Qaali Waxaad Tiraahdaan

Waxaa la yiri gabar Ina-Sayid Maxamed ah oo la oron jiray Qaali, ayaa aabbeheed hore u arki weyday, dabadeed farriin bay ugu fartay eeddadeed Jamaad Sh. Cabdulle oo waxay ku tiri:

Jamaadey1 ayeeyoy, erey yar mayaga geysaa
Caaqilow adoogeey, caaway ma iigu sheegtaa
Mase waan cawdaayoon, cid kalaan u yeedhaa
Maro waan qabaayee, qalbigeygu wuxuu rabo
Baftadii caddeyd iyo, subeycidii guduudneyd
Xariirtii aan magacdhabay, mashiikh baan u leeyahay
Mareekaanta weyn iyo, marbuucdaanan dooneyn.

Sayidku markii hadalkaas loo sheegay wuxuu isna gabadhii u mariyay gabay oo wuxuu yiri:

Qaali2 waxaad tiraahdaan, qowlkaagii ii yimid
Dharkaad u qawadaysiyo, qalbigaagu wuxuu rabo
Qaddar Eebbe mooyee, qayb waa lagaa siin
Qurxi hadalka aad tiri, qababoosh ma fiicna e
Quraankana ha laayicin, salaaddana qalle u diid
Habartaana qaarido, waalid laguma qooqe
Qabbaan iyo farsamo baro, yaadan qiiqa beeline
Qoyskiinna mooyee, qolo kalena haw tegin
Hugaagana qordheeyoo, qalyannimo iska ogow
Quudkana iskaga tuur, ninkii raba ha qaatee.

1.Jamaad: Waxay ahayd Sayid Maxamad walaashii.
2.Qaali: Qaali Sayid Maxamad Cabdulle Xasan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *