Category Archives: Fanka Maamulka

Jaldiga Gadaale

Waxaa jira maahmaah Carabi ah oo odhanaysa: “Maamulka wanaagsani waa nolosha barkeed”, aniguse waxaan qabaa: “Noloshuba in ay tahay maamul”, maxaa yeelay, maamulku waa fulinta iyo hirgelinta nidaamka u degsan; Qaran, Hay’ad, Mashruuc, Urur, Qoys, ama qayb kasta oo bulshada ka mid ah. Haddaba, kitaabkani wuxuu ku saabsan yahay Fanka Maamulka.

Waxaa is-dhaafiya Dadka, Dawladaha, Shirkadaha, Warshadaha, Mashruucyada kala duwan iyo Qoysaskaba waa maamul wacan, Mashruuc kasta oo hirgalayna waxaa ka dambaysa maskax habaysay.

Marka la yaab ma laha inay dadku daneeyaan, marka qof loo dhiibo jago sare, iyagoo is-weydiinaya qofka aqoontiisa, kartidiisa iyo dad wadiddiisa.

Kutubta Tarjumaha

Kutub uu soo tarjimay:

SAAXIIBBO KASBO – Madbacadda Qaranka (1981)

AFARTAN XADIIS – Madbacadda Qaranka (1984)

FANKA MAAMULKA Madbacadda Qaranka (1985)

DHAAF WALBAHAARKA

Kutub uu Allifay:

Mowqiful Islaam min tadawuril Mujtamacaat.

Nushuu’ul Islaami wa Tadawuruhu.

Wakaaladda Madbacadda Qaranka

State Printing Agency

Cutubka 5aad

Toosi Naftaada

Imtixaanka Dallacaadda

Marka xil laguu dhiibo waa in madaxdaadu kuu sheegto waxaa lagaa rabo iyo qalabka lagu fulinaayo shaqada, kaddibna waa inay kugu kormeeraan sidaad hawlihii u fulisay, kaana abaalmariyaan wanaag iyo xumaan hadba waxaad la timaaddo.

Waxaase jira inaanay marar badan madaxdu sidaa falin, waxaa suuroobi kara inay ceebahaaga keli ah kugu dhaliilaan wanaaggaagana waxba ka sheegin. Haddii taasi dhacdo ha dhibsanin, madaxdaadu waa aadami oo ceeb ka saliin ma aha, waxaase arrinka kaga adkaan kartaa inaad adigu naftaadaada la xisaabtantid ood gars- oore caadil ah u noqotid, ku xukun ama u xukun naf­taada waxay mudato, waxaana lagu siinayaa miisaankii aad ku garsoori Iahayd oo ah su’aal toban mawduuc ah, waxay ka kooban tahay 5 darajo midiiba.

QAYBTA 1aad

Aqoontaada Shaqada

Koowaad:-

  1. Anigu waan ku dambeeyaa aqoonta shaqada,, waxaan ku tiirsanahay madaxdayda iyo saaxibba- day oo igu caawiya fulinta shaqada.
  2. Shaqada qaarkeed si fiican baan u fuliyaa, waxaase jira qaar aan u baahanahay in gacan la igu siiyo iskumana dhibo inaan horukac sameeyo.
  3. Waan ka adkahay shaqada Rootiinka ah, laakiin haddii wax cusub iga horyimaado waanjaho wareer- ayaan, markaasaan ku ordaa madaxdayda si aan gacan uga helo, waxaa iga maqan talo cusub keen- idda iyo arrin curinta.
  4. Shaqadayada waan aqaannaa haddii la i siiyo awaamiir xadaysan waan xallin karaa mushki- looyinka iga horimaanaya.
  5. Waan aqaanaa shaqadayda iyo shaqooyinka kale ee maamulka iyo xiriirka ka dhexeeya, haddii mushkilo cusubi soo baxdo waan gam kara dariiqada lagu xallin karo, saxiibbaday waxay ii soo doontaan waanno iyo talooyin markay dhibaato ka hortimaado.

Nooca Shaqada

Labaad:-

  1. Shaqada waxaan u fuliyaa si dhib leh, marar badanna waa la igu soo celiyaa si aan u saxo, madax- daydu waxay aad u hubsadaan shaqadayda si ay u saxaan.
  2. Waan xoolo moogahay, waxaan u baahanahay in hadba la i baraarujiyo
  3. Inta badan shaqadaydu way fiican tahay, laakiin mar mar baan iska dhaafaa arrimaha muhiimka ah markaasay ka dhashaan gafaf fool xun, waxaana isku dayaa inaan iska saxo ceebtaas.
  4. Waan ku faanaa jagadayda iyo shaqada aan qabto gafafkayguna waa yar yihiin, laakiin waxaa ii dhi­man tallaabooyinka horukaca ah.
  5. Ma badna inta guddoomiyahayaga shaqadayda hubiyo, wuxuu ku kalsoon yahay kartidayda wax qabadka ah, waxaanu ka warqabaa inay gafafkayg* aad u yar yihiin.

Xaddiga Shaqada

Saddexaad:-

  1. Waan gacan culusahay, waana igu dhib inaan sha­qada waqtigeedii dhammeeyo, hadba waxaa la i war- sada goormaad shaqada dhammaynaysaa?
  2. Waxaa jira waqtiyo badan oo aanan gaari karin heerkii la iga rabay, wax qabadkayguna aad buu u yar yahay, mana habeeyo waqtigayga.
  3. Waxaan ku dhammaystiraa shaqada heerkii caadiga ahaa ee la iga rabay, ismana dhibo waxaan gutaa waajibka, waxna kuma daro.
  4. Shaqada aan fuliyaa way ka badan tahay intii waaj­ibka iigu ahayd, hawsha maanta berri uma dhigo, haddaan talo keen ahaan lahaa intaa in ka badan baan qaban lahaa, laakiin marar badan kuma kal- sooni go’aannadayda.
  5. Wuxuu i yiraahdaa guddoomiyahayga waxaad qabatay shaqo laba nin, aniguna waan ku farxaa, kolkolna waxaa la i warsadaa inaan dad kale caawiyo.

Shakhsiyadda Qofka

Afaraad:-

  1. Waxaa la arkaa inaanan dadka jeclayn heerkii la rabay waxaan ahay nin bartii yaqaan ku ah naftiisa, fikraddiisa iyo shakhsiyaddiisa.
  2. Waxaan ahay nin xishood badan, waxaan kala kul- maa dhibaato sidaan u kasbi lahaa saaxiibbo, mar- kay dadku aad ii bartaan way i jeclaadaan, laakiin way adag tahay siday aad iigu bartaan. Dad badan waxay ii qaban inaan ahay nin qalafsan.
  3. Xaaladdaydu way fiican tahay, waanan ku farxaa in la i waydiisto inaan caawiyo dad kale, laakiin anigu ma bilaabo, iyagaa kaalmo u baahan oon ka sugaa inay i warsadaan, waxaan ahay nin xaq dhawr badan, dhaliisha la ii soo jeediyana waan aqbalaa.
  4. Anigu waxaan ahay ninka labaad, way i jecelyihiin dadku, laakiin nin kale ayey iga sii jecelyihiin, shakh- siyaddaydu way macaan tahay dadka waan tixge- liyaa, dhaliishana waan jeclahaygaaT ahaan hadday iga kaalmayso xagga wax qabadka.
  5. Dadku waxay ii yaqaanaan inaan hoggaamiye ahay, aad baanan u sameeyaa, waxaan keenaa fikrado cusub, waana arki karaa gafafkayga, waxaan jecla- hay inaan kaalmeeyo dadka u baahan kaalmadayda.

Ka Warqabidda Socodka Shaqada

Shanaad;-

  1. Waxaan ahay nin wareeg badan, fadhiga xafiiska uma badni, in badan oo waqtigayga ah waxaan ku dhumiyaa sheeko iyo baashaal.
  2. Waxaan qirsanahay inaanan goobta shaqada fari- isan, waxaan isku shuqliyaa arrimo ka baxsan sha­qadayda, waqtigaygu ma nadaamsana, shaqada sidii loo rabay uma fuliyo.
  3. Shaqada marmar waan ka daahaa, waxaan ka maq- naadaa maalmo, laakiin intaan joogo si fiican baan u fuliyaa hawsha, waqtigayga waxaan ku tebiyaa sheeko, macno la’aan ah, waxaan ku dadaali doonaa inaan iska saxo gafafka i khasaarinaaya.
  4. Waqti iskama dhumiyo, xafiiskana kama maq- naado, mushaharkaygu waa u dhigmaa shaqadayda, sidaan waqtiga u qorshaystaa ma xuma, waan arga- gaxaa haddaan la kulmo dhacdooyin cusub oo ka baxsan hawl maalmeedkayga.
  5. Shaqadayda waan qorshaystaa, maalintii oo dhanna waan shaqaystaa, waan jeclahay shaqadayda, wax qabadkaygu wuu badan yahay, waxaan ku fekeraa sidaan u hormarin lahaa shaqada.

Intee La Isku Kaa Halayn Karaa

Lixaad:

  1. La iskuma kay halayn karo, wuxuu yiri guddoom- iyahaygu waxaa ii sahlan inaan shaqadaada qabto intaan isku kaa halayn lahaa.
  2. Sideen u shaqayn karaa, isagoo guddoomiyahaygu i kortaagan yahay, uu fiirinaayo sidaan wax u qaba- nayo,Ilaahay baa igu og inaan dadaalayo, waxaase i wareeriyey inaan markasta isweydiiyo inaan raacay awaamiirtii iyo inaan fuliyey hawshii waqtigii la rabay.
  3. Guddoomiyahaygaa markasta hubiya shaqadayda si uu u ogaado inaan sidii la rabay u qabtay iyo in kale, haddii aqoontayda korodho waan roonaan doonaa, waxaana aqaanaa ceebahayga.
  4. Waxaan u fuliyaa hawlhayga sida nadaamku farayo, guddoomiyahaygu waa igu kalsoon yahay, shaqa- daydana aad uma kontoroolo haddaannu jirin arrin si gaar ah loo danaynayo.
  5. Ma halmaan badni, haddaan mar gafo mar dambe kuma noqdo, Guddoomiyahaygu markuu hawl ii xil saarayo wuu ogyahay inaan siduu rabo iyo waqtiga uu rabo u fulinaayo.

Talo Curinta

Toddobaad

  1. Ma dhaqaaqo xataa qof kale ii sheego waxaan qabto.
  2. Waxaan ahay nin dhaq-dhaqaaq yar, mana cpdsado talo iyo tilmaan, haddii shaqada rootiin joogto ah tahay, waxaan jeclahay inaan fuliyo wixii la ii’ xil- saaro oo kali ah.
  3. Waan heli karaa inaan talo soo jeediyo, laakiin qoraal kuma soo jeediyo, waxaan ka baqdaa inay tald xun noqoto, waxaase dhaca in rag kale talooyin- kaygii soo jeediyaan qoraal ahaan lagana abaal mariyo.
  4. Waxaa i suuroobi kara inaan hawsha kaligay iska bilaabo, waxaanan soo jeediyaa dariiqooyin cusub oo shaqada lagu fulin karo ama kuwii hore lagu hagaajin karo.
  5. Anigaa hawsha iska bilaaba, haddaan talo soo jeed­iyo waxaan ku xoojiyaa caddaynta iyo xojooyin lagu qanci karo, haddaan fikrad fiican helo ma jecli inaan dhumiyo.

U Jajabnaanta Shaqada

Siddeedaad

  1. Waxaan ahay nin qalafsan, waxaan ku dhegganahay dariiqooyinkii aan iqiinay ee hore, beddelku waa i dhibayaa.
  2. Diyaar baan u ahay wax beddelidda haddii aan la kulmo qof igu qanciya in beddelku wax ku ool yahay, markasta waa la murmurmaa guddoomiya- hayga markuu damco inuu wax ka beddelo shaqada.
  3. Ma diidani wax beddelidda laakiin waxaan la kul- mayaa dhibaato xagga barashada hababka cusub, waxaan u malaynayaa inaanan dhaqso ula qabsa- nayn dariiqooyinka cusub, inkastoo aan is ku dayo.
  4. Xiiso weyn baan u qabaa dariiqooyinka cusub iyo isbeddellada la socda dhaqsana waan ula qabsanayaa.
  5. Ma jecli kali ah isbeddelka, laakiin waan raadiyaa, waxaan baaraa hababka cusub oo shaqada lagu hor- mariyo, waxaan ka helaa fikradaha ku saabsan horumarinta iyo cosobsiga, dhaqsana waan u bartaa waajibaadka cusub, waxaan leeyahay maskax furan.

Bilicsanaanta Xafiiskaa Iyo Naftaada

Sagaalaad

  1. Waxaa la arkaa inaanan dhar fiican qabin, waxaanse isu qabaa inaan caadi ahay xagga labbiska, xagga xafiiska, iskuma habayn karo warqadaha filiqsan, laakiin shaqo iigama baaqato oo warqaddaan doono waan heli karaa, cid kalese gal kama soo bixin karto, xafiiskayga haddaan ka maqnahay.
  2. Wax kasta waan iska labbistaa, waxaanse jeclahay dharka isboortiga, meesha aan ka shaqeeyaa maaha meel bilicsan oo nadaamsan, laakiin bishiiba mar baan nadaamiyaa.
  3. Labbiskaygu waa iska caadi, hase yeeshee kuma dadaalo nadaafadda jirka sida cidiyaha, timaha, shaarubaha, iwm, xafiiskaygu waa nadaamsan yahay sida galalka, warqadaha iyo qalabka kale si fiican baan u dhigaa mid kastaa meeshiisa.
  4. Waxaan dadaal dheeraad ah siiyaa muuqaalkayga, xafiiskayguna waa nadaamsan yahay, wax kasta meesha uu yaalna waan aqaanaa.
  5. Waan qorsheeyaa sidaan u ratibi lahaa xafiiskayga, waxaan ku tabiyaa waqti ku° filan kala ratibidda alaabta xafiiska wax kasta waxaan dhigaa meesha loogu tala galay, waxaan ku dadaalaa inaan muuq- aal bilicsan leeyahay.

Ka Warqabidda Maamulka Shaqada Qaybaha Kale

Tobanaad

  1. Dirqi baan ku gutaa waajibaadk&yga hawlaha dadka kalena ma daneeyo.
  2. Maamulka hay’adda aan ka shaqeeyo qayb aanan fikrad ka haysan ayaa jira, laakiin qaar baan ka aqaan.
  3. Waan aqaanaa shaqadayda iyo shaqada waaxyada kale, waxase iga dhiman inaan fikrad guud ka barto shaqada iyo xilalka hay’adda gebi ahaan.
  4. Waan aqaanaa Shaqadayda iyo xilka waaxda aan ka shaqeeyo iyo kaalinta ay kaga jirto shaqada hay’adda ee guud, waxase ila gudboon inaan haw- laha waaxyada kale wax ka barto sida waaxda xisaabaadka, waaxda iibka iwm.
  5. Waxaan xog-ogaal u ahay shaqada xafiiskayga iyo shaqooyinka xiriirka la leh, waqti badan baan ku tebiyaa sidaan uga baaraan degi lahaa shaqada hay’adda aan ka shaqeeyo, iyo ragga hoggaamiya xilalkooda, markay aqoontayda korodhaba waxaa fiicnaada wax qabadkayga, hay’addana aad baan ugu faa’iideeyaa.

QAYBTA 2aad

Tijaabi Kartidaada Hawl Fulinta

Ninka madaxda ah dadka ka hoos shaqeeya ayaa ogaan og ceebihiisa, waxay arkayaan gafafka uu ka qari- naayo madaxdiisa iyo saaxiibadii, kuna sixi maayaan, laakiin waxaad ka garanaysaa siday kuula dhaqmayaan, markaa haddaad dhug leedahay waxaad fahmi kartaa dhaliisha ay kuu soo jeedinayaan iyagoon kuu caddayn. Marka waa inaad is saxdid intaan cid kale ku sixin ama aanay soo ifbixin ceebahaagu halkan waxaa lagu soo hordhigayaa 20 su’aalood oo kugu caawinaaya sidaad isu sixi Iahayd ama ceebahaaga ugu baraarugi Iahayd, marka si daacad ah uga jawaab oo naftaada ha dhagrin, su’aalahuna waxay ku saabsan yihiin nakhtiin ku xusuusinaaya sidaad ugu carnal fashid mabaadii’dii kitaabkan laguugu soo sheegay. Su’aal kastaa waxay leedahay saddex jawaabood oo suuragal ah, mid sax ah, mid sax ku dhaw iyo mid qalad ah oo ku lid ah shaqada. Jawaabihiina waxaa lagu caddeeyey bogga ku xiga su’aalaha.

Su’aalihii

  1. Maxaad samaysaa markay mushkilo kaa hor timaado xagga maamulka?
  2. B) Waxaan u sharxaa saraakiisha, kadibna waxaan siiyaa talooyin siday u xallin lahaayeen.
  3. T) Waxaan u sheegaa saraakiisha waajibaad- kooda, kadibna waan ku kormeeraa.
  4. J) Mushkiladan u sharxaa, waxaan ku geesi geliyaa inay talooyin keenaan, inkastoo go’aanka ugu dambeeya aan anigu ka mas’uul ahay, waanan ka qayb geliyaa go’aannada taab- anaaya shaqadooda.
  1. Markaad qof shaqo u xilsaarto sideed ula socotaa?
  2. B) Waxaan qabaa inaan fulinta shaqada anigu mas’uul ka ahay kamana filo qofkaan shaqada u dhiibay, inuu hadba i warsado siduu wax u qaban lahaa, waxaan isku dayaa inaan u taba- baro siduu isugu kalsoonaan lahaa, shaqadana u fulin lahaa.
  3. T) Kuma sameeyo kormeer joogta ah, maxaa yee­lay waxaan rabaa inay kordhiyaan kartid ood a iyo wax qabadkooda. Waxaan kala socdaa sheeda kali ah, waxaan u jeediyaa su’aalo u hog- gaaminaya jawaabaha saxeexa ah.
  4. J) Saraakiishaydu maba gafaan, maxaa yeelay markaan shaqo u dhiibo si toos ah ayaan ula socdaa oo waan kor taagnahay.
  5. Maxaad samaysaa markuu gafo nin saraakiisha ka mid ah?
  6. B) Waxaan u jeediyaa canaan aanu hilmaamin, anigu waxaan ahay nin qalafsan, ra’yigaygana si cad ayaan u muujiyaa meel kasta iyo qof kasta oo aan la joogo.
  7. T) Shaqada lagu gafo aad baan uga caroodaa, hase yeeshee waan is celiyaa haddii aanu gafku soo noqnoqon, waxaan isku dayaa inaan baro saraakiisha siday isaga saxaan gafafka.
  8. J) Waxaa ka mid shaqadayada inaan baarro saba- baha gafka keenay, waxaa laga yaabaa inaan tababarku sax ahayn, ama aan loo sheegin sida shaqada loo fulinaayo ama sarkaalku shaqada u qalmin.
  9. Maxaad ku abaal marisaa sarkaalka shaqada si fiican u guta?
  10. B) Mar haddii uu shaqadii gutay wuxuu bislaystay mushaharkiisii abaal gud kale xaq uma laha.
  11. T) Waxaan u sheegaa sarkaalka inuu si fiican uga soo baxay xilkiisii, waxaanan gaarsiiyaa dham­maan saraakiisha kale si ay ugu daydaan.
  12. J) Waxaan u jeediyaa ammaan iyo bogaatfin.
  13. Hawsha waxaa fuliya saraakiisha kula shaqaysa sideed ula macaamilootaa?
  14. B) Kuma kalifo waxaanay qaban karayn, waxaan tixgeliyaa dhibaatooyinkooda, shaqadaydu waa inaan dadka hoggaamiyo, ee ma aha inaan * dadka gadaal ka kaxeeyo.
  15. T) Waxaan isku dayaa inaan si caddaalad ah ula dhaqmo, laakiin waa inay shaqadu socoto gar iyo gardaraba, maxaa yeelay waxaan ku qasba- nahay inay fusho shaqada la ii xilsaaray.
  16. J) Waxaan jagada ku gaaray kartidayda, Umana raaxeeyo naftayda, saraakiisha ila shaqaysa waxaan ka filayaa sidoo kale inay ii la sha- qeeyaan. Waxaan raacsanahay fikradda ah, waxaan u huraa nolosha ninka istaahila.
  17. Sidee u qorsheysaa shaqada?
  18. B) Waqti uma haayo qorshaynta hadba shaqada maalintaa i hor taal baan fuliyaa, uma aabo yeelo habaynta shaqada, waxaa ii daran in sha­qadu fusho.
  19. T) Shaqadaydu waa qorshaysan tahay, waana habaysan tahay, haddii aanay jirin arrimo deg- deg ah, waxaan ku dadaalaa inaan habeeyo sha­qada saraakiisha ila shaqaysa.
  20. J) Habaynta fiican waxay kaa badbaadisaa arri­maha kediska ah, waxaan si fiican u nadaamiyaa shaqadayda iyo tan dadka ila shaqeeyaa, in kastoo arrinku adag yahay waa istaahilaa in la isku dhibo.
  21. Markay dhacdooyinka daran la soo gudboonaadaan hay’adda sideed ula socodsiisaa shaqaalaha?
  22. B) Waxaan u sheegaa saraakiisha arrimaha taab- anaya shaqadooda.
  23. T) Waxaan qabaa inaan ogaan la’aanta arrimahaas waxba iyaga yeeleen, loomana baahna inaan la socodsiiyo mar haddii aanay door ku lahayn wax ka qabadka arrinta, anigaa mas’uul ah oo xilku i saaran yahay.
  24. J) Wax alia wixii hay’adda ku soo kordha oon qarsoodi ahayn waan la socodsiiyaa saraakiisha, si ay ula socdaan hay’addooda iyo siyaasadda ay ku socoto.
  25. Haddii is af garanwaa dhexmaro shaqaalahaaga iyo shaqaale hay’ad kale maxaad fashaa?
  26. B) Waxba kuma darsado, ha isku tashado isagu.
  27. T) Waan daafacaa shaqaalahayga, cid ku xad- gudubtaa ma oggolaado, waan u hiiliyaa haddii aanay gardarrayn, laakiin marna gardarro gacan kuma siiyo.
  28. J) Waan daafacaa hay’addayda iyo shaqaalahayga haddii ay qalloocan yihiin anigaa la iga rabaa inaan toosiyo.
  29. Sideed saraakiishaada u tababartaa?
  30. B) Waxaan ku tabiyaa waqti badan sidaan-u tababaro, korna ugu sii qaado saraakiishayda.
  31. T) Run ahaan waan isku dayaa inaan barbaariyo shaqaalahayga waxaase jira in hawlo badan la iga sugayo haddii ay yihiin dad garaad fiican iyagaaba iska garanaya inay iskood wax u qabsadaan, oo aqoontooda kor u qaadi kara.
  32. J) Waxaan tusaa siday u fulin lahaayeen waajibaadkooda, haddii ay u baahdaan tababar dheeraad ah waxaan ku aadiyaa waqtiyada nasashadooda, si aan waqti uga khasaarin hay’adda.
  33. Maxaad ka qabtaa mushkilooyinka shaqaaluhu kuula yimaadaan?
  34. B) – Yaa iiga raaxeeya mashaakilka shaqaalaha iyo codsiyadooda isdaba jooga ah, waxaan khaati ka joogaa dhibaatooyinka gaarka ii ah.
  35. T) Haddii qof xaq u yeesho gunno waxaan ku dadaalaa inuu helo wixii dacwooyin ah ay iila yimaadaan waxbaan ka qabtaa, laakiin ma geesi geliyo dallacaadda iyo tababarrada, maxaa yee­lay haddii aan tababaro waxaan ka baqayaa inay ilbaxaan oo ay iga tagaan.
  36. J) Waxaa igu waajib ah inaan dhaqso wax uga qabto codsiyada dallacaadaha, beddelidda iyo gunnooyinka shaqaalaha, maxaa yeelay waxaa ka mid ah shaqadayda, dhegaysiga iyo wax ka qabadka mashaakilka shaqaalahayga.
  37. Ma u kala eexataa shaqaalahaaga?
  38. B) Waxaa ka mid ah shaqadayda inaan ka dhigo shaqaalahayga koox nidaamsan, taasina waxay keenaysaa inaan u simo fursooyinka oo aanan qaarkood la safan. Eexda way dhibaysaa hay’adda shaqaalahana way qalbi jebinaysaa.
  39. T) Waan jeclahay inay shaqaalahaygu sidii hal koox ah u wada shaqeeyaan, waxaase jira hal qof ama laba si gaar ah iila shaqeeya, mana filayo inay shaqaalaha kale u baxaarugaan.
  40. J) Waxaa maamulka igu gargaara laba sarkaal oo caqligoodu bisil yahay, intooda kale uma bisla – shaqada, marka uma aabo yeelo iyaga.
  41. Ma tixgelisaa xiriirka aadamiaga?
  42. B) Iima saameeyaan waxyaalaha ay ku sheegaan xiriirka aadamiga iyo sheekooyinka ku saabsan, waxaan xoogga saaraa wax soo saaridda.
  43. T) Waan ogahay in xiriirka aadamigu muhiim yahay, laakiin kuma tebiyo waqti badan danaha dadka, waxaan jeclahay inaan xdogga saaro xagga teknikada iyo horumarinta shaqada.
  44. J) Waxaan qabaa in shaqadaydu tahay inaan la socdo toosiyo iskuna dubbarido shaqada dadka kale qabtaan, waana taas waajibaadka asaasiga ah ee laga rabo maamulaha fuliyaHa ah, waxaana lagu gudan karaa xilkaas daryeelidda aadamiga.
  45. Maxaad u qabataa dadka kula shaqeeya?
  46. B) Waxaa ila shaqeeya dad fiican oo hufan, laakiin ‘ ceebtaydu waa inaanan ka hadlin danahooda.
  47. T) Waan ku faanaa dadka aan madaxda u ahay waa rag aad u fiican, waajibka hay’addu waa in la qaddariyaa, anigu waan la socodsiiyaa xaal- kooda madaxda markaan fursad u helaba.
  48. J) Annagu waxaanu nahay dad shaqo isugu yimid, waxaan u shaqaynaa inaan lacag qaadanno, waxyaalahan kale aad ka sheekaynaysaa, sida koox isku midah, dad fiican iwm, waxba kama jiraan.
  49. Madaxdaadu ma ku texgelisaa?
  50. B) Madaxdaydu ma texgeliso hadalkayga, ra’yina ima waydiiyaan, waxaa la moodaa waaxda aan madaxda ka ahay inaanay ka tirsanayn hay’adda.
  51. T) Waan saameeyaa madaxdayda iyo saaxiiba- dayba, haddii aanu shaqo fiican qabanno waxaa nala siiyaa waxaan u baahanahay, annagoon warsan.
  52. J) Waxaan qabaa inay ka mid tahay shaqadayda inaan u helo waaxda aan ka madaxda ahay qalabka ugu wanaagsan, madaxda sare way tixgeliyaan ra’yigayga waanan ugu faa’iideeyaa saraakiisha ila shaqaysa.
  53. Ma siisaa saraakiisha kula shaqeeya awood ay u fuliyaan shaqada?

B} Ninka shaqada fuliyaa waa inuu helo awood iyo qalab uu ku fuliyo hawlaha, aniguna waan siiyaa awooddaas, markaan qof u xilsaaro hawl, had­diise aofkii gafo anigay ceebtii igu dhacaysaa, marka waa inaan saxo gafafka saraakiisha ila shaqaysa.

  1. T) Awoodda aan u wakiisho qofka ila shaqeeya waxay ku xiran tahay hadba nooca shaqada, haddii arrinku aad muhiim u yahay cid uma wakiisho.
  2. J) Anigu waxaan ahay madax, sarkaalka ila shaqeeyaa waa inuu u fuliyo shaqada dariiqadda aan u rabo, waanan ku kormeerayaa.
  3. Ma texgelisaa talooyinka shaqaalahaagu soo jeediyo?
  4. B) Waan ku geesi geliyaa shaqaalahayga inay, talooyin soo jeediyaan, inkastoo badankoodu aanay faa’iioo lahayn, laakiin waan ku xaq dhawraa.
  5. T) Waxaan mushaharada ku qaataa inaan keeno fikrado wax ku ool ah, waqtina uma hayo inaan dhegeysto fikrado aan qiimo lahayn.
  6. J) Talooyinka ay keenaan saraakiisha aad baan u qaddariyaa, hadday fiican yihiin waan qaataa, haddii aanay munaasab ahayn waan u sharxaa, sababta loo qaadan waayey.
  7. Sideed isugu xirtaa shaqaalaha aad madaxda u tahay iyo maamulka sare?
  8. B) Waaxda aan madaxda ka ahay ammanteeda iyo dhaliisheedaba anigaa u xilsaaran. Marka kama gabbado mas’uuliyadda, wixii gafaf ah ee dhacana cid kale uma tiiriyo ee anigaa dhabarka u dhigtaa sida aan u rabo in wanaagga la iigu ammaano oon cid kale loo tiirin.
  9. T) Waan abaal mariyaa qofka markuu mutaysto, laakiin kuma xeeldheeraado ammaantiisa, waxaanan ku xirnahay ra’yiga maamulka sare.
  10. J) Marka qof shaqo fiican qabto waan la socodsi- iyaa maamulka sare.
  11. Sideed isu waafajisaa hawlaha xafiiska iyo danaha shaqaalaha?
  12. B) Dadaalkayga waxaan u badiyaa xagga shaqada iyo danaha xafiiska, laakiin shaqaalaha xilweyn iskama saaro.
  13. T) Waqtigayga badankiisa waxaa qaataa shaqada xafiiska ilaa aan waqti u waayo danaha dadka aan madaxda u ahay.
  14. J) Shaqadayda asaaska ah waa hoggaminta dadka marka ma gacan bidixayn karo shaqadayda, si foojigan baan isaga xilsaaraa.
  15. Siday kuula shaqeeyaan shaqaalahaagu?
  16. B) Shaqaalahaygu way og yihiin inaan iyaga ku hallaynayo fulinta shaqada, waxaanay u fuliyaan si heer sare ah.
  17. T) Way i hoojiyaan shaqaalahayga marar badan, kuma guulaysto inaan ku qanciyo ahmiyadda shaqada iyo fulinteeda.
  18. J) Kooxdaan saraakiisha aan madaxda u ahay waa dad aan xilkas ahayn, waxna lagu aamini karayn, waxaan kala kulmaa dhibaato la shaqayntooda.
  19. Shirar ma u qabataa shaqaalahaaga?
  20. B) Waqti uma hayo inaan fadhiyo u qabto dadka aan madaxda uu ahay, haddii wax weyni dha- caan waxaan kula socodsiiyaa wareegto.
  21. T) Waxaan u qabtaa fadhiyo marka ay lama hur- aan tahay, waxaanse ka xumahay in badan- koodu ka baxaan mawduuca laga hadlaayo.
  22. J) Anigaa u xilsaaran inaan la socodsiiyo shaqaal­ahayga wixii dhacdooyin soo cusboonaada, waxaan u habeeyaa fadhiga looga doodo arri­maha soo dirriya, waxaan u sameeyaa barnaamij iyo ajendo fadhi kasta.

Jawaabaha

Halkan waxaad ka helaysaa jawaabihii labaatanka su’aalood su’aal kastaa waxay leedahay saddex jawaabood oo suuragal ah, mid baana sax ah midna way ku soo xigtaa, tan saddexaad iyadu waa qalad, waana gef ka soo horjeeda shaqada.

Marka jawaabta saxa ah waxaan siinay 5 dhibcood, midda iska roona 3 dhibcood, midda gafka ah eber, waana kuwaan ee isa sax si aad u ogaatid ninkaad tahay.

Su’aal Lambar – 5 Darajo – 3 Darajo – Ebber

1 – J – B – T

2 – T – J – B

3 – J – T – B

4 – T – J – B

5 – B – T – J

6 – J – T – B

7 – J – B – T

8 – J – T – B

9 – B – T – J

10 – J – T – B

11 – B – T – J

12 – J – T – B

13 – T – B – J

14 – J – T – B

15 – B – T – J

16- J – B – T

17 – J – T – B

18 – J – T – B

19 – B – T – J

20 – J – T – B

Halkaasuu kitaabkii ku dhammaaday maanta oo ah 28ka Abriil, 1984, Alla ha ku anfaco akhristayaasha.

Cutubka 4aad

Habka Gudbinta Fikradaha Iyo Iswargelinta

Waxaa innoo soo hormaray in fanka hoggaamintu ku d’nisan yahay saddex dhar-dhaar oo kala ah: Xiriirka aad a m i ga, go’aar, qadashada iyo u gudbinta fikrooyinka dadka kaie.

Marka labada hore waan soc qaadannay, halkaan waxaan ku qaadanaynaa qavbta saddexaad oo ah gud­binta fikrooyinka ama dhacsiinta dadka waxaad qabtid.

Codkaagu Ma Gaaraa Dadka Arrinku Khuseeyo Dhammaantii?

Isu gudbinta fikradahs wax ku oolka ah waa midda bar3arujisa dadka ee ku xambaarta dhaqdhaqaaqa iyo waxqabadka, hoggaamiyaha guulaysanayaa waa midka xariifka ku ah gudbinta fikradihiisa, kartidana u leh dhacsiinta dadka waxa uu qabo, waxaynu ognahay in ereygu yahay dhaqaajiyaha ugu miihiimsan ee qofku wax ku qaban&yo, maxaa yeelay hadalkaa summad u ah fikradaha iyo falalka qofsta.

QAYBTA 1aad

Muujinta Fikradaha

Dadku wuu kala hadli ogyahay wuu kala aftahansan yahay, waanu kala gudbin ogyahay fikradaha ay qabaan marka haddaad aragtid nin kaa dhacsiin og fikradihiisa ha ka biiqin inaad ku guuleysan adigu sidiisoo kale. Maxaa yeelay mar haddii qofku maskax furan yahay waxaa ku filan inuu arrinka si fiican ugu baaraandego ka dibna isku habeeyo fikradihiisa marka wuxuu awoodi karaa inuu u taijumo fikraddiisa ereyo, iyagana ugu muujin karo ficillo.

Mana aha gudbinta fikraddu inaad khudbayso ee waxaa jira siyaabo badan oo aad dadka ku dhacsiin kartid waxaad qabtid, tusaale ahaan markaad amar bixinaysid, markaad sharraxaysid hab cusub oo hawsha loo fuliyo.

Warbixinta aad u diraysid madaxdaada si ay ula socdaan wax qabadka Waaxda aad ka madaxda tahay. Xaashida aad u diraysid nin rukun kuu ah ood ugu sheegaysid sababta badeecadu dib ugu dhacday, sidoo kale la kulanka shaqaalahaaga, waxaasoo dhammi waa habab lagu muujinayo gudbinta fikradaha, haddana habkaas oo faahfaahsan aan qaadanno.

Ku guuleysiga hoggaanmintu wuxuu u baahan yahay codkamimadaada iyo kartidaada dhageysiga dadka kula xiriira. Aasaaska xiriirka shakhsiga ee wax ku oolka ah waa kartidaada dhageysiga dadka kale.

Haddii aad ku guulaysato dhageysiga dadka kale waxaad burburisay darbiyadii idin kala ooday adiga iyo shaqaalahaaga, waxaanad abuuraysaa xaalad is- afgarasho oo dadka u diyaarinaysa inay aqbalaan talooyinkaaga, fikradahaaga iyo amarradaada. Maxaa yeelay waxaad u muujisay markaad dhegeysatay fikrada- hoodii iyo mashaakilkoodii inaad qiimaysay dadnima- dooda iyo aqoontooda. Waxaa caado ah hadduu qofku hadlo inuu faydo wuxuu caloosha ku haysto, marka haddaad si fiican u dhageysato adigoo qaddarinaya hadalkiisa, waxaa baaba’aya canaadkiisii caloosha ugu qarsoonaa uu ku diidi lahaa talooyinkaaga amaba ku horjoogsan lahaa.

Marka ha dhayalsan dhageysiga dadka xiriirka kula leh.

Waa Inaad Dadka La Warantid

Waxaa ka mid ah waajibaadka hoggaamiyaha inuu talooyin siiyo dadka uu madaxda u yahay iyo inuu u sharaxo siyaasadda hay’adda uu hoggaaminayo, sidoo kale waa inuu la isocodsiiyo madaxdiisa dhaqdhaqaaqa waaxda uu hoggaaminayo iyo ra’yigiisa sida loo hormarinayo iyo wixii mashaakil ah ee jira. Marka adigoo adeegsanaya xiriirka tooska ah waxaad ka dhigi kartaa shaqaalahaaga koox mideysan oo isu kaalmaysata gudashada waajibaadka shaqada.

Waa inaad u dhug lahaatid in xiriirka tooska ah ee ka dhexeeya madaxda iyo shaqaalaha uu yahay halbaw- laha guusha hoggaamiyaha libinta keena. Marka had­daad xiriirkaa goysid ood dadka iska xijaabtid ogow inaad ku fashilmeyso hoggaaminta wacan. Waana inaad daacad ku ahaatid macaamilada aad la leedahay madax­daada iyo shaqaalahaagaba, haddaad isku daydid^ khiyaano iyo dhagar ogow in lagaa war heli doono kad- dibna lagaa aammin bixi doono, ka dibnalaad ku fas- hilmi doontid hoggaaminta, kalsoonaan la’aanta awgeed.

Fanka Gaarsiinta Talooyinka Iyo Amarrada

Amar-bixintu waxay u baahan tahay karti dhab ah habka gudbinta iyo wax is-dhacsiinta, maxaa yeelay awaamiirta qaladka loo fahmo waxaa loo fuliyaa si fool xun oo laga yaabo inay ka dhashaan natiijooyin dhibaata keena.

Waxaa waajib ah marka amar la bixinayo inuu cad- daan yahay waxa la is farayo hana u qaadanin inay garteen dadkaad amarka siisay ujeeddadaada marba haddaad adigu garanayso. Waxaana lama huraah ah inaad si fiican ula socotid laba arrimood markaad amarka bixinaysid:

  1. Waa in amarku aad .u cad yahay si fududna loo garan karo.
  2. Inaad aad uga fiirsatid ereyada iyo dariiqada aad amarrada u soo saaraysid.

Waxaa jira in amarka qaawan ee hanjabaadu ku jirto dhaliyo calool xumo iyo diiddo qarsoon. Amarka – loo bixiyo si rajo iyo tixgelin ka muuqato wuxuu dha- liyaa natiijooyin wax ku ool ah, maxaa yeelay dadkii waxaad ula dhaqantay si tixgelin iyo qiimeyn leh, waana taas dariiqada dimoqaraadiga ee shaqada lagu fulin karo. Haddiise ay jiraan dadka qaar ku habboon amarka tooska ee kulul waa in lagu talo gaio.

Haddii aad ka maqashid saraakiisha iyagoo leh anagu kuma qaadanno mushaharka inaan fekcrno, taasi waa xilka guddoomiyaha falkaasi wuxuu ku lusayaa inay jirto dhaliil laguu soo jeedinayo xagga habka maamul- kaaga, marka hubso dhaliilahaas oo isa sax haddii ay jiraan ceebo.

Toban Talo Oo Ku Saabsan Gaarsiinta Amarrada

Waxaa halkaan lagu soo koobay toban talo oo laga soo dhex xulay casharradii ina soo maray oo ku saabsa- naa amar bixinta iyo dhacsiinta dadka amarradu khu- seeyaan waana kuwan:

  1. Intaadan arrinka u xilsaarin qofka fulinaaya aad uga baaraandeg oo dhan walba ka iiiri si aad u bubsatid inuu yahay amar la fulin karo.
  2. Aad u hubi in sarkaalka aad arrinka u xilsaartay uu gartay ujeeddada iyo habka loo fulinayo.
  3. Aad uga fiirso doorashada qofka aad u xiisaaraysid fulinta amarka adigoo hubin&ya kartidiisa, raaskax- diisa, waayo-aragnimadiisa xagga gudashada xilka la saaray.
  4. U hadal si caddaan ah, amarkuna waa inuu ahaado mid toosan oon murugsanayn.
  5. Hal mar ha bixinin amarro fara badan, maxaa yeelay taasi waxay dhalisaajaho wareer iyo iska hor-imaad, haddii amarradu badan yihiin waa in la qoro oo la faahfaahiyo si sarkaalka mas’uulka ka ah fulinta haddiiba u fahmo.
  6. Iska hubso in amarradaadu caqligal yihiin oo la fulin karo, hana u xilsaarin sarkaalka aad madaxda u tahay waajib aanu gudan karayn.
  7. Haddii sarkaalka arrinka loo xilsaaray ay ku adkaato inuu fahmo amarka ha ku caroonin, hana ku jeesjeesin, maxaa yeelay afxumada iyo quursiga waa waxyaabaha hortaagan hagaajinta xiriirka fiican.
  8. Iska hubi in dariiqada aad raacayso munaasib u tahay dadka aad xukumaysid, si aad u beddcshid haddii aanay ku habboonayn.
  9. Aad u h ubi inaanay a waamiirtaadu ka”hor imaanayn amarro aad horey u bixisay, maxaa yeelay amarrada iska hor-knaanaya waa aafada gudbinta talooyinka.
  10. Hubso in sarkaalku si fiican u fahmay amarka aad siisay, haddii aad ku celceliso amarka ama weydiiso inuu kuu sheego siduu u gartay way fiicnaan Iahayd.

Siyaasadda Wax Is-Dhaadhicinta

Waxaa ka mid ah waajibaadka hoggaamiyaha fuliyaha ah inuu ayido siyaasadda ay ku socoto hay’adda uu u shaqeeyo waana inuu awood u leeyahay dhacsiinta shaqaalihiisa siyaasaddaa iyada ah, sidaas bay siyaas­adda hay’addu ku noqon kartaa xaqiiqo jirta oo la taaban karo.

Shaqaaluhuna wuxuu helayaa jid toosan oo uu kula socon karo hay’addiisa iyo nidaamka ay ku shaqaynayso, maxaa yeelay iyaga waxaa dan u ah ku dhaqanka nidamka toosan oo qeexan kaasoo keenaya is-afgarad iyo isku kalsoonaan.

Gudbinta talooyinka iyo ra*yiyada waa fan, marka waa in loo raaco dariiqada ugu habboon ee lagu qancin karo sarkaalka u xilsaaran fulinta arrimaha, haddii la dhayalsado ama la kari waayo in loo caddeeyo arrimaha sarkaalku warsado, si uu u guto hawlaha loo xilsaaray ee laga rabo inuu qabto amarkii, u fuli maayo sidii loogu tala galay.

La Talinta Saraakiisha

Mar haddaad hoggaamiye tahay waxaa kaa saaran xil dhibaatooyinka shaqaalahaaga, waxaa jira inay sha- qaale badan kuula imaanayaan mashaakilkooda, iyagoo kaa codsanaya in aad wax’ifala qabatid xallintooda, haddaba haddii arrinkaasi ku qabsado ha dhibsan, waxaa la arkaa qaarkood inay kuula Tyimadaan arrimo ka baxsan shaqada isku kiin xiraysa, waxaa la arkaa badankoodu inay ku kaaftoomaan inaad ka dhagaysato mashaakillada haysta ood u muujiso oo kaliya naxariis iyo garawsho.

Wax isdhacsiinta waxaa ka mid ah dareenka iyo fahmidda mashaakilka dadka kale. Marka si aad u fahamto mashaakilka saraakiisha kula shaqaysa waa inaad u degtid heerkooda ood dejisid naftoo’da dhinaca ay ka joogaan arrinka.

Mabaadi’daan hoos ku qoran waxay kugu caaw- inaysaa sidaad u dareemi Iahayd una kaalmayn Iahayd saraakiisha aad madaxa u tahay waana kuwan:

Toban Qaacido Sidaad Wax Ugu Qaban Lahayd Sarkaal Mushkilo Haysato

  1. U dhaaf sarkaalka hadalka, hana la murmin.
  2. Ha isku dayin inaad markiiba hadalka la wareegtid ama aad maamushid qaybinta hadalka.
  3. U muuji inaad la socotid xaalkiisa, kana damqa- nayso dhibaatadiisa.
  4. Ha la talin xataa aad ka dhagaysato mashaakilka dhammanteed, taladaaduna ha ahaato mid guud ahaaneed oo daacadnimo ku jirto.
  5. Ha u jeedin su’aalo ku qasba inuu faydo arrinmaha u qarsoon, maxaa yeelay adigu ma tihid xeer ilaaliye.
  6. Isku day inaad ka dhadhamisid erayadiisa waxyaa- baha uu ka warwareegayo inuu sheego, si aad ugu baraarugtid waxyaabaha uu iska dhawrayo.
  7. Haddii mashaakilladu tahay muran dhexmaray saraakiisha kula shaqaysa ku dadaal inaad dhexdhe- xaad ka ahaatid murankooda.
  8. Kulanku waa inuu gaar u ahaado adiga iyo isaga kali ah, hana ku kalifin inuu arrimihiisa gaarka ah qof saddexaad uga sheekeeyo ama uu shir kaga war- ramo, haddii aanu isagu sidaa rabin.
  9. Marna faraha ha la gelin mashaakilka shaqaalaha ee gaarka ah.
  10. U gudo waajibaadkaaga qancinta saraakiisha si ku habboon xilka aad haysid una muuji inaad qiimay- nayso mushaakilladiisa aanad jeceshahay inaad wax kala qabatid inta tabartaada ah.

Habka Wax Isku Dhacsiinta Dariiqada Edbinta

Hababka wax isdhacsiinta waxaa ugu muhiimsan midka edbinta ama ciqaabta qofka shaqada ku gabood fala, maxaa yeelay waxaa lagu isticmaalayaa sifooyinkii hoggaaminta oo dhan – sida kartida gudbinta talooyinka, caddaaladda, dareenka mashaakilka dadka kale. Edbinta caddaaladda ku’dhisani waa nooc waxbaridda ka mid ah, waxaana waajib ah in la qanciyo qofka ciqaabta edbinta mutaystay sababta loo ciqaabay haddii kale wuxuu u qaadanayaa in la dulmay.

Waxaa jira toban qaacido oo la soo xulay inay kugu caawiyaan edbinta wax ku oolka ah, waana kuwan:

  1. Si fiican uga baraari deg gafka dhacay adigoo isku dayaya inaad ka fiirsatid dhinaca qofka gafay iyo dhinaca hay’adda lagu xadgudbay nidaamkeedii labadaba.
  2. Xusuusnow inaan gefku aad ula weyneyn qofka sha­qaalaha sida uu adiga kuula weyn yahay, marka xisaabta ku dar inaad dareensiiso dhumucda gafki- isa markaad ciqaabaysid.
  3. Ha ku canaanan qofka gafay dadka hortiisa si aanad ugu hor ceebeyn asaaggiisa.
  4. Ka digtoonow inaad go’aan soo saartid intaadan koobin dhammaan xaqiiqooyinka dhacdada saamaynaya.
  5. Ha la doodin qofka gafay, ana oggolow fursad uu isku difaaco oo uu ku muujiyo ra’yigiisa. Go’aankaa- gana ku dhis xaqiiqooyinka huban markaad si cad u muujisid gafka dhacay iyo ciqaabta lagu muda- naayo, dariiqadaas ayuu ku xaqiiqsanayaa caddaaladdaada.
  6. Ha jeedin khudbado wacdi iyo hanuunin ah, maxaa yeelay middaas adiga kaa sugi maayaan.
  7. Ha ku xadgudbin dhaliisha, tusaale ahaan: ha dhihin waxaa idiinsuuroobi -ahayd sidaa si ka fiican inaad fashaan ama aad tiraahdid waxba maad qaban. Waxaana la arkaa in crayadaasi muran aan loo baahnayn dhaliyaan.
  8. Noqo garsoore deggan oo xasilan hadday caadifada caradu kaa adkaato waxaad u muujinaysaa dadka daciifnimadaada, hadday caro ku qaadqaadayso jooji shaqada intaad ka qaboobayso, maxaa yeelay go’aanka aad soo saartid adigoo careysan waad ka shallayn doontaa.
  9. Kori u damqashadaada dhibaalooyinka dadka kale, si aad u baratid boogaha halista ah ee xisaabta lagu daro marka qof la edbinaayo.
  10. Baro dadka aad madaxda u tahay, si aad u kala ogaatid kuwa ku habboon in si kulul oo adag loola dhaqmo iyo kuwa u baahan sasabada tirtirsiga iyo geesi gembi, marka qof kasta kula dhaqan xaaladda ku habboon dabeecaddiisa

Habka Wax Isku Dhacsiinta Xagga Qiimaynta Shaqada

Waxaa jira inaanay siiaqa’iiuhu isku si u gudannin xilkooda, haddii aan la kala ogaan siday shaqada ago kala fiican yihiin, waxaa dhacda inaan la kala garan karayn kii wax wanaajiyey iyo kit wax halleeyey. Marka’ waxaa ka mid ah xilka madaxda inay si cad u kala yaqaannaan siday dadku shaqada ugu kala wanaagsan yihiin, si loogu kala abaal-mariyo.

Waxaa jira inaanay madaxda qiimo weyn siin qad- darinta dadka shaqada fiican, laakiin haddii ha! mar g&f dhaco ay dunida kicinayaan qaylo iyo canaan. Marka caddaaladdu waxay keenaysaa in ninkii si wanaagsan « sbaqeeyey loogu abaal gudo waiuag, horukacna loo sameeyo, kii aan si fiican u shaqaysanna la hauuimiyo lana toosiyo si uu u hagaago. Haddii si isku mid. ah laga dhigo ninka daacadnimada iyo hagar la’aama ku sha­qeeya iyo kan ma shaqaystaha ah, waxaa ku dhalanaya ninkii wanaagsanaa qalbi jab, waxaanu ku biiri kara ma shaqaystaha, halkaasay shaqadii ku curyaamaysaa.

QAYBTA 2aad

Sidaad Ugu Guulaysan Lahayd Ulana Qabsan Lahayd Shir Ama Fadhi

Haddaad u fiirsato koox kubbad dheelaysa waxaad arkaysaa inay dhexdooda u tartamayaan dhalinta goolka si uu sharafta guusha u helo, isla markaana kooxdoo dhan way wada dadaalaysaa si ay goolal badan uga dhaliyaan kooxda ka soo horjeedda. Marka adigu waxaad tahay nin ka mida kooxda hay’adda aad u shaqaysid waxaad la tartamaysaa kuwa asaaggaaga ah si aad hay’adda guusha ugu fiican ugu soo hoysid, isla mar­kaana dhammaan shaqaalaha hay’adda waxay u wada shaqaynayaan inay guul ka soo hooyaan hay’adaha kale ee la tartamaya.

Marka sidaad u jeceshahay adigu inaad horukac samaysid ayey asaaggaagana u jecel yihiin, marka waxaad ku jirta Iaba tartan, mid waxaad kula jirtaa saaxiibbadaa midna adiga iyo saaxiibbadaada ayaa u wada jira si aad ugu soo hoysaan hay’adda guul iyo horukac. Marka si aad guushaa ku gaartid waa inaad aqoon dheer u leedahay shaqadaada, kartidaada iyo awooddaada gudbinta fikrooyinkaaga. Meelaha aad ku muujin karto ragannimadaada waxaa ugu muhiimsan ka qayb galka shirarka, maxaa yeelay shirarku waa meesha qofku ka jeedin karo talooyinkiisa kana muujin karo ra’yigiisa, waa meesha lagu barto qof kasta kartidiisa, dadnimadiisa iyo waxyaabaha uu hibada u leeyahay, ka qayb galka shirarka waa jidka loo maro jagooyinka sare, marka ha u daymo la’aanin inaad kartidaada si daacad- nimo iyo hufnaan ah uga muujisaa fadhiyada aad ka qayb galayso ama aad madaxda u noqonayso.

Sifooyinka Hoggaamiyaha Shirarka

Sifada aasaasiga ah ee laga rabo guddoomiyaha shirka waa inuu karti u leeyahay inuu u hoggaamiyo shirka guul si loo gaaro ujeeddadii loo guntay, si taa loo helana waxaa loo baahan yahay inaad fikrad guud ka haysatid shaqadaada, si qoto dheerna ula socotid arrinka la isugu yimid iyo dadka ka qayb galaya fikradaha iyo ra’yiyada ay kala qabaan, waa inaad karti u leedahay doodda adigoon dagaallamin ama aan caroon, maxaa yeelay mar haddii guddoomiyihii shirku caroodo meeshii waa lagu kala tegayaa. Si aad uga dhigtid shirka mid mireeya waa inaad kulmisid madaxda kala duwan ee ka soo qayb galay si is-afgarad iyo isku kalsoonaan loo helo, taa macnaheedu wuxuu yahay inaad aqoonji leedahay nin kasta oo ka soo qayb galay iyo waxa uu loi fekeraayo iyo mowqifkiisa arrimaha l;aga hadlaayo. Sidoo kale shirku wuxuu u baahanyahay siyaaso, waana meel lagu tartamaayo oo qof kastaa wuxuu rabaa in ra*yigiisu meel maro. Marka haddii aad talo jeedinayso waa inaadan ku koobin ra’yigaaga danaha shirkadda ama hay’adda oo keli ah ee waa inaad muujisid maslaxadda iyo danaha ka qayb galayaasha arira aad caddeysid inaanay talooyin- kaad soo jeedisay ka hor imaanayn danahooda, taasina waxay u baahan tahay ka fiirsi iyo aragti dheer.

Wax kastaaba ha dheceene waa inaad marna noqon nin qallafsan ee meel ku dheg ah si aan fikradahaaga iyo talooyinkaaga loo laadin, waa inaad ku tala gashid in ra’yigaaga laga horimaanayo ama la keeni karo ra*yi ka fiican. Marka haddii taasi dhacdo waa inaadan isjaha wareerin ee waa inaad deristid fikradaha cusub, haddii ay ka fiican yihiin kuwaagiina waa inaadan ka boodin, maxaa yeelay adigu waxaad rabtaa in shirka miro fiican ka dhashaan, waa inaad dulqaad iyo adkaysi u leedahay dadka dooftaya inay shirka fashilaanUna oggolaanin in ay ku guuleystaan waxay rabaan.

Sidaad Ula Dhaqmi Lahayd Dadka Is-Hortaagaya Fekradahaaga

Waxaa jira xaalado ay fikradahaagu ka hor imanay- aan danaha dadka shirka ku jira, waxaana hubaal ah inay u jilib dhigayaan si ay u daafacaan danahooda. Marka waa inaad ku tala gashid sidaad dadka u qancin Iahayd, ama aad u oggolaysiin Iahayd fikradaha aad qabtid.

Markaad shirka qabanaysid ogow inaad ra’yigaaga bandhigaysid, marka haddii laga horkeeno fekrado ka ‘ horjeeda ra’yigaaga waa inaadan baqin, ama dib u guran, haddii aad qabtid in ra’yigaagu toosan yahay, laakiin waa inaad faahfaahisid ood ka tustid dhinacyada toosan ee aan looga maarmayn ra’yiga aad wadatid adigoo ku isticmaalaya caqli oo aan caro iyo laab la kac ku socon, hana isku dhiibin kuwa kaa horjeeda, hana oggolaannin inay ku gaarsiiyaan heer ay kugu aamusiyaan, maxaa yeelay haddii aad heerkaa gaarto waxay dtsibaato soo gaaraysaa hay’addii aad matalaysay, danaha qaybta aad maamusho iyo adiga danahaaga, sababtoo ah haddaad shirkii ku fashilanto waxaad noqonaysaa hoggaamiye fashilan. Haddiise shirku go’aan isku raaco waa inaad oggolaatid xataa hadduu lid kugu yahay, maxaa yeelay mar haddii go’aan ia gaaray waa in la wada dhawro si aan arrinku w murgin.

Waxaa qodobkaan ka hadlay Madaxweynihii Maraykanka dagaalkii labaad, Aysan Hawar maalin uu qabta v shir jaraa’id oo qaybaha ciidammada kala duwan ku doodayeen, qolo kastaana caddeyneysay kaalinta ay kae.a jiraan difaaca dalka, wxaanu yiri: Waxaan Kacabsi qabaa in la waayo doodaha adag ee dhexmaraya qay­baha cidammada qalabka sida, laakiin doodahaasi laguma bannaysan karo amar diiddo ama ku gacan say- rid go’aan, maxaa yeelay taasi waa nidaam la’aan. Maal- inta laga waayo ciidanka dhexdiisa ma jiri doono ciidan qalab sida. Marka intaan go’aan la gaarin xoog u difaac siyaasadda aad rumaysan tahay inay xaq tahay, isku day inaad ka hortagtid in ia gaaro go’aan aan dani ugu jirin hay’adda, haddiise mar go’aankii soo baxo waa go’aankaagii.

Ha Ka Noqonin Shirka Dhegeyste Keli Ah

Waxaa dhacda in madax badani shirka iska yimaadaan iyagoon wax ahmiyd ah siinayn marba haadii arrinka laga hadiayaa ka baxsan yahay shaqada ay tooska u maamulaan, markaa si aabo yeel la’aan ah ayey isaga dhagaystaan. Haddii aad sidaa fashid waxaad u muuqanaysaa aqoon-yahan cilmi gaar ah u go’ay oo kale, haddii arrinka laga hadiayaa ka baxsan yahay cilmigi- isana afkiisa xiranaava.

Haddii arrinka laga hadlaya ka baxsan yahay shaqa­daada waxaa la rabaa inaad ka faa’iideysatid aqoon dheeraad ah si aad ula socotid hawlaba dadka kale qabt- aan iyo siday u saamayn karaan shaqadaada haddaad ka shaqayso, matalan: Waaxda iibka qalabka warshaddu soo saarto ood soo jeediso talo ku saabsan tartanka suuqa sidii loogu guulaysan lahaa, waxaad keentay talo iagaa filaayey oo la yaab ma laha, laakiin haddaad talo wax ku ool ah ka soc jeediso hagaajinta qalabka qaarkii ama adkavnta nabadgelyada warshadda, waxaad u muuqanaysaa nin maskax furan oo fekrad wanaagsan, taasina waxay kuu noqonaysaa fursad wanaagsan in laguu dallacsiiyo jago ka sarreysa midda aad joogtid.

Ka Adkaw Mawduucaaga

Markaad ka qayb galaysid shir waa inaad qorshe cad dejisid sidaad u bandhigi Iahayd fikradahaaga, kuna talo gashid doodaha iyo muranka lagaala hor imari doono, waxaana hubaal ah haddii aad si fiican u taqaanid mawduucaaga inay ereyada aad ku muujinay- saa si fudud kuugu hoggaansami doonaan, haddii aad ka adkaatid waxaad ku kalsoonaanaysaa naftaada waana ‘lagu qaddarinayaa, marka waa inaad is diyaarisid intaadan shirka tegin ood si fiican uga haaraan degtid dhammaan wixii la xiriira arrinka aad ka hadlaysid.

La Kulanka Dadka Aad Madaxda U Tahay

Markaacfka qayb galaysid shir ay isugu imaanayaan dad asaaggaaga ah waxaad ogtahay in dood iyo ra^i isweydaarsi idin dhexmari doono, markaa waxaad isku dayeysaa inaad ra’yigooda dhegeysatid kaagana caddey- sid si ay u aqbalaan.

Marka waxaa lagaa rabaa markaad la shiraysid sha­qaalahaaga inaad fursaddoodaas oo kale siisid, inaad fikradahooda dhegeysatid wixii la qaadan karo u muup isid inaad oggolaatay wixii kalena ka qancisid. Haddiise aad keligaa hadashid oodan tixgelin talooyinkooda waxaad u muuqanaysaa nin keligii taliye ah oo ra’yigiisa oo keli ah meel marinaaya, xataa haddii ay jiraan ra’yiyo kaaga habboon kiisa arrinka laga hadlaayo, waxaa laga yaabaa inaadan dareemin inaad shaqaalihii cabburisay ood u malaynayso inaad fursad siisay ood ra’yigoodii dhegeysatay, haddaad arrinka dhab u fiirisona waxaad arki doontaa inaad keligaa uun shirka wadatid dadkii kaiena kaa aamuseen markay arkeen sidaad wax u wad- did, markaa waxaad la mid tahay nin dooxa weyn ka qayliyey oo codkiisii ku soo noqday ama cod gebigii moodaaya in dad kale u jawaabeen.

Haddaba haddii aad rabtid in shirku miro dhalo tixgeli talooyinka iyo fikradaha dadka kula shaqeeya, waxaa laga yaabaa inay ku jiraan kuwo kaa caqli iyo garasho badan ama kaa xog ogaalsan marka ka faa’i- idayso hay’addana uga faa’iidee talooyinkooda.

Turturooyinka Fadhiga Xumeeya

Waxaa jira arrimo yaryar oo aan loo baraarugsa- nayn oo fadhiga haleeya waxaa ka mid ah habka hadalka loo qaybiyo, ama sida dadka loogu yeero, magacy- adooda ama darajadooda, ama isdhageysi la’aan iyo isxurmeyn la’aan, marka haddaad shirka hoggaam- inayso u foojignow wax kasta oo dadka shirka ka soo qayb galay ka caraysiin kara, adiguna iska dhawr carada wax kastoo dhaca. Waa inaadan qofna colaadinin xataa hadday ka horjeedaan ra’yigaaga, maxaa yeelay haddii aad caro iyo colaad muujiso waxaa laguu qaadanayaa nin caadifi ah oon caqli ku shaqaynin, waxaase dhacda marmar caro iska yeel ah oo loo jeedo in dad wax lagu dhacsiiyo ama la dareensiiyo waxyaabo gaar ah. Wax- kastoo dhaco ogow in carada ama hadalka si caro iyo “•cannaan ah loo jeediyo aannu danta shirka ahayn, guulna u hoggaaminayn.

Waxyaabo Shirka Fashiliya

Haddii aad doontid in shirku fashilmo oo laga kala tago waxaa jira ereyo dantaa lagu fulin karo, waana kuwaan:-

Ku qaddar inaad mawduuca ka jeedisid shirka markaad dhammaysid nin saaxiibkaa ah ku yiraahdo “Waa inaad mawduuca ka hadashid” maxaad dareemaysaa markaas, waxaa hubaal ah inaad isku shuqlinayso mucaa.radada mawduuciisa iyo baarista ceebtiisa.

Ku qaddar haddana inaad war bixin ka jeedisay shirka, marka nin kale kaa gooyo hadalka uu ku yiraahdo, qodobkani waa murugsan yahay waxaa la arkaa inaadan helin xaqiiqooyinkii loo baahnaa, maxaad u qaadanay- saa inuu u jeedo, shaki la’aan wuxuu la mid yahay isagoo yiri: “Adigu doqon wax ma garad ah ayaad tahay, anigaa kuu toosinaaya sidaad u warbixin Iahayd; ma jeclaysa- naysaa ninkaa mawqifkiisa, mise dagaal baad ka xigaysaa?

Waxaa ka mid ah ereyada dadka kiciya:- bal aan argno waxaad caloosha ku haysatid, mama flkradan ma aqbali doonno, yaa afgaranaaya, kanna muxuu sheegi doonaa? IWM. Marka ka digtoonow inay ereyo caynkaas ihi ka yeeraan dadka shirka isugu yimid, hadii kalese waa dad ugu soo talo galay in shirka la fashiliyo.

Qiimaha Shaqada Guddiyada

Sida badan arrimaha shirarka looga hadlo waxaa soo diyaariya guddiyo, marka shaqada guddiyadu waa muhiim, maxaa yeelay arrinkii bay^oo baarayaan soo hubinayaan markaasay u soo Kandhigayaan shirka.

Marka haddii guddi laguu magacjiabo waxaa lagu siiyey fursad aad ku muujin karto kartidSada iyo waxtarkaaga, waxaa la arkaa in laguu xil saaro arrimo ka fog xilkaaga caadiga ah taasina waxay kugu xambaaraysaa inaad dadaal dheeraad ah la timaadid.

Sidaad Uga Dhigi Lahayd Shirka Mid Miro Dhaliya

Haddii aad madax ka tahay shirka asaaska ugu horreeya waa inaad qorshe ku habboon ahmiyadda shirka iyo mawduuca laga hadlaayo u dejisid, waa inaad ka fiirsatid in arrinka laga doodayaa yahay mid istaahila in la isugu yimaado oo laga shiro, waa inaad dejisid ajende kooban, hana isku deyin in hal fadhi lagu dhammeeyo arrimo badan, ha u Oggolaan in hal ama laba qof hadalka badankiisa qaataan. Haddii aad bandhigto ratyi ku ladh tusaalooyinka iyo xaqiiqooyinka, kana fiirso ereyada aad isticmaalaysid si aanay carig si iyo canaad ugu buurin dadka qaarkii. Haddii aad tahay ka qayb gale keli ah ha noqonin nin iska fadhiya sida geed meesha ka baxay, ee ku dadaal inaad dhageysato ood fahamto waxa shirka ka socda kana dhiibo ra’yigaaga, isweydii inaad fadhiga ka heshay faa’iidadii aad ka fileysay iyo inaad iska fadhiday ood hadba saacadda fiirinaysaa adigoo degdegsanaya xiridda shirka.

Markaa haddii aadan. ka faa’iidaysanayn maxaad waqtiga isaga dhuminaysaa?

Sidaad Shirka U Maamuli Lahayd

Haddii aad shirka ka madax tahay waxaa waajib ah inaad isu diyaarisid hoggaaminta shirka, iskuna habay- sid waajibaadka laga rabo bilowga shirka ilaa uu ka dhammaado.

  1. Fadhiga ka hor
  2. Isweydii in shirku lagama maarman yahay iyo in kale,
  3. Hubi in meesha shirka lagu qabanayaa munaasib tahay, xagga weynaanta, kuraasta, warqadaha, qali- mada, makarafoonnada iyo qalabka kale ee looga baahan doono shirka oo dhan.
  4. Diyaari wixii xaqiiqooyin iyo warbixinno la hord- higi karo ka qayb galayaasha iyadoo loo habeeyay siday u qaadan lahaayeen go’aan aqoon ku dhisan.
  5. Diyaari su’aalaha laga yaabo in la is warsado inta dooddu socoto. <
  1. Inta shirku socdo
  2. Ku fur shirka waji bashaash ah oo faraxsan waana inaad cadeysid ulajeeddada shirka loo qabtay.
  3. Hor dhig dhammaan xaqiiqooyinka loo’ baahan yahay si loo gaaro go’aan toosan.
  4. Hadalku ha ku koobnaado ajendaha shirka oo ha u oggolaanin in laga baxo mowduuca laga hadlaayo.
  5. Ha dhaafinin waqitigii loogu tala galay, hana sii wadin haddii aad aragtid dadkii oo daalay.
  6. Soo koob wixii fadhiga laga sheegay, kaddibna cad- dee arrimihii go’aanka laga gaaray iyo mirihii ka dhashay fadhiga guud ahaan.
  7. Caddee dadka qaadaya mas’uuliyada go’aanka la gaaray.
  8. Haddii loo baahdo warbixinno ama xaqiiqooyin int- aanu shirku xirmin magacaw guddi soo habeeya arrimaha dhiman, haddii loo bahdo in la isugu soo noqdo fadhiga u qabo maalin la isugu soo noqdo.
  • Shirka kaddib

Haddii shirka lagu kala tago waxaa jira arrimo loo baahan yahay oo ah ilaalinta iyo hirgelinta go’aan- nadii shirka lagu gaaray.

  1. Si loo hubiyo fulinta go’aannada waa in lala socdo oo la kormeero wixii ka qabsamay iyo wixii haray inay jiraan dhibaatooyin ka hor yimid oo xallis u baahan.
  2. La socodsii xubnihii fadhiga wixii ka khuseeya natiijooyinka shirku uu gaaray iyo hirgelintooda.

QAYBTA 3aad

Sidaad Uga Heli Lahayd Natiijooyinka Ugu Wanaagsan Xagga Qoraallada

Mar haddaad madax tahay waxaa waajib ah inaad baratid sidaad fikradahaaga qoraal ugu caddeyn Iahayd. Waxaa jira madax badan oon aqoon siday u qori lahaay­een waxay doonayaan waxay wax u qoraan sida dadka umiga ah ee waxba aqoon xataa ma yaqaanaan higaadda iyo calaamadaha ereyada sida’ loo kala sooco, haddana waxay moodayaan inaan arrimahaasi shaqada waxba yeeleyn.            Waxaana jira in madaxdu kugu qiimaynayso sidaad ugu caddeyso fikradahaaga qoraalka, taasina waxay saamaynaysaa dallacaadda iyo horukacaaga iyo karti­daada sidaad fikradaha u bandhigaysid, maxaa yeelay haddii jagada sare u baahan tahay nin aqoon leh adiguna aadan qoraal wax ku caddeyn karayn laguuma dallacsiin karo jagadaas ee waa in nin ka bixi kara wax qoridda loo raadiyo.

Markaa waa inaad baratid qoraalka haddii damac kaaga jiro dallacaad iyo horukac, laakiin lagaagama baahna inaad qoratid qoraallo heer sare ah sidii nin suugaanyahan ah, waxaase lagaa rabaa ereyada caadig ah ee la isticmaalo inaad fikradahaaga ku muujin karto, waana inaad aqoon fiican u leedahay waxaad qoraysid, kana fekertid mawduuca erey walbana gelisid meesha uu ku habboon yahay si aanay arrimuhu isu dhexgelin.

Habka Wax La Isugu Dhacsiiyo Warbixinnada Iyo Xusuus Qoraalka

Faa’iidooyinka warbixinnada iyo xusuus qoraal- ladu waa inaad la socodsiisaa madaxdaada arrimo ay danaynayaan ama talooyin aad u diraysid saaxiibbadaa ama awaamiir aad u diraysid dadka aad madaxda u tahay iwm. Waxaana waajib ah in loo habeeyo qoraal- lada sidatan:

  1. Inay mawduucii si fiican u cadaynayn.
  2. Inay gaaban yihiin.
  3. Inay ku kooban yihiin mawduuca laga hadlaayo laguna soo darin waxyaalo ka baxsan.
  4. Inaan koobnaantu mawduucihii dhimayn.

Wuxuu ku tilmaamay nin maamulka caan ku ahaa habka qoraalka maamulka sidatan:-

Gaabinta, Xadeynta, Macnaha iyo koobidda qoraalladu waa dhuuxa maamulka wanaagsan. Ragga fuliyayaasha maamulkuna aad bay u yaqaanaan siday u dhaqaalaystaan ereyadooda.

Arrinkii oo kooban:- Markaad qorayso warqad sha­qada ku saabsan iswaafaji dhererka xaashida iyo maw­duuca aad ka hadlaysid iyo ahmiyadda uu siinayo qofka aad la hadlaysid.

QAYBTA 4aad

Noocyada Qoraallada

Si wax isku dhacsiinta qoraallada u noqdo mid wax ku ool ah waa inaad kala baratid noocyada qoraallada iyo mid kasta sida loo isticmaalo waana kuwaan:-

  1. Xusuus qoraal (NOTE)
  2. Xaashi
  3. Warbixin

Xusuus qoraalku waa xog warran gaar ah ood ku wargelinayso madaxdaada ama dadka kale ee maamulka kula wadaaga sida taararka degdegga ah iwm. Waxaa loo baaharf yahay in xusuus qoraalku kooban yahay isla markaana kulansaday arimaha loo baahan yahay in la isla socodsiiyo.

Noocyada Xusuus Qoraallada

Arrimaha xusuus qoraalka la iskula socodsiin karo aad bay u badan yihiin waxaanse ka soo qaadanaynaa kuwaan:-

  1. Xusuus qoraal wargelin.
  2. Xusuus qoraal wax waydiin.
  3. Xusuus qoraal hambalyo.
  4. Xusuus qoraal edbin.
  5. Xusuus qoraal naftaada.
  6. Xusuus qoraal ogaysiin.
  • Q. wargelin waxaa looga jeedaa wareegto lagu caddaynaayo go’aanno oo la gaarsiinaayo dadka ay khusayso sida fasax, magacaabid qof cusub isbed- dello ka dhacay xagga shaqada, waxaana waajib ah in lagu caddeey9 xaqiiqooyinka la rabo in qofku oggolaado.
  • Q. wax waydiintu waa su’aal qoran oo loo jeed- inayo qof mas’uul ka ah arrin ama mawduuc sha­qada ka mid ah, marka haddaad rabtid jawaab kaafi ah u qor su’aashaada si edeb iyo xurmo leh, adigoo ku caddaynayo xaqiiqooyinka aad warsanaysid.
  • Q ogeysiin, waxaa loo isticmaalaa isla socodsiinta arrimaha ku soo kordhay ama dhacdooyinka cusub oo ka dhacay shaqada, tusaale ahaan haddii arrin cusub ka dhacdo waaxda aad ka joogtid maamulka, waa inaad tallaabo ka qaadid, isla markaana la socodsiisid’ madaxdaada waxa dhacay iyo sidaad wax uga qabatay, intaadan warbixin buuxda ka qorin dhacdada. Marka si xusuus ^qoraalka noocaasi waafi u noqdo, raac tallaabooyinkan:-

B — U tilmaan si kooban dhacdada iyo waxaad ka qabatay.

T — Caddee arrimaha la xiriira mushkiladda.

J — Sheeg natiijooyinka ka dhashay tallaabooyinkaad qaadday.

  • XQ hambalyo; marka qof shaqo fiican qabto ama guul ka hooyo meeshii loo diray waa in la qaddaro guushiisa oo laga abaalmariyo, marka kuma fllla hambalyada iyo ammaanta afka ah waa in loo qoro taar ama telekis ama xaashi loogu hambalyeynayo guushiisa, waxaana loo baahan yahay in lagu sheego’ X.Q sababta uu ku mutaystay mahadnaqa iyo tahniyadda.
  • Q Edbinta waxaa loo qoraa qofka shaqada ku gafay ama nadaamka ‘aan dhawrin waxaana lagu caddeeyaa fafka uu falay taariikhdiisa, dhibaatada ka dhalan karta, waxaana lagu xafidaa galkiisa si looga qaado tallaabooyin edbin, haddii uu waan- toobi waayo.
  • Q Naftaada marka aad qabato camal muhiim ah waa inaad xusuus qorkaaga ku qortid waxyaalihii aad qabatay, si aadan u hilmaamin, waxaana lagu magacaabi karaa X. qoraalka hawl maalmeedkaaga wuxuu ku tilmaamay nin maamulka caan ku ahaa X. qoraalka noocaan ah wuxuu iga badbaadiyaa gaf- afka la socod la’aanta shaqada.

Sida dhabta ah X.Q. naftaada waa baraarujiye maskaxdaada ama Xoghayn ku xusuusinaysa tal- laabooyinkii iyo balannadn aad hore u qaadday si aadan u iloobin wixii aad Qabatay, waxaanu Ikfgu caawinayaa isku xiridda fikradahaaga iyo hawl qabadkaaga.

QAYBTA 5aad

Sidaad Uga Heli Lahayd Natiijooyinka Ugu Wanaagsan Warbixinta

Warbixintu waa xoog waran faahfaahsan oo ku saabsan mawduuc xaddidan; sida warbixinnada sha­qada ka warramaya, toddobaadlaha, saddex bilood- laha, sannadlaha waxaanu ka sheekeynayaa wixii dhaqdhaqaaq ah ee la qabtay muddadaas.

Markaad kor u fanatid jagooyinka sare ee maamulkaba waxaa kordhaaya tirada iyo tayada warbixinnadaada, maxaa yeelay warbixinnadaada iyo kuwa saaxiibbadaa ayaa saldhig u ah shaqada hay’adda ama shirkadda, waana kaas asaaska laga ambaqaadayo qorshaha lagu socodsiinayo dhaqd- haqaaqa waqtiyada soo socda.

Habka Loo Qoro Warbixinnada

  1. Cinwaanku waa in uu caddaan yahay si loo garto markiiba ulajeeddada. ‘
  2. Waa in la uruuriyo xubnaha iyo xaqiiqooyinka ku lug leh mawduuca laga hadlaayo
  3. Xubin kasta u dhig cinwaan gaar ah.
  4. Xubin kasta ka hadal inta kaaga aaddan mawduuca.
  5. Kaddib isku dubbarid xaqiiqooyinka xubnaha isu- xigsii siday isu leeyihiin ama isula xiriiraan.
  6. Ku khatin talooyinka aad soo jeedinayso sidaa wax looga qabanaayo wixii dhibaatooyin jira ama horu- ‘kac la samayn karo.

Haddii la soo koobo tallaabooyinka waxaa lagu koobi karaa sidatan:- Isku dubbarid xaqiiqooyinka, u bandhig si haba!ysan, kala soo bax natiijooyinka muhiimka ah, ku khatin talooyinkaagaa.

Ceebaha Warbixinnada

Waxaa laga soo saari karaa warbixinnada ceebo badan, waxaanse ka soo qaadanaynaa laba ceebood oo loo baahan yahay in laga dheeraado:- Khiyaanada iyo Dheeraynta.

  1. Khiyaanada: Waxaa loola jeedaa inaad warbixinta ka been sheegtid ama aad xaqiiqooyinka beddeshid.

Waxaa jira in dadka qaarkii markay ogaadaan in xaqiiqooyinku ka horjeedaan aragtidooda qariya ama beddela, marka haddaad sidaa yeeshid ogow in qof kale faydi doono waxaad dabooshay markaana arrinkii laga dhigi doono wax aad uga weyn dhumucdiisii, waxaana loo qaadan doonaa inay jirto sabab kugu xambaartay inaad sidaa ku kacdid, falkaasi waa fursad dahab ah ood ugu deeqday dadka kaa horjeeda si ay hawshaadii u ceebeeyaan. Haddii ay jiraan xubno ka horjeeda aragti- daada waxaad ku nabajd gelaysaa inaad sheegtid kad- dibna aad caddaysid sidaa aanay dan ugu ahayn hay’adda xubnahaa iyaga, adigoo ku daray ra’yigaaga.

  1. Dheeraynta:-

Dheeraynta waxaa loola jeedaa inaad hadallo tira badan oo laga maarmi karo ku dartid warbixintaada, marka laga hadlaayo maamulka looma baahna inaad sida suugaanyahan aftahan ah u hadashid, waxaa lagaa rabaa keliya inaad caddaysid ulajeeddada kuna gaartid sadar- rada ugu yar ee suurtoobi kara adigoo isticmaalaya ereyo sahlan oo qofkastaa dhaqso u garan karo, isla markaa waa inaadan ka tegin xubno ama xaqiiqooyin lama hur- aan u ah warbixinta waa in hadalka iyo macnaha isku qiyaasan yihiin. Hore ayaa loo yiri ula hadal dadka hadba inta heerka garaadkoodu joogo, markaa waa inaad tixgelisaa dadka aad u qoraysid warbixinta hadba siday u rabaan ee ha u qorin sidaad adigu rabtid, waxaa laga yaabaa in dariiqadaadu ka wanaagsan tahay midda madaxdaadu rabto, laakiin hayso dariiqadaada fiican oo u qor sida lagaa rabo, meel ku dheggu waa darbi hor- taagan maamulka marka noqo nin maskax furan oo shaqada u jajajabn isna waafaji dariiqadaada wax qoridda iyo dariiqada madaxdaadu wax u rabto.

Sidaad Ugala Soo Bixi Lahayd Warbixinta Murti Kooban

Sidaad ogsoon tahay waxaynu ku jirraa casrigii deg- degga, marka tixgeli markaad warbixinta qoraysid in waqtiga ninka akhrisanayaa aad qaali u yahay. Marka si ninka loo qoray warbixinta si dhaqso ah ugu fahmo kala soo bax warbixintaada nuxurka asaasiga ah iyo talooyin­kaaga, marka dhawr sadar baad ku soo koobaysaa mur- tida warbixinta iyo xubnaha asaasiga ah si markaa isha lagu dhuftaba loo garto ulajeeddada, marka hadduu rabo faahfaahin wuxuu ku noqonayaa warbixinta weyn ama xubinta uu arko inay muhiim u tahay shaqadiisa.

Haleelsiinta Warbixinta

Waxaa dhaca mararka qaarkood inay jiraan waxy- aalo taabanaya mawduuca, laakiin aan asaasi u ahayn waxyaabaha waa haleelsiin warbixineed, si aad u kala garatid waxa warbixinta ka mid ah iyo waxa haleelsiin- taa ah, isweydii su’aashaan haddii aan ka reebo xogtaas xujooyinkii la iga rabay ma daciifayaan?

Haddii jawaabtu tahay haa ku dar warbixinta, had­dii ay tahay maya ku dar haleelsiinta. Haddaba markaad la kulantid arrimo loo baahan yahay in lala socodsiiyo qofka warbixintu u socoto, isla markaana aan asaasi u ahayn ku qor warqad gaar ah .00 ah haleelsiin warbixi­need, si aad u kabtid ama aad u xoogeysid.

Hanuuniyaha Habka Loo Qoro Warbixinta Wacan

  1. Iska hubi in qoraalkaagu yahay mid caqli gal ah kuna dhexjira arrinka laga.hadlaayo.
  2. Ha ka reebin xaqiiqooyinka asaasi ah, adigoo is leh qofkaad u qoraysaa wuu kaa warqabaa.
  3. Ha ku maanshaynin dadka loo qoray warbixinta faahlaahin aan lagama maarmaan ahayn, haddii ay- kula qumanaato faahfaahinta noocaas ah ku qor haleelsiinta.
  4. Ku bilow warbixintaada hadal gaaban oo caddey- naya xubnaha ay ka kooban tahay warbixintu si marka isha lagu dhuftaba loo garan karo mawduuca iyo natiijooyinka aad gaartay.
  5. Ha fududaado qoraalkaagu, kuna qor ereyada la isiicmaalo waqtiga aad joogtid.
  6. Gaabi qoraalkaaga adiga lagugu qiimayn maayo dhererka warbixintaada, laakiin waxaa lagu*qiimay- nayaa waxtarka fikradahaaga iyo waxqabadkaaga.
  7. Iska sax gafafka naxwada, ereyada iyo yeeriska, yaanay warbixintaadu muujinin aqoon darradaada.
  8. Adigoo fikrad wada mid kale ha u boodin, oo had­dana dib ha ugu soo laabanin, ama hadba xubin ha u boodin, adigoon tii hore dhamaynin.
  9. Dir warbixintaada waqtigeeda, wararka waqtigoodu’ dib uga dhacaa xiiso ma leh.
  10. Ogow in warbixintu tahay muuqaalka habka maam- uluhu u gudbinaayo fikrooyinkiisa, waxaana laga yaabaa in la halmaamo hadalkaaga, laakiin qoraal1 kaagu waa diiwaan qoran oo waaraya.

QAYBTA 6aad

Sida Fursadaha Looga Faa’iidaysto

Waxaa jira rag badan oo tartan ugu jira inay heer sare ka gaaraan maamulka, iyagoo isku haleynaya dadaalkooda gaarka ah, adiguna dadkaas ayaad ka mid tahav, marka waa inaad horukac ka samaysid shaqa­daada oo kashatid karti, waayo-arag, iyo aqoon, si aad ugu gudubtid tallaabada ku xigta aayatiinkaaga.

Haddii aad u qaadatid jagada aad haysid inaad ugu tababartid jago sare waad garatay jidka guusha, marka ujeeddada xaddido kaddibna u tabaabushayso sidaad u gaari Iahayd.

Kaasho Qodobadaan Si Aad U Gaadho Horukac

Qabo inta ugu badan ee aad awoodi kartid, waxaa lagaa rabaa karti iyo adkaysi si aad u fuliso hawlahaaga. Waxaana jira da^vj^adar^esu’aalli ka ah jagada ayjoog- aan, marba hadday haystaan mushaharo ku filan, iska jir kuwaas ina&i ka mid noqotid, u hanqal taag horukac iyo dallacaad una shaqayso.

Habka Ay U Tababaraan Shirkadaha Qaarkood Maamulayaasha

Nin la oran jiray KARAL J. oo madax ka ahaa shirkad sanaaci ah oo Maraykan ah ayaa ka sheekeeyay dariiqada shirkaddiisu u diyaariso madaxda qaybaha shirkadda, waxaanu yiri sidatan:-

  1. Ma oggolaanno dallacaad dhaqso leh oo jaga sare loo boodsiiyo qofka isagoon ugu yaraanjooginshan sano jagada hoose.
  2. Waxaan ku laylinaa-hawlaha adadag isagoo lagu tijaabinayo marka hore hadduu ka baxo waxa loo xilsaaraa mid ka sii adag, ilaa uu ka gaaro darajada uu u qalmo.
  3. Aad baan u adkaynaa dhawridda xiriirka aadamiga, hoggaamiyuhu waa inuu ku fekero marka hore xaaladaha dadka uu madaxda u yahay.
  4. Si qofku isugu fillaado waxaanu siinaa layli, laakiin isagaanu shaqada faraha kasaarnaa, kuna kor- meeraa ilaa uu gaaro heer lagu hallayn karo ama lagu aamini karo.
  5. Waxaan ku geesi gelinaa saraakiisha aqoon kororsi shaqadooda ka baxsan, si ay u ballaariyaan garaad- kooda aqoonta kala duwan. .
  6. Nin kasta oo diyaar u ah inuu hore u socdo waxaanu ku geesi gelinaa si uu u gaaro meesha uu higsanaayo ama jagada uu hanqalka u taagayo, laakiin waa inuu heegan u yahay inuu fanto jiiraha ad-a.dag ee jagooyinka sare loo maro.

Hoggaamiyaha Fuliyaha Ah Waa In Uu Yahay Muxaafid Iyo Horusocod

Ninka hoggaamiyaha ah waxaa ku loolamaya naftiisa laba xoog oo iska hoijeeda, waxaa laga rabaa inuu ilaaliyo wixii guulo ah ee hadda ka hor la gaaray, taasina waxay u baahan tahay xoog ku waardiyeeyo in wax kastaa sidiisii hore u socdo oon waxba laga beddelin, wixii gefaf ah ee soo dhexgalana laga saxo. Isla markaana waxaa jira xoog kale oo u hanqal taagaya in shaqadii la ballaariyo wax soo saarkii la kordhiyo, wixii cusub ee soo baxaa laga faa’iideysto. Marka hoggaamiye kastaa oo guulaysta waa inay kala jiitaan labadaa xoog, waxaase loo baahan yahay inuu ku socdo miisaan iyo qorshe habaysan, si uu labada xoog ugu wada shaqaysto, maxaa yeelay midna lagama maarmo, haddaba hoggaamiyahaa laga rabaa siduu u xafidi lahaa wixii horu­kac hore loo gaaray iyo sidii loo samayn lahaa horukac cusub.

Tilmaamaha Hoggaaminta Guusha Dhalisa

Way innoo soo hormareen sifooyinka hoggaam­iyaha wacan, halkaana waxaan ugu soo celinaynaa si loo xusuusto, waana kuwaan iyagii oo kooban:-

  1. Baro naftaada meelaha ay aad ugu fiican tahay iyo meelaha ay daciifka ku tahay.
  2. Isku kalsoonow kana adkaw naftaada.
  3. Xariif ku ahaw ku qancinta dadka ra’yigaaga.
  4. Tababaridda dadka aad madaxda u tahay waa waaj­ibaadka maamulka wacan.
  5. Ra’yiga toosan waa calaamadiia h’oggaanka toosan.
  6. U qorshaynta aayatiinka hay’adda waa waajibaadka maamulaha.
  7. Waxaa loo baahan yahay fikrado waxtar ah si wax cusub loo dhaliyo.
  8. Aqoon qoto dheer oo ballaaran u yeelo shaqadaada.
  9. Iska jir baylihinta iyo xoolo moogaanta.
  10. Waa in shaqada loo wada qabto sidii hal koox oo mideysan.
  11. Xiriirka aadamiga ee wanaagsan wuxuu ku dhisan yahay kartidaada, fahmiga, baahida dadka kale.
  12. Dadka aad madaxda u tahay way ku anfacayaan ee waa inaad u barbaarisid.waxyaalaha ay hibada u leeyihiin, si ay kaalintooda u qaataan.
  13. Jago kasta oo cusub waxay u baahan tahay halgan gooni ah marka u jajabnaw halganka cusub markaad jago cusub qabatid.
  14. Ku geesi noqo xallinta mashaakilka iyo qaadashada go’aan adag marka arrini ku qabsato.
  15. Xariif ku noqo macaamilada dadka iyo wax dhacsiintaba.
«

Ha ka joogsan marna kororsiga aqoontaada xagga cilmiga maamulka, maalinta aqoon kororsigaagu joogsado horukacaagii halkaasuu ku egyahay. Arri- mahaas oo dhan iyo qaar kaleba waxay ku baahsan yihiin kitaabka, haddaad doontana waad ku noqon kartaa.

Cutubka 3aad: Go’aan Qaadashada

Go’aan qaadashadu waa imtixaanka asaasiga ah ee maamulka maxaa yeelay go’aan ka gaaridda arrinka ku hory- aalla iyo kartidaada dhacsiinta dadka kale inay aqbalaan go’aankaaga waa waxyaabaha saldhigga u ah ku guulaysiga hogaaminta ma suurowdo in qof kastaa hoggaamiye noqdo, maxaa yeelay jagooyinkii kale ayaa u baahan dad ka sha­qeeya, Ilaahii dadka abuuray wuxuu siiyay kartiyo kala duwan si jago kastaaba loogu helo qof munaasib u ah.

Go’aan qaadashaduna waa fanni ku dhisan cilmi una baahan dad karti iyo awood u leh.

Casharrada soo socdaana waxay kugu cawinayaan sidaad uga shaqaysiin Iahayd kartidaada go’aan gaaridda.

QAYBTA 1aad

Sidaad U Qaadan Lahayd Go’aanno Saxeexa

Waxaa jira laba nooc oo ah madax:-

Nin halyey ah oo isku kalsoon oo shaqsiyaddiisu dadka soo jiidanayso ninkaasi wuxuu gaari karaa go’aanno isagoo ku kalsoon inay shaqaalihiisu ayidi doonaan.

Nooca caynkaasa aad buu u yar yahay kitaabkanna looma qorin maxaa yeelay uma baahna.

Nooca labaad waa hoggaamiyaha aad u shaqaynaya si uu ugu qanciyo dadka kale inay aqbalaan go’aannadiisa, ninka madaxda ahna shaqadiisu waa inuu go’aanno ka gaaro arri­maha ka hor imaanaya, waa inuu go’aannadiisana u taijamo shaqo la taaban karo.

Waxaa dhacda inaan madaxda qaarkood ku dhicin inay go’aanno adag qaataan iyagoo door bidaya nabad galyada oo natiijooyinka ka dhalan kara go’aankooda Madaxda jidkaa raacdaa horumar ka gaari maayaan hoggaaminta, maxaa yeelay mushkiladdu uma taagnaanayso, hadduu xallin kari waayo waxaa u soo baxayaa rag kale marka kuwaasaa jidka ka leexinayaa oo jagada ka tuuri doona.

Hogaamiyuhu Waa Inuu Wax Qabto

Waxaad ku qaadataa mushaharka inaad fekertid, wax hoggaamisid iyo inaad wax kala goysid, waxaa laga yaabaa inaad mar mar dib u dhigtid go’aan qaadashada adigoo la .eeganaya waqtiga munaasib ah oo ku habboon wax ka qabadka arrinka ku horyaalla, dib u dhigidda go’aanku waa inaanu noqon gabasho ama ka dhuumasho dhibaatada ka imaan karta, laakin waa inuu ahaado in la sugo inta arrinku u bislaanayo wax ka qabashada.

Habka Go’aan Samaynta

Go’aanku waa xukun, waxaanu u baahan yahay xujo uu cuskado marka si go’aanku u noqdo mid saxeex ah waa in marka hore arrinka go’aanku ku saabsan yahay si dhab ah loo darso. Loona ururiyo xaqiiqooyinka la xiriira ee saamay- naaya go’aanka, marka arrinku u bislaado wax ka qabasho laga qaado go’aanka ku haboon.

Laakin markaad qaadanayso go’aannada ma dareemay- sid inaad tallabooyin ka qaaday. Sababtoo waad ka caado yeelatay inaad dhaqso go’aanno u gaadhid laakin haddaad u fiirsato waad ka heli kartaa inaad tallaabooyinkaa qaaday intaadan go’aanka soo saarin.

Marka ay tallaabooyinkaagi caado kuu noqdaan waxaad noqotay hoggaamiye fuliye ah oo bislaaday oo waayo arag ah. Waxaa la weydiiyey nin madax u ahaa shirkad weyn oo macdanta samaysa siduu u qaato go’aannada: wuxuu ku jawaabay: “u malayn maayo inuu jiro nin madax ah oo sheegi kara siduu go’aanka u qaato, aniguna sidoo kalaan ahay oo ma garan karo”.

Nin kale oo madax ihina wuxuu kaga jawaabay su’aasha: Ma jirto qaacido u dhigan go’aan qaadashada ragaasoo kale go’aan qaadashadu waxay ka mid tahay howlmalmeedkooda markaa uma baahna inay kala dhigaan arrinka hortaagan si ay go’aan u gaaraan laakin waxay awoodi karaan inay mas- kaxdoodu mushkilada ku xallilaan si dhakhso ahna go’aan uga qaataan: mana jiro dugsi ama qof ku baraaya sidaad go’aan u qaadan Iahayd ee waxaad ku tala gelaysaa aqoon­taada iyo waayahaaga si aad u qaadatid go’aanka ugu hab­boon mushkilada ku hor taalla, taasna macnaheedu waa inaad aqoon dheer u leedahay mowduuca mushkilada iyo waxaa la xiriira iyo siyaabaha wax looga qaban karo.

Waxaana waajib ah inaad isku kalsoon tahay heeganna u tahay inaad fulisid go’aanka aad gaartay waxaa la yiraahdaa culumadu waxay daaha ka qaadaan xaqiiqooyinka cilmiga ah madaxduna way fuliyaan, culumadu way soo saan’k^aan hub khatar ah laakin ninka amraya in la sameeyo ama lagu dagaal galo waa hoggaamiyaha fuliyaha ah ee ma aha aqoon yahankii soo saaray.

Dariiqada Go’aannada Loo Qaato Ee Tirada Ku Socda

Waxay faafisay mujalad Maraykan ah oo loo yaqaanno (Farsha) sannadkii 1955, in madaxda shaqo fulinta siyaasiyiinta iyo saraakiisha ciidammadu yihiin kuwa dunida ugu go’aan qaadasho badan, Laakin saraakiisha ciidammada ayaa ugu horreyey wax bilaaba tallaabooyinka shanta ah ee kala dambeeya, waxaana tilmaamay taliyihii ciidanka cirka ee maraykanka oo la dhibi jiray “HAYORTH” waxaanu yiri si loo gaaro go’aan dhab ah waa in la raaco tallaabooyinka:-

  1. Waa in la sugo muhimada
  2. Waa in la tilmaamo mowqifka ama xaalada iyo tallaab­ooyinka la qaadayo.
  3. In la xallilo tallaabooyinka ay qaadi karaan iyo kuwa ka hor jeeda.
  4. In la is barbardhigo tallaabooyinka shaqada ee. suuro galka si loo qaato tan ugu habboon.
  5. Ka dib go’aankii la qaato.

Dariiqadaan waxaa degsaday ciidammada laakin maam- > ulka madanigana waa lagu socodsiin karaa, laakin, madaxda ka caado dhigatay go’aan qaadashada ma xusuusanayaan inay dariiqadaan raaceen iyo in kale.

QAYBTA 2aad

Sidaad U Qaadan Lahayd Go’aan Waqtiyada Ciriiriga

Si loo gaaro go’aan saxiix ah waa in la helo ratyiga toosan iyo waayo aragnimo, lagumana bari karo sidaad u heli Iahayd ratyi toosan laakin waxaad kordhin kartaa garaadkaaga si awoodaada wax kala goyntu u korodho.

Noocyada Go’aannada Kaa Hor Imaan Kara

  1. Go’aannada ku lug leh habka socodsiinta shaqada.
  2. Go’aannada ku lug leh qorshaha iyo siyaasadda shaqada.
  3. Go’aanno ku lug leh xaalaadka deg degga ah iyo arrimaha qatarta ah.

Waxaa la arkaa labada nooc ee hore inay wax badan ku soo mareen oo ay caadi- kuu yihiin mana aha go’^anno deg degga ee waxaad haysataa waqtigaad kaga baaraan degtid. Nooca saddexaad baase u baahan karti iyo geesinnimo, nin- kasta oo hoggaamiye ah wuxuu la kulmaa xaalado adag oon caadi ahayn, go’aankuu ka qaatana ay ka dhalanayso natiij- ooyin iyo mas’uuliyado loo baahan yahay in la tixgeliyo.

Laakin waxaa jira hoggaamiyaha foojigan inuu ka tabaabulshaysto dhacdooyinka kadada ah, maxaa yeelay marka hore ayuu arrimaha qorsheeyaa kuna tala galaa waxy- aabaha ka imaan kara oo dhan, hadduu sidaa yeelona waxa yaraanayaa xaaladaha khatarta ah marka haddii aad go’aan adag qaadatid waxaa waajib ah inaad sharaxdid ood ku qan- cisid dadka aad madaxda u tahay wixii kugu xambaaray inaad tallaabadan qaadid, kuuna suuroobi wayday inaad la tashatid waxaa laga yaabaa inay kaa garaystaan xataa haddii aad wax yeeshay danahooda. Waxkastaba ha dhaceene ee waxaa waajib ah in la helo wada shaqayn si loo fuliyo go’aan­nada loona helo xamaasadda iyo muraalka lama huraanka u ah hirgelinta mashruuca.

Miisaanka Go’aanka Saxeexa Ah

Xaqiiqooyinka rayiga toosan: Go’aan saxeexa wakaa miisaankalagu qiyaaso. Go’aanka xaqa ah waxaase dhacda marar badan inaanay fududayn helidda xaqiiqooyinka, marka waxaa qasab ah in male iyo maskax lagu socdo, waxaa suurowda inta la sugaayo xaqiiqooyinka in arrinku faraha ka baxo ama fursaddu ku dhaafto, laakin ku tala gal in go’aanka ku dhisan malaha aanay hubnayn natiijada ka dhalan doon­taa waxaa ku jira isbiimays marka u diyaar noqo hadba wixii kula soo gudboonaada.

Ereyo Kugu Hanuuniya Go’aanka Toosan

Haddii aad wariye dhacdooyin u noqon Iahayd, wargays guddoomiyahaagu mar kasta wuxuu hubsan lahaa inaad ka jawaabtay shan su’aalood oo kala ah: Waa kuma, waa maxay, waa halkee waa goorma iyo waa sidee.

Marka aad go’aan gaarayso aad isaga hubi inaad ka jawaab­tay shantaan su’aalood, waa laga yaabaa inaad marka hore ku dhibtootid. Laakin waa nidaam caqli gal ah oo waxtar leh, waana tan liistada aad erayada uga faa’iidaysan Iahayd:

Waa Kuma?

  1. Kumaa go’aanka qaadanaya.
  2. Kumaa mas’uul ka ah natiijooyinka.
  3. Yaa ka qayb qaata talada go’aan gaaridda.
  4. Kuma ayey waajib ku tahay in lala socodsiiyo go’aanka marka la gooyo ka dib.
  5. Kumaa fulinaaya go’aanka.

Waa Maxay?

  1. Waa maxay go’aanka ay waajib kugu tahay inaad qaadatid.
  2. Waa maxay waxyaalaha kugu hanuuninaayo go’aan gaaridda.
  3. Waa maxay xaqiiqooyinka kaa maqan xaggedse ka heli kartaa.
  4. Waa maxay faa’iidooyinka ka dhalan karaa go’aanka.
  5. Waa maxay dhibaatooyinka ka dhalan kara go’aanka.
  6. Intee bay ku siman tahay awoodda go’aan gaariddu.

Xaggee?

  1. Heerkee buu ku dhammanayaa go’aanka aad qaadatay.
  2. Xaggeed ka helaysaa dadka kula talinaaya ama gacan kugu siinaya go’aanka marka loo baahdo.
  3. Xaggeed ka heleysaa xaqiiqooyinka iyo xogta aad u cuskan karto go’aan gaaridda.

Goormaa?

  1. Waa goorma waqtiga ku habboon go’aan qaadashada.
  2. Goormaa ku habboon in la faafiyo.

Sidee?

  1. Sideed u koobi kartaa dhammaan jidadka lagu xallin karo mushkilada si go’aan saxeexa loo gaaro.
  2. Sideed ugu qayb galin kartaa dhammaan dadka go’aanka ku lug leh.
  3. Sideed u fulinaysaa go’aanka.
  4. Sideed ula socotaa in go’aankii sidii loo rabay u fulay.

Haddii ay kuu suuro gasho inaad ku dhaqantid mabaad- ii’da liistadan ku qeexan waxaa koobtay asaaskii maamulka oo dhan maxaa yeelay go’aan qaadashada waxaa ku dhan asaaska hoggaamintoo dhan.

Sidaad ugu qancin Iahayd shaqaalahaaga inay aqbalaan go’aannadaada, waxaa waajib ah in go’aanka kama dam- beyska ah arrin kasta ka soo baxo ninka mas’uulka ka noqo- naaya natiijooyinka ka dhasha haddiise mar uu soo baxo go’aanku waa inay aqbalaan dhammaan shaqaalaha aad madaxda u tahay sidaa awgeed waa in laga qayb geliyo samaynta go’aanka intii suuro gal ah haddii kale lala socodsiiyo sababaha dhaliyey sida loo rabo iyo wixii la xiriira oo dhan.

Waxaa habboon inaad ku geesi gelised shaqaalaha aad madaxda u tahay siday ugu qayb qaadan lahaayeen go’aan­nada waxaa jira mabda’ dhahaaya:

Sidaad jeceshahay in lagula dhaqmo dadka ula dhaqan. Adigu waxaad jeceshahay in madaxdaadu kaa qayb galiso sameynta go’aannada tabanaaya shaqadaada ama danahaaga dadka aad madaxda u tahay iyaguna waxay kaa sugayaan waxa aad madaxdaada ka sugeysid.

Ka qayb galinta arrimada dadka ay khuseeyaan waxay fududeynaysaa in la aqbalo go’aannada waana fan ku dhisan dareenka garaadka qofka ee xariirka aadamiga.

Laakiin waa inaad ogaatid in ka qayb gelinta samaynta go’aannada dadka aad madaxda u tahay inaanay wax kaaga tarayn go’aanka, mas’uuliyaddu ma qaybsamayso ee waxaa qaadaya natiijada madaxda kali ah dadka kale waxay gacan kugu siinayaan u gudashada xilkaaga ee kula qadi maayaan.

Hoggaaminta dadku waxay u baahan tahay geesinnimo Calooladag iyo dadnimo, Shirkadda liibaansan waxaa hoggaamiya dad sifooyinkaa leh.

Sababtoo ah dad aan sifooyinka laga helayn kuma dha- caan inay go’aan adag gaaraan maxaa yeelay ma rabaan inay qofna ka caraysiiyaan, laakiin sida runta dadkii oo dhan bay ka caraysiinayaan sababtoo ah haddii aan arrimaha la kala goyn oon mashaakilka la xallin dadku kala socon maayaan.

QAYBTA 3aad

Habka Go’aanka Wada Jir Loo Qaato

Waxaad ugu qayb galinaysaa shaqaalahaaga dejinta go’aannada waa inay u aqbalaan marka sidee baad uga qayb gelin kartaa? Waxaa jira dhowr dariiqo ood uga qayb gelin kartid: Waxaa ka mid ah inaad fadhi u gunudo oo ay ka soo qab galaan madaxda waaxyaha arrinku tabanaayo waxaa jirta dariiqo kale oo ah inaad xafiisyada ugu tagto dadka aad madaxda u tahay ood kala xaajooto arrinka la rabo in go’aanka laga gaaro.

Waxaa dhici karta inaad tilifoon kula xiriirto, waxaad u diri kartaa warqado aad kula socodsiinaysid arrinka kana codsanayso inay rayigooda soo diraan ama dariiqo kasta oo lagu gaari karo go’aan loo wada jiro.

Dariiqo kastaana wanaag iyo xumaanba way leedahay mana jiro qof caddeyn kara dariiqada ugu wanaagsan maxaa yeelay taasi waxay noqonaysaa hadba xaalku siduu yahay ha noqdo xagga arrinka ama xagga dadka ama xagga waqtiga.

Marka ku dadaal si loo gaaro ula jeedada oo ah ka soo qayb gelintan dadka kula wada shaqada soo saaridda go’aanka.

Ha Noqon Siyaasi

Habkasta ood ka dooratid hababka hore lagu soo sheegay si aad u heshid go’aan loo dhan yahay, ka digtoonow inaad soo hordhigtid dadka aad madaxda u tahay arrin aad go’aan ka gaadhay, adigoo u ekaysiinayaa inay go’aanka iyagu gaareen, maxaa yeelaya taasi waa khayaano aan qar- soonayn haddii aad sidaa ku kacdid uma baahnid, dad kaa la qayb gala go’aanka ee waxaad u baahan tahay dad kuu rixiya oo ku yiraahda waana kugu waafaqsan nahay ra*yigaaga waxaana jira agaasimayaal habkaa isticmaala, markay ka hortimaado mushkilo intay go’aamiyaan waxay rabaan inay falaan ayey u yeeraan dhawr qof oo ka mid ah madaxda ay ku kalsoon yihiin markaasay la socodsiiyaan go’aankooda, mar­kay isku hubsadaan inay oggolaadeen ayey isugu yeeraan fadhigooda waxay soo dhex dhigaan arrintii sidii wax aan go’aan laga gaarin oo kale, markaa waxay soo jeedinayaan go’aankii hore loo gaaray mid ka mid ah kuwii ogoolaaday mid kalana waa ku raacayaa markay intoodii mid mid isugu raacaan ayey dadkii kale ku dayanayaan sidaasaa go’aankii loo wada oggolaanayaa.

Marka inkastoo la moodo go’aan loo wada jiro, waxaa hubaal ah inay ogaan doonaan inuu yahay arrin habeennimo la soo dhammeeyey.

Waxaa laga yaabaa in habkaasi lagu guuleysan karo, , haddii arrintu siyaaso yahay. Laakiin adigu ma tihid nin siyaasi ah, adigu waxaa tahay guddoomiye fuliye ah waxaad xaq u leedahay inaad arrinka goysid iyagoon oggolaan dadka aad madaxda u tahay, marka aad shirka ugu yeereysid waxay ulajeeddadu tahay inaad ka faa’iideysatid aqoontooda iyo xog-ogaabrtmadooda, marka waa inaad awood u siisid inay kuu soo gudbiyaan talooyin iyo fikrado wax ku ool ah, haddii aanay ulajeeddadu sidaa ahayn looma baahna inaad fadhiga ku soo lugeysid.

Waxaan kuu door roon-inaad arrinka keligaa goosatid intaad go’aan wada jir ah oo been abuur ah ku gabban Iahayd.

QAYBTA 4aad

U Wakiilashada Awoodda Qof Kale

Macnaha u wakiilashada awoodda waxaa looga jeedaa inaad u oggolaatid qof kale inuu qaato go’aan aad adigu mas’uul ka tahay oo xilkaasu ku fulo, waxaad siinaysaa qof aad madax u tahay awood uu ku fuliyo oo shaqada adigoo ku kormeeraaya.

Adigu waxaad tahay hal qof inkastoo aad dadaaleyso haddana kartidaadu way kooban tahay haddiise aad u xil- saarto dadka aad madaxda u tahay hawlaha qaarkood waxaad noqonaysaa dhowr qof. Maxaa yeelay dadkaasi waxay kor u dhigayaan wax qabadkaagii.

Laakin waa inaad ogaatid markaad shaqadaadii cid u wakiilatid adigaa ka mas’uul ah go’aannada wakiilkaaga kamana bixi kartid wixii natiijo ka dhasha shaqada u qabtay. Marka waxaa latna huraan ah inaad la socotid sida shaqadu u socoto si aad u toosisid markay qalloocataba. Taasina waxay u baahan tahay inaad u dejisid hab aad u kormeerto si joogto ah.

Waxaana waajib ah inaad u dhammaystirtid ninka aad shaqada u xilsaartid qalabkii iyo xog oggolaannimadii iyo nidaamka shaqadu si habsami uga fulayso.

Waa inaad ninka kale xilka saartid adigoo aanay gacan- taada ka bixin awooddii iyo mas*uuliyaddii xilkaasi si aad u toosin karto wixii qalloocda.

Sidaad ugu bdrbaarin Iahayd go’aan qaadashada dadka aad madaxda u tahay.

Adiga waxaad heli kartaa fursad aad ku kormeertid sha­qaalahaaga tiaad ula socotid heerarka ay kala joogaan iyo siday ugu kala horreeyaan wax barashada iyo horukaca, waa inaad u taba bartid siday u xallin lahaayeen mashaakilka ka hor imaanaya go’aan munaasib ahna uga gaari lahaayeen waanna inaad siisid awood ku filan wax ka qabashada mashaakilka. Isla markaana lagu baraarujiyo siday caado uga dhigan lahaayeen xallinta mashaakilka.

Kormeerka Macnihiisu Waa Is-Afgarad Iyo Baraarujin

Waxaa laga sheegay nin Maraykan ah oo la oran jiray ILYOT JANI oo shirkad wayn madax ka ahaa inuu yiri Xil u wakiilashada qof kale kuma baran dhib yaraan ee waxaan ku bartay si qaraar oo kulul. Waxaa loo baahan yahay markaad qofka howl u xilsaartid inaanay waxba yeelin habsami u socodkii shaqadu iyo iskaashigii shaqaalaha, is-afgaradkuna waa asaaska u wakiilashada xilka. Haddii aad qof hawl u xilsaartid waa inaad si waafi ah ugu sharraxdid awooddiisu inta ay ku siman tahay waana inaad hubisid inuu aqoon fiican u leeyahay siyaasadda Hay’adda gaar ahaan inta ku lug leh shaqadiisa waxaa kale oo kugu waajib ah inaad sheeda kala soocotid si aad u hubisid in shaqadu u fulayso sidii a&d rabtay.

Guddoomiyaha guulaysta kama baqo inuu qof kale hawsha u xilsaaro laakiin guddoomiyaha faashilka ah wuu ka baqaa inuu ku aamino hawsha qof kale, isagoo ka cabsanaya in isaga la cannaanto haddii qofkaasi shaqada halleeyo marka si aanay taasi u dhicin hawshoo dhan isagaa gacanta ku haysta mana dhici karto inuu wada fuliyo maxaa yeelay shaqada laga= rabo ayaa ka badan waqtiga uu haysto marka waxaa dha- caysa in hawlihii kala socon waayaan shaqadiina halkaa ku curyaanto isagana abaalkii laga waraabiyo:

Baro Inaad Ku Fekerto Laba Heer

Madaxdu markay dad kale u xilsaarayaan hawlaha, isku dariiqo ma raacaan, qaar waxay xoogga saaraan arrimaha hoose ee yaryar ee ay qabanayaan dadka ay madaxda u yihiin, waxaa laga yaabaa in dariiqadaasi ka shuqliso waqtigii uu wax ka qaban lahaa arrimaha waaweyn.

Madaxda qaarkeedna waxay u go’aan masaa’ilka waaweyn iyagoo u dhaafaya arrimaha hoose shaqaal- ahooda. Marka labadaa dariiqo tee fiican?

Ninka madaxda ahi waxaa looga baahan yahay inaanu labadaa dariiqo midna baylihin, ee waa inuu arrin kastaa xaqeeda mariyo. Maxaa yeelay, waxaajiramaray arrimaha hoose ahmiyad weyn leeyihiin, njarka waa inuu isku miisaamo hadba arrinka horyaal waxqabadka looga baahan yahay, waana inuu kala sdoco arrinka yar iyo kan weyn midba waxa looga baahan yahay.

La Socodka Xilkaad Qof U Wakiilatay

Markaad qof hawl u xilsaartid, waajibaadkaagu waa inaad la socotid sida hawshu u fuleyso, waxaad kula socon kartaa Telefoon, xaashi baad ugu qori kartaa hadba tallaabada laga rabo, xafiiskaad ugu yeeri kartaa iyo si kasta oo uu kuu suuroobi karta.

Nin la oran jiray Lays Ait oo ka madax ahaa urur ganacsi ah oo ah dalka Maraykanka wuxuu ka sheegay shir lagu horumarihayey maamulka qisadan: Nin agaas­ime weyn ka ahaa shirkad weyn oo sanaaci ah ayaa loo xilsaaray inuu soo diyaariyo liistada mashaharooyinka shaqaaluhu muteysteen, wuxuu amray ninkii hawshaa xisaabsanaa inuu diyaariyo liistada la rabo, markay ka soo wareegtay lix bilood ayuu goddoomiyihii shirkaddu weydiiyey agaasimihii shaqaalaha liistadii, markaa ayuu ku baraarugay uu warsaday karraanigii uu hawsha u xilsaaray, wuxuu ogaaday inaanu meeshiiba ka soo qaadin.

Marka Lays ayaa qisadii faalleeyey oo yiri: Agaas­imihii shaqaaluhu wuxuu sameeyey laba gef oo kala ah, ma uu samaysan hab uu ula socdo arrimihii uu dadka u xilsaaray, kan labaadna muu barin shaqaalihiisa waaj- ibka ka saaran la socodsiinta madaxda shaqada loo xilsaaray.

Marka taas macnaheedu waa inuu ninkii qof kale u xilsaaray hawshii, laakiin wuxuu ku fashilmay la socod- kii fulinteeda.

Adigu Waad U Baahan Tahay Fikrooyin Cusub

Maamulaha guusha keenaa waa kan ku dadaalaa markasta inuu qaado mas’uuliyad cusub iyo awood bal- laaran uu wax ku fulin karo. Marka hoggaamiyaha wax garadka ah waa kan uoggolaada shaqaalihiisa inay u soo bandhigaan fikrado cusub isagoon amarku gacantiisa ka bixin oo la socoda fikrad kasta natiijada ka dhalan karta. Isla markaana waa inaanu u oggolaan kuwa hanka weyn ee shaqaalihiisa ah inay ka tallaabsadaan, waana inuu dareensiiyo in awoodda ay ku shaqaynayaan farac ka tahay, awooddiisa marka faracu waa inuu tixgeliyo asalkiisa.

Hababka Wax La Isugu Xilsaaro

Habka aad u xilsaarayso dadka aad madaxda u tahay waxay ku xiran tahay adiga shaqsiyadaada, dad- kuna arrinka way ku kala duwan yihiin, waxaa loo tiriyaa guulihii uu gaaray Madaxweynihii Mareykanka ee la oran jirey Aysanhawer, inuu xariif ku ahaa sida dadka loogu wakiisho xilka. Intuu xilka saaro ayuu siin jirey awodda uu ku fulinaayo xilkiisa.

Marka madaxdu way ku kala duwan tahay u xil- saaridda hawlaha dadka kale, qaarkood waxay matalaan boqorka kaymaha.

Marka adigu matahay nin adag? Ma ilaalisaa dadka aad madaxda u tahay? Ma kugu kalsoon yihiin? Ma fuliyaan awaamiirtaada hadal la’aan? Haddii aad til- maamahaa leedahay ogow adigu waxaad dadka kale u xilsaartaa inay yihiin oo kali ah waxyaalaha hawl maal- meedka ah ee fudfudud, laakiin go’aannada muhiimka ah adigaa gacanta ku haysta.

Madaxda qaarkood waxay u jeediyaan su’aalo qofka ay rabaan inay xil u dhiibaan, marka su’aalahaasu uu ku fahamsiiyo sida loo rabo inuu u fuliyo arrinka loo xilsaaray.

Nin madax ka ahaa shirkad tareen oo Maftykan ah ayaa laga sheegay inuu yiri: dhibaatooyinka hortaaftgan madaxda fuliyeyaasha aha waxay u badan tahay inay iyagu qabanayaan hawlihii dadka ay madaxda u yihiin, tusaale ahaan; kaaliyihiisa u keenaya barnaamij kala dhiman markaasuu ninkii madaxda ahaa dhammeystirayaa dariiqadiisii ma barbaarinayso kaaliyihii, waxaa waajibku yahay inuu ku celiyo isagoo u tilmaamaya mee- laha ka dhiman’ iyo siduu u soo hagaajin lahaa.

Marka waa inaad ogaatid ninka aad tahay markaad qof arrin u xilsaaraysid. Ma waxaad tahay sida boqorka kaymaha, mise kan qabta hawsha shaqaalihiisa, mise nooc kale.

Habka Ugu Habboon U Xilsaaridda

Haddii aad doonayso inuu qofku go’aanka isagu qaato waxaa waajib ah inaad u dhaaftid arrinka si uu isagu mushkiladda xal ugu helo, adigoo gacankusiinaya waana dariiqada ugu weyn ee xil u wakiilashada qof kale.

Sida runta ah waxaa jirta habab badan oo qofka loogu xilsaari karo, waxaase jirta inaadan marar badan la socon karin go’aainadii uu qaatay qofkii aad arrimaha u xilsaartay.

Marka haddii uu sarkaalku karti leeyahay waxaa laga yaabaa inaad hawlo waaweyn u xil saartid. Haddaba waxaa waajib ah inaad raggaaga taqaanno intaadan xil saarin ama hubka u dhiibin.

Dhaaf Cali Ha Shaqeeyee

Waa xigmada matilaysa xil u wakiilashada aanad la . socon, haddii aad qof u xil saartid arrin sii xilka iyo awoodda lagu fulinayo ka dibna la soco sida hawshu u socoto waxaa kaa saaran waajibaadkii kormeerka mar­kaad qof shaqaalahaaga ah arrin u wakiilatid.

Hawl u xilsaaridda qofka kale waxay ka mid tahay go’aan qaadashada, waana midda ugu muhiimsan, kamana fakan kartid canaanta haddii ninkii aad arrinka u xilsaartay ku fashilmo, sidaad ula wadaagayso ammaanta hadduu ku guuleysto.

Marka ninkaad arrin u xilsaarayso waa inuu ahaado mid aad ku kalsoon tahay inuu xilkaa ka soo dhalaali doono dhan kasta oo laga cego.

Cutubka 2aad: Xiriirka Aadamiga

Arar: Camalku Waa Dadka

Xiriirka kugu xira dadka madaxda kuu ah, kuwaad _ madaxda u tahay iyo kuwa kula siman wuxuu aasaas u yahay ku-guuleysiga hoggaaminta wacan, marka adigoo ku talo gelaya inaad hoggaamiso koox ujeeddainay gool wada dhaliso waa inaad tixgelisid xiriirka kor iyo hoos iyo dhin^cyadaba, maxaa yeelay, adiga awaamiir baa kcr kaaga imaanaysa, adna awaamiir baad hoos u diraysaa, waxaanad wada shaqaynaysaan dad asaaggaaga ah oo kula siman xagga darajada shaqada, waxaana la isku biirinayaa midhaha shaqadaada iyo tooda, si loogu guul- eysto ujeeddada loo halgamaayo.

Marka waa inaad garatid saddexda xiriir, mid kastaana xaqiisa oofisid, madaxda waa inaad u gargaar- tid, shaqaalahaaga waa inaad madax caadil ah u noqotid, kuwa asaaggaa ah waa inaad iskaashataan, taasina waxay keenaysaa inaad si dhab ah u gudatid waajibaad- kaaga, si aanay shaqada kooxdu u murgin oo ay u kala socoto, taasina kuu suuroobi mayso haddiiaadan shaqa­daada iyo wixii la xiriira iyo dadka ay saamaynayso si dhab ah u baran, ugana baaraan-degin, waxaana jira markaad jaranjarada maamulka kor u fanatidba in ay kuu muuqan doonaan arrimo aadan hore ula socon sida: In hawlahaaga kordhi doonaan, adkaanna doonaan xiri­irka aad la leedahay shaqaalahaaga ballaaranayo, sababta oo ah waxaad mas’uul ka noqonaysaa dad horleh, kuwii horana waad ka fogaanaysaan, waxaana idiin dhexeynaaya kaaliyeyaashaada oo ku soo gaarsiin doona arrimahooda, waxa kale ood ogaan doontaa markaad dallacdoba in saaxiibbadaadii hore yaraanayaan, maxaa yeelay, shaqadaa kala fogaynaysa markaad jagada sare gaartid.

Waxaad dhex geleysaa bulsho cusub, Waxaad la mucaamiloon doontaa wajiyo cusub, waxaana ku dhalan doona naftaada loollan sidaad isu waafajinayso la tartanka saaxiibbadaada cusub, xagga shaqada iyo raalli-gelinta saaxiibbadaadii hore oo doonaya in sidii hore xiriirkiinnu ahaado, isla markaana ka faalideystaan jagadaada cusub, si aad uga soo dha- maysid arrimahooda xafiisyada sare ee aanay gaari karayn.

Sifada ugu muhiimsan hoggaamiyaha waa kartidi­isa la dhaqanka dadka iyo hawl-gelintooda, waxaana jira mabda’ aasaas u ah maamulka jago kasta ood joogtid. Mabda’aas oo ah in waajib kaa saaran yahay xagga madaxdaada dadka aad madaxda u tahay iyo madaxda aad siman tihiin, marka waxaad u baahan tahay qii- meynta madaxdaada, gargaarka shaqaalahaaga iyo iskaashiga asaaggaaga, dadkaasaana aayatiinkaagu ku xiran yahay, marka ha fududaysan waajibaadkaaga heer kasta ood gaartid.

Qaybta 1aad

Sidaad U Noqon Lahayd Ninka Labaad

Xiriirka idinka dhexeeya adiga iyo ninka madaxda kuu ah, waa mid golco badan oo taxaddir u baahan, adigu waxaad tahay xubin ka mid ah kooxda uu hog- gaaminaayo habka aad shaqada u gudataana wuxuu ka qaadanayaa kaalin weyn qiimeynta iyo qaddarinta sha- qadiisa, sababtoo ah, doorashada kaaliyihiisu waxay ka mid tahay shaqadiisa siduu wax u qabtaanna isagay ku xisaaban tahay.

Waxaa waajib ah inaad ogaatid in maamulahaagu kaalinta hoggaaminta ku jiro adiguna aad isaga gacan- yare u tahay, isagaana talinaaya, oo arrinka goynaya, waxaana waajib kugu ah, inaad la socodsiisid waxaad qabanaysid, isaguna xaq buu u leeyahay in uu kula socodsiiyo wuxuu rabo in uu fuliyo, marka ninka madaxda ihi wuxuu u baahan yahay gargaare la isku hallayn karo oo ka xiltira mas*uuliyadda ugana raaxeeya arrimaha yaryar iyo kuwa sahlan.

Waana inaanu waqtiga kaga lumin su’aalo aan macno lahayn iyo waxyaabo aan shaqada aasaas u ahayn.

Haddiise arrinku yahay mid taabanaya siyaasadda shaqada ama u baahan ra’yigiisa gaarka ah, waxaa waajib ah inaad la socodsiisid ood ra’yigiisa fulisid.

Adigu waad jeedin kartaa ra^igaaga isagaana qaadan kara ama diidi kara hadba siduu xaaladda u arko.

Ogow inaan madaxdaadu rabin inaad la keli noqo- tid arrimaha waaweyn, adigoon taladiisa tixgclin, isagase waajib kuma aha in uu taladaada qaato, xataa hadday toosan tahay, marka ha dhibsanin haddii taladaada la diido, maxaa yeelay, madaxdu wdxay hayaan xoog aadan ogeyn, waxaana la arkaa in uu arrinka dhinac kale ka fliriyo isagoo cuskanaya xog-ogaalnimada adiga kaa qarsoon.

Haddaba, ha ka caroonin marka la diidorayigaaga, maxaa yeelay, qaadashadiisu khasab kuma aha ninka madaxda kuu ah.

Qaddari Waqtiga Madaxdaada

Waxaa ka mid ah shaqadaada inaad la socodsiisid madaxdaada hadba heerka shaqadu marayso, laakiin raaaha inaad wax kastaba ula soo oroddid ee waa inaad warbixin guud ka bixisid shaqada, iyo meelaha muhi- imka u ah in uu si gaar ah uga warqabo.

Ku-talo-gal inaan ninka madaxda kuu ah keligaa kula shaqaynayn, marka ku xisaabtan intaad ku leed- ahay waqtigiisa, taana waxaa lagu qiyaasaa hadba haw- laha laguu xilsaaray intay dhumuc le’eg yihiin iyo siday ugu xiran yihiin madaxa maamulka in uu la socdo.

Marka ha kaga dhuminin maamulahaaga waqtigiisa qaaliga ah sheekooyin iyo mashaakil gaar kuu ah, hana ka caado yeelanin inaad hadba daf iska soo tiraa xafiiska adigoo is-leh wax-u-sheeg maamulaha. Haddii aad sidaa fashid waxaad arki doontaa markaad xafiiska gashoba in xoghayntu kaa soo daba-gasho, iyadoo u sheegaysa arrimo muhiim ah ama la socodsiinaysa in qof u joogo, dariiqaddaasina waa xeelad uu iskftga ilaalinaayo xad- gudubkaaga iyo sheekadaada waqtiga ka dhuminaysa. Haddaba, ka digtoonow inaad ku kacdid arrimahaas doqonnimada ah.

Habka Wargelinta Madaxdaada

Habka wargelintu waa laba jid: “AFKA iyo QORAALKA”. Marka haddaad xog-warrankaaga ku dhiibayso odhaah ka flirso waxaad odhanaysid intaadan bilaabin, waxaana door-roon inaad qortid bilowga xub- naha aad ka badli doonto, si aadan u kala illoobin ama is-weydaarin, waxaana waajib ah in hadalkaagu kooban yahay, caddaan yahay, isla markaana lagu qancin karo, waaha inaadan ka bixin mawduuca aad ka hadlaysid, maxaa yeelay, haddaad ka baxdid waxaad iska dhumi- naysaa waqtigii aad qancin Iahayd madaxdaa, sidoo kale haddaad qoraal ku bixinayso waa in qoraalkaagu cad* daan yahay, kooban yahay, isla markaana kulansaday dulucda arrimaha ujeeddada iyo talooyinkaaga waana inaad diyaar u ahaataa su’aal kasta oo laguu soo jeediyo.

Baro Shaqada Madaxdaada

Ha sugin mar kasta in laguu sheego shaqadaad qaban Iahayd, waa inaad foojigan tahay ood taqaannid xilkaaga iyo sidaad u gudan Iahayd, waa inaad uga raax- aysid maamulahaaga arrimaha yaryar iyo kuwa fudfu- dud. Waa inaad kala taqaannid waajibkaaga iyo kan madaxdaada, si aadan isugu labin arrimaha.

Ku qaddar inaad la shaqaysid Agaasime Guud oo u madax ah shan maamule, waajibka Agaasimaha Guud waa in uu hawlgeliyo, kormeero shanta maamule, laak- iin, waajib kuma aha in uu la socdo arrimaha hoose ee maamule kastaa xafliskiisa u gaarka ah, waxaase ku waajib ah in uu isku habeeyo hawlaha maamulayaasha, si ay isula socdaan una xaqiijiyaan ujeeddada hay’addu u dhisan tahay, marka si aad ugu gargaarto naftaada iyo madaxdaada ballaari aqoontaada, maxaa yeelay, hadba inta aqoontaada shaqada la xiriirta korodho ayaad u dhowdahay dallaca&dda iyo hore-u-kaca. Ogow, in ninka madaxda kuu ah aannu dooneyn inaad shaqadiisa qabato, wuxuuse doonayaa inaad shaqadaada fulisid, si shaqadiisu u sahlanaato iyo inaad fulin karto waajibaad- kaaga iyadoon kormeer laguula kor taagnayn.

Waxaa aad halis u ah inaad shaatiga ninka madaxda kuu ah gashatid oo aad shaqadiisa qabatid, waxaa waajib ah inaad ogaatid inaad ku shaqaynayso amarka madax­daada, xataa haddii aad talo fiican keento ama aad xal u hesho mushkilooyinka shaqada hortaagan, waxay ku baxaysaa saxiixa ninka madaxda ah, maxaa yeelay, isa- gaa shaqadaa u xilsaaran, hana isku dayin inaad kala wareegto awooddaas adigoo faafinaya in talooyinka wanaagsan ee maamulahaagu la shir tegey ay flkrada- haagii yihiin. Maxaa yeelay, talooyinkaaga markuu oggolaado waxay u gaddoomayaan kuwo uu isagu keenay, waxaana waajib ah in uu isagu kaa abaal-mariyo dadaalka aad dhiibatay ee guusha keenay iyo sidaad ugu gargaartay xallinta dhibaatooyinka.

Waxaad ogaataa in fikradaha ay madaxdu la shir tagto inta badan rag kale keenaan, iyagaana ku magac qaata, maxaa wacay, ninkii fikradda lahaa ma meel marin karo marka ninka fuliya ee hirgeliya ayaa magaca qaadanaya.

Ha Bari Furin Madaxdaada

Waxaa loo baahan yahay inaad xasuusatid in ninka kuu madaxda ah kaa darajo sarreeyo xagga maamulka, marka waajib kuma aha in uu kula socodsiiyo habka uu u fuliyo hawlihiisa hana ka sugin middaas. Haddii aad talo u jeediso uu kaa oggolaado uu haddana is-rogo ha ka caroonin, hana isku dayin inaad ogaato sababta ku xam- baartay, maxaa yeelay, shaqadaadu waxay ku eg tahay inaad ra*yigaaga dhiibatid, oggolaanshaha iyo diidmada waa shaqada maamulaha sare, marka ha isku dhibin ogaanshaha sababta uu maamuluhu u diiday taladaada, haddii aannu isagu iskiisa kuugu sheegin.

Hana raacraacin gafafkiisa dadka hortiisa, haddii uu warbixin ka jeediyo shir ama ka warramo arrin ku saabsan mashaariicda hay’addiinna qabato oo uu sheego arrimo aadan la socon ama uu qariyo ammo jira ama si kale u sheego ha isku dayin mama inaad toosisid shirka dhexdiisa ama aad si aannu wax u sheegin aad wax u sheegtid, waxaa laga yaabaa in uu u kasay, ama ula- jeeddo kaa qarsoon ay jirto.

Haddaad is-celin weydo dhegta u saar oo xasuusi ama xaashi ugu qor hadduu kaa fog yahay. Haddii uu qof ku guuleysto maamulka wanaagsan, waxaa hubaal ah in ay hareera joogaan saraakiil karti leh, adiguna raggaas- aad ka mid tahay inta aad wax la dhisayso ee aadan jagadiisa ku duullaan ahayn, haddiise aad isku daydo inaad jagadiisa kala wareegto ku talo gal in uu gaas- haanka kuu daruuri doono kuna dadaali doono siduu isaga kaa dheereyn lahaa, arrinku si kastaba ha ahaadee, haddaad ka tallaabsatid madaxdaada, filo dhibaatooyin, , jidka ugu dhow ee aad guul iyo daiiacaad ku gaari kartaa waa inaad gashid kaalin aan madaxdaadu kaa maarmi karin, inkastoo ay aad u yar yihiin dadka aan laga maarmi karayn.

 

QAYBTA 2aad

Ogow Shaqaalahaagu Way Kula Shaqeeyaan Ee Kuuma Shaqeeyaan

Waxay kuu haystaan shaqaalahaaga iyo madax- daaduba inaad tahay hoggaamiye. Marka maamula- haagu wuxuu kaa rabaa inaad muujiso karti iyo hufnaan, si uu kuugu qoro dallacaad, isaguna wuxuu doonayaa in uu helo xujo caddaynaysa inaad mudan tahay dallacaad, shaqaalahaaga iyagu fursaddaada oo kale ma haystaan, adigay kaa sugayaan inaad dallacaad siisid, sida laguu dallacsiinaayo aayatiinkaagu wuxuu ku jiraa gacan- tooda, sida aayatiinkoodu gacantaada ugu jiro gargaar- kooda, la’aantiina horukacaagu rajo ma leh, haddii aadan gacan ka helin shaqaalahaaga, shaqo kuu socon- mayso, marka waa inaad ku dadaashid iskaashigooda iyo wada shaqayntooda, taasina waxay ku suuroobi kar­taa inaad isku shuqlisid barashada shaqada iyo tooda, xog-ogaalna u noqotid xiriirka idinka dhexeeya iyo xaal- adaha gaarka ahba.

Hoggaamintu Waxay U Baahan Tahay Jajabnaan

Waxaa jira awaamiirta la siinayo dadka inaanay isku si u saamaynin, awaamiirta dadka qaar si caadi ah bay u fulinayaan, waxaase dhacda inaan dadka qaar oggolaanayn, sidaa awgeed, ninka hoggaamiyaha ihi waa in uu ahaado nin dhug leh oo foojigan.

Ninka hoggaamiyaha ah waa inaanu nin qallafsan ahayn ee waa in uu yahay nin hawsha u jajaban oo kiil kasta buuxin kara, waa in uu yaqaanno markuu bixi- naayo amarka iyo sida uu ugu gudbinaayo dadka ku shaqada leh, isagoo ku xisaabtamaya in dadka uu amarka siinayaa qaadanayaan kartina u leeyihiin fulinti- isa, waxaa jirta xigmad dhahaysa: “Haddii aad rabtid in lagu caasiyo soo saar awaamiir aan la fulin karayn. Marka amarkaagu ha ahaado mid la fulin karo”.

Tilmaamaha Hawlaha Maamulaha

Xiriirka kugu xiraya dadka aad madaxda u tahay waa xiriir madaxnimo sida xiriirka ka dhexeeya adiga iyo ninka madaxda kuu ah, marka shaqa&lahaagu waxay kaa filanayaan waxa aad ka filanaysid madaxdaada.

Aragtidaasi waxay kugu baraarujinaysaa inaad u dhega-nuglaatid xaaladda iyo baahida shqaalahaaga.

Haddii aad tahay nin wax-garad ah kugu cuslaan mayso inaad dejisid naftaada, halkooda si aad arrinka uga flirisid dhinaca ay ka joogaan markaasaad si dhab ah u qaddarin kartaa doonistooda. Mana noqon kartid hog- gaamiye guuleysta haddii aadan baran raggaagu waxay galaan iyo waxay gudaan, kartid ooda iyo awooddooda wax-qabad.

Hoggaamiyuhu waa in uu yaqaanno waxa uu doon- ayo, jidka uu u marayo iyo sida uu u fulinaayo, shaqaal- ahaaguna waxay kaa sugayaan inaad shaqadaada si dhab ah u taqaannid, haddiise ay kaa muuqato cabsi, karti- xumo iyo ka war-wareeg hawsha adag, markaas shaqaal- ahaagu waxay ka, war-helayaan isku kalsoonaan la’aantaada, marka wax kasta oo kugu dhaca waa inaad naftaada ka adkaatid oo aadan muujin argagax iyo wal- bahaar, maxaa yeelay, shaqaalahaagu mar kasta indhaha ayey kugu hayaan, iyagoo faalleynaya dhaqdhaqaaqaa iyo hadalladaada, si ay ugala soo baxaan waxa kaa imaan doona.

Waxaa ka mid ah shaqadaada in aad ku abuurto shaqaalahaaga isku kalsoonaan iyo xasilloonaan. Iyagu adigay ku daba-joogaan, waxay kuu fiirinayaan si naxariis-darro ah, waa garsoorayaal qalbi adag, kuuna cafin maayaan gefkaaga, inkastoo ay iyagu I^aa codsa- nayaan inaad dhaaftid gafafkooda. Haddii aad isku meeraysatid, oo amarka aad soo saartid haddana ka loqotid waxaad u muuqanaysaa inaad ku jaho wareer- tan tahay shaqada, taasina waxay ku gafsiinaysaa xur- nada iyo maamuuska shaqaalahaaga, maxaa yeelay, iyagu waxay rumaysan yihiin in guusha shaqadoodu ku xiran tahay kartidaada, waxaanay ogaadeen inaadan karti lahayn marka kugu khasaarin maayaan dadaalkooda.

Hoggaamiyaha wanaagsan waa kan tababara raggi- isa ee ka dhaadhiciya siday waajibaadkooda u gudan lah« ayeen, maamulaha raba in uu horumar ka gaaro xagga maamulka waa in uu barto siduu dadka kale wax u bari lahaa.

Daafac shaqaalahaaga; iyagu waxay kaa sugayaar inaad ilaalisid danahooda, waa inaan lagaala hoos bixir dadka aad madaxda u tahay, tusaale ahaan, waxaa dha- cay in wiil karraani ka ahaa Shirkad weyn uu u xilsaray maamulihiisii in uu soo diyaariyo liistada mushaharadda shaqaalaha, isagoo ku shuqloon liistada ayuu u yimid Agaasimihii Guud ee Shirkadda, waxaannu amray in uu deg-deg ugu diyaariyo warbixin ku saabsan gunnooyinka jid-marka ah eeshaqaalaha, waannu oggolaaday, laak- iin, wuxuu is-yiri markaad dhammaystirtid liistooyinka ayaad fulin doontaa amarka Agaasimaha Guud rabo, waxaase dhacday in isla maalintii Agaasimihii Guud ku soo noqday karraanigii uu warsaday warbixintii wuxuu ugu jawaabay weli maan dhammayn shaqadii uu ii diray maamulaha xafiisku. Agaasimihii Guud aad buu u carooday amarkiisa oo la fulin waayey awgii, karraanigii wuxuu u tegey maamulihiisii wuxu yiri: “Waxaan doon- ayaa inaan ogaado maamulaha aan la shaqeeyo, mar- kaasuu uga warramay wixii dhex-maray isaga iyo Agaasimaha Guud”. Markaasuu yiri maamulihii waxba ha ka biqin ee shaqadaada wado.

Haddiiba, Maamulihii wuxuu u tegey Agaasimihii Guud, oo Uu ku yiri, Shirkaddan adiga ayaa ka madax ah, wixii aad amartana waa la fulinayaa, waxaana jirta inaad ii wakiilatay maamulka xafliskan, waxaanan u xilsaaray karraaniga shaqo ay waajib tahay in uu maanta dhammeeyo, adiguna waxaad u dirtay hawl kale adigoon ila so0odsiin, markuu kaa gaarsiin waayey waad ku xanaaqday.

Marka adigu xaq baad u leedahay inaad amar to’osu siiso shaqaalaha ila shaqeeya, haddiise la rabo in sha- qadu si habsami ah u socoto sow ma habboona in awaamiirtooda loo mariyo ninka xafiiska u madaxda ah.

Agaasimii Guud waa ka garaabay arrinkii, waxaan- una u yeeray karraanigii markaasuu u cudur-daartay raallina geliyey. Marka haddii aannu maamuluhu ka daaflci lahayn karraanigiisa gardarrada Agaasimaha Guud, waxaa laga yaabaa in, caradiisu ku xambaari Iahayd in uu shaqada ka saaro.

Adigu waxaad uga dhigan tahay shaqaalahaaga sida naakhuudaha doonta hoggaamiya, waxay fulinayaan awaamiirtaada, waxay aqbalayaan dhaliisha aad u jeed- isid, laakiin, waa markaad danahooda iyo xuquuqdooda ilaalisid.

Waxaa jirta xigmad la baro saraakiisha ciidammada markay layliga.ka baxaan, taasoo ah: “Ilaali raaxada askartaada, maxaa yeelay, adigay kugu tiirsan yihiin”.

Xigmaddaasi waxay ku rumoobaysaa saraakiisha maamulka iyo shaqaalaha ay madaxda u yihiin.

Xilka Maamulaha Xagga Edbinta

Dadka aad madaxda u tahay uma sinna waajib gudashada, waxaa laga helayaa dad shaqadooda si hab­sami iyo daacadnimo u gudanaya, kuwo gaabinaya iyo kuwo aan u aabo yeelayn shaqada oo ku tumanaya nidaamka. Marka caddaaladdu waxay keenaysaa in mid walba wuxuu mudan yahay la mariyo, waxaana ka mid ah waajibaadka maamulaha shaqada fulinaaya in uu ciqaabo edbin ah ku qaado qofka ku tunta nidaamka ama shaqada dib uga dhaca, ama u gudan-waaya waajib- kiisa sidii loogu talo galay, sida dhabta ah xilka maam­uluhu maaha mar kasta mid farax iyo raaxo leh, maxaa yeelay, marka qof la ciqaabfyo ama canaan loo jeed- inaayo waa shaqo qofkii dhaawacaysa oo eedi ka imaanayso, laakiin, waxay ka mid tahay waajibka maamulaha, kamana gabban karo haddii uu ka leexdana isagaa mudanaya ciqaabtii, maxaa yeelay, waxay ka go’an tahay shaqadijsii, madaxdiisa iyo Shaqaalihiisa midna tixgelin maayo.

Dadka aad madaxda u tahay waxay jecel yihiin inaad tahay nin karti leh oo ku adag nidaamka shaqada iyo habsami-u-socodkeeda, haddiise aad fududeysato nidaamka kuwa ku khilaafana indhaha ka laabatid, waxaad noqonaysaa hoggaamiye faashil ah ama karti- laawe ah, qofna kuugu garaabi maayo ama kuugu cudur- daari mayso ee waxaa lagugu tilmaami doonaa waa doqoni ma shaqayste ah.

Markaad nin shaqaale ah u jeedinaysid canaan ama ciqaab edbin ah ka dheerow waxyaalaha uur-xumada iyo nacayb keenaya marka lagu ogaado inaadan ninna nec- bayn ee aad gudanayso waajibaadkaaga keli ah way kuu garaabi doonaan, inkastoo qaarkood marka hore caroon doonaan.

Shaqaalahaagu Waxay Kaa Sugayaan Inaad La-Taliye U Ahaatid

Dadka aad madaxda u tahay markay la kulmaan dhibaatooyin xagga qoyska dhaqaalaha ama xagga sha- qadaba, way kuula soo ordayaan, markaa waxaa loo baahan yahay inaad dul-qaad iyo adkaysi u yeelatid dhe- geysiga, mashaakilkoodana u muuji inaad ka damqanay- sid adigoo isku dayaya inaad wax ka qabatid intii awooddaada ah xallinta dhibaatada, laakiin, tallaab- ooyinka aad ku gargaaraysid shaqaalahaaga waa in aanay saameyn habsami-u-socodka shaqada.

QAYBTA 3aad

Sidaad Shaqaalahaaga Ugu Tababari Lahayd Wada-Shaqaynta

Waxaa ka mid ah waajibaadka hoggaamiyaha sha­qada fuliya in uu koox hoggaamiyeyaal ah abuuro, isa- goo ka dhex xulaya maamulayaasha la shaqeeya, kaddibna u tababaro una layliyo xambaaridda mas’uul- iyadda ay qaban doonaan.

Nin la odhan jirey Roger, oo madax ka ahaa Shir- kad dalka Maraykanka, ayaa loogu yeeray in uu ka qayb galo shir lagu qabanayey Yurub oo ka qaadanaaya muddo afar bilood ah, waana oggolaaday, markaa waa lala yaabay siduu muddadaa dheer uga maqnaan karo shirkaddiisa. Wuxuu ugu jawaabay in ay shaqadiisa ka mid ahayd in uu abuuro madax shaqada wadi karta, waana iska xil-saari jirey, waxaanan hubin doonaa mar- kaan soo laabto inaan ku guulaystay waajibaadka iyo in kale, kaasoo ka muuqan doona siday shaqadu u socotay intii aan maqnaa.

Taasina macnaheedu wuxuu yahay inaad abuurtid dad kula shaqeeya oo ku beddli kara, shaqadaadana qabta marka loo baahdo. Fikraddaa, waxa si flican u caddeeyey nin Maraykan ah oo Shirkad weyn ka madax ahaa, isagoo khudbad u jeediyey shir lagu falanqaynayey horumarinta maamulka wuxuu yiri: “Waxaan u caddey- nayaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Shirkadaha, inaanay heleyn dallacsiin haddii aanay abuurin marka hore rag jagooyinkooda qabta marka ay bannaanaato ”

Waa Kee Hoggaamiyaha Fuliyaha Ah?

Hoggaamiyaha fuliyaha ah, waa midka hawlgeliya dadka uu madaxda u yahay, waxaana ka mid ah waaj- ibaadkiisa habaynta iyo isku dubbarididda hawlaha kal$ duwan iyo kala hagaajintooda, si aanay isu herdiyin, hoggaamiyaha fuliyaha ah, waxaa lagu tilmaamaa ama lagu matalaa nin hoggaamiya koox fannaaniin ah oo muusiko garaacaysa oo ka kooban tobnaan haysta qalab kala duwan, ka yeerinaya codad kala geddisan, si ay u soo saaraan hal cod oo midaysan oo qurxoon naftana aad ugu raaxeeya, marka haddii aannu isku habayn codadkooda, cod qurxoon ma soo baxayo. Waxaa ka soo baxaya cod fool xun oo dadka ka argagixiya.

Hoggaamiyaha maamulkana waa sidoo kale, waa in uu u hawl-geliyo shaqaalihiisa, si ay goolka guusha u wada dhaliyaan, si taas loo helona waxaa waajib ku ah hoggaamiyaha in uu si caddaalad iyo xigmad ku jirto ula mucaamiloodo shaqaalihiisa, gaar ahaan, xagga abaal- marinta ammaan iyo dhaliilba, si aanay dhexdooda uga dhalan kala masayr, uur-xumo iyo is-xaasid, falkaasina waxay dhaawacayaan iskaashiga iyo wada shaqaynta lagu gaari karo guusha.  *

Ha Ka Cabsanin Shaqaalahaaga

Waxaa laga yaabaa in ay ka mid yihiin dadka aad madaxda u tahay qaar kaa caqli badan ama kaa karti roon, marka ha isku dayin inaad daboosho kartidooda iyo waxyaalahay hibada u leeyihiin.

Adigoo ka baqaya in ay jaga kaa riixdaan, maxaa yeelay, haddaad isku daydid waxay kaa qaadanaysaa hawl iyo waqti qaali ah, isla markaana qofkii markuu ogaado inaad ka hor-taagan tahay horukaciisa ku raalli noqon maayo in uu kaa hoos shaqeeyo marka waxaa kuu roon inaad barbaarisid ood fursad u siisid in uu muujiyo kartidiisa, si ay u soo baxaan dadka kartida leh, xataa haddii ay adiga ku dhaafayaan waxaa habboon inaad jidka u furtid oo aadan isku gudbin, waanad ka heli doontaa abaal-gudkaaga xagga madaxdaada oo kuu qii- meyn doonta ragga aad u soo saartay hay’adda, nin ka madax ahaa Shirkadda weyn ayaa uga warramay nin saaxiibkii ah, waxaa ku kallifay in uu nin maamule sare ah uga wareejiyey jagadiisii muhiimka ahayd uguna dhi- ibay darajo ka sarreysa tiisii hore, laakiin, aannu shaqo qabanayn, wuxuuna ku yiri: uJoon wuxuu shaqeeyey muddo dheer, waxaannu u shaqayn jirey si daacad iyo hagar la’aan, haddase ma gudan karo masiuliyadda loo xil-saaray, wuxuu ka caado dhigtay in uu madaxda ka hoos shaqaysa dadaadiyc, kuna canaanto shirarka, mar- kaan arrinkii u dhabbo galayna waxaan ogaaday in arrinkaasi run yahay uu ula dhaqmo madaxda ka hoos shaqaysa, si qallafsan oon xurmo iyo maamuus ku jirin, waxaa ka muuqday waaxdiisa waji kaduud iyo dar- xumo, haddii saraakiishiisu u soo jeediyaan fikrado ama talooyin wuu googoyn jirey, markaasuu dib uqori jirey, si ay ugu muuqato mid uu isagu keenay, markaasuu u gudbin jirey guddiga ku shaqada leh”.

Markii hore, waxaan moodaayey in falad- xumadaas ay ku xambaartay cabsi uu ka qabo in dad- kaasi jagada ka riixdaan, laakiinse, waxaan ogaaday in uu ka masayrayo in shaqaalihiisu dhaafaan oo kartidoodu muuqato, sidaasuu cagta u saarayey aqoontooda iyo kartidooda. Sida runta ah Joon wuxuu noqday nin naftiisa jecel oo keligiis khayrka ku koobaya oon cid kale u quurayn, taasina waxay hoos u dhigtay awooddiisii, wax-qabadkiisii iyo dad-abuuriddii looga baahnaa hog-.’ gaamiyaha, waxaa ka dhuntay sifada wax isu-quuridda oo aasaas u ah madaxnimada daacadda ah.

Waxaa jirey nin madax ka ahaa majallad caan ahayd wuxuu xariif ku ahaa soo saaridda iyo xulidda dhallinta hibada u leh wax-qoridda, taasina waxay gaar- siisay mujalladkiisii guul waarta oo ay kaga hormartay dhammaan mujalladyadii tartanka kula jiray. Ninkaasi wuxuu ku faani jirey xulidda iyo barbaarinta dhallinta maskaxda wanaagsan ee hibada u leh hoggaaminta dhal- lintii uu soo saarey abaal weyn bay u hayeen oo waxay ku tilmaami jireen aabbihii barbaarinta aad baanay u xur- mayn jireen, isla markaana shirkaddiisu wuxuu u soo hooyey guul aan la koobi karayn, markuu u abuuray maamulayaal kor u qaaday qiimihii iyo dhaqaalihii shirkadda.

La Ma Huraan Ma Aha Inaad Tahay Abwaan

Si aad u noqotid hoggaamiye guulaysta shardi ma aha inaad dadka ugu caqli iyo cilmi badan tahay ee waa sidaad caqligaaga uga shaqaysiisid waxaase loo baahan yahay in caqligaagu yahay mid awoodi kara hanashada mas’uuliyadda loo xilsaaro iyo inuu diyaar u yahay culayska hoggaaminta, haddaad u fiirsatid dadka ku caan baxay taariikhda waxaad arkaysaa inaay u badan yihiin aqoon yahannada u go’ay cilmiyada kala duwan, maxaa yeelay caqliga haddaan laga shaqaysanin halki- isuu ku abaadayaa, marka waa in laga shaqaysiiyo caq­liga iyo maskaxdaba si looga faa’iidaysto.

Sidii Loo Heli Lahaa Hoggaamiye Fuliye Ah

Jagooyinka sare ee hay’adaha iyo shirkadaha waxaa looga baahan yahay dad karti leh oo u qalma inay jagooyinkaa qabtaan.

Nin agaasime guud ka ahaa shirkad ganacsi ah oo maraykan ah ayaa tilmaamay hawlaha maamulka wuxuu yiri:- Hoggaamiyaha fuliyaha ah waa inuu karti u leeyahay wax baaridda dadka kale waa inuu awoodi karo inuu shaqaalihiisa u qeexo jid cad uu ku muujiyo dham- maan shaqada hay’adda iyo siyaasaddeeda iyo kaalinta ay kaga jiraan arrimaha la fulinayo, taasina waxay u suuroobi kartaa in isaga naftiisu aqoon dheer u yeesho arrimo badan oo ka baxsan shaqadiisa iyo inuu aad u yaqaanno shaqaalaha uu madaxda u yahay iyo heerka ay kala joogaan xagga aqoonta kartida, waxaa uu mid kas­taa u hanqal taagayo, waxyaalaha ay hibada u leeyihiin qaarkood iyo qof kastaa wuxuu ku fiican yahay si gacan loogu siiyo waxay higsanayaan hay’aduna uga ‘ faa’iidaysato.

Hoggaamiyaha nin karimeedka ah waa midka ka shaqeeya inuu ka dhigo shaqaalihiisa koox midaysan oo si iskaashi ah u wada shaqaynaysa oo is xurmaysa, sida lagu gaari karo guushaana waa in si caddaalo ah loogu simo fursadaha tababarrada iyo aqoon korodhsiga, oon laga xullan kuwa qaraabada iyo saaxibada ah kali ah, haddii aad qaarkood u fidiso kaalmo aanay mutaysan oo loogu qaraabo kiilay waxaa kacaya kuwa asaagood ah oo        uur xumo ku abuuraysaa, waxaanay tirsanayaan dulmi iyo caddaalo darro. Sidaa awgeed hogaamiyaha doonaya inuu guul dhaliyo waxaa waajib ku ah inuu dhexdhexaad u ahaado shaqaalihiisa fursadaha tababar­rada iyo dallacaadana u simo, waa inuu u dhug lahaado in eexda iyo nin jeclaysigu shaqaalaha qalbi jebinayaan.

Nin madax ka ahaa shirkad ku taalla Taxes oo ka mid ahaa dalka Maraykanka ayaa u baahday nin kaaliye uga noqda dhawr gobol, waxaa isku waday jagadaas nin maamule ka ahaa gobol, waxaase loo magacaabay nin kale oon la filayn, markaas si loogu caddeeyo sababta ninka kale ku mutaystay isaguna ku waayey wuxuu u yeeray madaxdii shirkadda ninkii maamulaha ahaa waxaanu ku yiri:- Waan ka warqabaa inaad caddaalo darro.tirsanayso markii nin kale loo magacaabay jagadii aad filaysay, waxaan kula socodsiinayaa in looga baah- anaa jagadaa nin la macaamiloon kara dad kala duwan sida ganacsatada, agaasimayaasha wax gadidda deg- mooyinka iyo gobollada waxaana shardi ah inuu aqoon fiican u leeyahay wax gadidda, isla markaana waa inuu karti u leeyahay layliga iyo barbaarinta dadka kale oo u soo saari karo hay’adda dad waxtar ah oo hormariya si aanay hay’ad kale noo dhaafin.

Adigu waad ku fiican tahay shaqadaada, laakin markii lagu noqday heshiisyadii gadidda ee aad fulisay intooda badan adigaa sameeyay inta yar ee soo hartayna waxaa sameeyey seddex nin ood raggaagii ka dooratay shaqaalahaaga intiisii kalena waad gacan bidixaysay waxtarkoodiina hoos buu u dhacay marka haddii aad damacsan tahay dallacaad u barbaari shaqalahaaga haw- laha kala duwan.

Waxaa nagu waajib ah inaan jagooyinka muhiimka ah u dhiibno dadka ugu karti iyo wax qabad badan si loo soo hoyo guul wax ku ool ah.

Adigu hal qof baad tahay oo wax walba ma qaban kartid, marka waa inaad diyaarisid dadkii wax kula qaban lahaa, waa intaas gafka uu sameeyey maamulihii uu ku waayey dallacaadii, wuxuu kheyr moodaayey baa khasaare u soo jiiday, maxaa yeelay wuxuu isku dayey in uu shaqadiisii iyo shaqadii dadka kaleba kaligii qabto, wuxuu u qaatay haddii isagu ku ekaadc hawlgelinta, shaqaalaha uu madaxda u yahay iyo tababarkooda si ay shaqada toos ugu fuliyaan inay isaga liidnimo ku tahay. Waxaase loo baahnaa inuu xog ogaado in shaqada madaxdu tahay hawlgelinta shaqaalaha, isku duwidda shaqada iyo kormeeridda habsami u socodka shaqada haddiise maamuluhu qabto shaqadii dadka uu madaxda u ahaa, waxaa baylahaysa shaqadiisii, waxaa lagu mata- laa ninka caynkaa ah geed weyn oo hoos ballaaran, laakin aan oggolayn in geedo kale hoostiisa ka soo dhashaan.

Hoggaamiyaha guusha dhalinayaa waa inuu u han- qal taago jagooyinka sare, jagadiisana uu u diyaariyo una barbaariyo dadka kale ee ka hoos shaqeeya haddiise uu isku gudbo uu hore u socon waayo way jiiri doonaan oo iyagaa hore u socon doona, hoggaamiyaha gurracanna meeshiisay uga tegi doonaan.

Maamule Mujallad Oo Nasiib Daran

Waxaa jiray nin ka shaqeeyey mujallad muddo shan iyo toban sano ah kana qabtay jagooyin kale duwan ilaa uu ka noqdo madax mujalladka oo dhan, laakin waxaa dhacday inuu shaqadii mujalladka oo dhan isagu qabto, dadkii la shaqaynayeyna wax xil ah uma dhiibin waxay noqotay mujallad qof qura ka muuqda. Waxaa dhacday in maalin uu u yeeray guddoomiyihii shirkadda iska Iahayd mujalladka wuxuu u sheegay in shirkaddu soo saarayso wargeys cusub, isagana madax looga dhigi doono, markaasuu argagaxay uu yiri anigu ma qaban karo wargeys cusub, waxuu ku taliyey in dibedda maam­ule looga doono waxuu ugu jawaabay guddoomiyihii maxaad shaqaalahaaga qaar ugu tababari weyday wuxuu yiri kama soo bixi karaan. Markaasu yiri gud­doomiyihii dhegeyso Bile, waxaa jira rag toban sano ka hoos shaqeynaayey hadaad intaa wax ban weydayna haddana wax bari maysid, haddii aanay iyagu wax baran karayn waxaa waajib ku ahaa inaad shaqada ka saartid, sida dhabta ah adigaa hortaagan oo cagta hoos geliyey oo horukac u diidan waxaa waajibku ahaa inaad abuurtid dad hawsha kula wada, haddana waxay ila tahay in jagadaada loo dhiibo nin abuuri kara maamulayaal madax ka noqda qaybaha kala duwan ee mujalladka.

Shaqaalahaaga Waxay Kaa Sugayaan Hanuunin Iyo Toosin

Sida ugu wanaagsan ee aad ku hanan kartid xur- mada shaqaalaha aad madaxda u tahay waa inaad shaqa­daada ka adagtahay una qalantid booska aad joogtid, hoggaamiyaha fuliyaha ah ee guulaysta’waa inuu u han- qal taago horukac iyo dallacaad waa inuu aad ula socdo ujeeddada iyo siyaasada ay ku shaqaynayso hay’adda ama shirkadda uu u shaqeeyaa.

Haddii aad doonto dallacaad aqoon u yeelo intii kuu suuroobi karta shaqada hay’adda, hana ka joogsan aqoon korodhsiga aqoonta noocaas ah waxay kugu abuuraysaa isku kalsoonaan markaad dadka la dhaq- maysid waxaana ku suuroobi kara inaad ka jawaabtid su’aalaha laguu soo jeediyo si dhaqso ah.

Haddii ay kaa hor timaado dhibaatooyin waxaad heli kartaa sidaad u xalin Iahayd ama u raadin Iahayd jidadka loo maro ee lagu xallin karo. Mana suuroobi karto inaad moosto mas’uuliyadda maamulka sare mar- kay kula soo gudboonaato inaad qaadid tallaabooyin ama go’aanno aadan jeclayn, Maamulaha daciifka ah wuxuu ku soo jiitaa shaqaalihiisa eedaynta madaxda sare, wuxuu yiraahdaa “anigu ma jecli inaan arrinkan ku kaco, laakin waxaan fulinayaa amarka madaxda, waana qasab inaan sidaa yeelo”. Haddii aad eedayso maamul- kaaga sare waxaad dhaawacaysaa kalsoonaanta shaqaal­ahaaga u hayo hay’adda ay ku xireen noloshooda iyo ‘ aayatiinkooda, markaa intay daacad ugu shaqayn lahay- een hay’adda ay joogaan nin kartaa wuxuu isku shuqli- nayaa siduu u raadin lahaa meel kale oo u shaqo u tago.

Maxaa Kula Gudboon Sida Aad U Hormarin Lahayd Shaqaalahaaga?

Ku guulaysiga barnaamijka horumarinta iyo kor u adidda kartida saraakiisha waxaa saldhig u ah laba las oo kala ah:- In sarkaalka xil la saaro, 2 in la siiyo fursad uu horukac ku samayn karo.

  1. b) Sarkaalka la rabo inuu horukac sameeyo waa in faraha loo saaro mas’uuliyadda, waana in si fiican loo dhacsiiyo xilka uu qaadayo iyo sida uu u fulinayo waana in la siiyo awood iyo qalabka lagu fulinayo. t) Saraakiisha waxtarka ah waxay u hanqal taag- aan horukac, marka waa inaan laga hor joogsan waxay higsanayaan, maxaa yeelay sarkaalka nin karmeedka ah haddii aanu helin xil iyo awood u qalanta ma joogayo meeshaas ee wuxuu raadsa- nayaa meel horumar uu ka samyn karo. Markaa waxaa kugu haraya dadka bartood yaqaanka ah ee hanka yar, waxtarkoodana iska yar yahay. Madaxda qaarkood way ku adagtahay inay u wakiishaan xilka saraakiisha la shaqaysa, xataa hadduu dallaco way ku cuius tahay inuu faraha kala baxo shaqadii uu hore uga dallacay ee loo dhiibay sarkaal ka hoos shaqeeya. Tusaale ahaan waxaa jiray nin agaasimaha qaybta gadidda ka ahaa shirkad weyn oo alaab kala duwan soo saarta dalka Maraykanka waxaa loo dallacsiiyey agaasimihii agaasime guud, laakin ninkii loo dhiibay jagadii laga dallacsiiyay umuu dhaafin shaqadiisa ee sidii hore ayuu u maam- ulaayey. Marka waxaa dhacday in shaqadii qay- bihii hoos u dhacday agaasimihii la keenaba waa laga beddelaa markii dambe ayaa la keenay agaasime lagu yaqaanno karti markii uu shaqa­dii bilaabay ayuu agaasimihii guud sidiisii faraha ula soo galay.

Markaasuu xaashi shaqo ka tagid ah u qoray gud- )omiwhii shirkadda waxaanu ku yiri: Markaan bil sha- idii P&day waxaa ii caddaatay inaan shaqadii wadi irayn, faragelinta Madaxda awgeed, waxaa meeshii ka uuqatay inaan anigu ahay agaasime magaca kali ah ivaamiirta shaqadu ku socotona ay ka imaanayso agaas- laha guud, anigu ma aqbali karo inaan qaado xil nin lie amarka bixinaayo marka sidaasan shaqadii uga gey markaasuu ogaaday guddoomiyihii shirkaddu tbabta qastay qaybta wax gadidda waxaanu amray gaasimihii guud inaanu mar dambe fara gelin arrimaha •o xilsaaray agaasimayaasha si ay u muujiyaan artidooda.

Qisadani waxay inoo faa’iidaynaysaa cashar qiimo ayn leh oo ah ninka jagada sare hayaa inaanu waqti u slayn wax ka qabadka mashaakilka yar yar ee hoose, tarka haddaad jago sare u dallacdid isu diyaari jago ka fiican kor fiiri oo hoos ha u soo noqon.

Sidoo kale saraakiisha kula shaqaysaa waxay u han- al taagayaan dallacaad waxaanay sugayaan markay heli hayeen fursad ay ku dallacaan marka adigu ha ka hor >ogsan horukaca. Tusaale ahaan waxaa jira sarkaal ka laqaynayey shirkad, Guddoomiyahiisa sannad kasta u allan qaadi jiray inuu u dallacsiin doono agaasime, takin sannad kasta wuxuu dallacsiin jiray dad kale.

Markaa wuu qalbi jabay waxaanu u sheegay agaas- nihii inuu shaqadii ka tagayo. Markaasuu u ballan aaday inuu mushaharadiisa laban laabi doono sanadka soo socdana dallacsiin doono. Markaasuu sar- aalkii xaashi qoray uu ku yiri: Kama shaqayn karo . lirkad aanan dallacaad ka helayn ilaa aan istaqaalo eeyo.

Xataa haddii aan aqbalo taladaada igu kalsoonaan laysid, max^a yeelay waxaad ku tala galaysaa inaan haqada ka tagi doono haddii aan helo jago ka sarraysa ma lacag ka badan sida dhabta ah kuma kalsooni bal- mkaagu kula mana shaqayn karo qisadani waxay ina jsaysaa marka qofku ogaado inaadan dantiisa u aabo eelayn ee taada kali ah daryeelaysid in qofkuna kaa amin baxayo fursad kalena raadsanaayo.

Ku talla gal in waajibaadkaagu xagga tababaridda haqaalahaaga aad u wayn yahay ka digtoonaaw inaad oqotid sidii sarkaalkii intuu seeftiisa gilgilay cadawgii weerar ku qaaday kaligii isagoon la socodsiin askartiisii lay weerarka la qaadaan, marka intay istaageen ayey u acab tumeen iyagoo geesi gelinayaa oo la yaabsan siduu kaligii ugu bareeray col dhan marka si aanad gafkaasoo kale ugu dhicin.

Hadba gadaal fiiri in raggaagu kula socdo iyo in kale kuna fiiri indho tababare si aad u hubiso inay casharkii la baray si dhab u fuliyeen iyo in kale.

Ogow in saraakiishaadu shaqo muhiim ah kuu qabanayaan, marka ka digtoonow inaad ku gabood fasho xuquuqdooda, adigu waxaad tahay saaxiibkood, laakin ka mid ma tihid, adigu waxaad tahay garsoora- hoodii ay ku kalsoonayeen caddaaladdiisa, waxaad tahay hoggaamiyahooda ay fuliyaan amarkiisa, waxaad tahay qareenkoodii difaacayey danahooda una gudbinaayey dhibaatooyinkooda madaxda sare si loo mariyo abaalgudka ay mudan yihiin.

 

QAYBTA 4aad

Shaqada Dhinaceeda Bulshada

Shaqadaadu, waxay leedahay dhinac ijtimaaci ah, waxaad xiriir la leedahay madaxdaada, shaqaalahaaga iyo asaaggaa intaba, waxaana habboon in xiriirkaagu seddexdaa kooxood isu miisaamaan yahay, ood mid walba sida ugu habboon ula xiriirtid. Waana xiriir gulco badan oo wajiyo kala duwan leh, waxaanu loo tiriyaa madax badan oo ku fashilmay hoggaaminta inay sababu ahayn fashilkooda gafaf ay sameeyeen xagga xiriirka bulshada kuna tal;agal inaad la dhaqmaysid dad rag iyo haweenba leh, waxaana ka mid ah qaar hadal waqtiga kaaga dhuminaaya xafiiska ama deba- daba waxaa la arkaa inay ciriiri ku geliyaan ama kugu qas- baan inaad ka qaadid tallaabo aadan jeclayn marka waxaa loo baahan yahay baraarugsanaan.

Seddexda Xiriir Ee Shaqada Ku Lug Leh

Seddexda xiriir ee shaqada ku xirayaa waxay saamay- nayaan noloshaada ijtimaaciga ah, waanay adagtahay sidaad u kala moosi Iahayd. Xiriirka ijtimaaciga aheeidiindhexeeya adiga iyo madaxdaada, shaqaalahaaga iyo kuwa kula siman way kala duwan yihiin, hogaamiyaha fariidka ah waa inuu kala garto xiriirka iskhilaafsan mid kastana uu kula dhaqmo sida ku habboon.

Xiriirka kugu xiraya madaxdaada waa xiriir kala sareeyn ah waxaa laga yaabaa in madaxda qaarkood aanay u aabo yeelin kala sareynta iyagoo ula dhaqma shaqaalahooda si jaallanimo ah oon is jufftnayn lahayn haddii madaxdaada noocaa yihiin u dhug lahow inaad tixgelisid xiriirka madaxni- mada marka ay madax kale la jirto.

Xiriirka jaallayaashaada kula siman wuxuu ku dhisan yahay tartan maldahan maxaa yeelay mid kastaa wuxuu u hanqal taagayaa dallacaad iyo horumar uu ku dhaafo saaxiibadii.

Shaqaalahaagu way ku xurmaynayaan laakin haddii aad u degtid heerkooda oo aad dhexgashid il xurmo iyo tixgelin kuugu flirin maayaan, waxaanay ogaan doonaan ceebahaaga iyo daldalooladaada. Markaa waxaa loo baahan yahay inay kaa muuqato xiriir kala sarrayn ah madaxda iyo dadka madaxda loo yahay, taasina ma aha inaad ka fiican tahay laakin waxaa jiri darbi qarsoon oo u dhexeeya madaxda iyo shaqaalaha kaasoo ah darbiga mas’uuliyada iyo xilka culayskiisa.

Xiriirka Ijtimaaciga Ee Kuugu Xiraaya Saaxibadaa

Xiriirka ijtimaaciga ee kuugu xiraaya saaxiibada wuu ka xorriyad badan yahay midka kuugu xiraaya madaxdaada iyo kuwa aad madax u tahay, maxaa yeelay waa dad aad siman tihiin oo aydan waxba kala qarsanayn marka ka xishoon maysid kana biqi maysid, wixii aad qabtid si cad baad ugu sheegaysa waxaad jeceshahayna waad ka kacaysaa.

Haddaba ogow in xiriirkaaga sidaas ah uu halis kuugu yahay sababto ah waa muraayad laga daawanayo xaqiiqada dhaqankaaga, haddii aad ceebo leedahaynna haddiiba way muuqanaysaa sidaad ogtahay dadka saaxiibada waxay ku jiraan tartan dhexdooda waxaana imaan doonta maalin ay danahoodu iska hor imaan doonaan marka ceebihii iyo falal- kii aad ku kici jirtay ee ka soo ifbaxay maalmihii aan wax la kala qarsanyn waxaa loogu shaqaysanayaa hub la isku reebo tartanka horukaca loogu jiro. Tusaale ahaan haddii la rabo in jago sare laguu dhiibo waxaa la arkaa in saaxiibkaa sheego uu qarsoon oo kaa hor joogsanaysai jagadaa sare ka jir xiriirka xorta ah waxaa lagaa duubtaa cajalad.

Xiriirkaaga Dadka Aad Madaxda U Tahay Ee Ijtimaaciga Ah

Xiriirka ijtimaaciga ee shaqaalahaagu kugu xiraaya aad buu uga muhiimsan yahay intaad u malaynayso, maxaa yee- ^lay, horukacooda ayaa kuugu xiran waxaa laga yaabaa in qaar shaqaalaha ka mid ah xiriir gaar ah kula leeyihiin ama aad guriga ku martiqaadid marka ninka hoggaamiyaha waa inuu ka digtoonaado in dadkaa xiriirka gaarka la leh ka faaiidaysan ama u muujiyaan shaqaalaha kale inay ku mati- layaan. Hoggaamiyuhu waa inuu dhex dhexaad u yahay sha­qaalihiisa waa inaanu kala soocin uu u simo fursadaha horukaca, waa inuu caadil ahaado oonu u kala eexan una ogoolaan shaqaalaha guriga ugu tegi karaa inaanay isku hal- leyn wax gaar ah na u oggolaan.

Cutubka 1aad: Aasaaska Fanka Hoggaaminta

Arar

Waxaa is-dhaafiya dadka, dawladaha, ururrada iyo qoysaskaba waa maamulka wacan, maamul kasta oo hirgelayna waxaa ka dambeysa maskax habaysay, marka la yaab ma laha in ay dadku danccyaan, marka qof loo dhiibo jago sare, iyagoo is-weydiinaya qofka aqoontiisa, ; kartidiisa iyo dad-wadiddiisa. ‘

Haddaba, waa maxay sifooyinka laga rabo maam- ulaha wanaagsan? Waxaa la sheegay sifooyin badan, waxaasc lama huraan ah saddex sifo oo aasaas u ah ku guuleysiga maamulka bulshada iyo mashaariicda kala duwan waana kuwan:

  1. Waa in uu xariif ku yahay la dhaqanka dadka, taasoo u suura-gclin karta maamulaha in uu aqoon qoto dheer u yeesho bulshada uu hoggaaminayo iyo dlmiga xiriirka aadamiga, si uu u garto waxyaalaha dadka kiciya ama dejiya ama ku xambaara wada shaqaynta iyo is-afgaradka.
  2. In uu karti u lccyahay go’aan ka gaaridda arrimaha ka hor imaanaya, taasina waxay u baahan tahay gecsinnimo iyo adkaysi.
  3. In uu u gudbin karo fikradihiisa iyo talooyinkiisa dadka kale, kuna qancin karo taasoo ah in uu xiriir adag la samaysto dadka arrimuhu khuseeyaan.

Qofkii laga helo sifooyinkaas wuu ku guuleysan karaa maamulka bulshada, waxaana hubaal ah ninka hoggaanka qabta isagoon shuruudahaas ama qaar ka mid ah lahayn in ay ka muuqan doonaan daldaloollo fursad u siinaya dadka tartanka kula jira in ay ku ceeb- eeyaan si fududna u foociyaan.

Haddii taariikhda dib loo raaco, waxaa laga heli karaa hoggaamiyeyaal badan oo ku hungoobay in ay ku guuleystaan maamulka bulshada, waxaana sabab looga dhigay dhammaantood ama badankood, ka maqnaas- haha shuruudaha saddexda ah qaarkood, taasoo ah inaan maamulaha fashilmay xiriirku ahayn xariirka aad- amiga ama aannu go’aan adag gaari karayn, fikradihi- isana u gudbin karaan dadka kale.

Haddaba, kitaabkani, wuxuu ga$an kugu siinayaa sidaad u barbaarin Iahayd kartidaada hoggaaminta dadka, sidaad ugu gudbin Iahayd fikradahaaga iyo sidaad’u daaweyn Iahayd boogahaaga, una awdi Iahayd daldaloolladaada iyo sidaad isaga moosi Iahayd ceebaha intaanay ku ba’san.

Qaybta 1aad

Maxaad U Doonaysaa Inaad Ku Guuleysatid Maamulka

Shaki kuma jiro inaad jeceshahay inaad darajo sare gaartid, laakiin, wag maxay waxa kugu xambaaraya inaad u halgantid ku guuleysiga jago sare, waxadadka ku xambaara halganka way fara badan yihiin.

Waxaase u badan saddex shay oo kala ah:

Maal, Magac, iyo Awood, qof kastaa wuxuu jecel yahay in uu xoolo badan helo, laakiinr xoolo-doonista qofku kuma noqdo hoggaamiye guuleysta, waxaana suuroobi karta in xooluhu hoosaasiyaan ama lagu hodo, markaasna ka gaabiyo u halgankii ku guuleysiga maam­ulka, waxa kale oo qofka ku xambaari kara shaqada in uu magac iyo maamuus ku yeesho bulshada uu ku dhex nool yahay, dad badan baa u halgama magac-doon, waxaana la arkaa in ay oggolaadaan in ay qabtaan jagooyin aanay u qalmayn, si ay magac u helaan, dadka noocaas ah dhakhso ayey u dhacaan dibna uma soo kacaan.

Haddiise qofku u halgamayo awood uu ku fulinaayo mabda’a amawax ka qabasho dhibaato jirta ama hirgelin mashruuc iyo wax kasta oo ujeeddo aadaminnimo ku jirto dadkuna ka garaabi karo in uu yahay arrin is- taahisha halgan.

Middaas ayaa ah, jidka guusha ku gaarsiiya, taas- aana loo baahan yahay in maamulaha toosani u jahaado, wax kastaba ha noqoto ujeeddada leh: Maal, Magac, ama Awood, waxaa waajib ah inaad naftaada taqaannid inta kartidaadu le’eg tahay inta adkaysigaagu yahay. Marka la fiiriyo dhibaatooyinka kaaga gudban ujeed- dada aad u socotid, adiga keli ah ayaana ogaan kara kartidaada iyo tamartaaba hadba hawsha ku hor taagan sidaad uga adkaan Iahayd.

Qaybta 2aad

Sidaad Ugu Diyaar Garoobi Lahayd Inaad Qabatid Jago Sare

Shaqada waxaa fuliya aqoon-yahannada cilmiga gaarka ah u leh farsamada, maamulaha shaqadiisuna waa isku dubbarididda, habaynta iyo kormeeridds habdami-u-socodsiinta shaqada. Marka waa inaac aqoon qoto dheer u leedahay in shaqadu u fulayso sidi loogu talo galay, waxaana aad loo tixgeliyaa heerki aqoontaada, hawlaha laguu xilsaaray iyo kartida hog gaaminta iyo hawlgelinta, shaqaalahaaga.

Fanka Hoggaamintu Waa Furaha Xilka

Sida la og yahay cilmiga iyo farsamada, waxaa lag’ bartaa Dugsiyada iyo Jaamacadaha, laakiin, Jaam icaddu kuma barayso maamulka toosan iyo sidaad ‘ noqon Iahayd hoggaamiye guuleysta. Fankaa waxaad k baran kartaa la dhaqanka dadka iyo hawl-maalmeedk joogtada ah.

Maalin kasta waxaad heli kartaa waqti aad ug faa’iidaysato kordhinta kartidaada hoggaaminta iy aqoonta habka maamulka.

Ma Jiro Dad U Abuuran Hoggaaminta

Ma jiro muuqaallo ama summado gaar ah oo lagu sooco madaxda fuliyeyaasha ah, dadkuna madaneeyaan qofka quruxdiisa iyo dharkiisa mana warsadaan dhaqdhaqaaqiisa gaarka ah, waxaa u daran keli ah kartidiisa wax-qabad iyo midhaha uu dhalin karo, waxaana garan kara ama qiyaasi kara heerka waxtarkiisa iyo dadnima- diisa dadka la shaqeeya sida madaxdiisa, shaqaalihiisa iyo dadweynaha loo adeegaayo.

Fikradaha dadweynuhu ka bixiyaan madaxda inta badan waa run. Haddaba, maamulaha guuleystaa waa midka kartidiisa iyo dadnimadiisu soo saarto.

Maamulaha Wanaagsani Waa Qaataa Talooyinka

Marka qof loo dhiibo jago cusub hadduu fariid yahay wuxuu samaystaa la-taliyeyaal karti iyo aqoon u leh hawlaha loo xilsaaray, maxaa yeelay, hoggaamiyaha wax-garadka wuxuu og-yahay inaanu wax walba aqoon- yahan ku ahayn, marka waa in uu samaysto gargaarayaal kaba oo ka caawiya daldaloolladiisa fashilaadda keeni kara, waxaa jirta xigmadleh: ^Kartida iyo ragannimada hoggaamiyaha fiican-’waa gargaarayaashiisa.

Ballaari Aqoontaada

Waxaa ka mid ah shaqada hoggaamiyaha in uu yaqaanno waxyaabaha ay hibada gaarka ah u leeyihiin shaqaalihiisa qaarkood, si uu ugu xilsaaro waxyaalaha ay dadka dheer yihiin, umana suuro geli karto in Uu isku koobo nooc qura oo aqoonta ah, maxaa yeelay, taasi waa shaqada aqoonyahannada u go’an hal nooc oo cilmiyada ka mid ah, xataa aanay ka war-qabin qiimaha shaqada dadka kale.

Mana xuma in qofku shaqada xammaasad iyo niyad u qabo, aqoon dheer iyo xog-ogaalnimo u leeyahay, laakiin, waa in uu ogaado in shaqadiisu tahay xubin ka mid ah shaqada guud ee Hay’adda, haddaad sidaa u fekertid waad dallici’ kartaa, waxaadna qaban kartaa jago ka sarreysa midda aad hadda joogtid.

Hana ka baqin inaad isku daydo shaqo kasta adigoo is-leh hibo uma lihid, hana dhihin waqtigii aad wax baran Iahayd waa ku dhaafay waqtiga aad wax garatay ayaaah, waqtigaaga waxbarashada ku habboon iska illow waqti­gii ku dhaafay ka faa’iidayso waqtiga hadda kula gud- boon inta kaaga hartay noloshaada.

Mahad-Naq

Waxaan u mahad-naqayaa dhammaan dadkii kitaabka igu gacan siiyey gaar ahaan: Jaalle Cabdiraxmaan Maxamed Cumar, Garyaqaanka Guud ee Qaranka, oo igu geesi geliyey, Maktabaddiisana ii furay, si aan uga faa’iideysto, sidoo kale Jaalle Maryan Mukhtaar Caddow, oo garab igu siisay garaaciddiisii iyo isku- dubbarrididdii iyo habayntii kitaabka.

Gogoldhigga Daabacaadda 1aad

Qiimaha Maamulka

Waxaa jira maahmaah Carabi ah oo odhanaysa: “Maamulka wanaagsani waa nolosha barkeed”, aniguse waxaan qabaa: Noloshuba in ay tahay maamul”, maxaa yeelay, maamulku waa fulinta iyo hirgelinta nidaamka u degsan Qaran, Hay’ad, Mashruuc, Urur, Qoys, ama qayb kasta oo bulshada ka mid ah. Haddaba, kitaabkani wuxuu ku saabsan yahay Fanka Maamulka.
Waxaa jira dad aan aqoonsanayn in maamulku yahay cilmi looga soo baxo Jaamacado iyo Dugsiyo Sare oo qaba in nin kastaaba maamule noqon karo, haddaanse u fiirsanno sababaha u keena fashilaadda iyo guul-darrada mashaariicda badankooda sida Shirkadaha, ganacsiga, Beeraha, Warshadaha, Jamciyadaha Khayriga, Mashaariicda Dhismaha Qoysaska, Barbaarinta Carruurta iwm, waxaan arkaynaa in uu yahay tixgelin la’aanta qiimaha cilmiga maamulka.
Dhawrkii sano ee inna soo dhaafay, waxaan ka qayb gali jirey shirarka Hay’adaha kaalmeeya Qaxootiga Soomaaliyeed, anigoo matalaya “MUSLIM WORLD LEAGUE”, waxaan ogaaday in gargaarka Hay’adahaasi inoo fidiyaan u badan yahay Fanka Maamulka sida tababarrada iyo aqoon-isweydaarsiga, horumarinta maam-ulka mashaariicda, horumarinta tuulooyinka, teknikada maamulka iwm. Waxaanna ku xambaaray waa dareenka ay qabaan inaan cilmigaa u baahannahay.
Marka haddaan kitaabka ku soo laabanno, waxaa qoray nin Maraykan ah oo la yiraahdo: JEEMS MENZIE BLAAK oo muddo dheer ka madax ahaa Xiriirka Agaasimayaasha Maamulka ee Maraykanka, Qaybta Shaqaalaha. Waxaanu u bixiyey: “HOW TO GROW IN MANAGEMENT” oo macnahiisu yahay sidaad ugu hormari lahayd maamulka, waxaa loo tarjumay afaf badan, waxaa Carabi ku tarjumay CABDULXALIIM THAABIT, waxaanu u bixiyey: “Sidaad u noqon lahayd Maamule najaxsan”.
Tarjumaadda Carabigu, waxay ka koobnayd 272 bog, marka waxaan arkay in uu kitaabkani weyn yahay, waxaanna ogaaday inaan dadku jeclayn kutubta waaweyn, marka si aan dadka u raalli-geliyo kitaabkii waan soo gaabiyey, waxaanna ka soo qaatay nuxurkii lama huraanka ahaa, waxaanna ku soo koobay 80 bog oo keliya, meeshuu ka ahaa 272 bog. Halkaa waxaad ka garanaysaa in kitaabka intiisii badnayd laga soo tegey. Waxaase jira inaan aad isugu dayey in siddeetankaa bog laga helo faa’iido ku dhow tii laga heli lahaa buugga oo dhan.
Waxaan ka tegey waxay u badan yihiin magacyadii dadka, shaqadoodii, meelihii dhacdooyinku ka dhaceen, warbixinnadii, tirakoobyadii, imtixaanno, su’aalo iyo tusaalooyin badan. Waxaan kala soo baxay nuxurkii iyo dhuuxii asaasiga ahaa. Marka qofkii raba in uu kitaabka dhammaantii wada akhristo, wuxuu u noqon karaa asalkii Carabiga ama Ingiriiska.

Arrimaha Kitaabku Ka Hadlaayo

Haddaan flkrad ka qaadanno mowduucyada kitaabku ka kooban yahay, waxaan arkaynaa in uu ka kooban yahay 5 Cutub oo kala ah: Cutubka hore oo arar ah, saddexda ku xiga oo ubucdii kitaabka ah iyo cutubka shanaad oo nakhtiin iyo imtixaanno ah.
Cutub kastaa wuxuu ka kooban yahay dhawr qaybood, qayb kastaana dhawr xubnood. Cutubka hore wuxuu kaa siinayaa fikrad guud mabaadi’ida aasaasiga ah ee maamulku ku salaysan yahay iyo shuruudaha maamulaha fuliyaha ah ee doonaya in uu ku guuleysto wax ka hoggaaminta bulshada, saddexda cutub ee 2aad, 3aad, iyo 4aad, waa saddex dhar-dhaar oo ku saabsan mabaadii’da guud ee maamulku ku dhisan yahay, oo kala ah: Xiriirka aadamiga, go’aan qaadashada iyo gudbinta go’aannada;
Xiriirka aadamiga, waxaa looga jeedaa: “Adigu waxaad maamulaysaa dad aad guul u hoggaaminayso”, dadkaas oo ah qaar madax kuu ah, kuwo aad madax u tahay iyo kuwo kula siman iyo dadweyne kala duwan oo shaqadu isku kiin xirayso. Marka cutubkani wuxuu ka hadlayaa siduu maamuluhu dadkaa ula dhaqmi lahaa, ula socon lahaa ama madaxda u hawlgelin lahaa dadka uu xukumo iyo guud ahaan sidii xiriirkaas loo hagaajin lahaa.
Dhardhaarka labaad waa go’aan-qaadashada: “Waxaa loo baahan yahay in Agaasimuhu leeyahay karti uu go’aan ku gaaro arrimaha ka hor imaanaya”, marka wuxuu ka hadlayaa sidii go’aan adag looga qaadan lahaa.
Dhardhaarka saddexaad waa gudbinta go’aannada, taasoo ah si go’aannadii loo hirgeliyo waa in la gaarsiiyo goobihii fulinta iyo in la dhacsiiyo dadka fulinaya oo lagu qanciyo, maxaa yeelay, go’aan aan la fulinayn qiimo ma leh. Wuxuu cutubkani si faahfaahsan uga hadlayaa hababka wax la isu dhacsiiyo oo ay ka mid yihiin shirar la qabto, telefoon la iskula xiriiro, warbixinno, aqoon- isweydaarsiyo iyo tababarro iwm.
Cutubka shanaad wuxuu soo koobayaa mabaadii’dii lagu faahfaahiyey afarta cutub ee hore, waa nakhtiin ahaan, si qofku u xusuusto wixii u soo hormaray, waxa kale oo uu ka hadlayaa cutubkani imtixaanno iyo su’aalo, si qofku ula xisaabtamo naftiisa, una qiimeeyo heerka uu kaga jiro maamulayaasha wanaagsan ee guusha dhaliya.
Waxaa la dhihi karaa kitaabkani wuxuu ku salaysan yahay Maamulka Shirkadaha iyo warshadaha Maraykanka ee waaweyn, marka Soomaalida muxuu u tarayaa mar haddii aynaan isku maamulba ahayn.
Waa wax jira in ay hay’adaha mashaariicda kala duwan uu ku kala geddisan yahay qaanuunka maam¬ulka, waxaase jira arrimo ay isaga mid yihiin wixii maamulka ku soo aroora oo dhan.
Waxaa ka mid ah arrimahaas hay’ad kastaa waxaa laga rabaa in ay xaqiijiso ujeeddadii loo dhisay, tusaale ahaan: Hay’ad kastaa oo wax soo saarta, waxaa laga rabaa in ay kordhiso wax soo saarka iyo kor-u-qaadidda tayadeeda si ay u suuq-geliso. Sidoo kale, hay’ad kastaa oo dhaqaale bulsho ama nabad-gelyo waxaa ka mid ah waajibaadkeeda in ay soo xusho shaqaale u qalma hay’adda, in ay hagaajiso xiriirka hay’adda iyo shaqaalahaba, in ay go’aanno gaarto lagu socodsiinayo hawlaha iyo fulinta go’aannadeeda.
Haddaba, kitaabkani arrimahaa kama baxsana, waana arrimo maamul kastaa ku shaqeeyo meel kasta iyo goor kasta oo la joogo.
Waxaa lagu qiyaasaa horukaca iyo dib-u-dhaca ummadaha hadba heerka ay ka marayso maamulka danaheeda, ummadna cidi ma tixgeliso haddii aanay lahayn nadaam iyo maamul wanaagsan oo ku dhisan sinnaan, iskaashi, caddaalad iyo karti wax-qabad, haddiise ay iska horjeeddo oo ay khayaano iyo is-boqon-goyn iskula wareegayso waa la quursanayaa, halkeedaana looga tegayaa. Ilaahay innagama dhigo kuwa is-gabay ee laga tallaabsaday…

Fanka Maamulka

How to Grow in Management – James Menzie Black

كيف تكون مديرا ناجحا – عبدالحليم ثابت

Tarjume: CABDIRAXMAAN XUSEEN SAMATAR


TUSMADA KITAABKA

Gogoldhigga Daabacaadda 1aad
– Qiimaha Maamulka
– Arrimaha Kitaabku Ka Hadlaayo
Mahad-Naq

Cutubka 1aad: Aasaaska Fanka Hoggaaminta
– Arar
– Qaybta 1aad
—- Maxaad U Doonaysaa Inaad Ku Guuleysatid Maamulka
– Qaybta 2aad
—- Sidaad Ugu Diyaar Garoobi Lahayd Inaad Qabatid Jago Sare
—- Fanka Hoggaamintu Waa Furaha Xilka
—- Ma Jiro Dad U Abuuran Hoggaaminta
—- Maamulaha Wanaagsani Waa Qaataa Talooyinka
—- Ballaari Aqoontaada

Cutubka 2aad: Xiriirka Aadamiga
– Arar: Camalku Waa Dadka
– Qaybta 1aad
—- Sidaad U Noqon Lahayd Ninka Labaad
—- Qaddari Waqtiga Madaxdaada
—- Habka Wargelinta Madaxdaada
—- Baro Shaqada Madaxdaada
—- Ha Bari Furin Madaxdaada
– Qaybta 2aad
—- Ogow Shaqaalahaagu Way Kula Shaqeeyaan Ee Kuuma Shaqeeyaan
—- Hoggaamintu Waxay U Baahan Tahay Jajabnaan
—- Tilmaamaha Hawlaha Maamulaha
—- Xilka Maamulaha Xagga Edbinta
—- Shaqaalahaagu Waxay Kaa Sugayaan Inaad La-Taliye U Ahaatid
– Qaybta 3aad
—- Sidaad Shaqaalahaaga Ugu Tababari Lahayd Wada-Shaqaynta
—- Waa Kee Hoggaamiyaha Fuliyaha Ah?
—- Ha Ka Cabsanin Shaqaalahaaga
—- La Ma Huraan Ma Aha Inaad Tahay Abwaan
—- Sidii Loo Heli Lahaa Hoggaamiye Fuliye Ah
—- Maamule Mujallad Oo Nasiib Daran
—- Shaqaalahaaga Waxay Kaa Sugayaan Hanuunin Iyo Toosin
—- Maxaa Kula Gudboon Sida Aad U Hormarin Lahayd Shaqaalahaaga?
– Qaybta 4aad
—- Shaqada Dhinaceeda Bulshada
—- Seddexda Xiriir Ee Shaqada Ku Lug Leh
—- Xiriirka Ijtimaaciga Ee Kuugu Xiraaya Saaxibadaa
—- Xiriirkaaga Dadka Aad Madaxda U Tahay Ee Ijtimaaciga Ah

Cutubka 3aad: GO’AAN QAADASHADA
– Qaybta 1aad
—- Sidaad U Qaadan Lahayd Go’aanno Saxeexa
—- Hogaamiyuhu Waa Inuu Wax Qabto
—- Habka Go’aan Samaynta
—- Dariiqada Go’aannada Loo Qaato Ee Tirada Ku Socda
– Qaybta 2aad
—- Sidaad U Qaadan Lahayd Go’aan Waqtiyada Ciriiriga
—- Noocyada Go’aannada Kaa Hor Imaan Kara
—- Miisaanka Go’aanka Saxeexa Ah
—- Ereyo Kugu Hanuuniya Go’aanka Toosan
——– Waa Kuma?
——– Waa Maxay?
——– Xaggee?
——– Goormaa?
——– Sidee?
– Qaybta 3aad
—- Habka Go’aanka Wada Jir Loo Qaato
—- Ha Noqon Siyaasi
– Qaybta 4aad
—- U Wakiilashada Awoodda Qof Kale
—- Kormeerka Macnihiisu Waa Is-Afgarad Iyo Baraarujin
—- Baro Inaad Ku Fekerto Laba Heer
—- La Socodka Xilkaad Qof U Wakiilatay
—- Adigu Waad U Baahan Tahay Fikrooyin Cusub
—- Hababka Wax La Isugu Xilsaaro
—- Habka Ugu Habboon U Xilsaaridda
—- Dhaaf Cali Ha Shaqeeyee

Cutubka 4aad
– Habka Gudbinta Fikradaha Iyo Iswargelinta
—- Codkaagu Ma Gaaraa Dadka Arrinku Khuseeyo Dhammaantii?
– Qaybta 1aad
—- Muujinta Fikradaha
—- Waa Inaad Dadka La Warantid
—- Fanka Gaarsiinta Talooyinka Iyo Amarrada
—- Toban Talo Oo Ku Saabsan Gaarsiinta Amarrada
—- Siyaasadda Wax Is-Dhaadhicinta
—- La Talinta Saraakiisha
—- Toban Qaacido Sidaad Wax Ugu Qaban Lahayd Sarkaal Mushkilo Haysato
—- Habka Wax Isku Dhacsiinta Dariiqada Edbinta
—- Habka Wax Isku Dhacsiinta Xagga Qiimaynta Shaqada
– Qaybta 2aad
—- Sidaad Ugu Guulaysan Lahayd Ulana Qabsan Lahayd Shir Ama Fadhi
—- Sifooyinka Hoggaamiyaha Shirarka
—- Sidaad Ula Dhaqmi Lahayd Dadka Is-Hortaagaya Fekradahaaga
—- Ha Ka Noqonin Shirka Dhegeyste Keli Ah
—- Ka Adkaw Mawduucaaga
—- La Kulanka Dadka Aad Madaxda U Tahay
—- Turturooyinka Fadhiga Xumeeya
—- Waxyaabo Shirka Fashiliya
—- Qiimaha Shaqada Guddiyada
—- Sidaad Uga Dhigi Lahayd Shirka Mid Miro Dhaliya
—- Sidaad Shirka U Maamuli Lahayd
– Qaybta 3aad
—- Sidaad Uga Heli Lahayd Natiijooyinka Ugu Wanaagsan Xagga Qoraallada
—- Habka Wax La Isugu Dhacsiiyo Warbixinnada Iyo Xusuus Qoraalka
– Qaybta 4aad
—- Noocyada Qoraallada
—- Noocyada Xusuus Qoraallada
– Qaybta 5aad
—- Sidaad Uga Heli Lahayd Natiijooyinka Ugu Wanaagsan Warbixinta
—- Habka Loo Qoro Warbixinnada
—- Ceebaha Warbixinnada
—- Sidaad Ugala Soo Bixi Lahayd Warbixinta Murti Kooban
—- Haleelsiinta Warbixinta
—- Hanuuniyaha Habka Loo Qoro Warbixinta Wacan
– Qaybta 6aad
—- Sida Fursadaha Looga Faa’iidaysto
—- Kaasho Qodobadaan Si Aad U Gaadho Horukac
—- Habka Ay U Tababaraan Shirkadaha Qaarkood Maamulayaasha
—- Hoggaamiyaha Fuliyaha Ah Waa In Uu Yahay Muxaafid Iyo Horusocod
—- Tilmaamaha Hoggaaminta Guusha Dhalisa

Cutubka 5aad
– Toosi Naftaada
– Imtixaanka Dallacaadda
– Qaybta 1aad
—- Aqoontaada Shaqada
—- Nooca Shaqada
—- Xaddiga Shaqada
—- Shakhsiyadda Qofka
—- Ka Warqabidda Socodka Shaqada
—- Intee La Isku Kaa Halayn Karaa
—- Talo Curinta
—- U Jajabnaanta Shaqada
—- Bilicsanaanta Xafiiskaa Iyo Naftaada
—- Ka Warqabidda Maamulka Shaqada Qaybaha Kale
– Qaybta 2aad
—- Tijaabi Kartidaada Hawl Fulinta
—- Su’aalihii
—- Jawaabaha

Jaldiga Gadaale