Category: Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

  • Dhammeystir

    Halkan waxaa ku dhammaaday 120kii gabay ee aan gogoldhigga ku soo xusnay iyo 16 gabay oo rag kale mariyey isla markaana gabayada Sayidka iyo Daraawiishta xiriir la leh. Haddaba, wixii khalad ama gef ah ee buuggan ka soo baxa, ulakac ma aha, sidaa ayaana lagu soo ururiyey – iyadoo weliba raadintuna aad u daba dheerayd, […]

  • Cali Xaaji Axmed

    Gabaygan gaaban waxay ulajeeddadiisu ahayd – in loogu hal daro Darwiish la oron jirey Cali Xaaji Axmed Aaden oo ay Sayidka habrawadaag ahaayeen, Cali waxaa dhasay Balax Seed Magan, Sayidkana hooyadii waxaa la oron jiray Carro Seed Magan. Waxaa la yiri dagaalkii Ruuga ee Koofil ayaa lagu dilay Cali Xaaji Axmed oo fardaha Daraawiisheed buu […]

  • Hunguri Subeer

    Gabaygani wuxuu ka mid yahay gabayadii Halacdheere ku saabsanaaa, Hobyana ka billowday, loona waddamiyey bari, galbeed, koonfur iyo waqooyi, Sayidka oo la yiri wuu ka qaybqaatay wuxuu yiri: Hunguri Subeer wuxuu ka ridi, hogobyo shaydaane Mar haddaanu heeg dheer lahayn, ama hoggaan ceeja Wax hubaal ah waa inuu ka iman, haradi ciideede Waa waxaan habaaroo […]

  • Xuseenow Ninkii Hagar Yaqaan

    Waxaan horay usoo sheegnay in ammaan iyo aflagaaddo mid kasta ha noqotee Daraawiish gabayo badan loo mariyey. Cali Jaamac Haabiil ayaa Daraawiish gabay usoo mariyey, gabayga halkudheggiisuna wuxuu ahaa: “Dameerkaa hariiryaha leh iyo, heer Dhulbahantaa leh” Sayid Maxamed alabkiisa ahaa, haddii gabay loo mariyo, asuu doono inuu hadal ka celiyo, inuuba baro dheereeyo, gabaygana wuxuu […]

  • Hawiye

    Gabaygan hoos ku qoran qof war buuxa naga siiya ama dhammaystira lama helin, wuxuu u eg yahay inuu Sayid Maxamed diray nin Darwiish ah oo la oron jiray Cigayoon, si uu uga war keena gaalo iyo waxay maaggan tahay. Gabaygan oo guubaabo. Dhiirragelin, iyo tilmaanba ah ayuu Sayidku mariyay, Darwiishkuna markuu soo noqday gabay buu […]

  • Xirsiyow Hagaagtay

    Cabdullaahi Aaden Kiye oo reer Cali ahaa ayaa reer Haaruun nin ka dilay. Dabadeed Sayidku – si uu reer usoo jiito, wuxuu damcay inuu laba reer fidno, dagaal, iyo guubaabo ka dhex abuuro si aanay gaashaanbuur u noqon oo Daraawiish uga soo horjeesan.ee ay Daraawiish ugu soo biiraan. Gabaygan soo socda ujeeddadiisu waxay la socotaa […]

  • Hashaan Heensuhu Siday

    Boqol nin oo Daraawiish ahaa oo ceelka Afyaraaddo lagu dilay, horena aannu ugu soo sheegnay taariikhdooda hordhigga gabaygii ahaa: Daraawiishta Saalixiya eey dood aan ku iraahdo. Duullaankii u baxay ayaa geel farabadan soo dhacay. Geelaa oo Xalliye la baxay waxaa la gabagaba dhigay balliga Caadood, waxaa la yiri geela sannad baa halkaa lagu hayey oo […]

  • Xuseenow Ninkii Xididkiis Hagraday

    Nin magaciisa la oron jiray Cabdalla Cawl Maxamuud oo degmada Laasqoray u dhashay ayaa xarunta beryihii ay Daraawiishi calan-walleynaysay. Ninkaasi wuxuu Sayidka weydiistay in la siiyo Faaduma-qarad Shiikh Cabdulle oo Sayidka la dhalatay. Dabadeed waa laga yeelay, usna wuxuu balanqaaday inuu xoolo badan keeno mood iyo noolba, gaar ahaan hub lagu dagaal galo. Taas Sayidka […]

  • Hanfi Iyo Hunriga Soo Dhaca

    Markii Taleex la dhisay ee ay Daraawiishna xarun u noqotay, magacoodii iyo maalkoodiina kor u kacay oo ay taawiyeen in Ilaah mooyee aan aadane wax ka tarayn, murtidii iyo gabayadii si aan qiyaas lahayn ayay u soo baxeen, Daraawiishta ammaan iyo aflagaaddaba gabayo badan ayaa loo soo mariyey. Cali Jaamac Haabiil oo ay Sayidka xafiiltan […]

  • Midabkiisu Halyey

    Daraawiish iyo dad oo dhami wuxuu isku raacay in Sayid Maxamed uu fardaha ammaantooda ku tilmaamay kow iyo labaatanka xaraf ee af Soomaalidu ku gabaydo. Nasiibdarro geeraarrada inyar mooyee intoodii badnayd ma aannaan helin ee way lumeen. Geeraarka soo socda waa ammaan faras, ha yeeshee faraska loo la jeeday wax sheega lama arag, geeraarku waa […]