Gurigii Dariiqaan Lahaa

Gabaygan waxaa la mariyay guyaashii ay Daraawiishi deggenayd Nugaal xeebeheeda hoose – xeebaha Ayl iyo Ilig-deldela, markan xarun waxaa u ahayd Gelingaalle. Ujeeddadiisu waxay ahayd Sayidku Daraawiishta – inuu u sheego dhulkay doonayaan inay qabsadaan iyo duullaanka baxayaa jidkuu mari lahaa. Weligood Daraawiishi waxay haanka ku hayeen dalka loo yaqaan Nugaal iyo dhulka ciidda cas midna inaysan gacantooda ka bixin, waxay ku wadeen haddii xeebaha looga soo duulo oo laga qabsado, irridda kaliya ee u furnayd inay ahayd Nugaal, xagga dhaqaalaha xoolaaha haddii loo eegana waa dhul wanaagsan. Wuxuu Sayidku yiri:

Gurigii Dariiqadaan1 lahaa, guluf ka heenseeye
Badda gooddigeedaan lahaa, gudub u sii qaade
Golol2 iyo Cadduun3 baan lahaa, gabagabee beele

Garoowaan4 lahaa gelin ku furo, gaatiyaha awre
Gaalkacyo5 Beyraan6 lahaa, bari u sii guure
Dhudub7 iyo Gallaaddaan8 lahaa, galalafoo dhaafe

Afar geeddiyow baan lahaa, Doollo9 ugu guure
Gaafoow10 galkiisaan lahaa, gole ka maageere
Garloogube11 gadiidkaan lahaa, gaaddaduu mariye

Goglo12 iyo Bannaan13 baan lahaa, geydho ka eryoode
Qabridaharre14 baan lahaa, gaalana u xiire
Galshey baan lahaa reer Subeyr, goborro weyntiiye

Haaruun gumaad baan lahaa, gabadhna haw reebin
Gufaacada horaan Dalal lahaa, golaha raacsiiye
Gurraasiyo15 Iljeex16 baan lahaa, gowrac ugu jiide

Gadhcaddaha Xuseenaan17 lahaa, guduriguu looge
Gorof u eke Raabboo18 aan helay, uma gargaareene
Gowsaha ka jebi baan lahaa, gudo qudhmoonaaye

Gaalayska Xaylaan19 lahaan, geli nijaaskiiye
Gaboygii xaglaha godon lahaa, garacii reer Ciise
Xasan20 gamas ku jebi baan lahaa, goob ha jiifsado e

Gasirkii walaalkii ahaa, daba guduudnaaye
Usaguna goshaan waran ka gelin, goor aroorya ahe
Cumar Nuur21 gantaalaan lahaa, go’aha raacsiiye

Reer Khalaf22 gurboodkii ka hadhay, geeridiis nacaye
Magan23 inaan waraabe u gambiyo, waa garaan jirine
Huwanoo aan garan inaan dulmiyo, weyga garanuuge

Iiddoorku waa gacal Amxaar, geydhna wow qabaye
Ilka giirre inaan gowracaa, igu gar weeyaane
Usaguna gaddoonkaan lahaa, ugu galaal xoore

Araarsame gunta inaan ka jaro, wow guddoonsadaye
Gidhligaanka waxaa loo cabbeyn, inaan ku goynaaye
Gaaskii ishaarada lahaa, guutadii wacaye

Gooshlyo sangootiga berraa, lagu gelaayaaye
Guullow Allahayow kuwaas, nagu gargaar maantay
Geeliyo Allahayow na sii, guuyadiyo reerka.


Waxaan ka qoray Cabdi Guuleed Cabdi-Yaar, sannadkii 1954kii.
1.Dariiqo: Waa magac labaad oo xaruntii Daraawisheed la oron jiray.
2.Golal: Waa dah ballaaran oo Hobyo galbeed kaga toosan.
3.Cadduun: Waa dhul ciid ah oo Golol iyo Gaalkacyo u dhaxeeya.
4.Garoowe: Wuxuu ahaan jiray ceel, haddana waa xarunta gobolka Nugaaleed.
5.Gaalkacyo: Waxay ahaan jirtay ceel, waxaa unkay Cali Yuusuf, haatanna waa xarunta gobolka Mudug.
6.Beyra: Waa ceel laga cabbo oo Gaalkacyo 30 km u jira oo geesta waqooyi-galbeed ka xiga.
7.Dhudub: Waa ceel ka mid ah Ceelcad.
8.Gallaaddi: Ceelka ugu caansan ceelasha loo yaqaan Ceelcad, 44 km ayuu Wardheer u jiraa, wuxuuna ka xigaa dhinaca bari.
9.Doollo: Waa toddobada ceel ee Wardheer, Walwaal, Afyaraaddo, Garloogube, Yucub, Waafdhuug, iyo Uubataale.
10.Gaafow: Ceel ka mid ah ceelasha Wardheer.
11.Garloogube: Ceel ka mid ah ceelasha Doollo.
12.Goglo: Dhul u dhexeeya Qorrexeey iyo Garloogube.
13.Bannaan: Waa dhul geedgaab ah oo u dhexeeya Haradoollood iyo Haraxagarrey.
14.Qabridaharre: Waxay ahaan jirtay ceel xooluhu ka cabbaan, haatanna waa magaalada Amxaaradu, Ogaandenya uga taliso.
15.Gurraase: Gurraase Xaaji Cali, wuxuu ka mid ahaa raggii abaabulay shirqoolkii Gurdami.
16.Iljeex: Xuseen Xirsi, wuxuu ka mid ahaa raggii abaabulay shirqoolkii Gurdami.
17.Xuseen: Xuseen Cumar Nuur Dalal.
I8.Raabbi: Raabbi Guuleed Xirsi Dalal.
19.Xayle Warfaa Axmed.
20.Xasan: Xasan-bidde Khalaf Dalal.
21.Cumar Nuur: Cumar Nuur Xirsi Dalal
22.Reer Khalaf: Khalaf Xirsi Dalal
23.Magan: Magan Khalaf Xirsi Dalal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *