Qur’aanka Kariimka iyo Tarjumada Macaanidiisa

Waxaa tarjumay Cabdulcaziiz Xasan Yacquub

Daarusalaam
Riyaad, Jiddah, Al-Khubar, Sharjah, Lahoor, Landan, Hiyuuston, Niyuu Yoork.

Daabacaadda 1aad: Agosto, 2010

Hordhac

Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, Nabad iyo Naxariis Allena ha ahaato addoonkiisa Muxammad bin Cabdullaah (ﷺ) korkiisa, iyo ehlu beydkisii iyo asxaabtiisii iyo cid kasta oo ku raacda xaqa tan iyo Qiyaamaha. Intaas kaddib:

Walaalayaal, Qur’aanka Kariimka waa fartiinta Alle, waa dhambaal abad iyo daa’im ah oo waara, waa mucjizo wayn uu Allaah kor ahaaye kusoo dajiyey Nabigeennii lagu khatimay anbiyada iyo rususha, waxaa loogu soo dhiibay Ruuxa Aaminka ah, Jibriil, oo kusoo dajiyay qalbigiisa, waa u hanuun dadka oo dhan. Waa halka laga qaato caqiidada saxda ah iyo iimaanka sugan iyo xeerarka sharciga, waa nuur u ifiya dadka jidka, waana kitaab wax tarbiyeeya oo tusaaleeya oo tilmaama si ay dadka uga baxaan mugdiyada xagga nuurka, wuxuu ku hanuuniyaa dadka sida toosnaanta badan, wuxuuna ugu bishaareeyaa mu’miniinta u dhaqma sida suubban inay leeyihiin ajar wayn (Janno).

Wuxuuna Allaah usoo dajiyay hanuun ahaan dadka, iyo caddaymo hanuun ah iyo kala bixin xaqa iyo baadilka. Wuxuu u yahay caafimaad laabaha, waa kitaab barakaysan oo marag iyo ilaaliye u ah kutubta kale oo dhan ee laga soo dajiyay xag Alle. Waa Kitaab la sugay aayadahiisa oo laga soo caddeeyay xagga Allaah, xikmad badanaha, xog ogaalka ah.

Waxaana shaki ku jirin baahida ay dadku u qabaan Kitaabkani uu ka wayn yahay baahida ay u qabaan biyaha iyo hawada, waayo martabaddiisu waa martabadda iyo halka ay nafta ka joogto jirka.

Wuxuu yiri Allaah kor ahaaye, “Oo sidaas baan waxaan kuugu waxyoonnay [Muxammadow] ruuxan [waxyi iyo naxariis] amarkayaga ah oo ma aadan u lahayn cilmi wuxuu yahay kitaab iyo iimaan midna, laakiinse waxaan ka dhignay [Qur’aankan] nuur aan ku hanuuninno ciddii aan doonno oo kamid ah addoomahayaga, oo waxaad xaqiiq adigu [Muxammadow] ku hanuunisaa [dadka] jid toosan, jidka Ilaahay, ee ah kan iska leh waxa ku sugan cirarka iyo waxa ku sugan dhulka. Xaqiiq, arrimaha oo idil ugu dambayn waxay u aadaan Allaah [go’aan ka bixin oo isaga baa ka arrimiya].”

U adeegga diinta Alle darteed iyo innagoo ajar kaga doonayno Allaah, waxaan u guntannay hawsha tarjumada macaanida Qur’aanka iyo ku fasirkiisa af Soomaali. Waxaana halkan ugu soo gudbinaynaa walaalaheen Soomaaliyeed isagoo ku tarjuman af Soomaali sahal ah oo cad ay ka faa’idaysan karaan cid kasta. Waxaana ku saleennay fasirkiisa manhajka ahlu Sunnaha iyo Jamaacada gaar ahaan mas’alooyinka caqiidada sida magacyada Alle ee quruxda badan iyo sifaatkiisa sare iyo qayrkoodba. Waxaana ku dadaalnay in xaraf kasta oo kamida kusoo gudbinno dhigankiisa af Soomaaliga si aan u siinno tarjumada xaqeeda, marba waxa aan tarjumaynno maadaama uu yahay Kitaabkii Ilaahay.

Waxaana jirta in aan tixgalin siinnay in naska Qur’aanka dhammaantiis aan wada fasirno innagoo aan waxba ka tagin waana sida la doonayo ee abbaarta ah, tusaale haddii aan arrintaasi idin ka siinno qawlka Allaah kor ahaaye:

وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٍ

Wa’da la socota innaka waxay leedahay macno oo u dhiganta Soomaali ahaan “oo”. Sidoo kale, “inna” waxay leedahay macno waxaana la yiraahdaa xarfu-tawkiid, waa adkayn hadalka, waxayna u dhigantaa Soomaali ahaan xaqiiq, hubaashii, dhabtii, wallee, iyo kuwa lamida oo loola jeedo adkayn hadalka iyo muujinta inuu xaq yahay dhab ah. Xarafka “la” ee la socda “calaa” ee “lacalaa”, la’daas ka horraysa “calaa” waxay leedahay macno oo waa xarfu-tawkiid oo wuxuu la macno yahay “inna”, mana aha intuba hadal zaa’id ah aan macno lahayn, aad bayna ugu badan yihiin xuruuftaas oo kale Qur’aanka, waxaadna arkaysaa in badi mufassiriinta Soomaaliyeed ay ka tagaan oo tixgalin siin, taasoo aan sax ahayn. Mathalan marka ay fasirayaan:

وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٍ

Waxay u fasirayaan sidatan, “Waxaa ku sugnaatay dabeecad fiican.” Waxay halkaas kaga tageen xarafkii waawga ee billawga aayadda, iyo “inna” iyo la’da ku xiriirsan ee la socota “calaa”, sida abbaarta ahna ee waafaqsan naska Qur’aaniga waa in loo tarjumo sidatan ah, “Oo waxaad xaqiiq adigu [Muxammadow] dhab ahaan ku sugan tahay dabeecad san.”

Waxaa kaloo jira in ficil maadiga ama falka tagay, markii uu sagaal xaaladood ku yimaado loola jeedo ficil mudaaric fal jooga ama dhici doona, waxaana kamid ah xaaladahaas haddii ficil maadigaa — falka tagay — uu yimaado kaddib xaraf kamid ah xuruufta shardiga sida “idaa”. Tusaale ahaan:

إِذَا جَاءَ نَصْرُ اللَّهِ وَالْفَتْحُ

Marka “jaa’a” waa ficil maadi, laakiinse waxaa ka hor maray “idaa” oo xaraf shardi ah, marka laguma fasirayo “jaa’a” yimid, ee waxaa lagu fasirayaa “yimaado”.

Waxaa kamid ah xaaladahaa haddii ficil maadiga lagu billaabo hadalka, sida:

أَتَىٰ أَمْرُ اللَّهِ فَلَا تَسْتَعْجِلُوهُ

Laguma fasirayo waxaa yimid ee waxaa loola jeedaa wax dhici doona mustaqbalka, marka macnaha wuxuu noqon, “Waxaa imanaya…” ama “imaan doona…” Waxaa kaloo kamid ah xaaladahaas marka uu ficil maadiga — falka tagay — yimaado xarfu-mawsuul kaddib, sida “alladii”, “alladiina”, “maa”. Tusaale ahaan:

إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا

Laguma fasirayo “Kuwii rumeeyay…” ee waa “Kuwa rumeeya…” ama “rumaysan…” ama “rumeeyay…”

Dhinaca kale waxaa jira xuruufta Carabiga qaarkeed aan laga helayn luqadda Soomaaliga sida ث waxaan u isticmaalnay ‘th’ iyo sida غ waxaan u isticmaalnay ‘gh’, iyo sidoo kale ز oo waxaan u isticmaalnay ‘z’ meelaha qaarkood.

Xagga magaca Allaah, waxaan u daynay sida uu yahay, waayo ma aha sax in loo tarjumo Eebbe iyo wax lamida oo magacyada Ilaahay ma aha waxa aan innagu bixin karno. Magacyada Anbiyadana waxaa jira labo Nabi ay Soomaalida magacyadooda yari baddalaan sida Muusaa oo ay yiraahdaan Muuse, iyo Ciisaa oo ay yiraahdaan Ciise, waxaan innagu ku magacawnay Qur’aanka dhexdi waxa uu Allaah ku magacaabay oo ah Muusaa iyo Ciisaa.

Tarjamadu sideedaba ma aha hawl sahlan, tarjumada macaanida Qur’aanka waa kan ugu sii adag, waayo waa mucjizo waarta oo xag Rabbi ah, marka sidee buu qof u wada ofsan karaa xaqa tarjumada hadal ayan isagoo kale keeni karin jinka iyo insiga haddii ay isu tagaan oo iska kaashadaan? Waxaana la og yahay in tarjumada si kasta oo loogu dadaalo iyo heer kasta oo ay ka gaarto wanaagga inaysan gaari karin halka uu gaarsiisan yahay naska Qur’aanka ee aan lala iman karin isagoo kale. Sidaas darteed waxaan ka rajaynaynaa qof kasta oo aqriya tarjumadan inuu noo soo jeediyo wixii talooyin ah iyo tusaalooyin si looga faa’idaysto dabcooyinka soo socda hadduu Alle idmo. Waxaana ka baryayaa Allaah kor ahaaye inuu ku anfaco walaalahay Soomaaliyeed meel iyo waa ay joogaanba, oo naga aqbalo camalkan aan ku doonayno Wajigiisa kariimka ah oo naga ah dar Ilaahay, oo noogu daro miizaanka camalladeenna wanaagsan maalin aanay wax tarayn maal iyo carruurba.

Waxaa ammaan idilkeed iyo mahadba leh Allaah, oo nabad iyo naxariis Ilaahay korkiisa ha ahaato Nabigeennii Muxammad, ahlu baytkiisii iyo asxaabtiisii oo dhan.

Cabdulcaziiz Xasan Yacquub

Suuradda 1aad: Al-Faatixa

  1. Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.
  2. Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa iska leh Allaah, Rabbiga uumanka.
  3. Naxariistaha, Naxariista Badan.
  4. Boqorka Maalinta Jaazeynta.
  5. Adiga oo [keliya] baan ku caabudaynaa, oo Adiga oo [keliya] baan ku kaalmaysanaynaa.
  6. Ee nagu hanuuni Jidka Toosan.
  7. Jidka kuwa aad u nicmaysay, aan ahayn [jidka] kuwa aad u carootay, iyo kuwa dhunsanba.

Suuradda 2aad: Al-Baqarah (Saca)

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Alif laam miim. [Xarfahani waxay ku tusinayaan Mucjizada Qur’aanka, oo Allaah Keliya baa og muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo].
  2. Kani Kitaabka [Qur’aanka] shaki kuma jiro, waa u hanuun kuwa dhawrsada.
  3. Kuwa rumeysan Ghaybka [waxa qarsoon ee maqan], oo u ooga salaadda si wanaagsan, oo wixii aan ku irzaaqnay wax ka bixiya.
  4. Ee rumeysan waxa [Qur’aanka iyo Sunnada] lagugu soo dajiyay [Muxammadow], iyo wixii [Tawraadda iyo Injiilka, iyo wixi lamid ah ee] la soo dajiyay adiga hortaa, ee Aakhirada iyagu yaqiinsan.
  5. Kuwaasi waxay ku sugan yihiin hanuun [dhab ah] oo xagga Rabbigood ah, waana kuwaas kuwa liibaanay.
  6. Xaqiiqdii, kuwa gaaloobay waa isugu mid haddii aad [Muxammadow] u digto iyo haddii aadan u diginba, ma rumeyn doonaan.
  7. Wuxuu Allaah daboolay qalbiyadooda iyo maqalkooda, oo araggooda waxaa ku rogan caad, oo waxaa u sugnaaday cadaab wayn.
  8. Oo dadka waxaa ka mid ah kuwo [munaafiqiin ah oo] yiraahada, “Waxaan rumeynnay Allaah iyo Maalinta Dambe [Aakhirada],” oo aan se ahayn mu’miniin.
  9. Waxay [moodayaan inay] dagayaan Allaah iyo kuwa [Xaqa] rumeeyay, mase dagayaan waxaan ahayn naftooda, mase dareensana.
  10. Waxaa ah qalbiyadoooda cudur [shaki iyo munaafiqnimo ah], markaasuu Allaah u ziyaadiyay cudur, oo waxay leeyihiin cadaab xanuun badan beenintoodii darteed.
  11. Oo marka lagu yiraahdo, “Ha fasahaadinina dhulka,” waxay yiraahdaan, “Waxaannu nahay oo keliya kuwo wax hagaajinaya.”
  12. Xaqiiqdii, waa iyaga kuwa wax bi’iska ah, laakiinse ma ay dareensana.
  13. Oo marka lagu yiraahdo [munaafiqiinta], “Rumeeya sida dadku [kuwii raacay Muxammad ee Ansaar iyo Muhaajiriin ah] u rumeeyeen,” waxay yiraahdaan, “Ma waxaannu u rumeyn sida maangaabku u rumeeyeen?” Xaqiiqdii, waa iyaga maan-gaabyada, laakiinse ma ay oga.
  14. Oo marka ay la kulmaan kuwa [xaqa] rumeeyay, waxay yiraahdaan, “Waan rumaynnay.” Markase ay la keli noqdaan shaydaamadooda [mushrikiinta, gaalada, munaafiqiinta iyo wixi lamid ah], waxay yiraahdaan, “Run ahaantii, innagu idinkaynu idin la jirnaa, xaqiiqdii, wax kale maahee innagu waan iska jeesjeeseennay.”
  15. Allaah baa ku jees-jeesaya oo ugu seeto-dheereynaya kibirka iyagoo ku jaha-wareersan.
  16. Kuwaasu waa kuwa siistay habowga hanuunka, markaas ganacdoodii waxay noqotay midaan miro lahayn, mana aha kuwo hanuunsan.
  17. Mathalkoodu waa sida mathalka mid shitay dab, dabadeedna markii ay ifisay wixii hareerihiisa ahaa Allaah kala tagay nuurkoodii, oo uga tagay mugdiyo ayan wax arkayn.
  18. Dhago la’aan, af la’aan, indho la’aan ah, xaqana uma soo noqdaan.
  19. Ama waa sidii mayay [roob wayn] ka yimid cirka oo leh mugdiyo, onkod iyo hillaac, waxay galiyaan farahooda dhagahooda si ayan u maqal hanqarka onkodka dhimasho ka biqid darteed, oo Allaah waa koobay gaalada.
  20. Hillaacu wuxuu sigayaa inuu dafo araggooda, mar kasta oo uu u ifo waa ku socdaan, markase uu mugdi daboolo, waa istaagaan, oo haddii uu Allaah doono, wuxuu la tegi lahaa maqalkooda iyo araggooda, xaqiiqdii Allaah wax walba waa karaa.
  21. Dadow! Caabuda Rabbigiin ee abuuray idinka iyo kuwii idinka horreeyayba, bal inaad [ka] dhawrsataan [xumaha].
  22. Oo ah Kan idiin ka yeelay dhulka gogol, cirkana saqaf, oo kasoo dajiyay cirka roob, oo kusoo saaray miraha riziqa idiin ah, ee ha u yeelina Allaah shariikyo aad la mid dhigtaan idinkoo ogsoon.
  23. Oo haddii aad idinku [mushrikiinta Carbeed, Yahuudda iyo Nasaarada] aad ka shakisan tihiin waxa aan kusoo dejinnay addoonkayaga [Muxammad], marka keena suurad la mid ah [Qur’aanka], oo u yeerta markhaatiyadiinna Allaah ka sokow, haddii aad run sheegaysaan.
  24. Haddiise aydaan falin, mana fali kareysaane, iska jira Naarta shidaalkeedu yahay dadka iyo dhagaxaanta, ee loo diyaarshay gaalada.
  25. Oo ugu bishaaree kuwa [xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan oo suubban, inay leeyihiin beero ay hoostoodu webiyadu qulqulayaan [Janno]. Mar kasta oo laga siiyo miro xaggeeda, waxay oranayaan, “Waxakanu waa wixii nala siiyay awal hore,” waxaana la siin doonaa waxyaalo isu eg [oo isku muuqaal ah, ha yeeshee ku kala duwan dhadhanka] waxayna ku leeyihiin dhexdeeda [Jannada] afooyin daahir ah [aan lahayn caado dhiigga xaylka, saxaro, kaadi, iyo wixi lamid ah] waana ku waari doonaan dhexdeeda weligood.
  26. Xaqiiqdii, Allaah kama xishoodo inuu u soo qaato mathal xitaa kaneeco ama wax ka sarreeya [ama wax ka hooseeya]. Xagga kuwa [Xaqa] rumeeyay waxay og yihiin inuu xaq yahay xagga Rabbigood ah, kuwase gaaloobay waxay oranayaan, “Muxuu Allaah uga dan leeyahay mathalkani?” Wuxuu ku dhumiyaa wax badan, oo ku hanuuniyaa wax badan, oo kuma dhumiyo waxaan ahayn faasiqiinta.
  27. Kuwa jebiya cahdiga Allaah kaddib adkayntiisa, oo gooya waxa Allaah amray in la xiriiriyo, oo ku fala fasahaad dhulka, kuwaas waa kuwa khasaaray.
  28. Sidee baad ugu gaaloobaysaan Allaah idinkoo ahaa meyd oo markaa idin nooleeyay, misna idin dhinsiinaya, misna idin soo nooleynaya [mar kale Qiyaamaha], misna xaggiisa la idiin soo celin doono.
  29. Waa Isaga Kan idiin abuuray waxa dhulka korkiisa ah oo dhan, dabadeed ka kor ahaaday cirka oo ka dhigay toddobo samood, Isaga baana wax waliba ogsoon.
  30. Oo [xus] markii uu Rabbigaa ku yiri malaa’igta, “Waxaan anigu xaqiiqdii yeelayaa dhulka cid u hadha oo facyoba ay ka dambeeyaan facyo.” Waxay yiraahdeen, “Ma waxaad ka yeeleysaa dhexdeeda kuwa ku falaya fasahaad dhexdeeda oo ku daadinaya dhiig, innagoo ku tasbiixsanna xamdigaaga, oo ku waynayna.” Wuxuu [Allaah] yiri, “Waxaan ogahay wax aydaan ogeyn.”
  31. Oo wuxuu baray Aadam magacyada [wax waliba], markaasuu wuxuu usoo bandhigay malaa’igtii oo yiri, “Ii sheega magacyada kuwaan haddii aad run sheegaysaan.”
  32. Waxay [malaa’igtii] yiraahdeen, “Adigaa nazahane, innagu ma lihin cilmi aan ahayn waxa aad na bartay. Xaqiiqdii, waa Adiga Cilmi Badanaha, Xikmadda Badan.”
  33. Wuxuu yiri, “Aadamow! U sheeg waxaa magacyadooda.” Markii uu u sheegay magacyadoodii, wuxuu [Allaah] yiri, “Sow idiinma sheegin inaan ogahay Ghaybka [waxa qarsoon aan muuqan] ee dhexdooda ah samooyinka iyo dhulkaba, oo waxaan ogahay waxa aad muujinaysaan iyo waxa aad qarinaysaanba?”
  34. Oo [xus] markii aan ku niri malaa’igta, “U sujuuda Aadam [salaan ahaan],” markaasay sujuudeen Ibliis maahee, waa diiday oo is-wayneeyay, wuxuuna ka mid yahay gaalada [ku caasida Allaah].
  35. Waxaannuna niri, “Aadamow! Dega adiga iyo afadaadu Jannada, oo ku cuna haqab la’aan si farxad leh waxyaalaha dhexdeeda ah meesheedii aad doontaanba, hase u soo dhawaanina geedkaan ama waxaad ka mid noqoneysaan daalimiinta.”
  36. Markaasuu Shaydaan ka yeelay inay ka sadbidaan xaggeeda [Jannada] oo ka saaray wixii ay ku jireen, waxaannu niri, “Ka hoobta Jannada, iyadoo qaarkiinba qaar u yahay cadow, oo waxaa idiin ku sugnaaday dhulka degaan iyo raaxo ilaa muddo ah.”
  37. Markaasuu Aadam kala kulmay xagga Rabbigiis kelmado, Rabbigiisna waa ka toobad aqbalay. Xaqiiqdii, [Allaah] waa toobad aqbalaha, Naxariista Badan.
  38. Waxaannu niri, “Ka hoobta xaggeeda dhammaantiin, markiise uu idiin ka yimaado xaggayga hanuun, kii kastoo raaca Hanuunkayga, ma ahaan doonto korkooda cabsi, mana murugoon doonaan.”
  39. Kuwase gaalooba ee beeniya Aayadahayaga, waa kuwaas ehlu-Naarka, waana ku waarayaan dhexdeeda weligood.
  40. Ilmahii Israa’iilow! Xusa nicmaddaydii aan idiin ku nicmeeyay, oo oofiya [xilalka iyo waajibaadka idin ka saaran] cahdigii [inoo dhexeeyay] markaasaan aniguna oofinayaa [xaqa i saaran] ee ballanta [aad igu leedihiin ah], oo Aniga oo Keliya iga cabsada.
  41. Oo rumeeya waxa aan soo dajiyay [Qur’aankan] oo rumeynaya waxa aad haysataan, [Tawraadda iyo Injiilka], oo ha noqonina kuwa u horreeya ee ku gaalooba, oo ha ku iibsannina [gadanina] aayadahayga [Tawraadda iyo Injiilka] qiimo yar [adduun], oo Aniga oo Keliya iga cabsada.
  42. Oo ha ku dheehina xaqa baadil, oo ha qarinnina Xaqa idinkoo ogsoon.
  43. Oo u ooga salaadda si wanaagsan, oo bixiya Zakada, oo la rukuuca jamaca rukuucayaasha.
  44. Ma waxaad amreysaan dadka samaha oo halmaamaysaan [inaad falataan khayr] idinka naf ahaantiinna, idinkoo aqriyaya Kitaabka [Tawraadda]. Ma waydaan lahayn garasho?
  45. Oo kaalmaysta sabarka iyo salaadda, oo xaqiiqdii way ku culus tahay waxaan ahayn khaashiciinta [mu’miniinta dhabta ah].
  46. Ee ah kuwa huba inay la kulmi doonaan Rabbigood, iyo inay Xaggiisa u noqonayaan.
  47. Ilmahii Israa’iilow! Xusa nicmaddeydii aan idiinku nicmeeyay, iyo inaan wax idin dheereysiiyay uumanka [dadkii iyo jinkii waqtigiinnii ahaa].
  48. Oo iska jira Maalin [Qiyaamaha] marka uusan qofi wax u tarayn qof kale, oo aan laga aqbalayn shafeeco, oo laga qaadanayn madax furasho, loona gargaarayn.
  49. Oo [xusa] markii aan idin ka badbaadinnay qawmkii Fircoon, oo idin dhadhansiin jiray cadaab daran, iyagoo dili jirey wiilashiinna, oo deysan jirey haweenkiinna, waxaana taas ku sugnaa imtixaan xagga Rabbigiin ah oo wayn.
  50. Oo [xusa] markii aan idiin dhanballay badda oo idin badbaadinnay, oo hafinnay qawmkii Fircoon idinkoo arkaya.
  51. Oo [xusa] markii aan u qabannay Muusaa afartan habeen [oo aad maqnaashadiisii] u sameysateen dibiga [inaad caabuddaan] idinkoo daalimiin ah.
  52. Misna aan iska kiin cafinnay intaas kaddib bal inaad shukridaan.
  53. Oo [xusa] markii aan siinnay Muusaa Kitaabka [Tawraadda] iyo kala bixiyaha [xaqa iyo baadilka], bal inaad hanuuntaan.
  54. Oo [xusa] markii Muusaa ku yiri qawmkiisii, “Qawmkayow! Waxaad idinku xaqiiqdii dulmideen naftiinnii caabudaaddiinna dibiga darti, ee u toobad keena xagga Uumihiinna [Allaah] oo dila nafahiinna [kuwa aan danbiga lahayni ha dileen danbiilayaasha idin ku jira], sidaas baa idiin khayr badan Uumihiinna agtiisa, markaasuu idin ka toobad aqbalay. Xaqiiqdii, waa Isaga Toobad Aqbalaha, Naxariista badan.”
  55. Oo [xusa] markii aad lahaydeen, “Muusow! Kuma rumeyn doonno jeer aan u aragno Allaah si caddaan ah.” Markaasay idin qabatay hanqar [hillaac] idinkoo arkaya [oo aad dhimateen].
  56. Misna waan idin soo bixinnay dhimashadiinnii kaddib, bal inaad shukridaan.
  57. Oo waxaannu idin ku haraynnay daruuro, oo waxaan idiin soo dajinnay manna [malab ama macaan] iyo salwaa [shimbir hilib wanaagsan, Annagoo leh] “Cuna waxyaalaha wanaagsan ee bannaan oo aan idin ku irzaaqnay,” [laakiinse waa caasideen], mana ayan na dulmin, laakiin waxay ahaayeen kuwa naftooda dulmiya.
  58. Oo [xusa] markii aan niri, “Gala magaaladan [Qudus] oo wax uga cuna haqab la’aan dhexdeeda si farxad leh meeshii aad doontaanba, oo ku gala albaabka sujuud [ama rukuucsanaan si khushuuc leh] oo dhahaya, ‘Noo danbi dhaaf,’ waxaannu idiin dhaafi doonnaa danbiyadiinna oo u ziyaadin doonaa [ajarka] sama falayaasha.”
  59. Markaasay ku baddaleen kuwii dulmiga falay eraygii lagu yiri mid aan ahayn, markaasaan uga soo dajinnay danbiilayaashii ciqaab xagga cirka, faasiqnimadoodii darteed.
  60. Oo [xus] markii uu Muusaa u dalbay biyo qoonkiisa, waxaannu niri, “Ku dhufo ushaada dhagaxa,” waxaana ka dillaacay durbadiiba halkaa labo iyo toban ilood. Waxay ogaatay [koox] walbaa oo dadka ka mid ah meesha ay ka cabbi lahayd biyaha. “Cuna oo wax ka cabba riziqa Allaah oo ha ku bi’innina arlada fasaad.”
  61. Oo [xusa] markii aad tiraahdeen, “Muusow! Kuma samri karno hal nooc oo cunto ah, ee noo bari Rabbigaa ha noo soo saaro’e waxa dhulka ka soo baxa, oo bagalkiisa leh iyo qisaagiisa iyo sareenkiisa iyo toontiisa iyo digirtiisa iyo basashiisa.” Wuxuu [Allaah] yiri, “Ma waxaad ku baddalanaysaan kan fiican kan liita? Aada oo u dega magaaladii aad doontaan waxaadna ka heli doontaan waxa aad rabtaan.” Waxaana lagu daboolay oo dusha laga saaray dulli iyo dar xumo, waxayna u soo jiideen naftooda carada Allaah. Taasina sababteeda waa inay ku gaaloobi jireen Aayadaha Allaah, oo ku dili jireen Nabiyada dulmi iyo xaq darro. Taasi waa caasiyoobiddoodii darteed iyo xadgudubkoodii.
  62. Xaqiiqdii! Kuwa [Xaqa] rumeeyay [Muslimiinta] iyo kuwa ah Yahuudda iyo Nasaarada [Kirishtaha], iyo Saabi’iintaba, kii kastoo rumeeya Allaah iyo Maalinta Dambe [Aakhirada] oo fala camallo wanaagsan oo suubban, waxay ku leeyihiin abaalkooda Rabbigood agtii, cabsi korkoodu ma ahaan doonto, mana murugoon doonaan.
  63. Oo [xusa Ilmahii Israa’iilow] markii aan idin ka qaadnay wacadkiinna, oo aan idin ka kor yeelnay buurta [Annagoo leh], “Ku qaata waxa aan idin siinnay xoog [go’aan adag], oo xusa waxa ku yaal dhexdiisa, si aad u dhawrsataan.”
  64. Markaas baad jeensateen intaas kaddib, haddii uusan jirin Fadliga Allaah iyo Naxariistiisa korkiinna, waxaad hubaashii ka mid ahaan lahaydeen kuwa khasaaray
  65. Oo waxaad dhabtii ogtihiin kuwiinnii ku xadgudbay arrinkii [maalinta] Sabtida, Waxaannuna ku niri, “Noqda daayeerro dullaysan.”
  66. Markaasaan uga dhignay cibrad iyaga naf ahaantooda, iyo facyadii ka dambeeyay iyo cashar ay ku waano qaataan kuwa ka dhawrsada [xumaha].
  67. Oo [xus] markii uu Muusaa ku yiri qoonkiisii, “Wuxuu xaqiiqdii Allaah idin amrayaa inaad gawracdaan sac.” Waxay yiraahdeen, “Miyaad nagu jeesjeeseysaa?” Wuxuu [Muusaa] yiri, “Waxaan ka magan galayaa Allaah inaan ka mid noqdo jaahiliinta.”
  68. Waxay yiraahdeen, “Noo bari Rabbigaa inuu noo caddeeyo waxa ay tahay.” Wuxuu [Muusaa] yiri, “Wuxuu [Allaah] leeyahay, waa sac aan duq ahayn iyo ugub midna, oo u dhexeeya labadaa xaaladood, ee u fala waxa la idin amray.”
  69. Waxay yiraahdeen, “Noo bari Rabbigaa inuu noo caddeeyo midabkeeda.” Wuxuu [Muusaa] yiri, “Wuxuu [Allaah] leeyahay waa sac boore ah oo midabkiisu takhti yahay, oo ay u bogayaan wixii arka.”
  70. Waxay yiraahdeen, “Noo bari Rabbigaa inuu noo caddeeyo waxa ay tahay, xaqiiqdii lo’dii baa isaga kaaya ekaatay, hubaashii innagu haddii uu Allaah idmo waxaan ahaan doonnaa kuwo hanuunsan.”
  71. Wuxuu [Muusaa] yiri, “Wuxuu [Allaah] leeyahay waa sac aan u tababarnayn inay fasho dhulka iyo inay waraabiso beeraha midna, fayoow, aan lahayn wax midab kale ah boore takhti ah maahee.” Waxay yiraahdeen, “Haatan baad la timid xaqa.” Markaasay gawraceen inkastoo ay ku sigteen inaysan falin.
  72. Oo [xusa] markii aad disheen naf oo isku tuurtuurteen eedda ciddii fashay danbiga, oo Allaah waa soo bixin wixii aad qarinayseen.
  73. Oo waxaan niri, “Ku dhufta [ninka la dilay] qayb ka mida [saca].” Sidaas buu Allaah u soo nooleeyaa maytida, oo idiin tusinayaa Aayadahiisa [calaamooyinkiisa, xujooyinkiisa iyo wixi lamid ah] si aad u garawsataan.
  74. Dabeeto intaas kaddib, quluubtiinnii waa qallaleen, oo noqdeen dhagxaanta oo kale, ama ka qallayl badanba, oo waxaa xaqiiqidii jira dhagxaan ay kasoo burqadaan wabiyo, oo waxaa xaqiiq ku jira dhagaxaanta kuwo dildillaaca oo biyuhu kasoo baxaan xaggooda, oo waxaa xaqiiqdii ku jira [dhagaxaanta] kuwo la soo dhaca cabsida Allaah darteed, oo Allaah ma mooga waxa aad falaysaan.
  75. Ee ma waxaad damcaysaan [mu’miniintaay] inay rumeeyaan [Yahuudda] diintiinna [oo ay Xaqa soo raacaan] iyagoo ay xaqiiqa tahay in qaar ka mid ah [culimada Yahuudda] ay caadaysteen inay dhagaystaan Hadalka Allaah [Tawraadda], oo dabadeed baddalaan intay fahmeen kaddib iyagoo og [inay gafsan yihiin]?
  76. Oo markii ay [Yahuuddu] la kulmaan kuwa [Xaqa] rumeeyay [Muslimiinta] waxay yiraahdaan, “Waan rumaynay [Islaamka]”, markiise ay la kaliyoobaan qaarkoodba qaarka kale kulan gaar ah, waxay yiraahdaan, “Ma waxaad idinku [Yahuuday] uga sheekeynaysaan [oo u qiraysaan Muslimiinta] waxa Allaah idiin soo dajiyay waxyi ahaan idinka [Yahuudda, ee ku saabsan tilmaamaha Nabi Muxammad ee ku yaal Tawraadda], si ay iyagu [Muslimiintu] idinkula doodaan arrintaa Rabbigiin horti? Ma waydaan caqli lahayn?”
  77. Ma waysan ogayn [Yahuuddu] in Allaah og yahay waxa ay qarinayaan iyo waxa ay muujinayaanba?
  78. Oo waxaa ka mid ah [Yahuudda] dad caamo ah aan waxna aqriyin, oo aan aqoon Kitaabka, hase yeeshee isku halleeya hididdiilooyin been ah oo wax ku dhisa male uun.
  79. Ee hoog waxaa leh kuwa ku qora Kitaabka [Tawraadda] gacmahooda misna oranaya, “Kani wuxuu ka yimid xagga Allaah,” si ay ugu gataan qiimo yar. Hoog baa ugu sugnaaday waxa ay gacmahooda qorayaan, oo hoog baa ugu sugnaaday waxa ay kasbanayaan.
  80. Oo waxay [Yahuuddu] yiraahdaan, “Nama taabanayso Naari wax aan ahayn ayaamo tirsan.” Ku dheh [Muxammadow], “Ma waxaad ka sameysateen cahdi xagga Allaah, sidaa darteed Allaah ma jebin doono cahdigiisa? Mise waxaad Allaah ka sheegeysaan wax aydaan ogeyn?”
  81. Mayee, kii kastoo kasbadaa xumaan oo uu koobo gafkiisa, kuwaasu waa ehlu-Naar wayna ku waarayaan dhexdeeda waligood.
  82. Kuwase [Xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan oo suubban, kuwaasu waa ehlu-Janno, wayna ku waarayaan dhexdeeda waligood.
  83. Oo [xus] markii aan ka qaadnay wacadka ilmahii Israa’iil, [Annagoo leh], “Ha caabudina axadna Allaah [Keliya] maahee, oo wanaajiya waalidka, qaraabada, agoonta iyo masaakiinta, oo kula hadla dadka hadal wanaagsan, oo ooga salaadda, oo bixiya Zakada,” markaas baad jeesateen in yar maahee oo idin ka mid ah idinkoo [Xaqa] diiddan.
  84. Oo [xusa] markii aan idin ka qaadnay wacadka [Annagoo idin leh], “Ha iska daadinnina dhiig [ha is dilina], oo ha iska saarina guryihiinna,” markaas baad qirteen oo idinka baa ka markhaati ah.
  85. Misna, waa idinka kuwa isdilaya oo ka saaraya qaar idin ka mid ah guryahooda, oo kala jiraya [cadawgooda] idinkoo isugu kaalmeynaya danbi iyo colaad, oo haddii ay idiin yimaadaan iyagoo qafaal ah waad furataan, iyadoo ay xaaraan idin ka tahay saariddoodu. Ee ma waxaad rumeyneysaan qaar ka mid ah Kitaabka oo ku gaaloobeysaan qaar? Ee muxuu yahay abaalka kuwa sidaas fala ee idin ka mid ah aan ahayn in lagu dulleeyo nolosha adduunkan? Maalinta Qiyaamahana waxaa loo celin doonaa cadaabta tan u daran. Oo Allaah ma mooga waxa aad falaysaan.
  86. Kuwaasu waa kuwa siistay nolosha adduunkan qiima ahaan Aakhirada, marka lagama khafiifin doono cadaabta loomana gargaari doono.
  87. Oo Waxaan dhabtii siinnay Muusaa Kitaabka [Tawraadda], oo raacinnay Rusul is xigsata, oo Waxaannu siinnay Ciisaa wiilkii Maryam calaamooyin cad cad oo ku xoojinnay Ruuxul Qudus [Jabriil]. Ee mar kastoo uu idiin la yimaado Rasuul waxaysan naftiinnu jeclayn ma iska waynaysaan? Qaar aad beenisaan, qaarna aad dishaan.
  88. Oo waxay yiraahdeen, “Qalbiyadayada waa qufulan yihiin [ma maqlaan ama fahmaan hadalka Allaah].” Mayee, Allaah baa ku lacnaday gaalnimadooda darteed, marka waa wax yar intay rumeeyaan.
  89. Oo marka uu u yimid [Yahuudda] Kitaab [Qur’aankan] ka yimid xagga Allaah oo rumeynaya waxa ay haystaan [Tawraadda iyo Injiilka], iyagoo awal hore ay ka baryayeen Allaah [imaanshaha Muxammad] si ay guusha uga yeeshaan kuwii gaaloobay, markiise uu u yimid kaasi ay garanayeen bay ku gaaloobeen, ee lacnadda Allaah dushooda ha ahaato gaalada.
  90. Maxay wax baas ahaatay waxa ay siisteen nafahooda, waa inay ku gaaloobaan waxa Allaah soo dajiyay [Qur’aanka] xasad darti in Allaah uu ku soo dajiyo Fadligiisa ciddii uu doono oo ka mid ah addoomihiisa. Marka waxay la noqdeen caro loo geeyay caro, oo gaaladu waxay leeyihiiin cadaab dullaysa.
  91. Oo marka lagu yiraahdo [Yahuudda], “Rumeeya waxa Allaah soo dajiyay,” waxay yiraahdaan, “Waxaannu rumeyn waxa nalagu soo dajiyay,” waxayna ku gaaloobaan waxa ka dambeeyay, isagoo xaq ah rumeynaya waxa ay haystaan. Ku dheh [Muxammadow], “Maxaad haddaba u disheen Anbiyada Allaah awal hore, haddii aad tihiin mu’miniin?”
  92. Oo wuxuu dhabtii Muusaa idiin la yimid xujooyin cad cad, ha yeeshee waxaad u sameysateen [inaad caabuddaan] dibi markii uu tagay kaddib idinkoo daalimiin ah.
  93. Oo [xusa] markii aan idin ka qaadnay wacadka, oo korkiinna yeelay buurta [Annagoo leh], “Ku qaata waxa aan idin siinnay xoog [go’aan adag] oo maqla [hadalkayaga],” waxay yiraahdeen, “Waan maqallay oo caasinnay.” Oo waxaa la cabsiiyay qalbiyadooda [jacaylka] dibiga [ay caabudeen] gaalnimadooda darteed. Dheh, “Waxaa baas leh waxa iimaankiinnu idin amrayo haddii aad tihiin mu’miniin.”
  94. Ku dheh, “Haddii daarta Aakhiro Allaah agti ah ay tahay mid idiin gaar ah oo ayan wax ku lahayn cid kale oo dadka ka mid ah, marka jeclaada dhimasho haddii aad run sheegaysaan.”
  95. Mase jeclaan doonaan [dhimasho] waligood, waxa ay gaysteen gacmahoodu awgi, oo Allaah waa yaqaan daalimiinta.
  96. Oo waxaad hubaashii ka heli doontaa inay yihiin kuwa dadka ugu jecel oo ugu dadaal badan nolosha, [xitaa waxay ka sii nolol jecel yihiin oo uga dadaal badan yihiin] kuwa u shariig yeela Allaah. Mid walbaa oo ka mid ah wuxuu jecel yahay in la siin lahaa nolol gaaraysa kun sano. Siinta da’daa oo kale kama badbaadin doonto midkoodna xitaa wax yar oo cadaabta uu mudan yahay ah. Oo Allaah waa arkaa waxay ay falayaan.
  97. Dheh [Muxammadow], “Kii u ah cadaw Jabriil [ha ku dhinto ciilkiisa],” waayo wuxuu xaqiiqdii ugu soo dajiyay [Qur’aankan] qalbigaaga Idinka Allaah, isagoo [Qur’aanku] rumeynaya wixii lasoo dajiyay horti [Tawraadda iyo Injiilka] oo u ah hanuun iyo bishaaro wanaagsan mu’miniinta.
  98. “Kii cadow u ah Allaah, Malaa’igtiisa, Rusushiisa, Jibriil iyo Miikaal, xaqiiqdii Allaah waa u cadaw gaalada.”
  99. Oo Waxaan dhabtii kuugu soo dajinnay aayado cad cad, oo kuma gaaloobaan [aayadahaa] waxaan ahayn faasiqiinta.
  100. Mar kasta oo ay galaan cahdi, waxaa tuura oo buriya qaar kamid ah. Mayee! Badankoodu waxba ma rumeyn.
  101. Oo marka uu uga yimid Rasuul xagga Allaah [waa Muxammad] oo rumaynaya waxa ay haysteen [Tawreedda], qaar kamid ahi kuwii la siiyay Kitaabka [culimada Yahuudda] waxay ka tuureen Kitaabka Allaah dhabarradooda gadaashood, sidii inayan garaneynba.
  102. Oo waxay raaceen [gaaladii Yahuudda] wixii ay shayaadiinta aqriyaysay [sixirka beenta iyo baadilka ah] waayihii uu noolaa Sulaymaan. Mana gaaloobin Sulaymaan, laakiinse sheydaammada baa gaaloobay, waxay baraan dadka sixirka iyo wixii lagu soo dajiyay labadii malag ee Baabil Haaruut iyo Maaruut, mana baraan cidna [waxyaalahaa oo kale] jeer ay ku yiraahdaan, “Waxaannu innagu nahay oo keliya fitno [imtixaan], ee ha gaaloobin.” Waxayna ka bartaan waxa ay sababaan inay ku kala diraan nin iyo naagtiis, waxbase kuma ay yeeli karaan sidaasi cidna Idinka Allaah ma’ahee. Waxayna bartaan waxaa waxyeelaya oo aan wax u tarayn. Oo waxay dhabtii og yihiin [Yahuuddu] in ciddii sixir barataa oo ka siista ku lahaan doonin wax saami ah Aakhirada. Maxayna wax xun tahay oo baas waxaa ay siisteen nafahooda, haddii ay ogaan lahaayeen.
  103. Oo haddii ay [Xaqa] rumayn lahaayeen, oo ka dhawrsan lahaayeen xumaha, abaalka ah xagga Rabbigood baa uga khayr badnaan lahaa, haddii ay ogaan lahaayeen.
  104. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Ha ku orannina [Rasuulka] ‘raacinaa’ [erey labo waji loo adeegsan karo mid waa “Nasoo day,” midna waa “Keennii noogu xumaayow,” waxaana isticmaali jirey Yahuudda laqdabo darteed marka Muslimiintooy ha orannina “Raacinaa”], dhahayase ‘undurnaa’ [na garansii] waxna maqla. Oo gaaladu waxay leeyhiin cadaab xanuun badan.
  105. Ma jecla kuwa gaaloobay oo ka mid ah ehlu-Kitaabka [Yahuudda iyo Nasaarada] iyo mushrikiintaba in wax khayr ah la idiin kasoo dajiyo xagga Rabbigiin. Wuxuuse Allaah ku gaar yeelaa Naxariistiisa oo u doortaa ciddii uu doono. Oo Allaah waa kan iska leh Galladda wayn
  106. Wixii ah Aayad [Waxyi, Kutub ka yimid xagga Allaah] aan nasakhno ama aan sababno in la illaawo, Waxaan keennaa mid ka wanaagsan ama la mid ah. Sow ma ogid in Allaah uu wax walba karo?
  107. Sow ma ogid in Allaah leeyahay mulkiga cirarka iyo dhulka? Oo ma lihidin Allaah sokadi wax wali ah [ilaaliye, wakiil, gacal], iyo gargaare midna
  108. Mise waxaad rabtaan inaad su’aashaan Rasuulkiinna [Muxammad] sidii Muusaa loo su’aalay awal hore [waa su’aashii aheyd na tus si caddaan ah Rabbigayo]. Kiina ku beddeshaa gaalnimo iimaan, xaqiiqdii wuxuu ka dhumay jidka toosan.
  109. Waxay jecel yihiin in badan oo ehlu-Kitaabka ah [Yahuudda iyo Nasaarada] haddii ay idiin beddeli karaan iimaankiinna kaddib gaalo xasad darti ahaaday naftooda, kaddib markii uu xaqu u caddaaday. Ee iska cafiya iskana saamaxa, inta Allaah ka keenayo Amarkiisa. Xaqiiqdii, Allaah wax walba waa uu Karaa.
  110. Oo u ooga salaadda si wanaagsan, oo bixiya Zakada, wixii aad u hormarisaan naftiinna oo khayr ah, waxaad ka heleysaan Allaah agti. Hubaashii, Allaah waxa aad falaysaan waa arkaa.
  111. Oo waxay yiraahdeen, “Ma gali doono Jannada qof aan ahayni Yahuud ama Nasaaro.” Taasi waa hididdiiladooda. Dheh [Muxammadow], “La kaalaya caddayntiinna haddii aad run sheegaysaan.”
  112. Kiise u hoggaamiya Wajigiisa [naftiisa] Allaah isagoo sama fale ah, wuxuu ku leeyahay abaalkiisu Rabbigi agti, kuwaasi oo kale ma ahaan doonto korkooda cabsi, mana murugoon doonaan.
  113. Yahuudi waxay tiri, “Nasaaro waxba ma aha [oo kuma taagna diinta xaqa ah]” Nasaarana waxay tiri, “Yahuuddu waxba ma aha [oo kuma taagna diinta xaqa ah]” iyagoo labaduba aqriyaan kitaabka [Tawreed iyo Injiilba]. Hadalkoodaas oo kalena waxaa yiri [mushrikiinta Carbeed] aan wax ogayn. Allaah baa kala xukumi doona dhexdooda Maalinta Qiyaamaha wixii ay isku diiddanaayeen.
  114. Oo yaa ka dulmi badan kuwa diida in Masaajidda Allaah dhexdiisa lagu xuso Magaciisa, oo ka shaqeeya kharaabintooda? Ma ahayn wax habboon in kuwaasi oo kale ay galaan [Masaajidda Allaah] iyagoo cabsanaya ma’ahee. Kuwaasu waxay ku leeyihiiin adduunkan dulli, Aakhiradana cadaab wayn.
  115. Oo Allaah baa iska leh bari iyo buguxba [galbeed], meel kastoo aad u jeedsataan waxaa jira Wajiga Allaah [Allaahna waa sarreeyaa oo kor buu jiraa, Carshigiisa korkiisa]. Hubaashii, Allaah waa Waasic, Cilmi Badan.
  116. Waxay [Yahuudda, Nasaarada, iyo mushrikiinta] yiraahdaan, “Allaah wuxuu yeeshay ilmo.” Ka nazahan [waana ka sarreeyaa dhammaan waxa ay u shariig yeelayaan]. Mayee Isaga baa leh waxa ku sugan cirarka iyo dhulka, oo kulligoodba Allaah bay u hoggaansan yihiin.
  117. Askumaha cirarka iyo dhulka, marka uu gooyo arrin, wuxuu oo keliya ku yiraahdaa, “Ahow!” waana ahaadaa.
  118. Oo waxay yiraahdeen kuwa aan wax ogayn, “Muxuu Allaah noola hadli waayay [fool ka fool] ama noogu iman weydey calaamo [mucjizo]?” Sidaas oo kale bay yiraahdeen kuwii ka horreeyay hadalkooda oo kale. Waxaa isu ekaaday qalbiyadooda. Waxaan dhabtii uga yeelnay wax cad calaamooyinka qawmkii wax yaqiinsan.
  119. Waxaan Xaqiiqdii Annagu kugu soo dirnay [Muxammadow] Xaq, adigoo u bishaaraynaya [mu’miniinta] oo u digaya [gaalada] waxnana lagaama weydiin doono ehlu-Naarka.
  120. Marnaba kaama raalli noqon doonaan [Muxammadow] Yahuudda iyo Nasaarada jeer aad raacdo diintooda. Dheh, “Xaqiiqdii, hanuunka Allaah, kaas baa ah hanuunka xaqa ah.” Haddiina aad adigu [Muxammadow] raacdo hawadooda kaddib wixii kuu yimid oo cilmi ah, kama heleysid xagga Allaah wax wali ah [ilaaliye, wakiil, gacal] iyo gargaare midna.
  121. Kuwa aan siinnay Kitaabka baa aqriya [macnaha adeeca amarradiisa oo raaca waxa uu amro] sida la doonayo in loo aqriyo [waa loo raaco], kuwaas baana rumaysan. Kiise ku gaalooba [Qur’aanka], waa kuwaas kuwa khasaaray.
  122. Ilmahii Israa’iilow! Xusa Nicmaddeydii aan idiin ku nicmeeyay iyo inaan idin ka doortay Caalamiinta [dadkii iyo jinkii waayihiinii ahaa].
  123.  Oo iska jira Maalinta [Qiyaamaha] marka uusan qofi wax u tari doonin qofna, furashana aan laga aqbalayn, shafeecana aysan wax u tari doonin, aanna loo gargaari doonin.
  124. Oo [xus] marka uu Allaah ku imtixaanay Ibraahiim ereyo [amarro go’an], uuna oofiyay. Wuxuu [Allaah] ku yiri [Ibraahiim], “Waxaan xaqiiqdii kaaga dhigayaa dadka imaam.” [Ibraahiim] wuxuu yiri, “Iyo qaar ka mid ah durriyadayda,” [Allaah] wuxuu yiri, “Cahdigaygu [Nabinnimo iyo wixi lamid ah] ma gaaro daalimiinta.”
  125. Oo xus markii aan ka yeelnay Baytka [Kacbada ku taal Makkah] meel dadku ku kulmo oo aammin ah, oo ka yeesha idinka [dadow] Maqaamkii Ibraahiim meel lagu tukado [labada rakcadood ee Dawaafka]. Waxaannuna amarnay Ibraahiim iyo Ismaaciil inay u daahiriyaan Baytkayga [Kacbada] kuwa ku dawaafaya, ama ku nagaya, iyo kuwa rukuucaya ee sujuudaya.
  126. Oo xus markii uu Ibraahiim yiri, “Rabbiyow, ka yeel magaaladan [Makkah] balad aamin ah, oo ku irzaaq dadkeeda miro, kooda rumeeya Allaah iyo Maalinta Dambe [Qiyaamaha].” Wuxuu [Allaah] yiri, “Kan gaaloobana, waxaan u raaxayn doonaa in yar, dabeeto waxaan badi doonaa cadaabta Naareed, waxaana guri baas oo ba’ay ahaaday rugtaa meel loo noqdo u xun.”
  127. Oo xus markii ay Ibraahim iyo [wiilkiisii] Ismaaciil kor u qaadayeen aasaaska Baytka [Kacbada iyagoo lahaa], “Rabbiyow! Naga aqbal [hawshan] waxaad xaqiiqdii Adigu tahay maqal badanaha, cilmiga badan.
  128. “Rabbiyow! Oo naga yeel kuwa kuu hoggaansan Adiga, qaar kamid ah durriyadaydana ka yeel ummad kuu hoggaansan, oo na tus manaasiktayada [dhammaan falalka iyo arrimaha la xiriira hawlaha Xajka Iyo Cumrada, iyo wixi lamid ah], oo aqbal tawbadayada. Waxaad xaqiiqdii Adigu tahay Tawbad Aqbal Badanaha, Naxariista Badan.
  129. “Rabbiyow! Ka soo dhex bixi Rasuul ka mid ah [dhab ahaantiina Allaah waa ajiibay ducadoodii Isagoo u soo diray Muxammad], oo u aqriya Aayadahaaga oo bara Kitaabka [Qur’aanka] iyo Al-Xikmah [Sunnada] oo hufa. Waxaad xaqiiqdii Adigu tahay Awood Badanaha, Xikmadda badan.
  130. Oo yaa ka jeesada diintii Ibraahiim mid maahee xumeeyay naftiisa? Oo waxaan dhabtii ku doorannay adduunkan, oo xaqiiqdii, Aakhirada wuxuu ka mid yahay kuwa wanaagsan.
  131. Markii uu Rabbigi ku yiri, “Hoggaansan!” wuxuu yiri, “Waxaan u hoggaansamay Rabbiga uumanka.”
  132. Oo wuxuu u dardaarmay Ibraahiim arrintaas [Islaamka] ilmihiisii, oo Yacquub baa isna kula dardaarmay ilmihiisii [isagoo leh], “Maandhooyinow! Allaah wuxuu idiin dooray diinta [xaqa ah] ee ha dhimannina idinkoo aan Muslim ahayn.”
  133. Mise waxaad ahaydeen goob joog markii ay geeridu u timid Yacquub? Markii uu ku yiri ilmihiisii, “Maxaad caabudaysaan gadaashay?” Waxay yiraahdeen, “Waxaan caabudaynaa Ilaahaaga [Allaah] Ilaahii aabbayaashaa Ibraahiim, Ismaaciil iyo Isxaaq, oo Ilaah kaliya ah, oo Isaga baannu u hoggansannahay.”
  134. Taasu waa ummad tagtay, waxay leedahay abaalka wixii ay kasbadeen, idinkuna waxaad leedihiin waxaad kasbateen, mana la idin waydiinayo wixii ay faleen.
  135. Oo waxay yiraadeen, “Noqda Yahuud ama Nasaaro [Kirishtaan] aad hanuuntaane.” Ku dheh [Muxammadow], “Mayee, [waxaan raacaynaa] oo kaliya diintii Ibraahiim ee toosan, kamanuu mid ahayn mushrikiinta.”
  136. Dhahaya [Muslimiintooy], “Waxaan rumaynay Allaah iyo waxa naloo soo dajiyay iyo wixii loo soo dajiyay Ibraahiim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub, iyo Al-Asbaad [labo iyo tobankii wiil ee Yacquub], iyo wixii la siiyay Muusaa iyo Ciisaa, iyo wixii laga siiyay Nabiyada xagga Rabbigood. Kala sooci mayno axad ka mid ah iyaga, oo Isaga [Allaah] baan u hoggaansannahay.”
  137. Ee haddii ay rumeeyaan sida aad u rumayseen oo kale, waa kuwo dhabtii hanuunsan, haddiise ay jeesadaan waxay ku sugan yihiin khilaaf fog, ee Allaah baa kaa kaafin doona, Waana Isaga Maqal Badanaha, Cilmiga Badan.
  138. Asliddayadu [diintayadu] waa aslidda [diinta], Allaah [Islaamka] ee asliddee [diintee] baa ka wanaagsan diinta Allaah? Innaguna Isaga [Kaliya] baan caabudaynaa.
  139. Ku dheh [Muxammadow, Yahuudda iyo Nasaarada], “Ma waxaad nalaga doodaysaan arrinka Allaah Isagoo Isagu ah Rabbigayo iyo Rabbigiin? Oo waxaan leennahay oo nalaga jaazayn acmaashayada, idinkana acmaashiinna. Innaguna Isaga baynu u kali yeelaynaa cibaadada.”
  140. Mise waxaad leedihiin Ibraahiim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub iyo Al-Asbaad [labo iyo tobankii wiil ee Yacquub] waxay ahaayeen Yahuud ama Nasaaro? Dheh, “Ma idinka baa og mise Allaah? Oo yaa ka dulmi badan mid qariya marag agtiisa ah uu ka heysto Allaah? Oo Allaah ma mooga waxa aad falaysaan.”
  141. Taasi waa ummad tagtay. Waxay la kulmi doonaan abaalka wixii ay kasbatay, idinna waxa aad kasbataan, la idinmana waydiinayo wixii ay falayeen.
  142. Waxay oran doonaan maangaabyadu [Mushrikiinta, munaafiqiinta iyo Yahuudda] ee ka mid ah dadka, “Maxaa ka jeediyay [Muslimiinta] qibladdoodii [xagga Qudus] ay qaabili jireen waqtiga salaadda?” Dheh [Muxammadow], “Allaah baa iska leh dhanka bari ay qorraxda ka soo baxdo dhanka galbeedba ee qorraxdu u dhacdo. Wuxuu ku hanuuniyaa ciddii uu doono Jid Toosan.”
  143. Sidaas baan idiin ka dhignay ummad caadil ah [iyo tan u wanaagsan ummadaha], si aad marag ugu ahaataan dadka, oo Rasuulku [Muxammad] ugu ahaado marag korkiinna. Waxaana u yeelnay Qibladdii [ahayd xagga Qudus] aad u jeesan jirteen oo kaliya si aan u kala muujinno kuwa raacaya Rasuulka [Muxammad] iyo kuwaa dib ugu noqonaya cirbahooda [oo gaaloobaya], waana arrin ku culus oo ku wayn kuwaa maahee uu Allaah hanuuniyay. Oo Allaah marnaba ma dhuminayo iimaankiinna [salaadahiinnii aad u tukateen xagga Qudus]. Xaqiiqdii Allaah waa Turid Badane, u Naxariis Badan dadka.
  144. Waxaan dhabtii aragnay u jeedinta Wajigaaga [Muxammadow] xagga samada. Ee Waxaan hubaashii kuu jeedinaynaa Qiblad aad ku raalli noqoneyso, ee u jeedi wajigaaga xagga Al-Masjid Al-Xaraam [Kacbada ku taal Makkah]. Meel kasta oo aad dadow joogtaanna, u jeediya wajiyadiinna [marka aad tukanaysaan] xagga jihadaa [Masjidka Xaramka, Kacbada]. Oo hubaashii kuwa la siiyay Kitaabka [Yahuudda iyo Nasaarada] waa og yihiin in [u jeesigiinna xagga jihada Kacbada ku taal Makka marka aad tukanaysaan] ay tahay xaq ka yimid xagga Rabbigood. Oo Allaah ma mooga waxa aad falaysaan.
  145. Oo haddii aad ula timaaddo ehlu-Kitaabka [Yahuudda iyo Nasaarada] Aayad kasta ma raacayaan Qibladdaada, Adiguna ma raacaysid qibladdooda. Qaarkoodna ma aha kuwo raacaya Qiblada qaarka kale. Haddiina aad raacdo hawadooda kaddib waxa kuu yimid oo cilmi [xagga Allaah ah], waxaad xaqiiqdii adigu ka mid ahaan daalimiinta.
  146. Kuwii aan siinnay Kitaabka [Yahuudda iyo Nasaarada] waxay u garanayaan [Muxammad ama Kacbada ku taal Makkah] sida ay u garanayaan caruurtooda. Oo xaqiiqdii qaar ka mid ah waxay qariyaan xaqa [sifaadka Muxammad ee ku yaal Tawraadda iyo Injiilka] iyagoo ogsoon.
  147. Xaqu wuxuu ka yimid Rabbigaa, ee ha ka mid ahaan kuwa shakiya.
  148. Qolo walbaa waxay leedahay jiho ay dhawrto [oo raacdo waqtiga salaaddooda], ee u tartama xagga wixii wanaagsan oo dhan. Meel kasta oo aad joogtaanba, Allaah waa uu idin wada keeni [oo kulmin] doonaa idinkoo dhan. Xaqiiqdii, Allaah wax walba waa karaa.
  149. Meel kasta oo aad u baxdo, u jeedi Wajigaaga xagga al-Masjid al-Xaraam [ee ku yaal Makkah], taasi dhabtii waa xaq ka yimid xagga Rabbigaa, oo Allaah ma mooga waxa aad falaysaan.
  150. Meel kasta oo aad u baxdo u jeedi Wajigaaga xagga jihada al-Masjid al-Xaraam [ee ku yaal Makkah], meel kastoo aad joogtaanna u jeediya wajiyadiinna jihada al-Masjid al-Xaraam [marka aad tukanaysaan] si aanay dadku idiin ku helin wax xujo ah marka laga reebo kuwaa dulmiga fala, ee haka baqina, ee iga baqa Aniga oo Keliya. Waana si aan idiinku taam yeelo Nicmaddayda korkiinna, iyo inaad hanuuntaan.
  151. Sidaas oo kale [si aan idiinku taam yeelo Nicmaddayda korkiinna] waxaan soo dirnay dhexdiinna Rasuul [Muxammad] idinka mid ah oo idiin akhriyaya Aayadahayaga [Qur’aanka] oo idin daahirinaya, oo idin baraya Kitaabka [Qur’aanka] iyo Xikmadda [Sunnada], oo idin baraya wax aydaan aqoon jirin.
  152. Ee i xusa Aniga, aan idin xusee, igu shukriya oo marnaba ha iga abaal dhicina.
  153. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Kaalmaysta sabarka iyo salaadda. Xaqiiqdii! Allaah wuxuu la jiraa kuwa sabra.
  154. Oo ha dhihina kuwa lagu dilo jidka Allaah [Jihaadka], “Waa dhinteen.” Mayee, waa nool yihiin, laakiinse ma dareemeysaan.
  155. Oo waxaan hubaashii idinku imtixaani doonnaa wax xoogaa cabsi ah, gaajo, nusqaamin maalka iyo nafaha iyo mirahaba ah, ee u bishaaree kuwa sabra.
  156. Kuwa marka ay ku dhacdo masiibo yiraahda, “Allaah baa na leh oo innagu Xaggiisa baan u noqoneynaa.”
  157. Kuwaas waxaa korkooda ah Barakooyin [iyo danbi dhaaf] xagga Rabbigood ah iyo Naxariis, waana kuwaas kuwa hanuunsan.
  158. Xaqiiqdii as-Safaa iyo al-Marwa [laba buurood oo ku yaal Makkah] waxay ka mid yihiin Calaamooyinka [Waynaynta] Allaah, ee qofkii usoo xajiyaa ama usoo cimraystaa baytka [Kacbada ku taal Makkah] ma aha danbi korkiisa inuu gutaa sacyiga [wareegaalaysiga] dhexdooda ah, kii kastoona falaa khayr iskiis ah, xaqiiqdii Allaah waa Shukriye, Cilmi Badan.
  159. Xaqiiqdii, kuwa qariya waxa aan soo dajinnay oo xujooyinka cad cad ah, iyo hanuunka, kaddib markii aan ugu caddaynay dadka Kitaabka dhexdiisa, kuwaas waxaa lacnada Allaah, oo waxaa lacnada inta wax lacnada [mu’miniinta iyo malaa’igta].
  160. Marka laga reebo kuwa tawbad keena ee fala camallo wanaagsan oo suubban, oo si cad u muujiya [xaqii ay qariyeen]. Kuwakani, waa aan ka aqbali doonaa tawbadooda. Aniguna waxaan ahay tawbad aqbalaha, Naxariista Badan.
  161. Xaqiiqdii, kuwa gaaloobay, oo dhinta iyagoo gaalo ah, kuwaas waxaa korkooda ah lacnadda Allaah, iyo malaa’igta iyo dadka oo dhan.
  162. Waxayna ku waari doonaan dhexdeeda [Naarta iyo lacnadda], lagamana fududeeyo cadaabta, oo lama siiyo kansho.
  163. Oo Ilaahiinnu waa ilaah kaliya [Allaah], ma jiro ilaah xaq u leh in la caabudo oo aan isaga ahayn, Naxariistaha, Naxariista Badan.
  164. Xaqiiqdii, abuuridda cirarka iyo dhulka iyo is-dhaafka habeenka iyo maalinta, iyo doomaha la dhex mara badda waxa anfaca dadka, iyo waxa Allaah uu kasoo dajiyo cirka oo biyo ah uu ku nooleeyo dhulka dhimashadiisa kaddib, iyo waxa uu ku furdhiyay dhulka oo nafley nuuxnuuxsata ah, iyo gadgaddoonka dabaylaha, iyo daruuraha lagu hayo cirka iyo dhulka dhexdooda, waxaa ugu sugan Aayado qawmkii wax fahmaya.
  165. Oo waxaa kamid ah dadka kuwo samaysta Allaah sokadi wax lala caabudo oo ay la mid dhigaan, waxay u jecel yihiin sida ay u jecel yihiin Allaah. Kuwase [Xaqa] rumeeyay waxay jecel yihiin Allaah in ka badan [wax kale oo dhan]. Haddii oo keliya, kuwaa fala dulmiga [shirkiga iyo macaasida] arki lahaayeen, marka ay arki doonaan cadaabka [Aakhiro] waxay ogaan lahaayeen in awood oo dhan uu leeyahay Allaah, iyo in Allaah ay daran tahay cadaabtiisu.
  166. Marka ay kuwii la raacay iska beri yeelaan kuwii raacay, oo ay arkaan cadaabta, kalana go’o xiriirkoodii.
  167. Kuwii raacayna waxay oran doonaan, “Haddii oo keliya aan lahaan lahayn hal fursad aan ugu laabanno [noloshii adduunka] waan iska bari yeeli lahayn, sida ay iska kaanna beri yeeleen.” Sidaas buu Allaah u tusi doonaa camalladooda oo qoomammo ku ah. Marnabana kama bixi doonaan Naarta.
  168. Dadow! Cuna waxa dhulka ku sugan oo xalaasha wanaagsan ah, oo ha raacina tallaabooyinka Shaydaan, xaqiiqdii wuxuu idiin yahay cadaw iska cad.
  169. [Shaydaan] wuxuu idin amraa oo keliya wixii ah xumaan iyo danbi, iyo inaad ka sheegtaan Allaah wax aydaan ogayn.
  170. Oo marka lagu yiraahdo [gaalada], “Raaca waxa uu soo dajiyay Allaah.” Waxay yiraahdaan, “Mayee! Waxaannu raacaynaa wixii aan hellay aabbayaashayo oo [raacaya].” [Ma waxay raacayaan] walow aysan aabbayaashood wax garanayn, oo ayan ahayn kuwo hanuunsan?
  171. Tusaalaha kuwa gaaloobay waa sida mid u dhawaaqaya [xoolaha] aan wax maqlayn qaylada iyo dhawaaqa maahee. Waa dhega-la’ yihiin, oo af-la’ yihiin, oo indha-la’ yihiin, marka wax ma gartaan.
  172. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Wax ka cuna waxyaalaha xalaasha ah oo aan idin ku irzaaqnay, oo ku shukriya Allaah, haddii aad tihiin kuwo Isaga [Keliya] caabudaya.
  173. Wuxuu sideedaba idin ka xaaraameeyay xoolaha baqtiyay, dhiigga iyo hilibka doofaarka, iyo wixii loogu gawracay hadyi ahaan waxan ahayn Allaah [ama loo gawracay sanammo, iyo wixii aan Magaca Allaah lagu xusin markii la gawracayay]. Qofkiise ay dani ku kallifto isagoo ayan caasin ka ahayn oo aan xad gudbayn, ma jiro wax danbi ah oo saaran korkiis. Xaqiiqdii Allaah waa danbi dhaaf badane, Naxariis Badan.
  174. Xaqiiqdii, kuwa qariya waxa Alle soo dajiyay oo kamid ah Kitaabka, oo siista qiimo yar [oo adduun ah] kuwaas kuma cunayaan oo ma galinayaan caloolahooda wax kale dab maahee. Lamana hadlo Allaah Maalinta Qiyaamaha, mana daahiriyo, oo waxay leeyihiin cadaab xanuun badan.
  175. Kuwaasu waa kuwa ku iibsaday habawga hanuunka cadaabtana danbi dhaafka, ee maxaa uga dheerayn badan Naarta.
  176. Taasi waa inuu Allaah kusoo dajiyay Kitaabka [Qur’aanka] xaq, oo xaqiiqdii, kuwa isku khilaafay Kitaabka waxay ku sugan yihiin khilaaf fog.
  177. Ma aha al-Birr [samafal, toosnaan, baarrinimo, iyo wixi lamid ah] inaad u jeedisaan wajiyadiinna dhanka qorrax soo baxa iyo [ama] dhanka qorrax dhaca [salaadda gudaheed], laakiinse al-Birr [baarrinimadu, samaantu, toosnaantu] waa [sifada iyo tilmaanta] qofkii rumeeya Allaah, Maalinta Dambe [Aakhirada], malaa’igta, kutubta [Alle], Nabiyada, oo siiya maalkiisa isagoo jecel qaraabada, agoonta, masaakiinta, iyo tub ku joogaha [musaafirka jiscinkii ka go’ay], iyo kuwa wax waydiista, oo xoreeya qoor, oo ooga salaadda, oo bixiya zakada, oo oofiya ballantooda marka ay ballan galaan, oo sabra [adkaysta] waqtiga ay ku jiraan faqriga iyo jirrada iyo waqtiyada dagaalka. Kuwaasi waa kuwa ka run sheegay iimaankooda, waana kuwaas kuwa ka cabsada Allaah.
  178. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Waxaa la idin ku waajibiyay Qisaas xaaladda dilka, xorta xor, addoonkana addoon, dhaddigtana dhaddig. Qofkiise ay xigtadu [ama midkood] la qaraabada ah [qofka la dilay] ay ka cafiyeen walaalkood [dilaha] wax uun [aqbalaan inaan la dilin dilaha oo oggolaadaan inay qaataan diyo dilalka ula-kaca ah] markaa xigaalada [ruuxii la dilay] waa inay u waydiistaan diyada si wanaagsan oo sharaf leh, dilahuna waa inuu u bixiyaa oo u gudaa si wanaagsan oo sharaf leh. Tani waa fududayn iyo naxariis xagga Rabbigiin ah, ee qofkii xadgudbaa intaas kaddib [macnaha waa dila kii wax dilay kaddib markii uu qaatay diyada], wuxuu leeyahay cadaab xanuun badan.
  179. Oo waxaa idiin ku sugan Qisaaska nolol dadka waxgaradkow, si aad u dhawrsataan.
  180. Waxaa la idin ku waajibiyay marka uu mawtku usoo dhawaado midkiin, haddii uu ka tago maal inuu u sameeyo dardaaran waalidkiis iyo qaraabada xigta, si wanaagsan oo la yaqaan ah. [Tani waa] waajib la saaray kuwa ka cabsada Allaah.
  181. Qofkiise baddala dardaarankaa inta uu maqlay kaddib, danbigu wuxuu saaran yahay kuwa wax baddala. Xaqiiqdii, Allaah waa Maqal Badane, Cilmi Badan.
  182. Qofkiise uga cabsada dardaarme eex ama danbi oo hagaajiya dhexdooda, ma saarna danbi korkiisa. Xaqiiqdii Allaah waa danbi dhaaf badane, Naxariis Badan.
  183. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Waxaa la idin ku waajibiyay Soon, sidii loogu waajibiyay kuwii idin ka horreeyay, si aad u dhawrsanaataan.
  184. [Soonku] waa maalmo tirsan, ee qofkii idin kamid ah ee buka ama safar ah, waxaa korkiisa ah maalmo kale soonkood. Xagga kuwa uu soonku dhibayo [sida qof da’ ah, haweeney uur leh ama ilmo nuujinaysa, iyo wixi lamid ah] waxaa la siiyay [akhyaar inay soomaan ama] quudiyaan qof sabool ah [baddalka maalin kasta ay afuraan]. Qofkii falaa wanaag [khayr badsi] iski ah, isaga bay u roon tahay. Inaad soontaan baana idiin khayr badan haddii aad og tihiin.
  185. Bisha Ramadaan ee lasoo dajiyay dhexdiisa Qur’aanka isagoo hanuun u ah dadka iyo xujooyin cad oo hanuunka ah, iyo kala saarid [xaqa iyo baadilka], ee qofkii idin kamid ah ee arkaa bisha isagoo jooga degaankiisa [oo caafimaad qaba] waa inuu soomo, kiise buka ama safar ah waxaa saaran isla tiradii [maalmihii uusan soomin oo uu gudo] maalmo kale. Allaah wuxuu idin la rabaa fudayd, oo idinlama rabo culays. Waana inaad kaamishaan tirada [maalmaha] oo waynaysaan Allaah, inuu idin hanuuniyay darteed, iyo bal inaad shukridaan.
  186. Oo marka ay addoomahaygu ku waydiiyaan [Muxammadow] arrinkayga, Waxaan xaqiiqdii Anigu ahay mid u dhaw. Waxaan ajiibaa baryada baryootamaha, marka uu ii yeerto [dhexeeye ama shafeece la’aan], ee ha i adeeceen hana i rumeeyeen, si ay u hanuunaan.
  187. Waxaa la idiin banneeyay inaad u galmootaan [afooyinkiinna] habeenka soonka. Waxay idin yihiin libaas [hu, dhar, gaashaan ama wax lagu xasilo], idinkuna libaas baad u tihiin. Allaah waa og yahay inaad khiyaamayseen naftiinna, waana idin ka tawbad aqbalay oo idin cafiyay. Ee haatan u galmooda oo doona waxa Allaah idiin qoray [oo durriyad ah], oo cuna oo cabba ilaa liilanka cad [iftiinka] waabarku idiin ka caddaado liilanka madow [mugdiga habeenka], kaamilana soonka ilaa gabbal dhaca. Oo ha u galmoonnina [afooyinkiinna], idinkoo ku jira Ictikaaf masaajidda gudahooda. Kuwakani waa xuduudaha [uu dhigay] Allaah ee ha u dhawaanina. Sidaas buu Allaah ugu caddaynayaa Aayadihiisa dadka si ay u dhawrsadaan.
  188. Oo ha ku cunina maalkiinna dhexdiinna si xaq darro ah, idinkoo u dhiibaya laaluush xukaamta [qaalliyayaasha intaydaan soo bandhigin ammahiinna] si aad ugu cuntaan wax kamid ah maalka dadka danbi idinkoo og.
  189. Waxay wax kaa waydiiyaan [Muxammadow] bilaha cusub. Dheh, “Waa calaamooyin u tilmaama muddooyin xaddidan oo waqtiyo ah dadka iyo xajka. Oo ma aha Al-Birr [suubbanaan, samaan, toosnaan, baarrinimo, wanaagsanaan] inaad kasoo gashaan guryaha xagga duleedka ee al-Birr [waa tilmaanta qofka] ka cabsada Allaah, oo ka gala guryaha albaabbadooda, oo ka cabsada Allaah si aad u liibaantaan.”
  190. Oo kula dirira Jidka Allaah kuwa idin la dirira, oo ha xadgudbina. Xaqiiqdii, Allaah ma jecla xadgudbayaasha.
  191. Oo ku dila meeshii aad ka heshaanba, kana saara meeshii ay idin ka saareenba. Fitnada baana ka daran dilka. Oo ha kula diririna al-Masjid al-Xaraam agtiisa in maahee ay iyagu [marka hore] idinkula diriraan. Haddiise ay idinkula diriraan la dirira, waa sidaas jaazada gaalada.
  192. Haddiise ay meel joogaan, Allaah waa danbi dhaaf badane, naxariis badan.
  193. Oo la dirira ilaa ay jirin wax dambe oo fitno ah [shirki, gaalnimo, iyo wixi lamid ah] iyo jeer [dhammaan iyo nooc walba] oo cibaado ah uu yeesho Allaah [Keliya]. Haddiise ay meel joogaan, waa inaan la colaadin waxaan ahayn daalimiinta.
  194. Bisha caaggani waxay u go’daa bisha caaggan, waxyaalaha reebbanna waxaa jira qaanuunka simidda [Qisaaska], ee qofkii waxa reebban [caaggan] idiin kusoo xadgudba, idinkuna ku xadgudba in lamid ah intii uu idin ku xadgudbay. Oo ka cabsada Allaah, oo ogaada inuu Allaah la jiro kuwa ka cabsada oo dhawrsada.
  195. Oo wax ku bixiya jidka Allaah [jihaadka nooca uu ahaadaba, iyo wixi lamid ah] oo haku tuurina gacmahiinna tahluko, oo sama fala, xaqiiqdii Allaah waa jecel yahay sama-falayaasha.
  196. Oo u dhammaystira Xajka iyo Cumrada Allaah darti. Haddiise la idin ka xannibo [dhammaystirkooda], gawraca Hadyi [neef xoolo ah oo] wixii aad heli kartaan ah, oo ha xiirina timihiinna jeer hadyigu gaaro meesha gawraca. Kiinnii idin kamid ah oo bukana ama ka qaba cudur oogada madaxiisa [oo qasbaysa xiiridda], waxaa saaran fidyo ah soomid [saddex maalmood] ama bixin sadaqo [quudin lix qof oo sabool ah] ama gawrac [neef ari ah], markaadse aamin noqotaan, kiinnii gutaa Cumrada bilaha Xajka [Xajka nooca ah Tamattuc iyo Qiraan], waa inuu gawracaa Hadyi wixii uu heli karo ah, haddiise uusan heli karin, waa inuu soomaa saddex maalmood inta lagu jiro Xajka iyo toddoba maalmood kaddib marka uu ku noqdo [gurigiisii], intaasi waa toban buuxda. Sidatani waa kii aysan reerkiisu joogin al-Masjid al-Xaraam [oo aanay dagganayn Makkah]. Oo ka cabsada Allaah, oo ogaada inuu Allaah ciqaab daran yahay.
  197. Xajku waa bilo la yaqaan [Shawaal (Soon-Fur), Dul-Qacdah (Sidataal) iyo tobanka maalmood ee hore ee bisha Dul-Xijjah (Arrafo), labo bilood iyo toban maalmood], ee kii goosta inuu guto Xaj dhexdooda [isagoo xirtay ixraamkii] markaa waa inuusan la galmoon [xaaskiisa], oo uusan galin danbi, gardarrona ku doodin inta lagu jiro Xajka, wixii khayr ah oo aad fashaanna [yaqiinsanaada] Allaah waa ogyahay, ee qaata sahay [la jirkiin] socdaalkaa, sahayada wanaagsanna waa taqwada. Oo iga cabsada, dadka waxgaradka ahow!
  198. Ma aha korkiinna wax danbi ah haddii aad doonataan deeqda Rabbigiin [xajka gudihiisa oo aad ku samaysaan ganacsi, iyo wixi lamid ah], ee markii aad kasoo dareertaan Carafaat, ku xusa Allaah Mashcaril-Xaraam agtiisa, oo xusa [idinkoo ka baryaya Allaah wixii wanaagsan oo dhan] sidii uu idiin hanuuniyayba, waxaadna ahaydeen kani hortiis qaar kamid ah kuwa dhunsan.
  199. Dabadeedna ka dareera meesha uu dadku ka dareero, oo waydiista Allaah cafiskiisa, xaqiiqdii Allaah waa danbi dhaaf badane, Naxariis Badan.
  200. Oo marka aad dhammaysataan manaasiktiinna [acmaasha Xajka] Xusa Allaah sida aad u xustaan aabbayaashiinnii hore ama xusid ka badan. Waxaa kamid ah dadka mid yiraahda, “Rabbiyow! Nagu sii adduunkan wanaag,” aan ku lahayn Aakhirada wax saami ah.
  201. Oo waxaa kamid ah mid yiraahda, “Rabbiyow! Nagu sii adduunka wanaag, Aakhirana wanaag, oo naga badbaadi cadaabta Naarta.”
  202. Kuwaasi waxay leeyihiin saami waxa ay kasbadeen ah, oo Allaah waa ku dhakhso badan yahay xisaabta.
  203. Oo xusa Allaah inta lagu jiro maalmo tirsan oo cayiman [saddexda maalmood ee ka dambeeya Ciidda Carrafo]. Qofkiise dagdaga si uu u tago labo maalmood gudahood, ma jiro wax danbi ah oo saaran, qofkii haraana, ma jiraan wax danbi ah oo saaran, haddii ay ujeeddadiisu tahay inuu falaa wanaag, oo ka cabsada Allaah, oo ogaada in hubaashii xaggiisa la idiin soo kulmin doono.
  204. Oo waxaa kamid ah dadka mid uu ku cajab galin [Muxammadow] hadalkiisu noloshan adduunka, oo marag gashan Allaah waxa ku jira qalbigiisa, isagoo ah kan u muranka badan colka.
  205. Oo marka uu ka jeesado [xaggaaga Muxammadow] wuxuu socdaa dhulka si uu ugu falo fasahaad dhexdiisa oo u baabbi’iyo tallaalka iyo taranka, oo Allaah ma jecla fasahaadka.
  206. Oo marka lagu yiraahdo, “Ka cabso Allaah,” ay u gayso qabwayni danbi [hor leh oo badan]. Waxaa ku filan Naarta Jahannama, iyada baana u xun gogol.
  207. Oo waxaa kamid ah dadka mid gadaya naftiisa isagoo doonaya raallinnimada Allaah, oo Allaah waa u turid badan yahay addoomaha.
  208. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! U soo gala si wanaagsan Islaamka [idinkoo adeecaya dhammaan xeerarka iyo sharciyada diinta Islaamka] oo ha raacina tallaabooyinka Shaydaan, xaqiiqdii wuxuu idiin yahay cadaw iska cad.
  209. Haddii aad dib u sidbataan kaddib markii ay Aayadaha cadcad [Nabi Muxammad iyo Qur’aanka] idiin yimaadeen, ogaada inuu Allaah yahay Awood Badane, Xikmad Badan.
  210. Miyay sugayaan waxaan ahayn in Allaah ugu yimaado hoos daruuro ah iyo malaa’igtuba oo la xukumo arrinka? Xagga Allaah baana loo celiyaa umuuraha.
  211. Waydii ilmihii Israa’iil intee baan Aayado cad siinnay, oo ciddii beddesha Nicmadda Allaah inta ay u timid kaddib [oo ka baxa Diinta Islaamka oo aqbala gaalnimo], hubaashii Allaah waa ciqaab daran yahay.
  212. Waxa loo qurxiyay kuwa gaaloobay noloshan adduunkan, waxayna ku jeesjeesaan kuwa [xaqa] rumeeyay, kuwase adeeca Allaah oo ka jooga waxa uu reebay, iyaga baa ka sarrayn Maalinta Qiyaamaha, oo Allaah wuxuu irzaaqaa ciddii uu doono xisaab la’aan.
  213. Dadku wuxuu ahaa ummad keliya, Wuxuuna Allaah usoo diray Nabiyo u bishaareeya oo u diga, Wuxuuna lasoo diray Kitaabka oo xaq ah si uu ugu kala xukumo dadka dhexdooda arrimaha ay isku khilaafaan, iskumana khilaafin waxaan ahayn kuwii [Kitaabka] la siiyay kaddib markii ay u yimaadeen xujooyinka cadcad xasad dhexdooda ah dartiis. Wuxuuna Allaah Idankiisa ugu hanuuniyay kuwii rumeeyay xaqa wixii ay gudahooda isaga khilaafeen, oo Allaah wuxuu ku hanuuniyaa ciddii uu doono jid toosan.
  214. Mise waxaad mooddeen inaad gali doontaan Jannada iyagoo aan idiin imaanin wixii ahaa imtixaanno iyo jarribaadyo ee uyimid kuwii tagay ee idin ka horreeyay? Waxaa ku dhacay oo asiibay baahi iyo xanuunno oo la gilgilay ilaa uu Rasuulku iyo kuwii rumeeyay oo la jiray yiraahdeen, “Waa goorma gargaarka Allaah?” Hubaashii gargaarka Allaah waa dhaw yahay.
  215. Waxay ku waydiinayaan [Muxammadow] waxa ay tahay inay bixiyaan. Dheh, “Wixii aad bixisaan oo khayr ah waxaa mudan waalidiinta, qaraabada, agoonta, masaakiinta iyo tub-ku-joogaha [masaafurka jiscinkii ka go’ay], oo waxaad fashaan oo khayr ah, xaqiiqdii Allaah waa ogyahay.”
  216. Waxaa la idin ku farad yeelay [Muslimiintoy] dagaalka [Jihaadka] idinkoo neceb, waxaana laga yaabaa inaad wax nebcaataan isagoo khayr idiin ah, iyo inaad wax jeclaataan isagoo shar idiin ah, oo Allaah baa og ee idinku ma ogidin.
  217. Waxay wax kaa waydiinayaan in la diriro bilaha caaggan gudahood [Muxarram, Rajab, Dul-Qacdah, iyo Dul-Xijjah]. Dheh, “In la diriraa oo dagaal la galo bilahaa gudahood waa [xad-gudub] wayn, waxaase kasii daran oo xad-gudub kasii wayn ah in laga hor istaago dadka Jidka Allaah, oo lagu gaaloobo, iyo inaad ka celiso dadka galidda al-Masjid al-Xaraam [ee ku yaal Makkah], oo laga saaro dadkeeda daggan, oo fitnadaa ka daran dilka. Marnabana ma dayn doonaan [gaaladu] la-dirirkiinna jeer ay dib idiin ka celiyaan diintiinna [Islaamka] haddii ay awoodaan, oo qofkii idin kamid ah oo ka noqda diintiisa oo dhinta isagoo gaal ah, kuwaasi waa kuwa ay bureen camalladooda adduunka iyo aakhiradaba, kuwaasina waa ehlu-Naar, waana ku waarayaan dhexdeeda weligood.”
  218. Xaqiiqdii, kuwa [Xaqa] rumeeyay, iyo kuwa usoo haajiray [Allaah darti] oo ku jihaaday Jidka Allaah, dhammaan kuwakani waxay rajaynayaan Naxariista Allaah, oo Allaah waa danbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
  219. Waxay ku waydiinayaan [Muxammadow] wax ku saabsan khamrada iyo qamaarka. Dheh, “Waxaa ku sugan danbi wayn iyo [xoogaa] manaafacaad ah oo ay uleeyihiin dadka, danbigooda baase ka wayn nafcigooda.” Oo waxay ku weydiinayaan waxa saaran inay bixiyaan. Dheh, “Bixiya wixii dheeri idin ku ah oo ka baxsan baahidiinna.” Sidaas buu Allaah idiin ku caddaynayaa Aayadahiisa si aad uga fakartaan.
  220. Noloshatan adduunka iyo Aakhiraba’e, oo waxay ku waydiinayaan wax ku saabsan agoomaha. Dheh, “Inaad ugu shaqayso si daacad ah hantidooda baa khayr badan, haddiina aad ku dartaan arrimahiinna tooda, waa walaalihiin, oo Allaah waa og yahay kan isagu wax bi’in [ee doonaya inuu dhumiyo hantidooda] iyo kan isagu ujeeda wanaag [inuu udhaqaaleeyo hantidooda]. Haddiina uu Allaah doono, wuxuu idin hor dhigi lahaa dhibaatoooyin, xaqiiqdii Allaah waa awood badane, xikmad badan.
  221. Oo ha guursannina haweenka mushrikadaha ah jeer ay rumeeyaan, addoomad mu’minad ah baana ka wanaagsan mushrikad xor ah haba idin cajabisee; oo ha uguurinnina [gabdhihiinna] ragga mushrikiinta ah jeer ay rumeeyaan, xaqiiqdii addoon mu’min ah baa ka wanaagsan mushrik xor ah haba idin cajabiyee. Kuwan mushrikiinta ah waxay idiin ku yeerayaan Naar, oo Allaah wuxuu idiin ku yeerayaa Janno iyo danbi dhaaf idankiisa, oo wuxuu u caddaynayaa aayadahiisa dadka si ay uxusaan.
  222. Oo waxay ku waydiinayaan arrin ku saabsan xaylka [dhiigga dumarku bishiiba kol helo, dhiigga caadada]. Dheh, “Waa wax dhibaato iyo waxyeello u leh ninka [inuu la galmoodo afadiisa iyadoo qabta dhiigga caadada], sidaa awgeed ka fogaada haweenka waqtiga xaylka, oo ha utagina jeer ay ka daahir noqdaan [dhiigga caadada oo ka mayrtaan]. Markii ay daahiriyaanna naftooda, uga galmooda meesha uu Allaah idin amray. Xaqiiqdii Allaah waa uu jeceyl yahay kuwa tawbad keenka badan, waana uu jecel yahay kuwa is-daahiriya.”
  223. Afooyinkiinna waxay idiin yihiin beer, ee ugu taga beertiinna markii iyo sidii aad doontaanba, oo uhormarsada naftiinna [khayr, ama ka barya Allaah inuu idin siiyo durriyad wanaagsan], oo ka cabsada Allaah, oo ogaada inaad Allaah la kulmaysaan, oo u bishaaree [Muxammadow] mu’miniinta.
  224. Oo ha uga yeelina [ku dhaarashada Magaca] Allaah cudur daar ahaan inaydaan falin samaan oo udhaqmin si suubbanaan ah, iyo inaydaan ka talin samo dadka dhexdiisa, oo Allaah waa maqal badane, cilmi badan.
  225. Idiin ma qabanayo Allaah wixii aan niyad idin ka ahayn oo dhaarihiinna ah, laakiinse wuxuu idiin qabanayaa waxay kasabtay qalbiyadiinnu, oo Allaah waa danbi dhaaf badane, dulqaad badan.
  226. Kuwa ka dhaarta xaasaskooda [ilaa iyo muddo] waxaa la sugayaa afar bilood, haddii ay kasoo noqdaan [arrintaa intay ku jiraan muddadaa], xaqiiqdii Allaah waa danbi dhaaf badane, naxariis badan.
  227. Haddiise ay goostaan furid, Allaah waa maqal badane, cilmi badan.
  228. Oo haweenka la furay [aan uurka lahayn, dhiigga caadadana hela] waa inay u sugaan [guursigooda] saddex dhiig [caado], umana bannaana inay qariyaan wax uu Allaah ku abuuray riximyadooda, haddii ay rumaysan yihiin Allaah iyo Maalinta danbe, nimankooda baana u xaq leh inay soo ceshadaan muddadaas dhexdeeda, haddii ay rabaan heshiis. Waxay [haweenkuna] ku leeyihiin xuquuq [nimankooda oo ah masruuf, marasho iyo wixi lamid ah] sida ay [nimankuba xuquuq ugu leeyihiin] korkooda haweenka [ee la xiriira adeecidda, maqalka, ka dambaynta, ixtiraamka ninka, iyo wixi lamid ah] oo wixii gar ah, raggase baa leh darajo [mas’uuliyad ah] korkooda [haweenka], oo Allaah waa awood badane, xikmad badan.
  229. Furiddu waa labo jeer, intaas kaddib, ama waa haysasho fiican oo la yaqaan, ama siidayn fiican oo la yaqaan, oo idiin ma bannaana [raggow] inaad dib uga qaadataan wixii aad meher siiseen, in maahee ay labada dhinac ka cabsadaan inay oogi waayaan xuduudaha Allaah dhigay, haddii aad ka cabsataan inay dhawri waayaan xuduudaha Allaah, markaa ma saarna wax danbi midkoodna haddii ay u celiso haweentu [meherkii ama qayb kamid ah] khulci [is-furasho] ahaan. Kuwakani waa xuduudaha uu faral yeelay Allaah, ee ha ku xadgudbina, oo qofkii ku xadgudbaa xuduudaha uu faral yeelay Allaah, waa kuwaas daalimiinta.
  230. Haddii uu furo [mar saddexaad] uma bannaana wixii taa ka dambeeya jeer ay guursato nin kale, haddii uu [ninkaasi kale] furo, ma saarna wax danbi ah labadoodaba [iyada iyo ninkeedii hore ee saddex dalqadood mar hore ku furay] inay isku noqdaan [is-guursadaan], haddii ay dareemaan inay dhawri karaan xuduudaha uu dhigay Allaah. Kuwakani waa xuduudaha Allaah, wuxuuna u caddaynayaa qawmkii wax ogsoon.
  231. Oo haddii aad furtaan haweenka, oo ay gaaraan ajasha muddadooda magacaaban ah ee loo qabtay, ama usoo ceshada si wanaagsan oo la yaqaan ama usiidaaya si wanaagsan oo la yaqaan. Hase usoo ceshannina inaad u gaysataan dhibaato si aad uxadgudubtaan, ninkii sidaas falaana, wuxuu dulmiyay naftiisa, oo haka dhigannina aayadaha [xeerarka] Allaah cayaar, oo xusa Nicmada Allaah korkiinna [Islaamka], iyo waxa uu [Allaah] idin kusoo dajiyay oo Kitaabka ah [Qur’aanka] iyo Xikmadda [Sunnada Nabiga] oo uu idin ku waaniyo, oo ka cabsada Allaah, oo ogaada in Allaah wax walba og yahay.
  232. Oo haddii aad furtaan haweenka oo ay gaaraan ajasha muddadooda magacaaban ah ee loo qabtay, haka hor istaagina guursiga nimankoodii [hore], haddii ay si la yaqaan raalli isugu yihiin, [arrinkan] waa mid lagu waaninayo cid kastoo idin kamid ah ee rumaysan Allaah iyo Maalinta Dambe [Aakhirada]. Sidaas baa idiin wanaagsan oo idiin daahirsan, oo Allaah baa og ee idinku ma ogidin.
  233. Hooyooyinku waxay nuujinayaan carruurtooda labo sano oo kaamil ah, ciddii doonaysa inay taam yeesho muddada nuujinta, oo kan ilmaha loo dhalay waxaa saaran masruufka hooyada iyo marashadeeda oo gar ah. Ma saarno nafna wixii ay awooddo maahee. Hooyana waa inaan la dhibin oo loola dhaqmin si xun ilmaheeda dartood iyo aabbaha ilmaha dhalay midna, [aabbaha] warathadiisana waxaa saaran wax la mid ah [wixii saarnaa aabbaha]. Haddii ay [aabbaha iyo hooyada] doonaan ka goynta naaska si ay raalli isaga yihiin wada tashi kaddib, ma jiro wax danbi ah oo saaran korkooda. Haddiina aad u doontaan hooyo nuujiso ah oo kale carruurtiinna, ma jiro wax danbi ah oo saaran korkiinna, haddii aad siisaan [hooyada] wixii aad ku heshiiseen [inaad siisaan] oo si la yaqaan ah, oo ka cabsada Allaah, oo ogaada in Allaah waxa aad falaysaan arko.
  234. Kuwiinna idin kamid ah oo dhinta oo ka taga afooyin gadaashooda, waxay [afooyinka] sugayaan [xagga guursigooda ciddo ahaan] afar bilood iyo toban maalmood [haddii ayan uur lahayn]. Marka ay dhammaystaan muddadooda [afarta bilood iyo tobankaa maalmood haddii ayan uur lahayn, iyo markii ay dhalaan kaddib haddii laga dhintay iyagoo uur leh] ma jiro wax danbi ah oo korkiinna wixii ay ku falaan naftooda oo gar ah [sida guur xalaal ah], oo Allaah waxa aad falaysaan waa u xog-ogaal.
  235. Oo ma jiro wax danbi ah oo korkiinna ah haddii aad sarbeebtaan alkumasho [doonid guur] ama aad ku qarsataan naftiinna, Allaah waa og yahay inaad xusaysaan [haweenkaas], laakiinse ha uyaboohina [haweenka nimankooda ka dhinteen] guur qarsoodi ah in maahee aad ku dhahdaan hadal wanaagsan oo gar ah, oo ha uqasdina xarigga guurka jeer muddada la qabtay [ciddada] ay dhammaato, oo ogaada inuu Allaah og yahay waxa ku jira naftiinna, ee ka cabsada, oo ogaada inuu Allaah yahay danbi dhaaf badane, dulqaad badan.
  236. Ma jiro wax danbi oo korkiinna ah, haddii aad furtaan haweenka idinka oo aan wali taaban [u galmoon], ama aydaan u goyn wax meher ah, ee siiya sahay wanaagsan, kan ladan tabarti, faqiirkuna tabarti, sahay fiican waa xaq iyo waajib saaran sama-falayaasha.
  237. Oo haddii aad furtaan haweenka ka hor inta aydaan taaban [la galmoon], aadna u goyseen meher, markaa siiya meherka aad u goyseen barki, inay cafiyaan maahee, ama uu cafiyo [ninka waliga] uu ku jiro gacantiisa xarigga nikaaxa, inaad cafidaan oo aad siisaan [meherkii oo dhan] baana u dhaw ka cabsiga Allaah, oo ha halmaamina wanaagga dhexdiinna, xaqiiqdii Allaah waxa aad falaysaan waa arkaa.
  238. Dhawra [shanta salaadood ee faralka ah] iyo salaadda dhexe [Salaadda Casarka] oo istaaga Allaah horti idinkoo adeecsan [khushuucsan oo aan cid kale la hadlayn].
  239. Haddii aad ka cabsataan [cadaw] tukada idinkoo lugaynaya ama saaran gaadiid, markiise aad aamin noqotaan, u xusa Allaah [oo u ooga salaadda] sida uu idiin baray waxaydaan aqoonin.
  240. Kuwiinna idin kamid ah oo dhinta oo ka taga afooyin gadaashood waa inay udardaarmaan afooyinkooda masruuf sannad ah iyo guri ay dagaan oo aan laga saarayn, haddiise ay [afooyinku] iskood u baxaan, ma jiro wax danbi korkiinna ah wixii ay ku falaan naftooda oo gar ah [sida guur xalaal ah], oo Allaah waa xoog badane, xikmad badan.
  241. Xagga haweenka la furana, [waa in la siiyaa] sahay fiican oo la yaqaan, tani waa xil saaran kuwa ka cabsada Allaah.
  242. Sidaas buu Allaah idiin ku caddaynayaa aayadahiisa, si aad u fahantaan.
  243. Ma waadan [Muxammadow] ogaan kuwii ka baxay guryahooda iyagoo kumanyaal ah iyagoo ka baqaya geeri? Markaasuu Allaah ku yiri, “Dhinta,” oo soo nooleeyay, xaqiiqdii Allaah waa u roon yahay dadka, laakiinse dadku badankiisu ma shukriyaan.
  244. Oo ku dirira Jidka Allaah, oo ogaada inuu Allaah yahay maqal badane, cilmi badan.
  245. Kee baa amaahsan Allaah amaah wanaagsan oo uu ulabolaabo labanlaab badan? Oo Allaah waa ku ciririiyaa riziqa [qofkii uu doono] oo u waasiciyaa [qofkii u doono], oo xaggiisa baa la idiin celin doonaa.
  246. Ma waadan ogaan [arrinka] duqaydii ilmihii Israa’iil oo ka dambeeyay [waayihii] Muusaa? Markii ay ku yiraahdeen Nabigooda, “Noo magacow boqor waxaannuna u diriri doonnaa Jidka Allaah.” Wuxuu yiri, “Ma la idiin ka yaabaa inaad ka joogtaan diriridda, haddii la idin ku waajibiyo dirir?” Waxay yiraahdeen, “Maxaan leennahay, oo aan ugu diriri waynay Jidka Allaah iyadoo nalagasoo saaray guryahayagii iyo carruurtayadii [eheladii loo qaatay qafaal ahaan]?” Markiise lagu waajibiyay dagaalka waa ay jeesadeen, in yar oo kamid ah maahee, oo Allaah waa og yahay daalimiinta.
  247. Oo Nabigoodii [Saamuweel] wuxuu ku yiri, “Wuxuu dhabtii Allaah umagacaabay Daaluut boqor ahaan korkiinna.” Waxay yiraahdeen, “Sidee buu boqor noogu noqon karaa, innaga baana ka mudan oo kaga habboon isaga boqornimada, lamana siin maal kaafi ah.” Wuxuu yiri, “Xaqiiqdii! Allaah baa ka doortay dushiinna oo ukordhiyay awood cilmi iyo jirba ah, oo Allaah wuxuu siiyaa boqortooyadiisa ciddii uu doono, oo Allaah waa Waasic deeq badan oo ku filan inuu daboolo baahida uumankiisa, cilmi badan.”
  248. Nabigoodiina [Saamuweel] wuxuu ku yiri, “Xaqiiqdii! astaanta mulkigiisa waa inuu idiin yimaado Taabuut [sanduuq alwaax ah] oo ay dhexdiisa tahay sakiina [nabad iyo xasilooni] oo ka timid Rabbigiin iyo haraagii wixii ay ka tageen Muusaa iyo Haaruun oo ay siddo malaa’ig. Xaqiiqdii, tani gudaheeda waxaa idiin ku sugan calaamad haddii aad tihiin mu’miniin.”
  249. Markiina uu Daaluut la ambabaxay ciidankii, wuxuu yiri, “Xaqiiqdii Allaah wuxuu idin ku imtixaani doonaa wabi, ee qofkii ka cabbaa, iga mid ma aha, kii aan dhadhaminna waa iga mid, kii mar darsi darsada gacantiisa ma’ahee.” Waase ka cabbeen xaggiisa in yar oo kamid ah ma’ahee. Markii ay dhaafeen [wabigii] isaga iyo kuwii [xaqa] rumeeyay oo la jiray waxay yiraahdeen, “Ma lihin wax tabar ah maanta aan kaga hortagno Jaaluut iyo ciidammadiisa.” Kuwiise yaqiinsanaa inay la kulmi doonaan Rabbigood, waxay yiraahdeen, “Badanaa inta ay koox yar ka adkaatay koox badan Allaah Idankiis? Oo Allaah wuxuu la jiraa kuwa sabra.”
  250. Oo markii ay usoo muuqdeen Jaaluut iyo ciidammadiisii, bay waxay yiraahdeen, “Rabbiyow! Nagu shub sabar oo noo sug cagahannaga, oo nooga gargaar qawmka gaalada ah.”
  251. Markaas bay ku jabiyeen Allaah Idankiis, oo wuxuu Daawuud dilay Jaaluut, oo Allaah siiyay [Daawuud] mulki [boqortooyo boqor ahaan reer banii-Israa’iil kaddib dhimashadii Daaluut iyo Saamuweel] iyo Xikmad [Nabinnimo], oo baray wixii Allaah doonay, oo haddii uusan Allaah ku celiyeen dadka qaarkoodba qaar kale, waxaa dhabtii fasaadi lahaa arlada, laakiinse Allaah waa u roon yahay uumanka.
  252. Kuwakani waa aayadaha Allaah, oo aan kuugu aqrinayno [Muxammadow], si xaq ah, oo hubaashii waxaad adigu kamid tahay rususha [Allaah soo diray].
  253. Kuwaasi rususha ah waxaan ka kor marinnay oo fadilnay qaarkoodba qaar, waxaa kamid ah kuwo uu Allaah ula hadlay [si toos ah], oo wuxuu kor yeelay qaarkood darajooyin, waxaannuna siinnay Ciisaa wiilkii Maryam xujooyin cad cad, oo ku xoojinnay Ruuxul Qudus [Jabriil]. Haddii uu Allaah doono isma dirireen facyadii ka dambeeyay, kaddib markii ay uyimaadeen xujooyinka cad cad, laakiinse waa ay iskhilaafeen, waxaana kamid ah kuwo [xaqa] rumeeyay, oo waxaa kamid ah kuwo gaaloobay, oo haddii uu Allaah doono, ma ay is-dirireen, laakiinse Allaah wuxuu falaa wixii uu rabo.
  254. Kuwa [xaqa] rumeeyow! Wax ka bixiya waxa aan idin ku irzaaqnay ka hor intaysan imaan Maalin aysan jirin ganac, iyo saaxiibtinnimo iyo shafeeco midna, waana gaalada kuwa ah daalamiinta.
  255. Allaah! Ma jiro Ilaah xaq lagu caabudo aan ahayn Isaga, waa Noolaha waligi jiray [oo jiri doona], irzaaqa, ilaaliya oo agaasima uumanka oo dhan; ma qabato lulmo iyo hurdo midna; Isaga baa leh wax waliba oo ku sugan cirarka iyo wax waliba oo ku sugan dhulka; waa kuma kan ka shafeeci karaa agtiisa Idankiisa ma’ahee? Wuxuu og yahay waxa ku dhaca [uumankiisa] adduunka, iyo waxa ku dhici doonaba Aakhirada, mana koobaan [uumankiisa] wax kamida cilmigiisa wixii uu doono ma’ahee; Kursigiisu wuxuu ku fidsan yahay korkooda cirarka iyo dhulka, oo kama dareemo wax daal ah ilaalinta iyo xifdintooda, waana Isaga sarreeyaha wayn.
  256. Ma aha khasab diintu, Hanuunka [Jidka Toosan] ka cad baadida [jidka xun], ee qofkii ku gaalooba daaquudka [Shaydaanka] oo rumeeya Allaah, wuxuu dhabtii qabsaday siddada kalsoonida [xarig sugan oo adag] oo aan go’ayn, oo Allaah waa maqal badane, cilmi badan.
  257. Allaah waa Waliga [Ilaaliyaha, Gacalka, Wakiilka, Gargaaraha] kuwa [xaqa] rumeeyay, wuxuu ka saaraa mugdiyada [gaalnimada] isagoo keena xagga Nuurka [Iimaanka], kuwase gaaloobay awliyadoodu [gargaarayaashoodu, xigaaladoodu, sokeeyahoodu, gacalladoodu] waa daaquudyada [Sheydaanka iyo kuwa raacay], waxay uga soo saaraan Nuurka xagga mugdiyada, kuwaasi waa ehlu-Naar, wayna ku waari doonaan dhexdeeda waligood.
  258. Ma waadan ogaan kii kula dooday Ibraahiim arrinka Rabbigi [Allaah], inuu Allaah siiyay boqortooyo darteed? Markii uu Ibraahiim yiri, “Rabbigay [Allaah] waa kan bixiya nolol oo sababa dhimasho.” Wuxuu [Namruud] yiri, “Aniguba waxaan bixiyaa nolol oo sababaa dhimasho.” Ibraahiim wuxuu yiri, “Xaqiiqdii Allaah wuxuu sababaa qorraxda inay kasoo baxdo xagga bariga ee sabab adigu inay [qorraxdu] kasoo baxdo dhinaca galbeedka.” Markaas baa hadalkii lagaga adkaaday kii gaaloobay, oo Allaah ma hanuuniyo qawmka ah daalimiinta.
  259. Ama sida midkii soo maray magaalo iyadoo isku kor duntay, wuxuu yiri, “Sidee buu Allaah unoolaynayaa tan dhimashadeeda [kharaabkeeda] kaddib?” Markaasuu Allaah sababay inuu dhinto oo mawtanaado boqol sano, dabadeedna soo bixiyay [mar kale]. Wuxuu yiri, “Immisa baad nagaatay [adigoo mayd ah]?” Wuxuu [ninkii] yiri, “[Waa intaasoo] aan nagaaday [mawtanaa] maalin ama maalin galinkeed.” Wuxuu [Allaah] yiri, “Mayee, waxaad nagaatay [oo mawtanayd] boqol sano, ee fiiri cuntadaadii iyo cabiddaadii, waa sidoodii oo kuma dhicin wax isbaddal ah; oo fiiri dameerkaagii. Waxaana kaaga yeelaynaa dadka calaamo, oo fiiri xagga lafaha, sida aan isugu keenayno oo uhuwinayno hilib.” Markii tani si cad loo tusay, wuxuu yiri, “Waxaan ogahay [haatan] inuu Allaah yahay mid wax walba kara.”
  260. Oo xus markii uu Ibraahiim yiri, “Rabbiyow! Itus sida aad u noolayso maytida.” Wuxuu [Allaah] yiri, “Miyaadan [xaqa] rumayn [Ibraahiimow]?” Wuxuu [Ibraahiim] yiri, “Waan rumeeyay, laakiinse [waxaan doonayaa] inaan kororsado Iimaan oo ku xasilo qalbigayga.” Wuxuu [Allaah] yiri, “Haddaba soo qaado afar shimbirood, oo usoo dhawee xaggaaga [markaasna gawrac shimbirahaa, oo ujarjar gabalgabal], kaddibna saar buur walba qayb kamid ah, markaasna uyeer, waxay kuu imaan doonaan iyagoo ordaya, oo ogow in Allaah yahay awood badane, xikmad badan.”
  261. Mataalka kuwa ku bixiya maalkooda jidka Allaah, waa sida xabbad [iniin] ah oo bixisa toddobo madax, oo madax walba bixiyo boqol xabbo, oo Allaah wuxuu u labolaabaa [ajarka] qofkii uu doono, oo Allaah waa deeq badane, cilmi badan.
  262. Kuwa ku bixiya maalkooda arrinka Allaah, oo aan raacin wixii ay bixiyeen lib sheegad iyo dhibid [caddibid], waxay kuleeyihiin abaalkooda Rabbigood agtiisa, cabsi korkooda ma ahaan doonto, mana murugoon doonaan.
  263. Hadal wanaagsan iyo cafin gefka baa ka wanaagsan sadaqo la raaciyay dhibaato, oo Allaah waa Qani [hodan ka deeqtoon cid iyo shay waliba], dulqaad badan.
  264. Kuwa [xaqa] rumeeyow! Haku burinnina sadaqooyinkiinna lib sheegad ama dhibaato raacin, sida kan u bixiya maalkiisa istuska dadka, oo aan rumaysnayn Allaah iyo Maalinta Dambe [Aakhirada]. Mathalkiisu waa sida seli [sallax] ciidi saaran tahay, oo uu helay mayay [roob wayn] oo ka tagay isagoo muluq ah maran, ma aha kuwo ka hela wax ajar ah wixii ay kasbadeen, oo Allaah ma hanuuniyo qawmka gaalada ah.
  265. Mathalkase kuwa ubixiya maalkooda doonidda raalli ahaanshaha Allaah iyagoo yaqiinsan in Allaah ka abaal marin doono [wax ku bixintooda arrinkiisa], waa sida beer ku taal rako [meel sare oo loo sameeyay in lagu nasto] oo mayay [roob wayn] helay oo ukeenta labolaab cuntadeeda, haddii uusan helin mayay [roob wayn] uu roob yar deeqo, oo Allaah waxa aad falaysaan waa arkaa.
  266. Ma jeclaan lahaa midkiin inuu lahaado beer timir iyo canabyo ah, oo ay wabiyo hoos qulqulayaan, oo miro walbaa ugu yaalaan, isagoo da’i heshay, uuna leeyahay carruur tabar yar [aan daryeeli karin naftooda], oo markaas beertii gasho cirboor [cir wareen, xiisad dabayl ah] oo dab wadata, oo ay gubato? Sidaas buu Allaah idiin ku caddaynayaa aayadahiisa [xujooyinkiisa, iyo wax lamid ah] bal inaad ka fakartaan?
  267. Kuwa [xaqa] rumeeyow! Wax ka bixiya waxyaalaha wanaagsan oo aad [si xalaal ah] u tabcateen iyo waxa aan idiin kasoo saarnay dhulka, oo ha uqasdina kiisa xun inaad bixisaan, oo aydaan idinba qaadateen inaad indhaha ka laabtaan maahee oo aad ka aamustaan, oo ogaada inuu Allaah yahay Qani [hodan ah oo kadeeqtoon cid iyo shay waliba] oo mudan ammaan iyo mahad oo dhan.
  268. Shaydaan wuxuu idin ku handadaa faqri, oo idin amraa xumaan, halka Allaah idiin yaboohayo danbi dhaaf xaggiisa ah iyo fadli, oo Allaah waa Waasic [deeqsi ah oo ku filan inuu daboolaa baahida uumankiisa oo dhan], cilmi badan.
  269. Wuxuu siiyaa xikmadda [aqoonta Qur’aanka iyo sunnada iyo uhadalka iyo udhaqanka sida wanaagsan] ciddii uu doono, oo kii la siiyo xikmad, waxaa dhabtii la siiyay khayr badan. Mase ku waantoobaan waxaan ahayn kuwa waxgaradka ah.
  270. Oo wixii aad bixisaan oo nafaqo ah [zako, sadaqo loo bixiyo arrinka Alle, iyo wixi lamid ah] iyo wixii nadar [sharad] ah oo aad nadartaanba, ogaada Allaah waa ogyahay, oo ma laha daalimiintuna wax gargaarayaal ah.
  271. Haddii aad muujisaan sadaqooyinkiinna waa fiican tahay, haddiise aad qarisaan, oo aad siisaan saboolka, sidaasi idinka bay idiin roon tahay, wuxuu [Allaah] idiin asturi doonaa xumaantiinna, oo Allaah waxa aad falaysaan waa u xog ogaal.
  272. Kuma saarna [Muxammadow] hanuunkoodu, laakiinse Allaah baa hanuuniya qofkii uu doono. Wixii aad ku bixisaan wax khayr ah waxaa leh naftiinna, markii aydaan u bixinayn waxaan ahayn doonidda Wajiga Allaah, wixii aad ku bixisaanba wax khayr ah waxaa la idiin ku oofin doonaa si dhan mana la idin dulmin doono.
  273. [Sadaqada] waxaa leh fuqarada kuwa arrinka Allaah uga xayiran [socdaalka], oo aan ku dhaqdhaqaaqi karin dhulka [si ay ganac usameeyaan ama ushaqaystaan] midka aan garanayn uu moodayo inay hodan yihiin dhawrsoonidooda darteed, waxaadse ku garan kartaa astaantooda, mana ay baryaan dadka sideedaba. Wixiina aad ku bixisaanba wax khayr ah, hubaashii Allaah waa og yahay.
  274. Kuwa ku bixiya maalkooda [arrinka Allaah] habeen iyo maalinba, sir iyo saaqba, waxay ka heli doonaan ajarkooda Rabbigood agti, cabsi korkooda ma ahaan doonto, mana murugoon doonaan.
  275. Kuwa cuna ribada uma istaagi doonaan [Maalinta Qiyaamaha] wax aan ahayn sida istaagga mid Shaydaan daandaanshay oo la dhacdhaca waalli iyo wareer, sidaasi waxaa ugu wacan inay yiraahdeen, “Beecu waa uun sida ribada oo kale,” halka Allaah uu xalaaleeyay beeca, oo xarrimay ribada, ee qofkii ay utimaaddo waano xagga Rabbigi ah oo ka jooga ribada looma ciqaabi doono wixii hore, arrinkiisuna Allaah baa leh [inuu ka arrimiyo], qofkiise u noqda [ribada], kuwaasu waa ehlu-Naar, wayna ku waari doonaan dhexdeeda.
  276. Allaah wuu tiraa ribada, oo tarmiyaa sadaqada [ku badiyaa maalka oo barakeeyaa], oo Allaah ma jecla mid kastoo ah gaalnimo badane, danbi badan.
  277. Xaqiiqdii kuwa [xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan oo u ooga salaadda si wanaagsan, oo bixiya Zakada, waxay ka heli doonaan ajarkooda Rabbigood agti, cabsi korkooda ma ahaan doonto, mana murugoon doonaan.
  278. Kuwa [xaqa] rumeeyow! Ka cabsada Allaah oo ka taga waxa idiin haray [oo aad leedihin] oo ribada ah [hadda iyo wixii ka dambeeya], haddii aad tihiin mu’miniin.
  279. Haddii aydaan falin sidaa, ku tala gala dagaal idiin ka yimaada Allaah iyo Rasuulkiisa, haddiise aad tawbad keentaan waxaad leedihiin lafihii maalkiinna, ma aha inaad wax dulmidaan [oo waydiisataan wax dheer lafihii maalkiinna], idinkana ma aha in la idin dulmiyo [oo in la idin siiyo wax ka yar lafihii maalkiinna].
  280. Oo haddii uu daymaysanuhu daneysan yahay [haysan wax lacag ah, cayr yahay] ha la sugo ilaa ay uga fududaato inuu iska gudaa, inaadse sadaqaysataan [ka cafidaan] baa idiin khayr badan, haddii aad og tihiin.
  281. Oo iska jira Maalin la idiin soo celin doonaa xagga Allaah, oo naf walba loo oofinayo wixii ay kasbatay iyagoo aan la dulmayn.
  282. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Marka aad kala daynsanaysaan dayn ilaa muddo magacaaban ah, qora, oo ha idiin ku kala qoro dhexdiinna qore si caddaalad ah, oo ayaanu qoruhu diidin inuu uqoro sida uu Allaah u baray, ee ha qoro, hana uyeeriyo kan xaqa [daynta] lagu leeyahay, oo haka cabsado Allaah Rabbigi, oo ayaanu ka dhimin wax kamid ah waxa lagu leeyahay, haddiise uu yahay kan xaqa lagu leeyahay mid makas ama daciif ah ama uusan awoodin inuu yeeriyo, ha uyeeriyo wakiilkiisu si caddaalad ah, oo marag gashada labo markhaati oo raggiinna kamid ah, haddii aan la helin labo nin, marag gashada nin iyo labo haweenood oo aad ku raalli tihiin marag ahaan, si haddii ay middood [labada haween] gafto, ay uxusuusiso tan kale. Waana inaysan diidin markhaatiyadu haddii loogu yeero [markhaati ahaan], oo haka caajizina inaad qortaan [daynta aad kala qaadataan] yaraayaa iyo badnaayaaba ilaa muddadiisa la qabtay, sidaas baa caddaaladsan Allaah agtiis oo toosan markhaati ahaan, oo wanaag badan si loo reebo shakiyo dhexdiinna ah, inay tahay maahee ganacsi joogta ah oo aad isku dhaafsataan isla meeshaa dhexdiinna, markaa ma jiro wax danbi ah korkiinna haddii aydaan qorin, ee marag uyeela marka aad wax kala gadanaysaan, oo yaan loo gaysan wax dhibaato ah qore iyo markhaati midna, haddii aad fashaan [wax dhibaato ah] waa faasiqnimo idin ku jirta, ee ka cabsada Allaah, oo wax buu Allaah idin bariye, oo Allaah wax waliba waa og yahay.
  283. Haddiise aad safar tihiin oo aydaan heli karin qore, rahan [curaar] la kala qaato [ha baddasho qoridda], markaa haddii uu midkiin aamino midka kale, waa inuu kan la aaminay u gutaa ammaanadiisa [si daacad ah] oo haka cabsado Allaah Rabbigi, oo ha qarinnina maragga, kii qariyaana maragga qalbigiisu waa danbiile, oo Allaah waxa aad falaysaan waa og yahay.
  284. Allaah baa iska leh waxa ku sugan cirarka iyo waxa ku sugan dhulka, oo haddii aad muujisaan waxa ku jira naftiinna ama aad qarisaan, Allaah wuu idin kala xisaabtami doonaa, wuuna u dhaafayaa qofkii uu doono, oo cadaabayaa qofkii uu doono, oo Allaah wax walba waa karaa.
  285. Wuxuu rumeeyay Rasuulku [Muxammad] waxa looga soo dajiyay Rabbigi, mu’miniintuna [way rumeeyeen]. Mid walbaa wuxuu rumeeyay Allaah, malaa’igtiisa, kutubtiisa iyo rusushiisa. [Waxay yiraahdeen,] “Ma samayno wax kala soocid ah midkoodna kamid ah rusushiisa,” waxayna yiraahdeen, “Waan maqalnay oo adeecnay, [ee noo] danbi dhaaf Rabbiyow, oo waa xaggaaga noqodka [dambe].”
  286. Ma saaro Allaah nafna wax dhaafsiisan awooddeeda, waxay helaysaa ajarka iyo abaalka wixii [wanaag ah] ay kasbatay, waana loo qaban wixii [xumaan] ah ay kasbatay. “Rabbiyow! Hanoo qaban wixii hilmaan nooga dhaca ama gaf aan ula kac ahayn. Rabbiyow! Hana saarin culays sida kii aad saartay kuwii naga horreeyay [Yahuudda iyo Nasaarada]. Rabbiyow! Hana saarin culays aannaan tabar ulahayn inaan qaadno. Na cafi oo noo danbi dhaaf, oo noo naxariiso, Adigaa ah Mawlaanaa [Ilaaliyahayaga, gargaarahayaga, gacalkayaga, wakiilkayaga] ee nooga gargaar qawmka gaalada ah.”

Suuradda 3aad: Aal-Cimraan (Reer-Cimraan)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *