Tag Archives: Maxamed Xuseen Macallin

Qabyaalad

Abshir gabaygaan waxaa uu tiriyey markii uu waddankii Soomaaliyeed burburey, taana sababteeda ay ahayd qabyaalad iyo waxii la mid ah, isaga oo arrinkaa tilmaamaya waxaa uu tiriyey gabaygaan aadka u qiimaha badan, oo qof walba oo qiiro Islaam iyo mid waddanimo leh uu ku khashuucayo, wuxuuna caddeeyey qabyaaladda waxa ay tahay oo run ah:

Haddii lays qaddariyey murtidu qiimo leedahay e
Qasadkiyo ujeedaduna way qiiro galiyaane
Sidaad ugu qotomisay nafluhu ugu qushuucaane
Munaasabada lagu soo qadimo kama qatoobaane
Suugaantu waa qeyb ka mid qaalabka taariikhda
Qoraaladuna kaba qiimo badan mana qarsoomaane
Nin waliba wuxuu noo qabtiyo qaladku noo geystey
Diiwaano qoran baa jiroo lagu qoraayaaye
Qof qaruurad calashoo dejiyey qoomamee abide
Intaad qaran ka kala goyn lahayd quruxso taariikhda

Qarniyada danbaa kugu naclada ficilka qaarkiise
Quruun waliba cudur qaasahoo qaybiyaa jira’ e
Soomaali belo loo qoraye qalinka loo saarey
Wax qabiil ka daran jahanamaan qiray aqoonteyda
Qadartaana iga hiilisaye qolo ma sheegteene
Qof qalbigii qabyaalad iyo diin qaadi kari waayey
Umana qaybsamee meel unbuu qac uga siiyaaye
Maanaa Qur’aankiyo ka taga qawlki Nabigeena
Qatli muumin maanaa hub iyo qarash ku taageera
Qabrigeyga maanaa gatoo qubaya diinteyda
Maanaa qabiil doorbidoo qaranka aafeeya
Ma’qaruuradbaan calashadaa qodata beerkeyga
Waa quudka dhigo ruux Muslima hilibki qeyriine
Ilaahayow adigu haygu qaban Qaadir baa tahaye
Qaraabo iyo ehel riximnimaa loo qadariyaaye
Waa sanam qabyaaladi haddaad igu qanceysiine
Waa qaaxo iyo kaankariyo eydis qaabdarane
Waa qowqam iyo sixir qalbiga qaaciyoo shida e
Waa qaaba qawsayn dagaal qaciyo yaahuu e
Qanjir boogi qodatoo qurmoo qolof la’ weeyaane
Qandiga fuqurka iyo xaasidkoo qaraxa weeyaane
Waa gorofta lagu qaybiyaa malaxda qayriine
Waa guri qabyaa weligiyoo lagu qaraabtaaye
Waa shay quraafaad ahoo aad qadarisiine
Waa qayb daroogada kamida oon la qaadicine
Waa waxa qaxootiga ka dhigay boqol kun oo qoyse
Waa waxa qalbiga nooga riday qaata ubadkiina
Waa shey qiyaamiyo qabriba qoomamiyo ciil leh
Waa shey saciid qiimo tira shaqina qaaleeya
Waa shey Rabbigey noo qaddarey naguna qaameeyey
Qalbigiina ka ilaashadoo wadajir qiimeeya
Oo qaangaar fidnoobee ilmaha yaan la qabadsiinin
Qabiil qaran beddelay qorina helay oona kala qaybshey
Oo aan wax noo qabanin baa qubaya dhiiggeena
Afartii qibliyo irrid walbey qori la joogaane
Qumbuladdii Hoorashiimoo kaley nagu qiyaasaane
Qof inaaney naga reebin bay qalin ku duugeene
Naga qabo Ilaahow adaa Qaniyahoo weyne
Qabyaalad iyo iimaan la’aan qooqay beys helaye
Kumanyaal qariban bay dhaleen qorina heegeysan
Oo qaaxo iyo eydis qabo qaadse ku ilaawey
Mar uun bey magaalada qaseen kuna qamaameene
Qacdii horeba bililiqo un bey inagu qaadeene
Nimankaa tafaha qaawan oo qoriga heegaysan
Haddaan beledka laga qaban wallaa looga qaxayaaye!
Qof Muslima qabyaalad u diloon ficilyo qawl geysan
Qasadkiyo ujeeddaduna tahay lagu qisaasaayo
Qabiilkaa muxuu uga dhashaye Qaadir uga yeelay
Qiso murugo iyo yaab lahoo quruna sow maaha?
Qof kastoo ka qayb qaata ama qarash ku taageera
Nafta goorta laga qaadayoo laga qibloonaayo
Qacbaa loogu siiyaa indhaha kiiski loo qoraye
Waxba gabaygu yuu ila qarxine waa qabirayaaye
Kama quusto qayr sheeg dadkuna igama qaataane
Rag unbaase qiimeynayoo qoraya taariikhda
Ha qaddarin dimoqraadi waa qolo afkaartoode
Hantiwadaagna laga quusayoo lagu qasaarowye
Quboo daadsha labadabo wallaan lagu qaboobeyne
Quraankiyo Sunnaha muqaddaska ah qaata xugunkooda
Qurratul Ceyni Nabi Muxamed baan lagu qasaareyne.

Qaadow Adigaa Leh!

Gabay ka hadlaaya waxyeellada iyo dhibaatada qaadku ummadda u leeyahay oo uu tiriyey abwaan Abshir Nuur Faarax Abshir Bacadle. Gabeygaan waxa uu noqdey gabayada ugu caansan maansooyinka uu curiyey abwaan Abshir Nuur Faarax, Ilaahey ha u naxariisto.

Boqollaal qorshoo wada qabyaa qaadow adigaa leh
Qorya raamso quudkana yaree qaadow adigaa leh
Qalbi olol mar qabo oo qaniin qaadow adigaa leh
Qalbi guban sigaar lagu qanciyo qaadow adigaa leh
Qatar caafimaadoo qarsoon qaadow adigaa leh
Qabri kahor qandho aan laga bogsoon qaadow adigaa leh
Qabsimadu inay kala xirmaan qaadow adigaa leh
Qalbi qooqan qooraan wax tarin qaadow adigaa leh
Qardarreeye kaadida ha qubo qaadow adigaa leh
Macdan qubata hawshoon la qaban qaadow adigaa leh
Raggoo quusta dumarkoo qawada qaadow adigaa leh
Qamiis walaf quluubtoon xasilin qaadow adigaa leh
Qamiistiyo Jimcaha yeyga qaban qaadow adigaa leh
Magnad kugu qasbiyo qaac yabaal qaadow adigaa leh
Iska qari cid baa kugu qabsane qaadow adigaa leh
Inoo qaybi aan lagu qanceyn qaadow adigaa leh
Wax nin wayni qaadoo qawado qaadow adigaa leh
Qayrkaa shaxaad hana qajilin qaadow adigaa leh
Qof kaa hoosa laba qori ka tuug qaadow adigaa leh
Dhalinyaro afkooduun u qoran qaadow adigaa leh
Iska qaado qaantana ha bixin qaadow adigaa leh
Shaluu qaatay maantana qafaal qaadow adigaa leh
Kaga qaada qori caaradii qaadow adigaa leh
Qayil oo cun reerkiina qadi qaadow adigaa leh
Qoys laga dhixiyo qaaqlanimo qaadow adigaa leh
Qoys dumiyo qayliyo huruuf qaadow adigaa leh
Qaraabo iyo ehelaan la tebin qaadow adigaa leh
Is qandiiri kana qoomamee qaadow adigaa leh
Dubaab lagu qarwoo kugu qulqula qaadow adigaa leh
Bisad ku quustay dabadeeda qabo qaadow adigaa leh
Qarjaf sayntu inay kuu tiraa qaadow adigaa leh
Qannaaskiyo waswaas kaa qarsoon qaadow adigaa leh
Ibliis qarawga aadmiga ku qaba qaadow adigaa leh
Qabiltu jaanku aadmiga ku qabo qaadow adigaa leh
Qosolaan qalbiga hoose jirin qaadow adigaa leh
Qasad dhaara qawlaan la fulin qaadow adigaa leh
Qur’aan lagu kaftamo qadafya been qaadow adigaa leh
Salaadaha dib qabo ama qallee qaadow adigaa leh
Waa quutul owliyaad kidbiya qaadow adigaa leh
Intuu qadaf qof uun ku hadli karo qaadow adigaa leh
Qosol iyo qamuunyo isku xiga qaadow adigaa leh
Ku qasaar macaashkana ku qaraw qaadow adigaa leh
Deg deg loo qasaariyo shil qoran qaadow adigaa leh
Qashin iyo qashaabiir qurmuun qaadow adigaa leh
Indha qoriya iyo dhidid qurmuun qaadow adigaa leh
Qaaddirada subixii ku qaban qaadow adigaa leh
Xubna qaadiwaa sidii qof qalan qaadow adigaa leh
Qubays laga wahsado iyo qurmuun qaadow adigaa leh
Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran qaadow adigaa leh
Qurux doorsantiyo dhimir khalkhala qaadow adigaa leh
Qarbaboosh ilkiyo gawso qodan qaadow adigaa leh
Af qashuusha oon cadaygu qaban qaadow adigaa leh
Af qalalay bushimo qolof dhacsaday qaadow adigaa leh
Isla qabwayni aan sii qodnayn qaadow adigaa leh
Faqiir qani ismoodoo qayila qaadow adigaa leh
Qandiga fuqurka iyo quus rageed qaadow adigaa leh
Quraysh gabara waxa qiima rida qaadow adigaa leh
Gabar qurux u dhalatoo qayiran qaadow adigaa leh
Dad qamaama qayliyo dagaal qaadow adigaa leh
Tafa qaawan dumar wada qarriban qaadow adigaa leh
Cimri kuu qorraa qayb ka lumi qaadow adigaa leh
Qofka aadmigoo qiima dhaca qaadow adigaa leh
Qurbaha joog adoon hawl ka qaban qaadow adigaa leh
Quflad aan dareenkeed la qabin qaadow adigaa leh
Waxaad shalayto qabatoo qabyaa qaadow adigaa leh
Qaaddicu salaadnimo qasada qaadow adigaa leh
Qabyaalad iyo iimaan la’aan qaadow adigaa leh
Qasban qayb daroogada ka mida qaadow adigaa leh
Hanti qaran qanaafiir u gey qaadow adigaa leh
Qaamuuska cay waxa ku qoran qaadow adigaa leh
Qiso yaab lahooy qarinayaan qaadow adigaa leh
Afku wuxuunan ii qaban karayn qaadow adigaa leh
Qandaraaska qababaal xumida qaadow adigaa leh
Qarnigaan qasaaraha u badan qaadow adigaa leh
Quful kugu jaboon furuhu qaban qaadow adigaa leh
Nolol qiyaali ehe qiima daran qaadow adigaa leh
Qacna maahi qaybina imaqan qaadow adigaa leh
Hadal qararac laahoo qaddiman qaadow adigaa leh
Iska quusashada lays qaddimo qaadow adigaa leh
Rag bey qaaday qirish kama bixine qaadow adigaa leh
Kabar qolofa xaabshaan hor quban qaadow adigaa leh
Qaangaarro qayrkood ka haray qaadow adigaa leh
Ha qasaalin lama qoonsadee qaadow adigaa leh
Ku qaraabo xalay waa qadeen qaadow adigaa leh
Qada isiiya meel kale ku qoran qaadow adigaa leh
Qaatilu nafsihi kuu qabiran qaadow adigaa leh
Quukhaac dalqada laga qufaco qaadow adigaa leh
Marduuf qaadoo iisoo qafaal qaadow adigaa leh
Qawlalada cagaar kaa qubtana qaadow adigaa leh
Qallad iyo inkaar qoorta suran qaadow adigaa leh
Qolfa muuqda iyo qoon la rogay qaadow adigaa leh
Quraafaad Qu’raan lagu matalo qaadow adigaa leh
Hadba qaaba qawsayn kirkira qaadow adigaa leh
Qabya tiraha daankoo qonbora qaadow adigaa leh
Il qalloocan camankoo qaldhacan qaadow adigaa leh
Qummanahooda qoorta ugu jira qaadow adigaa leh
Sidii qadow laguu qawshadana qaadow adigaa leh
Qorya feenashaan laga qajilin qaadow adigaa leh
Qori isiiya waa iga qabyee qaadow adigaa leh
Mar ii qaada aan qaaddacee qaadow adigaa leh
Qatar iyo qabyaan la ebyi karin qaadow adigaa leh
Boqolkaa qisoo wada qubxiya qaadow adigaa leh
Qaatalaka-llaahuye adigaa qaranka aafeeyay
Ilaahey ha naga kaa qabtee qayba herawiinle!

Erayada
Qawada: Saluugga.
Qamiis walaf: Shaxaadka waalan oo maalinta Khamiista iyo Jimcaha ka cararaya.
Qaac yabaal: Tashwiishka shaydaanka.
Qannaas iyo waswaas: Ilmaha shaydaanka qarsooma durbana usoo nagda.
Qayiran: Jirkoo jilca iyo midabkoo beddelma.
Dhimir: Xiska ama ogaalka.
Qanaafiir: Gaalo madowga.
Qababaal: Anshax xumada.
Kirkira: Iriiri badan.
Qonbora: Daankoo kuusma.
Qadow: Waa geed baadiyaha ka baxa oo la cuno.
Ebyi: Ebyid, abyada ka bi’in, dhammaystirid, buuxin.
Qaatalaka-llaahu: Waa kalimad Carbeed oo ku tusineysa habaar aad u xun. [Carabi: قاتلك الله]
Herawiin: Waa nooc ka mid ah daroogada iyo maandooriyaasha. [Ingiriis: heroin]

Qaata Taladeyda

Waa afarrey gaaban ee uu Abshir Nuur Faarax bulshada kula hadlaayo, una soo jeedinayo dhowr arrimood oo talo ah, waxaana talooyinkaa ka mid ah in diinta Islaamka lagu dadaalo iyo in la baadi goobo qarankii Soomaaliyeed ee dumey oo dib loo yagleelo.

Haddii talada aan soo qadimo la iga hoos qaado
Qof kaleeto uma baahnidiin Qaadirkaa faxane
Qabiilka iyo qaadkiyo markaan qoriga tuuryeyno
Oo aan murqaha qaawinoo shaqada qiimeyno
Ama aan qurbaha kaarahnoon qodano ciiddeenna
Qof kaleeto uma baahnidine qaata taladeyda
Markaan diintayada qaadanoo qaranki raad goobno
Qabqablayaashanaan qaadacnaan qiimo leenahaye!

Qabiltuba Ha Oran

Ujeedada gabeygan waa ammanta iyo bogaadinta xijaabka iyo asturka dumarka, iskastoo Abshir ku bilaabayo gabeygiisa hal qabsi uu ku hal qabsanayo saaxiibkiis iyo arrimo khaas ah oo soo martey oo dhici karto inuu saaxiibkaa ka raali ahayn in maanso lagu soo gudbiyo arrimaha noocaan oo kale ah oo aan faa’iido badan lahayn.

Markaan gabayga soo qaato oon qolo u faalleeyo
Qasadkeygu meeshuu yahaan qac uga siiyaaye
Qabyo ugama tago oo murtida waan qadderiyaaye
Bal aan kaa qanciyo guur mar buu qiimo leeyahaye
Marna waa qasaariyo dhib iyo qoomamiyo ciile
Qafladdoodan gelin Muxamadow qaado taladeyda
Oo gooraan wax laga qaban kareyn ha ila soo qaadin
Rabbi naguma qaban naag qurdane qoora loo tolaye
Awlaad qayiran bay dhashaa naagta qaawaniye
Qosolkeeda waxaa laga maqlaa qoyska deriskaaye
Adoo qarash garoobaa nin kale qalaf yiraahdaaye
Markaasey qarracan kuu tihiyo qoomamiyo ciile
Qabiltuba ha oran naag sunnaha qaado laga waayey
Ma adaa quraafiya maxaa qoorta kuu geliyay
Awlaad qarriban Maxamadow lagu qasaarowye
Intay qamarji kuu dhali lahayd qaado taladayda
Waxaa suuqa qoodaynayood qalanjo moodaysid
Mid kastoo qurxoonayd Rabbigey wuu qayirayaaye
Qalbigaaga ka ilaasho waa qara dameeraade
Qaman dhaco xun baa saaranood kaga qancay saaye
Warqaadiga bal maa’eegtid iyo qoyska xugunkiisa 
Laga quusay dumarkii markey dirica qaateena
Rag maxaa qabsaday Maxamadow wey qarsanayaane
Mid kuu qalanta oo qurux leh waa qalanjadaadiiye
Qalbigaagu waa tuu waxbadan qaaliyayn jiraye
Quruuraxa kabadan sheekadaan qariyay Deeqoowe
Ma qadarisay waagaad hurdada qaadan kari wayday
Waqtigay iyadu qabato ood soo qaddimaneysey
Qorraxda iyo saacadihiyoo qaab u socon waayey
Qarqaryadiyo dhaxantii harkii qadada kuu diiday
Ma qadarisey waagay naf kala kula qaraaraatay
Habeenkaad wax ila qaba lahayd waan qarxanayaaye
Qalbigaaga waataan ka rogay qaxanki saarnaaye
Sidaan kuula qaybsaday dhibkii sow qadarimaysid!
Adaa qubaya taladayda oon qiima galinayne
Waligayba qoon ila tashaday kuma qasaaraane
Haddii aad ayada qoonsatana qaar kalaa badane
Gabdhahaa qamiisyada watoo qariyay jiirkooda
Iyagoo daruus qaatay oo qoloba meel aaday
Qunyar socodka aadaabtiyo quruxda sow maarag
Mid la quuri karo laguma oga qalanjo mooyaane
Jalaabiib markey qaadatoo qariso jirkeeda
Qashqashaad la’aan bay waddada qun isu buustaaye
Qofna uma dhawaaqee shacbigu waa qaddariyaane 
Qayliyo sawaxan lama tusiyo qaacya nuugyadaye
Nin Ilaah u qoray baa calfada qaarka salafkaaye
Inaan nimanku kula qaybsan karin sow qadarimaysid!
Mar haddaad Quraankiyo Sunnaha Qaadirku adeecdid
Qasadna aad uleedahay nikaax waa laguu qabane
Afkana uma kala qaadayaan adiga qayrkaaye
Waxaad adigu soo qabato iyo qarashka mooyaane
Inaan yarad lagaa qaadanayn sow qadarimaysid
Qaraabiyo martiba ducada waa kaaga qubayaane
Qolkana looma soo dhaafi karo qaybta gudahaay
Qalbigooda waa laga masaxay adiga qayrkaaye
Inaad gogasha dhab u qaabishay hibo u qaateene
Quratul cayni mooyee war kale wey qajilayaane
Qadartoo dhammaatiyo Rabbiyoo qaata mooyaane
Qabrigay din kala gaynayee sow qadarinmaysid!
Haddiise tan ugu qurux daran adiga Qaadir kugu beego
Kumanyaal xubnaha qaawiyay qiimo dheer tahaye
Qasadkaad lahayd baa Rabigay kuu qadarayaaye
Awlaad waxaa ugu qurxoon qaar ku shaabahaye
Qalbigaad ka nagidahay markay midabka qaataane
Qasqas malaha oo waa Muxsinad qaar ka soo go’aye
Ilqabowsataa raaxa lehe sow qadarin maysid!
Mar hadii nikaax kuu qabtoo Qaadir kula doono
Jirka nimanka laga qarinayay kuu qayaxayaane
Qosol dibadda laga soo maqliyo qayla dheer malehe
Dhoollaha markay qaawisoo gacanta kuu qaado
Saxan saxadii qiimaha badneyd sow qadarinmaysid!
Quraan iyo Xadiis bay intaa qowda ku hayaane
Qumulaylka goortaad hurdada qararac siinaysid
Qaban qaabadii bay hayaan qaaliga ahayde
Waa kuu qandiiroo biyuhu kama qaboobaane
Mar ninkay qabtaan kama sabree soo qadarinmaysid!
Qalbigooda iimaanka galay qaalinimadiisa
Ma qiyaasi karo kolay qaarkasoo tagaye
Qanaacada waxaa kaaga daran qarash yaraantooda
Ilaahay wuxuu kuu qoraad qaada leedahaye
Xalaan qaday ka baqi maysid iyo qaali loo tago e
Waxba gabaygu yuu ila qarxane waa qabirayaaye
War hooy dahabka qiiriini waa qiima saa’id ahe
Waa qaafilaad ruma haddaad igu qancaysiine
Oo waa Qaasiraad iyo Atraab qeybta dunidaahe
Gabdhahaa qamiisyada watee qariyay jirkooda
Nin walbow mid ama laba ka qabo yaan lagaa qadine!

Ma Qaddarisay Sheekhow?

Waxaa gabaygan loo tiriyey Shiikh Maxamed Guuleed Kaarshe, oo ahaan jirey wasiirka arrimaha diinta ee dowladda Maxamed Siyaad Barre, kaddib markii lagu eedeeyey inuu dhib u geestay hablaha asturan oo xijaabka qaatey qaarkood, isla markaasna uu dhibaato ku sameeyey dhallinta wadaaddada sida uu u arko Abshir. Mar kale maansadaan kama marna gaf iyo aflagaaddo iyo habaar uu abwaanka ku kacayo oo ku socota Shiikh Maxamed Guuleed Kaarshe inta uu noolaa Shiikha, waxaanse filayaa in waqtigaa oo ahaa horraantii siddeetamaadkii uu xaalka saxwada iyo ururrada Islaamiga sidaa ahaa aragtidooda. Habaarka iyo aflagaaddada weyn ee Bacadle Sheekha ku haaraamayo waxay tilmaan fiican ka bixinaysa sida uu abwaan Bacadle, Alla ha u naxariistee, uga qaawan yahay xishoodka iyo usluubta maansada in habaarka iyo cayduba ka reebantahay hadal murtiyeedka, gaar ahaan marba haddii la isku khilaafsan yahay arrimo diinta ku lug leh. Sheekh Maxamad Guuleed, Alla ha u naxariistee, sidaan horay u soo sheegnay, wuxuu ka mid ahaa culimadii waaweynayd ee doorka fiican ka qaatay fidinta diinta Islaamka. Dad aad u badan ayaa ka aflaxay tafsiirkii Qur’aanka Kariimka ee uu Masaajidka Siigaale ee uu Xaaji Ibraahim Uunlaaye, naxariis janno Eebbe ha siiye, isagu maalkiisa ku dhisay. Maansadu waxay leedahay sidan:

Ilaahow adaa Qaadirahoo Qaniyohoo weyne
Quwad malaha iyo xeel Rabbiyow adiga qayrkaaye
Weligaa waxaan kaa qabsado wey qaddarisaaye
Abidkaana ima qadin intaan Qaadirow iriye
Caawana qasdaan leeyahoon kuugu qayshadaye
Ilaahoow baryada haygu qadin Qaadir baa tahaye
Qabuuraha markey tuugayaan qoloda aan sheegto
Qalbigayga waataan ka jaray adiga qayrkaaye
Quraankiyo Sunnaha kaliya baan amar ka qaataaye
Intaasayna nagu qoonsadeen qurabadeeniiye
Anba waan ka qiiroon lahaa qadafka kaagaaye
Nama qabato inay nagu qoslaan qaacya nuugyaduye
Gamuunyada inaad naga rogtaan kuugu qayshadaye
Ilaahayow baryada haygu qadin Qaadir baa tahaye!
Wadaadkaa markaa qabatid iyo qolada taageedha
Qasadkaygi waan kaa hayaa qaaliga ahaaye
Siigaale waaguu qabsadey kana qudbeynaayey
Qalbigaan ka taageeri jirey qaybka ma’ogeyne
Nin qabiil ku haaraamay baan qaadacoon jaraye
Waxaan ugu qidmeyn jirey inuu qiimo leeyahay
Quraankii Rabbigey waa ka tiray qaaliga ahaaye
Qalbigiisa waa laga masaxay qowl Ilaah yiriye
Qayliyo sawaxan buu beryahan qaaqda la hayaaye
Qisas baa ku soo haray Ibliis qayb ku leeyahaye
Qaadiriyo weeyuu na yiri quracda waaweyne
Ilaahey ku soo qabay muxuu been qayaxan sheegey
Qasadkiisa weli meydan garan wuu qarsanayaaye
Waa Shuucigii naga qixiyo qolodi waagiiye
Wuxuu talada kala qeybgalaa qoon la moogyahaye
Qur’aankiyo Xadiiskay rabaan inay qasheeyaane
Qusacbalaad quraafaad ah bey qeybinahayaane
Waxaa qaranka lala maagan yahay qaalmo rogodkiiye
Wadaadyahow gabdhaha qaawan baad qayb ku leedahaye
Nin qamiis u tolayoo asturay qaran ma ceebeyne
Qasadkaaga waan garanayaa qiiqu dabayaale
War hooy boogta qolofaysatiyo qurunki daawoobey
Qodqodkeeda naga daa marbey qaranku aaseene
Maraadse qoomamaysaba haddaad qalinka haysaaye
Ma qaddarisey Sheekhow dunida qaalmo rogodkeeda!
Haddii laba qabiil diridho oo qolo la naafeeyo
Maatida raggii laga qashaa nabad ma qaataane
Muxsinaadka aad qaawisaye qadaftayeed cayday
Qarni dabadi hay gaadho ama bilahan qaarkoode
Inshaa Allaahu saan kuugu qoray waa laguu qabane
Qaaxadu dawey leedahoo kuuma soo qabane
Rabbi cuduro laga quustayoo qaraxa kuu keenye!
Qobku kaa dhac oo soo qayaxan hilibka qayriine
Qalal iyo qalbi la’aan Rabbigey qoorta kuu geliye
Qabrigoodan gelin naar dhadhami dunida qaarkeeda
Qalbigaaga maal iyo xinjiri ha isku qooshmeene
Qofna kaama haro kii sunnaha qaata mooyaane!

Beel Yahay Gadooday

Gabaygaan sidoo kale Abshir Bacadle waxaa uu jawaab ka bixiyey hadalkii Feysal Cali Waraabe iyo Xabsigii Samsam, inkastoo abwaanka uu gargaar u fidinayo gabadha Soomaaliyeed haddana maansadiisa kama marna caro ay la socoto aflagaaddo iyo cay, wuxuuna yiri:

Ma aha Feysaloow goosashadu reero kala guuray
Oo arigi kala guranayoo geeli kala soocday
Oo xoolihii kala geddiyoo gobolba meel aaday
Oo awrku maqashii ku guray xariggana u giijay
Mar uun buu nikaaxani guntamay gaasir ma ahayne
Gundhiggiyo heshiiskii la galay miyaadan soo gaarin
Gu’gaagaa yar ee Feysaloow gacaloow aashaada
Inaad gacan labaad doorataa kuuma soo geline
Afartaa intaan kaga gudboo waan gunaanadaye
Maxkamaddiini gabar lagu habsaday gadatay dhiiggeeda
Go’aankeedii nacasnimo ma waan gobi ka shuureynin
Ma golayaashii iyo guurtigibaa garasho naafoobay
Ma gablamay Cigaal ficil xun waa laga gadoodaaye
Guddiga habar Magaadlahoo wanjalay gabaraan qaan-gaarin
Oo si ay god ugu sii ridaan weli la goobaaya
Wax taariikhda galayaa jiroo lagu gumoobaaye
Ku gaar-yeela ficilkaa ninkii gabadha eedeeyay
Gaangeeti jaqaleysigii waydin gaasiraye
Geenyada yaroo soo martiday guriga sheybkiinna
Amay gabadhu ka hinaastay waa gob iyo xeerkeede
Oo odaygu garan waayay waxa gubaya xaaskiisa
Haddii gogosha lagu hiifayoo lagu gantaaleeyay
Gar maahayn inuu gabadha xiroo cadow u geeyaaye
Go’aankiisa nacasnimo mawaan gobi ka shuureynin;
Nebi Yuusuf wixii gaaraybaa meesha soo galaye
Samsamna kiis ma gelin ee Maseyr guuxayaa xiraye
Guntii hadalku waa kaa haddaad garan kareysiine
Beel yahay gadoodayoo go’daydoo gabar ku ciil beeshay
Oo inan yaroo guri gashay ay kaga gariirsiisay
Oo garan waayay wuxu waa gabaraan wax idin gaarsiinin
Ma weydnaan gabdhaha sharaf u hayn garasho yeelkeede!
Gun iyo baar ma gaangeetigaa gubaya ruuxiinna
Gobos-nowdii Xabashida miyaa tan idin gaarsiisay
Gablan talo adduuneey maxaa galaya Taariikhda!
Gacal ma lahan nabad-sugiddu waa Shuuci gaamuraye
God buu idinku riday odaygii aad garabsanayseene
Geenyada darmaantaa rag waa gacalo eegaaye
Waxaan gacani qaban baa jiroo gobi ka sheexdaaye
Mar waa gabar, mar waa idiin gayaan, mana ay qaan-gaarin
Marna guri nin weyn bay gashoo waad u gudubteene
Hubna gacanta kumey sidane waad gubi lahaydeene
Gun miyaad tihiin ficil xun waa laga gadoodaaye
Saqiir magan il-galacle ah miyey idin ka geyn weyday
Maxaa gabar qariibahoo martiya loo argaagixiyay
Afartaa intaan kaga gudboo waan gunaanadaye;
Lixdankii nikaaxi aan galnood gacanta soo taagtay
Anna aan guddoon kugu aqbaloon kaawada u giijay
Guntana aan badweynta u dhignaa goo is leedahaye
Ma gil-gili kadhiin boqon sanoo gocosho riintiine
Halkaan feylashiinni u gudbiyay amase gaarsiiyay
Feysaloow ma gaadhiin Tikrena garanba maayaane
Inaad naga go’diin iyo bal daa gaalo raacnimo e’
Gundhiggiyo heshiiskii adigu amaadan soo gaarin
Gulufkiyo hinaaskiini waa soo gabaabsadaye
Go’aankii Tikrihu Feysaloow waa gabaa hirige
Gidaar adag rag baa u dhigay si aan la iiga kaa goyne
Intey caradu gaagixi un baad gooni joog tahaye
Inaan gacan labaad kuu fasaxo iima soo geline!

Gocasho iyo Hiil

Waa gabay xanbaarsan jawaabihii abwaanada iyo Abshir Bacadle ka hor iyo dib gabaygii hore ee “Gob Cunsuri ohoo,” waayo meesha waxaa ka sii socday gabayo badan oo ay soo mariyeen abwaano badan oo ka soo jeeda degaanada Soomaalilaan kuwaa oo ka dhiidhiyey gabayada Bacadle oo xiriirka la leh xarigii Samsam Axmed Ducaale, Abshir oo garwaaqsanaya gabayada qaarkood iyo carada abwaanada ayaa soo saarey jawaab suugaaneed oo uu garwaaqsanayo dareenka suuganeed ee abwaanadaa Soomaaliyeed laakiin ku adkeesanaya fikirkiisii hore sida dabeecadda Abshir Bacadle lagu yaqaaney, malaha waa dhaxal degaanadaa Mudug ee uu ka soo jeedo. Waxay ahaataba abwaanka ayaa waxaa u suuro gashay in uu aqriyo inta badan gabayadii abwaanada wuxuuna halkan uu jawaab ku siinayaa toddobo ka mid abwaanadaas oo uu ku yiri:

Cigow gabay asluubeysan oon garanayaad sheegtay
Garna waad u leedahay inaad gocasho riintaaye
Mase garwaaqsan karo inuu tolkaa gabadha taageeray

Gabayga Maxamed Cali waxaa ka dilay ceebuhuu galaye
Sidii geed salweyn buu u dhisnaa oon la goyn karine
Gadowgiyo sargooyada innaba laguma gaareyne

Maxamed Xirsi Guuleed lix aan garanayuu sheegay
Gabay nuxur le oo gaaban buu gacanta ii saaray
Guuleed gujada beeshu waa gabadha hiilkeeda

Ina Dhagaafe gabaygiisu waa gar iyo taariikhe
Go’aan adagna wuu qaatay oo gobi ku naalooto
Wuu noo garsooraye cidnana kuma garaafeyne

Axmed Naasir gabaygiisi waan garanayoo ruugnay
Gar adeega iyo meel danboo gubad le mooyaane
Gabaygu laaxin male wixii gafana gabadha hiilkeed dhe

Gabaygi Shiino guba kama duwana garashadaydiiye
Garaafooyin iyo waxaa ku jiray waa la aar gudane
Halkuu gaaray iigama go’neyn waa dagaal geline

Gabaygi Maxamed Aw Yuusuf uu Baran ka soo giisay
Gocasho iyo hiil buu ahaa gun iyo baar taabtay
Gogol lagu garramayoo kalaa loo gunaanadaye.

Gob Cunsuri Ah!

Gabaygaan wuxuu jawaab uyahay oo uu Abshir Bacadle halakan uga jawaabayaa abwaano dhowr ah oo maansooyin kala duwan u soo tiriyey. Abshir iyagoo ugu jawaabayay gabay uu Bacadle mar hore tiriyey oo uu ku weerayay reer Soomaalilan, gaar ahaan beelaha Isaaq iyo maamulkooda siyaasayeed, isagoo ku eedeeyey xariggii ay u geesteen gabadha la yiraahdo Samsam Axmed Ducaale oo ka soo jeedey reer Waqooyi Bari (Buntlaan), laakiin arrinkaa uu ka hadley iyo habka uu eedda u soo jeediyey waxay kicisey dareen kulul iyo caro ku timid reer Soomaalilaan. Kaddib markii uu dhuuxay Bacadle maansooyinkii ay soo mariyeen abwaannada oo xanbaarsanaa doodo kulul iyo caro ayaa Abshir Bacadle isagane jawaab kulul ka bixiyey taa oo ku timid gabayaan uu u bixiyey “Gob cunsuri”, waxaana shaki ku jirin in muuqato gafafka ay galeyaan abwaanada uu ka mid yahav Abshir Bacadle iyo qolooyinkaan uu dhex marey jawaab isku celinta – Ilaahey danbigooda ha dhaafee, waxaase xusid mudan maansooyinka uu Abshir jawaabta ka bixinayo in aanu ku soo aroorin doono qaybta labaad (eeg qaybta labaad ee kitaabkan, jawaabaha ku socda Abshir Bacadle).

Gaf aan galay gelliin kama ahiyoo maan garowsaniye
Gubana ma aha gabagaygu waad igu gefaysiine
Gun Isaaq ugama dhigin Hartina kuma gargaarayne
Mase gudboona beel goosatiyo maamul goboleedku
Tixdaan gabadha ugu hiiliyoon dunida gaarsiiyay
Gujis doon hardiyay iyo rag baa guba ku suureeyay
Mar haddaanan guhaameyn amaanan weerar gelinaynin
In aan gabay ku ciil beelo waa ila gudboonayde
Sow inaan gilgilo maaha oon yara gantaaleeyo;
Garka miyaan qabtaa oon dhahaa gabadha sii daaya
Sideen hadal ku gaarsiin karaa gabayga mooyaane
Gafba laguma oga gabayga nuxurkeydnan garanayne
Gun miyaa tihiin waa su’aal gabadha hiilkeed ah!
Marna waxaan ka gubanahayay waxa galaya taariikhda
Ma waydnan gabayga nuxurkiisa iyo yoolka garanaynin
Ratigii garba la’ kabadda iyo heerigaa gubiye 
Idinkaa sidii Owr garba la’ rara gubyoonaaya
Qofkii laga gardaran yahay haddaan gacan la siinaynin
Gabay ama qoraal iyo ducaa lagu gar-gaaraaye
Waxba igama gelin waa ra’yiga guufanaysyada’e
Guurtiga Isaaq kama gilgilan gabadha xaalkeeda
Gashi iyo dakano hore inay gocanayaan mooyi
Aqoonsiga go’doonka ah inay gocanayaan mooyi
Wixii gaaray Yaasiin inay gocanayaan mooyi
Taariikhda waxa galay inay gocanayaan mooyi
Gabadha baaristeedii inay gocanayaan mooyi
Gardaradiyo ceebtii inay gicanayaan mooyi
Gayaan naga xariman tii inay gocanayaan mooyi
Fooxlihii dembiga galay inay gocanayaan mooyi
Towfiiq gefkoodii inay gocanayaan mooyi
Gabayada silsilada ah inay gocanayaan mooyi
Sidii la isku soo galay inay gocanayaan mooyi
Waddadii gantaaleyd inay gocanayaan mooyi
Labada Gobole soo go’ay inay gocanayaan mooyi
Sannadkii garoobaale inay gocanayaan mooyi
Gacaltooyadeenii inay gocanayaan mooyi
Is gar-gaarsigeenii inay gocanayaan mooyi
Galbihii beri samaadkii inay gocanayaan mooyi
Calankii shan gees laha inay gocanayaan mooyi
Dalsankii ay ka guureen inay gocanayaan mooyi
Labada webiye aan go’in inay gocanayaan mooyi
Geedihii Canbahoo baxay inay gocanayaan mooyi
Ganacsigii Bakaaraha inay gocanayaan mooyi
Gobolada Dhexiyo Bari inay gocanayaan mooyi
Xoolahayaga gaanka ah inay gocanayaan mooyi
Caasimadu waa gobe inay gocanayaan mooyi
Gad gadoonki Xamarweyne inay gocanayaan mooyi
Muuskii galoolnaa inay gocanayaan mooyi
Ganacsigii xorta ahaa inay gocanayaan mooyi
Beeraha gesiinka le inay gocanayaan mooyi
Ceelasheena aan go’in inay gocanayaan mooyi
Badda gees ka gees waran inay gocanayaan mooyi;
Geedihiyo mirihii inay gocanayaan mooyi;
Gosha webiga beeraha inay gocanayaan mooyi 
Wuscigi ay ka guureen inay gocanayaan mooyi
Gacan shisheeyaa haysee inay gocanayaan mooyi
Galleydiyo harruurkii inay gocanayaan mooyi
Gaashaandhig beeleed inay gocanayaan mooyi
Gabaahiirta lagu ooday inay gocanayaan mooyi
Guryaha Xamare dhaadheer inay gocanayaan mooyi
Garowgi iyo Muufadii inay gocanayaan mooyi
Galaaskii bunbeelmada inay gocanayaan mooyi
Babbaaygii gaduudnaa inay gocanayaan mooyi
Laxooxdii gadaaneyd inay gocanayaan mooyi
Guurkii jabnaayoo Xamar inay gocanayaan mooyi
Reer gini ku filan yahay inay gocanayaan mooyi
Guryo iib ahoo jaban inay gocanayaan mooyi;
Deris kuu guntadoo gacalla inay gocanayaan mooyi
Ineeyan beeli go’i karin inay gocanayaan mooyi
Hankoodii la gaasiray inay gocanayaan mooyi
Kaftankayagii gacalnimo inay gocanayaan mooyi
Gabaygi iyo heesihii inay gocanayaan mooyi
Maraakiibtii ganacsiga inay gocanayaan mooyi
Xabxabkii gaduudnaa inay gocanayaan mooyi
Gacalkii isku duubnaa inay gocanayaan mooyi,
Dhul aan gaajo loo dhiman inay gocanayaan mooyi
Wixii eed la kala galay inay gocanayaan mooyi,
Laydh iyo biyo aan go’in inay gocanayaan mooyi
Geedaha miraha sida inay gocanayaan mooyi,
Halkii gorofta lagu tuuray inay gocanayaan mooyi
Meeshay ka go’i taladu inay gocanayaan mooyi,
Reexanta geed Xamarka inay gocanayaan mooyi
Geyiga cimilada u wacan inay gocanayaan mooyi,
Gobaadi ay bar gooyeen inay gocanayaan mooyi
Gujadiyo qaniinyadii inay gocanayaan mooyi
Galbaa habari geysaa inay gocanayaan mooyi,
Sagaal goroyo cowleed inay gocanayaan mooyi
Dabarki ay ku giijeen inay gocanayaan mooyi,
Geeridii Cigaal oo tigruhu uu tacsida geeyay
Oo gaaladu kasoo qaybgashoo turunbo loo giijay,
Garoonkaad ka celiseen wafdigi Geelle soo diraye
Ma weydnaan abaal gudanin ama gelinin taariikhda;
Gabaygi Qaasim iyo waxaad tidheen ficilki Guuleede;
Nin raggoon abaal gudani waa deero gees jabane,
Labada gobol nikaaxoodi aan gabay ku soo qaatay,
Xarrigii gabdhaha maaha ee waa gun dheeryahaye
Gefkiyo ceebta mooryaan galaa laga garaabaaye
Garsoorka iyo labadii goliyo Duqa go’aankiisi
Afartuba dunuubtay galeen gar iyo dow maaha
Intaasaan ku soo gaabiyaye gacalloow aashiina!

Gablan Talo Adduuney

Waa gabay dhinacyo badan taabanaya oo muhim ah, waxaana gabyaagu tusaaleenayaa arrimo ay ka mid yihiin kuwo la xiriira towxiidka iyo geeridu iney xaq tahay oo loo diyaar garoobo iyo waxa dhici doono qabriga iyo qiyaamaha marka la gaaro, waxaa uuna gabaygiisa ku bilaabanayaa:

Markaan gugiyo deyrtii dhoweyd gabay ka dheeraaday;
Oo aan ka go’ey baad malaha gorof imoodeene
Nin waliba makaa guuray buu gaw ileeyahaye
Anna goolku meeshaan la rabay iima soo geline
Waxaan gaaxiyaba maalin baan godolka tuujaaye
Gaawaha u hoorsada hadduu gaada leeyahaye
Gujaad igu disheen iyo miyuu guray wadaadkiiye
Taariikhda shay geli karaan gabay ku sheegaaye
Kuwii ganacsan jirey maahiyoo guul darreyn jiraye
Gumeystaha ma taageero iyo gaalo waranleeye
Gurubbiyo qabiil waa horaan gooyayoo nacaye
Gidaarrada masaaree xaqaan ugu gargaaraaye
Inta goobta soo joogsatoon garanin tawxiidku
Ilaahay waxay uga go’een gelin ku nooloowe
Marka gogosha qaadkiyo hablaha lagula geeraarey
Gablan talo adduunay muxuu gabay canbaaroobay;
Gunta aqalki aan laga adkeyn gegida aasaaska;
Genbiskoo la naashnaashay baa guri la moodaaye
Adoo gabannadii aad dhashiyo geliyey maalkaagi
Oo gurada dabaq saaray buu gabax yiraahdaaye
Waxba lagama gaaroo mar bay kula gudboonayde
Gaashaamo nacasow waqtigu guray raggaagiiye
Waxaan uga golleeyahay malaha weyla garateene
Guubaabo towxiid ah baan caawa gelayaaye
Waxaan idin guddoon siinayaa gunud caqiidaaye
Ilaaheyna geerida horteed haydin garansiiyo
Anna gabeyga guushiyo janada ha igu gaarsiiyo
Intay goorigoor tahay shirkiga gooya xididkiisa
Towxiidka gawsaha ku naba oo isugu geeya
Afka gacanta saar yaan shirkigu meel ka soo geline
Weligiin ku giijiya ilaa madaxa loo gooyo
Haku gororo dhiiggiina oo geliya laabtiina
Geerida xaq baa loo arkaa gaaliyo Islaame
Nin gantaalku seegaa ma jiro ama giriifaaye
Ilaahey waqtuu gooyayoo garanti weeyaane
Adigoo ka gaarsii leh baad gabax tiraahdaaye
Markaad gogosha ku aruurtid baa gocasho riintaaye
Goonyaha markey kaa saftaan gacalo taag weydey
Ii gaddoontey neef kala go’diyo dumar galaayuusey
Oo gurubadaadii waxbana kaaga geli weydey
Gurboodkiyo ganbooleyda iyo kii garaad yariba
Naf gunaanadkii taagan bey gebagebeeyaane
Hadba Aw gabraarsanahayey gool u qalayaane
Ama gaalka huurada leh bey geniyo siiyaane
Ma gartaan nin geeryoonayoo galab caraabaaye
Godka maalinkii nala dhigoo iilka nala geeyo
Ilaahey addoonka u go’aa gaarey libintiiye
Mar haddii go’aankeenu yahay diinta garabsiiya
Garaafada adduunkoo iyana gaaban mo’oyaane
Inaan dhibi na soo gaaraheyn geliya laabtiina
Gaba gabadu maantey dhacdoo dhididku geylaamo
Oo dumarku soo gano ilmaha galay calooshooda
Oo habari gabankey jecleyd gaar isaga tuurto
Qoraxdana la soo gaabiyee ay madaxa soo gaadho
Oo naartu guuxdoo nafluhu wada gariiraayo
Dadku waa gagabayaa siduu geed kuleyl cabaye
Gacalkaagii iyo waalidkaa oo ku garanaaya
Iyo gaaridii kuu dhaxdoo guriga kuu joogtey
Iyo gabanadii aad dhashoo laabta laga gooyey
Gacaliye adoogaa markuu gacan ku waydiisto
Oo gaar ahaan hooyadaa kugu guraa-baasto
Waxey kuu gashoo idil dhamaan wey ku garansiine
Waxaad oran maxaan geli karaa gabay nafteydiiye
Xaajada halkaa gaadheyoo galawgu qiiqaamey
Ilaahey kuwaa hoos galoo harac la geeyaaye
Mar hadduu go’aan keenu yahey diinta garabsiiya
Garaafada adduunkoo iyana gaaban mo’ oyaane
Inan dhibi na soo gaaraheyn geliya laabtiina;
Kuwiise garabka bidixdoo Shirkiga goobta la istaagey
Gooryaan Fansalakh iyo kuwii gacanta siinaayey
Markaasey xaqii garanayaan waase kala guure
Wadaadkii gar-gaarkiyo labidey guusha iyo kheyrka
Shafaacadana laga goobayaa gabay naftiisiiye
Ma guntana dharkaba uma gashana mana gudneedhawra
Gablan tala adduuney maxaa nimanka soo gaarey;

Nin Ilaahey meyd garab dhigaw gaasir baa tahaye;
Gabadhaadu guur male ninkii geyana yeelkiisa
Wixii naar ku geeyoo dhan baa lagu gumoobaaye
Gobanimo xaqiiqa ahi waa garasho tawxiide
Weligeyba reer Gaalkocyood gabey ma taabsiine
Gardarooyinkoodaa batiyo gocoshadoodiiye
Mar inan ku gano waa horey ila gudbooneyde
War goobaha banaanoo idaha lagu gumaadaayo
Wax inay galaan uma oggoli ama wax gooyaane
Waa gego cidla ah meeshan aad ariga geysiine
Kumayaalka lagu gowracoo lagu gumaadaayo

Garoobada agoomaha wadyo riximka gaajeysan
Gablanka iyo maatida fadhiya guriga Iidoole
Iyagaa gar u leh xoolahaad Sugulle geysiine
Ku gar-gaara magaciin jiryaye gacalka naafoobey
Na gumee ibliiskii Shirkiga noola soo galaye
Oo meyd gar-gaarsada na yiri goor iyo ayaane
Mar hadduu gabrada yiri halkuu galay awowgiine
Saddexleyda gooyoo Xadrada garangarta u meersha
Mar is goda mar gaar-gaarsadoo giirka kor u taaga
Isla gaabiyoo hooriyoo aha ku soo gooya
Halkiinaa ku gaardiya jannaa lagu gelayaaye
Ku guuleysay meeshuu la rabey gacaladeydiiye
Allahayoow ka soo gaar tolkey gaala raac noqoye
Oo towxiidka garansii adaan kuu galliin ahaye
Bal inay ka soo go’i karaan golaha Ruunsheelo
Ma gu’ weyni laakiin waxaan anigu soo gaarey
Geyigaan ku noolaan jiriyo goboladaan joogney
Haddey culimo noo soo galaan galab carraabaahi
Oo geed ardaa leh dugsoon gogosha loodaadsho
Gar madaw u sheekeynayaa caano geyn jiraye
Haddiise xoolo loo gowracoo hilibka loo geeyo
Xubin gaabta iyo fuudka iyo gabalo hoosaadka
Waxuun baa na soo gaari jirey gaajo tirashaaye
Haddaan haraga iibgeyno, oo ganacsi loo qaado 
Waxuun buu ka goyn jiray markii beled la geeyaaye
Guntimaanu soo xiran jiroon aqalka geynaaye
Adoo gacan banaan kaaga roon labada gooroode
Gedkaleeto iyo xeelad bay markan gaareene
Garkey naga qabtaan neefka waa naga gudoomaane
Iyagaaba gaadiid watiyo gabaldi baaxaaye
Gibir iyo canshuuroo kaley nooga gurayaane
Na gumeyste Reer Aw-Fulaan garanse weydeene
Soddonkii Dariiqada ka go’ey oo wax garanaayey
Markii looga guuleystey bay gocashoriimeene
Nin gabraarsan jiray oo ku qaaday gacalki naafeeye
Gufarkii ku haray lagu raqsay gaba-gebeeyeene
Mar baan gabar khilaaftaayi jirin Gaalkacyoo idile
Maantana kun baa guuxayoo garatey towxiidka
Ama gunuunuceysoo dhawaan nooga soo go’iye
Gablan talo adduuney maxey galab heer joogtey;
Anoose Ina Gureeyow warkii gabo gabeynaaaya
God madow wadaadkaad dhigtood geeri ku ogaatey
Oo gaaridiisii nin kale guri u xaaqeyso
Waxba adiga kuu galimayee garab ha weydiisan
Anigana wax iga goyn mayee ha igu guulguulin
Isagana gujada baas ka daa wuuba googo’aye
Muslimkana ha gaaleynin waa godob Ilaaheeye
Balse hadduu wax kuu geli karoo gacan ku siinaayo 
Gablan kaa cirroobaa tahaye gabanno weydiiso
Guddiyada dariiqooyinkoo calanka giirgiiran
Weligood xaqay ganacsadaan gaalo raacyaduye
Iyagoo gabaabsiyehe aan xero ku soo goynay
Oo shacabkii ay guran jireen xaqa la gaarsiiyey
Oo guubaabo towxiida iyo gabaygu saameeyey
Waxay dawladuu hoos galeen gacanna loo siiyey
Nin kastoo garaad buuxa lehi waa garwaaqsadaye
Taariikhda noo galiya waa goolki tobanaade
Ilaahay wuxuu noo gartana mahad ka gaarsiiya
Hadduu ina ganaaxaana waa galabsigeenniiye
Yaboohii ma guubyeelinoo muu gabood faline
In la gaarayana waan hubaa guusha libineede
Geerida horteed meel kastoon gelin ku noolaanno
Go’aankeennu waa inaan sunnaha garab istaagnaaye
Intaasaan ku soo gaabiyaye shacabka gaarsiiya!

Faracii Reer Abshir Nuur

Waxa uu mariyey Abshir kaddib markii loo sheegay in wiil uu dhalay oo ku noolaa dalka Maraykanka uu u soo diray lacag, isaga oo arrinkaa aad ugu farxay waxa uu ka tiriyey gabaygaan gaaban:

Cabdirisaaqoow ragga intiina fogaatoo
Faracii reer Abshir Nuura
Adigaa u fac wayne
Farriintayda dhageysoo
Gabeyga fiiro u yeelo
Allaha fatxi ku siiyo
Facaaga aad ugu faantid
Ha faqrin oo ha fidnoobin
Farriinti ay Amal keentey
Waa ku farxoo ku fahmeeystey
Facayna waa ugu faanoo
Fagaarahaan ka caddeeyey
Duco fareesh ahe faas ah
Misana fuul ahe fiican
Tomanya kow facna gaarta
Faraqaaga u hoorso
Faruuryahayga ka qaadiyo
Farxaddii qalbigayga
Ragga adaa u facwayne
Habarta fiiro u yeeloo
Fasaqa iiga ilaali
Anigu soo furi maahe!