay Aksum ayayna ku kulmeen Wasiir Cadli. Muslimiintu aad bay u rafaadeen, waayo dhulka Tigraay xilligaa macaluul iyo gaajo ay cunto yaraani keentay ayaa ka jirtay. Saddexdii galaan ee cunto ahba labo misqaal165 oo dahab ah ayaa la siisanayay, in kaste oo aanay waxba jirin. Sidaa daraaddeed, dadkii dhulka ayaa muslimiintii tuugo ku dhibaateeyay oo ka xadayay baqlahooga. Muslimiintu maalintii ayay dhulka Tigraay soo galeen mid baa watay konton baqlood, mid kale ayaa watay boqol, laakiin kolkii danbe kala ma bixin waxa badan bagal ama labo baqlood.

Tasfaa Luʼuul iyo Dilkii Wasiir Cadli

Waxa uu yidhi ‘weriyuhu’: Dagaalladii ay Tigraay ku galeen hagarbax inay soo urursadaan bay u badnaayeen. Wasiir Cadli166 ayaa intaanu Imaamku iman, Wasiir Cabbaas oo maalintaa ahaa Baxar Nagaash u diray dhulka Saraawi. Wuu galay, dadkeegiina wuu badbaadiyay oo ammaan ayuu siiyay.

Kollkii ay Imaamkii iyo ciidankiisii gaadheen Goojaam ayuu Wasiir Cadli farriin u diray waxaanu ku yidhi: “Ciidankaaga u kaxayso dhulka Saraawi oo gacan sii Wasiir Cabbaas.”

Wuu socday isaga oo ay weheliyaan Farshaxan Cali iyo Garaad Cismaan Joohar oo ciidamadoodii wata. Dad muslimiin ah oo fara badan iyo kuwo hadda Diinta soo galay ayay ahaayeen oo wada socday. Badriiqa la odhan jiray Tasfaa Lu’uul ayaa Saraawi joogay. Kolkii uu Wasiir Cabbaas dhulkii Saraawi ugu soo galay ayuu kaymaha ku dhuuntay. Nin ay ilma adeer ahaayeen oo la odhan jiray Tiyuudoros oo ka mid ahaa badriiqyada waaweyn ee Saraawi ayaa Wasiir Cabbaas u yimid. Wasiir Cadli ayaa ninkaa u magacaabay in uu uga hooseeyo Wasiir Cabbaas maamulka Saraawi. Tiyuudoros waxa uu ahaa nin lagu kalsoon yahay oo dadkii dhulka dejiyay, kalsoonina ku abuuray. Isaga oo sidaa jooga oo war-moog ah ayuu Tasfaa Lu’uul ku soo baxay oo uu soo abbaaray oo uu xaruntii ku weeraray. Way dagaallameen, Tiyuudoros baana la dilay. Wasiir Cadli ayaa dhulkii Saraawi soo gaadhay.

Tasfaa Lu’uul ayaa isna maqlay imaatinkaa Wasiir Cadli oo galay kayn halkaas ah oo u dhaxaysay Wasiir Cadli iyo Cabbaas, cidina kama war qabin. Meel ay geeduhu is wada haysteen oo uu dawguna cidhiidhi yahay ayuu raggiisii dhex safay. In uu farasku ka kale daba galo mooyaane la isma ag mari karayn illaa meel bannaan loo baxayo. Kolkii uu Wasiir Cadli dawga madixiisa isa soo taagay ayuu askartii ku yidhi: “Yaanu midkiinna soo dhaqaaqin, si aanu meesha isjiidhjiidh uga dhicin. Aniga ayaa idin hor galaya.”

Askartii way joogsadeen, isagaana Wasiir Cadli ugu hor galay, isaga oo ay la socdaan Kabiir Maxamad iyo Garaad Heego. Muslimiintii ayaa iyaguna daba galay. Dawgii badhtankiisii kolkii uu gaadhay ayay isaga oo aan dhaadayn raggii si kadis ugu soo dareereen. Waxa ay ku ganeen warmihii iyo fallaadhihii, illaa ay nabar miidhan ka dhigeen, kolkaas ayuu dhulka ku dhacay, Alle ha u naxariistee. Alloow ma labo nin oo midkood la odhan jiray Barbari. Kolkii la dhaawacay Wasiir Cadli ayuu dhankiisii u gucleeyay, dhabarkiisa ayuuna ku soo qaaday isaga oo rajo qaba inuu naf kula baxsado oo Cadli dhabarkiisa ku sida sidii ilma yar. Fallaadhaha ayaa sida dhibcaha roobka ugu hoorayay, intaas oo uu Wasiir Cadlina lahaa: “Waar iska kay dhig, aniga nafi iguma hadhin e, taada la baxso.”

Kolkaas ayuu dhabarkiisa ka dejiyay, iyaga oo ay askartiina dariiqa tugan yihiin. Ma jirin daw isagii loo maraa. Wiil ka mid ahaa shaqaalihii Wasiir Cadli oo la odhan jiray Kabiir Maxamad ayaa soo dhaqaaqay, isagana way dileen Allaha Weyni ha u naxariistee. Nin kale oo la odhan jiray Garaad Heego oo ahaa Reer Baali ayaa soo dhaqaaqay, isna halkaas ayuu ku shihiiday. Kolkii ay muslimiintii ay arkeen inaa qofkii hore u dhaqaaqaba lagu dilayo dariiqii cidhiidhiga ahaa ayay dib ugu noqdeen meel bannaan oo dawga dushiisa ahayd, halkaas bannaan ayayna degeen. Mushrikiintii waxa ay gooyeen madaxii Wasiir Cadli oo ay u direen Boqorkii Xabashida maalintii ku labo ahayd, dabadeedna mushrikiintii way baxsadeen. Muslimiintu meydkii Wasiir Cadli iyo raggii la shihiidoobay ayay soo qaadeen oo way aaseen. Intaa dabadeed, Wasiir Cabbaas ayay u tegeen. Horjooge waxa u ahaa Farshaxan Cali oo Imaamkii u diray warka dhimashada Wasiir Cadli oo ku yidhi: “Annagu Wasiir Cabbaas ayaan u tegeynnaa sidii aad nagu amartay.”

Kolkii ay waraaqdii Imaamka gaadhay maalintii saddexaad isaga oo joogay meesha la yidhaahdo Abaa Jariima ee uu gartay wixii ku qornaa ayuu geeridiisii qariyay illaa casarkii, waayo askarta ayaa soo ururinta hagar-bax ku kala baahsanayd. Wasiir Mujaahid oo askarta la maqnaa, maalintaa milaygii casarka ayuu yimid. Waxa kale oo isna yimid Cabdinaasir oo ka yimid meel la yidhaahdo Waadlah, ka dib kolkii ay gaaladu soo daba qaateen jidkii uu soo maray. Kolkii ay soo urureen ayuu Imaamku carooggii ugu dhiftay. Muslimiintii dhammaantood way isku wada yimaaddeen, askartuna kuwii Diinta dhowaan soo galay ayay u badnaayeen. Yeedhe ayuu ku amray in uu yeedho: “Addoon addoomihii Imaamka ka mid ah ayaa dhintay. Waa Wasiir Cadli e, mid kale ayaa halkiisii gali.”

Kolkaas ayay xaruntii gariirtay oohin iyo baroor Wasiir Cadli loo barooranayo awgeed. Si xoog ah ayay u murugoodeen. Isaga dabadii, Imaamku Wasiir Cabbaas ayuu madaxnimadii wasiirrada ku wareejay. Badriiq Tasfaa Lu’uul, isagu kolkii uu Wasiir Cadli madaxa ka jaray ayuu u diray Boqorkii Xabashida oo loogu geeyey dhulka Wafla. Kolkaas ayay tumeen narsooyinkii, miisigoogii, caroogyadoodii iyo foodhintii. Boqorkii waxa uu amar ku bixiyay inaa loo dhiso fagaare bir ka samaysan. Badriiqiisii Degalhaan ayuu ku yidhi: “Fagaaraha fuul oo hadal.”

Wuu dul baxay, markaas ayuu muujiyay gaalnimadiisii, Alle ha lacnadee, isaga oo leh: “Baadariyadii birta ahaayoow, badriiqyadii iyo qaysaskiiyoow, waxa aad ogaataan inaa Cadli la dilay iyo hebel iyo hebel-Markaas ayuu sheegsheegay qaar amiirradii ka mid ah oo been aan sal iyo raad lahayn sheegaya dawladdeennii baa hadda dhalanaysa, muslimiinta dawladdoodii way dhacday – Ilaahayna taa wuu diiday.”

Arrintaa si xoog ah ayay ugu farxeen, siddeed cisho ayayna halkaa fadhiyeen oo ay narsooyinka iyo caroogyada garaacayeen, oo ay muujinayeen quruxdoodii iyo dharkoogii, khamradoodiina ay cabbayeen.

Jabkii iyo Dilkii Tasfaa Luʼuul iyo Wiilashiisii

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Badriiqii Tasfaa Lu’uul ee Wasiir Cadli dilay, isagu kibir iyo qooq ayuu samada isla tegey, isaga oo leh:

“Wasiir Cali iyo Tiyuudoros kii islaamayba waan dilay, inta hadhayna aniga ayaa layni doona.”

Ciidammadiisii iyo askartiisii ayuu soo urursaday, dhankaa iyo Wasiir Cabbaas ayuuna u dhaqaaqay. Imaamku markii uu maqlay in uu badriiqii sidaa yeelay ayuu isna dhankiisii u xamaan qaatay isaga oo xaruntii oo dhanna wata. Daafaha Saraawi, kaniisadda Abaa Haliila167 oo ay dadkeega iyo inta hareera degganiba ahaayeen dadkii ammaanka la siiyay ee jisyada bixinayay ayuu degey. Kolkaas ayay Imaamkii u yimaaddeen oo ay ku yidhaahdeen: “Badriiqii Tasfaa Lu’uul iyo askartiisii Wasiir Cabbaas ayay weerareen oo waxa ay is hor fadhiisteen dhul ballaadhan oo la isku laayay, muslimiintiina lagu jebiyay oo ninna kama bixin.”

Warkaasi been ayuu ahaa si aanu Imaamku dhulkooga u degin. Kolkaas ayay Imaamkii iyo muslimiintii u murugoodeen si ka adag sidii ay Wasiir Cadli uga murugoodeen. Imaamkii nin muslin ah ayuu u diray kaniisad halkaa ku taallay si uu warka u soo hubiyo. baadari ayuu u keenay, wuxuuna ku yidhi: “Baadarigan ayaa goobjoog u ahaa dagaalkooga. Isaga ayaa dadka kaniisadda u yimid oo u warramay.”

Ninkii muslinka ahaa ayaa Imaamkii u keenay isna wuu waraystay. Waxa uu ugu jawaabay: “Waa dhab oo muslimiintii way jabeen”, oo Imaamkii ayuu warkii u sheegay.

Imaamku warkaa dad oo dhan wuu ka qariyay wax aan ahayn shan saaxiibbadii ah oo ay ka mid ahaayeen: Amiir Cumar oo ahaa guddoomiyihii Qidda guushii dabadeed, Absame Nuur iyo Wasiir Mujaahid. Amiir Cumar ayaa Imamka ku yidhi: “Maxaad la murugoonaysaa? Lix sannadood oo aynnu dhulkooga joognay. Waan laynaynay oo waan soo qaqabanaynay waanan addoonsanaynay.”

Kolkaas ayuu Imaamkii aamusay. Dhulkii buu iskaga teggay, ciidankana Cabdinaasir ayuu hor geliyay. Isaga oo aan meel dheerba gaadhin, ayay ku soo baxeen fardooley muslimiin ah oo ka yimid Wasiir Cabbaas oo uu Imaamka ugu soo dhiibay war uu ku lahaa: “Annagu waan wanaagsannhay, dhulkiina wuu fiican yahay.”

Raggaa waxa ka mid ahaa Axmad Goyta iyo Tiyuudoros kii uu Tasfaa Lu’uul dilay walaalkii oo la odhan jiray Tasfaawi. Iyagii iyo Cabdsinaasir ayaa habeenkii jidka ku kulmay, isma se aanay garanayn. In ay dariiqii dhexdiisa isku laayaan ayay ku sigteen, laakiin, ka dib kolkii ay afkoogii ku wada hadleen ayay is garteen oo ay is aqoonsadeen. Habeen gurcud madaw ah ayay ahayd, way is waraysteen oo way is gacma qaadeen, waxayna yidhaahdeen: “Dhulkii wuu wanaagsanaa.”

Muslimiintu halkoogii ayay habeenkii u hoydeen, Imaamkiina waberigii ayuu xaruntii soo gaadhay, kolkaas ayuu wacay raggii kaniisadda ee beenta u sheegay oo uu ku yidhi: “Waar maxaad beenta noogu sheegteen?”

Waxa ay yidhaahdeen: “Waan gefnay e noo dhaaf,” waanu u dhaafay.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Tasfaa Lu’uul kolkii uu maqlay in uu Imaamkii u soo jeedo dhankaa iyo dhulkii Saraawi ee uu fadhiyay Wasiir Cabbaas, ayuu ciidan ka urursaday Reer Saraawi.

Ciidankaasi fallaadhley, waranley iyo gaashaanley bey ahaayeen. Socodkii ayuu cagta horay ugu sii qaaday dhankii Cabbaas. Ciidanka gaalada baadari dameer fuushan ayaa hor socday, kaas oo mushrikiinta ku yidhi:

“Maanta idinka ayaa guusha iska leh, haddii aad Wasiir Cabbaas dishaan,” hadalkaas ayuuna ku hoday.

Badriiqii saddex iyo toban fardooley ah ayuu kaxaystay isaga oo uu hadalkii baadarigu dhiirri geliyay. Askartiisa lugta oo ka kala yimid Reer Simiit lama koobi karayn. Fardooleyda muslimiintu boqol ayay ahaayeen, shan boqol oo gaashaanley ahna way la socdeen. Badriiqu narsooyinkii ayuu garaacay, kolkaas ayay muslimiintii soo baxeen oo ay isa safeen, mushrikiintiina sidoo kale ayay safteen. Kolkii ay labadii ciidan isku soo dhowaadeen ayay wiilashii badriiqa oo kala ahaa Aaroon iyo Balaw Saqad oo Aaroon ka yaraa fardahoogii ka degeen. Gaashaammadoodii ayay qaateen, diricyadoodii ayay xidheen iyaga oo leh:

“Mid kaste oo innaga mid ahi shan iyaga ka mid ah ayuu ku filan yahay.”

Warmahoogii iyaga oo kor u haya ayay soo yaaceen. Waxa ay ahaayeen niman riddada warmaha dagaalka lagu yaqaannay oo geesiyaal ah.

Muslimiintu dagaalkooga way sugeen iyaga oo sugan oo fardahoogii ku dul taagan. Fardooleydii muslimiinta ahaa ayaa weerar qaaday, madaxda dagaalka qaaddayna Amiir Abuubakar Qadiin ayaa ugu horreeyay, bawdada ayayna waran kaga dhifteen. Barbari ayaa isna weerartamay, laakiin faraskiisii bay boqno gooyeen. Garaad Cismaan Joohar baa isna weerartamay oo dhexdoodii muquurtay, safafkoogiina dhex jibaaxay isaga oo ay warmuhu sida roobka ugu hoorayaan. Waxa isna ka daba weerartamay Sayidkaygii Shariifka ahaa ee Cabdirraxmaan oo Reer Denbiya ahaa, Fiqi Hoobat, Garaad Axmadoosh, Farshaxan Sadwat iyo Farshaxan Cismaan oo weeraray badriiqoogii Tasfaa Lu’uul. Nin168 Muslimiinta ka mid ahaa ayaa dhugdhuglaha ku dhuftay oo dhulka ugu riday isaga oo meyd ah. Kolkii ay mushrikiintii arkeen inaa badriiqoogii meydkiisii dhulka la wadhay ayay dabada jeediyeen, muslimiintiina fardahoogii iyo lugtii ayay daba dhigeen dhul siman oo aan lahayn geed iyo dhagax oo furan. Dhammantoodba way layeen, baadarigoogiina isaga oo saaran dameerkiisii ayaa la dilay. Wiilashii badriiqa iyagana dhammaantood waa la laayay – Alleha Sarreeyaa uma naxariistee, Aamiin -. Wasiir Cabbaas sidaas ayuu Wasiir Cadli ugu soo aaray, dhulkii Saraawina ku xoreeyay. Dadkii oo dhami way u hoggaansameen, jisyadiina way bixiyeen. Badriiqii, isaga iyo wiilashiisiiba madaxda ayaa laga jaray, Imaamkii baana loo diray. Muslimiintii guushaa iyo libintaa, si weyn bay ugu farxeen.

Dhulka Tigraay iyo Dhibtii Muslimiinta ku Gaadhay

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Imaamku Tiyuudoros walaalkii ayuu dhulkii Saraawi siiyay si uu gacan yare ugu noqdo Wasiir Cabbaas. Cabbaas, isaga Wasaaraddii uu banneeyay Wasiir

Cadli ayuu u dhiibay, Badriiq Cafarna Baxar Nagaash ayuu ka dhigay. Shariif Nuur, isna Bendar Dekhnu ayuu siiyay, Wasiir Cabbaasna kii ugu wada sarreeyay ayuu ka dhigay. Muslimiintii waxa ay dhulkii Tigraay fadhiyeen sannad, illaa ay sahaydii ka idlaanaysay. Muslimiintu fadhiga halkaa way ku dhibaatoodeen, waayo dad fara badan ayuu daacuun Saraawi kaga dilay.

Waxa dhintay Awraci Abuubakar, inankii Imaamka ee Axmad Negaashi oo Wasiir Cadli lagu ag aasay. Xaaskii Wasiir Cadli oo ahayd Daa’usi ayaa iyadana dhimatay, Garaad Siimu Wanaag Jaanna sidoo kale. Shuunkii Simeet ayaa shihiiday oo ay gaaladu waran ku dhifteen iyaga oo sahay raadinaya.

Garaad Cabdinaasir iyo xaaskiisii Balqiis ayaa dhintay. Muslimiinta badh naarta loo qorayna way ka riddoobeen – Alle ayaan ka magan gallay e – oo uu ka mid ahaa Farshaxan Suldaan nin ay walaalo ahaayeen iyo kuwo badan oo Diinta goor danbe soo galay. dhibtii muslimiinta halkaa ku gaadhay ayay u adkaysan waayeen. Dhulka Tigraay muslimiintu arrimo la yaab leh ayay kala kulmeen kolkii ay sahayda raadinayeen. Baqal iyo dameer ay wax ku rartaan ayay waayeen. Qof walba garbihiisa ayuu alaabtiisa ku sitay, lug baana lagu socday. Kolkaa ayuu Imaamku muslimiintii iskugu yeedhay oo uu ku yidhi:

“Waad aragtaan waxa muslimiintii dhib iyo hawl qabsatay. Hadda wixii ka danbeeya dhulkan waan ka guuraynnaa. Dhul aan dhulkan ahayn baan u kacaynnaa. Maxaad talo haysaan oo xaggeen u kacnaa?”

Waxa ay yidhaahdeen: “Talo waa taada, arrinkana adiga ayaa iska leh, annaguna waan kugu raacaynnaa.”

Kolkaa ayuu Imaamkii yidhi: “Waxa aan tegaynnaa dhanka Baqemadar, iyada ayaa xoolo badan oo barwaaqo ah. Halkaa ayaan magaalo ka dhiganaynnaa oo aan dhisanaynnaa, masaajiidna ka taagaynnaa. Haddii aan dhul kale ku duullana waxa aan kaga tegaynnaa agabkeenna, dumarkeenna iyo baqlaheenna. Kolkaa ayaan tegaynnaa meeshii aynnu doonno.”

Iyaguna “haye” ayay yidhaahdeen.

Imaamkii oo Amiirro u Sameeyay Dhulkii Tigraay

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: kolkii uu inuu socdo doonay ayuu Imaamku sameeyay guddoomiyeyaal uu magacaabay oo ahaa: Tasfaawi oo uu guddoomiye uga dhigay Saraawi, Cafar oo uu guddoomiye uga dhigay Baxar Negaash iyo Wasarsenaay oo uu guddoomiye uga dhigay Xamaasiin. Imaamkii Baqemadar ayuu u dhaqaqay, Shariif Nuurna Dekhnu wuu ka casilay oo halkiisii Suldaan Axmad Ismaaciilkii Reer Dehlak169 ahaa ayuu u dhiibay. Muslimiintii ayaa dhulkii oo dhan iskaga yimid oo ku soo ururay halkii uu Imaamku joogay. Imaamkii ayaa Tigraay ka dhaqaaqay isaga oo u sii jeeda Baqemadar. Dhulka Siiri waxa kolkaa joogay badriiq la odhan jiray Deegane Saalax oo uu Imaamku u dhiibay una xil saaray in uu jisyada soo urursho dhulkiisana ilaaliyo. Konton fardooley ah ayuu haystay oo Imaamkii saaxiibbadii ahaa si ay garab u siiyaan, oo ay ula dagaallamaan mushrikiintii Reer Delmat. Mushrikiintii ayuu la dagaallamay muslimiintiina wuu u hiiliyay. Kolkii uu dagaalku ku adkaaday ayuu Imaamku ciidan qaatay uu ku la hagaagay buurtii uu Yuhannis gabbaadsaday oo uu gaadhay milaygii waaberiga. Kolkii ay cadceeddii soo baxday ayuu ciidankii labo u qaybiyay, waayo buurtu labo afaaf ayay lahayd. Faras walba gaashaanno bir ah ayuu u xidhay, saaxiibbadii oo dhanna labo diric oo la isku ceshay ayay xidheen. Lugtii iyo gaashaanleydii iyaga duubab dahab ah ayuu u xidhay. Lugtii ayaa fardooleyda buurtii uga horraysay, halkaas oo la isku laayay. Mushrikiintu waxa ay ka dagaallamayeen buurta guradeeda oo ay ka soo tuurayeen warmahooga, dhagaxdooda iyo wadhfahooga ba, muslimiintuna way ku sii gurguuranayeen. Dadka Cawaanka iyo Reer Nuubaba mushrikiinta ayay soo raaceen. Sidaa baa la isku laynayay waaberigii illaa la gaadhayay maqribkii. Dhaawacii ayaa aad u fara batay, waayo dadka Reer Siiri, Xabasha dhexdeeda geesinnimo iyo dhoogta warmaha ayaa lagu yaqaan. Kolkii ay ahayd milaygii cadceed dhaca ee uu Imaamkii arkay dhaawaca faraha badan ayuu amar ku bixiyay inaa loo dhaqaaqo dhankaa iyo xaruntiisii isaga oo ciidammadiisii wata. Meel u dhow tuuladii Baqemadar oo buurta agteeda ah ayay soo gaadheen. Kolkii uu waagii beryay ayuu Imaamka u soo galay Deegane walaalkii oo la odhan jiray Tekle Ab watayna haweenaydiisii iyo inankiisii oo wuu islaamay. Inankiisii ayuu Imaamka siiyay si uu Quraanka ugu baro. Badriiqii isagu wuu baxsaday, Boqorkii buuna u galay. Imaamku wuu socday isaga oo doonayay inuu Baqemadar galo. Mesja ayuu galay oo uu bishii Ramadaan ku soomay sannadkii sagaal boqol iyo kow iyo afartan (941). Reer Mesja ayaa muslimiintii si fiican u sooryeeyay, halkaas ayuuna Imaamkii ku ciiday. Intaa ka dib ayuu dhankii Baqemadar u dhaqaaqay. Isaga oo sidaas u socda dawgii ayuu maqlay inay mushrikiintii isku urursadeen halkii loo marayay Baqemadar. afar badriiq bay ahaayeen oo kala ahaa: Badriiq Yuhannis, Badriiqii Delmat, Badriiqii Weqrah iyo badriiqii Baqemadar. Waxa badriiqyada taliye u ahaa oo watay badriiqa la odhan jiray Sawl Tesfoo Iyaasus, dawgii bayna xidheen.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: kolkii uu Imaamkii maqlay warkaa ayuu ciidankii labo ka dhigay. Qaybta hore isaga ayaa qaatay qaybtii labaadna Wasiir Cabbaas ayaa qaatay, in uu dabo socdo ayuuna amar ku siiyay. Imaamkii mushrikiintii ayuu ciidankiisii la gaadhay, gaaladuna afaafkii oo ahaa mid yar oo cidhiidhi ah ayay isa safeen.

Imaamkii qoladii lugta ayuu ku amray in ay fardaha ka hor maraan. Way ku dhaqaaqeen, waaberigii illaa gadiidkiina halkaas ayaa la isku laynayay, waa se la is mari waayay. Mid muslimiinta ka mid ahaa oo la odhan jiray Asmaaj Tekle ayaa Imaamka u yimid oo ku yidhi:

“Aniga ayaa garanaya dawgan mid aan ahayn oo isna cidhiidhi ah oo buurta mara.”

Kolkaas ayuu Imaamkii ka doortay geesiyadii mujaahidiinta labaatan fardooley ah iyo lug yar. Ciidammadii Wasiir Mujaahid ayuu ciidankiisii kale kaga tegay, wuxuuna ku yidhi:

“Halkaaga joog, aniga ayaa u kici dhanka dawgu yahay oo waan soo eegiye.”

Imaamkii, isaga oo dhuumaalaysanaya oo wata saaxiibbadii ayuu socday. Kolkii uu afaafkii tegay ayuu arkay ilaaladii gaalada oo ay ka mid ahaayeen Badriiqii Sawl iyo Yuhannis oo halkaa joogay lana moodo dhinbiil dab ah oo ciidankii fardaha watay. Imaamku lugtii Askarta Badda ayuu is hor mariyay. Muslimiintii lugta ahaa ayaa weerar ku ekeeyay, fardooleydii na way ka daba fuuleen, kolkaas ayay mushrikiintii jabeen, dariiqiina fardooleydii muslimiinta ayaa uga dheeraysay. Wasiir Mujaahid, isaguna waxa uu intaa kula dagaallamayay dariiqii hore wuuna jebiyay. Way daba qaateen, iyaga oo dilaya oo qaqabanaya. Yuhannis, isagu geed buu qabsaday oo uu iska laalaadiyay. Geedkii baa la soo jabay, wuuna dhintay – Alle uma naxariistee. Imaamku buurtii uu Yuhannis ka dhacay ayuu dib ugu soo noqday. Lugtii ayuu u diray buurta, badriiqyadii oo dhanna halkaas ayay ka heleen dabadeedna way soo qaqabteen. Waxa ay soo qabteen Badriiq Sawl walaalkii oo la odhan jiray Qansaawi oo isaga ka yaraa. Badriiqii Baqemadar oo la odhan jiray Baamaan ayaa isna la soo qabtay, Shuunkii Saraawi sidoo kale. Dadka aan badriiqyada ahayn ee la qaqabtay labaatan bay ahaayeen. Ninka keli ah ee badbaaday waxa uu ahaa Badriiq Sawl oo u baxsaday dhulka Samiin170, oo ah dhul adag oo leh gabbaadyo aan la mari karin iyo buuro dhaadheer. Farduhu buurtaa meel ay u maraan kama helayn, dhulka Xabasha oo dhanna meel ka xun lagama helayn.

“Waan ka daba tegaynnaa kuwa jabay.”

Kolkii uu Imamku yidhi ayay u jawaabeen dad ka mid ah Reer Balaw oo ahaa Shuunkii Maxamad iyo saaxiibbadii waxayna Imaamka ku yidhaahdeen: “Ha isku gelin dhulka Samiin, kari maysid xitaa haddaad in badan fadhido e.”

Imaamkii baa yidhi: “Samiin ka tegi maynno illaa aan xasilinaynno waayo iyada ayaa dhulka oo dhan fure u ah. Haddaad iyada xasiliso dhulka oo dhan baa xasilaya.”

Dhulkii Badriiq Sawl walaalkii oo la odhan jiray Qansaawi ayuu kaga tegey inta uu dhulka dib ugu soo noqonayo. Xaaskiisii ayuu Imaamka rahaamad ugu dhiibay, kolkaas ayuu Imaamku sii daayay. Wuu socday ‘Qansaawi’ si uu dhulkii u xasiliyo. Intaa dabadeed, wuu jebiyay ballankii wuuna baxsaday isaga oo islaantiisiina iskaga tegay.

Yuhuuddii Dhulka Samiin ee Falaashaha

Samiin qalcado iyo gabbaadyo badan ayay lahayd, buur xaraar ah oo la dhababayna way lahayd. Buurahaa waxa la dul soconayay maalin badhkeed, oo beero iyo bustaanno ayaa kuradeeda ahaa. Haddii uu nin keli ahi dawga joogsado ciidan badani ma mari karayn cidhiidhi awgii. Imaamku Absame Nuur ayuu buurtii u diray, kaas oo inta uu socday fuulay milay aanay ka war qabin oo lana wareegay, dabadeedna soo laabmay. Intaa kadib, maxaabiista Baxar Anba oo afartan ahayd ayuu wacay oo uu qoorta ka wada jaray. Dhulka Samiin Yuhuudda Xabashida ayaa iska lahayd, magacoogana Falaasha171 ayaa afkooga lagu yidhaahdaa. Waxa ay qirsanaayeen in uu Ilaahay mid yahay, wax kale oo ay limaanka ka garanayeen ma jirin, nebi iyo sadiiq toona. Reer Baxar Anba ayaa addoonsanayay afarrtan sannadood oo beeraha ku qodanayay. Kolkii uu Imaamku ka guulaystay Badriiqii Sawl ayay u yimaaddeen dhammaantood iyaga oo meel walba oo fog iskaga yeedhay. Waxa ay ka soo baxeen godadkii iyo buurihii, waayo guryo ma aanay lahayn buuraha iyo godadkaa mooyaane. Imaamkii bay ku yidhaahdeen:

“Annaga iyo Reer Baxar Anba colaad baana dhex taallay muddo afartan sannadood ah. Hadda ayaan Reer Baxar Anba wixii ka hadhay laynaynnaa oo aan qalcadahooga la wareegaynnaa, mar haddii aad ka guulaysatay. Annaga ayaa kaaga fillaanaynna. Adigu se xarunta iska fadhi, annaga ayaa ku fali wax aad ku faraxdo e.”

Imaamku askar buu ku biirshay, xaggii buurtii bayna u kaceen. Way koreen, dadkii Reer Baxar Anbana silsilado ayay ku soo garboduubeen oo Imaamkii ayay u keeneen. Imaamku Samiin ayuu fadhiistay illaa uu xoraynayay oo uu Reer Baxar Anba oo dhan ka soo saarayay, wuuna wada laayay.

Dadkii Reer Samiin ee Falaashaha ahaa heshiis ayay galeen waxayna ku ballan qaadeen ina ay jisyada bixiyaan iyaga oo dullaysan. Imaamku Garaad Cismaan Joohar ayuu guddoomiye uga dhigay Farshaxan Cismaan buuna ku daray. Dadkii dhulku Muslimiintii bay beero qodayaal u noqdeen.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Wasiir Cabbaas, isagu kolkii uu arkay in ay muslimiintii guulaysteen ayuu isagu u baxay buurtii Waqara, halkaas ayuuna degay. Intaa dabadeed, Wasiir Mujaahid ayuu Baqemadar u diray. Dhulkaa buu isna galay oo uu qabsaday. Dadkii deegaanka ayuu heshiis la galay oo jisyadii bixiyay, muslimiintii bayna beeroqodayaal u noqdeen. Imaamkii, Samiin ayuu ka socday wuxuuna u dhaqaaqay dhankii Waqara oo gacanta muslimiinta soo gashay, Garaad Sabrud-Diin buuna guddoomiye uga dhigay. Waxa uu dhulkaa ka dhisay magaalooyin iyo masaajiid illaa maanta ku yaal. Dhulka Deraja oo Bage-madar ka mid ah illaa Goojaam waxa uu u xil saaray Farshaxan Cali oo ay weheliyaan Farshaxan Suldaan, Adil, Shamsu iyo Tekle, halkaas oo uu ka dhisay magaalooyin iyo masaajiid, dadkii dhulkaana muslimiinta ayay beerqodayaal u noqdeen. Amiir Abuubakar Qadiin iyo ciidankiisii Wafla iyo Kanafaat oo ka tirsan Baqemadar illaa dhulka Waaq ayuu u xil saaray.

Reer Balaw oo ahaa afartan fardooley ah oo ay wateen Shuun Shukri iyo Shuun Maxamad ayaa dhulkii hagaajiyay oo xasiliyay, dadkiina beeroley ayay ka dhigteen. Magaalooyin iyo masaajiddo ayuu ka dhisay.

Bad-Yaraydii Denbiya iyo Dhismihii Xarunta Cusub

Intaa dabadeed, Imaamku Waqara ayuu ka tegey oo dhulka Denbiya ayuu galay. Waa dhul hodan ah oo aan dhulka Xabashida oo dhan meel u dhiganaa jirin, weligeedna ma abaaroobin. Waxa ku dhe yaala seylad ay farduhu sida lo’da oo kale ugu badan yihiin, waana dhulkii dahabka.

Waxa ay leedahay magaalooin badan oo gobolkeega ku yaalla. Waxa ay ka mid tahay dhulka Nuuba ee dahabka laga qodo. Halkaas ayuu hoy iyo xarun ka dhigtay, dhammaanteedna wuu hagaajiyay. Dadkii deegaanku muslimiintii bay beer-qodayaal u noqdeen. Masaajiid buu ka dhisay, dhulkeegiina Imaamku dadkii muslimiinta ahaa ayuu u qaybiyay oo dagaalyahan walba wuu gaadhsiiyay. Furintii dhulka Taaka172 oo ahayd furinta Hamajka173 waxa uu siiyay Wasiir Cabbaas, muslimiintii halkaas ayay ku nasteen oo ay ku nafiseen.

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: Dhulka Denbiya174 Bad macaan ayaa jirtay oo afar cisho ay ku qaadato doonyaha, sodddon gasiiradoodna way ku dhex yaalleen. Geedka reexaanta iyo khudrad badan ayaa ka dhex baxayay. Askartii mushrikiinta ee Islaanka diidday iyo badriiqyadoodiiba gasiiradahaa bay galayeen. Imaamku farriin buu u diray uu ku weyddiiyay in ay jisyadii iska bixiyaan, way se diideen oo gasiiradahoogii bay ku ekaadeen. Waxa ay lahaayeen huuriyaal ay ka samaynayeen jiridda muuska; way isku geygeynayeen oo huuri bay ka samaysanayeen, kolkaas ayuu sida shinbiraha u lalayay. Huuriga looxa ahi lama baratamayn nin kooga oo kale samaysta mooyaane. Gasiiradahoogii ayay gabbaadsadeen, deyrarna way samaysteen. Maraakiibta yaryar, kuwa waaweyn ayay ku dhex ridayeen, kolkaas ayay deyrka dhigayeen. Baadariyadii iyo askartii la joogay ayaa isku yidhi:

“Ayaa inna karaya innaga oo badda dhex joogna. Cid aan innaga ahayn oo maraakiibta samaysaana ma jiro, innaga ma ahee.”

Way qooqeen mushrikiintii iyo baadariyadii oo way kibreen, Boqorkii Xabashiduna baadariga la odhan jiray Nibraasoon ayuu madax uga dhigay, waayo waxa uu ogaa inay yihiin baadariyo diinta ku adag oo aanay duunyada dan ka lahayn. Kolkii ay Imaamkii iyo muslimiintii degmaysteen dhulka Denbiya ayuu Imaamkii amar ku baxshay inaa geedaha waaweyn la soo jaro oo laga qoro huuriyaal, waayo huuriyaasha Berri Carab daamur iyo xaydh ayay u baahan yihiin, labadaana lama hayo. Geedihii bay gooyeen waxayna u qoreen si uu mid walba u deeqo soddon nin. Waxa samaynta huuriyaasha loo xil saaray Axmad bin Saleemaan oo Mehri ahaa carabtii samaynaysayna ka mid ahaa. Siddeed geed ayay soo gooyeen. Imaamku samayntii huuriyada ayuu raagsaday, kolkaas ayuu amray in la iskaga tego. Imaamkii iyo muslimiintii dhulka Nuuba iyo dhulka Goojaam ayay u dhaqaaqeen oo uu wada burburiyay dadkeegiina ka soo taxaabay.

Imaamku Amiir Shamcoon ayuu dhulka Goojaam kula kulmay isaga oo wata ciidankiisii. Imaamka ayaa kolkii hore kaga tegay dhulka Jidim.

Wuu u yimid ka dib kolkii uu hore halkaa ugaga tegay sidaan hore u soo sheegnay. Boqorkii Xabasha oo wata ciidammo badan ayaa u yimid, isna wuu u baxay dagaalkiisa isaga oo watay afartan fardooley ah. Wuu jebiyay, xoolihiisii iyo ciidankiisiina wuu kala hadhay oo wuu qaatay. Dhulkii Jidim wuu deeqi waayay ciidankiisa faraha badnaa, kolkaas ayuu u guuray Goojaam. Halkaas ayuu ka dhigtay degaan sida aan dagaalkiisa dib ugu caddayn doonno iyo sidii uu yeelay dagaalkii labaad ee uu Ilaahay ku galladay.

Imaamkii oo Qabtay Gasiiradda Qaliila

Weriyihii – Allaha Weyni ha u naxariistee – waxa uu yidhi: kolkii uu Imaamkii ka soo noqday duullimaadkii ee uu ku soo laabmay Denbiya ayuu dul degay baddii Denbiya, iyada oo la sii dhameeyay huuriyadii. Imaamkii amar buu ku baxshay inaa badda la koro si ay ugu dagaallamaan. Askartii baa Imaamka ku tidhi:

“Adiga oo jooga ma ahee dagaalka baddu ma hagaagayo. Haddii aad nala fuushao askartu way dagaallami.”

Labadii huuriba wuu is raaciyay oo wuu is garab geliyay. Meel kalena saddex ayuu is garab geliyay. Imaamkii mid kamid ah ayuu fuulay, askartii iyo Carabtiina huuriyadii kale ayay fuuleen. Ragga Mallasaay hore bad uma aanay arag dagaallankeegana ma aanay arag. Huuriyadii waxa ay u dhaqaaqeen gasiirad la yidhaahdo Qaliila175. Kolkii ay badda badhtankeega joogaan ayay nasaaradii gasiiraddoodii ka soo baxeen iyaga oo wata kontomeeyo huuri. Gasiiradda Siiruu ayay ka soo dhaqaaqeen iyaga oo aad mooddo shinbiro lalaya. Muslimiintii bay badda dhexdeeda isku haleeleen, waana la is laayay iyaga oo adeegsanaya wadhfo iyo dhagaxaan. Huuriyadu Gasiiradda ayay joogeen wayna yaryaraayeen oo waxa laga sameeyay muuska. In ay muslimiinta u soo dhowaadaan awood way u waayeen, waayo aad bay uga sarreeyeen. Kolkii ay muslimiintii u soo dhowaadeen Gasiiraddii derbiyada lahayd ayay la kulmeen bad kacsan oo le’eg labo nin dhererkood. Waxa ay u qaateen in ay halkii gaadheen oo uu bannaan ka sokeeyo derbiga, kolkaas ayay lugtooda ku daadegeen. Intaa dabadeed, derbiyadii agtooda ayay isku haleeleen. nasaaradii way jabeen, muslimiintiina waxa ay gaaladii ka hantiyeen, guul, libin iyo furasho, Ilaahay baana mahad leh u qalanta nimcooyinkiisa, dheeraadkiisana u dhiganta. Amaantaada, Alloow ma koobi karno; sida aad adigu isku amaantay.

Shariifaantii oo ah afartan dagaalyahan oo fardooley ayaa Imaamka u timid iyaga oo ka soo socdaalay Denbiya. Dhammaantood Ashraaf bay ahaayeen, waxana wehelinayay Sheekhoogii Sharafud-Diin Cali, Shariif Maxamuud iyo Shariif Cabdirraxmaan. Imaamkii ayaa soo dhaweeyay oo siiyay dhul fara badan oo ah daafaha dhulka Nuuba176 oo waxa la dejiyay dhammaan Dhulka Denbiya illaa Nuuba. Ilaahay ayaana mahad ku leh Diinta Islaamka, kaas oo ka kor yeelay diimaha kale oo dhan, oo mujaahidiinta mukhlisiinta ah ka dhigay tiirarkeega. Ilaahay Naxariis iyo Nabad gelyo ha siiyo Sayidkeennii Maxamad ahaa ee laga doortay tafiirtii Cadnaan, Isaga iyo Ehelkiisii iyo Asxaabtiisii inta ay hadhka iyo habeenku kala rogmanayaan, iyo kuwii kale ee iyaga wanaagga ku gadaal-raacay iyo kuwii wanaaggaa ku sii raacay. Alle ayaa iska leh mahad aan la koobi karin, wanaagsan oo barakaysan sida uu Rabbigeennu jecel yahay ee uu raalliga ka yahay.

Waxa halkaa ku dhammaaday qaybtii hore ee Futuux Al-Xabasha (Mahadho-Reebka Sooyaalka) oo ah wixii uu Ilaahay nagu galladay ee uu dheeraadka noo siiyay Allaha Deeqsiga ah ee Hooda iska leh. Waxa curiyay Addoonkii Baahida badnaa ee hooseeyay; Shihaabud-Diin Sheekh Axmad bin Cabdulqaadir bin Saalim bin Cismaan oo deggan Jiisaan, Alle isaga iyo labadiisii waalidba ha u jeer dhaafo oo ha saamaxo Muslim oo dhan rag iyo dumarba iyo mu’min oo dhan rag iyo dumarba.

Raad-Raac (References & Bibliography)

  1. Qur’aanka Kariimka ah.
  2. Xadiiska sharafta leh kutubtiisa waaweyn, sida Bukhaari iyo Muslim.
  3. د. رجب محمد عبد الحليم العلاقات الساسية بين مسلمي الزيلع ونصارى الحبشة في العصور الوسطى. دار النهضة العربية، 1405ه- 1985م
  4. د. جلال يحيى العلاقات المصرية الصومالية، المكتبة الأفريقية، اسكندرية 1960
  5. العمري شهاب الدين أحمد بن يحيى بن فضل الله، مسالك الأبصار في ممالك الأمصار. دار الكتب المصرية، رقم 559 معارف عامة
  6. القنائي أحمد الحفني، الجواهر الحسان في تاريخ الحبشان، بولاق بمصر 1321ه
  7. المقريزي تقي الدين أبو العباس أحمد بن علي، الإلمام بأخبار من بأرض الحبشة من ملوك الإسلام، مصر سنة 1895م
  8. د. زاهر رياض، الإسلام في اثيوبيا، دار المعارف 1964
  9. د. محمد المعتصم سيد، دول اسلامية في شرق افريقية هرر والصومال، القاهرة 1964
  10. الفيروزآبادي، القاموس المحيط مؤسسة الرسالة، 1407ه-1987م
  11. ريتشارد هول، إمبراطوريات الرياح الموسمية، الطبعة الأولى 1999، مركز الإمارات للدراسات والبحوث الإستراتيجية
  12. دكتور جلال يحيى، التنافس الدولي في شرق إفريقية (المعرفة 1959) 12.
  13. دكتور شوقي عطا الله الجمل، الوثائق التاريخية لسياسة مصر في البحر الأحمر، الجمعية المصرية للدراسات التاريخية 1959
  14. دكتور محمد صبري، مصر في إفريقيا الشرقية، هرر، زيلع وبربرة، مطبعة مصر (1939)
  15. سید بن محمد صادق الولوي، منهل العطشان في تاريخ الحبشان، 2001
  16. Alexson, Portuguese in South East Africa, 1600-1700 (Johannesburg, 1960).
  17. Allen, J. de V, ‘Habash, Habashi, Sidi, Sayyid’, in J.C. Stone (ed), Africa and the Sea (Aberdeen, 1985).
  18. Alpers, E. A. ‘Gujarat and the Trade of East Africa’, African Historical Studies, Vol. 9 (Boston, 1976).
  19. Aw. Jaamac Cumar Ciise, Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamad Cabdille Xasan. (Xarunta Cilmibaadhista ee Jabuuti (CERD), 2005).
  20. Axelson, E. Portuguese in South East Africa, 1488-1600 (Cape Town, 1963)
  21. Bhattacharya, D. K. ‘Indians of African Origin’, Cahiers d’etudes Africains, vol. 40 (1970).
  22. Borelli, Jules; L’ethiopie Meridionale (Paris, 1890).
  23. Boxer, C. R. and De Azevedo, C. The portuguese in Mombasa (London, 1960).
  24. Braukamper, Ethiopianist Notes, Volume I, Number 1:17 East Lansing, 1977
  25. Buchholzer, John; The Horn of Africa. (London 1959)
  26. Budge, W. A History of Ethiopia (London, 1928).
  27. Burton, Cap. Sir Richard F.; First footsteps in East Africa, or an exploration of Harar. London 1894, (2 vols).
  28. Cabdi Muxumad Amiin, Diiwaanka Hilin Hayaan. Stora-Tenstagrand 61tr 16363 Spanga Sweden, 2006.
  29. Cipolla, C. M. Guns and Sails in the Early Phase of European Expansion 1400-1700, (London, 1965).
  30. Commissariat, M. S. History of Gujarat (Bombay, 1938).
  31. Coupland (Reignald), East Africa and its Invaders (Oxford 1938)
  32. Ethiopia: A Cradle of History, Ministry of Information, Department of Press, April 1989, Addi Ababa.
  33. Ferrand Gabriel; Les Somalis. (Paris, 1913).
  34. Genenew Assefa, Recasting Gragn & The Aborted Islamic Government of Ethiopia (1529-1543), (Root Africa, Addis Ababa).
  35. J. Spencer Trimingham, Islam in Ethiopia. Frank Cass & co. LTD, 1965.
  36. James, F. L.; The Unknown Horn of Africa. 1888.
  37. Jardine, Douglas J.; The Mad Mullah of Somaliland. 1923
  38. Kiros Habte Sellasie and Mazengia Dina, Ethiopia: A Short Illustrated History. Ministry of Education and Fine Arts, Addis Abeba.
  39. Mohammed Hassan, The Oromo of Ethiopia, A History 1570-1860. (The Red Sea Press, 1994).
  40. Paul Lester Stenhouse, Futuh Al-Habasa, The Conquest of Abyssinia. Annotated by Richard Pankhurst, (Tsehai Publishers and Distributers, 2003)
  41. Professor Abdi Kalil Edriss, Harar Jugal, historical quality to treasure. (BEESCI International Series, 2007).
  42. Sir Geoffrey Archer, K.C.M.G, Personal & Historical Memoirs of an East African Administrator. Robert Maclehose and Co. LTD, (the University Press, Glasgow, 1963).
  43. Tadesse Delessa and Girma Alemayehu, Ethiopian History: From Early Axumite Period to the Downfall of Emperor Haile Sellassie (Aster Nega Publishing Enterprise, 1998)
  44. Taddess Tamrat, Church and State in Ethiopia, 1270-1527. Oxford Claredon Press, 1972.
  45. Sheikh Ahmed Abdillahi Rirash, [كشف السدول عن تاريخ الصومال]. Muqdisho, 1974.
  46. Maxamad Cabdillaahi Riiraash, Effects of Sixteenth Century Upheavals on the History of the Horn. Proceedings of the Somali Studies International, Rome 1988.

Tusmo

Hordhac
Iftiimin
Mahadnaq
Gogoldhig
Imaam Axmad Ibraahin
Raad-Raaca Jihaadka
Imaam Axmad iyo Duullimaadkii 1aad
Iska-Hor-Imaad Dhex Maray Imaamka iyo Suldaanka
Imaamkii oo ku Jebiyay Ciidankii Suldaanka Labo Goobood
Imaamka oo Xabashida ku Duulay Markii Labaad
Dilkii Suldaan Abuubakar
Xabashidii oo ku soo Duushay Daafaha Dhulka Muslimiinta
Soomaalidii iyo Imaamka oo Isku Dhacay
Imaamkii oo Dhulka Xabashida ku Duulay Markii 3aad
Geeridii Wanaag Jaan
Imaam Axmad oo Duullimaad ku Qaaday Dhulkii Awfaat
Imaamkii iyo Dahabkii Genda Bila
Imaamkii oo Qabaa’ilkii Jihaadka ugu Baaqay Boojimadiina u Diray.
Qabaa’ilkii Soomaalida oo ku yimid Baaqii Imaamka
Duullimaadkii Afraad ee Imaamka
Boqorkii Xabashida oo Askar ku Urursanaya Beyt Amxara
Madaxdii Ciidamada Imaamka oo la Hawl Geliyay
Amiir Saxrabawi ‘Imaamka Ina Adeerkii’
Ciidammadii Imaamka oo Amaaja Iskugu Yimid
Goobtii Baadiqi
Labadii Ciidan oo Foodda Isku Daray Baadiqi
Imaamkii oo Ciidankiisii Saddex u Qaybinaya
Ciidankii Imaamka oo Jebiyay Jidgooya Xabashi ah.
Goobtii Shinbirokore
Jabkii iyo Dhimashadii Xabashida
Madaxdii iyo Raggii ku Shihiiday Shinbirokore
Duullimaadkii 5aad ‘Dawaaro’
Heshiiskii Dhex Maray Imaamka iyo Badriiq Ras Biniyaat
Imaamkii iyo Rag Yar oo Guul Soo Hooyay
Dib-u-Noqoshadii Imaamka ee Harar
Imaamka iyo Arrimaha Sekada
Shirqoolkii Suldaanka iyo Amiirrada
Duullimaadkii 6aad Baali iyo Taakuladii Shariifaanta’
Imaamka oo Amar ku Bixiyay in la soo Qabto Tekle Haymanoot
Qabashadii Tekle Haymanoot iyo Ooridiisii
Ciidammadii Imaamka oo Jebiyay Kuwii Xabashida ee uu Badriiq …
Badriiq Shankuur oo Rogaal-Celis Sameeyay
Islaankii Reer Baali iyo Wanaag Jaan
Siimu, Wiilkii Wanaag Jaan
Imaamkii oo Jihaad u Anba-Baxay Markii 7aad
Imaam Axmad oo Ciidankii la Dardaarmaya
Imaamkii oo Wanaag Segad u Hub Qaatay
Degalhaan oo Dagaalkii Andaakiya ka Marmarsiiyooday
Garaad Mataan iyo Rag Kale oo Amar La’aan Dagaal Qaaday
Goobtii Andaakiya
Galitaankii Sharkha iyo Guushii Muslimiinta
Imaamkii oo Hogaamiyayaashiisii Kula Kulmay Candoora
Goobtii Sari iyo Guushii Ciidamada Imaamka
Raggii Xabashida Laga Laayay iyo Kuwii Laga Qabtay
Imaamkii oo Bogorka Xabashida Waraaq u Qoraya
Nin Maxbuus ah oo Imaamka iyo Badriiqyadii u Kala Dab Qaadaya
Heshiiskii Dhex Maray Imaamka iyo Badriiqyada
Imaamkii oo Boojimadii Faraha Badnayd Ciidankiisa ka Daadinaya
Farshaxan Cali oo Gubaya Kaniisaddii Baadiqi
Xanuunkii Imaamka iyo Kaniisaddii Abuunaha oo la Gubay
Dhanbaal Caga-Juglayn ah oo uu Boqorku Imaamka u Diray
Ilaaladii Xabashida oo ay Absame Nuur iyo Koox Yari Jebiyeen
Bogsashadii Imaamka
Boqorkii Xabashida iyo Baxsashadiisii
Xabashidii oo Dhaxan Ku Le’atay
Buqdhada Togga Hawaas
Kaniisaddii Xabasha ugu Horraysay…
Abuubakar Qadiin iyo Gubitaankii Kaniisadda Debra Libaanoos
Imaamkii oo u Xamaan Qaatay Badriiqii Weynaa ee Wasan Segad 227
Dilkii Wasan Segad
Imaamkii iyo Saddex Dagaalyahan oo Ciidammadii Jabay…
Faafintii Islaamka
Imaamkii oo Diiday in uu Gaalo Miciinsado
Furashadii Daraja
Awraci Cismaankii Murtadka Ahaa iyo Dad Kale oo Diinta soo Galay
Jihaad Cusub
Kaniisadda Beyt Amxara iyo Tilmaanteeda
Imaamkii oo Duullimaadkiisii Kasaaya ku soo Gaadhay
Dhanbaalwadayaal Imaamku Diray oo Dhexda Lagu Laayay
Abuubakar Qadiin oo Gurmad Ciidan Imaamka soo Gaadhsiiyay
Khasnaddii Bogor Iskandar iyo Shirqoolkii…
Duullaankii Waasil
Degalhaan oo Boqorka u Qoray in uu Dilay Imaamkii!
Gurmad u Socday Degalhaan oo uu Imaamku Gacanta ku Dhigay
Imaamkii oo Buurta Waasil Hoos Degay
Goobtii Waasil 27/10/1531
Duullimaadkii Beyt Amxara iyo Tilmaamihii Kaniisadda
Tilmaantii Kaniisadaha Beyt Samiyaat iyo Naqdaqaad
Qaniimooyinkii Dhulka Walaqa iyo Siday Muslimiintu u Gaadheen
Anba iyo Caruurta Boqorrada
Goobtii Anba
Guuldarradii Muslimiinta 14/3/938 H
Duullimaadkii Angoot iyo Kaniisaddii Debra Ashiir
Gasiiraddii Badda Xiiq iyo Lahaystihii Awraci Xarbi Arcad
Tilmaantii Gasiiradda iyo Xoolihii Yaallay
Farshaxan Cali iyo Siduu Islaannimada ugu soo Noqday
Goobtii Aram
Jabkii Ciidankii Giyoorgis ee Debra Burhaan
Kulankii Imaamka iyo Wasiir Cadli
Hoggaamiyihii Shamsu oo Jebiyay Murtadkii Siimu
Badriiq Giyoorgis oo Lagu Dilay Dhulka Shagara
Goobtii Kasaaya
Jabkii Reer Maayo iyo Bishaaro oo Shihiiday
Absame Nuur oo Col u Qaatay Dhulka Samiit
Duullimaadkii Hadiya
Imaamkii oo Sadaqa Yimid Amiirradiina Dhulka u Kala Diray
Guulihii Baali iyo Waraabe
Goobtii Waraaba iyo Guushii Imaamka
Haweenkii Muslimiinta oo Jihaadka ka Qayb Qaatay
Shirqoolkii Walaamo ee Muslimiinta ku Dhacay
Qabashadii Badriiq Balaw Segad
Reer Gaafaat oo Islaamka soo Galay
Duullaankii Imaamka ee Tigraay
Jabkii Reer Tigraay
Guurkii Imaamka iyo Geeridii Suldaan Maktar
Imaamkii iyo Boqorkii Xabasha oo Mar Kale Dagaal ku Kulmay
Tasfaa Lu’uul iyo Dilkii Wasiir Cadli
Jabkii iyo Dilkii Tasfaa Lu’uul iyo Wiilashiisii
Dhulka Tigraay iyo Dhibtii Muslimiinta ku Gaadhay
Imaamkii oo Amiirro u Sameeyay Dhulkii Tigraay
Yuhuuddii Dhulka Samiin ee Falaashaha
Bad-Yaraydii Denbiya iyo Dhismihii Xarunta Cusub
Imaamkii oo Qabtay Gasiiradda Qaliila
Raad-Raac (References & Bibliography)


Edité par: Institut des langues (République de Djibouti)
Impression: Imprimerie Nationale de Djibouti


UNIVERSITY OF ILLINOIS-URBANA


Waa boqorkii guusha, xiddiggii ifayay. Waxa uu ka mid yahay hanooniyayaasha ku raalli ahaanshaha Ilaahay. Waa sayidkeenni xurmada huwanaa. Waa Amiirkii Mu’miniinta; Al-Qaasii (duullaan-badane); mujaahidkii Ilaahay u go’ay.

Ilaahay naxariista Janno ee suubbanayaasha ha ka waraabiyo, oo ha ku nageeyo olloggiisa kolka loo guuro daarta lagu waarayo. Ilaahay sidaa ha ugu yeelo Muxamadkii Mustafaha ahaa fadligiisa iyo barakadiisa awgeed iyo ta Ehelkiisii iyo Asxaabtiisii Ilaahay dooray. Eebbe ha siiyo himmilooyinkiisa oo dhan iyo wax Alle wixii ku soo dhaca qalbigiisa if iyo Aakhiro, Isaga uun baa sidaasi awooda e. Ilaahow naga aqbal!

— Fiqi Carab, Curiyaha Futuux Al-Xabasha

Dadyahaw Islaamka ahi, samirku waa guul jabkuna waa hungow. Ogaada inay kuwa samraa guusha la hoydaan. Hungowga iyo fulanimadu waa labo sababood oo ka mid ah sababaha lagu hoogo. Cidda adkaysata, Ilaahay waa kii uga hiiliya cadawgiisa, waayo ilaahay baa la jira.

Qofka ku samra seefaha afkooga berruu libinta gaadhaa intaa dabadeedna dhib isma arkayaan. Waayo kolkuu Ilaahay la kulmo wuxuu ku soo dhaweeyaa maamuus, oo wuxuu mahadiyaa hawshii uu qabtay Ilaahayna kuwa samra waa jecel yahay.

— Imaam Axmad Ibraahim Al-Qaasi (Axmad Guray), Dagaalkii Shimbirokore


Tixraac

1 Tadesse Delessa iyo Girma Alemayehu, Ethiopian History, From Early Axumite Period to the Downfall of Emperor Haile Sellassie I, bogga 20.

2 Tadesse Delessa iyo Girma Alemayehu, Ethiopian History, From Early Axumite Period to the Downfall of Emperor Haile Sellassie I, bogga 20.

3 Braukamper ayaa ka soo xigtay Cerulli in ay rag Reer Makhsuum ahaa oo ka yimid Maka Al-Mukarrama ka yagleeleen Gobolka Shawa maamul Islaam ah sannadkii 283 ee H, fiiri bogga 22aad ee Ethiopianist Notes, Volume I, Number 1:17 East Lansing, 1977.

4 كشف السدول عن تاريخ الصومال وممالكهم السبعة – الشيخ أحمد عبد الله ريراش الصومالي، مقديشو، ١٩٧٤

5 Mohamet Hasen, The Oromo of Ethiopia; A History, 1570-1860, bogga 19.

6 Tixraac Ethiopian History, bogga 34

7 Tixraac Ethiopian History, bogga 56.

8 رجب محمد عبد الحليم، العلاقات السياسية بين مسلمي الزيلع ونصارى الحبشة في العصور الوسطى. ص ١٥٢

9 ريتشارد هول، إمبراطوريات الرياح الموسمية، ص ٣٤٠

10 Professor Abdi-Khalil Edriss, Harar Jugal: Historical Quality to Treasure within Ethiopian Galaxy and African Universe. 2007.

11 Badriiq ay Boqorka Xabashida walaala ahaayeen aadna uu ugu kalsoonaa, sida aad tarjamadan ku arki doonto.

12 Muslin iyo Bukhaari ayaa isku raacay, ka eeg Muslin 1920-1037 Bukhaarina 3641-7460, in kaste oo uu ereyga [قائمین] u soo arooray [ظاهرين]

13 Waa Suleymaan Bin Al-Ashcas As-Sajestaani Al-Asradi oo geeriyooday 275 Hijri | 888 Miilaadi.

14 Xadiiskan asal waan u weynay, kutubta Xadiiskana kuma soo aroorin.

15 Isla sidan isaga oo u soo arooray ma aan helin, hase yeeshee waxa asxaabta qaarkood laga weriyay axaadiis u macno dhow. Waxa ka mid ah kan ay Bukhaari iyo Muslim Xudeyfa ka weriyeen in uu yidhi:
[لقد خطبنا النبي صلى الله عليه وسلّم خطبة ما ترك فيها شيئا إلى قيام الساعة إلا ذكره، علمه من علمه وجهله من جهله]

16 Shaadali buu ahaa dariiqo ahaan, nasab iyo tol ahaanna Qureesh buu ahaa, dal ahaanna Yamani buu ahaa.

17 Waxa suuragal ah in uu yahay taariikhyahankii Madhabka muctasilada haystay ee la odhan jiray Abul-Xasan Cali Al-Mascuudi oo ku dhintay Fusdaad/Masar sannadkii 956 H | 1549 M sida uu sheegay Paul Lester Stenhouse (The Conquest of Abyssinia) bogga 5aad.

18 Waxa ay nala tahay in uu qoruhu weedhan ku tilmaamayo rag Imaamka ay isku xilli ahaayeen oo ay ka mid ahaayeen Cali bin Cumar kii Shaadaliga ahaa ee Qureeshta ahaa ee Reer Yamaneed ahaa iyo Imaam Al-Mascuudi.

19 Qoraha ama mu’allifku waa Fiqi Carabka wararkan taariikhiga ah diiwaan geliyay. Shihaabud-Diin ama Fiqi Carab qoraalkiisa waxa uu si fiican ugu hubiyay in uu goobjoog u ahaa dhacdooyinka qaar, sida dagaalkii Shinbiro-kore la magac baxay iyo kuwo kale, wararka qaarna waxa uu ka helay dad kale oo labada dhinac ee is hayay ahaa sida Amiir Xuseenkii Reer Gaatur ahaa iyo Axmad Diin Khaalid Maxamad Khayrud-Diin iyo maxaabiistii laga soo qaqabanayay xabashida qaarkood.

20 Waa Reer ay maanta ku arooraan dad Hararida ka tirsan, hase yeeshee waagaa waxa ay ahayd degmo ka tirsanayd Gobolka Fatagaar.

21 Kolka uu weriyaha sheegayo, isagana wuu noqon karaa kuwii kale ee uu ka soo weriyay wixii aanu u jooginna way noqon karaan.

22 Waa ninkii uu Imaam Axmad u magacaabay maamulka Harar ee uu Suldaanka ka dhigay.

23 Waa tuuladii uu ku dhashay Imaam Axmad Guray, waxa ay magaalada Harar kaga toosan tahay waqooyi, meel u dhaxaysa Harar iyo Yaldeysa qiyaas ahaan. Ka fiiri bogga 170 aad ee [مسلمي الزيلع ونصارى الحبشة في العصور الوسطى]

24 Waxa maanta jira reero loo yaqaan Balawta oo ku nool degmooyinka Randa iyo Bulli ee Jabuuti, waxayna reerahaasi, sida la rumaysan yahay, kasoo jeedaan Balaw.

25 Waa magaalo taariikeed ku taalla xeebta waqooyi-galbeed ee Soomaaliya. Seylac waa dekaddii laf-dhabarta u ahayd dawladihii Islaanka ahaa ee Gobolka iskaga danbeeyay qarniyo badan oo uu ka 16aadna ka mid ahaa, mararka qaarkoodna xarun ba u ahayd. Waxa ka mid tahay magaalooyinka ugu da’da weyn Afrika oo dhan. Xadka Jabuuti ayay u jirtaa 21 kiilomitir.

26 Waa naanaysta uu ku caan baxay ama ku magac-dheeraa oo la macne ah “Duullimaad-Badane”.

27 Badriiq, waa magac iyo martabo ay kaniisaddu bixiso oo ay siiso ragga dagaallada hogaamiya. Waa sidaa darteed waxa aannu ugu deynnay sidii uu u dhignaa.

28 الحطي Xaddi waa erery ‘Boqor’ la macne ah oo uu salkiisu ka soo jeedo Carabigii hore oo ay Giiska isku dhow yihiin.

29 Boqorka Xabashida ayaa u soo diray in uu Imaamka iyo kacdoonkiisa soo bakhtiiyo inta aanu xoogeysan.

30 Waa Gobol ka mid ah dhulkii ay muslimiintu ka talin jireen ee ay Xabashidu baabi’yeen bilawgii qarnigii 15aad. Dawaaro waa gobol u dhexeeya Harar iyo Baali iyo Hadiya ama waxa uu ahaa Koonfur-Galbeed ee Harar.

31 Duullimaadka ay Xabashidu dhulka Muslimiinta ku soo duulayeen iyo jihaadka ay Muslimiintu kala hor tegayeen, waxa ay beeninaysaa sheegashada Xabashida ee odhanaysa in uu Axmad Guray ahaa muwaadin Itoobiyaan ah oo kacdoon (revolt) sameeyay. Tusaale ahaan fiiri daraasadda ay samaysay Wasaaradda Warfaafinta ee Itoobiya Abriil 1989kii (Ethiopia: A Cradle of History) bogga 12aad.

32 Waa tog Harar kaga toosan Waqooyi-Galbeed oo ku dara Webiga Hawaas.

33 Harar ayay qiyaastii Koonfur-Galbeed kaga toosnayd.

34 Shaki ma laha in Qaran ay tahay dhul-beereedka Harar kagasoo toosan dhanka Seylac iyada iyo tuulada Kidaad-ba. Waxa laga yaabaa in ay tahay tuulada maanta loo yaqaan Qaranley oo isla deegaankaa ku taalla.

35 Waa mid kamid ah tuulooyinkii derbiyada ahaa ee Harar bari kaga toosnaa. Waxa ay qiyaastii u dhaxaysay iyada iyo Dakar.

36 Waxa ay u badan tahay in uu curiyuhu qaatay magaca meeshaasi wixii uu afka Carabta ku noqon lahaa. Ribaad al-Baqar, waxa ay u badan tahay in ay tahay tuulada hadda loo yaqaan Lo’-Wanaaje.

37 Harar ayuu Waqooyi kaga toosnaa, biyo badanna wuu lahaa.

38 Waa tuulo Harar iyo Seylac u dhaxaysay oo dhulka Soomaalidu ay degto ka mid ahayd.

39 Dakar waa caasimaddii hore ee Muslimiinta ee Harar looga diga rogtay bilawgii qarnigii 16aad. Waxa ay ku taallay meel Harar kaga toosan dhanka koonfur-bari oo u dhow tuulada Fayaanbiiro, ama waa magaalada duntay ee loo yaqaan hadda Derbiga Eela-Agamso. Hadda waxa jirta tuulo magaalada Harar afaafkeega koonfur-bari ku taalla oo magacaa xanbaarsan, lamase odhan karo waa tii hore oo iyadu hadda Harar uun bay ka mid tahay.

40 Ma cadda inay tahay Buur-Xuun oo loogu magac daray cayayaanka xuunka oo ku badnaa awgii iyo inay tahay Buur-Xun sida ay noo warrameen duqay kamid ah deegaankaa oo ku sheegtay duleedka Fayaanbiiro oo ah bariga Harar.

41 Kharaaj waa sado wax-soo-saarka dhulka ku salaysan oo dawladda ama ciddii ka talisa la siin jiray.

42 Bukhaari iyo Muslim ayaa isku waafaqay, wuxuuse Bukhaari ku weriyay ereyo aan halkan kusoo aroorin. Musnadka Imaam Axmadna ka fiiri 7168.

43 Waa Gobol dhanka Koonfur-Galbeed kaga toosnaa Harar oo u dhexeeyay iyada iyo Baali.

44 Waa naanays raacda magac badan oo ku jirta Futuuxa. Waxa laga yaabaa in uu yahay magac loogu abtirsado qolo ahaan ama dariiqo iyo diin ahaan. Waxa la ruumaysan yahay in uu Xadramuut oo Yaman ah ka soo kicitmay Ibraahiim Saxrabawi oo uu ka soo degey Seylac bilawgii qarnigii 9aad, ninkaas oo Diinta Islaanka faafinayay. Waxa ay sheekooyinku intaa ku daraan in uu qaadka cunistiisa Harar ku bartay, kolkii danbena uu Yaman geeyay. Waxa ay nala tahay in uu yahay Sheekh Ibraahiim As-Seylici.

45 Boqorka Xabashida ee ay Imaam Axmad aad u dagaallameen halkanna ku xusani waa Lebna Dengal. Sida aan Kitaabka gebagebadiisa ku arki doonno, isaga iyo madaxdii kale ee Kaniisadda Xabashidaba waxa lagu laayay Webiga Niil (Blue Nile) dushiisa.

46 Suuradda Faadir, aayadda 43.

47 Suuradda At-Tawba, aayadda 48.

48 Suuradda Al-Xaj aayadda 41.

49 Xaraabo Soomaalida oo dhan amiir iyo taliye uma ahayn. Waxa taas laga garan karaa isla sheekadan oo caddaynaysa in uu khilaaf u dhexeeyay reerkiisa Marreexaan iyo Geri oo ah reer kale oo Soomaaliyeed. Waxa kale oo uu Qoruhu meelo badan innoogu sheegay in uu Mataan ahaa garaadka Geriga. Sidii ay doontoba ha ahaatee, Fiqi-Carab waxa uu doonayaa in uu yidhaahdo Xaraabo duq Soomaaliyeed oo aad looga danbeeyo ayuu ahaa.

50 Waa martabada koowaad ee dawladdii Muslimka ahayd Imaamka kadib. Martabadaa waxa kale oo gaadhay Wasiir Cabdinaasir oo ka dhaxlay Cadli kadib kolkii uu ku shihiiday Gobolka Saraawi ee Tigraay iyo isna ninka la odhan jiray Wasiir Cabbaas.

51 Farshaxan, waa magac-martabeed ay Soomaalidu siinaysay ragga sameeya qalabka dagaalka iyo kan fardaha lagu fuulo.

52 Ereyga Yaahuu, waa mid ay Soomaalidu adeegsato kolkii la arko wax cabsi leh ama laga yaabo, macnaha markaa ay lahayd ama loo doortayna waa kaas. Maansadii uu tiriyay Abwaan Cabdi Muxumad Amiin ee Haddii la Yaabo Yaasiinka ayay ku jirtaa weedh laga fahmayo in uu yahay Yaahuu cadaw ama col, wuxuu yidhi:
Yamays ha geyso meel yahuuyeede.
— Diiwaanka Hilin Hayaan ee Abwaan Cabdi Muxumad Amiin, bogga 113aad.

53 Waa magaalo ku taalla xeebta ay Yamantu ku leedahay badda cas oo ganacsi ahaan xilligaa ugu xidhnayd Geeska Afrika. Marsadaasi waxa ay koonfur kaga toosan tahay Xudeyda.

54 Suuradda Aala-Cimraan aayadaha 169 iyo 170.

55 Suuradda Al-Xijr aayadda 48

56 Kolka loo fiirsado meelaha kala duwan ee ay Habar Maqaddi Kitaabka ugu soo aroortay, waxa ay u egtahay in ay magacaa ku kulmayeen dhawr qabiil oo Soomaaliyeed, Bartirena kamid ahaa.

57 Sida ay qoreen ragga taariikhda raad-raacaa, Fatagaar ama Futagaar waa dawlad ka mid ahayd imaaradihii toddobada ahaa ee ay muslimiintu badda cas ku meeriyeen. Waxa ay u dhaxaysay Imaaraddii Awfaat iyo dhulka Amxaarada. Dagaalkii weynaa ee Shinbirokore dhulkeega ayuu ka dhacay. Eeg bogga 20 aad ee
[العلاقات السياسية بين مسلمي الزيلع ونصارى الحبشة]

58 Tahliisha iyo Takbkiirtu waa [لا إله إلا الله] iyo [الله أكبر] sida ay u kala danbeeyaan.

59 Seyma ama Siim, waa deegaan magacaa loo yaqaannay oo ay ka soo jeedeen geesiyaal uu ka mid ahaa Del Segad. Deegaankaasi waxa ay nala tahay in uu yahay buuraleyda iyo hawdka u dhexeeya Harar iyo Gobolka Baali oo ahaa deegaan-Soomaaliyeed.

60 Awfaat ama Ifaat, sidaa ay iskugu xigaan ayay u kala yaqaanniin Muslimiinta iyo Nasaarada. Eeg Braukamper, Ethiopianist Notes bogga 28aad. Waxa ay ahayd dawladdii labaad ee Muslimiinta Geeska Afrika, dhaxashayna Dawladdii Shawa ee Banii Makhsuum oo reer Maka ahaa. Waxa aasaasay Cumar Walasmac.

61 Carabiga waxa qoran [] oo ah fardaha kuwa loo adeegsado bandhigga quruxda ama rarka. Daabadda ama wixii la raro oo dhanna wuu noqon karaa. Eeg maaddada …*

62 Waxa halkan ka cad in ay dadka maqaamyadu jihaadka ka qayb qaadan jirin.

63 Lo’da duur-joogta ah.

64 Suuradda At-Tawba Aayadda 41.

65 Waa muunad ay dumarka Carabtu isku qurxin jireen oo aad looga jeclaa Berri Carab. Nebiga ayaa Xadiis ku yidhi:
[لا تلبسوا من الثياب شيئا مسه الزعفران ولا الورس. متفق عليه]

66 Axmad-Gurey Xuseen oo halkan Habar Maqaddi oday u ah, waa in aan loo qaadan Imaamkii Muslimiinta ee Axmad Ibraahim oo isna ku magac-dheer Axmad Gurey; magaca uun baa kulmay.

67 Halkan Fiqi-Carab waxa uu ku sheegayaa in ay Surba tahay qabiil Soomaaliyeed, laakiin waxa aan xagga danbe ku arki doonnaa iyada oo mar deegaan Soomaaliyeed ah, mar degaan Xarlaad ah mar kalena qabiil Xarla ka tirsan. Si kasteba ha noqotee, Surba waa deegaan aan Harar ka fogeyn oo beeraley ahaa, kagana toosnaa waqooyi-bari oo la wada degayay.

68 Waxa muuqata in ay gabadhani Imaamka kala walaal tahay dhanka hooyada, waayo magacyada aabbayaashood way kala duwan yihiin.

69 Raggaasi waxa muuqata in ay isku deegaan ahaayeen, meesha loogu yimidna ay ahayd dhulkoogii.

70 Deyr ama Diir oo uu ku sheegay in uu ahaa tog biyo badan, waa dhulka u dhexeeya Harar iyo Webiga Hawaas. Paul Lester oo soo xigtay Huntingford waxa uu xoojinayaa malaha ah in ay ahayd halka ay maanta Diredhabe tahay. Eeg cidhbinta (The Conquest of Abyssinia) bogga 24aad.

71 Waxa muuqata in ay Mallasaay ahaayeen koox si gaar ah loogu tababaray jihaadka oo aan qabiil iyo gobol kasoo jeedin. Waxa ay ahaayeen ciidan uu Imaamku hoggaamiye u ahaa. Hararida kolkii aan weydiinnay macnaha Mallasaay waxa ay noo sheegeen in uu “halyeey” lamid yahay. Si uu qofku uga mid noqdo gaaskan waxa looga baahnaa in uu soo maro oo uu kasoo gudbo marxalado tababbarro ah oo xeelado-dagaal ah. Waxa jirta maahmaah Cafari ah oo tidhaahda: Mallaasay marraar yakkem max (dh)eeri, macneheeguna waa, geesi maalinka uu jabi ama dumi ma dheero.

72 Waa qabiil Soomaaliyeed oo Daarood ku abtirsada; Jiiraan Absame.

73 Waa qayb ka mid ah Madigaan. Jilibbadiisa waxa ka mid ah: Gayoode, Absiinti, Waaliya iyo Maalmogge. Sida reero Soomaaliyeed oo kale Masarre iyo Jiiraan iyo kuwo kale oo ka hadhay Reerihii Axmad Gurey dagaalka kala qayb galay, waxa ay ku badan yihiin deegaannada Baabile iyo Gursum.

74 Waa bilawga suurad walba wax aan ahayn Tawba, culimadase qaar baa qaba in ay Faatixada uun ka tirsan tahay.

75 Suuradda Al-Fatxi aayadaha 1,2 iyo 3.

76 Suuradda As-Saf 13.

77 Suuradda Al-Mujaadala 21.

78 Suuradda Ar-Ruum 47.

79 Suuradda Qaafir 51.

80 Suuradda Saafaat 171, 172 iyo 172.

81 Suuradda Al-Baqara 250.

82 Suuradda Al-Acraaf 126.

83 Suuradda Al-Baqara 246.

84 Suuradda Aala-Cimraan aayadda 181.

85 Suuradda An-Nisaa’ aayadda 77.

86 Suuradda An-Nisaa’ aayadda 77.

87 Suuradda Al-Maa’ida aayadda 27.

88 In kaste oo ay mushrkiintu yihiin dadka sanamyada caabuda, haddana Qoruhu waxa uu u adeegsaday tilmaanta nasaarada marar badan, annaguna sidii uun baan u sugnay.

89 Suuradda Aala-Cimraan aayadda 200.

90 Suuradda Aala-Cimraan aayadda 200.

91 Suuradda Al-Baqara aayadda 249.

92 Laal waa Laalibala oo la gaabshay. Waxa habboon in la ogaado in ay buugga ku jiraan labo goobood oo magacaa wada xanbaarsan, midkood waa tan oo ku taalla dhulkii waagaa loo yaqaannay Fatagaar maantana ka tirsan gobolka Shinniile ee deegaanka Soomaalida, ta kalena waa xaruntii Diinta Nasaarada ee uu Imaamku la yaabay kaniisaddeeda dhagaxa laga qoray.

93 Kitaabka intiisa badan waxa ka muuqata in ay ahaayeen qoomiyad xoolo lo’ u badan dhaqata oo cawaan u badan, laakiin inta kale nasaaro ayay ahaayeen oo waxa ay gaashaan-buur la ahaaycen Boqorka Xabashida. Waxa ay ku fadallo-cagddaayeen ku-dagaallanka qaansada iyo fallaadhaha mariidka (waabay) lagu dheehay oo ay iyaga iyo Soomaalida oo keli ahi yaqaanneen.

94 Boqor Libna Dingal hooyadii waxa ay ahayd xaaskii Boqor Naa’uud ama Boqorad Sabla Wangel. Eeg cidhbinta The Conquest of Abyssinia, bogga 71aad.

95 Suuradda Aala-Cimraan aayadda 200

96 Suuradda At-Tawba aayadda 111.

97 Askarta Baddu waa ciidan uu Qoruhu ku tilmaamay karti iyo tiro-badni, waxayna u badan yihiin in ay yihiin Cafarta maanta.

98 Diricu halkan iyo inta danbeba ma aha dharka ay haweenku xidhaan, waa cad bir ka samaysan oo ay ragga dagaallamayaa jidhkooga seefaha iyo warmaha kaga ilaalin jireen oo la gashado.

99 Suuradda At-Tawba aayadaha 21 iyo 22.

100 Waa isla sannadkii 935 H.

101 Suuradda As-Sumar aayadda 53.

102 Suuradda Yuusuf aayadda 87.

103 Sida ay noo sheegeen duqay uu ka mid ahaa ruugcaddaaga Axmad Abraar Bookh oo aan kula kulannay Diridhabe 20kii July 2007dii, Janaasar waa halka maanta loo yaqaan Jinacsani, waxaana ku dhow Derbiga Eela-Agamso oo tilmaan ahaan u dhow in uu yahay Dakartii hore.

104 Waa dhul-daaqsimeed u dhexeeyay buuraleyda Harar iyo Webiga Shabeelle.

105 Hagarbax: sahay ama saad.

106 Waa Abuubakar Qadiin oo uu naanaystiisii soo hor mariyay.

107 Waa xayn ama raxan dagaalyahanno ah oo loo diro cadawga si ay uga war keenaan.

108 Suuradda Muxammad aayadda 7

109 Waa gobol u dhexeeya Xadramuut iyo Cumaan oo ay degaan illaa maanta rag geela dhaqda oo u sawrac dhow dadka Geeska Afrika. Waxa la sheegayaa in ay dadkaasi ku arooraan awawgood Meheri bin Xaydaar bin Cumar oo Reer Qudaaca ahaa, bogga 182aad ee
[العلاقات السياسية بين مسلمي الزيلع و نصارى الحبشة]

110 Heegane, waxa uu ahaa martabo ciidan oo ay kolkaa muslimiintu u adeegsan jireen Jihaadka ilaa maantana waxa loo adeegsadaa mintidka iyo daal-la’aanta. Dhinac kale, muslimiintii hore waxa ay ka soo xigteen ereygan [الرباط] sida ka muuqata Quraanka, Suuradda Aala-Cimraan aayadda 200:

[يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اصْبِرُوا وَصَابِرُوا وَرَابِطُوا وَاتَّقُوا اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ]

111 Shawada halkan ku xusani ma aha gobolkii Shawa ee nasaarada ahaa sida uu caddeeyay Paul Lester, eeg: (The Conquest of Abbysinia) cidhbinta bogga 50aad. Waxa aan si fiican u muuqan in ay Shawa halkan tilmaamayso qolo iyo in ay sheegayso deegaankii ay dadkaasi ka soo jihaad tegeen. Hase yeeshee, Braukamper ayaa ka soo xigtay Cerulli in ay rag Reer Makhsuum ahaa oo ka yimid Maka Al-Mukarrama gobolka Shawa ka yagleeleen maamuul Islaam ah sannadkii 283 ee Hijrada, fiiri bogga 22aad ee Ethiopianist Notes, Volume I, Number 1:17 East Lansing, 1977. Si walba ha noqotee, waxa jira in uu Sayid Maxamad Cabdille Xasan ku sheegay gabayadiisa qaar kamid ah Reer Shawa oo Soomaali ah:

Gaaggii ka hadhay Reer Shawaa caydh la goloslayne
Waxa godey sidii qaanso waa gaajo iyo ciile
Eebboow waxaa gorof ku raray duul geshiishe ah.

Fiiri Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamad Cabdille Xasan bogga 274aad.

112 Nimankaa Reer Baxar, qoruhu waxa uu sheegay in magaca loogu baxshay tirade seefahooga oo badnayd aawadeed. Waxa kale oo la odhan karaa tira-badidooda awgeed, hase yeeshee ma caddayn cidda ay ahaayeen. Akhriskii faraha badnaa iyo fiirada guud ee geyiga xilligaa kadib, waxa ay nala tahay in ay Reer Baxara ahaayeen Cafarta maanta.

113 Waa bohol gun dheer balladhna leh oo lagu wareejiyo meelaha iyo magaalooyinka duullaan ama dugaag looga cabsi qabo.

114 Meelo kale oo badanna waxa ay soo aroortay iyada oo u dhigan Andaakiya.

115 Waxa ay ahayd boqortooyo islaam ahayd oo ay Xabashidu muquuniyeen. Afkoogu waxa uu la bah yahay Soomaalida, Cafarta, Oromada iyo kuwo kale. Waxa ay dhacaysay Hadiya dhanka Waqooyi-Galbeed ee Dawaro.

116 Shuun waa martabo u macno dhow Garaad ama Suldaan oo ay Xabashidu adeegsan jirtay.

117 Xamaasiin waa gobol hadda dhaca waqooyiga Eretriya.

118 Ka eeg Muslim 2389, Abuu Daa’uudna 4252, Muslim waxa uu ku weriyay [إن ربي زوى لي] ama [إنّ الله زوى لي] waxaase xusid mudan in ay dhamaantood ku weriyeen [منها]

119 Waa Nebi Ciise hooyadii, labadoodaba Ilaahay naxariis iyo nabad-gelyo ha ugu deeqee.

120 Suuradda Al-Anfaal aayadda 38

121 Suuradda Al-Ikhlaas aayadaha 3 iyo 4

122 Askarta Badda, waxa looga jeedaa halyeeyadii hore Xabashida ula dagaallamay oo Imaamka gurmad ugu yimid. Eeg bogga 173 aad ee

[العلاقات السياسية بين مسلمي الزيلع ونصارى الحبشة]

Kadib kolka aan akhrinay qoraalladii waagaa ku saabsanaa iyo reeraha dagaalka ka qayb qaatay, waxa ay nala tahay in ay Askarta Baddu ahaayeen Cafarta maanta.

123 Suuradda Al-Axsaab aayadda 23

124 Waa meesha keli ahaatay ee uu qoruhu ku sheegay in uu Imaamku gurranaa. Waxa kale oo sheekada danbe ku cad in ay cadawgiisuna hubaashaa ogaayeen oo ragga kale lagaga sooci jiray.

125 Hadalkan, waxa laga garan karaa sida ay Xabashidu ula yaabbanaayeen in uu sidan oo kale u jebiyo hoggaamiye Muslim ahi. Jabku waxa uu ka gaadhay in ay aaminaan in uu Imaamku baab sito, kadib kolkii ay arkeen jabka milateriga ee haleelay iyo sida dadku Diinta Islaamka usoo galeen.

126 Imaamku waxa uu faraskaa ugu bixiyay Baalle degdeggiisa iyo dhakhsaha lagu bartay. Arrintani waxa ay muujinaysaa in uu Soomaaligu ahaa afka Imaamka.

127 Waa erey Af-Carbeed ka soo jeeda oo loo bixiyo ciddii u go’da ee cidla’ u degta cibaadada Ilaahay.

128 Beytal-Maalku waa bangiga dawladda Islaamku dhigto hantida guud.

129 Nooc xariirta ka mid ah.

130 Toggaa hadda waxa loo yaqaan Washlu wuxuuna ku daraa Niilka.

131 Waa buur dhinacyada ka qoran dushana bannaan oo aan sallaan la’aantii la fuuli karin. Caruurta boqorrada ayaa halkaa lagu ururin jiray si loogu barbaariyo iyo si dawladda looga dhawro iska hor-imaad. Kolka uu boqor dhintoba halkaa ayaa mid laga soo dooran jiray. Waxa ay ka tirsan tahay gobolka Baqemedar ee galbeedka Itoobiya.

132 Al-Jiisaani waa qoraha Futuux Al-Xabasha oo ku magac dheer Fiqi-Carab.

133 Waa weedh lagu dhawaaqo kolka la maqlo geeri oo ka soo jeeddaa aayadda 156 aad ee Al-Baqara

[الذين إذا أصابتهم مصيبة قالوا إنا لله و إنا إليه راجعون]

134 Khudrad muuqa uga eg liinta oo mudho dhanaan iyo macaan isku jira leh gudaha ku xanbaarsan sida rumaanka.

135 Dirhamka iyo diinaarkuba waxa ay ahaayeen lacagtii waagaa Geeska Afrika Masar uga iman jirtay.

136 Waxa uu u jeedaa in huurigu siday alaab fara badan oo aanu dad saarnayn shantaa nin mooyaane.

137 100kii rodol waxa ay u dhigmaan 45.5 kg

138 Xoolaha uu nin sare ama boqor dadka dirqi kaga qaato ayaa magacaa loo yaqaan.

139 Koox ciidan ah, jeedh ama gaas.

140 Waa ninka la iskugu daray dherer iyo dhumuc oo ay awood wax lagu dilaa ka muuqato. Waa muuqaalka ay lahaayeen dadkii hore oo xooggooga ku qabsan jiray ugaadha.

141 Weedha Diinta Islaamka lagu soo galo, macneheeguna waa: Ilaahay uun baa ah midka keliya ee xaq mutay in la caabudo, Maxamadna waa rasuulkii uu Ilaahay soo dirtay.

142 Waxa ay Ganas kaga toosan tahay Koonfur.

143 Waa badyarey ku taalla inta u dhaxaysa Guraage iyo Sharkha. Waxa ay kamid tahay meelaha uu ku dhamaado dillaaca Rift Valley waqooyi.

144 Qoruhu gabadha magaceega meeshii uu ku dhigi lahaa wuu banneeyay, annaguna xog dhaafsan ma helin oo sidii uun baan ku deynnay. Waxa laga yaabaa inay ka duushay qoraalkii gacanta ee hore.

145 Anbo waa meesha kolka geeddiga ama socotada la yahay lagu nasto ama lagu dhaxo si looga sii anba-qaado.

146 Lallabku waa dhawaaqa reerka lagaga war geliyo in uu geeddi iyo guuritaan isku diyaariyo.

147 Suuradda Aala-Cimraan aayadaha 169 iyo 170

148 Suuq-joogta [ساقة] waxa loola jeedaa dadkii ganacsatada yaryar ahaa. Kolka uu yidhi waxa uu u nisbaynayaa suuqii ay ka shaqaysanayeen ama ka dillaalanayeen. Afka Carabiga ama waxa kale oo loo adeegsadaa ciidanka inta dhanka danbe socota ama askarta aan talada wax ku lahayn ama riciyaddaba guud ahaan, eeg [قاموس المحيط] maaddada [الساق]

149 Waa weel laga tolo saanta xoolaha oo lagu shubo subagga iyo malabka.

150 Waa dad cawaan ahaa oo u dhowaa webiga Omo. Waxa ay xidhiidh lahaayeen Boqorka Xabashida.

151 Waa webi weyn oo koonfur-galbeed Itoobiya kaga yaalla. Waxa loo yidhi balladhka webiga awgii.

152 Baxar Negaash waa martabo millateri, waxase muuqata in uu Cabbaas markiisii danbe uga dallacay wasiirnimo.

153 Waxa muuqata in ay labaduba Berri-Carab ka soo tallaabeen; ka hore waxa loo nisbeeyay magaalada Basra ee Ciraaq, ka kalena waxa laga yaabaa in uu Turki ahaa ama u ekaa. Labo nin oo calooshooda u shaqaysanayay ayuun bay ahaayeen oo aan dagaalka hal kala socon.

154 Horay ayaan u soo aragnay in uu Imaamku haystay rag madaafiicda rida, waxayse u badan tahay in ay ama madaafiicdani kuwii hore ka duwanayd iyo in ay heshiiska iibka ku jirtay in ay goobaha dagaalka ku soo shirrabaan.

155 Xilligaas oo ay joogeen gobolkii uu ku aasnaa, waxa ay nala tahay in ay Imaamka iyo ooridiisu jeclaysteen in ay magaca wiilkooga ku maamuusaan geesigii Axmad Najaashi ee soo dhaweeyay asxaabtii Nebi Muxamed N.N.K.

156 Waxa loo jeedaa Aleksandarkii weynaa ee uu Ilaahay Qur’aanka kaga warramay. Dhabtii wax xoojinaya ku-tidhi-ku-teennaydaa oo sheegaya in uu Geeska Afrika wax ka dhisay lama hayo.

157 Goflalahoogii; raqda ama meyd qallalay oo fuuray.

158 Waa kaniisad Cadwa kaga toosan bari oo 10 mayl u jirta. Waxa la rumaysan yahay in uu aasaasay qarnigii shanaad qays Reer Suuriya ahaa oo magacaa xanbaarsanaa. Eeg cidhbinta bogga 354 aad ee The Conquest of Abyssinia.

159 Waa deegaan muslimiintu ay degayeen oo dhacda Galbeedka Tirgraay Aksumna kaga toosan Waqooyi-Galbeed, waxaana mara webiga Takase.

160 Kitaabka kama muuqato in ay Suldaanka iyo Imaamku aqoon isku lahaayeen. Hase yeeshee, Suldaanku waxa uu u arkayay Imaamka hoggaamiye ka sarreeya oo dadka Muslimiinuta ah oo dhan aabbe u ah. Waa sidaa aawadeed, waxa Imaamka loogu soo dhaweeyay gacmaha furan iyo farxadda cammiran, taas oo lagu soo xidhay guur iyo gacaltooyo.

161 Qoruhu waxa uu halkan ku dhigay laakiin meelo kale ayuu qorayaa isaga oo haddana dhul keli ah uun u jeeda.

162 Badyareyda Taana ayay Waqooyi kaga toosan tahay waana dhul barwaaqo ah.

163 Waxa ay macno tahay (waxan nahay reer Dawa ama wiilashii Dawa). Taasi waa macnaha tooska ah, laakiin meelna Kitaabka kuma caddo cidda ay Reer Dawo ahaayeen iyo sida ay Muslimiintu ugu abtirsanayeen.

164 Laboba waa laga dhex garan karaa; tan koowaad waa raadka weyn iyo xeel-dheerida xidhiidhka ay kaniisadda Masar la lahayd tan Itoobiya, ta labaadna waa kaalinta ay kaniisaddu maamulka Xabashida kasoo gashay illaa waagaas.

165 Waxa uu misqaalku ahaa lacag wax lagu kala iibsan jiray xilligaas oo dirhamkii iyo diinnaarka Mat ka iman jiray ku dhoweyd qiimo ahaan.

166 Kolka la tix-raaco qormooyinka Boqortooyada Itoobiya, Wasiir Cadli waxa uu dilkiisu ahaa 21/06/1535. Fiiri cidhbinta The Conquest of Abyssinia, bogga 368aad.

167 Waa kaniisad aan ka fogeyn Magaalada Aksum oo kaga toosan Waqooyi-Galbeed.

168 Qormooyinka Boqortooyqada Xabashidu, waxa ay sheegaan in uu ninka Lu’uul dilay ahaa Wasiir Cabbaas. Fiiri bogga 373aad ee The Conquest of Abyssinia.

169 Dehlak waa gasiirad ku dex taalla Badda Cas oo raacsan dalka Eretriya.

170 Gobol buuraley ah oo Waqooyi-Bari kaga toosan badyareyda Taana.

171 Falaasha ama Beyta Israa’iil, intooda badan waxa loo qaaday dhulka barakaysan ee Qudus iyo hareereheeda, gaar ahaan xilligii uu Mingisti Itoobiya ka talinayay.

172 Waa dhulka Gobolka Kasala ee xuduudda Suudaan iyo Itoobiya.

173 Hamajku waxa ay la macno tahay Cawaan, hase yeeshee, Paul Lester waxa uu sheegay in ay yihiin dad Muslimiin ah oo deggan xuduudka Suudaan ay la leedahay Galbeedka Itoobiya. Eeg cidhbinta The Conquest of Abyssinia, bogga 380 aad.

174 Imaamku waxa uu Denbiya xarun ugu doortay, dhexdhexaadnimada iyo dhul-beereedka ay tahay. Imaamku dawlad ballaadhan ayuu salka u dhigay, wax-soo-saarkuna waa laf-dhabarta dawladi ay ku horumarto kuna sii jirto.

175 Paul Lester, waxa uu tilmaamay in ay Gasiiraddani Badyarawda Taana Waqooyi kaga toosnaan jirtay. Waxa uu sheegay in ay halkaa kaniisad weyni ku taallay, laakiinse ay Muslimiintu gubeen. Eeg cidhbinta The Conquest of Abyssinia bogga 383 aad.

176 Waxa uu tilmaamayaa sida ballaadhan ee uu Imaamku dhulkii u wada qabsaday iyo sida ay Muslimiintu cammiraddii dhulka u bilaabeen kadib jihaadkii.