Dacwad Baan Ka Leeyahay

Heshiiskii Iligdaldala markuu dhacay ka dib ayaa gumaysigii Ingiriisku warqad u soo diray Daraawiish, wuxuuna ku yiri “Mar haddii waanwaan iyo heshiis nabadeed ina dhex maray, taliska Ingiriisku wuxuu Daraawiish weydiisanayaa saddex hal:

Midda koowaad geelii Daboolane ee Daraawiishi degmada Habaryoonis ka dhacday inaad wuxuun ka soo celisaan.

Tan labaad nimanka dabatada ah, oo Nugaal sare fadhiya oo dad iyo duunyaba mahoobbiyey, col iyo gaaddeba inaad naga celisaan.

Tan saddexaad, Warsangeli wacad iyo heshiis baa na dhex maray, waxayna doorteen raaciyadda Ingiriiska inay noqdaan, marka u yeeridda aad Daraawiish ugu yeeraysaan ka daaya.

Daraawiish markii hadalkaas loo keenay waxba kama gilgilan, danina waa seeto e, waxay yiraahdeen: “Ingiiriisow saddexda arrinba waan yeelaynaa, ee idinna laba hal noo yeela:

Midda hore, xoolihii Daraawiish looga dhacay meesha la yiraahdo Caado ee dabadeedna Burco la keenay soo celiya.

Midda labaad. doonnidii aannu dabka u dirsannay, Ciise Dhoollawaana rubbaanka u ahaa oo aad baddaas ka qatfaalateen, iyadii iyo wixii saarnaaba noo soo celiya oo aan sidaas wax isku weydaarsanno.

Dooddaas Daraawiishi Ingiriisku waa ku gacan sayray, wuxuuna marmarsiinyo ka dhigtay: “Xoolihii Caado laga qaaday, Ogaadeen baa dhacay, Ogaadeenna waa haad amxaaro. Doonnidana Talyaani baa qafaashay, Talyaanina qareen uma nihin. Labadaa doodood ee dambe ee Inginisku soo jeediyay Daraawiishi ma garaysan, Sayidkuna masafo dheer oo uu ku caddeynayo in Ingiriisku musuqmaasuq wado ayuu mariyey. Wuxuuna yiri:

Ogaadeen ha ii dirin, dacwad baan ka leeyahay

Duul haad amxaaraa, kaa dooni maayee

Wuxuu aniga iga dilay, diyo ha iga siinnine

Doofaar inuu yahay, anigaa u diin lehe

Amba waan ku daba geli, dakanka iyo qaanke

Dirhan haddii aan kaga tago, anaa been dabaadehe

Waxaan kaa dalbahayaa, duunkaagu wuxuu qabo

Intaad dowladduu tahay, adigaw damiinehe

Ma waad diidi nimankaad, dumataye i soo dhacay

May kor u dabbaalaan, waxay naga dadduubeen?

May dowga Caadoodl, galbeed uga dareershaan?

Dalkaad adigu joogtiyo, Burca maxay ka dooneen?

Dar Alliyo heshiis iyo, ma daawad lahaydeen?

Mase waa dayoobeen, doqon baa habowdee?

Dabadeedna sow maalkii, dacalkaaga kuma shuban?

Sow daabacaagiyo, daftarkaaga kuma qoran?

Sow duhur dharaareed, dibnahaaga kama qiran?

Sow sida dameer raran, dusha kaama fuushana?

Miyaan duudsiyaayaa, kulaan Dabacayuun helo?

Haddaad daacad ii tahay, doodaye maxaad oran?

Dafir miyuu wax kuu tari, daliilkii ku siiyaye?

Doonnidii ma aan arag, dacwad baan ka leeyahay

War waxaad durduradiyo, dan la’aantaa ugu dhiman?

Hadal aan dawo lahayn, sow kama diqootaan?

Dakhalkiyo shiraaciyo, badda yaa u dowlada?

Talyan waa dadkaagiyo, daayiciin aad wadataa

Haddii aadan duqlaalayn, Dannood2 sooma aadeen

Diraac Doolo3 iyo Ciid4, duullan kuma yimmaadeen

Diingaanyo ciidana, darka nooma keeneen

Dildillaaca waaberi, weerar naguma daacsheen

Durqun nama dhexjoogine, adaa hiil ka daalibay

Adigaa durraamiyo, docogaysi ula tegey

Adaa yiri Daraawiish, dirirteeda ii raac

Asna diradirayntaadaa, iga deyso kuma oran

Intaad dacatiyeysana, sow kulama daalayn?

Sow dad iyo xooliyo, daabbad kuguma caawinin?

Sow daraaddii kuma iman, Hobyo5 wixii ka soo degay

Sow duubcaddeydii, raggii dooxay ma ahayn?

War nin shalay dammiinyahow, igu dilay daraaddaa

Berri haddaynu dirirrana, dusha iga wareentayn

Daawadayda maahayn, ma ku dayrsamaayaa?

Durrufleyda gaalaad, adaa daaqsanaayee

Miyaan kala deyaayaa, adiga iyo deriskaa

Warsangeli doc uga bayr, dacwad baan ka leeyahay

Mar hadday ku doortaan, isku dirad miihine

Dabcigaygu ma oggola, nin kuu daalisaayee

Daraawiish hadduu yahay, sidee doc uga leexdaa?

War Daarood Ismaaciil, dir miyaad wadaagtaan?

Durriyaddii adoogay miyaad, iigu duurxuli?

Sow deero iyo cawl, dorraad adigu kama dhigin?

Sow dukaamadoodii, daarahaaga kuma guran

Sow doonyahoodii, dookhaan naara kuma ridin?

Sow dooro weynow, ma deldelin raggoodii?

Inay kuu dudaayaan, sow maba dareensanid?

Inaadan dooc lillaynayn, diyaar kuu ogaadee

Dikrigiyo shareecada, labadaad ka duudiye!

Durdurkii firdowsiyo, jannadaad ka daahiye!

Durbaddii cadaabkiyo, dukhaankii baad ku tuuriye!

War inaad degaysana, sow dareemi maayaan?

Ma ku diimanayaan, deel qaafkan aad tiri?

Dumarkii ma furayaan, xilihii dalaaqee?

Geela soo dareerina, dowcad baan ka leeyahay

Anigiba dunqaariyo, ducataa i gaaraye

Dibirrootigaagaa, lawyaha i diiriye

Qayradii daruurrayd, adaa damug ka siiyaye

Dulbixii Gallaadiyo6, dudmaa ii horeysaye

Daa’imaan wa xagarannine, digniin iima laabnee

Dabarka Ciise7 lagu xiray, anaa laygu dooniye

Degdeg haddaan looga furin, dunidaa ifsaadiye

Dantay baan la yeeraye, yaan laygu diimine

Deeqi igama juustee, wax ma kala dillaallaa?

Oo wixii inoo dana, durba ma isu yaallaa?

Mase ways daboolnaa, nin dulmiyana Allaa oge?!

Dabatada aad sheegatana, dawcad baan ka leeyahay

Adigaa dulleeyoo, duunyada ka qadoo

Adaa degalladoodii, digaxaarka mariyoo

Adaa deeblahoodii, daabaqad ku jiidaye

Diinkiyo dugaaggiyo, adaa duufka siiyaye

Intaasoo darxumadaa, adigaa u diiqaye

Hadday daqaqaamaanoo, wuxuun ka danqaabaan

Oo waxaan dux gelinayn, duleeddada ka xaabaan

lyagaba dan gaajiyo, diihaal baa u geeye

Anna haygu diga gubin, adiguna dan haw gelin

Dayib haddaadan oranayn, dayuubtaan ku leeyahay

Oo daxorayaashiina, been kugu dakhaakhuli

Bal inaan dugsuu ahay, amaan idinku soo diray

Haddii aadan danbaabayn, daahir marag ah soo taag!

Waxaan la qoray Ciise Fikad iyo Xaaji Jaamac Ismaaciil Dhoon, sannadkii I955kii.

1.Caado: Balli ku sariiran Haraxagarrey.

2.Dannood: Waa balli caan ah oo ka mid ah toddobada balli ee Haraxagarrey oo kala ah Daratoole, Dannood, llig, Masaarte, Siraw, Caado

iyo Dhegxayacaddo.

3.Doollo: Waa todobada ceel ee, Wardheer, Walwaal, Waafdhuug, Afyaraaddo, Uubataale, Garloogube iyo Yucub.

4.Ciid: Waa dhulka ciidda guduudan leh ee oomanahana u badan.

5.Hobyo: Waa magaalo ku taal xeebta Badweynta Hindiya oo Gaalkacyo hilaadda 200 oo km u jirta.

6.Duubcad: Waa tilmaan Daraawiishi lahayd.

7.Gallaaddi: Ceel ka mid ah ceelasha la yiraahdo Ceelcad oo Wardheer 40 km u jira kana xiga dhinaca bari.

8.Ciise Dhoollawaa: Wuxuu ahaa Daraawiish badmaax ah, wuxuuna qabay Sayidka walaashii Rooxo Sh. Cabdulle. Ciise isagoo doonni shixnadan wata oo Daraawiish dab uga doonay dalalka carabta ayaa Ingiriisku badda ka qafaashay isaga iyo doonnidiiba. Dabadeed waxaa lagu xiray Casab.

One thought on “Dacwad Baan Ka Leeyahay

  1. Sayid Maxamed Cabdille wuxuu ahaa geesi, wadani, aftahan ku gudbiya afkiisa suugaanta Ilaahay u sahlay. Dhibka kaliya ee caqabada ku noqday waa Soomaalida oo fahmi wayday. Allow kuu danbi dhaaf oo kuu naxariiso. Aamiin. Waxaan rabaa inaan raggii hawshaan u qumay ee raganimo muujiyay aan dhaho thanks ikhwaanii, Jazaakumullaah. Fadlan taariikhda ayaa idin xusaysa ee wada dadaalkaas inshaa Allaah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *