Sayid Baa Ka Baqay

Nin la oron jiray Colujoog Aadan Jugle ayaa wuxuu mariyey, gabay faan ah oo uu ugu gooddinaayay dadka ay xeefta iyo xafiiltanka lahaayeen. Gabayga halkudheggiisu wuxuu ahaa:

(S)
Sayidkoo ka baqay geelayaga, Seeto soo degaye
Seenyoy waxaa lagu maalayaa, aniyo Saacwaale
Saakana wax sahan loogu diray, Lebisagaalaade.

Sayid Maxamad markii gabaygaas loo mariyey waa ka dhirfay, siiba tixda isaga magacaabaysa, muddo ka dib ayaa ninkaas geelashoodii iyo kuwii la xerada ahaaba Daraawiishi gacanta ku dhigtay. Goortaasaa Sayidku gabaygan mariyey isagoo tixraacaya gabaygii Colujoog mariyey, wuxuuna Sayidku yiri:

Geela siisahaygii arkee, Seeto1 laga cayrshay
Ee suudigii lagu eryiyo, soolka iyo hawdka
Oo Lebisagaalaad2 maree, Saaxil loo qaxiyey

Sayid baa ka baqay waa halaan, saabka galihayne
Nin waliba sinjigii waa tagaa, siiraduu yahaye
Alla hadalku saxariirsanaa, waa sab alabkeede

Waa sugurdhe Colujooga3 yiri, saajac baan ahaye
Saraakiil nin gowracahayuu, saa’ilahayaaye
Hadduu Sugulle Caynaanshe yahay, sidaa ma yeeleene

Wiilyahow salaafxumada waa, saymhoo kale e
Waa lagu sixraye kuma dhacdeen, surin ciryoone
Sirqayahay waxaad raadin waa, sababul mowdkiiye

Adigaa salaadsaday inaan, soofka kaa dhaco e
Waa saadsataye Ina-Jugloow4, silic ma joogteene
Saakana maxaad oran lahayd, saabir baad tahaye.

Waxaan ka qoray Xaaji Jaamac Ismaaciil Dhoon. Waxaa ka dambeeyay gabayada 61aad, 95aad, 96aad, iyo kan 101aad.
1.Seeto: Balli ku yaal Burco agteeda.
2.Lebi Sagaalo: a) Sagaal geed oo lebi ah oo ku taal banka aroori dhankiisa Hawd. b) Tuulo u dhexaysa Dabagoryaale iyo Ina-Guuxaa.
3.Colujoog: Waa Colujoog Aadan Jugle.
4.Jugle: Colujoog Aaden Jugle, Sayidkaa gabay u mariyey. Eeg gabayga 99aad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *