Ma Duqaynay Reer Bari

Abbaaraha taariikhdu markay ahayd 1910kii ayaa Daraawiishi laba qalcadood ka dhisatay ceelka Buraan oo ah togga Jiidali daantiisa koonfureed. Hase yeeshee waxaa ka carooday Boqor Cismaan oo markaas u talinaayay gobolka Bari, iyo Garaad Maxamuud Cali Shire oo Daraawiish ka fallaagoobay, madaxna u noqday degmada Laasqoray, Ceelaayo iyo inta raacsan. Labadaa nin oo madaxda ah baa ku heshiiyay in Daraawiish laga kiciyo ceelkaas Buraan, waxayna marmarsiinyo ka dhigteen inay Daraawiishi nabaddooda halis gelineyso, dalkav fadhiyeenna daabkiisii qabsadeen.

Boqorkii wuxuu soo dumay col tiradiisu tahay aayadaha quraanka cadadkooda (6666), Maxamuud Cali Shirena wuxuu soo dumay col aan waxba ka yarayn colka Boqorku soo diray. Madal waxaa noqotay Buraan. Halkaas 80 nin oo Darwiish ah oo Maxamuud Feyte madax u yahay ayaa lagu qur jaray.

Markii warkii soo gaaray xaruntii Daraawiishta oo ahayd Daarcad oo Taleex u dhaw, ayaa laba talo laysku qabtay:

A)     In lagu duulo Buraan ciidanka qabsaday, si looga soo ceshado.

B)     Iyo in la weeraro degmada Garaad Maxamuud Cali Shire oo Raacin taal.

Taladaan dambe ayaa loo guuxay, oo la guddoonsaday.

Daraawiish oo lug iyo faras ah ayaa weerar ku ballaarisay degmada Maxamuud Cali Shire. Ruuxlihi, dad iyo duunya waxay degmadaasi lahaydna gacanta midig bay ku dhigeen.

Maxamuud-Jaarig oo ahaa la taliyaha Garaad Maxamuud Cali Shire, ayaa fakaday isagoo ku jooga faras la yiraahdo Jiire oo qaylo kula dhex dhacay colkii qabsaday Buraan, wuxuu ku yiri: “Wax iga soo horreeyay ma aragteen?” Waxaa lagu yiri: “Maya.” Markaasuu yiri: “Wax iga dambeeyana arki maysaan”. Markaas ayaa colkii laba talo isku qabtay:

  1. In ciidanka Daraawiishta laga hor tago, oo duunyada laga dhacsado.
  2. Iyo in xarunta loo weydaarto inta ciidanku ka maqan yahay oo la qabsado. Talada hore ayaa loo guuxay, laguna guddoonsaday.

Iyagoo lug iyo faras ah, ayay weerar qabax ku siiyeen Daraawiish oo aan xoolihii weli gurya geyn, hase ahaatee halkaasaa lagu jebiyay colki isbahaystay. Dagaalkaas wuxuu ku caan baxay Habarhumbulle, waxaa laga mariyey dhowr gabay, oo uu ka mid yahay gabaygan soo socda:

Nimanyahow dabuub gabay beryaa, uma dedaaleyne

Wax i daaray mooyiye xalaa, laygu soo degaye

Aan dabeebto gabaygu waa, dab iyo baaruude

Onkod dininiglayn baan ihiyo, dirirkii cawleede

Daad soo rogmaday baan ahoo, dooxadii yimiye

Aan durduro dabaal baan ku mari, dool la ii xiraye

Dayax iyo shamsaan ahay haddaan, la idafirahayne

Gudcur dama habeen dumay, cirkaan dacal ku nuuraynin

Ma diyado tillaabada ninikii, dowga marayaaye

Dugsi haddaan la helin, dhaxanta waa lagu daddoodaye

Dabaylihiyo fooraa la tegi, daar waxaan geline

Deyradhagafyadaan shidahayaa, dogobxo waaweyne

Dulbaax malaha xaajada middaan. diirka ka caddeyne

Diirfimo halkii aan lahayn, waa sidii danafe

Waxa dunida qaarkeed ka dhacay, dood aan ka iraahdo

Daayimow Allahayow adaan, dunina moogayne

Daandaansi ina-adanaa, loogu dawgalaye

Deyn nimaan ka qabin buu, nafluhu daba gelaayaaye

Haddii nalaku soo diray khalqiga, Dir iyo Daaroodba

Warsangeli haddii uu dunjigii, iyo diricyo soo qaatay

Dashiishiyo Majeerteen haddii, deexda laga keenay

Guutadii la soo dumay, haddii nalaku soo duushay

Wax la soo dandaanshaba, haddii nala dul gowdiidshay

Dildillaaca waaberi, haddii nalagu sii daayey

Annagaan digniin qabin haddii, nala dareensiiyo

Digta weerar qoobkii hadday, dinigtii yeedhay

Doonyada uluuftaa hadday, Daalo1 kor u dhaaftay

Qaylada dalluunta ah haddii, nala dareensiiyo

Degdeg inaan u soo roorro waa, daw lad alabkeede

Ma dul keennay kuman duub cadoo, wada Daraawiisha!

Dikri hadduu ku soo galay xarbiga, aniyo duulkaygu!

Dayaydii horteedaba baqay, dabada taageene!

Diigaanyo ciidana miyaan, daafta kala raacay!

Sidii aar daloombi markaan, ugu dinnahyeeyey

Dulihii shareerraa markuu, dibawga jiiraayey

Daanyeerku meeshuusan marin, dani ma jeexsiisay!

Danbi ma leh cadaawaha ninkii, deli ka xooraaye

Derajuu Ilaahiis ka heli, labada daaroode

Dabku iima naxo nimay, kufriga deris wadaagaane!

Ferenjiga direyska leh kuwii, diiradda u qaaday

Iyaguba dariiqada Alliyo, diinta caasiya e

Waxay noo duleedsheenba waa, door weynaha e

Dulmigaan bannaanayn kuwii, doofil ugu hiisha

Haddaan daayo waa aniga oo, daawadii furaye

Danabkii rasaaseed miyaan, diillin kaga yeelay?!

Dareemada ka badan meydka yaal, didbta buureede

Dhiiggoodu sida doogsin roob, wawsagii duxaye

Dugaaggii hilbaha quudan jiray, loo dayaafadiye

Nimanyahow af laba daan leh, baan muranka deyneyne

Daleelaha cidlaa lagama shubo, hadal daleeleede

Ma duqaynay reer Bari, wuxuu doonayuu helaye!

Aniguba dilkoodaan ku helay, libin daboollayde

Daa’irada Eebbiyo markii, deeqa nala siiyay

Ma dabbaaldeggiyo muufahaa, duhur la gaarsiiyay?!

Duca awliyaad buu qabaa, degaha Tuurwaaye

Waa nimanka gaalada deldela, doog iyo abaare

Waa nimanka doofaarradii, daariguu jaraye

Roobkiina waa kaa u da’ay, duraha jiilaale

Waa kaa dalkoodii ballidu, wada duraabtaaye

Waataa arladii daahirtee, diib ka soo kariye

Cawskii dumayoobey baa, doog ka soo baxaye

Dallaqyadiyo dooxooyinkiyo, diisha iyo qaare

Dunqaarihiyo xamashkaa sidii, diriq la moodaaye

Maalkii diraacdii dhalaa, doobte loo culanne

Duunyada wax laga maalayaa, daranii caanoode

Rabbigii dawaa’iga sidaa, deeqi noo ridaye

Afartaa dujaye balaan mid kale, deelka ka higaadsho

Aan dabeebto eeggana halakay, damacday laabtaydu

Dowcad kalena waa Ina-Mashire, hadal aan deeqsiiyay

Aday deyrshay maantaan ahaa, duri xigaalkaaye

Adigay dafiray sidii anoo, duul shisheeye ahe

Waataynu derisnaye adaa, daawadii furaye

Doolaalo adigowgu tegay, gaalka duufka lehe

Adigaa dariiqada Alliyo, diinka caasiyaye

Goortaan ku daayana adaa, diiday nabaddiiye

Wax dhaaxaan dedaalkaa u maray, deli ciriiryoone

Wax dhaaxaan dunqaaraha lahaa, dib uga soo jooge

Maantaa dubbii kugu dhacaye, duxi ha kaa raacdo!

Waadigaa degagaye sidii, dalow u meertayso!

Ama deyrka xiro waa taqaan, dabin ishaalleeya!

Ama doofil qabo cayri waa, diifta kugu taale!

Ama quud duleedaada ka xaab, dereg haddaad weydo!

Ama daaliboo bari inuu, kuu dawaro uunku!

Ama duunyaraac noqo cidlaa, kaaga sii darane!

Ama doonyihiyo Saaxil iyo, Cadan dillaaleyso!

Ama dooy u dhoofoo u carar, dalaan la gaareynin!

Ama sida dirkiinnii cashriga, dogobbaduu raaro!

Ama duurgal iyo tuugo iyo, dagati uun dhawro!

Ama dahada gaal baad tahaye, dacay ha kaa saarto!

Ama dooraweynow baqdaye, dirir u soo joogso!

Waxaan ka qoray Ciise Faarax Fikad.

1.Daallo: Waa buur arag wanaagsan, dhir kala duwanina uka baxdo, oo dadku waa u temeshle tago. Toban mayl bay u jirtaa magaalada Ceerigaabo xagga waqooyi.

3 thoughts on “Ma Duqaynay Reer Bari

  1. Buraan waa halka aan ku dhashay, aasaarta taariikhdan oo dhan waa ka muuqataa ilaa hadda.

    1. Asc walaalayaal waad mahasantihiin,
      Lkn hal qodob ayaan idin xusuusinayaa,
      Sida aad sheegteen waxan waa kayd ay dhaxli doonaan jilaalka dambe,
      Gabaygan markaan akhriyay waxaa ku jiro khaladaad taasoo micnaha gabayga wado kale u leexinayso. marka khayr Alle ha idin siiyee sifiican u tafaftira oo dhagaysta cajaladaha laga duubay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *