Indha-Caadlayaal

Iyadoo ciidankii dagaalka ee Maarraweyn la baxay oo Daraawiishi ku faani jirtay ay jahaad dheer iyo hanoonis meela kala duwan ugu maqan yihiin, ayaa geelal irmaan ah oo xarunta loo caanateelo col-waqooyi galbeed uga soo duulay qaatay. Niman qusuusi iyo wadaaddo u badan oo xarunta joogay ayaa raacdo galay. Hasc yeeshee, geelii intaysan gaarin buu ka gurgalay, iyagiina raacdareeb baa heshay oo si xun iyo si xil leh rasaas ugu gashay. Dabadeed dib bay xaruntii ugu soo laabteen, waxaana lagu xantay inay soo baqdeen.
Darwiishna baqaha iyo cararkuba ceeb aan harin bay ku ahaayeen. Sayidku isagoo nimankaas fuleynimo ku tilmaamaya, inay soo baqdeenna ku cambaaraynaya, ayuu gabaygan mariyey oo wuxuu yiri:

Allahayow nin libin cawrsadaa, caafimaad qaba e
Nin kaloo iscakoodiyaan, calaf ka dheefeyne
Citibaarahaan qabo balaan, caynka ka higaadsho

Indha-caadlayaashii dilay, col u qalqaaleene
Kuwii carari jiray bay dagaal, caana geliyeene
Cayn iyo Saraar jiidan bay, Carab u fuuleene

Ina-Qodob1 cirbiidsiga miyuu, Cadar ku hayn waayay
Cawskii bannaanada miyuu, caarad waran moodey
Ma cambuulihii2 fooryayuu, siidhi camal moodey

Obsiyii3 iscoofaarin jirey, camal Dalaleedka
Markii laysu soo ciyey miyuu, caday ka boodsiiyey
Ma carcoorriguu baxay sidii, cawsha iyo siigga

Markuu Oogle4 coolliyahayuu, cayda baadiyaaye
Cidna uma bushuuq dhaho haddaan, la isu caaleyne
Goortii ridada loo coguu, cayga soo qubaye

Candharaasha dumar buu yaqaan, ciir-ka-barigoode
Mirihii5 caseeyada ahaa, cabey ayaantiiye
Colowow! miyuu yiri markii, lagu eayaaraayey

Markii Faarax6 cawcaw gabee, calalladli xooray
Cuukaarsanow Guuliyaa7, garab cambuullaaye
Isaguna cabayr buu ka dhacay, curadkii looyaane8

Weligiisba ciis sooma rogin, ciira dirireede
Goortay ciriiriga gashuu, caano leeyahaye
Gurxan cay nabkiisii miyuu, calaha jeexsiiyey

Markii lagu cabaaduu fuluhu, cimilka jeexaaye
Cirba-salamadhlow Gaanni9, sow iskama caymin
Cawska waaga iyo fiid miyuu, baqa ku caatoobay

Saleemaanna10 cawduu-billee, caariyuu falaye
Ciyoonkaba hadduu kaga rogaan, cidi durreyseene
Comcoomiskii Tuumiyuu, caaradkii tegeye

Cantallaaga lna-Aadanaa11, cawro sii dhigay e
Cindixumo Qamaanl2 waa wixii, looga caal gabaye
Iscamaaliqiisii miyaan, lagu caneeqaadin

Goortii rasaas loo cayimay, lagu cabbeynaayey
Abshir13 sow calaacal iyo way, kuma cataabeynin
Sow caagayey lagama siin, calan intuu taagay

Isagaa naftiisii caddibay, callaggi dheeraaye
Isagaa cariishkii ka baxay, cawda loo dhigaye
Cawrala14 miyuu moodayaa, cadawga reemaaya

Cadadkii Daraawiish ninkay, wada ciseyneysay
Sidii caaddilkii boqor ninkii, cuurku daba joogey
Xirsigii15 na camajaajin jirey, haadda la cunsiiyey

Caydiid16 jaloofihii miyuu, coobbaha u taagey
Goortuu cabsood galay miyuu, nadi ku caaryeeyey
Cantatoobsigii Bood miyuu, caga-bidhlaysiiyey

Cirinciir markii laga arkay, dib u cillaaleene
Cararey! markii lagu lahaa, sow ma carareyne
Cabbaas iyo Cismaan17 Xaaji sow, caado kama jeexmin

Laba Xaashi18 ciiryaamadey, cabaska raaceene
Darmaanihii cutuubiga ahaa, sooma celineyne
Ceeriga maruun bay baqaa, ku callaqnaayeene

Cabdullaahi19 baan uga rab oran, culus dagaalkeede
Codkar geesinnimo looma filo, caynka uu yahaye
Maxamuudna20 tii laga coldhuu, caasigii goconne

Wiilkii cayaaraha nabdeed, la cabdillaynaayey
Wiilkii cilaaq nagu dilee, ciriq xumoonaayey
Ina-Cumar21 cafaaraha dhacuu, caarre jeedlay e

Weligood caddaan lagama helo, caamo hadalkeede
Muusaa22 cargaagtamahayey, igu cabbeebsheene
Goortii la caabbiyey Warfaa, Cali miyuu sheegtay?

Waa cawro nimankii dorraad, ceebta noo wadaye
Mid caallaa cawaarguun midloo, madax la ciiraaya
Mid caabuqa mid caaceeya oo, la candadowleeyey

Mid canda ah caama midaan, caynna garanaynin
Mid cuuclaa mid ceesaan gadhlaa, cilin kabajaaya
Mid calaana coon guuxayoon, caad u baxahaynin

Mid cigcigan mid ceerdhaansanoo, cugufta laabaaya
Mid cafuufan cooflaha kaloo, cuf iyo baarkiiya
Mid cantaray mid kibir caacicayoo, curarka seyraaya

Mid candhuuf tiriiriqinayoo, cadaf ka sii liita
Mid catira cannaasaha manjaha, culuq la jiidaaya
Carmal jilicsan caalyaha mid lula, caarka iyo fiidda

Mid cayuuqa coomaade godan, gorayo caal siiban
Mid cawaran mid daba caysanoo, cayn ku meeraayo
Mid cuqda ah mid ciil hore qaboo, cudur-Alluu-keena

Mid ceeqsaniyo mid ceel qodanayoo, ciidda faganaaya
Mid ciddiya-farow iyo taah diloo, naga cidoobaaya
Intaasoo carrada buuxisaa, laysku caajimaye

Bal haddeyan caawimada diin, ka carfi dooneynin
Bal haddeyan waanada cilmiga, camal u yeelaynin
Oo ayan cooflaha kufriga, ciiro diriraynin

Bal haddeyan coodkooda dhacan, culuq ka reebeynin
Bal maxaa cadaab lagu ridyow, cagidi dhaafsiiyey?

Gabaygan waxaan ka qoray Soofe Durraan iyo Caasha Sh. Cabdille Xasan.
1.Ina-QodobWarsame Qodob
2.Cambuul: Qodax buuran oo ka baxda galoolka iyo sarmaanta, oo markii dabayli dhacayso sidii siiriga u dhawaaqda.
3.Obsiiye: Obsiiye Seed Magan. Waa Sayidka abtigiis.
4.Oogle: Oogle Seed Magan Waa Sayidka abtigiis.
5.Mire: Mire Gorgor Warsamc Magan.
6.Faarax: Qaloombi Waaley Magan.
7.Guuliye: Aw-Guuliye Xiddig Waaley Magan.
8.Khaliif: Khaliif Looyaan Seed Magan, wuxuu ahaa Sayidka ina abtigii.
9.Gaanni: Gaanni Gaalleef Cali Xaad.
10.Ina ayihiisii wax garta lama arag.
11. …
12.Qamaan: Cabdi-Qamaan Aaden Ismaaciil.
13.Abshir Dhoorre: Wuxuu ahaa la taliyaha Sayidka, ammaanduule ciidamada Daraawiishta, geesi dagaalyahan ah, waxaa lagu dilay Garloogube 1927kii, waxaana dilay ciidamada Talyaaniga.
14.Cawrala: Cawrala Sayid Maxamad.
15.Xirsi: Xirsi Cartan Boos.
16.Caydiid: Caydiid Dige Dhoorre.
17.Cabbaas iyo Cismaan: Cabbaas Xaaji Cabdiraxmaan iyo Cismaan Xaaji Cabdiraxmaan.
18.Laba Xaashi: Xaashi Fooyaan iyo Xaashi Cabdi Geydhe.
19.Cabdullaahi: Cabdullaahi Aaden Oogle.
20.Maxamuud: (Daahwareershe) Aadcn Oogle.
21.Cabdullaahi: Cabdullaahi Xaaji Cumar Cusmaan Shiikh, waxaa lagu diley Gondadhiiglc.
22.Muuse: Muuse-Waranle Warsame.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *