Toosi Naftaada
Imtixaanka Dallacaadda
Marka xil laguu dhiibo waa in madaxdaadu kuu sheegto waxaa lagaa rabo iyo qalabka lagu fulinaayo shaqada, kaddibna waa inay kugu kormeeraan sidaad hawlihii u fulisay, kaana abaalmariyaan wanaag iyo xumaan hadba waxaad la timaaddo.
Waxaase jira inaanay marar badan madaxdu sidaa falin, waxaa suuroobi kara inay ceebahaaga keli ah kugu dhaliilaan wanaaggaagana waxba ka sheegin. Haddii taasi dhacdo ha dhibsanin, madaxdaadu waa aadami oo ceeb ka saliin ma aha, waxaase arrinka kaga adkaan kartaa inaad adigu naftaadaada la xisaabtantid ood gars- oore caadil ah u noqotid, ku xukun ama u xukun naftaada waxay mudato, waxaana lagu siinayaa miisaankii aad ku garsoori Iahayd oo ah su’aal toban mawduuc ah, waxay ka kooban tahay 5 darajo midiiba.
QAYBTA 1aad
Aqoontaada Shaqada
Koowaad:-
- Anigu waan ku dambeeyaa aqoonta shaqada,, waxaan ku tiirsanahay madaxdayda iyo saaxibba- day oo igu caawiya fulinta shaqada.
- Shaqada qaarkeed si fiican baan u fuliyaa, waxaase jira qaar aan u baahanahay in gacan la igu siiyo iskumana dhibo inaan horukac sameeyo.
- Waan ka adkahay shaqada Rootiinka ah, laakiin haddii wax cusub iga horyimaado waanjaho wareer- ayaan, markaasaan ku ordaa madaxdayda si aan gacan uga helo, waxaa iga maqan talo cusub keen- idda iyo arrin curinta.
- Shaqadayada waan aqaannaa haddii la i siiyo awaamiir xadaysan waan xallin karaa mushki- looyinka iga horimaanaya.
- Waan aqaanaa shaqadayda iyo shaqooyinka kale ee maamulka iyo xiriirka ka dhexeeya, haddii mushkilo cusubi soo baxdo waan gam kara dariiqada lagu xallin karo, saxiibbaday waxay ii soo doontaan waanno iyo talooyin markay dhibaato ka hortimaado.
Nooca Shaqada
Labaad:-
- Shaqada waxaan u fuliyaa si dhib leh, marar badanna waa la igu soo celiyaa si aan u saxo, madax- daydu waxay aad u hubsadaan shaqadayda si ay u saxaan.
- Waan xoolo moogahay, waxaan u baahanahay in hadba la i baraarujiyo
- Inta badan shaqadaydu way fiican tahay, laakiin mar mar baan iska dhaafaa arrimaha muhiimka ah markaasay ka dhashaan gafaf fool xun, waxaana isku dayaa inaan iska saxo ceebtaas.
- Waan ku faanaa jagadayda iyo shaqada aan qabto gafafkayguna waa yar yihiin, laakiin waxaa ii dhiman tallaabooyinka horukaca ah.
- Ma badna inta guddoomiyahayaga shaqadayda hubiyo, wuxuu ku kalsoon yahay kartidayda wax qabadka ah, waxaanu ka warqabaa inay gafafkayg* aad u yar yihiin.
Xaddiga Shaqada
Saddexaad:-
- Waan gacan culusahay, waana igu dhib inaan shaqada waqtigeedii dhammeeyo, hadba waxaa la i war- sada goormaad shaqada dhammaynaysaa?
- Waxaa jira waqtiyo badan oo aanan gaari karin heerkii la iga rabay, wax qabadkayguna aad buu u yar yahay, mana habeeyo waqtigayga.
- Waxaan ku dhammaystiraa shaqada heerkii caadiga ahaa ee la iga rabay, ismana dhibo waxaan gutaa waajibka, waxna kuma daro.
- Shaqada aan fuliyaa way ka badan tahay intii waajibka iigu ahayd, hawsha maanta berri uma dhigo, haddaan talo keen ahaan lahaa intaa in ka badan baan qaban lahaa, laakiin marar badan kuma kal- sooni go’aannadayda.
- Wuxuu i yiraahdaa guddoomiyahayga waxaad qabatay shaqo laba nin, aniguna waan ku farxaa, kolkolna waxaa la i warsadaa inaan dad kale caawiyo.
Shakhsiyadda Qofka
Afaraad:-
- Waxaa la arkaa inaanan dadka jeclayn heerkii la rabay waxaan ahay nin bartii yaqaan ku ah naftiisa, fikraddiisa iyo shakhsiyaddiisa.
- Waxaan ahay nin xishood badan, waxaan kala kul- maa dhibaato sidaan u kasbi lahaa saaxiibbo, mar- kay dadku aad ii bartaan way i jeclaadaan, laakiin way adag tahay siday aad iigu bartaan. Dad badan waxay ii qaban inaan ahay nin qalafsan.
- Xaaladdaydu way fiican tahay, waanan ku farxaa in la i waydiisto inaan caawiyo dad kale, laakiin anigu ma bilaabo, iyagaa kaalmo u baahan oon ka sugaa inay i warsadaan, waxaan ahay nin xaq dhawr badan, dhaliisha la ii soo jeediyana waan aqbalaa.
- Anigu waxaan ahay ninka labaad, way i jecelyihiin dadku, laakiin nin kale ayey iga sii jecelyihiin, shakh- siyaddaydu way macaan tahay dadka waan tixge- liyaa, dhaliishana waan jeclahaygaaT ahaan hadday iga kaalmayso xagga wax qabadka.
- Dadku waxay ii yaqaanaan inaan hoggaamiye ahay, aad baanan u sameeyaa, waxaan keenaa fikrado cusub, waana arki karaa gafafkayga, waxaan jecla- hay inaan kaalmeeyo dadka u baahan kaalmadayda.
Ka Warqabidda Socodka Shaqada
Shanaad;-
- Waxaan ahay nin wareeg badan, fadhiga xafiiska uma badni, in badan oo waqtigayga ah waxaan ku dhumiyaa sheeko iyo baashaal.
- Waxaan qirsanahay inaanan goobta shaqada fari- isan, waxaan isku shuqliyaa arrimo ka baxsan shaqadayda, waqtigaygu ma nadaamsana, shaqada sidii loo rabay uma fuliyo.
- Shaqada marmar waan ka daahaa, waxaan ka maq- naadaa maalmo, laakiin intaan joogo si fiican baan u fuliyaa hawsha, waqtigayga waxaan ku tebiyaa sheeko, macno la’aan ah, waxaan ku dadaali doonaa inaan iska saxo gafafka i khasaarinaaya.
- Waqti iskama dhumiyo, xafiiskana kama maq- naado, mushaharkaygu waa u dhigmaa shaqadayda, sidaan waqtiga u qorshaystaa ma xuma, waan arga- gaxaa haddaan la kulmo dhacdooyin cusub oo ka baxsan hawl maalmeedkayga.
- Shaqadayda waan qorshaystaa, maalintii oo dhanna waan shaqaystaa, waan jeclahay shaqadayda, wax qabadkaygu wuu badan yahay, waxaan ku fekeraa sidaan u hormarin lahaa shaqada.
Intee La Isku Kaa Halayn Karaa
Lixaad:
- La iskuma kay halayn karo, wuxuu yiri guddoom- iyahaygu waxaa ii sahlan inaan shaqadaada qabto intaan isku kaa halayn lahaa.
- Sideen u shaqayn karaa, isagoo guddoomiyahaygu i kortaagan yahay, uu fiirinaayo sidaan wax u qaba- nayo,Ilaahay baa igu og inaan dadaalayo, waxaase i wareeriyey inaan markasta isweydiiyo inaan raacay awaamiirtii iyo inaan fuliyey hawshii waqtigii la rabay.
- Guddoomiyahaygaa markasta hubiya shaqadayda si uu u ogaado inaan sidii la rabay u qabtay iyo in kale, haddii aqoontayda korodho waan roonaan doonaa, waxaana aqaanaa ceebahayga.
- Waxaan u fuliyaa hawlhayga sida nadaamku farayo, guddoomiyahaygu waa igu kalsoon yahay, shaqa- daydana aad uma kontoroolo haddaannu jirin arrin si gaar ah loo danaynayo.
- Ma halmaan badni, haddaan mar gafo mar dambe kuma noqdo, Guddoomiyahaygu markuu hawl ii xil saarayo wuu ogyahay inaan siduu rabo iyo waqtiga uu rabo u fulinaayo.
Talo Curinta
Toddobaad
- Ma dhaqaaqo xataa qof kale ii sheego waxaan qabto.
- Waxaan ahay nin dhaq-dhaqaaq yar, mana cpdsado talo iyo tilmaan, haddii shaqada rootiin joogto ah tahay, waxaan jeclahay inaan fuliyo wixii la ii’ xil- saaro oo kali ah.
- Waan heli karaa inaan talo soo jeediyo, laakiin qoraal kuma soo jeediyo, waxaan ka baqdaa inay tald xun noqoto, waxaase dhaca in rag kale talooyin- kaygii soo jeediyaan qoraal ahaan lagana abaal mariyo.
- Waxaa i suuroobi kara inaan hawsha kaligay iska bilaabo, waxaanan soo jeediyaa dariiqooyin cusub oo shaqada lagu fulin karo ama kuwii hore lagu hagaajin karo.
- Anigaa hawsha iska bilaaba, haddaan talo soo jeediyo waxaan ku xoojiyaa caddaynta iyo xojooyin lagu qanci karo, haddaan fikrad fiican helo ma jecli inaan dhumiyo.
U Jajabnaanta Shaqada
Siddeedaad
- Waxaan ahay nin qalafsan, waxaan ku dhegganahay dariiqooyinkii aan iqiinay ee hore, beddelku waa i dhibayaa.
- Diyaar baan u ahay wax beddelidda haddii aan la kulmo qof igu qanciya in beddelku wax ku ool yahay, markasta waa la murmurmaa guddoomiya- hayga markuu damco inuu wax ka beddelo shaqada.
- Ma diidani wax beddelidda laakiin waxaan la kul- mayaa dhibaato xagga barashada hababka cusub, waxaan u malaynayaa inaanan dhaqso ula qabsa- nayn dariiqooyinka cusub, inkastoo aan is ku dayo.
- Xiiso weyn baan u qabaa dariiqooyinka cusub iyo isbeddellada la socda dhaqsana waan ula qabsanayaa.
- Ma jecli kali ah isbeddelka, laakiin waan raadiyaa, waxaan baaraa hababka cusub oo shaqada lagu hor- mariyo, waxaan ka helaa fikradaha ku saabsan horumarinta iyo cosobsiga, dhaqsana waan u bartaa waajibaadka cusub, waxaan leeyahay maskax furan.
Bilicsanaanta Xafiiskaa Iyo Naftaada
Sagaalaad
- Waxaa la arkaa inaanan dhar fiican qabin, waxaanse isu qabaa inaan caadi ahay xagga labbiska, xagga xafiiska, iskuma habayn karo warqadaha filiqsan, laakiin shaqo iigama baaqato oo warqaddaan doono waan heli karaa, cid kalese gal kama soo bixin karto, xafiiskayga haddaan ka maqnahay.
- Wax kasta waan iska labbistaa, waxaanse jeclahay dharka isboortiga, meesha aan ka shaqeeyaa maaha meel bilicsan oo nadaamsan, laakiin bishiiba mar baan nadaamiyaa.
- Labbiskaygu waa iska caadi, hase yeeshee kuma dadaalo nadaafadda jirka sida cidiyaha, timaha, shaarubaha, iwm, xafiiskaygu waa nadaamsan yahay sida galalka, warqadaha iyo qalabka kale si fiican baan u dhigaa mid kastaa meeshiisa.
- Waxaan dadaal dheeraad ah siiyaa muuqaalkayga, xafiiskayguna waa nadaamsan yahay, wax kasta meesha uu yaalna waan aqaanaa.
- Waan qorsheeyaa sidaan u ratibi lahaa xafiiskayga, waxaan ku tabiyaa waqti ku° filan kala ratibidda alaabta xafiiska wax kasta waxaan dhigaa meesha loogu tala galay, waxaan ku dadaalaa inaan muuq- aal bilicsan leeyahay.
Ka Warqabidda Maamulka Shaqada Qaybaha Kale
Tobanaad
- Dirqi baan ku gutaa waajibaadk&yga hawlaha dadka kalena ma daneeyo.
- Maamulka hay’adda aan ka shaqeeyo qayb aanan fikrad ka haysan ayaa jira, laakiin qaar baan ka aqaan.
- Waan aqaanaa shaqadayda iyo shaqada waaxyada kale, waxase iga dhiman inaan fikrad guud ka barto shaqada iyo xilalka hay’adda gebi ahaan.
- Waan aqaanaa Shaqadayda iyo xilka waaxda aan ka shaqeeyo iyo kaalinta ay kaga jirto shaqada hay’adda ee guud, waxase ila gudboon inaan haw- laha waaxyada kale wax ka barto sida waaxda xisaabaadka, waaxda iibka iwm.
- Waxaan xog-ogaal u ahay shaqada xafiiskayga iyo shaqooyinka xiriirka la leh, waqti badan baan ku tebiyaa sidaan uga baaraan degi lahaa shaqada hay’adda aan ka shaqeeyo, iyo ragga hoggaamiya xilalkooda, markay aqoontayda korodhaba waxaa fiicnaada wax qabadkayga, hay’addana aad baan ugu faa’iideeyaa.
QAYBTA 2aad
Tijaabi Kartidaada Hawl Fulinta
Ninka madaxda ah dadka ka hoos shaqeeya ayaa ogaan og ceebihiisa, waxay arkayaan gafafka uu ka qari- naayo madaxdiisa iyo saaxiibadii, kuna sixi maayaan, laakiin waxaad ka garanaysaa siday kuula dhaqmayaan, markaa haddaad dhug leedahay waxaad fahmi kartaa dhaliisha ay kuu soo jeedinayaan iyagoon kuu caddayn. Marka waa inaad is saxdid intaan cid kale ku sixin ama aanay soo ifbixin ceebahaagu halkan waxaa lagu soo hordhigayaa 20 su’aalood oo kugu caawinaaya sidaad isu sixi Iahayd ama ceebahaaga ugu baraarugi Iahayd, marka si daacad ah uga jawaab oo naftaada ha dhagrin, su’aalahuna waxay ku saabsan yihiin nakhtiin ku xusuusinaaya sidaad ugu carnal fashid mabaadii’dii kitaabkan laguugu soo sheegay. Su’aal kastaa waxay leedahay saddex jawaabood oo suuragal ah, mid sax ah, mid sax ku dhaw iyo mid qalad ah oo ku lid ah shaqada. Jawaabihiina waxaa lagu caddeeyey bogga ku xiga su’aalaha.
Su’aalihii
- Maxaad samaysaa markay mushkilo kaa hor timaado xagga maamulka?
- B) Waxaan u sharxaa saraakiisha, kadibna waxaan siiyaa talooyin siday u xallin lahaayeen.
- T) Waxaan u sheegaa saraakiisha waajibaad- kooda, kadibna waan ku kormeeraa.
- J) Mushkiladan u sharxaa, waxaan ku geesi geliyaa inay talooyin keenaan, inkastoo go’aanka ugu dambeeya aan anigu ka mas’uul ahay, waanan ka qayb geliyaa go’aannada taab- anaaya shaqadooda.
- Markaad qof shaqo u xilsaarto sideed ula socotaa?
- B) Waxaan qabaa inaan fulinta shaqada anigu mas’uul ka ahay kamana filo qofkaan shaqada u dhiibay, inuu hadba i warsado siduu wax u qaban lahaa, waxaan isku dayaa inaan u taba- baro siduu isugu kalsoonaan lahaa, shaqadana u fulin lahaa.
- T) Kuma sameeyo kormeer joogta ah, maxaa yeelay waxaan rabaa inay kordhiyaan kartid ood a iyo wax qabadkooda. Waxaan kala socdaa sheeda kali ah, waxaan u jeediyaa su’aalo u hog- gaaminaya jawaabaha saxeexa ah.
- J) Saraakiishaydu maba gafaan, maxaa yeelay markaan shaqo u dhiibo si toos ah ayaan ula socdaa oo waan kor taagnahay.
- Maxaad samaysaa markuu gafo nin saraakiisha ka mid ah?
- B) Waxaan u jeediyaa canaan aanu hilmaamin, anigu waxaan ahay nin qalafsan, ra’yigaygana si cad ayaan u muujiyaa meel kasta iyo qof kasta oo aan la joogo.
- T) Shaqada lagu gafo aad baan uga caroodaa, hase yeeshee waan is celiyaa haddii aanu gafku soo noqnoqon, waxaan isku dayaa inaan baro saraakiisha siday isaga saxaan gafafka.
- J) Waxaa ka mid shaqadayada inaan baarro saba- baha gafka keenay, waxaa laga yaabaa inaan tababarku sax ahayn, ama aan loo sheegin sida shaqada loo fulinaayo ama sarkaalku shaqada u qalmin.
- Maxaad ku abaal marisaa sarkaalka shaqada si fiican u guta?
- B) Mar haddii uu shaqadii gutay wuxuu bislaystay mushaharkiisii abaal gud kale xaq uma laha.
- T) Waxaan u sheegaa sarkaalka inuu si fiican uga soo baxay xilkiisii, waxaanan gaarsiiyaa dhammaan saraakiisha kale si ay ugu daydaan.
- J) Waxaan u jeediyaa ammaan iyo bogaatfin.
- Hawsha waxaa fuliya saraakiisha kula shaqaysa sideed ula macaamilootaa?
- B) Kuma kalifo waxaanay qaban karayn, waxaan tixgeliyaa dhibaatooyinkooda, shaqadaydu waa inaan dadka hoggaamiyo, ee ma aha inaan * dadka gadaal ka kaxeeyo.
- T) Waxaan isku dayaa inaan si caddaalad ah ula dhaqmo, laakiin waa inay shaqadu socoto gar iyo gardaraba, maxaa yeelay waxaan ku qasba- nahay inay fusho shaqada la ii xilsaaray.
- J) Waxaan jagada ku gaaray kartidayda, Umana raaxeeyo naftayda, saraakiisha ila shaqaysa waxaan ka filayaa sidoo kale inay ii la sha- qeeyaan. Waxaan raacsanahay fikradda ah, waxaan u huraa nolosha ninka istaahila.
- Sidee u qorsheysaa shaqada?
- B) Waqti uma haayo qorshaynta hadba shaqada maalintaa i hor taal baan fuliyaa, uma aabo yeelo habaynta shaqada, waxaa ii daran in shaqadu fusho.
- T) Shaqadaydu waa qorshaysan tahay, waana habaysan tahay, haddii aanay jirin arrimo deg- deg ah, waxaan ku dadaalaa inaan habeeyo shaqada saraakiisha ila shaqaysa.
- J) Habaynta fiican waxay kaa badbaadisaa arrimaha kediska ah, waxaan si fiican u nadaamiyaa shaqadayda iyo tan dadka ila shaqeeyaa, in kastoo arrinku adag yahay waa istaahilaa in la isku dhibo.
- Markay dhacdooyinka daran la soo gudboonaadaan hay’adda sideed ula socodsiisaa shaqaalaha?
- B) Waxaan u sheegaa saraakiisha arrimaha taab- anaya shaqadooda.
- T) Waxaan qabaa inaan ogaan la’aanta arrimahaas waxba iyaga yeeleen, loomana baahna inaan la socodsiiyo mar haddii aanay door ku lahayn wax ka qabadka arrinta, anigaa mas’uul ah oo xilku i saaran yahay.
- J) Wax alia wixii hay’adda ku soo kordha oon qarsoodi ahayn waan la socodsiiyaa saraakiisha, si ay ula socdaan hay’addooda iyo siyaasadda ay ku socoto.
- Haddii is af garanwaa dhexmaro shaqaalahaaga iyo shaqaale hay’ad kale maxaad fashaa?
- B) Waxba kuma darsado, ha isku tashado isagu.
- T) Waan daafacaa shaqaalahayga, cid ku xad- gudubtaa ma oggolaado, waan u hiiliyaa haddii aanay gardarrayn, laakiin marna gardarro gacan kuma siiyo.
- J) Waan daafacaa hay’addayda iyo shaqaalahayga haddii ay qalloocan yihiin anigaa la iga rabaa inaan toosiyo.
- Sideed saraakiishaada u tababartaa?
- B) Waxaan ku tabiyaa waqti badan sidaan-u tababaro, korna ugu sii qaado saraakiishayda.
- T) Run ahaan waan isku dayaa inaan barbaariyo shaqaalahayga waxaase jira in hawlo badan la iga sugayo haddii ay yihiin dad garaad fiican iyagaaba iska garanaya inay iskood wax u qabsadaan, oo aqoontooda kor u qaadi kara.
- J) Waxaan tusaa siday u fulin lahaayeen waajibaadkooda, haddii ay u baahdaan tababar dheeraad ah waxaan ku aadiyaa waqtiyada nasashadooda, si aan waqti uga khasaarin hay’adda.
- Maxaad ka qabtaa mushkilooyinka shaqaaluhu kuula yimaadaan?
- B) – Yaa iiga raaxeeya mashaakilka shaqaalaha iyo codsiyadooda isdaba jooga ah, waxaan khaati ka joogaa dhibaatooyinka gaarka ii ah.
- T) Haddii qof xaq u yeesho gunno waxaan ku dadaalaa inuu helo wixii dacwooyin ah ay iila yimaadaan waxbaan ka qabtaa, laakiin ma geesi geliyo dallacaadda iyo tababarrada, maxaa yeelay haddii aan tababaro waxaan ka baqayaa inay ilbaxaan oo ay iga tagaan.
- J) Waxaa igu waajib ah inaan dhaqso wax uga qabto codsiyada dallacaadaha, beddelidda iyo gunnooyinka shaqaalaha, maxaa yeelay waxaa ka mid ah shaqadayda, dhegaysiga iyo wax ka qabadka mashaakilka shaqaalahayga.
- Ma u kala eexataa shaqaalahaaga?
- B) Waxaa ka mid ah shaqadayda inaan ka dhigo shaqaalahayga koox nidaamsan, taasina waxay keenaysaa inaan u simo fursooyinka oo aanan qaarkood la safan. Eexda way dhibaysaa hay’adda shaqaalahana way qalbi jebinaysaa.
- T) Waan jeclahay inay shaqaalahaygu sidii hal koox ah u wada shaqeeyaan, waxaase jira hal qof ama laba si gaar ah iila shaqeeya, mana filayo inay shaqaalaha kale u baxaarugaan.
- J) Waxaa maamulka igu gargaara laba sarkaal oo caqligoodu bisil yahay, intooda kale uma bisla – shaqada, marka uma aabo yeelo iyaga.
- Ma tixgelisaa xiriirka aadamiaga?
- B) Iima saameeyaan waxyaalaha ay ku sheegaan xiriirka aadamiga iyo sheekooyinka ku saabsan, waxaan xoogga saaraa wax soo saaridda.
- T) Waan ogahay in xiriirka aadamigu muhiim yahay, laakiin kuma tebiyo waqti badan danaha dadka, waxaan jeclahay inaan xdogga saaro xagga teknikada iyo horumarinta shaqada.
- J) Waxaan qabaa in shaqadaydu tahay inaan la socdo toosiyo iskuna dubbarido shaqada dadka kale qabtaan, waana taas waajibaadka asaasiga ah ee laga rabo maamulaha fuliyaHa ah, waxaana lagu gudan karaa xilkaas daryeelidda aadamiga.
- Maxaad u qabataa dadka kula shaqeeya?
- B) Waxaa ila shaqeeya dad fiican oo hufan, laakiin ‘ ceebtaydu waa inaanan ka hadlin danahooda.
- T) Waan ku faanaa dadka aan madaxda u ahay waa rag aad u fiican, waajibka hay’addu waa in la qaddariyaa, anigu waan la socodsiiyaa xaal- kooda madaxda markaan fursad u helaba.
- J) Annagu waxaanu nahay dad shaqo isugu yimid, waxaan u shaqaynaa inaan lacag qaadanno, waxyaalahan kale aad ka sheekaynaysaa, sida koox isku midah, dad fiican iwm, waxba kama jiraan.
- Madaxdaadu ma ku texgelisaa?
- B) Madaxdaydu ma texgeliso hadalkayga, ra’yina ima waydiiyaan, waxaa la moodaa waaxda aan madaxda ka ahay inaanay ka tirsanayn hay’adda.
- T) Waan saameeyaa madaxdayda iyo saaxiiba- dayba, haddii aanu shaqo fiican qabanno waxaa nala siiyaa waxaan u baahanahay, annagoon warsan.
- J) Waxaan qabaa inay ka mid tahay shaqadayda inaan u helo waaxda aan ka madaxda ahay qalabka ugu wanaagsan, madaxda sare way tixgeliyaan ra’yigayga waanan ugu faa’iideeyaa saraakiisha ila shaqaysa.
- Ma siisaa saraakiisha kula shaqeeya awood ay u fuliyaan shaqada?
B} Ninka shaqada fuliyaa waa inuu helo awood iyo qalab uu ku fuliyo hawlaha, aniguna waan siiyaa awooddaas, markaan qof u xilsaaro hawl, haddiise aofkii gafo anigay ceebtii igu dhacaysaa, marka waa inaan saxo gafafka saraakiisha ila shaqaysa.
- T) Awoodda aan u wakiisho qofka ila shaqeeya waxay ku xiran tahay hadba nooca shaqada, haddii arrinku aad muhiim u yahay cid uma wakiisho.
- J) Anigu waxaan ahay madax, sarkaalka ila shaqeeyaa waa inuu u fuliyo shaqada dariiqadda aan u rabo, waanan ku kormeerayaa.
- Ma texgelisaa talooyinka shaqaalahaagu soo jeediyo?
- B) Waan ku geesi geliyaa shaqaalahayga inay, talooyin soo jeediyaan, inkastoo badankoodu aanay faa’iioo lahayn, laakiin waan ku xaq dhawraa.
- T) Waxaan mushaharada ku qaataa inaan keeno fikrado wax ku ool ah, waqtina uma hayo inaan dhegeysto fikrado aan qiimo lahayn.
- J) Talooyinka ay keenaan saraakiisha aad baan u qaddariyaa, hadday fiican yihiin waan qaataa, haddii aanay munaasab ahayn waan u sharxaa, sababta loo qaadan waayey.
- Sideed isugu xirtaa shaqaalaha aad madaxda u tahay iyo maamulka sare?
- B) Waaxda aan madaxda ka ahay ammanteeda iyo dhaliisheedaba anigaa u xilsaaran. Marka kama gabbado mas’uuliyadda, wixii gafaf ah ee dhacana cid kale uma tiiriyo ee anigaa dhabarka u dhigtaa sida aan u rabo in wanaagga la iigu ammaano oon cid kale loo tiirin.
- T) Waan abaal mariyaa qofka markuu mutaysto, laakiin kuma xeeldheeraado ammaantiisa, waxaanan ku xirnahay ra’yiga maamulka sare.
- J) Marka qof shaqo fiican qabto waan la socodsi- iyaa maamulka sare.
- Sideed isu waafajisaa hawlaha xafiiska iyo danaha shaqaalaha?
- B) Dadaalkayga waxaan u badiyaa xagga shaqada iyo danaha xafiiska, laakiin shaqaalaha xilweyn iskama saaro.
- T) Waqtigayga badankiisa waxaa qaataa shaqada xafiiska ilaa aan waqti u waayo danaha dadka aan madaxda u ahay.
- J) Shaqadayda asaaska ah waa hoggaminta dadka marka ma gacan bidixayn karo shaqadayda, si foojigan baan isaga xilsaaraa.
- Siday kuula shaqeeyaan shaqaalahaagu?
- B) Shaqaalahaygu way og yihiin inaan iyaga ku hallaynayo fulinta shaqada, waxaanay u fuliyaan si heer sare ah.
- T) Way i hoojiyaan shaqaalahayga marar badan, kuma guulaysto inaan ku qanciyo ahmiyadda shaqada iyo fulinteeda.
- J) Kooxdaan saraakiisha aan madaxda u ahay waa dad aan xilkas ahayn, waxna lagu aamini karayn, waxaan kala kulmaa dhibaato la shaqayntooda.
- Shirar ma u qabataa shaqaalahaaga?
- B) Waqti uma hayo inaan fadhiyo u qabto dadka aan madaxda uu ahay, haddii wax weyni dha- caan waxaan kula socodsiiyaa wareegto.
- T) Waxaan u qabtaa fadhiyo marka ay lama hur- aan tahay, waxaanse ka xumahay in badan- koodu ka baxaan mawduuca laga hadlaayo.
- J) Anigaa u xilsaaran inaan la socodsiiyo shaqaalahayga wixii dhacdooyin soo cusboonaada, waxaan u habeeyaa fadhiga looga doodo arrimaha soo dirriya, waxaan u sameeyaa barnaamij iyo ajendo fadhi kasta.
Jawaabaha
Halkan waxaad ka helaysaa jawaabihii labaatanka su’aalood su’aal kastaa waxay leedahay saddex jawaabood oo suuragal ah, mid baana sax ah midna way ku soo xigtaa, tan saddexaad iyadu waa qalad, waana gef ka soo horjeeda shaqada.
Marka jawaabta saxa ah waxaan siinay 5 dhibcood, midda iska roona 3 dhibcood, midda gafka ah eber, waana kuwaan ee isa sax si aad u ogaatid ninkaad tahay.
Su’aal Lambar – 5 Darajo – 3 Darajo – Ebber
1 – J – B – T
2 – T – J – B
3 – J – T – B
4 – T – J – B
5 – B – T – J
6 – J – T – B
7 – J – B – T
8 – J – T – B
9 – B – T – J
10 – J – T – B
11 – B – T – J
12 – J – T – B
13 – T – B – J
14 – J – T – B
15 – B – T – J
16- J – B – T
17 – J – T – B
18 – J – T – B
19 – B – T – J
20 – J – T – B
Halkaasuu kitaabkii ku dhammaaday maanta oo ah 28ka Abriil, 1984, Alla ha ku anfaco akhristayaasha.