Gogosha Ha Igeynin

Gabaygaan waxaa curiyey gabyaaga weyn ee Qamaan Bulxan, sababtii uu u tiriyey waxay aheyd in gabar uu qabay Qamaan mar ay reerkoodii u soo dhibaad doonatay war been ah loo sheegay oo lagu yiri Qamaan wuu dhintay sidaa daraadeedna gabadhii la guursaay.

Qamaan arrintaa aad ayuu uga xumaaday wuxuuna ka tiriyey arrintaa tixdan soo socota isagoo ku halqabsanaya nin saaxiibkii ahaa oo Haybe la oran jiray, wuxuuna yiri:

Gartay weeye Haybow inaan goroda laadshaaye
Waxba gogosha ha i gaynin hurdadu waygu gibileeye
Rag wax gaara gabadhuu qabay oo guurna lagu sheegay
Iyo gamas mariid leh oo u galay goonjigii hilibka
Ugudboone labadaa hal buu gama’ ladiiyee
Aniguna gaddii baan ahaye gogosha ha i gaynin.
Lo’dii miirta shalay goosataye gaawe laga waayey
Ee gaadh istiribaan ahaye gogosha ha i gaynin
Geenyada bakhtiday kii arkaye dudub uraad gooyey
Ee goobay madaxaan ahaye gogosha ha i gaynin.
Nin ay qaaxo feeraha gashay oo malaxi gaashaysay,
Hadduu gama’ yiraah maydhaqaan gocasho daynayne
Wed gudoonsay seedkana ninkaas guraya weeyaane
Aniguna gaddii baan ahaye gogosha ha i geynin.

SHARAXA EREYADA

1. Goroda laadshaaye: madaxa foorariyaa
2. Gibilay: yar tahay
3. Gamas: waran
4. Goonjiga: bartamaha
5. Gedii: sidii oo kale
6. Gaashaaysay: buuxisay
7. Maydhaqa: dhinaca
8. Gocasho: damqasho
9. Wed: geeri

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *