Ma Sabaan Ka Sabaan Baan

Wax badan baa Ingiriisku ku dadaalay Daraawiish inuu heshiis nabadeed la dhigto. Taasi waxay keentay in xaashiyo badan lays dhaafsado, si waanwaan nabadeed loo helo. Daraawiish waxay la ahayd inaan taas sina loo arkayn iyadoo Ingiriis dhulka Soomaaliyeed isaga mooyee, iyo dad iyo duunyo wixii Daraawiish maagga iyo gardarrada uu uga dhacay ama uga laayey isagoo bixiya maahee.
Guyaal badan hadday taasi socotay, guul iyo go’aan midna aan laga gaarin, qallooc iyo qunjuruufana Ingiriis dayn waayay, dagaalna lagama maarmaan noqday, ayaa Daraawiishi col qalqaaleen. Usagoo Sayidku colka guubaabinaya oo guuto bixinaya, wixii lagu falay iyo waxa ka maqanna xasuusinaaya, waxay ka fali doonaanna u tilmaamaya, ergo iyo af beenina inaanay wax tarayn ogeysiinaya, waxa la gudboonna u shcegaya, waxa la filaayana samasaadinaaya, ayuu yiri:

Ma sabaan ka sabaan baan, nabad saafi ahaayoo
Sukuudoo edeb yeeshayoo, sowd xun aanan lahayn

Ma sabaan ka sabaan baan, salowgaan kicinaayiyo
Saryankaan eryanaayiyo, sakhraankii iska daayay

Ma sabaan ka sabaan baan, so’yaqaanka dugaaggiyo
Haadkii aannu sabaynayn, soominnoo qadinayoo

Ma sabaan ka sabaan baan, safarkaygu xirnaayoo
Suuqyadii Buullaxaar1 iyo, Saaxil2 aannan tegeynoo
Ma sabaan ka sabaan baan, sabadii Cagadiid3 iyo
Suubaankii Ballishiil4, Soobir aannan ku maalin

Ma sabaan ka sabaan baan, sida siigiyo cawsha
Saraar meerid ahaayoo, saafuroo aan maqnaayoo

Ma sabaan ka sabaan baan, sowjad aan nin lahayniyo
Sebi aabbihii waayay, sabab beena ku daajay

Ma sabaan ka sabaan baan, silcayeyda haweenkiyo
Salowgii ka baxaayey, saraarkii gelin waayay

Ma sabaan ka sabaan baan, ergo soogan ahaayoo
Suudigii aan maraayey, sammaadeeyay jirkaygoo

Ma sabaan ka sabaan baan, raggaygii la sadqeeyay
Soofkaygii la xaraashay, sed yaa iiga cesha subax noolba lahaa

Ma sabaan ka sabaan baan, Sumeynow5 ina daa iyo
Sarkaalowda hayayoo, saamacow lagu waayey

Ma sabaan ka sabaan baan, su’aashii Rabbigey iyo
Subxaanow Nebigii iyo, saalixiinta xusaayoo saacaygi i hayey

Saxayoo maxumaynoo, sarmaseegto u diidayoo
Sowd kalaa daba yaallee, bal aan kaana sifeeyo

Ma xalaa la i suurshoo, samadaa la i geeyoo
Salaloo isla boodayoo, saarkeygii i qabtayoo

Ma sawaadka habeen baan, inaan suulasha laabtiyo
Sin intaan u fariistiyo, neexadkii kari waayey

Ma salaadda Ilaah baan, sahwiyoo garan waayey
Ma soortii aan cunaayaa, sibir ii dhadhantayoo

Ma sawaalka boqoolaan, sardankaan guntanaa iyo
Sammaddii aan maraayaa, sugulkaa iga yeelayoo

Ma suugaanta nabadeed iyo, samaan baan la helaynoo
Inaan saamax ahaadaan, sina loo arkihaynoo

Ma samuuladka roob iyo, suuligii Maka yiilliyo
Sibbaakh khayli la moodyow, Dhooddi6 baan salabeeyoo

Ma fankaa sallaxoobayoo, sinmayoo aan dhinnaynoo
Ma sakaarkiyo laabtay, sikiibowday baruuroo

Ma sarbaabka qandoodkiyo, surka baaca ka weyn baa
Wax suurreeya la waayay

Salalkii caddiintiyo, sudeenkiisa dushiisiyo
Salladaan ku fariistiyo, sararuu ma balbaayoo

Guudku soohdin haruur iyo, ma sabuul baxay baa
Dhegihiisu salaadooyin iyo, samayooyin miyaayoo

Sanqaroorkiyo fooddiyo, sawriciisa wanaaggiyo
Salaantiisa wujuuhdu, ma shiikh saahidabaayoo

Seedihiisiyo jiidhku, ma soofaa adakaayo
Afartuu ku saqleeyo, ma safeexad biraayoo

Hadduu soosiyo qayliyo, sannahaabo dareemo
Indhuhuu selledaayoo, ma siraad la shidaayoo

Mar haddii salow daaro, salaaxiisiyo shiishtiyo
Sin ha looga wareegiyo, saahidkey badanaayoo

Haddaan suufka hullaabto, sabarkiisa boggaagiyo
Sarruxuu hinqiyaaye, ma saaweer qalanjaayoo

Sanqaraare caroodkiyo, safalkiisa buruudku
Ma subbeehi iblaysoo, saacaddaynahayaayoo

Meelay siigo ku duushay, seenyo ay olollayso

Wixii saab la ahaayiyo, sarkaalkii lagu toogtuu
Ka sad qaadan yaqaane, suuddannay ma jinnaayo

Saxayoo ma xumayno, sarmaseegto u diiday
Sowdkalaa daba yaallee, bal aan kaana sifeeyo

Ma siddeetan ululufoo, saadadii jabartiyo
Sinjigay laga uumaa, siraayuu guntatayo

Ma siddeetan ululufoo, sadarkii cilmigii iyo
Suuraddii albaqraad, subcisaa umashaayoo

Ma siddeetan ululufoo, saajacoo aan baqaynoo
Suufiyoota dagaalkaa, saanadii xiratay

Ma siddeetan ululufoo, sumicii wadatoo
Saabuul khayli ku joogtaan, sida suurka afuufi

Ma Soomaali riddowdaan, midaan saabka ka toogtiyo
Midaan suunka ka gooyiyo, midaan saabir ka yeelo
Saddexdaa aan huraynoo …

Ma safkaannu collowniyo, suweeyaa inankiisiyo
Saaxir xayra dayeenaan, sadaqo looga luraynoo

Kuwii suudha xumaa iyo, kuwii seynta lahaa iyo
Maan safkii Hagar Aaden, sogob aanan ka yeelin

Kuwii diinta siraayey, sallallaahu caleeyhi
Sunnihiisa khilaafaa, sandalaa laga jeexi

Ma kuwii sunta leefiyo, saruuq baan fakanaynoo
Ma ruuxaan sababaa baan, sayi’aad ka kordhaynoo

Ma sawaab iyo khayr baa, samaydayda ku dheehan
Waa siyaada Ilaahe, ma sareedo adduun iyo
Simaadhii jannadii baa, nala siinahayaayoo

Ma Subayr-Cabdilliyo, intii diinta siraysiyo
Intii loobadda seegtaa, ka subxaana lillaahiye
Sakharay lagu geynoo!

Waxaan ka qoray Xaaji Ismaaciil Dhoon.
1.Bullaxaar: Waa magaalo fil weyn oo u dhaxaysa Berbera iyo Saylac.
2.Saaxil: Waa magac labaad oo waagii hore Berbera la oron jiray.
3.Cagadiid: Ceel geela loo arooriyo oo ka mid ahaa ceelasha Cadmeed.
4.Waa balli hawd ah oo Buuhoodle dhanka koofureed ka xiga.
5.Sweyne: Wuxuu ahaa sarkaal ka mid ah Ingiriiska oo Daraawiish la dagaalamayey, derajadiisu waxay markaas ahayd Gaashaanle dhexe (Lt. Colonel). Daraawiishi waxay u tiqiin Sweyn-Cawar.
6.Dhooddi: Wuxuu ahaa faras qurux iyo dheerayn caan ku ah, hortiina waxaa lahaa Xirsi Cartan Boos, dabadeedna Sayid Maxamad buu hadiyad u siiyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *