Xirsiyo Dabuub Gabay

Darwiishka la oron jiray Xirsi Diihaal Halanje, ayaa Sayidka dhowr gabay 00 kala duwan u mariyey, kuwaasoo uu ku leeyahay Daraawiish goobtii Jidbaalle ayaa lagu jaray (Jidbaallena wuxuu ahaaa goobta keliya ee Daraawiishta lagu jebiyay, tii diyaaradaha maahee). Ninkani Sayidku wuxuu ka doonaayey in duullaan la wado oo Daraawiish dagaal gasho, raggii la laayeyna loo aaro. Wuxuu kaloo Sayidku weydiisanaayay xoolihii baa jiilaalka dhaafiyaye in wax loo taro, gabayaduu mariyay waxaa ka mid ahaa kuwa halkudheggoodu yahay:

Sambab bayga dhacay giir yartii, sixinka weyneyde
Saddex neef kolay tahay wuxuun, sacabka ii saara
Mase waa samraa waa adduun, suu ahaan jiraye
Dalaqyadii jidbaalaa indhuhu, iga didaayaane
Lafta diiran goortaan arkaa, la i diilaacshaaye
Aabbaw ha diidine ciyoon, Delob u heensayso
Duufaan hadduu ila tagoo, ila dawaareeyey
Deyl iyo haddii laygu daray, odayga Diibaala
Inaan daaluqso maxaa, dana oo ii dhaama?

Sayidku wuxuu qaadan waayey saddexda tubuc ee hore hadalka u dambeeya, wuxuuna yiri: “War ma anigaa dagaal diiday?” Wuxuu intaa ku daray: “War qayladaan aad waddaa cadowgay u digaysaaye jooji.” Xirsi wuxuu sidaas u qaatay inaanu Sayidku dagaalkaba dan iyo daarad ka lahayn. Kolkaasuu Xirsi hadalkii meel aan lala rabin gaarsiiyay, dabadeed Sayidka ayaa mariyay gabaygan soo socda oo wuxuu yiri:

Xirsiyoow dubuub gabay ninkii, dabacaan ahaye
Ninkastoo dabeebtaba anaa, duray halkiisiiye
Macnihii daboolnaa ninkii, daalacshaan ahaye
Dulkuneefle oo idil wixii, Dir iyo Daarooda
Dadku waa ogyahay inaan nafluhu, igu dabbaalayne
Ninkii daawadiis ila dhigtaa, talo ka diimoone
Durdur aan go’ayn lama yiraah, waa darfiyayaaye
Badda diiqalyeyn laguma shubo, dowlis iyo yeele
Waxse daal u go’a waa ninkii, dara wadaamaaye
Dayixiyo dujuumaadka layl, waa sidii danafe
Deyrdeyrka hore yaa arlada, lagu dayoobaaye
Goortii shamsadu daahirtay, dunidu nuurtaaye
Iskuduubka hore waa gammaan, daabbaddoo idile
Ha yeeshee dameer iyo farduhu, waa da’ kala weyne
Dooyada waxaa lagu galaa, dooddiyow Xamare
Wax dagaal la geeyaa ninkaan, deyrka jebineyne
Dudda geesiyaan nixin markay, dilaydu yeedhaaye
Goortuu dinaahshuu fuluhu, dib isu laabaaye
Doqon iyo nin raga looma simo, deeqi loo gato e
Ninkii daacaddaa talin hayaa, dahab la siiyaaye
Mar hadduu abaaldooris yahay, daafta laga raacye
Danni iyo yiqiinaad hubtaa, kala dubaax roone
Dululaati maran bay indhuhu, dar u malccyaane
Daa’imo harkii bay dedbuhu, daad u noqotaaye
Afartaa intaan soo dewaray, deel ma ka higaadshay
Doollaab xiireed sideed, diillin maw mariyey
Dawcad kalena waa anigiyo, dan iska sheeggeeye
Wiilyahow dubuubtaad i tiri, laygu dacareeye
Kufraad derajedeynaysaa waa, dururudiinniiye
Dar Alleynu leennahay haddaad, igu dambowdaane
Duunkayga keliyaa la cola, duufillaha geele
Duullanka goortaan wacaan, iga digaysaane
Goortaan idin dareensadana waad, iga dideysaane
Sidii deero yaacdaa kurtiin, sii durdurisaane
Wiilyahow dadkii aad ahayd, nagu dafaarowye
Dekeddii Cadmeed bay tageen, duulkii reer Gorode
Guuleedna doon baa hariyo, duqa Ileeyaaye1
Warfaa Cali siduu doox u yiil, deexda laga waaye
Dunjiguu ahaa reer Yaryare, waysagii didaye
Deyl iyo waxaa idin hor maray, odaygii Diihaale
Adna waxaad la dabandeebi waa, daallinnimadiiye
Waxaan idin dabaalsiin jiraad, dararinaysaaye
Waxaad iga dalbaysaa inaan, kuu dayaafado e
Dowgii adoogaa maraad, dabagalaysaaye
Asaguba wuxuu doy u kacay, deyrihii hore e
Haddeeruu dillaallanahayaa, dalaski dheeraaye
Dani nimay waddaa baa tahaan, duunyo badan hayne
Waxa kaa dunuunicinna waa, duraha jiilaale
Arigiinna waa ka dalmoo, kaa diraacsadaye
Anna daayinkey iguma qadin, daalib ii yimi e
Dacaam siiyayaa iyo wan weyn, ugu digsiiyaaba
Duleedkayga niman soo martiya, dib uma gaajoone
Markaan dirirray gaalada ninki, doofil iga raacay
Sidii duul shisheeye ah ninkii, deero iga yeelay
Dugsigiyo gabbaadkli ninkii, igu dabayleeyay
Ninkii diinka caasiyay markii, lagu dadaalaayay
Duullaan ninkii igu nacay markaan, Deleb u heenseeyey
Ninkii igu dulaaqsaday maalintaan, anigu doonaayay
Daawada ninkii igu furee, igu dugaagoobay
Ninkii duunyadoodii ka tegay, duraha jiilaalka
Degmadooda oo dhaqan ninkii, dalasluhuu meeray
Adiguba danwaa u tiri, hadal daleeleede
Dooc waxaan kuu gelinayn, haad daalib leedahaye
Maandhow maxaa kugu dirqiyay, duujadiyo ceebta?
Deelqaafka xumi waa waxaad, dir u lahaydeene
Hadalkaan daliil loo helayn, waa duf iyo beene
Duuflaal inaad tahay, maxaad aniga ii daartay?
Abidkaa dariiqada Allaa, diradiraysaaye
Ragga diinta saalixiyadaa, dira tiraahdaaye
Daa’irada baas iyo billay, dooshu kula meertay?
Doqonyahow ninkii kaa fiican waa, laga dambeeyaaye
Deli laguma dhaco oo ninkii raga, looma duur xulo e
Goortuu dabbaaraha shidaan, daaqad loo heline
Dalaqyadii Jidbaalle iyo halkaad, igula daalayso
Dani kaama haysee, anaad igu danqaysaaye
Alla dugay! iyo weyda waad, igu dagaysaaye
Yaa duhurka maanta ah tolow, ila dareeraaya
Raggii idinku docogaysan jiray, duray ma siicaane
Adinkay dalleenshaye miyaan, ferenjigii daayay
Wiilyahow dakaanadayda maqan, daara haw geline
Daraawiish kuwii jaray adaa, iiga sii darane
Waxba hay danqine waa qabaa, deyro iyo ciile
Dalka waxaad ku joogtaa intaan, kuu debcahayaaye
Mar haddii dareenkaa i galo, daar kalaa xigiye
Waxaan kuu dawaafinahayaa, daaqatiyo faafe

Waxaan ka qoray Ciise Faarax Fikad iyo Bile Ciise.
1.Ileeye: Ileeye Maxamad Diiriye Cali, wuxuu ahaa oday talaggal ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *