La’aye Cali-Geri

Abbaaraha markay Daraawiishi Cal u guurtay xaruntana Jiidali iyo Mirashi laga dhigay, ayaa Daraawiishtii Nugaaleed col ku saartay niman gees u baxay. Waxaa nimankaa lagu galay dhulka Ciid loo yaqaan ee galbeed ka xiga Buuhoodle, si xun iyo si xil leh ayaa nimankaa warmaha loola dhacay. Sayidku markuu ka war helay nimankii in laga libaystay ayuu gabaygan tiriyey oo wuxuu yiri:

Nimanyahow cishiyo leyl war baa, igu cusboonaane
Hadba amar cishiga laga idmaa, cawga ii imane
Cajabayey bal aan dhaho halkii, ila cuddoonaadey

Cawgii baddii iyo anoo, Cal iyo Buur jooga
Warka xalayto Ciid1 yimi, waa cawo adduune
Cajabayey sidee baan qalbiga, uga calool reemay

La ye col iyo gaas baan u kacay, Ceelal iyo Laaso2
La ye Caligeraa3 loogu tegay, cirifka Buuhoodle4
La ye Eebbahay baa caddibay, cadowgii gaaloobey

La ye maalintii lagu cartamay, caymo kama joogin
La ye caagayey! buu yiri dadkii, nagu cayaaraayey
La ye ciilasha aan qabniyo, caradii waa reebnay

La ye Hiirad5 ceeryoon markii, ciiiki lagu boobay
La ye caadaqaataha tukaa, laga casheysiiyey
La ye coobir baa cunay ninkii, cagaba weynaaye

La ye caaqilow Ina-Dhiblaa6, cududihii gooyey
La ye waa calaacalay markii, ciiska lagu boobay
La ye Ina-Cawiifeed7 baquu, Cadan ku weydaartay
La ye cayrta baa diley fuley, caadadiis tahaye!

1.Ciid: Waxa la yiraahdaa dhulka ciidda cas leh ee hawl ku sareeran.
2.Ceelal iyo Laaso: Waxaa loo yaqaan dhulka Buuhoodle ku xeeran.
3.Wuxuu u jeedaa niman xarunta ka fakaday.
4.Arag gabayga 96aad.
5.Hiirad Cagdheere.
6.Ina-Dhiible: Jibriil Cabdi.
7.Ina-Cawiifeed: Waa naaneys Sayid Maxamad u yiqiin Calidhuux.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *