Shiikhyaale

Ciidamada Daraawiishta waxay ka koobnaayeen afar guuto oo isku xiran:
1.Maarreweyn, oo ahaa nimanka dagaalka u qeybsanaa, dibaddana wareega
2.Qusuusi, oo ahaa nimanka Daraawiish talada u hayey.
3.Gaarhaye, oo ahaa nimanka xarunta ilaaliya iyo laamaheeda.
4.Reer beedc, oo ahaa nimanka xoolaha dhaqaaleeya.
Intaasoo idil markii laysku qaybiyo waxay u qaybsanaayeen toddoba col, oo midba lahaa xoolo u gaar ah oo laga maamulayey xarunta weyn. Shiikhyaale, Golaweyne, Taargooye, Indhabadan, Miinaale, Dharbash, iyo Ragxun. Col cololkaas ka mid ah oo ahaa Ragxun ayaa geeloodii la dhacay, dagaalna looga adkaaday. Haddaba Sayidkoo colkaa dhaliilaya, col kalena ammaanaya ayaa wuxuu yiri:

Shiikhyaale1 gaade iyo col weyn, haatan laga gaarye
Goor iyo ayaan nimanku waa, gaardiyahayaane

Golweyne2 maantii la galay, gaaladii jebiye
Girligaanku waatuu la dhacay, Gureygii3 fiicnaaye

Taargooye4 kama soo gabbado, guuyadiis dhacane
Gaalaysku waa gelin hayaan, nimay la gaaraane

Indhabadan5 rag wada guurtiyo, geesiyaa dhalaye
Ninna uma garaabaane dan baa, looga gees maraye

Goobta Miinaalaan6 laga eryoon, Geydho iyo laane
Abidkood goob laysku galay, geeri ma la’aane

Dharbash7 Eebbahay baa galladay, goob u dirirkiiye
Abidkoodna ceeb lala guri galo, guri ma keenaane

Ragxuntii8 gafuurrada xumayd, taa la garan waaye
Geeloodii waa tuu la tegay, gucun Majeerteene!

Waxaan ka qoray Abokor Seed 1973kii.
1.Shiikhyaale: Waa colka koowaad oo ciidamada Daraawiishta ka mid ah.
2.Golaweyne: Colka labaad ee ciidamada Daraawiishta
3.Oogle-Gurey.
4.Taargooye: Ciidanka afaraad ee Daraawiishta, Gu’ magaciis oy Daraawiishi ka soo guurtay Doollo oo goysay silig isu haya Buuhoodle iyo Docmo.
5.Indhabadan: Colka saddexaad ee Daraawiishta.
6.Miinaale: Wuxuu ahaa geel tiro badan oo reer bari ka dhacay Daraawiishta, dabadeedna dagaallo badani ka dhaceen.
7.Dharbash: Colka lixaad ee Daraawiishta.
8.Ragxun: Colka toddobaad ee Daraawiishta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *