Koofil

Markay taariikhdu ahayd 1913kii ayey Daraawiishi ku duushay Ingiriis iyo cawaankiis iyo kuwii miirida u ahaa. Weerar lixaadle ayey ku ballaariyeen degmo ku tiil Burco iyo agagaarkeeda. Maal waxay lahaayeenna gacantay ku dhigeen. Nimankii xoolahaa la dhacay lahaa iyo Ingiriis oo isa soo biirsaday ayaa raacdo u soo birmaday.

Gaal la oron jiray Richard Corfield, oo ka mid ahaa madaxdii ciidamada Ingiriiska dalka Soomaaliya u fadhiday, madaxna ka ahaa rukuubleyda Ingiriis (Camel Corps), ciidankiisii iyo raggii xoolaha laga dhacay ayaa raacdo u soo gurmaday. Xoolihii oo galabtii “Beer” meel la yiraahdo maraya bay garab mareen oo waxay u fariisteen buurta “Dulmadoobe” salkeeda.

Waagu hadduu dillaacay ayaa Daraawiishi xoolihii oo duuban caasha u soo saareen iyagoo aan caad iska saarayn. Markay kaabiga u jireen meeshii colka gaaladu joogey ayay xoolihii hojiyeen, dagaalna ugu hub qaadeen. Dhawr tacshiiradood haddii lays dhaafsaday Corfield, oo colka gaalada madax u ahaa baa la dilay, raggiisiina waa la jebiyey. Madaxii Koofil iyo Gacantiisii midig baa Taleex la keenay si loo rumaysto geerida gaalka. Waxaa la yaab leh nin la oran jirey Ina-Weesaxume oo aan Daraawiish ahayn ayaa Koofil xoolo ka dhacay, dadkiisiina si xun ayuu u galay dagaalkaas ka hor. Dabadeedna ninkaasi wuxuu tirshay gabay kuhaan ah oo uu Koofil ku habaarayo. Waxaa gabaygiisii ka mid ahaa:

Sayidkoo wax galay raacdadoo, la isku soo gaaray

Adiga iyo qubniga aad waddaa, gobootaal noqo e

Ciirligaanku ka joogsay oo, guuxa kaa damiye

Ku googooste nimankii kufriga, gaajaduu qabaye

Afkuna gow ku yiri xaajadaad, gees u badisaaye

Guga ha gaarin adigaa tolkay, gaajadaas badaye.

Dabadeed siduu ninkaasi Koofil u ya’day baa loo dilay.

Jihaadkii markii laga soo noqday ayaa Sayid Maxamad ku yiri Ismaaciil Mire: Xarunta uga warran jihaadkii, ambabixiinnii, weerarkii, dagaalkii, gebagabadiinnii iyo xoolihii saamigaad ka heshay, dabadeedna Ismaaciil Mire wuxuu mariyey gabay, oo wuxuu yiri:

(X)

Annagoo Taleex1 naal jahaad taladi soo qaadnay

Toddobaatan boqol oo Darwiish toogatay neefdoora

Sayidkeennu tii uu na yiri torog ku heensaynay

Shekadaa intuu noo tebbeday noogu tacab qeybi

Ilaahay ha tabantaabiyee ducada noo tuumi

Wareegada rag baa waxay tewali yaan wax kaa tegine

Annana towlka qaalmaha nin iyo tulud u soo saarray

Sibraar caana geel loo tabcaday talax ku sii maallay

Tiirkii Rasuulkiyo sharciga toog ku wada fuullay

Galabtaa taxaabiyo kadlaba toobiyaha raacnay

Habeenkii fardaha waw turaye taag ku sii mirannay

Tun biciida lagu qoofalyow xamashka loo taabey

Talaaduhu markii ay dheceen talalay oo reemay

Tixda gabay markii aan akhriyey toose niman jiifay

Tiraabkaygu meeshuu ka baxay la isku soo tuumi

Salaaddii markii aan tukaday yaarka kaga taagnay

Togga Ulasameed dooyadii horay u tuuryeynay

Intay timacad noo soo arkeen marada noo taage

Annaguna jahaad kama tagnee tiimbad ugu roorray

Sengeyaal tabaadiyo gool weerarka u tooxnay

Tiiraanyo ololkii dhulkii Taani naga qaadday

Tallaala’aydii qaylada Berbera tahan la weydaari

Taambuuglayaashiyo kuway tebeysey soo gaare

Teysaha gugii oo hanqaray tinigtii yeedhay

Talaxumada awrkuu u xiray baqe taraarsiinnay

Girligaanka meeshuu turqaday lagu tunsii geela

Tirsan maayo uunkii tirmiyo tulushle Iiddoore

Gaaladu waxay tacab lahayd taabnay galabtaase

Maadhiin turaabkaa ka badan tuurla kaga qaadnay

Tukihii intaan niman u waray tobanle soo qaatay

Gebagaba u tooxnoo kufriga maarre kaga teednay

Tafwareeman maynine intaan tubay ku aynshaaday

Galabtaa carraabaada ku timi turugga Buuhoodle

Habeenkaa ninkii tabar lahaa tarantarree gaarka

Habeen kalena tuuraha Cadduur toolin kaga maallay

Habeen kale Tagaabeeye iyo tu’innay Haylaawe

Habeen kale Dariiqada tubnoo toosan lagu qaybsay

Tobon gool tabaadiga dhigiyo tobon unuun gooyo

Iyo toban tiftii hore rimoo taani lagu qooqshay

Iyo toban abeer tawllanoo tixinka qaalmoodo

Iyo toban irmaanoo aniga la igu taageeray

Iyo taan eryoon jiray markay tubatahee joogto

Been laguma tookhiyo afaan taabud noqonayne

Intaa xarunta waa tubay xaq waa lagu tanaadaaye

Warka Tuurre2 waa laga hayaa tan iyo Iimeeye

Waa Xamar tarrara oo misana taab ku sii daraye

Taltallaabsigiyo kabtiga tabo kolow dheere

Anigana tis bay galay intaan col ugu taagnaaye

Tuludna uma godlaan reeruhu tawl ka saanyade

Tafantoofka gaalkuu u dilay waa tixgaliyaaye

Suldaan Ruunna loo tebi inuu tuuladii gubaye

Tima soohanloow Eebbahay kuma tabaaleeyo.

Waxaan ka qoray Cabdi Cali Guulecd (Yaar)

1.Taleex: Waa xaruntii Daraawiisheed, waxayna ku taal bartamaha Nugaalced, dhinaca waqooyi. Waxaa la dhisay 1909-1910.

2.Tuurre: Waa faras uu Ismaaciil Mire lahaa.

Markaa ka dib Sayidka ayaa tiriyay gabayga soo socda oo uu Koofil ku hal qabsaday. Wuxuuna Sayidku yiri:

Adaa Koofiloow1 jiitayaan, dunada joogayne

Adigaa jidkii lagugu wadi, jimic la’aaneede

Jahannama la geeyoow haddaad, aakhiruu jahato

Nimankii jannow kacay war hay, jirin inshaalleye

Jameecooyinkii iyo haddaad, jowhartii aragto

Sida Eebbahay kuu jirrabay, mari jawaabteeda

Daraawiish jikaar nagama deyn, tan iyo jeerkii dheh

Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jab iyo baaruud dheh

Waxay noo janjuunteenba waa, jibashadiinnii dheh

Jigta weerar bay goor barqaa, nagu jiteeyeen dheh

Anigana Jikrey2 ila helaan, shalay jihaadkii dheh

Jeeniga hortiisay rasaas, igaga joojeen dheh

Jiiraayaday ila dhacecn, jilic afkoodii dheh

Siday kuugu jeexeen magliga, jararacdii sheego

Billaawuhu siduu kuu jarjaray, jiirarka u muuji

Nafjecleysigii baan u iri, jaallow iga daa dheh

Jaljalleecadii baa wadnaha, jeeb ka soo ruqay dheh

Jeedaalladii baa indhuhu, kor u jillaadmeen dheh

Jimic kagama helin luugmadaan, jirixey ruuxuu dheh

Markaan juuq iraahdaba afkay, iga jifeeyeen dheh

Dhaaxaan jalaacaye dheg baan, jalaq la ii siin dheh

Goortaan jarreerana gefoo, nolol ka jaan qaaday

Sida janannadii horaa tashigu, igu jaguugnaa dheh

Taladii jinnigu ii hormaray, jaasadeed helay dheh

Jiidaha xanuunka leh markii, la igu jeeraarshay

Jibaadka iga soo baxay dadkii, jiifka qaban waa dheh

Markay, rubaddu jaw tiri or bay, iga ag jiibsheen dheh

Jidhkaygii bahal baa cunoo, jiitay hilibkii dheh

Jurmidiyo baruurtii dhurwaa, jugux ka siiyaa dheh

Jiljilladiyo seedaha tukay, igaga jaadeen dheh

Haddaan lays jikaarayn, tolkay laga jil roonaa dheh

Weligood waxaa lagu jaraa, jilibdhig duullaan dheh

Daraawiishi waa jibindhowga iyo, jowga soo bixi dheh.

  1. Richard Corfield: Gaal ka mid ahaa madaxda ciidamada Ingiriiska u fadhiyey dalka Soomaaliya. Waxaa laga soo wareejiyey Naayjeeriya, wuxuuna madax u ahaa rukuubleyda (Camel Corps). Koofil waxaa lagu dilay dagaalkii Ruuga (Dulmadoobe) ee Ingiriiska iyo Daraawiishta dhex maray 1913kii.

2.Waa qori faransiisku sameeyey oo Daraawiishu haysatay.

2 thoughts on “Koofil

  1. Pingback: Maankoriye

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *