Nadaafadda Biyaha

Biyahu waxay ka mid yihiin waxyaalaha qofka noloshiisa lagama maarmaanka u ah. Qofka waxaa ku kallifa inuu biyo cabbo waa harraadka oo ka imanaya jirka oo biyuhu ku yaraadeen. Taas micneheedu waxaa weeye in harraadka runta ahi uusan ahayn afka iyo dhuunta qallalaya markii qofku biyo ka raago ee uu yahay jirka oo aan helin intii biyo ahayd oo uu u baahnaa. Taas waxaa daliil u ah in qofka harraadku ka ba’ayo haddii xididka biyo looga shubo isagoo aan biyo cabbin. Afka iyo dhuunta qallalayaa, markii qofku harraado, shaqadoodu waa digniin sheegaysa in jirka biyihii ku yaraadeen. Haddii aan taasi dhici lahayn jirku waa qallali lahaa isagoo aan laga war helin.
Qiyaasta biyaha ah oo la sheego inay habboon tahay in qofku maalintii iyo habeenkii cabbo waa hal litir iyo bar. Waxaa dhici kara in qofku uusan intaasoo biyo ah wada cabbin ee uu qaarkood u qaato cabbitaanno kale, sida: caano, shaah, aranjaato, liimo, iwm. Qiyaasta biyaha ah oo maalintii la cabbayo waxyaalo badan baa saamayn kara, sida: xilliga, dhididka iyo shaqada qofka. Mar haddii xilligu kululyahay ama qofku aad u shaqeeyo, aadna u dhidido, biyo cabkiisu waa kordhayaa, sida haddii xilligu qabowyahay ama qofku uusan shaqo culus qabannin, uusan dhididinna, biyocabkiisu uu yaraanayo.
Biyaha la cabbaa waxay ahaan karaan kuwo roob, kuwo ceel, kuwo webi, kuwo gal iyo kuwo badeed oo cusbadii laga miiray. Biyaha roobka oo iyagoo aan dhulka soo gaarin weel loo dhigaa ma habboona maxaa yeelay waxaa ka maqan cusbood jirku u baahanyahay. Sidaasoo kale kuwa baddu haddii aan la miirin ma habboona maxaa yeelay waxaa ku badan cusboodka. Biyaha la cabbayaa waa inayan ur, dhadhan iyo midab toonna lahayn, ay jeermiga cudurrada keenana ka bannaan yihiin.Taas waxaa lagu gaari karaa in biyuhu dhuumo ku socdaan meeshay ka imanayaanna ayan uga sokayn musqul iyo buq wasakheed oo kale masaafo 20 mitir ka hoosaysa. Mar haddii uu jiro shaki dheehmid, biyaha waa in la karkariyaa intaan la cabbin ama lagu daraa jeermitirayaasha uu ka mid yahay Isteridoroolku.
LAYLIS:
1. Harraadka runta ahi muxuu ka yimaadaa?
2. Maxaa saamayn kara qofka biyocabkiisa?
3. Maxaan la doonayn in biyaha la cabbayaa leeyihiin?
4. Maxaa la rabaa inay ka fogyihiin meelaha biyaha la cabbayo laga keenayo?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *